29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

BK oo shaaciyay inuu dib ugu soo laabtay FANKA iyo laba hees oo uu ku taageerayo…

Hargeysa (Caasimada Online) – Hobalka caanka ah ee reer Hargeysa Maxamed Saciid Bk ayaa maanta shaaciyay inuu dib ugu soo laabtay fanka oo uu horay uga baxay.

Bk ayaa maanta ayaa ku caddeeyay kusoo laabashadiisa fanka, kadib 5 sano oo uu maqnaa masraxyada heesaha, wuxuuna farriin la wadaagay taageerayaashiisa.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu dhowaan baahin doono labadiisa hees uu ugu horreeyo, kadib kusoo laabashadiisa fanka, sida maanta u sheegay warbaahinta Hargeysa.

“Shan sano kadib diyaar baan ahay. Dhowaan waxaan soo baahin doonaa labadii heesood ee ugu horreeyay, kadib soo laabashadeyda fanka” ayuu yiri Maxamed Saciid.

Labada hees waxa uu tilmaamay inuu kaga hadlayo waxqabadka xukuumadda uu gar wadeenka ka yahay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullahi Cirro.

Sidoo kale heesaha uu soo saari doono waxaa laxanka saaray isla BK, halka uu tumay Axmed Weli Furinle, labada heesood waxa kala sameeyey Abwaan Daaha Gaas iyo Abwaan Dacar.

Maxamed Siciid BK oo ka mid ahaa raggii ugu magaca dheeraa kooxdii Xiddigaha Geeska ee ka hana qaaday Somaliland ayaa markale ka soo muuqan doono fagaareyaasha fanka, waxaanauu horay uu ahaa fannaan ay dadku si weyn u jecel yihiin heesihiisa.

Soo laabashada fanka ee Maxamed Bk ayaa waxaa ka dhalatay hadal-heyn xooggan, waxaana soo dhaweeyay taageerayaashiisa, halka dadka qaarna ay dhaliileen.

Najmo Xirsi Ismaaciil: “Shaqo aan Bk ahaynba ma jiro maanta miyaa? soo dhawoow fanaan”.

Maxamed Xuseen: “Soo dhawaw fanaan sare ee heestii sahuur dib usoo qaad”.

Yaasmiin Nuux Jaamac: “Nin shaydaan ka xoog batay uma xumid, wll Maxamed Saciid Bk”.

Saciid Cabdullaahi Cabdi: “Bk waxba maaahe waxaanu sugnaaaba waa Cawaale Aadan”.

Maxamed Nader Caydiid: “Markii horeba odeyga si dhab ah muuna uga bixin fanka”.

Daawo: Khasaaraha weerarkii hoobiye ee Muqdisho iyo qoys ku waayey dhowr qof

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isaa soo taraya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo saaka ku soo dhacay xaafada ka tirsan magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab iyo Waabari ee gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan laba qof, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo dhammaantood shacab ah.

Mid kamid ah hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay xaafadda Unicef ee degmada Xamarjajab, waxaana waxyeello xooggan ay kasoo gaartay qoys degan halkaasi.

Laba kamid ah carrruurta qoyska oo danyar ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday hoobiyaha, kadib markii uu kusoo dhacay gurigooda.

Hooyada qoyska oo la hadashay Telefishinka Universal ayaa sheegtay in gabar yar ay uga dhimatay, wiilna uu uga dhaawacmay hoobiyeyaashii saaka lasoo tuuray.

“Saaka labada canug dugsi ayaa u dirsaday, kadib hoobiye ayaa kusoo dhacay hal gabar ayaa iga dhimatay, wiilkana isbitaalka ayuu jiraa” ayay tiri hooyada dhashay carruurta.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Gabadha 12 jir ayay ahayd, wiilka dhaawaca ahna 13 jir waayay, waxaan dareemayaa xanuun saa’di ah”.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka dowladda federaalka oo ku aadan weerarka hoobiyeyaasha ah ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dhowaan ayay ahayd markii sidaan oo kale tiro hoobiyeyaal ah loogu garaacay nawaaxiga Madaxtooyada, iyada oo mid kamid a uu ku dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka, waxaana ku dhaawacmay qof kamid ah howldeennada Tiyaatarka.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Weerarkaasi waxaa kasii horreeyay mid kale oo isna lagu qaaday garoonka Aadan Cadde oo madaafiic lagu garaacay, xilli uu kasoo degagay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo booqasho hal maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho, kadibna dib uga laabtay.

Waxaa kale oo xigay weerar kale oo hoobiyeyaal ah oo Al-Shabaab ay ku garaaceen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo isna gaystay khasaare kala duwan.

Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo xilli haatan dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Khawaarijta, isla markaana la’isku hayo furimaha hore ee dagaalka.

Kooxda ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga soo saartay Shabeelooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo dhinaca waddada aada degmada Balcad.

Discover Uzbekistan: A Historical and cultural gem of the Muslim world

On February 5, 2025, Uzbekistan and Somalia established diplomatic relations, marking the beginning of bilateral ties between the two nations. Both parties affirmed their commitment to enhancing cooperation within international organizations, including the United Nations and its specialized agencies. They also agreed to activate bilateral relations to identify mutually beneficial areas of cooperation in political, trade, economic, and cultural-humanitarian sectors. This article aims to introduce Uzbekistan to Somalians with the aim of further development in our bilateral relations.

Uzbekistan is a Turkic nation located in Central Asia bordering Kazakhstan, Kyrgyzstan, Tajikistan, Turkmenistan, and Afghanistan. It is also one of the two double-landlocked countries in the world. In other words, Uzbekistan is surrounded by landlocked countries. If we break down the country’s name, “stan” means land. Therefore, Uzbekistan translates to “the land of Uzbeks.” Uzbekistan houses 37 million people, and Uzbek is the official language of the country. The Uzbek language belongs to Turkic linguistic family and is quite similar to other Turkic languages, including Uyghur, Azerbaijani, and Turkish. Although Uzbekistan got independence after the dissolution of the Soviet Union in 1991, the country has over a 3000-year history of statehood. Islam is the main religion in Uzbekistan. Furthermore, the culture, architecture and history of the country was shaped with Islamic influence, which makes it similar to Somalia.

It is also important to highlight historical figures born in modern-day Uzbekistan, who contributed to the development of the world we live in today. Uzbekistan has a rich history of contributing to the world’s progress. One of the most famous and influential historical figures from Uzbekistan is Imam al-Bukhari. Imam al-Bukhari was born in the city of Bukhara, which is one of the most-visited cities in Uzbekistan today. He is the author of “Sahih al-Bukhari”, a collection of hadiths of Prophet Muhammad pbuh. This book is considered the second holiest and influential book in Islam by millions of Muslims around the world. It is also considered a very reliable source for those learning about the Prophet pbuh’s teachings. Bukhari had a strict process for recording hadiths. He performed ghusl (ritual purification) and prayed two rakats of salah before writing down each hadith. By the time he wrote Sahih al-Bukhari, he had memorized over 600,000 hadiths. From these, he selected 4,000 authentic hadiths for his book.

