27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

35 xaqiiqo oo cajiib ah oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato dalka Qatar

1. Waa waddanka ugu daqli badan adduunka marka la eeko shaqsi walba inta kusoo aadeysa, taas oo dhan qof walba iney kusoo aado $146 kun sanadkii.

2. Waa waddanka labaad ee ugu taajiriinta badan dunida, waxayna gaarayaan 30 kun oo milyaneero ah.

3. Waa Waddanka koowaad ee Carab ah iyo waddanka afaraad ee dunida xagga tayada waxbarashada.

4. Waa Waddanka koowaad ee Carab ah iyo waddanka lixaad ee dunida xagga tayada caafimaadka.

5. Waa Waddanka koowaad ee Carab ah iyo waddanka 20-aad ee dunida xagga la dirirka musuqa.

6. Waa waddanka labaad ee dunida ugu amni iyo nabad galiyo badan, aysana ka dhicin falal argagixiso.

7. Waa Waddanka koowaad ee Carab ah iyo waddanka 12-aad ee dunida xagga tartanka tabinta wararka aduunka, waxeyna leeyihiin Shabakadda Aljazeera oo 7-sano ku guuleysatay tebinta wararka deg-dega ah.

8. Waa waddanka Koowaad ee dunida xagga shaqo la’aan aysan ka jirin.

9. Lacagta hanti maguurtada ee uu lee yahay Bankiga Qatar waa 1.1 Tiriliyon.

10. Bankiya Qatar waa kan ugu weyn bankiyada Carabta waxayna heystaan lacag dhan 520 bilyan o riyaal.

11. Waxay maalgashi ku sameeyeen 39 dowladdood waxaana u taalo lacag dhan $300 bilyan.

12. Waxay sheer ku leeyihiin bankiyada Yurub ugu caansan sida Barclays Bank iyo Credit Suisse.

13. Waxay lee yihiin baqaarka ugu weyn dunida ee lagu gado qalabyada raaxada sida mobilad, Dharka, aqalka iyo gawaarida raaxada, wuxuuna ku yaal London waxaana lagu magacaabaa Horrods.

14. Sanadkii waxay cilmi baaris ku qarash gareeyaan lacag dhan 6 bilyan.

15. Qatar Airway waa shirkadda duulimaadyada ee ugu kobaca badan dunida waxayna lee dahay 170 diyaaraddood.

16. Shirkadda isgaarsiinta Qatar Telecom waxay ka shaqeysaa 17 dal waxayna lee dahay 107 milyan oo macaamiil ah.

17. Qatar waxay lee dahay 28% dhismayaasha ugu dhaadheer ee ku yaal London.

18. Dhamaan muwaadiniinta Qatar waxaa caafimaadkooda dhiiba dowladda marka lagu daaweynayo dalalka dibadda ah.

19. Waa waddanka kaliya ee dunida ee korontada iyo biyaha ay yihiin lacag la’aaan.

20. Waa waddanka kaliya ee aan caanshuur la qaadin.

21. Hamad Airport waxaa loo aqoonsaday airport ka ugu fiican dunida.

22. Waa waddanka koowaad ee dunida ugu qeybsiga fiican internetka Fiber optic.

23. Waa waddanka koowaad ee dunida ugu kaaba yaasha qurxoon.

24. Waa waddanka koowaad ee dunida ugu horeeyo keyxsashada lacagta.

25. Waa waddanka ugu nabad galyada badan xagga ka hortaga dhibaatooyinka.

26. Waa waddanka koowaad ee wadamada Carabta ee ugu dhaqsiyo badan internetka.

27. Waa waddanka koowaad ee wadamada Carabta ugu cunada helista fiicaan.

28. Waa waddanka koowaad ee wadamada Carabta ugu fiican hormarinta Bini aadamka.

29. Waa waddanka koowaad ee wadamada carabta ugu fiican hormarinta suuq gaynta.

30. Waa waddanka koowaad ee wadamada carabta ugu fiican duulimaadyada.

31. Waa waddanka koowaad ee soo saaro LPG ( Liquefied natural gas).

32. Waxay lee yihiin gaadiidyada labaad ee ugu weyn dunida ee isku gudbiyo shidaalka.

33. Waxay leeyihiin 15 bilyan oo haamo shidaal ah taasoo ku filan 40 sano.

34. Waxay lee yihiin 900 tiriliyon fiit oo seddex jibaaran oo shidaal ah taas oo ku filan 143sano.

35. Waa waddanka afaraad ee dunida ee soo saara petrochemical.

Waxaa qoraalkan soo tarjumay Abdifatah Barre

Laba wajiilenimada Mareykanka: Qatar oo shaaca ka qaaday xaqiiqda Taalibaan iyo asalka khilaafka khaliijka

Doha (Caasimadda Online) – Dowladda Qatar ayaa martigelisay Ururka Taliban kadib markii ay sidaas ka codsatay dowladda Mareykanka, sida uu Al-Jazeera u xaqiijiyey wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar.

Mutlaq Al Qahtani  ayaa sheegay in dowladaha Khaliijka ay marti geliyeen ururka Taliban ee ka dagaalamo dalka Afgaanistaan kadib markii ay sidaas ka codsatay dowladda Mareykanka.

“Dowladaha Khaliijka ayaa marti geliyey Taliban, waxayna aheyd codsi uu Mareykanka soo gudbiyey, waxayna kamid aheyd siyaasadda albaabada furan, si loo fududeeyo wadahalada Mareykanka iyo Taliban loona xaqiijiyo nabadgalyada” ayuu yiri.

 

“Qatar waxay fududeyneysay wadahalada u dhaxeeya Taliban iyo Mareykanka, Taliban iyo dowladda Afghanistan” ayuu sii raaciyey.

Xafiiska Talbian ee siyaasadda ayaa dalka Qatar laga furay sanadkii 2013, mana jirin ilaa xilligaas wax hadal ah oo kasoo yeeray dalka Mareykanka kuna saabsan arrintaas.

