27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Puntland oo iska fogeysay arrin la xiriirta qorshaha doorashada Xasan Sheekh

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa si cad u beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in xubno ka tirsan guddiga ay xog muhiim ah u gudbiyeen guddiga doorashooyinka heer federaal ee muranku ka taagan yahay.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in arrintaasi aanay waxba ka jirin. Guddiga PEC waxay sheegeen in xogaha lagu eedeeyay in la bixiyay aysan ahayn kuwo sir ah.

Waxay intaas ku dareen in dhammaan macluumaadka la sheegay in la musuqay ay yihiin xog horey loo shaaciyay lagana heli karo mareegta rasmiga ah ee guddiga doorashooyinka Puntland.

Sidoo kale, PEC waxay caddeeyeen in xogaha la tilmaamay ay ka mid yihiin tirada goobaha diiwaangelinta, tirada dadka is diiwaangeliyay, magacyada goobaha codbixinta, iyo tirada codbixiyeyaasha — dhammaan xogahaasna lagu daabacay si hufan loogana heli karo internet-ka, taasoo meesha ka saaraysa shakiga ah in xog sir ah la bixiyay.

Guddigu wuxuu sheegay in xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka qof iyo cod ee laga hirgaliyay Puntland ay iyaguna si furan u yaallaan boggooda internet-ka, si cid walba oo danaynaysa ay u akhrisan karto una xogwaraysan karto. Taas waxay tusaale u tahay sida ay u dheggan yihiin hufnaanta iyo daahfurnaanta hab-raaca doorashooyinka.

War-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in xogaha sida magaca goobaha, code-numberkooda, iyo meelaha ay goobuhu ku yaalliin aysan wax sir ah ku jirin, maadaama horey loo faafiyay lana mariyay hannaan sharci ah. Sidaa darteed, guddigu wuxuu cambaareeyay dadka si khaldan u turjumaya ama u faafinaya xogahaas.

PEC waxay ku cel-celiyeen inay mar walba diyaar u yihiin in ay bulshada iyo warbaahinta la wadaagaan xogaha muhiimka ah ee ku saabsan doorashooyinka, balse ay ka xun yihiin in lagu eedeeyo wax aysan samaynin, taasoo dhaawici karta kalsoonida shacabka ku qabaan hay’addooda.

Ugu dambayn, guddigu wuxuu shacabka Puntland iyo dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka ugu baaqay inay iska ilaaliyaan faafinta warar aan sal iyo raad toona lahayn, ayna ka warhayaan in xogaha rasmiga ah kaliya laga helo mareegaha iyo ilo-xogeedyada saxda ah ee guddiga PEC.

Wasiirka cusub ee difaaca oo baaq culus soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed guulaha ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, si gaar ah howl-galkii guuleystay ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, isagoo soo saaray baaq ku socda bulshada.

Howl-galkan ayaa ciidamada iskaashanaya ku dileen ku dhawaad 40 dhagar-qabe oo kooxda Al-Shabaab ka tirsan iyo horjooge ajnabi ah, kaasi oo ka dhacay Tuulada Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay.

”Waxaan ku bogaadinayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed howl-galka guuleystay ee ay ku naafeeyeen cadawga Khawaarijta ee ka dhacay degaanka Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunay ee gobolka Baay, kaasi oo ka marqaati kacaya in la gaaray dhammaadka argagixisada dhibaatada xooggan ku haya shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa Alle u weydiiyay naxariistiisa ballaaran halyeeyadii ku naf waayay dagaalka xaqa ee kooxda Al-Shabaab, isaga oo bogsiino deg-deg ah u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay gulufka socda.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaliyeed in si hagar la’aan ah u garab istaagaan ciidamada naftooda u huraya in dalkeena ay ka xoreeyaan kooxaha argagixisada, oo dhibaato xooggan ku haya shacabka.

Wuxuu tilmaamay in kooxaha argagixisada ee ugu horeyso Al-Shabaab illaa laga cirib-tiro dalka ay shacabka Soomaaliyeed helayn nabad iyo xasilooni ay ku noolaadaan, maadaama ay hortaagan yihiin xasilloonida dalkeenna.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa haatan maraya meel xasaasi ah, iyadoo kooxdu ay dib isu soo abaabushay, ayna bilowday inay weeraro ku qaado deegaanadii hore looga qabsaday, kuwaasi oo ay u arkaan kuwa muhiim u ah fulinta dhagartooda, balse qaarkood ay ku fashilmeen.

Dagaal dib uga dhex-qarxay SSC-Khaatumo iyo Somaliland

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Dagaal xooggan ayaa Khamiistii ka qarxay deegaanka Daan-weyne ee gobolka Sanaag, kadib markii ay mar kale cirka isku shareertay xiisadda u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo oo isku haya muran dhuleed.

Bayaan ay galinkii dambe ee Khamiista soo saareen maamulka SSC-Khaatumo ayaa lagu eedeeyay Somaliland in ay bilowday, sida ay hadalka u dhigeen, “weerar arxan-darro ah oo lagu qaaday dad reer guuraa ah.”

“Falkan naxariis-darrada iyo gardarrada ah wuxuu sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo rayid ah. Wuxuu halis geliyay nolosha dadkeenna, wuxuuna dhaawac u geystay dadaallada nabad-dhisidda ee ay wado dowladda federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka SSC-Khaatumo.

Inkasta oo tirada saxda ah ee khasaaraha aysan weli caddayn, mas’uuliyiinta SSC-Khaatumo waxay sheegeen in rabshadahan ay si weyn u xadgudbeen madax-bannaanida dhuleed ee deegaankooda. Waxay ugu baaqeen beesha caalamka in ay si degdeg ah u baarto dhacdadan.

