31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Who is Nordic Monitor — and why their Somalia oil story doesn’t add up

Muqdisho (Caasimada Online) – A misleading headline about Somalia’s recent oil and gas agreement with Turkey has captured public attention. At the center of these claims is a little-known outlet called Nordic Monitor, which published the widely shared story alleging that “Turkey will take 90% of Somalia’s oil revenues.”

But before accepting these claims at face value, it is important to ask: Who is Nordic Monitor, and why are they getting Somalia’s story wrong?

What is Nordic Monitor — and what is their agenda?

Nordic Monitor is not an established international media outlet with a track record in African affairs. It is a small Sweden-based platform run by Abdullah Bozkurt, a former Turkish journalist with close ties to the Fethullah Gülen movement, which the Turkish government has designated a terrorist organization.

The outlet was founded not as an independent news organization but as part of a broader anti-Turkey propaganda effort following political disputes between Turkey and the Gülen movement.

In other words, Nordic Monitor’s reporting is not neutral journalism — it is part of a political fight that has nothing to do with Somalia’s national interest.

How Nordic Monitor got the Somalia-Turkey oil story wrong?

Nordic Monitor’s coverage of Somalia’s oil deal fails even the most basic tests of credible reporting. Here’s why:

  • No Somali government sources were consulted, or given the chance for a comment. 
  • No experts on oil contracts or production-sharing agreements were quoted.
  • The report ignores global oil contract standards, such as cost recovery models that are used by dozens of developing countries worldwide.
  • The key term “90%” was presented out of context, falsely suggesting a permanent revenue share — while the agreement clearly specifies that this is only for cost recovery, not ownership or profits.

This is either a case of deliberate distortion or a complete lack of understanding of how oil agreements work.

A pattern of politicized reporting

This is not the first time Nordic Monitor has pushed politically motivated narratives disguised as reporting. A quick review of their past publications shows a consistent focus on:

  • Discrediting Turkey’s foreign policy, particularly its activities in Africa and the Middle East.
  • Attacking Turkish-supported projects abroad, regardless of their content or merit.
  • Promoting a one-sided view that aligns with the outlet’s founders’ political conflicts back home.

Regardless of the truth, Somalia’s oil deal became the latest vehicle for this agenda.

Why Somalia deserves better than imported propaganda?

Decisions about Somalia’s future, including its natural resource agreements, should be based on facts, transparency, and informed debate. They should not be shaped by foreign political rivalries or one-sided propaganda.

Misreporting on this scale does real damage:

  • It misleads the Somali public.
  • It risks undermining legitimate national efforts to develop Somalia’s energy sector.
  • It reduces complex policy issues to sensational headlines that distract the real debate.

The Somali people deserve accurate information — not misinformation imported from foreign disputes.

The Bottom line: question the source, not just the story

Before sharing or believing explosive claims like “Turkey will take 90% of Somalia’s oil,” it is worth asking:

  • Who is saying this?
  • What is their track record on Somalia or African affairs?
  • Are they quoting credible sources?
  • Do they explain global industry standards like cost recovery and PSAs?
  • Do they have a political agenda or interest?

The answers to these questions expose a clear agenda and a lack of journalistic integrity in the case of Nordic Monitor.

The future of Somalia’s resources deserves serious, fact-based reporting — not propaganda.

Read: Breaking down the Somalia-Türkiye oil deal: Facts vs. Lies

Xog: Imaaraadka oo u yeeray Laftagareen, kalana hadlaya labo qodob oo xasaasi ah

Abu Dubai (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu safar qarsoodi ah ku tegay magaalada Abu Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana safarkiisa ka soo baxaya  xogo xasaasi ah.

Laftagareen oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho, kulamo xasaasi ahna la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa saaxiibadiis u sheegay inuu u safarayo Nairobi Kenya, balse wuxuu uga sii gudbay Imaaraadka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Abu Dubai kula kulmaya madaxda ugu sareysa Imaaraadka, isagoo hala hadli doona arrimo xasaasi ah oo ay ugu yeereen, kuwaas oo lagu faragelinayo qorshayaasha dowladda federaalka Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa diidan tallaabooyin ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan heshiisyo ay la gashay Turkiga, Masar iyo dagaalka Al-Shabaab oo Xasan Sheekh uu muhiimad gaar ah siinayo.

Sidoo kale, Imaaraadka ayaa saldhig u ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee mucaaradka ku ah dhaqdhaqaaqa dowladda federaalka, waxaana marar badan Xasan Sheekh lagula taliyey in dalka uu ka ceyriyo diblomaasiyiinta Imaaraadka oo lagu eedeeyey inay diidan yihiin inay ixtiraamaan qaranimada Soomaaliya.

Siyaasiyiin xog ogaal ah oo u waramay Caasimada Online, ayaa sheegay in Imaaraadka oo u yeeray Laftagareen ay kala hadlayaan labo qodob oo kala ah:

1 – In Laftagareen uusan ka qeyb noqon xisbiga cusub ee Xasan Sheekh uu dhisayo ee lagu soo darayo madaxda dowlad goboleedyada qaar.

2 – Iyo inuu ka hor yimaado doorashada qof iyo codka ah ee dowladda federaalka ay gadaal ka riixeyso, isla markaana uu qabsado doorasho lamid ah midii Axmed Madoobe oo ku gacan seyray dowladda federaalka.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen wuxuu saaxiib la yahay Itoobiya, waxaana la sheegay in Imaaraadku ay u soo dhexmareen Itoobiya, waxaana la abuurayaa khilaaf cusub oo dowladda federaalka ka soo wajihi doona dhanka Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta aan ka wareysanay arrintaan waxay aaminsan yihiin in Koonfur Galbeed ay noqon doonto dowlad goboleedka ugu soo horeeya ee dowladda federaalka ay is qaba doonaan, kuna biiri doona dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo mar hore dhabarka xijiyey hoggaaminta Xasan Sheekh.

Si rasmi ah looma oga go’aanka uu qaadan doono Laftagareen iyo waxa uu kala soo laaba doono Imaaraadka Carabta.

Qorshaha ciidamada cusub ee Turkey keentay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga ayaa 500 askari usoo diray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo ah wajiga koowaad ee qorshe ballaaran oo ay ugu talagaleen in ay gaarsiiyaan ilaa 2,500 oo askari, si loo xoojiyo difaacyada dowladda Soomaaliya.

Labo diyaaradood oo xambaara ciidamada qalabka sida ee Turkiga ayaa keenay askartan iyo qalabkooda, waxaana garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Adde ku soo dhaweeyay saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. Ciidamadan ayaa qeyb ka ah iskaashi amni oo sii ballaaranaya oo Turkigu la yeeshay Soomaaliya, kaas oo lagu bilaabay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.

Askartan oo wata hub culus, isla markaana ay sidaan diyaaradaha milatari ee Qatar, ayaa ka soo degay garoonka Aden Adde. Waa qaybta hore ee ciidan loo qorsheeyay inuu ka koobnaado illaa 2,500 oo askari, kuwaas oo baarlamaanka Turkiga ansixiyay bishii Luulyo 2024, si ay muddo labo sano ah uga howl-galaan Soomaaliya.

Howlgalka ciidamadan ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay la kulmeen guuldarrooyin, kaddib markii Al-Shabaab ay qabsatay saldhigga dhexe ee Adan Yabaal oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarkan ayaa dhacay kaddib markii kooxdaasi ay la wareegtay deegaanno badan oo ay ka mid yihiin magaalooyin iyo tuulooyin, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo kororka awoodda iyo saameynta ay kooxdaasi ku leedahay gobolka.

Bishii Luulyo ee la soo dhaafay, baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin uu gudbiyay madaxweynaha dalkaasi, kaas oo oggolaanaya in la geeyo ciidan muddo labo sano ah si ay u taageeraan ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Ciidamada Turkiga ee Muqdisho la geeyay ayaa la filayaa inay diiradda saaraan sugidda ammaanka goobaha muhiimka ah, sida xarumaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Si kastaba, Turkiga ayaa sheegay in ujeeddadiisu aysan ahayn inuu si toos ah uga qeyb qaato dagaalka ka socda dalka, balse uu doonayo in uu ka taageero dadaallada xasilinta.

Joogitaanka milatari ee Turkiga ayaa qeyb ka ah istaraatijiyad ballaaran oo lagu doonayo in lagu xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya si ay ula tacaalaan khataraha amni ee gudaha, ayna gaaraan awood ay iskood isugu filnaadaan. Qorshahani wuxuu ku dhisan yahay iyadoo la raacayo heshiis iskaashi difaac oo labada dal kala saxiixdeen bishii Febraayo 2024, xilli ay Ankara ka dhacday xaflad rasmi ah oo ay ka qeyb galeen wasiirka gaashaandhigga Turkiga Yasar Guler iyo wasiirka difaaca Soomaaliya ee xilligaas Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Heshiiskaasi wuxuu dhigayaa iskaashi dhinacyo badan leh, oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada, kaalmo dhaqaale oo milatari, iyo tababaro wadajir ah oo la siinayo ciidamada labada dal, taasoo muujinaysa sida labada dhinac ugu heelan yihiin nabadgelyada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.

