25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Video: Tarsan oo habaaray Amiin Arts

Caasimada Online: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mahamud Ahmed Nuur “Tarsan” oo Muuqaal uu ugu magac daray kalmada Asbuuca ee Duqa Muqdisho waxuu kaga hadlay arimo badan oo quseeya asaga balse waxuu kaloo ka hadlar arin xiiso badan.

Mudane Tarsan ayaa si aan caadi aheyd uga hadlay Farshaxamiistaha Amiin Caamir waxuuna ku eedeyay sawir uu sheegay in uu si qaldan uga sameeyay maxuu ka yiri arinkaa daawo video qeybta dambe ayuu amiin caamir kaga hadlay Mudane Tarsan….

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

FAROOLE oo loogu baaqay ka soo qaybgalka shirka masiirka Puntland

Garoowe (Caasimada Onine) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta oo Arbaca ah ka dhacay shir saxaafadeed ay qabteen afar ka mid ah musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha Puntland.

Waxa ay goobta ku soo bandhigeen qoddobo muhiim ah oo ay sheegeen in loo baahan in la hirgaliyo ka hor inta aysan dhicin doorashada 8-da bisha Janaayo ee sannadkan 2-14-ka.

Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah musharixiinta hadlay ayaa sheegay in ay isla garteen seddax qof oo muhiim u argeen kuwaasoo kala ah:-

In la isku raaco guddiga xalinta khilaafaadka, In la qeexo doorka isimada ay ku lee yihiin doorashada iyo dhammaan musharixiinta Puntland in ay ka soo qaybgalaan shirweyne ka dhacay maalinta Sabtida ee soo socda magaalada Garoowe.

Wuxuu sheegay ii kale in ay soo dhaweenayaan guddi siddeed ah oo dhawaan musharixiinta Puntland ay ku dhawaaqeen magaalada Boosaaso.

Ugu dambeyn Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa tilmaamay madaxweyne Faroole in ay u direen casuumad ku saabsan in uu ka soo qaybgalo shirwayne ka dhacaya magaalada garooowe toddobaadka soo socda.

Wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin siddii ay ula fadhiisan lahaayeen Madaxweyne Faroole loona dhammeen lahaa khilaafka ka aloosan isaga iyo qaar ka mid ah musharrixiinta si looga shaqeeyo danaha reer Puntland.

Si kastaba, hadalka ka soo baxay musharixiintan ayaan ku soo beegmaya iyadoo shaley magaalada Garoowe uu ku soo laabtay madaxweyne Faroole kaasoo weerar afka ah ku qaaday raysal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Maamulka AXMED Madoobe oo xalay magaalada Kismaayo ku lumiyey…!

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya halkaas in lagu dilay mas’uul ka tirsan maamulka Axmed Madoobe.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay xaley in ay ku dileen xaafadda Aargada ka tirsan xaafadaha magaalada Kismaayo mas’uul ka tirsanaa maamulka dekedda Kismaayo kaasoo lagu magacaabi jiray Macallin Axmed.

Sida ay noo sheegeen goobjoogayaal ah marxuumka ayaa waxaa dilay rag ku hubeysnaa bastoolado, kuwaasoo ku sugaayay masaajid uu ku tukaday salaaddii maqrib.

Mas’uulkan ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa waaxda canshuuraha ee dekedda Kismaayo.

Ragga dilka gaystay ayaa sidoo kale dhaawacay askari ka tirsan ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba ka hor intii aanay goobta ka baxsan, sida ay sheegayaan wariyaasha Kismaayo.

Dilka kaddib waxaa magaalada lagu soo rogay bandow gaar ahaan xaafadda Aargada,waxaana lagu arkyay ciidamo fara badan howgallo ka wada.

Ilaa hadda ma jirto cid ka hadashay dilka xaley loogu geestay mas’uul ka tirsanaa dekedda Kismaayo, waxaana dilkaas uu ku soo beegmayaa saacado uun laga jooogo markii magaalada lagu soo bandhigay walxo qarxa oo la sheegeen in lagu soo qabqabtay howlgal laga sameeyay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Jubba, Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidanka ay ku guulaysteen qabashada 200 oo walxaha qarxa, kuwaas oo ka mid yihiin miinooyinka dhulka lagu aaso, garnaylada gacanta iyo kuwa kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

DHAGEYSO: Siyaasi sheegay in Axmed Madoobe uu ku dacweeyey Ethiopia

Kismaayo (Caasimada Online) –Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ah ragii wax ka saxiixay hishiiskii Muqdisho ee arrimaha Jubooyinka ayaa  si weyn uga horyimid wasiirada uu Ahmed Madoobe dhawaan uga dhawaaqay Kismaayo.

Hogaamiyayaashii mucaaradka ahaa ee wax ka saxiixay hishiiskii Muqdisho oo uu Iftiin Xasan ku jiro ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxaana ay sheegeen inay tahay wax aan la aqbali karin wasiirada uu ku dhawaaqay Ahmed Madoobe.

Haddaba kadib shirkaasi ayaa Iftiin Xasan Baasto waxa uu sheegay in hishiiskii Muqdisho lagu gaaray qodob ka mid ah uu dhigayey cidii ka baxday in loo aqoonsan doono danbiile QARAN. Sidaasi darteedna Ahmed Madoobe ayaa qodobkaasi ku sifoobay oo wasiiro ku dhawaaqay.

