25.3 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

VIDEO: GANACSI cusub oo xoolaha ah oo lagu tartamayo SOOMAALIYA

Caasimada Online:  Maalgashiga iyo dhaqashada Xoolaha nool, gaar ahaan Geella ayaa waayadii hore ahayd mid ku kooban Baadiyaha, laakiin waayadii danbe waxaa soo if baxay in shirkadaha Soomaaliyeed ay bilaabeen ineey maalgashtaan Geella.

Shirkado waaweyn oo ay ugu horeyso shirkada Isgaarsiinta Hormuud, ayaa waayadii danbe bilaabay iney maalgashtaan Geela, iyagoo sameeyay shirkado gaar ah oo Caanaha Geela usoo iib geeya magaalada Muqdisho.

Shirkadahaas waxaa kamid ah, “Iisoo Maal”, “Iisoo Lis” iyo shirkado kaloo hada iyagana bilaabay ineey ka faa’iideystaan Caanaha Geela.

HALKAAN KA DAAWO:

Hambalyada CAASIMADA ee CIIDA

Gutenberg (Caasimada Online) Maamulka iyo Shaqaalaha Shabakadda Caasimada Online, waxa ay hambalyo ku aadan munaasabadda ciidul-adxaa u dirayaan ummada muslimiinta meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwa Soomaalida.

Waxaan lee nahay dhammaan nagula damaashaada maalintan farxada badan, waxaan idiin rajeeneynaa in ciiddan ciiddeeda kale aad ku gaartaan nabad, horumar iyo caafimaad.

Haddaba annagoo ka faa’ideesanaya munaasabbadan qiimaha iyo qaayaha leh, waxaan si gaar ah ugu hambalyeeneynaa Akristayaasha sharrafta leh ee nagu taxan maadama idinka aan u joogno, waxaan idiin lee nahay maalmaha ciidda farxad kula damaashaadaan eheladiina iyo asxaabtiina.

Ugu dambeen noo soo dira sida aad u aragtaan shaqada aan idiin heyno iyo dhaliisha aan lee nahay, waxbaan ka badali doonaa in shaa allah.

Mahadsanidiin kun-jeer.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

Puntland oo hanjabaad culus u dirtay DF Somalia (Maxay Tahay?)

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa si cad ah uga soo horjeestay shir dhawaan ka dhacay Magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska kaasoo ay soo qaban qaabisay shirkadda Som Oil and Gas, oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay la gashay heshiis sahmin shidaal ah oo laga sameeyo dalka Soomaaliya.

Shirkaas ayaa lagu martigaliyay shirkado, aqoonyahno Soomaali iyo ajaaniib ah oo si fiican ugu xeel dheer arrimaha shidahaalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdi Samad Cali Shirre oo ka hadlaayay shirk ka dhacay Garoowe ayaa sheegay in Puntland aysan aqoonsaneen wax yaabaha looga hadlay shirkaas isla markaana ay cid kasta oo ay u aragto in ay shidaal ka soo saari karaan deegannadooda ay si madax banaan heshiis ula sameen san karaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland oo isna ka hadlay shirka ayaa madaxda dowladda ku eedeeyay in ay wadaan qorshe lagu kala fogeynaayo ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku eedeeyay in wax badan ka badaleen dastuurka kumeel gaarka sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Kheyraadka Puntland ayaa isna ku cel-celiyay in Puntland ay mar hore ay ka tashatay dowladda fedaraalka Soomaaliya isla markaana ay heshiis lagaleen shirkado shidaalka ka baaraya deegannada Puntland.

Wasiirka ayaa dhinaca kale ku tilmaamay shirkii London mid aan wax badan laga sugeynin maadama uu gaar u ahaa dowlada Soomaaliya isla markaana xaq u lahayn in ay heshiis la gasho shirkad shidaalka sahmiya.

