25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Howshii goglidda Cows-ka Garoonka K/Cagta oo billaabatay + Sawirro.

Khabiir ka socda shirkada dhismaha garoomada kubada cagta ee dagan dalka Holland Greenfield ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu u gogolo cowska garoonka kubadda cagta Koonis, oo uu ku socdo dhisme lagu maal gelinayo mashruuca FIFA ee {WIN IN AFRICA WITH AFRICA} kaasoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalkii ugu dambeeyay Africa eeka faa’iideysanaya sida uu sheegay xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Khabiirkan dhinaca farsamada Goglista Cows-ka ah ee lagu magacaabo Lex Vander iyo madax ka socotay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo ay hogaaminayeen xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab iyo xubin guddiga fulinta ahna madaxa tartamada Cali Cabdi Maxamed (Shiine) ayaa maamuusay bilaabida howsha dhigista cows-ka munaasabad ka dhacday garoonka gudihiisa maanta.

Mr. Lex vander ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho Jimcihii lsoo dhaafay waxaana garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cade kusoo dhaseeyay xoghayaha Guud Cabdi Qani iyo madaxa tartamada Cali Shiine.

“Maanta halkan ayaan joognaa si aan u hubiyo aas aaska iyo shaqada dhismaha ee horay usii socotay kaddibna waxaan bilaabi doonaa howsha dhigista cows-ka—sida iiqu qoran jadwalka ay FIFA isoo siisayna waxaan ku rajo weynahay in dhigista cowska aan soo dhameeyo 20-ka bisha December”ayuu yiri khabiirka oo horay ugusoo guuleystay cows dhigista garoomo badan oo ku yaala Africa.

Madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, masuuliyiinta Shirkada EMECO ee la siiyay qandaraaska local-ka ah iyo khabiirka ayaa yeeshay kulan saacado qaatay oo looga hadlayay arrintan sidii loogusoo gabagabeyn lahaa mudadii loo qorsheeyay, iyadoo madaxda xiriirku ay sheegeen in ay waajib tahay howsha in waqtiga loogu tala galay ay kusoo dhamaato.

“Shaqada dhismaha waa in lagusoo gabagabeeyo mudada todobaadyada ah ee khabiirku sheegay—ma aqbali kareyno in shaqadu ka dib dhacdo mudada hada u qorsheysan—FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxay doonayaan in ay helaan garoonka oo cowsku saaran yahay bishan 20-keeda”ayuu yiri xoghayaha guud oo kulankaa ka hadlay.

Xoghayaha guud waxaaa uu intaa ku daray in marka khabiirku soo dhameeyo cows dhigista kaddib ay shirkada EMECO bilaabi doonto dhismaha qeybihiisa kale sida VIP-da, dhismaha weyn ee ciyaartoyda qaranku ay ku xaroon doonaan, Baar garoonku yeelan doono iyo qeybaha kale ee dhismaha wareega ka harsan”ayuu yiri xoghayuhu.

Waxaa uu xoghayuhu sheegay in qeybta VIP-da ay ka koobnaan doonto laba qeybood oo kala ah qeyb ay madaxda sare ee dalku fariisan doonaan sida madaxweynaha, ra’isul wasaaraha, guddoomiyaha xiriirka iyo hadii ay mustaqbalka dalka yimaadaan maddax ka socota FIFA ama CAF, halka qeybta kalana ay fariisan doonaan masuuliyiinta kale ee dowalda iyo kuwa xiriirka.

“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu aad usoo dhaweynayaa talaabada FIFA ku horumarineyso kubada cagta Soomaaliya, FIFA waxay mar kasta garab taagneed Soomaaliya oo ah dal dagaalo si ba’an u halakeeyeen—FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed waxay muddo dheer ku taamayeen in mar uun ay arkaan horyaalka Soomaaliya oo lagu qabanayo garoon Stander caalami ah leh waana dheceysa taansi mar dhow insha Allah”ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay xoghayaha guud Mr.Cabdi Qani Saciid Carab maanta.

Waxaa uu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu aad ugu rajo weynyahay in cayaaraha caalamiga ah uu ku marti geliyo dalka gudihiisa laga bilaabo sanadka dambe waxaase taasi ay imaaneysaa hadii xaalada amaan ee dcalka soomaaliya ay hagaagto.

“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu balan qaadayaa in shirkada EMECO iyo khabiirkanba uu la garab istaago wax kasta oo caawimaad ah si uu ugu fudueeyo in ay howsha ugu gutaan si wanaagsan uguna dhameeyaan waqtiga loo qorsheeyay ”ayuu xoghayaha guud ku yiri war saxaafadeedkiisa.

Sababo la xariira dagaalo ka dhacayay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxaa hakaday dhismihii garoonkan dabayaaqadii sanadkii 2009-kii kaddib markii mintidiinta Soomaaliya ka dagaalnata ya la wareegeen garoonka islamarkaana qaateen dhamaan qalabklii dhismaha ee yaalay.

Howsha dhismaha xiligaas 50% ayaa la dhameystiray laakin wax kasta kaddib waxay noqdeen in meel Eber ah lagasoo bilaabo.

Shaafici Muxuyadiin Abuukar

Email:[email protected]

Daawo Sawirrada Cows-ka, markii ugu horeysay ee la keenay dhowr bil ka hor.

Maxay Wasaaradda Sport-igu u eegeysaa fool xumada Xulka?

Waxaa mar waliba sii kordhaya guuldarrooyinka ay la soo kulmaan wiilasha ku cayaaraya magaca Xulka Qaranka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo sanad kasta marka ay ka qeyb galaan tartan Sport dhabarka loo soo saariyo goolal fara badan, iyagoo aan ka gudbin wareegga koowaad.

Guuldarradaas ay sanad waliba la soo kulmaan xulka Qaranka Soomaaliyeed xilli cayaareed walba waxa uu sharaf dhac weyn ku yahay ummadda iyo dalka Soomaaliya ee ay magacooda ku cayaarayaan, taasoo sida muuqata aanay jirin cid wax ka qabanaysa.

Ma aha wax lagu faano oo kaliya ka qeybgalka xulka Qaranka Soomaaliya ay ka qeyb gelayaan tartamada caalamiga ah ee waxaa loo baahan yahay in ay  guullo  soo hooyaan, taasoo aanay muuqanin amaba aan laga sugeynin xulka Qaranka Soomaaliya oo ay maamul xumi weyni harreysay, haddii aanay dowladdu soo fara gelinin ama cid kale oo u istaagta aan la helin ay xaaladdu heerkan mid ka sii liidata ku sugnaaneyso.

Sida la ogsoon yahay xukuumadihii dalka soo maray waxa ay la daalaa-dhacayeen sugidda amniga iyo dagaalladii dalka ka jiray oo Sport inuu jiro iyo inuusan jirinba wax war uma aysan heynin oo maba ogeyn, inkastoo wasaarad Sport oo si macmal ah u taagan ay lahayd xukuumad waliba, haddana ma ahayn kuwo shaqooyinkii loo igmaday ka soo dhalaala, waxaana taas ka faa’ideystay shaqsiyaad gaar ah oo gacanta ku dhigay Sportiga Soomaaliya, kuwaasoo NGO-yo u samaystay, dhaqaalana ku soo aruursada iyagoo aan kala jeclayn in uu guulaysto Sportigeena iyo in laga guulaysto, kaliyana eeganaya dhaqaalaha ay ku soo qaadanayaan magaca Sportiga Soomaaliya oo inta badan ay jeebabka ku shubtaan.

