31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xog: Isku shaandheyn lagu sameynayo xukuumadda Xamza – Yaa la baddelayaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa isku shaandheyn cusub oo lagu sameynayo qaar kamid ah Golaha Wasiirrada, taasi oo saameyn doonta wasaarado ay kamid yihiin Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa Caasimada Online u sheegay in isku shaandheyntan oo ah mid kooban ay saameyn doonto wasaaradahaan oo muhiim u ah isbedelka ay qorsheynayso DF.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa la filayaa in loo wareejiyo xilka Wasiirka Gaashaandhigga.

Haddii ay taasi ay dhacdo is bedelka wasaaradaas ayaa noqonaya markii labaad oo muddo bil gudaheed ah labo Wasiir isku bedelaan, iyadoo Wasiirki ugu waqtiga dheeraa ee soo maray burburkii kadib Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) looga bedelay wasaarad kale.

Sababtii wasiir Jaamac looga bedelay wasaaradaas waxaa lagu sheegaa cadaadis ka yimid Mareykanka oo Madaxtooyadu ku qasbanaatay.

Sidoo kale, xogta aan heleyno waxay sheegeysaa in dood adag ay ka taagan tahay qofka loo magacaabayo xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda markii Fiqi baneeyo booskaas ee la geeyo gaashaandhigga.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa doonaya in xilkaas loo magacaabo Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) oo hadda ah Ra’iisul Wasaare kuxigeenka labaad ee xukuumadda Xamsa, iyadoo kursiga Ra’iisul Wasaare labaad loo badinayo in la siiyo Jabriil Cabdirashiid oo hadda ah Wasiirka Gaashaandhigga.

Sidoo kale, waxaa jirta aragti kale oo uu qabo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Balcad, oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda la siiyo qof isagu uu wato oo reer Mareykan ah.

Shakhsiga uu wato Cali Balcad waxaa la sheegay inuu ku dhow yahay xubno ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka, si ay dowladda Federaalka galaangal iyo taageero uga hesha Maamulka Madaxweyne Trump.

Isbaddellada la qorsheynayo ayaa saameyn doona Hay’adda NISA oo dib loogu soo celinayo Mahad Salaad oo horay u soo hoggaamiyey hay’addaas, isbedelladaan waxay dhacayaan Khamiista soo socota, hadii aysan wax iska bedelin go’aanka xukuumadda.

Farmaajo oo shacabka uga digay arrin la xiriirta ciidanka dowladda oo ay wadaan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku dhiirigeliyey ciidamada qaranka, isagoo dalbaday in la joojiyo wararka been abuurka ah ee lagu niyad jebinayo ama lagu bahdilayo ciidanka.

Farmaajo ayaa sheegay in Marka, Jannaalle, Aw-Dheegle, Bariirre, Sabiid iyo Caanoole ay Shabaab ka xoreysay dowladdii uu hoggaaminayey, iyadoo uu socdo dhismaha ciidamada qaranka, Madaxweynihii hore ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda uu ku garab taagan yahay dagaalka Khawaarijta.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Farmaajo:

Shacabka Soomaaliyeed waxaan la wadaagayaa inay ka feejignaadaan dacaayadaha raqiiska ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku sumcad dilaan ciidamadeenna geesiyaasha ah, kagana been sheegayaan waaqaca dhabta ah ee ka jira Soomaaliya.

In ciidanka qaranku ay magaalooyin tab iyo xeel dagaal uga soo baxaan macneheedu maaha in laga adkaaday, sidaas darteed waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay ciidanka qaranka la garab istaagaan hiil iyo hoo intaba, taas oo keeni karta in ciidanku ka guulaystaan cadowga.

Waxaa hubaal ah in ayada oo ciidanka la dhisayo haddana laga guulaysan karo kooxaha nabad-diidka ah, sidii hore u dhacday sannadihii 2018 ilaa 2020-kii oo ayada oo ciidanka dhismihiisa lagu dhex jiro, haddana ay noo suurta gashay inaan argagixisada ka xorayno magaalooyin badan oo ay ka mid yihiin Marka, Jannaalle, Aw-Dheegle, Bariirre, Sabiid iyo Caanoole.

Hoggaanka dalka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, waxaan ugu baaqayaa in ay mudnaanta koowaad siiyaan danta guud, xaqiijinta xasillooni siyaasadeed, adkaynta midnimada, wadajirka iyo madallaynta dastuur iyo doorasho wada-oggol ah, taas oo lagu gaari karo dhammaystirka dowlad-dhiska dalka.

Saaxiibbada caalamka ee sida hagar la’aanta ah uga qayb qaadanaya soo kabashada dalka, dhismaha Ciidamada Qaranka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada waxaan ku dhiirri-gelinayaa in ay xoojiyaan taageeradooda iyo garab-istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Macawiisleyda beesha Xawaadle oo caawa Aboorey ku weerartay Al-Shabaab

0

Buuloburde (Caasimada Online) –Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa caawa weerar culus ku qaaday  dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Aboorey ee gobolkaas.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada difaaca deegaanka ay ka war heleen  Khawaarijta isku aruursanaysa aagga Aboorey, waxay halkaas ku qaadeen weerar cashir loogu dhigay Khawaarijta, khasaare xooggana lagu gaarsiiyey.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay Khawaarijta gaarsiiyeen, isla markaana howlgalkaas uu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen.

Ciidamada Difaaca Deegaanka ayaa gacanta ku haya goobtii uu ka dhacay howlgalkaas ee Khawaarijta lagu laayey caawa, sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen.

Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay sidaan oo kale weerar ugu qaaday Khawaarij isku aruursatay inta u dhaxaysa deegaanka Mabaax iyo degmada Aadan-yabaal, waxayna halkaas Shabaab-ka uga dileen maleeshiyaad badan.

