25.8 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Kadib dhacdadii murugada laheyd, dowladda Spain oo soo bandhigtay Soomaali…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Spain ayaa soo badbaadiyay muhaajiriin Soomaali ah oo xaalad halis ah ku galay badda Mediterranean-ka, kuwaas oo ka baxay dalka Aljeeriya.

Wararka ayaa sheegaya in doonida ay saarnaayeen tahriibayaashan Soomaalida ah ay cilad soo wajahday, kadibna waxaa ka war helay ilaalada Spain oo gurmad deg-deg ah u fudiyay.

Sida ay Ogaatay Caasimada Online, tirada Soomaalida ee lasoo badbaadiyay ayaa ah 24 qof oo kala ah 19 rag ah, 3 dumar ah iyo ilmo yar, kuwaas oo la geeyay xarun gaar ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in haatan muhaajirinta loo fidiyay daryeel caafimaad, maadaama laba maalmood ay ku dhex jireen biyaha badda, kadibna waxaa ugu dambeyn howlgal samata bixin ah kusoo badbaadiyay ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Spain.

Ujeedka muhaajirintan ayaa ahaa inay gaaraan waddada Yurub, iyaga oo raadinayo nolol ka wanaagsan midd ay ku haysteen dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

Dhacdadan waxaa ka horreeyay musiibo kale oo maalin ka hor ka dhacday badda Mediterranean-ka, kadib markii dooni siday dhalinyarro Soomaaliyeed ay halkaas ku degtay, taasoo sababtay geerida in ka badan 20 qof.

Dhalinyarada ayaa u safrayay si ay u gaaraan Jaziiradda Palma ee dalka Spain, iyaga oo rajeynayay nolol ka wanaagsan midda ay ka tageen.

Doonta ayaa la sheegay inay la kulantay xaalad adag, waxaana la rumeysan yahay in rakaabka ay u dhinteen haraad, nafaqo-darro, iyo qabow daran. Waxaa la tuhunsan yahay in ay ku wareereen badweynta, maadaama doontu luntay maalmo badan, taasoo keentay in xaaladoodu si xawli ah u xumaato.

Badda Mediterranean-ka ayaa sii ahaaneysa marin halis badan oo ay tahriibayaal badan isticmaalaan, iyaga oo doonaya in ay gaaraan qaaradda Yurub. Qof walba oo safar halis ah gelaya waxa uu xambaarsan yahay rajo nololeed, balse mararka qaar rajooyinkaas waxa ay ku dhammaadaan geeri iyo go’doon.

Musiibadan waxay mar kale iftiiminaysaa baahida loo qabo xal waara oo ku saabsan tahriibka dhalinyarada, si looga hortago in noloshooda khatarta gelinayaan iyaga oo raadinaya nolol ka wanaagsan tan dalka. Dowladda, bulshada caalamka, iyo hay’adaha samafalka ayaa loo baahan yahay inay si wadajir ah u wajahaan arrinkan.

Kuraastii Khadiija Diiriye iyo Seeseey oo lasoo buuxiyay – Yaa kusoo baxay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lasoo buuxiyay laba kursi oo ka banaanaa Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay horay uga geeriyoodeen Allaha u wada naxariistee Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamuud Maxamed Seeseey.

Kuraastan oo doorashadooda lagu qabtay magaalada Jowhar ayaa waxaa soo buuxiyay wiil uu dhalay xildhibaan hore Seeyseey iyo nin kale la dhashay Khadiija Diiriye, kuwaas oo ku fariisan doono kuraasta kala ah Hop097 iyo Hop098.

Doorashada ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa xubno ka tirsan HirShabelle, bulshada rayidka iyo nabaddoonka beesha leh kuraasta bannaanaatay Axmed Maxamuud Cosoble.

Sidoo kale ergada doorashada ee kursaasta Hop097 iyo Hop098 ayaa waxaa soo xaadirtay 101 ergo, iyada oo ay doorashada u dhacday hab xasiloon ,waxaana guuleystay musharraxiinta kala ah :

Cabdikarin Maxamed Diriye oo helay 78 Cod, kuna guuleystay kursiga Hop097 iyo Cabdulqadir Maxamud Maxamed oo isna helay 90 Cod, kuna soo baxay kursiga Hop098, sida uu ku dhowaaqay Cabdi Caddow Maxamed oo ka socda Guddiga Doorashooyinka.

Musharaxiintan oo tiradoodu tahay afar, ayaa waxay kala yihiin: Cabdikarim Maxamed Diriye (#HOP097), Abdulqadir Maxamuud Maxamed (#HOP098), Maxamed Maxamuud Geeddi (#HOP097), iyo Axmed Aadan Muxyadiin (#HOP098).

Musharrixiinta guuleystay iyo kuwa laga guuleystay ayaa shalay lagu guddoonsiiyay shahaadooyinkii musharraxnimo magaalada Jowhar, taasoo u suurta-galineysa inay si rasmi ah ugu tartamaan kuraasta maanta lasoo buuxiyay

Labadaan kursi ayaa bannaanaday kaddib geeridii labada xildhibaan ee horey u matalayay. Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ku geeriyootay dalka Jabuuti bishii December 2023, halka Xildhibaan Seeseey uu geeriyooday bishii March ee isla sanadkaas.

Tan iyo xilligaas, kuraastaasi waxay ahaayeen kuwo bannaan, iyadoo Golaha Shacabkuna dhowaan ku dhawaaqay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo buuxiyo.

Si kastaba, Doorashadan ayaa la filayaa in ay dardar cusub geliso howlaha Golaha Shacabka, iyada oo kuraastan si hufan oo nabad ah loo soo buuxiyay.

Guddiga Doorashooyinka ayaa muujiyay diyaar garow buuxa, waxaana la filayaa in iyana la qabto doorashada kuraasta kale ee ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Sacuudi Carabiya oo farriin xasaasi gaarsiisay madaxda Iran: “Laba mid kala doorta”

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Sacuudiga ayaa bishii la soo dhaafay fariin toos ah u gudbiyay mas’uuliyiinta Iran, isagoo ku booriyay inay si dhab ah u qaataan dalabka Madaxweyne Donald Trump ee ku saabsan wadaxaajood nukliyeer ah, si looga hortago khatarta dagaal ay Israa’iil ku qaado Iran.

Iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in gobolka sii xasillooni darnaado, Boqorka Sacuudiga, Salman bin Cabdulcasiis, oo 89 jir ah, ayaa u diray wiilkiisa, Amiir Khalid bin Salman, Tehran si uu fariintaasi uga gaarsiiyo Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei.

Kulankaasi gaarka ah oo dhacay 17-kii April kuna qabsoomay xarunta madaxtooyada Iran, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, Taliyaha guud ee ciidamada Maxamed Baqeri, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabbaas Caraaqchi, sida ay sheegeen ilo wareedyo la hadlay Reuters.

Inkastoo warbaahinta ay tabiyeen booqashada Amiirka 37 jirka ah, haddana fariinta gaarka ah ee uu sitay wali lama shaacin ilaa hadda.

Amiir Khalid, oo ahaa safiirkii Sacuudiga ee Washington intii lagu jiray xilligii ugu horreeyay ee Trump, ayaa uga digay mas’uuliyiinta Iran in Madaxweyne Trump uusan dulqaad badan u lahayn wadahadallo waqti dheer qaata, sida ay xaqiijiyeen afar ilo xog ogaal ah.