Hadalka Al Qahtani ayaa imaanayo xilli Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu Qatar ku eedeeyey inay waligeed taageeri  jirtay argagixisada ayna tahay mid taariikh dheer soo jirtay inkastoo ay Qatar inkirtay.

Madaxweynaha Mareykanka wax daliil ama caddeyn ah uma keenin eedeyntii uu u jeediyey dowladda Qatar oo aheyd inay waqti badan  taageereysay argagixisada.

Hadalka kasoo yeeray wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa muujinayo laba wajiilanimada dowladda Mareykanka, waxayna Qatar ku eedeysaneysaa arrin ay iyada markii hore ka dalbatay oo aheyd inay furto wadahadal ku saabsan Taliban iyo Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Doha
[email protected]

Sawirro: Maxay ka wada hadleen R/W Kheyre iyo Hailemariam Desalegn?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa la kulmay dhigiisa Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo safarkii ugu horeeyay ku tegay Addis Ababa ayaa kulan isbarasho ah la qaatay Hailemariam Desalegn, iyadoo labada dhinac ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo qorshaha shirka IGAD ee looga hdalayo colaada dalka curdanka ah ee Koonfurta Suudaan.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xasan Kheyre ayaa ka qeybgalay shirka madaxda IGAD, isagoona khudbad uu ka jeediyay ku guubaabiyay madaxda dalka Koonfurta Suudaan iyo mucaaradka inay xal ka daaraan colaada soo noqnoqotay.

Ra’iisul wasaare Kheyre inta uu joogo addis ababa wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda kale ee IGAD kana hadli doonaan xiriirka dalalka ka dhaxeeya.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shirkaan si gaar ah looga casuumay, isagoona kaga baaqday sababo u muuqda inuu ku yareeyo safaradiisa faraha badan ee dalka dibadiisa.         

Agaasimaha cusub ee Villa Soomaaliya oo maanta la wareegay xilka loo magacabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dalka dib ugu soo laabtay Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Dahir oo xilka Agaasimenimo loo magacaabay laba todobaad ka hor.

Fahad Yaasiin oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa maanta oo Isniin ah la wareegay xilka Agaasimenimo ee Villa Somalia.

Fahad Yaasiin ayaa magacaabidiisa kadib ka safray magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa inuu gaaray magaalada Doha ee dalka Qadar si uu isaga casilo xilka uu ka hayay Tv-ga Al-Jazeera oo uu ka shaqeynaayay muddo dhowr sano ah.

Fahad Yaasiin ayaa maanta xilka kala wareegay Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada C/risaaq Shoole, waxaana Safar dalka dibadiisa ah dalka uga maqnaa Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Abuukar Baalle.

La wareegida xilka kadib waxa uu isla maanta Fahad ka howlgalay Xafiiskiisa, waxa uuna dhag dhageystay qaar kamid ah Howlwadeenada Villa Somalia, ee maamul ahaan isaga hoostaga.

Villa Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Farmaajo yeelatay ilaa saddex agaasime, oo mid ka mid ah uu ahaa KMG.

Sidoo kale, Howlwadeenada Villa Somalia ayaa walaac ka muujinaaya isbedelka labaad ee uu maagan yahay Agaasimaha cusub, waxaana lasoo warinayaa in Agaasimaha uu doonaayo inuu kala diro Kooxda labaad ee kasoo hartay dowladii Xasan Sheekh ee weli ku guda jira shaqooyinkooda Qaran.

Si kastaba ha ahaatee, Howlwadeenada ka garab shaqeysa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa loo kala qeybiyay Seddex qeyb waxaana iminka Villa Somalia laga saaray qeybta koowaad, iyadoo ay weli harsan tahay laba qeyb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Sidee ayaa R/W Kheyre loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu Hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Ra’isul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa magaalada Addis Ababa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Ethiopia.

Ra’isul wasaaraha ayaa Addis Ababa uga qeybgalaaya Shir degdeg ah oo looga hadlaayo arrimaha dalka South Sudan, waxaana ka qeyb galaaya siyaasiyiin iyo madax kala duwan.

Shirka Urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlayaa colaadaha iyo xaaladaha beni’aadanimo ee ka jira dalka Koofurta Sudan, iyadoo shirkan uu todobaadkii hore ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo shir guddoonka shirka ah.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa inta uu joogo Addis Ababa waxaa uu la kulmi doonaa Madaxda wadamada IGAD ee shika ka qeyb galaya.

Arrin yaab leh oo ka dhacday Baarlamanaka Hirshabelle iyo Guddoomiyihii oo shaqada laga joojiyey

Jowhar (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa maanta sameeyey arrin yaab leh kadib markii mooshin ay ka keeneen madaxweynaha u badaleen mid ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibanada Hirshabelle ayaa maanta Jowhar ku yeeshay kulan muran badan ka dhashay oo ay doonayeen inay xilka uga qaadaan Madaxweynaha Hirshabelle Cosoble balse markii dambe wuxuu isku badalay mid ka dhan ah guddoomiyaha Baarlamaanka.

Markii uu kulanka furmay lana doonayey in mooshin laga gudbiyo madaxweynaha ayaa 39 kamid ah Xildhibaanada Hirshabelle waxay sheegeen in Gudoomiyaha Baarlamaanka Cismaan Barre uu difaac u yahay Madaxweynaha isla markaasna ay lagama maarmaan tahay in isaga xilka laga qaado.

Kulanka oo ay xaadir ahaayeen 47 Xildhibaan ayaa 39 kamid ah waxay isku raaceen in shaqada ka joojiyaan Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo loo baahnaa codad dhan 36 si ay go’aankaas u fuliyeen waxayna dhaafeen tirada loo baahnaa ilaa 3 cod.

Xildhibaanada ayaa ku guuleystay in shaqada ka joojiyaan Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxayna wacad ku mareen inay maalmaha soo socdo mooshin ka keeni doonaan Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Wasiir sheegay in R/W Kheyre uu faro-galin ba’an ku hayo shaqooyinkii loo igmaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa ay Cabasho xoogan kasoo yeereysaa maamulka sare ee Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya, kadib markii faragalin ba’an lagu sameeyay shaqooyinkooda.

