25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Xog: Xaqiiqda warqadda soo shaac baxday ee DF ay u dirta IGAD oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo ku dhaw xafiiska ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre ayaa xaqiijiyay in warqadaha dhex-dhexaadinta ee la wad-wado kuwaas oo la sheegayo in dowladda federaalka ah ay IGAD ka codsaneyso dhex-dhexaadinta Galmudug iyo Ahlu-sunna ay run yihiin balse sida taariikhda warqaddaasi ku qoran aaney aheyn codsi cusub oo hadda ah.

Mas’uulka la hadlay Caasimada Online waxaa uu intaa ku daray in codsigaasi uu ahaa shirkii horay bishii April uga dhacay magaalada Muqdisho kaas oo markii dambe burburay, shirkaasi oo ay fududeeyeen urur goboleedka  IGAD.

Hadalkan waxaa uu imaanayaa saacado kadib markii ay soo baxeen warqado sheegaya in dowladda ay IGAD ka codsaneyso wada hadal siinta maamulka Galmudug iyo Ahu-sunna, arrintaas oo dowladda federaalka ah sheegeyso in wada hadalkaasi uu dhacay ka hor doorashadii madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Doorashada Xaaf ayaa meesha ka saartay rajo kasta oo laga qabo in Ahlu-Sunna lagu soo biiriyo maamulka Galmudug, waxaana la ogeyn sida arrintan ku dambeyn doonto, ayada oo kooxdan ay maamusho dhul aad u ballaaran oo Galmudug ka mid ah.

Hoos ka arag warqadda soo shaac baxday

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa ka mid ah qodobada uu soo jeediyay Axmed Madoobe ee qiira galiyay Farmaajo?

Kismaayo (Caasimada Oline) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa magaalada Kismaayo ku qaabilay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Hogaamiyaha ayaa Madaxweynaha ka dalbaday in magaalada Kismaayo laga hirgaliyo qaar kamid ah Xarumaha dowlada, waxa uuna sheegay inuu bixinaayo dhulalka laga dhisaayo xarumahaasi.

Hogaamiyaha ayaa sheegay inay muhiim tahay in caasimadaha maamul Goboleedyada laga helo xarumo ay fadhiisan Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka.

Waxa uu Madoobe sheegay inaanu macquul aheyn in madaxda ugu sareysa dalka ay fadhiisin ka dhigtaan keliyaha magaalada Muqdisho.

Madoobe waxa uu soo jeediyay in magaalada Kismaayo laga hirgaliyo Xafiisyo gaara oo ay usoo shaqo tagaan Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka.

”Waxaa lama huraan ah in magaalooyinka Kismaayo, Cadaado, Baydhabo, Jowhar iyo Garoowe laga sameeyo xafiisyo ay ku shaqeeyan Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka si dalka ay ugu faafto dowlada”

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale Madaxweynaha usoo jeediyay in bishiiba dhowr maalin kulamada baarlamaanka lagu qabto Caasimadaha maamul Goboleedyada, waxa uuna tilmaamay in talaabada noocaasi ah ay waxbadan ka bedeli doonto shaqooyinka dowlada.

Wuxuu sheegay inuusan jirin maamul ka madaxbanaan dowladda federaalka, isagoo xusay inuu rajaynayo sidii loo hirgalin lahaa Kismaayo Xarumo iyo goobo ay ku shaqeeyaan Hay’adaha Dowlada Dhexe gaar ahaan Madaxtooyada Ra”iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta Hogaamiyaha Jubbaland, waxa uuna cod dheer ku sheegay in si dhaqsi ah loo hirgalin doono Xafiisyo ku yaalla magaalada Kismaayo oo ay usoo shaqo tagi doonaan madaxda ugu sareysa dalka.

Dhinaca kale, Farmaajo ayaa Axmed Madoobe ku amaanay sida uu ugu han weyn yahay in dowlada Somalia ay ku faafto dhammaan dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Mareykanka iyo Turkiga oo mowqif isla mid ah ka qaatay xiisada Sacuudiga iyo Qadar

Istanbul (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaaya xiisada u dhexeysa dowladaha Sacuudiga iyo Qadar oo gudaha asbuucaani uu soo shaac baxay khilaafkooda.

Khilaafka diblumaasiyeed ee ka dhex aloosan labada dal ayaa waxa uu sababay in dukumiintiyo cadeymo leh ay hawada isku mariyaan iyadoo dowlada Qadar lagu eedeeyay inay kasoo horjeedo xasiloonida ka jirta dalalka Khaliijka.

Xiisada sii xoogeysaneysa ayaa waxaa faragalin kusoo sameeyay dalalka saaxiibada dhow la ah Sacuudiga iyo Qadar, oo ay kamid yihiin Turkiga iyo Mareykanka.

Mr Mevlut Cavusoglu oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa ku baaqay wada hadal in dalalka Khaliijku furaan, laguna xaliyo xiisadda wada hadal ka hor inta aan cilaaqaadka la kala qaadaan.

Rex Tillerson oo ah Wasiirka Arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa isna bayaan ka soo saaray xiisadda, waxaana uu ugu baaqay dalalka Khaliijku in ay midowgoodi ahaadaan, oo khilaafka meel iska dhigaan.

Rex Tillerson, waxa uu sheegay in mowqifka Mareykanka uu yahay midnimada dowladaha Sacuudiga iyo Qadar, isla markaana aysan diyaar u aheyn xiisad ka dhexeysa labada dhan.

Dowlada Iran oo saaxiib dhow la ah Qadar kana mid ah dalalka lagu eedeynayo carqaladeynta Khaliijka ayaa dhankeeda ka sheegtay in xiisadani ay tahay mid aan wanaag ugu jirin bariga dhexe, waxaana la is weydiinayaa sida Iran uga faa’idaysan karto walaalka Khaliijku dhankeeda u soo tuureen.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa isna horay u sheegtay inuu ka dambeeyay caddaadiska ay dalalka Khaliijku saareen dawladda Qadar.

