25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Wenger oo sheegay inuusan Arsenal ka aadi doonin PSG.

Tababare Arsene Wenger ayaa qirtay inuusan kooxdiisa Arsenal kaga biiri doono kooxda Faransiiska ah ee Paris Saint Germain.

Tababaraha Emirates ayaa lala xiriirinaayey PSG balse gaashaanka ayuu ku dhuftay isagoo sheegay inuu weli qandaraas ku heysto Gunners kaasoo ku eg xagaaga 2014.

Saxaafada Faransiiska ayaa soo jeedinaayey inuu macalinkaani u dhaqaaqi doono kooxda ka dhisan Paris Wenger ayaase yiri: “Waa akhbaar qaldan, I aamina. Had iyo jeer waxaan ku faraxsanahay qandaraaskeyga.

Tababarihii hore ee Chelsea Carlo Ancelotti ayaa hada cadaadis ku saaran yahay PSG oo kaalinta afaraad kaga jirta Horyaalka Ligue 1.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu

Sawirada Amin Arts ee “Isma lahayn” iyo Lix arrin oo qosol badan.

Farshaxamiistaha Soomaaliyeed ee caanka ah Amin Camir, ayaa soo saaray qeybihii labaad iyo saddexaad ee sawirradiisa taxanaha ee Isma Lahayn.

Amin ayaa sawirradaas uga hadlaya waxyaabihii lama filaanka ahaa ee aan marnaba la maleysaneyn ee ka dhacay dalka Somalia ama qabsaday Soomaalida joogto caalamka intiisa kale.

Haddaba lix arrin oo ka yaabiyay Amin iyo Sawirradiisa Isma lahayn nala arka.

Sidoo kale aqri qeybtii hore ee Isma lahayn

Cayaartoyda Nigeria oo la yiri “Koob keena oo qaata $90,000”

Xiriirka K/cagta dalka Nigeria ayaa sheegay in cayaartoyda xulka Qaranka K/cagta dalkiisa la siin doono abaalmarin lacageed haddii ay ku guuleystaan Koobka Qaramada Qaaradda Afrika African Cup of Nations 2013, kaas oo lagu qaban doono dalka K/afrika.

Ademola Alajire oo u hadlay xiriirka K/cagta Nigeria  ayaa sheegay in  haddii cayaartoydooda ka soo baxaan Group-kooda ( GROUP C ) uu ciyaaryahan walba heli doono lacag dhan 10-kun oo doollar, halka marka ay rubac dhammaadka ciyaarta (Quarter Final ) uu mid waliba heli doono lacag dhan 15-kun doollar, halka marka ay ku guuleystaan ciyaarta Semfinalka mid waliba la siin doono lacag dhan 20-kun doollar.

Dhanka kale Ademolar Adejira ayaa sheegay in haddii xulkiisa ay ku guuleystaan ciyaarta kama dambeysta Final uu mid walba oo iyaga ka mid ah uu heli doono lacag dhan 25-kun oo doollar, wuxuuna guud ahaan ciyaaryahan walba heli doonaa lacag dhan 90-kun oo doollar, taas oo noqoneysa  abaalmarintii ugu weyneyd ee abid soo  marta ciyaartoyda xulka K/cagta ee Qaranka Nigeria.

Xoghayaha Guud ee xiriirka K/cagta Nigeria Musa Adamu ayaa  yiri “Abaalmarinta micnaheedu waa dhaqaajinta ciyaartoyda, si ay dalkooda iyo dadkooda u sharfaan”.

Xulka Nigeria ayaa labo jeer ku guulaystay Koobka Qaramada Qaaradda Afrika, inkastoo sanadkii inaga tegay ee 2012 ay ku guuldareysteen in ay ku soo baxaan wareega 16-ka ee kama dambeysta.

Dhinaca kale madaxweynaha Nayjeeriya Goodluck Jonathan, ayaa sanadkii 2010 xulka Nigeria ka ganaaxay ka qeybgalka ciyaaraha caalamiga muddo 2-sano ah, kadib markii ay guuldarro xoog leh kala kulmeen tartanka Koobka adduunka 2010 ee lagu qabtay dalka K/afrika, xulka Nigeria ayaa ka tirsan Group – ka 3-aad ee C oo ka kooban Zambia, Nigeria , Ethiopia iyo Burkina Faso.

Qoraa Sare: Muse Mohamed Osman

[email protected]

December: Bil murugo iyo gocosho badan (Maalmo inoo madow oo ku jira)

Maalmuhu kala wanaagsan, dadkuna kala aayan wacan, shucuubtuna kala aayo hagaagsan, adduunkuna waa mareeg Maalmuhu ku dul wareegaan. Maalmuhu waxay isugu jiraan: qaraar iyo macaan, xun iyo wanaagsan, madow iyo caddaan, murugo iyo farxad. Jaadadkaas maalmaha waxay yihiin hadba sida ay u soo marto Qofka, Qoyska, Bulshooyinka, Shucuubta, Umadaha iyo Qaramada, tilmaanta ay qaadanayaan maalmuhu waxay kaga imanaysaa saamaynta iyo raadka ay ku yeelato nolosha dadka iyo natiijada ka dhalata, sargoynta maalintu waa wixii dhaca oo dhacdooyina 24-ka saac ee ay ka kooban tahay iyo sida ay u hareeyaan nolosha.

Soomaaliya waxay soo maartay maalmo kala duwan, maalin xun iyo maalin wanaagsan, haba u badnaadeen maalmaha xun, iyadoo waliba ay heerar kala ahayd marka lagu sameeyo is barbardhig. Maalmaha xun ee na soo maray, waxaa ugu sii xumaa burburkii Dawladda, sanadihii murug maarugta, colaadaha iyo dagaallada sokeeye, kuna baahday gees-ka-gees dadlka dhaliyana fawdada iyo jaantaa rogan, ee la galay tiiha lagu jiray iyo xarig jiidka aan dhammaadka lahayn. Waxaa Soomaaliya soo maray maalmo kala sarreeya kuna duwan (soocan) xummaanta, maalinba waxay noo dhiibtay maalin.

Ujeedka qormadu ma ahan inay soo koobto wixii dhacay inta bil December na soo martay, balse, waxaan isku dayeynnaa inaan ka soo qaadanno dhacdooyin kala duwan oo wada dhacay isla bashaa, waxaan u adeegsannay sida ay u kala horreeyeen xagga sanadka, inagoo ka soo billownay sooyaalka hore deedna ku keennay kiwii ugu dambeeyey ee dhacay, marka qofkii aweeddiisu tahay inuu wax ku daro taariikhdan way u furan tahay.

Burburkii Dawladdii dhexe!

Bal aan ka billaabo 31 December sanadkii 1990-kii oo ku beegan burburkii dawladdii dhexe, waxaa maalintaa iyo bishaa wixii ka dambeeyey dalku galay dagaal magacyo kala duwan yeeshay, qaabab kala duwanna isu rogay, dhibaatadii ka dhalatay ay wali taagan tahay oo aysan dhammaan ama aan laga gudbin, waxaa maalintaasi horseed u noqotay heeryada habacsanaanta iyo hiilka qabiilka aan loo hayb dayin ee aan la hubsan.

December 1990-kii waxaa dalku u gacan galay jabhado hubaysan oo ka soo wada duulay dhanka Itoobiya, waxayna ku guulaysteen inay dalka diirtaan oo aysan hambayn Jiingad Lamayeeri iyo Mutuleel, waxay ku guul darraysteen inay ammaankii jiray wax ku biiriyaan ama sii adkeeyaan maadaama uu meesha ka baxay nidaamkii kali taliga ahaa, mindhaa lagama fekerin; maxaa dhacaya haddii sidaan wax loo maareeyo?!

Runtii bisha December waxay reebtay xanuunno aan waligood bogsoonayn lagase yaabo inay wax iska badalaan sida wax yihiin ama wax ku socdaan, bishan waxaa lagu xasuustaa maalmo aad u qaraar oo Soomaali soo maray ayna ugu horrayso rididdii dawladii dhexe iyo burburintii qarankii Soomaaliyeed, oo aan filaayo inay tahay mid sabab u ah wixii xigay ee dhacay ama ka dambeeyey.