C/casiis saalax Carmaan oo ah Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada, ayaa sheegay in aad ay usii yaraaneyso shaqadooda, waxa uuna farta ku goday in shaqooyinka Wasaarada uu la wareegay Ra’isal Wasaare Xasan Kheyre.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada, waxa uu tilmaamay in Ra’isul wasaare Kheyre ay isku dayeen inay kala hadlaan isla markaana u sheegan inuu faraha kula jiro shaqooyinkooda, balse ma aysan dhicin in wadahadalkaasi ay fursad u helaan.

Waxa uu ku celcelshay in arrin fool-xun ay tahay in Ra’isul wasaaraha uu si toosa usii qabto howsha Wasaarada, xili ay Wasaaradu leedahay Wasiir, Ku-xigeen iyo Agaasime u baahan in looga danbeeyo howsha khuseysa Wasaarada.

Wasiir ku-xigeenka, waxa uu intaa kusii daray inay diyaar u yihiin in Ra’isul wasaaraha uu kala xisaabtamo howlaha Wasaarada, balse ay wanaagsanaan laheyd in looga danbeeyo howsha Wasaarada.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in Wasaaradaha dowladda ay ka shaqeeyaan dad aan aqoon lahayn oo qaarkood aan magacooda qori karin, loona baahan yahay in la iska kaashado sidii loo sixi lahaa.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada ayaa ku baaqay in Ra’isul wasaaraha dalka uu ka fiirsado talaabooyinka cuuryaaminkara dadaalada ka dhex socda Wasaarada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Socdaalka wafdigii Qadar ee Muqdisho oo sababay in Imaaraadka ay fal laga naxo kuka kacaan arday Soomaaliyeed

Dubai (Caasimada Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda isku tagga imaaraatka Carabta ayaa lagu sheegay in magaalada Dubai lagasoo eryay mid kamida Ardayda Soomaalida oo ka qeyb gelayay tartanka caalamiga Qu’aanka Kariimka oo sanad walba lagu qabto wadankaasi.

Ismaaciil Cumar Madar oo ahaa Ardaygii Soomaaliya uga qeyb gelayay Tartanka Caalamiga ee Qur’aanka Kariimka ayaa lagu amray in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha magaalada Dubai, ardaygan Soomaaliga ah ayaa kaalimaha hore uga jiray dadka tartanka ka qeyb qaadanayay wuxuuna ku guuleysan lahaa abaalmarin qaali ah.

isagoo kasoo muuqday Video kuna sugan garoonka diyaaradaha Dubai ayuu sheegay in isaga lagasoo saaray tartanka laguna amray in uu isag tago wadanka sababa la xiriira socdaalka wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Qadar uu ku tagay magaalada Muqdisho.

Dowladda Dabadhilifka imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale tartanka ka saartay arday ka socday Qadar oo ku sugnaa magaalada Dubai, isbahaysi ay ku midaysanyihiin Sacuudiga, Masar iyo imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqay in ay xiriirkii ujareen dowladda Qadar waxayna wadaan dadaallo ay dowladaha caalamka islaamka uga dhaadhiciyaan in ay xiriirka ugu jaraan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa isbuucii lasoo dhaafay sheegtay in ay dhax dhaxaad ka tahay arrinta khilaafka Khaliijka waxayna diiday in ay cilaaqaadka ujartay Sacuudiga.

Boqorka Sacuudiga oo bixiyay amar yaab leh oo kasii daraya xiisada Qadar

Riyadh(Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa amar kusoo rogtay dhammaan howlwadeenadeeda ka howlgala Garoomada diyaarada kuwooda caanka ah.

Dowlada ayaa amartay in baaritaanada lagu adkeeyo dhammaan muwaadiniinta kasoo jeeda dalka Qadar ee ka dhoofaaya Garoomada dalka, kadib markii ay sii xoogeystay xiisada Sacuudiga kala dhexeysa Qadar.

Dowlada ayaa amarkeeda ku sheegtay xitaa inuu saameynayo Diplumaasiyiinta iyo Hay’adaha Qadar ee ka howlgala gudaha iyo Gobolada dalka Sacuudiga.

Amarka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay inaan gudaha Sacuudiga lagu arki karin dhammaan Diplumaasiyiinta Qadar ee ka howlgala Sacuudiga, iyadoo la raacaayo amar kasoo baxay Aqalka dalkaasi looga arrimiyo.

Boqorka dalka Sacuudiga ayaa hirgalinta amarkaasi faray Gudi Wasiiro u badan oo ka shaqeynaaya fulinta amarada calaaqaadka loogu jaraayo dalka Qadar.

Talaabadaani ayaa sii xoojineysa xiisada Sacuudiga kala dhexeysa Qadar, waxaana qaboojinta xiisada ku fashilmay dowladaha Khaliijka ee aan qeybta ka aheyn xiisada.

Caasimada Online
Xafiiska Riydh
[email protected]

Shirka IGAD: waxyaabaha ay tahay in Khayre uu hordhigo madaxda IGAD

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre ayaa  maant oo Isniin ah lagu wadaa in uu Adis Ababa uga qeyb galo shir aan caadi aheyn oo dalalka ku jira urur goboleedka IGAD ka yeelan doonaan arrimaha Koonfurta Suudaan, socdaalkaas oo ah kii labaad ee uu dalka dibadiisa ugu baxo tan iyo markii la doortay bishii Febaraayo la soo dhaafay.

Inkasta oo shirkan ku saabsanyahay arrimaha Suudaan hadana waxaa lagu wadaa in lagu soo qaado xaaladda Soomaaliya gaar ahaan u guurgelida is afgaradyadii lagu gaaray shirkii kan ka horeeyey ee lagu qabtay Nairobi.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalkii aasaasay ururka IGAD, burburkii ka dib waxaa ay soo dhaweeyeen qaxootiga Soomaaliya, waxaa kale oo ay qeyb ka noqeen shirarkii dib u heshiisiinta iyaga oo hadda qaarkood ay ciidamo nabad ilaalin ah ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Soomaaliya hadda waxaa si tartiibtaartiib ah u dhismaya hay’adihii dawlada federaalka gaar ahaan kuwii dastuuriga ahaa,  waxaa aad u soo kabtay hey’adaheeda dastuuriga ah, waxaana socda dhismaha ciidamada xoogga dalka iyo soo kabashada dhaqaalaha.

