27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Mareykanka oo ku biiray dagaalka Aadan Yabaal, kadibna tallaabo qaaday

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si deg-deg ah usoo farogelisay xaaladda haatan kasoo cusboonaatay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay shalay la wareegeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Mareykanka oo kusoo biiray howlgallada haatan socda ayaa xalay duqeyn culus ka fuliyay gudaha degmada Aadan Yabaal, taas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Qoraal ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in iyada oo kaashaneyso Taliska AFRICOM ay howlgal culus ka fuliyeen gudaha degmadaasi, kaas lagu beegsaday goob ay gabaad ka dhiganayeen xubnihii Al-Shabaab ee soo galay halkaasi.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka waxaa weerarkan cirka ah lagu dilay illaa 12 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in aanu jirin wax khasaare ah oo rayidka kasoo gaaray weerarka cirka ah ee xalay ka dhacay halkaasi.

“Waxaa xusid mudan in uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka” ayaa lagu yiri qayb kamid ah warka qoraalka ah ee kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Ujeedka ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan uu qayb ka ahaa dadaallada dowladda ee ku aadan la dagaallanka argagixisada, si loolaba jibaaro howlgallada haatan socda.

“Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaalada ay dowladda Federaalka Soomaaliya kula kaashaneyso howlgalada caalamiga ah sida Mareykanka, si loo laba jibaaro ololaha milatari ee ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku dooneysa in ay burburiyaan deegaanada ay xorreeyaan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AFRICOM oo sii wada qiimeynta natiijada duqeymaha. Faahfaahin dheeraad ah ayaa la wadaagi doonaa inta ay xogo dheeraad ah helayaan”.

Xaaladda degmada Aadan Yabaal ayaa weli ah mid cakiran, waxaana gacanta ku haya maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo saddex sano kadib shalay dagaal kula wareegtay magaaladaasi, kadib markii ay ku ekeysay weerar xoogan oo ku bilowday qaraxyo culus.

DF oo shaacisay tallaabada xigta kadib maxaabiistii lagu soo wareejiyey ee Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay maxaabiista ay ku soo wareejisay maamulka Khaatumo, halka la gaynayo iyo sida ay ula dhaqmayaan. Wareysi uu siiyay BBC, Wasiirka Caddaaladda Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin, ayuu ku sheegay in maxaabiista ay la soo wareegeen ay haatan u socdaan baaritaanno caafimaad.

Dadkan la sii daayay oo ku dhowaad xirnaa labo sano, ayaa Dowladda Soomaaliya kala soo wareegtay maamulka Khaatumo, iyada oo qorshaynaysa inay ku sii wareejiso “qoyskooda iyo Somaliland”, sida uu wasiirku sheegay.

“Maanta maxaabiis ma aha — waa dad xor ah oo caafimaadkooduna wanaagsan yahay. Waa dad haatan ku socda baaritaankii caafimaadka, caafimaadkoodana waa lala tacaalayaa,” ayuu yiri Wasiir Xasan.

Tallaabadii ugu horreysay ee ay dowladdu qaaday markii ay la soo wareegtay, ayuu wasiirku ku sheegay inay tahay dejin loo sameeyo si xaaladoodu caadi ugu soo laabato, maadaama ay xirnaayeen muddo labo sano ku dhow.

“Marka ugu horreysa waxaa looga bilaabayaa in la dejiyo, si ay xaaladooda caadi ugu soo noqoto. Caafimaadkooda iyo daryeelkoodana waa laga howlgalayaa. Howlahaas ayaa hadda socda. Waxaa la rabaa nolol wanaagsan inay u bilaabato oo ay bini’aadam caadi ah ku soo laabtaan, waana shaqo socota, dad arrimahaas ku xeeldheerna waa loo xilsaaran yahay,” ayuu yiri.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray: “Waxaa jira dadaallo lala xiriirayo, ehelkoodiina waa lala xiriirayaa. Markii iyaga la wareysto oo ay tafaasiil iyo xogtooda bixiyaan, waxaa kale oo lala xiriirayaa Somaliland si dadkaasi ay halkaas ku tagaan. Guud ahaan arrintan waxay xambaarsan tahay fariin nabadeed.”

Wasiir Xasan Macallin ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo SSC-Khaatumo tallaabadii ugu horreysay ee ay qaadeen, uuna dhanka Somaliland ka rajaynayo in tallaabo la mid ah ay qaaddo.

Wuxuu kaloo ka hadlay doorka dowladda ee maxaabiista: “Waa midka hadda aan ku tagnay SSC-Khaatumo oo aan ka codsanay in dadkaasi la sii daayo — kuwa ugu nugul ee xaaladooda caafimaad iyo nololeed ay jilicsan tahay, iyo dumarka in la sii daayo. Halkii haweeney ah ee ku jirtay waa la sii daayay. Waxay ku jirtaa 25-ka qof, dad xanuunsan ayaa ku jira, kuwo jirkooda qaybo ka maqan yihiin ayaa ku jira. Doorka dowladdu wuxuu ahaa in dadkaasi helaan xorriyadooda, daryeelna loo fidiyo.”

Wasiirka wuxuu kaloo xusay in aysan muhiim ahayn in dadka la sii daayay ay ahaayeen shacab ama ciidan, tafaasiil ahaana aysan doorkooda ahayn.

“Waa dad Soomaaliyeed oo diriray oo colaado dhex maray. Waxaannu rabnaa in albaabka nabadda furno, wuxuuna albaabkaasi ku furmayaa tallaabooyinka noocan oo kale ah — sida aan rajaynayno haddii Eebbe idmo,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay booqdeen xabsiga dhexe ee Laascaanood, halkaas oo ay ku soo arkeen xaaladda maxaabiista. Wasiirku wuxuu xusay in ay danaynayeen xog ururin, ayna soo wareysteen saraakiishii ciidamada ee gacanta ku hayay xabsiga.

“Waxay noo sheegeen in xoriyadoodu ka maqan tahay, laakiin xuquuqdooda aysan ka maqneyn oo aysan tabanayn. Runtii waxaan u qaadanay in ay tahay arrin wanaagsan oo Soomaalinimada lagu yaqaan, waana farxad galisay,” ayuu yiri Wasiir Xasan.

Markii la weydiiyay qorshaha dadka kale ee wali xiran, Wasiirku wuxuu ku jawaabay: “Waa sidaan horay u sheegay — qorshuhu waa in dadkan maxaabiista ah ee SSC-Khaatumo si shuruud la’aan ah u soo daysay ay ahaayeen kuwo xaalad bini’aadantinimo iyo duruufo gaar ah haystaan. Waxaannu ka rajaynaynaa in Somaliland-na ay qaaddo tallaabo la mid ah, taas oo mudan in lagu daydo. Ka dibna waxaan rajaynaynaa in wadahadallo furmaan,” ayuu yiri Wasiirka Caddaaladda Xasan Macallin.

“Waxaan doonaynaa in nabaddu soo laabato. Markii wadahadalku furmo, annaga doorkeenu waa in aan ka shaqayno sidii wadahadalladaas u furmi lahaayeen, loona heli lahaa nabad waarta. Wixii khilaaf ah ee hore u jirayna waa in laga xaliyo, iyadoo gogol iyo fadhiba la isugu yimaado. Doorka Dowladda Federaalka Soomaaliya waa intaas.”

Dhanka kale, Somaliland oo ka hadashay arrintan ayaa gaashaanka ku dhufatay. Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in tallaabadaasi ahayd “daandaansi siyaasadeed iyo hurin colaadeed”. Wuxuu intaa ku daray in lagu tuntay “xeerarka caalamiga ah iyo xorriyadda muwaadiniinta Somaliland, oo si sharci darro ah loo afduubay.”

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in aysan jirin wadahadal u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland oo ku saabsan sii deynta maxaabiista. “Maxaabiista uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya geeyay Muqdisho ma ahayn maxaabiis dagaal,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Isagoo ka sii hadlayay go’aannada Golaha Wasiirrada ee Somaliland, ayuu Wasiirku sheegay in ay ka baxeen wadahadalladii u dhexeeyay labada dhinac.

“Maadaama ay Dowladda Soomaaliya si joogto ah ugu kacday xadgudubyo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo mabaadii’da wadahadalladii hore u dhex maray labada dal, Golaha Wasiirrada ee Somaliland waxay go’aamiyeen in laga baxo wadahadalladii lagula jiray Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

Midowga Yurub oo shaaciyey liiska dalal ay masaafurin doonaan muhaajiriintooda

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa Arbacada shaaciyay liis ay ku jiraan toddobo dal oo uu u aqoonsaday “waddamo ammaan ah”, si loo dedejiyo dib u celinta muhaajiriinta loona adkeeyo helidda magangelyo ee muwaadiniinta dalalkaas.

Guddiga Midowga Yurub ayaa soo jeediyay in Kosovo, Bangladesh, Colombia, Masar, Hindiya, Marooko, iyo Tunisia loo aqoonsado “dalal asal ahaan ammaan ah”.

Tallaabadani waxay dowladaha xubnaha ka ah Midowga Yurub u ogolaaneysaa inay si dhakhso leh u baaraan codsiyada magangelyo ee kasoo gudba muwaadiniinta dalalkan — iyadoo laga ambaqaadayo in codsiyadaasi aysan ahayn kuwo sal adag leh.

“Dalal badan oo xubno ka ah Midowga Yurub waxay la daalaa-dhacayaan dib-u-dhac ballaaran oo ku yimid go’aaminta codsiyada magangelyo, sidaas darteed, tallaabo kasta oo dedejin karta geeddi-socodka go’aan gaarista waa lama huraan,” ayuu yiri Magnus Brunner, guddoomiyaha socdaalka ee Midowga Yurub.

Guddigu wuxuu intaa ku daray in waddamada ku jira liiska dalalka doonaya inay ku biiraan Midowga Yurub ay sidoo kale u qalmi karaan in loo aqoonsado dalal ammaan ah, marka laga reebo xaalado colaadeed oo si gaar ah u saameeya.

Midowga Yurub ayaa hore u soo bandhigay qorshe noocan oo kale ah sannadkii 2015, balse waxaa la hakiyay kadib muran xooggan oo ka dhashay in Turkiga lagu daro iyo in kale.