Dagaalkii sokeeye iyo colaadihii ka dhex qarxay Soomaali ilaa jibsin hoose waa midda ilaa hadda taagan ee aan wali lagu guulaysan in xal laga gaaro, dhacdooyinkii kala gadisnaa ee soo maray dalka intii u ku jiray burburka waxaa lagu xisaabin karaa xilkeeda bisha December, oo ah bishii ay dawladdii dhacday, ujeedka ma ahan in maalin bil, sanad iyo xilli go’an la eedeeyo ee waa uun tilmaam xilliyeed timid xilligaa oo la eeday!.

Burburka qof, qoys ilaa qaran ku timid waa mid natiijadiisa la arkay ama la gartay, maxaa yeelay Soomaali wixii astaan dawladeed ay lahayd waa la wada moosay, dhaqan wixii ay lahaydna waa laga wada tallaabsaday, hidde la ilaalsho isaga warkiis haba sheegin, wax badan oo laga sarriingan jiray maanta wa lagu dhiirraday, taasna waxaa u sababa buburka aan waxba hambayn ee dhammaan wada gaaray ee lagu wada gumoobay!

Dabcan December 1990-kii ka sheekaynteedu dhammaan mayso oo ma ahan mid sadarro iyo dhowr xariiqmo lagu soo koobi karo, balse, waxaa mar walba meesha yaalla ee aan la illoobi karin wixii dhacay dhammaadkii bishaa iyo sanadkaas oo noqday billowga burburka Soomaali, beegsiga biri magaydada iyo bililiqada baahday ee waxba aan baal marin, waxay astaan u noqotay sanadaha ballowga colaadaha.

Galitaankii Xabashida ee Muqdisha!

Waxaan ku labaynaynnaa maalintii Xabashidu ay soo galay Muqdisha, Ciidanka Xabashidu wuxuu horay u caadaystay inuu ku soo xad gudbo soona galo xadka uu Soomaaliya la leeyahay, gaar ahaan Goballada iyo Degnooyinka ku teedsan xuduudka sida: Goballada Gedo, Bakool, Mudug iyo Galguduud, balse 28-kii December 2006-dii waxay Ciidanka Xabashida soo galeen Magaalada Muqdisho, Xaruntii Dalka, Xuduntii Waddanka, Hoygii Umadda, maalintaas waxay ahady maalin Murugo leh, waxay ahayd maalin Tiiraanyo leh, waxay ahayd maalin Xanuun badan leh, waxay ahayd maalin Waddani kasta oo Soomaaliyeed is waydiiyey sida ay wax u socdaan, iyo sida ay wax u dheceen? Waa hubaal in waddaniyiin badan ay la ilmeeyeen maalintaas waxa dhacay, ayna ku reebtay gocosho iyo xusuus aan kala go’ayn inta ay nool yihiin.

28-ka December maalin kala barta taariiqda Soomaalida, wixii la soo maray ee sooyaal ah iyo waxa soo socda ee la xiriira aayaha, maalin taariiq cusub u billaabatay Soomaalida, maalin ay xusi doonto taariiqdu, balse, waa su’aale maxay ku xusi doontaa? Maxay ku sheegi doontaa? Maxay ku tilmaami doontaa? Siday uga warbixin doontaa?!

28-ka December 2006-dii, waxay caro iyo ciil ku abuurtay inta ay ku dambayso laabtooda dareenka Waddaninimo, heer ay ku sigteen inay is daldalaan ama is marjiyaan, Xabashidu marka ay soo galeen gudaha Magaalada Muqdisho waxay isla markiiba baro ciidan ka dhigteen: Astaamihii Qaranka, Barihii laga maamuli jiray Dalka, sida: Wasaaraddii Gaashaandhigga, oo ahayd halka laga bixin jiray amarradii dagaalkii 77-ban, ee dhax maray labada dal, waxay kaloo degeen Villa Soomaaliya, Aqalkii Madaxtooyada, taasina waxay daliil marag ma doonto ah u ahayd ujeedada gurracan ee Xabashidu la maaggan tahay Soomaaliya, bal u fiirso ciidankii huwanta ee UNISOM ee Soomaaliya yimid horraantii sagaashamaadkii, marna ma degin baro tilmaamaysa Astaan Qarannimo, sidoo kale eeg, ciidamada Ugandha waxay ku ekaadeen garoonka diyaarada iyo dekedda weyn ee Muqdisha, balse, waxa Xabashidu u dageen Wasaaradda Gaashaandhigga, Xaruntii Xisbiga Hanti Wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Villa Soomaaliya, waxay muujinaysaa danaha ay u soo galeen Soomaaliya ayna ku doonayaan inay Soomaaliya ku sii haystaan!

Soomaalidu ma waxay sugaysay 28-ka December oo kale? Xabashse ma ku soo dhacday inuu Muqdisho ku dhex maro dabbaado gaashaaman iyo cudud Military? Dabcan taas waxaa ugu yeeray Wadaadadii waallida waday, waxaana ku marti qaaday Dawladdii C/laahi Yuusuf, waa la yaab in Xabashku wuxuu xeelad iyo xoog ku qaadi waayey ay Soomaalidu u suura galiso, una sahasho sidii ay u xaqiijin lahaayeen! 28-ka December waa maalin uu la Cirroobay Sabiga Soomaaliyeed, Cirroolana uu la calaacalay, Xaamiladiina ay la dhicisay, xanuunkeeda awgeed iyo walbahaarka ay wadato darteed, 28-ka December maalin billow u ahayd dhibkii Soomaaliya ku habsaday sanadkii 2007-da, Dhimashada, Dhaawaca, Qaxa, Barakaca, Xasuuqa, iyo burburinta Hantida Dadweynaha.

28-ka December maalin mugdi galisay aayaha Soomaaliya, maalin la garwaaqsay Dulliga iyo Ducfiga ay Soomaaliya dul sabbaynayso, 28-ka December maalin dib usoo noolaysay Dagaal-oogayaashii daashaday Soomaaliya, maalin kor u qaaddayTabcanayaasha Yigreega, maalin Xushamaysay Xigaalada Xabashida.

28-ka December maalin Murugo! Maalin Naxdin! Maalin Gocosho! Maalin Xumeed! Maalin Tiiraanyo! Maalin Haydaaro! Maalin dareen! Maalin Dhiillo! Maalin walaac! Maalin Walaahood! Maalin Walwal! Maalin Balaayo! Maalin Dullinimo! Maalin Gunnimo! Maalin qiyaano! Maalin Lur! Maalin Marooro-Dillaac!

Qaraxii Hotel Shamow!

Waxaan ku sadaxaynaynnaa 03-ka December 2009 maalintaas oo qarax aad u xooggan lala beegsaday xaflad qalin jabin ah oo ka dhacaysay Hotel Shamow, qaraxaas oo ay ku naf waayeen Arday, Dhaqaatiir, Macalimiin, Wariyayaal, Waalid iyo siyaasin ay ku jiraan Wasiirro, qaraxaas oo runtii aad u gilgilay magaalada muqdisha beerayna xaalad aad u murugo badan, qaraxaas oo aan cidna sheegayn qolyaha afka duubtana ay iska wada fogeeyeen.

Qaraxaas wuxu beegsaday Dhaqaatiir markaas dhamaysay Jaamacadda Banaadir qaybta Caafiamadka oo dhiganaysay muddo shan sano ah, wuxuu indha tiray umadda oo u horseeday mugdi iyo jahli, maadaama la beegsaday Hal Aqoonyankii barri dadka u adeegi lahaa, dhacdadaan waxay ka mid noqotay dhacdooyinka aadka u saameeyey umadda Somali.

Dhacdadaan ka dib, waxaa hana qaadday SILSILADDII DEELEEY oo anigu aan billaabay,  maansadii ugu horraysay waxay ahayd “Dareen” oo silsiladda magaceedu waa: Deelleeyda Qariga 21-aad oo ay ka wayb qaateen dhalinyaro Soomaaliyeed Meerisyo ka mid ahaa Jiiftadaa waa:

Dulmigii Shaamoow

Duhurkii la weeraray

Ardadii la duubee

Darajada mudneydee

Digriigiyo aqoontiyo

Dugisayada dhammeeyeen

Ninka dilay muxuu yahay?! 

Ditoor caafimaadoo

Cudarrada daweeyiyo

Ubaxii dalkeennaan

Berri daadahaynlaa

Waalid soo daryeeliyo

Xubnaheeda dawladda

Ninka dilay muxuu yahay?! 