Trump ayaa sheegay in markii uu dhawaaan booqday Sacuudiga loo sheegay in dalka Qadar uu maalgaliyo “aragtida xagjirka ah”.

Talaabadaani ayaa muujineysa in Madaxda dowlada Mareykanka ay ku kala aragti duwan yihiin xiisada ka dhex aloosan labada dal, maadaama Wasiirka Arrimaha dibadda ee Maraykanka uu sheegay inay ka xun yihiin xiisada, halka Trump uu ka sheegay inuu isaga ka danbeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]

Sawirro: Farmaajo oo dhallinyaro badan kula shaahay maqaaxi ku taalla Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS, Maxamed C/laahi Farmaajo oo ay wehlinayaan mas’uuliyiin dhowr ah ayaa habeenimadii xalay magaalada Kismaayo kula shaahay sodomeeyo dhalinyaro ah.

Madaxweynaha ayaa ka shaaheeyay maqaaxi ku taala bartamaha magaaladaasi oo ay ku sugnaayen dhalinyaro afurka kadib ku nasanaayay maqaayada.

Madaxweynaha ayaa si kedis ahayd ku tagey maqaaxidan, xilli ay ku caweynayen qaar ka mid ah dhalinta deegaanka.

Farmaajo, ayaa waqti la qaatay dhalinyaradaasi oo uu ka wareystay xaaladooda iyo midda dalkaba, iyadoona uu ka dhageystay tallooyin ku aadan arrimaha dalka.

Waxa uu dhalintaasi ku bogaadiyay in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka.

Axmed Madoobe oo ka hor yimid laba arrin oo uu soo jeediyay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Kismaayo kulan khaasa ku yeeshay Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Labada mas’uul ayaa si qoto dheera uga wadahadlay arrimo dhowr ah oo ku saleysan danaha dalka, waxaana la soo sheegayaa inay isku fahmi waayen qodobo gaara.

Waxaa kamid ahaa qodobada ay isku fahmi waayen in Jubbaland ay DF kusoo wareejiso Dekadda, Garoonka, Goobaha ilaha dhaqaale iyo Diiwaanka Saldhigyada iyo ciidamada maamulka oo si toosa loo hoosgeynaayo DF.

Madaxweynaha dalka ayaa Hogaamiyaha maamulka usoo jeediyay in qodobada kor ku xusan laga dhabeeyo isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan loogu wareejiyo dowlada.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa ka biya diiday laba qodob oo ay kamid yihiin wareejinta Dekadda, Garoonka iyo Goobaha caanka ku ahaa wax soo saarka.

Hogaamiyaha waxa uu ogolaaday in dowlada Federaalka ay maamusho keliya ciidamada iyo Saldhigyada oo ay usoo magacaabikarto wakiilo.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa ka meermeeray Heshiiskii Addis Ababa lagu gaaray sanadkii 2013 oo dhigaayay in Maamulka Jubbaland uu dowladda Federaalka ku wareejiyo lix bil kaddib maamulka Dekeda iyo Garoonka.

Jubbaland ayaa shuruudo ka dhiganeysa in marka hore gacanta dowlada lagu soo celiyo dhammaan ilaha dhaqaale ee iminka ku jira gacanta maamulada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa si hoose u socda dadaalo dhinacyo badan leh oo lagu suuragalinaayo in Hogaamiyaha Jubbaland uu qaato soo jeedinta Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog-warran: Maxaa xilka looga qaaday taliyihii howl-gallada nabad-sugidda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow Ducaale uu wareegto ku magacaabay Taliyaha howlgelinta ciidanka nabad sugida Qaranka ee NISA.

Wasiirka ayaa xilkaasi u magacaabay Guddoomiyihii hore ee Degmada Howlwadaag Maxamed Abuukar Cali Jacfar.

Taliyaha cusub ee howlgalinta NISA Maxamed Abuukar Cali Jacfar ayaa horay usoo qabtay xilal dhowr ah oo dhanka Hay’adaha amaanka waxa uuna dhawaan lasoo shaqeeyay maamulka Koonfur Galbeed.

Xilkaani ayaa la sheegay in laga qaaday gaanshanle sare Cabdiraxmaan Axmed Caraale Xerow, oo ka horyimid howlgalka hub ka dhigista ee ka socda Muqdisho.

Xerow ayaa la sheegay inuu taliyaha nabad-sugidda weydiiyey sababta howl-galka hub ka dhigista loogu koobay kaliya deegaano gaar ah, islamarkaana deegaanada hubka ugu badan Muqdisho sida degmada Dayniile, aan hubka looga dhigeyn.

Sheekada dhex martay isaga iyo Sanbaloolshe ayaa la sheegay in kadib taliyaha sirdoonka uu u gudbiyey ra’iisul wasaare Kheyre, kaasi oo kadib ku dhawaaqay in xilka laga qaado. Kheyre ayaa Dayniile waxaa degan beeshiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warbixin: Rajada laga qabo in saddex bil kadib hadalkii Farmaajo la helo caddaalad

Muqdisho (Caasimada Online) – In la helo cadaalad waa mid kamid ah sababaha ay u taagnaan karto dowlad, taasi oo looga baahan yahay in bulshadeeda ay noqdaan kuwa hela cadaalad ku filan oo lagu wada maamulo.

Haddii aanay cadaaladdu jirin waxaa bulshada ka maqan adeegga ugu muhiimsan ee ay hoggaanka dalka ka heli lahaayeen.

Dad badan ayaa qaba inuu aad u hooseeyo nidaamka garsoor ee dalka, taasi oo dad bandanna ay ka cawdaan, madaxda dalkana ay ka warhayaan inaanay jirin nidaam garsoor oo dadku isku haleyn karaan.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo kumanaan qof kula hadlay garoonka Koonis Axaddii lasoo dhaafay, ayuu sheegay in Saddexda bil ee soo socota wax ka qaban doonaan cadaaladda.