Another famous historical figure from the land of Uzbekistan is Muhammad Al-Khwarizmi, a famous mathematician, born in ancient Khorezm. Al-Khwarizmi invented algebra, a fundamental math concept that is taught all over the world today, with the name “algebra” originating from the name of his book “al-jabr” (al jabr w’al muqabala). He also invented algorithms, which would later lead to the invention of the computer and other modern technologies. Similarly, Ibn Sina also contributed to the development of scientific fields including the field of medicine. Ibn Sina, known as Avicenna, wrote “The Canon of Medicine,” a book that became a standard medical text in both the East and West for over a thousand years. Furthermore, he was one of the first to provide the correct explanation of pulsation. Al-Biruni is another important scientist born in Beruni, Uzbekistan. Biruni used trigonometry to calculate the radius of the Earth using measurements of the height of a hill and measurement of the dip in the horizon from the top of that hill. His calculated radius for the Earth is 6,340 kilometers. This was two percent higher than the actual mean radius of 6,371 km but was an achievement that bested many other contributions to science at the time. The list goes on as there are many other Uzbeks that contributed to the development of the world as we see it today.

Recent years, Uzbekistan has been developing as a key player in the region, deepening its relations with other countries. Furthermore, the country is becoming a top travel destination with its Silk Road heritage and fascinating Islamic architecture. Although Uzbekistan and Somalia established ties recently, both nations are historically and culturally connected which makes it easier for future cooperation.

Adkhamjon Janobiddinov is an Economics student from Uzbekistan and an independent researcher.  

Daawo: Mooshin la geeyay BF oo buuq xooggan dhaliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq xooggan iyo sawaxan ayaa hareeyay kulan xasaasi ah oo maanta Muqdisho ay ku yeesheen xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliya, kaas oo guddoomiyay afhayeenka baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe.

Kulankan oo ah kii koowaad kadib fasax dheer oo ay galeen xildhibaannada ayaa ku bilowday fowdo, waxaana soo istaagay tiro xildhibaanno oo buuq ka sameeyay hoolka.

Xildhibaannadan oo u badnaa kuwa mucaaradka iyo guddoonka sare ayaa isku qabtay moohin ay wadeen, si loo horgeeyo golaha, kaas oo ku aadanaa maamuus ka xayuubintii Xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib, taas oo dhalisay is faham-waa xooggan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in mooshinka uu yahay sharci darro, isaga oo diiday inuu qabto.

“Mooshin marka la qabanaayo waa inuu waafaqsanaadaa dastuurka iyo xeer hoosaadka waa ka hor imaanayaa, weliba si cad saa daraadeed lama qaban karo” ayuu yiri Guudoomiye Aadan Madoobe

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Haddaan qabto dambiile ayaa noqonayaa, mana qabanaayo ee buuqa joojiya xildhibaannno”.

Intaas kadib xildhibaannada waday mooshinka AYAA la wareegay goobta laga hagayay baarlamaanka, si uu meel mariyaaN doodoodan Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo jahwareer ka taagan xarunta Villa Hargeysa.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa haatan horyaallo shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashooyinka, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.

Villa Soomaaliya oo garab wayn ka heleysa guddoonka sare ee labada gole ayaa dhankeeda wadda olole xooggan oo ku aadan hirgelinta qorshaheeda doorasho qof iyo cod ah oo haatan ay u qaaday tallaabadii u horreysay, maadaama la bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Si kastaba ha ahaatee, Siyaasiyiinta mucaaradka oo ku jiraan madaxdii hore ee dalka iyo maamullada kasoo horjeedo dowladda, sida Jubbaland iyo Puntland ayaa si weyn u diidan qorshaha socda ee ku aadan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka.

Xog: Xubno Al-Shabaab ah oo ku dhamaaday qarax ay diyaarinayeen oo ka dhacay…

0

Cadale (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa laga helayaa qarax culus oo xalay ka dhacay deegaanka Bursha Sheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay xubno koxoda Al-Shabaab oo qaraxa ku diyaarinayay halkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa sida wararku sheegayaan, waxyeello xooggan kasoo gaartay maleeshiyada Al-Shabaab ee diyaarineysay, waxaana halkaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday xubnihii howshaas ku jiray.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa jugtiisa si weyn looga maqlay tuulooyinka u dhow Bursha Sheekh, iyadoo tiro kamid ah maleeshiyada ay goobta ku dhinteen, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Al-Shabaab ay qaraxaasi doonayeen inay ku aasaan waddooyinka deegaanka, si ay ugu beegsadaan ciidamada isticmaala halkaasi.

Bursha Sheekh ayaa kamid ah meelihii ugu dambeeyay ee ay soo galeen maleeshiyaadka argagixisada ah, waxaana hadda halkaasi isku horfadhiya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Ma jiro illaa hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan qaraxa khasaaraha culus kasoo gaaray dagaalyahannadooda ee ka dhacay halkaasi.

Dhowaan ayay ahayd markii qarax ka dhacay aagga deegaanka Masaajid Cali Gaduud ay waxyeelo kasoo gaartay xaasas iyo carruur ay dhaleen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa haatan ku jiro xaalad adag kadib markii ay kooxda Al-Shabaab culeys kusoo kordhisay, iyadoo hadda halkaasi ay ka socdaan howlgallo wadajir ah oo ay fulinayaan ciidamada dowladda Federaalka, maamulka HirShabelle iyo dadka deegaanka, iyadoo hawada ay taageero ka siinayaan diyaaradaha saaxiibbada caalamiga ah.

Marar badan ayay sidan oo kale maleeshiyaadka Al-Shabaab khasaaro ugu soo gaareen qaraxyo ay diyaarinayeen, waxaana dhacdado kale ay horay uga dhacday deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab kadib markii gurigii ay qaraxa ku diyaarinayeen uu qarxay.

“Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa ku geeriyooday qarax ay sameynayeen xilli ay ku sugnaayeen guri ku yaalla deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan,” ayaa lagu yiri qoraal ay horay u baahisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jira qaraxyo kale oo ay ciidamadu ka hortageen, iyadoo dhowaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay burburiyeen baabuur ay qaraxyo kasoo buuxiyeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Xogta hoobiyeyaal ku soo dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saaka kusoo dhacay xaafado ka tirsan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kuwaas oo gaystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Hoobiyeyaasha oo lasoo tuuray aroortii hore ee saaka ayaa ku kala dhacay xaafado kamid ah degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab iyo Waabari ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen guryo ay dagan yihiin dad shacab ah, kuwa kale ay ku hoobteen goobo banaan ah.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray dad shacab ah kadib markii ay madaafiicda ugu tageen xaafadahooda, dhimashada ayaa lagu sheegay hal qof, dhaawacana mid kale, oo dad shacab ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka dowladda federaalka oo ku aadan weerarka hoobiyeyaasha ah ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dhowaan ayay ahayd markii sidaan oo kale tiro hoobiyeyaal ah loogu garaacay nawaaxiga Madaxtooyada, iyada oo mid kamid a uu ku dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka, waxaana ku dhaawacmay qof kamid ah howldeennada Tiyaatarka.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Weerarkaasi waxaa kasii horreeyay mid kale oo isna lagu qaaday garoonka Aadan Cadde oo madaafiic lagu garaacay, xilli uu kasoo degagay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo booqasho hal maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho, kadibna dib uga laabtay.

Waxaa kale oo xigay weerar kale oo hoobiyeyaal ah oo Al-Shabaab ay ku garaaceen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo isna gaystay khasaare kala duwan.

Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo xilli haatan dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Khawaarijta, isla markaana la’isku hayo furimaha hore ee dagaalka.

Kooxda ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga soo saartay Shabeelooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo dhinaca waddada aada degmada Balcad.

