Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa faahfaahino dheerad ah ka bixiyay bixinta deemaha lagu leeyahay dowlada Somalia.
Kheyre ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ka go’an tahay bixinta deemaha lagu leeyahay waxa uuna tilmaamay in dhaqaalahaasi ay ku bixin doonaan muddo kooban sida aan kusoo sheegnay wararkeena hore.
Kheyre waxa uu sheegay inay la socdan in dhaqaalaha lagu leeyahay uu aad u badan yahay, balse aanu jirin cid kale oo lagu haleynkaro.
Waxa uu sheegay in qorshahooda ugu weyn uu yahay in dhaqaalahaasi ay ku bixiyaan muddo dhan hal sano iyo bar, iyadoo aan la kalifin shacabka Soomaaliyeed.
”Qaabka aan ku bixin doono deemaha nalagu leeyahay cidna kuma kalifi doono waxaase naga go’an inaan Somalia xor ka dhigno oo aan bixino dhamaan dhaqaalaha deenta ah”
”Deenta nalagu leeyahay qeybo waan ka heynaa keliya waxaa harsan qeybo kale oo aan rumeysanahay inaan ku bixin doono muddo kooban”
”Bixinta deenta waxaan ku hormarin doonaa Hay’adaha tabaaya lacagta ay nagu leeyihiin, waxaan qabaa in muddo ka yar hal sano iyo bar lagu bixinkaro deenta haddii ay shacabka bixiyaan canshuurta”
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay iska bixiso Lacagaha lagu leeyahay si ay u hesho maalgashi Caalami ah.
Kheyre ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya aysan maalgashi heli karin inta lagu leeyahay lacagahaasi farabadan.
”Dhan waliba ayaan ka daraaseynay xaalada dalka, waxaa noo soo baxday inaan Somalia la maalgishankarin haddii aan la bixin dhaqaalaha deenta nagu ah”
Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili dowlada Madaxweyne Farmaajo ay ku faaneyso waxqabad mudada kooban oo ay jirto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]