Haddii aynu dib u xusuusanno hadallada madaxweynaha waxaa kamid ahaa:

“Amaanno iyo amni waa howl is wadata oo aan hadda wadno, cadaaladda soo ogaada Saddexda bil ee soo socota waxaan ka qabanno, waa dhammaatay umaddaan Soomaaliyeed oo dhibaateysan in xaqoodii heli waayaan wax fiican ma ahan, ragga odoyaasha ah oo xaakimiinta waxaan idiin sheegeynaa haddii awal ay jireen inaad guryo xukuntaan Shan Shan jeer waqtigeeda wuu dhammaaday, in hooyo oyneysa ama qof xaqiisa u oynaya aad dhibaateysaa waqtigeeda wuu dhammaaday, cadaalad baa la idin ka rabaa, haddii aad keeni weysaan annaga nama matashaan, shacabkana ma matashaa, dowladda ma matashaan waxaad ku dambeyneysaan xabsi”

Hadabada hadalkaasi dhaqan galkiisa dad badan waxay u arkaan haddii tallaabo la qaado in waxbadan ay ka fuli karaan.

Agaasimaha cilmi barista Heritage C/rashiid Khaliif Xaashi waxa uu qabaa in tani ay tahay tallaabo loo baahnaa balse ay sugeyso dhaqan gelin.

“Dhibaatooyinka garsoorka Soomaaliya haysta waxaa loo baahan yahay in la derso oo dhinac kasta laga fiiriyo, kuwaasi oo kala duwan oo qaar burburka keenay, qaar dowlad la’aantu keentay, qaar colaaduhu keeneen, qaar aqoontii iyo caqligii meesha ka baxay ay keeneen, waxaas oo dhan in la derso ayaa loo baahan yahay, Saddex bil waxaa dhici karta iney degsadaan qorshihii ay ku howlgeli lahaayeen laakiin Saddex bil dhibaatadii 25 sano soo jiitameysay 25-kii ka horreysayna la tabanayey cadaalad isma lihi Saddex bil ayaa lagu xalin karaa, laakiin rabitaanka ay dowladda rabto, iney garteen dhibaato iney jirto iyo iney usoo jeesteen tallaabo bilow ah waaye waana loo baahan yahay in Garsoorka loo  soo jeesto” ayuu yiri C/rashiid Khaliif Xaashi.

Waa muhiim in bulshada ay hesho cadaalad, lagana gudbo caqabadaha hadda taagan si dad badan oo tirsanaya in lagu sameeyay cadaalad darro ay u helaan xuquuqdooda.

Professor Maxamed Xasan Doob waxa uu isna qabaa in si loo helo garsoor adag ay muhiim tahay in degdeg loo dhiso hay’addii garsoorka qaranka Soomaaliyeed.

“Dhismaha hay’addii garsoorka qaranka Soomaaliyeed in la dhiso ayaa muhiim ah, hay’addaasi horaa loo kala direy, haddaan la dhisinna garsoor ma dhismayo, garsoorka dalkana ma noqonayo mid sharciyo haysta, waxa ugu horreeyo oo dalkaan u bukaa waa cadaalad, si cadaaladdii loogu sameeyo dabogal waxaa muhiim ah in la dhiso guddigii garsoorka qaranka Soomaaliyeed”

Cadaaladdu ma kala laha sarreyn, hanti iyo sharaf, waa mid ah in loo wada sinnaado dadkuna ay ka sugayaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog iyo fallanqeyn: Waa maxay qorshaha Banadir State?

Banadir State ma aha urur siyasaded  ka soo horjeedo Dowlda Federalka Somalia, waa State xubin ka ah mamul-Gobaledyada hostaga Dowlada Federalka Somaliya kalana shaqeeya Horumarka, Amniga, iyo Kabiyadaha dhaqale e dalku leeyahay, waa state u taagan Midnimadda ummadda Somaliyeed  Guud ahaan Gaar ahan in shacabka Gobalka Banadir ku dhaqan helaan Matalada  ay xaqqa u  leeyihiin. si cadaalad ah.

Maamul-Gobaleedkan Gogoshiisha taalo Magala Balcad “Banadi State” ayaa wuxu noqon doona mid sibuuxda  umatilo  dhamaan Canshur Bixiyasha dagan Gobalka Banadir. Inkasto ay jiraan Canaasiir Yay yar oo wadaan dadalo Looga soo hor jeedo  curinta  Mamul-Gobaleedka Banadir State hadana looma hakinayo .

Dhismaha Maamul- Gobaledka Banadir State ma ahan arin laab lakac ku timid ama habeen lagu Riyooday ee waa  waxqabad  muddo dheer so socday marayana marxaladihii ugu dambeeyey.

Waxay Malmahanm Shacabka Gobalka Banadir iswaydiinayaan Maxay ka fa’iidayaan madaxda dalka Somalia ugu sareysa in ay horstagaan Xuquuqda Canshur bixiyaasha Gobalka Banadr oo doonaya in ay noqdaan xubin ka mid ah Mamul-Gabaledyada hoos taga dowlada federalka Somalia doodnayana in ay la shaqeeyaan dowladooda aygoo rajeeyeey in aney guleysandoon Dhismaha Mamul-Gobaleedkani Cusub.

Madaxwaynaha Dalka Somaliya Maxamed Cabdulahi Farmajo wuxu marar badan ka codsaday  shacabka Reer Banadir in ay la shaqeyaan Dowladiisa wayna  ka ogolaadeen diyar bayna u yihiin in ay fuliyaan arimahaas laakin madaxwaynaha DFS waxay illa iyo hadda cadayn la’yihii Mowqifkooda Siyasadeed ee ku wajahan  yagleelidda Mamulka cusub ee Banadir  State ee haatan dhismiisu socdo. waxana  macquul ah  sida muuqata ayagoo adeegsana cudud Military  iyo Canaasiir kale ee ka soo horjeeda  Xuquuqda Canshur bixiyaasha Gobalka Banadir, xildhibano hore  kuwa haatatan shaqeeya Qaarkood, xubno ka mid ah hay’adda fulinta iyo nabad sugida in ay cagta mariyaan siyasiyiinta, Dhaqanka, Culuma’udiinka iyo Ururada Bulshada ku  howlan dhismaha  Mamul-gobaleedka cusub, sidd a dhacday dhowr jeer ee h ore,  waxa haboon  in ay Dowlada Federalka  dhexdhexaad ka ahaato  yagleelidda  Mamulka Cusub ee  lamagic Baxay Banadir State..