Trump ayaa si lama filaan ah toddobaadyo ka hor ugu dhawaaqay in ay socdaan wadahadallo toos ah oo lala leeyahay Tehran, kuwaasoo lagu doonayo in lagu xakameeyo barnaamijka nukliyeerka Iran, beddelkeedna laga yareeyo cunaqabateynta. Wuxuu sidaas ku sheegay shir jaraa’id uu la qabtay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo Washington u tegay si uu u helo taageero weerar milatari oo ka dhan ah xarumaha nukliyeerka Iran.

Intii uu kulanku socday, Amiir Khalid wuxuu u sheegay madaxda Iran in kooxda Trump ay doonayso in si dhakhso leh loo gaaro heshiis, isla markaana fursadda diblomaasiyadeed aysan furnaan doonin muddo dheer, sida ay sheegeen afarta ilo wareed.

Wuxuu uga digay Tehran in heshiis lala gaaro Mareykanka uu ka roonaan doono khatar weerar Israa’iil haddii wadahadalladu burburaan, sida ay sheegeen laba ilo wareed oo reer Khaliij ah.

Labaduba waxay intaas ku dareen, iyadoo ay la socdaan diblomaasi reer Galbeed ah, in Amiirka Sacuudiga uu sheegay in gobolka—oo durba la daalaa dhacaya dagaalladii Gaza iyo Lubnaan—uusan u adkeysan karin xiisad kale oo sii kororta.

Dowladda Iran kama aysan jawaabin codsi faallo oo ay Reuters u dirtay ka hor daabacaadda warbixintan. Hase yeeshee, kadib, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa si adag u beeniyay warbixinta, sida lagu sheegay war kasoo baxay wakaaladda Fars ee Iran. Sidoo kale, Sacuudiga kama aysan falcelin codsigaasi.

Booqashada uu Amiir Khalid ku tagay Tehran—oo ah walaalka ka yar dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman—ayaa ahayd tii ugu horreysay ee xubno sare oo reer boqor ah oo ka socda Riyadh ay booqdaan Iran muddo ku dhow labaatan sano.

Labada dal ayaa muddo dheer ahaa kuwo colaad siyaasadeed u dhexeeyso, marar badanna waxay taageereen dhinacyo iska soo horjeeda oo ku loolamaya dagaallo wakiilnimo ku dhisan, ilaa heshiis ay Shiinuhu dhexdhexaadiyeen sanadkii 2023 uu hoos u dhigay xiisaddii taagnayd, dibna u soo celiyay xiriir diblomaasiyadeed.

Saddex sano ee la soo dhaafay, saameynta gobolka ee Iran ayaa hoos u dhacday kaddib markii Israa’iil ay si xooggan u garaacday koxaha Xamaas ee Gaza iyo Xisbullah ee Lubnaan, halka xulufadooda ugu dhow ee Suuriya—diktatoor Bashaar Al-Asad—la riddo. Cunaqabateyntii reer Galbeedka ayaa sidoo kale si daran u saameysay dhaqaalaha saliidda ku tiirsan ee Iran.

Mohanad Hage Ali, khabiir ku takhasusay arrimaha Iran kana tirsan xarunta fikirka Carnegie Middle East Center ee Beirut, ayaa sheegay in daciifnimada Tehran ay siisay Sacuudiga fursad uu ku muujiyo saameyn diblomaasiyadeed si looga hortago dagaal goboleed oo hor leh.

“Waa hubaal in Sacuudiyaanku ay ka fogaadaan dagaal, sababtoo ah dagaal lala galo Iran wuxuu si toos ah u halis gelinayaa himilooyinkooda dhaqaale iyo yoolkooda mustaqbalka,” ayuu u sheegay Reuters.

Iran: Ma aqbalayno shuruudo aan la hubin

Reuters ma aysan xaqiijin karin saameynta ay fariinta amiirku ku yeelatay hoggaanka Iran, balse afarta ilo wareed ayaa sheegay in Madaxweyne Pezeshkian uu muujiyay rabitaanka Tehran ee heshiis, si cunaqabataynta looga qaado, dhaqaalahoodana loo kobciyo.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Iran waxay muujiyeen cabsi ku saabsan hab-dhaqanka “aan la saadaalin karin” ee maamulka Trump—oo hal mar oggolaanaya kobcin xadidan oo uraniyam ah, halka mar kalena uu dalbanayo in gebi ahaanba la joojiyo barnaamijkaasi.

Trump ayaa sidoo kale hanjabay in uu adeegsan doono awood milatari haddii dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xakameynayo hamiga nukliyeerka Iran ay guul dareystaan.

Mid ka mid ah ilaha Iran ayaa sheegay in Pezeshkian uu caddeeyay in Tehran ay dooneyso heshiis, balse aysan aqbali doonin in ay ka tanaasusho barnaamijkeeda kobcinta uraniyamka si keliya maxaa yeelay Trump uu doonayo heshiis degdeg ah.

Wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa maray shan wareeg, balse weli waxaa jira caqabado dhowr ah—kuwaasoo ay ugu culus tahay arrinta uraniyamka.

Reuters ayaa Arbacadii ku warrantay in Iran ay diyaar u tahay inay si ku-meelgaar ah u hakiso kobcinta uraniyamka haddii Mareykanka uu sii daayo lacagaha xayiran isla markaana uu si siyaasadeed u aqoonsado xaqa Iran u leedahay inay u isticmaasho uraniyamka ujeeddooyin nabadeed. Warbixintaasi waxaa beeniyay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, sida ay qortay wakaaladda Fars.

Aqalka Cad kama uusan jawaabin su’aalihii Reuters ee ku saabsanaa in Mareykanku horey u ogaa digniinta Sacuudigu u diray Tehran.

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay: “Madaxweyne Trump si cad ayuu u hadlay: heshiis samee ama la kulan cawaaqib halis ah. Dhammaan duniduna arrintaas si dhab ah ayay u qaadanayaan—sida ay ahaydba.”

Trump ayaa Arbacadii sheegay inuu Netanyahu uga digay toddobaadkii hore inuu qaado tallaabo kasta oo carqaladeyn karta wadahadallada, isagoo xusay in labada dhinac ee Mareykanka iyo Iran ay “aad isugu dhow yihiin xalka”.

Dowladda Israa’iil kama aysan jawaabin codsi faallo oo la xiriira arrintan.

Dhibaato hor leh oo laga digayo

Booqashadii afar-maalmood ahayd ee uu Trump ku tagay gobolka bishan ayaa Sacuudiga ku xardhay inuu yahay hoggaamiyaha cusub ee isbaheysiga dowladaha Sunniyiinta ee Bariga Dhexe, iyadoo laga buuxiyay booskii ay baneeyeen xulafadii Iran ee burburay. Intii lagu guda jiray safarkiisa, Amiir Maxamed Bin Salman ayaa dhexdhexaadiyay is-afgarad dhex maray Trump iyo hoggaamiyaha cusub ee Sunniyiinta Suuriya, Axmed al-Sharaa.

Saameynta gobolka ee Tehran ayaa sii daciiftay kaddib guuldarrooyin milatari oo gaaray xulafadeeda ku jira isbaheysiga Shiicada ee loo yaqaan Axis of Resistance, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xamaas, Xisbullah, Xuutiyiinta Yemen iyo maleeshiyaadka Ciraaq.

Kulankaasi, Amiir Khalid wuxuu Iran ku dhiirrigeliyay in ay dib u eegto siyaasaddeeda gobolka, isagoo xusay in isbeddel noocaas ah si weyn loogu soo dhawayn doono, gaar ahaan Riyadh, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Inkasta oo uusan si toos ah u eedeynin Iran, Amiir Khalid wuxuu muujiyay walaac ku saabsan in weerarro la mid ah kuwii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee 2019 lagu qaaday xarumaha shidaalka Aramco ay soo noqdaan—kuwaas oo Sacuudiga uu ku eedeeyay Iran iyo xulafadeeda Xuutiyiinta, inkastoo Tehran ay diiday eedeyntaasi.

