25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Real Madrid oo xiiseyneysa kubad sameeyaha reer Spain iyo kooxda Chelsea Juan Mata.

Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo ee kasoo baxa dalka Spain Real Madrid ayaa dooneysa inay la saxiixato kubad sameeyaha kooxda Chelsea Juan Mata.

Kooxda ka dhisan Bernabeu xiisaha ay u qabto xidigaan ayaa waxaa daaha ka qaaday isla xidiga kooxda u  ciyaara Xabi Alonso kaasoo ku qoray akoonkiisa Twitter-ka inuu Mata diirada u saaran yahay Los Blancos iyo macalinkeeda Jose Mourinho.

 

Alonso ayaana sheegay in sedax xidig oo Spain u dhashay oo kala ah Juan Mata oo u ciyaara Chelsea, Man City xidigeeda David Silva iyo weeraryahanka Athletic Bilbao Fernando Llorente ay u baahan tahay kooxda ka dhisan caasimada.

“Waxaan u sheegay Mou inuu kaa fakaro, iyo inuu kusoo celisyo waxaan sare u qaadi doonaa taariikhda kooxda, wuxuuna kooxda ku hugaaminayaa saxiixyo waa weyn taasoo laga wada hadlayo.”

Chelsea ayaa Mata lasoo wareegtay bishii August 2011kii, wuxuuna xidigii hore ee Valencia kooxda ka caawiyey guulahoodii FA Cup iyo Champions League ee sanadii hore, isagoo 23 gool caawiyey ka noqday xilli uu 12 jeer shabaqa soo taabtay.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

C/Weli Gaas oo u hanjabay Faroole.

War qoraal ah oo ka soo baxay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Wali Gaas ayaa waxaa uu kaga hadlay Arimo badan.

Mudane Cabdiweli Gaas ayaa ilaa 19kii bishii la soo dhaafay safaro ku marayey qaybo kamid ah Gobolada Puntland isaagoo la soo kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshadda Deegaanaddii uu tagay sida Galkacyo, Goldogob, Bursaalax, Xerro Jaale, Bayra, Riig-O-manne, Bacaadweyne, Xarfo, Burtinle, Jallam, Kala-Bayr, Garowe, Sunna-Jiif, Danqoronyo, Qardho, Carmo, Bosaaso, iyo qaarkale.

Mudane Gaas ayaa dhammaan degaanadii uu tagay bulshada ku nool kawaraystay xaaladaha guud sida Amniga, caafimadka, waxbarashada, dhaqaalaha, Dimuqraadiyadda iwm isagoo mid-mid u tagay Isbitaalada, Jaamacadaha, dugsiyada H/dhexe, Sare, iyo xarumaha dadweynaha.

Professor Cabdiweli Gaas ayaa sido kale xog-waraysi siinayey dadweynaya iskugu soo baxayey kana qayb qaadanayey soo dhaweyntiisa isagoo istagayey tuulo-min-magaalo kasta una hoyanayey Magaaloyiinka waaweyn.

Shirkiisa Jaraa’id ayuu Mudane Gaas ku soo jeediyey qodobo kamid ah waxyaalihii uu soo arkay iyo warbixintii ay siiyeen bulsho-weynta reer puntland ee uu kulamada la qaatay isagoo yiri;

  1. Waxay bulshoweynta aan la kulmay ii sheegen anna aan hubsaday in ay jiraan dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale, iyo arrimaha bulshada
  2.  Haddan ka hadlo arrimaha siyaasadda, waxay dadweynuhu ii sheegeen in ay jirto xoriyad la’aan iyo cadaadis aysan u suurtagalin in ay si xor ah ku cabiraan fikirkooda siyaasadeed iyo kooda muwadinimo. Waxay dimmuqradiyadu na faraysaa in qofka muwaadinka ah xaq u leeyahay in uu si xor ah u hadli karo, una kulmikaraan, si ay u gutaan xuquuqdooda iyo waajibaadkooda dastuuriga ah. Hase yeeshe, waxay ii sheegen in aysan maanta taas ka jirin Puntland. Saxaafada xortaahina aysan cabsi awgeed uga howlgali karin Puntland aysanna gudbin Karin xaaladda dhabta ah ee ka jirta Puntland.
  3. Waxay ii sheegen in marar badan ay isku-dayeen in ay samaystaan qadooyin iyo fadhiyo ay kaga tashanayaan aayahooda balse ay cadaadis iyo caburin kala kulmeen maamulka Puntland.
  4. Waxay kaloo ii sheegen inkasto ay muhiimtahay in laga qudbo nidaamka qabaliga ah loona gudbo nidaamka dimmuqraadiga ah ee xisbiyada badan, haddana in aysan kalsooni ku qabin in xukuumadda jirtaahi ay arrintaasi daacadna ka tahay fulinna karto.
  5. Waxay kaloo ii sheegen in Gobolladii kumidoobay dhisitaanka Puntland 1998kii ay qaar kamid-ihi aysan gacanta ugu jirin maamulka, qaarkoodna ay samaysteen maamulo u gaar-ah. Waxay kala-furashaadaas Puntland sabab uga dhigayeen maamul xumo iyo aragti la’aanta hogaanka sare ee Puntland.
  6. Waxay kaloo bulshoweyntaasi katirsanayeen maamulka caddalad daro iyo u sinnaansho la’aan khayraadka Puntland.
  7. Waxay bulshoweynta Puntland si waafiya u cabireen waxqabad la’aan la xariirta daboolida baahida aasaasiga ah ee arrimaha bulshada (basic social services) sida caafimaadka, waxbarashadda, iyo biyaha. Waxaa kaloo burburay waxna aan laga qaban halbowlayaasha dhaqaale sida wadooyinka, Garoomada duulista, iyo Dekedda. Waxaa markhaati madoonta ah in wadada dheer ee laamiga ah ee isku xirta Bosaaso iyo Galkacyo iyo Dekedda Bossaso ay yihiin hantida kaliya ee laga dhaxlay dawladdi Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.
  8. Waxay meelkastoo aan tagno dadweynuhu ku bararugsanayeen in laga shaqeeyo nabadgalyada iyo xasiloonida Puntland dibna la iskugu soo celiyo Gobolladii iyo Beelihii ku bahoobay maamulka Puntland.
  9. Waxaan meel walba kula soo kulmay shacab u bisil nabad, hogaamin wanaagsan, iyo horumar dhaqaale jiritaanka Puntlandna ay si dhab-ah uga go’antahay.
  10. Waxay kaloo muujiyeen si cadna u diidanaayeen muddo kororsiga xeeladaysan ee maamulka iyo Baarlamaanka xilligiisu dhammaaday.

Talo soojeedin iyo u nasteexayn dawladda:

1. Waxaa ku habboon maamulka iyo baarlamaanka lagu soo doortay laguna dhaariyey in ay ugu adeegaan xilkooda afarta sanno ee labada bilood ka dhimanyihiin in ay tixgaliyaan dhawraanna rabitaanka shacbiga. Waxaan ku baraarujinayaa maamulka iyo baarlamaanka in aysan galin dalka mugdi iyo khalkhal siyaasadeed oo laga maarmikaro. Waxaa mudan in marwalba danta guud laga hormariyo danta iyo maslaxadaha khaaska ah.

Talo soo jeedin ku wajahan isimadda Puntland. Isimadu waa marjaca siyaasadeed ee Puntland waxayna budhige u ahaayen una yihiin aasaaskii iyo jiritaanka Puntland. Sidaa daraadeed, waxaa waajib gaar-ahi ka saaranyahay in ay marwalba dib u eegis iyo qiimayn ku sameeyaan marxalada uu dalku marayo. Waxaan ku talinayaa in ay isugu yimaadan shir deg-deg ah oo ay ku qiimaynayaan marxalada ay Puntland maanta ku jirto si ay u gutaan waajibaadka ka saaran maslaxadda iyo horumarka Puntland. Isimaddu waxay leeyihiin dowr iyo awood dabiici-ah (moral authority) iyo kalsooni shacab ee aysan siyaasiyiintu lahayn. Waa inayna saas u fahman.

Arragti guud:

Waxaa waajib ah in loo qumo maslaxada guud ee Puntland lagana dheeraado waxkasta oo keeni kara khalkhal siyaasadeed. Waxa kaloo waajib ah in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka wixii ka haray Puntland lana doono inta maqan si ay ku jirto dabacsanaan, ehelnimo, iyo daacadnimo.

Dadweynaha reer Puntland waxay horseed ka ahaayen nidaam kastoo horseedikaray dimmuqraasiyad iyo rabitaan shacab waxayna ku caanbaxeen samir iyo dulqaad siyaasadeed. Sidaa daraadeed waa in la dhowraa rabitaankooda iyo sharaftooda. Waa in lala fahmaa shacabweynaha Puntland in ay xeerinayaan midnimada, xasiloonida, iyo jiritaanka Puntland. Waa in aan loo qaadan in ay raali ka yihiin sida qaawan ee mararka qaarkood loola dhaqmo.