Dadaalka Turkiga ee ku aaddan ammaanka Soomaaliya ma aha mid cusub. Tan iyo 2021, Turkiga waxa uu tababar siiyay ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, wuxuuna dalka ka dhistay saldhig milatari. Sidoo kale, markab dagaal oo uu leeyahay Turkiga, TCG Kinaliada, ayaa booqday Muqdisho 23-kii Abriil, taasoo muujinaysa xiriirka sii qoto dheeraanaya ee labada dal. Booqashadaas kaddib, Turkiga wuxuu ku dhawaaqay qorshe uu markabyo dagaal ku geynayo biyaha Soomaaliya si ay u sugaan badqabka markab sahminaya shidaal oo uu leeyahay Turkiga.

Ciidamadan la geeyay Soomaaliya waxay mar kale muujinayaan sida Turkiga ugu go’an yahay taageeridda amniga Soomaaliya, iyadoo uu sidoo kale horumarinayo danihiisa istaraatijiyadeed ee Geeska Afrika.

Turkiga ayaa sidoo kale hub iyo qalab ciidan u hibiyay Soomaaliya, waxaana uu hadda ka fiirsanayaa inuu si rasmi ah ciidan joogto ah ugu howlgeliyo gudaha dalka. Intaas waxaa dheer, Turkiga waxa uu Soomaaliya siiyay gaadiidka gaashaaman ee Kirpi, baabuurta xamuulka, iyo qalab kale oo milatari, si loo xoojiyo dadaallada lagu xasilinayo dalka.

Arrintan ayaa sidoo kale qeyb ka ah istaraatijiyaddiisa uu ku doonayo in uu saameyn ballaaran ku yeesho gobolka, oo horey ay ugu tartamayeen Mareykanka iyo Shiinaha.

Xog: DF oo dalka ka cayrisay ku-xigeenka madaxa howl-galka Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa amartay in uu dalka ka baxo ku-xigeenka labaad ee howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), kaddib hadal uu ka jeediyay kulan xiran oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay yeeshay 9-kii April, kaasoo si weyn uga careysiiyay maamulka Muqdisho.

Sivuyile Thandikhaya Bam ayaa la filayey inuu ka dhoofo Muqdisho maanta oo ah 23-ka April, isagoo kusoo laabanaya xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa. Bam oo ah ku-xigeenka ku-meel-gaarka ah ee ATMIS, ayaa lagu qasbay inuu dalka ka baxo, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ugu wargelisay guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahamoud Ali Youssouf, inay doonayso in Bam laga dhigo “qof aan la rabin” (persona non grata).

Khilaafkan ayaa ka dhashay hadallo uu Bam jeediyay 9-kii April intii lagu jiray kulan gaar ah oo Golaha Ammaanka uu yeeshay, iyadoo Soomaaliya ay ka tirsan tahay xubnaha aan joogtada ahayn tan iyo bilowgii sanadka. Bam ayaa sharraxay khataraha ka dhashay weerarro ay kooxda Al-Shabaab dhowaan ka fulisay gudaha dalka.

Kooxda Islaamiyiinta ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay la wareegay dhul ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna gaareen ilaa 30 kiiloomitir meel u jirta caasimadda Muqdisho. Hadallada Bam ayaa waxaa si weyn uga caroodey Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macallin Fiqi, oo xitaa ku eedeeyay inuu taageero siinayo kooxda Al-Shabaab.

Khilaaf soo jiitamayay

Khilaafka u dhexeeya Bam iyo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabanaya xilligii uu Bam madax ka ahaa waaxda taageerada howlgalka nabadda ee Guddiga Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, xilkaasoo uu hayay intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2021.

Markii la magacaabay Bam bishii December 2023 si uu ugu biiro ATMIS, dowladda Soomaaliya horraantii way ka biyo diidday, balse ugu dambeyn way aqbashay. Sidoo kale, sanadkii 2022, Francisco Madeira oo ahaa madaxa hore ee ATMIS, ayaa isla sidaas oo kale dowladda Soomaaliya uga codsatay inuu dalka ka tago.

Iyadoo maanta, 23-ka April uu kulan u furmay waddamada ciidanka ku darsanaya howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo la filayo inuu ATMIS beddelo laga bilaabo bisha Luulyo, ayaa suurtagalnimada in Bam ka qayb galo kulankaas u muuqatay mid mugdi ku jiro.

Shirkaasi ayaa ka dhacaya magaalada Kampala, waxaana ka qayb galaya madaxda dowladda federaalka, madaxda Guddiga Midowga Afrika, iyo wakiillo ka socda waddamada Itoobiya, Masar, Jabuuti iyo Kenya. Kulanka ayaa diiradda saaraya sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha dhaqaale ee haysta AUSSOM.

Bam waxaa si ku-meel-gaar ah loogu beddeli doonaa magaalada Muqdisho Jeneraal Sam Kavuma oo u dhashay dalka Uganda, kana tirsan ciidamada ATMIS. Markii Caasimada Online ay isku dayday inay la xiriirto afhayeenka Guddiga Midowga Afrika, kama helin wax jawaab ah.

Somalia expels African Union envoy over Al-Shabaab remarks

MOGADISHU, Somalia — Somalia has expelled Sivuyile Thandikhaya Bam, the Deputy Special Representative of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), after accusing him of making remarks that appeared sympathetic to the Islamist militant group Al-Shabaab.

Bam departed Mogadishu on April 23, 2025, returning to the African Union’s headquarters in Addis Ababa, Ethiopia. The Somali government declared him persona non grata following comments he made during a closed session of the United Nations Security Council on April 9.

During the meeting, Bam reportedly suggested that Al-Shabaab was seeking political legitimacy and had reduced its attacks on civilians — a characterization Somali officials strongly reject.

Diplomatic tensions over UN remarks

Somalia’s Foreign Minister Ahmed Moallim Fiqi sharply condemned Bam’s statements, accusing the envoy of undermining Somalia’s fight against terrorism and portraying Al-Shabaab in a favorable light.

“He has shown himself to be a supporter of Al-Shabaab and an obstacle to Somalia’s progress,” Fiqi said, arguing that Bam’s remarks misrepresented the militant group’s ongoing campaign of violence.

The Somali government officially informed the African Union of its decision to expel Bam, requesting his immediate removal from the position. The move marks a significant deterioration in relations between Mogadishu and the African Union during the sensitive political transition.

The diplomatic fallout comes as Somalia intensifies its military operations against Al-Shabaab, particularly in the Middle Shabelle region, where the group has seized territory and launched repeated attacks on military bases.

The al-Qaeda-linked group has been waging an insurgency against the Somali government for over 15 years, aiming to impose its strict interpretation of Islamic law.

Al-Shabaab is classified as a terrorist organization by Somalia, the United Nations, the African Union, the United States, and the European Union.

Somali officials viewed Bam’s comments during the Security Council briefing as harmful to the international effort to isolate and defeat the group.

History of strained relations

This is not the first time Mogadishu has clashed with senior African Union officials. In 2022, the Somali government expelled Francisco Madeira, the former head of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), accusing him of political interference.

Bam’s appointment to ATMIS in December 2023 was also met with resistance from Somalia, mainly due to his previous role as director of the AU’s Peace Support Operations Division between 2008 and 2021 — a period marked by complex relations between Somalia and the African Union.

The expulsion comes as Somalia and its regional and international partners navigate the transition from ATMIS to AUSSOM, a new African Union mission established to support Somalia’s security forces and stabilize the country.

The replacement of ATMIS with AUSSOM, scheduled to be fully operational by July 2025, will shift toward Somali-led security responsibility. However, Bam’s removal risks complicating coordination between Somalia and the African Union at a critical moment.

General Sam Kavuma of Uganda has been named interim Deputy Special Representative in Mogadishu following Bam’s departure. The African Union has not publicly commented on the Somali government’s decision.

A meeting of troop-contributing countries for AUSSOM began on April 23 in Kampala, Uganda, focusing on funding challenges and strategic planning for the new mission. The talks include representatives from Somalia, the African Union, and partner nations such as Ethiopia, Egypt, Djibouti, and Kenya.

Sawirro: Xasan Sheekh oo la shiray ergada Midowga Yurub, una caddeeyay hal arrin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maamta kulan muhiim ah la qaatay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, si ay uga wada hadlaan iskaashiga istiraatijiyadeed ee labada dhinac.

Kulankan ayaa diiradda saaray xoojinta xiriirka siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub kaalintooda muuqata ee ku aaddan dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalka soo maray.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in taageeradaas ay ahayd mid horseed u noqotay kobaca dowladnimada iyo xasilloonida dalka.

Himilada DF iyo wada-shaqeynta caalamiga ah

Intii kulanku socday, Madaxweynaha ayaa faah-faahin ka bixiyay qorsheyaasha dowladda ee dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta dowlad-wanaagga, isaga oo sidoo kale muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta nidaamka dimoqraadiyadda, gaar ahaan in dalka laga hirgeliyo doorashooyin toos ah.

Wuxuu caddeeyay in dowladdu ay wado qaban-qaabada wadatashi qaran oo horseedi kara hannaan siyaasadeed oo midaysan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay u heelan tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan la-hawlgalayaasha sida Midowga Yurub, si loo xaqiijiyo midnimo, xasillooni iyo horumar waara oo shacabka Soomaaliyeed ay helaan.

Wuxuu Midowga Yurub ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo dhismaha hay’adaha garsoorka iyo maamulka.