Wuxuu sheegay in cid kasta oo lagu arko iyagoo shidaal ka sahminaya deegannada Puntland haddii ay yihiin madaxda dowadda fedaraalka iyo shirkadda ay heshiiska lagaleen in laga qaadi doono tallaabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

Aabihii Burcad-badeedda oo lagu xiray Belgium kadib shirqool caajiib ahaa

Brussels (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray hoggaamiye sare oo ka tirsanaa burcad-badeeda Soomaalida.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdi Xasan Af-Weyne, waxaana lagu xiray maalintii Sabtidii magaalada dalka Belgium sida ay lee yihiin ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online.

Afweyne ayaa bishii January ee sannadkan wuxuu ku dhawaaqay in uu ka baxay howsha burcad-badeeda isagoona sheegay in uu billaabay siddii uga soo bixin lahaa dhallinyarada burcad-badeeda ku jiray.

Si kastaba, war hadda na soo gaaray waxa uu sheegayaa Maxamed Cabdi Xasan Afweyne waxaa loo dhigay dabin ah in uu ka soo qaybgalo filim looga hadlaayo burcad-badeeda Soomaalida laakin sidaas ma ahan in la xiro ayaa la doonayay.

Waxaa doonayay Afweyne  booliska aduunka ee Interpol sidoo kale waxaa ku raadjoogay oo dambiyo u heesta dowladdo badan oo ay ku jirto Belgium.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

KASHIFAAD: Yey ahaayeen labadii nin ee uu dilay qaraxii ETHIOPIA + Halkee ayey ka yimaadeen? + Qorshahooda

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Shalay waxaa Ethiopia ka dhacay qarax ay ku dhinteen laba qof, waxaase maanta soo baxay xog cusub oo qaraxaas ku saabsan, oo ilo xog ogaal ah ay siiyeen Caasimada Online.

Sida Caasimada Online ay xogta ku heshay, labada qof ee qaraxa ku geeriyootay ayaa waxaa ku qaraxday miinao ay xirayeen ayaga oo ku sugan guri ku yaalla xaafadda Bole ee Soomaalidu ay ku badan tahay.

Waxaa qorshuhu ahaa in marka ay miinada xiraan ay la beegsadaan goob dadu ku badan yihiin, maadaama meel kasta la isugu soo baxay Addis-Ababa, xilli Ethiopia ay la cayaareysay Nigeria, cayaar ka tirsaneyd is-reeb-reebka qaaradda Africa ee koobka adduunka.

Labada qof ee qaraxa diyaarinayey ayaa Caasimada Online waxa ay xog ku heshay inay ahaayeen dad kasoo jeeda kana yimid Somaliland sida laga arkay documents-yadooda.

Ethiopia ayaa diiwaan gelisa qof kasta oo Soomaali ah oo dalkeeda soo gala, sida halka uu ka yimid iyo qabiilkiisa, taasi oo sahashay aqoonsiga labada qof.

Dad badan oo dowladda Ethiopia ay xirtay markii uu qaraxa dhacay kadib ayaa lasoo daayey, kadib markii la aqoonsaday labadii nin ay geeriyootay.

Soomaalida ku nool xaafadda Bole ayaa niyadda u qabowday, kadib markii la aqoonsaday kuwii qaraxa agaasimayey, taasi oo yareysay carrada iyo baaritaanada xoggan oo ay wajihi lahaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

Fartaag, iyo Yaasiin Raadeer oo Hub u qeybiyay Ragii kaharay Barre Hiiraale

Kismaayo (Caasimada online) Genenral C/llaahi Sheekh Cismaaciil Fartaag iyo Cornel  Yaasiin Raadeer, oo labaduba ka mid ah Saraakiisha Sar sare ee Maamulka Jubba ayaa maanta waxay Hub u qeybiyeen Ciidamadii ka haray Cornel Barre Aada Shire Hiiraale.

Mas’uuliyiintan oo maanta tagay Xiryaha Ciidamada , ayaa waxay wararku tilmaamayaan  inay hubkii mudo ka hor laga xareeyey dib loo siiyey oo waliba lagu daray ciidanka maamulka Juba ee ka howlgeli doonoa Kismaayo iyo deegaanada kale ee maamulkaasi hoos yimaada.

