25.8 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

William Ruto iyo Cirro oo kulmay iyo xogta qodobada laga wada-hadlay + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Kenya, Dr. William Ruto.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada-hadlay arrimo badan oo muhiim u ah labada dhinac, arrimahaasi oo qaarkood ay shaacisay Madaxtooyadda Somaliland.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay iskaashiga labada dhinac iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isu-socodka diyaaradaha.

Sidoo kale waxay diirada saareen xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan horumarinta xasilloonida, ka hortagga xagjirnimada, iyo taageeridda dadaallada nabad-dhisidda ee Geeska Afrika .

Intii uu socday kulanka labada madaxweyne waxaa kale oo looga hadlay iskaashiga waxbarashada, is-weydaarsiga tacliinta, awood-dhisidda hay’adaha dawliga ah iyo kobcinta tababarka xirfadaha farsamada gacanta ee dhalinyarada.

“Kulankaasi waxa uu ahaa mid ay labada hoggaamiye hoosta ka xarriiqeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Kenya,” ayaa lagu yiri bayaan ay Madaxtooyadda Somaliland kasoo saartay kulanka.

Kulanka madaxweynayaasha Somaliland iyo Kenya ayaa ku qotoma sida ay Madaxtooyadda sheegtay “taariikh fac weyn, is-ixtiraam, dano wadaag, iyo aragti midaysan oo ku wajahan horumarka iyo barwaaqada mandaqada.”

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka mucaaradka DF uga socda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu waddaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka muhiimka ah ee u socda siyaasiyiinta mucaaradka ah, kaasi oo furmay maalintii Arbacada.

Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu falanqeeyo xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga iyo arrimaha doorashooyinka, oo ah qodob muhiim ah oo mucaaradka iyo dowladda federaalka isku hayaan. Waxaa shirkan lagu tilmaamay mid xasaasi ah oo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Shirkan waxaa guddoominaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed. Waxaa sidoo kale qeyb ka ah ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka oo ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Maxamed Xuseen Rooble, iyo Saacid Shirdoon, iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo miisaan leh.

Kasoo qeyb-galka hogaamiyeyaashan waaweyn ayaa muujinaya sida uu shirkan muhiim ugu yahay mucaaradka iyo guud ahaan geeddi-socodka siyaasadda dalka.

Intii uu shirku socday, madaxda mucaaradka ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Kulammadaasi waxaa ka mid ahaa kuwo lala yeeshay bahda warbaahinta iyo culumada Soomaaliyeed. Arrimahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in la helo wada-tashi guud iyo faham mideysan oo ku aaddan marxaladda uu marayo dalka.

Shirkan ayaa lagu faah-faahiyay dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka iyo sidii xal mideysan looga gaari lahaa.

Waxaa sidoo kale lagu lafa guray doorka ay mucaaradku ku yeelan karaan dib-u-habeynta amniga iyo qaabeynta doorashooyinka la filayo. Waxaana la isla gartay in loo baahan yahay is-afgarad iyo midnimo siyaasadeed si loo wajaho caqabadaha horyaalla dalka.

Maanta ayaa la filayaa in si rasmi ah loo soo xiro shirkan. Waxaa la sugayaa in laga soo saaro war-murtiyeed rasmi ah oo ay ku cad yihiin go’aamada laga gaaray arrimaha laga hadlay.

Go’aamadan ayaa la rajeynayaa inay noqdaan kuwo dhaxal-gal ah, isla markaana muujinaya aragti mideysan oo ka imaaneysa dhinaca mucaaradka.

Waa kuma ninka fuliyey weerarkii magaalada Liverpool?

Liverpool (Caasimada Online) – Booliiska UK ayaa Khamiistii dacwado kusoo oogay nin 53 jir ah oo lagu eedeeyay toddobo dembi, kaddib markii uu baabuur si ula kac ah ugu jiiray dad isugu soo baxay dabaal-degga guusha kooxda Liverpool ee horyaalka Premier League horraantii toddobaadkan.

Paul Doyle ayaa wajahaya eedeymo ay ka mid yihiin darawalnimo khatar ah iyo inuu u geystay dhaawac culus si ula kac ah intii lagu guda jiray dhacdadii Isniintii ka dhacday magaalada Liverpool ee waqooyi-galbeed England, sida ay shaaciyeen hay’adaha ammaanka.

Doyle ayaa xabsiga lagu hayaa, waxaana lagu wadaa inuu Jimcaha maanta ah kasoo hor muuqdo Maxkamadda Degmada Liverpool, sida ay shir jaraa’id ku sheegtay ku-xigeenka taliyaha booliiska Merseyside, Jenny Sims.

Wadar ahaan 79 qof oo da’doodu u dhaxayso sagaal ilaa 78 sano ayaa ku dhaawacmay kaddib markii baabuur noociisu yahay Ford Galaxy uu dhex galay taageerayaal u dabaal-degayay guusha Liverpool ee horyaalkoodii 20-aad ee heerka koowaad ee Ingiriiska – guul bar-bardhig u ah rikoorkii ugu badnaa.

Ma jirin wax dhimasho ah oo la diiwaangeliyay.

Sims ayaa intaa ku dartay in toddoba qof ay weli isbitaalka ku jireen maalintii Khamiista.

Sarah Hammond oo ka tirsan Xafiiska Dacwad-Oogista Qaranka (Crown Prosecution Service) ayaa sheegtay in hay’addu ay ogolaatay in boolisku dacwad kusoo oogaan Doyle kaddib “baaritaan adag oo wali socda”.

“Dacwad-oogayaasha iyo booliisku waxay si degdeg ah uga shaqeynayaan dib-u-eegista caddeymo aad u fara badan,” ayay tiri.

“Tani waxa ay ka kooban tahay muuqaallo kala duwan iyo markhaatiyo tiro badan. Waa muhiim in dhibbane kasta uu helo caddaalad buuxda.”

Doyle, oo kasoo jeeda xaafad ku taalla magaalada Liverpool, ayaa la xiray Isniintii iyadoo lagu tuhunsanaa isku day dil, darawalnimo isagoo isticmaalay daroogo, iyo darawalnimo khatar ah.

Isku dayga dilka iyo darawalnimo isagoo daroogaysan laguma darin dacwadaha rasmi ah ee hadda lagu soo oogay.

Hammond ayaa xustay in dhammaan eedeymaha “dib loo eegi doono marka baaritaanku sii socdo”.

Warbaahinta UK ayaa sheegtay in Doyle uu yahay ganacsade hore uga tirsanaa ciidamada badda (marine), isla markaana uu yahay aabbe leh saddex carruur ah oo dhallinyaro ah.

Boqollaal kun oo taageerayaal ah ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada Liverpool markii dabaal-deggii farxadda lahaa isu beddelay argagax.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya baabuurka oo si xoog ah ugu dhex dhacay dadkii isu soo baxay, iyadoo dadka qaar uu jiidayay, halka kuwa kalena ay ku dhaceen qeybta hore ee gaariga.