Shaqsiyaadka isku bahaystay NGO-ga Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed waxaa xirfadahooda ka mid ahaa inay xitaa heshiis la galaan wasiirradii Sportiga ee 22-kii sano ugu dambeeyay dalka soo maray kuwaasoo ay waxoogaa ka siiyaan dhaqaalaha, kana dalbadaan inaysan Sportiga soo fara gelinin sidaasna ay ku xalaalaystaan gacan ku haynta maamulka Sportiga Soomaaliya oo NGO ahaan ay ugu qaraabtaan, iyagoo ku soo hela lacagaha ugu badan ee cayaaraha lagu bixiyo oo magaca Qaranka Soomaaliyeed ay ku cunaan, iyadoo sanadkiiba la siiyo lacag dhan 250-kun oo dollar, taas oo loogu  talo galay horumarinta kubadda cagta soomaaliyeed, hase yeeshee aanay cidi ogeyn meesha ay ka baxdo, waxaana nasiibdaeeo ah in aanay jirin cid la xisaabtamaysa, maadaama ay iska jeeb garteen wasiirkii qaabilsanaa sportiga.

Inkastoo la oran karo Wasaaradihii Sportiga ee soo maray xukuumadihii dalka Soomaaliya ka hanaqaaday way dayaceen xilkii ka saarnaa Sportiga,  gaar ahaan Xulka Qaranka K/cagta Soomaaliya oo tartan kasta oo ay ka qeyb galaan guuldarro kala soo kulma ayaa haatan xukuumaddan cusub wasaaraddeeda Sporti waxaa laga sugayaa inay dhulka ka qaaddo Sportiga Soomaaliya, iyadoo dadku isweydiinayaan su’aasha ah “Maxay Wasaaradda Sportiga u eeganaysaa fool xumada soo wajahda xulka Qaranka Soomaaliyeed…?

Dowladdu ha ogaato in NGO-ga  maamula xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ay ku dhaqmaan oraahda ah “Maxaa iga galay” {macnaha ha soo badiyaan ama halaga badiyo}, waayo kaliya waxay dani ugu jirtaa dhaqaalaha faraha badan ee ay ku soo qaataan magaca xulka Qaranka Soomaaliyeed.

Tani waxa ay mar waliba niyad-jab weyn u tahay taageerayaasha Soomaaliyeed ee jecel Sportiga, fool xumana ku tahay Qaranka Soomaaliya, inkastoo guuldaradaas aysan ahayn wax ku cusub dhagaha dadka Soomaaliyeed ee jecel Sprotiga haddana rajo lagama quustee hala daba qabto xulka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana xukuumaddan cusub gaar ahaan wasaaraddeeda Sportiga ka sugeynaa in ay wax ka qabato arrintan muragada Qaran ah.

Laga soo bilaabo sanadkii 2000 ilaa 2012 xulka Kubadda cagta ee Soomaaliya dhammaan tartamadii CECAFA CUP ee uu ka qeyb galay mar kaliya ayuu guulaystay, mar kalena barbar-dhac ayuu galay, waxaana murugada heysata taageerayaasha iyo dadka jecel ciyaarta Kubadda cagta ay sii korodhay tartanka imminka ka socda dalka Uganda oo xulkeena saddexdii kulan laga badiyey, laguna leeyahay (-12 Gool) oo dusha loo saariyey, iyadoo cayaartii ugu dambeysay oo ay 1-dii bisha Disember la yeesheen xulka Tanzania 7 – 0 loogu awood sheegtay, taas oo muujinaysa awood yarida ka muuqata iyo diyaargarowga liita oo ay soo sameeyeen, taasoo ay mas’uuliyaddeeda leeyihiin madaxda Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya.

Ayaandarada ku habsatay xulkeena ayaa waxay tahay iyagoo ka sii hooseeyaa xulka Koofurta Suudaan oo ay tahay markii ugu horreysay oo ay ka soo qeyb galaan tartanka CECAFA  CUP.

Walow kubaddu cad iyo madow tahay, haddana way nagu badatay guuldarada xulkeenee dowladdu haku dedaasho tayada iyo tacliinta ciyaartoyda Soomaaliyeed, waxaana muhim ah in tallaabo sharciyeysan laga qaado, isla markaana lala xisaabtamo ragga caadeystay in qaab NGO ah ugu shaqeystaan magaca xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, kuwaas oo lumiyey magacii iyo sharaftii uu xulka Qaranka Soomaaliya ku lahaa dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika CECAFA CUP.

By: Caaqil Dalmar 

[email protected]

[email protected]

Maxaa guul darrada baday xulka K/cagta Soomaaliya?

Dalka Soomaaliya waloow uu burburay hadana waxaa intaasi dheeraa dhibaatada uu kala kulmayay caada qaatayaasha oo saameeyay dhankasta haday ahaan laheyd siyaasadda dalka iyo dhanka arrimaha bulshada.

Hadaba xulka qaranka Soomaaliyeed ayaa joogteeyay sanadihii burburka in guul darro loo sii saadaaliyo ciyaar kasta oo ay isku diyaariyaan taasoo rumowda marka lagu soo garaaco in ka badan gool ilaa inta ay quusanayaan kuwa wata calanka quruxda badan ee Soomaaliya.

Markaad maqasho xulka qaranka Soomaaliya ayaa la ciyaarayo xul kale way adagtahay inaad guul saadaaliso, waxaana taasi marqaati looga dhigan karaa niyad xumida ay qabaan dadka Soomaaliyeed oo quus ka taagan horumar ay hiigsadaan ciyaartooyda Soomaaliyeed.

Qofkastoo aad weydiiso ciyaarta Soomaaliya ay la dheeleyso xul kale wuxuu kuugu hadal gaabinayaa “Waaba laga soo badinayaa hee naga daa hadalkooda”, waxaana taasi ugu wacan hab xulista ciyaartooyda oo aan loo maareyn qaab cadaalad iyo sinnaan ku dhisan.

Qaabka loo soo xulo ciyaartooyda qaranka Soomaaliya.

Xulka qaranka sidaannu wada ogsonahay waa magaca matalayo Soomaali weyn meel ay joogto, waxaana loogu tala galay in ciyaartooyda laga soo xulo dhamaan gobollada dalka Soomaaliya si ay dalka oo dhan u matalaan.

Sida warar hoose ay sheegayaan, ciyaartooydii ugu dambeysay ee ka qeyb galay koobka bariga iyo bartamaha qaaradda Africa, ayaa waxaa laga xulay hal degmo oo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, marka laga soo tago labo ciyaartooy oo kaliyah.

Ciyaartooydaasi ayaa waxaa ay natiijadoodu noqotay in lagu soo dubto goolal nagtu aanay maqli karin, ilna qabashadeeda daaye, waxaana si cad u muuqaneyso in xadgudbyada kubadda cagta ee Soomaaliya ay dhaawacyaan qaranimada iyo shgarafta calanka Soomaaliyeed.