Mudane Gaas ayaa wuxuu ka hor mariyey warbixintiisa guud in ay jireen aqabado yar yar ee uu kala kulmay safarkiisii balse uugo’aansaday in uusan waxba kasoo qaadayn kagana gaabsaday in uu kudaro warbixintiisa.

Xogta Doorashada Mareykanka ee Maanta iyo saadaasha natiijada.

W/Q: Axmed Cali Sheikh
Tifaftiraha Caasimada Online
Minneapolis, Minnesota USA

Haddii sida ra’yi uruurinta dadka ay inoo sheegeyso aysan qaldaneyn, Barack Obama waxaa dib loogu dooran doonaa madaxweynaha dalka Mareykanka, afar sano oo kale.

Sida ay doonto natiijado ha noqoto’e, waxaa la isku raacsan yahay hal arrin, oo ah in doorashadan ay noqon doonto mid ka mid ah kuwii la isugu dhowaansho badnaa ee soo mara taariikhda Mareykanka.

Dhammaan codadka dadka laga qaadayo ee ku saabsan cidda ay dooran lahaayeen, waxa ay gebigood muujinayaan in Obama iyo Mitt Romney ay isku meel joogaan. Waxaa inta badan u dhaxeeya wax aan ka badneyn 1%.

Ra’yi uruurinadii ugu dambeeyay ee la sameeyay marka la isku cel celiyo waxa ay caddeeyeen in labada nin ay kala joogaan 49% iyo 48%, oo madaxweyne Obama uu hal boqolkiiba horeeyo, hase yeeshee xaqiiq ahaan ay isku meel joogaan, marka la eego qaladaadka saadaasha ku jira kara (Sampling error) oo ah waxa u dhaxeeya 2 illaa 3%.

Si kastaba Obama ayaa faa’iido ku heysta gobollada loo yaqaan Battle Ground States, oo natiijadooda ay xukmin doonto cidda noqon doonta madaxweynaha xiga ee Mareykanka.

Dorashada Mareykanka laguma guuleyso codadka guud ee dadweynaha (popular Vote), ee waxaa lagu hantaa wax loo yaqaan Electoral Votes.

Gobol walba waxa uu lee yahay tiro Electoral Vote ah, ayada oo ay ku xiran tahay hadba tirada dadka ku nool gobolka.

Tusaale ahaa, California waxa ay leedahay 55 electoral Vote, halka North Dakota ay ka heystao kaliya 3, sababtoo ah California ayaa ka dad badan North Dakota.

Tartanka xoogiisa ayaa iminka isugu soo ururay gobollo ka yar toban, kuwaasi oo aan weli cid codkooda isku haleyn karta aysan jirin.

Waxa ay kala yihiin Florida, Ohio, Virginia, New Hampshire, Iowa, Wisconsin, Colorado iyo Nevada.

Sababta Obama saadaasha u xigtana waxa ay tahay, isaga oo ku horeeya inta badan kuwan aan xusanay ee doorashada go’aamin doona, haba ugu weynaato’e Ohio. Inaksta oo gobollada haray ay ugu Electoral Vote badan tahay Florida, oo ay heysato 29, haddana dagaalka ugu weyn waxa uu ka jiraa Ohio oo heysata 18.

Tirade guud ee loo baahan waa 270 ka mid ah guud ahaa 538-ka Electoral oo uu dalku lee yahay, si musharaxa uu u guuleysto. Obama waxa uu hadda hubaa 237, waxaana uu u baahan yahay kaliya 33 kale, halka Romeny uu heysto 206, oo uu sugayo jid ka dheer kan Obama. Tani waxaa looga qiyaas qaatay, sida labada nin ay ugu kala taageero badan yhiin gobollada dalka.

Ku dhowaad lixdankii sano ee tagay, ma jirin madaxweyne ka yimid xisbiga Jamhuuriga oo la dooraty isaga oo aan ku guuleysan Ohio. Saadaasha waxa ay hadda inoo sheegysaa in Obama uu ku horeeyo Ohio codad dhan 2.8%.

Obama waxa uu sidoo kale ku horeeyaa gobollada Wisconsin, Nevada iyo Iowa, halka Romney uu hogaaminayo Florida, ayada oo New Hampshire iyo Virginia la siman yahay,  inkasta oo Obama wax aan macno lahayn uu ku horeeyo ra’yi uruurinada qaar, hase yeeshee ma jiraan wax damaanad qaad ah, ilaa codadka rasmiga ah ay kasoo baxaan.

Waxaa dhacay olole aad u adag, oo labada nin ay ku kasabanayaan codadka dadka tirade yar ee aan weli go’aan ka gaarin cidda ay u codeynayaan iyo xamaasad gelinta tagaeerayaashooda.

Doorasho kasta waxaa muhim u ah xamaasadda taageerayaasha, sababtoo ah haddii qofku ku siin lahaa codkiisa, uu ka caajiso inuu yimaado cod bixinta, waa ay adag tahay inaad guuleysato.

Romney waxa uu Obama ku eedeyay inuu siyaasado fashilmay dalka ku hagayay afartii sano ee lasoo dhaafay, uuna ka dhabeyn waayay ballan qaadyadii uu sameeyay 2008.

Obama, ayaa dhankiisuna waxa uu yiri “Romney waxa uu dib usoo baakadeynayaa siyaasadihii Bush ee fashilmay, oo uu doonayo inuu mar kale dadka ka gado”

Wax ay ahaataba maanta oo talaado ah ayaa goobaha cod bixinta loo dareeri doonaa, inta ka horeysana wixii saadaal iyo codad ra’yi ah micno ma lahan, oo kuwa dhabta ah ayaa kala reebi doona labada nin.

Sawirkan hoos ka muquda waxa uu ku tusayaa, sida labada nin u kala horeeyaan.

Midabka Buluga ah, waa gobollada Obama uu hubo, halka kuwa Bulug cirka u eg-na ay yihiin kuwa u leexanaya dhanka Obama, Midabka guduudan waa kuwa Romney uu hubo, halka kuwa gudud xigeenka ahna ay yihiin kuwa dhankiisa u socda. Midabka Jaalahana waa gobollada lagu hardamayo ee loo yaqaan Battle Ground State ama Tossup States, ee aan meel u dhicin.

Warbixin ku saabsan sida wasiiro ku xigeenada iyo wasiiro dhowlayaasha ay beelaha u kala haleyaan.

Kadib markii lagu dhawaaqay Wasiirada xukuumadda Federaalka Somalia ee uu hogaamiyo Cabdi Faarax Shirdoon isla markaasna ay noqotay mid ka yar wasiiradii horey looga bartay xukuumadihii soo maray dalka oo laga dhigay 10 wasiir oo min labo loogu qeybiyay beelaha shanta ah, ayaa haatan waxaa dagaaal culus uu ka jiraa wasiir ku xigeenada iyo wasiir dowlayaasha.

Xog aan ka helnay xafiiska Ra’iisul wasaraha iyokanMadaxweynaha ayaa sheegaysa in labada dhinac ay isla gareen waa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha in lasoo magacaabo 10 wasir ku xigeen iyo 6 wasiir dowlayaal.

Hadaba beelaha qaar ayaa tartan adag ugu jira sidii ay beel kasto ku heli lahayd wasiir ku xigen ama wasiir dowle.

Waxaa noo suura gashay inaan helno qaar kamid ah magacyada shaqsiyaadka lala xiririnayo iyo beelaha sida ay u kala heleen wasiir ama wasiir dowle.

Beesha Gugudhabe waxay heshay Wasiir Dowlo.

Beeshan oo ka kooban beelo badan sida Beesha Gaaljecel, Beesha Baadi Cadde, Beesha Jajeele iyo beelo kale, ayaa waxaa ka dhaxeeyo hal wasiir dowlo oo la siiyay beeshaas.

Shaqsiyaad ku jira baarlamanka dowladdaSomaliaiyo kuwo kale oo siyaasiyiin ah ayaa ku tartamaya inay noqdaan ama ay helaan halkaas wasiir dowlo.

Dadka magacyadooda aan si xog hoose ku helnay ayaa waxaa kamdi ah.

1- Dr Maxamed Cali Ibraahin oo u dhashtay beesha Baadi Cadde. Waxa ay isku dhow yihiin  Dr CUmar Iiman Abuu Bakar oo horey u ahaa Hogaamiyaha xisbul islaam, wuxuu kaloo ninkaan soo noqday wasiirka Dhaqan celinta maleeshiyaadka, xukuumaddii Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke.

Waxa kale oo uu horey ugu tirsanaan jiray Maxaakiimtii islaamiga isagoo mar hogaaminayay wafdigii Maxaakiimta ee magaalada Khartuum ee dalka Sudan wada hadalada kula yeelanayay dowladdii KMG ay sida weyn xilligaas isaga soo horjeedeen, waana nin ka mid ah xubanaha baarlamanka waana ninka ugu dhow in laga dhigo wasiir dowladaha ay heleyso beesha Gugudhabe. Waxa kale oo ay si aad ah isugu dhow yihiin Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud.