Brussels ayaa cadaadis xooggan kala kulmeysay sidii loo xakameyn lahaa socdaalka sharci darrada ah loogana shaqeyn lahaa masaafurinta, kaddib markii ay dadweynuhu u dareemeen niyad jab la xiriira arrimaha socdaalka — taasoo horseeday in xisbiyada midigta fog ay guulo ka gaaraan doorashooyin dhowr waddan ka dhacay.

Dalalka ay hoggaaminayaan mowqifyada sida Sweden, Talyaaniga, Denmark iyo Netherlands ayaa bishii Oktoobar ugu baaqay Midowga Yurub in la hirgeliyo sharci cusub oo degdeg ah oo lagu kordhinayo laguna dedejinayo dib u celinta. Sidoo kale, waxay guddiga ka codsadeen in uu qiimeeyo “habab hal-abuur leh” oo looga hortagi karo socdaalka sharci darrada ah.

Si jawaab loogu helo arrintaas, guddigu wuxuu bishii hore shaaciyay qorshe dib-u-habeyn ah oo ku saabsan nidaamka masaafurinta Midowga Yurub, kaasoo u ogolaanaya dalalka xubnaha ka ah inay xarumo dib u celin ah ka sameeyaan meel ka baxsan xuduudaha EU-da.

Xogta rasmiga ah ee Midowga Yurub ayaa muujinaysa in haatan ay wax ka yar 20% dadka lagu amro inay ka baxaan EU-da dhab ahaan loogu celiyo waddamadii ay ka yimaadeen. 

Somaliland oo go’aano kasoo saartay safarkii Xamza, wada-hadalkii DF iyo maxaabiista

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa war culus ka soo saartay safarkii Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uu ku tegay Laascaanood, maxaabiista dagaalka ee Somaliland oo SSC-Khaatumo sii deysay, lagana soo dejiyey Muqdisho iyo wadahadalladii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Somaliland oo gabi ahaanba meesha laga saaray maanta.

Qodobadaan waxaa looga hadlay shir ay maanta yeesheen golaha wasiirrada Somaliland, waxaana laga soo saaray shan qodob oo lagu cadeeyey mowqifka Somalilnd ay go’aanada ay ka qaateen arrimahaas.

“Dawladda Soomaaliya waxa ay si cad uga baxday dariiqii nabad-ku-wada-noolaanshaha iyo wada-hadalka, iyada oo imaatinkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood uu yahay xad-gudub badheedh ah oo ka dhan ah madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay Somaliland.

Hoos ka akhriso bayaanka Somaliland oo dhameystiran:

Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee qabsoomay maanta 16ka Abriil, 2025 waxa uu si adag u cambaareynayaa tallaabadii daandaansiga ahayd ee uu Raysal-wasaaraha Dowladda Soomaaliya ku tagay magaalada Laascaanood 12kii Abriil 2025, taasi oo ahayd xad-gudub ka dhan ah qawaaniinta caalamiga ah iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo ka duulaysa qorshaheeda nabadeynta Deegaanka Bariga Sool, waxa ay hore u iclaamisay baaq nabadeed maalintii uu xilka la wareegayay Madaxweynaha JSL ee 12kii December 2024, waxa aanay mar kale adkaynaysaa in ay nabaddu tahay mudnaanteeda koowaad, iyada oo difaaca qarannimada Somaliland-na ay tahay xuduud lama taabtaan ah.

𝐐𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟏𝐚𝐚𝐝 – 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐬𝐢 𝐛𝐮𝐮𝐱𝐝𝐚 𝐮𝐠𝐚 𝐥𝐞𝐞𝐱𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐣𝐢𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐝𝐚-𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚:

Dawladda Soomaaliya waxa ay si cad uga baxday dariiqii nabad-ku-wada-noolaanshaha iyo wada-hadalka, iyada oo imaatinkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood uu yahay xad-gudub badheedh ah oo ka dhan ah madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Tallaabadaasi waxa ay ahayd daandaansi siyaasadeed iyo hurin colaadeed, taas oo si toos ah khatar u gelinaysa xasilloonida gobolka Geeska Afrika, iyada oo lagu tuntay xeerarka caalamiga ah iyo xorriyadda muwaadiniinta Somaliland oo si sharci-darro ah loo afduubay.

𝐐𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟐𝐚𝐚𝐝 – 𝐈𝐧 𝐚𝐚𝐧𝐚𝐲 𝐣𝐢𝐫𝐢𝐧 𝐰𝐚𝐱 𝐰𝐚𝐝𝐚-𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐬𝐢𝐢-𝐝𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚𝐛𝐢𝐢𝐬𝐭𝐚:

Xukuumadda Somaliland waxa ay si cad u sheegaysaa in aanay jirin wax wada-hadal ah oo Dowladda Soomaaliya kala yeelatay arrimaha la xidhiidha siideynta maxaabiista.

Maxaabiista Raysal-wasaaraha Soomaaliya geeyay magaalada Muqdisho ma aha maxaabiis dagaal (𝐩𝐫𝐢𝐬𝐨𝐧𝐞𝐫𝐬 𝐨𝐟 𝐰𝐚𝐫).

Xukuumadda Somaliland waxa ay u aragtaa tallaabadaasi inay ahayd mid lagu qarinayo fashilka siyaasiga ah ee haysta Dowladda Soomaaliya.

𝐐𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟑𝐚𝐚𝐝 – 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐈𝐬-𝐝𝐡𝐚𝐚𝐟𝐢𝐬𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚𝐛𝐢𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐈𝐂𝐑𝐂:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay wada hadallo la yeelatay Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo danjireyaasha dalalka saaxiibka la ah, si loo xalliyo arrinta maxaabiista, iyada oo ku saleysan xeerarka iyo hab-raacyada caalamiga ah ee maxaabiista.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay diyaar u tahay in maxaabiista la isu waydaarsado hannaan kasta oo waafaqsan nidaamka isweydaarsiga maxaabiista, bud-dhigna ay u tahay hay’adda ICRC, iyada oo ay Xukuumadda Somaliland hore ugala hadashay arrimaha maxaabiista wadamada ay saaxiibka yihiin sida Maraykanka, Ingiriiska, Denmark, Finland, Turkiga iyo Emirate-ka Carabta.

𝐐𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟒𝐚𝐚𝐝 – 𝐁𝐚𝐚𝐪𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐣𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐁𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐤𝐚:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cod dheer ugu baaqaysaa beesha caalamka in ay si degdeg ah uga falceliso xadgudubyada ay Dowladda Soomaaliya ka geysanayso Deegaanka Bariga Sool ee Somaliland, isla markaana ay taageerto dadaallada Jamhuuriyadda Somaliland ugu jirto soo celinta nabada deegaanka bariga Sool.

Duullaanka qorshaysan ee Soomaaliya ku soo qaaday Somaliland waxa uu khatar gelinayaa xasilloonida Geeska Afrika, wuxuuna fursad siinayaa kooxaha xagjirka ah iyo argagixisada, taas oo halis weyn ku ah nabadda iyo horumarka gobolka oo dhan.

𝐐𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟓𝐚𝐚𝐝: 𝐖𝐚𝐝𝐚-𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚:

Maadaama ay Dawladda Soomaaliya si joogto ah ugu kacday xad-gudubyo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo mabaadi’dii wada-hadalladii hore u dhexmaray labada dal, Golaha Wasiirradu ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay go’aamiyeen in laga baxo wada-hadaladii lagu jiray Soomaaliya, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Abriil 16th, 2025.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an difaaca Qaranimadeeda iyo adkaynta madax-bannaanideeda, si aan gorgortan lahayn.

𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐝

Daawo: Xasan oo ka hadlay dagaalka Shabaab, qiil yaab lehna u sameeyey ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, isagoo ka jawaabay guul darradii maanta ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka looga qabsaday degmada muhiimka ah ee Aadan-yabaal, isagoo dadka Soomaaliyeed ku dhaliilay inay guusha ka gaabiyeen.

Xasan Sheekh ayaa aad u sharaxay micnaha u dhaxeeya dagaal dalku kula jiro Khawaarijta iyo wax ka dhacay goob dagaal, wuxuu sheegay in is riix riix uu ka dhacayo goobaha dagaalka, balse hadafka guud ee dowladda uu yahay in cadowga laga adkaado, taasna ay xaqiijinayaan.

“Nnatiijada aan xaqiijineyno waa dagaalka dalku ku jiro ee cadowga Khawaarijta ah looga xoreynayo, waxa dhacaya oo aad arkeysaan waa faltan dagaal oo nimba maalin la riixayo, labo sano ayaan guuleysaneynay, marka guul daradu hadii dhowr maalmood ay isku kaana raacdo waa inaan u adkeysano, kana adkaano cadowga,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay ciidamada qaranka sida ay ula dagaalamaan cadowga Khawaarijta, wuxuu sheegay in wiil Soomaaliyeed uu meel kasta oo dalka kamid ah ku hor taagan yahay cadowgaas oo qofna aan cafineyn.

“Yaan la niyad jebin, dagaalka waan ku guuleysanay, waana socdaa, saakay waxa meel ka dhacaya waa goob dagaal, natiijadeedu waxay rabto ayey noqon kartaa, laakiin dagaal guud ayaan ku jirnaa, waana hadaf aan xaqiijinay, mararka qaar hadii nala soo dabakaco, taas macnaheedu maaha, dagaalka waa lagu fashilmay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in caalamku ku daalay garab istaagga dadkaan Soomaaliyeed oo aan horay u socon, isagoo tusaale u soo qaatay sida Soomaaliya looga soo kaalmeeyey dhanka ammaanka iyo yaraanta natiijada la xaqiijiyey iyo wixii caalamku ka soo maray inuu ka qeyb qaato dib u dhiska dalka oo weli wax badan ay ka mid yihiin, isagoo eedeynta dusha ka saaray dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaan ka sheegay madal uu ku soo xiray Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka oo Muqdisho lagu qabtay, isag soo bandhigay sida ay dowladda uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bulshada ee arrimaha xuquuqda iyo adeegyada sharciga.