” Qodob ka mid ah hishiiskii Muqdisho waxaa uu dhigayey cidii ka hortimaada hishiiskaasi in loo aqoonsan doono danbiile QARAN sidaasi darteed waxaa muuqa Ahmed Madoobe oo wasiiro isaga dhawaaqday.” ayuu yiri Iftiin Xasan Baasto oo sheegay inay arrintaasi ku dacweeyeen una gudbiyeen dowlada Ethiopia.

” Dowlada Ethiopia waan u gudbinay in uu Ahmed Madoobe jabiyey hishiiskii aanu gaarnay. Waxaana sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan maadaama ay iyaga ballanqaadeen fullinta hishiiskaasi. Hadddii aan arrintaasi wax laga qabana waxaan cadeynayaa inuu hishiiskaasi burburay oo ay dhankooda wasiiro soo magacaabi doonaan.” ayuu yiri Ifitiin Xasan Baasto oo ka mid ahaa ragii madaxweynenimada Jubaland sheegtay.

Dhinaca kale waxaa uu ku eedeeyey Ahmed Madoobe inuu ka baxay fulinta qodobkii dhigayey in ciidanka banaanka jooga lagu soo celiyo magaalada Kismaayo, isagoona sheegay in dhankooda iyo dowlada ay diyaariyeen saraakiishii howshasi fududeyn laheyd.

” Ahmed Madoobe dhankiisa ayey  ka jiiftaa fulinta ciidankii la soo celin lahaa mana uusan soo dirin saraakiishii howshaasi nagala shaqeyn laheyd laakiin anaga iyo dowlada waa diyaarinay howshaasi’ ayuu yiri Iftiin Xasan Baasto.

Hogaamiye Abdiqadir Suldaan Lugadheere oo horey uga mid ahaa mucaaradka maamulka Jubba haddana loo magacaabay Madaxweyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubba ayuu ku sheegay inuusan awalba iyaga ka tirsaneyn ee uu ahaa nin ka socday Ahmed Madoobe.

” Hishiiska awalba laba qeybood ayuu u dhexeeyey waana qabka Ahmed Madoobe iyo dhankeena  sidaasi darteed Suldaan lugadheere waxa uu ka socday dhanka Ahmed Madoobe oo namaga tirsaneyn. Marka waxa hishiiska lala galay waa kooxdeena mana dhicin inuu Ahmed Madoobe hirgeliyo” ayuu yiri Iftiin Xasan Baasto.

Ugu danbeyntiina waxaa uu sheegay inuu xalka Jubooyinka uu ku jiro wadahadal  sidaasi darteed wixii jira ay muhiim tahay in wadahadal lagu dhameeyo. Hadalka mucaaradkan ayaana imaanaya xilli dhowr cisho ka hor uu Ahmed Madoobe ku dhawaaqay qaarka mid ah golihiisa wasiirada.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Iftiin-Xasan-Baasto-Waraysi-gaar-ah

Isha: Kismaayo24

Ciidanka DF ku dagaalamay Muqdisho

Muqdisho (Caaimada Online) Inta la ogyahay labo askari ayaa ku dhaawacantay iska hor imaad maanta barqadii ciidamo ka wadatirsan dowladda ku dhexmaray xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ayaa ka dambeeyay markii ciidamo ka tirsan kuwa millitariga ay isbaaro dhigteen xaafadaas taasoo ay lacago baad uga qaataan gaadidka dad weynaha.

Ciidamo kale oo goobta joogay ayaa arrintaas ka hor yimid, waxaana ay ciidamada isbaarada dhigtay ku amreen in ay qaadaan, waxaana meesha ka billowday iska imaad dhowr saacadood socday waxaana labada dhina ka dhintay labo askari, sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Iska hor imaadka ayaa sababay in uu istaago isku socodka dadka iyo gaadidka waxaa kaloo xiran goobaha ganacsiga iyo waxbarashadda ee ku yaalla xaafadda Oodweyne.

Dhacdooyinka noocan oo kale ma ahan kuwa ku cusub magaalada Muqdisho, balse waxaa la is weydiinayaa iyadoo dalka ay ka jirto dowlad rasmi ah maxaa keenay in ciidamo ka wadatirsan dowladda ay ku dagaalamaan isbaaro sharci daro ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DAAWO VIDEO: Warbixin ku saabsan horumarka cusub ee ka jira Muqdisho

Caasimada Online:  Magaalo Madaxda Caasimadeena ee Muqdisho waxaa ka soconaya Horumar si xowli ah ku socda ayadoo aad ka dheehan kartid Muuqaalkani oo meelo badan oo magaalada ah aad ku arki doontid.

Dowlada Walaalaha aanu nahay ee Turkiga Xaqiiqdii waa u hagar baxeysaa walaalahooda Soomaalida ah waxaadna ka marag ah sida ay u dhiseysa Magaalada Muqdisho ee nala daawo muuqaalkani aan aaminsanhay in uu ku qiiro gelinaya.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Faroole oo bahdilay Gaas “Muxuu ka yiri qaabkii uu ku noqday R/wasaare”

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/raxmaan Faroole oo kasoo laabtay safarkii Jigjiga uu ku tagay ayaa weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Gaas oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa, isagoo ku tilmaamay macna laawe, lug gooynayo danaha iyo jiritaanka Puntland.