Afar qof oo uu ku jiro ilmo yar ayaa ku xayirmay hoosta baabuurka, waxaana laga saaray kaddib markii dab-demisyo ay kor u qaadeen si ay u badbaadiyaan.

Muuqaallo kale oo internet-ka lagu baahiyay ayaa muujinaya gaariga oo la joojiyay iyadoo dad careysan ay hareereeyeen, kuna jebiyeen daaqadaha danbe, xilli booliisku isku dayayay inuu kala dhex galo.

Booliiska ayaa si degdeg ah u sheegay in dhacdadu aanay la xiriirin argagixisanimo. Sidoo kale, waxay shaaciyeen in shakhsiga la tuhunsan yahay uu yahay nin caddaan ah oo u dhashay Britain – tallaabo naadir ah oo loogu talagalay in lagu ciribtiro xogaha been-abuurka ah ee ku baahayay baraha bulshada.

 

Sanbaloolshe oo Xamar looga yeeray, lana shiraya Xasan – Xogta Jahawareerka NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa ka soo laabtay jiidda hore ee dagaalka ee Degmada Moqokori, isagoo shalay yimid Muqdisho.

Imaanshaha Sanbaloolshe ayaa la xiriirta  kulan uu la qaadanayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud, oo la filayo inuu dhawro 24-ka saac ee nagu soo fool leh.

Sanbalooshe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa furin dagaal ee Gobolka Hiiraan ayaa ku hawlanaa abaabulka Macawiisleyda iyo xoojinta dadaallada looga difaayo kooxaha argagixisada deegaanada beeshiisa ee gobolka Hiiraan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Sanbalooshe uu ka fekerayo in uu booska banneeyo, haddii uu isfaham kasoo bixi waayo kulanka Madaxweynaha.

Isbeddelka NISA ayaa laga yaabaa in lagu soo beego waqtiga mucaaridka Muqdisho ku shirsan ay shaacinayaan Warmurtiyeedkooda, sida ay qorsheysay Villa Somalia.

Natiijadda kasoo baxda Kulanka Madaxweynaha iyo Agaasime Sanbaloolshe ayaa saamayn ku yeelan karta qorshaha iyo jadwalka Madaxtooyada, maadaama ninkaan uu aad u diidan yahay in xilka laga qaado.

Labadii toddobaad ee ugu dambeysay, Hay’adda Nabad Sugidda waxay lahayd laba Agaasim, kuwaas oo kala Sanbaloolshe oo Moqokori kasoo shaqeynayey iyo Mahad Salaad gurigiisa hay’adda ka dhex hagaya oo shaqaalihii saf ugu jiraan, maadaama la siiyey kursiga.

Mid si macnawi ah ayuu Agaasime u yahay oo kalsooni buuxda ayuu ku shaqeystaa, midka kalena in shaqada laga qaaday ayuu ogyahay oo shaacin kaliya dhiman tahay, balse wuu garawsan yahay inaan lagu dhiirran karin shaacinta go’aankaas inta uu furin dagaal ku jiro.

Xaaladda NISA ayaa maalmahaan ku jirtay jaha wareer maamul oo ka dhashay kala bedelka daahay ee labada agaasime, dadka xog ogaalka u ah arrimaha ammaanka ayaa muujinaya khatar badan oo ka dhalan karta arrintaan, maadaama uusan jirin Agaasime si dhab ah ay u dhibeyso masuuliyadda wixii dhaca.

Puntland oo beenisay arrin xasaasi ah oo la xiriirta Calmiskaad iyo Calmadow

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in maamulka Puntland uu ka waddo howlo macdan qodis ah buuraha silsiladda Golis, gaar ahaan deegaanada Calmiskaad iyo Calmadow ee gobollada Bari iyo Sanaag. Wasiirku waxa uu wararkaas ku sifeeyay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Isagoo ka jawaabayay su’aal la xiriirtay arrimaha macdan qodista ee lagu faafiyay baraha bulshada, ayuu Wasiir Maxamuud Caydiid sheegay in wararkaasi yihiin borobagaando ay faafinayaan kooxo ujeeddooyin gaar ah leh.

Waxa uu tilmaamay in kooxahaasi ay yihiin kuwo ka soo horjeeda dadaalka dowladda Puntland ee lagula dagaallamayo argagixisada ku sugan buurahaas.

“Ma jiro wax macdan baaris ama qodis ah oo ka socda buuraha Calmiskaad iyo Calmadow ee dhaca Puntland,” ayuu yiri Wasiirku. “Wararka arrintaasi sheegaya waa been abuur ay faafinayaan kuwa ka xun guulaha laga gaaray hawlgalladii argagixisada looga sifaynayay buurahaas.”

Wasiir Caydiid waxa uu xusay in mar kasta oo Puntland ay tallaabo ka qaaddo la-dagaallanka argagixisada ay kooxahaasi warar been abuur ah la soo shir tagaan si loo jahawareeriyo bulshada, loogana leexiyo ujeeddooyinka saxda ah ee dowladda. Waxa uu intaas ku daray in xilligii hawl-gallada Calmiskaad la bilaabayay ay isla beentan horay u faafiyeen.

Sida uu wasiirku sheegay, sheegashada ku saabsan macdan qodis waa xeelad ay kooxahaasi u adeegsanayaan si ay hoos ugu dhigaan guulaha Puntland ka gaartay dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay kooxahaasi inay yihiin kuwa aan doonayn in deegaanka laga suuliyo khatarta kooxaha xagjirka ah.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Puntland inay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada, isla markaana ay garab istaagaan dowladda dadaallada ay ugu jirto nabadgelyada iyo horumarka gobolka.

Maxaabiis sheegtay in Sacuudigu dilayo Ciidda Carafo oo kaalmo dalbanaya

Riyadh (Caasimada Online) – Qoysaska dad Itoobiyaan ah oo dil ay ku xukuntay dowladda Sacuudi Carabiya ayaa warbaahinta u sheegay in eheladooda la daldali doono ka hor Ciidda Carrafo oo maalmo kooban ay naga xigaan.

Waxaa Sacuudiga ku xiran 47 qof oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo dil sugeyaal ah, taas oo welwel joogto ah ku haya qoysaskooda, dadkaan dowladooda ugu baaqay in ay arrinta dadkaas soo farageliso, si dilka looga bedbaadiyo.

Sidaan oo kale waxaa Sacuudiga ugu xiran oo dil sugayaal ah muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo loo heysto inay dalkaas geliyeen daroogo.

In ka badan 40 qof oo Soomaali ah oo dil ku xukuman ayaa ku xiran Sacuudiga, inkastoo aan la shaacin goorta la dilayo.

Hal qof oo kamid ah ayaa la dilay bilihii lasoo dhaafay, waxaana guul dareystay dadaalo weli socda oo dowladda Soomaaliya ay sameysay.