Madaxweynaha ayaa xusay in aan la gaari karin horumar siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho haddii aan la dhammaystirin hannaanka dhowrista xorriyadaha aasaasiga ah, isagoo adkeeyey in la dhameystiro shuruucda horumarinaya xuquuqul insaanka iyo dhismaha hay’ad madax-bannaan ee xuquuqda aadanaha.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay duruufaha ku xeeran dalkeenna oo dagaal kula jira argagixisada, taas oo saamayn toos ah ku leh xaaladda xuquuqda dadka Soomaaliyeed, maadaama argagixisadu ay ku xadgudbeen xaq kasta oo ay lahaayeen dadkeennu, isuna soo bahaysteen daadinta dhiigga dadkeenna iyo boobka hantidooda.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay hay’adaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, bulshada rayidka ah iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.

Hoos ka daawo

Waraabe oo u dabaal-degay guusha Shabaab, sheegay in ay qabsanayaan Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee reer Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa si yaab leh u muujiyay suurta-galnimada ay kooxda Al-Shabaab ku qabsan karto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Faysal oo ka fal-celiyay weerarkii ay maanta degmada Aadan Yabaal ku qabsadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegay in sareyso suurta-galnimada ay kooxdu ku qabsan karto magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay, kooxda ayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho qabsan doonta bisha May illaa June 2025, isagoo tan u cuskaday fashil dowladeed uu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaynu eegnaaba waa Xarakada Al Shabaab oo la wareegta Soomaaliya dhawaan. Sidii aan hore u sheegay, bisha May ama ugu dambayn bisha June 2025,” ayuu Waraabe ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Waxa uu intaas kusii daray “Failed state ka Soomaaliya oo bilaa nidaam ahayd laga soo bilaabo 1991, taliskii Siyaad Barre ka dib. Waxay khatar ku ahayd nabadgelyada adduunka, siiba Geeska Afrika, iyo isu socodka ganacsiga adduunka.”

Sidoo kale wuxuu sheegay illaa 4 isbeddel oo kooxdu sameysay, taasi oo u gogol xaareysa qabsashada dalka, sida uu sheegay siyaasiga reer Somaliland.

Hoos ka aqriso qoraalka Waraabe oo dhameystiran:

Allahu Akbar

Waxaynu eegnaaba waa Xarakada Al Shabaab oo la wareegta Soomaaliya dhawaan. Sidii aan hore u sheegay, bisha May ama ugu dambayn bisha June 2025.

Failed state ka Soomaaliya oo bilaa nidaam ahayd laga soo bilaabo 1991, taliskii Siyaad Barre ka dib. Waxay khatar ku ahayd nabadgelyada adduunka, siiba Geeska Afrika, iyo isu socodka ganacsiga adduunka.

AS waxay oggolaatay shuruudahan:

1. In ay joojiso argagixisada (terrorism).

2. In ay ka baxaan ururka Al-Qaacida, iskana saaraan ajaanibta aan dalka u dhalan. (To expel all foreigners, the non-Somalians from Somalia.)

3. In ay ku ekaadaan dhulkooda.

4. Waxa loogu deeqay khubaro ka soo jeeda Daalibaan oo kala talisa arrimaha dowladnimada.

Haddaba inaga, ka Somaliland ahaan, maxaa inaga yaal jawigan isbeddel ee cusub?

Sawirro: Hayat Market oo ku guuleysatay abaalmarinta East Africa Somali Awards

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Suuqa Hayat Market ayaa ku guuleystay abaalmarinta Super Market-ka ugu fiicnaa sanadkii 2024 ee ganacsiyada Soomaalidu ku leeyihiin sideeda wadan ee ku bahoobay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), kuwaas oo kala ah: Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Soomaaliya, Tanzania, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan iyo Uganda.

Abaalmarintan East Africa Somali Awards ee la siiyey Hayat Market, oo sanadkiiba mar la bixiyo, ayaa waxaa soo qabanqaabisay Somali Magazine, waxaana masuul ka socday suuqan lagu guddoonsiiyey munaasabad weyn oo xalay ka dhacday magaalada Nairobi, taasoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, ganacsato iyo qeybaha kale ee bulshada.

“Haddii aan nahay Hayat Market, waxaan aad ugu faraxsan nahay guul weyn oo noo ah in bulshada Soomaaliyeed ay noo gartaan inaan nahay Super Market-ka ugu adeegga wanaagsan Soomaalida ee ku yaalla sideeda wadan ee ku bahoobay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC). Waxaan ballanqaadaynaa inaan sii xoojino adeegga ay codkooda nagu siiyeen bulshada Soomaaliyeed, oo sidoo kale aan uga mahadcelinayno taageerada ay na siiyeen,” ayuu yiri masuul u hadlay Hayat Market.

Waxaa sidoo kale munaasabadan abaalmarino lagu guddoonsiiyey shaqsiyaad metelayey hey’ado ganacsi oo kala duwan, xarumo isugu jira kuwo waxbarasho, caafimaad, cilmi-baaris, shirkado bixiya adeegyo kala geddisan, iyo shaqsiyaad kaalimo kala duwan kaga jira bulshada Soomaalida ee Geeska Afrika.

Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Maxamed, safiirrada Soomaaliya u jooga dalalka Kenya iyo Uganda Jibriil Ibraahim Cabdulle iyo Fardowsa Maxamed Qanyare, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo ay ka mid yihiin Faarax Macallin iyo Maxamed Caddow, iyo waliba xubno kale ayaa munaasabadan ka qeyb galay.

Masuuliyiintan oo lagu maamuusay bixinta abaalmarinnada la guddoonsiiyey ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Bariga Afrika ku amaanay horumarka baaxadda leh ee ay ku tallaabsadeen iyo sida mar walba heegan ugu yihiin inay u adeegaan bulshooyinka Geeska Afrika. Waxay u hambalyeeyeen dhammaan guuleystayaashii abaalmarinnada la guddoonsiiyey iyo dhiirrigelinta ay u sameysay East Africa Somali Awards.

Suuqa Hayat Market, oo ah super market-ka ugu weyn Soomaaliya oo laga heli karo adeeg kasta oo nolosha taabanaya, ayaa xaruntiisii ugu horreysay laga daahfuray magaalada Muqdisho 22-kii Abriil sanadkii 2020. Shantii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku tallaabsaday horumar baaxad leh oo keenay in xarumaha suuqan la gaarsiiyo ilaa shan qeybood oo magaalada ku baahsan, iyadoo masuuliyiinta Hayat Market ay sheegeen inay mustaqbalka dhow qorsheynayaan inay xarumo cusub ka furaan magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

Sawirro: Dagaalka HirShabelle oo sii xoogeystay iyo Guudlaawe oo gaaray…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda HirShabelle ayaa sii xoogeystay, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka, waxaana haatan socda abaabulkii ugu xoogganaa.

Madaxweynaha HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo wax ka hoggaaminayo dagaalka socda ayaa haatan gaaray deegaaka Sumadaalle oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ee maleeshiyaadka Khawaarijta kula dagaalamaya Shabeellaha Dhexe.

Ujeedka ugu wayn ee booqashada Cali Guudlaawe ayaa salka ku haysa dardargelinta iyo abaabulka howlgalka dabar-goynta Al-Shabaab ee ka socda guud ahaan deegaannada maamulka HirShabelle, si looga hortago culeyska ay soo saartay argagixisada.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa deegaanka Sumadaalle kula kulmay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada, iyada oo kulankaas lagu gorfeeyay sida ay suuragal ku tahay duullaan mid ah oo lagu qaado Khawaariijta, si looga saaro HirShabelle oo dhan.

“Waxaan ku kalsoonahay xeeladda iyo tababarka aad qabtaan. Khawaariij iyo Khawaarij kalkaal waan ka adkaaneynaa maalmaha soo socda haddii uu Alle idmo.” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Hirshabeelle, waxaa ka go’an in lagu wiiqo awood walba ay halkan isugu keentay Khawaarijta”

Waxaa kale oo uu  mahad-celiyay saraakiisha iyo horjoogayaasha xaq-u-dirirka deegaanka, isaga oo ku boggaadiyay halgankooda ku aadan la dagallaanka Shabaab.

Sumadaalle ayaa kamid ah deegaannadii ugu dambeeyay ee laga faramaroojiyay argagixisada, waxaana jirtay in dhowaan laga hortegay weerar ay kusoo qaaday.

Xaaladda Shabeellaha Dhexe ayaa weli kacsan, waxaana ugu dambeysay maanta oo ay Al-Shabaab weerar dhowr jiho ah ku qaadeen degmada Aadan Yabaal, halkaas oo uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay ragga weerarka soo qaaday iyo ciidamada huwanta.

Aadan Yabaal ayaa iyaduna kamid ah degmooyinkii horay looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, waxaana muddo sanad ka badan ay ku jirtaa gacanta dowladda Soomaaliya.

Xogta kulan xasaasi ah oo dhex-maray Axmed Madoobe iyo Isimada SSC-Khaatumo

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay qaar kamid ah Isimada SSC-Khaatumo.

Kulanka oo ahaa qado sharaf ayaa waxaa labada dhinac ay isaga xog wareysteen xaaladihii ugu dambeeyay, iyada oo odayaasha SSC uu hoggaaminayay Garaad Jaamac Garaad Cali.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa maamulka curdunka ah ee SSC-Khaatumo ee Jubbaland, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo aad ugu dhow kulanka labada dhinac.

Waxaa kale oo la baahiyay sawir ay si wadajir ah u galeen Axmed Madoobe iyo Isimada uu la kulmay, iyada oo la raaciyay in ujeedka uu ahaa xoojinta midnimada Jubbaland iyo SSC-Khaatumo oo haatan loo aqoonsaday dowlad goboleed rasmi ah.

Kulankan ayaa kusoo aaday, saacado uun kadib markii uu Ra’iisul wasaare Xamza oo ay si weyn isku hayaan Axmed Madoobe uu kasoo laabtay Laascaanood oo uu kaga soo dhowaaqay aqoonsiga SSC-Khaatumo, mashaariicna uu kasoo dhagax dhigay magaaladaasi.