Shacabka ku nool Gobalka Banadir waxa ka maqan xoquuqdda Matilaada 2da Aqal iyo xuquuq kale oo fara badan wayna ogyihiin in aney helidoonin  hadii aney dhisam Mamul-gobaldkooda, hadaba waxa la gudboon madaxda dalka ugu saraysa  in aney  fududeeyan rabitaanka shacabka Cadaalad doonka ah ayago Fagaarayal badan  ka sheegay ay wax ka qabanayaan danta dadka  guud ahaan, hadaba,  Reer Banadir State miyeyna dadka Somaliyeed  ka mid ahyn? Aqritaw su’sha jawabteeda adaan kuu daayey.

Waxan doonayaa in aan xusuusiyo Madaxda Qaranka in formulaha (Qaacidada) ay isticmalayaan  uu aad iyo aad  uqaldanyahay,  askar farabadani  nabagelyo ma keento ee nabad gelyada waxa keena Cadalad  ijtimaaci ah hadii aad manta ka  mashquushan in aad hogamisaan  Cadaalad ijtimaaci ah  maalin malmaha ka mid ah ayaa soo  xusuusan in aad formula khaladeen.

Waxa hubaal ah in Maamulka Cusub ( Banadir State ) ku soo kordhin doono Gobalka Saameyn Dhaqale, Ganacsi, Amni, iyo  mid  Bulshadeed iyo wax kasto  khaeyr  iyo wanaag ku jiro.

W/Q: Dr. Hussein Ali Nuur
E-mail [email protected]

Soomaaliya ma waxaa la gudboon in ay xiriirka u jarto Qatar mise in Saudi Arabia dhagaha ka fureysato?

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah Dowlad Durdun oo Kaliya Muddo Boqol Maalmood iyo Wax Yar Shaqeyneysa Waxaan Oran Karaa waa ay Ku Guuleysatay in ay Xoojiso Xiriirka Caalamka Inagala Dhexeeya,

Safaaro Dhawr ah oo uu Madaxweynaha ku kala Bixiyay Wadamo Badan oo Caalamka ah Waxa Ay Kusoo Dhamaadeen Guul iyo is Af Garad Iyadoo Shirkii Soomaalida ee London Ka Dhacay Uu aduunku inoo cadeeyay sida ay uga goan Tahay in ay ina Siiyaan Taageero Dhan Waliba Leh.

Aan usoo dago dulucda qoraalkeyga taariikhdu markii ay ahayd 06/05/2017 waxa ay dowladaha Sacuudiga Imaaraadka Carabta Masar iyo Baxreyn shegeen in ay xiriirka I jareen dowlada dalka Qatar iyaga oo ku eedeynaya in ay taakuleyso kooxaha ar gagixsada oo ay ku bixiso qarash deganaanshiya la aana kawado gudaha wadamada Gobolka.

soomaaliya oo xiriirdhaw la leh dowladahaan ay u dhxayso xiisada ayaa aad looga wal wal qabaa saameynta siyaasadeed ee arinkaan ay ku yeelaneyso Dowladda Soomaaliya.

Guud ahaan maqaalkaan waxaan isku weydiin doonaa suaalo dhawr ah oo ay ka jawaabidooda qof waliba oo masuul soomaaliyeed ah oo ay hortaalo.

05 January ee sanadkii tagay ayay ahayd markii dowlado ay hor kacayso dowladda sacuudiga uu xiriirka u jaray dalka iiraan sababo la xiriira Dibax baxayaal caraysan oo weeraray safaarada Tehran ee sacuudiga iyagoo sacuudiga saaxiibadiis ugu baaqay in ay iiraan iyagana xiriirka u jaraan.

Kadib baaqii sacuudiga ee ahaa in wadamada xulafada la ah uu xiriirka u jaro iiraan waxaa xigay shir deg deg ah ee ay iskuugu yimaadeen taariikhdu markii ay ahayd 07/01/2016 golihii wasiirada dowladdii madaxweyne hassan sheikh Mohamoud war saxaafadeedkii kazoo baxay shirkaasi waxa uu sheegayay in soomaaliya ay xiriirka u jartay iyadoo aysan jirin sababo rasmi ah oo labada wadan ay xiriirka u kala qaataan ttiyoo lawada og soonyahay in ula jeedka ugu weyn ee aan Iiraan xiriirka ugu jarnay ay ahayd qancinta sacuudiga iyo saaxiibadiisa laakiin maxaan ka dhaxalnay?

Xiriirka caalamka inagala dhexeeya {Dulmar Guud}

Guud ahaan marka laga hadlayo xiriirka caalamiga ah waa xiriir ka dhaxeeya dalalka xorta ah xiriirkaas oo noqon kara mid dhinacyo badan leh sida Siyaasadda, Dhaqaalaha, Ganacsiga bulsho,

Dhaqan, Ammaan, Difaac iyo sidoo kale is xulufeysiga go’aannada waaweyn ee caalamka.

Soomaaliya oo hadda ah dalk soo kabanayo waxaa ahmiyadda ugu horreyso ay tahay in dowladda cusub ay ka shaqeyso sidii dib loogu soo noolayn lahaa xiriirka caalamiga ah oo ay laleedahay dowladaha horumaray ee dunida oo ay kamid tahay kuwa haatan uu khilaafku hareeyay ee wadamada bariga dhexe.

Maxay Iran Soomaaliya u qabatay intii ayu wadanka joogtay?

Dowlada iiraan waxa ay ahayd dowlada labaad ee mashaariicda ugu badan ka fuisa wadanka soomaaliya kadib abaartii dabada dheereyd ee wadanka ku dhufutay sanadkii 2011 kaas oo ay  maaliiyiin qof macluul iyo gaajo kusoo ridatay guud ahaan gayiga soomaaliya

Marka lagasoo tago dowladda Turkey ga oo iyadu dadaal dheeri ah muujisay soomalia aad ugu soo gurmatay Iiran waxa ay ahayd wadanka labaad eek u dadaalay sidii dadka soomaaliyeed ay uga bixi lahaayeen abaarta ku dul habsatay.