Mas’uuliyiinta Somaliland weli si rasmi ah ugama hadlin dagaalka, balse sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo la sheegay in ay ciidamada Somaliland qabteen intii uu dagaalku socday.

Xiisadda ayaa sii kacaysay tan iyo booqashadii taariikhiga ahayd ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu toddobaadkii hore ku tegay magaalada Laascaanood, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee maamulka SSC-Khaatumo.

Booqashadaas ayaa astaan u ahayd aqoonsiga rasmiga ah ee dowladda federaalku siisay SSC-Khaatumo inay tahay dowlad-goboleed, arrintaas oo si xooggan uga soo horjeestay Somaliland, oo weli sheegata inay maamusho gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Dagaallo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ayaa si goos-goos ah u socday tan iyo horraantii 2023, markaas oo shacabka deegaanka iyo odayaasha dhaqanka ay si xooggan uga saareen ciidamada Somaliland magaalada Laascaanood, taasoo horseedday kacdoon ballaaran.

Somaliland oo hal arrin ka codsatay DF Soomaaliya oo ku saabsan maxaabiista

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in si deg deg ah ay ugu wareejiso 25 maxbuus oo laga qaaday magaalada Laascaanood Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC), iyadoo ku eedeysay dowladda federaalka inay jebisay xeerarka caalamiga ah ee bini’aadannimada isla markaana u adeegsatay maxaabiista ujeeddooyin siyaasadeed.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Caddaaladda ee Somaliland ayaa ku tilmaamay raridda maxaabiista ee loo qaaday Muqdisho mid “afduub sharci-darro ah” iyo jabin dhanka Sharciga Saddexaad ee Heshiiska Geneva ee 1949-kii. Wasaaraddu waxay si gaar ah u xustay qodobbada 12-aad iyo 118-aad, kuwaasoo mamnuucaya adeegsiga maxaabiis dagaal si loogu cadaadiyo ama loogu fuliyo dano siyaasadeed.

“Maxaabiista waxaa loo qaaday si qasab ah, waxaa lagu qasbay inay qaataan calanka Soomaaliya, waxaana loo adeegsaday ujeeddooyin siyaasadeed,” ayuu yiri Wasiirka Caddaaladda Somaliland, Yuusuf Axmed Yuusuf. “Waxaan ugu baaqeynaa Soomaaliya inay maxaabiistan ku wareejiso hay’adaha caalamiga ah ee u xilsaaran is-weydaarsiga maxaabiista, sida ICRC.”

25-kan maxbuus ayaa lagu qabtay dagaallo culus oo dhacay horraantii 2023, kuwaasoo u dhexeeyay ciidammada Somaliland iyo xoogagga maamulka SSC-Khaatumo ee magaalada Laascaanood. Sii deyntooda toddobaadkii hore ayaa timid xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, uu booqasho taariikhi ah ku tegay Laascaanood—taasoo ahayd tii ugu horreysay ee uu ra’iisul wasaare xil haya ku tago magaalada muddo 50 sano ka badan.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa u soo bandhigay sii deynta maxaabiista inay ahayd “tilmaan nabadeed,” halka mas’uuliyiinta Soomaaliya ay ku tilmaameen qeyb ka mid ah dadaallada dib-u-heshiisiinta.

Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa sheegay in tallaabada lagu saleeyay arrimo bani’aadannimo. “Kuwani waa muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu helay dagaal. Ma aha maxaabiis hadda. Waxaa la siiyay daryeel caafimaad, waxayna dib ula midoobeen qoysaskooda,” ayuu yiri.

Somaliland ayaa si buuxda u joojisay wada-hadalladii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka kadib aqoonsiga rasmiga ah ee ay Muqdisho siisay SSC-Khaatumo oo ay u aqoonsatay maamul-goboleed cusub, tallaabadaas oo Somaliland si adag uga soo horjeesatay. Mas’uuliyiinta Somaliland waxay sheegeen in wax wadahadal ah aysan dhicin, ayna arrintani ahayd fal sharci-darro ah oo lagu wiiqayo madaxbannaanida Somaliland.

“Wax wadahadal ah oo dhacay ma jirin. Tani waa arrin siyaasadaysan oo jebineysa xeerarka caalamiga ah iyo xuquuqda muwaadiniinta Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yasiin Sheekh Cali Ayaanle.

Somaliland waxay sidoo kale ugu baaqday hay’adaha xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah inay si dhow ula socdaan xaaladda maxaabiista, ayna la socdaan sharciyeynta wareejinta kasta oo mustaqbalka dhacda.

“Dowladda Somaliland waxay ka go’an tahay in is-weydaarsiga maxaabiista uu noqdo mid daahfuran, sharciyeysan, kana turjumaya xeerarka caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Boqorad qurux oo shirqool jaceyl u dhigtay safiir Sacuudi si ay uga qaadato $5 milyan

Dhaka (Caasimada Online) – Booliska Bangladesh ayaa Khamiistii sheegay in gabar horey u soo noqotay boqoradda quruxda dalkaasi ay isku dayday inay shirqool jaceyl u dhigto safiirkii hore ee Sacuudiga, si ay uga dhacdo $5 milyan oo doollar.

Meghna Alam, oo 30 jir ah, ayaa markii hore la xiray iyadoo aan lagu soo oogin wax dambi ah, iyadoo la raacayo xeer muran badan dhaliyay oo waddankaas ka jira, kaasoo oggolaanaya in si aan xad lahayn loogu hayo eedeysaneyaasha xabsiga.