Wariyaha diyaariya

Farriimaha dagaalkiyo

Dirirtiyo colaadaha

Dadka u adeegoo

Daabbula dhambaallada

Nabaddana u doodaa

Ninka dilay muxuu yahay?! 

Intaa kaliya ma ahan, waxaa qaraxaa ka dib hana qaaday KOOXDA dib magacoodu ka noqon doono hees ay qaadeen qaraxa Shaamoow ka dib, oo magaceedu ahaa: “QAYLODHAAN” oo magaca kooxdu noqday: KOOXDA QAYLADHAAN.

Ugu dambayn, ma ahan bisha December mid dhacdooyinkeedu intaan ku eg ama ku kooban, balse, Aniga intaan ayaan ka soo qaatay ee qofkii wax ku daraya bal ha ku biiriyo wixii taariikh ah ee uu hayo, si loo aruurso taariikh dhaxalgal ah oo kooban si sahlanna loo heli karo.

W/Q: Bashiir M. Xersi

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

Madaxwaynaha Somalia oo maanta la kulmaya Madaxda Turkiga.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa uu kulamo la qaadanayaan Masuuliyiinta Dowlada Turkiga.

Wafdi uu hogaaminayay Madaxwaynaha ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa lagu soo dhaweeyay dalkaas oo safar lagu mincneeyay inuu yahay mid dahana labada dal laysugu  xirayo.

Madaxda Labada Dowladood ayaa maanta waxaa ay kala saxiixan doonaan heshiiska Arimo badan oo ay kamid tahay adkaynta Xiriirka labada dal.

Waxaa kale oo la filayaa in lagu lafo guro Siyaasadaha labadal,iyadoo Madaxwaynaha iyo wafdigiisa maalmo ay joogi doonaan dalkaas.

Dowlada Turkiga ayaa doonaysa inay wax la qaybsato lana jaan qaado Dowlada cusub ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxwayne Xasan sheekh

 

 

Natiijooyinkii kulamadii caawa ee Uefa Champions League.

Uefa Champions League – Group A:

Paris Saint Germain ayaa huganka ciyaarta qabatay ka dib markii uu kooxda Portugal gool ka dhaliyey Thiago Silva daqiiqadii 30aad, Jackson Martinez ayeese sedax daqiiqo ka dib u barbareeyey iyadoo uu weeraryahanka xulka Colombia sii wato la yaabka uu ka dhigayo Horyaalka Yurub, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Kooxda Faransiiska ah ayaa waxaa hugaanka ciyaarata u dhiibay Ezequiel Lavezzi, daqiiqadii 61aad. Kooxda ka dhisa Caasimada Faransiiska ayaa sidaasi ugu soo baxday kaalinta koowaad ee Group A. iyadoo leh 15 dhibcood waxaana ku xiga Porto oo leh 13 dhibcood.

Uefa Champions League – Group B:

Montpellier iyo Schalke 04 ayaa qeybtii hore barbaro goolal la’aan ah isku mari waayey walool ay labada koox iska qasaariyeen fursado dahabi ah.

Benedikt Höwedes ayaa hugaanka u dhiibay Schalke laakiin waxaa kooxda Faransiiska u barbareeyey Emmanuel Herrera,

Olympiakos ayaa waxaa gool uga naxsatay Arsenal, iyadoo uu daqiiqadii 38aad u dhaliyey Tomas Rosicky oo dhowaan dhaawac kasoo laabtay. Sidaas ayaana lagu kala shah dioontay.

Ioannis Maniatis ayaa hugaankii Gunners carro ku shubay daqiiqadii 64aad, kooxdaGreeceka dhisan ayaana hugaanka ciyaarta qabatay ka dib markii uu gool loo riyaaqo u dhaliyey Konstantinos Mitroglou daqiiqadii 73aad. Schalke ayaa kusoo baxday kaalinta koowaad ee Group-kan iyadoo leh 12 dhibcood halka Arsenal oo caawa la tumay ay kusoo baxday kaalinta labaad. Iyadoo leh 10 dhibcood.

Uefa Champions League – Group C:

AC Milan ayaa waxaa gool uga hormaray kooxda Zenit Petersburg oo marti ugu aheyd San Siro, waxaana goolka kooxda Ruushka u dhaliyey Danny. Sidaas ayaana lagu kala nastay.

Qeybtii labaad waxba isma bedelin oo sidaas ayey ciyaartu kusoo dhamaatay.

Malaga ayaa hugaanka ciyaarta kala wareegtay kooxdaBelgiumka dhisan ee Anderlechtoo marti u aheyd. Ciyaarta oo sii idlaaneysa ayaa waxaa goolka u dhaliyey Duda.

Kooxda Marti ah ayaa qeybtii labaad goolka iska soo guday markii uu magaciisa ku qoray Milan Jovanovic ciyaarta oo socota 50 daqiiqo.

Duda ayaa mar kale kooxda Spain hugaanka u dhiibay daqiiqadii 61aad, Dieumerci Mbokani ayaana u barbareeyey Anderlecht daqiiqadii sagaashanaad.Malagaayaa kusoo baxday kaalinta koowaad ee Group-kan iyadoo leh 12 dhibcood halka Milan oo kusoo xigta ay leedahay 8 dhicood.

Uefa Champions League – Group D:

Borussia Dortmund iyo Manchester Cityayaa barbaro goolal la’aan ah ku kala tegay qeytii hore  ee ciyaarta.

Dortmundayaase hugaanka qabatay daqiiqadii 57aad markii uu gool u dhaliye Julian Schieber, oo kubad baas ah ka helay Jakub Blaszczykowski. sidaas ayaana ciyaartu kusoo idlaatay.

Real Madrid ayaa hugaanka ciyaarta ka qabsatay Ajax oo marti u aheyd waxaana goolka hore daqiiqadii 13aad ku bilaabay Cristiano Ronaldo oo kubad baas ah ka helay  Karim Benzema, halka uu goolka labaad ka dhaliyey Jose Maria Callejon, oo isna kubad baas ah ka helay Modric, sidaa ayaana lagu kala nastay.

Qeybtii labaad markii la isku soo laabtay daqiiqadii 49aad waxaa goolka sedaxaad ka dhaliyey kooxda Holland Ricky Kaka oo baas ka helay Cristiano Ronaldo.

Derk Boerrigter ayaana gool usoo celiyey kooxda martida aheyd, Callejón ayaa goolka afaraad u dhaliyey kooxda ka dhisan CaasimadaMadriddaqiiqadii 88aad. Kooxda Jarmalka Borussia Dortmund ayaa kusoo baxday Kaalinta koowaad ee Grou-kan halka iyadoo leh 14 dhibcood Real ay kusoo baxday Labaad iyadoo leh 11 dhibcood,  Ajax oo shaqeysatay afar dhibcood ayaana aadi doonta Europe League.

Qur’aanka oo Yahuuda ku tilmaamaya sida Dameer. (Mucjisada qur’aanka)

Maalinba maalinta ka dambeysa Alle wuxuu bannaanka keenayaa micnaha iyo cilmiga ku hoos duugan iyo mucjisada ku laaban aayad kasta iyo xaraf kasta oo kamid ah Quraankiisa kariimka ah. Ilaahay waa diiday wax kale inuu dhameys tira oo ka sare mariya diintiisa diimaha kale oo dhan mooyaane.

Yahuuddu waxay kamid ahayd umadahihii sugayay in nebi Carbeed lasoo saari doono, kaasoo ay rumeysnaayeen in isaga lagu khatimi doono nebiyada oo dhan. Waa midda keentay in Yahuuddii reer Madiina markii uu nebigeenna suubban (NNKH) soo hijroonayay ay har iyo habeenba duleedka magaallada Yathrib (Madiina) ku sugi jireen, si ay uga qeyb qaataan kadib markii ay maqleen inuu magaalada Makkah kasoo kicitamay.
Ansaartii Madiina ee reer Al Aws iyo Al Khazraj inay Islaamaan oo rumeeyaan nebi Muxammad (NNKH) towfiiqda Alle kasokoow waxaa u sabab ahaa Yahuuddii degeneyd magaalada Madiinah, oo ku oran jirtay Ansaarta ”Waxaa lasoo diri doonaa rasuul, dhulkan ayaana laga soo saari doonaa nebigii ugu dambeeyay nebiyada, markaasaanu rumeyn doonnaa, oo aan idinka adkaan doonnaa”. Ansaartii warkaasi lagu oran jirey, markay maqleen in nebi laga soo saaray magaallada Makkah, durba way u deg degeen rumeyntiisa wayna rumeeyeen. Laakiin Yahuuddii markay waxay fileysay ka weysay iskana dhex arki waysay risaalada inay mug ku yeelata, bay dafiraad lasoo istaagtay, oo ay dafireen nebigii ay rumeysnaayeen. Alle dhowr mar ayuu Quraanka ku fadeexeeyay Yahuudda, isagoo inooga warramay inay yahiin dad khiyaana badan, una og risaalada nebi Muxammad inay xaq tahay sida ay carruurtooda u yaqaanaan oo kale.