Sacuudiga ayaa dil ku fuliya qofkii dalkaas geliya daroogo, inta badan waxaa dadka lagu dilaa xarig ama daldalaad.

Dadka Itoobiyaanka ah ee dilka sugaya waxaa ka mid ah Khaalid Maxamed Ibroo, walaalkiis Mulleta oo BBC la hadlay ayaa yiri, “Khaalid waa nin xaasle ah. Wuxuu leeyahay hal cunug. Waxaa la xiray wax yar ka dib markii uu galay Sacuudiga, si uu nolol ugu raadiyo qoyskiisa, arrintiisa ayaa saameyn adag ku yeelatay xaasikiisa iyo curadiisa.”

Mulleta wuxuu sheegay in markii uu maqlay warka la xiriira xukunka lagu ridey walaalkiis uu qarracan ku noqday, isla markaana uusan weli ka soo kaban tiiraanyadii ka soo gaartey go’aanka dilka.

Muqdisho: Xukunka dil ka dhashay muran boosaneer

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudane Nisa Cumar Xasan Maxamuud oo ah baxsad ay ku raad-joogaan hay’adaha ammaanka, ayaa lagu eedeeyey dilka Marxuum Ex-Labo Xidigle Hanad Axmed Muuse. Dilkaan ayaa ka dhacay degmada Dharkiinleey, Labaatankii bishii July ee sanadkii 2024.

Warbixintu waxay sheegaysaa in sababta dilka ay ahayd muran sababay gacan ka hadal, kaasoo ka dhashay Boosaneer ku yaallay waddo luuq ah oo la maro. Waddadaas ayaa ahayd meel uu deganaa marxuumka, halka eedeysanuhu uu si joogto ah ugu mari jiray Moto Fekon ah.

Dooddaas oo isu beddeshay rabshad ayaa horseeday dilka marxuumka, taasoo keentay in hay’adaha ammaanka iyo garsoorka ay arrinta si gaar ah u baaraan. Eedeysanaha oo baxsad ah ayaa weli lagu raad-joogaa, iyadoo lagu wado in la qabto si loo fuliyo xukunka maxkamadda.

Baaris dheer kadib, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday in kiiska la qaado, codsigaasna waa laga ogolaaday.

Garsoorka Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa fadhiyo kala duwan kadib, iyadoo waqti ku filan la siiyey dhinacyada dacwadda, waxay ugu dambeyn xukun ku ridday Ex-Mudane Nisa Cumar Xasan Maxamuud (Baxsad), iyadoo lagu xukumay dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuum Hanad Axmed Muuse.

G/dhexe Muxumad Maxamed Cumar oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa warbaahinta u xaqiijiyey xukunkaasi, isagoo xusay in go’aanka maxkamaddu uu yahay mid waafaqsan cadaaladda isla markaana lagu saleynayo qaanuunka u yaalla ciidamada qalabka sida.

Guddiga doorashada oo beeniyey arrintii lagu eedeeyey ee ardayda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa si cad u beeniyay eedeymaha la xiriira isticmaalka awood si loogu qasbo ardayda jaamacadaha Magaalada Muqdisho inay qaataan kaarka codbixinta doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Guddigu wuxuu sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana lagu dhaawacayo hufnaanta iyo madax-bannaanida howlaha doorashada.

Cabdullaahi Salaad Yaroow, oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa isagoo safar ku jooga magaalada Dhuusamareeb warbaahinta u sheegay in wararka sheegaya in ardayda si khasab ah loo diiwaan-gelinayo ay yihiin been abuur aan waxba ka jirin.

Wuxuu sheegay in guddigu uusan marnaba isticmaalin xoog ama cabsi gelin si dad loo diiwaan-geliyo, isla markaana howlaha diiwaan-gelinta ay ku saleysan yihiin hannaan xor iyo xalaal ah.

Mas’uulkan ayaa caddeeyay in guddigu xarumaha waxbarashada u tagay codsi uga yimid dhanka ardayda iyo maamulka, maadaama maalmaha shaqada ee diiwaan-gelintu tahay Sabti ilaa Khamiis, ardayduna ay yihiin kuwo aan helin waqti ku filan oo ay xarumaha diiwaan-gelinta tagaan. Sidaa darteed, ayuu sheegay, waxaa lagama maarmaan noqotay in la fududeeyo habka ay ku qaadan karaan kaarkooda codbixinta.

Cabdullaahi Salaad Yaroow wuxuu ugu baaqay ururada siyaasadeed inay si mas’uuliyad leh u abaabulaan taageerayaashooda, ayna ka qayb qaataan geedi-socodka doorashada si nabad ah. Isagoo ugu yeeray inay tagaan xarumaha dowlad goboleedyada, si ay uga qayb qaataan diyaarinta doorasho xor ah oo lagu kalsoonaan karo, halkii ay eedeyn aan sal lahayn ku furi lahaayeen guddiga.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli ay siyaasiyiinta mucaaradka si kulul u cambaareeyeen guddiga doorashooyinka, iyagoo ku eedeeyay inay isticmaalayaan qasabka iyo cabsi-gelinta ardayda jaamacadaha, isla markaana uu guddigu si sharci darro ah u marayo xuduudda awoodda uu leeyahay.

Guddiga Doorashooyinka ayaa mar kale adkeeyay in howlaha doorashooyinka lagu wado hufnaan, xorriyad iyo hab waafaqsan xeerarka dalka. Waxay sheegeen in eedeymaha siyaasadeed aysan caqabad ku noqon doonin hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, ayna sii wadi doonaan dadaallada ay ugu jiraan in shacabka Soomaaliyeed fursad xor ah u helaan inay codkooda dhiibtaan.

Kenya oo ogolaatay xafiiska Somaliland iyo Cabdiraxmaan Cirro oo xariga ka jaray

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray dhisme cusub oo uu yeelanayo xafiiska Somaliland ee dalka Kenya.

Xafiiskan ayaa horey loogu qorsheeyay in la furo 27-kii bishan, hase yeeshee dowladda Kenya ayaa hakisay furitaankiisa maalmo ka hor sababo la xiriira isbeddel lagu sameeyay heerka xafiiska.

Xafiiska cusub ayaa loo dalacsiiyay heer diblomaasiyadeed oo la mid ah “Mishanka Jamhuuriyadda Somaliland ee Kenya,” taas oo ka sarreysa heerkii hore ee xafiiska, kaasoo ahaa xafiis isgaadhsiineed (liaison office).

Dowladda Kenya ayaa markii hore diidday furitaanka xafiiska sabab la xiriirta darajada cusub ee loo beddelay, taasoo abuurtey dareen siyaasadeed, maadaama ay Nairobi sidoo kale xiriir wanaagsan la leedahay Muqdisho.