Afhayeenka booliiska, Maxamed Taalebur Raxmaan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in hadda Alam lagu soo oogay dacwad la xiriirta baad iyo cabsi gelin.

Sarkaal sare oo booliis ah, oo codsaday in aan la magacaabin, ayaa isna u sheegay AFP in Meghna iyo dad kale ay maleegeen qorshe ay ku qasbayaan diblomaasiga inuu bixiyo lacagtaasi.

“Bangladesh waa dalka ugu shaqaalaha badan ee jooga Sacuudiga. Dowladda ma dooneyso inay khatar geliso xiriirka diblomaasiyadeed,” ayuu yiri sarkaalkaasi.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa si joogto ah uga taageerta Bangladesh gargaar dhaqaale iyo mid bini’aadantinimo, waxaana in ka badan laba milyan oo shaqaale Bangladeshi ah ay yihiin kuwa ugu tirada badan ee ajaanibka ah ee ka shaqeeya dalkaasi.

Meghna Alam ayaa maxkamad hortimid Khamiistii iyadoo aan wakiil sharci ah wadan, waxayna diidday eedeymaha loo jeediyay, iyadoo codsatay in la buriyo xarigeeda.

Wargeyska The Daily Star ayaa qoray in Alam ay sheegtay in diblomaasigu isagu la soo xiriiray, isla markaana uu ka codsaday inay xiriir bilaabaan.

Aabbaheed, Badruul Alam, ayaa sidoo kale u sheegay AFP in “danjiraha iyo Meghna ay xiriir lahaayeen.”

“Gabadhayda wey diidday dalabkiisa guur sababtoo ah wuxuu horey u qabay xaas iyo carruur,” ayuu raaciyay.

Safaaradda Sacuudiga ee Dhaka ayaan ka jawaabin weydiimo loo diray Khamiistii.

Booliska ayaa sheegay in markii Alam la xiray 9-kii April, ay ku eedeeyeen in ay “khatar gelisay amniga qaranka” iyo “dhibaato ku keentay danaha dhaqaale ee dalka”.

Xarigeeda oo lagu saleynayo Xeerka Awoodaha Gaarka ah ayaa si weyn u dhaleeceeyay ururada u dooda xuquuqda aadanaha.

“Waxaan ugu baaqaynaa dowladda inay Meghna ku soo oogto dambi si caalami ah loo aqoonsan yahay ama xorriyadeeda si degdeg ah u siiso,” ayay qortay hay’adda Amnesty International Jimcihii, iyadoo adeegsaneysa baraha bulshada.

Daawo: DF oo tallaabo ka qaadeysa wakiilka Midowga Afrika ‘oo taageeray’ Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay go’aan adag ka gaari doonto sii joogitaanka dalka ee sii-hayaha madaxda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo uu ku eedeeyey inuu yahay ‘taageere Al-Shabaab.’

Wuxuu sheegay in ninkaas uu caalamka u diray warbixino muujinaya inuu taageerayo Al-Shabaab, isagoo cadeeyey in mowqifka dowladda ee kiiskan ninkaan ku aadan uu yahay mid adag.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kamid ah fagaarayaasha uu ka jeeriyey ninkaas warbixino uu ku sheegay in Shabaab ay dowladnimo rabaan oo ay joojiyeen dilka shacabka iyo waxyaabo badan oo dhaqanka argagixisada ah.

“Ninka siihayaha howlgalka AUSSOM ah, muddo dheer ayaa si hoose loogu xaman jiray, laakiin hadda waxaa muuqata inuu is qari waayey, anaga muddo ayaan ka aamusneyn, qof taageere Al-Shabaab ah ayuu noqday, qof xaasid ku ah horumarka Soomaaliya ayuu noqday,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in maalin kasta uu ninkaasi bixiyo warbixino qariban oo Soomaaliya ka dhigaya mid guul dareysatay, sidoo kale wuxuu sheegay in naceyb badan uu u qabo ciidamada qaranka iyo macawiisleyda la dagaalameysa Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

Guddoomiyaha GEDO oo digniin culus u diray guddiga doorashooyinka qaranka

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Al-Qaadi, ayaa si adag uga digay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka (NIEBC) in ay gobolka ka fuliyaan wax hawlo diiwaan-gelin cod-bixiye ama doorasho la xiriira iyagoo aan wax iskaashi ah la samayn maamulka Jubbaland.

Wuxuu sheegay in tallaabo kasta oo noocaas ah oo aan la isku raacsanayn ay noqon doonto mid sharci-darro ah oo laga hortagi doono.

Isagoo la hadlayay warbaahinta gudaha, Al-Qaadi ayaa hoosta ka xarriiqay in hannaanka doorashooyinka uu ku xiran yahay is-afgarad buuxa oo dhex mara Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

“Ma jiri doonto doorasho ka dhacda gobolka Gedo annagoo aan oggolaan. Waxaan uga digayaa Guddiga Doorashooyinka in haddii ay tallaabo qaadaan iyagoo nala tashan, ay wajihi doonaan cawaaqib,” ayuu yiri Al-Qaadi.

Digniinta guddoomiyaha ayaa iftiiminaysa khilaafka weli taagan ee u dhexeeya Jubbaland iyo Dowladda Federaalka, kaasoo salka ku haya arrimo la xiriira awoodda doorashooyinka, wax-ka-bedelka dastuurka, iyo qaab-dhismeedka loo marayo doorashooyin toos ah.