Kadib Xiriirka aan u jarnay Iiraan maxaa inagaga lumay?

Xiriirkii aan u jarnay wadanka iiraan wax yaabaha ugu badan ee dadka soomaaliyeed xasuustaan waxaa kamid ah in ku dhawaad 300 muwaadiniin soomali ah ay soo food saartay shaqa la aan baahsan dowladii xiligaa jirtay na aysan shaqo u abuurin muwaadiniintaa kadib xeritaankii safaarada iiraan ee Mogadishu.

Waxaa kale oo albaabada loo laabay in kabadan 40 Xarumood oo ay ugu weyntahay xaruntii nbisha cas ee Iran kuwaa oo bixin jiray adeegyo caafimaad oo ay siin jireen kumanaan soomali ah oo ku barakacay daafaha wadanka haba ugu badnaatee magaalada Mogadishu.

Maxay dowladda dalka Qatar muhiim ugu tahay wadanka soomaaliya iyo guud ahaan gobolka bariga afrika?

Dowlada dalka Qatar oo ah dowlad ay maamulaan qoyska boqortooyada reer Al Thani maamulkeeduna uu yahay waxa afkla qalaad lagu yiraahdo (Absolute Monarchy) Nimaad ku dhisan goaanka hal shakhsi kaas oo naqan kara Boqor ama Boqorada kaas oo goan ka kasoo baxa gudaha wadankaa ama dibadiisa lagula macaamilo.

Wadanka Qatar wa wadan aad u fur furan siyaasad ahaan xiriir fiicana la leh wadamada bariga dhexe iyo kuwa caalamka guud ahaan.

Marka aan usoo dago muhiimada ay Dowladda Qatar u leedahay dalalka bariga afrika gaar ahaan soomaalia waa mid faaida badani ugu jirto maxaa yeelay Qatar waxa ay dhax dhaxaadin ka sameysay khilaafkii u dhexeeyay dowladda kuufurta sudan iyo jabhadaha ku kacsan dadaalkaas oo maraya meel sare.

Dhanka kale sida aan wada ogsoonahay dowlada Qatar waxa ay aad iskuugu taxaluujisay in lasoo afjaro wixii dhexmaraya Ethiopia iyo Eritrea.

Soaamliya waxa ay tahay wadanka ugu muhiimsan oo ay barnaamij yo gar gaar bini aadanimo ka fuliyaan oo ku yaala bariga afrika waxaana wadanka soomaaliya ka howl gala hay adda gar gaar ee Qatar Charity taas oo barnaamij yo horumarineed iyo mid bini aadanimo ka fulisa soomalia waana muhiim in ay sii joogteeyaan howlaha ay wadanka Somalia ka wadaan si loo bad baadiyo kumaanka kun ee ay maalin waliba ay u fidiyaan gaar gaarka iyo howlaha horumarineed ee ay hayaan.

Gababadii Maxaa dowladda soomaaliya la gudboon?

Dowladda soomaaliya maadaama ay tahay wadan kamid ah ururka islaamka iyo kan jaamicada carabta waxaa inala gudboon in aan arinkan cusub ee khilaafka ah ka istaagno meel dhax dhaxaad ah oo danaheena aan ka dhax fiirsanaa kaliya si aanan ugu lug yeelan hadii xaaladan diplomacy ay isku bedesho mid dagaal.

Dowladda Soomaaliya waxaan usoo jeedin lahaa in ay qaadato go aan lamid ah kii wadanka Kuwait ee ahaa in ay dhax dhaxaadinayaan wadaman walaalaha ah ee khilaafku ka dhgexeeyo halkii ay mid kamid ah la safan lahayd.

Dhamaad:
W/Q Ahmed Ali Mohamed
Email: [email protected]
Cilmi Baare Sare oo ku takhasusay xiriirka caalamiga iyo Diblomaasiyadda

“Wuxuu alle dalkeena ku maneystay ayey Soomaalidu u aqrisatay qaab qalafsan” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Mudanayaasha BFS ayaa si adag uga hadlay colaadaha kusii faafaya dalka iyo sida ay ugu qanacsan yihiin Soomaalida.

Xildhibaanka oo ka hadlaayay colaadaha ka jira qeybo kamid ah tuulooyin hoostaga degamada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegay inay yihiin kuwo leysaga indha tiraayo xaqiiqda.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in Soomaalida uu alle ugu maneystay dal qani ah, balse ay ka faa’iideysiga ka doorbideen inay isku adeegsadaan Hub ay iska soo fogeeyen dadkii sameeyay.

Xildhibaanka waxa uu tilmaamay in dhammaan Soomaalida ay ka mideysan yihiin ka faa’iideysi la’aanta kheyraadka waxa uuna taa bedelkeeda sheegay inay jecleysteen inay isku adeegsadaan rasaas ama ay iska daba shaqeeyan si mid waliba uu u hor istaago kan kale ee la dhashay.

Waxa uu sheegay in dadka Soomaalida ah uu Illaahey Aduunka uu meel wanaagsan ka dejiyay islamarkaana dhulkooda u yahay mid Kheyraad badan uu ku jiro loona baahan yahay in ay ka faa’iideestaan, oo aysan isku qabsan dhulal iyo beero.