Ciyaartooydaasi ka qeyb galay koobka bariga iyo bartamaha qaaradda Africa, ayaa muddo sanad ah tababar ku qaadanayay garoon ciyaareed ku yaallo Jamhuuriyadda Djibouti, iyagoo mararka qaarna tababar nafis ah ku qaadanayay Muqdisho.

Sida xog hoose aan ku helnay horraantii sanadkan 2012, ayaa ciyaartooy da’yar oo qurbaha ka timid, una muuqday in qibrad ay u leeyihiin kubadda cagta waxay tageen dalka jabuuti gaar ahaan garoonka lagu tababarayay xulka Soomaaliya waxayna codsadeen in lagu daro liiska ciyaartooyda laakiin dhiirra galin iyo aqbalaad ay helaan iska daaye waxaa loola dhaqmay si ka baxsan muwaadinnimada Soomaaliyeed.

Dhallinyaradaasi oo markii horeba iska soo urursaday qaaradda Yurub ayaa iyagoo niyad jabsan ku laabtay wadamadii ay ka kala yimaadeen, waxaana ay qaadeen cuqdi ku aadan in dalkooda aan laga qadarin wanaagga iyo horumarka.

Maxaa laga dhaxlay Masuqa ciyaartooyda?

Ciyaartooyda waxay guul gaari karaan marka ay heystaan macallin xushmeeya oo ula shaqeeya qaab wanaagsan oo iyaguna ay ixtiraamaan, laakiin waxaa taasi badalkeeda booskii macallinimada Soomaaliya la wareegay sanadkan 2012 macallin ka soo jeeda dalka Uganda oo si iskiis ah u milkiyay booskii macallinimo ee Macallin Geelle.

Sidaan ognahayba ciyaartooyda qaaradda Africa, ee ka qeyb galay kulamadii ay Soomaaliya safka kaga jirtay waxaa xulkastaba uu ballan qaad iyo niyad dhis ka heystay hogaanka dalkiisa uu ugu sarreeyo madaxweynaha dalkastaba.

Xulka Soomaaliya in Madaxweyne, wasiir,xildhibaan ama gudoomiye u hambalyeeyo ee xitaa ma heystaan kalsoonida mid kamid ah madaxda Soomaalida, waxaana eedda ugu badan qaadan karo xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya oo aan waqti ku bixin soo xulista ciyaartooyd hami leh oo lagu soo xulo qaab cadaalad ah.

Sanadkan 2012, waxaa xulka Soomaaliya uu ka qeyb galay kulan taariikhda xun ee Soomaaliya meel muuqata ka galay, wuxuuna noqday sanad uur ku taallo ku reebay bulshada Soomaalida oo niyad xumi ku reebay ciyaartooy badan oo hami ka lahaa ciyaaraha Soomaaliya.

Kulankii koowaad waxay Soomaaliya wajahday dalka Burundi, waxaana lagu fiiqday 5-1, waxaana soo xigay kulankii ay qaabishay xulka Sudan oo ku soo dhamaaday 1-0, waxaana lagu tilmaamay ciyaartaasi midii ugu fiicneyd waloow markastaba la taagnaa shabaqa Soomaaliya, iyadoo guul darradii ugu dambeysay 7-0 looga soo dhexsaday dalka Soomaaliya kadib kulan ay wajaheen xulka Tanzania.

Ciyaartaasi ugu dambeysay waxay farriin u dirtay inta Soomaalinimo sheegato oo qaarkood waa intii garoonka Kampala joogtaye ay ku reebtay uur ku taallo iyagoo ka xishooday calankii ay ku soo labisteen iyo magacii ay wateen ee Soomaaliya.

Guul darrada maxaa nabaday?

Waloow Soomaaliya ay soo mareen dad magac ku leh ciyaaraha nuucyadooda kala duwan sida Cabdi bile Cabdi iyo ciyaartooy kale oo caan ka ah dunida hadana waxaa wali leys weydiinayaa maxaa Soomaaliya guul darrada u joogteeyay su’aashaasi waxaan hordhigay Wariye Ilyaas Cali Cadaani oo warbixinno dhowr ah ka qoray Ciyaaraha Soomaaliya, aadna u falaanqeeya arrimaha Sports-ka.

“Waxaan oran karnaa waxaa dillooday dadkeena Soomaaliya masuqmaasuq ku saabsan, Qabiil, Lacag, Nin jecleysi iyo kanaa ii dhaw, marka waxaan dhihi karnaa tusaale ayaan u heysannaa in laga gudbay waqtigii ay Soomaaliya ku hoos jiri laheyd cagaha dadka danta gaarka wata” ayuu ku jawaabay Mr Ilyaas.

Si looga gudbo guul darrooyinka loona gaaro guulo taariikhda galo maxaa la gudboon madaxda ciyaaraha Soomaaliya, markale ayaan su’aashaasi weydiiyay Wariye Ilyaas.

“Sida aan wada ognahay ciyaartooyda Soomaaliyeed, ma heystaan niyad dhis kaga yimaado madaxweyne, ama masuul kale, tusaale ahaan ciyaartooydii ka qeyb gashay tartanki bariga iyo bartamaha Africa, waxaa qaarkood ballan qaadyo u sameeyay xukuumadihii ay matalayeen, qaarkood waxaa garoomada keenay madaxdoodii sida madaxweynaha Sudan oo illaa garoonka diyaaradaha ciyaartooydiisa geeyay” ayuu yiri markale.

Soomaaliya sanadkan waxay nasiib u yeelatay In calankeeda ay geyso garooman caalami ah iyadoo soo bandhigtay hab ciyaareed cusub sida ciyaartii olombic-kada aduunka iyo ciyaartii ka dhacday dalka Qadar oo ay gebdhaha Soomaaliya meel wanaagsan gaareen hadaba ma la oran karaa dowrka ciyaartooyda qaarkood wuu muuqdaa?

“Haa, maxaa yeelay waad ogeyd, sidii ay gebadha Soomaaliyeed uga soo muuqdeen tartankii ka dhacay dalka Qadar, gebadhahaasi runtii waxaa laga keenay dibadda, waxayna qibrad wanaagsan u lahaayeen ciyaarta ay soo bandhigayeen” ayuu ku soo koobay wariye Ilyaas.

Inkastoo sanadkan 2012-ka uu taariikh ku leeyahya dalka Soomaaliya, isla makraasina la helay dowlad taam ah waxaa wali jirta saameynta iyo masuqmaasuqii 21-kii sano ee la soo dhaafay dillooday dalka Soomaaliya, waxaase rajeyneynaa in laga sii gudbi doono sanadka dambe insha allah.

 Isha: Salaamanews.com

Maxaa Muqdsiho loola yaabaa, Haddii New York ayba sidan tahay?

Haddaad mar walba la yaabaneyd waxa Muqdisho xabadda iyo rabashadaha daba dhigay, waxaa la yaab leh in magaallooyin la moodo kuwa amni ah ay iyaguna dhibkooda qabaan.

Markii ugu horeysay taariikhda la xusuusto, ayaa magaalada ugu weyn dalka Mareykanka ee New York, waxaa soo martay maalin aysan ka dhicin wax dambi rabshado ah.