2 – Qofka labaad ee besha gugudhabe waa Ibraahin Cali Xuseen oo kamid ahaa musharaxiintii xilka madaxweyne, laakin aan saamayn ku yeelan. Waxa uu iska kasoo jeeda beesha Jajeele ee ka tirsan beel weynta Gugudhabe.

3 – Qofkan waa haweeney lagu magacaabo Caaliya Sheekh Xasan Cismaan, gabadhana waxay kasoo jeeda beesha Baadi Cadde ma ahan qof sidaas loo yaqanno.

4 – Nin magaciisa lagu soo koobay Xaaji San yare oo kasoo jeeda beesha Jajeele, waxaana uu kamid yahay xildhibaanada cusub ee dowladdaSomalia, waa qof ku cusub siyaasaddaSomalia.

5 – Daahir Amiin Jeesoow, waxaa uu horey ugu tirsanaa xildhibaanadii dowladdii hore, sidoo kale wuxu ka tirsan yahay xildhibaanada cusub wuxuuna u dhashtay beesha Gaaljecel.

Dhamaan shantaan qof aan kor kusoo sheegnay waxay wada raadinayaan halka wasiir dowle ay beesha Gugudhabe heshay, qofka ugu dhow ee an xogta ku helnay waa Dr Maxamed Cali Ibraahin.

Beesha Murusade waxay heshay wasiir  ku xigeen.

Beeshaan waxay horey ugu hanqal taagaysay inay hesho wasiirka 2-aad ee beesha Hawiye ay heleysay, laakin waa ay ku fashilantay kadib markii Beesha Xawaadle oo abtiyaal u ah madaxweyne Xasan Sheikh ay heshay wasiirka 2-aad ee beel weynta Hawiye.

Beeshaan waxaa ilaa haatan aan xog ku helnay in ay heshay wasiir ku xigeen waxaana ay ku tartamayso labo nin oo lagu kala magacaabo Maxamed Nuur Gacal iyo Cawil Maxamed Xuseen oo ku magac dheer Meeri.

Maxamed Nuur gacal ayaa horey loo hadal haayay inuu helaayo mid kamid ah wasiirada laakin kadib markii ay weeysay beeshisa wasiirkaas ayaa waxaa haatan lala xiriirinayaa inuu qabto xilka wasiir ku xigeen ay beeshiisa heleyso.

Mr Gacal ayaa madax ka ah Hay’adda ORC wuxuna u dhashtay beesha murusade gaar ahaan jufada reer cabdala.

Sidoo kale waxaa xilka wasiir ku xigeen ee beesha Murusade tartan ugu jira nin magaciisa lagu sheegay Cawil Maxamed Xuseen Meeri kaas oo isna kasoo jeeda Jufada Habar ceyn ee beesha Murusade ma ahan nin inbadan laga yaqaanno.

Beesha Dirta Koofureed. Waxay heshay wasiir ku xigeen.

Beeshaan ayaa ka kooban jufooyin badan waxayna ku dagalamayaan wasiir ku xigeen la sheegay inay heshay beeshaas.

Hadaba shaqsiyaadka lala xiriirinaayo ayaa kala ah kuwaan hoos ku qoran.

C/laahi Xaaji Abuukar oo loo yaqaan C/laahi Carab.

C/naasir Gaarane oo ka tirsan Barlamanka cusub.

Calas Maxamed Faarax oo Dirta koofureed ah gaar ahaan jufada Qubeys.

Axmed Xasan Aadan oo kamid ah ninka leh isbitaalka Daaru SHiffa oo inta badan ciidamada dowladda lagu daaweeyo oo ku yaalla wadada Maka Al Mukarama sidoo kale ahaa wasiir dowlaha wasaaradda kalluumaysiga Kheyraadka badda xukuumaddii C/wali Gaas.

Intaas waxay ku tartamayaan wasiir ku xigeenka ay beesha DIrta Koofureed ay heshay.

Beesha Warsangali Daarood waxay heshay wasiir ku xigeen.

Dadka ku loolamaya wasiir ku xigeenka beesha Warsan gali daarood oo kamid ah beel weynta Daarood ayaa waxa kamid ah.

1-Daahir Xaaji Maxamuud Geelle oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada,shaqaalaha,isboortiga iyo dhalinyarada xukuumaddii C/wali Gaas wuxuuna haatan ka tirsan yahay xildhibanada cusub.

2-Saciid Jaamac Qorsheel,oo ahaa wasiir dowlihii wasaaradda Gaadiidka cirka bada iyo dhulka xukuumaddii C/wali gaas,sidoo kale horey u soo noqday safiirkii Dalka Gabon ahaana kabtankii hore ee xulka Baaskitka Somalia iyo kooxdii LLPP Jeenyo waxaana dhalay Taliyihii hore ciidanka Booliska Somalia General Jaamac Qoorshee.

3-Caashi Axmed Cabdala ayaa kamid ah dadka lala xiriirinayo wasir ku xigeenka beesha warsan gali ay ka heleyso xukuumadda Dr Saacid.

Beesha Dhulbahante waxay heshay Wasiir Dowle.

Beeshan oo kamid ah beelihii wasiir aan ka weyn jirin dowladihii soo maray dalka 40-kii sanno ee lasoo dhaafay ayaa haatan ku dagaalamaya wasiir dowle la sheegay inay beeshas ka heshay xukuumadda Dr Saacid.

Dadka tartanka ugu jira wasiir dowlaha ay heshay beesha dhulbahante waxaa kamid ah.

Siyaad Maxamuud Shire oo ka tirsan xildhibaanada cusub ee dowladdaSomaliahoreyna ugu shaqeen jiray xafiiska Ra’iisul wasaarihi hore Somalia Prof.Cali Maxamed Geeddi.

Ugaas C/laahi Ciise nin magaciisa lagu sheegay kaas oo horey ugu tirsanaa jiray ciidanka nabad sugiidda Somalia NSS-ta Dowladdii kacaanka wuxuna ka gaaray heer kabtan isagoo ka howl gali jiray Gobolada dhexe wuxuna 20-kii sanno ee burburka dalka uuk u noola qurbaha.

Beesha Digil iyo Mirifle.wasiir ku xigeen.

Waxaa noo suura gashay inaan helno wasiir ku xigeen ay beesha Digil iyo Mirifle heshay iyadoo beeshaan ay helayso wasiir ku xigeen ama wasiir dowle kale hadana waxaa noo suura gashay inaan helno wasiir ku xigeen.

Waxa ku tartamaya jagadaas dad badan laakin waxa ka helnay magacyada ragaan hoos ku qoran.

Maxamed Keyroow Maxamed Yuusuf waa xildhibaan ka tirsan  baarlamanka cusub wuxuu kasoo jeeda jufada  Hariin waxay isku jufo yihiin Siyaasigii hore Shaati Gaduud waana ninka ay u badan tahay inuu helo mid kamid ah xilka Wasiir ku xigeenka beesha digil iyo mirifle.

Sidoo kale wuxuu tartan kala kulmaa nin magaciisa lagu sheegay Dr C/laahi Maxamed Muuse oo ku magac dheer Shiilo.

Sidoo kale waxaa xilkaas doonaya Dr Maxamuud Aqii oo u dhashtay beesha Garre waxaa uu mar kasoo qabtay xukuumadihii kmg wasiir dowlaha Caafimaadka isna waa shaqsi kale oo u hanqal taagaya inuu hello booskaas.

Sidoo kale waxaa jira magacyo kale iyo xilal kale oo wali aanan helin laakin aan idin soo gudbin doonno dhawaan insha alaah.

FG: Xogtan, waxaa suurta gal ah inay wax iska beddelaan, sida marar badanba dhacday, laakiin sidan ayay u badan tahay.

Tiro yar mise tub toosan? !!!!!

Muran iyo dood ka dib, Madaxweynaha iyo Wasiirka koowaad  waxay soo bandhigeen tirada Wasiirrada ay ka koobnaanaysa Xukuumadda cusub, oo la isla gartay inay noqdaan toban Wasiir, markii horase dood ka dhalatay tirada, maadaama la masuugay tirada yaaranteeda, marka la eego inta loo bartay ama la bidhaansan karo.

Haddii laga gudbay is maandhaafkii ugubka ku ahaa labada mudane ee siyaasadda Soomaalida ku cusub, aanse ku cusbayn siyaasaddan cakiran, oo asal ahaanba aan la garayn xigmadda ka dambaysa, waxa keenay haddiiba la garan karo, maxaa yeelay bil ma wada shaqayn, haddana waxay nagu billaabeen khilaaf, niyad jab ka weyn ma jirto, waa meeshii laga yiri: “Meeshii Cir laga sugaayaa Ceeyryaamo ka timid!”.