Hadaba, Waa Maxay Qodobada Ay Tahay in Ra’iisal Wasaare Khayre Hordhigo Madaxda IGAD

In IGAD ay Taageerto Go’aanka Dowladda Ka Qaadatay Sacuudiga iyo Qatar.

Ra’iisal wasaaraha Xasan Khayre waa in uu dalalka IGAD ku qanciyo in ay la qaataan dawladda Soomaaliya go’aanka dhexdhexaadnimo ee ku aadan go’aanka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta  iyo Masar ay xiriirka ugu gooyeen dalka Qadar, isla markaasna IGAD ay bayaankeeda ku soo saartro taageerada iyo garab istaaga go’aanka Soomaaliya ay ka qaadatay arikaas.

In Soomaaliya Lagu Daro Hogaanka Sare Ee IGAD

Maadaama, tan iyo markii ay dhacday dawladii milateriga ee marxuum Maxamed Siyaad Bare Soomaaliya kuma yeelan wax saameyn ah hogaanka sare ee urur goboleedka IGAD.

Iyada oo laga ambaqaadayo isbedalka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, Soomaaliya waa in marxaladan hada taagan la talo geliyaa sameynta ajendaha IGAD iyo sida go’aaminayo arimaha taabanaya aayaha IGAD. Sidoo kale waa in marxalada soo socota waa in IGAD ay qoondeysaa Soomaaliya kursiga hogaanka IGAD.

In IGAD Ay Dibuheshiisiin U Sameyso Dawlad Goboleedka Galmudug Iyo Ururka AhluSunnaWaljamaaca

In kasta oo xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Khayre ay sameysay dadaal hadana waa ku guuldareysatay in ay dibuheshiisiin dhexdhigto Galmudug iyo ururka AhluSunnaWaljamaaca. Hadaba si loo soo afjaro khilaafka siyaasadeed Galmudug iyo ururka AhluSunnaWaljamaaca waa in uu RW Xasan Khayre ka codsadaa madaxda ururka goboleedka IGAD in ay ka gacansiiyaan dib u heshiisiinta Galmudug iyo ururka AhluSunnaWaljamaaca.

Fulinta Go’aanadii Shirkii IGAD Ee Nairobi:

Ra’isul Wasaare Xasan Khayre waa in uu xusuusiyo madaxda IGAD wixii ka qabsoomay go’aanadii ka soo baxay shir madaxeedkii IGAD ee lagu qabtay Nairobi, kaas oo madaxda isla garteen in xal waara oo loo helo qaxootiga ayna u baahantahay in la dejiyo siyaasado lagu hagayo dib u dejinta, guriyeynta iyo isdhexgalka bulshada.

Heshiiska waxaa kale oo ku jiray in la qaato hab lagu ilaalinayo xuquuqda qaxootiga, gaarahaandumarka, carruurta iyo dadkatabaaleysan.

DF ma ku biiri doontaa xulafada Qadar kadib go’aankii Sacuudiga ku soo eryay wasiirada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in dowlada Somalia ay aad uga carootay go’aanka ay dowlada Sacuudiga kusoo erisay Wasiiro dhowr ah oo ka socday dowlada Somalia kuwaa oo magaalada Riyadh u gaaray inay heshiis la galaan Wasiirada dhigooda ah ee Sacuudiga.

Wasiiradani ayaa la sheegay in qorshahooda uu ahaa inay la kulmaan dhigooda isla markaana la saxiixdan heshiisyada qabyada u ahaa, hase ahaatee waxaa lala kulansiiyay Agaasimayaal ka socday Wasaaradaha Sacuudiga.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Somalia ayaa sheegay in heshiiska ka hor Wasiiradaasi lagu xujeeyay inay taageeran go’aanka dowlada Sacuudiga ay xiriirka ugu jartay dowlada Qadar.

Wasiiradani ayaa waxaa lagu xujeeyay in iyagoo matalaaya dowlada Somalia ay Saxaafada kula hadlaan magaalada Riyadha, iyagoo shaacinaaya inay aad uga xun yihiin sida ay Qadar ula dhaqmeyso Sacuudiga.

Go’aanka Sacuudiga uu kula dhaqmay Wasiirada ayaa suuragalin karta in DF ay dib uga laabato go’aankii ay dhawaan shaacisay ee ahaa dhex dhexaadnimo.

Dowlada Somalia ee ka carootay habdhaqanka Sacuudiga ayaa soo dadajin kara in Somalia ay ku biirto xulafada Qadar ee looga soo horjeedo dowlada Sacuudiga.

Dowlada Sacuudiga oo si fool xun ula dhaqanta Somalia, ayaa sidoo kale colaad dhanka Siyaasada ah u abuureysa Somalia, iyadoo ka duuleysa amar diidada uga imaaday Somalia.

Dhinaca kale, Dowlada Qadar ayaa culeyska ugu badan saareysa Madaxweynaha Somalia, iyadoo laga faa’iideysanaaya go’aanka uu Sacuudiga kusoo eryay Wasiirada XF ee dhawaan gaaray magaalada Riyadh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wafdi Sacuudiga ka socda oo ku soo fool leh Muqdisho iyo Somalia oo la siinayo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in maanta oo Isniin ah ay magaalada Muqdisho kusoo fool leeyihiin Wafdi wasiiro u badan oo ka socda dowlada Sacuudiga.

Wafdigaani ayaa la sheegay inuu Hogaamin doono Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Caadil Al-Juber, waxa ayna booqashadoodu tahay mid la xiriirta Xiisada Sacuudiga kala dhexeysa Qadar.

Wafdigani oo socdaal ku mari doona dhowr dal oo Islaam ah, ayaa waxa ay kusoo hormari doonaan magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay la kulmi doonaana Madaxda ugu sareysa dalka.

