29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Sawirro: Guddiga DF ee dagaalka oo kulan deg deg ah isugu yimid – Maxay ka hadleen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ahna Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee taageerada Dagaalka Khawaariijta, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Guddi Hoosaadka abaabulka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Shabaab iyo Daacish.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha taakuleynta ciidamada geesiyaasha ah ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Sidoo kale, waxaa laga tashaday sidii la isugu garab wedi lahaa xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta iyo garab istaagga joogtada ah ee la siinayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Shirka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey qorsheyaasha lagu xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo maamulka heerarka kala duwan ee dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa u soo jeesatay xaqiijinta guulo cusub oo laga gaaro dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada, kadib guul darrooyin is xigxigay oo soo gaaray ciidamada dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay.

Guddigaan Wasiirrada ah ayaa la magacaabay markii uu soo kululaaday dagaalka Al-Shabaab, kulankaan ka hor waxay yeesheen kulamo kale, doorkooduna waa taakuleynta ciidamada ku jira dagaalka Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab oo dalka ka wada weerarro rogaal celis ah ayaa cadaadis badan ku heysa dowladda, taasi oo khasab ka dhigeysa in la qaado talaabooyin wax ku ool ah ee deg deg ah, si wax looga bedelo qaladaadka sababay in kooxdu guuleysato.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal culus oo maanta ka dhacay Bakool

0

Bardaale (Caasimada Online) – Faahfaahino cusub ayaa laga helayaa dagaal culus oo maanta barqadii ka dhacay duuleedka magaalada Bardaale ee gobolka Bakool, kaasi oo dhexmaray ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka ah.

Dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii kooxaha hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada ammaanka degmada Bardaale ku leeyihiin banaanka magaalada.

Labada dhinac ayaa dagaalkaas isku adeegsaday hub culus, waxaana la xaqiijiyay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Maleeshiyaadkan ayaa la sheegay in laga saaray magaalada Bardaale maalmo ka hor, waxaana muuqata in ay mar kale isku dayayaan in ay magaalada dib ugu soo laabtaan, iyadoo abaabulkooda dagaal uu ka socday duuleedka magaalada.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Bardaale, Daa’uud Maxamed Cabdiraxmaan ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid ay soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, isagoo meesha ka saaray in dagaalka lala galay ciidan deegaanka ah.

Wuxuu sheegay in kooxda weerarka qaaday ay jidka u galeen ciidamo ku jiray roondo, isla markaana ay jab xooggan la kulmeen intii uu dagaalku socday.

“Ciidanka deegaanka hore way u jireen, balse qaar way kala tageen, qaarna waxay ku biireen ciidamada ammaanka, ma jirto cid deegaanka ah oo nala dagaalantay saakay,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka.

Bardaale ayaa horey ula kulantay dagaallo la mid ah kuwa maanta dhacay, kuwaas oo salka ku hayay khilaaf u dhexeeya maamulka iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Si kastaba, Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli Koonfur Galbeed ay wajahayso xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo adag, taasoo ay sii hurinayaan dagaalka Al-Shabaab iyo muranka doorashada maamulka.

PUNTLAND oo si adag ugu jawaabtay DF kadib eedeyntii xad-gudub qaran

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si adag uga jawaabay eedeyn ay maanta u jeedisay dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo la xiriirtay aqoonsiga cusub oo uu maamulka bilaabay.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa dhawaan ku dhowaaqay dhismaha hay’adda aqoonsiga Puntland (PID), tan oo dowladda dhexe u aragto mid uu ka garab dhisay hay’adda qaran ee NIRA, ayna si weyn uga carootay

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta war-saxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in tallaabada uu qaaday Deni ay tahay mid baalmarsan qaanuunka dowladnimada, uuna ku kacay xad-gudub qaran oo wayn.

Ujeeddada dhismaha hay’adda Pantland ayey wasaaraddu ku sheegtay mid uu Saciid Deni ku carqaladeynayo aqoonsiga qaran ee dowladda federaalka oo uu haatan kala dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed oo xooggan.

Jawaabta Puntland

Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu xaq u leeyahay inuu sameysto nidaam aqoonsi u gaar ah, maadaama uu nidaamka federaalka u ogolaanayo arrintaasi. Puntland waxay sidoo kale dowladda dhexe ku eedeysay in shaqada hay’adda NIRA ay tahay mashruuc.

“Dowladda Federaalka waxa u banaan in ay samayso Baasaboor keli ah kumana haysano, Aqoonsiyada kale waa shaqada dowlad-goboleedyada,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Cabdinuur.

Wasiirka ayaa waxa uu intaas kusii daray: “Aqoonsiga ay hadda Villa Somalia la wareegayso waa mashruuc iyo ganacsi shacabka lagu furanayo.”

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Dirir oo sidoo kale ka jawaabay bayaanka kasoo wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay wax aan waaqic ku dhisneyn, isagoo xoojiyay in xaq u leeyahay maamulkooda bixinta aqoonsi.

“Xamar labadii irridood baa laga fadhiyaaye, Soomaali ha isa soo gaadho. Puntland aqoonsigeeda wey samaysanaysaa oo xaq ayey u leedahay,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Si kastaba, Maamulka Puntland ayaa horey diiday kaarka aqoonsiga hay’adda NIRA ee dowladda federaalka, iyada oo xittaa ka hortimid dhismaha hay’addan, waxayna kadib sameysatay hay’ad gaar ah, oo u qaabilsan bixinta aqoonsiga maamulka.

Saacid oo shaaciyay arrin xasaasi ah oo Xasan Sheekh uu kala hadlay, ayna qarisay Villada

0

Muqdishi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa shaaciyay in kulankii shalay ka dhacay Madaxtooyada uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud kala hadlay arrimaha doorashooyinka ee lagu muransan yahay.

Saacid ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza ay isla meel dhigeen sidii xilligaan adag Soomaaliya uga gudbi lahayd, taas oo uu sheegay inay ku imaan karto “in midnimo iyo wadatashi lagu hago siyaasadda guud ee dalka.”