Kulankan ayaa ka mid ah dadaallada joogtada ah ee uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku xoojinayo xiriirka Soomaaliya la leedahay beesha caalamka, si loola jaanqaado geeddi-socodka nabadda iyo horumarka.

Madaxweynaha wuxuu caddeeyay in iskaashigaasi yahay mid sal u ah hiigsiga dowladdu ku doonayso inay gaarto Soomaali nabdoon oo isku filan.

Midowga Yurub ayaa dhankooda muujiyay sida ay uga go’an tahay taageeridda Soomaaliya, waxayna bogaadiyeen dadaalka dowladda Federaalka ee ku aaddan dhismaha dowladnimo iyo hirgelinta dib-u-habeynta lagama maarmaanka u ah horumar waara.

Ergadu waxay tilmaantay in Midowga Yurub uu sii wadi doono kaalintiisa si loo xaqiijiyo degenaansho siyaasadeed iyo horumar bulsho.

Ugu dambeyn, kulanka waxaa lagu soo gaba-gabeeyay is-afgarad ku aaddan xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo ka go’naanshaha sii wadidda taageerada ku wajahan arrimaha muhiimka u ah horumarka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo ergada Midowga Yurub ayaa isla qiray in iskaashi joogto ah uu yahay furaha guusha Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.












SSC-Khaatumo oo bilowday qorshe xasaasi ah oo lagu wiiqayo Somaliland

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa bilaabay qorshe xasaasi ah oo uu ku wiiqayo awoodda Somaliland ee deegaanada gobolka Sool, kaasi oo ah mideynta Sool iyo Sanaag.

Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa shaaciyay in maamulka uu hoggaamiyo uu doonayo in uu mideeyo dadka ku nool gobolka Sanaag, si ay ula dhistaan maamul wadajir ah oo ka dhaxeeya.

Firdhiye wuxuu sheegay in midnimadu tahay dariiqa kaliya ee lagu difaaci karo danaha dadka deegaanka, ayna muhiim tahay in la sameeyo hoggaan mideysan oo matala dhammaan beelaha labada gobol.

Wuxuu intaas ku daray inay wadaan qorshe ballaaran oo lagu wiiqayo gooni-isu-taagga Somaliland, si deegaannada Sool iyo Sanaag gebi ahaanba looga jaro Somaliland.

Tallaabadan ayuu ku tilmaamay mid lagu difaacayo midnimada dhabta ah ee ummadda Soomaaliyeed, lagagana hortagayo kala qaybsanaan sii xumeysa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee deegaanka.

Firdhiye wuxuu si cad u muujiyay in SSC-Khaatumo ujeeddadeedu tahay in ay dadka labada gobol isku keento, si ay u dhistaan maamul la isku raacsan yahay oo leh awood iyo sharciyad maxalli ah. Maamulkan ayuu sheegay inuu noqon doono mid ay dadku si buuxda u metelaan, lagana reebo cid kasta oo dano gaar ah ku leh kala qeybinta dadka iyo dhulka.

Isaga oo ka hadlayay xaaladda magaalada Ceerigaabo, ayuu Firdhiye eedayn culus u jeediyay Somaliland, isagoo ku tilmaamay in ay dhibaatooyin ka geysatay magaaladaas. Wuxuu sheegay in dad badan oo reer Ceerigaabo ah laga barakiciyay guryahooda, cabsi darteedna ay u qaxeen meelo kale, taasoo muujinaysa sida uu amnigu hoos ugu dhacay.

Firdhiye wuxuu carrabka ku adkeeyay in dadkaas la barakiciyay ay dib ugu noqon doonaan guryahooda, isagoo sheegay in SSC-Khaatumo ay ka go’an tahay inay dadkaas ku celiso deegaanka ay asal ahaan ka yimaadeen.

Wuxuu tilmaamay in dhibaatada lagu hayo shacabka aysan marnaba sii socon doonin, isla markaana maamulkooda cusub uu noqon doono mid xaqiijiya nabad iyo caddaalad.

Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu caddeeyay inuu doonayo in si buuxda gacanta loogu dhigo dhulka ay Somaliland weli maamusho ee ku yaalla Sool iyo Sanaag. Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada maamulkaasi uu ugu jiro in uu meel mariyo aragtidiisa ku aaddan midnimada dadka deegaanka, waxaana hoggaamiyuhu si isdaba joog ah ugu baaqay shacabka in ay diyaar garoobaan.

Dhanka kale, Somaliland ayaa hore u diidah sheegashada SSC-Khaatumo, iyadoo ku adkaysatay in aysan ka tanaasuli doonin xuduudaha ay sheegato inay ka dhaxashay gumeysigii Ingiriiska. Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa muujiyay in difaaca dhulkaasi uu yahay arrin qaran oo aan laga leexan karin.

Xaaladda gobollada Sool iyo Sanaag weli ma deggena, waxaana marar badan dhacay isku dhacyo u dhexeeya ciidamada labada dhinac, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh. Inkastoo Somaliland sheegtay inay dhigayso gogol nabadeed oo lagu xallinayo khilaafaadka, haddana muranka dhuleed weli wuu taagan yahay, taasoo muujinaysa baahida loo qabo xal waara.

Puntland oo ku habowday xog qaldan oo laga bixiyay heshiiska shidaalka ee Turkiga

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa si adag uga fal-celiyay nuxurka heshiiska shidaalka ee Soomaaliya iyo Turkiga, kadib markii ay si weyn u baaheen qoddobo kamid ah heshiiskan sanadkii hore la galay, kuwaas oo fasiraad qaldan laga bixiyay.

Wararka baahay ee Puntland ka jawaabtay ayaa dhigayay in dowladda Turkiga ay si weyn uga macaasheyso heshiiskan, ayna ka helayso dhaqaale aad u badan, kaas oo gaaraya 90%, halka Soomaaliya ay qaadaneyso 5% faa’iido wadaag ah, halka ay 5% kale noqonayso khidmad. Balse taas waa ka gedisan tahay xaqiiqda.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo qoraal kooban soo saaray ayaa si weyn arrintaas walaac uga muujiyay, isaga oo sidoo kale su’aal ka keenay qaabka la dhigay qaybsiga faa’iidada kasoo xarooneyso heshiiska labada dowladdda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loo hoosaasiyay heshiiskan, isla markaana aanay jirin cid kale oo aragtay mara isaga laga reebo

“Qol Madow ayaa walaalkeen Xasan Sheekh Maxamuud lagu dubtay, Heshiis aan cidina arkin, cidina akhrin ansax ma noqon karaa? ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Juxa.

Caasimada Online, oo si dhab ah u baartay nuqulka la baahiyay, ayaa ogaatay in fasiraad qaldan laga bixiyay, kaasi oo ay baahisay warbaahinta Nordic Monitor, oo ay leeyihiin suxufiyiin Turkish oo mucaarad ah, kuna xiran kooxda Fethullah Gullen.

Nordic ayaa si khaldan u fasirray qodobka 90%, iyagoo ku andacoonaya in Turkigu qaadanayo 90% dakhliga shidaalka Soomaaliya. Balse xaqiiqdu waa in heshiisku oggolaanayo in shirkadda Turkiga ee Turkish Petroleum (TPAO) ay dib uga soo ceshato kharashaadka ay gelisay sahminta, qodista, qalabaynta iyo hawlgalka, iyadoo loo oggolaanayo inay ka qaadato ugu badnaan 90% soo-saarka sanadlaha ah ee shidaalka iyo gaaska.

Tani waa kaliya inta ay dib uga heleyso kharashaadkii ka baxay — ma aha faa’iidada rasmiga ah ee shirkaddu qaadanayso. Marka kharashaadkaas bixintiisa la dhameeyo, waxa haray ee la soo saaro waxaa loo yaqaan “faa’iidada shidaalka” (Profit Petroleum), taas oo si wadaag ah ay u qeybsanayaan Soomaaliya iyo shirkadda hawlgalka.

Heshiiska kuma cadda, sida loo kala qaadanayo faa’iidada, kadib markii shirkadda dib u hesho maal-gelinteeda.

Waxaa intaa dheer, Soomaaliya waxa ay heli doontaa illaa 5% royalty (gunno) laga bilaabo maalinta ugu horreysa ee soo-saarka — xitaa inta lagu jiro wajiga kharash-soo-celinta.

Sidaas darteed, Soomaaliya waxa ay bilaabaysaa inay faa’iido ka hesho heshiiska iyadoo aan wax khatar dhaqaale ah la saarin oo la xiriirta sahminta iyo qodista.

Xildhibaannada Beesha Xawaadle oo walaac ka muujiyay ‘xilka qaadista’ Sanbaloolshe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Beesha Xawaadle ku metala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreyay walaac ka muujiyay wararka sheegaya in xilka laga qaadayo Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), kadib isbedello la filayo inay dhacaan.

Xildhibaan Maxamed Buraale oo reer Hiiraan ah ayaa bannaanka keenay walaaca ay beeshooda ka qabto, haddii xilka laga qaado Sanbaloolshe, oo lasoo wariyay in lagu beddalayo Mahad Maxamed Salaad oo uu horay xilkaasi ugala wareegay.

