27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

R/W Saacid oo saacadaha soo socda ku dhawaaqaya Xukuumadiisa.

Saacadaha Soo sacda ayaa lagu wadaa in Ra’Iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku dhawaaqo Golahiisa Wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Wararka aan ka helayno Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Saacid uu hada aad ugu mashquulsan yahay in oordhaw oo galabta ah uu ku dhawaaqo Golahiisa Wasiirada.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa muran uu ka taagnaa tirade wasiirada Golaha wasiirada ee Ra’iisul Wasaaraha uu keenayo,inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in la xaliyay qilaafkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumad taya leh.

Taliye sare oo laga dilay Dowladda.

Warar hada soo dhacaya ayaa sheegaya in magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka hiiraan lagu dilay Taliyihii Ciidamada dowlada soomaaliya ee gobollka hiiraan.

Taliyaha ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu toogtay askari ka tirsan ciidamada dowlada soomaaliya,waxaana ninkan wax dilay uu ka qayb  yahay askar horay gadood ugu samaysay Beladwayne.

Dilkaan ayaa waxaa uu yimid markii taliyaha uu tagay buundo Liiq liiqato oo ciidamada dowlada Isbaaro ay u taalo kadibna ay ka caroodeen go’aankiisa.

Askariga dilay Taliyaha ayaa goobta ka baxsaday in kastoo ay jiraan ciidamo kale ee dowlada oo baadi goobaya .

Dhacdadan ayaa noqon doonta mid cabsi gelisa ciidamada Shisheeye ee jooga Beladweyne Maadama dowlada ay dhexdooda ay is diliyaan ka hor cadaw kale

Turkiga oo shidaal ka baari doona meelo ka mid ah Somalia.

Shirkadda saliida iyo gaaska Turkiga ee Genel Energy Plc, ayaa howl shidaal sahmin ah ka billaabi doonto waqooyi bari Somalia, sanadka soo socda.

Waxaa sidoo kale xigi doona in shidaal qodis la billaabi doono, rubaca labaad ee sanadda 2014, haddii lagu guuleysto sahminta 2013, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan shirkadda.

Shirkaddaas oo ka diiwaan gashan suuqa saamiyada London, ayaa waxa ay heysataa xuquuq ay shidaal sahmin kaga sameyso Block 13 iyo Block 10B ee deegaanada maamulka Somaliland ee waqooyiga Somalia.

Goobta shidaalka laga baarayo ayaa qaab ahaan waxa ay shabahdaa dalka Yemen, waxaana suurta gal ah inay ku jirto saliid dhan hal bilyan oo barmiil, sida ay saraakiisha shirkadda sheegeen.

“Somaliland, waxa ay in siineysaa fursad deegana oo wnaaagsan, oo bilow fiican u noqon karta howl galkeena gobolka” ayuu yiri afhayeen u hadlay shirkaddaasi Turkiga oo la yiraahdo Andrew Benbow.

Shirkadda Genel Energy ayaa diiday inay ka hadasho xaalad siyaasadeed ee tani ka dhalan karta maadaama aysan fasax ka heysan Dowladda Somalia, oo caalami ahaan loo aqoonsan yahay tan maamusha Somalia oo idil, oo ay ku jirto Somaliland.

Biriq dad ku dishay meel Somalia ah.

Gobolada dalka Soomaaliya waxaa hada ka curtay roobabka Xiliga xagaaga kaas oo ay dadka ku diirsadeen.

Roobabkan ayaa waxaa ay yimaadeen iyadoo xili kulaylo lagu jiray,beeraha iyo Xoolahana iyo Bani’aadamkuba ay u baahnayeen.

Iyadoo faa’idadaas oo dhan lagu qabo ayaa waxaa jira mararka qaar in dad roobka sabab looga dhigo inay ku dhintaan,Sida hada ka dhacday Gobolka Galgaduud oo dad Xoola dhaqata ah ay u dhinteen Biriq haleeshay.