Guddiga NIEBC ayaa horey u shaaciyay qorshayaal ay ku doonayaan in diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha laga sameeyo dhowr gobol oo uu Gedo ku jiro, si loo gaaro doorasho hal qof, hal cod ah oo lagu wado in ay dalka ka dhacdo sannadka 2026 — doorashadii ugu horreysay ee noocaas ah tan iyo 1967.

Diiwaan-gelinta rasmiga ah ayaa si rasmi ah uga bilaabatay Talaadadii degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dad badan isugu soo baxay si ay u helaan kaararka cod-bixinta. Mas’uuliyiin sare oo heer federaal iyo heer degmo ah — oo uu ku jiro duqa Muqdisho — ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee isdiiwaangeliyay.

Dadaalka Dowladda Federaalka ee lagu hirgelinayo doorashada qof iyo cod ayaa lagu beddelayaa nidaamka awood-qaybsiga beelaha ee 4.5, kaasoo xilalka baarlamaanka lagu qaybiyo afar beelood oo waaweyn, halka beelaha laga tirada badan yahay la siiyo “nus-qayb”.

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin hadalladii kasoo yeeray guddoomiye Al-Qaadi.

Daawo: Saacid oo jeediyey hadal qalqal gelin ah iyo Fiqi oo ugu jawaabay ‘seedi’

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saaci doo ka mid ah musharaxiinta Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa maanta jeediyey hadal si weyn loogu weeraray, Saacid ayaa sheegay in muddo kooban oo Muqdishou u joogay uu arkay in kooxda Al-Shabaab ay Muqdisho qabsan rabaan.

Wuxuu sheegay in Ex-control Balcad iyo Ex-control Afgooye ay Shabaab ku soo dhawaadeen difaaca ciidamada qaranka Soomaaliya ayuu sheegay in Muqdisho uu u muuqdo.

“Maanta waxaa difaac looga jiraa labada koontorool ee Xamar, iska daa adeeg dowladeed, difaaca koowaad wuxuu yaalla meel Balcad ka sokeysa, aaway qarankeenii xoogga badnaa ee lagu xaman jiray in Afrika uu ugu awood badan yahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid.

Wuxuu sheegay in Soomaaliyadaan iyo Soomaaliyadii hore aan la simi karin, “Hadda waxa noo haray waa baa’ba, aduun iyo aaqiro maheyno, dalkaan hodanka ah aan badbaadino, oo isbedel siyaasadeed waa inaan helnaa,” ayuu yiri Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga jawaabay hadalkaas ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, isagoo aad ugu ceebeeyey in isagoo maanta dalka yimid uu sidaas u hadlo.

“Nin seedigeen ah ayaa maanta yimid, horay wuxuu ka yiri Xamar labada koontorool ayaa dhufeys looga jiraa, hadda ayuu yimid, xitaa Xamar ma arkin ninkaas, Al-Shabaab waan ogeyn sanado ka hor sidii ay ula shaqmi jireen dadka Soomaaliyeed, dalkii oo la xoreeyey ayuu yimid Hotel ayuu degay shir jaraa’id ayuu qabtay, isagoo aan Xamar xitaa soo dhexmarin,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa ka afeeftay in seedigiis Saacid uusan ku dheeraa doonin ayaa sheegay in Xasan Sheekh siyaabo kale loo mucaaradi karo, balse arrimaha amniga iyo shaqada laga qabtay aysan uga aamusi doonin qof boorso wata oo dalka hadda yimid.

“Odaga waa seedigeen intaas u dhaafi mayo, laakiin hadii aad hadashay maxaa la iigu jawaabay ha dhihin, intaas ku ekey, qofkii xuduudiisa soo dhaafa gacantaa la qabanayaan, waana la joojinayaa, ciidanka iyo xoolaha la geliyey qiimo ayey noogu fadhiyaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Ugu dambeyntii Fiqi ayaa sheegay in qofkii Amniga siyaasadeeya ay u jawaabi doonaan weliba si adag, “Sheekh Shariif iyo CC Shakuur ayaan u jawabi jirnay, qabiil nagama ahan, ra’iisul wasaareheenii hore waxaan ka sugeynay in maanta inta tuute xirto uu furinta aado, hadii ciidankeena aad inkirto anaguna waan ku inkireynaa,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo hadallada labada masuul ee isku jawaabtay

Wasiirka cusub ee difaaca oo war culus kasoo saaray dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, guulaha ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab, isagoo si gaar ah uga hadlay howlgalkii Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ay saakay ku dileen ku dhawaad 40 Shabaab ah iyo Horjooge Ajanebi ah.

Howlgalkaas ayaa ka dhacay Tuulada Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay, wasiirka ayaa maalmo ka hor xilkaan la wareegay, howlgalkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo uu ka hadlay.

“Waxaan ku bogaadinayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed howlgalka guuleystay ee ay ku naafeeyeen cadawga Khawaarijta ee ka dhacay Degaanka Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshaha lagu laayey cadowga uu ka marqaati kacayo diyaar garwaga Ciidanka iyo bulshada deegaanka, isagoo sheegay in la gaaray dhamaadka kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatada xooggan ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee gaashaandhigga ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaliyeed in si hagar la’aan ah ay u garab istaagaan Ciidamada naftooda u huraya in dalkeena ay ka xoreeyaan cadowga Khawaarijta ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa maanta dhiiri-gelin ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan furimaha dagaalka.

Ciidamada ayaa saakay fuliyey howlgal guuleysay oo lagu dilay in ka badan 35 dhagarqabe oo Khawaarij ah, kuwaas oo horjooge ajanebi ah uu ku jiray, iyadoo Khawaarijta laga dhaawacay in ka badan 60 maleeshiyaad ah.