Markii ay dafireen risaaladii Rabbaaniga ahayd, iyo nebigii Ilaahay, iyagoo og inuu xaq yahay, baa Alle meela badan uu ku fadeexeeyay, waxaana aayadaha uu Ilaahay ku fadeexeeyay Yahuudda ka mid ahaa, aayadda cajiibka ah ee 5d ee suuradda Al Jumac.

Waxay aayaddaasi leedahay sida tan

( مَثَلُ الّذينَ حُمّلُوا التُّوراةَ ثُمَّ لَمْ يَحْمِلُوها كَمَثَلِ الحِمَارِ يَحْمِلُ أَسْفاراً بِئْسَ مَثَلُ القَوْمِ الّذينَ كَذَّبُوا بِآياتِ اللهِ وَاللهُ لا يَهْدِي الْقَومَ الظّالِمِين )

”Tusaalaha kuwii loo xambaaray xilkii Towraadda (Yahuudda) ee aanan gudan ee ku fashilmay, waa sida dameer kutubbo la dul saaray, oo aanan waxba ka fahmeyn waxa dulsaaran. Baas bay lahaadeen tusaalaha qoomka beeniyay aayadka Ilaahay, Eebbana ma hanuuniya qoom dulmi badan”.  Al jumac: 5d.Subxanallaah!! Ilaahay wuxuu ku tilmaamayaa Yahuudda sida dameer kutubbo la dul saaray oo aanan habayaraatee aqoon waxa dul saaran.Aayaddan Allihii weynaa ee waxidka ahaa uu ku xusay kitaabkiisa Quraanka markii uu ku tilmaamayay Yahuudda dameer kutub dul saaran yahay, waatan xaqiiqadeeda sawir cajiib ah oo mar dhaw laga soo qaaday mehrajaan lagu qabtay magaallada Qudus ee Barakaysan, taasoo ay Yahuuddu ku soo bandhigeen dameer inta dushiisa lasoo saaray waxyaabo lagu xardhay qoraallo halku dhig ah, dabeetana ay soo qaadeen.Waxaa cajiib ah, macna ahaan kutub, ama kitaab waa wax qoran marka loo eego dhanka luqadda, sida sawirka kamuuqatana dameerka dushiisa waxaa saaran qoraal aanu waxba ka ogeyn, balse kamid ah qoraallada ay qiimeyaan Yahuudda, maadaama uu yahay halkudhig lagusoo bandhigaya mehrajaankaasi.Xilli laga jooga 1400 sano iyo in ka badan ayaa Eebbe sarreeye uu xaaladdan ay ku sugan yahiin maanta Yahuudda inoogu sheegey kitaabkiisa Quraanka. Tanina waa mid kamid ah mucjisaadka Quraanka Kariimka. Subxanallaah!!Haddii aad sawirka sii fiirisa waxaa kuu sawirmaya in dhammaantoodu aanay dameerka waxba dhaamin, waayo waxaa cajiib ah jamac intaasi dhan inay u soo lebbistaan dameer dartiis iyo xaflad loo dhigaya. Taasoo mar kale ku tusineysa xaqnimada tilmaanta ay bixisay aayaddan Quraaniga ahi. Subxaanallaah!!

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
_____________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay, qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan karo idan la’aan. 

Caqli xumada gaalada oo mareysa in Daashada MAAYA ay sheegeyso in adduunka rogmayo 21 December.

Quraanka kariimka ah sida kutubtii kale ee ka horreysay, wuxuu noo sheegay in maalin maalmaha ka mid ahi ay dunidani kharribmi doonto, nolosha dusheeda ahina ay idlaan doonto, dadka iyo jinkana dib loo soo noolayn doono si loo xisaabiyo, loogana abaalmariyo wixii shar iyo khayr ahaa oo ay faleen.

Sidoo kale, wuxuu noo sheegay in ogaanshaha maalinta qiyaaha dhici doonto in ay ka mid tahay 5 waxyaalood oo Eebbe u gaar ah, afka carabigana lagu yiraahdo “Mafaatixulgeyb” ama furayaasha waxa cillan oo cid ogaan kartaa aysan jirin.

Maalintaas waxaa degdegsada kuwa aan rumaysnaynin, kuwa aaminayna way ka baqaan, waxayna og yihiin inay dhab tahay. Sidaasoo ay tahay, haddana waxaa facebuugga ka bilowday abaabul xaflado loogu talagalay dhammaadka aduunka oo ay wadaan kooxo ku saamoobay saadaashii reer Maaya ee dhammaadka aduunka Disembar 21 2012. xiliga 11:11i Utc ama 14.11 xilliga Muqdisho.

Taariikhda kor ku xusani, waxaa soo afmeermaayo wareegga shintiriska Maaya (Mayan Calendar) oo soo socday muddo dhan 5,125 sannadood, soona bilowday 11-gii August 3114 dhalashadii Nabi Ciise ka hor.

Dadka reer Maaya oo ahaa hunuudda cas (red indians) dadka reer Muqdishana u yaqaanaan Cali Beesteen, kuna noolaa bartahama qaaradda Maraykanka,waxaa laga yaqaan wax aan badnaynin waxayse lahaayeen ilbaxnimo, kuna fiicnaayeen xisaabaadka, xiddiga, aqoonta iyo xiddigsiga intaba (astronomy and astrology).

Hase yeeshee, dad fara badani waxay rumaysan yihiin in dhaqaankaan hore ay ku qarsoon tahay aqoon u suuragelisay inay sii saadaaliyaan dhammaadka adduunka. Waxaa jira dhawr aragtiyood oo laga aaminsan yahay inay sabab u noqon doonaan burbur ku yimaado dunidaan, waxaana ka mid ah tan sheegeyso in isweydaaran doonaan cirifta waqooyi iyo tan koofureed ee dunida (Northe South Polar Shifts). Taasoo dhib keeni doonto.

Aragti kale waxay leedahay waxaa isku soo aadi doono qorraxda iyo godka madow Black Hole ee loo yaqaano (Sagitarius A) kuna yaallo bartamaha diilin caanooddaa, isjiidashadooduna uu halaag ka dhalan doono.

Qaar kalena waxay qabaan in meere lagu magacaabo: X ama Nibiru uu sammadda ka soo dhici doono, kaasoo sababi doono khasaare ballaaran.

Sida hadalhaynta saadaashaan ay u faaftay waxay keentay inay ku lug yeelato Wakaaladda Sahminta meerayaasha ee Maraykanka tasaoo baaritaan samaysay kaddib markii barteeda internet su,aallo lagu tubay, waxayna sheegtay in uusan jirin wax meere ah oo cirka ka soo socdo ama isku aad meerayaal (Planetary aligment).

Isweydaaradka cirif waqooyi iyo kan koofurana xilligan aysan dhici karin inkastoo taasi ay dhacdo 400.000 sannadoodba mar wax dhib ahna aysan u keenaynin nolosha adduunka, 21ka Disembarna ay ahaan doonto maalin caadi ah.

Hase yeeshe warbixinta Nasa ma qancin kuwa rumaysan saadaasha Maaya ee dhamaadka adduunka, kooxo isku magacaabay Surviva  Groups oo aaminsan inay ka badbaadi doonaan ayaa facebuugga ka bilaabay abaabul xaflado ay dhacdadaasi u sameeynaayaan.

Koofurta Galbeed ee dalka Faransiis buur ku taallo oo la sheegay in ciddii tagto ay ku badbaadi doonto, waxaa isku gadaamay Boolis si ay dadka uga celiyaan.

Adduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laaban?

W/Q: AHMED MOHAMED AHMED

Nani oo laga reebay ciyaartoyda Man Utd ee sanadka 2013.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Manchester United  Nani ayaa laga reebay ciyaartoyda rasmiga ah ee sanada soo aadan kooxda ku shir tegi doonto.