Afhayeen u hadlay waaxda Booliiska magaalada ayaa sheegay in Isniintii ( 26-ka November), ay ahayd maalintii ugu horeysay taariikhda la og yahay oo uusan wax dhiig ah ku daadan magaalada.

Ma jirin qof la dilay, toogasho dhacday, mindiyeyn ama dhacdo kale oo rabshad ah oo ka dhacday New York isniintii tagtay.

Inkasta oo bishii July ay dilalka cirka isku shareereen, ayaa haddana magaalada waxa ay rajeeneysaa in sanadkan uu noqdo kii ugu dilalka yaraa, tan iyo 1960-kii.

Xagaagii lasoo dhaafay waxaa lagu naaneesay “Summer of blood” (Xagaagii dhiiga”, sababo la xiriira sida dilalka ay u kordheen darteed.
Rabshadaha waxa ay sare uga kaceen magaalada 3%.

Hase yeeshee, dilalka ayaa hoos u dhacay 23%, mark loo eego sanadii tagtay, taasi oo ah heerkii ugu hooseeyay muddo ka badan 50 sano.
366 qof ayaa lagu dilay magaalada New York sandkan, oo weli ay bil ka harsan tahay, taasi oo ah war wanaagsan, marka loo eego sanaddii tagtay oo la dilay 472 qof.

Magaalada New York waxaa ku nool 8 milyan oo qof.

W/Q: Ahmed Ali Sheikh

Qurbaha & Doorka maqan ee Aabaha (Sheeko xiiso leh: Wiil iyo Aabihii)

Mudo iminka laga joogo sannad iyo badh ayaan boggaga internetka ee Soomaalida qaarkood ku qoray maqaal aan ciwaan uga dhigay “Aabo La’aanta Qoysaska Qurbaha”. Ujeedada ugu weyn ee aan ka lahaa maqaalkaasi waxa uu ahaa in bulshada Soomaalida ee qurbaha deggan aan ku baraarujiyo asbaabaha keenay in aqalo badan oo ka mida aqalada Soomaalida ee qurbuhu ay ahaadaan aqalo aan aabo joogin. Waxa kale oo aan ku soo bandhigay maqaalkaas dhibta ka iman karta arinkaas. Mar labaad ayaan jeclaystay in aan ku noqdo mawduucan sababtoo ah mudadii intaas ka danbaysay maalinba maalinta ka danbaysa waxa soo if baxaya in doorka aabaha Soomaaliyeed oo si toos ah ama si dadban uga baxay dhismaha qoyska Soomaaliyeed (khaastan kuwooda ku nool wadamada Galbeedka) uu ka mid yahay waxyaabaha asaaska u ah dhibaatooyinka Soomaalida deggan wadamada Galbeedka.

Aabo .. Saacad waqtigaaga ah maad iga iibin!!

Waxa la soo wariyay in uu jiray aabo waqtigiisa oo dhan galiyay xoogsi aduun. Waqtigiisu waxa uu u qaybsanaa waqti uu shaqeeyo iyo waqti uu hurdo. Goor hore waqti ay caruurtiisu hurudaan ayuu aqalka ka ka bixi jiray. Wuxuuna soo noqon jiray xili ay caruurtiisu seexdeen. Inkasta oo aabahaa iyo caruurtiisu ay isku aqal ku noolaayen hadana way adkayd sida ay isku arkaan.

Habayn habaynada ka mida ayaa inan ka mida inamadiisii uu aabihi sugay ilaa uu ka soo hoyanayay. Inanku waxa uu u soo jeeday in uu aabihii u soo bandhigo arin(in mudo ah) culays wayn ku haysay. Aabihii markii uu aqalkii soo galay waxa uu arkay inankiisii oo xili danbe suggaya. Doodan soo socota ayaa dhex martay aabihii iyo inankiisii:

Aabo: (oo yaaban) Aabo waa 12 kii habaynimo ee maxaa caawa xiligan ku soo
jeediyay.

Inan: Aabo waan seexan Kari waayay!

Aabo: Aabo siday wax u jiraaan miyaad xanuun sanyasaa?

Inan: Aabo maya ee arin aan rabay in aan in muddo ahba ku waydiiyo ayaan la seexan Kari waayay!

Aabo: Aroorta ayaynu ka sheekaysan arinkaas…waan daalanahay iminka ee aabo orod seexo! Berito ha inoo ahaato Insha Allah (waanu iska sii dhaqaaqay).

Inan: Maya, aabo ma seexan karo caawa ilaa aan jawaab u helo arinkan?

Aabo: (Aabihii oo xanaaqsan) waa maxay su’aashaadu?. Dhakhso! maantoo dhan baan soo shaqaynayay …. waan daalanahay barina shaqo ayaa i sugaysa ee… bal soo daa su’aashaada!

Inan: Aabo su’aashaydu waxa weeye..…. saacadii imisa doolar ayaad horta ku shaqaysaa?

Aabo: (isaga oo ka yaaban su’aasha inankiisa) arinka aad la seexan wayday ma kaas baa aabo?!

Inan: Haa.. aabo su’aashaas ayaa I wareerisay oo hurdada ii diiday!

Aabo: (isagoo wali yaaban) labaatan doolar ayaan saacadii qaataa ee maxaad ka rabtaa lacagta aan sacadii ku shaqeeyo!

Inan: (lacag yar oo uu uriyay ayuu shandad yar oo uu sitay ka soo saaray) aabo laba doolar ma i siin kartaa?

Aabo: (oo cadhaysan) arinka aad la seexan wayday ma in aad laba doolar I waydiisataa (labdii doolar ayuu u soo tuuray markaas buu yidhi) waa inoo beri ee orad seexo.

Inan: (Lacg yar oo uu ururiyay intuu ku daray labdii doolar ee aabihii siiyay ayuu aabihii u taagay oo uu ku yidhi) aabo hoo $20 ….oo saacad waqtigagaa ah iga iibi.

Doorka Maqan ee aabaha qurbaawiga ah:

Sheekadani in kasta oo ay tahay mid la khayaaliya hadana waa mid soo gudbinaysaa sawir kamida xidhiidhka ay qaar ka mida aabayaasha Soomaaliyeed la leeyihiin ubadkooda. Intoodii fiicanayd waaba inta ku mashquushay shaqo iyo xoogsi. Kuwaas waaba loo garaabi …laakiin sidee loogu garaabi inta badan ee ay aqalkoodii iyo tarbiyadii caruurtooda ay ka mashquuliyeen makhaayadaha kofeega lagu cabo (ee siyaasada lagaga doodo) iyo goobaha qaadka lagu cunaa?

Meelaha ay ku kulmaan ragga Soomaalidu ee lagaga doodo siyaasada geeska aynu ka soo qaxnay waxaad arki iyadoo meel la kala fadhiisto aanay jirin…laakiin marka ay timaado meelaha lagaga hadlo dhibaatooyinka haysta bulshada Soomaaliyeed ee qurbaawiga ah waxuun baad la kulmi hooyooyin(iyaguna haba yaraadeene). Iskuuladii cida caruurtii gacanta haysaa waxa ay u badan yihiin dumar. Macaamadihii Quraanka caruurtii waxaa keeni hooyo. Barmaamijyada caruurta iyo qoysaska meelaha lagaga hadli waxaa soo buuxin dumar. Meelihii cibaadada iyo khayrkii ragii waa ku yaraadeen.