Sidoo kale, kulankan ayaa u muuqdo mid siyaasadeed oo uu isku muujinayo Axmed Madoobe, si uu usoo dhaweysto SSC oo sidoo kale ka qayb-galeyso shirka golaha wadatashiga qaranka ee uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo tixraacaysa go’aankii 6dii February 2023 ee isimada dhaqanka iyo waxgaradka SSC-Khaatumo, go’aankii ay DFS ugu aqoonsatay maamul kumeel gaar ah 19kii Oktoobar 2023, waxa ay u kuur gashay arrimaha dib u dhiska maamulka SSC-Khaatumo, iyo wadajiraka dadkeeda, ka dib markii ay xaqiijiyen ka go’naanshaha dadka reer SSC-Khaatumo ee dhismaha hay’adaha dowladdaimada.” ayaa lagu yiri bayaan horay uga soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba, ma jiro faah-faahin rasmi ah oo kasoo baxday dhinaca hoggaanka SSC-Khaatumo oo ku aadan kulanka Isimadooda iyo Axmed Madoobe ee ka dhacay Nairobi.

Al-Shabaab militants seize key towns in central Somalia

AADAN YABAAL, Somalia – Al-Shabaab militants seized the strategic central Somali town of Aadan Yabaal and the key nearby village of Aboorey on Wednesday after launching fierce attacks, residents and security sources said, dealing a significant blow to a long-running government offensive against the insurgents.

Fighters from the Al-Qaeda affiliate stormed Aadan Yabaal in the Middle Shabelle region and Aboorey village in neighboring Hiran, forcing government troops and allied local clan militias to withdraw from both locations following hours of intense combat.

The simultaneous captures underscore the persistent challenge posed by Al-Shabaab and raise renewed questions about the government’s ability to secure and hold territory wrested from the group during an offensive launched nearly three years ago.

Strategic Aadan Yabaal overrun

The coordinated assault on Aadan Yabaal, a vital district center roughly 220 kilometers (135 miles) north of Mogadishu, began early Wednesday with powerful explosions, followed by fierce gun battles that lasted for more than five hours. Militants attacked from multiple directions.

“After the dawn prayer, we heard a loud blast followed by relentless gunfire,” said Fatuma Nur, a resident reached by phone. “They came from two sides. The fighting didn’t stop for hours.”

Al-Shabaab claims its fighters seized the entire town after capturing ten military outposts. Government sources have not confirmed the extent of the loss, and there are conflicting reports about the situation on the ground.

The Somali army and local militia forces are currently regrouping outside the town, reportedly preparing a counter-offensive. Reinforcements from neighboring Hiiraan and troops airlifted from Mogadishu are on their way to the frontlines.

Adan Yabaal, a historic town in Middle Shabelle, was previously captured from Al-Shabaab in December 2022 during the first phase of President Hassan Sheikh Mohamud’s military campaign.

Aboorey falls after two weeks of fighting

In a parallel development, Somali troops have also withdrawn from Aboorey, a key village near Buuloburde in Hiiraan, after two weeks of heavy fighting, leaving the area under the complete control of Al-Shabaab, who have since fortified their positions.

No official explanation has been given for the withdrawal. However, local sources say government forces were overstretched and lacked sufficient air support, which prolonged the clashes and gave Al-Shabaab an edge.

“Aboorey is vital for Al-Shabaab’s movement between Hiiraan, Middle Shabelle, and Galmudug,” said a regional security analyst. “Losing it creates serious logistical challenges for the Somali forces.” The militants are believed to be sending additional fighters to reinforce their grip on the area.

The twin setbacks come as Somali forces face increasing pressure. Al-Shabaab’s ability to mount simultaneous attacks in two regions has raised fresh concerns about the government’s military preparedness and the sustainability of the ongoing campaign. President Mohamud, who visited Adan Yabaal earlier this year to boost troop morale, now faces growing scrutiny.

With support from local fighters known as the Ma’awisley and backed by international partners, the federal government launched a nationwide offensive in 2022, declaring “total war” against the group.

While initial gains were made, particularly in the Hirshabelle and Galmudug states, a lack of consistent air support and logistical challenges have slowed momentum.

Broader implications and international concerns

Al-Shabaab, an al-Qaeda-linked group seeking to establish rule based on its strict interpretation of Islamic law, has waged a deadly insurgency in Somalia for over 15 years.

Holding recaptured territory has proven challenging against Al-Shabaab’s asymmetric tactics, which often involve melting away under pressure only to return later.

The group maintains the capacity to launch complex attacks on military bases, government sites, and civilian areas, frequently employing pre-dawn raids, a tactic reportedly used again in Wednesday’s attacks.

The recent advances coincide with ongoing uncertainties surrounding the African Union Mission in Somalia (AUSSOM), which is gradually taking over from the now-defunct AMISOM. With questions over funding and troop strength, Somalia’s security vacuum risks widening.

“The Somali government and its allies must urgently recalibrate their approach,” said a senior diplomat in Mogadishu. “These losses are a wake-up call.”

The events in Aadan Yabaal and Aboorey underscore the resilience of Al-Shabaab and the complex, volatile security landscape in central Somalia.

For residents, the return of Al-Shabaab marks not just a military failure—but a renewed fear of reprisal, strict control, and a rollback of fragile security gains.

Al-Shabaab oo la wareegay degmada Aadan Yabaal

0

Aada Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in goordhow xubnaha Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi, kadib markii ay saaka ku qaadeen weerar culus.

Weerarka oo qaraxyo ku bilowday ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo qaatay in ka badan 5 saacadood oo xiriir ah, kaas oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa xaq-u-dirirka ee deegaanka.

Ilo wareedyo xilkas ayaa innoo xaqiijiyey in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay gudaha u galeen magaalada, kadib markii ay dib uga baxeen ciidamada huwanta.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac oo dagaal culus oo la’isku riiqmay uu ku dhex-maray halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku sugan yihiin bannaanka magaalada, halkaas oo lasoo wariyay in ay ka wadaan is uruursi ciidan, iyaga oo ujeedkooda uu yahay in mar kale ku laabtaan fariisamahoodii degmada Aadan Yabaal.

Sidoo kale, ciidamo gurmad ah oo kasoo baxay dhanka Hiiraan iyo kuwa kale oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa lasoo warinayaa inuu kusii socdaan aagga lagu dagaalamay, si ay u xoojiyaan ciidamadii horay u joogay halkaasi.

Aadan Yabaal ayaa ah degmo qadiimi ah oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, waxaana ciidamada huwanta ay qabsadeen bishii December 2022, xilligaas oo uu socday guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waana wajigii koowaad ee howlgallada uu hoggaaminaayay Madaxweynaha Soomaaliya.

Qabsashada Aadan Yabaal ayaa kusoo aadeyso, iyada oo sidoo kale isla maanta ay Al-Shabaab la wareegeen deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, kadib dagaallo qaatay in ka badan laba todobaad oo ay la galeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo dib uga soo baxay halkaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Si kastaba, Labada Shabeelle iyo Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

R/W Xamza oo maanta sameeyay arrin cajiib ah oo si weyn looga fal-celiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo shalay kusoo laabtay Muqdisho kadib safarkiisii Laascaanood ayaa maanta sameeyay arrin kale oo cajiib ah, lana xiriirto doorashooyinka qof iyo codka ah.

Xamza ayaa maanta si lama filaan ah ku tegay xarunta ay ka socoto diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee degmada Shangaani, si u u qiimeeyo sida ay wax u socdaan.

Ra’iisul wasaaraha oo ay la socdeen qaar kamid ah golihiisa wasiirada ayaa kasoo muuqday safafka dhaadheer ee ay shacabka ugu jiraan ololaha diiwaan-gelinta ee uu wado guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa boggaadiyay sida ay wax ku socdaan, wuxuuna sheegay in dalka uu aaday qof iyo cod, awooddiina dib loogu soo celiyay shacabka.

Shalay waxaa sidaan oo kale isku diiwaan-geliyay Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Axmed Amiir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladan ka codsaneynaa in ay is diiwaangeliyaan anigu waa kaas waa markii ugu horreysay ee aan is diiwaangeliyay oo aan doorasho u diyaar ahay” ayuu  shalay yiri guddoomiye Maxamed Axmed Amiir.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso xilli weli siyaasiyiinta mucaaradka ay meel adag ka taagan yihiin hanaanka doorashada qof iyo cod taas oo uu ku adkeysanayo madaxweyne Xasan Sheekh, halka mucaaradka u arkaan mid laga leeyahay dano xukun dheereysi.

Dhinaca kale, fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay tallaabada uu qaaday Ra’iisul wasaaraha, iyada oo su’aallo kala duwan laga keenay arrinta uu maanta sameeyay.

Hanad Yaasiin Sheekh: “Wadanka doorasho qof iyo cod ah ayuu aaday! Waan ku faraxsanahay in annaga dib noogula soo celiyo awoodda”.

Cabdijabaar Ibraahim Xaashi: “Dorasho qof iyo cod miyaa, haa , igu sawir?”.

Cali Bin Cali: “Fiicnaan laheedaa in igu sawirta laga rebo baahasha ee safka uu cadalad u galo RW Xamza”.

Cabdullahi Yare Daahir: “Maxaa dalka qiyaali ka socdaa Aadan Yabaal oo saddex sano ka hor la xoreeyeyayaa saaka Al-Shabaab soo weerareen?”.

Ciidanka DF iyo deegaanka oo kasoo baxay deegaanka Aboorey kadib markii…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ay dib uga soo baxeen deegaanka Abuurey, kadib maalmo ay dagaallo kula galeen Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa dib uga soo gurtay magaalada, waxayna kasoo baxeen dhammaan saldhigyadii iyo difaacyadii ay ku lahaayeen halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegeen Abuurey oo ah deegaan istaraatiiji ah oo hoostaga Buulo-burde.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka oo ku aadan sababta ka dambeysay in ciidamada ay kasoo baxaan deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana arrintan ay kusoo aadeysaa, iyada oo muddo ka badan laba todobaad ay labada dhinac ku dagaalamayeen gacan ku heynta deegaanka.

Kooxda ayaa awoodeeda isugu gaysay difaacasha deegaankan, waxaana dhinaca kale ciidamada huwanta caqabad wayn ku noqotay hoos u dhaca taageerada cirka ah, taas oo sii dheereysay dagaalka ka socda halkaasi.