25-jirkaan ayaa diiday inuu qandaraaska u dheereeyo kooxda Old Trafford keenistii Shinji Kagawa iyo Robin van Persie ayaana ceel dheer kusii riday waayihiisa Red Devils iyadoo ay u muuqato inuu Sir Alex Ferguson go’aan ka gaaray.

Wararkii ugu dambeeyey ee soo baxaayey ayaa sheegay inay kooxaha Talyaaniga  Juventus iyo Milan soo bandhigeen xiisahooda ku aadan xidiga reer Portugal.

Nani ayaa kooxdiisa sanadkaan ku saftay 11 kulan tartamada oo dhan, iyadoo laga door biday Ashley Young, Danny Welbeck iyo Wayne Rooney.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu. 

Madaxwayne Xasan oo ka ambabaxay Muqdisho iyo halka uu u socdaalay.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa waxaa ay maanta ka duuleen Garoonka Aadan Cadde.

Madaxwaynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay Wasiirka Arimaha dibada Fowsiyo yuusuf Xaaji iyo Wasiirka Gaashaandhiga C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

Waxaa la shaaciyay in Madaxwaynaha iyo waftigiisa ay u kicitimeen dalka Turkiga oo dowlada Soomaaliya xiriir fiican uu kala dhaxeeyo.

Ka hor inta aysan u duulin Turkiga ayaa waxaa waraahinta lahadlay Wasiirka Arimaha dibada waxaana ay sheegtay inay u socdaan dalka Walaalaha ay yihiin sida ay hadalka u dhigtay.

Neymar: Messi ayaa ku guuleysan doona Fifa Ballon d’Or 2012.

Xidiga kooxda Santos Neymar ayaa amaaninsan inuu Lionel Messi ku guuleysan doono abaal marinta Ballon d’Or bedeka weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo kaasoo sanad wanaagsan la qaatay kooxdiisa.

Weeraryahanka kooxda Barcelona ayaa 84 gool shabaqa kusoo taabtay kooxdiisa iyo xulkiisaba sanadkaan, wuxuuna 20-jirkaani qabaa inuu xidiga heerka caalami ee dalka Argentina u qalmo in la gudoonsiiyo Abaal marinta xidiga caalamka ugu wanaagsan ka dib bandhigiisii la yaabka lahaa.

“Guuleystuhu wuxuu noqon doonaa Messi sababtoo ah wuxuu soo qaatay xilli ciyaareed cajiib ah,” ayuu u sheegay Globoesporte.

“Ronaldo wuxuu sidoo kale soo qaatay xilli ciyaareed wanaagsan si aad ah ayuuna ugu dhowaan doonaa, laakiin Messi ayaa noqon doona guuleystaha.”

Sidoo kale Neymar wuxuu ka hadlay mustaqbalkiisa inuu Yurub ku riyoonay wuxuuna yiri:

“Weli waxaan dareemayaa inaan imaanayo Yurub, laakiin weli ma aysan gaarin waqtigii ku haboonaa. Halkaan [Santos] ayaan aad ugu farax sanahay waxay u dhowdahay qoyskeyga iyo asxaabteyda.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Suuqa kala iibsiga ciyaartoydu maanta wuu xiran yahay laakiin wararka xanta ah ma dhamaadaan. Halkaan ka aqriso wararkii ugu dambeeyey ee maanta xanta ahaa.

Xanta Tooska ah ee maanta la isla dhex maraayao:

Liverpoolayaa xiisaheeda u bandhigi karta Artem Milevskiy iyadoo Dynamo Kiev ay isku diyaarinyeso inay lacag cadaan ah ka hesho bisha soo aadan (Daily Mirror)

Wesley Sneijder ayaa qarka u saaran inuu ka tago Inter Milan ka dib markii lagu guul gareystay in la xaliyo dhibaatada ka taagan qandaraaskiisa (Football-Italia)

Chelsea ayaa diyaar u ah inay Janaayo mar kale dalab u dirto Marek Hamsik oo u ciyaara Napoli (Daily Express)

Daafaca kooxda Manchester City Kolo Toure  ayaa waxaa doonaya kooxda Ruushka ee Anzhi Makhachkala. 31-jirkaan ayaa kula biiraya daafaca Manchester United Nemanja Vidic oo diirada u saarnaa Anzhi (Daily Mail)

Arsenal ayaa dooneysa inay bisha Janaayo lasoo wareegto 16-jirka qadka dhexe uga ciyaara kooxda Asker Vajebah Sakor, oo ciyaarta horyaalka heerka labaad ee dalka Norway (Daily Express)

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo 29-jirka weerarka uga ciyaara Schalke Klaas-Jan Huntelaar waxaana weeraryahanka reer Holland Janaayo lagu heli karaa 6 milyan oo ginni (Daily Mail)

Weeraryahanka kooxda Chelsea Daniel Sturridge ayaa 80 kun oo ginni in mushaarkiisa laga dhigo ku xiray inuu ku biiro Liverpool (Daily Mirror)

Juventus ayaa kula biirtay Manchester United xiisaha loo qabo 18-jirka weerarka ka ciyaara ee dakka Austria Marcel Sabitzer (Talksport)

Wenger ayaa diyaar u ah inuu Janaayo u dhaqaaqo soo xero gelinta 27-jirka weerarka uga ciyaara Newcastle Demba Ba, waxaana qandaraaskiisa lagu burburin karaa 7.5 milyan oo ginni (The Sun)

Tababaraha kooxda Borussia Dortmund Jurgen Klopp ayaa u sheegay Manchester United inay Janaayo iska iloobaan saxiixa 24-jirka weeerarka ka ciyaara Robert Lewandowski (The Sun)

United ayaa ka fikireysa inay ilaa xagaaga sugto weeraryahanka qararnkaPolandmarkaas oo uu kaga soo biirayo kooxda heysata Horyaalka Jarmalka (Daily Telegraph )

Xanta aan tooska aheyn ee maanta la isla dhex maraayo.

Manchester United ayaa dooneysa inay Janaayo iska iibiso ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Nani, 26-jirkaan ayaa laga reebay ciyaartoyda kooxda u safaneysa sanadka soo aadan (Daily Mirror)

Roman Abramovich oo waayo qasan ay ku jirto kooxdiisaChelseaayaa xalaytoole go’aansaday inuu xagaaga soo aadan Blues keeno tababaraha ay diiradu u saaran tahay Paris Saint-Germain Pep Guardiola (Daily Mirror)

Tababaraha kooxda Chelsea ayaa meesha ka saaray inuu Lakaku kooxda dib ugu soo laabto bisha Janaayo inkastoo ay dhibaato ka heysato dhanka weerarka (Daily Mirror)

Ma jeceshahay inaad maalin walba la socoto wararka xanta ah ee suuqa la isla dhex maraayo, naga soo booqo www.caasimada.net, Isha wararka sugan.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu. 

Askari dhaawacay Taliya sare oo ka tirsan ciidamada Dowladda.

Cali Xersi Barre” Cali Gaab” taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka ee Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaawacmay kadib markii risaas la dhacay.

Degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir ayaa lagu waramayaa in uu Falkaan ka dhacay  kadib markii askariga ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay qoriga iskula dhageyn Taliyaha sidaasna uu dhaawaca usoo gaaray.

Rasaasta ayaa lagu soo waramayaa in ay taliyaha ka haleeshay qaarka sare ee jirkiisa  waxaana  loola cararay isbitaaljka Daarul Shifa ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo.

Dhawaaca taliyaha warar aan ka heleyno waxaa ay sheegayaan inuu yahay mid sahlan oo saacadaha soo aadanba uu ka soo baxayo isbitaalka.

Stevan Jovetic oo sheegay inuusan ka tegeyn Fiorentina.

Weeraruyahanka kooxda Fiorentina Stevan Jovetic  ayaa sheegay inuusan meelna uga socon kooxda Talyaaniga ka dhisan.

23-jirkaan ayaa lala xiriirinaayey Juventus iyo Manchester City bilihii lasoo dhaafay, laakiin wuxuu qirtay inuusan dooneyn inuu ka tago Viola.

“Halkaan ayaan ku fiicanahay,” ayuu u sheegay Rai Sport.

“Kamategi doono.Kama fikiraayo wax quseeya inaan baxo, xittaa hadii aanan garaneyn waxa dhici doona nolasheyda.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu. 