Hadaba Su’aashu muhiimka ah ee aan ku soo gabagabayn maqaalkaygani waxa waxa weeye ma siyaasada geeska iyo goobaha sheekada ayaa odayaasha qurbaha ku nool kala waynaatay tarbiydaynta, barbaarinta caruurata iyo hogaaminta qoysaskooda. Waa su’aal aan jawaabteeda u dhaafi aabo kaste oo qurbaawi ah!. Maqaal kale ayaan ku eegi doonaa doorka aabahu uu ku leeyahay tarbiyaynta caruurta.

Siciid Cali Axmed
E-Mail: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Wafdi kasocday Dalka Jabuuti oo gaaray Gobolka Hiiraan.

Wafdi kasocday Jabuuti ayaa waxaa uu maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Jabuuti C/kariim Maxamed Kaamil ayaa Wafdiga hogaaminayay waxaa kale oo ka qayb ka ahaa Wafdiga Taliyaha hay’adda Nabadsugida dalka Jabuuti Xasan Saciid, abaanduulaha ciidamada Sakariye Sheekh Ibraahin iyo mas’uuliyiin .

si dhab ah looma shaacin ujeedka wafdigaan ay u tageen Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi Hiiraan laakiin  waxa ay booqanayaan xarumaha ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti.

Masuuliyiinta Maamulka Gobalka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya ayaa halkaasi kusoo dhaweeyay,iyadoo wafdiga loo kaxeeyay Xerada ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Jaale oo ah duleedka Magaalada Beladweyne.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Jabuuti ayaa halkaasi kulan kula leh masuuliyiinta maamulka Gobalka Hiiraan oo ay kawada hadlayaan arimaha dhanka Gaashaandhiga iyo howlgalka ciidanka Jabuuti.

Muxuu Qeybdiid ka yiri Afduubyada Galmudug & Puntland (Dhageyso)

Madaxwaynaha Dowlad Gobaledka Somaliyeed ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa Shalay si wacan loogu soo dhaweyay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Galmudug, kana hadlay Afduubyada ka socda Magaalada.

Soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa ka Qeyb galay Qaatay Madaxwayne Ku Xigenka Galmudug Cabdi samad Nuur Gulled, Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmad Basto, Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada Galmudug iyo Sarkiisha Ciidanka Galmudug.

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa waxa uu Ka hadlay Arimaha Amaanka Galmudug iyo Afduubyadii ugu Danbeyay ee ka Dhacayay Galkacyo, isagoona sidoo kale shegay in si sharuud la’aan ah lagu Soo Daayo Mawaadiniinta Galmudug iyo Puntland ee ku la Afduuban Libada Dhinac.

Madaxwaynaha Ayaa sidoo Kale Tilmaamay in Muqdisho uu Kula Soo Kulmay Madaxda Dowlada Soomaaliya kalana Hadlay Arimaha Siyaasada Galmudug iyo Sidii Loo Hormarin laha Deganada Dowlad Gobaledka Galmduug.

Isku soo wada duboo Madaxwayanaha Galmudug aya la filaya Dhawan in uu Shacabka Galmudug kula Hadlo Goob Fagaao Ah isla markaana Warbixin uu Ka Siiyo Shacabka Galmudug Wixii u Soo Qabsoomay intii uu Ku Sugnaa Magalada Muqdisho ee Xarunta Jamhuuriyada Soomaaliya. Dhagayso-Codka-Madaxwaynaha-Galmudug-Cabdi-Xasan-Cawale-Qaybdiid

Xeefow “Wixii maanta ka dambeeya ma jiraan Ciidamo Ahlu-Sunna”

Wixii maanta ka dambeeya ma jiraan wax la yiraahdo ciidamo Ahlu-Sunna, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ururkaasi.

Hogaanka ururkaasi ayaa maanta xaqiijiyay in dhammaan ciidamadii kooxda ay si rasmi ah ugu biireen ugana mid noqdeen ciidamada Dowladda Federaalka Somalia.

Guddoomiyaha Fulinta Ahlu-Suuna Sheekh Maxamed Xeefoow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku warramay in taasi ay timid kadib markii heshiis uu dhex maray Ahlu-Sunna iyo Dowladda.

Guddoomiyaha Ahlu Sunna Waljameeca ayaa warfidiyeennada u sheegay in iminka ay socdaan shirar ay leeyihiin dhammaan Ahlu Sunn, isagoo hoosta ka xariiqay in dhawaan Muqdisho uu ka howlgali doono xafiis ay ku mideysan yihiin guud ahaan Culumada Ahlus Sunna si ay u dar-dargaliyaan wada shaqeyn dowladda Soomaaliya.

Tani waa tallaabo siyaasadeed oo muhim oo ay qaadeen Ahlu-Sunna, sababtoo waxaa iminka iyo wixii ka dambeeyay mushaharka ciidamada Ahlu-Sunna uu dusha ka saaran yahay Dowladda Somalia, sida uu sheegay Xeefow.

Go’aankii madaxweyne Xasan oo loogu banaanbaxay Muqdisho.

Banaanbaxaan oo ay dhigeen gudiga gaadiidleyda  gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dhamaan dadka dhigayay banaanbaxa ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin soo dhaweynta hadalkii madaxweynaha iyo sida maamulada degmooyinka u fuliyen.

Waxay ku dhawaaqeen ‘Dooni meyno isbaaro,yaan lasoo celin isbaaro” iyo erayo kale oo ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin qaadista isbaarada.

Masuuliyiinta ka hadashay goobta banaanbaxa uu ka dhacay ayaa waxay ka codsadeen masuuliyiinta dowlada inay dhameystiraan isbaarooyinka yaala degmooyinka kale ee gobolada dalka Soomaaliya.

Waa banaanbaxii ugu weynaa oo ay dhigaan gudiga gaadiidleyda gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho,kaasi oo lagu soo dhaweynayo qaadista isbaarooyibkii yiilay magaalada Muqdisho.

Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Suuqa kala iibsiga ciyaartoydu hada waa uu xiran yahay, laakiin ma dhamaadaan wararka xanta ahi, halkaan kala soco wararkii ugu dambeeyey ee wargeysyadaEnglandka qoreen suuqa kala iibsiga.

Xanta tooska ah ee la isla dhex maraayo.