Sadax qof ayaa ku dhintay deegaan hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud  kuwaa oo hal qoys kasoo wada jeeda markii guriga ay daganayeen ay ku soo dhacday biriqdaas oo xili roobeedka la arko.

Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaan in labo ruux oo kale ay ku miir beeleen.

Soomaaliya waxaa hada si aad ah ugu da’ya roobkan oo ah mid dadka iyo duunyadaba ay u baahanyihiin.

Madaxweyne Xasan oo walaalihiisa uga hiiliyay beesha Xawaadle “Xog”.

Sida aan xog ku helnay beesha Xawaadle ayaa heli doonta mid ka mid ah labaada wasiir ee Beelaha Hawiye kasoo gaari doona xukuumadda cusub.

Hase yeeshee waxaa la sheegay in is qabsi qabsi xogaan oo uu ku lug lee yahay Madaxweyne Xasan Sheikh uu ka taagan yahay qofka loo magacaabayo jagadaas.

Beesha Xawaadle ayaa madaxweynaha usoo gudbisay nin aqoonyahan ah oo la shaqeeya hay’adaha caalamiga ah, fadhigiisuna yahay magaalada Nairobi oo ay dooneyso in xilkaasi loo magacaabo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu ka cago jiiday codsiga beesha, uuna doonayo in wasiir loo magacaabo nin kale oo aqoon yahan ah oo degan dalka Canada.

Ninkaas oo magaciisa aan ku helnay kaliya Cabdirisaaq, ayaa waxaa adeer u ah rag ku hooyo ah madaxweynaha oo kasoo jeeda beesha Xawaadle, oo ayaga oo ka faa’iideysanaya walaaltinamadooda madaxweynaha doonaya in qof ayaga ay wataan xilkaas loo magacaabo.

Haddaadan horey ula socin madaxweynaha hooyadiis waa Xawaadle, waxaana ku hooyo ah rag Xawaadle, Ibraahim Ciise.

Waxa kale oo jira in lafta ay ka dhasheen madaxweynaha walaalihiis aysan helin xildhibaan, taasna ay qiil uga dhiganayaan wasiir doonkooda, madaxweynahana ka dhaadhiciyeen.

Si kastaba illaa iyo hadda waxaa socda wada hadallo u dhaxeeya beesha Xawaadle iyo madaxweynaha si arrintan meel la iskula dhigo, waana arki doonnaa waxa kasoo baxa.

AC Milan oo bilowday inay raadiso liiska tababarayaashii bedeli lahaa Massimiliano Allegri.

Bilowgii xumaa ee AC Milan ay xilli ciyaareedkaan ku bilaabatay Serie A, ayaa noqon kara mid lumiya shaqada uu kooxda ka haayo Massimiliano Allegri, wuxuu milkiilahooda Silvio Berlusconi uu diyaar u yahay inuu helo liiska macalimiinta bedeli laheyd 45 jirkaan, sida ay ogaatay shabakda Goal.com.

Ka dib markii ciyaaryahano magac leh sida Zlatan Ibrahimovic ay xagaaga ka dhaqaaqeen San Siro, Rossoneri ayaa Horyaalka ku bilaabatay si aan looga baran waxayna guul gaartay shan ciyaar 11 kulan oo Serie A ah, waxaana lasoo jeedinayaa in tababarihii hore ee Cagliari dhowaan shaqada laga ceyrin doono.

Waxaa liiskaan booska hore uga jira tababarihii hore ee Barcelona Pep Guardiola laakiin nasiib darro waxaa laga yaabaa inuusan kooxda u soo  dhaqaaqin iyadoo lugta kula jirta xaalad dhaqaale xumo.

Tababaraha xiga ee uu Berlusconi liiskaan ku darsaday waa hugaamiyaha Zenit St Petersburg Luciano Spalletti, waana qabiir sanado badan soo leyliyey kooxaha Serie A, Udinese iyo Roma

Waxaa kaloo liiskaan ka mid ah Rafa Benitez, kaasoo laga raacdeeyey Inter bishii December 2010kii ka dib markii uu lix bilood hugaaminaayey iyo Roberto Mancini, kaasoo cadaadis xoogan uu ku saaran yahay kooxda heysata horyaalka Barclays Premier League ee Manchester City, laakiin ku guuleystay sedax Horyaal oo Scudetti ah.