Sababta ay mucaaradka iyo madax goboleedyada uga dhuunteen hambalyada SSC

Socdaalkii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu ku tagay Magaalada Laascaanood toddobaadkii hore ayaa ahaa dhacdada ugu waynayd ee bilahan soo martay siyaasadda dalka.

Sababta ayaa ahayd laba arrin oo is-barkanaa. Tan koowaad, waa in safarku ahaa mid taariikhi ah maadaama tegista Xamse ee Laascaanood ay kaligeed ahayd cinwaan wayn oo dhigaal gooni ah. Tan labaad ayaa ahayd mirihii ka dhashay safarka oo ahaa aqoonsiga SSC-Khaatumo, inay si nabad ah u martigelisay Xukuumaddii dalka iyo inay soo bandhigtay Laascaanood dooddeeda qaran ee ku saabsan inay talada dalka wax ku yeelato ayaa ahayd wax aan laga tagi karin oo safarkani gaar u ahaa.

SSC-Khaatumo, hoggaankeeda iyo shacabkeeduba, waxay hanteen aqoonsigii koowaad oo uu maamulku ka helo Dowladda Federaalka taas oo horseed u noqonaysa inay yeelato xuquuq la mid ah kuwa Dowlad Goboleedyada kale ee dalka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si wayn u soo dhaweeyay aqoonsiga Khaatumo, waxaana faaftay hambalyada loo dirayo Laascaanood iyo maamulkeeda.

Inkasta oo ay Somaliland ka hortimid socdaalka Ra’iisul Wasaaraha, taasina ay ahayd wax la filan karay marka la eego sheekada gaarka ah ee dhextaalla Hargaysa iyo Laascaanood, haddana waxaa is waydiin mudan ah, maxay saamilayda siyaasadda Soomaalidu ay uga aamuseen Khaatumo? Maxayse Dowlad Goboleedyadu hambalyada ugu diri waayeen SSC-Khaatumo?

Shanqar la’aanta musharaxiinta madaxweyne

Saamilayda siyaasadda ama kooxaha xilalka sare kasoo qabtay Jamhuuriyadda Soomaaliya ama danaynaya inay haatan qabtaan, inta badan waxaa olole siyaasi u ah midnimo iyo wadajir. Waxay hadalkooda ku bilaabaan qarannimo, hase ahaatee ka aamusidda aqoonsiga Khaatumo, wuxuu bannaanka keenay inaanu jirin mabda’ midnimo, dhammaantood ayaana ka dhuuntay hambalyada Khaatumo.

Khaatumo in la aqoonsado waxaa diidan oo bannaanka u taagan Somaliland oo xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka ku leh 57 xubnood. Khaatumo waxay labada aqal ku leedahay sideed xildhibaan iyo labo senator. Labada tiro xisaab ahaan waa ay kala badan yihiin, marka siyaasadda la joogana siyaasiga xil-doonka ahi wuxuu eegaa waxa badan.

Khaatumo hadda waxay haystaa aqoonsi xukuumaddeed, waxayna u taagantahay sida ay qabto midnimada, waxayna gacanteeda ku haystaa 10 xildhibaan, waxaana muuqanaysa xaalkii lagu sifeeyay libaax nin ganay iyo nin galladay og.

Si kale haddii loo dhigo, arrinta doorashadu waa farac, midnimada dalkuna waa asal iyo qaddiyad qaran. Haddaba, waxyaabaha is waydiinta mudan ayaa ah, siyaasiga Soomaaliga ah ma faraca ayuu ka doorbidayaa asalka? Kii ay tahayba, jawaabta murashaxiinta ee amuuska ah ayaa sheegaysa, waana inaysan siyaasiyiinta Soomaalidu aysan Khaatumo ugu aamusin ujeed guud oo ay ka midaysan yihiin ee waa in waxa ay ku waayi karaan ka badan yahay waxa ay ku heli karaan, marka la joogo siyaasadda iyo codaynta sanaadiiqda doorashada.

Saddex Ra’iisul Wasaare oo hore—Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Cumar Cabdirashiid C. Sharmarke, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)—iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa noqday kuwa keliya ee hambalyo furan u dirtay Khaatumo, waa si ka duwan dhammaan ragga safkooda ah iyo siyaasiyiinta kusoo xigta ee aan soo qaban labada xil ee sare.

Dhanka kale, Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Cali Khayre, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka wada aamusay waxyaabaha usoo kordhay reer Khaatumo.

Maxay dowlad goboleedyadu uga aamuseen?

Aamuska Dowlad Goboleedyadu waa mid la fahmi karo, waana mid ku dhisan saamiga guud ee ku tartanka beelaha Soomaaliyeed ee hannaanka xukunka dalka. Hirshabeelle iyo Galmudug waxay doonayaan inay hambalyada ku beddeshaan sidii wax uga goyn lahaayeen maqaamka Gobolka Benaadir.

Jubaland iyo Puntland oo la filayey inay si wayn usoo dhaweeyaan Khaatumo, aamuskooda waxaa lagu fasiray inay tahay inay libta u diidayaan Ra’iisul Wasaare Xamza oo ku saami qeybsiga ah. Hase ahaatee, ma noqon doonto marmarsiiyo si fudud looga liqi karo Laascaanood. Puntland oo aan weli si cad uga tanaasulin in dhulka SSC-Khaatumo ka tirsan yahay ayaa dad badani qabaan inay Jubaland uga indha-daboolatay hambalyada Khaatumo.

Inkasta oo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, uu mar ku dooday inuu Shirkii Madasha uga baxay Khaatumo darteed, haddana maqnaanta hambalyadiisa ayaa ka dhigan inay siyaasad ka ahayd.

Isha: SomaliStream

Daawo: Sheekh Qorane oo sheegay in Muqdisho ay ka wada-taliyaan labo dowlad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdiqani Qorane oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa caawa sheegay inuu yahay musharax madaxweyne isagoo ku dhawaaqay urur siyaasadeed cusub, sidoo kale wuxuu duray amniga Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay hadal-heyn xoog leh abuuray.

Qorane ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay khatar badan dalka ku heyso, isagoo farta ku goday amniga Muqdisho, “Xamar amni kama jiro, dhagaxaan ayaa meel kasta ku go’an, cid ka qaadi kartana ma jirto oo Shabaab ayaa qarax soo gelinaya,” ayuu yiri.

Cabdiqani Qorane ayaa si caro leh u yiri “Muqdisho labo dowladood kama wadatali karaan.”

Sidoo kale, Qorane ayaa sheegay in dalkaan ay ka jirto amni darro heerkeedu gaaray in qarax lagu weeraro Madaxweyne Xasan Sheekh oo jidka maraya.

“Gob ma tihid inta madaxda qaranka la beegsanayo, tobanaan sano ayey Muqdisho dhagaxaan ku kala xiran tahay, ma jirto cid u dhaqaaqday, Muqdisho labo dowladood kama tali karaan gobanimana maaha, gobanimadaan u soconaa inaan soo xaqiijino,” ayuu yiri Suldaan Cabdiqani Qorane.

Siyaasiyiin badan ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu weeraray inay wax ka sheegeen amniga Muqdisho iyo dagaalka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyey inay cadowga la safteen.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa kamid ah siyaasiyiinta sheegay in amniga Muqdisho uu khatar ku jiro ee weerarka afka ah kala kulmay qaar kamid ah masuuliyiinta dowladda oo Wasiir Fiqi iyo Guddoomiye Yabooh ay ugu horeeyaan, kuwaas oo difaacay, meeshana ka saaray amni darrada Muqdisho laga muujiyey.