Arsene Wenger oo Janaayo suuqa ugu jira afar ciyaaryahan.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa doonaya inuu bisha soo aadan lasoo saxiixdo gool dhaliyaha kooxda Schalke Klass-Jan Huntelaar wuxuuna kusoo heli karaa 6 milyan oo ginni.

Xidiga heerka caalami ee qarankaHollandayaa waxaa si is daba joog ah furintaankii xilli ciyaareedkan u dhaawanaayey wakiilo ka socda Arsenal.

Manager Wenger ayaa waqti dheer isha ku haayey 29-jirkaan weerarka ka ciyaara wuxuuna ku fashilmay inuu waqti hore lasoo saxiixdo.

Ka dib markii uu la tashi la sameeyey wakiilka u qaabilsan indha-indheyna Steve Rowley, tababaraha Arsenal ayaa go’aan  ku gaaray inuu Janaayo dalab u diro ninka ka ciyaara weerarka dhexe. Qamndaraaska Huntelaar wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka.

Dhanka kale Wenger wuxuu isha ku hayaa inuu amah kula soo wareego Thierry Henry halka uu doonayo inuu 9 milyan oo ginni kula soo saxiixdo ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Crystal Palace Wilfried Zaha.

Gunners ayaa sidoo kale suuqa ugu jirta inay lasoo wareegto goolhayaha kooxda Liverpool Pepe Reina kaasoo loo maleynayo inuu noqdo gool ilaaliyaha dooqa koowaad ee Wenger.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu. 

Man Utd oo loo sheegay inay iska ilaawaan saxiixa Lewandowski.

Manchester United ayaa loo sheegay inay Janaayo iska iloobaan saxiixa weeraryahanka Borussia Dortmund Robert Lewandowski.

SunSport ayaa horaantii sanadkaan ogaatay inuu Alex Ferguson xiiseynaayo weeraryahanka reer Poland.

Tababaraha kooxda Jarmalka Jurgen Klopp ayaana arinkaas xaqiijiyey balse wuxuu qiray inaysan waxba dhici doonin ilaa xagaaga soo aadan.

Saxaafada dalka Jarmalka ayaa shalay soo jeedinaayey in la isku fahmay inay Red Devils 12 milyan oo ginni kusoo qaadato 24-jirkaan. Fergie ayaana marar badan daawaday xidigaan, marka lagu daro Manchester City oo bishii October iyana daawatay.

Laakiib tababare Klopp ayaa yiri: “Kamabaqaayo inuu naga tago. Halkaan ayuu joogi doonaa ilaa Janaayo.

“United waa mid ka mid ah kooxaa soo bandhigay xiisaha ay u qabaan laakiin kama welwel qabo. Qandaraaska uu nagula jiro.

“Waqtigaan kooxo badan oo qani ah ooEnglandka dhisan ahaa halkaan yimid si ay isugu dayaan inay ciyaaryahano fiican kaga kexeystaan Germany, laakiin Allah ayaa og in waqtigii la  gaaray.”

Waxaa qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

Schurrle oo xagaaga soo aadan ka hor aan ku biireyn Chelsea.

Xidiga kooxda Bayer Leverkusen Andre Schurrle, ayaan bisha Janaayo ku biiri doonin kooxda Chelsea laakiin waxaa macquul ah inuu ku biiro xagaaga soo aadan, sida laga soo xigtay Aabihi.

Weeraryahanka ayaa lasoo sheegayey in qandaraaskiisa la burburinaayo kaasoo u ogolaanaya inuu dhamaadka xilli ciyaareedka ka dhaqaaqo Germany hadii ay kooxdiisu ku hesho 28.5 milyan oo ginni.

Leverkusen, oo kaalinta labaad kaga jirta Bundesliga, ayaa isku deyi doonta inay iibiso Schurrle deyrta gudeheeda hadii ay ku helaan qiimo sare.

Kooxda heysata Horyaalka Yurub Chelsea ayaa faa;iido ugu jirtaa waxaana la ogyahay inay isku dayday inay lasoo saxiixayo xagaagii iyadoo ay ku dhibaatooneysay wax tar xumida Fernando Torres ayey mar kale macquul tahay inay dalab cusub u diraan.

Aabaha dhalay Schurrle, Joachim, ayaa meesha ka saaray inuu xidigiisu ka tago Jarmalka ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka, wuxuuna u sheegay Express newspaper: “Waxaan heysanaa waqti nagu filan ilaa xagaaga soo aadan.

“Ilaa xagaaga soo aadan, ma jirto sabab aan u dhaqaaqno.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Arsenal oo Janaayo lasoo saxiixaneysa Damba Ba.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa Janaayo u dhaqaaqi doona saxiixa weeraryahanka kooxda Newcastle United Damba Ba, sida uu qoray wargeyska The Sun.

Macalinka Arsenal ayaa fahamsan inuu weraryahanka qaranka Senegal ku heli karo 7.5 milyan oo ginni taasoo ah lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa Newcastle.

Wenger ayaa weerarkiisa Premier League la dhacsaneyn tan iyo markii uu Gunners ka dhasqaaqay xidigii reer Holland Robin van Persie oo haatan u ciyaara Manchester United.

Arsenal ayaa sidoo kale diyaar ula ah xidigaan mushaar dhan 60 kun oo ginni isbuucii.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

FAALLO: HOGGAAN HABBOON IYO HOGGAAMIYE HUBBAN !!!!!!

Hore waxaan u qormay qormo ahayd: “Foolal cusub iyo Faro Caddaana” oo aan ku cabbiray in inta dagaal iyo dirir ka qaybqaadatay aan talo iyo xil naloogu dhiibin, isla sidoo kale aan xil naloogu dhiibin inta musuq iyo is daba marin samaysay. Qormadii xigtayna waxay ahayd: “Haraadigu yuusan kala harin!” oo aan ku xarriiqay in aan kuwii xilka hore u soo qabtay aan dib loo soo celin. Haddaba qormadan gunaanadka u ah halbeeggaa, ayaan ku qeexi doonaa HOGGAAN la’aan inaan dhibkan laga baxayn, ee aqris wanaagsan.

Arar

“Muran dawlad noqon waa
Madax noo samayn waa
Manhaj gaara noo diid
Hiddihii mudnaa iyo
In la mooso Dhaqankii
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!”       

Waxaan la isku diiddanayn, in MOORYAANKU yahay QASADE dhib uun ka shaqeeya. Labadii meel isugu timaad MOORYAANKA inay isla Nacladaan ma ahane, isagama hor yimaadaan. JIRRUGU inuu yahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan dawlad Soomaaliyeed, xasilooni iyo ammaan in la helo ayaan isku raacsannahay, balse, sidaa ma ahan, ee bal aqriste, waxyar qoraalka hoos u sii raac, aad ogaatide.

Sida labadan qodob la isugu waafaqsan yahay, ayaa waxaa jirta qodob liddi ku ah oo aan soo bandhigayo, anoon meel dheer ka doonayn, oo isla DAYDAYGII tusaale u soo qaadan doona. Haddaan MOORYAAN lahayn HORJOOGE ku haga xumaantaa iyo QOLO ku taageerta miyaa JIRRI dhalan lahaa? Haba dhashee, miyuu dhibkan gaysan lahaa? Ha gaystee, miyuu sii joogtayn lahaa? Haba sii joogteeyee, miyuu noqon lahaa lama taabtaan aan la hurin? Illeen wixii baddalkiisa gali lahaa ayaa meesha ka maqane, oo maxay yihiin? Waa midda aan ku faaqidi doona qormada, ee bal aqriska ha joojin.

Maamul iyo Hoggaan

“Inaan Mayrax diirnoo

Haruub Maraq la’aadoo

Makaabiga la gooyoo

Maamuuska laga tago

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!”    

MAAMUL waa: “Hagidda iyo hirgalinta qorshe xilli dhaw ama xilli fog la tiigsanayo”. Dabcan, qorshe maalimeedkuna yahay yoolka koowaad, illeen haddaan iyada la fulin inta kale inay dhaqangalaan waa: CALAACAL TIMA KA SOO BAXAANE! Sida awgeed, maamulkii wanaagsanaadaa, wuxuu helay HOGGAAN, oo haddaa HOGGAANNA muxuu yahay?