Fartaag, iyo Raadeer, ayaa labaduba waxay arintan ku tilmaameen dib u heshiisiinta dadka wada dega deegaanada Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo,  kadib markii sida ay sheegeen Ciidamada maanta Hubka la siiyay ahaayeen kuwo dagaalkii kismaayo lagu qabtay iyagoo Barre Aadan u dagaalmaya iyo kuwo isi soo dhiibay .

” Xerada ciidanka ayaan joognaa hadda. Waxaana dib hub usiinay oo waliba aan ciidanka maamulka Juba ugu darnay ciidankii Barre Hiiraale ka haray dagaalkii Kismaayo kadib kuwaasi oo xero ku jiray’ ayuu sheegay Caruush ka mid ah madaxda sida dhaw ula shaqeysa Gen, Fartaag.

Wali arintan kama aysan hadlin dhanka Cornel Barre Aadan Shire ee Mucaaradsan Maamulka Jubba kuna sugan duleedka Kismaayo, Hayeeshee Saraakiisha Cornel Baare ayaa dhowaan beeniyay hadal kasoo baxay maamulka Jubba oo sheegaya inay Saxaafada usoo bandhigeen rag kasoo goostay dhanka Cornel Barre.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

VIDEO: Horumar cusub oo magaalada MUQDISHO ku soo kordhay

Caasimada Online:  Magaalada Muqdisho maalinba maalinta xigta waxaa ku soo kordhaya horumar dhinacyo badan leh kaas oo ay aad ugu farxayaan Shacabka Muqdisho ayadoo Ganacsiga iyo bilicda Magaalada ay horumar baaxad weyn leh ay sameyneyso.

Muqdisho isma lihid sidaan ayeey noqoneysaa mudo gaaban gudaheeda waxaana haatan ay ku soconeysaa xowli dhinaca horumarka iyo soo celinta Bilicda Magaalada Muqdisho ee daawo Horumarkaan Cusub.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Gudoonka Baarlamaanka oo warqad u gudbiyay Ra’isul Wasaare Saacid

Muqdisho (Caasimada online) Sida warar ay heshay Shabakada Caasimada online ay sheegayaan , Gudoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warqad u gudbiyay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid .

Warqada  oo loo diiday in Saxaafada wax badan ay ka ogaato rasmi ahaan waxa ku qoran ayaa hadana wararku waxay tilmaamayaan inay tahay mid Ra’isul wasaaraha looga dalbanayay inuu Baarlamaanka Soomaaliya hor tago 26-Ka Bishan si su’aalo loo weydiiyo.

Saacid ayaa sida la sheegay laga sugayaa in 26-ka bishan inuu Hor yimaado Baarlamaaka Soomalaiya si su’aalo loo weydiiyo , kuwaasi oo ku qotoma wax qabadkiisa mudadii sanadka aheyd.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Baarlamaanka Soomaaliya laga sugayo inay afti u qaadaan isla markaana ay  Ra’isul wasaare Saacid siiyaan Kalsooni ku aadan inuu sii shaqeeyo ama ay diidaan .

Baarlamaanka Soomaaliya ayaanan la ogeen sida ay ka yeelayaan xukuumada Soomaaliya hadii la hor keeno iyadoo kalsooni raadineysa, waxaana jira Mudanayaal maal mahaan waday Mooshin ka dhan ah Xukuumada Saacid uu hogaamiyo.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

SOMALILAND oo digniin kasoo saartay Isticmaalka Baasaboorka SOMALIA

Wararka aan ka heleyno Deegaanada Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi laga Diiday si rasmi ah Baasaboorka Soomaaliya Kadib Shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Arimaha gudaha Maamulka Somaliland.

Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa si cad u sheegay in cid alaale Cidii lagu arkaa iyadoo kusoo galeysa Deegaanada Maamulka Somaliland , ama uga dhoofeysa Baasaboorka Soomaaliga ah ee E passport.