Faroole wuxuu anshax laawe uu ku tilmaamay Cabdiweli Gaas oo uu sheegay in uusan aqoon u laheyn xafiis dowladeed iyo siyaasad, balse aqoontiisa ay tahay mida dhaqaalaha ee uu bartay.

“Cabdiweli Gaas, shaqo dowladeed hal sano ayuu qabtay, xafiiska ugu sareeyo ee Soomaaliyana inuu fadhiisto aniga ayaa ugu wacnaa, intii laga filayay inuu Puntland wax u qabto wuxuu bilaabay kala qeybinta bulshada Puntland iyo inuu aflagaadeeyo dadka”ayuu yiri Faroole.

“Waan la yaabay, wuxuu leeyahay dad baa barwaaqo gaarsiinayaa, weligiisna xafiis halkaas ku yaal oo aan aniga geeyay ayuu hal sano fadhiyay, Macallin buu ahaa jeesto wax ku dhigo, intuu ka tegay macallinimadiisa ayuu galay shaqo aan howshiisa aheyn”ayuu yiri Faroole oo intaa ku daray in aysan habooneyn in la doorto Gaas.

Hadalada Faroole ayaa ahaa kuwo aan wax lala harin, wuxuuna Musharaxiinta qaar uu ku tilmaamay kuwo mushaar ka qaata magaalada Muqdisho, ujeedadooduna tahay in la burburiyo Puntland.

faroole-1faroole-2faroole-3faroole-4faroole-5faroole-6faroole-7faroole-9

In Somalia, WFP Enables Women To Learn New Skills

Any views expressed in this article are those of the author and not of Thomson Reuters Foundation.

One of the World Food Programme’s main priorities is to strengthen communities so that individuals can support themselves and their families. Through its Food-for-Training activities, WFP provides food rations to encourage community members to participate in training that teaches practical vocational skills, such as literacy or tailoring. In Bossaso, in northern Somalia, women are learning how to tie dye cloth and make woven goods – skills that will stand them in good stead as they seek to rebuild their lives after fleeing their homes elsewhere because of conflict.  

Bossaso – In a courtyard at the GDA centre in the port town of Bossaso, women ululate and sing as they pull brilliant pieces of cloth out of a boiling cauldron, then rinse them and hang them on a clothes line to dry.

Despite the gruelling afternoon heat in this corner of Puntland, there is a buzz of energy and a feeling of easy camaraderie among the women, who will make dresses and other items from the tie-dyed cloth. After the course, they hope to be able to use their new skills to start small businesses and support themselves and their families.

The GDA centre is one of many vocational training projects that are supported, in part, by the World Food Programme (WFP), under its Food-for-Training initiative in Somalia.

WFP distributes monthly food rations or food vouchers for families when an individual enrolls in literacy or vocational skills courses.

“Most of the women here are internally displaced persons (IDPs), who have fled from violence in other parts of Somalia. Many are widowed and have no means of supporting their families. They are learning a number of skills, including tailoring and making handicrafts, which will enable them to gain employment or be self-employed,” said Sadia Abdisalam, the manager of the centre.

“Everything you see on display has been made by these women,” she added, waving towards the woven baskets and other items on display throughout the busy, chatter-filled centre.

“After completing the course, some of the ladies have stayed on to become teachers while others set up their own small businesses,” she said.

Empowering the most vulnerable

The food assistance received by the women on the course acts as a temporary safety net while they learn new skills that will make them self-reliant.

“WFP is supporting 12,842 individuals in 76 centres that offer different kinds of training, including literacy and numeracy courses, in the 19 districts of Puntland,” said Rumbidzai Chitombi, WFP’s programme officer in Bossaso.

According to Chitombi, many of the students enrolled in these centres have never been to school before and never benefitted from any kind of structured learning.

“The concept behind Food for Training is to empower the most vulnerable people and give them income-generating skills. Most of the people who attend the centres that WFP supports are from poor families and would not otherwise have the opportunity to learn these skills,” she said.

Siraad Sharif lives in theAbsame B IDP camp in Bossaso. She enrolled at the GDA centre when other women from the camp told her the classes were free.

“I have nothing here [in Bossaso]. I am like a refugee and I have to start anew. I am learning how to make tie-dye dresses so that I’ll be able to start a small business and, god willing, be able to provide for my children. We are thankful for this opportunity,” she said

The GDA centre has been operational since 2011. The items produced by the women, including beakers, wall ornaments and tie-dye dresses, are very popular and receive good prices, said Abdisalam.

“After the sales, profit is shared among the students on a rotational basis: each month, one participant will get a lump sum. That way, the money received is substantial enough for families to invest in other things, or in business,” she said.

Madaxweyne Xasan Sh oo sameeyey ballan qaad ay adag tahay inuu fuliyo

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay xaqiijinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Shabakadda Caasimada Online, ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ah ay ka go’antahay horumarinta xaquuqda aadanaha, islamarkaana ay dowladdu ku dadaaleyso yareynta falalka ka dhanka ah xaquuqda aadanaha.