Mas’uuliyiinta Iran waxay sheegeen in Tehran ay saameyn ku leedahay Xuutiyiinta balse aysan si toos ah u maamulin ficilladooda.

Sanado badan oo colaad ah oo u dhaxeeyay Iran oo Shiico ah iyo Sacuudiga oo Sunni ah ayaa kacsanaan geliyay Khaliijka, waxayna kicisay dagaallo ka dhacay Yemen ilaa Suuriya. Heshiiskii dejinta xiisadda ee 2023, oo uu door weyn ku lahaa dhaxal-sugaha Sacuudiga, ayaa lagu saleeyay yoolkiisa dhaqaale iyo baahida xasillooni siyaasadeed.

Si kastaba, diblomaasiyiin iyo khubaro goboleed ayaa sheegaya in Sacuudiga iyo waddamada kale ee gobolka aysan weli u arkin Iran inay tahay lammaane lagu kalsoonaan karo marka la eego nabadda, waxayna ka cabsadeen in ficillada Tehran ay halis ku yihiin qorsheyaashooda horumarineed.

Ugu dambeyn, Amiir Khalid wuxuu Iran uga digay in iyadu ama xulafadeedu ay qaadaan tallaabooyin keeni kara caro kaga timaada Washington, isagoo si cad u sheegay in jawaabta Trump ay noqon doonto mid aad uga adag tii madaxda isaga ka horreysay sida Joe Biden ama Barack Obama.

Dhankiisa, wuxuu Tehran u ballanqaaday in Riyadh aysan oggolaan doonin in dhulkeeda ama hawadeeda laga adeegsado weerar kasta oo Mareykanka ama Israa’iil ay ku qaadaan Iran, sida ay sheegeen ilaha la hadlay Reuters.

Xog: Gaadiid qaraxyo usoo waday MUQDISHO oo…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradeed oo xalay Mareykanka uu ka fuliyay qaybo kamid ah gobollada Jubada Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Diyaaradaha duqeymaha fuliyay ayaa ku howlgalay xog sirdoon oo ay ka heleen dowladda federaalka, gaar ahaan hay’adda NISA, waxayna beegsadeen xarumo muhiim ah oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku leeyihiin labadaas gobol.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha lagu garaacay magaalooyin ay kamid yihiin Sablaale, Hawaay iyo Kunyo-barrow, waxaana khasaare lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Saraakiil amni oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada lagu dilay weerarkan dhanka cirka ah, balse ma shaacin tiradooda.

Sidoo kale duqeymaha ayaa mid kamid ah waxaa lagu beegsay xero tababar oo ay lahayd kooxda, taas oo dhulka lala simay,waxaana jira jab lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Waxaa kale oo ay wararka intaasi kusii darayaan in la burburiyay gaadiid ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab, kuna soo wajahnaa magaalada Muqdisho, kuwaas oo lala eegtay duqeymaha ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Ilaa iyo hadda ma jiro faah-faahin rasmi ah oo ay Soomaaliya iyo Mareykanka ka bixiyeen duqeymahaan sida gaarka ah uga dhacay gobollada Jubada Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Maalmihii u dambeeyay ayaa lasii xoojiyay weerarada cirka ah iyo howlgallada ay wadaan ciidanka ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, si loo wiiqo awoodda Shabaab.

Duqeyntan ayaa sidoo kale kusoo aaday, xilli haatan dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso inay qaaddo guluf culus oo ka dhan ah argagixisada, si ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay db ugu laabteen deegaannadii ay horay uga soo baxeen.

PUNTLAND oo guul wayn ka gaartay dagaalka Daacish – Maxaa dhacay maanta?

0

Boosaaso (Caasimada Onoine) – Ciidamada ammaanka Puntland ee howlgallada ka wada gobolka Bari ayaa maanta guul wayn kasoo hoyay dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish, waxaana sidoo kale guul kusoo dhamaaday wajiga saddexaad ee howlgalkooda.

Puntland ayaa sheegtay in maanta ay qaaday howlgal dhulka iyo cirka ah, kaas oo ay ciidamadu ku qabsadeen fariisimo ay kooxda ku lahayd aagga Togga Miiraale.

Saraakiisha hoggaamineysay ayaa shaaca ka qaaday in cagta la mariyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen firxadka argagixisada, isla markaana ay cashir u dhigee.

Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay goobaha lagu dagaalamay oo ay ku jireen ceelashii xarunta u ahaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaashooda, halkaas oo jab lagu gaarsiiyay.

Taliyaha ciidamada Booliska Puntland, Muumin Cabdi Shire oo ka hadlay howlgalka maanta dhacay ayaa guushaan ku tilmaamay mid dhamaan u ah kooxda Daacish.

“Guushan maanta waa bilow, ma aha dhammaad. Ilaa aanu ka ciribtirno argagixisada dalka oo dhan, dagaalku wuu soconayaa. Ciidamada Amniga Puntland waxay si hagar la’aan ah uga shaqeynayaan difaaca shacabka, sugidda amniga, iyo xaqiijinta mustaqbal nabdoon oo waara” ayuu yiri taliyaha guud ee ciidamada Booliska maamul-goboleedka Puntland.

Waxaa kale oo uu ballan qaaday in halganka uu sii socon doono, ayna soo afjari doonaan argagixisada ku dhuumaaleysaneyso buuraha hoostooda ee gobolka Bari.

“Waxaan ballan qaadaynaa in aan si buuxda uga hortagi doonno hanjabaadaha argagixisada, annagoo ka shaqeyn doona sidii looga saari lahaa dhulka hooyo ilaa meesha ugu dambeysa. Miiraale waa nabad, guushana waa middeena.” ayuu mar kale sii raaciyay.

Togga Miraale ayaa Daacish u ahaa saldhig muhiim ah oo ay muddo dheer ku sugnayd, waxaa haatan cagta mariyay ciidamada oo kusii siqaya buuraha hoostooda ee gobolka Bari.

Si kastaba ha ahaatee, Marka loo eego warbixinnada ka imaanaya goobaha dagaalka, wejiga saddexaad ee hawl-galka buuraha Calmiskaad ayaa lasoo sheegayaa inuu soo dhammaaday isla markaana ciidamadu ay ku xoreeyeen dhul ballaaran oo buuraley ah.

Israa’iil oo shaacisay in uu madaxweyne Macron ku soo qaaday ‘dagaal crusade ah’

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa Jimcihii si kulul u weerartay Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, iyadoo ku eedeysay inuu “dagaal crusade ah” ku hayo dowladda Yuhuudda, kadib markii uu ugu baaqay dalalka Yurub inay adkeeyaan mowqifkooda haddii Israel aysan wax ka beddelin xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta Gaza.

“Ma jiro go’doomin bini’aadaninimo. Waa been cad oo laga faafinayo Israel,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel, oo difaaceysey dadaalka ay ku sheegtay in dalkaasi u galayo fududeynta gargaarka bani’aadannimo.

“Balse halkii uu cadaadis saari lahaa kooxaha jihaad-doonka ah, Macron wuxuu doonayaa inuu abaalmariyo iyaga, isagoo ku dhiirrigelinaya in loo aqoonsado dowlad Falastiini ah. Shaki kuma jiro in maalinta qarankeedu noqon doonto 7-da Oktoobar,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo la xiganayo weerarkii Xamaas ku qaaday Israel sanadkii 2023, kaas oo horseeday dagaalka Gaza.