Raheem Sterling ayaa ka careysiiyey tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ka dib markii uu 17-jirkaani ka gaabsaday inuu qandaraas cusub kooxdiisa Reds u saxiixo (Daily Mirror )

Manchester City ayaa si dhow xidigaan isha ugu heysa xilli laga wada xaajoonayo qandaraaskiisa (Daily Mail)

Arsenal ayaa jeclan laheyd inay Janaayo lasoo sxiixato 30-jirka goolka u qabta Liverpool Pepe Reina oo ay ku doonayaan 10 milyan oo ginni (The Sun)

Tababaraha Everton David Moyes ayaa qirtay inuu soo dhaweynaayo fursad uu mar kale kula soo saxiixdo 30-jirka daafaca uga ciyaara Man City Joleon Lescott, wuxuuna doonayaa inuu amah ku radsado (Daily Telegraph )

24-jirka daafaca kaga ciyara Torino Angelo Ogbonna,  ayaa sheegay inuusan dooneyn inuu Turin uga biiro Manchester United inkastoo ay kooxda Old Trafford aaad u baadi goobeysay (Talksport)

Manchester United ayaa lasoo werinayaa inay talaabo kale u qaaday 18-jirka daafaca uga ciyaara Anderlecht Dennis Praet,  kaasoo sideed kulan xilli ciyareedkaan kusoo bilowday (Metro)

Weeraryahanka kooxda Tottenham Jermain Defoe ayaa sheegay inuu White Hart Line kusoo dhoweyn lahaa kabtankii hore ee xulka England David Beckham, 37-jirkan ayaa wadahadalo la bilaabay Manoco (Evening Standard)

Tababaraha Tottenham Hotspur Andre Villas-Boas ayaa sheegay inuusan qorsheyneyn inuu lasoo saxiixdo kabtankii hore ee xulka England David Beckham (SkySports )

Manchester United ayaa Janaayo dalab u direysa xidiga kooxda Shakhtar Donetsk Willian, wuxuuna doonayaa inuu ku garaaco Tottenham iyo Chelsea oo xidigaan si aad ah loola xiriirinaayey (Caught Offside)

Robert Lewandowski ayaa diirada u saaran Manchester United. Saaxiibada xidiga reer Polandayaa u sheegay inuu isaga tago Borussia Dortmund dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Qandaraaskiisa Dortmund wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo aadabn, United ayaana rajo ka qabta inay ku hesho lacag ka yar 12 kii milyan oo ay xilli ciyaareedkii hore kula soo wareegeen saaxiibkiisa Shinji Kagawa (Daily Mail)

Wararka xanta ah ee aan tooska aheyn.

Tababaraha Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa u sheegay Wayne Rooney inuu kusoo laabto waayihiisii gool dhalinta 27-jirkaan ayaa ku bilowday xilli ciyaareedkiisii ugu xumaa sagaal sano oo uu Old Trafford joogay (Daily Mail)

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa u sheegay ciyaartoyda Liverpool inay goolal u dhaliyaan kooxda ka dib markii ay 18 jeer shabaqa soo tabteen 14 kulan, in ka badan kala bar goolashaas waxa dhaliyey Luis Suarez (Liverpool Echo)

Manchester City ayaan qorsheyneyn inay lasoo saxiixato ciyaaryahan ka tirsan Barcelona inkatoo ay dhowaan isku dubaridihii Barca Ferran Soriano iyo agaasimhihoodii kubada cagta Txiki Begiristain madax uga dhigeen kooxda Etihad Stadium (Marca)

Hadii aad jeceshahay inaad maalin walba la socoto wararka xanta ah ee suuqa la isla dhex maraayo naga soo booqo www.caasimada.net, Isha wararka sugan.

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Deco: Scolari wuu soo celin doonaa Brazil-tii caalamka.

Deco ayaa tababare Luiz Felipe Scolari ugu hambalyeey inuu noqday macalinka xulka Brazil wuxuuna u rajeeyey tababarihii hore ee Palmeiras  inuu wax wanaagsan ka sameeyo xulka KoonfurAmerica.

64-jirkaan ayaa jagadaan loo magacaabay markii xilkaan laga diray Mano Menezes xilli uu xulka Selecao marti gelinaayo koobka aduunka markiisii labaad, waxayna markaan macalin ka dhigteen ninkii usoo qaaday koobkii aduunka ee 2002dii lagu qabtay Japan iyo South Korea.

Brazil ayaan aheyn xulkii aduunka ka yaabinyey waayo, laakiin ciyaaryahanka qadka dhexee ee Fluminense, oo Scolari kala soo shaqeeyey Portugal iyo Chelsea ayaan la dhacsan siyaasada macalinkaan.

“Waxaan nahay saxiibo isku dhow, Waxaan u maleynayaa inuu Felipao ku fiican yahay kubada cagta Brazil wuxuuna iga soo caawiyey xirfadeyda,” ayuu ciyaaryahankii hore ee Barcelona u sheegay ESPN Brasil.

“Sanado badan ayaan soo wada shaqeynay, sidaas darteed waa qof aanan ilaawi Karin.

“Waan rumeysanahay fikrada ah inuu dib usoo celin karo taageerayaashii Selecao, waana qof yaqaana sida loo sameeyo shaqadaas. Inuu xidigo da’yar xulka kusoo daro ayaa ah inuu soo celiyo xulkiiBrazil.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

 

Man City oo isha ku heysa xaalada qasan ee Sterling.

Manchester City ayaa si dhow isha ugu heysa xaalada qandaraaska ciyaaryahanka Liverpool Raheem Sterling iyadoo uu xidigaan tababare Brendan Rodgers ugu baaqay inuu qandaraas cusub kooxda u saxiixo.

Rajada Rodgers ayaa ah inuu si heysto ciyaaryahankan oo 18 jir noqonaya maanta, wuxuuna ka carooday inuusan xidgaani kooxda ka qabalin inuu qandaraas cusub la galo.

Wargeyska Sportsmail ayaa ogaaday inay Sky Blue ciyaaryahankaan si dhow isha ugu heyso ayna ka fikireyso inay dalab u dirto bisha Janaayo hadii aan la xalin dhibaatada qandaraaskiisa.

Xidigaan ayaa kulan la qaatay agaasimaha maareynta Liverpool Ian Ayre kaasoo ahaa kiulankii labaad, waxaana laga yaabaa in wax uun la isla meel dhigo bilowga isbuucaan.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

Ferguson: Rooney waa inuu goolal badan dhaliyaa.

Xilli uu la socdo xaalka Lewandowski, tababare Ferguson ayaa u sheegay Weyne Rooney inuu u baahan yahay inuu dib ugu soo laabto gool dhalintisii.

Xidiga heerka caalami ee dalka England ayaa sedax gool dhaliyey 14 kulan oo uu u ciyaaray United, halka mid ka mid ah goolashaas Rigoore aheyd.

Sir Alex Ferguson ayaana Wayne Rooney u carabaabay inuu gool dhalintiisii dib u soo celsho ka dib markii uu noqday mid ka mid ah weeraryahanadii sida xun ku bilowday.

Inuu 14 kulan sedax gool ku dhaliyo marka lagu daro goolku laad, waa marxaladiisii bilow ugu xumeyd sagaalkii sano ee uu joogay Old Trafford,

Xilli ciyaareekii lasoo dhaafay Rooney, waqtigaan oo kale wuxuu lahaa 12 gool, tirade uu haatan Red Devils u dhaliyey Robin van Persie xilli ciyaareekiisii ugu horeeyey. Laakiin Weyne wuxuu caawiye ka ahaa lix gool oo Premier League ah sanadkaan.

“Waan ku farax sanahay inuu ciyaarta qeyb ka yahay wuxuuna ka qeyb qaadan karaa guusha kooxda, laakiin sida muuqata waa inuu dhaliyaa goolal intaan ka badan,” ayuu yiri tababaraha United.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

SAF oo ay ka go’an tahay inuu Man Utd keeno Lewandowski.