Duqeymaha laga gaabiyay ayaa Al-Shabaab fursad u siiyey inay dagaalamaan oo weliba si aan horay loo arag ay jilibka u dhigtaan, sidoo kale waxaa u soo gurmanayo ciidamo xoog leh oo ka soo gudbayey galbeedka gobolka Hiiraan.

Deegaanka Aboorey ayaa muhiim u ah isku socodka kooxda ee gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galmudug, halkaas oo dagaalamayaal kale ay uga go’doonsan yihiin, waxayna markaan isku dayeen Al-Shabaab inay iska dhiciyaan oo dagaalka uga adkaadaan Xawaadle iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas jooga.

Dib u gurashadan ayaa sidoo kale kusoo aadeyso, iyada oo weli Khawaarijta ay isku fidineyso deegaannada HirShabelle, waxaana u dambeysay maanta oo ay weerar dhowr jiho ah ku qaaday degmada qadiimiga ah ee Aadan ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Mareykanka oo dhimaya awoodda safaaradda uu ku leeyahay Muqdisho + Sababta

0

Washington (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan Mareykanka uu ka fakirayo qorshe xasaasi ah oo lagu xirayo u dhowaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo uu ku leeyahay qaar kamid ah waddamada caalamka, waxaana sidoo kale qayb ka ah qorshahan awood dhimis lagu sameynayo safaaradda Washington ee Muqdisho.

Sida laga xigtay dhukumintiyo ay heshay CNN, isla markaana ay diyaarisay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, waxaana socda qorshaha lagu xirayo 30-ka safaaradood.

Dukumintiyada ay aragtay CNN ayaa waxaa ku xusan in safaaradaha uu saameynayo go’aankan ay ku kala yaallaan Yurub, Asia, Afrika iyo Kariibiyaanka.

“Dukumintigu wuxuu soo jeedinayaa in la xidho 10 safaaradood iyo 17 qunsuliyadood. Qaar badan oo ka mid ah waxay ku yaallaan Yurub iyo Afrika, balse waxaa sidoo kale ku jira kuwa ku yaalla Aasiya iyo Kariibiyaanka”, ayaa lagu yiri warbixinya.

Waxaa sidoo kale la sii raaciyay “Waxaa ka mid ah safaaradaha ku yaalla Malta, Luxembourg, Lesotho, Jamhuuriyadda Kongo, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, iyo Koonfurta Suudaan,”.

Dhanka kale waxaa jirta qorshe kale oo lagu dhimmayo awoodaha safaaradaha Mareykanka ee ku yaalla dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq, sida ay sheegeyso xogta ay baahisay warbaahinta CNN.

Warbixinnada hordhaca ah ayaa muujinayo in labada safaaradooda la soo koobayo howlahooda, lagana dhigi doono xafiisyo yaryar oo shaqada sii qabta. Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa ah ah laba waddan oo laga fuliyo howlgallada Maraykanka ee argagixisada.

Tallaabadan ayaa lasoo warinayaa inay qayb ka tahay qorshaha maamulka Trump ku yaraynayo kharashaadka dowladda, isaga oo horay u qaatay go’aanno xasaasi ah oo saameeyay shaqaalo iyo hay’ado kala duwan oo Mareykan ah.

Qorshaha miisaaniyadda ee sanadka 2026, oo lagu faahfaahiyay dokumenti ay heshay POLITICO, ayaa muujinaya in ku dhawaad 50% la dhimayo miisaaniyadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo USAID. Arrintan ayaa ka mid ah dhimista uu dalbaday Xafiiska Maamulka iyo Miisaaniyadda Aqalka Cad (OMB), iyadoo sidoo kale la qorsheynayo in gebi ahaanba la burburiyo USAID, barnaamijyadeedana lagu daro Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Marka laga soo tago xiritaanka suuragalka ah ee xarumaha diblomaasiyadeed, qorshahan ayaa sidoo kale qeexaya in gebi ahaan ama qayb weyn la baabi’iyo barnaamijyo badan oo muhiim u ahaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka. Barnaamijyadan waxaa kamid ah kuwa dhiirrigeliya dimuqraadiyadda, taageera is-weydaarsiga waxbarashada iyo dhaqanka, taageera hay’adaha caalamiga ah, dagaalka ka dhanka ah daroogada, iyo xal u helidda arrimaha caafimaadka ee caalamiga ah.

Barnaamijyada sida gaarka ah loo bartilmaameedsaday waxaa kamid ah Sanduuqa Qaranka ee Dimoqraadiyadda (National Endowment for Democracy), Xarunta Bariga-Galbeedka (East-West Center), iyo Hay’adda Aasiya (Asia Foundation), kuwaas oo dhammaantood gebi ahaanba la joojin doono dhaqaalaha loo qoondeeyo. Sidoo kale, barnaamijka Caalamiga ah ee La-dagaallanka Maandooriyaha iyo Dhaqan-gelinta Sharciga (International Narcotics Control & Law Enforcement), oo horey loo siin jiray lacag ka badan $1 bilyan ayaa gebi ahaanba la joojin doonaa.

Muxuu yahay qorshaha Imaaraadka ee raadaarka uu ku rakibay Boosaaso?

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Imaaraadka Carabta ay nidaam raadaar oo casri ah geysay gobollada waqooyi-bari Soomaaliya, gaar ahaan Xarunta Taliska Ciidanka Badda Puntland oo ku teedsan Saldhigga Cirka ee Boosaaso, kaasoo uu Imaaraadku maamulo.

Nidaamkan la tilmaamayo waa Raadaarka ELM-2084 ee Israel samaysay, kaasoo ah qalab casri ah oo saddex-geesood (3D) ah, adeegsadana farsamada iskaanka elektaroonigga ah ee firfircoon (AESA), looguna talagalay hawlo badan sida dabagalka hawada iyo madaafiicda, iyo sidoo kale la socodka gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

Haddaba muxuu yahay qorshaha Imaaraadka?

Goobta istiraatiijiga ah ee Puntland ay kaga taallo meel u dhow Gacanka Cadmeed, oo ah marin ciriiri ah oo ay maraan maraakiibta caalamiga ah ee isticmaala Kanaalka Suweys, ayaa ka dhigaysa rakibidda raadaarkan mid si gaar ah muhiim u ah.

Gacanka Cadmeed waxaa mara qiyaastii 12 boqolkiiba ganacsiga adduunka iyo 30 boqolkiiba gaadiidka konteenarada, sida ay sheegtay Hay’adda Badaha Adduunka (IMO). Khataraha sida burcad-badeednimada, oo aafeysay gobolka dabayaaqadii 2000-meeyadii, iyo weerarradii dhowaanahan ee fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen maraakiibta Badda Cas, ayaa hoosta ka xarriiqaya sida uu aaggu u nugul yahay.

Imaaraadka Carabta, oo ah dhinac muhiim ah oo ka shaqeeya amniga gobolka, ayaa maamulayay Saldhigga Cirka ee Boosaaso tan iyo 2017, markii hore si ay u tababaraan ciidanka badda Puntland iyo la dagaallanka burcad-badeedda. Ku daridda raadaarka ELM-2084 waxay soo jeedinaysaa ujeeddo ama hawl ka ballaaran tii hore.

Waxaa laga yaabaa inuu xoojiyo dabagalka dhaqdhaqaaqa badaha iyo hawada, isagoo suurtagal ahaan la socon karo khataraha ka iman kara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ama gantaalaha Xuutiyiinta, inkastoo inta uu gaaro aagga hawlgalka ee kooxdaas uu ka baxsan yahay masaafada raadaarku gaari karo isagoo Boosaaso yaalla.

Taas beddelkeeda, nidaamkan waxaa laga yaabaa inuu qayb ka noqon karo shabakad sirdoon oo ballaaran, isagoo la soconaya dhaqdhaqaaqa agabka ama ciidamada quwadaha xafiiltanka kala dhexeeyo – sida maraakiibta dagaalka, diyaaradaha, ama xitaa maraakiibta ganacsiga – ee marinkan muhiimka ah.

Geeska Afrika wuxuu noqday garoon loolan juquraafi-siyaasadeed, iyadoo Imaaraadka ay kula tartamayaan dalalka Turkiga, Qatar, Shiinaha, iyo kuwa Reer Galbeedka oo dhan oo ku loollamaya saamaynta gobolka.

Maalgashiyada Imaaraadka ee dekedaha sida Berbera ee Somaliland iyo joogitaankooda militari ee la soo sheegay ee Yemen ayaa ka tarjumaya istiraatiijiyad lagu doonayo in lagu sugo awoodda xakamaynta badaha.

Soomaaliya gudaheeda, Turkigu wuxuu yeeshay saldhigasho muuqata, isagoo ka shaqeeya saldhig militari oo Muqdisho ku yaal, kuna tababara ciidamada Soomaaliya. Dhanka kale, Qatar waxay xiriir la leedahay dhinacyo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo hoos u dhigaysa ama cakiraysa xiriirka Imaaraadka kala dhexeeya Muqdisho.

La-macaamilka Imaaraadka ee Puntland

Rakibidda raadaarka ee Puntland, halkii laga keeni lahaa dhulka Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa muujinaysa xiisadaha u dhexeeya maamul-goboleedka Puntland iyo Dowladda Dhexe ee Muqdisho. Puntland waxay muddo dheer raadinaysay awoodo madax-bannaani oo dheeraad ah, xiriirka tooska ah ee Imaaraadka la leeyahay hoggaanka Puntland ayaa laga yaabaa inay muujiso taageero aan toos ahayn oo loo hayo ismaamulkaas.

Dhaqdhaqaaqan wuxuu milicsinayaa dhacdooyin taariikhi ah oo soo maray gobolka, halkaas oo quwadaha shisheeye ay taageeri jireen kooxaha maxalliga ah si ay u horumariyaan danahooda gaarka ah, sida la arkayay xilligii Dagaalkii Qaboobaa markaasoo Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti ay ku loollamayeen gacan ku haynta dekedaha Soomaaliya.