Waxaan sidaa u leeyahay dad badan oo niyadsami ku hammiyey in ISBADAL dhacay baa jira, markase laga soo tago daacadnimada ay u dhaheen waxaa u wehliya duruufo qallafsan oo dalka ku soo maray, Kacaankii Luggooyo ee maalmahan la xusayeyna u gaystay, hadday dibadaha tageenna aan dayr fiican iyo daryeel wacan midna helin, dibna aaan loo soo gurya noqon karin, illeen Duqii waxaa ka daba maray lama arag iyo lama maqale.

haddaan maalin walba u joogno warin dhacdo, oo aannaan la imaan caqli aan ku miisaanno; sida, qaabka iyo hannaanku wax u dheceen ama loo dhahay, waxaa hubaal ah inay noqonayso: “Jugjug meeshaada joog!” maxaa yeelay HORE [AAYAHA] ma aannaan eegin, HADDA [XAADIRKA] ma aannaan eegin, SOOYAALNA ma aannaan eegin, oo ah hayaan hummaag ku jiro, oo afka ku haya haadaan iyo hawtul hamag aan cidina saadaalin.

Koobidda tirada Golaha Wasiirradu waxay qayb ka tahay dhammaystirka qaab dhismeedka Dawladda Soomaaliyeed, balse, taa macnaheedu ma ahan hadday tiradu toban ka badato in  dhismaha dawladda dhimaal ku dhacayo! Dhakafaarka ka sokow waaba haddii tirada yari aysasn sii kala dhantaalin dhursuggii shacabka.

Erayada qaar hore baa dad ugu sirmeen, qaarna waa isku sireen, dunida waxaa ugu xun waxa aad iska dhaadhiciso, ee aan waaqica iyo dhacdada midna lagu hayn, sidaa awgeed ayaan eraga TAYO cinwaanka qormada uga leexshay, maxaa yeelay, marka laga soo tago inuu yahay magac Urur, haddana, waxaa dadka la moodsiiyey in isticmaalka eragaa wax lagu soo kordhiyey ama uuba wax soo kordhinayo.

Maadaama afku hodan yahay ayaan TUB iyo TOOSNAAN u adeegsaday, maadama ay yihiin laba eray oo is dhammaystiRaya, haddana, aysan ka marnayn kan aan dawga laga leexshay awgiis aan u daayey, maxaa yeelay isu gaynta labada eray dhadhansigooda ayaa muujiya in ay jirto tamar dhan walba leh.

Marka la qiimeeyo Xukuumadda Saacid ee tobanka Wasiir ka kooban waxay kala noqonayaan saddax qaybood, oo kala:

  • Xertii Formaajo: marka laga soo tago magaca ay ula bexeen Xukuumaddii bilaha jirtay ee ay hoggaanka ku hayeen, dabadeedna u xuub siibtay Urur Siyaasadeed, ayaa waxay ku leeyihiin Golahan Wasiirrada cusub saddax Wasiir oo kala ah:
  • Maryan Qaasim: Wasiirka Horumarinta iyo Adeegga Bulshada. Maryan Qaasim waxay Xukuumaddii Formaajo ka soo qabatay:  Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska. Dhanka kale, waxay Guddoomiye ka tahay Ururka Tayo ee uu dhawaan Formaajo aasaasay.
  • C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi: Wasiirka Gaashaandhigga. Fiqi sidoo kale, wuxuu Xukuumaddii Formaajo ka soo qabtay isla Wasiirkii Gaashaandhiga.
  • C/laahi Abyan Nuur: Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Cadaalladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. C/laahi wuxuu Xukuumaddii Farmaajo ka soo qabtay isla Wasaaradda Diinta iyo Garsoorka.

Magacyadan waxaa kaaga cad inaan la dabbaqin eraga ah ISBADAL, markase taa laga soo tago, weydiinta baa ah, maxaa keenay in ay soo laabtaan Wasiirradan hore xilka uga soo qabtay Xukuumaddii Formaajo? Haddiiba la soo wada laabanayo maxaa Xukuumaddii Gaasna mid ama laba looga soo xulan waayey? Mise qiimayn gaar ah baa  jirta, oo aan inaga noo muuqan? Oo haddaa maxay ku salaysan tahay? Waxaase hubaal ah in inta badani u guuxayeen Wasiirro cusub, aqriste, bals oo goob qormadii ahayd: “Haraadigu yuusan kala harin!” in kasta oo eraga HARAADI qalad laga fahmay!

  • Xerta DAM JADIID: in kasta oo magacyada qaar wali mugdi ku jiro, haddana magac aan mugdi ku jirin baa ah: C/kariin Xuseen Guuleed oo xubin sare ka ah Ururkan ka falliirmay Urur weynaha AL ISLAAX ee ku daaban IKHWAANKA dalka Masar, oo xarun ah Ururu Diimeedkaa.
  • Xerta u dambaysa waa xer aan si rasmi ah meelna loogu suntin wali, iyagana waqti ayaa noo sheegi doona waxa ay yihiin ama noo caddayn doona waxa ay noqdaan!

Intaa ka gadaal, waxaa guul lagu tilmaamay in laga gudbay nidaamkii afar iyo bar, ee uu ku dhisan yahay Baarlamaanka la sugayo inuu ansixiyo Xukuumaddan cusub, marka laga soo tago in si siman loo qaybshay Golaha Wasiirrada, oo beel walba la siiyey laba Wasiir, taa oo dad badan u arkeen inay tahay caddaalad soo iftiintay, aanse ahayn, oo wali lagama gudbin afar iyo bar.

Ka sokow in beelaha laba Wasiir la siiyey, oo halkaa ka muuqdo si garba siman ah in wax loogu qoondeeyey, waxa jirta dhako qarsoon oo aan wali wada la fahmin, waxaase la doonayaa in nalaga gado in si siman wax loo qaysbaday, inaan si siman wax loo qaybsan waxaa u daliila sidan: LABA WASIIR+ MADAXWEYNAHA, hal beel baa leh. LABA WASIIR + RA’IISUL WASAARAHA, hal beel baa leh. LABA WASIIR + GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA, hal beel baa leh. Halka beelaha kale ay heleen laba Wasiir oo qura, haddaba sinnaan ma la dhihi karaa? Hubaal inay ka duwan tahay qaabkii hore.

Dhanka kale, Maamulka Bari ee uu hoggaansho mudane Faroole ayaa hore u sheegay inay soo samaysanayaan LACAG u gaar, haddana, waxaa xilka Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta lo magacaabay Wasiir ka soo jeeda deegaanka Bari, haddaba, saw uma eka in riyadii Maamulkaa hirgalinteedu soo muuqato? Maadaama aan hore u aragnay masuuliyiin deegaankaa ka soo jeeda oo lagala kulmay falal eex qayaxan ah, sida heshiiskii Gaalkacyo ee uu saxiixay Ina Sharmarke iyo hab dhaqakii Gaas oo uu Gen. Dhaga badan Abaan duuliyaha Ciidanka Qaranku ku yiri: “C/weli Gaas waa Professor Qabyaalada ku Qalinjabiyay!

Dhanka kale, Wasaaradahan la dhisay waxaan lagu darin laba Wasaarad oo dal iyo dad walba muhim u ah, waxayna kala yihiin WASAARADDA CAAFIMAADKA IYO WASAARADDA WAXBARAHADA, midda hore waa Fayo dhawrka wax walba oo la xiriira caafimaadka aadaha, tan kale,waa agabka weeleeya TAAGTADA la soo dhaafay, TAAGANTA la joogo  iyo TIMAADDADA imaanaysa, si qofku u garto waxa uu soo maray, waxa uu ku sugan yahay iyo waxa sugaya.

Haddii tiro la yarayn karo ama la badin karo, mar walbana duruufta aad ku jirto ku xakamaynayso, waxaan marna laga maarmayn waa FAYO DHAWR iyo WAXBARASHO, oo asal ahaanta  nolosha ay u tahay ka sokow, haddana u ah aasaas, oo carruur kasta wuxuu u baahan yahay waxbarasho, halka noole kasta u baahan yahay caafimaad.

Haddi tiradii la yareeyey, haddii sida la yiri beelihii la simay, aysanse sidaa ahayn, haddii magacyadii la soo bandhigay, waxaan sugnaaba waa ansixinta Baarlamaanka, oo run ahaan guux badani ku dhex jiro, oo ku aaddan in aysan ku qanacsanayn tiradan yar ee lagu soo koobay Wasiirrada, oo dabcan qaar badan oo ka mid ah ay donayeen inay iska dhex arkaan dhismaha Golaha Wasiirrada.

Haddii laga soo gudbay caqabaddii qancinta beelaha, waxaa haray dadyow aan lagu qanicin karin wax aan beeso ahayn, illeen iimaan kale oo ay rumaysan yihiin ma jiree, diin kalana ma lahane, waa imtixaankii koowaad ee Baarlamaanka la marsiiyo, laguna ogaan lahaa waxa uu yahay, hadday ansixiyaan ma ahan inay ka dhigan tahay dad wanaagsan yihiin, ee waa sida ay ula falgalaan hannaankan cusub ee socod baradka ah.