Filippo Inzaghi ayaa noqon kara mid kale oo bedela Allegri. Waxaana ciyaaryahankii hore ee reer Talyaani uu xirfadiisa ciyaareed soo afjaray sanadkii lasoo dhaafay, laakiin wuxuu ka shaqeeyaa akadeemiyada kooxda wuxuuna noqon karaa bedel ku haboon maadaama uu kooxda taageerayaal badan ku leeyahay.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Faallo: Muranka Madaxda Dawladda!

Yaa yiri ISBADAL baa dhacay? Yaa yiri marxalad cusub baa la galay? Yaa yiri murankii waa laga gudbay? Yaa yiri Profyadan ayaa wax tari kara? Yaa yiri khilaafkii baa dhammaaday? Yaa yiri is qabqabsigii baa idlaaday? Yaa yiri is maandhaafkii baa haray? Yaa yiri waxaa la galay xilligii dib u dhiska dalka iyo dib u deginta dadka? Yaa yiri waxaa la gaaray bisayl siyaasadeed? Yaa yiri AL baa laga xoroobay? Yaa yiri … Yaa yiri… Yaa yiri….

Inaan weydiimahan dhigo inay dani ii sheegtay ka sokow, waxaan is leeyahay durbaankii la gaaracay Maalinnimadii Talaadada ee 28-ka bsihii Agoosto, ee la doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Jawaari, 10kii bishii Sebtembre, ee la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo 06-dii bishan lagu jiro, ee la magaacabay Mudane Saacid, daxashii ka dhalatay iyo mirirkii uu maanka u gaystay kolleey kama goyn kartide, armaad ugu yaraan burush Timo yix ka jilic marisaa, Suujinadu inaysan qaadmayn ma moogi, balse, waxaan is leeyahay armaysan ka darayn “Cayri caymo ma diiddee!”

Si aan digasho loogu qaadan, bal aan soo reebo qayb aan is iri, marka laga soo tago daacadnimada ay u dhahaan waxaa u wehliya duruufo qallafsan oo dalka ku soo maray, Kacaankii Luggooyo ee maalmahan la xusayeyna u gaystay, hadday dibadaha tageenna aan dayr fiican iyo daryeel wacan midna helin, dibna aaan loo soo gurya noqon karin, illeen Duqii waxaa ka daba maray lama arag iyo lama maqale.

Marka aan afeeftaa dhiibto ka dib, haddaan maalin walba u joogno warin wax dhacay ama la sheegay, ee aannaan la imaan caqli aan ku miisaanno sida, qaabka iyo hannaanku wax u dheceen ama loo dhahay, waxaa hubaal ah in maalin walba ay nala soo gudboonaynso midda hadda taagan oo kale, maxaa yeelay hore ma aannaan eegin, haddana ma aannaan eegin, gadaalna ma aannaan eegin, hawtul hamag iyo hayaan aan hadaf lahayn.

Dunidaan isdaba mari

Majarahay ku socotaa

Milicsiyo hummaag iyo

Saadaalyo muuqaal

Inaan meehaannawnaa

Maankeena maran iyo
miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!     

Ayaandarrada jirta baa ah, qormadu inay ku soo aadayso iyada oo wali ay socdaan mashxaradaha loo dhigayo kuwan is khilaafsan, waaba iga weydiin, ma mudan yihiin in loo alalaaso? Hadday taa haa, waa DHILAALKA DHAQANKA wax noogu hagaagi la’yihiin, illeen waxaanba u sacbinnaa wixii dhibkeena ah oo kaliya, haddiise ay maya tahay, maxaana keenay in loo sacbiyo?

Muruqeenna kala maqan

Muuqeenna kala jaban

Madmadowga badaniyo

Mugdiguna ku kala jiro

Maankeena maran iyo
miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Waxaa muran ugub ama curdun ah ka dhex taagan yahay Madaxeyane Xasan Sheekh iyo Wasiirka 1-aad Saacid, waxaa la isku mari la’yahay tirida Golaha Wasiirrada laga dhigayo, Sagaal ama Toban waxaa ku dhaggan Madaxweyne Xasan, oo dabcan loo qiilin karo, balse, aanan anigu wali arag qiil i qanciya ama lala soo shir tagi karo, ugu yaraan Shan iyo Toban ilaa Siddeen iyo Toban waxaa taagan Wasiirka koowaad Saacid, oo ah sida caqligu keenayo.

Inta aanan sii falanqayn, su’aalaha ugu waaweyn waxay yihiin: bil is lama joogine, goorma ayey is khilaafayaan? Miyeysan wax ku heshiin inta aysan dadka u caddayn inay wada shaqayn doonaan? Gaar ahaan, haddiiba ay ka go’nayd Madaxweyne Xasan inuu tirada Sagaal ama Toban meel marasho saw kuma habboonayn ama ma ahayn inuu inta uusan shaacin magacaabista Saacid shardi ahaan ugu xiro, si uusan caqabad ugala kulmin, anagana noo niyad dilin? Miyeysan ahayan niyad jab xun oo la billowday Xukuumadda Saacid? Su’aashuna noqonaysaa: imisa ayey sii jiri doontaa?

Marka laga soo tago yaa qumman yaa qaldan? Ma tahay xilli ay murmaan? Ma isla qaateen waqti ay isku qilaafaan? Ma wadaageen aragtiyo kala duwan ee ku addaan:

Nidaamka Beelaysiga “Federalka”

Sugiddaa ammaanka Dhismaha hayadaha dhaqaalaha

Dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka

La dagaallanka musuqmaasuqa

La dagaallanka  argagixisada

Dhismaha garsoorka iyo cadaaladda

Dhammaystirka dhismaha dawladda IWM? 

Marka warcelinta weydiimaha la isku soo duubo, waxay wada noqonayaan waa “MAYA” haddana, maalmihii la magacaabay weydiimo taagnaa baa jiray oo dhacdadan oo kale  baajin lahaa inay dhacdo waa haddii la isweydiin lahaaye, sida aan hore la isugu weydiin bay iminka u maqan yihiin isla weydiimahan sare ku xusuni, marka laga reebo jawaabta iska cad ee ka imaan karta.

Anigaa masuul ka ah
Adigaa masruuf raba
Isagaa maciin u ah
Annagaa muqaawila
Idinkaan midnimo rabin!
Is maandhaafka jira iyo

Is mari waaga taagani

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Koobidda tirida Golaha Wasiirrada soo socda, waxay qayb ka tahay dhammaystirka qaab dhismeedka Dawladda Soomaaliyeed, balse, taa macnaheedu ma ahan in tirada dhanba lagu soo koobo Sagaal ama Toban, kaba sii darane, ma ahan in Maxdaxweynuhu tira tobnaad ku taagnaado, haba ku taagnaadee, markii hore ayey u ekayd inuu Tarriiqad afka ka tolan ku taabto Ra’iisul Wasaaraha, waligeedba xilli aan la mudnayd ayaa afka la meermeershaa.

Marka laga soo tago Gobollada dalka ee maamulladu ka dhisan yihiin iyo kuwa aysan ka dhisnayn, haddaan Dawladdu Muqdisho talo ku lahayn Amisom la’aanteed, saw ma ahayn inay xoogga saarto sidii ay u badin lahayd ciidanka jaad walba uu yeelan karo, inta ay isku mashquulin lahayd tiraynta Golaha Wasiirrada? Alla maxaa la isku war la’ yahay!

Haddii aysan wali aragti ka haysan ama ku soo bandhigin sida laga yeelayo ciidanka Kenya ee waqtigii ay ka midka ahaayeen ciidanka Amisom ka dhacay, haddii aysan wali mawqif ka qaadan sida laga yeelayo deegannada Jubbooyinka, ee dhawaan Alshaabab isaga bexeen, ee aysan cidna ka qarsanayn damaca ku jira Kenya ee ku aaddan hadday noqoto maamulka deegaanka ama dhaqaale ahaanba.

Haddii aysan wali aragti ka haysan kuna soo jeedin sida laga yeelayo ciidanka Amisom qudhiisa, oo aysan wali caddayn xilliga uu baxayo iyo xitaa qaabka uu ku shaqaynayo, marka laga reebo in loo oggolaaday ka gadaallanka deeganno ka baxsan Muqdisho, haddii aysan wali soo bandhigin qaabka loo suugayo ammaanka Muqdisho iyo guud ahaan dalkaba, oo maalin walba lagu dilo waxgaardka Soomaaliyeed, ee isugu jira Saxafiyiin, Abwaanno, Fannaaniin, Odayaal, Ganacsato IQB, maxay is khilaafaan?

Dhanka kale, dawladda ma waxay u dhisan tahay in la isla wadaago mise in la is waydaarsho? Waxaan uga jeedaa, haddii Madaxweynuhu ku dhaggan yahay Sagaal ama Toban Wasiir, sidee ku dhacaysaa in beelo markii horaba gunuunuc qabay loo qanciyo? Kaba sii darane, haddii tiradu intaa dhaafi wayso waxay ka dhigan tahay Dawlad u dhisan inta dhisatay oo kaliya.

Haddii markii hore laga cawday in dawladdii hore ay saamayn ku lahaayeen niman la yiraa AALA SHEEKH oo xitaa Mahiga mar xusay, middan marka laga soo tago saamaynta ay DAM JADIID ku leeyihiin, waxaysanba soo dhaafayn afarta la magacaabay iyo irridaha ay ku jiraan, maxaa yeelay dal laguma maamulo ANAA IRI IYO IMA DHAAFTO! Midda socotana waa taa oo kale, ee armay ka fiirsasho u baahan tahay kuna habboon tahay?.

Muran dawlad noqon waa
Madax noo samayn waa
Manhaj gaara noo diid
Hiddihii mudnaa iyo
In la mooso Dhaqankii
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Madaxweynuhu markuu tirada Sagaal ama Toban ku dhagayo, waxay ahayd  markuu magaalada Kampala ku qaabilayey madaxda Uganda iyo Kenya, inuusan iska soo fariisan ama iska soo istaagin goobtii uu ka dhacayey shirku astaan la’aan, halka madaxda kale uu mid walbaa garabkiisa surnaa calankiisa, keennuse meesha ka maqnaa!

Maamul aan hoggaan qabin
Majarahii hagaayiyo
Marjicuu u laabtaa
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Arrinta kale ee muhimka ah baa ah, dunida waxaa xeer u ah, marka mudane Guddoomiye ama Madax Xisbi ku guulaysto xilka Madaxweynaha inuu iska casilo xilkii uu u yahay Xisbigaa, xaalka waddanka marka lagu dabbaqo, madaxweyne Xasan wuxuu Guddoomiye u ahaa Xisbiga Nabadda iyo HorumarkaPDP” walina lama hayo meel uu xilkaa ku wareejiyey sidii loogu shubay xilka Madaxnimada.

Dhanka kale, haddii wax lagu murmo ay jiraan waxaan dhihi lahaa waa dhaarin la’aanta Guddoonka Baarlamaanka, ee uu ugu horreeyo Mudane Jawaari, taa uu ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avvocato Caydiid Ilka Xanaf isagoona waliba ka cawday arrintaa oo yiri: “Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo waliba ku Xigeennadiisa ayaga ayaanba ahayn Sharci! Sababtoo ah ma dhaarin, sidaa darted, waxay ku joogaan Sharci daro!”.

Maarayn xumaataa
Mashaqiyo abaar iyo
Mawd wadara kaba daran!
 

Dhammaad.