Caawa waxaa isha lagu hayaa jawaabta la siin doono Cabdiqani Qorane oo ka yimid Puntland, kuna soo caan baxay dagaalka Khawaarijta, Qorane ayaa hadda sheegay inuu yahay musharax Madaxweyne sanadka 2026-ka.

Hoos ka daawo

Somaliland oo Xamza ku eedeysay arrin xasaasi ah oo dhacday kadib booqashadiisa

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku lug lahayd dagaalkii Khamiistii dhex maray ciidamadeeda iyo maamulka SSC-Khaatumo ee ka dhacay deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag.

Bayaan ay Jimcihii soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayay ku sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo dhawaan booqday magaalada Laascaanood, uu door ku lahaa abaabulka rabshadaha, iyadoo lagu eedeeyay inuu doonayay inuu xasilooni darro ka abuuro Somaliland.

“Ficilladan waxay halis weyn ku yihiin xasilloonida gobolka, waxayna baal marsan yihiin mabaa’diida madax-bannaanida iyo wada noolaanshaha nabadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Inkasta oo Somaliland ay weligeed ahayd tiir nabadeed iyo iskaashi ku dhisan Geeska Afrika, hurinta colaadda waxay carqaladeynaysaa dadaallada socda ee xasilloonida gobolka lagu sugayo.”

Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijisay in Somaliland ay ka go’an tahay difaaca waxa ay ugu yeerto midnimada dhulkeeda, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah uga hortagto xasaradaha sii kordhaya.

Dhankiisa, maamulka SSC-Khaatumo ayaa Khamiistii fiidkii soo saaray bayaan uu ku eedeeyay ciidanka Somaliland inay weerar ku qaadeen dad reer guuraa ah oo ku sugan gobolka. Maamulka ayaa mar kale ku celiyay in uu ka go’an yahay difaaca dadkiisa iyo dhulkiisa.

Dagaalka ayaa imaanaya iyadoo ay sare u kacday xiisadda la xiriirta gacan ku haynta gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) – kuwaas oo ay SSC-Khaatumo sheegato inay maamusho, balse ay Somaliland iyo Puntland labaduba sheegtaan.

Colaaddan ayaa dib u qaraxday kaddib booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre dhawaan ku tegay Laascaanood, caasimadda maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, halkaas oo uu ballanqaaday taageero iyo hirgelinta mashaariic horumarineed.

Dagaalka labada dhinac ayaa si xawli ah u kordhay tan iyo horraantii 2023, kaddib kacdoon shacabka ah oo ka dhacay Laascaanood, kaasoo sababay in Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo magaalada.

Mareykanka oo ciidamo kala baxaya Suuriya + Sababta

Dimishiq (Caasimada Online) – Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa Jimcihii sheegtay in Maraykanku uu ku dhowaad kala barayo tirada ciidamada uu ku leeyahay Suuriya, taasoo ka dhigan inay hoos uga dhacayaan 1,000 askari bilooyinka soo socda.

Maraykanka ayaa muddo sanado ah ciidan ku lahaa gudaha Suuriya, isagoo qeyb ka ahaa dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo kooxda Daacish, oo ka dhalatay fowdada dagaalka sokeeye ee dalkaas, kuna fidisay dhul ballaaran oo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq in ka badan toban sano ka hor.

In kasta oo kooxda xagjirka ah ee Daacish ay guul-darrooyin waaweyn kala kulantay labada dal, haddana weli waxay khatar ku yihiin gobolka.

“Maanta, wasiirka difaacu wuxuu faray in la mideeyo ciidamada Maraykanka ee Suuriya… laguna ururiyo meelo gaar ah,” ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka Sean Parnell, isagoo aan sheegin meelaha lagu wareejin doono.

“Tallaabadan si qorsheysan oo xaalad-ku-xiran loo qaaday waxay hoos u dhigi doontaa tirada ciidamada Maraykanka ee Suuriya ilaa ka yar 1,000 askari bilaha soo socda,” ayuu yiri.

“Inta hawshan mideynta ay socoto… Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) wuxuu sii wadi doonaa duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo waxa ka haray kooxda Daacish ee Suuriya,” ayuu Parnell sii raaciyay.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muddo dheer shaki ka muujinayay joogitaanka Maraykanka ee Suuriya, isagoo amar ku bixiyay in ciidamada laga saaro muddadii uu xilka hayay, inkasta oo ugu dambeyn uu ciidamo dalkaas ku reebay.

Markii Islaamiyiinta ah ay weerar degdeg ah kusoo qaadeen bishii December ee sanadkii hore — taasoo keentay in la rido madaxweynihii Suuriya Bashaar al-Asad — Trump wuxuu sheegay in Maraykanku uusan faragelin doonin.

“Suuriya waa qalalaase, mana aha saaxiibkeen, WAA INAAN MARAYKANKU AAN WAX SHAQO AH KU YEELAN. TANI MA AHAN DAGAAALKEENA,” ayuu Trump ku qoray baraha bulshada, isagoo markaas ahaa madaxweyne la doortay.

Sanado dagaal lagula jiray Daacish

Weerarkii ay kooxda Daacish billowday 2014-kii ayaa ku kallifay Maraykanka inuu hoggaamiyo olole cirka ah oo taageero siinaya ciidamada dhulka ee maxalliga ah — gaar ahaan xoogagga SDF ee ay hoggaamiyaan Kurdi-da iyo ciidamada dowladda Ciraaq.

Maraykanku wuxuu sidoo kale diray kumannaan askari oo tababar iyo taageero siiya ciidamada deegaanka, waxaana mararka qaar ciidamadiisu si toos ah ula dagaallameen kooxda.

Sanado dagaal dhiig badan ku daatay kaddib, ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa ku dhawaaqay guul kama dambeys ah oo ka dhan ah Daacish bishii Diseembar 2017, halka SDF ay ku dhawaaqday burburka “khilaafadii” kooxda bishii Maarso 2019, markaasoo ay la wareegeen saldhiggeedii ugu dambeeyay ee Suuriya.

Hase ahaatee, kooxdu weli waxay dagaalyahanno ku leedahay baadiyaha Suuriya iyo Ciraaq, iyadoo ciidamada Maraykanku ay muddo dheer fulinayeen weerarro iyo howlgallo si looga hortago in kooxda dib usoo xoogeyso.

Maraykanku wuxuu kordhiyay weerarada uu ku qaado Daacish gudaha Suuriya kaddib markii la riday madaxweyne Asad, inkasta oo dhawaan diiradda la saaray weerarro lagu beegsanayo fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaasoo tan iyo dhammaadkii 2023 weerarayay maraakiibta caalamiga ah.

Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya ayaa si joogto ah loogu bartilmaameedsaday weerarro ay qaadeen kooxo xiriir la leh Iran, kaddib markii uu qarxay dagaalka Gaza bishii Oktoobar 2023, hase yeeshee Maraykanku wuxuu si xooggan ugu jawaabay duqeymo ka dhan ah bartilmaameedyo xiriir la leh Tehran, taasoo keentay in weeraradu yaraadaan.