Wafdigani ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka ku wareejin doona dhambaal ay uga wadaan Boqorka Sacuudiga, kaa oo ay ku qoran yihiin dalabyo la xiriira xiisada kala dhexeysa Qadar, iyadoo Madaxweynaha laga dalbanaayo in dowladiisa ay garab u noqoto Sacuudiga.

Dowlada Sacuudiga ayaa Somalia siineysa fursadii ugu danbeysay, waxaana intaa kadib suuragal ah in Sacuudiga qudhiisa uu go’aan ka qaadan doono Somalia, oo la rumeysan yahay inay u janjeerto dhanka Qadar.

La Taliyaha Boqorka Sacuudiga ayaa Asbuucii hore safar qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho uu kala laabtay natiijo la’aan, kaddib markii DFS ay diiday kamid noqoshada xiisada.

Si kastaba ah ahaatee, Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku cadaadineysa dowladda Soomaaliya inay ka laabato go’aankii ay dhex dhexaadnimada uga qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Waftiga Qatar oo la kulmay madaxweyne Farmaajo iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo meeshii ugu saraysay uu gaaray khilaafka u dhexeeya wadamadda khaliijka ee gacanka carabta ayaa Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xarunta Madaxtooyadda ee muqdisho kula kulmay wafti ka socday dowladda Qadar

Waftigan oo uu hoggaaminayay wasiiru dowlaha Arirma dibedda Suldaan Bin Sacad Al-Muraykhi ayaa la kulmay Madaxweyne Farmaajo, waxaa kaloo uu la kulmay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madax kale oo ka tirsan dowladda federaalka.

Ma jiro faahfaahin dheeraad oo ka soo baxaday dowladd federaalka oo la xiriirta socdaalka Waftiga Qadar, waxaase wararka sheegayaan in weftigu uu yimid muqdisho inuu sii adkeeyo xiriirka Soomaaliya iyo Qadar, islamarkaana uu u sameeyo Ballanqaadyo lacageed iyo mid horumarineed,

Dhinac kale, Ahmed al-Khatib oo la taliye u ah boqorka Sucuudiga Salman Bin Cabdicasiis oo maalmahan muqdisho ku sugnaa ayaa hadda la sheegayaa inuu dalka ka dhoofay, ka dib markii uu ku guuldaraystay in dowladda Soomaaliya ka dhaadhiciyo inay xiriirka u jarto Dowladda Qadar , taasi bedelkeeda uu sucuudigu bilaabo kaalmadii uu u ballanqaaday madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, Xildhibaan C/risaaq Cismaan Juurile oo ka mid ah Aqalka sare ee Barlamaanka federaalka ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu ka laabto go’aankii uu ka qaatay khilaafka wadamadda khaleejka, oo uu la safto dhinac xulufada Sucuudiga, marka loo eego xiriirka ganacsiga iyo dhaqaale ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo wamadda Sucuudiga iyo Imaraadka

“Aniga Somalia ahaan khasaaro ayaa iigu jirta dhex-dhexaadnimo marka aan eegin tooda ee aan fiirsho danteena, Aniga Imaraadku Jaal ayuu nagula yahay la dagaallanka Argagixisada, waana ogtihiin Ciidan Kun iyo Dhowr-ka Boqol ah oo ay tababareen gacantana ku hayaan ee Bosaso jooga, maalin kasta kuwo ayaa Muqdishu tababar loogu soo xiraan, Ganacsatadeena ugu waaweyn ee Somalida ayaa jooga magaalada Dubai,” Sidaas waxaa yiri Prof Juurile oo waraysi idaacada Garoowe.

Gabagabadii, Wadamadda Sucuudiga, Imaraadka, Baxrayn, Masar, Senigal iyo wadamo kale ayaa xiriir u jaray dowladda Qadar, waxaana ay ku eedeeyeen inaay maalgaliso  ururadda argagixisada ee ka jira caalamka, gaar ahaa dalalka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Buugaagta Sheekh Yuusuf al-Qardaawi oo laga mamnuucay Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow kasoo baxay dowlada Sacuudiga ayaa waxaa lagu mamnuucay dhammaan buugagta iyo kitaabada diinig ah ee uu qoray wadaadka weyn Sheekh Yusuf al-Qardaawi.

Qardaawi oo hadda ah Guddoomiyaha Midowga Culumada Islaamka oo fadhigiisu yahay dalka Qatar, ayaa lagu eedeeyay inuu kamid yahay Culimada naas-nuujisa Kooxaha Argagixisada.

Dowlada Sacuudiga, gaar ahaan Wasaaradda waxbarashada, ayaa sheegtay in dhammaan Maktabadaha Iskuulada, Jaamacadaha iyo Goobaha lagu iibiyo Kitaabta laga saari doono kuwa uu qoray Sheekh Yusuf al-Qardaawi.

Wasiirka Waxbarashada Sacuudiga Axmed binu Maxamed Al-Cisa ayaa ku baaqay in si degdeg ah dhammaan Maktabadaha dalka looga saaro Kutubada uu qoray Sheekh Yusuf al-Qardaawi.

Wasiirka waxa uu sheegay in la dagaalanka Kutubada Sheekh Yusuf al-Qardaawi, ay u xilsaaren Guddi la socda Maktabadaha si loo hakiyo aqriskooda.

Nuqul kamid ah qoraalka Wasiir Axmed binu Maxamed Al-Cisa, ayaa lagu yiri ”Goobtii lagu arkaa Kutubta uu qoray Qardaawi, waxaa la marin doonaa sharciga, waxaa mamnuuc ah in la faafiyo buugaagta iyo kutubada uu qoray Qardaawi”

Dhinaca kale, dowlada Sacuudiga ayaa horay usoo saartay liiska 59 Culumo oo uu ku jiray Qardaawi kuwaa oo lagu eedeeyay in si dhow ay ula shaqeeyan Argagixisada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warbixin: Muqdisho oo lagu diimayo muuqaalka ciidamada militeriga DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia si xooli ah uga socda howlgalada lagu ugaarsanayo Hubka iyo ciidamada labisan ee maala cagtooda.