”U fiirso inta badan colaadaha ka jira dalka waxa ay salka ku hayaan dhul iyo beero leysku heysto, waxaan Umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inaysan isku mashquulin oo ay kala mashquulan”

”Waxaan aad uga danqanayaa sida ay Soomaalida uga faa’iideysan la’ dahay waxa ku jira dalkooda, nimcada uu alle ku maneystay ayay qaab qalafsan u fasirteen”

Xildhibaanka waxa uu cadeeyay in colaadaha soo laalaabtay ee ka taagan tuulooyinka hoostaga degamada Balcad, ay salka ku hayaan boob dhul iyo mid beero.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in la dajiyo xiisadaha ka taagan tuulooyinka isla markaana dib loo xasuusto nimada uu alle ugu maneystay deegaanada hoosta Jowhar iyo degamada Balcad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Trump oo shaaca ka qaaday arrin qarsaneyd oo ku saabsan sababta xiriirka loogu jaray Qadar

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa sheegtay in kuu ka dambeeyay caddaadiska ay dalalka Khaliijku saareen dawladda Qadar.

Trump ayaa sheegay in markii uu dhawaaan booqday Sacuudiga loo sheegay in dalka Qadar uu maalgaliyo “aragtida xagjirka ah”

“Markii aan booqashada ku tagay Bariga Dhexe waxaan carrabka ku adkeeyay in aan hadda ka dib la maalgalin karin aragtida xag jirka ah” ayuu yiri Trump.

Socdaalkaygii “wuu miro dhalay” ayuuna sii raaciyay madaxweynaha Maraykanku.

Sacuudi Carabiya, Baxrayn, Isutagga Imaaraadka Carabta, Yemen iyo Dawladda Liibiya ee ku sugan dhanka bariga iyo dalka Maldives ayaa dhammaantood u jaray calaaqaadkii dublamaasi iyo xiriirradii kale ee ay la lahaayeen dawladda Qadar.

Waxay ku eedeeyeen in ay teegeerto argagixisada gobolka.

Dawladda Masar ayaa sheegtay in ay diyaaradaha Qadar ka xiranayso hawadeeda iyadoo uu sii korayo muranka dublamaasiyadeed, waxaana la filayaaa in Sacuudi Carabiya iyo Baxraynna ay sidaas oo kale sameeyaan Talaadada.

Muwaadiniinta Qadar ee ku nool Baxrayn, Sacuudi Carabiya iyo isutagga Imaaraadka Carabta ayaa loo qabtay labo todobaad in ay dalkooda ku aadaan.

Qadar ayaa diiday in ay taageerto malayshiyaadka, wasiirkeeda arrimaha dibadduna wuxuu ku baaqay in la qabto wadahadal aan waxba laka qarsanaynin oo daacadnimo ku dheehan tahay.

Masar ayaa sheegtay in ay hawadeeda ka xiranayso Qadar Talaadada marka ay saacaddu ku beegantahay 7 subaxnimo ee wakhtiga Bariga Afrika ama 04:00 GMT ayna socon doonto ilaa iyo inta amar dambe laga soo saarayo.

Waxaa la filayaa in khalkhal uu ku yimaaddo garoommada magaaalada Dooxa ee caasimadda u ah dalka Qadar maadaama oo ay sii maraan duulimaadyo badan oo u kala socda daafaha caalamka.

Shirkadaha Diyaaradaha ee ay saamaynayso waxaa ka mid noqon doona Qatar Airways, Etihad Airways iyo Emirates.

Haddii diyaaradaha Qadar ay ka weecdaan hawada baaxadda wayn ee dalalka ay dariska yihiin waxay markaas ku qasbanaan doonaan in duulimaadyadu ay qaataan wakhtiyo intii hore ka badan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar Sheekh Maxammed Bin Cabduraxmaan Al Thani ayaa warbaahinta Al Jazeera u sheegay “in diyaaradahoodu ay wali awoodi doonaan in dunida u socdaalaan iyaga oo adeegsanaya baddaha iyo hawooyinka caalamiga ah”.

Masuul aan magaciisa la shaacinin oo dawladda Soomaaliya ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in ay hawada Soomaaliya isticmaaleen 15 diyaaradood oo ay leedahay shirkadda Qatar Airways Isniintii, kuwaas oo ka badan kuwii caadiyan u adeegsan jiran maalin qur ah.

BBC

Wasiirka amniga DF oo xil cusub u magacaabay Cabdifitaax Shaawey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa wareegto ku magacaabay Agaasime ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha DF Somalia.

Wasiir Ducaale, ayaa Wareegtada ku magacaabay in Agaasime ku-xigeenka Guud ee Hay’adda uu noqon doono Md. Cabdifitaax Ibraahim Cumar ”Shaaweye”.

Wasiirka ayaa sheegay in markii uu dhinacyo badan ka eegay Mudanaha uu yahay mid u qalma xilka Agaasime ku-xigeen isla markaana uu kasoo bixi karo, sida ku xusan wareegtada uu soo saaray Wasiirka.

Agaasime ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa sanadihii ugu danbeeyay kamid ahaa shaqsiyaadka u dhabar adeegay xasilinta magaalada Muqdisho.

Agaasime ku-xigeenka ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladii Marxuum C/llahi Yuusuf ilaa iyo Dowladii dhacday ee uu Hogaaminaayay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Sawirro: R/W Kheyre oo farageliyay khilaafka ganacsatada iyo shirkadda Turkiga ee dekadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku baxay khilaaf ku sabasan adeegga ay bixiso Shirkadda Albeyrak ee maamusha Dekadda Muqdisho iyo Ganacsatada adeegsata dekadda oo ku hanjabay inay joojinayaan adeegsiga dekadda Muqdish.

Shirkadda Turkiga ee maamusha dekadda Muqdisho ayaa lacago xad-dhaaf ah ka qaadata ganacsatada, taasoo keentay hanjabaada ganacsatada, iyadoo la og yahay in shirkadda Albeyrak aan wax adeeg lagu qanco siinin ganacsatada Soomaaliyeed.

“Waa iney helaan Ganacsatada Soomaaliyeed qadarin gooniya si loo dareensiiyo iney dalkan iyagu leeyihiin, taasina waxaa keeni karta iyadoo loo fududeeyo ganacsigooda” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo gudaha dekadda Muqdisho kula hadlayay ganacsatada iyo maamulka dekadda Muqdisho.