Howlgalkii xalay ayaa looga hor tagay dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed, kooxda Al-Shabaab ayaa markaan u soo jeesatay inay beegsato reer Hiiraan, maadaama ay qabsatay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Arbacadii lasoo dhaafay ayey kooxda Al-Shabaab qabsatay degmada Aadan-yabaal, waxaana cabsi badan laga qabaa inay weeraraan deegaano kale, kooxda ayaa toddobaadyadii iyo bilihii lasoo dhaafay weerarrada qaadeysay inta badan maalinta Arbacada ah.

Sawirro: Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Jabuuti + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay madaxtooyadda Qaranka Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Dalka Jabuuti, ahna Madaxweyne ku xigeenka CAF iyo xubin ka tirsan Golaha FIFA (FIFA Council), Suleemaan Xasan Waaberi.

“Madaxweynaha ayaa muujiyay sida Qarankeenna ugu faraxsan yahay ka mid noqoshada xubinnimada FIFA ee Jabuuti, wuxuuna sidoo kale sheegay inay ka go’an tahay is-dhaafsiga khibradaha xiriirka noocyada kala duwan ee ciyaaraha,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxgooyada.

Kulanka uu madaxweynaha la yeeshay
Suleemaan Xasan Waaberi waxaa ku weheliyay wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Gudoomiyaha xiririirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta ay magalaada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku kulmeen Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamuud Aadan Geesood iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, kadib booqasho wasiirku uu ku tegey Jabuuti.

Si loo xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo derisnimo ee qotada dheer ee u dhexeeya labada dal ayaa looga wadahadlay kulankaas oo intii uu socday si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga ganacsiga, iyadoo labada dhinac ay garowsan yihiin tilmaamay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista isu socodka badeecadaha iyo maalgelinta ganacsiga.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa ka qeybgalay shirka iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga suuqa xorta ah ee Afrika, oo lagu qabtay magaalada Jabuuti.

Dowladda Soomaaliya ayaa garab buuxa u noqotay Jabuuti tan iyo dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh, waxay Soomaaliya u ololeysay in Jabuuti ay hesho kuraas caalami ah oo kii guddoomiyaha Midowga Afrika uu ugu dambeeyey.

 

DF oo arrin xasaasi ah kala hadashay hoggaamiyaha Ahlu-sunna + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay hoggaamiyaha guud ee Ahlu-sunna Waljamaaca oo haatan yimid magaalada Muqdisho, isaga oo kadib kulan gaar ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka ayaa Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan ku qaabilay xafiiskiisa, isaga oo si maqaam sare leh usoo dhaweeyay, kadibna kala hadlay arrimo xasaasi ah.

“Sharaf iyo farxad weyn ayay Ii ahayd maantay in aan xafiiskayga wasaaradda Arimaha dibadda ku qaabilo hogaamiyaha ruuxiga ah ee ASWJ Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi, kadib qoraal uu soo dhiggay bartiisa Facebook-gga.

Fiqi oo faah-faahin ka bixyay kulanka dhex-maray isaga iyo hoggaamiyaha Ahlu-sunna Waljamaaca ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay inuu kala hadlay qorshaha dagaalka ee dowladda, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab oo haatan dib isku soo abaabushay.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in kulankooda ay diirada ku saareen suulinta fikirka xagjirka ah iyo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa kooxaha argagixisada ah.

“Waxaan ka wada hadalnay in fikirka xagjirka ee argagixisadu uu khatar ku yahay diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed, in meel looga soo wada jeestana ay waajib tahay, dawladdana lagu garab istaago la dagaalanka argagixisada.” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Sheekh Maxamuud wuxuu leeyahay taariikh dheer oo ku suntan la dagaallanka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah”.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dib loo soo nooleeyay cududii Ahlu-sunna kadib qorshe maalmo kooban ka socday Guriceel iyo Dhuusamareeb, ayada oo kadib lasoo bandhigay cudud ciidan oo xoog leh.

Qorshaha dib loogu aas-aasay Ahlu-sunna waxaa gadaal ka riixeysa dowladda federaalka, waxaana la sheegay inay xoreynayaan degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee Al-Shabaab ay ka joogaan deegaannada kale ee maamulka Galmudug.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo aad u adag, kadib markii ay Al-Shabaab culeys soo saartay labada Shabelle iyo deegaanno aad ugu dhow Muqdisho.

Sawirro: DF oo wafdi culus u dirtay Mareykanka + Ujeedka

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus u dirtay dalka Mareykanka, waxaana hoggaaminayo wasiirka maaliyadda, Mudane Biixi Imaan Cige, kaas oo gaaray magaalada Washington DC ee dalkaasi.

Ujeedka wafdiga Soomaaliya u tageen Mareykanka ayaa ah ka qayb-galka shirka xilliga gu’ga SpringMeetings2025 oo ay soo qaban qaabiyeen Hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiir Biixi waxaa safarkan ku wehlinayo xubno metalaya xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, wasaaradda qorsheynta qaranka, bangiga dhexe iyo hey’adda warbixinnada maaliyadda, kuwaas oo inta au joogaan Mareykanka sameyn doono dadaallo dheeraad ah.

Sidoo kale waxa ay kulamo hordhaca ah la qaateen madax sare oo ka tirsan labada hay’adood ee shirka qabanaya ka hor inta aysan dhicin kulamada guud ee loo dhan yahay.

Kulamada gaar gaarka ah ee dhacay ayaa ujeedkeedu ahaa sidii dowladda Soomaaliya ay miiska wada-hadalada ula tagi laheyd qorsheyaal cad-cad oo ku saleysan hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo helidda fursada maalgalineed ee ay hey’adaha caalamku bixiyaan si loo maalgaliyo ilaha dhaqaalaha dalka si loo kobciyo wax soo saarka gudaha.