Howlgalka Hub ka dhigista ayaa waxaa barbar socda uruurinta Askarta labisan ee isticmaala lugtooda kuwaa oo dhawaan laga mamnuucay inay maraan waddooyinka iyaga oo aan heysan fasax.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu diimayaa ciidamada ku labisan dareeska kuwaa oo Hub ka dhigista ka hor buux dhaafin jiray waddooyinka iyaga oo Hubeysan.

Ciidamada ugu badan ee cagtooda maali jiray ayaa waxaa u badnaa Militeriga, waxaana iminka laga saaray dhammaan Degmooyinka kuwaa oo la geeyay daafaha magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa horay u meel mariyay in dhammaan Ciidamada Militeriga laga saaro magaalada Muqdisho, iyadoo laga shaqeynaayo amniga.

Sidoo kale, Madaxda Hay’adaha amniga dalka ayaa maalmo un ka hor shaaciyay inaan magaalada Muqdisho lagu arki karin Askari ka tirsan Militeriga dalka oo isticmaalaya cagtooda.

Si kastaba ha ahaatee, Ciidamada Militeriga ee laga mamnuucay waddooyinka iyo guud ahaan magaalada ayaa isbedel ku keenay amni daridii horay uga jirtay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sacuudiga oo ay ku xumaatay go’aankii uu xaramka kaga mamnuucay dadka Qatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa shaacisay in muwaadiniinta kasoo jeeda dalka Qadar ay ka mamnuucday in ay galaan Masaajidka Barakeysan ee Xaramka.

Hay’adda NHRC ee Xuquuqda aadanaha Qadar, ayaa heshay cabasho ka timid muwaaddiniinta Qadar ee doonaya in ay cumreystaan sidoo kalena u diyaargaroobaan Xajka, kuwaas oo hadda la kulmaya mamnuucid aan sax ahayn.

Go’aanka ay dowlada Sacuudiga ku mamnuucday in muwaadiniinta Qadar ay ku cibaadeystaan Masaajidka Barakeysan ee Xaramka, ayaa waxaa ka hor imaaday Dowlado dhowr ah.

Dowladaha Kuwait, Maqrib, Muritania iyo Turkiga ayaa qaadacay go’aanka ay dowlada Sacuudiga ku mamnuucday in Shucuubta Qadar ay ku cibaadeystaan Masaajidka Barakeysan ee Xaramka.

Dowladahaani ayaa sheegay in Xiisada Sacuudiga kala dhexeysa Qadar aysan saameyn ku yeelan karin Muwaadiniinta Qadar ee Cibaada doonka ah.

Sidoo kale, war qoraala oo kasoo baxay dowlada Kuwait ayaa waxaa lagu sheegay in Sacuudiga aan lagu taageeri doonin inay qaadato go’aan lagu caburinaayo in Muwaadiniinta Qadar looga mamnuuco Masaajidka Barakeysan ee Xaramka.

Go’aanka Dowlada Sacuudiga ee Masaajidka Barakeysan ee Xaramka looga mamnuucaayo Muwaadiniinta Qadar ayaa cirka kusii shareeri doonta xiisada, waxaana suuragal ah in Sacuudiga uu talaabadaasi ku kasbado Mucaarad xad dhaaf ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faallo: Hal faa’iido oo Somalia ugu jirta tallaabada Somaliland xiriirka ugu jartay Qatar

Xiisada u dhaxaysa dalalka khaliijka carabta ayaa kala qaybisay dalal badan oo dunida ka tirsan, kuwaas oo lakala saftay labada dhinac waa Qatar iyo Sucuudigee, dowladaha Maraykanka iyo Israil ayaa kukala qaybsamay oo kala taageerey labada dhinac arintaaso dunidu aad ula yaabtay.

Hadaba Somalia ayaa umuuqata inay la safatay Qatar maadama ay diiday inay xiriirka u jarto cunaqabatayn na saarto, kana doorbiday inay dhexdhexaad ka noqoto xiisadaas Qatar na u ogolaatay hawadeeda isticmaasho madama Somalia mandaqad istiraatiiji ah ku taal.

Talaabadaas Somalia ay qaaday waxay ka caraysiisay dowladda sucuudiga, oo hakisay deeqo ay horay ugu ballan qaaday Somalia, iyadoo laga yaabo inay qaado talaabooyin intaas dheer oo lagu cadaadinayo Somalia.

Halka faa;ido ee shacabka soomaaliyeed ka heli karaan talaabada Somaliland qaaday waa:-

Madama Somaliland horey xiriir fiican ula lahayd dalka imaaraatka, hadana soo jiidatay dalka sucuudiga maadama ay xiriirka u jartay dalka Qatar arintaasi waxay ka saacidaysaa inay sii wanaajiyaan xiriirkii ganacsi oo ay somalidu lalahayd dalaalkaas oo uu ugu horeeyo ganacsiga xooluhu.

Sanad walba marka la gaaro bisha arrafo o xajka ku began Somalia waxay sucuudiga u dhoofisaa xoolo gaaraya 5 milyan, kaas oo ay kazoo xerooto dakhli aad u farabadan dalkana soo galiya lacag adag.

Madama ay Somaliland ku biirtay garabka sucuudiga sanadkan dekeda berbera waxay marti galin doontaa shanti milyan ee sucuudiga loo dhoofin lahaa.

Hadii aanay Somaliland talaabadaas qaadi lahayn waxa suurta gal noqon lahayd in sucuudiga xannibaad saari lahaa xoolaha Somalia sidii dhowr mar oohore dhacday isagoo ku marmarsiyoonaya cudur been abuur ah lakin runtu tahay Somalia oo garabkiisa ka baxday inuu kaga aargoosto.

Soomaalidu waxay markan ciyaartay siyaasada Dual Face oo ah inay dhinac kala socoto Turkiga iyo Qatar dhanna danihii dhaqaale ee ay kala hayd dalalka kale ee khaliijka ka ilaashatay.