Todobaadkii hore, Israel waxay si xaddidan uga qaaday go’doonkii muddo laba bilood ka badan saarnaa Gaza, halkaasoo ay ka jirto cunto yari, biyo la’aan, iyo daawo la’aan daran – inkastoo ay bilaabatay in gargaar bani’aadannimo kooban uu gudaha u galo.

Madaxweyne Macron ayaa dhankiisa kordhiyay taageerada uu u muujinayo shacabka Falastiin. Isagoo khudbad ka jeedinayay shir difaaca caalamiga ah ee ka dhacay Singapore Jimcihii, ayuu sheegay in dalalka Yurub ay tahay “inay adkeeyaan mowqifkooda wadajirka ah” haddii Israel aysan si dhab ah uga falcelin xaaladda bani’aadannimo ee Gaza – isagoo xusay in xitaa cunaqabatayn la tixgeliyo.

“Haddii aan Gaza ka jeesanno, haddii aan siino Israel marin furan, xitaa annagoo cambaareynayna weerarrada argagixisada, waxaan luminaynaa kalsoonida caalamka,” ayuu yiri Macron.

Wuxuu sidoo kale sheegay in aqoonsiga dowlad Falastiin ah, iyadoo la raacayo shuruudo cayiman, uu yahay “waajib anshaxeed iyo baahi siyaasadeed.”

Faransiiska iyo Sacuudi Carabiya ayaa si wadajir ah u martigelinaya shir caalami ah oo ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobay ee New York, kaas oo lagu doonayo in dib loo soo nooleeyo hindisaha xalka laba dowladood — qorshe si adag uga soo horjeeda xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska, Jean-Noël Barrot, ayaa bartiisa X ku qoray in dalkiisu taageersan yahay “dowlad Falastiin ah, kana mid noqon karta qaab-dhismeed amni oo goboleed oo ay ku jirto Israel.”

“Tani waxay danta ugu jirtaa shacabka Israel iyo amnigooda. Waa xalka kaliya ee lagu beddeli karo xaaladda dagaalka joogtada ah,” ayuu raaciyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, oo ka jawaabayay hadalka Barrot, ayaa ku dooday in Israel aysan u baahnayn cid u go’aamisa danaha ay leedahay.

“Shacabka Israel si buuxda ayay uga soo horjeedaan in dowlad Falastiin ah laga dhiso bartamaha dhulkooda hooyo,” ayuu yiri Saar.

 

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay gadood ka dhacay xabsiga dhexe ee Boorama

0

Boorama (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya shaqaaqo goordhow ka dhacday gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kadib markii hakaasi laga maqlay rasaas sababtay dhimasho iyo dhaawac intaba.

Shaqaaqada ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ilaalada xabsiga iyo qaar kamid ah maxaabiista xiran oo gadood sameeyay, waxaana kadib arrintu ay isku rogtay gacan ka hadal, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Maxaabiista gadoodka sameeyay ayaa garaacay qaar kamid ah askarta, iyaga oo u gaystay dhaawacyo jireed kadibna waxaa rasaas adeegsaday ciidanka, taas oo dhalisay khasaaraha.

Ugu yaraan hal qof oo ka mid ahaa maxaabiista ayaa ku dhintay falkan, halka ay ku dhaawacmeen illaa 3 kale oo haatan lagu dabiibayo isbitalka guud ee Boorama, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah howlwadeennada isbitaalka guud ee magaalada.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo iyo maamulka degmada, isla markaana la xiriira dhimashada iyo dhaawaca ka dhacay xabsiga.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamo dheeraad ah la geeyay gudaha xabsiga, si ay uga hortagaan xiisadda ka taagan halkaasi.

Xabsiga Boorama ayaa ah mid ciriiri ah oo uu culays badan saaran yahay, taas oo kordhisay khasaaraha ka dhashay shaqaaqada maanta ka dhacday halkaasi.

Marar badan ayay Boorama ka dhaceen isku dhacyo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan ka hortaga ciidanka ammaanka Somaliland ee ku sugan magaaladaasi.

Somaliland says recognition ‘on horizon’ after US talks

HARGEISA, Somaliland — The president of the self-declared Republic of Somaliland says international recognition of his country is closer than ever, with mounting hopes that U.S. President Donald Trump could lead the way.

In an interview with The Guardian at the presidential palace in Hargeisa, President Abdirahman Mohamed Abdullahi said it is “likely” that Somaliland’s long-standing quest for recognition is finally nearing success.

“Recognition is on the horizon,” said Abdullahi, who took office five months ago. “It’s no longer a question of if, but when—and who will be the first to recognize Somaliland.”

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 following the collapse of the central government. However, no country has officially recognized its statehood. Analysts say the United States’ acknowledgment would be a game-changer, potentially altering the geopolitical balance in the Horn of Africa and sparking regional tensions.

According to Somaliland officials, high-level talks are underway with Washington. Abdullahi revealed that senior U.S. military officials, including the top officer for the Horn of Africa, have recently visited Hargeisa to assess the strategic port of Berbera. Another American delegation is expected to evaluate the site soon.

Berbera, located on the Gulf of Aden, has drawn increasing interest amid U.S. concerns over China’s growing influence in neighboring Djibouti, where Washington operates its only permanent military base in Africa, Camp Lemonnier.

A controversial Trump-era policy blueprint, Project 2025, reportedly calls for recognizing Somaliland as a strategic hedge against the U.S.’s weakening position in Djibouti.

“We are a partner in security, in counterterrorism, and in ensuring safe maritime routes for global trade,” Abdullahi said, noting that the U.S. ambassador to Somalia has visited him three times in recent months.

The Trump administration remains divided over the future of the long-standing “One Somalia” policy, which regards Somaliland as part of a unified Somali state. Recent territorial gains by al-Shabaab militants and the fragile state of Somalia’s central government have prompted some U.S. officials to consider a policy reset.

“There will come a point soon when the U.S. and other international actors will have to recalibrate their approach to Somalia,” Abdullahi said.

Officially, the US state department continues to assert that it “recognises the sovereignty and territorial integrity” of Somalia. A statement added that it was “not in discussions” with Somaliland to recognise it as a state.

Prominent international voices are also rallying behind Somaliland. Former UK Defence Secretary Gavin Williamson, a vocal supporter of the region’s independence, said U.S. officials had recently indicated that recognition is within reach.

“They’ve already started shifting away from the one Somalia policy,” Williamson told The Guardian. “I believe recognition will come before 2028—possibly within the next year.”

The United Arab Emirates, a close U.S. ally, has invested more than $442 million in Berbera’s modernization and road infrastructure linking the port to Ethiopia.

Addis Ababa, which has long sought access to the sea, reportedly agreed to recognize Somaliland in exchange for port rights—a deal that sparked a sharp backlash from Somalia and Egypt, already at odds over Ethiopia’s Nile dam project.

Despite its population of around five million, regular democratic elections, and a relatively stable government, Somaliland remains unrecognized by any UN member state. But Abdullahi insists that change is imminent.

Somaliland offers to take in Gazans forced out by Israel

HARGEISA, Somaliland — Somaliland officials say they are ready to welcome Palestinians forcibly displaced from Gaza, following reports that Israel may be planning the mass expulsion of the territory’s population amid its ongoing military campaign.

Although no official resettlement proposal has been made, President Abdirahman Mohamed Abdullahi and senior refugee officials confirmed the breakaway republic is open to offering refuge to Palestinians—emphasizing the region’s history of hosting displaced communities.

“The Palestinians are our brothers,” said Abdullahi in an interview with The Guardian . “If they choose to come of their own will, we don’t mind. But there are no formal discussions underway with the Palestinians or with any other country.”