“Waxaan doonayaa inaan ku celiyo sida ay dawladda uga go’an tahay iney difaacdo xuquuqda aadaanaha. Waxan ka shaqeynaynaa sidaan u gaari lahayn in Soomaaliya ay noqoto meel aan ka dhacin xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, waxaan u taagan nahay inaan dhaqan gelino xuquqda aadanah sida uga wanaagsan, Talaabooyin ficil ah oo la xiriirta arrinta xal ka gaaristeeda ayey dawladda hore u qaaday. Sharciyo la xiriiri xuquuqda aadanaha waa la sameeyey, dawladda ajendaheeda siyaasadeed ayaa ah iney wada oo taageerto sharciyadan” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Madaxweynaha ayaa shacabka ka codsaday in ay muujiyaan doorka uga aadan horumarinta xaquuqda aadanaha, isagoona ku celceliyay in gabood falllada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha aysan Soomaaliya boos ku lahayn.

Maalinta caalamiga ah ee xuquuqda bini’aadamka ayaa maanta oo ku beegan December 10 ayaa laga xusayay sannad kasta caalamka oo idil.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Hoggaamiyaal la dagaalamay AXMED Madoobe oo arrimo xasaasi shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Talaado ah shir jaraa’id ku qabtay qaar ka mid ah madaxweynayaashii isku magacaabay magaalada Kismaayo.

Raggan oo la dagaalamay Axmed Maxamed Islaam oo hadda ah hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba, waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan wasiiro uu magacaabay Axmed Madoobe toddobaadkan.

Iftin Xasan Baasto oo u hadlay madaxweynayaasha is magacaabay ayaa sheegay Axmed Madoobe in uu jabiyay qoddob ka mid ah heshiiskii dowladda iyo Axmed Madoobe ay ku gaareen bishii August magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

“Sida ku cad heshiiskii Addis Ababa, waxaa dhawaan waxaa dhawaan la rabay in la qabto wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka balse nasiib daro shirkaas uma muuqdo in uu dhacayo sababtu waxa weeye, lixdii bishii December waxaa Axmed Maxmed Islaam uu ka tallaabsaday fal ka soo horjeeda heshiiska, wuxuu magaacay wax uu ugu yeeray golle wasiiro ah, annaga ma  aqoonsani golahaas” ayuu yiri Iftiin Baasto.

Sidoo kale, shirka jaraa’id waxaa ka hadlay Cumar Buraale Axmed oo isna ka mid ahaa madaxweynayaashii ismagacaabay, wuxuu sheegay in aysan ka soo horjeedaan wasiirada la magacaabay.

Wuxuu baaq u diray, Qaramada Midoobay, Madaxweynaha Soomaaliya, Raysal wasaaraha xafiiska baneenaya iyo beesha caalamka, wuxuuna sheegay in wixii ka dhaca Kismaayo inuu mas’uul ka noqon doonno maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba, shirka jaraa’id ee maanta ay ku qabteen Muqdisho qaar ka mid ah madaxdii isku magacaabay maamulka Jubba balse xoog looga soo saaray ayaa jawaab u ah wasiiro siddeed ah oo uu magacaabay Axmed Madoobe lixdii bishan December.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Faroole oo ku eedeeyay DF Somalia in ay taageerto musharaxiinta Puntland

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe kaddib markii uu ka qaybgalay isaga iyo xubno kale oo maamulkiisa xuskii qowmiyadaha Itoobiya ee sanandkan lagu qabtay Jigjiga, ayaa ka hadlay arrimo badan isagoona dhaliil u jeediyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha oo dad fara badan kula hadlaayay barxad Garoowe ku taalla ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageero siiso qaar ka mid ah musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland.

Faroole ayaa sheegay in ay ka war qabaan qaar ka mid ah musharrixiin in laga soo diray Muqdisho oo la rabo in lagu burburiyo horrumarka Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Faroole waxaa kaloo uu ka hadlay guddi ay magacaabeen musharrixiinta kuwaasoo ay sheegeen in ay yihiin guddiga xillinta khilaafaadka doorashadda, wuxuu tilmaamay in aysan xaq u lahayn in ay magacaabaan guddi, isagoona intaas ku daray in maamulkiisa uun ay magacaabi karaan guddiga khilaafaadka.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa dhinaca kale sheegay in uu ku kalsoon yahay doorashadda soo socota in la dooran doono isaga iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Cabdisamad Cali Shirre.

Wuxuu ku celceliyay in ay sixi doonaan dhaliilo badan oo uga timid bulshadda reer Puntland haddii ay markale dib ugu soo laabtaan xafiiska.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyn ammaanay maamulka dowlad deeganka Soomaalida ee Itoobiya, wuxuu sheegay in uu halkaas ku soo arkay wax yaabo badan oo lagu dayan karo. “dad is jecel ayaan soo arkay oo maalkooda ka dambeeya” ayuu yiri Faroole.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

Video: Farqiga Xamar shalay & maanta

Caasimada Online: Talaabooyinka ay qaadeyso Dowlada Somalia ayaa waxaa ka mid ah in ay dib u soo celineyso goobihii lagu yaqaanay Bilicda Magaalada Muqdisho & Shacabka reer Muqdisho oo arintaasi aad ugu faraxsan.