HOGGAAMINTU waa: “Unugga isku xira koox, qolo, qayb isku shaqo ah ama dan wadaag ah” sidoo kale, waxaan marna laga maarmin in aan sheego HOGGAAMIYAHA, oo ah unugga aan xusnay qofka gunaddiisa leh. Haddaba HOGGAAMIYE waa: “Qof loo xilsaaray ama isu xilqaamay hagaajinta iyo meelmarinta qorshe nololeedka Aadanaha”. Wuxuu leeyahay meel uu higsanayo, hadaf uu tiigsanayo, ujeeddo uu bartilmaameedsanayo oo ah: Dajinta qorshooyin la xiriira aayaha dambe iyo mustaqbalka foodda inagu soo haya, saadaasha, sahaminta iyo odoroska yool aan hummaaggiisu muuqan, illeen; qorshe la’aani waa nolol la’aane.

In kasta oo casrigan qaab nololeedka dadku aad u hormartay, ay jiraan shuruudo badan oo hoggaanka, hoggaaminta iyo hoggaamiyahaba lagu xiro, haddana, kuwaa iyo kuwa dib ka imaan kara ama kuwo laga gudbayba sida loo nool yahay awgeed, waxaa biyo kama dhibcaan ah, in hoggaamiyaha aan GACAN LAGU SAMAYN, SANDUUQ DOORASHANA laga soo dhex bixin, ee ay tahay ABUURIS iyo BAXAALLI hore, amase DHALSHO iyo GEELADAAQ u gaar ah, oo dabcan ay wehliso WAAYO ARAGNIMO iyo KHIBRAD nololeed, bal murtidan dhuux: “Dadku waa : Madax ku Cirroole [Waayeel] Maan ku Cirroole [Waayo arag] iyo Mijo ku Cirroole [Dalmar/Dhulmareen]”.

Dhibka Soomaalida la degay ee isugu jira faragalinta shisheeye, shisheeye kalkaalka, qabyaaladda iyo dhimaalka dhaqanka, si kale haddaan u dhaho: lagdanka gudaha iyo loollanka dibadda ka sokow, waxaa jira arrin muhim ah, oo aan wali lagu baraarugin, haddaan taa xalkeeda la helinna aan xalka Soomaaliya soo degdegayn, haddii uusan qar dheer iyo haadaan ka sii dhicin. Arrinta lagu baraarugi waayey waxay tahay: HOGGAAMIYE u qalma inuu Soomaliya hoggaansho, ama ugu yaraan leh astaan hoggaamiye.

Hoggaamin habboon

“Maarayn xumaataa

 Mashaqiyo abaar iyo
Mawd wadara kaba daran!

Maqaar saarka joogiyo

Madaxtooyo aan jirin

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!”      

Murti dhaxalgal ah oo Soomaaliyeed baa tiraa: “Xukun waxaa kaa qaada: GAR QALLOOCAN, GACAN LAABAN iyo GUDDOON JILICSAN” guddoon jilicsan loogama jeedo inaad dadka ku amar ku taaglayso ama aad kali taliye noqoto! Balse, waxaa looga jeedaa inaadan noqon in go’aan jilicsan ee inta go’aan qaata haddana ka laabta.

Saddaxda qodob ee murtida ku jira, midba si baa loo hirgalshay, walise ma dhicin in mid qura ama dhammaantood sida murtidu u sheegayso loo hirgaliyey, iyadoon la xadgudbin ama lagu talaxtagin. Marka waxaan dhihi lahaa xal raadinta Soomaaliya ha lagu daro HOGGAAMIYE RAADIN, macnaheeda ma ahan in la MACMALI karo, balse, in HOGGAANKA ruuxa qabanayo nala ka eego, si aan mar walba u dhicin: “Jugjug meeshaada joog”.

Inta aysan ila durgin qormadu, ayaan jeclaan lahaa inaan duljoogsado dhawr qodob oo muhim u ah HOGGAAMIYAHA, si HOGGAANKU u noqdo wax ku ool miradhala, waxayna yihiin:

  • Isku kalsoonaan.
  • Qorshayn qoran.
  • Go’aan qayaxan.
  • Aragti qeexan
  • Barashada xallinta dhibaatooyinka
  • Dhimrin & Dhimirqab

Bal anagoo ka duulayna qodobbadan dhawrka ah, maxay aqriste kula tahay inay ku sifaysan yihiin madaxdii hoggaanka dalka soo qabatay iyo kuwa iminka hayaba? Waxaad ogaataa sida ay u muqan yihiin qodobbadani, waxaa u maqnaan doonaa in aan helno maamul iyo dawlad, magac wuu jiraa, wuuna jiri doona, balse, marna lagama yaabo in laga gudbo JIRRI iyo jaafaa liq.

Aqriste, haddaan aragti iyo qodob kugu badshay, aan kuu daadajiyo waaqica iyo xaalka dhabta ah ee jira. Astaamahan waxaan ku dabaqi doonnaa madaxda joogta, illeen kuwii tagay ee qaarkood dhulka ka hooseeyaan [GEERIYOODEEN] nooma jawaabi karaan, qaarka WALI dhulka kor joogana [NOOL] maba oga ama maba garan karaan wixii dhacay, siday u dheceen iyo waxa keenay ama sababaye! Maxaa yeelay hadduu intaa ogyihiin sida xaalku ku dhammaaday kuma idlaadeen, ee waxayu ku dadaali lahaayeen inay wax badalaan, si loo helo xal degdeg ah iyo xasillooni waarta.

Madaxda dawladda ugu sarraysa maalmihii xilka looga tanaasulay ama loogu shubay ama loo magacaabay, dadka qaar waxay u ahayd maalmo ISBADAL, haddana, ma sheegi karaan waxa isbadalay, iska daa inay garanayaane! Illeen wixii la garanayaa la sheegaaye, haddana, bal aan la gurinno, si aan naloo dhihin waxaad tihiin dawlad diid iyo qaran dumis! [QASWADE] Oo ayaamahan Moodo iska noqotay, oo sida muuqata badashay eragii ahaa: KACAAN DIID ama TAWRAD DIID!

Madaxdan waxaan ku eegaynaa qodobbada kala ah: ARAGTI QEEXAN, QORSHAYN QORAN IYO GO’AAN CAD. Weydiinta ugu weyni waa: marka aan eego arrimo badan oo Waddanka ka jira, sida: AMMAANKA CAASIMADDA, CIIDANKA KENYA, XAALADDA JUBBOOYINKA, DIB U DEJINTA QAXOOTIGA IQB, Qodobbadan iyo kuwa kale, maxay ka qabteen madaxdan? Ma la yimaadeen aragti qeexan? Ma laga helay qorshe qoran? Ma qaateen go’aan cad? Waxaan filaa warcelinnadu inay wada noqonayaan MAYA, oo haddaa, xaggee Salaaddu iska qaban la’dahay?.

Iyagoo ka gaabshay qodobbadan iyo kuwa la midka ah ee nolol maalmeedka aan ka maqnaanin karin ayey dhankii qalcoonaa u fekereen, illeen miyir fayoobi haddii la waayo waxaa imanaysa maan guran, maskax gurracan iyo mayal adayg aan majare iyo meel loo raaco lahayn.

“Maamul aan hoggaan qabin
Majarihii hagaayiyo
Marjicuu u laabtaa
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!”   

Dayaca jira, dumarka iyo weeyaalka meel walba daadsan, Agoonta iyo cirroolaha aan aagaan iyo agab midna haysan, Muqdisho oo noqotay Magaalo Qaxooti dhexda, dhinac iyo dhan walba ka deggan yihiin ayaa Baarlamaanka lagu sheegu in 70% ay yihiin AQOON YAHAN badalay QABQABLAYAASHII lana gaaray xilligii ISBADALKA waxay doonayaan inay u codeeyaan inay MUSHAAR u qaataan bil walba SHAN KUN DOLLAR 5.000$.

Midda marag ma doontada ah waxay tahay in xubnaha Baarlamaanka ay kala yihiin; GANACSATO, qaarkood ay u soo dagaan Maraakiib iyo Doomo, oo haddaa ma wuxuu u baahan yihiin lacagtaa? Qaar kale, waxay madax ka yihiin ama la shaqeeyaan hay’ado maxalli iyo dawli ah, oo iyaguna ma waxay u baahan yihiin lacagtaa? Waxaa kaloo jira mudanayaal deegaankooda rasmiga ahi yihiin dalal shisheeye, oo haddaa miyuusan is dabbari karin? Kaba muhimsane, maxay ku mutaysteen lacagtaa, iyagoon wali hal mooshin oo nuxur leh ansixin? Anigu ma garan.