The comment comes amid reports that Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu has proposed the complete removal of Gaza’s population, while U.S. President Donald Trump has publicly discussed relocating Palestinians to allow the reconstruction of Gaza into a commercial and tourist hub.

Aidrous Osman Hussain, deputy director of Somaliland’s refugee department, said Palestinian families have settled in the region since the early 2000s. “Palestinians have been moving here since 2004, 2005. Somaliland welcomes all refugees,” he told The Guardian.

Currently, 12 Palestinian families live in Somaliland, alongside thousands of other displaced people. Officials say they are prepared to accept more but stress that international recognition is crucial for scaling up humanitarian efforts.

“If Somaliland is recognized, we’ll have access to more international aid and partnerships,” said Hussain. “That would allow us to help even more refugees.”

Somaliland has quietly become a safe haven for nearly 23,000 refugees of various nationalities, including 2,875 who arrived last year alone. More than 300 Sudanese families have fled to the region since Sudan’s civil war began, and the local Syrian community—formed in the wake of the Syrian civil war—now numbers around 2,000.

One Syrian refugee, Hassan, who fled Damascus in 2023, described Hargeisa as a safe and welcoming place for Muslims. “What mattered to me most was security,” he said while verifying documents at a refugee processing center. “Somalilanders are Muslim. It’s safe here for our family, and the community is open. We integrate well.”

Somaliland’s stability, relative safety, and Islamic identity have made it a rare refuge in a turbulent region. However, officials say their capacity is limited without global recognition and access to international funding.

“We can do more, but we need the world to see us as a partner,” Hussain said.

Daahir Geelle oo shaaciyey sababta uu uga baxay DF ee kaliftay inuu ku biiro mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ambasador Daahir Maxamuud Geelle oo ku biiray mucaaradka dowladda ayaa caawa qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay sababta uu isaga casilay xilkii la-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Carabta iyo ku biiritaantiisa Mucaaradka.

“Aniga sideydaba xilka aan dowladda ka hayo hadii aana si madax-banaan u guda karin, aragteydeydana aysan tix-gelin laheyn waan iska wareejiyaa shaqada,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Wuxuu sheegay in khilaafka isaga iyo madaxda dowladda uu soo bilowday bishii October 2024, xiligaas oo Madaxweynaha uu ugu tegay Dhuusamareeb oo uu deganaa, kadibna uu kala taliyey qodobo markaas miiska u saaraa dowladda.

“Waxaa qodobadaas kamid ahaa in la joojiyo qorshaha lagu baabi’inayo xafiiska ra’iisul wasaaraha oo madaxweyne ku xigeen lagu bedeli rabay, waxaan xiligaas madaxeynaha kala soo hadlay in aysan munaasab ahayn in Soomaaliya ay qaadato nidaamka Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Geelle.

Sidoo kale Daahir Geelle ayaa sheegay in markii uu gudaha joogay oo dowladda uu ku dhex jiray uu madaxda la wasaagi jiray taladiisa, halka markii uu banaanka joogana uu lamid yahay muwaadiniinta kale ee markii ay doonaan warbaahinta u mariya talooyinkooda.

Sidoo kale, Daahir Geelle ayaa la weydiiyey waxa ay ka ogyihiin wararka sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ‘mucaaradka ku dhex-darsaday dad u soo uruuriya xogta iyo go’aanadooda ka dhanka ah’ xukunkiisa.

“Anagu waan isku kalsoonahay, waxaasna ma ogin, jaajuus iyo lugooyo waxaa loo dirsadaa cadowga, marka waxaas uma baahna Madaxweynuhu, anaga aragtideena banaanka ayey taalaa wax noo qarsoona ma jiraan, war-saxaafadeed aan ku cadeyneyno waxa aan diidanahay ayaan soo saari doonaa,” ayuu yiri Daahir Geele.

Daahir Geelle ayaa sheegay inay diidan yihiin wax ka bedelka aan la isla ogeyn ee dastuurka iyo doorashooyinka in loo dhigo hanaan lagu wada qanacsan yahay.

Ugu dambeyntii wuxuu cadeeyey in Farmaajo aan loo diidin madasha, balse isagu uu iskiis uga haray, “Farmaajo waa madaxweyne hore, hadana raba in dib loo doorto, dadka qaar waa la saxnaa, qaarna waa la qaldanaa, marka ma jirto cid wax u diiday waa muwaadin waa imaanayaa dalkiisa waana tartamayaa,” ayuu yiri.

 

Sawirro: Maxay Odayaasha Hawiye caawa kala hadleen Guddoomiye Muungaab?

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa kulankii ugu horeeyey la qaatay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye ayaa hogaaminayey odayaasha caawa la kulmay Muungaab.

Nabadoonada, Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka hoygiisa kusoo booqday Duqa Cusub ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu hambalyeeyay in markale loo magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Odayaasha ayaa kala hadlay guddoomiyaha shaqooyinka horyaalla oo ay ugu horeyso in Muqdisho loo sameeyo Gole Deegaan oo soo doorta Guddoomiyaha.

Ugu dambeyntii, odayaasha ayaa ugu duceeyay in uu eebe kula garab galo masuuliyadda loo igmaday, iyagoo ka balan-qaaday inay la shaqeynayaan.

Guddoomiye Muungaab ayaa markii labaad loo soo magacaabay gobolka Banaadir, wuxuuna ku soo aaday xilli aad loogu baahan yahay in wax laga bedelo hab-maamulka gobolka Banaadir.

Muungaab ayaa bedelay Guddoomiye Maxamed Amiir oo noqday guddoomiyihii ugu muddo xileedka yaraa oo xafiiska joogay lix bilood kaliya.

FIQI oo ka maadsaday mucaaradka dowladda kadib arrintii dhacday maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta si maad ah uga fal-celiyay dib u dhaca ku yimid war-murtiyeedkii la fiyay in mucaaradka uu kasoo saaro shirka maalmihii dambe uga socday magaalada Muqdisho.

Inkasta oo markii hore warbaahinta ka howl-gasha caasimadda looga yeeray hoteel Jazeera oo ah goobta uu ku shirsanaa mucaaradka, haddana lama sii dayn war-murtiyeedka shirka, iyadoo mucaaradka uu sheegay in loo baahday la tashiyo dheeraad ah, illaa habeen dambena uu soo bixi doono bayaanka.

Intaas kadib waxaa warbaahinta saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay muuqaalka Daahir Maxamuud Geelle oo telefishanada qaar u dhigeen war-murtiyeed kasoo baxay shirka, kaasi oo uusan ku jirin wax nuxur ah, marka laga imaado weerarka hoggaanka sare ee dalka iyo inuu baaqday war-murtiyeedkii la filayay.

Fiqi oo daba socda arrinta dhacday iyo in uu hoos u degay saameyntii bayaanka mucaaradka ayaa kusoo hal qabsaday sheeko faneed, taas oo u dhigneyd sidan:

Waxaa jirtay sheeko ah “in buur weyn ay bilowday inay ruxanto oo ay samayso dhawaaqyo culus iyo dildilaacyo xooggan sida in ay qarxi doonto oo kale.

Dadkii aagga ka ag-dhowaa oo dhan ayaa isku soo baxay cabsi iyo welwel awgii iyagoo wadnaha farta ku haya oo sugaya waxa ka soo bixi doona buurtaas weyn.

Qof walba wuxuu filayay in buurta dab xooggan ka soo bixi doono, ama balaayo kale oo naxdin leh, ama masiibo wayn ay banaanka iman doonto.

Laakiin kadib ruxmid, gariir badan iyo cabsi dheer, wax walba waxa ay ku soo dhammaadeen iyadoo jiir yar oo keliya foolatay.