Muhiimada ay lee dahay Goob sidaan oo kale ah hadane Shacab ka badan Boqolaal qof ay ku ganacsanayaan Xarun Dowladeedna ah ayaa waxaa laga her galiyay Magaalada Muqdisho ee nala daawo muuqaalkani ku farxad gelin doono.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Xaaladda Beledweyne oo maalintii 2-aad kacsan “See wax u jiraan?”

Beledweyne (Caasimada Online) Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxaa maalintii labaad ka dhacay dibadbaxo waaweyn  kaddib markii dhawaan halkaas lagu dilay sarkaal ciidan.

Wariye madax banaan oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in magaalada ay ka socdaan dibad baxyo looga soo horjeedo dil magaalada loogu gaystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kaas oo lagu magacaabi jiray Kornayl Xaashi Xuseen Diiriiye.

Dibadbaxayaasha ayaa ka caraysnaa dilka sarkaalka oo la sheegay inay gaysteen askar ka tirsan ciidanka milateriga ee ku sugan Beledweyne.

Wariyaha noo warramay ayaa sheegay in dibadbaxa uu sababay maalintii labaad in ay xiran yihiin goobaha ganacsiga iyadoo hakad u ku yimaaday isu socodka dadka iyo gaadiidka.

 

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo oo la hadlay dadka dibadbaxaya ayaa sheegay in la xiray qaar ka tirsan askartii looga shakiyay inay ku lug lahaayeen dilka sarkaalka.

Waxaa laga cabsi qabaa magaalada in uu ka dhaco dagaal, sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Muqdisho: Arday oo ku dhaawacantay..

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in shil baabuur uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay afar ka mid ah ardayda Jaamacadda Banaadir laanta Tree Disho ayaa ku dhaawacmay, kuwaasoo la socday baabuur nooca “Mini Bass “.

Goobjooge ku sugan deeganka Tree Disho ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in uu arkay qaar ka mid ah ardaydii la socotay baabuurka oo dhaawac ah.

“Waxaan arkay afar ka mid ah ardaydii la socday baabuurka oo dhaawac ah, waxaana ku jiray gabdho” ayuu yiri goobjoogaha noo warramay.

Dhaawaca ardayda ayaa loos oo qaaday Isbitaalka Madiina, halkaasoo hadda lagu daweynayo.

Dhacdooyinka noocan oo kale ma ahan kuwa ugub ah, oo mar kasta ayey ka dhacaan magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka.

Waxaa sabab u ah darawalada oo aan aqoon fiican u lahayn ka xeynta baabuurta iyo wadooyinka oo burbursan isla markaana xawaare dheer loo waado baarbuurta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

MAXKAMAD dil toogasho ku xukuntay xildhibaaan ka tirsan golaha….!

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa waxay sheegayaan in maxkamad ay ay dil toogasho ah ku xukuntay xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa.

Sida warku sheegayo Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa shalay dil toogasho ah ku xukuntay Mustafe Cismaan Daahir, kaas oo hore u dilay nin ay saaxiibo ahaayeen goor habeenimo aheyd, waxaana dooda xildhibaanka dilka geystay oo muddo dheer ka socotay magaalada Hargeysa ugu dambeyn ay Maxkamaddu go’aan kama dambeys ah ku gaartay in dil toogasho ah lagu fuliyo xidlhibaan Mustafe Cismaan Daahir sidaasina ay ku qanceen qoyskii uu ka dilay ninka ay saaxiibada ahaayeen.

Maxkamadda ayaa sheegtay in sharciga Islaamka ay u fiiriyeen dilka toogasho ee ay xildhibaanka ku xukumeen.

Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir ayaa shalay la horgeeyay Maxkamadda magaalada Hargeysa, taas oo soo gabagabeysay dhageysiga dacwaddiisa oo in muddo ah socotay, waxaana ay shalay ku dhawaaqday xukun dil ah, kaas oo ay u cuskatay xeerka ciqaabta guud iyo shareecadda Islaamka.

Mustafe Cismaan Daahir oo ahaa Xildhibaan golaha deegaanka ah oo ka soo baxay urur siyaasadeedkii Ummadda in badana xukunkiisa la sugayey, waxaa lagu wadaa inuu jagadiisa buuxiyo xildhibaankii ku xigay oo ka dhursugayey xukunkan, isla markaansa dood badan oo dhinaca sharciga ahi ka hor taagnayd in uu kursigiisa buuxiyo.

Lama shaacin waqtiga la fulin doono xukunkan lagu riday xildhibaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Magacyada 4 siyaasi oo loolanka xilka ra’iisul wasaaraha isku garbinaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ku dhow dhow xafiiska madaxtooyada ee Soomaaliya oo soo baxay saacadihii ugu danbeyey ayaa xaqiijinayaa in si xoog leh looga hadal hayo halkaasi murashaxiin dhowr ah, oo la rumeysan yahay in midookd uu ka iman doono ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia.

Waxaa xubnaha illaa iyo hadda cad cad ka mid ah ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex, oo xilal dhowr ah kasoo qabtay dowlidihii KMG ah ee dalka Somalia.