Doorashada raadaar ay samaysay Israel waxay sidoo kale leedahay macno dheeri ah. Imaaraadka iyo Israel waxay ku rasmiyeeyeen xiriirkooda Heshiisyadii Abraham ee 2020, taasoo kobcisay iskaashiga dhinacyada difaaca iyo farsamada. Rakibidda ELM-2084 waxay astaan u noqon kartaa iskaashigan, iyadoo muujinaysa helitaanka Imaaraadka ee nidaamyada farsamada sare ee Israel.

Maxalli ahaan, joogitaanka raadaarku wuxuu saamayn ku yeelan karaa xaaladda amniga ee Puntland. Gobolku wuxuu wajahayaa caqabado isdaba joog ah oo kaga imaanaya al-Shabaab, kooxda xiriirka la leh al-Qaacida ee ka firfircoon guud ahaan Soomaaliya, iyo farac yar balse sii xoogaysanaya oo ka tirsan ururka ISIS/Daacish.

Warbixinno dhowaan soo baxay, oo ay ku jirto baaritaan uu Washington Post sameeyay Febraayo 2025, ayaa lagu sheegay in ciidamada Puntland ay la dagaallamayaan maleeshiyaadka Daacish ee Buuraha Cal Miskaat, iyadoo in ka badan 150 dagaalyahan lagu dilay howlgal socday muddo bil ah. Raadaarka ELM-2084 wuxuu taageeri karaa dadaalladaas isagoo la socda weerarrada diyaaradaha drones-ka ama madaafiicda hoobiyaha, kuwaasoo labada kooxoodba ay adeegsadeen.

Si kastaba ha ahaatee, saldhigyada militariga shisheeye waxay inta badan kicin karaan gadood ama caro maxalli ah. Puntland, halkaasoo bulshooyinka kalluumaysatada ee ku nool biyaha xeebaha, hawlgallada Imaaraadka ee Boosaaso ay kiciyeen dibadbaxyo salka ku haya xannibaadda loo geystay helitaanka biyahaas, sida lagu xusay warbixin ay Kooxda Caalamiga ah ee Xasaradaha (ICG) soo saartay 2019. Rakibidda raadaarku waxay sii hurin kartaa xiisadahan, gaar ahaan haddii dadka deegaanku ay u arkaan inuu mudnaanta siinayo danaha shisheeye marka loo eego kuwa dadka deegaanka.

Dhaqaale ahaan, hawlaha Imaaraadka ee Puntland waxay ka ballaaran yihiin amniga. Shirkadda Imaaraadka ee DP World waxay maalgashi xoog leh ku samaysay dekedda Boosaaso, iyadoo higsanaysa inay ka dhigto xarun ganacsi oo gobolka ah.

Raadaarku wuxuu ilaalin karo maalgashiyadaas isagoo ka warqaba khataraha soo wajaha maraakiibta ama kaabayaasha dhaqaalaha, taasoo la jaanqaadaysa aragtida Imaaraadka ee ah isku-xirka awoodda militari iyo tan ganacsiga. Tani waxay la mid tahay tusaalooyin taariikheed, sida xukunkii Ingiriiska ee Cadan qarnigii 19-aad ee lagu sugayay waddooyinka ganacsiga ee Hindiya.

Hase yeeshee, doorka raadaarku waxaa sidoo kale ku jiri kara tababaridda ciidamada Puntland, iyadoo suurtagal ah in la wareejiyo aqoonta farsamo. Gobol ahaan, rakibidda raadaarku waxay saamayn ku yeelan karo dalalka deriska la ah Soomaaliya. Jabuuti, oo ay ku yaalliin saldhigyo Maraykan, Shiineys, iyo Faransiis ah, waxay ku tiirsan tahay xasilloonida Gacanka Cadmeed dhaqaalaheeda ku tiirsan dekedda.

Itoobiya, oo iyaduna leh xiisado u gaar ah oo ku saabsan helitaanka Badda Cas, ayaa laga yaabaa inay u aragto tallaabadan mid sii murjinaysa xisaabteeda istiraatiijiyadeed. Yemen, oo ay ka aloosan tahay colaad ay kula jirto Xuutiyiinta, waxay ku taal dhinaca kale ee gacanka, laakiin fogaanta uu raadaarku gaari karo ayaa xaddidaysa saamayntiisa tooska ah ee halkaas.

Weli, nidaamku wuxuu xog sirdoon siin karo hawlgallada Imaaraadka ama xulafadiisa ee ka socda Yemen, sida lagu qiyaasay qoraallo lagu daabacay baraha bulshada ee X, inkastoo sheegashooyinkaasi aysan lahayn caddayn rasmi ah.

Rakibista raadaarku waxaa kale oo laga yaabaa inuu ku dhiirrigeliyo Turkiga ama Qatar inay sii qoto dheereeyaan hawlahooda Soomaaliya, taasoo sii xoojinaysa tartanka wakiilnimada ee gobolka.

Taariikh ahaan, faragelintii shisheeye ee Geeska Afrika – sida duullaankii Itoobiya ee Maraykanku taageerayay ee Soomaaliya sanadkii 2006 – waxay sii hurisay xasillooni darrida, taasoo ah cashar ka muuqda ama dul hoganaya rakibidda raadaarkan. Taariikhda hawlgelineed ee ELM-2084 waxay bixinaysaa tilmaamo ku saabsan saamayntiisa suurtagalka ah.

Sidoo kale, joogitaanka raadaarku wuxuu soo jiidan kara dareenka Shiinaha, oo saldhiggiisa Jabuuti uu ka ilaaliyo isla marinnada badaha ee muhiimka ah. Iyadoo Imaaraadku sii xoojinayo danihiisa istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika, rakibidda raadaarka ELM-2084 waxay keenaysaa in laga baaraan dego isu-dheellitirka u dhexeeya amniga iyo xasilloonida. Waxay xoojinaysaa awoodda difaac ee Puntland iyo saamaynta Imaaraadka ee gobolka, waxaana suurtagal ah inay ka hortagto khataraha ku wajahan marinnada badaha ee muhiimka ah.

Laakiin sidoo kale waxay halis gelinaysaa inay sii huriso cabashooyinka maxalliga ah iyo loollanka juquraafi-siyaasadeed, taasoo dib u soo celin karta xusuusta faragelintii hore ee Soomaaliya ku reebtay xasillooni darrida. Awoodaha raadaarkan – sida la socodka diyaaradaha drones-ka, gantaalaha, ama maraakiibta – waa kuwo aan la inkiri karin, hase yeeshee saamayntiisa dhabta ah waxay ku xirnaan doontaa qaabka uu Imaaraadku u adeegsado.

Waqtiga la geeyay raadaarkan ayaa ah mid shaki dhaliyay ama soo jiidanaya dareenka. Geeska Afrika waxaa ka jiray xiisado sii kordhayey, iyadoo heshiiskii dekedda ee Itoobiya la gashay Somaliland uu xumeeyay xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya.

Dhanka kale, weerarrada Xuutiyiinta ee maraakiibta Badda Cas, oo uu cambaareeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bishii Janaayo 2025, ayaa hakad geliyey ganacsigii caalamiga ahaa. Imaaraadka, oo xubin ka ah isbahaysiga Maraykanku hoggaamiyo ee ka hortagaya weerarradan, ayaa laga yaabaa inay u aragto raadaarka tallaabo taxaddar ah, inkastoo doorkiisa rasmiga ah uu weli yahay mid aan la hubin ama qiyaas ah.

Rakibidda nidaamka ee Puntland, halkii laga geyn lahaa saldhig Imaaraadku leeyahay sida Al Dhafra, waxay muujinaysaa tallaabo istiraatiiji ah oo hore loogu socdo, taasoo suurtagal ah in loogu talagalay ururinta sirdoon waqtiga-dhabta ah ama ka hortagga dhaqdhaqaaqyada dhinacyada kale ee gobolka.

Aamusnaanta Imaaraadka ee arrintan, oo barbar socota xaqiijin la sheegay inay ka timid Puntland oo loo mariyay suxufiyiinta maxalliga ah (sida lagu baahiyay barta OSINT Warfare ee X), ayaa sii hurinaysa doodda ku saabsan ujeeddooyinka ka dambeeya tallaabadan.

Marka la eego sawirka guud, raadaarku wuxuu hoosta ka xarriiqayaa horumarka Imaaraadka ee ku aaddan inay u soo baxdo quwad goboleed. Mar ay diiradda saarayeen ballaarinta ilaha dhaqaalaha, Imaaraadku hadda waxay dhisteen awood militari oo la taaban karo, iyagoo maalgashi ku sameeyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, difaacyada hawada, iyo hadda nidaamyo raadaar oo casri ah.

Iskaashigooda Israel, oo sii xoogeystay kaddib Heshiisyadii Abraham, ayaa siinaya helitaan tiknoolajiyad aysan haysan dalalka ay xafiiltamaan sida Qatar ama Turkiga. Hase yeeshee, cudud muujintan ama damacan is ballaarinta ahi wuxuu leeyahay khataro u gaar ah.

Soomaaliya gudaheeda, faragelinta shisheeye waxay leedahay taariikh murugsan oo dhib badan, laga soo bilaabo dhacdadii Black Hawk Down ee 1993 ilaa hawlgalka Midowga Afrika ee socda (ATMIS) ee ka dhanka ah al-Shabaab. Isbahaysiga Imaaraadka ee Puntland wuxuu ka sii fogeyn karaa Muqdisho, isagoo carqaladeyn kara diblomaasiyaddooda goboleed.

Ma yahay qalab xasilloonida loogu talagalay, oo lagu ilaalinayo ganacsiga, lagulana dagaallamayo argagixisada? Mise wuxuu muujinayaa ajande ka dhiirran, oo Imaaraadka ka dhigaya mid xakameeya marinka Gacanka Cadmeed? Waqtiga oo kaliya ayaa caddayn doona su’aalahan, laakiin hadda, imaatinka raadaarkani wuxuu billaabayaa bog cusub oo ka mid ah dhacdooyinka isku rarman ee Geeska Afrika.