Kenya oo ‘Jamhuuriyad’ ugu yeertay Somaliland, kuna dartay liiska rasmiga ah ee…

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyadoo “Jamhuuriyad” ugu yeertay Somaliland, oo caalamku u aqoonsan yahay maamul ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa soo saartay liiska rasmiga ah ee safaaradaha iyo deegaannada diblomaasiyadeed, waxaana liiskaas kasoo muuqatay Somaliland oo sidata magaca “Jamhuuriyadda Somaliland”.

Liiskan ayaa waxaa si siman uga soo wada muuqaanaya Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Somaliland oo sidata magaca “Jamhuuriyadda”. Dowladda Kenya ayaa sida muuqata u bareertay arrintaan, iyadoo maanta si weyn Madaxtooyadda ugu soo dhaweysay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.

William Ruto oo qaabilay Cirro ayaa waxay ka wada-hadleen iskaashiga labada dhinac iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isu-socodka diyaaradaha. Sidoo kale waxay diirada saareen xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan horumarinta xasilloonida, ka hortagga xagjirnimada, iyo taageeridda dadaallada nabad-dhisidda ee Geeska Afrika .

Si kastaba, Tallaabada ay qaaday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa imanaysa xilli ay Xukuumaddu Nairobi u ogolaatay Somaliland inay xafiiskeeda Kenya loo dalacsiiyo heer diblomaasiyadeed oo la mid ah “Mishanka Jamhuuriyadda Somaliland ee Kenya,” taas oo ka sarreysa heerkii hore ee xafiiska, kaasoo ahaa xafiis isgaadhsiineed (liaison office).

Dowladda Kenya ayaa markii hore diidday furitaanka xafiiska sabab la xiriirta darajada cusub ee loo beddelay, taasoo abuurtey dareen siyaasadeed, maadaama ay Nairobi sidoo kale xiriir wanaagsan la leedahay Muqdisho, hase yeeshee ugu dambeyntii wey ogolaatay iyadoo uu shalay xarigga ka jaray Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Illaa hadda ma jirto wax fal-celin ah oo arrintaan ay ka sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Dowladda Kenya ay kula kacday xad-gudubka. Waxaana isha lagu hayaa sida ay Muqdisho uga jawaabto arrintaan.

Xabad mise xal kale?: Shariif oo shaaciyay sida ay ku wajahayaan dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa caddeeyay mowqifka siyaasadeed ee ay mucaaradka ku wajahayaan xaaladda haatan ka taagan dalka.

Shariif ayaa sheegay in ay yihiin koox isbeddel doon ah oo aan wax dhibaato ah u geysan doonin jiritaanka dowladnimada. Wuxuu si cad u muujiyay in aanay ahayn mucaarad burbur doon ah, balse ay doonayaan isbeddel xalaal ah oo lagu gaari karo iyadoo la raacayo dastuurka dalka iyo sharciga u degsan.

Shariifka ayaa sidoo kale ka hadlay warar soo baxayay oo sheegaya in mucaaradku ay wadaan abaabul jabhado hubeysan oo lagu beegsanayo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu sheegay in eedeymahaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana lagu doonayo in lagu marin habaabiyo aragtida dadweynaha.

“Annagu xoog wax kuma beddeleyno, fikir ayaan rabnaa inaan wax ku bedelno,” ayuu yiri madaxweynihii hore. Wuxuu intaa ku daray in mucaaradku ay rabaan inay hoggaamiyaan bulsho ilbax ah oo ay horkacaan isbeddel la taaban karo oo nabadeed, iyagoo adeegsanaya dariiqa dimoqraadiyadda iyo xeerarka dalka u yaalla.

Dhanka kale, Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaliil xooggan u jeediyay habraaca doorashooyinka ee dowladda hadda jirta ay wado. Wuxuu tilmaamay in aan la joogin xilligii ku habboonaa in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, maadaama ay jiraan duruufo badan oo siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo weli taagan.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la fiiriyo waqtiga saxda ah ee lagu qaban karo doorasho qof iyo cod ah, iyo in laga fogaado tallaabooyin deg-deg ah oo keeni kara xasilooni darro.

Shariif ayaa ugu dambeyntiina muujiyay in mucaaradku aysan ahayn caqabad hor taagan dowladnimada, balse ay yihiin dad raba in ay dhisaan nidaam caddaalad ku dhisan, isagoo ugu baaqay dowladda in ay dhegaysato dareenka mucaaradka oo lagu dhiso kalsooni siyaasadeed oo horay u socod keenta.

Hadalka Shariifka ayaa kusoo beegmaya xilli habeen dambe la filayo in go’aanno muhiim ah ay kasoo baxaan shirka u socda xubnaha mucaaradka dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho, gaar ahaan hotel Jazeera.

Si kastaba, shirka mucaaradka u socda ayaa la rumeysan yahay in uu saldhig u yahay mideynta mowqifyada mucaaradka iyo ka hadalka xaaladda siyaasadeed ee dalka.

War-murtiyeedka shirka mucaaradka DF oo dib u dhac ku yimid + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd la filayay in la shaaciyo war-murtiyeedka shirkii mucaaradka dowladda federaalka Soomaaliya uga socday maalmihii dambe magaalada Muqdisho, kadib markii warbaahinta la isugu yeeray hoteel Jazeera oo uu ka socday shirka.

Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in war-murtiyeedka rasmiga ah uu soo bixi doono habeen dambe, isla markaana waqti dheeri ah lagu daray shirka u socda siyaasiyiinta mucaaradka.

“Waxaa u baahanahay in maalin kale ku darno shirka, sidaas daraadeed habeen dambe ayaa xafladii gaba-gabada aheyd, uuna soo bixi doona war-murtiyeedka,” ayuu yiri Daahir Geelle oo warbaahinta kula hadlay hoteelka uu haatan ka socdo shirka siyaasiyiinta mucaaradka.

Mucaaradka ayaa dhisay Madasha Samata-bixinta, taas oo mucaaradka uu sheegay in mugdiga looga saarayo wixii Soomaali u dhameyd oo uu god ku riday hoggaanka haatan tallada haya ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka aamin baxay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, wixii Soomaali ku dhameyd ayaa mugdi galaya, si mugdigaas looga baxo ayaana loo aas-aasay Madasha Samata-bixinta.”

Shirka mucaaradka oo ujeedkiisu ahaa in lagu falanqeeyo xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga iyo arrimaha doorashooyinka ayaa la filayaa inuu kasoo baxo war-murtiyeed xasaasi ah oo muujinaya mowqifka mucaaradka ee xaaladda taagan.

Shirkan oo uu guddoominayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka oo ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Maxamed Xuseen Rooble, iyo Saacid Shirdoon, iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo miisaan leh.

Intii uu shirku socday, madaxda mucaaradka ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Kulammadaasi waxaa ka mid ahaa kuwo lala yeeshay bahda warbaahinta iyo culumada Soomaaliyeed. Arrimahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in la helo wada-tashi guud iyo faham mideysan oo ku aaddan marxaladda uu marayo dalka.

FARMAAJO oo war kasoo saaray dhacdadii naxdinta laheyd ee…

0

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dhacdo murugo leh oo ay ku naf waayeen dhallinyaro Soomaaliyeed xilli ay ku jireen safar tahriib ah oo u dhaxeeyey dalalka Algeria iyo Spain.

In ka badan 20 qof ayaa geeriyooday kadib markii dooni siday ay halkaa ku degtay. Dhalinyaradan ayaa u safrayay si ay u gaaraan Jaziiradda Palma ee dalka Spain, iyaga oo rajeynayay nolol ka wanaagsan midda ay ka tageen.