Waxaa sidoo kale ka mid ah wasiirkii hore ee maaliyadda ee xukuumaddii Farmaajo Xuseen Cabdi Xalane, oo la sheegay inuu maalmahan aad ugu dhowaa madaxtooyada Somalia.

Goonjeex, ayaa lagu warramay inuu taageero ku helayo xubno ka mid ah kooxda Damul Jadiid ee madaxweynaha, taasi oo siineysa faa’iido gaar ah.

Tartanka, ayaa waxaa sidoo kale si lama filaan ah ugu soo biiray siyaasi lagu magacaabo Aadan Guuleed Shabeel Carab, kaasoo si deg deg ah uga hormarey murashixiintii kale oo horey warkoodu usoo baxayey, sida Xuseen Cabdi Xalane.

Murashaxan Aadan Guuleed Shabeel ayaa ah aqoonyahan bartay Culuumta Siyasadda, dhaqaalaha, maamulka iyo Istiraatiijiyadda, isagoo wax ku bartay dalalka Soomaaliya, Faransiiska, Jarmalka iyo Sudan.

Intii ay dalka ka talinaysay xukuumaddi dhexe ee bur burtay wuxuu murashaxu kasoo shaqeyey meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Wasaaradii arimaga gudaha oo uu ka ahaa sargaal sare, Xisbigii hantiwadaga, Jaamacaddii umadda iyo Akaadeemiyadii Istiraatiijiyada Qaranka oo uu labadaba ka soo noqdey macalin ka dhiga culuumta siyaasadda.

Wixii warar ah ee kusoo kordha ha ka dheeraan Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Muqdiho
[email protected]

DHAGEYSO: Maamulkii Prof. Gaandi oo ka horyimi golaha wasiirada A/Madobe

Maamulka Azaaniya oo   dhowr sano ka hor lagu dhisay wadanka Kenya madaxweynaha u doortay Prof, Maxamed Abdi Gaandi oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay iminka xubno u hadlay sheegeen inay si weyn uga soo horjeedaan wasiirada maamulka Jubba loo magacaabay.

Xabiibo Xasan Warsame oo ah xildhibaanad ka tirsan maamulka Azaaniya ayaa waxay sheegtay in wasiirada iminka loo sameeyey Jubba tahay kuwa aan laga fiirsan oo si qaldan lagu soo magacaabay. Iyadoona intaasi ku dartay in aan laga talogelin.

” Dhulka Jubba anagaa u soo halganay oo laheyn qorshihii lagu qabtay. Wax talo ah oo aan ku yeelanay ma leh wasiiradaasi. Waxaana u aragnaa inay tahay magacaabis uu sameeyey nin dalka xoog ku heysta” ayey tiri Xabiibo Xasan Warsame oo kasii hadashay qorshahooda arrintaasi ku aadan.

” Anaga awalba waxaan aheyn urur nabadeed, mana nihin urur dagaal. Waxaana sugeynaa xilliga ay soo noqdaan sharcigii dalka kadib marka ay iska baxaan hogaamiyayaasha safaariga ah” ayey tiri Xabiibo Xasan Warsame.

Maamulka Azaaniya ayaa markii lagu dhawaaqay isaga oo aan tegin meeshii loo soo dhisay waxa uu markaliya noqday mid magac ahaan un ah. Waxaana muddo kadib la arkayey hogaamiyihii maamulka Azaaniya Prof, Maxamed Abdi Gaandi oo qeyb ka noqday xubnaha u olololeynayey dhismaha maamulka Jubba.

Xabiibo Xasan oo xildhibaanad maamulkaasi Azaaniya ah ayaan weydiinay halka maamulkasi ay ku hadleyso afkiisa ku danbeeyey, haddiiba Gaandi baarlamaanka Soomaaliya uga biiray. Waxaase ay sheegtay inuu maamulkooda u itaal sheegtay Ahmed Madoobe. Waa sida ay hadalka u dhigtaye.

” Azaaniga waxaa afgambiyey Ahmed Madoobe, waana afgambi aan dadka gobolka la qabno dhamaanteen. Waxaana xaqiiqo ah in anaga ujeedkeenu yahay nabad. Sideedana xisbi ma baaba’o ee mabda ayaa baaba’a, anagana (AZAANIYA) waxaan jireynaa ilaahadafkeena aan gaarno” ayey tiri Xabiibo Xasan Warsame.

Dhinaca kale waxaa ay rajo xumo ka muujiyey inuu madaxweynaha maamulkooda Azaaniya Prof, Maxamed Abdi Gaandi oo hadda ku jira oloolanka Ra’iisul wasaarenimada Soomaaliya, iyaddoona sheegtay in marka la fiiriyo nidaamka awood qeybsiga uusan dadka u wada sineyn inay xilkaasi sahal ku helaan.

Waxaase ay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ay ugu baaqday inuu Ra’iisul wasaaraha cusub kusoo xusho inuu yahay nin ka yimid koonfurta Soomaaliya islamarkaana leh awood ciidan, iyaddoona intaasi raacisay inuu qofkaasi noqdo mid qabiilkiisa raali ay ka yihiin oo aan aheyn mid cid kale wadato. Waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Prof, Maxamed Abdi Gaandi ayaan ilaa hadda ka hadal dhankiisa wasiirada cusub ee loo dhisay maamulka Jubba inkastoo haddana uu ka mid yahay raga lagu tiriyo inuu gacanta midig u yihiin hogaamiyaha maamulka Jubba Ahmed Madoobe. Waxaase la ogeyn inuu warkan kasoo yeeray xildhibaan Xabiibo Xasan uu la qabo iyo in kale.

Halkan ka dhageyso Wareysiga

Xabiibo-Xasan-Warsame-oo-ka-tirsanayd-Baarlamankii-Prof-Gaandi-ee-Azania

Isha: Kismaayo24.net

Dhageyso: Gen. Darwiish oo amray in xaafad Kismaayo ku taal la isaga baxo

Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga maamulka Jubba Gen, Maxamed Warsame “Darwiish” ayaa lagu sheegay in maanta laga baxo guraha dowlada ee ku yaala magaalada Kismaayo iyo xaafad laga dhistay garoonka diyaaraha meel u dhaw.

Gen, Darwiish, ayaa sheegay inay ka codsanayaan shacabka degan meelaha wareegtadu tilmaameyso inay ka baxaan guryahaasi. Isagoona cadeynaya meelaha ay amrayaan in laga baxo waxa uu yiri.

” Waxaan dadweynaha reer Jubaland si loogu shaqeeyo ka codsaneynaa inay ka baxayaan guryaha dowlada ee kala ah guriga gobolka, guriga Ceymiska, guriga qunsuliyada iyo wixii la mid ah oo ay dowladu leeyahay. Waxaana cadeynayaa in wax badan hadalkaasi lagu celceliyey oo aan wali codsaneyno in laga baxo” ayuu yiri Gen, Darwiish oo intaasi ku daray inay jirto xaafad ku taala banaanka magaalada Kismaayo oo ku dhaw garoonka taasi oo ay iyadana dalbanayaan in gebi ahaanba la baneeyo.

” Xaafad garoonka ku dhaw ayaa jirta oo iyada oo dhan cooshad ah taasina waxaan amreynaa in la baneeyo gebi’ahaan. Sababtuna wax kale ma ahan waa sidii ammaanka garoonka loo ilaalin lahaa” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga maamulka Jubba.

Gen-Darwiish

Dhinaca kale waqtiga loo qabtay inay dadka guryahaasi uga baxaan ayaa ah mid aad u yar oo ku eg maanta oo kaliya, iyaddoo ay adeg tahay in qof 23 sano deganaa guri dowladeed ama guri banaanka magaalada ku yaal sida uu maalin qura uga guuri karo.

Wareysiga ayaa markale lagu weydiiyey sida ay macquul ku tahay waqtiga ay dadka u qabteen oo yar darteed in guryahaasi looga guuro iyo inay jirto meel dadkaasi ka maamul ahaan ay u diyaariyeen haddii ay ka guurayaan meesha ay hadda degan yihiin? Waxaase uu sheegay Gen, Darwiish in magaalada Kismaayo weyn tahay oo ay ka helayaan guryo aan qaali aheyn kiradooda, isagoona intaasi ku daray inay xitaa maamul ahaan caawin doonaan dadkaasi sidii ay ku guuri lahaayeen.

” Kismaayo waa magaalo ballaaran waana ay ka helayaan guryo ay degaan, waliba guryaha ma ahan qaali. Dadkaasi insha’allaahu waanu taakuleyneynaa oo waxay ku degaana waan u raadineynaa. Waxaase ka codsaneynaa inay nala shaqeeyaan si guryaha aan ugu adeegno oo aan iyaga ugu shaqeyno” ayuu yiri Gen, Maxamed Warsame Farax “Darwiish”

Waxaase uu sheegay in dadka aan u hogaansamin wareegtada uu soo saaray ay gacan ula tegi doonaan kadibna ay xoog uga saari doonaan guryaha ay ku jiraan.

” Haddii ay ka bixi waayaan guryaha ay ku jiraan ee lagu amrayo waxaan ku sheegayaa inaan gacan ula tegi doono islamarkaana aan xoog u adeegsan doono si aan meeshaasi uga saarno, sababtoo ah guri dowladeed iyo meel ammaanka qatar ku ah cidna looga leexan maayo. Mana jirto cid iyo qabiil gaar ah oo loo socdo ee waa dan guud” ayuu yiri Gen, Maxamed Darwiish.

Qaarka mid ah warbaahinta Soomaalida ayaa qortay in wareegtada Gen, Darwiish ay ku saabsan tahay xitaa in xaafada Guulwade oo ka mid ah kuwa ugu waa weyn Kismaayo la isaga baxo,maadaama horey halkaasi u aheyd xero ciidan. Waxaase arrintaasi beeniyey Gen, Darwiish oo sheegay inaysan wareegtadiisa hadda soo baxday maanta quseyn xaafadaasi balse wixii dhul dowladeed ah la isaga imaan doono.

” Adeer anaga website ma nihin ee waxaanu Nihau maamulka Jubaland. Waxa aanu cayinayna wax la yaqaan weeye, guryo dowladeed weeye,xaafado dad shacab ah ma ahan. Wareegtada hadda aan soo saarayna kuma jirto xaafado iyo dad la barakicinayo. Waxaasina isku dir weeye oo wax wanaagsan ma ahan.Madax afkeedna ma ahan.Maamulkana dadka inay u adeegaan oo ay u nasteexeeyaan ayaa loo dhisay ee looma dhisin inay dadka dibin-daabyeeyaan ama burburiyaan” ayuu yiri Gen, Maxamed Warsame “Darwiish” oo intaasi ku daray :

” Adeer meeshii cooshad ah ama loogu soo gamban karo ammaanka in lagu dhibaateeyo waxaan leenahay hala baneeyo laakiin xaafada guulwade hala tirtiro iyo guryo shacab leeyahay hala burburiyo adeer afkeyga ma ahan, mana ahan af mas’uul warkaasi”ayuu yiri Gen, Darwiish.

Laakiin waxaa uu sheegay markii uu maamulka Jubba taabo galo oo ay dowladnimada Soomaaliya fariisato in xaafadii ka dhisan dhul dowlad laheyn iyo qofkii dhul dowladeed ka dhigtay dabaqyo lala xisaabtami doono.

” Dadkii shacab ah ee markii uu maamulka taabaqaado, haddii ay xaafado ay jiraan, meelo dowladi laheyd guriyo laga dhistay, hadde adeerow waxa Xamar ka socda iyo waxa Kismaayo ka socda maxay uga badelan yihiin?. Ninkii meel dowladi leedahay dabaqyo ka dhistay dowlada waa la xisaabtami doontaa laakiin hadda wareegtadani ma quseyso intaasi” ayuu ku yiri Gen, Darwiish.

Ammaanka Kismaayo ayuu sheegay inay wax weyn ka badeli doonaan oo waliba cidii loo dareemo inay ammaanka qatar ku yihiin inay gacan bir ah ku qaban doonaan. Isagoona cadeeyey inay idaacadaha maanta  kala hadleyn dad weynaha una sheegeen qorshahooda ammaanka.

” Kismaayo haddaba waa nabad oo dadka laguma dilo waxaana ka shaqeeya ciidan laakiin waxaan ku sheegayaa inay howsha koowaad inoo tahay sugida ammaankeeda iyo gacan bir ku qabashada wixii loo arko inay ammaanka qatar ku yihiin” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Jubba Gen, Maxamed Warsame Darwiish.

Wareegtadan ayaa noqoneysa midii ugu horeysay oo kasoo  baxda midka mid ah wasiirada dhawaan lagu dhawaaqay ee maamulka Jubba waxaana la aqoon sida ay shacabka degan guryaha ay ku socoto u aqbali doonaan go’aankaasi cusub.

Burburkii kadib qaarka mid ah magaalooyinka waa weyn ee kala ah Kismaayo, Boosaaso, Galkacyo iyo Muqdisho ayaa waxaa ka dhismay xaafado waa weyn oo shacabka ay ka sameysteen xeryo ciidanka horey u lahaan jireen. Waxaana meelaha qaarkood shacabka dhulalkaasi ka iibsaday maamuladii kala duwanaa ee ka jiray magaalooyinkaasi.

Waxaa xafadaha ka dhismay xeryaha ciidanka waxaa ka mid ah. Xero Daraawiish Galkacyo oo maanta ka mid ah xaafadaha ugu waa weyn magaalada Galkacyo oo aan la burburin karin, Xero Dayax oo isla Gaalkacyo ah oo iyadana hadda ka mid ah xaafada dhismo ahaan ugu bilicda sareeya Galkacyo. Boosaaro sidoo kale xero daraawiish ayaa xaafad ahaan iminka loo degan yahay. Dhamaan shacabka dhulkaasi guryaha ka dhistay waxaa ka iibsaday maamulka Puntland.

Kismaayo waxaa iyadana hadda xaafadaha ugu ballaaran dhismo ahaan iyo shacbiyad ahaanba waxaa ku jirta Guulwade oo aheyd xero ciidan balse hadda ah 23 sano ee ugu danbeeyey xaafad ay shacab si weynu dhisteen,iyaddoo ka iibsaday maamuladii halkaasi isaga danbeeyey.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga Ge.. Darwiish

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA GEN, DARWIISH UGA HADLAYO WAREEGTADA KASOO BAXDAY XAFIISKIISA EE U SIIYEY K24

Xigasho: Kismaayo24.net

Arday Soomaali ah oo ku dhaawacmay rabshado ka dhacay waddanka…!

Cairo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa sheegaya in halkaas uu ku dhaawacmay wiil Soomaali ah, kaasoo wax ka barta Jaamacadda Al-Azhar.

Wiilka dhaawacmay oo lagu magacaabo Cilmi Xaajo Daahir, ayaa ku dhaawacmay rabshado Jaamacadda Azhar ka dhacday oo u dhexeysay ardayda iyo ciidanka booliska.

Wiilka Soomaaliga ayaa loo qaaday Isbitaal Qaahira ku yaalla halkaasoo lagu daweynayo.

Dhaawaca soo gaaray wiilka Soomaaliga, waxaa ka carooday arday badan oo Soomaali ah oo wax ka barta Jamacadda Al-Azhar, waxaana ay sheegeen in ay ka walwal san yihiin in ay dhibaato ka soo gaarto rabshadaha ka socda magaalada Qaahira

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Cairo |Egypt

[email protected]