“Waxaan kala hadlay madaxda dalka in arrimaha cakiran ee amniga iyo siyaasadda loo furdaamiyo si wadatashi ku dhisan,” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mr Saacid oo sidoo kale ah musharax madaxweyne.

Wuxuu intaas kusii daray: “In si gaar ah arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka lagu saleeyo wadar ogol iyo sidoo kale In ummadda Soomaaliyeed ay u midoobaan ciribtirka argagixisada dalka aafeysay, loona sameeyo dib-u-habeyn iyo dhiirrigelin ciidamada Qaranka.”

Villa Somalia oo shalay qoraal kasoo saartay kulanka madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh uu la yeeshay Saacid ayaa xusin in labada masuul ka wada-hadleen arrimo la xiriira hanaanka doorasho ee lagu muransan yahay.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira latashiyada qaran ee uu la qaadanayo waxgaradka, masuuliyiinta iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ra’iisul Wasaare hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia kasoo baxay.

Sidoo kale waxaa lagu yiri: “Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya, waxayna isla qaateen muhiimadda dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya shacabka Soomaaliyeed.”

Saacid oo ka mid ah musharaxiinta Madaxweyne ee Soomaaliya, dhawaana kusoo laabtay dalka ayaa kulankan maalin ka hor jeediyey hadal si weyn loogu weeraray, kaasi oo ku sheegay in muddo kooban oo Muqdisho u joogay uu arkay in kooxda Al-Shabaab ay caasimadda qabsan rabaan.

Wuxuu sheegay in Ex-control Balcad iyo Ex-control Afgooye ay Shabaab ku soo dhawaadeen difaaca ciidamada qaranka Soomaaliya ayuu sheegay in Muqdisho uu u muuqdo.

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu dalku galay xasaasi ah, isla markaana ay deegaano muhiim ah dib ugu laabtay xagmaha argagixisada Al-Shabaab, iyadoo halis ku jiraan degmooyinka hadda xorta ah, taas oo khasab ka dhigeysa in wax laga bedelo qorshaha dagaal ee dowladda.

Mid ka mid ah qorshayaashii ugu muhiimsanaa ee xukuumadda Xamza oo la hirgelinayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in siyaasaddani tahay mid xoojinaysa cududdada shaqaalaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uuu xusay in siyaasaddani ay beddeli doonto nidaamkii hore ee muddo dheer lagu maamulayey shaqaalaha dowladda, isla markaana ay horumarin doonto shaqo-gudashada, caddaaladda iyo kor-u-qaadista kartida Shaqaalaha Rayidka ah.

“Maanta waa maalin muhiim u ah Qaranka iyo Shaqaalaha Dowladda, daahfurka siyaasaddan Qaran waa mid kamid ah qorsheyaashii ugu muhiimsanaa ee la ansixiyay, taas oo ah guul,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxa aan rabnaa in golaha wasiirrada iyo shaqaalaha dowladda dhammaantood si isku mid ah loo dhaariyo, si ay daacad ugu addeeggaan dalkooda.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadda Dan-Qaran ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, siyaasaddanina ay ahmiyad weyn u leedahay dhanka maamul-wanaagga iyo caddaaladda shaqo ee dalkeenna.

Tani ayaa qeyb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo dib loogu casriyeynayo hay’adaha dalka, laguna tayeynayo dowladnimada, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Siyaasadan cusub waxay ku saleysan tahay qiimayn buundo-tirsi oo gaaraysa 1,000 dhibcood, iyadoo lagu eegayo afarta tiir ee kala ah: aqoon iyo khibrad, masuuliyad, dadaal (maskax iyo jir), iyo duruufaha shaqada.

Waxay dajinaysaa 8 heer darajo ah (A ilaa G). Nidaamkan wuxuu meesha ka saarayaa eexda, wuxuuna xaqiijinayaa mushaar la jaanqaadaya waxtarka qofka shaqaalaha ah.

Xog ka cusub dilka khabiirka amni ee lagu khaarajiyay Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Faarax Caydiid Jaamac (Bariis) oo shalay meydkiisa laga soo saaray dooxadda Goojacadde, kaasi oo si arxan darro ah loo dilay, ayaa waxaa soo baxeysa shakiga in dilkan ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdullaahi Xirsi Dheere oo ka hadlay dilkan ayaa si cad ugu eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay ka dambeyso dilka sarkaalkan ka tirsanaa qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe.

Maydka Faarax Bariis ayaa laga helay duleedka magaalada Laascaanood, halkaas oo uu ku sugnaa maalmo ka hor dilkiisa. Intii uu halkaas joogay, wuxuu mar la kulmay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, General Asad Diyaano.

Xeer Ilaaliyaha SSC ayaa sheegay in Al-Shabaab ay si gaar ah ula socotay dhaq-dhaqaaqa sarkaalkan, maaddaama uu xubin ka ahaa sirdoonka Itoobiya.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Faarax horey uga badbaaday weerar hore oo ay kooxdaasi la beegsatay. Warbixinta xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in Faarax Caydiid uu horay uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse uu kasoo goostay, arrintaasna ay sababtay in si gaar ah loogu bartilmaameedsado.

Wuxuu sidoo kale beeniyay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegaya in lagu dilay magaalada Garoowe, kadibna meydkiisa la keenay magaaladaasi Laascaanood.

Cabdullaahi Xirsi Dheere ayaa sheegay in xogta rasmiga ah ee ay hayaan ay caddeyneyso in sarkaalkan lagu dilay gudaha magaalada Laascaanood, kadibna maydkiisa loo qaaday duleedka magaalada. Wuxuu xusay in telefoonadiisii gacanta laga qaatay markii la dilay.

“Xogta aan hayno waxay muujinaysaa in sarkaalkan lagu dilay gudaha magaalada Laascaanood, kadibna maydkiisa loo qaaday duleedka magaalada, waxaana laga qaatay 2 mobile,” ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.