Xadhig-ka-jarista uu madaxweynaha sameeyay ayaa loo fasiray in Kenya ay ogolaatay heerka cusub ee xafiiska, taasoo siinaysa Somaliland miisaan siyaasadeed oo dheeraad ah. Hase yeeshee, socdaalkii uu Madaxweyne Cirro ku tegay Kenya 26-kii bishan, ayaa sababay in dowladda Kenya ay si cad u muujiso in ay taageersan tahay midnimada Soomaaliya.

Qoraallo rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Kenya ayaa lagu adkeeyay mowqifkaas, iyadoo si dadban u muujisay in aanay diyaar u ahayn inay aqoonsi siyaasadeed siiso Somaliland.

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Kulmiye ayaa dhalleeceeyay socdaalka Madaxweyne Cirro, iyaga oo sheegay in safarka uu ku tegay Kenya aanu ku imaan casuumaad rasmi ah oo ka timid Madaxweynaha Kenya, William Ruto. Xisbiga ayaa ku tilmaamay arrintaasi khalad diblomaasiyadeed oo dhaawici kara xiriirka dibadda ee Somaliland.

Warar kala duwan oo warbaahinta gudaha ay baahiyeen ayaa sheegaya in weli la filayo kulan dhex mara Madaxweyne Cirro iyo Madaxweynaha Kenya, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Dowladda Kenya, dhankeeda, waxay mar kale ku celisay in xidhiidhka ay la leedahay Somaliland uu muhiim u yahay xasilloonida gobolka iyo kobaca ganacsiga, balse ay ilaalinayso mowqifkeeda ku aaddan midnimada Soomaaliya.

Mucaaradka DF oo maalintii labaad shirsan iyo dhinac cusub oo ku biiray shirka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad shir ku leh magaalada Muqdisho, iyaga oo kulammo wadatashi ah la qaadanaya qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha taagan. Maalintii labaad ee shirka, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa kulan gaar ah la leh madaxda warbaahinta madaxa-bannaan ee ka howlgasha caasimadda.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa in la is dhaafsado xogaha la xiriira doorashooyinka, amniga dalka, iyo doorka warbaahinta ee dhinaca wacyigelinta iyo tebinta wararka.

Wararka laga helayo kulanka ayaa tilmaamaya in mucaaradku ay warbaahinta kala hadleen baahida loo qabo in si hufan oo dhexdhexaad ah loo tebiyo arrimaha siyaasadda, isla markaana la dhowro xorriyadda saxaafadda oo qeyb ka ah tiirarka dowlad-dimoqraadiyadeed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa kulanka maanta ka sheegay inuu aad uga xun yahay sida warbaahinta madaxa-bannaan uu mararka qaar cadaadis uga imaanayo laanta fulinta ee dowladda. Wuxuu xusay in arrimaha noocaas ah aysan kor u qaadeyn hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Shariif Sheekh Axmed wuxuu hoosta ka xarriiqay in warbaahinta xor ah ay tahay mid lagama maarmaan u ah bulsho furan oo ka hadli karta arrimaheeda siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo wax kasta oo taabanaya noloshooda. Waxa uu ku baaqay in la ixtiraamo kaalinta saxafiyiinta iyo doorkooda muhiimka ah.

Dhankiisa, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah hogaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa sheegay in kulammada socda ay yihiin wadatashi la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka.

“Bahda warbaahinta ayaan iska waraysanay xaalka dalka iyo sida xal loogu heli karo ismaandhaafka siyaasadeed,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Maxaa looga hadlay kulanka golaha wasiirrada ee maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim u ah xasiloonida iyo horumarka dalka.

Kulanka waxaa guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre. Qodobka ugu horreeya ee kulanka lagu lafa guray wuxuu ahaa amniga guud ee dalka.

Golaha ayaa warbixin dhameystiran ka dhageystay hay’adaha amniga oo ka warbixiyay guulaha laga gaaray howl-gallada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada. Waxaa la xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay ku guuleysteen in ay fuliyaan hawl-gallo wax ku ool ah oo wax ka beddelay xaaladda amniga.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira badqabka diyaaradaha ka howl-gala gudaha dalka. Golaha ayaa ka dooday caqabadaha jira iyo sida ugu habboon ee xal loogu heli karo, si loo sugo badqabka shacabka iyo shaqaalaha la xiriira howlaha duulista hawada.

Doodda Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ku saabsanayd fulinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda. Waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in nidaamkaas loo fuliyo si hufan, si kor loogu qaado hannaanka shaqo ee dowladda iyo dhiirrigelinta shaqaalaha.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey dallacsiinta Axmed Jaamac Cumar oo la siiyay darajada Safiir. Go’aankan ayaa lagu saleeyey aqoonta iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay howlaha diblumaasiyadda iyo adeegga dowladda.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntiina lagu muujiyay sida ay Xukuumaddu ugu heelan tahay sugidda amniga, hagaajinta adeegyada dowladeed, iyo horumarinta siyaasadaha lagu tayeynayo shaqaalaha. Waxaana la isla qaatay in laga wada shaqeeyo hirgelinta qorshayaashaas si dalka loogu horseedo horumar iyo xasillooni waarta.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay magacaabista guddoomiye MUUNGAAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay magacaabista guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadr, ahna duqa Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo uu xalay soo magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska magaalada Muqdisho iyo guud ahaan horumarinta adeegyada uu bixiyo maamulka gobolka Banaadir.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub in uu mudnaan siiyo harumarunta caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Muungaab ayaa xilkan horay usoo qabtay waxaana xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho loo magacaabay sannadkii 2014, isaga oo intii uu hayay ku guuleystay hirgelinta qorsheyaal dib-u-habeyn ah oo lagu hagaajinayay maamul-wanaagga, nadaafadda magaalada, iyo amniga Muqdisho.

Waxaa kale oo uu horay usoo noqday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo xilligaas caan ku noqday adkeynta sharciga iyo la dagaalanka dambiyada la xiriira amniga qaranka.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay magacaabista Jeneral Xasan Muungaab?

Cumar Naaji Aadan: “Hambalyo Muungaab waa nin gobolka Banaadir wax badan ka fahamsan Abuu khaliifa ayaad ku wareeriseen shacabkii gobolka”.

Zakariye Cabdifitaax: “Eebe sw ha ku asturo xilka culus ee loo magacaabay, kana dhigo kii dadkiisa la dareen ah insha allah”

Nuur Xasan: ayaa isna fal-celintiisa ku yiri “Shirka mucaradka ay qabsadeen ayaa lagu daminayaa”.

Qaali Curre: “Soo dhawoow waxaan rajaynayaa in aad magaalada isbeddel ku samayso wasaqda iyo burburka waddooyinka”.

Sayid-Cali Jimcaale: “Dowlad warkeedu suuqa sii yaallo oo la sii ogyahay tan ka hor ma arag”.

Abuu Xaniifa iyo xubno kale oo maanta lagu dilay dagaal

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay weerar culus ku qaadeen gudaha deegaanka Aboorey ee gobolkaasi, kadibna ay dagaal la galeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay fariisin ay weerareen ciidamada huwanta oo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay dagaalameen labada dhinac, iyada oo khasaae culus la gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka lagu dilay horjooge sare oo magaciisa lagu soo koobay Abuu Xaniifa iyo maleeshiyaad kale oo tiradoodu la shaacin.