CC Shakuur oo weerar culus ku qaaday Xamza, kadib…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, kadib tallaabo uu maanta qaaday.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo saaray ayaa si weyn uga fal-celiyay arrin uu maanta sameeyay Xamza Cabdi Barre, kadib markii uu kasoo muuqday diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashada ee maalinta labaada ka socoto degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul wasaaraha oo ay la socdeen qaar kamid ah golihiisa wasiirada ayaa kasoo muuqday safafka dhaadheer ee ay shacabka ugu jiraan ololaha diiwaan-gelinta ee uu wado guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa boggaadiyay sida ay wax ku socdaan, wuxuuna sheegay in dalka uu aaday qof iyo cod, awooddiina dib loogu soo celiyay shacabka.

Intaasi kadib Warsame oo qoraal deg-deg ah soo saaray ayaa arrintan ku tilmay ‘igu sawir’ isaga oo xusay inay kamid tahay waxyaabihii laga dhexlay dowladdii hore.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in waxqabadkii dowladda oo dhan lagu soo koobay sawir iyo muuqaal lagu baahiyo baraha bulshada.

“Waxaa la abaalmariyey tayo xumida iyo xil gudasho la’aanta. Waxaa la nuxuusiyey dhaqankii suubaanaa ee kartida, daacadnimada, xishoodka, hufnaanta iyo ixtiraamka ee bulshada isku hayn lahaa, kalsoonida iyo is aaminadda dhisi lahaa, dawlad dhiskana lagama maarmaanka u ahaa” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-

Sawirka idiin muuqda iyo kuwo kaloo badan oo la mid ah waa natijada dhaqanka siyaasadeedkii  sanadihii tegey la soo dhisayey ee waxqabadkii iyo adeeggii dowladnimo ku soo koobay gelin qura ku mood, sawirka saacaddaas iyo muuqaalka maalintaas.

Labadii rajiim ee xukunka isaga danbeeyey waxay ina dhaxalsiiyeen dhaqan siyaasadeed ku dhisan qiimo dilka qofnimada iyo awoodeeynta guulwadanimada, ammaanta madaxda iyo aflagaaddada inta ka aragtida duwan. Waxaa la abaalmariyey tayo xumida iyo xil gudasho la’aanta. Waxaa la nuxuusiyey dhaqankii suubaanaa ee kartida, daacadnimada, xishoodka, hufnaanta iyo ixtiraamka ee bulshada isku hayn lahaa, kalsoonida iyo is aaminadda dhisi lahaa, dawlad dhiskana lagama maarmaanka u ahaa.

Bay’ada guulwadayntu waxay soo saartay madax, masuuliyiin iyo hawlwadeen dowladeed oo aan kalsooni qabin, maadaama ay ka soo boodeen jaranjartii dabiiciga ahayd ee nolsha, xilkana aysan ku helin mutaysi (aqoon, waaya-aragnimo iyo xirfad).

Dhaqanka caynkaasi ah xukun iyo dawladnimo ma dhiso, dal colaad kasoo kabanaya oo cadow aragagexiso ah wajahayana kuma sii jiro

Al-Shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday degmada Aadan Yabaal

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana xigay dagaal culus oo toos ah.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lasoo warinayaa inay saddex jiho ah ka weerareen degmada, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarka qaraxyada ah iyo dagaalka ay ka dhasheen khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Dagaal u dhexeeyay ragga weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ayaa weli ka socda halkaasi, wuxuuna kusii fiday qaybo horleh oo kamid ah degmada Aadan Yabaal.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab weerarkooda uu xoogan yahay, ayaga oo si kasta iskuugu dayayo inay cagta mariyaan saldhigyada ciidamada ee ku yaalla halkaasi, si ay kadib ula wareegaan, waxaase soconyo iska caabin ay wadaan ciidamada huwanta.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya, maadaama uu weli socda dagaalka ay Al-Shabaab kusoo qaadeen halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii dareyso dagaalka ka socda halkaasi.

Aadan Yabaal ayaa kamid ah degmooyinka waa wayn ee saddex sanno ka hor laga xoreeyay Khawaarijta, iyada oo u ahayd saldhigga ugu weyn ee Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo sidaan oo kale ay maalmo kahor Al-Shabaab qaraxyo ugu weerareen deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo deegaanno kale oo ku yaalla HirShabelle.

Al-Shabaab ayaa inta badan weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Si kastaba, Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

DF oo shirkadaha shidaal sahminta ee Mareykanka ku casuuntay SSC-Khaatumo

Washington (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Danjire Daahir Xasan Carab, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya ay hadda furan tahay, islamarkaana diyaar u tahay sahaminta iyo qodista shidaalka, gaar ahaan deegaanada SSC-Khaatumo.

Danjiraha ayaa fursaddan muhiimka ah u bandhigay shirkadaha tamarta ee Mareykanka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay dib ugu soo laabtaan dalka si ay u sahamiyaan ceelasha shidaalka ee ka buuxa dhulka Soomaaliyeed.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X (hore Twitter), ayuu Danjiruhu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo ka saaray caqabadihii sharciyeed iyo amni ee horay u hor istaagay howlaha shidaal-baarista.

“Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Soomaaliya si rasmi ah ugu furan tahay qodista shidaalka. Waxaan si xushmad leh ugu martiqaadayaa shirkadaha tamarta ee Mareykanka inay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya si ay uga faa’iideystaan fursadahan muhiimka ah,” ayuu yiri Danjire Daahir.

Danjiruhu wuxuu sidoo kale xusay in xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka ay si weyn u hagaagtay, gaar ahaan kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u aqoonsatay maamulka cusub ee SSC-Khaatumo inuu yahay xubin rasmi ah oo ka tirsan dowlad-goboleedyada dalka. Aqoonsigaas, ayuu sheegay, wuxuu sahli doonaa in dib loo bilaabo mashaariic horay hakad ugu jiray sababo la xiriiray muran siyaasadeed iyo khilaafaad sharci.

“Ka qaadista xaaladdii ‘force majeure’ waxay sahleysaa in si buuxda dib loogu bilaabo sahamin iyo qodis shidaal oo ka dhacda dooxada hodanka ku ah kheyraadka ee Nugaal Valley Basin,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Soomaaliya iyo fursadaha tamarta

Soomaaliya waxay leedahay dhul istaraatiiji ah oo xeebihiisu ka mid yihiin kuwa ugu dheer Afrika, kana hodan ah shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Aagagga sida Nugaal, Dharoor, iyo Juba-Lamu basins ayaa lagu tilmaamaa inay yihiin qaar ka mid ah meelaha ugu khayraadka badan ee aan weli si buuxda loo sahamin. Inkastoo ay jiraan duruufo amni iyo kuwo siyaasadeed oo hakiyay horumarka sahanka, haddana waxaa jirta rajo xooggan oo laga qabo in Soomaaliya ay noqon karto mid ka mid ah suuqyada tamarta ee soo koraya ee Geeska Afrika.

Shirkado caalami ah sida, Turkish Petroleum, Coastline Exploration, Soma Oil & Gas, iyo Spectrum Geo ayaa horey ula saxiixday dowladda heshiisyo ku saabsan sahamin shidaal, inkastoo hawlahaasi hakad galeen. Dib u furitaanka rasmiga ah ee sahanka iyo dadaallada dowladda ee lagu sugayo xasilloonida sharci iyo amni ayaa la filayaa inay dib usoo celiyaan xiisaha maalgashadayaasha.

Safiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi fog iyo xiriir istaraatiji ah oo ay la yeelato shirkadaha Mareykanka, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shirkadahaas ay hormuud u noqdaan kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka, inkastoo aysan si toos ah u maalgashan howlaha shidaal-baarista Soomaaliya, haddana waxay si dhow ula socotaa isbeddellada amni, dhaqaale, iyo siyaasadeed ee dalka. Washington ayaa sidoo kale ballanqaadday inay sii xoojin doonto taageerada ay siiso dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta dowladnimada.

Dhawaaqan kasoo baxay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka wuxuu muujinayaa tallaabo istiraatiji ah oo lagu doonayo in dalka looga furo waddooyin horumarineed oo salka ku haya ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah.

Waxaa la filayaa in hadalkan uu horseedi doono xiiseyn cusub oo ka timaadda shirkadaha tamarta ee caalamiga ah, taas oo haddii si wanaagsan loo wajahdo, wax ka tari karta kobaca dhaqaalaha, abuurista shaqooyin, iyo xoojinta madaxbannaanida dhaqaale ee Soomaaliya. 

Digniin laga bixiyey arrin ka dhalan karta is-beddelka xulufo ee ay sameysay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbahaysiyada amni ee sii kordhaya ee Soomaaliya la yeelaneyso dalal shisheeye ayaa lagu eedeeyay inay kicinayaan xasillooni-darro cusub oo ka taagan Geeska Afrika, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ka digeysa in isbeddelladan ay hurinayaan dagaallo wakiil ah, ayna carqaladeynayaan dadaallada nabadeed ee gobolka.

Warbixinta, oo Talaadadii lagu daabacay Georgetown Journal of International Affairs ee Mareykanka, waxaa si wadajir ah u qoray Dr. Mercy Fekadu Mulugeta iyo Leulseged Girma. Waxay si qoto dheer u falanqeynayaan is-afgaradyo amni oo aan caadi ahayn, kuwaasoo la xiriira dekedo, aqoonsi dowladeed, iyo joogitaanka ciidamo shisheeye. Qodobbadan, ayay warbixintu leedahay, waxay beddelayaan xuduudaha siyaasadeed ee gobolka, waxayna kordhinayaan khatarta dagaal caalami ah oo ka dhex dhaca waddamada gobolka.

Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay ciyaaryahan istiraatiiji ah oo doorkeeda cusub uu wax ka beddeli karo is-dheellitirnaanta awoodda ee gobolka.

Warbixintu waxay si gaar ah u tilmaantay heshiiskii is-afgarad ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland bishii Janaayo 2024. Heshiiskaas ayaa Itoobiya u ogolaanaya inay hesho 19 km oo xeeb ah, iyadoo beddelkeedana ay Somaliland heleeyso aqoonsi siyaasadeed. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hor timid arrintan, iyadoo sheegtay in Somaliland weli tahay qayb suveran ah oo ka mid ah dhulkeeda. 

Isbahaysiyo cusub oo lid ku ah Itoobiya  

Iyadoo falcelin ka bixineysa heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, Soomaaliya waxay xoojisay xiriirkeeda milatari iyo diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Masar iyo Eritrea – dalal si taariikhi ah ugu muransan Itoobiya.

