26.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Wacdarihii ay galabta Stadium Muqdisho ka dhigeen halyeeyadii hore ee Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho waxaa lagu qabtay kulan ciyaareed xiisa badan oo Xidigaha Halyeeyadii hore ee Qaaradda Afrika oo Soomaaliya booqasho ku yimid ay la cayaareen Xidigaha halyeeyada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa furay ciyaartaas, waxayna ku soo dhamaatay 8-4 ay ku badiyeen halyeeyada ka socda Qaaradda Afrika ee martida u ah Soomaaliya.

Halyeeyo caan ah ee kubadda cagta ugu magaca weyn Qaaradda Afrika ee kala ah Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Okocha ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Halyeeyadan ayaa casuumaad rasmi ah ka helay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa xiriirka wanaagsan oo ay Soomaaliya la leedahay ururrada caalamiga ah ee ciyaaraha.

Safarkaan ayaa u jeedadiisa lagu sheegay qiimeyn caalami ah oo lagu sameynayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, in Garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdishou u marti-gali karo ciyaaroy caalami ah iyo u heelanaanta bulshada ee dhanka Sports-ga.

Bulsho weynta magaalada Muqdisho ayaa galabta aad u camirtay Garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, halkaas oo lagu qabtay kulankaan xiisaha leh.

Masuuliyiinta dowladda oo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uu hoggaaminayey ayaa goobjoog ahaa garoonka, intii ay ka socotay ciyaartaan oo Soomaaliya ay ku metelayeen halyeeyo caan ah.

Ciyaaryahanada caalamiga ah ee yimid Muqdisho waxaa wafdigooda qeyb ka ah madax ka socota FIFA iyo CAF, waxayna la kulmayaan madaxda ugu sareysa dalka, inta ay joogaan Muqdisho.

Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ee XFS ayaa marti qaaday wafdigaan oo si heer sare ah oo loagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho, waana markii ugu horeysay oo wafdi sare oo ka socda xiriirrada kubadda cagta adduunka iyo Afrika ay booqasho ku yimaadeen Soomaaliya.

Khayre oo soo saaray dalab culus oo ku socda madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Onlinle) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo qoraal soo saaray ayaa dalab culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la xiriirta doorashada dalka iyo diiwaan-gelinta ka socota Muqdisho.

Khayre ayaa si adag uga hadlay xaaladda ka taagan degmada Kaxda, kadib markii xiisad culus ay ka dhalatay diiwaan-gelinta degmadaas oo la hoos geeyay Dharkenley, waxayna keentay in shacabka ay ka caroodaan, ayna dibadbax ka dhigaan qaybo ka mid ah Kaxda.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa cambaareeyay falkan, wuxuuna tilmaamay in caga jugleyn lagu hayo shacabka ku dhaqan degmadaasi.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa falalka xadgudubka, cabsigalinta, iyo qafaalka ah ee Dowladdu ka waddo degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, si ay dowladdu shacabka degmada ugu qasabto in ay iska diiwaangeeliyaan doorashooyinka macmalka ah ee uu ku riyoonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay ” Cabsigalinta iyo qafaalka ka socda goobaha waxbarashada, ganacsiyada, iyo suuqyada degmada Kaxda waa isku-day gurracan oo xadgudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta, dhaqanka dowladnimada, shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah. Waxaana ayaandarro ah in ciidamadii amniga loo adeegsanayo jajuubka, cabsigalinta, iyo qafaalka shacabka degmada Kaxda”.

Dhanka kale, Khayre ayaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud u diray farriin culus, isaga oo ka dalbaday inuu ka laabto amar uu sheegay inuu bixiyay, laguna caburinayo shacabka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

“Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in uu degdeg uga laabto amarka uu bixiyay ee lagu caburinayo dadweynaha degmada Kaxda, kana joogsado doorashada aan heshiiska ahayn ee uu ku riyoonayo, taas oo halis ku ah midnimada, wadajirka ummadda, iyo xasilloonida dalka”” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Khayre.

Goo sii horeysay waxaa sidan oo kale arrinta degmada Kaxda iyo xiisadda ka dhalatay diiwaan-gelinta dadweynaha ka hadlay madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo weerar ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulkiisa.

“Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan sidoo kale cambaaraynayaa in shacabka Degmada Kaxda oo la ogyahay in loo diidanyahay xaquuqdooda degmanimo, haddana loogu daray cadaadis bulsho iyo in la rabo in qori caarradiis loogu qasbo isdiiwaangalin hubeysan iyo geedi-socod doorasho oo hal dhinac ah”.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana dowladda federaalka iyo mucaaradka ay isku hayaan hannaanka loo wajahayo doorashada dalka.

Maamulka gobolka Banaadir oo jawaab culus siiyay mucaaradka + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa si kulul ugu jawaabay xubnaha mucaaradka, isaga oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan diiwaan-gelinta dadweynaha ee ka socoto Muqdisho.

Yabooh ayaa si weyn u difaacay qorshaha guddiga doorashada ee la xiriira diiwaan-gelinta ka socoto degmooyinka gobolka, isaga oo meesha ka saaray in lasoo qabso shacabka, kadib markii mucaaradka ay sheegeen in ciidamo loo adeegsanayo bulshada.

“Kuwa dhahaaya dadka waa lasoo qasbay waxaa leenahay dadka waa wacyigalinaa ayagaa imaada dad Banaadir anaga ayey masuuliyad naga saarantahay soo wada baxa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay wacyigelin oo kaliya u sameeyaan shacabka, uuna ujeedka yahay in laga gudbo doorashada dadbadan, si ay dadweynaha usoo doortaan hoggaankooda berri.

“Dalkan waxaa la rabaa in laga bixiyo farfar ku taag, waxaa laga rabaa in laga gudbo 4.5, waxaa la rabaa in laga baxo odayaal iyo maamul goboleedyo in laga gudbo” ayuu raaciyay.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid, Suleymaan Fargax oo ka hadlay arrintan ayaa difaacay qorshaha uu wado maamulka gobolka iyo diiwaangelinta doorashada.

“In shacabka mamulada kale markay galayan dorasho galayan in loo sacab tumo kuwa gobolka banaadirna laga horyimaado ma ahan wax an qaadan karno” ayuu yiri Fargax.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo saacadihii lasoo dhaafay ay xubnaha mucaaradka ay afka furteen, iyaga oo si gaar ah uga hadlay diiwaan-gelin laga bilaabay xarumo ay kamid yihiin jaamacadaha iyo degmada Kaxda, iyaga oo sheegay in dadka lasoo qabsay.

“Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Waxaan sidoo kale cambaaraynayaa in shacabka Degmada Kaxda oo la ogyahay in loo diidanyahay xaquuqdooda degmanimo, haddana loogu daray cadaadis bulsho iyo in la rabo in qori caarradiis loogu qasbo isdiiwaangalin hubeysan iyo geedi-socod doorasho oo hal dhinac ah”.

SHARIIF oo shaaciyay hab-dhaqan ay lasoo baxday DF kadib arrin soo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa weerar culus ku qaaday dowladda federaalka iyo guddiga qaran ee loo xilsaaray arrimaha doorashooyinka dalka.

Shariif ayaa marka hore nasiib darro ku tilmaamay hab-dhaqan cusub oo uu tilmaamay inay lasoo baxday dowladda, ayna isaga horkeeneyso shacabka deggan caasimada.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay in meesha laga saaray degmooyin ku yaalla Muqdisho, sida Kaxda isla-markaana lagu tuntay xaquuqdii ay lahaayeen, maadaama ay yihiin canshuur bixiyeyaal.

“Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd.

Sidoo kale wuxuu cambaareeyay in awood loo adeegsado shacabka Kaxda ee kasoo horjeedo diiwaan-gelinta ka socota degmadaas, xilli la hoos geeyay degmada Dharkenley.

“Waxaan sidoo kale cambaaraynayaa in shacabka Degmada Kaxda oo la ogyahay in loo diidanyahay xaquuqdooda degmanimo, haddana loogu daray cadaadis bulsho iyo in la rabo in qori caarradiis loogu qasbo isdiiwaangalin hubeysan iyo geedi-socod doorasho oo hal dhinac ah” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka hadlayay xaaladda ka taagan degmada Kaxda.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan mar walba garab taaganahay xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin ka qaybgalka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo simanyahay”.

Ugu dambeyn wuxuu ka digay tallaabooyinka uu qaadayo guddiga doorashada, isaga oo ugu baaqay inay ka waantoobaan cadaadis uu sheegay inay ku hayaan shacabka caasimada.

“Waxaan dhinaca kale uga digayaa guddiga doorashooyinka lagu muransanyahay inay ka waantoobaan cadaadiska ay saarayaan shacabka caasimadda oo hadda ay muuqato in lagu qasbayo  hannnaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn” ayuu mar kale yiri Shariifka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo guddiga lagu eedeeyay in iyaga oo wata ciidamo ay shalay tageen xarumo ay ka mid yihiin jaamacado, kadibna ay ka bilaabeen diiwan-gelinta ardayda, si ay qayb uga noqdaan ololaha diiwaangelinta qof iyo cod ee ka socda Muqdisho.

Daawo: Ciyaartoy caalami ah oo kasoo dagay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray qaar kamid ah ciyaartoyda halyeeyada Kubadda Cagta ee Afrika iyo wafdi sare oo ka socda xiriirada kubadda cagta adduunka iyo Afrika, kuwaas oo kala ah FIFA iyo CAF.

Wafdigan culus iyo ciyaartoyda oo kala ah Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Okocha ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka ciyaaraha, hoggaanka sare ee xiriirka kubadda cagta iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Halyeeyadan ayaa casuumaad rasmi ah ka helay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, taasoo muujinaysa xiriirka wanaagsan oo ay Soomaaliya la leedahay ururada caalamiga ah ee ciyaaraha.

Sidoo kale waxaa la filayaa in galabta ay dhacdo ciyaar aad u xiiso badan oo u dhaxeysa labo koox oo kala meteli doona ciyaartoyda fudaha dalka iyo kuwa ajaaniibta ah.

Kooxda ku ciyaari doonta fanaanadda ciyaartoyda dalka waxaa ka soo muuqan doona qaar ka mid ah halyeeyada isboortiga dalka, halka kooxda ku ciyaari doonta fanaanadda ciyaartoyda ajnaaniibta ay ka soo muuqan doonaan ciyaartoyda ajnabiga ah ee ka ciyaara dalka iyo kuwa martida ah  ee maanta soo gaaray magaalada Muqdiho.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Dahabo Suusow Maxamuud, ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed — muxaafid iyo mucaaradba — in ay si mideysan u soo xaadiraan garoonka Muqdisho Stadium, si ay u muujiyaan taageeradooda iyo soo dhoweyntooda wafdigan heerka caalami ah.

Sidoo kale, xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa sheegay in kulankan uu yahay calaamad muujinaysa soo kabashada dalka, gaar ahaan dhinaca amniga. Waxay sidoo kale xuseen in ay tani tahay fursad lagu soo celinayo kalsoonida caalamiga ah ee ku aaddan qabashada tartamada heer caalami ee gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale, wasaaradda ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa taageerayaasha daneenaya daawashada ciyaartaas xiisaha lagu ku wargelisay inay garoonka soo xaadiraan xili hore si ay kaga gudbaan habraacyada amniga.

Waxaa kale oo taageerayaasha lagu wargelinayay in ay muujiyaan daganaan iyo ilbaxnimo maadaama beri ay magaalada Muqdisho diri doonto farriin caalami ah oo ku aaddan isboortiga iyo amniga dalka.

Imaashaha wafdigan culus ayaa xambaarsan fariin muujinaysa taageero iyo dhiirrigelin loogu talagalay horumarka ciyaaraha dalka oo haatan maraya meel wanaagsan.

AL-SHABAAB oo mar kale cashar loogu dhigay duleedka…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo cashir loogu dhigay Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kaas oo gaystay khasaare xoogleh.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Burjeed oo dhowaan uu lagu laayay xubno badan oo ka tirsan Khawaarijta, kadib dagaal ka dhacay halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen hubka iyo rasaasta ay si waydaarsanayeen labada dhinac, balse aysan caddeyn karin khasaaraha inta uu la’egtay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in deegaanka Burjeedka laga helay qaar kamid ah maydadka xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaadeen, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka ee gobolka Baay.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay hayeen xogta weerarka A-Shabaab, ayna ka hortageen, waxaana xaaladdu ay tahay mid deggan.

Goobihii lagu dagaalamay waxaa sidoo kale ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo haatan howlgallo culus ka wada halkaasi.

Bartamihii bishii April ee sanadkan ayay ahayd markii Al-Shabaab sidaan oo kale loogu laayay deegaanka Burjeedka ee maanta lagu dagaalamay, waxaana kadib maydadoodka la geeyay magaalada Baydhaba, halkaas oo xilligaas isugu tageen boqolaal dadweyne ah.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliso gobollada Baay iyo Bakool, waxaana inta badan ay go’doon gelisay degmooyinka gobolladaas oo ay xittaa ku jirto magaalada Baydhaba oo haatan ah xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Soomaaliya ayaa haatan waxaa ka socda guluf ka dhan ah kooxda, waxaana culeyska uu saaran yahay deegaannada HirShabelle oo ay soo galeen Shabaabkii ugu badnaa.

Maxay hay’adda SoDMA ka tiri fadeexaddii Moqokori?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa beenisay in ay iyadu keentay daawooyin dhawaan lagu soo bandhigay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Hay’addu waxay sheegtay in gargaarkaasi aanu wax shaqo ah ku lahayn dadaallada ay wado, isla markaana uu yahay mid si khaldan loogu eedeeyay.

Daawooyinkan ayaa markii hore la soo bandhigay 25-ka May 2025, iyadoo maamulka gobolka Hiiraan uu sheegay in agabkaasi aanu dabooli karin baahiyaha daran ee ka jira deegaanka. Sidoo kale, maamulka Hirshabeelle ayaa ka muujiyay dareen niyad jab ah, isagoo tilmaamay in gargaarkaasi aanu ahayn mid laga filan karo hay’ad sida SoDMA oo kale ah.

Agaasimaha waaxda caafimaadka ee SoDMA, Cabdullahi Muuse Axmed (Fanax), ayaa ku dooday in daawooyinkaas aysan aheyn kuwii ay geysay hay’adda, isla markaana aysan wax xiriir ah la lahayn waxyaabaha laga arkay baraha bulshada.

Fanax ayaa intaas ku daray in mas’uuliyadda arrintaas ay qaadayaan dadka soo bandhigay oo si khaldan ugu eedeeyay hay’adda waxaas been abuurka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Waaxda caafimaadka ee hay’addu waxay xustay in ay diyaarisay shixnad daawooyin ah oo badan si loogu gurmado dadka deegaanka Moqokori, balse dhibaatooyinka la xiriira awoodda xamuulka diyaaradaha ay sababtay in hal tan oo kaliya la geeyo.

Sidoo kale, hay’adda SoDMA waxay soo bandhigtay liiska agabka caafimaad ee ay si gaar ah u geysay degmada Moqokori.

Hay’addu waxay sheegtay in agabkii laga arkay warbaahinta bulshada, oo ay ka mid ahaayeen faleembooyin, kaniiniyo, sharoobo muddo kooban uga harsan tahay in ay dhacdo, iyo kabaha ilaalinta darawallada mootooyinka, aysan wax xiriir ah la lahayn gargaarkooda.

Wararkii ugu dambeeyay ee howl-gallada dib loogu qabanayo Aadan Yabaal

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Waxaa socda dhaq-dhaqaaqyo militari oo ballaaran oo ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee ku sugan deegaannada hoos yimaada magaalada istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal, gobolka Shabeellada Dhexe.

Howl-galladan ayaa ah kuwo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab, iyadoo la doonayo in degmada looga saarayo, iyo weliba deegaannada ay weli gacanta ku hayaan.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa booqday aagga Aadan Yabaal si ay u dhiirrigeliyaan ciidanka ku sugan halkaas. Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa gaaray furimaha hore, halkaas oo ay kala hadleen saraakiisha iyo ciidamada xaaladda dagaalka.

Warbixino muhiim ah oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa la siiyey saraakiisha sare, iyadoo diiradda la saaray sidii dagaalkaas loo dardargelin lahaa loona heli lahaa guulo muuqda.

Taliska sare ayaa dhankiisa dhiirrigelin u muujiyey ciidamada iyo shacabka deegaanka ee si wadajir ah ula dagaallamaya Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdiqaadir Cumar, ayaa sheegay in uu ku bogaadiyey ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka halganka naf-hurnimada leh ee ay ugu jiraan difaaca dalka. Wuxuu xusay in ay la dhacsan yihiin dadaalka ay wadaan si loo xaqiijiyo amniga loona ciribtiro cadowga.

Dadka deegaanka oo garab siinaya ciidamada dowladda ayaa door muuqda ka qaadanaya howl-galka, iyagoo muujinaya diyaar garow iyo wadashaqeyn. Tani waxay xoojineysaa isku duubnida shacabka iyo ciidamada, taasoo muhiim u ah guusha howl-gallada socda.

Magaalada Aadan Yabaal oo ay hadda ku sugan yihiin Al-Shabaab ayaa noqotay bartilmaameedka ugu weyn ee howl-gallada socda. Dowladda Soomaaliya iyo shacabka deegaanka ayaa ku howlan ka saarista Al-Shabaab magaalada iyo soo celinta amniga guud ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Go’aanka Kenya: Somaliland oo la kulantay cawaaqibka xiriirkii ay la sameysay Taiwan

0

Nairobi (Caasimada Online) – Go’aankii ay Kenya ku hor istaagtay furitaanka Xafiiska Wakiilka Somaliland ee Nairobi Isniintii ayaa kiciyay dood diblomaasiyadeed oo xiisad leh — balse saameyntiisu waxay aad uga baxsan tahay xadka Nairobi.

Marka hore, arrintu waxay u muuqatay mid farsamo oo kaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha Dibadda ee Kenya ayaa sheegtay in xafladdii furitaanka oo loo qorsheeyay 27-ka May aanay haysan oggolaansho rasmi ah, sidaas darteedna aan la qaban karin.

“Maadaama aan munaasabadda la qorsheeyay ee 27-ka May 2025 oggolaansho rasmi ah laga haysan Wasaaraddan, isku dayga in xafiiskan loo aqoonsado xafiis diblomaasiyadeed ma laha sharciyad dowladeed oo Kenya ay aqbali karto, waana in aan la oggolaanin in ay qabsoonto,” ayaa lagu yiri warqadda Wasaaradda.

Wasaaraddu waxay mar kale ku celisay in Kenya ay si buuxda u aqoonsan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah dowladda keliya ee sharci ahaan metesha Soomaaliya, iyadoo adeegsanaysa luqad waafaqsan xeerarka diblomaasiyadeed ee caalamiga ah.

Laakiin hadalkaas diblomaasiyadeed hoostiisa waxaa laga dheehan karaa farriin ka sii qoto dheer — mid ay dad badan aaminsan yihiin inaysan quseyn oo kaliya midnimada Soomaaliya, balse si gaar ah ugu wajahan xiriirka muranka dhalinaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan.

Aqoonsi cawaaqib yeeshay

Sanadkii 2020, Somaliland waxay si rasmi ah u shaacisay xiriir diblomaasiyadeed oo ay la yeelatay Taiwan, taasoo si toos ah uga hor imaneysay mabda’a hal-Shiinaha ee Beijing.

Maamulkii Somaliland ee markaas talada hayay wuxuu tallaabadan u arkayay muujin geesinimo leh oo ku saleysan is-maamul doon iyo diidmo lagu muujinayo laba-wajiilenimada caalamiga ah. Taageerayaasha Somaliland waxay ku tilmaameen iskaashi hal-abuur leh oo dhex maraya laba dhinac oo si diblomaasiyadeed uga go’doonsan beesha caalamka.

Laakiin dadka dhaliila arrintan waxay u arkeen tallaabo halis ku ah Somaliland. Iyadoo ka hor timid mowqifka midaysan ee Beijing ee ku saleysan hal-Shiinaha, Somaliland waxay si cad uga hortimid mid ka mid ah quwadaha ugu saameynta badan dunida. Abaalmarinta laga filayay — gargaar horumarineed oo kooban iyo taageero diblomaasiyadeed oo xaddidan — marna ma gaarsiisnayn khatarta laga filan karo in waddamada kale ay ku diidaan la macaamilka Somaliland.

Shan sano kadib, khasaaraha arrintaasi wadatay wuxuu noqday mid muuqda. Nidaamka diblomaasiyadeed ee Shiinaha uma dulqaato wax ka leexda mabda’a hal-Shiinaha, waxaana uu leeyahay awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo uu si xoog leh ugu adeegsan karo culeys saarid.

Inkasta oo Kenya ay sabab uga dhigtay arrimo hab-raac ah, falanqeeyayaal badan ayaa rumeysan in Shiinuhu si hoose u saaray cadaadis culus. Tani waxay qayb ka tahay ololaha ballaaran ee Beijing ku doonayso in lagu ciqaabo cid kasta oo sharciyeysa ama taageerta Taiwan.

Taasi micnaheedu ma aha in Somaliland aysan xaq u lahayn inay la macaamisho cid kasta oo ay dooneyso. Way leedahay. Laakiin, siyaasadda caalamiga ah xaqa keligii kuma filna. Xaaladaha awood qeybsiga, danaha quwadaha iyo xeeladaha diblomaasiyadeed ayaa inta badan ka miisaan culus mabaadi’da.

Somaliland oo wajahaysa tijaabo

Haddaba, halkan ayay Somaliland ku wajahaysaa tijaabadii ugu adkayd ee siyaasaddeeda arrimaha dibadda: Ma suurtagal baa in mabda’a iyo maslaxadda la is waafajiyo?

Xiriirka Taiwan wuxuu siiyay Somaliland astaan mabda’ oo cad, balse faa’iidooyinkiisu waxay ahaayeen kuwo xaddidan. Aqoonsi caalami ah lama helin, maalgashiguna aad buu u yaraa. Hadda oo waddamada gobolka ay noqdeen kuwo taxaddar badan muujinaya, Somaliland waxay wajahaysaa go’doon diblomaasiyadeed, xilli isbahaysiyada caalamiga ah ay noqdeen kuwo ku dhisan dano gaar ah iyo is-dhaafsi maslaxadeed.

Tani waxay dhalinaysaa su’aal adag oo ay tahay in si dhab ah loogu fiirsado: Ma la joogaa waqtigii Somaliland dib u qiimeyn lahayd istaraatiijiyaddeeda arrimaha dibadda?

Jawaabta arrintan sahal ma aha. Ka laabashada xiriirka Taiwan waxay keeni kartaa khatar siyaasadeed oo gudaha ah iyo dhaawac ku yimaada sumcadda Somaliland ee ah in ay tahay maamul madax-bannaan oo geesinimo leh, sida ay sheegato. Si kastaba ha ahaatee, indha la’aanta saameynta juqraafiyeed iyo cawaaqibka caalamiga ah ee ka dhashay go’aankaas waxay noqon kartaa mid si la mid ah u khatar badan.

XAMAAS oo ogolaatay hindisaha Mareykanka ee…

Doha (Caasimada Online) – Kooxda Xamaas ayaa aqbashay qorshe xabbad-joojin ah oo uu soo jeediyay ergayga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff, sida uu wakaaladda Reuters u xaqiijiyay masuul Falastiini ah oo si dhow ula socda arrimaha kooxda. Tallaabadan ayaa laga yaabaa in ay gogol u dhigto dhammaadka dagaalka kala dhexeeya Israel.

Qorshahan cusub, oo Xamaas loo gudbiyay iyada oo loo sii marayo dhex-dhexaadiyeyaal, ayaa dhigaya in la sii daayo toban maxbuus oo Israa’iili ah, iyadoo la helayo xabbad-joojin soconaysa 70 maalmood.

“Iyada oo la sii daynayo laba kooxood oo ka kooban toban maxbuus oo Israa’iili ah oo wali nool, ayaa qorshuhu dhigayaa in la helo xabbad-joojin 70 maalmood ah iyo in si qayb ah loo joojiyo joogitaanka ciidamada Israel ee Marinka Gaza,” ayuu yiri ilo-wareedku.

Sidoo kale, qorshuhu wuxuu ku talinayaa in Israel ay sii dayso tiro maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan boqolaal mudan xukuno muddo dheer ah.

Mas’uul Israa’iili ah ayaa iska diiday soo jeedinta, isagoo sheegay in aysan jirin dowlad mas’uul ah oo aqbali karta heshiis noocaas ah, wuxuuna beeniyay sheegashada ah in heshiiskaasi la mid yahay mid uu horay u soo jeediyay Witkoff.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa markii dambe farriin duuban oo uu ku baahiyay baraha bulshada ku yiri inuu “si weyn u rajeynayo” inuu soo bandhigi karo wax horumar ah oo la xiriira dagaalka Israa’iil kula jirto Xamaas iyo sii deynta dadka la haysto, “maanta, haddii aysan maanta ahaynna, berri.”

18-kii Maarso, Israel ayaa si buuxda u jebisay heshiis xabbad-joojin ahaa ee bishii Janaayo lala galay Xamaas, iyadoo markale billowday howlgallo militari oo ka dhan ah Gaza. Laba maalmood kadib, Xamaas iyo kooxaha la safan ayaa bilaabay weerarro iyo gantaallo.

Xamaas ayaa hore u sheegtay inay diyaar u tahay inay sii dayso dhammaan maxaabiista harsan ee la afduubtay intii lagu jiray weeraradii 7-dii Oktoobar 2023 lagu qaaday deegaannada koonfurta Israel, haddii Israel si buuxda uga baxdo Gaza, isla markaana ay oggolaato xabbad-joojin joogto ah.

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa ku adkaystay in dowladdiisu oggolaan doonto oo keliya xabbad-joojin ku meel gaar ah haddii la sii daayo maxaabiista, isagoo mar kale ku celiyay in dagaalku dhammaan karo oo keliya marka Xamaas gebi ahaanba la tirtiro.

Israel ayaa billowday duullaan dhanka cirka iyo dhulka ah kadib weerarkii ay 7-dii Oktoobar 2023 ay dagaal-yahanada Xamaas kaga soo gudbeen xadka, kaas oo—sida ay sheegtay Israel—lagu dilay 1,200 qof, iyadoo 251 kale la qafaashay lana geeyay gudaha Gaza.

Dagaalkaas ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 54,000 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen masuuliyiinta caafimaadka ee Gaza, wuxuuna gebi ahaanba burburiyay dhulka xeebta ah. Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya in nafaqo-xumo daran ay si baahsan ugu fidayso dadka shacabka ah.

Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa shalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo maalmo ka hor uu tegay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kaasoo kaga sii gudbay dalka Imaaraadka Carabta balse hadda ku soo laabanaya Nairobi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Cirro iyo Deni ayaa ku ballamay inay ku kulmaan magaalada Nairobi, waxaana qodobada ugu xasaasisan ee ay ka wadahadli doonaan ka mid ah mowqifkooda ku aaddan maamulka SSC-Khaatumo.

Somaliland iyo Puntland waxay ka mideysan yihiin diidmada dhismaha maamulka SSC-Khaatumo oo dhowaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya siisay aqoonsi rasmi ah, tallaabadaas oo ay u arkaan mid halis ku ah danahooda siyaasadeed iyo amni.

Labadan maamul ayaa hore ugu dagaalami jiray dhulka hadda laga dhisay maamulka Khaatumo, waxayna hadda isku raacsan yihiin inaysan oggolaan karin in maamul kale laga hirgeliyo deegaankaas.

Cirro iyo Deni oo dhowaan bilaabay wadahadal toos ah, isla markaana ku guuleystay inay maxaabiis is-dhaafsadaan iyagoo aan cidna dhex-dhexaadin, ayaa hadda sii xoojinaya is-fahamka siyaasadeed ee ka dhexeeya.

Caqabadda ugu weyn ee si isku mid ah ay u dareemayaan Somaliland iyo Puntland waa dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, waxaana la filayaa inay ka gaaraan go’aan mideysan oo ku saabsan halista ay ka arkaan taageerada buuxda ee dowladda federaalka ah siineyso maamulkaas.

Labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa hadda wajahaya xaalad adag, maadaama dhulkii ay ku muransanaayeen, oo ay dhowaan maxaabiis ku kala qabsadeen, uu hadda isu beddelayo deegaan ka go’aya gacantooda una xuubsiibtamaya maamul cusub oo lagu magacaabo Khaatumo.

Somaliland, oo dagaal looga saaray dhulka SSC, waxay wajahayaan caqabado la xiriira arrimaha xuduudaha, taasoo meesha ka saaraysa dooddii ahayd inay koonfur uga go’een dhulkii Ingiriisku gumaysan jiray.

Puntland dhankeeda, waxay halis ugu jirtaa inay lumiso beesha Warsangeli ee Daarood, oo la filayo inay si buuxda ugu biirto maamulka SSC-Khaatumo, una midoobaan beesha Dhulbahante. Arrintan ayaa ka dhigan in xildhibaanadii beelahaas laga soo dooran jiray Boosaaso iyo Garowe laga yaabo in hadda kadib laga soo doorto magaalada Laascaanood.

Shariif Sheekh oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Muqdisho, xilli ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee dalka.

Shariif ayaa la kulmay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho Danjire Alper Aktas, kaasi oo uu kala hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee taagan.

“Waxaan maanta Magaalada Muqdisho kulan kuwada yeelanay safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan dalkeenna Soomaaliya Danjire Alper Aktas,” ayuu yiri Shariif oo qoraal kasoo saaray kulanka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray taageerada dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, arrimaha doorashooyinka ee lagu muransan yahay iyo la-dagaalanka kooxaha argaggixisadda ah.

“Waxaan uga mahadcelinayaa dowlada turkiga taageeradeeda hagar la’aanta ah oo ay mar walba dalkeenna la garab taagantahay,” ayuu Shariifka ku yiri qoraalka uu soo saaray.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay magaalada Muqdisho isugu yimaadeen dhammaan mucaaradkii dowladda, kuwaas oo ka soo horjeeda doorashada ay qabaneyso madaxda hadda talada heysa.

Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho ka socda qorshe uu mucaaradku ku qabsanayo shirweyne ballaaran, kaasi oo lagu muujinayo sida ay uga soo horjeedan hanaanka ay wax u wado dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Daawo: Muuqaal ay Macron dharbaaxeyso xaaskiisa oo qabsaday caalamka

Hanoi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa Isniintii si cad u beeniyay inuu muran qoys kala dhaxeeyo xaaskiisa Brigitte, kadib markii muuqaal laga duubay garoonka diyaaradaha ee Hanoi uu baraha bulshada si ba’an ugu faafay. Muuqaalkaasi ayaa muujiyay xaaskiisa oo si lama filaan ah wejigiisa uga riixaysa xilli ay ka soo degayeen diyaaradda madaxtooyada.

Macron ayaa sheegay in muuqaalkaasi si khaldan loo fasiray, isagoo eedda dusha uga tuuray olol marin habaabin ah oo lagu doonayo in si qaldan loo micneeyo dhacdada.

Madaxtooyada Faransiiska (Élysée) ayaa rajeyneysay in booqashada Vietnam ay iftiimin doonto doorka Paris ee gobolka Indo-Pacific. Hase yeeshee, safarkii lagu doodayay inuu fursad u yahay xoojinta saameynta Faransiiska, waxaa hareeyay hadal-heyn ka dhalatay muuqaalka dhacdadan, oo dhacay markii diyaaraddii madaxweynaha ay Axaddii ka degtay magaalada Hanoi.

Waa markii saddexaad oo bishan gudaheeda Macron uu bartilmaameed u noqdo muuqaal si xawli leh ugu faafay baraha bulshada, xilli Faransiisku sheegayo in uu wajahayo weerarro marin habaabin ah oo joogto ah, iyadoo Ruushka lagu eedeeyay inuu kordhiyay weerarrada warbaahinta ee uu la beegsanayo taageerayaasha Ukraine.

Mid ka mid ah sheegashooyinka been abuurka ah ee la faafiyay ayaa ahayd in Macron uu cocaine isticmaalo xilli uu booqasho ku marayay magaalada Kyiv, isagoo la socday Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer iyo Kanzalarka Jarmalka Friedrich Merz. Sawirro kale ayaa muujiyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo lagu eedeeyay inuu si muujin ah u gacan sarreeyay marka uu gacan qaadayay Macron.

Muuqaal ay duubtay wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa muujinaya Brigitte Macron oo labada gacmood ku taagaysa kuna riixaysa wejiga saygeeda xilli ay ka soo degayeen diyaaradda.

Macron ayaa muuqaalkaas ka muuqda isagoo si yar ula yaaban falka, balse si degdeg ah ayuu uga bogsaday, kadibna wuxuu u jeestay dadkii sugayay soo dhoweynta isaga oo gacan u haadinaya. Si kastaba, maadaama inta badan jirka Brigitte uu ku daboolnaa albaabka diyaaradda, looma arkin si cad wejigeeda iyo luqaddeeda jirka.

“Aniga iyo xaaskeyga waan kaftamaynay, wax muran ah nagama dhexeyn. Si lama filaan ah ayaan uga yaabay,” ayuu yiri Macron.

“Hadda arrintii waxay isu beddeshay masiibo caalami ah, qaarna waxay bilaabeen inay abuuraan mala-awaal iyo falanqeyn aan sal lahayn,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Dadku ha dejiyaan naftooda”

Macron ayaa si caro leh uga falceliyay muuqaallo kale oo faafay maalmahan, kuwaas oo uu ku jiro mid laga duubay xilli uu saarnaa tareen kusii jeeday Kyiv. Qaar ka mid ah dadkii faafiyay muuqaalkaasi waxay si been abuur ah u sheegeen in uu cocaine watay.

Balse waxa uu caddeeyay in waxa uu miiska ka qaaday marka ay saxaafaddu soo gashay uu ahaa masax gacmeed.

Dhanka kale, Erdogan ayaa la arkay isagoo haysta farta Macron marka ay is gacan qaadayeen — taas oo si khaldan loo fasiray.

“Midkoodna ma aha run,” ayuu yiri Macron. “Dhammaan waa muuqaallo sax ah, laakiin fasiraadda lagu lifaaqay ayaa ah mid si khaldan loo abuuray.”

“Dadku ha xasilaan. Waa in la joojiyaa buunbuuninta aan salka lahayn,” ayuu hadalkiisa ku adkeeyay.

Markii ay dhacdadan ka dhacday Hanoi, Macron iyo Brigitte waxay si toos ah ugu dhaadhaceen jaranjarada diyaaradda si loogu soo dhoweeyo si rasmi ah. Si kastaba, Brigitte Macron ma aysan qaadan gacanta madaxweynaha markii uu u fidiyay.

Muuqaalkan ayaa si xowli ah ugu faafay baraha bulshada, iyadoo si gaar ah loogu faafiyay akoonno si joogto ah u dhaliila hogaamiyaha Faransiiska.

Xafiiska Macron ayaa markii hore shaki geliyay sax ahaanshaha muuqaalka, isagoo soo jeediyay in laga yaabo in la adeegsaday teknoolajiyadda sirdoonka macmalka ah (AI). Balse markii dambe waa la xaqiijiyay in muuqaalkaasi dhab yahay, waxaana si toos ah uga falceliyay Macron.

“Wax aan caadi ka baxsaneyn”

“Sedexda muuqaal ee la faafiyay, mid waxaan ka qaaday masax gacmeed, midna waxaan gacan qaaday, midna waxaan la kaftamay xaaskeyga — wax aan ka badneyn nolol maalmeedkeenna caadiga ah,” ayuu yiri Macron.

Wuxuu eedda dusha uga tuuray “shabakado si fudud loo raad raaci karo,” isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay “Ruushka” iyo “xagjiriinta gudaha Faransiiska.”

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova – oo si firfircoon uga qeyb qaadatay faafinta sheegashada cocaine-ka – ayaa qoraal ay ku daabacday Telegram ku sheegtay in Macron uu “xaaskiisa ka helay feer midig.”

Waxay intaas ku dartay in la filayo in la eedeeyo Ruushka. “Ama waxaa laga yaabaa in ahayd gacantii Kremlin-ka?” ayay ku tiri hadal ay si jees-jees ah u dhigtay.

Vietnam ayaa ah saldhigga koowaad ee safarka Macron ee Koonfur Bari Aasiya, halkaas oo uu doonayo in Faransiisku isu muujiyo inuu yahay xulasho kale oo lagu kalsoonaan karo marka la barbar dhigo Mareykanka iyo Shiinaha.

Macron waxa uu sidoo kale booqan doonaa Indonesia iyo Singapore.

Xiriirka u dhexeeya Macron, oo 47 jir ah, iyo xaaskiisa Brigitte, oo 72 jir ah, ayaa muddo dheer ahaa mowduuc hadal-heyn ka dhashay gudaha iyo dibaddaba.

Brigitte waxay ahayd macallimad, isaga ayaana arday u ahaa markii ay isku barteen iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Amiens ee waqooyiga-bari Faransiiska. Iyadoo ahayd hooyo leh saddex carruur ah, ayay ninkeeda hore kala tageen, waxayna xiriir la bilowday Macron xilli uu weli dhallinyaro ahaa.

Brigitte oo ah marwada madaxweynaha Faransiiska ee sida weyn u muuqata, ayaa hore tallaabo sharci ah uga qaaday sheegashooyin been abuur ah oo baraha bulshada lagu faafiyay, oo ay ku jiraan kuwo la xiriira jinsiyaddeeda.

Garaad Jaamac oo laba kala dooran siiyey Somaliland

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaadka guud ee SSC-Khaatumo, Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa fariin cad u diray madaxda siyaasadeed iyo dhaqanka ee Somaliland, isagoo ugu baaqay inay si dhab ah u qaataan nabad aan shuruud lahayn, isla markaana ka tanaasulaan damaca ku aaddan in dib loo qabsado deegaannada SSC-Khaatumo.

Garaadka oo hadal jeediyay ayaa sheegay in bulshada deegaanka SSC-Khaatumo aysan diyaar u ahayn in la maquuniyo, isla markaana aysan Somaliland awood u lahayn inay ku qabsato SSC-Khaatumo dagaal iyo nabad toona.

Wuxuu xusay in hadallada Somaliland ee sheegaya in “Sool Bari nabad lagu soo celinayo” ay yihiin kuwo aan waaqica ku salaysnayn oo aan waxba ka beddeli doonin xaqiiqada dhabta ah ee deegaanka ka jirta.

“Walaalayaalow labo mid aan idinka helno. ‘Nabad baan ku soo celinaynaa Sool Bari’ waa hadal liita. Nabad iyo colaad midna kuma soo celin kartaan SSC. Haddii aad leedihiin ‘dagaalkii horaa naga xumaaday ee saraakiisha noo soo daaya’, oo aad leedihiin ‘dhaqaalihii waa nagu yaryahay ee jidka noo fura’, taas waa af aan garan karno. Laakiin haddii aad hunguri u qabtaan dhulkayaga, ogow idinkana dhulkiinna uma soconayno,” ayuu yiri Garaadka.

Garaad Jaamac waxa uu sheegay in Somaliland ay wajahayo fursad muhiim ah oo ah in ay kala doorato laba waddo oo kala ah: colaad toos ah ama nabad buuxda oo ay ku ixtiraamayso jiritaanka maamulka SSC-Khaatumo.

“Waan leeyahay dagaalka dani kuma jirto, laakiin nimankii dhibku inaga dhexmaray ilaa iyo hadda nabad kama hayno. Aan ka reebo Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo war cad noo sheegay, kuna dhawaaqay nabad. Guryihiinna kuma soconayno, kayaguna in aad ku soo duushaan ma ogolin,” ayuu yiri Garaadku.

Garaadku wuxuu hoosta ka xarriiqay in dadka deegaanka SSC aysan doonayn in ay la dagaallamaan walaalahooda reer Somaliland, balse aysan sidoo kale ogolaan karin in la inkiro maamulka ay dhisteen ee SSC-Khaatumo oo ay dowladda federaalka ah si rasmi ah u aqoonsatay.

Hadalka Garaad Jaamac ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Somaliland iyo maamulka SSC-Khaatumo, kaasoo xukunkiisa si weyn uga hana qaaday gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn tan iyo markii dagaallo culus ay bishii February 2023 ka dhaceen Laascaanood.

Si kastaba, dhowaan ayay ahayd markii Garaad Jaamac iyo Suldaanka Guud ee Somaliland, Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed, ay si wadajir ah ugu dhawaaqeen baaq nabadeed, taasoo loo arkayay dadaal lagu yaraynayo xiisadda ka aloosan waqooyiga Soomaaliya.

Siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedka reer SSC ayaa marar badan ku celiyay in aanay aqbali doonin in laga arrimiyo Laascaanood iyo agagaarkeeda iyada oo laga maamulayo Hargeysa, iyagoo ku adkeysanaya in xal siyaasadeed oo suurtagal ah uu yahay in loo madax-bannaanaado aaya-ka-tashiga dadka deegaanka.

Somaliland’s diplomatic gambit meets global reality

NAIROBI, Kenya – Kenya’s decision on Monday to block the inauguration of a Somaliland Liaison Office in Nairobi has stirred diplomatic debate—but the implications go far beyond Nairobi. This moment may well mark a turning point in Somaliland’s foreign policy, exposing the limits of symbolic diplomacy and the long shadow cast by global power struggles.

On the surface, the move seemed like a technicality. Kenya’s Ministry of Foreign and Diaspora Affairs stated that the event, planned for 27 May, had not been granted official approval and could not proceed.

The ministry reaffirmed Kenya’s recognition of the Federal Republic of Somalia as the sole legitimate sovereign authority, using standard language aligned with international norms.

But beneath that diplomatic phrasing lies a deeper message—one that many believe is tied not just to Somalia’s unity but also to Somaliland’s controversial engagement with Taiwan.

A costly recognition

In 2020, Somaliland made headlines by establishing formal diplomatic relations with Taiwan, defying China’s One-China policy. The previous Somaliland administration’s announcement was framed as a bold assertion of self-determination and a rejection of global double standards. Supporters praised it as a visionary partnership between unrecognized or diplomatically marginalized entities.

Others saw it as a high-risk move. By taking a stand against China’s global diplomatic consensus, Somaliland knowingly antagonized one of the most powerful states on earth. The potential rewards—limited development aid, token diplomatic support—were always outweighed by the risk of alienating countries unwilling to challenge Beijing.

Five years later, the costs are becoming visible. China’s diplomatic machine has little tolerance for deviation from its One-China principle and has the economic and political weight to enforce it.

While Kenya cited procedural grounds for its rejection, analysts suspect strong Chinese pressure behind the scenes. This is part of Beijing’s broader effort to punish any entity seen to legitimize Taiwan.

None of this means that Somaliland lacks the right to engage with its chosen international partners. It does. However, in international politics, rights are not enough. Power dynamics, global interests, and diplomatic leverage often matter more than ideals.

And this is where Somaliland’s foreign policy faces its most significant test: Can it reconcile principle with pragmatism?

The relationship with Taiwan brought moral clarity but limited material gains. Recognition did not follow, and investment remained modest. And now, as key regional players grow increasingly cautious, Somaliland finds itself facing diplomatic isolation at a time when global alliances are more transactional than ever.

This raises a difficult but necessary question for Somaliland’s leadership: Is it time to revisit the strategy?

A path forward

There is no simple answer. Reversing ties with Taiwan would carry domestic political risks and damage Somaliland’s image as a bold and independent actor. However, ignoring the geopolitical consequences of that decision is equally dangerous.

Somaliland cannot afford to be excluded from regional diplomacy, especially as it seeks infrastructure deals, economic partnerships, and greater visibility on the African stage.

Rather than doubling down on symbolic alliances, Somaliland may need to adopt a more layered strategy—one that balances its identity-driven diplomacy with a sober assessment of global realities. That might mean diversifying partnerships, deepening regional engagement, and investing in economic and security collaboration that benefits both Somaliland and its neighbors.

It may also require quiet diplomacy—behind closed doors—with actors like Kenya, Ethiopia, and the African Union to reset expectations and explore constructive pathways that don’t demand full recognition but still offer legitimacy and access.

Because slogans alone will not unlock international standing, outrage, or isolation.

What Somaliland needs now is not louder declarations—but smarter, more adaptive diplomacy.

This week’s events are a wake-up call. They reflect the limits of symbolic foreign policy in a world dominated by strategic interests and shifting alliances. For Somaliland, the road to recognition remains steep and uncertain.

Somaliland’s new leadership faces a difficult job. How they handle this moment will define not only the region’s external relations but also its long-term path toward global acceptance.

Muqdisho oo maanta marti-gelinaysa ciyaartooy caalami

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta oo Talaado ah la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan wafdi sare oo ka socda xiriirrada kubadda cagta adduunka iyo Afrika, kuwaas oo kala ah FIFA iyo CAF.

Wafdigan ayaa ah mid muhiim u ah xiriirka ciyaaraha ee Soomaaliya, iyadoo safarkoodu uu xambaarsan yahay fariin muujinaysa taageero iyo dhiirrigelin loogu talagalay horumarka ciyaaraha dalka.

Wafdiga la filayo ayaa waxaa qeyb ka ah halyeeyo caan ah oo magac weyn ku leh kubadda cagta Qaaradda Afrika, sida Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Okocha. Halyeeyadan ayaa casuumaad rasmi ah ka helay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, taasoo muujinaysa xiriirka wanaagsan oo ay Soomaaliya la leedahay ururrada caalamiga ah ee ciyaaraha.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Dahabo Suusow Maxamuud, ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed — muxaafid iyo mucaaradba — in ay si mideysan u soo xaadiraan garoonka Muqdisho Stadium, si ay u muujiyaan taageeradooda iyo soo dhoweyntooda wafdigan heerka caalami ah.

Halyeeyada Afrikaanka ah ayaa lagu wadaa in ay kulan saaxiibtinimo ku ciyaaraan garoonka Muqdisho Stadium, halkaas oo ay kula dheeli doonaan xiddigaha xulka qaranka Soomaaliya iyo ciyaartoy ajaanib ah oo ka tirsan kooxaha ka ciyaara horyaalka gudaha dalka. Kulankan ayaa ah mid taariikhi ah oo dhif iyo naadir ah in uu ka dhaco gudaha Soomaaliya.

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa sheegay in kulankan uu yahay calaamad muujinaysa soo kabashada dalka, gaar ahaan dhinaca amniga. Waxay sidoo kale xuseen in ay tani tahay fursad lagu soo celinayo kalsoonida caalamiga ah ee ku aaddan qabashada tartamada heer caalami ee gudaha Soomaaliya.

Saaka ayaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa diyaargarow ballaaran oo ku aaddan soo dhaweynta halyeeyadan caanka ah. Waddooyinka muhiimka ah iyo agagaarka garoonka Muqdisho Stadium ayaa si gaar ah loo adkeeyay ammaankooda, iyadoo la filayo in shacabka ay si weyn u soo xaadiraan munaasabaddaas taariikhiga ah.

Kenya oo diiday furitaanka xafiiska Somaliland ee Nairobi, soo saartay qoraal bahdil ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u hor istaagtay qorshaha furitaanka xafiis ay Somaliland ku yeelan lahayd magaalada Nairobi, iyadoo si cad u muujisay in aysan aqoonsanayn madax-bannaanida maamulkaasi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed diblomaasiyadeed oo si adag loo dhigay.

Go’aankan ayaa yimid saacado uun kadib, markii Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu Axaddii soo gaaray magaalada Nairobi, booqasho rasmi ah oo lagu sheegay mid lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.

Warqad ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha Kenya u dirtay Xafiiska Xiriirka Somaliland ayaa lagu sheegay in aysan wax oggolaansho ah u siin munaasabad la qorsheeyay in la qabto Talaadada, 27-ka May 2025. Warqadda ayaa sidoo kale caddaysay in Kenya aysan aqoonsan wax heer diblomaasiyadeed ah oo la xiriira xafiiskaasi.

“Maadaama aan munaasabadda la qorsheeyay ee 27-ka May 2025 oggolaansho rasmi ah laga haysan Wasaaraddan, isku dayga in xafiiskan loo aqoonsado xafiis diblomaasiyadeed ma laha sharciyad dowladeed oo Kenya ay aqbali karto, waana in aan la oggolaanin in ay qabsoonto,” ayaa lagu yiri warqadda Wasaaradda.

Go’aanka Kenya ayaa ka dhigay in munaasabadii furitaanka xafiiskaas meesha laga saaray, taas oo reer Somaliland ay qorsheeyeen 27-ka ay ku qabtaan Nairobi.

Kenya ayaa sidoo kale si cad u sheegtay in ay “sii adkeyneyso kuna celinayso ixtiraamkeeda joogtada ah ee ku wajahan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” iyadoo xustay in ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Bayaanka ayaa sidoo kale xusay in Kenya ay la shaqeyso maamul-goboleedyada gobolka, oo ay ku jirto Somaliland, balse waxa la carrabaabay in wada-shaqeyntaasi ku kooban tahay kor u qaadista nabadda, ganacsiga, iyo horumarka guud ee Geeska Afrika.

“Dowladda Kenya, iyadoo sii wadeysa wada-hadallada ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay diyaar u tahay in ay taageerto dadaallada lagu horumarinayo iskaashi iyo wada-shaqeyn labada dhinacba dan u ah,” ayaa lagu daray bayaanka.

Booqashada Cirro ee Nairobi

War-saxaafadeedkan ayaa soo baxay saacado uun kadib markii Madaxtooyada Somaliland ay baraha bulshada ku shaacisay in Madaxweyne Cirro uu soo gaaray magaalada Nairobi, booqasho ay ku tilmaantay mid “diblomaasiyadeed oo istaraatiiji ah.”

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha si rasmi ah loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, halkaas oo uu ku qaabilay Wasiirka Macdanta, Dhaqaalaha Buluugga ah, iyo Arrimaha Badda ee Kenya, Xasan Cali Joho, ka dibna loo galbiyay hoygiisa ku yaalla caasimadda.

“Si muujinaysa waddaniyad iyo midnimo, xubno ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee Kenya ayaa isugu yimid si ay si diirran u soo dhaweeyaan Madaxweynaha,” ayaa lagu yiri bayaanka Madaxtooyada, iyadoo lagu daray in booqashadu tahay “mid lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed, lagu kobcinayo iskaashiga gobolka, isla markaana lagu horumarinayo doorka Somaliland ee masraxa caalamiga ah.”

In kasta oo socdaalka Madaxweyne Cirro uu muujinayo dadaalka Somaliland ay ugu jirto in ay ballaariso xiriirrada caalamiga ah, haddana jawaabta diblomaasiyadeed ee Kenya ayaa si cad u muujisay in siyaasaddeeda arrintan ku aaddan ay tahay mid aan isbeddelin: wada-shaqeyn aan ahayn aqoonsi rasmi ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa warqaddeeda ku soo gunaanaday iyadoo u muujisay xushmad diblomaasiyadeed Xafiiska Somaliland, balse si adag u caddeysay in tallaabo kasta oo diblomaasiyadeed ah looga baahan yahay oggolaansho rasmi ah si loo fuliyo.

Somaliland, oo ah maamul iskiis ugu dhawaaqay madax-bannaani sanadkii 1991 ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, weli ma helin wax aqoonsi caalami ah.

Inkasta oo ay xafiisyo xiriir ku leedahay caasimado kala duwan iyo in ay maamusho dhulkeeda, haddana beesha caalamka oo ay Kenya ku jirto, waxay wali Somaliland u arkaan qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

Kenya blocks opening of Somaliland liaison office

NAIROBI, Kenya — Kenya has blocked the planned opening of a Somaliland Liaison Office in Nairobi, reaffirming its recognition of Somalia’s sovereignty in a strongly worded diplomatic statement.

The move comes as Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro arrived in the Kenyan capital on Sunday for an official visit to deepen bilateral engagement.

In a letter addressed to the Somaliland Liaison Office, Kenya’s Ministry of Foreign and Diaspora Affairs said it had not authorized the event scheduled for Tuesday, 27 May 2025, and clarified that any diplomatic status associated with the office was not recognized.

“To the extent that the event of 27 May 2025 has not been granted approval from this Ministry, its investiture of the status of a Diplomatic Office does not enjoy the imprimatur of the Republic of Kenya and cannot be allowed to proceed,” the Ministry stated.

Kenya further emphasized that it “maintains and respectfully reaffirms its unwavering recognition of the Federal Republic of Somalia as a sovereign state,” reaffirming its commitment to Somalia’s territorial integrity and sovereignty under international law.

The statement also noted Kenya’s ongoing cooperation with regional governments, including Somaliland. However, it stressed that these engagements are solely intended to promote peace, trade, and development across the Horn of Africa.

“The Government of Kenya, through sustained dialogue with the Federal Government of Somalia, stands ready to support efforts to enhance cooperation and mutually beneficial partnerships,” it added.

Abdirahman Irro visit Nairobi 

The announcement came just hours after the Somaliland Presidency published a statement on social media announcing President Irro’s arrival in Nairobi for a “strategic diplomatic visit.”

The post said he was received at Jomo Kenyatta International Airport by Cabinet Secretary for Mining, Blue Economy, and Maritime Affairs Hassan Ali Joho and escorted in a formal procession to his residence in the capital.

“In a display of patriotism and unity, members of the Somaliland diaspora in Kenya gathered to extend a heartfelt welcome to the Head of State,” the Presidency’s statement read, adding that the visit aims to “strengthen diplomatic ties, foster regional cooperation, and advance Somaliland’s strategic engagement on the international stage.”

While President Irro’s visit underscores Somaliland’s efforts to expand its international footprint, Kenya’s diplomatic response reflects a clear and consistent policy line: engagement without recognition.

The Ministry concluded its letter by extending diplomatic courtesies to the Somaliland Liaison Office while firmly stating that any diplomatic initiative must receive official sanction to proceed.

Somaliland, a self-declared republic that proclaimed independence from Somalia in 1991, remains unrecognized by any country.

Despite operating liaison offices in various capitals and maintaining de facto governance, the international community, including Kenya, continues to view Somaliland as part of the Federal Republic of Somalia.

Xog: FARMAAJO oo diiday isbaheysiga iyo Rooble, Mursal iyo Saacid oo galabta yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Imaatinka mas’uuliyiintan oo hadda ka mid ah mucaaradka dowladda ayaa la sheegay inuu dhameystir u yahay dhismaha isbaheysi ay ku mideysan yihiin musharaxiinta mucaaradka.

Dhamaan xubnaha mucaaradka ee u hanqal taagaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa berri shir ugu furmaya magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegay in Madasha Mucaaradka uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, isla markaana ay ka qeyb geli doonaan Ra’iisul Wasaarayaal hore, wasiirro hore, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo saameyn ku leh siyaasadda dalka.

Qorshe lagu doonayay in isbaheysigan lagu soo daro Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa fashilmay, kadib markii uu Farmaajo diiday inuu qayb ka noqdo.

Farmaajo ayaa la sheegay inuusan la dhacsaneyn habka ay mucaaradku wax u wadaan, iyaga oo xitaa mararka qaar si fudud u siyaasadeeya arrimo masiiri ah, sida amniga iyo la-dagaalanka Al-Shabaab.

Arrimahan ayaa si cad uga muuqday bayaannadii uu horey u soo saaray Farmaajo, isaga oo inta badan ku amaani jiray ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, halka xubno ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay si joogto ah u dhaliili jireen dowladda, iyaga oo ku eedeyn jiray wax ka qabasho la’aanta amniga iyo guuldarrooyinka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa ka duwan xubnaha kale ee mucaaradka ah, maadaama uu inta badan ka fiirsado bayaannada iyo fal-celinta uu soo saaro, halka mucaaradka kale ay si maalinle ah ama si joogto ah u weeraraan dowladda.

Kala aragti duwanaanshahan ayaa keenay in Farmaajo iyo mucaaradka kale aysan si buuxda isugu imaan karin.

Muqdisho waxaa isugu yimid dhammaan mucaaradkii dowladda, kuwaas oo ka soo horjeeda doorashada ay qabaneyso madaxda hadda talada heysa, halka dhanka dowladda uu ka socdo qorshe loogu diyaar-garoobayo shir weyne uu gogoshiisa dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh, si looga wadahadlo arrimaha la isku khilaafsan yahay, iyadoo doorashadu ay ugu horreyso.

Mucaaradka oo shaaciyey shuruudaha ay ku aqbali karaan doorashada uu wado Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta Mucaaradka oo haatan si weyn uga soo horjeeda hanaanka doorasho qof iyo cod ee ay wado dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ifiyay qaar kamid ah shuruudaha ay ku aqbali karaan hanaankan doorasho.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaaciyay in loo baahan yahay in la helo dastuur, sharci iyo xeer la isku raacsan yahay oo doorashada marjic u ah iyo in maamulka doorashada ay gacanta ku hayaan hawlwadeen madaxbannaan oo dhexdhexaad ah.

Sidoo kale waxaa uu muujiyay baahida jiritaanka garsoor madaxbannaan oo qaadi kara garta khilaafka doorashada, iyadoo agabka iyo qalabka la adeegsanayo uu noqonayo mid aan la iska maamulan karin.

Hoos ka aqriso qoraal uu soo saaray Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur:

Doorasho waa xaq dastuuri ah oo dad iyo degaan lagu metalo, dadwaynuhuna aaminaan in codkooda ciddii ay u rideen uu si caddaalad ah ugu dhacayo. Si taa loo xaqiijiyana waa;

1- In la helo dastuur, sharci iyo xeer la isku raacsan yahay oo doorashada marjic u ah.

2- Waa in maamulka doorashada ay gacanta ku hayaan hawlwadeen madaxbannaan oo dhexdhexaad ah.

3- Waa in uu jiraa garsoor madaxbannaan oo qaadi kara garta khilaafka doorashada.

4- Waa in agabka iyo qalabka la adeegsanayo uu yahay mid aan la iska maamulan karin.

Doorashada ay dadku diiddanyihiin;

1- Doorasho hal nin degsaday dastuurkeeda, sharcigeeda iyo xeerkeeda.

2- Guddiga maamulaya iyo garsoorkeedana isagu magacaabayo.

3- Agabka iyo qalabka codbixinta gacanta kaligii ugu jiro.

4- Dadwaynaha lagu qasabayo oo qori lala dultaagan yahay.

Taasi doorasho maaha ee waa xiisad iyo xasarad abuur horseedaysa colaad sokeeye iyo xasillooni darro siyaaseed.