Ugu dambayn, waxaan ku soo gaabinaya Shiribkan aan curiyey markii aan arkay dhismaha Golaha Wasiirrada waana sidan:

Tiradu hayska koobantee , Tafaraaruq ma ku tagaa?

Toban Wasaaradoon Tacliin lahayn, Tuugiyo Jahliyeey tarmee!

Fayadii waa la tuurayoo, Tuf iyo Tiibashaa tarmee !

Toban Wasiir la soo tubyee, halkoo Tariiq ma noo tolaan?

Toban Wasiir tiro ku koob, Taariikh gashee ma toosismee?.

Bashiir M. Xersi

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Guddi madaxweynaha diray oo loo diiday inay Kismaayo tagaan. “XOG”

Gudd uu Madaxweynaha Soomaliya u magacaabay arrinka dhuxasha taalla magaaladda Kismaayo ay maanta ka baaqdeen safar ay ahayd inay ku tagaan magaalada Kismaayo.

Sababta baaqashada wafdigan ayaa lagu tilmaamay iyadoo maamulka magaalada Kismaayo ay sheegeen in aanay waxba ka ogayn imaanshaha wafdiga ee magaalada Kismaayo, oo aan lagala tashan markii hore ee la magacaabayey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in guddiga ay ka heleen maamulka Kismaayo, wargelin ku saabsan inaysan magaalada iman karin, oo aanay kusoo dhoweyneyn.

Ilo xog-ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in uu jiro kala fogaansho ku saabsan arrinka dhuxusha Kismaayo taalla oo u dhaxaysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka magaalada Kismaayo hadda taladiisa gacanta ku haya.

Maamulka ayaa doonaya in dowladda ay xayiraadda ka qaado dhuxusha, halka dowladda ay ku adkeysatay inaysan qaadi doonin.

Dibadbax Ballaaran oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

kadib ku dhawaaqisti Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maalintii shalay banaanbax balaaran oo lagu soo dhawaynayo Golaha Wasiirada ayaa waxaa uu ka dhacay Muqdisho

Dad tiradooda ay ka badnayd Boqoleeyo dadweyne  ayaa kasoo qeybgalay banaanbaxa kuwaasi oo isugu soo baxay Degmada Xamarweyne ee Gobalka Banaadir iyadoo sidoo kale banaanbaxa uu kasoo qeybgalay maamulka Degmada Xamarweyne.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne C/laahi Ibraahin Sahal Gardhuub kaasi oo sheegay in ujeedka banaanbaxa uu yahay taageero loo muujinaayo Xukuumadda cusub ee dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in hadii ay yihiin maamulka Degmada Xamarweyne ay soo dhaweynayaan wasiirada cusub ee shalay lasoo magacaabay.

Wasiirada Maalinti shalay Ra’isul Wasare Saacid uu ku dhawaaqay ayaa ahaa Tobon wasiir waxaana xilal fiican ka qabtay haween.

Wasiirka Arrimaha dibedda Somalia ma aaminsana Midnimada Somalia (Dhageyso Wareysi ay bixisay)

Markii aan dhageystay wareysi wasiirka arrimaha dibedda cusub ee Somalia ahna ra’iisul wasaare ku xigeen Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ay siisay idaacadda VOA-da, waan aamini waayay waxa dhagaheyga maqleen.

Fowsiya ayaa laba mar si cad uga leexatay inay ka jawaabto su’aal ku saabsaneyd midnimada Somalia iyo arrinta Somalia iyo Somaliland, oo ay kasoo jeedo deegaan ahaan.

Weriyaha VOA, ayaa weydiiyay su’aal ahayd “Dhowr bilood ka hor waxaad aaminsaneyd qadiyadda Somaliland iyo inay tahay dal madax banaan, iminka waxaa tahay wasiirka arrimaha dibedda Somalia, dastuurka Somalia-na waxaa ku qoran in Somalia ay tahay hal, sidee ayaad isku waafajineysaa labadaas arrin”.

Jawaabtii ay bixisay ayaase ahayd “Arrimahaas waa kuwa u baahan ka feker, wada hadal………” iyo wixii kale oo ay raacin kartay oo aad wareysiga ku maqli doontaan.

Hase yeeshee mahadi ha gaartee, weriye Haarun Macruuf ayaa markii uu arkay inay arrinta ka leex leexaneyso, waxa uu si toos ah u weydiiyay “Laakin adiga iminka waxaad aaminsan tahay midnimada Somalia, soo maahan?”

Waxaase naxdin lahaa inay Fowsiya aysan jawaab u helin su’aashaas, ayada oo soo qaadatay hadal ay u nisbeysay madaxweyne Xasan Sheikh, oo ahaa “inaysan jrin wax qasab ah”.

Haddaba nala dhageyso ceebtan aqrsite, mase kula tahay in qof aan aaminsaneyn qadiyadda Somalia, uu xilkan u qalmo?

Dhageyso Wareysiga Fowsiya.

Uganda iyo QM oo maanta ka shiraya arrin muhima oo ku saabsan Somalia

Afhayeen u hadlay dowladda Uganda ayaa sheegay in saraakiil ka socota xukuumadda Kampala ay maanta (isniin) la kulmi doonaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe, ayaga oo kala hadlaya arrin ku lug leh ciidamada dalkaas ka jooga Somalia.

Uganda waxa ay dhowaan ku goodisay inay ciidamadeeda kala baxeyso saddex dal oo African ah oo Somalia ay ku jirto. Labada kale waa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Africa.

Waxa ay taas u sababeysay warbixin ay soo saareen khuburada QM ay ku eedeysay inay hubeyso mucaaradka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Fred Opolot oo sidoo kale ah agaasimaha xurunta warbaahinta Uganda, ayaa sheegay in kadib la kullanka QM, ay xukuumadda Kampala go’aan ka gaari doonto, haddii ay ciidankeeda kala baxeyso Somalia iyo in kale.

“Kadib kullankaas, wasiirka Isgaarsiinta iyo Taknoolajiyadda Dr. Ruhakana Rugunda, ayaa dib ugu soo laaban doona Kampala, kadibna go’aan ayaynu qaadan doonaa” ayuu yiri Opolot.

“Uganda waxa ay xaqiijisay in xaalad caadi ah dib loogu soo celiyo Muqdisho iyo meelo badan oo ka mid ah Somalia, sidaa darteed haddii ay qasab noqoto inaynu ciidankeena la baxno, ma noqon doonto mid ay Soomaalida ku farxaan, waxa ay noqon doonata mid ay ku qaataan si dhib badan” ayuu sii raaciyay.

Baarlamanka oo maanta qodobo kale oo xeer hoosaadka ah laalaya.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay markale ku yeeshaan magaalada Muqdisho kulan  lagu gorfayn doono Arinta xeer hoosaadka,iyadoo maalin ka hor ay Baarlamanka ay laaleen qodobo badan.

Kulankan maanta ay isugu imaanayaan Xildhibaanada baarlamanka ayaa waxaa iclaamiyay Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaari ,waxaana maanta ay ku ambaqaadi doonaan kalfadhigooda qodobo Wali ku jira Dastuurka ee salka ku haya Xeer hoosaadka.

Sida uu sheegayo Xildhibaan Maxamad Cumar Maxamuud kulanka maanta ayaa waxaa uu daba socdaa kii maalintii sabtidii ee looga horyimid in Madaxwayanaha uu kala diro baarlamanka.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in gudiga talabixinta ah loo gudbin doono xeer hoosaadka kadibna ay iyaga dhexdooda ku noqdaan markaasna Baarlamanka la soo hordhigi doono si waxii qaldan looga saaro.

Materazzi oo isku sawiray taalada loo dhisay hertidii uu 2006dii ku dhuftay Zinedine Zidane.

Marco Materazzi ayaa kusoo bandhigay Bogiisa Twitter-ka isagoo sal saaran taalada loo dhisay hertidii uu ku dhuftay Zinedine Zidane taasoo dhowaan laga dhisay magaalada Paris ee caasimada dalka France.

Xasuusyo caan baxay ayaa u dhexeeya labada ciyaaryahan taasoo ku dhex martay Finalkii koobka aduunka ee 2006dii, waxaana hertidii Zidane uu ku dhuftay daaficii dalka Italy loo sameeyey taalo shan mitir dhirirkeedu yahay oo ku taalada Xarunta Pompidou, ee magaalada Paris iyadoo daaha laga qaaday bishii September ee sanadkaan.
Qaabka waxaa sameeyey Aartiiste reer Algeria ah oo magaciisa la yiraahdo Adel Abdesseme, wuxuuna ula dan lahaa in shilkaan caan baxay lagu xasuusto xidigii hore ee Real Madrid Zidane.

Si kataba, Materazzi, ayaa si maadeys ah isugu soo sawiray halkaas wuxuuna sal saartay labada cagood ee lugaha loo taagay taalada, isagoona ka dib kusoo diray bogiisa bulshada ee Twitter-ka

“Qiyaas halkee ayaan joogaa?” ayuu daaficii hore ee Inter ku Tweet gareeyey akoonkiisa.

Materazzi ayaa dafiray inuu aflagaadeeyey Zidane walaashiis intii ay socotay qeybtii hore ee ciyaartii Finalka ee ka dhcday Berlin, markaasoo ay Italy koobka ku qaaday goolku laadyo.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Patrice Evra: Robin van Persie wuxuu noqon doono Ruud van Nistelrooy-geena cusub.

Patrice Evra ayaa sheegay inuu Robin van Persie  noqon doono Ruud van Nistelrooy-ga Old Trafford, kabtankii hore ee Arsenal ayaana noqday mashiinka goolasha Red Devils ka dib markii uu Toban jeer shabaqa soo taabtay xilli ciyaareedkaan wuxuuna Manchester United u daah furay goolasha kulankii ay 2-1 sabtidii ku garaacday Arsenal.

Hadaba ninka heysta Kabtanimada United Evra ayaa rumeysay in ciyaaryahanka laga soo bixiyey 22da milyan ee ginni uu la mid noqon doono halyeeygii goolasha u dhalin jiray kooxda Ruud van Nistelrooy.

Ruud van Nistelrooy ayaa 150 gool dhaliyey shan sano oo uu ka hoos ciyaarayey Alex Ferguson — ninka ay isku wadanka yihiin Robin van Persie ayaana wado dheer weli u dhiman tahay.

“Dadku hada wey garan karaan in Robin uu xoog badan yahay maskax ahaan. Wuxuu u muuqdaa inuu sanado badan noo ciyaarayey wuxuu isoo xasuusiyey Van Nistelrooy,” ayuu yiri Evra.

“Waxaan ku rajo weynahay inuu sidaan kusii socdo sababtoo ah wuxuu noqon karaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan.

“Waan lasoo ciyaaray Ruud markii aan lasoo saxiixday United waxaana ku xasuustaa inuu ahaa ciyaaryahan weyn.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Chelsea oo rajo ka qabta inuu tababare u noqdo Guardiola, xilli uu soo jiitay habka ay u ciyaarto.

Pep Guardiola ayaa doonaya inuu noqdo tababaraha xiga ee Chelsea, macalinkii hore ee Barcelona ayaa qorsheynaya inuu xilkaan kusoo laabto xagaaga soo aadan wuxuuna saaxiibadiis u sheegay inuu mustaqbalkiisu yaalo Stamford Bridge.

Ka dib markii uu ku guuleystay sedax Horyaalka oo La Liga ah iyo laba Koo boo Yurub ah afar sano ee uu joogay Comp Nou, Guardiola, oo 41 jir ah ayaa go’aansaday inuu Qoyskiisa hal sano oo fasax ah kula qaato New York.

Markii uu xaqiijiyey inuu sanad ciyaaraha ka nasanaayo durba Chelsea ayaa dooneysay inay heshiis la gaarto laakiin isaga ayaa diiday.

Roberto Di Matteo ayaana waqtigaas la sugaayey wax ka badan sedax isbuuc ka dib markii uu kooxda ku hugaamiyey guushoodii Champions League ee bishii May ka hor inta aan tababare buuxa kooxda looga dhigin iyadoo laga saxiixay heshiis laba sano ah.

Ka dib guulihii uu kusoo gaaray Spian – isagoo u heeda-daabayey Rikoor 72% inuu guuleystay intii uu Joogay La Liga. Guardiola ayaa waxaa lala xiriirinayaa kooxaha ugu waa weyn Yurub laakiin waxaa la faham san yahay in dooqiisa ay tahay Chelsea oo uu door bidaayo.

Blues ayaa bedeshay hubaashii qaab ciyaareedkeeda iyadoo lasoo saxiixatay Juan Mata, Eden Hazard iyo Oscar, taas ayaana loo arkayaa midda soo jiidatay Guardiola, waxaana jira cadaadis ah inuu milkiile Roman Abramovich u qadarinaayo inuu galbeedka London sii ahaado waqti dheer.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Maxay Somaliland ka tiri xilkii loo magacaabay Fowsiya Yuusuf Xaaji?

Somaliland ayaa gaashaanka ku dhufatay Wasiirada maalintii shalay Xarunta dalka looga dhawaaqay gaar ahaan xilka loo doortay Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo ah hada Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibada Dowladda Soomaaliya loo magacaabay.

Cali Xaamud oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarasha Somaliland ayaa sheegay inaysan waxba ka qusayn Magacaabida Dr Fowsiyo oo deegaan ahaan ka soo jeeda Dhulka Maamulka Somaliland.

Waxaa uu sheegay Wasiirka inaysan waxba ka qusayn Somaliland talaabada Dowlada ay u qaaday magaacibada qof ka soo jeeda Somalilad Wasiirka Arimaha dibada.

Xaamud ayaa muujiyay inaysan marnaba badali doonin hadafkooda oo ah inaysa ku biirayn Soomaali wayn oo ay doonayaan inay noqdaan dal madax banaan ,olalaha Gooni isu taagoodana ay sii wadayaan.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji sababta xilkaan loogu dhiibay ayaa waxaa ay dad badan sheegeen maadama ay tahay qof shacbiyad kuleh Somaliland inay fududayso isku imaanshaha Somaliland iyo Dowlada Soomaaliya.

M/weyne Xasan “Beelaha Soomalida ha aqbalaan golaha Wasiirada”

Madaxwaynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday Beelaha Soomaaliyeed inay ku qancaan Golaha Wasiirada ee maalintii shalay lagu dhawaaqay.

Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya ayaa ku dhawaaway Shalay tiro wasiiro oo kooban taa oo ka dhigaysa inay yihiin kuwii ugu yaraa ee lagu dhawaqo.

Tuhuno iyo ganuuc badan ayaa soo baxay taas oo beelaha qaar ay kamuujinayaan habka wax loo soo xulay wajigabax taas oo keentay in madaxwaynaha uu hadlo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tibaaxay in beelaha soomaaliyeed looga baahanyahay inay ku qancaan oo ay aqbalaan sida ay wax u dhaceen.

Madaxwayanaha ayaa tilmaamay inuu la socda in beelaha ay ku qanacsaneen golaha Wasiirada ee la doortay,waxaana uu dhanka kale uu qeexay inaan loo qaadan in tobonka wasiir ee la doortay aysan ka aqoon badnayn Beelaha kale.

Taarikh nololeedka wasiirada cusub.

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhisay golle wasiirro oo ka kooban toban xubnood oo ay ku jiraan 2 haween ah. Golahan ayaa ah tiradii ugu yareyd ee Soomaaliya loo soo dhiso muddooyinkii u danbeeyey.

Hoosta ka akhriso magacyada iyo taariikh-nololeed kooban ee qaar ka mid ah wasiirada cusub. ka raali noqda ma aynan wada helin dhammaan taariikhdooda, balse waa inta badan.

  1. Marwo/Fowsiya Yuusuf X Aadan   ”Isaaq”– Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen / Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda:

Khabiir-hawleed xirfad iyo aqoon aad u durugsan u leh Xiriirrada Caalamiga ah, Maaraynta, Gargaarka Bani-aadamka, Saxaafadda, Qaramada Midoobay, Tacliinta, Awoodeynta Dumarka, iyo la-tacaalidda Saboolnimada.

  • Saxaafadda, Tacliinta, iyo Xiriirka Caalamiga ah ku baratay jaamacado caan ah oo ku kala yaalla  Dalalka Faransiiska, Suudaan, iyo Maraykanka
  • Xilal sare ka soo qabatay safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd dalalka Jarmalka, Faransiiska  iyo Maraykanka
  • Aasaastay, agaasimena ka noqotay RAAD International iyo RAAD TV.
  • Aasaastay, noqotayna hormuudkii ugu horreeyey ee Jaamacadda Hargeysa.
  1. Mudane/Abdullahi Abyan Nuur  ‘Dir -Koonfureed/Biyamaal’- Wasiirka Wasaaradda Garsoorka,Arrimaha Diinta & Awqaafta
  1. Mudane/Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi  ”Dabare-Raxanweyn” – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, ahaana Raysal-wasaare ku-xigeen; Guddoomiyihii hore ee Guddiga Abaaraha.
  • Maaraynta Ganacsiga iyo Maamulka Guud ee Bulshada ku bartay Jaamacadda Strayer ee ku taalla magaalada Washinton DC ee ku taalla carriga Maraykanka
  • Diblumaasi ka tirsanaan jirey safaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd dalka Maraykanka.
  • Ka mid ahaa ergada Soomaaliya u joogi jirtey Kulanka Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York
  • Ku-simaha Qunsulka Guud ka soo noqday sfaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd dalka Kanada
  • Khibrad aqooneed iyo mid shaqo oo ka badan 25 sano u leh maamulka iyo Maaraynta
  • Ku hadla afafka Ingiriisiga iyo Carabiga
  1. Mudane/ Cabdikariin Xuseen Guuleed  ”Sacad -Habar gidir-Hawiye”– Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Xirfadle hawlo  badan ka soo qabtay Maamulka iyo Maaraynta.

  • Agaasime-daleed u soo noqday Hay’adda Muslimka Afrika
  • Qayb libaax ka qaatay aas-aaska barnaamijyo aqooneed iyo kuwo hawleed oo ay leedahay Jaamacadda SIMAD
  • Guddoomin jirey Naadiga FPEN oo ah xiriir ay leeyihiin Ururrada ku hawlan Meheradaha Waxbarashada ee Gaarka loo Leeyahay
  • Ku hadla Afafka: Carabiga iyo Ingiriisiga
  1. Mudane/Maxmuud Xasan Suleymaan (Cawil)  ”Cumar Maxamud, Majeerteen -Daarood”– Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta. Aqoonyahan ku takhasusay khibradna u leh maaliyadda iyo qorshaynta:
  • Ka qalin jebiyey Jaamacadda  Istareeyar Kolleej oo ku taalla Carriga Maraykanka
  • Waddamada Sacuudiga iyo Iswiserland uga soo shaqeeyey Bankiga Islaamiga ah ee la yiraahdo Daarul Maal Al-Islaami.
  • Soo qaatay tababbarro badan oo xirfadeed oo ku saabsan maaliyadda, maalgashiga, iyo qorshaynta
  • Muddo ku dhaw afartan (40) sano ku soo dhex jirey mihnadda maaliyadda iyo xisaabaadka.
  • Si wanaagsan ugu hadla luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga
  1. Mudane/Cabdulaahi Ciil-mooge Xirsi ”Ogaadeen-Daarood”- Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta iyo Isgaarsiinta. Aqoonyahan khibrad u leh u-saldhigidda iyo kobcinta is-gaarsiinta iyo ganacsiga, ahna sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliya
  • Ka qalin-jebiyey Kulliyadda Saadka ee ku tiillay Volsk iyo Saratof oo ku yaalla Midawgii hore ee Soofiyeetiga.
  • Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) uga soo shaqeeyey dalalka Afqaanistaan, Usbekistaan, Kasaakhistaan, iyo dalal kale
  • Khibrad shaqo iyo aqooneed oo ka badan 35 sano u leh mihnadda Is-gaarsiinta casriga ah iyo Saadaalinta Dhaqaalaha
  1. Mudane/Cabdirisaaq Cumar Maxamed ”Xawaadle -Hawiye”.– Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka.

Aqoonyahan ku takhasusay dhaqaalaha iyo culuumta bay’adda, khibrad iyo faham durugsanna u leh wax-soo saarka.

  • Ka qalin-jebiyey Jaamacadda York University oo ku taalla Carriga Kanada
  • Maareeyaha Barnaamijyada ka ahaa xafiis bulshada Soomaaliyeed ee Kanada ku nool looga qaban jirey adeegyada kala ah: caafimaadka, shaqo-helidda, u-doodidda saboolka iwm.
  • Agaasime sare ka ahaa Hay’adda Horumarinta Hiiraan oo qalab caafimaad iyo adeegyo kale oo dhinaca dhaqaalaha ah ugu deeqday cisbitaalka weyn ee Beledweyne
  • Guddoomiye ka ahaa Hay’adda  la yiraahdo “Danta Soomaalida” oo u ol-olayn jirtey wanaajinta xaaladda dadka Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliya
  • Si wanaagsan ugu hadla Afka Ingiriisiga
  1. Mudane/Muxyadiin Maxamed Kaalmooy  ”Jareer-Weyne”– Wasiirka Wasaaradda  Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska.
  1. Marwo/Drs Maryan Qaasim  – ”Barawaani, Beesha Shanaad” Wasiirka Horumarinta Adeega Bulshada.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Dumarka & Daryeelka Qoyska.  Dhakhtarad ku takhasustay Cudurrada Carruurta iyo Taranka Haweenka.

  • Ka qalin-jebisay Jaamacaddii Umadda Soomaaliya, qaybta caafimaadka
  • Tacliinta caafimaadka ka kororsatay Waddanka Nederlaand
  • Shahaado Sare oo Caafimaadka Bulshada ah ka qaadatay Carriga Ingiriiska
  • Maamullo sare oo dhinaca caafimaadka ah ka soo qabatay dalalka Yemen, Wasaaradda Caafimaadka ee Nederlaand, iyo dalka Ingiriiska
  • Khibrad iyo aqoon ka badan soddon (30) sano u leh daryeelka iyo caafimaadka aadamiga
  • Si fiican ugu hadasha Afafka: Ingiriisiga, Dhajka, Carabiga, iyo Talyaaniga
  1. Mudane Maxamud Axmed Xasan  ”Hadame-Raxanweyn”. – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

FAALLO: Mudane Madaxweyne Noqo Ma Baqe, Ma Naxe Go’aan Adag.

Mas’uuliyadda madaxweyne qaran waa xil aad u culus oo qofka qabta laga rabo inuu yeesho sifooyinka loogu guullaysankaro, dalka iyo dadkuna mahadiyaan. Fadlan ka leexo jidka xukuumadihii hore mareen kuna fashilmeen muddo 22 sano ah. Fadlan TALADAN qaado haddii aad rabto inaad soo noolayso qaranimadii iyo dawladnimadii Somalia ummadaadana ka saarto masiibada dagaallada sokeeye ee ku habsatay mudada 22 sano ah.

Taladanu waxay ka koobantahay 7da arrimood ee soo socda:

1. Mudane madaxweyne adiga iyo ra’iisal wasaaruhuba Dhegaha ka furaysta marba beel xanaaqda oo ku hanjabta inay dawladda ka baxayso haddii aan la siin jago wasiir. Qaranimo iyo dawladnimo kuma dhisanto raalligelin rabitaanka inta yar oo loo yeelo iyo inta badan oo loo afduubo inta yar (Qaran beel ka weyn). Somalidu waxay ku maahmaahdaa, “Nin lammaan oo shir ka duday siigo yaraa.” Ha u debcin rabitaanka danta inta yar. Waxkasta ka horraysii danta guud ee qaranka si aad ugu guullaysato xilka soo celinta qaranimada iyo dawladnimada Somalia.

2. Damjadiid yaanay ku afduubin oo kaa soo horjeedin ummadda. Damjadiid kuma dooran ee waxaa ku doortay baarlamanka ummadda. Diid rabitaanka shakhsi ama koox rabta jago lagu gaadho dano gaar ah oo lugooyo ku ah dadka baaba’san iyo dawladnimada lunsan 22 sano. Dal dhisan iyo dad dhisan oo madaxdiisa lagu soo doorto doorasho shacab ayaa marba xisbiga ku guullaysta talada dalka qaataa jagooyinka dawladda ee muhiimka ah. Maanta arrintaasu suurtogal kama aha Somalia waayo waa dal burbursan iyo dad aad u tabaalaysan oo wadajir uun dhibaatooyinka taagan wax looga qabankaro. Waa xilli loo baahanyahay in la isku soo jiido la iskuna keeno ummadda si wadajir loogu soo celiyo qaranimada iyo dawladnimada Somalia ee godka dheer ku jira. Lama joogo waqti la kala bursado jagooyinka dawladda waayo ma jiro xisbi ama koox maanta keligeed dalka wax ka qabankarta laxaadka dhibaatooyinka jira awgeed. Damjadiid (ظع„ظع… ظع„ظ،ظعŠظ) ma ahayn xisbi dadku yiqiin ama ka jirijiray dalka Somalia. Damjadiid waxay ahayd koox is-bahaysatay markii hore dabadeedna la baxday magac xisbi si doorashada baarlamaanka ay uga qaybgalaan. Xaaladdaas adag ee dalku ku jiro awgeed, Damjadiid marnaba xaq uma laha inay ka sheegato ummadda jagooyinka muhiimka ah ee dawladda.

3. Mudane madaxweyne ogow in laguu doortay madaxweyne xilli dalku ku jiro marxalad aad u adag oo la rabo in gobolladiisa iyo beelihiisa kala tagan la isku keeno taasuna waxay kaaga baahantahay go’aan adag oo markasta ku salaysan maslaxadda guud si aad u heshid taageerada iyo kalsoonidda ummadda iyo baarlamanka. Caqliga maanta jira ee khaldan waxa uu aaminsanyahay in beeshii hoggaanka dalka qabata ama ciddii kale ee jagooyin muhiim ah ummadda u qabata ay nolol wanaagsan helayso inta kalena bakhtiyayso, tuhunkaasuna waxa uu lugta jiidikaraa hoggaamintaada. Arrntaas waxaad kula dagaallamikartaa kalsoonida shacabkana ku kasbankartaa musuqmaasuqa oo aan naxariis kaa helin. Cadaaaladdu waxay keentaa nabadgelyo iyo ummadda oo kalsooni ku qabta dawladeeda, nabadgelyaduna waxay keentaa deganaansho iyo horumar joogto ah oo saameeya qofka, qoyska iyo bulshada.

4. Xaaladda Somalia ku jirto awgeed waxaa la rabaa inaad noqotid madaxweyne baqdintu ka guurto, naxdintu ka haajirto marka tallaabo aad ka qaadaysid qofka ku xad-gudba danta guud, naftaadana ka xorrayso go’aan is-bedel badan oo fashiliya soo noolaynta dawladnimo iyo qaranimo dhab ah. Somalidu waxay ku maahmaahdaa 3 ayaa hoggaamin ka qaada, ” Guddoon jilicsan, gar eexo, iyo gacan gudhan”. Saddexdaba ka fogow.

5. Mudane madaxweyne adiga iyo Ra’iisal wasaarahu danta guud awgeed u wada tashada, khilaafka iska ilaasha, sirta dawladnimada wada dhawra, isku xaqdhawra oo isku xushmeeya waajibaadka mid kasta siinayo dastuurka idiin yaal hana isku xad-gudbina si aan dawladdu u fashilmin oo u qaadin jidka kuwii hore ku fashilmeen. Waxay Somalidu taqaan caado xun oo ah in ninkii noqda mas’uul qaran uu faramaroorsado ama faraha la galo hawlo uu leeyahay mas’uul kale arrintaasna waxa ka dhasha khilaaf xun oo ragaadiya dawladnimada iyo dastuurka oo noqda wax uun warqad ku qoran oo aan la qiimayn sidaasna dawladnimadu ku noqonweydo taabbagal. Arrintaas adiguna ka fogow ciddii ku dhaqantana tallaabo ka qaad waayo waa kelitalisnimo fool xun.

6. Tirada wasiirada haka dhiginina tiro xad-dhaaf ah oo dhaqaalaha dalka la degta ama tiro aad u yar oo inta wasiir dusha laga saaro dhawr wasaaradood uu ku jaahwareero oo uu qabankariwaayo xilka ummadda ee loo igmaday.Tirada wasiirada ee dalkasta iyo xaalad kastaba waxay ku habboontahay 14-15 wasiir, wixii wasaarad looga maarmana loo magacaabo wakaalado. Waxaa kale oo muhiim ah inaad golaha wasiirada ka ilaalisaan arrin sii kala fogaynaysa Somalأ­a iyo Somaliland carqalad weynna ku noqonkarta mustaqbalka sii ambaqaadka wadahaladii u bilowday labada dhinac. Arrintaas waxay noqonkartaa wasiirro la siiyo xubno ka soojeeda kana soo horjeeda Somaliland si loogu xumeeyo Somaliland sida xukuumadihii hore ee Somalأ­a ay samaynjireen. Wasiir aad siisaan qof ka soo jeeda kana soo horjeeda Somaliland waad ogtihin in aanu lahayn awood uu ku galo Somaliland. Arrinta Somaliland maaha arrin uu wasiir ama madaxweyne wax ka qabankaro balse waa arrin go’aankeeda uu leeyahay shacabka oo qura.

7. Mudane Madaxweyne dooro gole kula taliya (Advisory Board) oo leh sifooyinkan lagugula talinayo ee kor ku xusan si aad uga maaranto soo jeedinta iyo talooyinka xad-dhaafka iyo jaahwareerka ah ee madaxda dhaqank iyo siyaasiyinta oo qaarkood ku salaysanyahay dan shakhsi, koox, ama qabiil. Eebbe hakuu fududeeyo xilka weyn, hakugu guullaysiiyo, ummaddana haka saaro dhibaatada, Amiin. Wa Billaahi Towfiiq.

Ibrahim Hassan Gagale (B.A & B.S).

[email protected]

Afeef: Aragatida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

Barcelona oo Janaayo dooneysa inay soo xero geliso kabtanka Man United Nemanja Vidic.

Sida aan kasoo xiganay wargeyska kasoo baxa dalka Talyaaniga ee CalcioMercato, Barcelona ayaa rajo weyn ka qabta inay Janaayo soo dhaqaajiso daafaca dambe ee kooxda Manchester United Nemanja Vidic. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Serbia waana shaawac qaba waxaana la filayaa inuu garoomada kusoo laabto ka hor sanada cusub. Tababaraha Barcelona Tito Vilanova ayaana doonaya inuu Old Trafford kasoo kexeeyo daafacaan.

Iyadoo ay Chris Smalling iyo Phil Jones garoomada kusoo laabteen Rio Ferdinand iyo Jonny Evans ayaa u muuqday kuwo booska daafaca adkeeyey xilli ciyaareedkaan, Man United ayaanse qarsan Karin dhibaatada daafaca dhexe, Ferguson ayaana laga yaabaa inuusan iibin daafaciisa maadaama uu baahi u qabo.

Barcelona ayaa hugaanka u heysa La Liga inkastoo ay si fiican ku bilowdeen xilli ciyaareedka hadana waxaa kooxda Comp Nou ka muuqday dhibaato daacaf la’aaneed marka loo eego dhaawacyada Carles Puyol iyo Gerard Pique, Javier Mascherano ayaana booskaas bedelay halka uu Vilanova. Marba qorshe ku dhiso daafaciisa habacsan.

Barcelona ayaa sidoo kale xakameyn weysan goolasha laga dhaliyaano iyadoo 12 jeer shabaqeeda lasoo taabtay 4 ka mid ah waxaa ka dhalisay kooxda Deportivo La Coruna. Waxayna dooneysaa inay isku dhisto kabtanka Red Devils Vidic.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Ferguson: Ciyaartoyda Man Utd hadii ay dhalin waayeen Rigoorada aniga ayaa dhalinaya.

Sir Alex Ferguson ayaa qaba in la xalin karo dhibaatada goolku laadka ka heysata kooxdiisa Manchester United, wuxuuna sheegay inuu laftiisu ridayo hal rigoore.

United ayaa ku dhibaatooneysay xilli ciyaareedkaan goolku laadka waxayna iska qasaariyeen Afar Rigoore marka lagu darro midii uu Wayne Rooney qasaariyey kulankii Arsenal.

Rigooradii Wayne Rooney ayaa Red Devils ka dhigeysa inay afar ciyaaryahan oo kala duwan ka qasaariyaan afar gool ku laad tababare Fergie ayaana midaas ku wareeray.

“Waxaan filayaa inaan hal mid tuuro isbuuca soo aadan  — ka dib waan dhalin doonaa,” ayuu ku kajamay Alex.

Robin van Persie ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu horeeyey ee Rigoore ka qasaariya United ka dib markii uu gool hayaha Southampton Kelvin Davis ka badbaadiyey kubadii loo dhigay meel goolka u jirta 12 Yard.

Javier Hernandez ayaa isna laga qabtay kulankii ay United wajahday Wigan, ka dibna Nani ayaa qasaariyey kulankii Champions League-ga ee Galatasaray.

“Waxaan oo kale wey dhacaan aynu horay uga socono,” ayuu yiri Rooney.

“Xaqiiqdii waan ka niyad jabay balse horay ayaan uga sii socday markii aan kulanka ku guuleysanay, taasoo aheyd mida muhimka inoo ah.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Xiriirka K/Cagta England oo soo jeediyey in la duubo wararka ay is dhaafsadaan Garoorayaashu.

Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Ingiriiska David Bernstein ayaa u ololeynaya macquul ahaanshiyaha in la duubo wax yaabaha ay ku wada hadlaan garoorayaasha iyo ciyaartoydu inta ay socoto ciyaartu ka dib iska hor imaadkii Mark Clattenburg.

Garooraha Premier League-ga Clattenburg ayaa lagu heystaa inuu hadalo aan habooneyn u adeegsaday ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Chelsea John Obi Mikel intii uu socday kulankii Manchester United ee isbuucii lasoo dhaafay, laakiin garooraha ayaa beeniyey waxa loo heysto.

Hada, Garooraha, caawiyeyaashiisa iyo kan afaraad ee rasmiga ah ayey mid walba isku maqli karaan Mikrafoonka laakiin waxa ay ku wada hadlaan lama duubo.

Garsoorihii hore Keith Hackett ayaa axadii soo jeediyey in dhibaatadaan la xaliyo sida ugu dhaqsaha badan, Bernstein ayaana rumeysan in dhibkaan xal loo helo.

“Garooruhu wuxuu la hadli karaa caawiyeyaashiisa iyo garooraha afaraad ee rasmiga ah wayna ka warqabaan waxa lagu wada hadlo, balse lama duubo,” ayuu yiri Bernstein oo la hadlaayey BBC Radio Five Live’s Sportsweek programme

“Si ay u dhacdo in la duubo, waa in xiriirka garsoorayaasha oo ay xukunto FA-ga, Premier League iyo Football League ay soo jeediyaan in sidaasi wax la yeelo.

“Ka waxey u baahnaan doontaa in la horgeeyo FIFA iyo ururka wax ka bedela sharciyada kubada cagta ee IFAB si ay u ansixiyaan.

“Qorshahu wuxuu qaadan karaa waqti dheer waana in laga taxadaraa. Waa mid ka mid ah wax yaabaha ugu waa weyn IFAB mana ahan in loogu boodo fursada si dhaqso ah.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.