Weeraryahan Robert Lewandowski ayaa mar kale diirada u saaran Manchester United. Sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Xidiga reer Poland ayey saaxiibadiis kula taliyeen inuu ka tago Borussia Dortmund dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Ka dib markii laga diiday dalabyo xilli ciyaareekii hore uga yimid United, kooxda Jarmalka ayaa aqbaleysa inay lumiso hugaamiyahooda.

Heshiiska uu kula jiro Dortmund wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo aadan, United ayaana rajo ka qabta inuu qimaha xidigaan ka yaraado 12 milyan oo ginni oo ay horay ugu soo qaateen saaxiibkiis Shinji Kagawa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Sir Alex Ferguson ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu 24-jirkaan Lewandowski weerarka Red Devils kula lamaaniyo Robin van Persie, iyadoo uu Wayne Rooney ka caawnayo booska quudiyaha taasoo uu doonayo inuu ku abuuro weerarka ugu xooga badan Premier League.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

 

LA Galaxy oo aan dooneyn Lampard xilli ay Kaka rabto.

Rajadii aheyd inuu Frank Lampard kooxda LA Galaxy ayaa u muuqata mid burburtay, kooxda ciyaarta Major League Super ayaa waxay aragtaa David Beckham oo berri ciyaaraya kulankiisii ugu dambeeyey ee Galaxy marka ay Houston Finalka MLS Cup Final ku qaabilaan Los Angeles.

Galaxy ayaa dooneysay inay kabtankii hore ee England bedel uga dhigto xidiga qadka dhexe ee kooxda Chelsea Super Frank Lampard. Iyadoo uu qandaraaska Stamford Bridgeee 35-jirkaan dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Laakiin ninkii lix sano ka hor Mareynkanka usoo dhaqaajiyey Beckham ayaa sheegay inay Lampard ka door bidayaan Kaka sababtoo ah wuxuu ku maneeyey xidig kooxda taariikhda u geli kara shacbiyada uu ku leeyahay Los Angeles awgeed.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

Man Utd oo Janaayo dalab u direysa kubad sameeye Willian.

Sir Alex Ferguson ayaa lasoo werinayaa inuu doonayo inuu lasoo wareego kubad qaabeeyaha kooxda Shakhtar Donetsk Willian wuxuuna diyaar u yahay inuu saxiixiisa ku dagaalamo 24-jirkaan reer Brazil, sida uu qoray wargeyska Caught Offside.

Kooxaha ka dhisan London Chelsea iyo  Tottenham ayaa bilihii lasoo dhaafay si aad ah loola xiriirinaayey xidigii hore ee Corinthians, Blues ayaa saxiixiisa hami kale ka galay markii uu Laba gool kaga dhaliyey Stamford Bridge, Man United ayaana hada dooneysa inay saxiixiisa kaga adkaato ayna dalab u dirto bisha Janaayo.

Fergusonayaa doonaya inuu kooxdiisa qadka dhexe ka adkeeyo gaar ahaan booska kubad sameeyaha oo ay ka liidato Red Devels maadaama ay inta badan ku tiirsan tahay kubada garbaha ka yimaada,

United ayaa xilli ciyaareedkii hore Gacmaha PSG ku weysay xidigii qaaliga ahaa Lucas Moura, Tababare SAF ayaana doonaya inuu bedelkiisa u qaato Willian kaasoo uu doonayo inuu keeno Premier League ka dib markii uu horumar ka sameeyey Ukraine.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

Dhismaha Jubbaland State oo soo dhowaaday + 5 Guddi oo la dhisay + Tirada ergooyinka oo la shaaciyay.

Shan guddi oo diyaarin doona furitaanka shiweynaha dhismaha maamul goboleedka Jubbaland State, ayaa la aas aasay, ayada oo dhismaha maamulka uu soo dhowaanayo.

Mas’uuliyiin ku howlan dhismaha maamulka, ayaa u sheegay Caasimada Online in shanta guddi ee la sameeyay ay kala yihiin:- Guddiga Amniga, Guddiga Doorashada, Guddiga Xulitaanka, Guddiga Farsama iyo Maaliyadda iyo Guddiga ka Warqabka.

Guddi kasta waxa uu ka kooban yahay 11 xubnood, waana dadka hormuudka u noqon doona aas aaska maamul goboleedka Jubbaland State.

Sida Caasimada Online ay ka heshay ilo ka tirsan guddiga cusub, waxaa shirweynaha oo ka dhici doona Kismaayo, lagu casuumi doonaa 485 ergo oo ka kala imanaya gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Ergada ka qeyb galeysa shirka ee 485-ka ah, ayaa saddexda gobol waxa ay uga kala iman doonaan sidan:- Jubbada Hoose 185, Gedo 165 iyo Jubbada Dhexe 135.

Markaa kadib ayaa ergadu waxa ay ka doodi doontaa xeerka Jubbaland State, kaasi oo ah sharciga aas aasi doona maamul goboleedka Jubbaland State.

Waxaa la aas aasi doonaa baarlamanka Jubbaland, kaasi oo kadib dooran doona madaxweynaha maamulka. Sida ay ku warrameen ilo jooga magaalada Kismaayo, hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe), ayaa ah qofka ugu cad cad inuu noqdo madaxweynaha.

Marka la sameeyo Jubbaland State, waxa uu ku biiri doonaan maamul goboleedyada horey u jiray sida Puntland iyo Galmudug, kadibna waxa ay qeyb ka noqon doonaan Jamhuuriyadda Federaalka Somalia.

Kiiskii Dahabshiil iyo Waagacusub oo go’aan laga gaaray + Documents.

Maxkamadda magaalada Breda ee dalka Holland, ayaa go’aan ka gaartay kiis dhowanaahan u socday maamulayaasha Shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Dahabshiil iyo Waagacusub Dahir Abdulle Alasow.

Kiiskan, ayaa billowday 19-kii bishan, kadib markii Dahabshiil ay dacwad ku furtay Waagacusub Media iyo Sunatimes.com, ayada oo ku eedeeysay in lagu faafiyay warar iyo warbixino dhaawacay Shirkadda Dahabshiil, islamarkaana hoos u dhigay macaamiisheedii.

Haddaba 29-kii bishan, ayay maxkamadda go’aan ka gaartay kiiska Cabdirashiid Dahabshiil iyo Waagacusub, ayada oo laashay dhammaan dacwadii Dahabshiil kusoo oogtay Dahir Alasow, sida ku cad document kasoo baxay maxkamadda oo lasoo gaarsiiyay Caasimada Online.

Ka sokow laalista kiiska, ayaa sidoo kale Maxkamadda Magaalada Breda waxa ay markii labaad lacag fara badan ku ganaaxday Shirkadda Dahabshiil, sababo la xiriira waqtigii ay ka lumisay qareenada Dahir Alasow iyo xeerbeegtida.

Dahabshiil waxay Maxkamadda ku xukuntay inay bixiso lacagta xeerbeegtida iyo tan Lawyer-ka halkii ay ka sugeeysay in Maxkamada xukunto Dahir Alasow.

Cadadda rasmiga ah ee lacagta lagu ganaaxay Dahabshiil oo aad ka arki kartaan documents aan hoos ku lifaaqnay, ayaa ah 117,650 (Boqol toban iyo toddoba kun lix boqol iyo konton, Euro).

“Dahir Alasow wuxuu ku andacoonayaa in qoraaladiisa yihiin kuwa sax ah, sidaas darteed waxay Maxkamadda laashay dhamaan dacwadii Dahabshiil ku oogtahay Wariyaha madaxbanaan ee Mr Alasow” ayaa lagu yiri go’aan kasoo baxay maxkamadda.

Go’aanka Maxkamada soo saartay ayaa ka dhigan guuldaradii labaad ee Shirkadda Dahabshiil ka qabsata dacwadaha ay ku oogtay Dahir Alasow.

Kiiskii hore ee Dahabshiil ku guul darreysatay ee ka dhanka ahaa Dahir Alasow oo dhacay labadii august ee 201, waxaa kaga khasaartay lacag ka badan afar Milyan oo Euro halka dacwadaan cusub lacagta uga baxday ay kor u dhaaftay hal Milyan oo Pound, marka la eego qareenada qaaliga ah oo ay qabsatay.

“Maamulka Dahabshiil, waxaa la gudboon inay xaqiiqsadaan in Madax banaanida Saxaafaddu tahay lama taabtaan” ayuu yiri Dahir Alasow.

Dhinaca kale ururka uu matalayay Dahir Alasow ee Associated Somali Journalsts waxay Hambalyo iyo Mahadcelin u direen Qareenadda u doodayay madaxbanaanida Saxaafadda kuwaas oo kala ah, Margriet Koedoder iyo Frouke Hekker.

Associated Somali Journalists ASOJ, waxay sidoo kale hambalyo gaar ah u direen dhammaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan Wariyeyaashii ka qeyb qaatay kiiska Maxkamadda sida Halbeegnews.net ,Qurbejoog.com, Galmudugnews.com, Khaatuma.com iyo Boocame.com.

“Guusha laga gaaray Dahabshiil maaha mid Dahir Alasow uu gaaray ee waa guul u soo hoyatay dhamaan Saxaafadda Madaxabanaan ee dunida, waxaana muhiima in Xorriyada loo dagaalamo si dhiig miiratada arxanka daran loo tuso in lacagtooda uu sharciga ka sareeyo” ayaa lagu yiri bayaanka ASOJ.

Inta badan Somalida ku nool Magaalada Breda ee Gobolka Brabant ayaa Mashxarad iyo dabaaldeg isugu soo baxay markii ay Warbaahinta ka arkeen in Maxkamada Ganaaxday Shirkadda Dahabshiil halka Kiiskii hore ee 8 Febaury2010 ay Jaaliyada ka aamuseen.

Dabaaldega Somalida Breda sameeysay ayaa sawir ka bixinaya shacbiyada sii kordheysa ee Dahir Alasow taas oo laga dareemay maalintii Maxkamada furantay oo taageerayaashiisa buux dhaafiyeen hoolka dacwada ka socotay.

Waxaa laga yaabaa in Maamulka Dahabshiil wax badan kala socon sumcad xumida ay kala kulmi karaan labada guuldaro ee Maxkamad ku taal Yurub ku laashay dacwadooda. Halkan Click sii oo arag warqadaha go’aankii Maxamadda

W/Q: Axmed Cali Sheikh
Tifaftiraha Caasimada Online
Minneapolis, Minnesota
www.facebook.com/alaxmed

Daawo Video: Iya Traore oo ka yaabiyey Messi iyo Ronaldo.

Hadii markii kubad laga sheekeyo ay maskaxdaada kusoo dhacayaan magacyada Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo taasi hada wixii ka dambeeya waxaad ogaataa inay riski kugu tahay.

Ciyaaryahan wadooyinka ku ciyaara oo lagu magacaabo Iya Traore ayaa wuxuu sameeyey ciyaar ka yaabisay caalamka.

Iya Traore waa xidig wadooyinka ku ciyaara oo tayo leh wuxuuna samaayey wax mar qura ay dadka caalamka ee kubada xiiseeya la yaabeen.

Halkaan ka daawo la yaabka uu dhigay Iya Traore.

Halkaan Ka daawo Ronaldo iyo qaabka uu u mooleysto kubada.


Halkaan ka daawo Messi oo isna Moolada kubada ku fashilmaya.

Makula tahay ninkaani hadii uu kusoo biiro kubada cagta inuu meel saari karo Messi iyo Ronaldo?

Shariif Xasan oo wada qorshe maamul Goboleed ka kooban 6 gobol.

Gudomiyihi hore ee Barlamanka Somalia  Shariif  Xasan Sh Adan ayaa waxaa uu mudoyinka danbe laba jibaray dadaal uu ku doonayo in  Gobolada Konfureed ee Somalia  samaystaan hal Maamul Goboleed.

Shariif  Xasan oo qorshaaan in mudo ah soo waday ayaa waxaa uu  caqabaado badan kala kulmay  Sh.Adaan Madoobe oo asagana mar horay u soo noqday Gudomiyaha Baralamanka Somalia islamarkana donayay in uu Maamul Goboleedka Konfur Galbeed State Madaxweyne  u ka noqdo.
Warar  laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa waxaa tibaxayaan in ugu danbeyn labadaas masuul ay is afgarteen  islamarkana ay xaliyeen  khilaafki hortagna dhisida Maamul Goboleedka  Konfur Galbeed State.
Shariif Xasan  Sh Adan oo  ah  hada Musharaxa rasmiga ah ee Xilka Madaxweynaha  Dowlad Goboledka Konfur Galbeed State ayaa waxaa uu wada dagaal siyaasadeed uu ku bur burinayo maamulka Jubbaland State waxuuna arinkaasi la kaashanaya  qaar ka mid ah Masuuliyinta beelaha  daga Jubboyinka iyo Gedo iyo waliba Qurbajoogta ka soo jeeda deeganadaasi.
Maamul Goboleedka Konfur Galbeed State ayaa waxaa la shegay in uu ka kooban yahay  6 gobol oo kala ah  Bay, Bakool, Sh.Hoose, Jubbada hoose  , Jubbad dhexe iyo Gedo ayadoo dadka Goboladaasi dagana aysan la dhacsanayn Qorsha  Maamul usameynta 6 da Gobol ee uu wado Shariif Xasan.
Shariif  Xasan ayaa waxaa  dhawaan lagu wada in uu boqasho ku taago Magaloyinka  Baydhabo ,Marka, iyo Luuq halkaas oo uu ku qaban doono shirar lagu dhiri galinaayo dhismaha Maamul Goboleedka Konfur Galbeed Somalia, waxaana uu taageero ka raadin doonaa dadka dagan Goboladaasi si ay u garab istagaan Howlaha u wado .
Ma cada sida u ku hergali karo  Maamulkaan ka kooban 6da gobol xili dadka daga  Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ay ku heshiyeen in ay Maamul sameystan isla markana  ay guda galeen oo ay Dasturkiba  qorteen Shirweynihi lagu soodooran laha Madaxweynahana dhawan la filaayo in uu ka furmo kismaayo.