Abuu Xaniifa ayaa la sheegay inuu ahaa sarkaalkii hoggaaminayay xubnaha Al-Shabaab ee gacanta ku hayo deegaanka Aboorey oo hoostaga degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ay haatan ku sugan yihiin afaafka hore ee deegaanka Aboorey, iyaga oo qorshahoodu yahay in gebi ahaan deegaankaasi ay ka xoreeyaan argagixisada.

Aboorey ayaa ah deegaan muhiim u ah isku socodka kooxda ee gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galmudug, halkaas oo dagaalamayaal kale ay uga go’doonsan yihiin, taas oo keentay in dagaalka ka scoda deegaankan oo qaato muddo aad u dheer.

Dagaalka maanta ayaa daba socda howlgallo culus oo maalmihii lasoo dhaafacay ciidamada Macawiisleyda Hiiraan ay ka wadeen xadka gobolkaas uu la wadaago Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo khasaaraha ugu badan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa oo dhowaan ka dhacay soohdinta labada gobol ayaa waxaa lagu laayay Al-Shabaabkii ugu badnaa, waxaana muuqaalo laga soo duubay meydadkooda oo daadsan hulka howdka ah iyo dhiigooda oo meel kasta yaalla.

Waxaa kale oo loo daatay talisyadoodii oo dhiigga iyo meydadku is dhexyaallaan, waxaana loo gudbay dhanka Aadan-yabaal oo duleedkeeda aydifaac uga jiraan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

SHARIIF oo arrin xasaasi ah ku eedeeyey Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad ka jeediyay shirweynaha mucaaradka ee ka socda hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa eedeyn culus oo la xiriirta ciidamada iyo dagaalka Al-Shabaab u jeediyay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Shariif ayaa Xasan ku eedeeyay hoggaan xumo, wuxuuna tilmaamay in ciidamadu ay furimaha dagaalka uga soo baxeen musuq-maasuq dartiis, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan aad uga xunahay hoggaan xumada iyo musuq-maasuqa keenay ciidanku inay niyad jabaan oo furimaha ay kasoo cararaan iyagoo aan hubno inay diyaar u ahaayeen inay difaacaan dalkooda” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay hoggaanka dalka inay talada dhexda soo dhigaan, isla markaana ay soo fariistaan miiska wada-hadalka, si loo badbaadiyo dalka.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa xusay in dagaalka looga horeeyay Xasan Sheekh, ayna haboon tahay in talo uu waydiisto dadka, si argagixisada looga ciribtiro dalka.

“Waa u deynay shaqadoodii, waana kasoo bixi waayeen waxay bilaaben inay eed tamaan oo darbiyada madaxa ku dhuftaan waxaan leenahay taas waxaa idinkaga fudud miiska soo fariista diyaar ayaa la’idin yahay, waa la’idinkaga horeeyay dagaalka” ayuu mar kale yiri.

Dhinaca kale, wuxuu boggaadiyay Macawiisleyda Xawaadle ee dagaalka adag kula jira kooxda Al-Shabaab, isaga oo u tacsiyeeyay askarta ka dhimatay, kuwa dhaawac ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Shariifka ayaa xusay in loo baahan yahay in lagu daydo reer Hiiraan, isla markaana loo midoobo dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan rabaa inaan si gaar ah u xuso qabaa’ilka daga Hiiraan ee runtii u dhabar adeegay la dagaallanka Al-Shabaab inaan ku hambalyeeyo dadka dhintana allaha u naxariisto kuwa dhaawac ahna alle ha caafiyo” ayuu yiri isaga oo ka hadlay halganka ay ku jiraan reer Hiiraan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Al-Shabaab ay dib u qabsatay deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda

Xogta weerar lagu qaaday xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay saaka maleeshiyaad hubeysan ku qaadeen xabsi ay maamusho Puntland oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana xigay dagaal toos ah.

Maleeshiyaadka ayaa beegsaday xabsiga oo ay ku xiran yihiin maxaabiis xukuman iyo kuwa kale oo xukun sugayaal ah, waxaana kadib iska caabin ay kala kulmeen ciidamada ammaanka ee Punland.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedka kooxda weerarka qaaday uu ahaa inay xoog kusoo furtaan nin ku xiran xabsigaasi oo dil lagu xukumay xukumay, kadib markii lagu helay inuu horay dil uga gaystay deegaanka lagu magacaabi Daarul Salaam ee gobolka Mudug .

Ilo deegaanka ahaa ayaa inoo sheegay in dagaalka uu qaatay muddo ku dho hal saac oo xiriir ah waxaana jira khasaare kala duwan, inkastoo aan la caddeyn karin inta uu la’eg yahay.

Dhanka kale, ma jio wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammanka Puntland iyo mas’uuliyiinta waqooyiga Gaalkacyo ee ku aadan weerarka lagu qaaday xabsiga dhexe.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana lasoo wariyay in ciidamo dheeraad ah ay Puntland gaysay aagga lagu dagaalamay, si u xoojiyaan ilaalada xabsiga la weeraray.

Horay ayaa sidaan oo kale loo weeray xabsigan, waxaana taas ay keentay inay baxsadeen qaar kamid ah dadkii ku xirnaa oo ay ku jiraan xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo qaarkood ay ku xukumanaayeen dil toogasho ah.

Ragga baxsaday ee ka tirsanaa Al-Shabaab waxaa kamid ahaa Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) oo muddo kadib dhowaan uun laga soo qabtay aagga magaalada Camaara ee gobolka Mudug, kadibna lagu wareejiyay ciidamada ammaanka ee Puntland.

“Howlgal si taxadar leh loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u u fuliyeen Ciidamada Booliska,  shacabka ku dhaqan deegaanada Wisil iyo Bacaadwayne ayaa lagu soo qabtay xukumanaha, kaasi oo muddo ku dhuumaaleysanayey gudaha Gobolka Mudug” ayay tiri Puntland oo faah-faahin dheeraad ah horay uga bixisay howlgalka lagu soo qabtay Sayloor.

Waxaa kale oo lasoo raaciyay “Xukumane Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) ayaa ka tirsanaa shabakad falal dilal qorsheysan ah ka geysatay magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda, waxaana uu horey uga baxsaday gacanta Dawladda”.

Xiddigihii hore ee K/Cagta Afrika oo ka dukaameystay Hayat Market + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Halyeeyadii hore ee kubadda cagta Afrika ee ka soo ciyaaray horyaalada qaaradda Yurub iyo tartamada caalamiga ah, ayaa booqasho taariikhi ah ku jooga magaalada Muqdisho, iyaga oo sidoo kale booqday islamarkaana ka soo dukaameystay suuqa casriga ah ee Hayat Market, oo ah suuqa ugu weyn uguna casrisan Soomaaliya.