Sanado badan, Maraykanku wuxuu sheegayay inuu ku leeyahay 900 askari gudaha Suuriya, iyada oo qeyb ka ah la dagaalanka Daacish. Balse Pentagon-ku wuxuu bishii December 2024 shaaciyay in tirada ciidamada Maraykanka ee Suuriya ay labalaabantay horaantii sanadka, una korodhay illaa 2,000 askari.

Inkasta oo Maraykanku hoos u dhigayo tirada ciidamada Suuriya, Ciraaq ayaa Iyana dalbatay in la soo afjaro joogitaanka isbahaysiga Maraykanka ee dalkiisa, halkaasoo Washington ay sheegtay inay ku leedahay 2,500 askari.

Maraykanka iyo Ciraaq waxay shaaciyeen in howlgalkii milatari ee isbahaysiga uu si rasmi ah uga dhammaanayo dhulka dowladda dhexe ee Ciraaq dhammaadka 2025, halka gobolka Kurdistaan ee is-maamulku uu ku egyahay bisha Sebtembar ee 2026.

 

Ciidanka Puntland oo ka hor-tegay weerar ismiidaamin ah

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta ciidamada ammaanka Puntland ay ka hortageen weerar xooggan oo ay soo abaabushay kooxda Daacish ee ku sugan aagga Togga Miraale oo ay Jimcihii shalay la wareegeen ciidanku, kadib howlgallo iyo dagaallo culus oo ka dhacay halkaasi.

Ciidamada oo ka war helay abaabulka weerarkan ayaa cagta mariyay koox ka tirsan Daacish oo dooneysay inay qaadaan weeraro gaadmo ah, iyada oo qaraxyo ismiidaamin ah laga maqlay goobta.

Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay inay dileen xubnaha qorsheynayayay oo u badnaa ajaaniib, waxaana sidoo kale maydadkooda soo bandhigtay Puntland.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli ciidamadu ay howlgal sifeyn ah ay ka wadeen aagga Togga Miraale oo shalay laga qaybtay kooxda Daacish, waxayna ahayd xarunta ugu weyn ee Daacish ee gobolka.

Togga Miraale ayaa horey u ahaa mid adag in la galo, iyadoo ciidamada ay la kulmeen caqabado dhanka deegaanka ah iyo dhufeyso adag oo ay sameysteen kooxda Daacish. Balse, ciidamada ayaa si taxaddar leh u wajahaya howl-gallada ilaa ay ugu dambeyn gudaha u galeen.

Marka loo eego warbixinada ka imaanaya goobaha dagaalka, wejiga saddexaad ee hawl-galka buuraha Calmiskaad ayaa la sheegay inuu marayo gebagabo.

Kooxda Daacish ee firxadey ayaa hadda lagu sheegay inay ku sugan yihiin meelo kooban oo aan lahayn difaac buuxa.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen saldhigyo istiraatiiji ah, kuwaas oo muhiim u ahaa isku xirka kooxda, taasoo hoos u dhigtay awooddii xiriirka iyo abaabulkooda gudaha gobolka.

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaloyeed ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad ka turjumeysa guulaha laga gaaray dagaalkan, isagoo shacabka la wadaagi doona xogta rasmiga ah ee howl-gallada iyo tallaabooyinka xiga ee lagula tacaali doono kooxaha khatarta ku haya amniga Puntland.

Geedi oo su’aalo xasaasi ah ka keenay sababta Al-Shabaab u qabsadeen Sh/Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa deegaanada ay qabsatay kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe wuxuu ka soo saaray qoraal uu ciwaan uga dhigay “CEEB IYO SHARAF DHAC.”

Geedi ayaa soo qaatay sawirrada lix kamid ah degmooyinka dib loo qabsaday oo Aadan-yabaal ay ugu dambeysay ayaa dhowr su’aalood ka keenay sababta keentay fashilka sababay inay guuleystaan Al-Shabaab, dibna u qabsadaan deegaano labo sano ka hor laga xoreeyey.

Ra’iisul Wasaare Geedi ayaa ku taliyey in lala yimaado istarateejiyad siyaasadeed, mid dagaal iyo mid difaac oo heshiis lagu wada yahay, si looga adkaado, loona ciribtiro cadawga Al-Shabaab.

Hoos ka akhriso qoraalka Geedi:

Qaranka iyo bulshada degmooyinka sawirka ka muuqda, waxaa ceeb iyo sharaf dhac ku ah in magaalooyinkan aad arkaysaan oo cadawga khawaarijta argagixisada ah laga xoreeyay muddo 2 sanadood ka hor ah, misana Al Shabaab ay dib u qabsadaan.

Haddaba, su’aashu waxay tahay, maxaa keenay fashilka dagaalka iyo in cadawgu uu guuleysto ? Ma siyaasad xumi baa ? Ma ciidan yari baa (tiro, tayo iyo hub) ? Ma qorshe la’aan baa ? Ma taakulayn la’aan baa ? Ma wada shaqayn la’aan baa ?. Ma la dhihi karaa, sababaha fashilka waxaa caadayn kara ama qeexi kara jawaabaha rasmiga ah ee loo helo su’aalaha sare oo isbiirsaday.

Waa la hubaa in khawaarijtu aanay ku waari doonin, balse sow waqtiga ay joogto baabi’in meyso mashaariicdii horumarineed ee dowladnimada lagu hirgeliyay ? sida Isbitaalladii ? Iskuulladii ? Dugsiyadii quraanka ? Masaajiddii ? Ceelashii biyaha ? Xarumihii amniga ? iyo goobihii ganacsiga ?

Sow in dib loo xoreeyo, oo lama huraan ah , maneheedu ma ahan in mar kale lagu bixiyo maskax, maal iyo dhiig badan oo daata ?  Haa…intaba waa lagu bixinayaa iyadoo aan weiba loo kala harin dowlad iyo dadweynaba.

Sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka ah ee Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo dowlad-goboleedka HirShabeelle ee uu horkacayo MW Cali Guudlaawe iyo sidoo kale hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer maamul hoboleedba oo kaashanaya shacabkooda inay la yimaadaan istarateejiyad siyaasadeed, mid dagaal iyo mid difaac oo heshiis lagu wada yahay, si looga adkaado loona ciribtiro cadawga arxan laawaha ah ee ku soo gardarrooday dadkeenna iyo dalkeenna.

Baaqaygani wuxuu ku socdaa dhamaan dowlad-goboleedyada iyo bulshada Soomaaliyeed inay u istaagaan la dagaallanka Al Shabaab iyo Daacish si dadkeenna iyo dalkeennu ay u helaan nabad iyo xasillooni iyo horumar waara.

Xogta dadaallada ay DF kusoo deynayso Soomaalida ku xiran Sacuudiga

0

Jiddah (Caasimada Online) – Qunsulka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa la yeeshay kulan muhiim ah guddoomiyaha gobolka Najraan, Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Sacuudiga. Labada masuul ayaa ka wada-hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada gobolka Najraan, iyadoo la is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii xal waara loogu heli lahaa arrintaasi.

Taliyaha xabsiga gobolka Najraan ayaa isna kulanka goob joog ka ahaa, taasoo sare u qaadday muhiimadda kulanka.

Qunsulka ayaa caddeeyay in kulanku uu ahaa mid miro-dhal ah, isla markaana lagu lafa-guray fursadaha sharciyeed ee u bannaan si loo sii daayo ama loo cafiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee xiran. Soomaalida ku xiran Sacuudiga ayaa isugu jira qaar xukuman, kuwo xukun sugayaal ah iyo kuwa aan weli maxkamad la horgeynin.