Khilaafkaan oo markiisii hore ka bilowday lacagaha xad-dhaafka ah ee shirkadda Turkiga ka qaadato ganacsatada, ayaa wuxuu cirka isku sii shareeray markii wiishka ay isticmaasho shirkaada Albeyrak uu jabay, kaasoo hakad geliyay adeegii ganacsatada, waxayna ganacsatadu keensadeen wiish markabka alaabaha kasoo dejiya oo ay soo kireysteen, waxayna shirkadda Turkiga ku amartay in ay bixiyaan lacagta dejinta.      Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

11 jir rikoorka miisaanka jabiyay oo noqday wiilka ugu miisaanka culus dunida: Video

Indonesia (Caasimada Online) –Arya Permian oo kasoo ku nool magaalada Karawang ee dalka Indonesia ayaa loo aqoonsaday inuu yahay ilmaha ugu miisaanka culus dunida, kaasoo da’diisa ay tahay 11 jir, miisaankiisuna yahay 30 tone oo u dhiganta   190 kg.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Villa Somalia oo ka jawaabtay Fahad Yaasiin oo baraha bulshadda looga been abuurtay

Muqdisho : (Caasimadda Online ): Markii xil loo magacaabo qof Soomaali ah waxaa durba ku arkeysa baraha bulshadda (Social Media) maggaca masuulka xil loo magacaabay oo dhowr ciwaan lagu sameystay kuwaas oo qaarkood ay yihiin koontooyin gaar ah qaarna ay yihiin Boggag lacag lagu xiro si dad badan ay ugu soo biiraan.

Dadka sidaas sameeya waa labo nuuc, qolo u baahan Page ay dad badan ku xiran yihiin oo durba lagu soo biiro si ay bari dano kale ugu qabsadaan iyagoo ka badalaya magaca hadii ay u baahdaan iyo kuwa doonaya iney sharafka qofka masuulka ah ku xad gudbaan oo ay kusoo bandhigaan hadalo been abuur ah iyo waxyaabo aan laga fileynin qofkaas.

Qofkii ugu dambeeyay ee sidaas lagu sameeyo waxaa uu noqday agaasimaha cusub ee Villa Somali Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaas oo la abuurtay 10 facebook oo magaciisa ah iyo 5 Twitter oo magaciis ah , Ciwaanadan been abuurka ah ayaa lagu qoray hadalo been abuur ah oo laga dhigaayo inuu Fahad yiri.

Caasimadda Online ayaa la xiriirtay Villa Somalia si ay wax uga weydiiso qoraaladda lagu daabacay baraha bulshada ee loo isticmaalay maggaca agaasime Fahad waxaana ay Villa Somalia xaqiijisay iney ciwaanadaas yihiin kuwo been abuur ah.

“Wax ka jira maleh ciwaanada Facebook-ga iyo kuwa Twitter-ka ee lagu sheegay inuu lee yahay oo uu wax ku qoray agaasime Fahad, waxaan xaqiijin karnaa inuusan Fahad Yaasiin isticmaalin Facebook iyo Twitter intaba ayey tiri Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa uga digtay warbaahinta madaxbanaan ineysan ku qaldamin oo aysan xigan ciwaanadaas been abuurka ah ee lagu isticmaalaayo maggaca Fahad Yasin.

Hoos ka arag ciwaanadda Facebook iyo Twitter-ka ee lagu sameystay maggaca Fahad Yasin

Maxay xagjiriinta u kordhiyaan weerarada bisha Ramadan, maxayse diinta ka qabtaa?

DF oo IGAD ka codsatay fududeynta dib u heshiisiinta Ahlu Sunna iyo Galmudug, Jawaab nooce ah ayaa la siiyey?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa IGAD u dirtay waraaq ay kaga codsaneyso inay ka qeyb qaadato fududeynta dib u heshiisiinta Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug oo dhawaan lagu fashilmay isla markaasna la doonayo in dib loo soo bilaabo mar kale.

Waraaqdaan loo diray Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa ku saxiixnaa Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Keynaan waxaana la qoray taariikhda markay aheyd   27/04/2017, waxaana si sharaf leh looga codsaday inay qeyb ka qaadato fududeynta heshiiskaas la doonayo in la dhex dhigo Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Ururka goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin dowladaha bariga Afrika ayaa aqbalay codsi uga yimid dowlada federalka kaasoo ahaa inay ka qeybqaadato fududeynta wadahadalada dib u heshiisiinta ee maamul goboleedka Galmudug iyo Ahlu Sunna, waxayna ballan qaaday inay si habsami leh uga qeyb qaadan doonto arrintaan.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqdii loo diray IGAD iyo jawaabta ay ka bixisay

Maxay xagjiriinta u kordhiyaan weerarada bisha Ramadan, maxayse diinta ka qabtaa?

Maxay xagjiriinta u kordhiyaan weerarada bisha Ramadan, maxayse diinta ka qabtaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qeybtii 40-aad ee barnaamijka Tubta Nabadda ayaa waxaa lagu soo qaatay arrin muhiim ah oo ku saabsan dib u heshiisinta, nabadda, iyo xagjirnimada iyo sida looga hortagi karo.

Barnaamijka ayaa waxaa marti ku ahaa ahaa oo ka hadlay Sheekh Bashiir Axmed Salaad, oo ah guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed.

Haddab hoos ka dhageyso barnaamijka oo dhameystiran

Xiisadda dalalka Carabta oo ka sii dartay kadib war ka soo baxay Qadar

Qahira (Caasimada Online) – Wasaarada arrimaha dibadda dalka Qatar ayaa shaaca ka qaaday inay ka fiirsaneyso go’aanka ay qaaten dalalka isbaheystay ee xiriirka u jaray.

Wasaaradu waxa ay sheegtay inaanu jirin wax qiil ah oo ku xanbaari kara dalalka xiriirkii diblomaasiyadeed u jaray oo ay kamid yihiin Masar, Sucuudiga, Imaaraadka, Baxreyn.

Qadar waxa ay tilmaantay in dalalka go’aanka gaaray ay yihiin kuwo aan heyn cadeeymo muujinkara in Qadar ay xiriir dhow la leedahay argagixisada caalamka.