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona, haatanna ah madaxa xiriirka kubadda cagta Cameroon, Samuel Eto’o, halyeeygii xulka qaranka Nigeria Jay-Jay Okocha, iyo weeraryahankii hore ee xulka qaranka dalka Togo Emmanuel Adebayor, ayaa ka soo dukaameystay qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Suuqa Hayat Market.

Waxaa xiddigahan caalamiga ah booqashadooda Suuqa ku wehliyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed (Shiino), iyo xubno kale. Waxaa sidoo kale halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay howlwadeennada Hayat Market.

Halyeeyadii hore ee kubadda cagta Afrika ayaa si weyn ula dhacay tayada iyo baaxadda Suuqa Hayat Market, iyagoo sheegay inaysan filayn in noociisa oo kale laga heli karo dal sida Soomaaliya oo kale ah oo ka soo kabanaya burbur iyo dagaallo. Waxay xuseen in uu yahay suuq casri ah oo la mid ah kana tartami kara suuqyada waaweyn ee qaaradda Yurub.

Xiddigaha Afrika ayaa ku bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed horumarka ay ku tallaabsadeen iyo sida ay u aamineen una maalgasheen dalkooda hooyo. Waxay sheegeen in arrintaasi ay ka tarjumeyso waddaniyadooda iyo sida ay uga go’an tahay inay u adeegaan bulshadooda. Waxayna Soomaaliya u rajeeyeen horumar ka sii wanaagsan kan hadda jira.

Xiddigahan ayaa qeyb ka ahaa wafdi ka socda xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, kuwaas oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo qiimeynaya xaaladda amniga iyo sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay in ay marti-geliso tartamada caalamiga ah.

Dilka 40 qof oo Soomaali ah oo la shaaciyey, xilli Turkida ay ku sii fidayaan Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 40 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeymo ay Soomaaliya ka fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkey tan iyo dabayaaqadii 2022, sida ay ku warramay The Washington Post oo soo xigatay dad goob-joogayaal ah — warkaas oo horseeday in si weyn dib loogu eego doorka sii ballaaranaya ee milatari ee Ankara ku leedahay Geeska Afrika.

Mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ayaa dhacay Janaayo 2023, markii diyaarad aan duuliye lahayn ay ku dhufatay dad hoos fadhiya geed ku yaalla deegaanka Quracley, halkaasoo ay ku dhinteen toddobo qof oo rayid ah, oo uu ku jiray ilmo 8 sano jir ah.

“Xitaa iima aysan suurtagelin in aan carruurteyda sida Islaamka ah u mayro,” ayuu yiri Maxamed Nuur Axmed, oo 50 jir ah kana baxeen saddex wiil iyo wiil uu adeer u ahaa. “Jirkooda ayaa ahaa jeex-jeex aan la isu keeni karin.”

9-kii September 2022, weerar kale oo ka dhacay magaalada Mubaarak oo ay gacanta ku hayaan al-Shabaab ayaa lagu dilay siddeed qof — badankoodna waxay ahaayeen darawallo iyo ganacsato waddooyinka taagan — sida uu sheegay dhakhtar maxalli ah. Bishii Maarso 2025, laba weerar oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkey ka fuliyeen waqooyi-bari ee Muqdisho ayaa dilay 23 rayid ah, intooda badanna way afurayeen ayadoo ay aheyd bisha Ramadaan.

Khasaaraha dadka rayidka ah ayaa sare u kacay, ilaa heer uu Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) — oo horey loogu dhaliilay duqeymihiisa — bilaabay inuu si cad u shaaciyo howlgal walba oo uu ka fuliyo Soomaaliya si loo kala garto weeraradooda iyo kuwa Turkey.

Iyadoo ololaha duqeymaha Ankara uu sii xoogeysanayo, diblomaasiyiin iyo falanqeeyayaal ayaa ka digaya in khasaare rayid oo kordha uu si aan ula kac ahayn uga faa’iideyn karo al-Shabaab, iyada oo kor u qaadaysa qorashadooda dagaal-yahanada.

“Soomaalidu waxay Turkiga ka dalbanayaan in uu Muqdisho badbaadiyo si kasta oo ay ku kacayso,” ayuu yiri diblomaasi reer Galbeed ah oo la hadlay The Washington Post. “Taasina waxay si lama huraan ah u keeni doontaa khasaare rayid oo hor leh, oo ay al-Shabaab si buuxda uga faa’iideysan karto.”

Saameynta sii fidaya ee Ankara

Joogitaanka Turkey ee Soomaaliya wuxuu ku bilowday sidii hawl-gal bani’aadanimo xilligii abaartii daran ee 2011, taas oo dishay in ka badan 260,000 qof. Balse tan iyo markaas, xiriirkaas wuxuu isu beddelay iskaashi istaraatiiji ah iyo mid dhaqaale oo qoto dheer oo ay Ankara la yeelatay dowladda Soomaaliya.

Tan iyo 2011, Turkey waxay:

  • Dayactirtay mid ka mid ah isbitaallada ugu waaweyn Muqdisho,
  • La wareegtay maamulka garoonka diyaaradaha iyo dekedda caasimadda,
  • Dhistay saldhiggeeda milatari ee ugu weyn ee dibedda dalka ka baxsan, kuna yaalla Muqdisho,
  • Tababartay ku dhowaad 6,000 askari Soomaaliyeed oo u kala baxa laba guuto,
  • Sidoo kale aasaastay dugsi sare oo tababar ciidan ah.

Saameynta Ankara hadda waxay si weyn ugu tiirsan tahay joogitaanka milatari ee sii xoogeysanaya. Duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn — oo lagu fuliyo codsi ka yimaada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka — ayaa noqday tiir muhiim ah oo ka mid ah istiraatiijiyaddeeda.

Bil kahor, Ankara waxay Soomaaliya siisay laba diyaaradood oo nooca Akinci ah, kuwaas oo leh awood rarka iyo duulimaad ka sarreeya noocyadii hore. Sidoo kale, bishii la soo dhaafay waxaa Muqdisho la geeyay 400 askari oo Turkish ah — tiradaas oo ah joogitaanka milatari ee ugu weyn ee Turkey weligeed ka hirgeliso gudaha dalka.

Inkasta oo iskaashi dhow uu ka dhex jiro Ankara iyo dowladda Soomaaliya, saraakiil caalami ah ayaa sheegaya in marar badan aysan helin wax xog ah oo la xiriirta weerarada cirka ee Turkey. “Mararka qaar, bartilmaameedyo ayaa dul socda diyaarado badan oo aan duuliye lahayn,” ayuu yiri diblomaasi ku sugan Muqdisho oo la hadlay The Washington Post.

“Markii quwadihii dhaqameed ay dib uga gurteen qaar kamid ah dalalka Afrika, Ankara waxay aragtay fursad ay ku buuxiso boos banaan,” ayuu yiri Berkay Mandıracı, falanqeeye sare oo ka tirsan International Crisis Group. “Soomaaliya waxay Ankara u leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo ku saleysan goobta ay kaga taallo marin-biyoodka muhiimka ah iyo wadiiqooyinka ganacsi ee istiraatiijiga ah.”

Dano istiraatiiji ah iyo faa’iidooyin ganacsi

Doorka sii ballaaranaya ee Turkey kuma koobna awood ciidan iyo saameyn diblomaasiyadeed. Shirkado Turkish ah ayaa helay qandaraasyo waaweyn oo qiimo sare leh gudaha Soomaaliya. Maamulka dekedda iyo garoonka Muqdisho wuxuu dhalinayaa malaayiin doolar bil kasta.

Bishii April, The Washington Post waxay shaacisay heshiis baaritaan shidaal oo lagu murmay, kaas oo dhigaya in Soomaaliya ay helayso kaliya 5% wax-soosaarka — arrintaas oo caro ka dhalisay xildhibaanno mucaarad ah. Maraakiib Turkish ah ayaa hadda si firfircoon u baaraya ceelasha shidaalka ee xeebaha Soomaaliya.

“Soomaaliya waa dal hodan ku ah khayraadka dabiiciga ah, laakiin amni la’aantu waxay caqabad ku noqotay in la suuqgeeyo khayraadkaas,” ayuu yiri Donald Yamamoto, safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay Soomaaliya. “Haddii aan iska dayno saaxiibadeen, cid kale ayaa beddeli doonta, waxayna ka faa’iideysan doontaa marka Soomaaliya gaarto nabad iyo barwaaqo.”

Iyadoo Ankara ay sii qoto-dheeraynayso joogitaankeeda Soomaaliya, saameynteeduna ay sii baahsanayso, haddana cawaaqibka ayaa iyaguna sii kordhaya. Khasaare rayid oo isa soo taraya, howlgal ciidan oo aan lagu wargelin beesha caalamka, iyo heshiisyo dhaqaale oo lagu dhaliilay dulmi ayaa keenaya su’aalo laga qabo in doorka sii fidaya ee Turkey uu sababi doono xasillooni waarta, mise uu sii murjin doono xasillooni darrida dalka.

Maxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu lumiyey kalsoonida Mareykanka?

Washington (Caasimada Online) – Hadalka sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ee Maraykanka oo muujiyay walaac ku saabsan mudnaanta siyaasadeed ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa calaamad u ah isbeddel xasaasi ah oo ku yimid sida Maraykanku u arko saaxiibkiisa muddada dheer ee Geeska Afrika.

In kasta oo hadalku yahay mid diblomaasiyadeed oo si miyir leh loo dhigay, fariintu waa mid aan mugdi ku jirin: kalsoonidii Maraykanka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si tartiib tartiib ah ayey u sii lumaysaa.

Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xilka sannadkii 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu isbeddel siyaasadeed ka dhigay tiirka ajendayaashiisa siyaasadeed, isaga oo xoogga saaray doorasho hal qof, hal cod ah. Qaar baa arrintan u arka tallaabo lagu xoojinayo dimoqraadiyadda, halka kuwa kalena ay u arkaan dadaal uu Madaxweynaha ku urursanayo awoodda, isagoo meesha ka saaraya doorarkii dawlad-goboleedyada.

Dadaallada dowladda ee ku aaddan wax-ka-beddelka dastuurka ayaa sii huriyay cabsi horey u jirtay, iyada oo khilaafyo ka dhex abuurtay dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada sida Puntland iyo Jubaland.

Hadda, saraakiil Maraykan ah ayaa ka digaya in is-hoosaysiinta siyaasadeed ay si weyn uga leexinayso feejignaanta dowladda ee khatarta ugu daran ee dalka — dib u soo kabashada kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Maxay muhiim u tahay isbeddelkan Maraykanka ku yimid?

Maraykanku wuxuu muddo dheer ahaa saaxiibka amni ee ugu weyn ee Soomaaliya—wuxuu bixiyay taageero diyaarado aan duuliye lahayn, tababbaro ciidan, iyo garab diblomaasiyadeed.

Bilowgii xilkiisa, iskaashigaas wuxuu horseeday guulo laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, gaar ahaan bartamaha Soomaaliya. Laakiin markii khilaafaadkii siyaasadeed gudaha dalka ay kordheen, wada-shaqayntii u dhaxaysay dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada ayaa burburtay, taasoo hakad gelisay hawlgalladii militari.

Hadda, Al-Shabaab ayaa dib usoo ceshanaysa dhulkii ay horey u lumisay. Intii u dhaxaysay 2024 iyo bilowgii 2025, kooxda ayaa weerarro cusub ka qaaday Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, iyo Hiiraan—waxayna bishii Maarso 2025 isku dayeen inay ku khaarijiyaan madaxweynaha weerar toos ah oo ka dhacay caasimadda.

Iyadoo hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS uu sii galayo marxalad kala guur ah loona wareegayo howlgalka cusub ee AUSSOM oo aan dhaqaale ku filan haysan, waxaa si weyn usii kordhaya baahida ah in dowladda Soomaaliya ay hoggaan u noqoto howlgallo mideysan oo amni.

Marka saraakiisha Maraykanka ay yiraahdaan Madaxweynaha wuxuu “carqalad ku yahay horumarka la-dagaalanka argagixisada” sababtoo ah diiradda uu saaray xaraynta awoodda, arrintu ma aha dhaliil keliya—waa calaamad muujinaysa in Washington ay dib u eegayso heerka ay ula jaanqaadi karto hoggaanka hadda jira ee Soomaaliya.

Maxaa laga fili karaa haddii xiriirka sii xumaado?

Xiriir daciifa oo u dhexeeya Maraykanka iyo Soomaaliya wuxuu keeni karaa saameyn ballaaran. Marka hore, waxaa hoos u dhici kara taageerada maaliyadeed iyo tan hawlgal ee la siiyo ciidamada amniga Soomaaliya—gaar ahaan cutubka Danab oo ah guutada khaaska ah ee ay Maraykanku tababarto.

Marka xigta, Soomaaliya waxay u leexan kartaa xulafo kale sida Turkiga iyo Qadar—waddamo durba xoojiyay joogitaankooda dhaqaale iyo militari ee dalka.

Gudaha dalka, dareenka ah in Madaxweynaha uu luminayo kalsoonida saaxiibada reer Galbeedka wuxuu dhiirrigelin karaa kooxaha mucaaradka ah, wuxuuna caqabad ku noqon karaa dadaallada lagu doonayo in lagu hirgeliyo doorasho qaran. Waxaa sidoo kale laga yaabaa in dawlad-goboleedyadu ay bilaabaan inay si madax-bannaan u dhaqmaan, taasoo dhaawici karta midnimada qaranka.