Meydadka Shabaabkii la laayey ayaa maanta la geeyey magaalada Baydhabo, halkaas oo shacabku ay ku dabaaldegayeen, iyadoo lagu dabaxiray gaadiid oo la jiiday, taasi oo muujineysa cadaawadda shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan kooxaha argagixisada ah.

Baaq culus oo laga soo saaray shirkii maalmahan ka socday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha la-dagaalanka Khawaarijta oo maalmahaan magaalada Muqdisho ka socday ayaa maanta la soo gaba-gabeeyay.

Shirkan oo ay kasoo qayb-galeen in ka badan 700 oo ergay kuwaas oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshadda, ayaa waxaa maanta laga soo saaray baaq xoojinaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Ujeedka shirkan ayaa wuxuu ahaa in si weyn looga qayb-galo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo sidii dalka looga xorayn lahaa loona garab istaagi lahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa waxa loogu baaqay bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada kala duwan ee dalka in ay si weyn uga qayb qaataan sidii dalka looga xorayn lahaa kooxaha argagixisada.

Soo xiritaanka shirkan ayaa waxa ka qayb galay oo khudbado kala duwan ka jeediyey qaar ka mid ah golaha wasiiradda xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ka hadlay shirka ayaa yiri: “Waxa la dhibaateynaayo, oo la beegsanayo waa dadkii aad matasheen, baraarugaan iyo in loo midoobo dagaalka khawaarijta waan idinkaga mahadcelinayaa.”

Sidoo kale shirkan waxaa khudbad ka jeediyey wasiirka caafimaadka, isagoo tilmaamay muhiimada dagaalka socda, “Khawaarij meel walba ayey ka soo qaxeen, waxaana ay isugu yimaadeen deegaanadeena, aan u midowno ciribtirka iyo soo afjarkooda.”

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamza oo maanta dhagax dhigay xarun casri

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarun cusub oo weyn oo casri ah.

Xaruntan casriga ah ee la dhagax dhigay ayaa waxaa yeelan doonta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Wasaaradda Beeraha looga fadhiyo sidii ay u horumarin lahayd wax-soosaarka dalka oo kaalin wayn ka qaata dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyey dhismaha xaruntan oo ah mid casri ah oo fududeyn doonta adeegga ay wasaaraddu u hayso bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xusay in saameynta isbeddelka cimilada adduunka ay yaraysay wax soo saarkii dalaga beeraha ee dunida, sidaas awgeedna loo baahan yahay in xoogga la saaro sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka gudaha.

Dhismaha xaruntan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay xukuumadda Dan-Qaran ku casriyeynayso adeegyada wasaaradda dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo xitaa la gaarsiiyay heer maamul goboleed.

Xogta doomo hub iyo saanad ciidan u siday Al-Shabaab oo maanta lagu burburiyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta duqeyn ku burburiyay doomo sidday hub iyo saanad ciidan oo loo waday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkaan oo ka dhacay gudaha biyaha Soomaaliya ayaa lagu burburiyay hub iyo saanad ciidan oo kooxda loogu tala galay, kuwaas oo lagu qalabeyn lahaa maleeshiyada Al-Shabaab.

Doomahan ayaa la sheegay in aysan wadan wax calan ah oo lagu aqoonsan karo dalka laga leeyahay.

“Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay biyaha gudaha ee Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni aan calan wadan iyo dooni kale oo yar oo taageero siinaysay,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hubka la burburiyay oo loogu tala galay kooxda Al-Shabaab ayaa khatar ku ahaa amniga Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ee taageeraya dadaallada nabad-dhiska.

Qiimeynta hore ee AFRICOM ayaa muujinaysa in duqeyntan lagu dilay dhammaan argagixisadii saarnaa labada dooni, iyadoo aan wax khasaare ah soo gaarin shacabka.

Inkasta oo aan la shaacin halka ay doomahan ka yimaadeen, haddana waxaa loo badinayaa inay kasoo shiraacdeen dhanka Yemen, oo xarun u ah kooxda Xuutiyiinta — kuwaas oo dhawaan heshiis hoose uu dhexmaray iyaga iyo kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Khaatumo oo magac cusub u aqoonsatay Somaliland kadib booqashadii Xamza

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Somaliland u aqoonsaday magac cusub, kadib booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu ku tegay Laascaanood, kaasi oo ah “Kooxda Gooni-goosadka Waqooyi Galbeed”.

Magacan ayaa la iskugu raacay in loo aqoonsado Somaliland, kadib shirkii Golaha Wasiirrada SSC-Khaatumo oo ka dhacay magaalada Laascaanood oo haatan ah xarunta maamulka SSC.

Shirkan oo uu guddoomiyay hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa lagu bogaadiyay safarkii taariikhiga ahaa ee Xamza ku tegay halkaasi, kaasi oo ay SSC-Khaatumo ugu aqoonsadeen dawlad goboleed buuxa.

Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyey go’aankaas iyo safarkaas taariikhiga ah ee wefdıgaas ballaadhani ku yimaaddeen deegaanka.

Dhanka kale Shirka ayaa diirradda lagu saaray arrimaha amniga, difaaca, midnimada iyo siyaasadda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maamulka SSC-Khaatumo.

Ugu dambayn, Golaha ayaa go’aamiyey in Somaliland oo haatan ka talisa Gobolka Woqooyi Galbeed ee Soomaaliya loo aqoonsado “Kooxda Gooni-goosadka Waqooyi Galbeed (KGWG).”