Raisal wasaare kheyre markii uu booqday qadar waxa loo sheegay in jaaliyada soomaalida Qatar ay intooda badani beel ahaan kasoo jeedaan gobolada woqooyi ee soomaaliya ee loo yaqaan Somaliland lkn maadama ay soomaali yihiin ma saamaynayso go’aanka ay hargeisa xiriirka ugu jartay Qatar.

W/Q: Abdullahi Nur Eid
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Ciidamada nabad-sugidda oo fashiliyey jaceyl lamaane oo muddo la qarinayey

Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhacday dhacdo layaab ku noqotay dadka deegaanka. Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa Habeenkii Xalay waxa ay fashiliyeen jaceyl mudo qarsoonaa oo si hoose ay iskula socdeen lamaane.

Xili laga soo baxay sallaada cishaha la iskuna diyaarinayay sallaada Taraawiixda ayaa ciidanka nabad sugidda waxa ay gacanta ku dhigeen wiil dhalin yaro ah oo fadhiyay meel darjiin ah, Wiilka ayaa habeenwalba xiligaasi oo kale soo fariista derjiinkaasi dadka deegaanka ayaana ka shakiyay iyagoo si hoose ula xiriirar ciidanka.

Wiilkiyoo sidii caadada u ahayd iska fadhiyo darjiinki ayaa waxaa kasoo kordhacay ciidamada nabad sugida kuwaas oo ku amray inuusan is nuuxjin oo uu amarka u hogaansanaado.

Su’aallo ayaa la weydiiyay waxa u meesha ka qabto habeen walba maadaama uusan xaafada deganeen oo uusan ciyaalka xaafada ka mid ahayn. Wiilki ayaa qalqalay wax hadal ah mudo waa kasoo bixi waayay, balse dantu ayaa markii danbe ku kaliftay inuu yiraahdo waxaan jeclahay gabar gurigan degan oo aan wada soconaa iyada ayaana halkaan u imaadaa habeen walba inaan halmar arko iyadoo biyo soo daadineysa.

Intaasi ka dib ciidamdii ayaa garaacay gurigii uu tilmaamay wiilka waxaana ay amreen reerka gabadha uu sheegay in banaanka loo soo saaro, Gabadhi ayaa la weydiiyay in ay taqaano wiilka sidoo kale iyadana waa ay qalqashay balse ugu danbeyntii marka ay aragtay xaalada ineeysan joogin wax qarin ku dhawaaqday haa waa wiil aan wada socon….. illeyn Horaa loo yiri “HADEEY FOOLI TIMAADO GUDA QARSI MALEH”

Ugu danbeyntii ciidamada ayaa culeyskii ka qaaday lamaanaha waxa ayna garowsadeen in wax run ay yihiin waxa ay sheeganayaan lamaanaha maadaama su’aalihii la weydiiyay ay si sax ah ugu wada jawaabeen.

Arintaan ayaa waxa ay xaafada ku noqotay mid qosol & amakaag ah, maadaama laga fleyn jaceyl & wax la mid ah ayna si kale u haysteen wiilka. Waa Markii ugu horeeysay dhacdo jaceyl ay fashiliyaan ciidanka, iyadoo hore loo maqli jiray ciidanka nabad sigidda oo qarax fashiliyay balse xallay xaalku waxa uu ahaa ciidanka nabad sugidda oo jaceyl fashiliyay.

W/D: Asad Dhayow

Xog-warran: Go’aanka Farmaajo ee Sacuudiga iyo Qatar…faa’ido iyo khasaare

Dowladda Sacuudiga oo isbaheysi u raadineysa go’doominta dalka Qatar ayaa la soo xiriirtay Soomaaliya, Riyadh waxaa ay fileysay in Muqdisho la safato sidii horay u dhacday xilliyadii Sweden iyo Iran, Laakin jawaabta Villa Somalia waxaa ay noqotay mid dhex dhexaad ah, taasi oo Sacuudiga ka nixisay!!

Sacuudiga jawaab weli kama bixin go’aanka Muqdisho, ilo ku dhaw xafiiska ra’isul wasaaraha waxaa ay xaqiijiyeen in wasiirro federaalka ah oo go’aanka dowladda federaalka ah kadib tagay dalka Sacuudiga  laga guddoomay oo keliya qoraallo mashaariic ay wadeen, cumro la geeyay, lana soo ambabixiyay, iyada oo aan lagala hadlin arrimaha Qatar!

Dowladda federaalka ah waxaa ay ka war sugeysaa jawaabta Sacuudiga ee mashaariicdaas, waxaana laga yaabaa in wafdi kale ay Sacuudiga u soo diraan Soomaaliya si madaxweyne Farmaajo loogu cadaadiyo in uu gooyo dalka Qatar, waxaa kale su’aalo badan laga keenayaa sida ay uga soo jawaabi doonaan proposalllada mashaariicda horumarineed ee wasiirrada dowladda ku wareejiyeen dalka Sacuudiga.

Marka aan u soo laabanno go’aankii Madaxweyne Farmaajo uu ka qaatay khilaafka Sacuudiga iyo Qatar waxaa ay caddeyn u tahay hadalo ku jiray khudbad uu ka horjeediyay baarlamaanka 10aad markii uu murashaxa ahaa, hadalladiisa waxaa ka mid ahaa: “…… dalkaan beec maahan,  dadkiisuna beec maahan,  waalidiinteenii iyo aabiyaasheen ayaan ka dhaxalnay”

Sacuudiga jaceyl gaar ah uma qabo Soomaaliya, 25-kii sano ee dagaallada sokeeye shir uma qaban, shilin kiisana lama arag, hadda waxaa uu rabaa in haye raac loo noqdo, waxaa uu dalalka qaranimadooda ku iibsadaa lacago, marka laga soo tago dalalka Masar, Imaaraadka iyo Baxreyn oo maslax gaar ah ka leh go’doominta Qatar, dalalka ka soo haray ee xiriirka u jaray Qatar waxaa ay u iibsan yihiin Sacuudiga.