Farmaajo ayaa ugu horreyntii tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen dhallinyarada, isagoo ugu baaqaya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada in ay si dhab ah u wajahaan sababaha tahriibka sii badinaya.

“Tacsida iyo murugada waxaan la qaybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku naf waayey badda u dhexaysa dalalka Aljeeriya iyo Isbayn,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Farmaajo ayaa si toos ah farta ugu fiiqay halista tahriibka, dhibaatooyinka ka dhasha, iyo doorka ay tahay in la qaato si looga hortago. Sidoo kale, wuxuu dhalinyarada u dardaarmay in ay u jeestaan wax-soo-saarka dalkooda halkii ay noloshooda halis gelin lahaayeen, isaga oo waalidiintana ku dhiirrigeliyay in ay door firfircoon ka qaataan ka hortagga masiibadan.

“Waxaan dowladda usoo jeedinayaa in ay tallaabooyin muuqda ka qaaddo qulqulka tahriibka oo ah masiibo qaran, lana xoojiyo wacyi gelinta dhallinyarada, iyadoo laga hortagayo shabakadaha iyo shakhsiyaadka ka ganacsanaya dhibaatadan,” ayuu yiri Farmaajo.

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo oo dhameystiran:

Tacsida iyo murugada waxaan la qaybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku naf waayey badda u dhexaysa dalalka Aljeeriya iyo Isbayn.

Dhacdadan xanuunka badan waxa ay muujinaysaa halista dhabta ah ee uu leeyahay tahriibka galaaftay nafta iyo mustaqbalka da’yarteennii hantida u ahaa mustaqbalka dalka, lagana sugayey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samatabixin lahayeen dowladnimada, dadka iyo dalka.

Hoggaanka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxaan ugu baaqaya in ay xoogga saaraan barnaamijyada dhiirri-gelinta iyo awood-siinta dhallinyarada, lagana taxadaro tallaabooyinka dhaawacaya niyadda dhallinyarada oo ay ugu horreeyaan musuqmaasuqa, eexda, amni darrada iyo hubinti la’aanta siyaasadeed.

Dhallinyarada waxaan ku adkaynayaa in aysan naftooda tahluuko ku gelin safarro halis ah oo badankood ku dhammaanaya geeri iyo uur-kutaallo, ayna u jeestaan difaaca dadkooda iyo wax-soosaarka dalkooda.

Waalidka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynayaa inay da’yarta oo ah tacabkoodii iyo mustaqbalkii waddaanka ka xakameeyaan tahriibka noloshooda galaafan kara.

Ugu dambayn waxaan dowladda usoo jeedinayaa in ay tallaabooyin muuqda ka qaaddo qulqulka tahriibka oo ah masiibo qaran, lana xoojiyo wacyi gelinta dhallinyarada, iyadoo laga hortagayo shabakadaha iyo shakhsiyaadka ka ganacsanaya dhibaatadan. (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dhacdo murugo leh oo ay ku naf waayeen dhallinyaro Soomaaliyeed xilli ay ku jireen safar tahriib ah oo u dhaxeeyey dalalka Algeria iyo Spain.

In ka badan 20 qof ayaa geeriyooday kadib markii dooni siday ay halkaa ku degtay. Dhalinyaradan ayaa u safrayay si ay u gaaraan Jaziiradda Palma ee dalka Spain, iyaga oo rajeynayay nolol ka wanaagsan midda ay ka tageen.

Farmaajo ayaa ugu horreyntii tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen dhallinyarada, isagoo ugu baaqaya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada in ay si dhab ah u wajahaan sababaha tahriibka sii badinaya.

“Tacsida iyo murugada waxaan la qaybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku naf waayey badda u dhexaysa dalalka Aljeeriya iyo Isbayn,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Farmaajo ayaa si toos ah farta ugu fiiqay halista tahriibka, dhibaatooyinka ka dhasha, iyo doorka ay tahay in la qaato si looga hortago. Sidoo kale, wuxuu dhalinyarada u dardaarmay in ay u jeestaan wax-soo-saarka dalkooda halkii ay noloshooda halis gelin lahaayeen, isaga oo waalidiintana ku dhiirrigeliyay in ay door firfircoon ka qaataan ka hortagga masiibadan.

“Waxaan dowladda usoo jeedinayaa in ay tallaabooyin muuqda ka qaaddo qulqulka tahriibka oo ah masiibo qaran, lana xoojiyo wacyi gelinta dhallinyarada, iyadoo laga hortagayo shabakadaha iyo shakhsiyaadka ka ganacsanaya dhibaatadan,” ayuu yiri Farmaajo.

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo oo dhameystiran:

Tacsida iyo murugada waxaan la qaybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku naf waayey badda u dhexaysa dalalka Aljeeriya iyo Isbayn.

Dhacdadan xanuunka badan waxa ay muujinaysaa halista dhabta ah ee uu leeyahay tahriibka galaaftay nafta iyo mustaqbalka da’yarteennii hantida u ahaa mustaqbalka dalka, lagana sugayey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samatabixin lahayeen dowladnimada, dadka iyo dalka.

Hoggaanka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxaan ugu baaqaya in ay xoogga saaraan barnaamijyada dhiirri-gelinta iyo awood-siinta dhallinyarada, lagana taxadaro tallaabooyinka dhaawacaya niyadda dhallinyarada oo ay ugu horreeyaan musuqmaasuqa, eexda, amni darrada iyo hubinti la’aanta siyaasadeed.

Dhallinyarada waxaan ku adkaynayaa in aysan naftooda tahluuko ku gelin safarro halis ah oo badankood ku dhammaanaya geeri iyo uur-kutaallo, ayna u jeestaan difaaca dadkooda iyo wax-soosaarka dalkooda.

Waalidka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynayaa inay da’yarta oo ah tacabkoodii iyo mustaqbalkii waddaanka ka xakameeyaan tahriibka noloshooda galaafan kara.

Ugu dambayn waxaan dowladda usoo jeedinayaa in ay tallaabooyin muuqda ka qaaddo qulqulka tahriibka oo ah masiibo qaran, lana xoojiyo wacyi gelinta dhallinyarada, iyadoo laga hortagayo shabakadaha iyo shakhsiyaadka ka ganacsanaya dhibaatadan.

Guddiga doorashada oo shaaciyay doorashada kuraastii Khadiija Diiriye iyo Seeseey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta oo Jimco ah si rasmi ah u shaaciyay in maalinta Sabtida ah la qaban doono doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee tirsigoodu yahay #HOP097 iyo #HOP098, kuwaas oo haatan banaan.

Kuraastan ayaa bannaanaday kaddib markii ay geeriyoodeen Allaha u naxariistee Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Jimcaale (Seeseey), kuwaas oo horey ugu fadhiyay.

Guddiga Doorashada ayaa sheegay in Suldaanka guud ee beesha Yaxar, Suldaan Axmed Maxamuud Cosoble, uu guddiga u gudbiyay liiska ergada dooran doonta labada kursi.

Ergadan ayaa noqon doonta midda xaqa u leh inay u codeeyaan musharrixiinta u tartamaya kuraasta #HOP097 iyo #HOP098, iyadoo lagu saleeyay nidaamka doorashada ee heer federaal.

Si ay doorashadu u dhacdo si waafaqsan sharciga iyo jadwalka, Guddiga Doorashooyinka ayaa shaaciyay liiska musharrixiinta rasmiga ah ee is-diiwaangeliyay, kuwaas oo buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Musharaxiintan oo tiradoodu tahay afar, ayaa waxay kala yihiin: Cabdikarim Maxamed Diriye (#HOP097), Abdulqadir Maxamuud Maxamed (#HOP098), Maxamed Maxamuud Geeddi (#HOP097), iyo Axmed Aadan Muxyadiin (#HOP098).