Wuxuu sheegay in Cidii lagu arkaa iyadoo kusoo galeysa Baasaboorkaas ama uga Dhoofeysa ay ka qaadi doonaan tilabo adag , isla markaana ay marsiin doonaan Ciqaab xoogan sida uu hadalka u dhigay .

Arintan ayaa waxaan la ogeen waxa xilligan kusoo beegay hayeeshee maal mahanba waxaa soo baxayay warar sheegaya in deegaanada maamulkaas aan laga ogoleen Baasaboorka Soomaaliya .

Dowlada Soomaaliya , wali dhankeeda kama aysan hadlin arintan hayeeshee Soomaaliland ayaa inta badan waxay sheegtaa inay tahay dowlad ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale inkastoo wali aqoonsi caalami ah aysan helin .

waxaa jira wada hadalo u soconaya Soomaaliland iyo dowlada Soomaaliya oo ku aadan sidii loo xalin lahaa qilaafaadka ka dhex jira labada dhinac loona soo celin lahaa Gobonimada Soomaaliya inkastoo warkaas aysan Somaliland ku qancin .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ingiriiska oo sameynaya qorshe lagu badbaadinayo dhaqaalaha Soomaalida

 UK (Caasimada online) Dowlada Ingiriiska ayaa qorsheynaysa  inay abuurto hab cusub oo lagu badbaadinayo dhaqaalaha Somalida dalkaasi ay usoo diri jireen dalkeena, kadib markii baqdin darteed loo joojiyay xiriirka Bankiga Barclays iyo xawaaladaha UK.

Arintaan ayaa lagu dhawaaqay maalmo ka dib  markii bangiga Barclays uu joojiyay account xawaaladaha Soomaalida ay lacagaha kasopo diri jireen, waxaana badankood ay kasoo dirayeen dalkaasi.

Somalida ku nool kana shaqeysata dalkaasi ayaa ku dhawaad 500 milyan oo Pound usoo diri jiray dalka Soomaali sanad kastaa kuwasi oo ay usoo dirayaan saaxiibadooda iyo qoysaskooda.

Dad badan oo Soomaali ah oo ku nool dalkaasi Uk ayaa ka walaacsan qaabka ay eheladooda ay lagacaha ugu soo diri doonaan, laakiin dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay inay qorshe sameyn doonto.

“Lacagaha aan dirto waxaa loo adeegsadaa cunto, waxbarasho, caafimaad, waxyaabaha aasaasiga ah, shacabka Soomaaliyeed aad ayay ugu baahan yihiin”sidaasi waxaa yiri Farxaan Xasan oo ka mid ah Somalida Uk.

Bangiga Barclays ayaa qorsheynaya  2 maalin kadib inuu xero account ay laheyd shirkadaha Dahabshiil oo ah shirkada Africa ugu weyn ee dhaqaale lagu kala gudbiyo.

Caasimada online

Xafiiska UK

[email protected]

Italy oo ku dhaaratay joojinta Tahriibka

Roma (Caasimada Online ) Ciidamada Badda Talyaaniga ayaa maanta oo Isniin ah bilaabaya kormeerka xeebaha Mediterranean, xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay ku soo qul qulayeen muhaajiriin Afrikaan ah oo doomo macmal ah ka soo raacaya waqooyiga Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Enrico Letta ayaa sheegay in cirka iyo badda ay kormeerayaan ciidamada ilaalada xeebaha, si ay u joojiyaan qul qulka tahriibayaasha afrikaanka ee soo gaaraya xeebaha bari dalka Talyaaniga.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay xeebaha u dhaxeeya Talyaaniga iyo Malta ilaa 33-ruux, kadib markii doonidiida ay degtay

Todobaad ka hor ayay aheyd markii ilaa 350 muhaajiriin ah ay ku dhinteen xeebta Jaziirada Lampedusa.