Wuxuu intaa ku daray in Faarax uusan si gaar ah isu ilaalin intii uu joogay Laascaanood. “Anigu waxaan aaminsanahay in ninkan si dhow loola socday. Markii uu halkan yimid, aad buu isu dhigtay, ma ahayn qof aad u feejigan,” ayuu yiri, isagoo tilmaamay in xaaladda magaalada aysan ahayn mid sahlan.

Dilka Faarax Bariis ayaa noqonaya kiiskii ugu horreeyay ee si rasmi ah loogu eedeeyo kooxda Al-Shabaab inuu ka dhacay gudaha Laascaanood tan iyo markii laga saaray magaaladaas maamulka Somaliland.

Ciidamo badan oo Turkish ah oo diyaarado lagu keenay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo dagay diyaarado milatari oo sida ciidamo Turkey ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo lagu kalsoonaan karo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamadan oo gaaraya illaa 500 oo askari ayaa laba diyaaradood lagu keenay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidamada Xoogga dalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadan ay hordhac u yihiin ciidamo kale oo kasoo socda dalka Turkiga, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay illaa 2,500 oo askari.

Ujeedka ugu wayn ee ay Ankara usoo daabuleyso ciidamadan ayaa lagu sheegay inay gacan siiyaan dowladda federaalka, ayna ka qayb qaataan howlgallada xoreynta iyo dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aadan imaanshaha ciidamadan cusub oo qalabkooda uu u dhameystiran yahay, balse waxay kusoo aadayaan, xilli xasaasi ah oo ay garab istaag u baahan tahay Soomaaliya.

Horay Turkiga ayaa Soomaaliya usoo gaarsiiyay diyaarado dagaal oo casri ah, kuwaas oo haatan ka qayb-qaata weerarada cirka ah ee lagu beegsado maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo door wayn ka qaatay howlgallada haatan ka socda gudaha dalka.

Waxaa kale oo uu Turkiga taageero milatari oo isugu jiro tababar iyo qalab uu siiyaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo haatan ku tirsan xukuumadda Ankara.

Si kastaba, Bishii July ee sannadkii hore ee 2024, Baarlamaanka Turkiga ayaa meel-mariyay mooshin uu saxiixay Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo ogolaanaya in ciidamo militari loo diro Soomaaliya muddo laba sano ah, kuwaas oo haatan soo daad-gureyntooda ay bilaabatay, kadib markii la keenay 500 oo askari.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo dagaal, waxaana ay wajaheysa halista Al-Shababa oo culeys xoogan soo saartay deegaannadii horay looga xoreeyay.

DF oo Deni oo ku eedeysay inuu ku kacay xadgudub wayn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hortimid tallaabo uu qaaday madaxweynaha maamulka Puntland, kadib markii uu ku dhowaaqay dhismaha hay’adda aqoonsiga Puntland ee ((PID), taas oo uu ka garab dhisay hay’adda qaran ee NIRA.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabada uu qaaday Deni ay tahay mid baalmarsan qaanuunka dowladnimada, uuna ku kacay xadgudub qaran oo wayn.

Wasaaradda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ujeedada ugu wayn ay tahay mid uu Saciid Deni ku carqaladeynayo aqoonsiga qaran ee dowladda fedaraalka oo uu haatan kala dhexeeyo khilaaf siyaasadeed oo wayn.

“Tallaabada uu qaaday madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ee ah sameynta aqoonsi kale oo lagu carqaladeynayo Aqoonsiga Qaranka DF, waa qalad masuuliyadeed iyo mid sharciyadeed, waana mid si toos ah ugu xadgudbeysa hannaanka dowladnimada dalka.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in kaarka aqoonsiga ee NIRA uu yahay mid ay xaq u leeyihiin dhammaan muwaadiniinta Soomaaliya, isla markaana aan laga hor istaagi karin qaadashiisa.

“Aqoonsiga Qaranku waa xaq muwaadin, mana bannaana in laga hor istaago, amaba laga carqaladeeyo” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo ay wasaaraddu ku boorisay Puntland in ay si qaranimo ah uga qayb qaadato hirgelinta aqoonsiga qaranka, si ay uga faa’iideystaan shacabka maamulkaasi.

Horay Puntland ayaa u diiday kaarka aqoonsiga, iyada oo xittaa ka hortimid dhismaha hay’adda NIRA ee dowladda federaalka, waxayna kadib sameysatay hay’ad gaar ah.

“Waaxaa la dhisay Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID). Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay” ayaa lagu yiri xeer madaxweyne uu oo dhowaan soo saaray madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Maxay Israel iyo Imaaraadka ku iibsadeen Saciid Deni?

Imaraadka Carabta ayaa saldhiggiisa milatari ee magaalada xeebeedka Boosaaso ee maamulka Puntland, Soomaaliya, ku rakibay raadaarka horumarsan ee EL/M-2084, oo ay soo saartay shirkad Israa’iili ah.

Nidaamkan cusub, oo lagu beddelay kii hore, ayaa leh awood uu ku ogaan karo bartilmaameedyada masaafo dhan 256 mayl-badeed, isagoo kala garan kara wax walba oo ka bilaabma diyaarad-drones oo duulimaad hoose leh ilaa gantaallo riddo dheer ah oo ku socda hawada sare, gaar ahaan kuwa ka dulmara Badda Cadmeed.

Tallaabadan ma aha mid sahlan. Soomaaliya waxay weli ku jirtaa dagaal daba-dheeraaday oo lagula jiro Al-Shabaab iyo kooxda Daacish, iyadoo ay taasi jirto, haddana hoggaanka Puntland ee uu hormuudka ka yahay Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu dalka kusoo kordhiyay halis cusub.

Iyada oo loo oggolaaday ciidamada shisheeye in ay ku hawlgalaan teknoolajiyad Israa’iili ah gudaha Boosaaso, Soomaaliya waxaa lagu jiidayaa khilaafaad gobolka ka aloosan oo aysan door ku lahayn, kana faa’iideysanayn—gaar ahaan Yemen-Israa’iil, halkaas oo xoogagga Xuutiyiinta ay si cad u sheegeen inay beegsan doonaan cid kasta oo loo arko inay taageere u tahay Israa’iil.