Gaar ahaan, Masar ayaa sannadkan 2025 u dirtay Soomaaliya taageero ciidan, taasoo dhalisay walaac ah in taageeradaasi aysan si toos ah ugu wajahneyn la dagaalanka argagixisada, balse ay tahay mid lagaga hor tagayo saameynta Itoobiya ku leedahay biyaha Nile.

“Ka hortagga Al-Shabaab ma aha sababta dhabta ah ee ka dambeysa iskaashiga Soomaaliya iyo Masar; Masar waxay si istiraatiiji ah u doonaysaa inay Itoobiya kaga hor timaado qorshaheeda horumarinta webiga Nile,” ayaa lagu yiri warbixinta.

“Isbahaysiga cusub ee ay Soomaaliya samaynayso wuxuu ka tarjumayaa xurguf ballaaran oo ka taagan gobolka,” ayay tiri Dr. Mercy Fekadu Mulugeta, oo ah bare sare ka tirsan Jaamacadda Addis Ababa iyo agaasimaha Xarunta ARUA ee Daraasaadka Bulshooyinka Kadib Colaadaha. “Waxyaabaha u muuqda inay yihiin siyaasado amni qaran, dhab ahaantii waa xeelado istiraatiiji ah oo la xiriira kala aragti duwanaansho gobolka oo dhan ah.”

Inkasta oo Soomaaliya iyo Itoobiya ay bishii Diseembar 2024 ku galeen wadahadallo nabadeed oo uu Turkigu garwadeen ka yahay – loona yaqaan Heshiiska Ankara – warbixintu waxay sheegtay in heshiiskaasi uu ahaa mid aan daahfurneyn, islamarkaana ay jiraan qodobo muhiim ah oo aan weli xal laga gaarin. Waxaa ka mid ah su’aasha ah in ciidamada Itoobiya ay sii ahaan doonaan qayb ka mid ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Qoraayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen in ficillada Soomaaliya aysan ku dhicin go’doon. Gudaha dalka waxaa ka taagan dood culus, iyadoo qaar ka mid ah madaxda federaalka ay ku eedeeyeen Masar in ay Soomaaliya u adeegsato sidii aalad ku jirta dagaalkeeda istiraatiijiga ah ee ay la wado Itoobiya.

“Masar waxay dooneysaa inay naga dhigto laacib yar oo loogu adeegsanayo dagaalkooda weyn,” ayuu yiri wasiir ka tirsan dowladda federaalka, sida lagu xusay warbixinta.

Warbixintu waxay dhacdooyinkan gelisay xudunta khilaafka taariikhiga ah ee biyaha. Masar waxay muddo dheer ku adkeysaneysay ilaalinta heshiisyadii gumeysiga ee biyaha Nile, kuwaasoo si buuxda u hareer marsan Itoobiya. Itoobiya, dhankeeda, waxay heshiisyadaas ku tilmaantay kuwo duugoobay, waxayna dhistay biyo-xireenka weyn ee GERD si ay u hanato mustaqbalka tamarta dalka.

Dhaq-dhaqaaqa Soomaaliya — si ula kac ah ama si aan toos ahayn — wuxuu muujinayaa sida ay dawladaha wabiga hoose ku yaal ay si isa soo taraysa ugu lug yeelanayaan khilaafka biyaha ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

Nabad ilaalin lagu milay dano siyaasadeed

Qoraayaashu waxay sidoo kale ka digeen in hawlgalada nabad ilaalinta gobolka, sida AUSSOM, ay noqdeen aalado ay dalalka saameynta leh u adeegsadaan danahooda siyaasadeed. Soomaaliya ayaa horey uga hor timid ka qaybgalka ciidamada Itoobiya ee AUSSOM, iyadoo ku dooday in ay jirto iskahorimaad danaha Itoobiya ee Somaliland la xiriira.

“Hawlgalada nabad ilaalinta waxaa si xad dhaaf ah ugu adeegsanaya dowlado doonaya inay gaaraan yoolal istiraatiiji ah oo siyaasadeed,” ayuu yiri Leulseged Girma, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ku takhasusay Geeska Afrika iyo mid ka mid ah qorayaasha warbixinta. “Arrintaasi waxay dhaawac u geysaneysaa xasilloonida Soomaaliya iyo kalsoonida nidaamka nabad ilaalinta caalamiga ah.”

Warbixintu waxay sheegtay in haddii Itoobiya si rasmi ah u aqoonsato Somaliland, tallaabadaasi ay yeelan doonto cawaaqib fog oo ka baxsan Muqdisho oo kaliya. Waxay abuuri kartaa xiisado cusub, dhiirrigelin kartaa dhaqdhaqaaqyo gooni-u-goosad ah oo kale, isla markaana beddeli kartaa isbahaysiyada marin-biyoodka Badda Cas.

Somaliland, oo ku dhawaaqday madax-bannaani 1991, wali ma helin aqoonsi caalami ah. Warbixintu waxay ugu baaqday Midowga Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah inay dib u eegaan Warbixintii 2005 ee Guddiga Xaqiiqo Raadinta, ayna horumariyaan hab-raacyo caddaan ah oo lagu maareynayo xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee dhulalka aan la aqoonsan.

Warbixintu waxay xustay in Soomaaliya ay xiriir diblomaasiyadeed ka raadineyso meelo ka baxsan saaxiibbadeedii hore. Waxaa si gaar ah loo tilmaamay in Muqdisho ay dooneyso iskaashi cusub oo ay la yeelato dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Azerbaijan, iyo Tansaaniya – taasoo muujinaysa dadaal ay ku raadineyso taageero ay ka hesho xulafayaal cusub oo caalami ah.

Isla markaana, Geeska Afrika wuxuu noqday meel ay ku sii qulqulayaan quwadaha waaweyn. Dalalka sida Imaaraadka, Shiinaha, Ruushka iyo Turkiga ayaa si isa soo taraysa u ballaarinaya joogitaankooda gobolka iyagoo dhisaya dekedo, mashaariic horumarineed, iyo saldhigyo ciidan — taasoo sii adkaynaysa xal u helista khilaafaadka gudaha iyo kuwa gobolka.

Si looga hortago xiisadaha sii kordhaya, warbixintu waxay ugu baaqday BRICS, Midowga Afrika, iyo IGAD inay si degdeg ah u dhexgalaan. Waxay sidoo kale ku baaqday in si dhaqso ah loo dhexdhexaadiyo Masar iyo Itoobiya khilaafkooda biyaha Nile, iyo in la xoojiyo kormeerka iyo isla xisaabtanka hawlgalada nabad ilaalinta.

“Ahmiyadda istiraatiijiga ah ee Soomaaliya lama dafiri karo,” ayaa lagu soo gunaanaday warbixinta. “Laakiin haddii aysan jirin dadaal diblomaasiyadeed oo mideysan oo ka yimaada dalalka gobolka iyo kuwa caalamka, Soomaaliya waxay halis ugu jirtaa inay noqoto goob lagu hardamo oo colaado wakiil ah lagu furo – taasoo halis gelin karta xasilloonida guud ee Geeska Afrika.”

 

Toogasho lagu dilay dhowr qof oo ka dhacday Sweden

Gothenburg (Caasimada Online) – Booliiska Sweden ayaa Talaadadii sheegay in laba nin lagu dilay toogasho habeen hore ka dhacday magaalada labaad ee dalka ee Gothenburg. Warbaahinta gudaha ayaa ku warramay in weerarkan lala xiriirinayo dagaallo u dhexeeya kooxo burcad ah.

Booliisku waxay sheegeen in ay heleen warbixin ku saabsan toogasho dhacday wax yar kahor saqdii dhexe ee habeenkii Isniinta.

“Markii ay booliisku gaareen goobta, waxay heleen labo nin oo da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 25 sano kuwaasoo dhaawacyo ka soo gaareen rasaas. Waxaa loola cararay isbitaalka, balse way u dhinteen dhaawacyadii,” ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah oo kasoo baxay booliiska.

Baaritaan dil ah ayaa la furay, inkastoo booliisku sheegeen in aysan jirin cid loo qabtay dhacdadan ilaa iyo hadda.

Wargeyska Göteborgs-Posten ayaa qoray in weerarku uu suuragal tahay inuu la xiriiro aargoosi iyo colaado u dhexeeya kooxo burcad ah oo horey u dagaallamay.

Sidoo kale, wakaaladda wararka ee TT ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex toogasho iyo siddeed qarax laga soo sheegay magaalada Gothenburg tan iyo bilowgii sanadkan 2025.

Dalka Sweden ayaa sanadihii u dambeeyay wajahaya dhibaato xoogan oo la xiriirta kororka toogashooyinka iyo qaraxyada, kuwaasoo inta badan ka dhasha is-aargoosiga kooxaha dambiilayaasha ah ee iska soo horjeeda.

Inta badan falalka rabshadaha wata waxaa fuliya dhalinyaro da’doodu aad u yar tahay, gaar ahaan carruur ka hooseeya 15 sano — taasoo ah da’da mas’uuliyadda dambiyada ee dalka Sweden. Dhalinyaradan ayaa mararka qaar loo adeegsadaa dilal qandaraas ah sababo la xiriira in aysan si sharci ah dambiga ugu xisaabtamin.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Sweden ayaa sannadkii 2024 wajahaya hoos u dhac ku yimid tirada dilalka.

Warbixin uu bishii Maarso soo saaray Golaha Qaranka ee Kahortagga Dembiyada (Brå) ayaa muujisay in sanadkii hore la diiwaan geliyey 92 kiis oo dil ah — taasoo 29 kiis ka yar tiradii sanadkii 2023.

Booliiska Sweden ayaa sidoo kale bishii Janaayo sheegay in tirada toogashooyinka ay hoos u dhaceen sanadkii 2024, markii labaad oo xiriir ah. Waxaa la diiwaan geliyey 296 toogasho — hoos u dhac dhan 20% marka loo barbardhigo sanadkii ka horreeyay.

Booliiska ayaa hoos u dhacaasi ku sababeeyay kororka awoodohooda dhanka “ka hortagga iyo cabsi gelinta” falalka rabshadaha wata.