Xaaladda maxaabiista xiran

Kulanka kadib, Qunsul Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa booqday qaar ka mid ah xabsiyada gobolka Najraan si uu si toos ah u arko xaaladda nololeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas ku xiran. Wuxuu la kulmay qaar ka mid ah maxaabiista, isagoo xog-ogaal u noqday duruufaha ay ku sugan yihiin.

Qunsulka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto sidii muwaadiniintaasi xorriyadooda dib ugu heli lahaayeen, ama ugu yaraan loogu suurtagelin lahaa in lagu wareejiyo dalkooda hooyo. Wuxuu xusay in arrintani ay u baahan tahay wada-shaqeyn rasmi ah oo dhexmarta labada dowladood.

Isagoo la hadlayay warbaahinta, Qunsulka ayaa tilmaamay in marar badan ay socdaan wada-hadallo rasmi ah oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga si xal looga gaaro arrinta maxaabiista. Wuxuu rajo ka muujiyay in dadaalladaasi ay dhali doonaan miro muuqda.

“Waxaa muhiim ah in la helo hannaan lagu mideysan yahay oo maxaabiistan lagu siideyn karo ama ugu yaraan loo fududeyn karo in dalkooda dib loogu celiyo,” ayuu yiri Qunsul Cabdweli Xirsi Cabdulle. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Sacuudiga ay muujisay diyaar garow dheeri ah oo ku saabsan arrintan.

Sidoo kale, Qunsulka ayaa carabka ku dhuftay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran Sacuudiga aysan ka quusan rajada, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay si joogto ah ula socoto xaaladooda, islamarkaana ay la shaqeyneyso madaxda Sacuudiga si xal rasmi ah loogu helo.

Inkastoo dadaallo hore la sameeyay aysan dhicin in gebi ahaanba la soo daayo maxaabiista, Qunsulka ayaa sheegay in rajo wanaagsan laga qabo dadaallada haatan socda. Wuxuu uga mahad-celiyay madaxda Sacuudiga wada shaqeynta ay muujinayaan.

Ugu dambeyn, dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ka codsatay Boqortooyada Sacuudiga in ay tixgelin gaar ah siiso maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran gudaha dalkaas. Qunsulka ayaa carrabka ku adkeeyay in rajada laga qabo arrintan ay haatan ka wanaagsan tahay sidii hore.

Waraabe oo si jees-jees ah uga jawaabay hadalkii Fiqi, kuna eedeeyay…

Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee reer Somaliland, Faysal Cali Waraabe, ayaa weerar culus ku qaaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, kaasoo shalay dalbaday in Waraabe lagu daro liiska argagixisada.

Fiqi oo ka falceliyay qoraalkii uu shalay soo saaray Waraabe—kaasoo uu ku sheegay in kooxda ay magaalada Muqdisho qabsan doonto bisha May illaa June 2025, isagoo arrintaas u cuskaday fashil dowladeed oo uu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya—ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid aan laga fiirsan.

Wasiirka ayaa hadalka kasoo yeeray Waraabe ku sifeeyay “garaad xumo,” wuxuuna ku eedeeyay inuu si toos ah ugu biiray kooxda Al-Shabaab, oo haatan dagaal adag kula jirta geesiyaasha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

“Waa garaad xumi hadalka uu ku hadaaqay. Horay ayuu carruurtiisii ugu biiriyey ISIS (Daacish), hadda isagii ayaa si toos ah ugu biiray kooxda argagixisada Al-Shabaab, sida ay kuwa ka horreeyay ugu biireen. Waraabe waa in lagu daro liiska argagixisada, lana horkeenaa maxkamad,” ayuu yiri Fiqi.

Faysal oo u jawaabay Fiqi ayaa isaguna ku eedeeyay Shabaabnimo, isagoo ku tilmaamay “basaas laba wajiile ah” oo cadowga gacan saar la leh. “Jahiil Fiqiyow, anigu waxaan sheegay warka jira iyo xaqiiqada ka jirta maamulka beenta ah ee aad sheeganaysaan (fake government of Mogadishu),” ayuu yiri Faysal.

Wuxuu intaas kusii daray: “Laakiin, waa la ogyahay in aad tahay argagixisada nooca ugu xun ee takfiirka ah. Adigu waad ka mid ahayd madaxda Al-Shabaab. Shalay ayaad Itoobiya — oo 70% dadkeedu Muslimiin yihiin — ku jihaadaysay. Sirdoonnada caalamka waxa ay kaa hayaan xog buuxda, waana nalagu hayaa. Dad badan oo Kenyan iyo Ethiopian ah ayaa weli kugu maqan. Malaha waxaad isleedahay is daba qari, laakiin diiwaannadaada waa la hayo.”

Weerarka afka ah ee dhex maray siyaasiga reer Somaliland iyo Wasiir Fiqi ayaa muujinaya sida ay u xarka goosatay eedeynta Shabaabnimada, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxdaas, kaasoo haatan maraya marxalad xasaasi ah.

Ciidamada Puntland oo ugu dambeyn gudaha u galay fariisinkii ugu weynaa ee Daacish

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta markale qaaday howl-gallo culus oo ka dhan ah xubnaha kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad, kuwaas oo muddo dheer ku dhuumaaleysanayay deegaanno adag oo buuraley ah.

Howl-galkan oo si qorsheysan looga fuliyay dhawr jiho ayaa lagu beegsaday xarumo muhiim ah oo ay kooxdaasi ku lahayd gobolka Bari. Wararka kasoo baxaya saraakiisha ayaa tilmaamaya in khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda, loogana qabsaday hub iyo agab ciidan oo fara badan.

Ciidamada Puntland waxay xoogga saareen weerarro lagu bartilmaameedsaday togga Miraale, oo caan ku ahaa inuu ahaa xarunta ugu weyn ee Daacish ee gobolka. Dagaal xooggan kadib, waxaa lagu guuleystay in laga saaro kooxda halkaas, iyadoo burbur weyn lagu sameeyay difaacyadii ay halkaas ku lahaayeen.

Togga Miraale ayaa horey u ahaa mid adag in la galo, iyadoo ciidamada ay la kulmeen caqabado dhanka deegaanka ah iyo dhufeyso adag oo ay sameysteen kooxda Daacish. Balse, ciidamada ayaa si taxaddar leh u wajahaya howl-gallada ilaa ay ugu dambeyn gudaha u galeen.

Marka loo eego warbixinada ka imaanaya goobaha dagaalka, wejiga saddexaad ee hawl-galka buuraha Calmiskaad ayaa la sheegay inuu marayo gebagabo. Kooxda Daacish ee firxadey ayaa hadda lagu sheegay inay ku sugan yihiin meelo kooban oo aan lahayn difaac buuxa.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen saldhigyo istiraatiiji ah, kuwaas oo muhiim u ahaa isku xirka kooxda, taasoo hoos u dhigtay awooddii xiriirka iyo abaabulkooda gudaha gobolka.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad ka turjumeysa guulaha laga gaaray dagaalkan, isagoo shacabka la wadaagi doona xogta rasmiga ah ee howl-gallada iyo tallaabooyinka xiga ee lagula tacaali doono kooxaha khatarta ku haya amniga Puntland.

Labada dan ee aas-aaska u ah isbaheysiga ay sameysteen Al-Shabaab iyo Ansar Allah

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo xoogagga fallaagada Ansar Allah ee Yemen ayaa sameystay iskaashi halis gelinaya xasilloonida Badda Cas iyo qaybo ka mid ah Geeska Afrika.