Wasiir Biixi oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa dhankiisa sheegay in kulamada hordhaca ah ee uu la qaatay wakiilada IMF iyo Bangiga Adduunka ay si guul ah ku soo dhamaadeen, haatanna ay isku diyaarinayaan ka qeyb galka fadhiyada guud oo lagu filayo in uu khudbado ka jeediyo Wasiirka.

Soomaaliya ayaa fursad muhiim ay u tahay ka qayb-galka shirka xilliga gu’ga SpringMeetings2025 ee ka dhacaya Mareykanka, maadaama ay kasoo qayb-galayaan madax kala duwan iyo hay’ado waa wayn oo ay bandhigeyso qorshayaasheeda muhiimka ah.

Dowladda Federaalka oo muddooyinkan horumar wayn ka sameyneysay la macaamilka saaxibada caalamka ayaa haatan dooneyso inay dhaqaalaha iyo maalgasha ay sii hormariso, si loo helo kobac dhaqaale oo wayn iyo fursado kale oo muhiim ah.

Marar badan ayay Soomaaliya xaadirtay shirar noocaa oo kale oo isla qabteen Hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka oo si weyn taageero u siiyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Puntland oo gacanta ku dhigtay doon sidda Soomaali iyo Ajaaniib

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland oo weli howlgallo culus kasii wada gobolka Bari ayaa maanta gacanta ku dhigay doon sidda dad isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib, xilli ay mareysay xeebaha gobolka Bari ee maamulkaasi.

Doonta ayaa lasoo wariyay in shidaalka uu ka go’ay, waxaana kadib sidaas ku qabtay ciidamada ilaalada xeebaha Puntland, xilli ay ku sugneyd deegaanka Bacaad ee gobolka Bari.

War kooban oo kasoo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in haatan laamaha ammaanka Boosaaso ay baaris ku hayaan doonida iyo dadka la socda oo ay ku jiraan carruur yar.

“Boosaaso waxa baaritaan ku socda doon iyo dadkii ay waday oo Ciidanku ka qabteen iyagoo Shidaalku ka go’ay aaga biyaha -deegaanka Bacaad ee Gobolka Bari, dadka saarna waa Soomaali iyo Ajaanib , waxaa ku jira caruur yaryar” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in baarista marka ay dhamaato la shaacin doonto natiijada waxa ay tahay doontan iyo Ajaaniita la socota intaba.

Puntland ayaa si weyn uga feejigan dadka soo galayo deegaannadeeda ee u badan Ajaaniibta, maadaama ay dagaal adag kula jirto Daacishta ee ku sugan buuraha Bari.

Dagaalka oo haatan galay marxaladdiisa ugu dambeysay, gaar ahaan gabagabada wajiga saddexaad ayaa guullo waa wayn laga gaaray, waxayna ciidamadu gaareen illaa togga Miraale oo ahayd xarunta ugu weyn ee Daacish ee gobolka.

Togga Miraale ayaa horey u ahaa mid adag in la galo, iyadoo ciidamada ay la kulmeen caqabado dhanka deegaanka ah iyo dhufeyso adag oo ay sameysteen kooxda Daacish. Balse, ciidamada ayaa si taxaddar leh u wajahaya howl-gallada ilaa ay ugu dambeyn gudaha u galeen.

Si kastaba ha ahaatee, Marka loo eego warbixinada ka imaanaya goobaha dagaalka, wejiga saddexaad ee hawl-galka buuraha Calmiskaad ayaa la sheegay inuu marayo gebagabo, isla markaana ciidamadu ay ku xoreeyeen dhul ballaaran oo buuraley ah.

Baarlamanka Azerbaijan oo ansixiyey heshiiska xasaasiga ah ee lala galay Soomaaliya

Baku (Caasimada Online) – Baarlamanka Azerbaijan ayaa ansixiyay “heshiiska iskaashiga dhinaca difaaca iyo warshadaha difaaca ee u dhexeeya Dowladda Jamhuuriyadda Azerbaijan iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya,” sida ay baahisay warbaahinta dalkaas.

Wararka ayaa tilmaamaya in arrintan looga dooday kulanka guud ee Baarlamaanka Azerbaijan oo qabsoomay 22-kii April. Hindise-sharciyeedka ansixinta heshiiskan ayaa cod loo qaaday, waxaana lagu ansixiyay akhrintii koowaad.

Heshiiskan ayaa si rasmi ah loo saxiixay 12-kii Febraayo, 2025 magaalada Baku, iyadoo goob joog ay ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isla garowsaday muhiimadda ay leedahay dhisidda madal joogto ah oo lagu xoojiyo xiriirka labada dal, taas oo fududeynaysa fulinta heshiisyada.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal, iyagoo diiradda saaray dhinacyada waxbarashada, tamarta, amniga, iyo maamulka dowliga ah.

Heshiiskan ayaa loogu talagalay in lagu abuuro qaab sharciyeed oo rasmi ah oo lagu hagi karo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada difaaca iyo warshadaha difaaca. Waxaa sidoo kale lagu qeexay in fulinta heshiiskan ay waafaqsan tahay sharciyada gudaha iyo waajibaadka caalamiga ah ee labada dowladood, iyadoo la xaqiijiyay inaan iskaashigani noqon karin mid ka dhan ah dhinac saddexaad.

Heshiiska oo ka kooban 20 qodob ayaa qeexaya iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada difaaca iyo amniga milatariga, howlgalada nabad ilaalinta, booqashooyinka labada dhinac iyo isdhaafsiga khibradaha, tababarka iyo waxbarashada milatariga, warshadaha iyo tiknoolajiyadda difaaca, iyo kuwo kale oo badan. Dhinacyada iyo qaababka iskaashiga ayaa lagu soo bandhigay hoos.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Baku ayaa ahayd tii ugu horreysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago Azerbaijan, taas oo muujinaysa muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siinayso ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha iyo amniga labada dal.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa casuumay Madaxweyne Ilham Aliyev inuu booqasho rasmi ah ku yimaado Soomaaliya si loo sii ambaqaado xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Somalia ties Madobe’s role in talks to election withdrawal

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s federal government has barred Jubaland President Ahmed Mohamed Islam, known as Ahmed Madobe, from participating in the upcoming National Consultative Forum, citing his controversial re-election last year as unconstitutional.

Federal Security Minister Gen. Abdullahi Ismail Fartaag said Madobe’s participation in the talks is conditional on his formal withdrawal from the disputed November 2024 election, which Mogadishu maintains was illegal and violated Somalia’s electoral laws.

“The process that led to Ahmed Madobe’s re-election did not comply with the country’s constitution or electoral procedures,” Fartaag said.

Long-running power struggle

The dispute stems from Madobe’s third-term victory in an election held in Kismayo, the capital of Jubaland, on November 25, 2024. The federal government swiftly rejected the outcome, arguing that the process lacked transparency and excluded opposition voices.

The conflict escalated as the Banadir Regional Court in Mogadishu issued an arrest warrant for Madobe on charges of treason and violating the constitution. In retaliation, a Jubaland court issued a warrant for President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of similar offenses — further fueling the political crisis between the two sides.

Jubaland subsequently suspended all ties with the federal government, marking one of the sharpest confrontations between Mogadishu and the regional administration in recent years.

The National Consultative Forum, scheduled for May 1–2 in Mogadishu, is intended to bring together federal and regional leaders to discuss key national issues, including electoral reforms and security cooperation.

Invitations have been extended to the presidents of all federal member states — with the notable exception of Madobe. The move highlights the deepening political rift between Villa Somalia, the seat of the federal government, and the Jubaland administration.  

Diplomats and analysts warn that excluding Jubaland from the talks could undermine national dialogue and consensus efforts.

Local elections press ahead

Meanwhile, the federal government has announced plans to proceed with local council elections in six districts of the Gedo region and two in Lower Juba, areas where tensions between federal and Jubaland forces remain high.

Security Minister Fartaag emphasized the government’s determination to hold the polls, even in the face of opposition from Jubaland authorities.

“If Ahmed Madobe actively obstructs the elections in Kismayo and Afmadow, the government is prepared to take alternative measures to ensure voting proceeds in other parts of Gedo,” Fartaag told Caasimada Online.

The Gedo region, located along Somalia’s southwestern border with Kenya, has been a flashpoint for federal-regional tensions. Both federal troops and Jubaland-aligned militias have vied for control, and recent reports suggest Jubaland paramilitary units have integrated local militias in the contested town of Balad Hawo.

The federal government’s hardline stance toward Jubaland reflects broader challenges in Somalia’s federal system, where disputes between Mogadishu and regional administrations have frequently stalled political progress.

The exclusion of Madobe from the national forum raises fresh concerns over the inclusivity of Somalia’s political process at a time when the country is preparing for direct elections planned for 2026.

Observers caution that efforts to achieve nationwide consensus on electoral reforms and security cooperation could be at risk unless the political impasse with Jubaland is resolved.

“Without genuine dialogue between the federal government and regional leaders, including Jubaland, Somalia’s path toward stable governance and democratic elections will remain uncertain,” said a regional analyst who requested anonymity due to the issue’s sensitivity.

Faah-faahinta qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka laamiga degmadaas, gaar ahaan meel u dhaw Masjidka Muumino Ceelbuur, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid nooca miinada ah oo lagu aasay meel u dhow maqaayad yar oo lagu cabo shaaha, taasoo ku taalla dhabarka laamiga, goobtaas oo ay inta badan ku kulmaan dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay, hal qof ayaa ku dhintay qaraxa, halka seddex kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, sida ay sheegayso xogta hordhaca ah ee khasaaraha ka dhashay qaraxan.

Qaraxa ayaa dhacay xilli ay dad shacab ah ku sugnaayeen maqaayadda, taasoo keentay in dhaawaca uu inta badan saameeyo dadka aan waxba galabsan. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa laga maqlay qeybo badan oo degmada ah.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa u dhaweyd meel ciidamada ammaanka ay ka wadeen baaritaanno, taasoo keentay in la tuhmo in qaraxa uu bartilmaameedsaday dhaq-dhaqaaqa ciidamada amaanka.

Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda ee ku saabsan cidda ka dambeysay qaraxa, balse waxaa filayaa in saacadaha soo aadan faahfaahin soo saaran.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

Somalia FM rejects Al-Shabab Mogadishu threat narrative

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s Foreign Minister, Ahmed Moallim Fiqi, firmly dismissed claims that the Al-Qaeda-linked militant group Al-Shabaab could seize control of the capital, Mogadishu, asserting significant military gains against the insurgency.

Speaking at an event held at the Ministry of Foreign Affairs in Mogadishu on  Monday, Minister Fiqi highlighted ongoing military efforts that have severely weakened Al-Shabaab’s operational capabilities over the past two years. The event served as a rallying point for support for the Somali National Armed Forces (SNAF), who have intensified their offensive operations against the militants.

“It’s impossible for terrorist groups like Al-Shabaab to control Somalia. Our people have shown extraordinary courage in rejecting extremism and standing firm for justice,” said Minister Fiqi, emphasizing the military’s and civilians’ resolve in fighting extremism.

Growing public confidence

Minister Fiqi also drew attention to public demonstrations of support in cities like Baidoa, where citizens rallied after recent successful military operations against Al-Shabaab. He described these gatherings as evidence of growing public confidence in the government’s ability to restore peace and stability.

In a symbolic gesture of solidarity, the Ministry donated essential food supplies to frontline soldiers, reinforcing national unity and morale among the troops. Fiqi encouraged sustained public and political backing, highlighting the collective nature of the fight against terrorism.

Despite territorial setbacks, Al-Shabaab continues to pose a threat, particularly in rural regions. The group recently attacked the strategic town of Adan Yabal in the Middle Shabelle region, sparking ongoing clashes. However, government sources characterize these attacks as desperate acts by a substantially weakened militant force (Associated Press).

Established in 2006, Al-Shabaab seeks to overthrow Somalia’s internationally recognized government and implement its strict interpretation of Sharia law.

It has been designated as a Foreign Terrorist Organization by the United States since 2008 and remains responsible for numerous deadly attacks across Somalia and neighboring regions (U.S. National Counterterrorism Center).

Minister Fiqi’s comments come amid increased international and regional cooperation to combat Al-Shabaab, including support from African Union forces and U.S. military assistance.

Such coordinated efforts have progressively undermined the group’s operational effectiveness, though experts caution that sustained military pressure and community engagement remain crucial to long-term success.

Recent military victories

Recent successes against Al-Shabaab include the killing of several senior commanders, weakening the group’s leadership structure. Government forces have reclaimed strategic towns and villages previously under Al-Shabaab control, bolstering the morale of both troops and local residents.

Minister Fiqi specifically praised the bravery and determination of the Somali armed forces and emphasized the need for continued vigilance and cooperation among security agencies and the public.

Security analysts note that despite considerable progress, Al-Shabaab remains capable of executing guerrilla-style attacks and suicide bombings, particularly in urban centers. Recent attacks in Mogadishu, including bombings and targeted assassinations, underline the persistent nature of the threat.

In response, the Somali government has ramped up intelligence operations and is working closely with international partners to enhance security infrastructure, aiming to detect and prevent attacks before they occur.

Regional governments, including Kenya and Ethiopia, have also increased border surveillance to curb cross-border infiltration by Al-Shabaab militants.

Minister Fiqi concluded by urging international partners to maintain their support for Somalia’s counterterrorism efforts, emphasizing that a stable and secure Somalia is essential for regional peace and global security.

He affirmed, “We remain committed to defeating terrorism and restoring lasting peace to our country, underscoring the government’s determination to achieve lasting security and stability.

DF oo shuruud adag ku xirtay ka qeyb-galka Axmed Madoobe ee shirka madasha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uusan ka qeyb-geli karin shirka madasha wadatashiga ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda ayaa ku xirtay Axmed Madoobe ka laabashasa doorashadii muranka dhalisay ee ka dhacday Kismaayo. Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu casuumay madaxda dowlad-goboleedyada, marka laga reebo Madoobe.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka, General Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in doorashadii lagu doortay Axmed Madoobe aysan waafaqsaneyn dastuurka iyo xeerarka dalka, isagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan lagu dhisin hab-raac sax ah.

Wasiir Fartaag wuxuu si toos ah u caddeeyay in ka qeyb-galka Axmed Madoobe ee madasha siyaasadeed uu ku xiran yahay inuu si rasmi ah uga laabto doorashadaasi, taasoo ay dowladda federaalka horey ugu sheegtay in aysan aqoonsaneyn.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka hadlay doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee qorshuhu yahay in lagu qabto nidaamka qof iyo cod. Wuxuu sheegay in lix degmo oo ka tirsan gobolka Gedo iyo labo degmo oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose laga qaban doono doorashooyin.

Wuxuu intaas ku daray in dowladda federaalka ay u diyaar garowday qabashada doorashooyinkaasi, xitaa haddii ay jiraan caqabado siyaasadeed oo kaga imaanaya maamulka Jubbaland ama hoggaankiisa.

Wasiirka ayaa xusay in haddii Axmed Madoobe uu si cad uga hor yimaado in doorasho lagu qabto magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow, ay dowladda qaadayso tallaabooyin kale oo ay doorashooyinkaasi uga fulin karto deegaanada kale ee gobolka Gedo.

Hadalkan ayaa muujinaya mowqifka adag ee dowladda federaalka ka qaadatay arrimaha Jubbaland, gaar ahaan ku aaddan doorashooyinka iyo ka qeyb-galka shirka madasha, taasoo markale dib u muujineysa kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee u dhaxeysa Villa Somalia iyo maamulka Jubbaland.

Horjoogayaal iyo Shabaab badan oo lagu dilay Kaam-jaroon

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo qorsheysnaa ayaa si gaar ah uga dhacay galbeedka geegaanka lagu magacaabo Kaam-jaroon ee gobolkaasi, waxaana lagu dilay xubno badan oo Shabaab ah.

Ciidamada isbaheysanaya ayaa beegsaday fariisimo ay Khawaarijta ku lahayd halkaasi, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka oo la hadlay warbaahinta ayaaa sheegay inay ka adkaadeen Al-Shabaabkii ay la dagaalameen, isla markaana ay guul ka gaareen howlgalka ay maanta qaadeen, iyaga oo xusay inay jab ku gaarsiiyeen Argagixisada.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan lagu dilay illaa 9 xubnood oo isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda, halka la dhaawacay tiro intaasi ka badan.

Sidoo kale, xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ay howlgallo kasii wadaan aagga deegaanka Kaam-jaroon ee gobolka Jubbada Hoose oo ay indhowaanahaan ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ujeedka howlgalkan ayaa qayb ka ah qorshe ay Jubbaland ku dooneyso inay ku xoreyso deegaanno dhaca Jubbooyinka oo haatan ay ka waddo dhaq-dhaqaaqyo culus.

Jubbada Hoose ayaa waxaa deegaanno ka mid ah maamula kooxda, halka ay sidoo kale si buuxdo u wada haysto gobolka Jubbada Dhexe ee maamulka Jubbaland, halkaas oo ay mararka qaar ka dhacaan dagaallo xooggan iyo duqeymo diyaaradeed intaba.

Si guud, waxaa dalka uga socda guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana si gaar ah xooggiisa looga dareemayaa gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay isugu tageen maleeshiyaadkii ugu badnaa kuwaas oo dib u qabsaday deegaanadii horay looga saaray.

Si kastaba, dowladda dhexe oo kaashaneysa saaxibada caalamiga ah ayaa hadda wada qorshayaal guud oo ay uga hortageyso is ballaarinta Al-Shabaab, waxaana socda isbeddal xagga ciidamada ah iyo hoggaanadooda, si loo dardargeliyo dagaalka socda.

 

FIQI oo meesha ka saaray in Al-Shabaab ay qabsan karto Xamar hal sabab darteed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag u diiday suurtagalnimada in kooxda Al-Shabaab ay qabsan karto magaalada Muqdisho, iyadoo arrintaasi ku saleynayaysa horumar ay sheegtay in laga sameeyay dagaalka lagula jiro kooxdaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay si weyn u dhimmeyn awooddii kooxda.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in dagaalka socda uu horseeday isbedel muuqda oo ku yimid dareenka shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dadku hadda ay kalsooni buuxda ku qabaan in la jebin karo Al-Shabaab, isla markaana ay sameeyaan tallaabooyin aysan horey ugu dhiiran jirin.

Sida uu sheegay wasiirka, waxaa jirta faham qaldan oo ku saabsan awoodda kooxda, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in xilligan la joogo ay jiraan dad wali rumeysan in Al-Shabaab ay qabsan karaan caasimadda. Wuxuu arrintaasi ku sifeeyay mid ka fog xaqiiqda dhabta ah ee dhulka ka jirta.

Wasiir Fiqi wuxuu tusaale u soo qaatay sida dadka Soomaaliyeed ay uga falceliyeen guulaha laga gaaray Al-Shabaab, isagoo sheegay in dhawaan magaalada Baydhabo lagu arkay dad tiro badan oo isu soo baxay si ay u muujiyaan taageeradooda kadib markii halkaas la keenay meydadka xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo la dilay.

Wuxuu sheegay in falcelintaas shacabka ay caddeyn u tahay sida dadku ugu dhiiradeen taageerada dowladdooda iyo sida ay u dareemeen in la joogo xilligii la ciribtiri lahaa kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaateynaya shacabka.

Intaa waxaa dheer, Wasiir Fiqi wuxuu si cad u sheegay in aanay jirin wax cabsi ah oo laga qabo kooxaha Daacish ama Al-Shabaab, inta ay jiraan ciidamada geesiyaasha ah ee difaaca dalka iyo shacabka u taagan.

Sida uu hadalka u dhigay Wasiirku, Al-Shabaab waa koox carruurta u adeegsata falal naxdin leh sida isqarxin, taas oo ay tahay mid laga xumaado in dad waaweyn ay rumaystaan in koox sidaas ah ay qabsan karto dal dhan oo leh ciidan iyo shacab u diyaarsan difaacooda.

“Waa wax suurtagal aheyn in ciyaal gaajeysan oo sidii bamkii isku qarxinaya in dad waaweyn ku fekaraan iney dalka qabsan karaan waa wax yaab leh,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu si gaar ah ugu bogaadiyay guulaha la gaaray iyo dadaalka ay ciidamada wadaan.

Dowladda oo digniin kama dambeys ah siisay ciidanka ku sugan furimaha + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday adeegsiga baraha bulshada ee ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo ay uga digtay inay muuqaalo ka duubaan furimaha hore ee dagaalka.

Taliska Militeriga Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay isticmaalka baraha bulshada ee sida khaldan u adeegsadaan qaar ka mid ah ciidamada ku sugan furimaha hore.

Taliyaha Guutada 27-aad ee Abuu-dajaana, Gadhaanle Saalim Cumar Axmed, ayaa shaaca ka qaaday in aan loo dulqaadan doonin faafinta xogta la xiriirta dhaq-dhaqaaqa ciidanka.

Waxa uu si cad u sheegay in askari kasta oo lagu arko inuu baraha bulshada soo dhigo muuqaalada furimaha, hubka ama sawirro dagaal, lala xisaabtamayo, lana hor geynayo maxkamad.

Taliyaha ayaa arrintan ku tilmaamay mid khatar ku ah ammaanka dalka, isagoo ku eedeeyay kuwa sidaas sameeya inay si dadban ula shaqeynayaan cadowga dagaalka lagula jiro.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in baaritaanno horey u socday hadda la dardar-gelin doono, lana gaari doono go’aan sharci ah.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay soo ay isa soo tarayaan kororka isticmaalka baraha bulshada ee askarta, taas oo khubarada amnigu ay ka digeen waxyeelo laga yaabo inay sababto arrintaan, maadaama uu cadowga si fudud ku helayo xogta ciidanka dagaalka kula jira.

Xukuumadda Deni oo qirtay arrin ay muddo beeninaysay

Gareoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni oo tan iyo bilowgii kacdoonkii Laascaanood sheegaysay in aysan marna qeyb ka noqon colaaddii SSC-khaatumo iyo Somaliland ayaa maanta markii u horraysay qiratay in ay weli ku lug leedahay colaadda ka taagan degaanka Buqdharkayn.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo Isniintii shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in uu shakhsiyan qeyb ka ahaa dagaalkii u danbeeyay ee Ramadaantii ka dhacay Buqdharkayn islamarkaana uu ku biiriyay 400 oo askari iyo 31 gaadiidka dagaalka.

“Dagaalkii u danbeeyay ee Buqdharkayn waxaan subaxii labaad geeyay 400 oo askari iyo 31 gaadiidka dagaalka waxaana Suxuurtii maray magaalada Laascaanood” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe.

Dhinaca kale, Wasiir Caydiid oo ay warbaahintu weydiisay su’aal ku saabsan Aqoonsiga dowladda Federaalka Soomaaliya siisay Maamulka SSC-khaatumo ayaa diiday in uu caddeeyo mowqifka Xukuunadda Siciid Deni ee ku aaddan Aqoonsiga Khaatumo.

Si kastaba, Madasha Siyaasadda Puntland (PPF), oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland, ayaa Axaddii bogaadiyay maqaamka cusub ee SSC-Khaatumo ay ka heshay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madash ayaa si gaar ah ugu hambalyeysay Maamulka SSC-Khaatumo, waxayna tallaabadan ku tilmaameen mid muhiim ah oo xoojinaysa matalaadda dadka deegaankaas ee heer qaran.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay Madashu ku sheegtay in aqoonsiga SSC-Khaatumo uu yeelan karo saameyn togan oo ku aaddan dib u qaabaynta maamulka Puntland, taasoo suuragal ka dhigi karta dib-u-eegis dhameystiran oo ku saabsan jihada siyaasadeed ee la qaadayo.

Waxa kale oo si diirran u bogaadiyeen booqashadii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ku tagay magaalada Laascaanood, taasoo ay ku sifeeyeen mid muujinaysa isbeddel cusub iyo feejignaan siyaasadeed oo heer qaran ah.

DF oo loo soo jeediyey talo xasaasi oo la xiriirta caruurta iyo xaasaska Al-Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada deegaanka ee Macawiisley Cali Jeyte Cismaan, ayaa ku baaqay in carruurta iyo xaasaska dagaalyahanada Al-Shabaab laga raro deegaannada ay maamusho dowladda federaalka, looguna celiyo dhulalka ay wali haystaan kooxdaasi.

Cali Jeyte, oo la hadlay Radio Shabelle, ayaa muujiyay dareen caro leh oo ku aaddan in qoysaska Al-Shabaab ay si nabad ah ugu nool yihiin magaalooyinka hoos taga dowladda, halka dagaalyahanada kooxdu ay weli bartilmaameedsanayaan dad rayid ah iyo ciidamo dowladda ka tirsan.

“Waxaan oran lahaa Al-Shabaab ha geeyaan carruurtooda iyo xaasaskooda meelaha ay joogaan. Carruurtoodu waxay dhigtaan iskuullo ku yaalla magaalooyinka—ma oranayo ha la dilo carruurta, balse waxaan leeyahay ha la geeyo meelaha ay joogaan si ay u dareemaan culayska,” ayuu yiri Jeyte.

Inkasta oo uusan ku baaqin in waxyeello loo geysto carruurta, Jeyte waxa uu sheegay in joogitaanka qoysaska dagaalyahanada Al-Shabaab ee magaalooyinka ay dhaawac ku tahay cadaaladda, isla markaana ay culays dheeraad ah saareyso bulshooyin wali ka soo kabanaya weerarro hore.

Jeyte ayaa sidoo kale Al-Shabaab ku tilmaamay kuwo ka arxan daran gumeystayaashii hore ee dalka, isaga oo ku eedeeyay inaanay ixtiraam u haynin nolosha aadanaha ama mabaadi’da Islaamka. “Shan boqol bay dilaan haddana waxay sheeganayaan in Ilaah ay u dhow yihiin – balse been bay ka sheegayaan Ilaahka abuuray,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo ay socdaan howlgallo militari oo xooggan oo ka socda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad deegaanka ah ay isku dayayaan in ay Al-Shabaab ka saaraan saldhigyo istiraatiiji ah.

Al-Shabaab oo dagaal hubeysan ka waday Soomaaliya muddo ka badan 15 sano, ayaa urur argagixiso ahaan loogu aqoonsaday Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Midowga Afrika. Kooxdan ayaa si joogto ah u fulisa weerarro ismiidaamin ah, dilal qorsheysan, iyo falal ka dhan ah dad rayid ah iyo ciidamada ammaanka guud ahaan dalka.

Daawo: Xildhibaan Ilyaas oo si adag uga hadlay kiiska Abiib iyo mooshinka A/Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka hadlay buuqii ka dhacay baarlamaanka, mooshinka ay xildhibaanada qaar ka wadaan Guddoomiye Aadan Madoobe iyo kiiska muranka dhan uu salka ku hayo ee Xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib oo laga saaray Golaha Shacabka.

Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo wareysi siiyey Shabelle TV ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ku saxnaa in xildhibaankaas uu golaha ka saaro, maadaama uu ku dhaqmi waayey xeer hoosaadka oo labo kalfadhi oo xiriir ah xildhibaankii maqnaada uu sharciga ku weynayo xubinimadiisa.

Xildhibaan Ilyaas oo sii iftiimiyey waxa ay ku kala duwan yihiin xasaanad ka xayuubin iyo  luminta xubinimada golaha ayaa xildhibaanada kale ee buuqa abuuraya ugu baaqay inay akhristaan xeer-hoosaadka golaha, Dastuurka dalka iyo sharciyada kale ee lagu dhaqmo, si qaladka iyo saxda ay u kala ogaadaan.

Wuxuu sheegay in xasaanadda cod baarlamaanka looga qaadi karo Xildhibaanka markii uu ku dhaco dembiyo uu ku weyn karo xubinimada, balse tani ay ka duwan tahay xasaanad ka xayuubin oo Xildhibaan Abiib uu sharciga ku weynayo xubinimadiisa, maadaama uu labo kalfadhi oo xiriir ah maqnaa.