Tan iyo markii ay lumisay Somaliland deegaanada ay haatan SSC ku hayso gacanta, loona aqoonsaday maamul goboleed rasmi ah, waxay labada dhinac hawada isku marinayeen hadallo kulul, iyadoo laga cabsi qabo in dhinacyada uu markale dagaal dhexmaro.

Si kastaba, Safarka Xamza ee Laascaanood ayaa muujiyay taageerada dowladda federaalka Soomaaliya ee maamulkan, oo haatan loo aqoonsaday maamul goboleed buuxa, kana qeyb-galaya miiska lagu gaarayo arrimaha masiiriga ah.

Fiqi oo dalbaday in liiska argagixisada lagu daro siyaasi caan ah oo reer Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa dalbaday in liiska argagixisada la geliyo siyaasiga caanka ah ee reer Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo shalay si aan gabasho lahayn u taageeray Shabaab, sheegayna inay dhawaan qabsan doonaan caasimadda dalka.

Fiqi oo ka fal-celiyay qoraalka uu shalay soo saaray Waraabe, kaasoo uu ku sheegay in kooxdaasi ay magaalada Muqdisho qabsan doonto bisha May illaa June 2025, ayaa tan u cuskaday fashil dowladeed oo uu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu garaad xumo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Waraabe, wuxuuna ku eedeeyay inuu si toos ah ugu biiray kooxda Al-Shabaab, oo haatan dagaal adag kula jirta geesiyaasha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

“Waa garaad xumo hadalka uu ku hadaaqay. Horay ayuu carruurtiisii ugu biiriyay ISIS (Daacish), haddana isagii ayaa kooxda argagixisada Al-Shabaab si toos ah ugu biiray, sida kuwii ka horreeyay ay ugu biireen,” ayuu yiri Wasiir Fiqi oo u jawaabay Faysal Cali Waraabe.

Wuxuu intaas ku daray: “Waraabe waa in la geliyaa liiska argagixisada lana soo taagaa maxkamad.”

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu meel xasaasi ah marayo dagaalka kooxda Al-Shabaab, isla markaana maalmihii dambe la arkayay deegaano laga xoreeyay kooxda oo haddana ay weerarro rogaal celis ah kula wareegeen.

Inkasta oo dowladda federaalka Soomaaliya ay muujisay ka go’naanshaheeda gulufka socda, haddana waxaa jira gaabis iyo habacsanaan ay tahay in si deg-deg ah wax looga qabto, si guul wax ku ool ah looga gaaro dagaalka Shabaab, oo ay nooga baxeen halyeeyo naftooda u huray xoreynta dalkeenna.

CC Shakuur oo sheegay arrin geesinimo uga baahan Xasan kadib qabsashadii A/Yabaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kalena ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa war xasaasi ah kasoo saaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan howl-galladii ugu dambeeyay ee dhacay iyo sidoo kale qabsashadii degmada Aadan Yabaal.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka fal-celiyay arrinta Aadan Yabaal oo saddex sano kadib gashay gacanta argagixisada ayaa wax laga naxo ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed ay ku farxaan guusha Khawaarijta ee dagaallada ka socda dalka.

Siyaasigan ayaa xusay “in dad leh aragti gaaban” ay siyaabo kala duwan oo dhiirogelineyso Shabaab ay uga fal-celiyeen guushooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa wax laga naxo sida Soomaali badan kaga falceliyeen goob ku guulaysiga dagaal ee AS, waxaa ka muuqata aragti gaabni iyo aqoon la’aan ku aadan argagexisada,” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Argagexisadu waa cadow aan arxan iyo naxariis lahayn, waa kuwii maalin qura kun qof oo shacab Soomaaliyeed ah xasuuqay, dhallinyaro qalinjebinaysa, macalimiintoodi, waalidoontood iyo masuuliyiin soo maamuusay isku goob ku gumaaday, laayey arday deeq waxbarasho saf ugu jira, waa kuwii hoteellada, meheradaha ganacsiga iyo xeebaha dadka ku xasuuqayey. Madax jebinta, xasuuqa iyo gumaadka argagexisada hayb iyo deegaan uma kala soocaan.”

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab iyo ajaaniibta ku dhex jirta oo uu tilmaamay inay halis ku yihiin dalka.

“Waa in aan dhinac iska dhignaa Ajandayaasha la isku khilaafsan yahay ee aan ku hawlgalnaa kuwa lagu midaysan yahay oo dagaalka cadawga ugu horeeyo, dhankeenna waa diyaar,” ayuu mar kale ku yiri qoraal uu soo saaray xildhibaan Warsame.

Dhanka kale, wuxuu farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ugu baaqay inuu la yimaado qorshe cad oo ku aadan dagaalka socda, iyada oo meel la’iska dhigayo arrimaha siyaasadda ee la’isku hayo iyo khilaafaadka maamul ee ka jira dalka.

“Madaxweynaha ayaa lagaa rabaa in uu xaalada adag ku wajaho go’aan qaadasho geesinimo leh oo ku mideeyo dareenka shacabka, ku tixgeliyo talada indheergaradka, kulana heshiiyo mucaaradkiisa,” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dalka uu ku jiro xaalad adag oo ka dhalaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, waxayna kooxda oo dib isku soo abaabushay ay culeys xoogleh soo soo saartay labada Shabelle iyo deegaanno u dhow Muqdisho.

Horjooge ajnabi ah iyo Shabaab badan oo lagu dilay dagaalka Baay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dagaal culus oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Daynuunaay iyo Baydhaba, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsan kooxda, xilli ay isku uruursaneeyeen Burjeed oo qiyaastii 15 kiilo mitir u jira magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay in ka badan 35 xubnood oo uu ku jiray horjooge sare oo ajnabi ahaa, sidoo kale la dhaawacay 60 kale.

“Howlgalka ayaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyada Khawaarijta oo oo isku diyaarinayay inay weerar qaadaan. Dhimashadu waa in ka badan 35 xubnood, oo uu ku jiro horjooge ajnabi ah dhaawacana waa in ka badan 60 kale” ayaa lagu yiri qoraaka.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen illaa 18 maydad kale, intii kale iyo dhaawacyadana ay la carareen Al-Shabaab.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in weli ay sii socdaan howlgallada, isla markaana ujeedka uu yahay in laga hortego falalka gurracan ee kooxaha argagixisada.

Dhanka kale, Maydadka xubnaha kooxda Al-Shabaab ee lagu laayay aagga deegaanka Daynuunay ayaa la geeyay gudaha magaalada Baydhaba, iyada oo lagu soo bandhigay fagaaraha afar irdoodka ee magaaladaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.

Madaxweyne Laftagareen iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Koonfur Galbeed ayaa dhankooda boggaadiyay guusha laga soo hooyay dagaalka saaka ka dhacay duleedka Baydhaba

Xaaladda kacsanaan ah ayaa haatan kasoo cusboonaaday gobollada Baay iyo Bakool oo ay weli ku xooggan yihiin maleeshiyaadka Khawaarijta oo deegaanno badan ka haysta gobolladaasi.

Dagaalka maanta dhacay, wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo todobadkaan ay kooxda Al-Shabaab qaaday cunaqabateyn ay mudoo dheer ku haysay degmooyinka gobolladaasi, waxaana markii ugu horreysay 10 sano kadib gaaray gaadiid siday badeeco kala duwan.

Dagaal culus oo dib uga qarxay degmada Aadan Yabaal

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in goordhow dagaal culus uu dib uga qarxay gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi oo ay shalay la wareegaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka haddda socda ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ay saddex jiho ka weerareen degmada, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa lagu soo warramayaa inuu hoggaaminayo dagaalka haatan socdo, isaga oo tan iyo shalay abaabul xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaal xoogleh uu socdo, kaas oo u dhexeeyo labada dhinac, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Ujeedka ugu wayn ee Milatariga Soomaaliya iyo Macawiisleyda ayaa ah inay Al-Shabaab ka saaraan, Aadan Yabaal, ayna dib ugu laabtaan fariisimihii ay ku lahaayeen gudaha degmadaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana si dhammeystiran loo heli karin xog rasmi ah oo ku aadan dagaalka, maadaama uu adag yaay khadka isgaarsiinta ee Aadan Yabaal.

Waxaa weerarkan ka horreeyay duqeyn culus oo xalay ka dhacday halkaasi, taas oo ay si wadajir u fuliyeen dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka.

Qoraal ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in iyada oo kaashaneyso Taliska AFRICOM ay howlgal culus ka fuliyeen degmada Aadan Yabaal kaas lagu beegsaday goob ay gabaad ka dhiganayeen xubnihii Al-Shabaab ee soo galay halkaasi.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka waxaa weerarkan cirka ah lagu dilay illaa 12 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in aanu jirin wax khasaare ah oo rayidka kasoo gaaray weerarka cirka ah ee xalay ka dhacay halkaasi.

Aadan Yabaal ayaa ah degmo qadiimi ah oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, waxaana ciidamada huwanta ay qabsadeen December 2022, xilligaas oo uu socday guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waana wajigii koowaad ee howlgallada uu hoggaaminaayay Madaxweynaha Soomaaliya.

Si kastaba, Labada Shabeelle iyo Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Qorshe yaab leh oo Al-Shabaab ay kusoo geli rabtay Muqdisho oo fashilmay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo uu haatan sii kordhayo walaaca ka dhashay culeyska ay Al-Shabaab soo saartay gobollada Shabeellooyinka ayaa haddane waxaa la kashifay qorshe yaableh oo ay kooxdu rabtay inay kusoo gasho magaalada Muqdisho.

Khaliif Cabdulqaadir Macallin Nuur oo warbaahinta kula hadlay gudaha caasimada ayaa banaanka keenay qorshe xasaasi ah oo ay damacsaneyd Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay rabeen inay dilaan Madaxweynaha oo dhowaan ka bad-baaday qarax loo dhigay kolonyo uu la socday xilli kasoo baxay Madaxtooyada, kuna sii jeeday furimaha hore ee dagaalka.

“Isku daygii ugu foosha xumaa maalin hore ayay ku dhaqaaqeen iyaga oo raba inay dil ku sameeyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Ilaaheyna uu ka bad-baadiyay” ayuu yiri.

Cabdulqaadir Macallin Nuur ayaa xusay in ujeed wayn ay kooxda ka lahayd weerarkaasi, isla markaana ay rabeen in marka uu dhaco kadib uu yimaado isku dhex yaac ay ka dhex faa’iideystaan, kuna soo geli karaan Muqdisho, iyaga oo adeegsanayo mootooyin.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in maleeshiyaadkooda ay diyaar ku ahaayeen bannaanka Muqdisho, balse aanu u suurogelin shirqoolkii ay maleegeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Warbixinta aan hayno waxay ahayd xittaa haddii uu habayaraatee baabuurka uu ku jiro ay wax gaari lahaayeen bannaanka ayay taagnaayeen ayaa la yiri kun mooto oo socoto ayaa soo geli lahayd magaalada Muqdisho. Mas madaxa ayaa laga dilaa hee Madaxweynihii wax ma gaareen haa ummaddii waa isku yaacdayee aan galno ay ugu talagaleen” ayuu mar kale Khaliif Cabdulqaadir Macallin Nuur.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waa og yihiin Shabaab in aysan qabsan karin Xamar ee borobagaandada iyo dacaayadda ay faafiyeenna ma ah mid u hirgeleysa”.

Hadalkan wuxuu sii xoojinayaa walaaca laga muujinayo Al-Shabaab oo culeys soo saaray deegaannada u dhow Muqdisho, waxaana taas ay keentay in su’aallo laga keeno amniga caasimada.

Waxaa kale oo jirta in siyaasiga caanka ah ee reer Somaliland, Faysal Cali Waraabe uu marar badan ku cel-celiyay suurta-galnimo ay kooxdaku qabsan karto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Faysal oo shalay ka fal-celiyay weerarkii ay degmada Aadan Yabaal ku qabsadeen maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa sheegay in sarreyso suurta-galnimada ay kooxdu geli karto Muqdisho.

Sida uu sheegay, kooxda ayaa magaalada caasimadda ah qabsan doonta bisha May illaa June 2025, isagoo tan u cuskaday fashil  maamul uu ku eedeeyay dowladda federaalka.

“Waxaynu eegnaaba waa Xarakada Al Shabaab oo la wareegta Soomaaliya dhawaan. Sidii aan hore u sheegay, bisha May ama ugu dambayn bisha June 2025,” ayuu Waraabe ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter), kaas oo dhaliyay caro xooggan.

Sawirro: Maydadkii ugu badnaa Al-Shabaab oo la geeyay Baydhaba, kadib markii…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Al-Shabaab oo weerar soo qaaday.

Weerarka iyo dagaalka xigay ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Burjeedka oo u dhexeeyo Deynuunaay iyo Baydhaba, waxaana ka dhashay khasaare lixaadleh.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay in weerarkooda ay ku beegsadeen fariisimaha ciidamada ee ku yaalla halkaasi, balse waxa ay iska caabin adag kala kulmeen Xoogga dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed oo jilibka u dhigtay.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa lasoo wariyay inay guulo waa wayn ka gaareen ciidamada huwanta, waxaana la jabiyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Ku dhowaad 20 Shabaab ah ayaa lagu dilay dagaalka, waxaana jira khasaare kale oo dhaawacyo ah oo la gaarsiiyay Shabaabkii weerarka soo qaaday, sida ay sheegeen laamaha amniga Koonfur Galbeed.

Maydadka xubnaha Al-Shabaab ee lagu laayay aagga deegaanka Daynuunay ayaa la geeyay gudaha magaalada Baydhaba, iyada oo lagu soo bandhigay fagaaraha afar irdoodka ee magaaladaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.

“Indhaha looma dhammeystirikaro baqtiga Khawaarijta ee daadsan deegaanka Daynuunaay oo saaka ay isku dayeen in ay arbushaad ka gaystaan” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada horkacayay dagaalka ka dhacay halkaasi.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda aaggaasi, si looga hortego dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Xaaladda kacsanaan ah ayaa haatan kasoo cusboonaaday gobollada Baay iyo Bakool oo ay weli ku xooggan yihiin maleeshiyaadka Khawaarijta oo deegaanno badan ka haysta gobolladaasi.

Dagaalka maanta dhacay, wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo todobadkaan ay kooxda Al-Shabaab qaaday cunaqabateyn ay mudoo dheer ku haysay degmooyinka gobolladaasi, waxaana markii ugu horreysay 10 sano kadib gaaray gaadiid siday badeeco kala duwan.

Mareykanka oo ku biiray dagaalka Aadan Yabaal, kadibna tallaabo qaaday

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si deg-deg ah usoo farogelisay xaaladda haatan kasoo cusboonaatay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay shalay la wareegeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Mareykanka oo kusoo biiray howlgallada haatan socda ayaa xalay duqeyn culus ka fuliyay gudaha degmada Aadan Yabaal, taas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Qoraal ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in iyada oo kaashaneyso Taliska AFRICOM ay howlgal culus ka fuliyeen gudaha degmadaasi, kaas lagu beegsaday goob ay gabaad ka dhiganayeen xubnihii Al-Shabaab ee soo galay halkaasi.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka waxaa weerarkan cirka ah lagu dilay illaa 12 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in aanu jirin wax khasaare ah oo rayidka kasoo gaaray weerarka cirka ah ee xalay ka dhacay halkaasi.

“Waxaa xusid mudan in uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka” ayaa lagu yiri qayb kamid ah warka qoraalka ah ee kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Ujeedka ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan uu qayb ka ahaa dadaallada dowladda ee ku aadan la dagaallanka argagixisada, si loolaba jibaaro howlgallada haatan socda.

“Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaalada ay dowladda Federaalka Soomaaliya kula kaashaneyso howlgalada caalamiga ah sida Mareykanka, si loo laba jibaaro ololaha milatari ee ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku dooneysa in ay burburiyaan deegaanada ay xorreeyaan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AFRICOM oo sii wada qiimeynta natiijada duqeymaha. Faahfaahin dheeraad ah ayaa la wadaagi doonaa inta ay xogo dheeraad ah helayaan”.

Xaaladda degmada Aadan Yabaal ayaa weli ah mid cakiran, waxaana gacanta ku haya maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo saddex sano kadib shalay dagaal kula wareegtay magaaladaasi, kadib markii ay ku ekeysay weerar xoogan oo ku bilowday qaraxyo culus.