Xudunta iskaashigan waxa sal u ah laba baahi oo isku darsamay: Al-Shabaab waxay haystaan lacago waxayna u baahan yihiin hub si ay ula dagaallamaan dowladda Soomaaliya. Kooxda Ansar Allah, oo sidoo kale loo yaqaan Xuutiyiinta, waxay haystaan hub waxayna u baahan yihiin dhaqaale si ay u maamulaan deegaannada waqooyi-galbeed ee Yemen oo ay si dhab ah ugu taliyaan.

Inkasta oo ay kala duwan yihiin xagga diinta iyo siyaasadda, labada koox ayaa sameeyey iskaashi. Al-Shabaab waa koox Sunni ah oo xiriir la leh al-Qaacida, halka Xuutiyiintu yihiin Shiico taageero ka hela dalka Iran oo si qarsoodi ah ugu gudbiya hub fudud iyo qalab dagaal, taasoo jabinaysa cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobe ay saartay Yemen.

Warbixin uu baahiyey ururka Global Initiative Against Transnational Organized Crime sanadkii 2020 ayaa sheegtay in qaar ka mid ah hubkaasi uu gaaro Soomaaliya.

Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta ayaa wadajir ugu hawlan carqaladeynta maraakiibta ganacsiga ee maraysa Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay bishii Febraayo waxay xaqiijisay in xubno ka kala socday labada koox ay kulmeen Soomaaliya bishii Luulyo iyo Sebteembar 2024.

Intii lagu guda jiray kulamadaas, Xuutiyiinta ayaa oggolaaday inay siiyaan Al-Shabaab hub iyo taageero farsamo, iyagoo taa beddelkeedana codsaday in la kordhiyo afduubka iyo burcad-badeednimada ka dhacda Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya.

“Warbixinadan waxay iftiiminayaan wadaxaajoodyo socda, kuwaas oo Xuutiyiintu lagu eedeeyay inay fududeeyaan gudbinta hub casri ah oo ay ku jiraan diyaarado aan duuliye wadin iyo gantaallo lidka diyaaradaha ah oo la siiyo Al-Shabaab,” ayay qortay cilmi-baare Zeinab Mostafa Ruwayha oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Yemen iyo Khaliijka.

Ruwayha waxay sidoo kale sheegtay in injineerro ka tirsan Xuutiyiinta ay booqdeen Al-Shabaab si ay uga caawiyaan samaynta hub casri ah iyo qaraxyo farsamaysan.

Al-Shabaab waxay u aragtaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Xuutiyiintu farsameeyaan iyo hubka ay Iran samaysay inay yihiin fursad ay dib ugu qabsato xeebaha, kuwaasoo ay ku waayeen howlgalladii ciidamada qaranka Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah. Guuldarrooyinkaas ayaa hoos u dhigay awoodda dhaqaale ee kooxda.

Dhanka kale, Xuutiyiinta waxay iskaashigan u arkaan fursad ay ku balaarin karaan saamayntooda, taas oo si dadban uga dhigan mid ay Iran ku fidinayso awooddeeda Badda Cas iyo Geeska Afrika, sida ay sheegayaan khubaro.

Laga soo bilaabo dabayaaqadii 2023, Xuutiyiintu waxay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen in ka badan 130 markab oo ganacsi oo marayay marin-biyoodka Bab el-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Weeraradan ayaa sabab u noqday in maraakiibta mara Badda Cas ay hoos u dhacaan ku dhowaad 50% intii u dhaxaysay November 2023 iyo November 2024, sida uu sheegay bogga wararka maraakiibta ee Lloyd’s List.

Marka laga yimaado hubka ay ka helaan Iran, Xuutiyiinta ayaa sidoo kale horumariyay awood ay ku soo saaraan diyaarado aan duuliye wadin oo noocyo badan leh, kuwaasoo ku habboon ujeedooyin sirdoon iyo weerarro ismiidaamin ah, kuwa cirka ah iyo kuwa badda ah labadaba.

Dhankooda, Al-Shabaab ayaa si xirfad leh u maamula dhaqaale kor u dhaafaya $100 milyan sanadkii, iyagoo ka helaya baad iyo ganacsato la fikir ah.

In kasta oo Al-Shabaab ay tahay ilo dhaqaale oo muhiim u ah kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida ee dunida, haddana gudaha Soomaaliya way daalaa dhacaysaa. Sanadkii 2023, waxay ku waayeen saldhigoodii xeebeed ee gobolka Galmudug, halkaasoo ay kala kulmeen cadaadis xooggan oo uga yimid ciidamada dowladda. Sidoo kale, way ka saameyn beeleen Puntland, halkaasoo ay dhul ku waayeen kooxda Daacish.

“Teknoolajiyaddan ay Xuutiyiintu wataan waxay muhiim weyn u tahay Al-Shabaab, taasoo rumeysan in iskaashi lala yeesho Xuutiyiinta uu ka caawin karo yareynta guulaha dhanka milatari ee ay ciidamada Soomaaliya gaareen labada sano ee la soo dhaafay,” ayay tiri Ruwayha.

Xogta haweenay Soomaaliyeed oo Mareykanka uu ku raadinayo $5 milyan

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed oo gaareysa illaa $5 milyan, taasoo la siinayo qof kasta oo keena xog suurtagal ka dhigeysa in la soo qabto haweeneyda lagu magacaabo Khadra Ciise.

Haweeneydan oo Soomaali ah ayaa lagu eedeeyay inay tahay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish.

Khadra Ciise, oo sidoo kale loo yaqaan Ummu Qacqaac Soomaaliya, ayaa lagu qoray liiska dadka ay dowladda Mareykanka baadi goobeyso.

Sida lagu sheegay xogta rasmiga ah ee ka soo baxday waaxda Caddaaladda ee Mareykanka, Khadra waa muwaadinad Dutch ah oo asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya.

Eedeymaha loo jeediyay Khadra waxaa ka mid ah inay gacan ka geysatay weerarro ismiidaamin ah iyo dilal loo geystay dad rayid ah. Intaa waxaa dheer, waxay si firfircoon uga qayb qaadatay fidinta afkaarta xagjirka ah ee kooxda Daacish, iyadoo sidoo kale lagu tuhunsan yahay inay door weyn ka qaadatay qorista xubno cusub oo kooxdaasi ku biiray.

Mareykanka ayaa farriin cad u diray cid kasta oo heysa xog la xiriirta haweeneydan, isagoo sheegay in qofka keena macluumaad horseedi kara in la helo Khadra uu u qalmi karo abaalmarinta lacageed. Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda kooxda Daacish.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Khadra Ciise ay hore u xannaaneyn jirtay carruur la afduubay. Sannadkii 2019, waxay gacanta ku haysay labo ilmo Mareykan ah oo lagu kala magacaabo Yusuf iyo Zahra Shikder, kuwaas oo ay u qaaday goob aan la garanayn oo ku taalla dalka Suuriya, kadib markii hooyadood lagu dilay duqeyn lala beegsaday kooxda Daacish.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn halka ay hadda ku sugan tahay Khadra, haddana dowladda Mareykanka waxay ku dartay liiska dadka loogu doonista badan yahay ee madaxooda la dul dhigay malaayiin dollar. Talaabadan ayaa lagu doonayaa in lagu fududeeyo raadinta iyo qabashada haweeneydan.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u adeegsatay nidaamkan abaalmarinta ah si ay u hesho xog muhiim ah oo ku saabsan shaqsiyaadka ay u aragto khatar amniyeed. Kiiska Khadra Ciise wuxuu tusaale u yahay sida Mareykanka ugu heelan yahay la dagaalanka kooxda Daacish iyo la xisaabtanka dadka lagu eedeeyo dambiyada culus.