Talyaaniga ayaa ka dalbaday Midowga Yurub inay ku taageerto kumanaanka tahriibayaasha ee ku soo qul qulaya dalkaas, kuwaasoo ka imaanaya Afrika iyo Bariga Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Roma

[email protected]

Dhageyso: S/L: Aroos isubedelay goob 4 qof ay ku dhinteen + 9 Dhaawac

Hargeisa (Caasimada online) Tani waxay qeyb ka noqoneysaa Dhacdooyinka Xanuunka Badan ee ka dhaca Dalkeena  Soomaaliya, Xiliyada qaar Farxada dadka waxay isku badali kartaa Muro, Murugaduna waxay noqon kartaa , wax walibana waa qadar rabi .

Tuulo lagu magacaabo Ceel-xaddi oo dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Arabsiya ee degmada Gabilay ee Maamulka Somaliland, Waxaa ka dhacay Dhacdo dadka yaab iyo ama kaak ku reebtay Kadib markoo goob aroos mar qura ay isku badashay meel murugo iyo Tiiraan ah.

Gahayr Xasan Muudeey , oo sida la sheegay ah nin Madaxa looga Jiro ayaa la tilmaamay in mar qura goobtii Damashaadka iyo Xaflada arooska ay ka dheceysay inuu Risaas xoogan ku furay taas oo dhalisay Geerida 4 qof iyo Dhaawaca 9 Ruux .

4-ta Ruux ee geeriyootay ayaa dhamaantood waxaa lagu sheegay inay yihiin haween , waxaana 9-ka qof ee dhaawacantay oo rag iyo Dumar isugu jiray loola Cararay cusbitaalo ku kala yaalla magaalooyinka gabilay iyo hargeysa.

Dhacdada tuuladaasi ka dhacday, ayaa farxaddii arooska ee halkaasi ka jirtay u badashay  murugo, Maamulka deegaanka ay mashaqadan ka dhacday ayaanan wali ka hadlin , iyadoo aanan la ogeen halka ruuxa dhibtangeystay uu u baxsaday.

Halkaan hoose ka dhageyso Sida ay wax u dheceen

halkaan ka dhageyso dhacdo xanuun badan

Caasimada online

Xafiiska Hargeisa

[email protected]

Ciidamada DF oo is hor fadhiya & qeyb la safatay A/Madoobe + Cabsi dagaal

Balad-Xaawo (Caasimada Online) Gudoomiyaha degmada Beledxaawo Cadow Nuur Xasan, ayaa qiray in laga baqanayo in dagaal uu ka dhaco deegaanka Tuulo Amiin oo kamid ah deegaanda hoos yimaada degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

Wuxuu Sheegay Gudoomiyuhu in Ciidamadada is hor fadhiya inay yihiin kuwo kala daabacsan Maaamulka Dooloow, iyo sidoo kale Degmada Balad-Xaawo, waxaana uu sheegay in baqdin xoogan laga qabo in dagaal uu dhex maro labada Ciidan.

Gudoomiyaha Degmada Balad-Xaawo, Cabdi Nuur, ayaa sheegay in Ciidamada dhanka Dooloow ka yimid ay taageersan yihiin Kuwa Maamulka Jubba, isla markaana ay doonayaan in degmada iyo Deegaanada ku dhaw dhaw inay u gacan geliyaan Maamulka Axmed Madoobe.

Ciidamada ku sugan Balad-Xaawo, ayuu sheegay inay taageersan yihiin dowlada Soomaaliya, dhowaana lagu Biiriyay kuwa ururka Ahlu Sunna .

Ciidamada Ururka Ahlu Sunna ayuu sheegay inay yihiin kuwo taageersan kana mid ah Ciidamada dowlada Soomaaliya, isla markaana hal hadaf ay wada leeyihiin , ayna ka mideysan yihiin aayaha gobolka Gedo.

Xiisadan ka taageen Balad-Xaawo, ayaa waxaa laga Baqanayaa inay isku Badasho Gacan ka hadal, waxaana dadka deegaanka ay muujinayaan Cabsi xoogan oo arintaasi ku aadan .

Maamulka Junna wali arintan kama uusan halin , sidoo kale Saraakiisha ciidmada dowlada Soomaaliya ee gobolkaas ayaanan dhankooda ka hadlin .

Caasimada Online

Xafiiska Balad-Xaawo

[email protected]