Arrinta ugu khatarta badan ayaa ah in hoos u dhaca iskaashigu uu abuuro firaaq amni oo ay Al-Shabaab ka faa’iideysan karto—arrin ay horey si joogto ah ugu sameeyeen gudaha Soomaaliya.

Si kooban: Hoos u dhaca kalsoonida Maraykanka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ma aha digniin diblomaasiyadeed oo keliya—waa xilli isbeddel istiraatiiji ah. Haddii hoggaanka Soomaaliya uusan dib ugu laabanin hannaan loo dhan yahay iyo feejignaan dhab ah oo lagula dagaallamo argagixisada, natiijadu waxay noqon kartaa mid qaraar: taageero sii yaraata, kala qaybsanaan siyaasadeed oo sii xumaanaysa, iyo firfircoonaan cusub oo ay helaan kooxaha xagjirka ah. Fursadda lagu sixi karo jihada ayaa si degdeg ah u xirmeysa.

Elon Musk oo iska casilay xilkii uu u magacaabay Trump

Washington (Caasimada Online) –  Bilyaneerka caanka ah ee Elon Musk ayaa bartiisa bulshada ee X ee hore oo oran jiray Twitter kaga dhawaaqay inuu ka tagay shaqadii uu u magacaabay madaxweyne Donald Trump, oo ah xubinamada guddiga kharashka dhimmista ee madaxweynaha.

Musk ayaa sheegay in waqtigii loo qorsheeyay ee ahaa in uu ahaa shaqaale dowladeed oo gaar ah uu dhamaaday, waxaana uu uga mahadceliyay Trump fursadda uu siiyay.

Waxaa uu gacan weyn ka geystay olole ballaaran oo lagu dhimayo baaxadda tirada shaqaalaha ee dowladda Mareykanka sla markaana kumanaan ka tirsan shaqaalaha dowladda shaqada laga ceyriyay.

Intii uu xilkan hayay, Musk waxaa la xiray Hay’addo ay kamid tahay USAID, iyada oo la dhimmay shaqaale faro badan.

“Aad baan ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Trump fursaddii uu i siiyay inaan u adeego dalka. Waa waayo-aragnimo adag, laakiin wax badan aan ka bartay.” ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyay X.

Tegistiisa ma aha mid lama filaan ah, waxayna ku soo beegantay maalin uun ka dib markii uu Elon dhaleeceeyay gundhigga sharci dejinta ee agendaha Trump.

Waxaa uu ninkan kaalin weyn ka qaatay isbedellada uu maamulka Trump ka waday gudaha dalka Mareykanka.

Si kastaba, Elon Musk ayaa sidoo kale la filayaa in haatan diiradda uu saaro hawlihiisa ganacsi ee tiknoolojiyadda sare iyo sahaminta cirka.

Trump oo Netanyahu uga digay arrin uu damacsan yahay

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay inuu toddobaadkii hore uga digay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uu qaado tallaabooyin wax u dhimi kara wadahadallada nukliyeerka ee lala leeyahay Iran.

“Waxaan u sheegay in ay hadda tahay mid aan habboonayn in la sameeyo, maadaama aan aad ugu dhow nahay in xal laga gaaro arrintan,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha ku sugnaa Xafiiska Oval. “Xaaladduna waxay is beddeli kartaa daqiiqad kasta.”

Israa’iil ayaa hore u beenisay war uu daabacay The New York Times oo sheegayay in Netanyahu uu hanjabaad ku muujiyay inuu carqaladayn doono wadahadallada Maraykanka iyo Iran ee ku saabsan heshiiska nukliyeerka, isagoo qorsheynaya inuu weerar ku qaado xarumaha ugu muhiimsan Iran ee kobcinta nukliyeerka.

Wargeysku wuxuu soo xigtay saraakiil xog-ogaal u ah arrimahaas kuwaasoo sheegay in Israa’iil ay ka walaacsan tahay in Trump uu aad ugu nugul yahay gaarista heshiis, xataa haddii taas micnaheedu yahay in Iran loo oggolaado in ay sii waddo kobcinta nukliyeerka—tani oo ah arrin Israa’iil u aragto khad cas (red line).

The New York Times ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil si gaar ah uga baqeyso in la gaaro heshiis ku-meel-gaar ah oo oggolaanaya Iran in ay muddo bilooyin ama xitaa sanado ah sii wado howlaha nukliyeerka, iyadoo la sugayo heshiis rasmi ah.

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa sidoo kale muujiyay walaac ah in Israa’iil ay si lama filaan ah u weerari karto Iran, waxaana warbixinta lagu xusay in sirdoonka Maraykanku qiyaasay in Israa’iil ay weerar ku qaadi karto Iran toddoba saacadood gudahood.

Xafiiska Netanyahu ayaa kasoo saaray bayaan kooban oo lagu sheegay: “Warkaasi waa been abuur.”

Wargeyska The New York Times ayaa difaacay warbixintiisa, isagoo sheegay in ay salka ku hayso ilo xog ogaal ah.

“Warbixinta The New York Times waxay ku saleysan tahay xog dhamaystiran iyo wadahadallo lala yeeshay dad si toos ah ugu lug leh arrintan. Waxaan weli ku kalsoonahay wixii aan daabacnay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay wargeyska oo email ku bixiyay jawaabta.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirka Arrimaha Istiraatiijiga Israa’iil, Ron Dermer, iyo madaxa hay’adda sirdoonka dibadda ee Mossad, David Barnea, ay Jimcihii magaalada Rome kula kulmeen ergayga gaarka ah ee Trump, Steve Witkoff.

Labada mas’uul ayaa kadib ugu safray Washington, halkaas oo ay Isniintii kula kulmeen Agaasimaha CIA, John Ratcliffe, iyadoo Dermer uu Talaadadii mar kale la kulmay Witkoff.

Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan wadahadallada Maraykanka iyo Iran ayaa ah shuruudda Maraykanku ku xirayo in Iran gebi ahaanba joojiso kobcinta nukliyeerka—dalab ay Tehran si cad u diidday.

Isniintii, Wasiirka Amniga Gudaha ee Maraykanka, Kristi Noem, ayaa sheegtay in ay “wadahadal furan” la yeelatay Netanyahu oo ku saabsanaa wadahadallada Iran.

Waxay sheegtay in ay u gudbisay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil fariin uu Trump u dhiibay, taasoo ahayd in “ay aad muhiim u tahay in aynu mideysnaano oo aan fursad siino geeddi-socodkan inuu dhammaado.”

Trump ayaa bishan ka baaqsaday in uu Israa’iil booqdo intii uu ku sugnaa Bariga Dhexe, wuxuuna sameeyay bayaano siyaasadeed oo wiiqay kalsoonidii Israa’iil ay ku qabtay xiriirka kala dhexeeya Maraykanka.

Netanyahu ayaa iska fogeeyay wararka sheegaya inuu khilaaf ka dhex taagan yahay isaga iyo maamulka Maraykanka, halka Trump isna uu meesha ka saaray sheegashooyinka ah in xiriirkoodu xumaaday.