Buraale ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintan ay tahay wax laga naxo, isla markaana niyad-jabineyso ciidamada Macawiisleyda reer Hiiraan ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

“Waa wax laga naxo in suuqa la geliyo, Sanbalolshe ayaa xilka looga qaadayaa, si loo niyad jebiyo Macawisley iyo mujaahidiinta dagaalka kula jira Shabab, bal ha naloo fasiro sababta” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Buraale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalka ayaan kusoo aadayo , iyada oo haatan la filayo in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaarihiisa ay sameeyaan isbedallo waa wayn oo dhanka talisyada ciidanka ah, waxayna go’aan ku gaareen in la qaado tallaabo deg-deg ah, si looga hortago sii socoshada fashilka ka imaanaya dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Is-bedelka la qorsheeyey ayaa la sheegay inuu ka bilaabanayo xilka Taliyaha NISA, xubnaha noo waramay waxay sheegeen in madaxda qaranka ay ku qanceen in Mahad Salaad lagu soo celiyo booskiisii hoggaanka NISA.

Sidoo kale Is-baddelada kale ee la qorsheeyey ayaa la sheegay inay saameyn doonaan Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo taliyaasha hoose ee ciidamada xoogga dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ka xumaaday inay baxdo xogta dib u magacaabidda Mahad Salaad oo maalmo ka hor qabsatay baraha bulshada.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay in xogtaan ay ka baxday, wararku waxay intaas ku darayaan in saraakiisha miiska saaran ee dib loo soo celinayo uu ku jiro Taliyihii hore ee Ciidanka Dhulka Jeneraal Biixi.

Waxaa kale oo suurtagal ah, in Biixi loo magacaabo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga oo meesha laga saaro boosta Taliyaha Dhulka,qorshahaan waxaa la yimid Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa.

Heshiiska shidaalka Turkey iyo Soomaaliya: Xaqiiqda iyo beenta la faafiyey (Aqriso)

Ankara (Caasimada Online) – Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu abuuray jahawareer iyo faafin xog khaldan oo aan sal iyo raad lahayn.

Waxaa aad loo faafinayaa oo shacabka Soomaaliyeed walaaciyey in Soomaaliya shidaalkeeda “bixisay” ama in Turkigu “qaadanayo 90% dakhliga shidaalka.” Laakiin marka si dhab ah loo akhriyo heshiiska la saxiixay, xaqiiqadu aad ayey uga duwan tahay waxa la faafiyey.

Maqaalkani wuxuu si cad u sharraxayaa waxa heshiiska dhab ahaan ku qoran, isagoo kala saaraya beenta la faafinayo iyo xaqiiqada ku qoran qodobbada heshiiska.

Shidaalka Soomaaliya waxaa leh Soomaaliya — Tan waa qodobka ugu muhiimsan

Heshiisku si cad ayuu u qeexayaa in shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee ku jira dhulka iyo badda Soomaaliya ay yihiin hanti qaran oo ay leeyahay shacabka Soomaaliyeed. Heshiiskani wax isbedel ah kuma keenayo lahaanshaha kheyraadka dalka.

Turkiga ama shirkad kale looma siinin xuquuq lahaansho shidaalka. Turkiga waxa uu kaliya yahay shirkadda fulinaysa hawsha sahminta iyo soo saarista, balse ma laha wax xuquuq ah oo ku saabsan hantida shidaalka. Lahaanshuhu wuxuu weli si buuxda ugu jiraa gacanta Soomaaliya.

Muxuu dhab ahaan ka dhigan yahay qodobka 90%?

Wararka la faafiyey, gaar ahaan kuwa ay baahisay warbaahinta Nordic Monitor, oo ay leeyihiin suxufiyiin Turkish oo mucaarad ah, kuna xiran kooxda Fethullah Gullen, waxay si khaldan u fasireen qodobka 90%, iyagoo ku andacoonaya in Turkigu qaadanayo 90% dakhliga shidaalka Soomaaliya.

Xaqiiqadu waa tan: heshiisku wuxuu oggolaanayaa in shirkadda Turkiga ee Turkish Petroleum (TPAO) ay dib uga soo ceshato kharashaadka ay gelisay sahminta, qodista, qalabaynta iyo hawlgalka, iyadoo loo oggolaanayo inay ka qaadato ugu badnaan 90% soo-saarka sanadlaha ah ee shidaalka iyo gaaska. Tani waa kaliya inta ay dib uga heleyso kharashaadkii ka baxay — ma aha faa’iidada rasmiga ah ee shirkaddu qaadanayso.

Marka kharashaadkaas bixintiisa la dhameeyo, waxa haray ee la soo saaro waxaa loo yaqaan “faa’iidada shidaalka” (Profit Petroleum), taas oo si wadaag ah ay u qeybsanayaan Soomaaliya iyo shirkadda hawlgalka. Heshiiska kuma cadda, sida loo kala qaadanayo faa’iidada, kadib markii shirkadda dib u hesho maal-gelinteeda.

Waxaa intaa dheer, Soomaaliya waxa ay heli doontaa illaa 5% royalty (gunno) laga bilaabo maalinta ugu horreysa ee soo-saarka — xitaa inta lagu jiro wajiga kharash-soo-celinta.

Sidaas darteed, Soomaaliya waxa ay bilaabaysaa inay faa’iido ka hesho heshiiska iyadoo aan wax khatar dhaqaale ah la saarin oo la xiriirta sahminta iyo qodista.

Waxaa kale oo muhiim ah; heshiiskan wuxuu jiri doonaa kaliya muddo shan (5) sano ah, waxaana si toos ah ugu kordhaya muddo saddex (3) sano ah oo isdaba joog ah markiiba, ilaa mid ka mid ah dhinacyadu si qoraal ah ugu wargeliyo dhinaca kale, iyada oo loo marayo waddooyin diblomaasiyadeed, ugu yaraan lix (6) bilood ka hor inta uusan heshiisku dhammaanin.

Tani macnaheedu waxa uu yahay; in, xitaa haddii heshiisku noqdo mid aan wanaagsaneyn – sida ay sheegayaan kuwa dhaliilaya – ay Soomaaliya fursad u leedahay inay shan sano kadib ka baxdo heshiiska ama ay gorgortan cusub geli karto.

Sababta Soomaaliya u dooratay qaab-dhismeedkan kharash-soo-celinta

Sahminta iyo qodista shidaalka, gaar ahaan badda hoosteeda, waa hawl aad u qaali ah oo khatarteedu sareyso. Qodista keliya ee hal ceel oo badda ah (offshore) waxay mararka qaarkood ku kacdaa in ka badan $100 milyan.

Soomaaliya, sida dalal badan oo horumaraya (tusaale Uganda, Mozambique, iyo Ghana), ma lahan awood dhaqaale, farsamo, iyo qalab ay ku fuliso mashruuc sidan u weyn oo sahmin ah.

Qaab-dhismeedka kharash-soo-celinta wuxuu suurtagal ka dhigayaa in dalka uu helo maalgelin caalami ah, isagoo aan wax khatar ah galin, balse weli sii haysta lahaanshaha kheyraadkiisa.

Haddii Soomaaliya isku daydo inay kaligeed fuliso mashruuc sidan u weyn, waxaa laga yaabaa in kheyraadkaasi sanado badan hoos u jiifo oo aan wax faa’iido ah laga helin.

Been-abuurka la faafinayo iyo xaqiiqada dhabta ah

Waxaa la faafiyey warar si khaldan loo turjumay oo lagu jahawareerinayo bulshada. Aan si cad u kala saarno:

“Turkiga ayaa qaadanaya 90% dakhliga shidaalka Soomaaliya” — Waa been.

Qodobka 90% waxa uu khuseeyaa oo keliya kharash-soo-celinta, ma aha lahaanshaha shidaalka ama faa’iidada kama dambaysta ah.

Marka kharashaadka la bixiyo, waxa haray waxaa si wadaag ah u qeybsanaya Soomaaliya iyo shirkadda howlgalka sameysay.

“Soomaaliya waxay siisay Turkiga xuquuqda shidaalka” — Waa Been.

Heshiisku si cad ayuu u caddeynayaa in shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ay weligood yihiin hanti Soomaaliyeed.

Turkiga waa hawl-wadeenka (operator) oo kaliya, mana laha xuquuq hantiyeed.

“Soomaaliya waxay heshay oo keliya 10%” — Waa Been.

10% waxa loola jeedaa inta harta ee soo-saarka marka 90% loo isticmaalo kharash-soo-celinta, balse taasi ma aha saamiga faa’iidada kama dambaysta ah.

Soomaaliya waxay helaysaa royalty (gunno) laga bilaabo maalinta koowaad, iyo faa’iido wadaag marka kharash soo celinta la dhameeyo.

Maxay Soomaaliya ka heshay heshiiskan?

Heshiiskani waxa uu Soomaaliya siiyey:

  • Royalty (gunno) oo laga helo soo-saarka shidalka laga bilaabo maalinta koowaad.
  • Wax khatar dhaqaale ah oo sahminta ku saabsan ma saarna dowladda Soomaaliya.
  • Lahaanshaha shidaalka oo si buuxda ugu jirta gacanta Soomaaliya.
  • Fursad lagu dhisayo aqoon, farsamo iyo shaqo-abuur gudaha dalka.

Heshiiskan ma aha bixinta kheyraad — waa xeelad istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo kheyraadka dalka iyadoo laga fogaanayo qataraha dhaqaale ee sahminta.

Gunaanad: Soomaaliya waxay gashay heshiis xeeladaysan

Heshiiska shidaalka ee Soomaaliya iyo Turkiga ma aha dhaca kheyraadka dalka, mana aha heshiis lagu lumiyey shidaalka. Waa qorshe si xeeladaysan loo dejiyey si loo horumariyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, iyadoo:

  • Lahaanshuhu uu weli gacanta ugu jiro shacabka Soomaaliyeed,
  • Faa’iido la helayo xilli hore,
  • Khataraha la iska ilaalinayo,
  • Isla markaana loo gogol xaarayo mustaqbal madax-bannaani dhaqaale iyo horumar farsamo.

Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad cusub oo ay si xikmad leh ugu maaraynayso kheyraadkeeda — si uu uga faa’iido shacabkeeda maanta iyo berriba.

Breaking down the Somalia-Türkiye oil deal: Facts vs. Lies

ANKARA, Türkiye – Somalia’s historic agreement with Türkiye on oil and gas exploration has attracted significant attention — and unfortunately, a fair share of misinformation. Some reports have wrongly claimed that Somalia is giving away its oil, or that Türkiye will walk away with 90% of the country’s energy wealth.

But what does the actual agreement say?

The facts tell a very different story — one of opportunity, ownership, and Somalia’s strategic move to unlock its natural resources safely and responsibly.

Somalia’s oil belongs to the Somali People — And always will

At the heart of the agreement is a simple truth: Somalia remains the rightful owner of all its oil and gas reserves. The contract clearly states that the hydrocarbons under Somalia’s land and seas are the common property of the Somali people.

The agreement does not transfer ownership to Türkiye or any other entity. Türkiye’s role is as a contractor and investor, not an owner. Somalia retains full sovereign rights over its resources.

What does the 90% clause really mean?

One of the biggest myths being spread — including by Nordic Monitor — is the claim that “Türkiye takes 90% of Somalia’s oil.”

This is simply not true.

The agreement allows Türkiye to recover up to 90% of the oil and gas produced each year as “cost petroleum” — but this is only until their exploration and production costs are fully repaid. This process is known as cost recovery, and it is a standard, internationally recognized model in oil production agreements.

Here’s how it works:

  • Türkiye covers the full financial risk for exploration, drilling, and infrastructure development.
  • Türkiye can recover its investment from the oil produced — up to 90% per year until the costs are paid back.
  • After the investment is recovered, the remaining production is called profit petroleum — and that is shared between Somalia and Türkiye.

Importantly, Somalia still receives up to 5% royalty from total production from the very beginning — even during the cost recovery phase.

This means Somalia earns from day one without taking on the financial risks of exploration.

It is also important to note that this agreement will remain in force for five (5) years and may be automatically extended for successive periods of three (3) years, unless one of the parties notifies the other in writing, through diplomatic channels, of its intention to terminate the agreement at least six (6) months before its expiration.

This means that even if the agreement is criticized or seen as unfavorable — as some have claimed — Somalia still has the option to withdraw from the deal after five years or renegotiate its terms when the initial period ends.

Why Somalia chose this structure?

Oil exploration — especially offshore — is one of the most expensive and high-risk industries in the world. Drilling one offshore well can cost upwards of $100 million. Many exploration projects around the world end up finding no commercially viable oil at all.

Somalia, like many emerging producers, currently does not have the capital, equipment, or expertise to carry out such projects alone.

By using the cost recovery model, Somalia brings in foreign partners who:

  • Provide the investment and technology
  • Assume 100% of the exploration risk
  • Help develop local capacity and infrastructure
  • Generate royalty and profit revenue for Somalia — whether the country invests directly or not

This is the same strategy successfully used by other developing oil-producing nations, including Uganda, Mozambique, and Ghana.

Setting the record straight: Addressing the misinformation

Some media outlets have spread false or misleading claims about the deal. Here are the facts:

“Türkiye gets 90% of Somalia’s oil” — False.

The 90% figure applies only to cost recovery, not ownership or profit share.
Once the contractor’s costs are recovered, the remaining oil is shared — Somalia receives its share of the profit petroleum.

“Somalia gave away its oil rights” — False.

The agreement clearly confirms that all oil and gas remain Somalia’s property.
Türkiye is only an operator, not the owner.

“Somalia is left with just 10%” — False.

Somalia receives up to 5% royalties immediately, plus its share of profits after cost recovery.
The claim that Somalia only gets 10% is a misunderstanding of how cost recovery works — it is not a permanent share.

Why this agreement protects Somalia’s future

Rather than giving away resources, Somalia has secured:

  • Revenue from royalties and profit share
  • No financial exposure to the risks of failed exploration
  • Ownership of all reserves
  • Potential for skills transfer, local jobs, and future energy independence

The choice was not between “90% or nothing.” The choice was between partnering to develop Somalia’s resources — or letting those resources remain under the ground, unused and untapped.

Conclusion: A step forward, not a step back

The Somalia-Türkiye oil agreement is not exploitation — it is strategy.

It is a carefully structured deal designed to protect Somalia’s ownership of its resources, while bringing in the expertise and investment required to finally turn potential into progress.

Somalia keeps the oil. Somalia earns the revenue. And Somalia controls the future of its own energy sector. 

Madaxweynaha Khaatumo oo qaaday tallaabo la xiriirta shirka ka furmaya Muqdisho

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay arrimo ku aadan shirka golaha wadatashiga qaranka ee lagu casuumay, kaas oo la filayo inuu dhowaan ka dhaco gudaha magaalada Muqdisho.

Firdhiye oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Qaranka ayaa ka hadlay waxa ay uga dhigan tahay ka qayb-galka shirkan oo uu markiisii ugu horreysay imaanayo, isaga oo metalao dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo oo dhowaan maamul goboleed loo aqoonsaday.

Hoggaamiyaha ayaa xusay in wax wayb uga dhigan tahay tagistiisa Muqdisho, wuxuuna carabka ku dhuftay inay tahay markii u horreysay oo uu shirka ka qayb-galayo mas’uul reer waqooyi ah, maadaama markii hore ay madasha ku ekeyd reer koonfur oo kaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shirka golaha wadatashiga qaran ay gayn doonaan taladooda iyo arrinta midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

“Horta madasha markii ugu horreysay ka qayb-galo oo reer waqooyi ah weeyaan qoladaan reer Koonfureed ayaa madashaan iska haysatay marka waxaan leenahay waa nimid, waxaana soo kordhin doonaa qaybihii kala duwanaa ee qaranka Soomaaliyeed oo badankood ay dhan yihiin” ayuu yiri madaxweynaha maamulka SSC-Khaatumo.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waa taladii qaranka oo SSC ay bartanka u fadhiso, waxaanu soo kordhin doonaa midnimo, wadajir iyo Somalinimo”.

Dhinaca kale, waxa uu soo hadal qaaday dhabaha cusub ee ay qaadeyso SSC-Khaatumo, maadaama ay hadda ka baxeyso kumeel gaarnimada, wuxuuna xusay in dadka deegaanka ay soo dhisan doonaan maamulka xigga ee haatan lagu howlan yahay.

“Maamulkan kan ku xiga dadka deegaanka soo dhisan doono iyagaa dhistay maamulkii hore, kana iyagaa sameysan doono marka shirweyne ayaa la’isugu imaan dooaa, waxaana ergada ay ka doodi doonaan ansixinta dastuurka” ayuu mar kale yiri.

Isaga oo ka hadlayay arrinta gobolka  Sanaag, wuxuu yiri “Dadka ku dhaqan Sanaag waa dad aynu walaalo nahay isku mid ayaanu nahay, waxaan wadaagnaa ka hortagga khatarta gooni u goosadka Soomaaliya, waxaan wadaagnaa hadafka ilaalinta iyo dhowrista madax bannaanida dalka”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Ra’iisul wasaare Xamza uu booqasho taariikhi ah ku tegay Laascaanood, halkaas oo uu uga dhowaaqay aqoonka maamulka SSC-Khaatumo, kadibna Firdhiye u geeyay casuumadda shirka ka dhacaya Muqdisho.

Xog: Deni oo ka qeyb-galaya shirka Golaha Wadatashiga

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu ka qeybgali doono shirweynaha Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) oo lagu wado in lagu qabto magaalada Muqdisho bisha soo socota.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa sheegay in Madaxweyne Deni si rasmi ah loogu casuumay shirka, isla markaana ay socdaan diyaar garowga la xiriira ka qeybgalkiisa.

Shirka oo uu isugu yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in uu isu keeno madaxda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada si ay uga wada hadlaan khilaafaadka siyaasadeed, kor loogu qaado midnimada qaranka, loogana wada shaqeeyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ay ka midka yihiin Daacish iyo Al-Shabaab.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in beesha caalamka ay door muhiim ah ka ciyaartay fududeynta dib ugu soo laabashada Madaxweyne Deni ee hanaanka wadatashiga qaran. Diblomaasiyiin ayaa la soo wariyay in ay dhowr jeer kula kulmeen Deni magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, iyagoo si gaar ah ugu muujiyay muhiimada ay leedahay in Puntland dib ugu biirto geedi-socodka wadatashiga.

Madaxweyne Deni ayaa ka maqnaa shirarka GWQ tan iyo bishii December 2022, kaddib markii uu sii xumaaday khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka. Xiriirka labada dhinac ayaa aad u xumaaday, iyadoo wada-shaqeyntii iyo isgaarsiintii si weyn hoos ugu dhacday sababo la xiriira muranka siyaasadeed.

Shirka soo socda ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimo qaran oo muhiim ah, sida dib-u-habeynta doorashooyinka, awood-qeybsiga, iyo isku-duwidda amniga, iyadoo ujeeddadu tahay in la soo celiyo wadahadal loo dhan yahay iyo mideynta qaranka.

Waxaa ka qeyb-galaya dhammaan madax goboleedyada dalka, marka laga reebo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo ay dowladdu diiday in ay casuunto.

Dowladda ayaa ku xirtay Axmed Madoobe ka laabashasa doorashadii muranka dhalisay ee ka dhacday Kismaayo. Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu casuumay madaxda dowlad-goboleedyada, marka laga reebo Madoobe.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka, General Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in doorashadii lagu doortay Axmed Madoobe aysan waafaqsaneyn dastuurka iyo xeerarka dalka, isagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan lagu dhisin hab-raac sax ah.

Wasiir Fartaag wuxuu si toos ah u caddeeyay in ka qeyb-galka Axmed Madoobe ee madasha siyaasadeed uu ku xiran yahay inuu si rasmi ah uga laabto doorashadaasi, taasoo ay dowladda federaalka horey ugu sheegtay in aysan aqoonsaneyn.

Wasiir hore Cabdi-Saciid oo DF ku eedeeyey in ay dalka oo dhan ku wareejisay dal kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee xiligii Farmaajo, Cabdi-saciid Muuse Cali, ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ui dalka dhan ku wareejiyey dowladda Turkiga.

Sidoo kale, Cabdi-saciid ayaa sheegay in Dowladda Xasan Sheekh kaliya aysan saxiixin heshiiska shidaalka ee Turkiga, balse ay ka tanaasushay Qaranimadii Soomaaliya.

“Hufnaanta iyo daahfurnaantii, hadda oo heshiiskii bannaanka u soo baxay, runtu waa caddahay,” ayuu yiri Cabdi-Saciid.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ayaa qoraalkaan soo dhigay bartiisa X, wuxuuna sheegay heshiiskani uusan aheyn wax isku darsi ee uu yahay la wareegidda awdoodii dalka.

“Heshiiska waa in la hakiyaa, Baarlamaanku waa inuu baaraa, waa inay hadlaan dowladaha federaalka xubinta ka ah iyo guud ahaan adka Soomaaliyeed, waa inay ogaadaan waxa laga qariyey,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdi-saciid Muuse Cali, ayaa sheegay  Turkigu ay halkaan u arkaan wadankoodii iyo shidaalkoodii, “Maaha wax la kala iibsanayo ogolaansho la’aan,” ayuu ku soo gabagabeeyey qoraalkiisa.

Warar badan oo been abuur u badan ayaa maanta laga faafiyey heshiiskaas ku saabsan baaritaanta iyo qoditaanka shidaalka Soomaaliya, kaas oo baarlamaanka Soomaaliya uu horay u ansixiyey, maantana waxaa ansixiyey baarlamaanka Tirkiga.

Shidaalka Soomaaliya waxaa leh Soomaaliya — Tan waa qodobka ugu muhiimsan

Heshiisku si cad ayuu u qeexayaa in shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee ku jira dhulka iyo badda Soomaaliya ay yihiin hanti qaran oo ay leeyahay shacabka Soomaaliyeed. Heshiiskani wax isbedel ah kuma keenayo lahaanshaha kheyraadka dalka.

Turkiga ama shirkad kale looma siinin xuquuq lahaansho shidaalka. Turkiga waxa uu kaliya yahay shirkadda fulinaysa hawsha sahminta iyo soo saarista, balse ma laha wax xuquuq ah oo ku saabsan hantida shidaalka. Lahaanshuhu wuxuu weli si buuxda ugu jiraa gacanta Soomaaliya.

Shaqadii BF oo istaagtay iyo sababta ka dambeysa + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaanba istaagtay shaqadii ka socotay Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu khilaaf xooggan soo kala dhex-galay qaar kamid ah xildhibaannada iyo guddoonka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kulamadii u dambeeyay ayaa baaqday, sababo la xiriira xiisadda kasoo cusboonaatay Baarlamaanka, kadib markii Sabtidii lasoo dhaafay uu buuq xooggan hareeyay kulanka, taas oo keentay in ugu dambeyn lasoo xiro, laguna kala tego hoolka Villa Hargeysa.

Sidoo kale Isniintii oo la filayay inuu kulanka furmo ayuu baaqday, iyada oo mar kalena uu maanta dib u dhacay, waxaana la sheegay in guddoonka uu hakiyay kulamada.

Arrinta ugu wayn ee la’isku hayo ayaa ah maamuus ka xayuubintii Mudane Xildhibaan Cabdullaahi Abiib oo horay looga eryay Baarlamaanka, waxaase diiday oo arrintaas mooshin ka keenay qaar kamid ah Mudanayaasha oo ku tilmaamay sharci darro, hase ahaatee waxaa mooshinka ay wadeen Xildhibaannada diiday Sheekh Aadan Madoobe.

“Mooshin marka la qabanaayo waa inuu waafaqsanaadaa dastuurka iyo xeer hoosaadka waa ka hor imaanayaa, weliba si cad saa daraadeed lama qaban karo” ayuu yiri Guudoomiye Aadan Madoobe

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Haddaan qabto dambiile ayaa noqonayaa, mana qabanaayo ee buuqa joojiya xildhibaannno”.

Dhinaca kale, qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka oo ka hadlay baaqashada kulamadooda iyo shaqada istaagay ayaa sheegay in mas’uuliyadda uu qaadi doono guddoomiyaha oo ay ku eedeeyeen inuu xiray kulamadii u socday xubnaha Golaha.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay diyaar u yihiin furitaanka Baarlamaanka, isla markaana ay wax weliba ku dhammaan gudaha xarunta, lagana gudbi doono xaaladda taagan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa haatan horyaallo shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashooyinka, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.

Faah-faahinta dagaal culus oo maanta ka dhacay Aboorey iyo dhaq-dhaqaaqyo socda

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan ayaa noqday goob dagaal culus ah, kadib markii ciidamo deegaanka ah ay weerar qorsheysan ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa gudaha deegaankaas.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu doonayo in lagaga saaro kooxaha argagixisada ah ee ku sugan gobolka.

Sida ay sheegeen ilo wareedyo deegaanka, dagaalku wuxuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan si rasmi ah loo caddeyn karin tirada saxda ah ee labada dhinac kala gaaray. Dagaalku wuxuu socday muddo saacado ah, iyadoo labada dhinac ay is-weydaarsadeen rasaas culus.

Ciidamada deegaanka oo ay garab siinayaan kuwa dowladda federaalka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo sugo amniga deegaanka loona xoreeyo meelaha wali gacanta ugu jira kooxda. Saraakiisha ciidamada ayaa muujiyay go’aan adag oo ku aaddan la dagaallanka kooxaha nabadda diidan.

Deegaanka Aboorey ayaa ah meel muddooyinkii dambe ay ka socdeen dagaallo soo noq-noqday, taas oo muujinaysa in kooxda Al-Shabaab ay doonayso inay sii joogto deegaannada muhiimka ah ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba ha ahaatee, dadaallada shacabka iyo ciidamada isku dhafan ayaa sare u qaaday cadaadiska lagu saarayo kooxda.

Wararka ka imaanaya gobolka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay hore ula wareegtay deegaanka Aboorey, hase yeeshee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa ku jira dadaallo culus oo lagu doonayo in dib loogu qabsado deegaankaas. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo laga cabsi qabo dagaallo hor leh oo ka qarxa mar kale.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale howl-gallo isdaba joog ah ka wada deegaanada ay weli joogaan xubnaha Al-Shabaab ee ku yaalla gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Tallaabooyinkan ayaa lagu doonayaa in lagu burburiyo saldhigyada kooxdaas iyo in laga hortago weerarada ay abaabulayaan.

Dagaalka ka socda Aboorey wuxuu qeyb ka yahay dadaal ballaaran oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada gobolka, laguna doonayo in lagu jabiyo awoodda kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka iyo shacabka deegaanka ayaa muujinaya isku duubni iyo dadaal wadajir ah oo lagu doonayo in lagu sugo amniga iyo xasilloonida guud ahaan deegaannada bartilmaameedka u ah argagixisada.

Wasaarada Arrimaha Dibedda Mareykanka oo is-beddelo weyn lagu sameeyey (Aqriso)

Washington (Caasimada Online) – Marco Rubio, diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka, ayaa Talaadadii shaaciyey qorshe dib-u-habeyn lagu sameynayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, kaas oo lagu dhimayo shaqaalaha iyo xafiisyada u dooda xuquuqda aadanaha, isaga oo sheegay in wasaaraddu tahay “mid buuran oo aan la jaanqaadi karin siyaasadda maamulka.”

Rubio waxa uu qorshahan ku sifeeyay isbeddel ballaaran oo lagu sameynayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taas oo muddo dheer bartilmaameed u ahayd siyaasiyiinta midigta fog ee Mareykanka. Si kastaba, hindisahan cusub ayaa ka fudud qorshayaashii hore ee la faafiyay — kuwaas oo qaarkood ku baaqayay in gabi ahaanba la baabi’iyo howlaha diblumaasiyadeed ee Afrika.