Nuqul kamid ah haddalka wasaarada ayaa waxaa lagu yiri ”Qadar kuma degdegi doonto go’aan lamid ah kan dalalka Khaliijka, waxaan si fog uga fiirsan doonaa waxa uu noqon doono go’aankeena inagoo eegeyna danta guud”

Qadar waxa ay intaa raacisay in xiisada ka dhex aloosan dalalka uusan xiriir la laheyn shacabka, balse dalalkaasi ay isku dayayaan inay soo musaafuriyaan muwaadiniintooda.

Muwaadiniinta Qadar ee ku nool Baxrayn, Sacuudi Carabiya iyo isutagga Imaaraadka Carabta ayaa loo qabtay labo todobaad in ay dalkooda ku aadaan.

Dhinaca kale, Qadar ayaa diiday in ay taageerto malayshiyaadka, wasiirkeeda arrimaha dibadduna wuxuu ku baaqay in la qabto wadahadal aan waxba laka qarsanaynin oo daacadnimo ku dheehan tahay.

Maxay xagjiriinta u kordhiyaan weerarada bisha Ramadan, maxayse diinta ka qabtaa?

Caasimada Online
Xafiiska Qahira
[email protected]

Maxaa ka jira in canshuurta dekedda laga qaado dib loo siiyo ganacsato kale?

Sida ku cad warqadda hoos ku lifaaqan waxaa muuqata in aydowladdu dib u siido qayb kamid ah lacagta canshuurta ee kasoo xaroota dekedda rag ganacsato ah taas oo dadkii laga qaaday ay dacwad culus ka muujiyeen. Arrintaani waxay shaki galinaysaa ballanqaadkii dawladda cusub ee ahaa inay cirib jarayaan musuq iyo sixun wax u maamulka, ayna dakhliga dawladda ku bixin doonta halka ugu haboon.

Tixraac:

Dabayaaqadii sanadkii 2016; ayaa waxaa soo shaac baxay khilaaf xooggan oo u dhexeeya ganacsatada gobolka Banaadir, Khilaafkaas ayaa sababay in ganacsatadu ku kala tagaan Rugtii ganacsiga, koox kastaana ay samaysato xafiis Rugta Ganacsiga oo iyaga ugaar ah. Khilaaf kaan ayaa sababay:

1. In doorashooyin aan laysku raacsanayn qoloba gooni u qabsato oo ay isku caleema saareen ganacsato kala aragti duwan.

2. In xafiisyo kala duwan ay kala furtaan, iyada oo qolo waliba sheeganeyso in uu yahay xafiiskeedu kan rasmiga ah ee Rugta ganacsiga.

3. Inganacsato kabadan boqollaal ay warqad dacwad ah u gudgudbiyaan xafiisyada u sarreeya Dawladda Soomaaliya, iyaga ookacabanaya in lacag ay canshuur u bixiyaan dib loo siiyo ganacsato kale oo uu hoggaamiyo Maxamuud Gabayre.

Waxayna kudoodeen inaysan xaq ahayn in canshuurta ay bixiyaan dib loosiiyoganacsato kale, iyaga oosheegay in lacagtaasi gaarikarto 400 ilaa 500 kunsanadwalba.

• Sida kuu cad warqadda taariikh 18-Febraury-2017; ee ka soo baxday xafiiska Hanti-dhowrka qaranka waxaa la joojiyey bixinta lacagtaas.

• Sida ku cad xaashida kale ee taariikhdeedu tahay 03-March-2017; kana soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda Maaliyadda waxa dib loo fasaxay in lacagtii casnhuurta ahayd dib loo siiyo rag ganacsato ah oo uu kamid yahay Maxamuud Gabeyre.

Tani waxa ay dhalisay in ganacsatada canshuurtan bixiyaa ay shaku gelyaan caadyaalnimada madaxda xukuumadda qaarkood, taas oo u muuqato in ay ganacsatadu kula xiran yihiin xafiisyo kala aragti ah qudhoodu oo kawada tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Arrinta ugu wayn ee la is waydiinayo ayaa ah canshuurta loogu yeeray ‘khidmadda’ sidaku cad warqadda wasaaradda maaliyaddu ay dib ugucelinayso qaarkamid ah ganacsatada, ma waxa ay noqondoontaa mid joogto ah mise mid laga leeyahay dan gaar ah oo markii laga gaaro la joojiyo;

Maxay xukuumaddu u sheegi doontaa ganacsatada iyo shacabka niyadda iyo yididiilada weyn u haya dowladda cusub ee rajada ka qaba in ay noqon doonto mid la dagaallanta musuqa, kuna shaqaysa caddaalad (transparency) canshuurta yare e soo xarootana u maamaamusha siwaafaqsan nidaamka xalaasha ah ooka madaxbannaan musuqmaasuq iyo ninjeclaysi.

Maxay xagjiriinta u kordhiyaan weerarada bisha Ramadan, maxayse diinta ka qabtaa?

Sawirro: Farmaajo oo Kismaayo loogu soo dhaweeyay si ka duwan soo dhaweenadii Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ugu soo dhaweeyey Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qayb qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya iyo boqolaal shacab ah oo gudaha u galay Garoonka Kismaayo.

Dadweynaha loo diyaariyay inay soo dhaweeyan Madaxweynaha ayaa goortii uu kasoo degay Garoonka u dhaqaaqay dhanka Madaxweynaha iyagoo wajiyadooda ay ka muuqdeen dareen xamaasadeysan.

Soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ayaa aad uga duwaneyd soo dhaweenadii loo sameyn jiray Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ayna tani kaga duwaneyd in la xakameyn waayay shacabkii qeybta ka ahaa soo dhaweynta Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda Jubbaland,Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kunool Magaalada Kismaayo.

Kismaayo ayaa noqoneysa Magaaladii afaraad ee uu booqdo Madaxweyne Farmaajo oo hore safaro ugu tagay Magaalooyinka Baydhabo,Cadaado iyo Afgooye.

Maxay xagjiriinta u kordhiyaan weerarada bisha Ramadan, maxayse diinta ka qabtaa?