Tasaale ahaan Libya kooxda ay Sacuudiga taageero waa go’doon oo Riyadh ayaa il u ah , Mauritania waa dal mashaariicdiisa ugu badan ku tiirsan yihiin Sacuudiga, Maldives waxaa ay Sacuudiga safiir u magacaabeen 2015-kii, maanta dadka qaar waxaa ay sheegaan in ay iibsadeen jaziiradaas sida ay u maalgishteen ama saldhigyo Petrol ka ah uga sameysteen darteed, Comoros  waxaa ay ku af tahay Sacuudiga, todobaad ka hor waxaa ay xiriirka u jartay Iran hadana Qatar, dalalkaas oo dhan waxaa uu Sacuudiga lacag u badashaa qaranimadooda.

Dhankae Soomaaliya, Sacuudiga waxaa uu horay ugu diray Muqdisho dalal saxiib la ahaa, Dalalka Sweden iyo Iran waxaa ay weligood taageeri jireen dowladda Soomaaliya, midda hore waa laga raalli-geliyay wixii dhacay halka Iran ay weli maqan tahay, Dahraan uma maqno naceyb loo qabo Shiicada ee waxaa ay u maqan tahay Sacuudiga ayaa sidaa rabo!

Dhanka mashaariicda cusub,  dalka Sacuudiga iyo ballan-qaadyada markii hore uu u sameeyay madaxweyne Farmaajo ma ahyen qaar qalbiga ka soo go’ay oo waxaa ay ahaayeen kuwoo uu ka masareyray dalka Turkiga, arrintaas waxaa caddeyn u ah, qoraal ay dowladda federaalka ah soo saartay, waxaa ku qornaa:

“Booqashada madaxweynaha gaar ahaan kuwa uu ku tagay Khaliijka waxaa ay horseedeen su’aallo ku saabsan geo-political, sida dalka Sacuudiga Carabiya waxaa ay ballan-qaadeen in ay la bar bartami doonaan dalka Turkiga oo haddii Airport dhisaan iyaga dhisi doonaan haddii ay waddo dhisaanna uu Sacuudiga waddo dhisi doono…arrintaas intii la dhihi lahaa waxaa loo tartamaa Soomaaliya, sow lama dhihi karo waa aragtida cusub ee madaxweyne Farmaajo ee arrimaha dibadda”.

Xoolaha: Sacuudiga ganacsiga nagala dhaxeeya waxaa ugu muhiimsan Xoolaha, bishii December ee sanadkii tagay ayey joojiyeen sida uu xilligaas xaqiijiyay Siciid Xuseen Ciid oo ahaa Wasiirka xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa, xoolaha haddii ay caafimaad qabaan waxaa loo iib geyn karaa dhammaan qaaradaha caalamka.

Xildhibaan Dhalxa: Waan Baahanahay Bakhti Looma Cuno…Mashaariic waxaa ka muhiimsan qarannimada

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo muddo dheer ku jiray baarlamaanka carabta waxaa uu qabaa in khilaafkan uu yahay mid Khaliijka dhexdiisa ah, Soomaaliyana ay faa’ido ugu jirto mowqifka  dhexdheexaadnimada ee ay qaadatay, mowqifkaas uu ku sheegay mid taariikhi ah.

Xildhibaan Dhalxa waxaa uu dowladda federaalka ah ugu baaqay in aaney ka gor-gortamin qaranimadeeda oo xitaa haddii Sacuudiga uu lala laabto mashaariicdiisa ay lacagtaas iyo mashaariicdaas ay dowladaha kale bixi karaan, waxaa uu la yaabay mashaariicda shuruuradaha ku xiran ee Sacuudiga.

Berri oo Isniin ah waxaa magaalada Adis Ababa ka furmaya shirka urur goboleedka IGAD,  wafdiga dowladda federaalka ah uga qeybgalaya shirkaasi waxaa ay heystaan fursad qaali ah, waa in madaxda IGAD ku qanciyaan go’aanka dhex-dhexaadnimada ah ee ay ka qaateen arrinta Sacuudiga iyo Qatar iyo in madaxda urur goboleedka bariga Afrika ay taageeraan go’aanka mid ka mid ah xubnaha ururkaasi aasaasay ee Soomaaliya.

Ugu dameyntii, Soomaaliya kuma khasaari doonto go’aanka dhex-dhexaadnimada ah ee ay ka qaadatay khilaafka Sacuudiga iyo Qatar, weliba taa badalkeeda waxaa ay heli doontaa xushmadda dalal badan oo caalamka ah, waa go’aan ku tusinaya  dib u soo  noqoshada sharaftii, karaamadii iyo heybaddii Soomaaliya, haddii aan sidan ku soo soconno waxaa noqon doonaa dal saameyn ku leh gobolka iyo caalamka, qab leh, lagu xisaabtamo oo aan la iibsan Karin.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

Donald Trump oo erayo bahdil ah u diray dowlada Qadar (Warbixin)

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald John Trump ayaa mar kale ka hadlay ficilada Argagixiso oo ay muujineyso dowlada Qadar.

Donald Trump, ayaa sheegay inay dowladiisa ay go’aan cad ka qaadan doonto dowlada Qadar, waxa uuna sheegay in Qadar ay muujineyso inay garab u tahay Argagixisada.

Waxa uu Mr Donald Trump cod dheer ku sheegay inay qaadi doonaan talaabo adag oo lid ku ah dowlada waxa uuna si jeesjees ah u sheegay in Qadar lagu biirin doono liiska dowladaha lagu tuhmaayo argagixisada.

Trump, waxa uu Qadar ugu baaqay inay cadeysato khaladadka argagixiso, si xal looga gaaro xiisada dowladaha Khaliijka.

”Kama quusan doono la xisaabtanka Qadar inta laga helaayo cadeymo muujin kara inay saaxiib la tahay Kooxaha argagixisada ah”

”Waan la xisaabtami doonaa waana la midoobi doonaa dowladaha ay hogaamineyso Sacuudiga si loo soo afjaro xiisada taagan”

Dhinaca kale, Trump ayaa Sacuudiga ugu baaqay inay la xisaabtanto dowlada Qadar oo uu sheegay inay halis ku tahay midnimada Khaliijka.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis 
[email protected]