“Wasaaraddu waa mid buuran oo xad-dhaaf ah, mana awooddo inay si hufan u gudato doorkeeda diblomaasiyadeed ee muhiimka ah xilligan cusub ee tartanka quwadaha waaweyn,” ayuu yiri Rubio, isaga oo tusaale u soo qaatay loollanka Mareykanka iyo Shiinaha.

“Nidaamkan ballaaran waxa uu abuuray hannaan u janjeera afkaar siyaasadeed oo xagjir ah halkii uu diiradda saari lahaa danaha aasaasiga ah ee Mareykanka.”

Waaxda xuquuqda aadanaha oo la baabi’inayo

Mid ka mid ah isbeddelada ugu waaweyn ee qorshahani waa in la tirtiro waaxda qaabilsan “ammaanka rayidka, dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha.”

Shaqooyinka waaxdan ayaa lagu wareejin doonaa xafiis cusub oo loogu magac daray “Isku-duwidda Gargaarka Dibadda iyo Arrimaha Bani’aadannimada,” kaas oo la wareegi doona howlaha ay horay u fulin jirtay Hay’adda Gargaarka Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) — hay’ad si weyn loo wiiqay bilowgii maamulka Trump, iyadoo in ka badan 80% barnaamijyadeeda la baabi’iyay.

Xafiiskan cusub ayaa korjoogteyn doona waaxda cusub ee “Dimoqraadiyadda, Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriyadda Diinta,” taas oo beddelaysa waaxda hadda jirta ee “Dimoqraadiyadda, Xuquuqda Aadanaha iyo Shaqaalaha,” oo horey uga shaqeysay u doodista xuquuqda shaqaalaha caalamka.

Maamuladii hore ee labada xisbi ee Mareykanka ayaa lahaa ergay gaar ah oo qaabilsan xorriyadda diinta, balse xilkaasi hadda waxa lagu midayn doonaa waaxaha cusub.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Substack, Rubio ayaa si adag u dhaliilay waaxdan, gaar ahaan dadaalladii lagu doonayay in lagu xaddido iibka hubka ee loo diro Israel sababo la xiriira arrimaha xuquuqda aadanaha.

“Waaxda Dimoqraadiyadda, Xuquuqda Aadanaha iyo Shaqaalaha waxay isu bedeshay madal ay adeegsadaan fallaagada bidixda si ay uga hawlgalaan olole ka dhan ah hoggaamiyeyaasha aan la jaanqaadin aragtidooda ‘woke’ ee dalalka Poland, Hungary iyo Brazil, isla markaana nacaybkooda Israel ugu beddelaan siyaasado dhab ah sida cunaqabataynta hubka,” ayuu Rubio ku qoray maqaalka.

‘Wiiqidda awoodda jilicsan ee Mareykanka’

Qorshahani waxa uu si rasmi ah u baabi’inayaa xilka ergayga gaarka ah ee cimilada, oo ahaa jago sare xilligii madaxweynihii hore Joe Biden.

Sidoo kale, waxa la xirayaa xafiiska dambiyada dagaalka, oo shaqadiisu ahayd diiwaangelinta tacaddiyada ay ciidamada Ruushka kula kacaan shacabka Ukraine.

Waxa kale oo la baabi’inayaa Xafiiska Howlgallada Xallinta Khilaafaadka iyo Xasillinta, kaas oo ka shaqeyn jiray sidii loo hor istaagi lahaa xasuuqa iyo dambiyada waaweyn ee caalamka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Tammy Bruce, ayaa sheegtay in xiritaanka xafiisyadani aysan micnaheedu ahayn in shaqooyinkooda la joojin doono, balse ay suuragal tahay in hawlahaasi lagu fuliyo si “ka hufan, dhaqso badan oo wax-ku-ool ah.”

Siyaasiyiinta xisbiga Dimoqraadiga ayaa Rubio, oo horey u ahaa senator, ku eedeeyay in qorshahan uu wiiqayo awoodda Mareykanka, isla markaana uu fursad siinayo Shiinaha, oo haatan hoggaanka u haya tirada safaaradaha caalamka.

“Isbeddeladan baaxadda leh kuma saabsana hagaajinta waaxda, balse waa qorshe lagu burburinayo awoodda jilicsan ee Mareykanka, oo ay ka mid tahay difaaca dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha ee caalamka,” ayuu yiri Wakiilka Gregory Meeks, oo ah xildhibaanka ugu sarreeya Dimoqraadiga ee Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiilada.

Brandon Wu, oo ka tirsan hay’adda ActionAid USA ee ka shaqeysa la dagaallanka saboolnimada, ayaa isna sheegay in qorshaha Rubio uu yahay “dagaal aan miisaan lahayn oo ka dhan ah waxa uu ugu yeeray siyaasadaha ‘woke’, balse aan ahayn qorshe sax ah oo dib-u-habeyn lagu sameynayo.”

Rubio waxa uu sidoo kale dib u faafiyay maqaal ka soo baxay bogga The Free Press oo sheegayay in tirada guud ee xafiisyada wasaaradda laga dhimayo 734 ilaa 602.

Qorshuhu waxa uu xusayaa in xoghayeyaasha hoose la farayo inay 30 maalmood gudahood keenaan qorshe lagu dhimi doono 15% shaqaalaha — tallaabo loo arko mid weyn balse ka yar heerarka dhimista ee hay’adaha kale ee federaalka.

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in tiradaasi ay u muuqato mid “sax ah,” balse uu xusay in shaqooyin la baabi’in karo iyadoo aan dadka shaqada laga eryin.

“Ma jiri doonaan sawirro ama warar muujinaya dad alaabtooda ka qaadanaya xafiisyada maanta,” ayuu sarkaalkaasi u sheegay suxufiyiinta, isagoo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Daawo: Booliska Australia oo toogasho ku dilay wiil Soomaali ah iyo caro ka dhalatay

Melbourne (Caasimada Online) – Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay xus ka dhacaygalbeedka magaalada Melbourne kadib markii boolisku toogasho ku dileen wiil Soomaali ah, habeenkii Khamiista ee xaafadda Footscray.

Ku dhowaad 200 oo qof ayaa isugu yimid waddada Nicholson ee bartamaha Footscray, iyaga oo sita boorar ay ku qoran yihiin “Nolosha madowgu waa muhiim” isla markaana dalbanaya in la helo taageero dheeraad ah oo dhinaca caafimaadka maskaxda ah.

Boolisku waxay toogasho ku dileen Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Cabdifaatax Axmed, kadib markii lagu eedeeyay inuu mindi ku weeraray saraakiisha.

Berhan Ahmed, oo ka mid ahaa dadkii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in deegaanka uu u baahan yahay taageero dhinaca caafimaadka maskaxda ah halkii boolis lagu soo diri lahaa.

“Ma aha inaan eedeyno dadka dhibbanayaasha ah, ee waa inaan taageerno,” ayuu yiri Mr. Ahmed. “Waxaa ceeb ah in [boolisku] ay adeegsadaan hub halkii ay naxariis iyo daryeel ka muujin lahaayeen.”

“Ceeb!” ayaa dadkii ka qaybgalay isu soo baxa ku celceliyeen.

Booliska ayaa sheegay in rabshad dhacday intii lagu guda jiray isu soo baxa, taasoo ay ku lug lahaayeen ilaa 30 qof oo dhalooyin ku tuuray saraakiisha.Cidna lama xirin, mana jirto cid ku dhaawacantay dhacdadaas, sida ay boolisku sheegeen.

Bulshada oo dalbatay tallaabo iyo wada-shaqeyn

Mr Ahmed, oo si shakhsi ah u yaqaanay Cabdifaatax, ayaa sheegay in marxuumku si joogto ah ugu imaan jiray xafiiskiisa si uu u helo gargaar.

“Run ahaantii, wuxuu ahaa nin akhlaaq leh,” ayuu yiri. “Dhallinyaradan waxay dhibbanayaal u yihiin nidaamka hay’adaha; waxay u baahan yihiin daaweyn dhimirka ah, halkaasoo dadkeennu ay si joogto ah uga harayaan waxbarashada sidii cayayaan lagu buufiyay.”

Mr Ahmed ayaa ku baaqay in booliska gobolka Victoria ay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin bulshada si kalsooni dib loogu dhiso.

“Waa inaan dhisnaa kalsoonida u dhexeysa booliska iyo bulshada,” ayuu yiri. “Booliska waa inay kasbadaan ixtiraam si bulshada u dareento badbaado — laakiin hadda, dareen badbaado ma jiro.”

Hoggaamiyaha bulshada Soomaaliyeed, Farah Warsame, ayaa sheegay in dilka Cabdifaatax uu gilgilay bulshada Soomaalida ee deegaanka.

Wuxuu intaas ku daray in hab-dhaqanka booliska uu dhaliyay “walaac weyn.”

“Wuxuu u baahnaa daryeel, naxariis iyo taageero — ma ahayn in lagu wajaho awood dilaa ah,” ayuu yiri Mr Warsame.

Wuxuu sidoo kale xusay in ay lama huraan tahay in baaritaanka boolisku ku wadaan dhacdada uu noqdo mid hufan oo daahfuran.

“Su’aasha weyn ee bulshada ay qabto waxay tahay: sababta aysan booliska Victoria u adeegsan wax kale oo badbaadin lahaa nolosha wiilkan dhalinyarada ah,” ayuu yiri Mr Warsame.

Booliska oo baaraya toogashada

Abaare 9:00 fiidnimo, 17-ka April, boolisku waxay sheegeen in saraakiil gaareen isgoyska waddooyinka Paisley iyo Albert ee Footscray, daqiiqado un kadib markii la soo wacay lambarka degdegga ah (000), si looga warbixiyo nin sita mindi.

Boolisku waxay sheegeen in ay ninka u sheegeen inuu hubka dhigo, balse ay toogteen kadib markii uu ku soo orday.

Afhayeen u hadlay booliska Victoria ayaa sheegay in dhacdadaasi ay halis gelin kartay nolosha dad badan oo ku sugnaa deegaanka.

“Nasiib darro, boolisku waxay wajahaan xaalad aad u kacsan oo halis sare leh, taasoo ku kalliftay inay go’aan istaraatiji ah ku gaaraan adeegsiga hubka dhowr ilbiriqsi gudaheed,” ayuu yiri afhayeenka.

“Waxaan si adag u diidnay eedeymaha sheegaya in dhacdadan ay salka ku hayso midab-takoor.”

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha aanay wadan taser, iyadoo kaliya 60% booliska safka hore ay haystaan qalabkan, taasoo qayb ka ah qorshe tartiib-tartiib ah oo la filayo in dhammaan saraakiisha safka hore la siiyo taser marka la gaaro Sebtembar 2026.

Booliska Victoria waxay xaqiijiyeen in baaritaan ay wadaan kooxda dambiyada dilalka (Homicide Squad), oo ay kormeerto hay’adda la xisaabtanka booliska (Professional Standards Command), uu weli socdo, saraakiishii dhacdada ku lug lahaydna ay fasax ku maqan yihiin.

Golaha deegaanka Maribyrnong City Council ayaa sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan hoggaamiyeyaasha bulshada Afrikaan-ka, ganacsatada maxalliga ah iyo hay’adaha adeegyada bulshada, si looga jawaabo dhacdadan.

“Waxaan weli ka go’an tahay in aan la shaqeyno hoggaamiyeyaasha bulshada annaga oo diiradda saaraya xal waara oo looga hortago caqabadaha bulshada iyo caafimaadka dhimirka ee saameynaya Footscray,” ayaa lagu yiri bayaan ay goluhu ku daabaceen baraha bulshada.

Waxay sidoo kale taageereen baaqa bulshada ee ku aaddan in la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo ku saabsan geerida Cabdifaatax Axmed, si loo helo xaqiiq cad oo ku saabsan dhacdooyinkii horseeday toogashada.

Somaliland oo dekad ka dhiseysa halki Itoobiya sheegtay in laga siiyey marin-badeed

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku dhawaaqay in la dhammeystiray wejigii hore ee qiimeynta dhismaha Dekedda Lughaya, taas oo gogol-xaadh u ah hirgelinta deked ganacsi oo laga dhisayo degmada qadiimiga ah ee Lughaya, gobolka Awdal.

Madaxweyne Cirro, oo Axaddii khudbad ka jeediyey Baarlamaanka, ayaa sheegay in qiimeyntii hore ee dhismaha dekedda lasoo gabagabeeyey, taasoo mustaqbalka u gogol-xaadhaysa in Lughaya noqoto xuddun ganacsi oo muhiim ah.

Khubaro ka socotay Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland ayaa dhawaan sahamin ku sameeyey xeebaha Lughaya, iyagoo qiimeeyey goobaha ku habboon ee laga dhisi karo dekeddaasi.

Cismaan Daahir Jaamac, oo ka mid ah odayaasha deegaanka, ayaa BBC-da u sheegay in injineeradii sahanka waday ay cabbireen labada dhinac ee magaalada iyo gudaha badda si loo helo meel ku habboon dhismaha dekedda.

Lughaya iyo xiisaddii is-fahamka Itoobiya iyo Somaliland

Lughaya ayaa hore xuddun ugu noqotay murankii ka dhashay is-fahamkii Itoobiya iyo Somaliland ee bishii Janaayo 2024, kaas oo dhigayay in Itoobiya la siiyo marin-badeed 20 km ah oo ay Somaliland kiraynayso muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somaliland siinayso aqoonsi.

Heshiiskan oo sababay fal-celinno kala duwan, ayaa taliyaha sirdoonka Itoobiya xilligaas sheegay in goobta la isku afgartay tahay Lughaya, inkasta oo arrintaas weli si rasmi ah looma caddeyn.

Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim, oo ka faallooda ganacsiga badda, ayaa sheegay in dhismaha dekeddani muhiim u noqon karo kobaca dhaqaalaha Awdal, isla markaana Itoobiya ay ka heli karto deked kale oo u dhow, maaddaama Lughaya ay ku taal meel aan ka fogeyn xarumaha tareenka iyo waddooyinka Itoobiya.

Wuxuu xusay in Lughaya hore u ahaan jirtay deked dabiici ah oo doonyuhu kusoo xidhan jireen, taasoo sii xoojinaysa muhiimada mashruuca.

Rejo iyo caqabado

Odayaasha iyo dadka deegaanka Lughaya ayaa muujiyey rejo iyo taageero ay u hayaan mashruuca, inkasta oo ay xuseen caqabado ay ka mid yihiin xaaladda waddooyinka deegaanka oo dhibaato ku keeni karta hirgelinta dekedda.

Cismaan Daahir Jaamac ayaa sheegay in markii hore dadka deegaanka keligood wadeen hindisaha, balse iminka ay dawladdu si rasmi ah u ballanqaadday. “Waxaan rejaynayaa in la dhiso, kalsoonina waan ku qabaa,” ayuu yidhi.

Si la mid ah, Sidiiq Muuse oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dekedda Lughaya haddii la dhiso ay noqon karto il dhaqaale oo shaqo-abuur u samaysa dadka gobolka.

Inkasta oo arrintani hore loo soo hadal qaaday xilligii Madaxweyne Axmed Siillaanyo, haddana mashruucu wuu hakaday, waxaana la sugayaa in xukuumadda cusub ay hirgeliso ballanqaadka. 

Somalia plans cabinet reshuffle in security, foreign shake-up

MOGADISHU, Somalia — Somalia’s federal government is preparing a significant cabinet reshuffle that will affect key ministries, including Defence and Foreign Affairs, as part of a broader effort to recalibrate its security leadership and diplomatic strategy amid mounting domestic and international pressure.

The shake-up, expected to be announced this week, reflects President Hassan Sheikh Mohamud’s administration’s growing efforts to strengthen its fight against Al-Shabaab militants while managing complex geopolitical relationships.

Ahmed Moalim Fiqi, Somalia’s current Foreign Minister and a veteran of the country’s security sector, is widely expected to be appointed Minister of Defence, according to government sources who spoke on condition of anonymity due to the sensitivity of the discussions.

If confirmed, the move would mark the second change in the Defence Ministry leadership in less than a month. The previous defense minister, Abdulkadir Mohamed Nur, was removed from the post following reported pressure from the United States over his perceived alignment with Turkey, according to Caasimada Online sources. Nur has since been reassigned as Minister of Ports and Marine Transport.

Fiqi, who has previously held senior intelligence positions, is regarded by many in Mogadishu as a pragmatic choice to lead the ministry at a time when Somalia is intensifying military operations against the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab insurgency.

Scramble for foreign affairs role  

With Fiqi’s anticipated departure from the Foreign Ministry, the debate over who will take over the influential post has intensified. Among the leading contenders is Abdisalam Abdi Ali, commonly known as Dhaay, serving as Somalia’s second deputy prime minister.

Dhaay has been involved in key national security strategy meetings, positioning himself as a strong candidate to shape Somalia’s foreign policy amid regional instability.

However, internal disagreements have emerged. Ali Balcad, the state minister for foreign affairs and a close ally of President Mohamud, is reportedly lobbying to appoint a candidate with strong ties to the United States.

Sources suggest Balcad favors an individual with connections to members of the U.S. Democratic Party in hopes of strengthening Somalia’s access to Washington.

The debate reflects broader struggles within the government over balancing internal political loyalties with the need to secure external diplomatic support.

Mahad Salad set for return

The reshuffle is also expected to impact Somalia’s security apparatus, with Mahad Mohamed Salad likely to return as the head of the National Intelligence and Security Agency (NISA). Salad previously led the agency and is considered a trusted figure within President Mohamud’s inner circle.

His reinstatement is seen as part of a broader plan to revamp Somalia’s intelligence leadership, with the goal of improving coordination between security agencies as they confront persistent threats from Al-Shabaab fighters, who continue to stage deadly attacks across the country.

The planned reshuffle comes at a critical time for Somalia, which remains locked in a years-long conflict with Al-Shabaab. Despite recent offensives backed by international partners, including the African Union Mission in Somalia (AUSSOM), the militants maintain control over large rural areas and frequently launch attacks on military bases and civilian targets.

At the same time, Somalia is navigating a delicate diplomatic environment. Relations with key partners such as the United States, Turkey, and Gulf states remain central to Mogadishu’s foreign policy, as the government seeks military support, development aid, and diplomatic recognition in international forums.

Analysts see the pending cabinet changes as part of President Mohamud’s broader strategy to consolidate power, ensure loyalty within the cabinet, and align key ministries with the administration’s security priorities.

The official announcement of the reshuffle is expected within days unless last-minute political negotiations alter the plans.