Musharrixiintaas ayaa maanta lagu guddoonsiiyay shahaadooyinkii musharraxnimo magaalada Jowhar, taasoo u suurta-galineysa inay si rasmi ah ugu tartamaan kuraasta bannaan. Shahaadooyinka ayaa ah caddeyn buuxda oo muujinaysa in musharrax kasta uu yahay mid sharciyan xaq u leh ka qeyb-galka doorashada.

Labada kursi ee doorashadoodu dhaceyso berri, ayaa bannaanaday kaddib geeridii labada xildhibaan ee horey u matalayay. Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ku geeriyootay dalka Jabuuti bishii December 2023, halka Xildhibaan Seeseey uu geeriyooday bishii March ee isla sanadkaas.

Tan iyo xilligaas, kuraastaasi waxay ahaayeen kuwo bannaan, iyadoo Golaha Shacabkuna dhowaan ku dhawaaqay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo buuxiyo.

Si kastaba, Doorashadan ayaa la filayaa in ay dardar cusub geliso howlaha Golaha Shacabka, iyadoo la rajeynayo in kuraastan si hufan oo nabad ah loo buuxiyo. Guddiga Doorashooyinka ayaa muujiyay diyaar garow buuxa, waxaana la filayaa in doorashada maalinta Sabtida ah ay ku dhacdo jawi nabdoon.

Faah-faahinta tahriibayaal Soomaali ah oo ku naf waayay badda Mediterranean-ka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musiibo kale ayaa ka dhacday badda Mediterranean-ka, kadib markii dooni siday dhalinyarro Soomaaliyeed ay halkaa ku degtay, taasoo sababtay geerida in ka badan 20 qof.

Dhalinyaradan ayaa u safrayay si ay u gaaraan Jaziiradda Palma ee dalka Spain, iyaga oo rajeynayay nolol ka wanaagsan midda ay ka tageen.

Doonta ayaa la sheegay inay la kulantay xaalad adag, waxaana la rumeysan yahay in rakaabka ay u dhinteen haraad, nafaqo-darro, iyo qabow daran. Waxaa la tuhunsan yahay in ay ku wareereen badweynta, maadaama doontu luntay maalmo badan, taasoo keentay in xaaladoodu si xawli ah u xumaato.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in muhaajiriintaasi ka ambabaxeen xeebaha Waqooyiga Afrika, iyaga oo rajo ka qabay in ay Yurub ka helaan nolol ka wanaagsan, shaqooyin, iyo fursado horumarineed. Balse safarkoodii riyada watay ayaa isu beddelay masiibo iyo naftooda ku waayan.

Waxaa la xaqiijiyay in kaliya laba qof ay ka badbaadeen safarkaasi naxdinta leh. Ilaalada badda ee Spain ayaa sheegay in labadaasi dhallinyaro ah hadda la keenay xarun caafimaad oo ku taal Jaziiradda Palma, halkaas oo ay ka helayaan daryeel caafimaad oo deg-deg ah.

Booliska dalka Spain ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo cidda dhimatay, halka laga keenay doonta, iyo duruufihii keenay masiibada. Qoysas badan ayaa weli sugaya xog rasmi ah oo la xiriirta eheladooda.

Badda Mediterranean-ka ayaa sii ahaaneysa marin halis badan oo ay tahriibayaal badan isticmaalaan, iyaga oo doonaya in ay gaaraan qaaradda Yurub. Qof walba oo safar halis ah gelaya waxa uu xambaarsan yahay rajo nololeed, balse mararka qaar rajooyinkaas waxa ay ku dhammaadaan geeri iyo go’doon.

Musiibadan waxay mar kale iftiiminaysaa baahida loo qabo xal waara oo ku saabsan tahriibka dhalinyarada, si looga hortago in noloshooda khatarta gelinayaan iyaga oo raadinaya nolol ka wanaagsan tan dalka. Dowladda, bulshada caalamka, iyo hay’adaha samafalka ayaa loo baahan yahay inay si wadajir ah u wajahaan arrinkan.

William Ruto iyo Cirro oo kulmay iyo xogta qodobada laga wada-hadlay + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Kenya, Dr. William Ruto.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada-hadlay arrimo badan oo muhiim u ah labada dhinac, arrimahaasi oo qaarkood ay shaacisay Madaxtooyadda Somaliland.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay iskaashiga labada dhinac iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isu-socodka diyaaradaha.

Sidoo kale waxay diirada saareen xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan horumarinta xasilloonida, ka hortagga xagjirnimada, iyo taageeridda dadaallada nabad-dhisidda ee Geeska Afrika .

Intii uu socday kulanka labada madaxweyne waxaa kale oo looga hadlay iskaashiga waxbarashada, is-weydaarsiga tacliinta, awood-dhisidda hay’adaha dawliga ah iyo kobcinta tababarka xirfadaha farsamada gacanta ee dhalinyarada.

“Kulankaasi waxa uu ahaa mid ay labada hoggaamiye hoosta ka xarriiqeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Kenya,” ayaa lagu yiri bayaan ay Madaxtooyadda Somaliland kasoo saartay kulanka.

Kulanka madaxweynayaasha Somaliland iyo Kenya ayaa ku qotoma sida ay Madaxtooyadda sheegtay “taariikh fac weyn, is-ixtiraam, dano wadaag, iyo aragti midaysan oo ku wajahan horumarka iyo barwaaqada mandaqada.”

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka mucaaradka DF uga socda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu waddaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka muhiimka ah ee u socda siyaasiyiinta mucaaradka ah, kaasi oo furmay maalintii Arbacada.

Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu falanqeeyo xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga iyo arrimaha doorashooyinka, oo ah qodob muhiim ah oo mucaaradka iyo dowladda federaalka isku hayaan. Waxaa shirkan lagu tilmaamay mid xasaasi ah oo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Shirkan waxaa guddoominaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed. Waxaa sidoo kale qeyb ka ah ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka oo ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Maxamed Xuseen Rooble, iyo Saacid Shirdoon, iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo miisaan leh.

Kasoo qeyb-galka hogaamiyeyaashan waaweyn ayaa muujinaya sida uu shirkan muhiim ugu yahay mucaaradka iyo guud ahaan geeddi-socodka siyaasadda dalka.

Intii uu shirku socday, madaxda mucaaradka ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Kulammadaasi waxaa ka mid ahaa kuwo lala yeeshay bahda warbaahinta iyo culumada Soomaaliyeed. Arrimahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in la helo wada-tashi guud iyo faham mideysan oo ku aaddan marxaladda uu marayo dalka.

Shirkan ayaa lagu faah-faahiyay dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka iyo sidii xal mideysan looga gaari lahaa.

Waxaa sidoo kale lagu lafa guray doorka ay mucaaradku ku yeelan karaan dib-u-habeynta amniga iyo qaabeynta doorashooyinka la filayo. Waxaana la isla gartay in loo baahan yahay is-afgarad iyo midnimo siyaasadeed si loo wajaho caqabadaha horyaalla dalka.

Maanta ayaa la filayaa in si rasmi ah loo soo xiro shirkan. Waxaa la sugayaa in laga soo saaro war-murtiyeed rasmi ah oo ay ku cad yihiin go’aamada laga gaaray arrimaha laga hadlay.

Go’aamadan ayaa la rajeynayaa inay noqdaan kuwo dhaxal-gal ah, isla markaana muujinaya aragti mideysan oo ka imaaneysa dhinaca mucaaradka.