Khasaare culus oo ka dhashay duqeymo uu Mareykanku ka fuliyay…

0

Sanca (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo culus oo Mareykanka uu ka fuliyay dekedda shidaalka Ras Isa ee dalka Yemen.

Duqeymaha cirka ah ee ciidamada Mareykanka ay fuliyeen ayaa lasoo warinayaan inay ku dhinteen ugu yaraan 38 qof, halka 102 kale ay ku dhaawacmeen. Weeraradan ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo ay sii kordhayaan tirada dadka ku waxyeeloobay.

Warbaahinta Al Masirah ee ku hadasha afka kooxda Xuutiyiinta ayaa xaqiijisay in duqeymaha ay dhaceen, inkasta oo aysan si rasmi ah u shaacin khasaaraha gaarey dagaalyahanadooda. Waxay si gaar ah u muujisay cabashada laga qabo weerarada Mareykanka ee kusoo noq-noqday saldhigyada muhiimka ah ee dalka.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in weerarradaas ay la beegsadeen ilaha dhaqaale ee kooxda Xuutiyiinta, gaar ahaan kuwa la xiriira dakhligooda saliidda, si loo wiiqo awoodooda dagaal iyo dhaqaalaha ay ku taageeraan weerarada.

Bayaan kooban oo lagu daabacay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in ujeeddadu tahay “in la wiiqo awoodda dhaqaale ee Xuutiyiinta kuwaas oo sii xumeynaya nolosha shacabka ay maamulaan.” Bayaankaas ayaa sidoo kale muujiyay in weerarradu yihiin tallaabo la isku dayayo in lagu xakameeyo saamaynta Xuutiyiinta ee gobolka.

Dhinaca kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka weli kama aysan falcelin wararka sheegaya tirada sii kordheysa ee dhimashada dadka rayidka ah ee ku waxyeelloobay duqeymaha.

Weerarradan ayaa loo arkaa kuwo la mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Mareykanku ka geysto gudaha Yemen, tan iyo markii kooxda Xuutiyiinta ay bilaabeen weerarada ay ku beegsadaan maraakiibta xiriirka la leh Israel.

Dekedda Ras Isa, oo ah mid ka mid ah marinada ugu muhiimsan ee dalka Yemen, ayaa muhiim u ah dhoofinta saliidda iyo keenista badeecadaha daruuriga ah. Qiyaastii 70% badeecadaha dalka la geeyo iyo 80% gargaarka bani’aadamnimo ayaa soo mara dekedaha Ras Isa, Xudeyda, iyo as-Salif.

Puntland oo iska fogeysay arrin la xiriirta qorshaha doorashada Xasan Sheekh

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa si cad u beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in xubno ka tirsan guddiga ay xog muhiim ah u gudbiyeen guddiga doorashooyinka heer federaal ee muranku ka taagan yahay.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in arrintaasi aanay waxba ka jirin. Guddiga PEC waxay sheegeen in xogaha lagu eedeeyay in la bixiyay aysan ahayn kuwo sir ah.

Waxay intaas ku dareen in dhammaan macluumaadka la sheegay in la musuqay ay yihiin xog horey loo shaaciyay lagana heli karo mareegta rasmiga ah ee guddiga doorashooyinka Puntland.

Sidoo kale, PEC waxay caddeeyeen in xogaha la tilmaamay ay ka mid yihiin tirada goobaha diiwaangelinta, tirada dadka is diiwaangeliyay, magacyada goobaha codbixinta, iyo tirada codbixiyeyaasha — dhammaan xogahaasna lagu daabacay si hufan loogana heli karo internet-ka, taasoo meesha ka saaraysa shakiga ah in xog sir ah la bixiyay.

Guddigu wuxuu sheegay in xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka qof iyo cod ee laga hirgaliyay Puntland ay iyaguna si furan u yaallaan boggooda internet-ka, si cid walba oo danaynaysa ay u akhrisan karto una xogwaraysan karto. Taas waxay tusaale u tahay sida ay u dheggan yihiin hufnaanta iyo daahfurnaanta hab-raaca doorashooyinka.

War-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in xogaha sida magaca goobaha, code-numberkooda, iyo meelaha ay goobuhu ku yaalliin aysan wax sir ah ku jirin, maadaama horey loo faafiyay lana mariyay hannaan sharci ah. Sidaa darteed, guddigu wuxuu cambaareeyay dadka si khaldan u turjumaya ama u faafinaya xogahaas.

PEC waxay ku cel-celiyeen inay mar walba diyaar u yihiin in ay bulshada iyo warbaahinta la wadaagaan xogaha muhiimka ah ee ku saabsan doorashooyinka, balse ay ka xun yihiin in lagu eedeeyo wax aysan samaynin, taasoo dhaawici karta kalsoonida shacabka ku qabaan hay’addooda.

Ugu dambayn, guddigu wuxuu shacabka Puntland iyo dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka ugu baaqay inay iska ilaaliyaan faafinta warar aan sal iyo raad toona lahayn, ayna ka warhayaan in xogaha rasmiga ah kaliya laga helo mareegaha iyo ilo-xogeedyada saxda ah ee guddiga PEC.

Wasiirka cusub ee difaaca oo baaq culus soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed guulaha ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, si gaar ah howl-galkii guuleystay ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, isagoo soo saaray baaq ku socda bulshada.

Howl-galkan ayaa ciidamada iskaashanaya ku dileen ku dhawaad 40 dhagar-qabe oo kooxda Al-Shabaab ka tirsan iyo horjooge ajnabi ah, kaasi oo ka dhacay Tuulada Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay.

”Waxaan ku bogaadinayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed howl-galka guuleystay ee ay ku naafeeyeen cadawga Khawaarijta ee ka dhacay degaanka Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunay ee gobolka Baay, kaasi oo ka marqaati kacaya in la gaaray dhammaadka argagixisada dhibaatada xooggan ku haya shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa Alle u weydiiyay naxariistiisa ballaaran halyeeyadii ku naf waayay dagaalka xaqa ee kooxda Al-Shabaab, isaga oo bogsiino deg-deg ah u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay gulufka socda.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaliyeed in si hagar la’aan ah u garab istaagaan ciidamada naftooda u huraya in dalkeena ay ka xoreeyaan kooxaha argagixisada, oo dhibaato xooggan ku haya shacabka.

Wuxuu tilmaamay in kooxaha argagixisada ee ugu horeyso Al-Shabaab illaa laga cirib-tiro dalka ay shacabka Soomaaliyeed helayn nabad iyo xasilooni ay ku noolaadaan, maadaama ay hortaagan yihiin xasilloonida dalkeenna.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa haatan maraya meel xasaasi ah, iyadoo kooxdu ay dib isu soo abaabushay, ayna bilowday inay weeraro ku qaado deegaanadii hore looga qabsaday, kuwaasi oo ay u arkaan kuwa muhiim u ah fulinta dhagartooda, balse qaarkood ay ku fashilmeen.