Madaxdii ka tirsanayd dawladdii hore, Madaxweynuhu wuxuu bil walba qaadanayey mushaar dhan BOQOL KUN OO DOLLAR, halka Wasiirka koowaad qaadanayey TODOBAATAN KUN DOLLAR, Guddoomiyaha Baarlamaankuna qaadanayey SIDDEETAN KUN DOLLAR, Ra’iisul Wasaaruhuna qaadanayey TODOBAANTAN KUN OO DOLLAR, waaba iga su’aale; fadeexo arrinkan ka weyn yaa arkay?. Hore waan u sheegay haddana waan ku celinayaa, waxaa lagama maarmaan ah in la caddeeyo lana xaddido Mushaarka Madaxda Dawladda, sidoo kale, waxaa damiir la’aan ah, nin asaguba Xamar Qaxooti ku ah inuu iska qaato lacag uusan mudnayn? Oo maxaan uga jeedaa? Bal aan jilciyo.

“Madaxdoonka waashee

Marras aan u diirayn

Maato aan u jixinjixin

Maangaabka urursada

Moogahaan wax dhaadayn

Inuu naga dhex muuqdoo

Mabda’eena dumiyaa

Isu taago madaxnimo

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan
!”  

Dawladdu waa FEDERAL “GOBOLAYSI” mudane walba, wuxuu matalaa deegaan, sidaa awgeed, waa inuu mushaarka ka keensado deegannada uu ku matalo Baarlamaanka ama Xukuumadda, maxaa yeelay, suuragal ma ahan in maalin walba loo soo taagnaado DEKEDDA IYO GAROONKA MUQDISHO Canshuuraadka laga soo qaado, ama deeq dunidu bixiso, oo kaalay dalku Dekado iyo Garoommo kale ma lahan miyaa? Miyeysan jirin meelo kale oo Canshuuro shacabka looga qaado? Miyeysan joogin mudanayaal ka soo jeeda deegaannadaa?.

Midda kaba muhimsan baa ah, horta xildhibaanka yaa soo doortay? Waxaa keensaday ODAY Canka Buuri ugu jiroo, Shaarbbo Galoolanoo Dabo ku Rays leh, haddaba, Xildhibaanka doonaya mushaar, ha u doonto Odagaa soo magacaabay? Aan sii ballaarshee, ha u doonto Beesha uu ka dhashay ee meesha keensatay, illeen maamulka dawladdu wuxuu ku dhisan yahay waa afar iyo bar oo ka dhigan beelee.

Horta waaba su’aale, Dekadda iyo Garoonka Muqdisha ma Qaalli baa u qoray inay baxshaan mushaarka dawlad walba ee la dhiso? Mise sheekadu waa; SIDII HA AHAATO, HALKIINA HA JOOGTO! Run ahaan waa wax aan suuragal ahayn in marna dadka FEDERAL “BEELAYSI” lagu tatajiyo, marna, aan qodobkii ugu muhimsanaa ee DHAQAALAHA la xiriiray la dhaqangalin.

Aqriste, aan kuu jilciyee horaba  FEDERAL “BEELO” ah ayaan  u ahayn, oo beel weliba  dhib iyo dheefteeda gaar ayay u qaybsan jirtay, illeen heer; Qoys, Raas, Jilib, Jufo iyo Beel guudba ayaa loo wadaagaaye, waxayna leeyihiin  BOQOLLEEY ay wax ku qaybsadaan, haddaan xubnihii dalka maamulayey ku qaybsannay, maxaa diidaya in dhaqaalaha soo gala iyo kan baxayaba aan ku qaybsanno beel?! Aqriste, xal ma u aragtaa? Waan dareemaa inay adagtahay.

Aqriste, ha is dhihin HOGGAAMIYE ayaad noo waddaye, maxaad Baarlamaan mushaarkooda u gashay? Waxaan kuu sheegayaa in; qof walba HOGGAAMIYE ka yahay meesha uu AGAASIMO, sidaa awgeed, baan u arkay inay tahay muhim xusidda arrintan, waliba aan ku daro xalkeeda oo saxan, dhanka qaraar iyo dhanka qummanba, illeen waxaa habboon inaan marna runta laga gabbane.

“Inta miririflaysee

Loo dhiibin Maqalee

Mirif loogu imanayn

Mood xoolo nooliyo

Maksab lagu ogaynee

Miraaqyada holcaaya

Inaan madax ka dhiganaa

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!”       

Dhammaad. 

W/D: Bashiir M. Xersi

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

MAXAA KEENA AF-QURUNKA?

Af-qurunka ama waxa loo yaqaanno “Halitosis” waa xaalad qofku ka soo saarayo afkiisa hawo uraysa, taasoo ka duwan af-urka subaxii lala soo tooso, kaasoo ku baab’a naadiifinta ilkaha.

Af-qurunka ma laha wax xuduud ah, umana kala sooco dadka da’dooda, noocooda iyo xaaladooda dhaqaalaba, intaa waxaa sii dheer in af-qurunku u keeno qofka niyad jab aad u daran taasoo keensanaysa in qofku ka fogaado dadka iyo la hadlakoodaba, xitaa uusan u sheeganin dhibaatadiisa dhakhaatiirta.

Badanaa niyad jabkaan waxay ka dhalata in dadka qaba af-qurunka aysan dareemi karin dhibaatada haysata illaa ay ka ogaadaan dad kale. kadibne ay keensanayso in ay ka go’aan bulshahda kana doorbidaan kalinnimada.

Maxaa keeno af-qurunka?

Waxaa loo kala qaadaa sababha keeno af-qurunka laba qeybood oo kala ah:
Caafimaad darro ka baxsan ilkaha
– Infekshan ama caabuq ku dhaca jeebabka sanka iyo afka u dhaxeeyo (Sinusitis) ama qalad ka jira qaab-dhismeedka lafta oo qofku ku dhashay.
– Qooman
– Sanbabada oo qofku ka jiranyahay (khaas ahaan cudurrada malax-samayska ee sanbabada “suppurative lung diseases)
– Hawlgabka kilyaha (qashinkii kilyaha jirka ka saari jiray oo hawo ahaan loo soo saaro sida kaadida “urea”)
– Hawlgabka beerka (qashinkii beerka jirka ka saari jiray oo hawo ahaan loo soo saaro)
– Cudur ku dhaca dhiigga
– Sonkorowga
– Xamiitada oo jirata
– Kaankaro
– Cillaad dheefshiid
– Cunnooyinka qaar

Caafimaad darro ka timid ilkaha
– Bolol ilkaha ah
– Ciridka oo jirran
– Infekshan ilkaha ah ama carun
– Kaankarada ilkaha
– Af-qaleelka (daawooyinka iyo cudurrada qaar ayaa keeno af-qaleelka)
– Daawooyinka sanka lagu dhibciyo
– Xasaasiyada cabburka keento
– Bakteeriyda hawo la’aanta oo ku badato afka ama sanka

90% oo ka mid ah waxyaabaha keeno af-qurunka waxay ka timaadaa bakteeriyada qurmiska oo afka ku korto, taasoo ka dhalata cudurrada aan kor ku soo xusnay.

Daaweynta af-qurunka

Si loo ogaado waxa keenay af-qurunka waa in la helo lana baaro haddii ay jiraan caafimaad darro ka timid xagga ilkaha kadib ayaa loo gudbi karaa wayaabaha kale ee keeni karo af-qurunka.
Sidaa darteed waxaa u baahantahay marka ugu horreyso inaad u tagto dhakhtar ku takhasusay ilkaha.

Ka hortagga af-qurunka

Ilaali caafimaadka ilkahaaga, cadayso inta aadan jiifan iyo markiii aad ka soo kacdaba.

Hadii aad iksu aragto caalamada kale ee la socdo af-qurunka la socodsii dhakhtarkaaga.

Af-qurunku ceeb ma ahan waana cudur la mid ah cudurrada kale, kumana xirna nadaafad darro ee dhakhtar u tag una sheeg waxa aad dareemeysid.

Iska ilaali af-qalleelka, una sheeg dhakhtarkaaga daawooyinka aad qaadato.
Calaanji xanjada si afkaaga qalleelka uga baaba’o una yeesho calyo.

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed