25.2 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Somali President’s long trip fuels geopolitical mystery

Mogadishu, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud is currently on his most extended foreign trip to date, a discreet diplomatic offensive that began on July 6 in Egypt and has since taken him to Turkey, with an unconfirmed but anticipated leg in Azerbaijan. The extended tour comes amid heightened regional tensions, particularly concerning Ethiopia’s Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) and its ambitions for sea access.

President Mohamud’s initial delegation, which included the Minister of Defense and the Intelligence Chief, has reportedly returned to Somalia, leaving him to continue sensitive and, in some cases, undisclosed meetings alone. His last public appearance was on July 11 in Ankara, where he met with Turkish President Recep Tayyip Erdoğan.

Somalia finds itself at a critical juncture, facing significant pressure from its neighboring country, Ethiopia, while simultaneously seeking strategic defense partnerships with Egypt and Turkey. These alliances, however, are complex, as Cairo and Ankara possess divergent interests in the Horn of Africa.

Egypt’s primary concern revolves around the GERD, which Ethiopia is set to inaugurate in September. Cairo fears that the dam will significantly reduce its vital water supply from the Nile River. With a potential military confrontation over the dam looming, Egypt is reportedly seeking Somali consent for land and sea access to launch operations, a proposition Somalia appears to view as mutually beneficial.

Turkey, on the other hand, is keen to expand its economic footprint and access to resources across Africa, with Somalia serving as a crucial entry point. Bilateral defense agreements, offshore oil exploration, and lucrative economic partnerships underscore Turkey’s vested interest in Somalia’s stability and sovereignty.This has led Ankara to position itself as a key defender of Somalia’s interests.

Somalia’s quest for allies

Somalia faces an even more direct and existential threat from Ethiopia’s persistent quest for Red Sea access, including ambitions for seaports, maritime passages, and military bases on Somalia’s coast. This potential encroachment on its sovereignty is forcing Somalia to seek powerful allies actively, and both Egypt and Turkey have seemingly opened their doors to it.

President Mohamud’s current diplomatic efforts are reportedly focused on addressing this critical issue. Beyond Turkey, there are strong indications he may travel to Azerbaijan, a nation with advanced expertise in oil resource utilization. While an official announcement regarding a visit to Baku is still pending, sources suggest it is a highly anticipated next stop on his itinerary.

The current diplomatic maneuvers are set against a backdrop of complex regional dynamics. The Horn of Africa has historically been a hotbed of geopolitical competition, with various regional and international powers vying for influence. Ethiopia’s landlocked status since Eritrea’s independence in 1993 has fueled its persistent desire for direct sea access, often putting it at odds with its neighbors.

The GERD, a massive hydroelectric project on the Blue Nile, has been a contentious issue between Ethiopia, Egypt, and Sudan for over a decade. Egypt views the Nile as its lifeline and fears the dam will threaten its water security.

Turkey’s engagement in Somalia has grown significantly over the past decade, encompassing humanitarian aid, infrastructure development, and military training. This growing presence is often seen as part of Turkey’s broader “opening to Africa” policy.

Somalia, recovering from decades of civil conflict and battling the al-Shabaab insurgency, is leveraging its strategic geographic location and potential natural resources to attract foreign investment and secure defense partnerships. The outcome of President Mohamud’s extensive diplomatic tour will likely have significant implications for the delicate balance of power in the Horn of Africa.

Xasan Sheekh oo dalka uga maqan safarkii u dheeraa iyo xogta xaaladda ku gedaaman

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka uga maqan safarkii ugu dheeraa, kaas oo soo bilowday 6-dii bishaan oo Masar uu aaday, halkaas oo dhiggiisa Cabdalfatax Al-Sisi ay balamo culus ku kala qaateen, kadibna uu ka sii gudbay.

Markii hore Madaxweynaha waxaa dibadda u raacay Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Sirdoonka iyo koox ka tirsan xafiiskiisa, laakiin hadda lama wada socdaan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dhamaan shaqaalihii Madaxweynaha u raacay safarkaan dibadda ah ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana maqan kaligiis, isagoo weli sii wata kulamo qaarkood qarsoodi ah oo xasaasi ah.

Xasan Sheekh oo Masar uga sii gudbay Turkiga, kooxdiisii safarka Qaahira ku reebay, waxaana 11-kii bishaan la soo muujiyey muuqaalkiisii ugu dambeeyey ee kulankii uu Ankara kula yeeshay dhiggiisa Turkiga Erdogan.

Waa safarkii ugu dheeraa ee dibadda u uku qaatay Xasan Sheekh, waxaana la sheegay inuu ka xasaasiyad badan yahay safaradii hore, xaaladda qasan ee gobolka darteed.

Soomaaliya culeyska ugu badan waxay hadda ka dareemaysaa dhanka Itoobiya, iskaashi difaac oo adag ayey Soomaaliya marti uga tahay Masar iyo Turkiga oo aan isku masaalix aheyn.

Masar waxaa quseeya biyo xireenka Nile oo Itoobiya ay dhistay, isla markaana ay xarigga ka jareyso labo bilood kadib, waa bisha September, madaxda lagu casuumay waxaa kamid ah Xasan Sheekh oo sida ay u badan tahay diidi doona.

Maadaama Soomaaliya ay deris la tahay Itoobiya, Masarna aysan huri doonin dagaal si ay u burburiso qorshaha biyo xireenka ee Itoobiya, waxaa lama huraan ah in Masar ay Soomaaliya ka hesho ogolaanshaha dhul iyo bad ay ka dagaalami karto, Soomaaliya ayaa dhankeeda dan ka dhex aragta qorshaha Masar.

Turkiga ayaa dhankiisa daneynaya ka faa’iideysa kheyraadka Soomaliya iyo guud ahaan Afrika, iridda koowaad ee Afrika uu ka soo galo waa Soomaaliya, intaas waxaa dheer heshiisyo difaac oo labada dal ay galeen, sahan shidaal oo xeebaha Soomaaliya ay ku sameeyeen iyo iskaashi dhaqaale oo macaash badan uu Turkigu ka dhex arko, taasi oo muhiim ka dhigeysa inuu difaacdo Soomalaiya.

Soomaaliya waxay dhanka Itoobiya ka wajaheysa khatar ka badan tan Masar ay ka cabaneyso, dekedo, marin biyood iyo saldhig militeri oo badda Soomaaliya ku yaalla ayey dooneysa Itoobiya inay yeelato, taasi oo wax kasta uga daran Soomaaliya, kuna qasbeysa inay xulufo u raadsato, sida muuqatana waxaa hadda albaabada ka furay Masar iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku maqan xalka arrintaas ayaa la sheegay inuu safarkiisa Turkiga uga sii gudbay Azerbaijan oo kamid ah dalalka khibradda sare u leh ka faa’iideysiga kheyraadka shidaalka, inkastoo aan safarkaas weli la shaacin hadana waa mid la sugayo.

Soomaaliya iyo Imaaraadka oo wada-hadal yeeshay kadib dhabar-jebintii Abu Dhabi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Ahmed Juma Al-Rumaithi.

Kulankan ayaa la sheegay inuu qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo labada dhinac ay si dhow uga wada-hadleen arrimo dhowr ah oo khuseeya iskaashiga labada dal ee ku dhisan wax-wada qabsiga, sida lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo gurmadka bani’aadamnimo. Danjire Ahmed Juma Al-Rumaithi ayaa dhankiisa caddeeyey sida Imaaraadka uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa imanaya xilli Imaaraadka Carabta uu si hoose uga shaqeynayo qorsheyaal dhaawac ku ah danaha qaranka, madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa dhowaan werisay in Imaaraatka Carabta uu si xooggan uga shaqeynayo heshiis uu Itoobiya ugu kireynayo saldhig milatari oo uu ka dhisay Somaliland, tallaabadaas oo ah mid si xeeladaysan looga gol leeyahay in lagu wiiqo saamaynta sii ballaaranaysa ee Turkiga uu ku leeyahay Geeska Afrika, sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah iyo ilo xog-ogaal u ah qorshahan xasaasiga ah.

Dhaqdhaqaaqan ay waddo Abu Dhabi ayaa lagu eedeeyay inuu si bareer ah u hurinayo khilaafka halista ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin-badeed, taasoo meesha ka saaraysa dhexdhexaadin uu Turkigu hormuud ka ahaa, isla markaana ku riixaysa gobolkan istiraatiijiga ah qalalaase hor leh.

Xudunta qorshahani waa saldhig milatari oo muhiim ah oo ku yaalla dekedda Berbera ee Somaliland, kaasoo uu dhisay Imaaraatka Carabta. Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Imaaraatka oo ka walaacsan heshiis difaac oo ballaaran oo ay horaantii 2024 kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Turkiga oo ay xafiiltamaan, ayaa saldhigga u bandhigay dalka aan badda lahayn ee Itoobiya.

Tallaabadan ayaa xal degdeg ah u noqonaysa hamiga Itoobiya ee muddo dheer ahaa inay hesho marin-badeed, iyadoo isku mar wiiqaysa xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, sidoo kalena caqabad ku noqonaysa madax-bannaanida Soomaaliya. Si uu doorkiisa u qariyo, Imaaraatka ayaa la sheegay inuu heshiiska u qaabeeyay mid si toos ah u dhexmara Itoobiya iyo Somaliland, taasoo ka dhigaysa inuu isagu yahay maskaxda aan muuqan ee ka dambaysa xiisaddan sii kordhaysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qorshaha Berbera u arkayay mid khatar toos ah oo ay suuragelisay quwad shisheeye, ayaa toddobaad ka hor tegay Qaahira si uu u dardargeliyo heshiis difaac oo uu la galo Masar, oo ah dal ay gobolka ku xafiiltamaan Itoobiya iyo Qatar oo saaxiib la ah Turkiga. Tallaabadan, oo loogu talagalay inay noqoto mid ka hortag ah, ayaa Addis Ababa u fasiratay inay tahay burburkii ugu dambeeyay ee wadahadal kasta oo uu Turkigu hoggaaminayay, taasoo ku kaliftay inay si go’aan leh ugu sii gudubto qorshaha Somaliland.

Guul-darro joogto ah – Sidee Imaaraadku ugu fashilmay dalka kasta oo uu faro-geliyey?

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Siyaasadda arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa wajahday caqabado badan sannadihii u dambeeyay. Laga soo bilaabo dhicitaankii Bashar al-Assad ee Suuriya, kaddib markii Abu Dhabi ay gelisay raasamaal siyaasadeed oo aad u weyn sidii ay xiriirka ula caadiyayn lahayd xukuumaddiisa, illaa iyo guul-darrooyinkii milateri ee dhowaan soo gaaray Ciidanka Taageerada Degdegga ah ee Suudaan (RSF), oo uu Imaaraatku taageerayay. Inkastoo ay jireen eedeymo la aamini karo oo ku saabsan xasuuq, khamaarradii dhowaa ee Abu Dhabi ay ka gashay gobolka ma aysan miro dhalin.

Taas beddelkeeda, waxay sii xumeeyeen muuqaalka caalamiga ah ee Imaaraatka, waxay iska horkeeneen xulafadiisa Khaliijka, waxayna geliyeen waddo isku dhac ah oo ka horjeedda hadafyada siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Maxay Bariga Dhexe dhabarka ugu jeedisay Imaaraatka Carabta?

Kahor weerarkii kediska ahaa ee Jabhadda Xoreynta Shaam (Hayat Tahrir al-Sham’s – HTS) ay ku qaadday xukuumaddii Assad, kaasoo horseeday in xukunka laga tuuro, caadaynta xiriirka u dhexeeya Suuriya iyo wadamada Khaliijka ayaa si xowli ah ku socday, iyadoo Abu Dhabi ay hormuud ka ahayd. Sanadkii 2018, Imaaraatku wuxuu noqday dalkii ugu horreeyay ee Khaliijka ee dib uga fura safaaraddiisa Suuriya, toddobo sano kaddib markii uu xiray markii uu qarxay dagaalkii sokeeye.

Isagoo ka hadlayay munaasabad loogu dabaaldegayay Maalinta Qaranka Imaaraatka oo lagu qabtay Dimishiq, ku-simaha danjiraha Abu Dhabi u fadhiya Suuriya, Abdul-Hakim Naimi, wax shaki ah kama uusan tegin dhinaca uu Imaaraatku ka taagnaa colaadda, “Waxaan rajeynayaa in nabadgelyo, ammaan, iyo xasillooni ay ka hirgasho Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya iyadoo hoos harsaneysa hoggaanka xikmadda leh ee Dr. Bashar al-Assad.”

Tallaabo kale oo muujineysay xiriirka sii xoogeysanayay, sanadkii 2021, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraatka, Sheikh Abdullah bin Zayed, ayaa kula kulmay Assad magaalada Dimishiq si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka dhaqaale ee labada dal.

Kulankaas ayaa cambaareyn kala kulmay maamulka Biden.

“Waxaa na walaaciyay wararka ku saabsan kulankan iyo fariinta uu dirayo,” ayuu afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price ku sheegay shir jaraa’id. “Sidaan horay u sheegnay, maamulkan ma muujin doono wax taageero ah oo lagu caadiyaynayo ama lagu soo celinayo sumcaddii Bashar al-Assad, oo ah kaligii-taliye arxan daran.”

Assad ayaa markii dambe booqday Imaaraatka sanadkii 2022, taasoo ahayd safarkiisii ugu horreeyay ee diblomaasiyadeed oo uu ku tago dal Carbeed tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye. Booqashadu waxay ahayd mid si toos ah uga horjeedday maamulka Biden, kaasoo isku daygiisii ahaa in la go’doomiyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo ah xulafo muhiim ah oo Assad leeyahay, uu ku guuldareystay inuu ka helo taageero ku filan wadamada Khaliijka.

Bishii Janaayo 2024, Abu Dhabi waxay soo gabagabeysay geeddi-socodkii dib u soo celinta xiriirka ay la leedahay Dimishiq iyadoo u magacawday Hassan Ahmad al-Shihi danjiraha Suuriya, taasoo ka dhigtay markii ugu horreysay ee Imaaraatku uu danjire u magacaabo dalkaas la daalaadhacayay muddo ku dhow saddex iyo toban sano.

Kow iyo toban bilood kaddib markii Imaaraatku uu si buuxda u caadiyeeyay xiriirka uu la leeyahay Suuriya, HTS waxay weerarkeeda ku qaadday xukuumaddii Assad. Iyadoo magaalooyin is-daba-joog ah ay ku dhacayeen gacanta fallaagada, isla markaana uu garwaaqsaday inaan wax gurmad ahi u imaaneyn, maadaama ay wakiillada Iran baaba’een oo Ruushkuna uu ku dhex milmay dagaalkiisa Ukraine, ayuu Assad dalka isaga cararay. Dhicitaanka xukuumaddiisii ayaa meesha ka saartay sannado badan oo raasamaal siyaasadeed ah oo Imaaraatku geliyay soo celinta sumcaddii kaligii-taliye arxan daran, waxayna sii murjisay xiriirka ay la leeyihiin dowladda cusub ee Islaamiga ah, taasoo hadda si shaki leh u eegaysa Abu Dhabi.

In kasta oo uu ahaa weerarka HTS mid lama filaan ah, oo qabtay jilayaal badan oo gobolka ah, haddana raasamaalkii siyaasadeed ee Imaaraatku geliyay caadaynta xiriirka Assad ma uusan keenin wax faa’iido ah xitaa ka hor burburkii xukuumaddiisa. Dhiirigelinta Abu Dhabi ee ay hormuudka uga noqotay dib u soo celinta xiriirka Dimishiq waxaa horseeday labo hadaf: in la yareeyo saameynta Iran ee Suuriya iyadoo la siinayo Assad beddel kale, iyo in la joojiyo ka ganacsiga daroogada captagon ee soo gelaysa Imaaraatka.

Isku daygii saaxiibtinimo ee lala yeeshay Assad wuxuu ku guuldareystay inuu gaaro labada hadafba.

Imaaraatku wax yar ayuu ka faa’iiday xiriirkii uu la lahaa Assad

Captagon, oo ah daroogo synthetic ah oo aad loo qabatimo oo lagu soo saaro Suuriya laguna soo geliyo Khaliijka iyadoo ay ilaalinayaan qoyska Assad, waxay u ahayd xarig nololeed xukuumadda cunaqabateynta culus la saaray, iyadoo lagu qiyaasay inay ka soo gasho dakhli dhan $7.3 bilyan sanadkii. Assad wuxuu u isticmaalay ka ganacsiga Captagon gorgortan ahaan wada xaajoodyada uu la galo wadamada Carabta — isagoo si dhab ah ugu handadaya siyaasado isaga u roon, cabsi gelintuna ay tahay inuu ku faafiyo cudurka daroogada gudahooda.

Markii ay caadeysay xiriirka ay la leedahay dowladda Assad, Abu Dhabi waxay rajeyneysay in xukuumaddu ay qaadi doonto tallaabooyin lagu xakameynayo ka ganacsiga daroogada sharci-darrada ah. Si kastaba ha ahaatee, daroogooyinku waxay sii wadeen inay si aan xannibaad lahayn u soo galaan Imaaraatka, maadaama uu Assad diiday inuu ka tanaasulo il-dakhli oo sidaas u weyn. Bishii Febraayo 2023, saraakiisha Gegida Diyaaradaha Abu Dhabi waxay qabteen nin watay 4.5 milyan oo kaniini oo Captagon ah oo ku qarsoon qasacado cunto ah isagoo isku dayayay inuu ka gudbiyo kastamka.

Sannadkaa dabayaaqadiisii, mas’uuliyiinta Dekedda Jebel Cali waxay qabteen 86 milyan oo kaniini oo Captagon ah oo ku qarsoonaa shan konteenar oo maraakiib ah, kuwaasoo qiimahooda suuqa lagu qiyaasay in ka badan $1 bilyan.

Dadaallada Imaaraatka ee ahaa in Assad laga fogeeyo Iran ayaa sidoo kale fashilmay, maadaama aysan Dimishiq muujin wax calaamad ah oo ay ku dhimayso xiriirka ay la leedahay Tehran. Iran waxay u ololeysay soo celinta xiriirka u dhexeeya Assad iyo wadamada deriska ah, iyadoo u arkeysa caadaynta aan kharashka lahayn ee mid ka mid ah xulafadeeda muhiimka ah ee gobolka inay faa’iido u tahay amnigeeda.

Intii lagu guda jiray booqasho uu ku tagay Dimishiq sanadkii 2022, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Amir-Abdollahian, wuxuu ka hadlay dadaalka caadaynta Carabta iyo Suuriya, “Waan soo dhaweyneynaa xaqiiqda ah in qaar ka mid ah wadamada Carabta ay isku dayayaan inay caadeeyaan xiriirka ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya iyagoo qaadanaya hab cusub. Waan ku faraxsanahay.”

Ku khamaaridda in Assad uu xukunka sii heyn doono ma ahayn khamaarkii xumaa ee keliya ee Imaaraatku uu ka galay gobolka; Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF), oo ah kooxda maleeshiyada ah ee Abu Dhabi ay taageereysay si ay ugu guuleystaan dagaalka sokeeye ee Suudaan, ayaa hadda dib u gurasho ku jira kaddib markii ay horumarro xawli ah sameeyeen bilowgii colaadda.

Sidee ayuu Imaaraatku uga jawaabay dagaalkii sokeeye ee Suudaan?

Dagaalka sokeeye ee Suudaan wuxuu ka dhashay khilaaf hoggaamineed oo u dhexeeyey General Mohamed Hamdan “Hemedti” Dagalo, taliyaha RSF, iyo General Abdel Fattah al-Burhan, madaxa Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan iyo madaxweynaha aan rasmiga aheyn ee dalka. Labada jeneraal waxay isku khilaafeen siyaasadda qaran iyo sida maleeshiyada Hemedti oo ka kooban 100,000 oo askari loogu dari lahaa ciidanka.

Rasaastu waxay dhacday Abriil 15, 2023, markii Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan ay ka jawaabeen wax ay u arkeen inay yihiin ciidan geyn colaadeed oo ay samaysay RSF. Sida dagaallada sokeeye badankood, dadka rayidka ah ayaa ku dhex jira israsaasaynta, taasoo horseeday dhimashada tobanaan kun oo qof, macaluul baahsan, iyo dhibaato qaxooti oo keentay in ka badan 12 milyan oo reer Suudaan ah ay ka barakacaan guryahooda.

Abu Dhabi waxay miisaankeeda saartay Hemedti iyo ciidankiisa RSF kaddib markii ninka xoogga badan uu helay kalsoonida Imaaraatka, isagoo ciidamadiisa u diray inay ka dagaallamaan dagaalladii Imaaraatka ee Yemen iyo Libya. Imaaraatku wuxuu Hemedti u arkaa ilaaliyaha kaydkiisa dahabka ee Suudaan, iyo sidoo kale maalgashiyadiisa kale ee dalka, sida qorshayaashiisa horumarinta dekedaha ee balaayiinta dollar ah. Markay taageerto Hemedti, Abu Dhabi waxay dooneysaa inay hubiso in marka colaaddu ay degto, ay saami ku yeelan doonto mustaqbalka Suudaan.

Inkastoo ay si isdaba joog ah u sheegtay dhexdhexaadnimadeeda, Imaaraatku wuxuu ahaa ka-qaybgale firfircoon oo colaadda ka tirsan, isagoo sii dheereeyay dagaalka isagoo hub siinaya RSF kuna xoojinaya darajooyinka maleeshiyada calooshood-u-shaqaystayaal.

Warbixin baaritaan ah oo uu sameeyay The Wall Street Journal ayaa lagu ogaaday in Global Security Services Group (GSSG), oo ah shirkad amni oo gaar loo leeyahay oo fadhigeedu yahay Abu Dhabi, ay qoratay calooshood-u-shaqaystayaal reer Colombia ah si ay uga dagaallamaan Suudaan. GSSG, oo ku xayaysiisa website-keeda inay tahay bixiyaha keliya ee amniga gaarka ah ee dowladda Imaaraatka isla markaana ku faanta liiska macaamiisha oo ay ku jiraan wasaarado badan oo dowladda Imaaraatka ah, ayaa fududeysay geynta calooshood-u-shaqaystayaasha Colombia ee colaadda iyadoo ka soo tahriibinaysa xadka Libya oo ay gelineyso gobolka Darfur ee ay maamusho RSF.

Intaa waxaa dheer xoojinta darajooyinka RSF, Abu Dhabi waxay sidoo kale isticmaashay marmarsiiyo gargaar bani’aadamnimo si ay hub ugu gaarsiiso maleeshiyada. Sida ka dhacday Uganda, markii saraakiisha Gegida Diyaaradaha Entebbe ay baareen diyaarad xamuul ah oo uu soo diray Imaaraatku, halkii ay ka heli lahaayeen gargaar bani’aadamnimo sida ku cad liiska duulimaadka, saraakiishu waxay heleen sanduuqyo ay ka buuxaan rasaas iyo hub loogu talagalay RSF.

Marka aysan shaacin taageerada ay u heyso RSF, Abu Dhabi waxay dooneysaa inay u isticmaasho maleeshiyada si ay ugu hormariso danaha ay ka leedahay Suudaan iyadoo isla markaa iska fogeyneysa koox maleeshiyo ah oo lagu yaqaanno xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Warbixin ay soo saartay Amnesty International oo cinwaankeedu yahay Dhammaanteen way na kufsadeen: Rabshadaha Galmada ee ka dhanka ah Haweenka iyo Gabdhaha Suudaan ayaa iftiimisay dhaqanka kufsiga ee nidaamsan ee RSF. Warbixintu waxay diiwaangelisay 36 kiis oo kufsi ah oo ay maleeshiyadu u geysteen haween iyo gabdho da’doodu gaarayso ilaa 15 sano. Mid ka mid ah kiisaska waxaa ka mid ah sheeko naxdin leh oo ku saabsan kalkaaliso caafimaad oo ka timid gobolka Khartoum oo ay maleeshiyada RSF ka afduubteen gurigeeda oo la geeyay isbitaalka Al-Amal, halkaas oo lagu qasbay inay daweyso dagaalyahannada RSF ee dhaawaca ah. Maalintii labaad ee maxbuusnimadeeda, sideed askari oo RSF ah ayaa soo galay qolkeedii lagu hayay waxayna bilaabeen inay garaacaan oo kufsadaan, taasoo keentay in nabarkeedii qalliinka dhalmada (C-section) ee aan weli bogsan uu furmo.

Amnesty International waxay sidoo kale diiwaan gelisay kiisas addoonsi galmo ah oo ay kooxda fallaagada ahi ka geysteen Khartoum, halkaas oo askarta RSF ay afduubteen haween, xaaladaha qaarna, ay ku hayeen in ka badan 30 maalmood. Haweenka waxaa lagu hayay guryo u dhow baraha kontrol ee RSF waxaana si isdaba joog ah loo jirdilay loona kufsaday.

Xiriirka Imaaraatka ee RSF wuxuu ka dhigay kuwo dembiga la wadaaga

Taageerada joogtada ah ee Abu Dhabi ee RSF, inkastoo ay jirto diiwaanka xun ee maleeshiyada ee xadgudubyada xuquuqda aadanaha, waxay saameyn taban ku yeelatay muuqaalkeeda caalamiga ah. Saraakiisha Imaaraatka waxay isku arkeen Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (International Court of Justice), iyagoo iska difaacaya eedeymaha ku lug lahaanshaha xasuuq oo ay u soo jeedisay dowladda Suudaan, taasoo ku eedeysay dalka Khaliijka inuu taageerayo RSF xilli ay maleeshiyadu ku xasuuqday kumanaan qof Galbeedka Darfur.

In kasta oo maxkamaddu ay aakhirkii laashay dacwaddii Suudaan sababo la xiriira awooddeeda garsoor, halkii ay ka ahaan lahayd mudnaanta dacwadda, go’aanku ma uusan tirtirin dhaawaca sumcadda ee soo gaaray Imaaraatka.

Si ka duwan go’aan la’aanta Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, Janaayo 7, 2025, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay soo gabagabeysay in RSF ay xasuuq ka geysatay Suudaan waxayna cunaqabateyn ku soo rogtay toddobo shirkadood oo fadhigoodu yahay Imaaraatka oo xiriir la leh maleeshiyada.

Kaliya ma ahan in taageerada Abu Dhabi ee RSF ay sii xumaysay muuqaalkeeda caalamiga ah, laakiin sidookale waxay albaab u furtay Sacuudi Carabiya, oo ah tartame istiraatiiji ah oo Imaaraatka kula jira gobolka, si ay isu muujiso inay tahay awood xasillooni keenta iyadoo taageereysa dowladda Suudaan ee ka soo horjeedda kooxda fallaagada ah ee Imaaraatku taageero.

In kasta oo labada dal ee Khaliijku ay horay isugu aragti ka ahaayeen arrimo ay ka mid yihiin welwelka ay ka qabaan saameynta sii kordheysa ee Iran ee gobolka iyo baahida loo qabo in la xakameeyo Qatar siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee aan caadiga ahayn intii lagu jiray Guga Carabta, haddana waxaa soo baxay kala duwanaansho dhowaanahan.

Imaaraatku wuxuu sii waday siyaasaddiisa arrimaha dibadda ee faragelinta ku dhisan, isagoo isticmaalaya hantidiisa baaxadda leh si uu gobolka ugu qaabeeyo danihiisa isagoo taageeraya rag xooggan sida Khalifa Haftar ee Libya iyo Hemedti iyo ciidankiisa RSF ee Suudaan.

Taas beddelkeeda, Sacuudi Carabiya waxay dhowaan qaadatay door bani’aadannimo iyo nabad-abuuris, iyadoo si weyn u maalgelisay barnaamijyada gargaarka bani’aadannimo ee Suudaan iyo xayaysiinta hawlgalladeeda caawinta qaxootiga, halkaasoo askarta Sacuudiga lagu arkayo iyagoo ubaxyo ku salaamaya qaxootiga Suudaan markay ka soo degaan maraakiibta.

Faragelinta Abu Dhabi ee arrimaha Suudaan waxay u oggolaatay Riyadh inay qeyb ahaan dib u soo celiso muuqaalkeeda caalamiga ah kaddib taxane khaladaad ah oo gobolka ka dhacay, oo ay ku jiraan dagaalkeedii ba’naa ee Yemen iyo dilkii weriye Jamal Khashoggi ee qunsuliyadda Sacuudiga ee Turkiga.

Imaaraatku wuxuu iska indhotiray danaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka

Intaa waxaa dheer iska horimaadka Sacuudi Carabiya, siyaasadda arrimaha dibadda ee Imaaraatka ee Suudaan waxay sidoo kale isku dhaceen ololaha cadaadiska ugu sarreeya ee Washington ee Ruushka. Baaritaan ay samaysay SourceMaterial ayaa lagu ogaaday in Imaaraatku uu u isticmaalay calooshood-u-shaqaystayaasha Wagner ee fadhiya Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR) si ay hub ugu geeyaan RSF.

Sida uu sheegay afhayeenka Isbahaysiga Wadaniyiinta ee Isbeddelka (Coalition of Patriots for Change – CPC), oo ah koox maleeshiyo ah oo la dagaallameysay calooshood-u-shaqaystayaasha Wagner ee CAR, askarta CPC waxay qabteen shixnado badan oo hub ah oo ka yimid Imaaraatka oo ku socday RSF tan iyo markii uu bilowday dagaalka Suudaan. Xilli ay xulafadeeda ugu weyn isu soo uruurineysay xulafada si loo go’doomiyo Ruushka, Abu Dhabi waxay dooratay inay gacan caawimaad u fidiso xukuumadda Putin, taasoo wiiqeysa dadaallada Mareykanka ee lagu cadaadinayo Kremlin-ka.

Inkastoo ay jirto taageerada weyn ee Imaaraatka ee RSF, maleeshiyadu waxay hadda isku aragtaa inay dib u gurasho ku jirto kaddib markii ay si lama filaan ah ku qabteen dowladda Suudaan bilowgii colaadda. Maajo 20, 2025, Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan waxay ku dhawaaqeen inay si buuxda uga saareen ciidamada RSF magaalada caasimadda ah ee Khartoum kaddib guulo isdaba joog ah, oo ay ku jirto qabsashada madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha ee Khartoum.

In kasta oo Imaaraatku uu rajeynayay in taageerada Hemedti ay siin doonto saami siyaasadda Suudaan, xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee naxdinta leh ee ay geysteen RSF, oo ay weheliso aqoon-darradooda xagga maamulka, waxay ka dhigan tahay in suurtagalnimada in kooxda fallaagada ahi ay saami ku yeeshaan mustaqbalka Suudaan ay tahay mid aad u yar haddii aanay dhicin isbeddel lama filaan ah oo dhinaca nasiibka ah ee goobta dagaalka.

Laga soo bilaabo Bashar al-Assad ee Suuriya ilaa Hemedti ee Suudaan, Abu Dhabi ma aysan taageerin guuleystayaal. Halkii ay ka adkeyn lahayd awooddeeda gobolka, khamaarradii dhowaa ee Imaaraatku waxay sii xumeeyeen muuqaalkeeda caalamiga ah, waxay qeyb ahaan dib u soo celiyeen sumcadda tartameheeda istiraatiijiga ah, waxayna wiiqeen siyaasadda arrimaha dibadda ee xulafadeeda ugu weyn. Iyadoo Imaaraatku uu sii wado raadinta himilooyinkiisa, Washington waa inay xakamaysaa xulafadeeda si ay u hubiso in siyaasaddeeda faragelintu aysan wiiqin danaha Mareykanka.

Kenya snubs Somalia in visa-free travel policy

NAIROBI, Kenya – Kenya has launched a landmark visa-free policy for all African nations but has pointedly excluded Somalia and Libya, citing national security concerns in a move that has sparked dismay and frustration in Mogadishu.

The new directive, a cornerstone of President William Ruto’s agenda to boost tourism and investment, replaces traditional visas with a mandatory Electronic Travel Authorization (ETA) system. While this streamlines entry for most of the continent, citizens from Somalia and Libya are not eligible for the simplified process and must still undergo conventional visa protocols.

The exclusion has been seen as a significant diplomatic snub by many Somalis, particularly given the extensive trade, security, and diplomatic ties between the two East African neighbors.

The Somali Federal Government has yet to issue a formal statement on the decision, which appears to contradict previous bilateral agreements aimed at easing the movement of people between the two countries.

The policy shift took effect in early 2025, fulfilling a pledge made by President Ruto to make Kenya a “visa-free country.” The stated goal is to eliminate barriers to entry, encouraging tourism, trade, and cultural exchange.

Under the new system, travelers from eligible countries no longer need to apply for visas in advance. Instead, they must obtain an ETA online before their journey by submitting their personal information for pre-screening.

However, a statement from Kenya’s Ministry of Interior and National Administration confirmed the exemption for Somalia and Libya. “The decision was made based on the prevailing security challenges and instability in the two countries,” a ministry official clarified. “This is a temporary measure that will be reviewed as conditions evolve.”

A complex and fraught relationship

The exclusion is a new point of friction in the historically complex relationship between Kenya and Somalia. The two nations are official allies in the fight against the Al-Shabaab militant group, with thousands of Kenyan Defence Forces (KDF) personnel serving in the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS).

Despite this security partnership, diplomatic relations have often been strained. Tensions flared after the International Court of Justice (ICJ) ruled largely in favor of Somalia in a protracted maritime border dispute in 2021, a judgment Kenya has refused to recognize.

Economically, the countries are deeply intertwined. Kenya is a major exporter of goods to Somalia, and the cross-border trade in khat (a mild stimulant also known as miraa) is a multi-million dollar industry that serves as a significant point of economic leverage for Nairobi.

“This is a disappointing step,” said a Somali business owner in Nairobi’s Eastleigh district, a hub for Somali commerce. “We have agreements for free movement, yet we are being singled out. It hurts business, and it hurts the feeling of brotherhood.”

Kenya has long faced threats from Al-Shabaab, which has carried out numerous deadly attacks on Kenyan soil in retaliation for its military presence in Somalia. Kenyan authorities frequently cite these threats when tightening security measures at the border and for visitors.

Libya’s exclusion is linked to the widespread instability and conflict that has plagued the North African nation since the fall of Muammar Gaddafi in 2011, making its security situation analogous to Somalia’s in the eyes of Kenyan policymakers.

While President Ruto’s administration is pushing an ambitious economic agenda of openness, this decision highlights the persistent security challenges that continue to shape its foreign policy, creating an awkward division between Kenya and a neighbor with whom its destiny is inextricably linked.

Germany deports convicted Somali nationals to Mogadishu

MOGADISHU, Somalia – Germany deported eight Somali nationals convicted of serious crimes to Mogadishu on Monday, in a move reflecting a tougher immigration policy and stirring concern among the Somali diaspora.

The deportees, who arrived in the Somali capital on Monday, had been serving sentences in the German states of Bavaria and Saxony for offenses including attempted murder, rape, aggravated assault, and robbery, according to Somali officials.

The deportation follows a high-level agreement on migration cooperation and marks a significant step in Germany’s efforts to repatriate foreign nationals who have committed serious crimes, even to countries with fragile security situations like Somalia.

This action has ignited concern among the large Somali community in Germany, many of whom have precarious legal status and now fear they too could be targeted for removal to the volatile Horn of Africa nation.

High-level agreement on returns

The groundwork for these deportations was laid during a meeting in Berlin in November 2024 between Somali President Hassan Sheikh Mohamud and then-German Chancellor Olaf Scholz. The leaders discussed strengthening bilateral relations and cooperating on migration issues.

Following that meeting, officials from both nations finalized the terms for the return of a specific number of Somali citizens convicted of crimes in Germany.

Somalia’s State Minister for Foreign Affairs, Ali Omar Ali Bal’ad, confirmed the government’s cooperation, seeking to reassure the broader diaspora. He stated that the agreement exclusively targets individuals who have committed serious offenses.

“The Somali government has agreed with Germany on the return of 20 individuals who have completed their prison sentences,” Bal’ad said in a statement. “This only applies to those who have been convicted of crimes. Somalis who are in the country legally or have not committed any crime will not be returned.”

The minister noted that this number is a fraction of the estimated 80,000 Somalis residing in Germany.

The move is consistent with the Chancellor’s publicly stated goal to “finally deport on a large scale those who have no right to stay in Germany. His government has signaled a tougher stance on immigration, particularly emphasizing that the security interests of Germany can outweigh an individual’s claim for protection if they commit serious crimes.

This policy has previously been directed at nationals from countries like Afghanistan and Syria, and its application to Somalia—a nation grappling with decades of conflict and instability—is a notable development.

For years, German courts and international bodies have often blocked deportations to Somalia, citing the dire security risks. The European Court of Human Rights has previously ruled that returning individuals to the conflict-ridden parts of southern and central Somalia could constitute inhuman and degrading treatment.

However, the current German government appears determined to press ahead with the removal of convicted criminals, creating a precedent that is being closely watched by other European nations.

Fears amid ongoing instability

Despite the Somali government’s assurances, the deportations have stoked profound fear within the Somali community in Germany and across Europe. Many fled their homeland to escape violence, political instability, and the militant insurgency of the al-Qaeda-affiliated group, Al-Shabaab.

The security situation in Mogadishu remains perilous. A recent report from the European Union Agency for Asylum (EUAA) highlighted ongoing conflict and rising insecurity, with the civilian population bearing the brunt of the violence. Western governments, including Canada, maintain “Avoid all travel advisories for Somalia, warning of terrorism, kidnapping, and a virtual absence of the rule of law.

“This is causing much fear, said a Somali community organizer in Frankfurt, who asked to remain anonymous due to the sensitivity of the issue. “People who came here seeking safety are now worried that any small mistake could mean being sent back to the place they ran away from.”

The debate over the deportations has also been fierce on Somali social media, with many criticizing the government for cooperating in sending nationals back to a dangerous environment. In contrast, others argue that criminals should not be allowed to tarnish the reputation of the entire diaspora.

Kenya oo qaaday tallaabo ‘bahdil ku ah’ Soomaaliya

0

Naiorbi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa daah-furtay siyaasad cusub oo taariikhi ah oo dal-ku-galka fiisaha la’aan ah ugu oggolaanaysa dhammaan dalalka Afrika, balse waxay si gaar ah uga reebtay Soomaaliya ayada oo mar kale muujineysa yasmo iyo takoor.

Xeerkan cusub, oo udub-dhexaad u ah ajandaha Madaxweyne William Ruto ee lagu dhiirrigelinayo dalxiiska iyo maalgashiga, ayaa gebi ahaanba meesha ka saaraya nidaamkii hore ee fiisaha, waxaana lagu beddelay nidaam qasab ah oo ah Ogolaanshaha Socdaalka ee Elektarooniga ah (Electronic Travel Authorization – ETA).

Iyadoo arrintani ay u fududeyneyso gelitaanka dalka inta badan qaaradda, haddana muwaadiniinta ka imaanaya Soomaaliya iyo Liibiya uma qalmaan habraacan la fududeeyay, waana inay weli maraan shuruucdii hore ee fiisaha looga baahnaa.

Ka reebitaankan ayaa dad badan oo Soomaali ah u arkaan waji-gabax diblomaasiyadeed oo weyn, gaar ahaan marka la eego xiriirka ganacsi, amni, iyo diblomaasiyadeed ee ballaaran ee ka dhexeeya labada dal ee deriska ah ee Bariga Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli war rasmi ah kama soo saarin go’aankan, kaasoo u muuqda mid ka hor imaanaya heshiisyo laba geesood ah oo horey loo galay oo ujeedadoodu ahayd in la fududeeyo isku-socodka dadweynaha ee labada waddan.

Isbeddelka siyaasaddan ayaa dhaqan galay horraantii 2025, taasoo fulinaysa ballanqaad uu horay u sameeyay Madaxweyne Ruto oo ahaa in Kenya laga dhigo “waddan aan fiiso lahayn.” Hadafka lagu sheegay waa in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan gelitaanka dalka, si loo dhiirrigeliyo dalxiiska, ganacsiga, iyo is-dhaafsiga dhaqamada.

Sida ku cad nidaamka cusub, socotada ka imaanaya waddamada u qalma uma baahna inay sii dalbadaan fiiso. Taas beddelkeeda, waa inay internetka ka helaan Ogolaanshaha Socdaalka Elektarooniga ah (ETA) ka hor inta aysan safrin, iyagoo gudbinaya xogtooda shakhsiga ah si baaritaan hordhac ah loogu sameeyo.

Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Qaranka ee Kenya ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya iyo Liibiya laga reebay nidaamkan. “Go’aanka waxaa lagu saleeyay caqabadaha amni iyo xasilooni darrada ka jirta labadaas waddan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan wasaaradda. “Tani waa tallaabo ku-meel-gaar ah oo dib u eegis lagu samayn doono marka ay xaaladuhu is beddelaan.”

Xiriir adag oo isku murugsan

Ka-reebitaankan ayaa noqonaya qodob cusub oo xiisad ka dhex abuuraya xiriirka taariikh ahaan isku-murugsanaa ee Kenya iyo Soomaaliya. Labada dal ayaa si rasmi ah isaga kaashada dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo kumanaan ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ay qayb ka yihiin Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Inkastoo uu jiro iskaashigan dhinaca amniga ah, haddana xiriirka diblomaasiyadeed ayaa inta badan ahaa mid ay xiisado hareeyeen. Xiisaddu waxay cirka isku shareertay kaddib markii Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (International Court of Justice – ICJ) ay sannadkii 2021 go’aan inteeda badan u xukmisay Soomaaliya muran badeed muddo dheer soo jiitamayay, xukunkaas oo ay Kenya diidday inay aqoonsato.

Dhinaca dhaqaalaha, labada waddan aad ayay isugu xiran yihiin. Kenya waa mid ka mid ah dalalka waxyaabaha ugu badan u dhoofiya Soomaaliya, ganacsiga xuduudda ee qaadka (oo sidoo kale loo yaqaan miraa) waa warshad malaayiin doollar ah oo u adeegta sidii awood dhaqaale oo ay Nairobi cadaadis ku saari karto.

“Tani waa tallaabo niyad-jab leh,” ayuu yiri ganacsade Soomaaliyeed oo ku sugan xaafadda Islii (Eastleigh) ee Nairobi, oo ah xarun ganacsi oo ay Soomaalidu ku badan tahay. “Waxaan leenahay heshiisyo isku-socod xor ah, haddana waa nalagu soocayaa. Waxay dhib u geysaneysaa ganacsiga, waxayna dhaawaceysaa dareenka walaaltinnimo.”

Ka saarista Liibiya ayaa lala xiriirinayaa xasilooni darrada iyo iskahorimaadyada baahsan ee la degay waddankaas Waqooyiga Afrika tan iyo markii la riday xukunkii Muammar Gaddafi sannadkii 2011, taasoo xaaladdeeda amni ka dhigaysa mid ay siyaasiyiinta Kenya u arkaan inay la mid tahay tan Soomaaliya.

Iyadoo maamulka Madaxweyne Ruto uu wado ajande dhaqaale oo ballaaran oo ku dhisan furfurnaan, haddana go’aankani wuxuu iftiiminayaa caqabadaha amni ee joogtada ah ee weli saamaynta ku leh siyaasaddiisa arrimaha dibedda, isagoo abuuraya kala qaybsanaan aan wanaagsaneyn oo dhex marta Kenya iyo dal deris la ah oo masiirkoodu si aan kala go’i karin isugu xiran yahay.

 

Maxaad ka ogtahay hadalka Cali Khaliif Galaydh ee maanta rumoobay? + Video

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxa sanado kadib rumoobay hadal maanta dhab noqday oo uu horay u yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayd, marna soo noqday Madaxweynihii Khaatumo, Marxuum Cali Khaliif Galaydh oo halgan dheer usoo galay maamulka maanta loo dhisayo gobollada waqooyi.

Cali Khaliif oo geeriyooday horraantii October ee 2020-kiii ayaa horay u sheegay inay mar uun isku imaan doonaan SSC-Khaatumo iyo Maakhir, hadalkaas oo ugu dambeyn maanta rumoobay, maadaama uu shalay si rasmi ah ugu furmay labada maamul shir ay ku dhameystirayaan dawlad-goboleed rasmi ah oo ay yeeshaan gobollada Sool iyo Sanaag.

Galaydh ayaa xilligaas sii saadaaliyay in aysan jiri doonin cid hor istaagi karta inay shiraan labada dhinac, taasoo maanta dhacday, wuxuuna noqday hadal dhab ah oo taariikhda galay.

Waxaa kale oo uu xilligaas yiri “In ay sameysan doonaan maamul gooni ah oo ka madax bannaan Somailand iyo Puntland,” taas oo hadda loo fadhiyo, maadaama la dhameystirayo dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo ay aqoonsi buuxa siisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Ciddii maanta tiraahda Maakhir iyo Khaatumo ma shiri karaan waa beentood, Ilaahow ay nagu kalifto doon dusheeda ama buuraha korkooda inaan ku shirno waa shireynaa maamulka yagana waa sameysaneynaa ee reer Maakhirna howshooda way soo dhameysanayaan anagana waxba dhulka nagama yaalliin,” ayuu horay u yiri Cali Khaliif.

Shirka hadda loo fadhiyo ee ka socda Laascaanood ayaa qorshuhu yahay in lagu dhiso maamul ay ku mideysan yihiin dadka Sool iyo Sanaag, waxaana taageereyso Villa Somalia.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aaminsan tahay in xalka nabadda iyo horumarka deegaannada SSC lagu gaari karo oo keliya in la helo dowlad-goboleed dhameystiran oo si buuxda uga mid noqda nidaamka federaalka JFS,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Xoosh oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ka socda Laascaanood.

Shirkan oo ah mid xasaas ah ayaa waxaa lagu dhameystiri doonaa maamulka SSC-khaatumo, iyadoo dhinacyadu ay dood adag ka yeelan doonaan magaca cusub ee maamulkan uu qaadan doono, maadaama lagu soo biirinayo gobolka Sanaag.

Si kastaba, SSC-Khaatumo oo hadda u furmay dhabo cusub ayaa isku diyaarineyso maamul dhameystiran, iyada oo taageero ballaaran ka helaysa dowladda federaalka, oo u aragta mid xoojineysa midnimada dalka.

Hoos ka daawo

Puntland oo beenisay heshiis dhaqaale badan oo la sheegay inay la gashay Imaaraadka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa beeniyay warqad si weyn u faaftay oo lagu sheegay in Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ay shirkada Imaaraadka ah ee DP World la gaartay heshiis dahabka iyo naxaasta.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in uusan jirin qandaraas macdan qodis oo ay bixisay Puntland.

“Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta waxay caddaynaysaa in aanay waxba ka jirin warqadda wareegeysa baraha bulshada ee lagu sheegay in wasaarada ay la wado tartan qandaraas macdaneed shirkada DP World ee maamusha dekadda Bosaaso,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Wasaaradda ayaa caddeysay in warqada wareegaysay ay ku jiraan qaladaad lagu garan karo in ay rasmi aheyn sida; magaca, wasaaradda, emailka, iyo dhamaan taleefanada iyo ciwaanadda ku xusan warqada, oo dhamaantood ay ku sheegtay inay yihiin been abuur, aysan waxba ka jirin.

“Waxaan markasta uga digeynaa shacabkeena in aan lagu jaahwareerin, laguna marin habaabin wax aan sal iyo raad toona lahayn iyadoo laga leeyahay dano siyaasadeed oo lagu khal-khal gelinayo xasilloonida iyo wada jirka bulshada reer Puntland,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Shacabka maamulka ayaa lagu booriyay in ay u midoobaan ka shaqeynta amnigooda iyo xasilloonida deegaankooda, si loo helo jawi loogu adeegi karo bulshada.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

War-saxaafadeed

Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland, waxay caddaynaysaa in aanay waxba ka jirin warqadda wareegaysa baraha bulshada ee lagu sheegay in Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ay la wado tartan qandaraas macdaneed shirkadda DP World ee maamusha dekedda Bosaso.

Waxa kale oo Wasaaraddu caddaynaysaa in khaladaad qoraaleed ay ku jiraan warqada, oo ay ka mid yihiin, Magaca, Wasaaradda, E-mailka, iyo dhammaan Teleefanada iyo ciwaanada ku xusan warqada ee ayihiin been abuur, waxna aysan ka jirin.

Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha waxay u xilsaarnatahay horumarinta iyo tayeynta dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha ee Macdanta, Tamarta iyo Biyaha, waxaana marwalba waajib ku ah in ay la wadaagto bulshada reer Puntland tallaabo walba oo horumarineed oo loo qaado dhankaas.

Siyaasadda Dowladda Puntland waxay gun-dhig u ah hufnaan, waxaana lala wadaagi doonaa dhammaan bulshada heshiisyada khuseeya horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyada oo loo soo bandhigi doono hay’adaha ay khuseyso gaar ahaan Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo wakiil ka ah shacabka.

Waxaan markasta uga digeynaa shacabkeena in aan lagu jaahwareerin, laguna marin habaabin wax aan sal iyo raad toona lahayn iyadoo laga leeyahay dano siyaasadeed oo lagu khal-khal gelinayo xasilloonida iyo wada jirka bulshada reer Puntland.

Ugu dambayn waxaan ku boorinaynaa shacabka reer Puntland in ay u midoobaan ka shaqeynta amnigaooda iyo xasilloonida deegaankooda si loo helo jawi loogu adeegi karo bulshada, loogana shaqayn karo horumarinta deegaankaa iyo kor u qaadista dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dadka reer Puntland.

Xamza oo C/rashiid Janan u adeegsanaya dagaalka Gedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), xilli ay haatan soo cusboonaatay xiisadda gobolka Gedo.

Kulanka labada mas’uul oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaaladda murugsan ee Jubaland, maadaama mar kale ay fooda is darayaan Villa Somalia iyo Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in Xamza iyo Janan ay kulankooda ku falanqeeyeen xiisadda gobolka Gedo, gaar ahaan qorshaha dowladda federaalka ka damacsan tahay gobolkaasi oo ay ugu horreyso hirgelinta doorashooyinka tooska ah.

Sidoo kale, xogaha aan helnay ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaruhu doonayo in Janan uu u adeegsado dagaalka Gedo, maadaama uu yahay nin saameyn leh oo kasoo jeeda gobolkaas.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo mar kale dowladda dhexe ay bilowday inay ciidamo u daabusho gobolkaas, gaar ahaan degmada Beledxaawo, iyada oo ujeedka uu yahay  in ciidamadaas lagu xoojiyo kuwii horay u joogay degmadaasi, loogana hortago dhaq-dhaqaaq ay dhankooda halkaas ka bilaabeen ciidamada Daraawiishta maamulka Jubaland.

Wararka ayaa sheegaya in Daraawiishta Jubaland ay saldhigyo cusub ka sameysteen qaybo kamid ah Beledxaawo, sidoo kalena ay kusoo dhawaadeen garoonka diyaaradaha degmadaas oo ay inta badan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale magaalada ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan oo maalin kahor gaaray halkaasi, kadibna bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culsu iyo kulamo xasaasi ah oo ka dhan ah dowladda federaalka ah.

Si kastaba, xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemaa marka gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

Soomaali laga soo tarxiilay Jarmalka oo maanta laga soo dejiyay Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siddeed qof oo Soomaali oo laga soo tarxiilay gudaha dalka Jarmalka ayaa maanta laga soo dajiyay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo horay loogu eedeeyay dambiyo culus oo ay kasoo galeen dalkaasi.

Soomaalidan ayaa kala dagana gobollada Sachsen iyo Bayern ee dalka Jarmalka, waxaana lagu helay dhammaan dambiyada lagu soo eedeeyay oo ay kamid ahaayeen isku day dil, kufsi, dhac dhaawacyo halis ah, la dagaallanka Booliiska iyo isku day khiyaano iwm.

Go’aanka lagu soo masaafuriyay muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa horay loo shaaciyay, waxaana lala wadaagay dowladda Soomaaliyeed oo aqbashay in dalkooda lagu soo celiyo.

Arrintan ayaa sidoo kale cabsi wayn ku abuurtay Soomaalida qaabka qaxootiga ku jooga dalka Jarmalka ee aan heysan sharciyada rasmiga ah, maadaama ay suuragal tahay in lasoo celiyo.

Sidoo kale waxaa la filayaa in lasoo masaafuriyo dhalinyaro oo hadda xabsiyada ku jira, kuwaas oo iyagana ku eedeysan dambiyo waawayn, waxaana horay arrintan u xaqiijiyey Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada Soomaaliya Cali Cumar Cali Balcad oo shaaca ka qaaday in Soomaalida lasoo celinayo ay yihiin kuwa dambiyo kala duwan ka galay dalka Jarmalka.

Balse waxa uu beeniyey inay jiraan Soomaali dalkaas sharci ku joogta ama aan gelin wax dambi ah oo lagu soo celinayo dalkooda. 

Cali Balcad waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka ay ku heshiiyeen in 20 qof oo xukun xabsi oo lagu riday dhameystay dib loogu soo celiyo Soomaaliya, kuwaas oo aad u yar marka loo eego 80 kun oo Soomaali ah oo la rumeysan yahay inay dalkaas ku nool yihiin. 

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud oo isna horay booqasho ugu tegey dalka Jarmalka ayaa la kulmay hogaamiyaha dalkaas Olaf Scholz, wuxuuna kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sidii Soomaaliya dib loogu celin lahaa muwaadiniin Soomaali ah oo dalka Jarmalka ku sugan, balse arrimahasi ayaa dood xooggan ka dhaliyay baraha bulshada ee Internetka.

Si kastaba ha’ahaatee, Dalka Jarmalka ayaa waxaa haatan ku sugan Soomaali fara badan oo Tahriib ahaan ku tagey, si lamid ah dalalka Yurub waxaana soo wajahday cabsi xooggan.

Somalia oo Golaha Amaanka uga hadashay walaaca…

0

New York (Caasimada Online) – Soomaaliya oo ku hadlaysay magaca dalalka A3+ (Aljeeriya, Guyana, Sierra Leone iyo Soomaaliya) ayaa warbixin ay u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku muujisay walaac ballaaran oo ku saabsan xaaladda murugsan ee Yemen iyo rabshadaha ka aloosan gobolka.

Warbaahinta ayaa si gaar ah diiradda u saartay kororka iska horimaadyada u dhexeeya xoogagga Xuutiyiinta iyo dowladda Israa’iil, iyadoo Soomaaliya ay ku tilmaantay xaaladdan mid khatar weyn ku ah xasilloonida caalamka, ayna si dhow ugu xiran tahay dagaalka wali ka socda Marinka Qaza.

Dalalka A3+ waxay si adag u cambaareeyeen jebinta sharciga caalamiga ah, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo gaaro xabbad-joojin waarta oo wax looga qaban karo dhibaatada shacabka Falastiin iyo looga hortagi karo fiditaanka colaadaha gobolka.

Sidoo kale, A3+ waxay soo dhoweeyeen dadaallada diblomaasiyadeed ee ay wadaan dalalka Mareykanka, Masar iyo Qatar si loo xaqiijiyo heshiis rasmi ah oo xabbad-joojin ah oo Qaza laga hirgeliyo. Waxay Golaha Ammaanka ugu baaqeen inuu si buuxda u taageero dadaalladaasi si loo helo nabad waarta iyo wadahadallo miro dhal leh.

Dhanka kale, dalalkan waxay si kulul u dhaliileen weerarrada Xuutiyiinta ay la beegsadeen maraakiibta ganacsi ee maraysa marin-biyoodka Badda Cas, iyagoo tilmaamay in arrintaasi ay halis weyn ku tahay ganacsiga caalamiga ah.

Sidoo kale, duqeymihii Israa’iil ka fulisay magaalada Hudaydah intii u dhaxaysay 6–7-dii Luulyo ayaa lagu eedeeyay in ay khatar ku yihiin rayidka, ayna dhalin karaan fidin colaad cusub.

Dalalka A3+ waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada isku haya Yemen ay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimo, gaar ahaan Xeerka Afaraad ee Geneva, ayna ka fogaadaan in goobaha shacabka ay militariga ku faafaan.

Ugu dambayn, warbixinta ayaa iftiimisay xaaladda bini’aadantinimo ee ka sii daraysa gudaha Yemen, iyadoo la xusay in cudurro sida duumada, dengue-ga iyo shuban biyoodka ay si xawli ah ugu fidayaan bulshada.

Soomaaliya ayaa markeedana taageertay baaqa OCHA ee ah in gargaar degdeg ah loo gaarsiiyo dadkaas, iyadoo la fududeeyo marin u helka adeegyadii aasaasiga ahaa.

DF oo maanta si cajiib ah u xustay xiriirka 65 sano jirsaday ee Shiinaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa 65 sano jirsaday, iyadoo maanta si cajiib ah loogu xusay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xarunta Tiyaatarka ayaa waxaa ka dhacay bandhig lagu xusayo sanad-guurada 65 ee xiriirka labada dal, taas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, gaar ahaan Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka.

Hoballada Waaberi ayaa soo bandhigay heeso luuqadaha Soomaaliga iyo Shiinaha ah ay ku sameeyeen iyo ciyaaro dhaqameed. Waxaa halkaasi ku sugnaa Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu iyo masuuliyiin kale oo kasoo jeeda dalkaas.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo mas’uuliyiinta Shiinaha ku wehlinayay bandhigan ayaa tilmaamay ahmiyada xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

“Soomaaliya iyo Shiinaha waxa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo dhidibada u aasnaa tan iyo xornimadii, Waxaan si weyn u qadarinaynaa taageerada joogtada ah ee aan ka helno Dowladda Shiinaha, gaar ahaan dhanka dhaqanka iyo warbaahinta,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud.

Waxa uu intaas kusii daray ‘’Booqashada Safiirka ee Golaha Murtida ee maanta waa mid calaamad u ah saaxiibtinimada ee labada dal iyo xiriirka muddada dheer soo jiray.”

Intaas kadib Wasiir Daa’uud iyo Danjire Yu ayaa yeeshay kulan gaar ah, kaas oo diirada lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada dhaqanka iyo warbaahinta, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen doonista sii ballaarinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa si wadajir ah u kormeeray Keydka Codadka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda keydka ay ka dhageysteen khubarada Keydka Qaranka iyo qorshaha Wasaaradda ee casriyeynta keydka (digitalization).

Danjire Wang Yu ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada Golaha Murtida Qaranka iyo bandhigga ay sameeyeen Hoballada Waaberi.

Safiirka ayaa intaa ku darey in Dowladda Shiinaha ay ka go’antahay inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhaqanka iyo warbaahinta, isla markaana uu u arko in Golaha Murtida uu yahay astaan dhaqan oo heer qaran ah.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka Warfaafinta ayaa Safiirka Shiinaha ku maamuusay laba sawir-gacmeed oo ay soo diyaariyeen Qeybta Farshaxanka Waaberi, mid ka mid ahna uu yahay sawir gacmeedka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka tarjumaya kulankii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Beijing ee caasimadda dalkaasi.

Daawo: Guddiga doorashada oo ka hortagay arrin fadeexo ku ah diiwaan-gelinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta diiwaangelinta dadweynaha ee ka socota Muqdisho iyo qaar kamid ah maamul-goboleedyada dalka, waxaana guddiga uu ka hortegay arrin fadeexo ku ah doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay dhacaan.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka qaranka, Cabdifitaax Faysal Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay degmada Hodan ayaa sheegay in la arkay dad isku dayay inay isdiiwaangeliyaan laba mar, balse uu ka hortegay guddiga, iyada oo lagu ogaaday systemka shaqada.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa tilmaamay in dadkaasi laga qaadi doono tallaabo adag, ayna u gudbin doonaan hay’adaha ay quseyso, gaar ahaan bahda garsoorka dalka.

“Waxaa jira dad uu soo qabtay systemka oo isku dayay inay isdiiwaangeliyaan in ka badan hal mar, waxa aan soo bandhigi doonaa liiska oo dhammeystiran marka ay noo gabagabowdo howshaan, waxaana la wadaagi doonaa cidda ay quseyso” ayuu yiri C/Fitaax.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Muwaadiniinta iska diiwaangelinaya degmooyinka gobolka Banaadir iyo maamul-goboleedyada dalka qaybihiisa kala duwan waxaan fareynaa inay ka feejignaadaan inay isku dayaan inay isdiiwaangeliyaan in ka badan hal mar”.

Faysal ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in shaacabka Soomaaliyeed aan lagu qasbi karin diiwaangelinta, isaga oo farriin u diray dadweynaha, si ay ula soo xariiraan guddiga

“Haddii ay jiraan tabashooyin waxa jira lambar gaaban oo ah 558 oo aad nagala soo xiriiri karto, cid walba oo isku deyda inay dadweynaha juujuubto ama si uun u qasabta dabcan waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin waafaqsan sharciga” ayuu mar kale yiri afhayeenka.

Diiwaangelinta ayaa weli kasii socota degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobollada dalka, waxaana ugu dambeyay shalay oo ay ka bilaabatay magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.

Waxaa horay uga sii horreeyay magaalooyinka Baydhaba iyo Dhuusamareeb oo goor sii hore bilaabay diiwangelinta, maadaama ay taageersan yihiin qorshaha Villa Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaan arrintan diidan maamullada Jubaland iyo Puntland oo uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo dowladda federaalka, kuwaas oo kasoo horjeedo, sida ay wax u socdaan, gaar ahaan hannaanka ay dowladda u wajaheyso doorashooyinka 2026.

Dr. Baadiyow oo si weyn loogu soo dhoweeyey London

London (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada London ee dalka UK, halkaas oo uu ku soo bandhigay buug caan noqday oo si weyn uga dhex iftiimay bulshada Soomaaliyeed.

Buuggan uu soo bandhigay Dr. Baadiyow ayaa magaciisu yahay “Soomaaliya oo Raadineysa Hoggaamiye aan Caadi ahayn”, waxaana xafladdii lagu soo bandhigay ka qaybgalay dad isugu jiray aqoonyahanno, dhalinyaro iyo haween si aad ah u xiisaynayay buugga.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa uga mahadceliyay bulshada Soomaaliyeed ee UK ku dhaqan soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen, isaga oo sheegay in buuggan uu si qoto dheer uga hadlayo xaaladda Soomaaliya iyo taariikhda hoggaamiyeyaashii soo maray dalka tan iyo xornimada.

Buugga oo la magac baxay “Soomaaliya oo Raadineysa Hoggaamiye aan Caadi ahayn” waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka 65-kii sano ee la soo dhaafay, isagoo falanqeynaya sababaha horseeday in aan la helin hoggaamiye samatabixin kara, laga bilaabo xukunkii milateriga ee dalka xoogga ku qabsaday 1969-kii, marka laga reebo dowladdii rayidka ahayd ee uu hoggaaminayay C/laahi Ciise Maxamuud iyo Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).

Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay xafladda waxa ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya ee UK Amb. Cabdulkadir Haashi, Senator Xasan Xaaji, Aqoonyahan Maxamed Trunji, iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, aqoonyahannadii halkaas ka hadlay ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda buuggan uu leeyahay iyo kaalinta uu Dr. Baadiyow ku leeyahay bulshada aqoonyahannada Soomaaliyeed, iyagoo xusay in uu yahay mid aan dalka ka bixin tan iyo burburkii.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa mar kale hadal ka jeediyay munaasabadda, isagoo xusay muhiimada buuggan iyo baahida ay Soomaalida maanta u qabto hoggaan ka turjumaya rabitaankooda, isagoo sidoo kale ku dhiirrigeliyay in ay Soomaalidu ka horreeyaan dalalka kale ee Geeska Afrika, maadaama ay haystaan aqoonyahanno tayo leh oo tusaale u noqon kara jiilka soo kacaya.

W/Q: Cabdixakiim Elmi Xasan
Nairobi, Kenya
📧 [email protected]
📞 +254-711-830393

DF Soomaaliya oo si isku mid ah hal dhagax ugu dishay Somaliland iyo Puntland

Laascaanood (Caasimada Online) – Shirka taariikhiga ah ee Axaddii ka furmay magaalada Laascaanood, ee lagu dhameystirayo dhismaha dowlad-goboleedka cusub ee SSC-Khaatumo, ayaa ah mid aad uga weyn guul maamul oo deegaankaas u gaar ah. Wuxuu astaan u yahay miro-dhalka xeelad siyaasadeed oo qoto dheer kuna dhisan go’aan adag, taasoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka wadday magaalada Muqdisho.

Markii ay si rasmi ah u maalgelisay dhismaha maamulkan cusub ee ka dhashay dhul lagu muransanaa, waxay dowladda dhexe hal tallaabo oo go’aan leh ku wiiqday labadii caqabadood ee ugu waaweynaa ee awooddeeda woqooyiga ka hor imaanayay: mashruucii gooni-goosadka ahaa ee Somaliland ay wadday tobannaan sano iyo awooddii maamul-goboleednimo ee Puntland.

Tallaabadani waa tusaalaha ugu cad ee ka faa’iideysiga fursad siyaasadeed, iyadoo kacdoon deegaan loo rogay guul istaraatiiji ah oo heer qaran ah. Sannado badan, Muqdisho waxay ahayd mid ka maqan fagaaraha siyaasadda woqooyiga, waxaana awooddeeda loolan adag kala kulmeysay jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo maamul-goboleedka awoodda badan ee Puntland.

Hadda, dhismaha SSC-Khaatumo, waxay Dowladda Federaalka hal dhagax ku dishay laba shimbir, iyadoo dib u qaabeysay khariidadda siyaasadeed ee dalka, isla markaana dib u soo ceshatay doorkeedii ahaa garsooraha kama dambaysta ah ee masiirka ummadda Soomaaliyeed.

Dhantaalidda himiladii aqoonsi raadinta ee Somaliland

Abuuritaanka maamulka SSC-Khaatumo wuxuu dharbaaxo kulul ku yahay saldhigga uu ku taagan yahay sheegashada madaxbannaanida Somaliland. Doodda Hargeysa ay ku raadineyso aqoonsi waxay gebi ahaanba ku qotontaa lama taabtaannimada xuduudihii xilligii gumeystaha Ingiriiska (British Somaliland protectorate).

Go’itaanka rasmiga ah ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) oo ay taageereyso DFS— kuwaas oo ah dhul baaxad weyn oo istaraatiiji ah—wuxuu gebi ahaanba madhxinayaa dooddaas. Wuxuu muujinayaa in xuduudahaasi aysan ahayn kuwo xurmo leh, dhulkuna uusan midaysnayn.

Waxaa intaas dheer, tallaabadani waxay burburinaysaa sawirka ay Somaliland si taxaddar leh uga gadeysay caalamka ee ahaa qaran ku dhisnaa rabitaanka shacabka. Dagaalkii ba’naa ee bilooyinka socday ee sanadkii 2023, kaasoo ciidammada deegaanka ee beesha Dhulbahante ay kaga saareen ciidankii Somaliland ee 15-ka sano joogay, wuxuu ahaa diidmo cad oo rabshado wadata oo lagu qaadacay xukunkeeda.

Markii ay DFS si rasmi ah u aqoonsatay rabitaanka shacabka deegaanka ee ah inay ka mid ahaadaan Soomaaliyada federaalka ah, waxay sharciyad qaran iyo mid caalami ah siisay diidmadaas. Waxay fariin cad direysaa: Somaliland kuma xukunto ogolaanshaha dhammaan dadka deggan xuduudaha ay sheeganayso. Tani waxay abuuraysaa caqabad joogto ah oo gudaha ah, kuna taageersan dowladda dhexe, taasoo noqonaysa dood awood leh oo lagu wajaho dalabkeeda aqoonsi raadinta caalamiga ah.

Dhinac u riixista iyo wiiqidda Puntland

Isla mar ahaantaana, xeeladda Muqdisho waxay si xariifnimo leh uga taqalustay maamulka Somaliland jaarkeeda ah ee Puntland. Sheegashada Puntland ee gobollada SSC kuma dhisnayn xuduudo gumeysi, balse waxay ku salaysnayd xiriir qabiil oo qoto dheer. Beesha Dhulbahante ee SSC iyo beelaha ugu waaweyn Puntland waxay labaduba ka tirsan yihiin beel-weynta Harti ee Daarood. In ka badan labaatan sano, Puntland waxay isu arkeysay inay tahay mas’uulka sharciga ah ee danaha deegaankaas.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland way awoodi weyday inay deegaanka ka difaacdo duullaankii Somaliland ama inay bixiso qaab-dhismeed siyaasadeed oo qanciya himilooyinka dadka deegaanka. DFS waxay si xeeladaysan uga faa’iideysatay bannaanbaxaas. Markii ay si toos ah u noqotay dammaanad-qaadaha maqaamka SSC-Khaatumo ee Dowlad Goboleed Xubin ka ah Federaalka (FMS), waxay Muqdisho samaysatay xiriir toos ah oo daacadnimo, taageero iyo maamul ah oo ay la leedahay Laascaanood.

Tani waxay gebi ahaanba hareer maraysaa Puntland, iyadoo hoos u dhigaysa maqaamkeedii ahaa matalaha siyaasadeed ee ugu weyn beelaha Harti/Daarood. Halkii ay hoggaanka SSC warbixinta siin lahaayeen caasimadda Puntland ee Garoowe, hadda waxay si toos ah uga amar qaadanayaan Muqdisho.

Arrintan kaliya ma wiiqeyso saamaynta gobol ee Puntland, balse waxay sidoo kale si dhuumaaleysi ah u beddeleysaa isku-dheellitirka awoodda ee nidaamka cakiran ee federaalisimka Soomaaliya, iyadoo xoojinaysa awoodda dowladda dhexe marka loo eego mid ka mid ah dowlad-goboleedyada ugu awoodda badan uguna loollanka adag.

Dowlad federaal ah oo cusub oo go’aan leh

Guuleystaha kama dambaysta ah ee ciyaartan shataranjiga siyaasadeed ee gobolka waa Dowladda Federaalka lafteeda. Kaddib tobannaan sano oo loo arkayay mid daciif ah oo aan awooddeedu dhaafsiisnayn Muqdisho, waxay DFS muujisay kartideeda ah inay si go’aan leh wax u qabato. Waxay dejisay qorshe hawleed cusub oo awood leh oo lagu gaari karo midnimo qaran: in la helo dildillaacyada u dhexeeya awoodaha iska soo horjeeda, lana siiyo dadka deegaanka heshiis uga wanaagsan oo ah dowlad-goboleed toos ah.

Markii ay isu taagtay inay tahay u doodaha rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo, waxay DFS heshay dowlad-goboleed cusub oo daacadnimo weyn u haya. Waxay caddeysay inay noqon karto dammaanad-qaade amni iyo mid siyaasadeed—door ay ku guuldarreysteen xafiiltamayaasheedu. Tallaabadan geesinimada leh waxay astaan u tahay waa cusub oo u baryay siyaasadda Soomaaliya, halkaasoo aysan dowladda dhexe hadda kaddib ka ahaan doonin daawade keliya colaadaha gobollada, balse ay noqonayso ka-qaybqaate firfircoon oo istaraatiiji ah, kaasoo awood u leh inuu qaabeeyo masiirka qaranka.

Hadda mustaqbalku wuxuu ku xiran yahay awoodda ay Muqdisho u yeelan doonto inay gaarsiiso deegaankaas amni la taaban karo, horumar iyo maamul wanaag, iyadoo isla markaas maareynaysa cawaaqib-xumada lama huraanka ah ee ka imaan karta Somaliland oo gees la geliyey iyo Puntland oo meesha laga saaray.

In kasta oo jidka la hayo uu weli caqabado badan leeyahay, haddana Muqdisho waxay u dabbaaldegaysaa guul istaraatiiji ah oo si aasaasi ah u beddeshay muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya.  

Khamaarkii siyaasadeed ee Deni oo si weyn u fashilmay

Laascaanood (Caasimada Online) – Tallaabo siyaasadeed oo xeelaad iyo go’aan qaadasho leh, ayuu xildhibaankii xudunta u ahaa xiisadda dastuuriga ah ee ka taagnayd Puntland wuxuu gebi ahaanba fashiliyay khamaarkii xukuumadda Saciid Deni, kaddib markii uu iska casilay xilkii baarlamaanka.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil wuxuu is-casilaaddiisa kaga dhawaaqay magaalada Laascaanood maalintii Axadda, isagoo sameeyay wax lagu tilmaami karo xeelad siyaasadeed oo heer sare ah. Go’aankiisu wuxuu isla markiiba meesha ka saarayaa eedaymihii Puntland ee ahaa inuu galay khiyaano qaran. Hase yeeshee, arrintu ma aha oo kaliya mowqif shakhsi ah – waxay astaan u tahay xaalad sii murgaysa oo khatar ah oo ku saabsan muran dhuleed oo ballaaran, iyadoo iska horimaadka ka weecinaysa heer dacwad sharci oo gudaha ah, una gudbinaysa is-muquunin toos ah oo u dhaxaysa laba aragtiyood oo dawladnimo oo iska soo horjeeda.

Khatartii siyaasadeed ee uu galay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda si cad ugu soo laabatay, taasoo awood siisay mucaaradkiisa, isla markaana gobolka ku sii riixaysa mid qarka u saaran iska hor-imaad toos ah.

Jawaab-celin xisaab ku dhisan

Xudunta xeeladda Cabdirashiid waxay ahayd awoodda uu u yeeshay inuu sheekada dhinaca kale u rogo. Maalmo ka hor, hoggaanka Puntland wuxuu u haystay inay gacanta sare leeyihiin. Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu diray warqad rasmi ah oo uu ku dalbanayay in xasaanadda baarlamaaniga ah laga qaado Cabdirashiid – isagoo ku eedeeyay khiyaano qaran, abaabul ciidan, iyo inuu kicinayo dagaal sokeeye.

Fariintu waxay ahayd mid cad: in isaga laga dhigo shakhsi khatar ku ah amniga oo doonaya inuu dawladda qalqal geliyo. Laakiin is-casilaadda Cabdirashiid ayaa xeeladdii oo dhan gebi ahaanba rogtay. Markii uu si iskiis ah xilka uga degay, wuxuu meesha ka saaray suurtagalnimadii sharci ee ahayd in xasaanadda laga qaado. Warqaddii Xeer Ilaaliyaha waxay isla markiiba lumisay dhammaan awooddeedii sharci – waxayna noqotay warqad aan wax qiimo ah lahayn.

Sidoo kale, waxaa muhiim ah in Cabdirashiid uu dib u qaabeeyay sawirka laga haystay. Ma uusan ahayn xildhibaan fallaagoobay oo dawladda khiyaamaynaya – wuxuu isu ekeysiiyay waddani u guntaday hawl siyaasadeed oo ka weyn: halganka lagu dhisayo dawlad cusub.

Goobta uu kaga dhawaaqay go’aankiisuna waxay xambaarsanayd astaan culus. Laascaanood, oo ah magaaladii xuddunta u ahayd iska horimaadkii 2023 ee lagu saaray ciidamadii Somaliland, ayaa noqotay xarun ay ku soo hirtaan dhaqdhaqaaqa SSC-Khaatumo. Isagoo dooranaya magaaladaas, wuxuu Cabdirashiid si cad oo aan gabasho lahayn u muujiyay in daacadnimadiisu aysan la jirin nidaamka ka jira Garowe, balse ay la jirto dhaqdhaqaaqa ka soo ifbaxaya deegaannada lagu muransan yahay.

Tallaabada Cabdirashiid ma aha oo kaliya mid uu isaga difaacayo cawaaqib sharci ah – waxay sidoo kale colaadda gelinaysaa weji cusub oo ka sii khatarsan. Baaqiisu wuxuu daaha ka rogay himilo ka ballaaran tan SSC-Khaatumo. Jibriil, oo ka soo jeeda gobolka Sanaag, wuxuu shaaciyay in hadafkiisu yahay mideynta “Khaatumo iyo Maakhir” – taasoo ah baaq toos ah oo ku wajahan beesha Warsangeli ee Sanaag, si ay ula midoobaan dhaqdhaqaaqa ay hoggaaminayso beesha Dhulbahante.

Tani waxay si weyn u ballaarinaysaa baaxadda xiisadda. Waxa markii hore ahaa dhibic kulul oo Sool ka taagnayd ayaa hadda isu beddeshay khatar dhinacyo badan leh oo ku wajahan midnimada dhuleed ee ay sheegato Puntland. Haddii beelaha waaweyn ee labadan gobol ay isbahaystaan, Puntland waxay wajihi kartaa kala-qaybsanaan siyaasadeed iyo mid juquraafi ah oo halis ah – mid goyn karta gebi ahaanba dhinacyadeeda koonfureed iyo bariga.

Xeeladdii Deni oo fashilantay

Iyadoo SSC-Khaatumo ay sii xoogaysanayso oo himiladeedu sii ballaaranayso, ayay xeeladdii Puntland burburtay. Waxa loogu talagalay inay noqoto awood-muujin ayaa taa beddelkeeda daaha ka rogay khalad-xisaabeed weyn. Is-casilaadda Cabdirashiid, Puntland waxay ku lumisay waddadii sharci ee ay cadaadis ku saari lahayd, waxaana u haray oo kaliya xulashooyin ka khatarsan oo xaaladda sii murgin kara – sida cunaqabatayn dhaqaale ama iska hor-imaad.

Fashilka dadweynaha hortooda ka dhacay ayaa sidoo kale dharbaaxo ku ah kalsoonida Madaxweyne Deni. Waxay hub siinaysaa dadka dhaliila, kuwaas oo hadda haysta tusaale cad oo ay ku doodaan in maamulkiisu uusan ahayn oo kaliya mid gardaran, laakiin sidoo kale ah mid aan waxtar lahayn oo siyaasad ahaan looga adkaaday.

Is-casilaadda Jibriil waa marxalad cusub oo ka dhalatay loolankan awoodeed ee gobolka. Waxay xireysaa waddo kasta oo xal looga dhex raadin karay hay’adaha Puntland. Taa beddelkeeda, waxay albaabka u furaysaa tartan toos ah oo ku saabsan dhul, daacadnimo, iyo sharciyad. Xiisaddii siyaasadeed waxay hadda u gudubtay weji cusub – isbeddel aan hadda ku saabsanayn habraacyo baarlamaan ama handadaadyo sharci. Hadda waxay ku saabsan tahay daacadnimada is-beddelaysa ee shacabka dhexdiisa iyo go’aaminta aragtida mustaqbalka gobolka ee guulaysan doonta.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Mahathir Mohamad kadib markii Axaddii laga…

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Malaysia, Mahathir Mohamad, ayaa laga soo saaray isbitaalka kadib markii la dhigay isagoo ka cabanayay daal uu dareemay xilli uu ka qaybgalayay dabaaldegga sanad-guuradiisii dhalasho ee 100-aad, sida uu xafiiskiisu sheegay Axaddii.

Mahathir wuxuu leeyahay taariikh xanuunno dhanka wadnaha ah, wuxuuna horay u maray qalliinno wadnaha ah. Sannadihii u dambeeyay si isdaba joog ah ayaa isbitaalka loo dhigay, waxaana ugu dambaysay bishii Oktoobar xilligaas oo uu la tacaalayay cudur ku dhaca hab-dhiska neefsashada.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa Axaddii lagu hayay kormeer caafimaad ee Machadka Wadnaha Qaranka (National Heart Institute) ee magaalada Kuala Lumpur, sababo la xiriira daal uu dareemay. “Mahathir waxaa loo oggolaaday inuu gurigiisa aado laga bilaabo 4:45 galabnimo (waqtiga maxalliga ah),” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

Mahathir ayaa isaga oo iswada gaari ku tagay goobta dabaaldegga ee loogu dabbaaldegayay sanad-guuradiisii 100-aad, taasoo sidoo kale ku beegnayd sanad-guuradii 99-aad ee dhalashada xaaskiisa, Hasmah Mohd Ali. Si kastaba ha ahaatee, wararka maxalliga ah ayaa sheegaya inuu baaskiil watay muddo saacad ah ka hor inta uusan daal ka muuqan.

Waa kuma Mahathir Mohamad?

Mahathir Mohamad wuxuu soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Malaysia muddo 22 sano ah ilaa 2003-dii. Wuxuu mar kale ku soo laabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha sanadkii 2018 kadib markii uu isbahaysiga mucaaradka ku hoggaamiyay guul taariikhi ah, balse xukuumaddiisu waxay burburtay wax ka yar laba sano khilaafyo gudaha ah awgood. Weli isaga ayaa ah Ra’iisul Wasaarihii ugu muddada dheeraa ee soo mara Malaysia iyo Ra’iisul Wasaarihii ugu da’da weynaa ee nool.

Mahathir, oo dhashay 10-kii Luulyo, 1925, wuxuu cilmiga daawada ka bartay Jaamacadda Malaya (University of Malaya) wuxuuna sarkaal caafimaad oo dowladda ka tirsan ahaa ilaa 1957-dii. Markii ugu horreysay waxaa loo doortay baarlamaanka sanadkii 1964 isagoo xubin ka ah xisbiga Midowga Qowmiyadda Malay ee Qaranka (United Malays National Organisation – UMNO).

Sanadkii 1974-kii, Mahathir waxaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada, wuxuuna noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeen sanadkii 1976-kii. Wuxuu madaxweyne u noqday xisbiga UMNO sanadkii 1981, wuxuuna noqday Ra’iisul Wasaare markii ugu horreysay bishii Luulyo ee sanadkaas, isagoo noqday qofkii ugu horreeyay ee aan ka soo jeedin qoysas fac-weyn ah oo xilkaas qabta.

Isagoo Ra’iisul Wasaare ah, Mahathir wuxuu diiradda saaray maalgelinta shisheeye iyo kobaca dhaqaalaha. Wuxuu horseeday isbeddelkii Malaysia ku noqotay dal leh dhaqaale casri ah, laakiin waxaa lagu dhaleeceeyay hoggaan kaligiis-talisnimo ah iyo inuu caburin jiray dadka ka aragtida duwan.

Mahathir wuxuu si weyn u dhaliili jiray reer Galbeedka, gaar ahaan duullaankii uu Mareykanku hoggaaminayay ee Ciraaq, wuxuuna xilka Ra’iisul Wasaaraha ka fariistay sanadkii 2003. Wuxuu sameeyay soo laabasho siyaasadeed oo cajiib ah sanadkii 2018 isagoo 92 jir ah, waxaana isbahaysigiisii mucaaradka uu helay aqlabiyad taariikhi ah, taasoo u gogol xaartay inuu mar kale noqdo Ra’iisul Wasaare. Hase yeeshee, wuu is casilay bishii Febraayo 2020, waxaana isbahaysigiisii u burburay khilaaf gudaha ah dartiis.

 

Mareykanka oo $5 milyan ku raadinaya Abdikadir Ikrima

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku dhawaaqday abaalmarin lacageed oo gaareysa ilaa $5 milyan oo doollar, taasoo la siinayo ciddii keenta xog horseedda qabashada hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Hoggaamiyahan ayaa loo raadinayaa doorkii uu ku lahaa qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee sanadkii 2010 ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo ay ku dhinteen 76 qof, oo uu ku jiro muwaadin Mareykan ah.

Barnaamijka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ee loo yaqaano Abaalmarinta Caddaaladda (Rewards for Justice program) ayaa raadinaya macluumaad ku saabsan Cabdikadir Maxamed Cabdikadir, oo ah muwaadin Soomaali-Kenyan ah, isla markaana loo yaqaano “Ikrima.” Waxaa lagu tilmaamay inuu yahay shakhsi muhiim ah oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Shaacintan oo la sameeyay 15 sano kadib weeraradaas, ayaa hoosta ka xariiqeysa sida ay dowladda Mareykanka uga go’an tahay in muddo dheer ay ku dadaasho sidii caddaaladda loo horkeeni lahaa kuwii ka dambeeyay qaraxyadaas.

“Ma aanan ilaawin dhibanayaasha; naga caawiya sidii aan caddaaladda u heli lahayn,” ayaa lagu yiri qoraal uu barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda soo dhigay boggagiisa baraha bulshada. Ogeysiiska waxaa la socda sawirka Cabdikadir iyo faahfaahin ku saabsan sida loogu tuhunsan yahay inuu ugu lug lahaa weeraradii lala beegsaday dadweyne daawanayay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka 11-kii Luulyo, 2010.

Qorsheeye iyo fuliye muhiim ah

Sida ay sheegtay dowladda Mareykanka, Cabdikadir wuxuu “door weyn ka qaatay qorsheynta iyo hagidda” weeraradii Kampala. Waxaa lagu eedeeyay inuu helay warbixinno sirdoon oo ku saabsan goobo la beegsan karay oo ku yaalla caasimadda Uganda, ayna isaga iyo taliyeyaal kale oo Al-Shabaab ka tirsan u doorteen goobaha baararka ee furan inay noqdaan “bartilmaameedyo jilicsan.”

Intaa waxaa dheer, saraakiisha Mareykanka waxay ku eedeeyeen in Cabdikadir uu mas’uul ka ahaa tababarka iyo hagidda xubnihii muhiimka ahaa ee fuliyay hawlgalka, oo ay ku jiraan kuwii isku miidaamiyay qaraxyadaas isku xirnaa. Sidoo kale, waxaa la sheegay inuu fududeeyay gaadiidkii lagu daabulay jaakadaha walxaha qarxa ee loo adeegsaday qaraxyadaas baaxadda lahaa.

Cabdikadir wuxuu ahaa shakhsi caan ka ah gudaha Al-Shabaab in ka badan toban sano. Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxay ku tilmaantay inuu yahay hoggaamiye sare oo soo qabtay xilka Madaxa Hawlgallada iyo Saadka ee kooxda. Mas’uuliyadihiisa waxaa lagu sheegay inay ka mid ahaayeen isku-dubbaridka qorista dhalinyarada Kenyaanka ah ee lagu biirinayo ururka xagjirka ah iyo sidoo kale inuu taliye u ahaa unug ka kooban dagaalyahanno Kenyan ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya.

Dadaalka lagu doonayo in lagu helo goobta uu ku sugan yahay Cabdikadir ayaa qayb ka ah istiraatiijiyad ballaaran oo Mareykanku ku doonayo inuu ku burburiyo shabakadaha hawlgallada ee Al-Shabaab. 6-dii Agoosto, 2021, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka waxay si rasmi ah Cabdikadir ugu aqoonsatay inuu yahay argagixiso caalami ah oo gaar loo calaamadeeyey (Specially Designated Global Terrorist – SDGT).

Aqoonsigan wuxuu kicinayaa cunaqabatayn adag oo maaliyadeed, isagoo xayiraya dhammaan hantida iyo danaha maaliyadeed ee Cabdikadir ee hoos yimaada awoodda sharciga Mareykanka. Waxay sidoo kale dembi ka dhigeysaa in qof kasta oo Mareykan ah uu la macaamilo ama si ula kac ah u siiyo taageero maaddi ah kooxda Al-Shabaab, oo uu Mareykanku u aqoonsaday Urur Argagixiso oo Shisheeye (Foreign Terrorist Organization) sanadkii 2008.

Nabar ku yaalla gobolka

Qaraxyadii Kampala ee 2010-kii waxay ahaayeen weerarkii ugu horreeyay ee weyn oo ay Al-Shabaab ka fuliso meel ka baxsan saldhigooda ugu weyn ee Soomaaliya, waxayna muujiyeen sare u kac weyn oo ku yimid damaca kooxda ee gobolka. Weeraradan isku xirnaa ayaa lala beegsaday naadi rugby iyo maqaayad Itoobiyaan ah oo ay isugu soo urureen dad taageerayaal kubadda cagta ah si ay u daawadaan ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka ee FIFA, taasoo dhexmaraysay Spain ay kaga adkaaday Netherlands.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda xasuuqaas, iyadoo sheegtay inay aargudasho uga dhigeysay ciidamada Uganda ee loo geeyay Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan Hawlgalkii Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), kaasoo taageera dowladda Soomaaliya ee la dagaallameysa fallaagada.

Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa cid kasta oo haya macluumaad ku saabsan Cabdikadir Maxamed Cabdikadir ama shakhsiyaad kale oo ku lug lahaa qaraxyadaas inay la soo xiriiraan barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda iyagoo adeegsanaya hababkooda sirta ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Signal, Telegram, WhatsApp, iyo khad si qarsoodi ah loogu soo gudbiyo xogta oo ku shaqeeya barawsarka Tor.

“Macluumaadkaagu wuxuu kuu horseedi karaa inaad u qalanto abaalmarin iyo in laguu raro meel kale oo ammaan ah,” ayaa lagu xaqiijiyay ogeysiiska oo loo diray dadka xogta keeni kara.

Al-Shabaab oo jab culus lagu gaarsiiyey dagaal maanta ka dhacay Ceelsaliini

0

Afgooye (Caasimada Online) –  Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta howlga culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Ceelsaliini ee gobolkaasi, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay argagixisada.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ku qaadeen goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab, kadibna ay jab culus gaarsiiyeen.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada ee horkacayay duulaanka lagu qaaday kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay inay cashir ugu dhigeen Khawaarijta, ayna burburiyeen saldhigyo ay ku lahaayeen aagga deegaanka Ceelsaliini ee gobolka Shabeelaha hoose.

Sarkaalka oo sii hadlaya ayaa sidoo kale xusay in howlgalkan uu isku xiran Lambar Konton, illaa KM7, ujeedkana uu yahay in lagu ciribtiro Al-Shabaabka ku sugan halkaasi.

“Waxaan har iyo habeen u taaganahay dabagalka iyo dabar goynta kooxda Khawaarijta Al-Shabaab meesha ay taaganahay waa Ceelsaliini howlgalkan wuxuu isku xiran yahay lambar konton, illaa KM7” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca A-Shabaab oo ku aadan howlgalka ay guusha ka sheegatay dowladda fedearaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolkan oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Shabeellaha Hoose ayaa waxaa maalmihii dambe ka socday guluf ka dhan ah Khawaarijta, kuwaas oo guullo waawayn laga gaaray, maadaama la xoreeyay deegaann dhowr ah.