Xildhibaankaan ayaa Guddoomiye Aadan Madoobe ku difaacay inuu xaq u leeyahay oo xeerarku awood u siinayaan inuu xubinimada ka qaado xildhibaankii imaa diida kulamada iyo kalfadhiyada golaha.

Sidoo kale, Xildhibaan Ilyaas ayaa sheegay in Cabdullahi Abiib oo xubinimadiisa golaha waayey uu diiday in dalkiisa uu yimaado oo kulamada golaha shacabka uu soo xaadiro, muddo ka badan labo kalfadhi, isagoo ku andacoonaya in amnigiisa uu u baqayo.

Wuxuu sheegay in Xildhibaano ergo ah loo diray, si ay uga dhaadhiciyaan in xubinimadiisa uu ku weynayo maqnaashaha iyo shaqo gudasho la’aanta, balse uu si cad u sheegay in dowladda Mareykanka ay uga digtay inuu ku laabto Soomaaliya iyo inuu u baahan yahay waqti uu ku dhisto ciidan ka difaaca khatarta ka jirta Soomaaliya.

“Golaha waxaan ka hor iri markii aan sharciga iyo xeer-hoosaadka fiiriyey ninkaan xubinimada waa lumiyey, kadibna midbaa igu qeyliyoo wuxuu igu yiri waryaa reer hebel ayaa tahay ninkaasna waa reer hebel ee afaarihiisa ka bax, marka xildhibaanada waxaan ugu baaqayaa inay sharciga akhristaan, isna dhaafaan buuqaan iyo indhacadeyska ay wadaan,” ayuu yiri Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in shaqada Baarlamaanka Soomaaliya ay noqotay yaa qeylo dheer, “si kasta oo sharciga aad uga hadasho la fiirinayo ee waxaa lagu qeylinayaa reer hebel iyo wax aan xeerarkeena ku qoreyn,” ayuu yiri.

Xildhibaanka oo la weydiiyey waxa ka jira mooshinka laga keenay Aadan Madoobe ayaa sheegay in waxaan ay salka ku hayaan fowdo ay wadaan dhowr Xildhibaan, isagoo ka codsaday xildhibaanadaas inay sharciga iyo kala dambeynta golaha ilaaliyaan.

Hoos ka daawo

https://www.facebook.com/share/v/1ATjxCyQjy/?mibextid=wwXIfr

Xogta weerar lagu laayey Al-Shabaab oo macawiisleyda Hiiraan ay ka fuliyeen Aadan-yabaal

0

Moqokori (Caasimada Online) – Ciidamada Deegaanka Mabaax oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa weerar qorsheysan galabta Maqribkii ku qaaday koox Khawaarij ah oo isku uruursatay aagga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo khasaare badan lagu gaarsiiyey Khawaarijta.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Caasimada Online u sheegay in Khawaarij badan ay ku dileen howlgalka oo sidii loo qorsheeyey u dhacay, isla markaana ay ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagartii cadowgu ay halkaas kasoo maleegayeen.

Waxaa socota qiimeynta khasaaraha Khawaarijta lagu gaarsiiyey howlgalkaan caawa ka dhacay inta u dhaxeysa Mabaax iyo Aadan-yabaal, waxayna saraakiishu noo sheegeen in meydad badan ay yaallaan goobta.

Deegaanka ay duulaanka ka soo qaadeen difaacana uga jiraan geesiyaasha macawiisleyda reer Hiiraan ayaa 6 ilaa 10 KM u jira degmada Aadan-yabaal oo Arbacadii lasoo dhaafay ay dagaal qaraar kula wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka ee ku jabay dagaalkii Aadan-yabaal ayaa ku baxay wadada aadda degmada Guriceel, iyagoo ka wareegay Mudug si ay u soo maraan xeebta ee waqooyi uga soo galaan caasimadda Muqdisho.

Ciidamadii deegaanka ee reer Hiiraan ayaa weli difaac uga jira aaggii ay labo sano ka hor ka xoreysteen kooxda Al-Shabaab, waxayna caawa fuliyeen weerar ka hor tag ah oo khasaare badan ay ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

Waqtiga uu howlgalkaan dhacay oo habeen ah iyo isgaarsiinta oo adag ayaa saamixi waayey in xog rasmi ah laga helo khasaaraha caawa la gaarsiiyey Al-Shabaab, balse saraakiisha iyo ciidamada deegaanka ayaa sheegay inay indhahooda ku soo arkeen meydad tiro beel ah oo hubkoodii ay kasoo durteen.

Sawirro: Guddiga DF ee dagaalka oo kulan deg deg ah isugu yimid – Maxay ka hadleen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ahna Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee taageerada Dagaalka Khawaariijta, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Guddi Hoosaadka abaabulka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Shabaab iyo Daacish.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha taakuleynta ciidamada geesiyaasha ah ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Sidoo kale, waxaa laga tashaday sidii la isugu garab wedi lahaa xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta iyo garab istaagga joogtada ah ee la siinayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Shirka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey qorsheyaasha lagu xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo maamulka heerarka kala duwan ee dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa u soo jeesatay xaqiijinta guulo cusub oo laga gaaro dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada, kadib guul darrooyin is xigxigay oo soo gaaray ciidamada dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay.

Guddigaan Wasiirrada ah ayaa la magacaabay markii uu soo kululaaday dagaalka Al-Shabaab, kulankaan ka hor waxay yeesheen kulamo kale, doorkooduna waa taakuleynta ciidamada ku jira dagaalka Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab oo dalka ka wada weerarro rogaal celis ah ayaa cadaadis badan ku heysa dowladda, taasi oo khasab ka dhigeysa in la qaado talaabooyin wax ku ool ah ee deg deg ah, si wax looga bedelo qaladaadka sababay in kooxdu guuleysato.