Goobta raadaarku ku rakiban yahay waxay kusoo beegantay xilli ay sare u kacday xiisadda ka taagan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo durba ay hurinayaan dagaalka Israa’iil ee Gaza iyo weerarrada milatari ee Xuutiyiinta. Hadda oo tiknoolajiyad Israa’iili ah laga hawlgelinayo dhulka Soomaaliya, Puntland waxaa laga yaabaa in si rasmi ah loogu arko bartilmaameed aargoosi oo uga yimaada xoogagga Yemen.

Si tan loo fahmo, waxaa muhiim ah in la eego tusaalaha Jabuuti, waddan martigeliyay saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin shan quwadood oo waaweyn sida Maraykanka, Faransiiska, iyo Shiinaha. Inkasta oo ay si toos ah ula siman tahay dhulka ay maamulaan Xuutiyiintu, Jabuuti waxay si xeel dheer uga fogaataa in laga duqeeyo dhulka Yemen—guul diblomaasiyadeed oo la isku raacsan yahay.

Siciid Deni se wuxuu doortay waddo kale—mid uu ku saxiixayo heshiisyo dibadeed oo la xiriira dan dhaqaale oo ku kooban muddo gaaban. Isaga oo oggolaaday rakibidda raadaarkan, wuxuu halis geliyay madax-bannaanida Soomaaliya, wuxuuna dalka kusoo jiiday cadow cusub oo loo adeegsado danaha shisheeye.

—Maxay tahay qiimaha dhabta ah ee lagu beddelay qarannimada?
—Imisa ayaa lagu kala iibsaday si Boosaaso loogu rogo meel laga hago dagaalka gobolka?

Doollar kasta oo jeeb la geliyo, bulshada Soomaaliyeed waxay la kulmaysaa halis hor leh.

Dagaal culus oo ka socda duleedka degmada Bardaale

0

Bardaale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in haatan dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa deegaanka uu ka socdo bannaanka kore ee degmada Bardaale ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ah mid xooggan ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dadka deegaanka ay soo weerareen fariisimo ay Daraawiishta Koonfur Galbeed ku leeyihiin duleedka degmadaas, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dhawaqa rasaasta si xoogleh looga maqlayaa gudaha Bardaale, taas oo keentay xaalad kacsanaan iyo cabsi soo wajhaday dadka deegaanka.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, maadaama weli uu ka socdo aagga degmada Bardaale oo marar badan ay ku dagaalameen labada dhinac.

Ciidamada deegaanka oo horay looga saaray gudaha magaalada ayaa haatan doonaya inay dib u qabsadaan, waxaana maalmihii dambe ay dhaq-dhaqaaqyo culus iyo abaabul ka wadeen bannaanka kore ee magaalada, iyaga oo kadib saaka soo qaaday weerar culus.

Sidoo kale, maleeshiyaadka hubeysan ayaa horay u xanibay gaadiidkii soo geli jiray magaaladaas, taas oo caqabad ku noqotay shacabka iyo mas’uuliyiinta ku sugan halkaasi.

Dagaalka u dhexeeyo Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaadka deegaanka ayaa marar badan kusoo laa laabtay Bardaale, wuxuuna salka ku hayaa tabasho dhanka maamulka ah oo in muddo soo taagneyd, taas oo ugu dambeyn isku rogtay gacan ka hadal.

Xiisaddan ayaa uga sii dareyso xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed oo haatan ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay muranka doorashada iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Khawaarijta ayaa culeys ku haysa deegaannada maamulkaasi, waxaana dhowaan ay weerar culus ka fulisay inta u dhexeysa Baydhaba iyo Deynuunaay, inkastoo ay dagaalkaasi ka hortageen Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo ciidanka Xoogga dalka.

Pope Francis oo geeriyooday kadib maalmo uu xanuunsanaa

Roma (Caasimada Online) – Pope Francis, hoggaamiyihii ugu horreeyay ee u dhashay Latin America ee Kaniisadda Rooman Katooliga, ayaa geeriyooday, sida lagu sheegay bayaan muuqaal ah oo ay Vatican-ku baahisay Isniinta maanta ah.

Geeridiisa waxay soo afjartay hoggaan ay hareeyeen muranno iyo isbeddel raadad reebay oo uu ku doonayay in uu dib u habeeyo hay’addan qadiimiga ah.

Pope-ka wuxuu geeriyooday isagoo 88 jir ah, wuxuuna hore uga bogsaday xanuun daran oo oof-wareen laba-laab ah.

“Walalaha qaaliga ah, waxaa murugo weyn igu tahay inaan idinku dhawaaqo geerida Pope Francis,” ayuu yiri Cardinal Kevin Farrell oo ka hadlayay telefishinka Vatican-ka.

“Saaka 7:35 subaxnimo, Bishop-kii Rome ee Francis ayaa dib ugu laabtay gurigii Aabbaha.”

Geeridiisa ayaa timid hal maalin kadib markii uu mar kale si buuxda uga soo hor muuqday dadweynaha tan iyo markii isbitaalka laga soo saaray 23-kii Maarso, kadib 38 maalmood oo uu la il-darnaa oof-wareen.

Axaddii oo ku beegnayd maalinta Easter-ka, Pope-ka wuxuu gudaha u galay Fagaaraha St. Peter’s isagoo saarnaa baabuurkiisa furan, wax yar kadib duhurkii, isaga oo si diirran u salaamayay dadweynihii farxadda ku soo dhoweeyay.  

Jorge Mario Bergoglio waxaa loo doortay Pope 13-kii Maarso 2013, arrin dad badan la yaabeen maadaama lagu yaqaanay inuu u janjeero u adeegidda dadka saboolka ah, taasoo ka dhigtay mid aan si fudud loogu tirin dadka ugu cadcad.

Markii uu xilka la wareegay, kaniisadda Roma Catholic waxaa haysay fadeexad la xiriirta tacaddiyo galmo oo loo geystay carruur, iyadoo sidoo kale ay jireen khilaafaad xoogan oo ka dhex jiray maamulka Vatican. Waxaa loo doortay si uu u soo celiyo nidaamka iyo kalsoonida.

Laakiin intii uu xilka hayay, wuxuu la kulmay dhaleecayn culus oo uga timid garabka muxaafidka ah, kuwaasoo ku eedeeyay inuu burburinayo dhaqamadii soo jireenka ahaa. Isla markaana, horumariyeyaasha kaniisadda ayaa dhaliilay waxa ay u arkayeen in Pope-ku uusan si ku filan u hirgelin isbeddel lagu cusbooneysiinayo kaniisadda 2,000 sano jirtay.

Iyadoo uu la tacaalayay khilaafaadka gudaha, Francis wuxuu noqday shakhsiyad caan ah oo caalami ah, isagoo dad tiro badan kusoo jiitay safaradiisii caalamiga ahaa. Wuxuu si xooggan u horumariyay wada-hadalka diimeed, nabadda, iyo taageeridda dadka la takooro – gaar ahaan muhaajiriinta.

Muddadii uu xilka hayay, Vatican-ku waxay martigelisay laba Pope oo labaduba xiran dharka caddaanka ah: Francis iyo Benedict – kaasoo xilka ka degay 2013 si lama filaan ah, balse doortay inuu sii joogo gudaha Vatican. Benedict, oo caan ku ahaa aragtidiisa muxaafidka, ayaa geeriyooday December 2022, taasoo ka dhigtay Francis Pope-ka kaliya ee xilka haya.

Francis wuxuu magacaabay ku dhowaad 80% xubnaha cardinal-ka codkooda dhiiban doona doorashada Pope-ka xiga, taasoo sare u qaadaysa suurta-galnimada in hoggaamiyaha beddela uu sii wado siyaasadaha isbeddelka ku saleysan – inkasta oo ay jiraan xoogag adag oo kasoo horjeeda dhaq-dhaqaaqyadaas.

Go’aanka Mareykanka oo caqabad ku noqday maal-gelin muhiim u ah Soomaaliya

New York (Caasimada Online) – Ka aamusitaanka Mareykanka ee qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 27-kii December 2024, kaasoo ansixinayay maalgelinta hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa mugdi geliyay mustaqbalka AUSSOM. Waxaa sii kordheysa walaaca laga qabo hawlgalkan ka hor codbixin muhiim ah oo la filayo 15-ka May si loo ansixiyo maalgelintiisa.

Ka-caga-jiidka Washington wuxuu ka dhashay walaac ku saabsan sidii loo hirgelin lahaa habka maalgelinta isku-dhafka ah ee lagu qeexay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2719.

Habkani wuxuu ogolaanayaa in ilaa 75% miisaaniyadda hawlgallada nabadda ee uu Midowga Afrika hoggaamiyo ay daboolaan lacagaha lagu bixiyo xisaabta Qaramada Midoobay. Codbixin go’aan ka gaarid ah oo Golaha Ammaanka uu ka yeelan doono in lacagtan loo sii daayo AUSSOM ayaa loo qorsheeyay 15-ka May.

Intii lagu guda jiray sharaxaadda codbixintii 27-kii December 2024, Ku-xigeenka Wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Ambassador Dorothy Shea ayaa sheegtay, “Soomaaliya ma ahan goob ku habboon oo lagu tijaabiyo habka maalgelinta ee la soo jeediyay.”

Waxay intaa ku dartay in habkaasi uu horseedi karo in lacagaha Qaramada Midoobay ay daboolaan in ka badan 90% kharashaadka AUSSOM, taasoo ka badan xadka lagu dejiyay Qaraarka 2719. Mareykanka ayaa ugu dambeyntii ka aamusay taageeridda Qaraarka 2767, kaasoo fasaxay gaynta AUSSOM, isagoo sabab uga dhigay walaac aan weli laga xallin oo la xiriira hufnaanta maaliyadeed iyo maamulka howlaha.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, warbixin uu soo saaray 10-kii April, ayaa Golaha Ammaanka uga digay in haddii aan la helin taageero dhaqaale oo nidaamsan, awoodda AUSSOM ee ah inay si wax ku ool ah u shaqeyso ay halis geli karto, taasoo wiiqeysa dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.

Hawlgalkan, oo la bilaabay Janaayo 2025, ayaa durba wajahaya dhibaatooyin dhaqaale oo ba’an. Sida ay sheegtay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, wuxuu u baahan yahay qiyaastii $90.4 milyan si uu u sii wato hawlihiisa inta u dhaxaysa Janaayo ilaa Juun oo keliya.

Arrimahan maalgelinta ah ayaa kusoo beegmay xilli jawiga ammaanku uu yahay mid kacsan. Dhawaan, maleeshiyada Al-Shabaab waxay qabsadeen magaalada istaraatiijiga ah ee Aadan Yabaal ee bartamaha Soomaaliya, taasoo horay u ahaan jirtay saldhig ciidamada dowladda. Dhacdadan ayaa hoosta ka xariiqaysa baahida degdegga ah ee loo qabo taageero caalami ah oo joogto ah oo loo fidiyo AUSSOM.

AUSSOM wuxuu bedelayaa Hawlgalka Kala Guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). ATMIS lafteedu waxay bedeshay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), kaasoo shaqeynayay tan iyo 2007 wuxuuna door weyn ka ciyaaray dadaallada la-dagaallanka argagixisada. U gudbidda AUSSOM bishii Janaayo 2025 ayaa waxaa loo qaabeeyey in lagu sii xoojiyo waxqabadka hawlgalka Midowga Afrika iyo awoodaha ciidamada Soomaaliya ee deegaanka.

Caqabadda hadda jirta ee maalgelinta ayaa iftiimineysaa kala qaybsanaan qoto dheer oo ka dhex jirta beesha caalamka ku saabsan mas’uuliyadda dhaqaale ee hawlgallada nabadda ee Afrika. Dadka dhaleeceeya habka isku-dhafka ah ee maalgelinta ayaa ku doodaya inay horseedi karto isticmaal aan hufan oo kheyraadka ah.

Dhanka kale, taageerayaasha ayaa ku adkeysanaya in habkani uu muhiim u yahay sii jiritaanka iyo xasilloonida gobollada sida Geeska Afrika.

Xog: Xasan Sheekh oo laba qodob kala hadlay Guudlaawe, Laftagareen iyo Qoor Qoor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan deg deg ah isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana laga wadahadlay xaaladda dalka.

Madaxweynaha oo maalmahaan waday la tashiyo ayaa madaxdaan kala hadlay labo arrin oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:

1 – Dagaalka Al-Shabaab oo adkaaday. 2 – La-tashiyadii siyaasadeed ee qaabka loo dhigayo gogosha uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu horeyn dagaalka Al-Shabaab ayaa aad loo gorfeeyey, waxaana madaxweynayaasha mid mid looga wareystay dagaaladii ugu dambeeyey.

Cali Guudlaawe iyo Laftagareen ayaa ka warbixiyey dagaaladii ka dhacay duleedka Baydhaba iyo Aadan-yabaal, waxaana la bogaadiyey dagaalka ciidamada qaranka ay dalka uga xoreynayaan Khawaarijta.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa madaxda dowlad goboleedyada kala tashaday gogosha uu ku dhawaaqay inuu u fidinayo saamileyda siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka.

Xaaladda amni ee dalka ayaa cirka isku sii shareereysa maalinba maalinta ka dambeysa, waxaana saacadihii lasoo dhaafay soo baxay warar sheegaya in is-baddel lagu sameynayo madaxda hay’adaha amniga.

Mahad Salaad ayaa la sheegay in dib loogu soo celinayo hay’adda NISA, Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa sidoo kale la sheegay in isbedel lagu sameynayo maalmaha soo socda, si wax looga bedelo dagaalka Al-Shabaab oo u muuqda mid guul darooyin is xigxiga ay kala kulmeen ciidamada dowladda.

Yemen oo beenisay warar la faafiyey oo ku saabsan safaaradeeda Muqdisho

Sanca (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Yemen ayaa si cad u beenisay warar sheegaya in dowladda ay damacsan tahay inay iibiso dhismaha safaaraddeeda ku taalla Soomaaliya, xilli ay soo baxeen warar arrintaas ku saabsan.

Wasaaraddu waxay eedaymahaas ku tilmaantay kuwo been abuur ah, oo ay sheegtay inay yihiin qayb ka mid ah olole sumcad-ka-dilid ah oo la soo agaasimay.

Bay’aan uu siiyay warbaahinta Yemen, Wasiirka Arrimaha Dibadda Shaea Mohsen Al-Zendani waxa uu ka hadlay sheegashooyinkaas ku faafaya baraha bulshada iyo warbaahinta qaar. “Waxay isku dayayaan inay sumcad ka-dilaan shaqada Wasaaradda dibedda, oo ay ku jirto xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka kale,” ayuu yiri Wasiirku.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaa ku daray, “Waxaan si dhab ah u ognahay in kuwani yihiin eedaymo la soo agaasimay oo aan sal iyo raad toona lahayn.”

Al-Zendani waxa uu xaqiijiyay in xafiiskiisa ay soo gaareen dhowr weydiin oo warbaahineed oo ku saabsan wararkan. Waxa uu ku celiyay in uusan jirin wax qorshe ah oo lagu iibinayo ama lagu kiraynayo hantida diblomaasiyadeed ee Yemen ay ku leedahay Soomaaliya.

Wuxuu wararkaas xanta ah ku sifeeyay inay yihiin “borobagaando aan wax xaqiiqo ah ku dhisnayn.”

Wasiirku waxa uu sidoo kale ugu baaqay hay’adaha warbaahinta inay muujiyaan masuuliyad buuxda marka ay wax tabinayaan. “Wuxuu ugu baaqay warbaahinta inay qaadaan masuuliyadda wixii ay tabiyaan,” ayuu yiri Al-Zendani, isagoo si adag uga digay sii faafinta macluumaadka qaldan.

Inkasta oo dowladda Yemen ay si rasmi ah u beenisay sheegashooyinkaas, haddana Caasimada Online si madax bannaan uma xaqiijin xaaladda lahaanshaha dhismayaasha la sheegayo ama haddii ay jiraan wax qorshe rasmi ah oo lagu iibinayo.

Yemen iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo taariikhi ah, oo isugu jira diblomaasiyadeed iyo mid dhaqan. Labada dalba waxay soo jireen dekedo muhiim ah oo ku yaalla waddooyinkii ganacsiga qadiimiga ah ee Gacanka Cadmeed.

Power struggle grounds Somalia’s warplanes as threats mount

MOGADISHU, Somalia — An escalating power struggle within Somalia’s security apparatus has left two newly acquired fighter jets grounded in Mogadishu, weakening the government’s ability to respond to recent territorial advances by the Al-Qaeda-linked militant group Al-Shabaab.

Two modern fighter jets purchased by the Somali government remain idle for more than a month after their delivery due to a jurisdictional conflict between the Somali National Army (SNA) and the National Intelligence and Security Agency (NISA).

The disagreement stems from former Defense Minister Abdulkadir Mohamed Nur, now Minister of Ports, who reportedly transferred control of the aircraft to NISA during his tenure at the Ministry of Defense. Military officials argue that the jets were intended for use by the Somali Air Force and should remain under the control of the SNA.

General Odowaa Yusuf Rageh, commander of the SNA, has criticized the decision, insisting the jets are vital for supporting ground operations against Al-Shabaab.

Requests for air support have repeatedly been declined, with excuses ranging from poor weather conditions to unresolved technical issues. Frustrated, General Rageh and senior army officials have brought the matter directly to President Hassan Sheikh Mohamud for intervention.

Al-Shabaab exploits the aerial void

The operational delay has given Al-Shabaab room to maneuver. The militant group, designated a terrorist organization by the United Nations and multiple governments, has intensified attacks in central and southern Somalia, exploiting the lack of airstrikes.

On April 16, Al-Shabaab seized the strategic town of Adan Yabaal in the Middle Shabelle region, previously a key government outpost. Residents reported intense clashes as militants launched a coordinated assault on the city from multiple fronts.

The militants have also temporarily taken control of villages near Mogadishu in recent weeks, triggering renewed fears over the capital’s vulnerability.

In response to the militant offensive, Somali authorities have deployed additional forces, including police and prison officers, to bolster front-line units. Still, the absence of functional air support has undercut these efforts, according to military insiders.

President Mohamud, who visited Adan Yabaal weeks before its fall, urged calm, saying that losing a single town does not mean losing the war.

Yet, analysts warn that ongoing rivalries among Somalia’s security agencies could seriously undermine national defense efforts. The dispute between General Odowaa and Minister Nur — long known to have tense relations — has become a political liability in the midst of an intensifying conflict.

The stalemate also raises concerns among Somalia’s international partners, particularly as the African Union’s peacekeeping mission, AUSSOM, faces budget shortfalls and prepares to draw down. Western donors have long urged the Somali government to streamline its command structures and prioritize military cohesion.

If unresolved, the jets impasse could jeopardize Somalia’s broader counterterrorism strategy and erode public confidence in its security institutions.

US abstention puts Somalia AU mission funding in doubt

MOGADISHU, Somalia —The African Union’s new peacekeeping operation in Somalia, the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), faces an uncertain future following the United States’ abstention from a key UN Security Council vote on its funding.

The development comes amid renewed threats from Al-Shabaab militants, who recently recaptured strategic territory, underscoring the mission’s urgent need for reliable international financial support.

US withholds backing over funding concerns

On December 27, 2024, the UN Security Council adopted Resolution 2767, which authorized AUSSOM to succeed the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) beginning January 1, 2025. While the resolution passed with 14 votes in favor, the US abstained—citing concerns over the proposed hybrid funding model.

The model, outlined in Resolution 2719, allows up to 75% of the mission’s budget to be funded through UN-assessed contributions. However, US officials argued the structure lacks sufficient oversight and accountability.

“Somalia is not a suitable testing ground for the proposed funding model,” said Ambassador Dorothy Shea, the US Deputy Representative to the UN. She warned that UN contributions could end up covering more than 90% of the mission’s costs, exceeding the threshold set by the resolution.

A decisive vote on whether to release the actual funds for AUSSOM is scheduled for May 15.

Since launching in January 2025, AUSSOM has faced severe financial strain. According to the African Union Peace and Security Council, the mission requires approximately $90.4 million to maintain operations from January through June alone.

Currently, AUSSOM relies on limited funding from the AU Peace Fund, which is only sufficient to sustain short-term activities.

UN Secretary-General António Guterres warned in an April 10 report that without a structured financial framework, AUSSOM’s operational capacity could collapse—jeopardizing broader stabilization efforts in Somalia.

Al-Shabaab advances as support wavers

The funding crisis comes as Somalia faces intensifying violence. On April 16, Al-Shabaab fighters seized the strategic central town of Adan Yabaal, roughly 245 kilometers north of Mogadishu. The city had served as a key base for Somali government forces since its recapture in December 2022.

The incident highlights the persistent threat posed by Al-Shabaab and the crucial role AUSSOM is expected to play in supporting Somali forces.

AUSSOM was launched to replace ATMIS, which had succeeded the African Union Mission in Somalia (AMISOM), a force that operated in the country from 2007 to 2022.

Each transition aimed to gradually shift security responsibilities to Somali national forces while maintaining international support for counterinsurgency operations.

The current funding impasse underscores deep divisions within the international community over how African peace operations should be financed and managed. Critics of the hybrid funding model argue it risks mismanagement, while supporters say it’s vital for long-term regional stability.

With the Security Council set to decide on AUSSOM’s funding on May 15, the mission’s future—and Somalia’s security—hangs in the balance. The outcome will likely shape Somalia’s trajectory and the viability of AU-led peacekeeping operations across the continent.

Without immediate and sustainable backing, AUSSOM’s ability to respond to escalating threats and support stabilization efforts could be significantly diminished.

Xog: Maxaa ka jira in Mahad Salaad dib loogu soo magacaabayo NISA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar isisoo taraya ayaa sheegaya Mahad Maxamed Salaad loo magacaabayo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, xogtaan waxaa soo dusiyey xubno ka tirsan xisbiga Madaxweynaha ee UPD.

Xasan Sheekh iyo Xamsa Barre ayaa la sheegay inay gaareen go’aan ay wax uga bedelayaan masuuliyiinta amniga Soomaaliya, maadaama dowladda uu heysto fashil dhanka dagaalka ah.

Is bedelka la qorsheeyey ayaa la sheegay inuu ka bilaabanayo xilka Taliyaha NISA, xubnaha noo waramay waxay sheegeen in madaxda qaranka ay ku qanceen in Mahad Salaad lagu soo celiyo booskiisii hoggaanka NISA.

Wararka caawa soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha NISA, Cabdullahi Sanbaloolshe, uu qorsheynayo inuu is casilo inta aan laga qaadin xilka, waxaana suurtagal ah inuu ka baaqsado is casilaadaas.

Is-baddelada kale ee la qorsheeyey ayaa la sheegay inay saamey doonaan Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo taliyaasha hoose ee ciidamada xoogga dalka.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu ka xumaaday inay baxdo xogta dib u magacaabidda Mahad Salaad oo qabsatay baraha bulshada.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay in xogtaan ay ka baxday, wararku waxay intaas ku darayaan in saraakiisha miiska saaran ee dib loo soo celinayo uu ku jiro Taliyihii hore ee Ciidanka Dhulka Jeneraal Biixi.

Waxaa suurtagal ah, in Biixi loo magacaabo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga oo meesha laga saaro boosta Taliyaha Dhulka,  qorshahaan waxaa la yimid Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa.

Xog: NISA iyo CXD oo isku haysta diyaaradaha dagaalka ee DF iyo saameynta Jaamac

Muqdisho (Caasimada Online) – Labo kamid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah oo dowladda Soomaaliya ay leedahay ayaa howlgab ku ah magaalada Muqdisho, iyadoo ay taagan tahay baahi duqeymo oo kooxda Al-Shabaab ay soo qabsaneyso qeybo muhiim ah oo ka mid ah gobollada dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Talisyada Xoogga iyo NISA ayaa isku heysta maamulka labadaas diyaaradood oo lagu soo iibiyey lacag ay leedahay dowladda Soomaaliya, kuna sugan Muqdisho muddo bil ka badan.

Wasiirkii xilka laga qaaday ee wasaaradda gaashaandhigga Mr. Jaamac oo loo wareejiyey wasaaradda dekedaha ayaa weli lugta kula jira maamulka diyaaradahaas, maadaama uu weli dowladda u hayo Malafka xiriirka Turkiga.

Wasiirka ayaa maamulka diyaaradahaas hoos geeyey Hay’adda NISA, intii uu heystay wasaaradda gaashaandhigga, balse Taliska Xoogga ayaa ka carooday, isagoo ku doodaya in diyaaradahaan lagu soo iibiyey magaca ciidanka cirka ee xoogga dalka.

Taliska Xoogga oo toddobaadyadii u dambeeyey soo dalbaday duqeymo ayaa loo sheegay dhowr cudur-daar oo aan ka xusi karno ‘in hawada uu roob ku jiro, in amar looga baahan yahay cid aan loo cadeyn  iyo in diyaaradaha aysan weli howlgeli Karin oo farsamada ay wax ka dhiman yihiin, taasi oo ciishay Jeneraal Odawa aiyo saraakiisha xoogga oo ugu dambeyntii u soo dacwooday madaxweynaha.

Murankaan iyo is qabqabsiga uu dhex boodayo wasiir Jaamac oo dagaal soo jireen ah uu kala dhexeeyo Taliyaha Xoogga Jeneraal Odowaa ayaa sababay in dowladda Soomaaliya oo diyaarado dagaal soo iibsatay ay u baahato cid u fulisa duqeymo.

Taliska Xoogga ayaa ku doodaya in lagu soo wareejiyo maamulka diyaaradaha cusub ee dagaalka, si cadowga loogu jebiyo, maadaama ay xog ogaal u yihiin xaaladda dagaal ee wadan, meel kastana ay ciidan goor kasta lasoo weerari karo ka joogaan.

Kooxda Al-Shabaab oo aad uga cabsata duqeymaha ayaa ka faa’iideysaneysa fursadaan duqeyn la’aanta ah, waxayna ku haminayaan in dhul hor leh ay dowladda ka qabsadaan, iyagoo culeys badan soo saaray Muqdisho.

Saameynta weli uu wasaaradda gaashaandhigga iyo malafka Turkiga ku leeyahay wasiir Jaamac ayaa la sheegay inay hagar-daameyneyso dagaalka Al-Shabaab, qofka ugu dhow ee Xasan Sheekh uu wax ka maqlo ayaa lagu sheegay Wasiirka Dekedaha loo magacaabay ee Cabdulqaadir Jaamac.

 

Faarax Bariis oo si arxan darro ah loogu dilay Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Faarax Caydiid Jaamac (Bariis), oo ka mid ahaa saraakiisha ka tirsan qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe, isla markaana ahaa khabiir dhanka amniga ah, ayaa habeenimadii xalay lagu dilay magaalada Laascaanood oo ah xarunta maamulka SSC-Khaatumo.

Faarax ayaa la sheegay in lagala baxay guri uu ka deganaa magaalada Laascaanood, waxaana meydkiisa laga helay dooxada Ceelka Goojacade, oo lagu tuuray kadib markii la dilay.

Meydka Faarax ayaa waxaa ka muuqda calaamado jirdil iyo rasaas. Inta aan la dilin ka hor, waxaa laga qaatay telefoonkiisii gacanta.

Sarkaalkan ayaa qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe ugu magacownaa la socodka iyo taageeridda muwaadiniinta Itoobiya ee socdaalka ah. Faarax ayaa xilkaan loo magacaabay sanadkan 2025, sida ku xusan warqadda magacaabista oo ay aragtay Caasimada Online.

Ilaa hadda maamulka SSC-Khaatumo kama aysan hadlin falka dilka ah ee loo geystay sarkaalkan ka tirsanaa qunsuliyadda Itoobiya.

Dilkan oo aad looga argagaxay, ayaa waxaa laamaha amniga looga fadhiya inay baaris dhab ah ku sameeyaan kiiskan xasaasiga ah, maadaama sarkaalkan la dilay uu ka hawl-galayay qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe.

Booliska oo soo xiray askari ku xad-gudbay sharciga doorashooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska ayaa gacanta ku dhigay askari ka tirsan ciidamada qalabka sida, kadib markii uu isku dayey inuu laba jeer isku diiwaan-geliyo si codbixinta doorashada uu uga qeyb galo marar badan.

Askarigan oo aan magaciisa la shaacin ayaa lagu qabtay mid ka mid ah goobaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, xilli uu isku dayayey inuu mar labaad isu diiwaan-geliyo isagoo adeegsanaya xog been abuur ah, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka qaranka.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in ninkan uu markiiba soo qabtay qalabka casriga ah ee diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, sidaasna lagu ogaaday.

Hanaanka doorashooyinka iyo kalsoonida lagu qabi karo nidaamkan ayey khilaafsan tahay in qof uu noqdo codbixiye wax ka badan hal mar, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka qaranka oo weli lagu muransan yahay sharci ahaantiisa.

“Waa tallaabo sharci darro ah, wax kasta oo dhaawacaya hufnaanta doorashada waa laga hortagayaa,” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay guddiga.

Falka askarigan ayaa sidoo kale keenay hadal hayn xooggan, iyadoo sidoo kale loo arko mid digniin u ah cid kasta oo isku dayda inay si sharci-darro ah uga faa’iideysato nidaamka doorashada.

Askarigan ayaa sharciga lala tiigsan doono si uu u noqdo tusaale looga digtoonaado falalka noocan oo kale ah, sida uu sheegay guddiga doorashada Soomaaliya.