F.G: Dhammaan tuducyada aan ku soo qaatay qormada, dhawaan ayey maanso dhammaystiran ku soo bixi doonaan. 

Bashir M. Hersi

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Lionel Messi: Waxaan codkeyga Ballon d’Or ugu shubi doonaa Xavi iyo Andres Iniesta.

Lionel Messi ayaa ka war qaba in laba ka mid ah ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin ee Barcelona ay heli doonaan codkiisa Ballon d’Or ee sanadkaan, halka uu sidoo kale mid ka mid ah ciyaartoyda Real Madrid. u maleynayo inay qaadan doonaan abaal marinta.

25 jirkaan ayaa sedax jeer oo isku xigta ku guuleystay abaal marinta, hadii uu sanadaan mar kale qaado wuxuu noqon doonaa ciyaaryahankii ugu horeeyey ee taariikhda sidaasi sameeya, laakiin wuxuu ku beegmayaa xilli ciyaareed uusan koobab waa weyn ku guuleysan.

“Miyaan ka fikirayaa wax quseeya Ballon d’Or? Maya!” ayuu qirtay Messi isagooo la hadlaayey Marca.

“Marka waqtigeeda la gaaro, way ka duwanaan kartaa… hoodo ayaan u lahaa inaan abaal marintaan ku guuleysto sedax jeer, waana xajmi weyn oo aan la maleysan Karin, laakiin waxaan u maleynayaa inaanan sanadkaan ku guuleysan doonin.”

Messi ayaa sharaxay cidda uu codkiisa siinayo maadaama uu yahay kabtanka xulka Argentina uuna leeyahay sedax cod oo kala sareysa.

“Ma garanaayo cida soo geli doonta liiska. Waxaan u codeyn doonaa Xavi, Andres [Iniesta] iyo shaki la’aan mid ka mid ah ciyaartoyda aan isku wadanka nahay,’ ayuu ku daray

“Waxaan u maleynayaa inuu sanadkaan [Iker] Casillas ku guuleysan karo Ballon d’Or, wa mid ka mid ah goolhayeyaasha ugu wanaagsan caalamka iyo sidoo kale Cristiano [Ronaldo].”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Kaka oo lagu soo daray xulka Brazil ee kulanka saaxiibtinimo la ciyaaraya Colombia.

Tababaraha xulka Brazil  Mano Menezes ayaa cadeeyey inuu bisha soo aadan kulanka ay la ciyaarayaan xulka Colombia ku dari doono ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Kaka.

30 jirkaan ayaa markiisii ugu horeysay xulka loogu yeeray kulamadii bishii October ay la ciyaareen Japan iyo Iraq wuxuuna xulka intaan ka hor ka maqnaa ilaa koobkii aduunka ee 2010kii wuxuuna tababarihii hore ee Corinthians maanka ku  haaya in kusoo darintaanka xulka ee Kaka ay siin doonto cabbir dheeraad ah oo dhan  kasta ah.

“Isku darka Oscar iyo Kaka waxay na siineysaa taatikooyin badan oo kala duwanaansho ah,” ayuu Menezes u sheegay saxaafada isagoo xaqiijinaayey xulkiisa uu magacaabay.

“Aad ayaan u dhameytirneyn kulamadeenii dhowaanahaan. Hada ma qiyaasi kartid weerarka xulka sida uu yahay. Waan ku fiicaneyn inaan guusha kubada kusoo laabano aana sidaan sameyno. Waxaan codsanay ka qeyb galka qof walba, marka lagu daro Oscar iyo Kaka.”

Xulka Brazil ee la magacaabay waa sida tan :-

MagacaKooxda
Goolhayeyaasha:
Diego AlvesValencia
JeffersonBotafogo
Daafacyada:
AdrianoBarcelona
Dani AlvesBarcelona
David LuizChelsea
Fabio SantosCorinthians
Leandro CastanRoma
ReverAtletico Mineiro
Thiago SilvaParis Saint-Germain
Qadka dhexe:
AroucaSantos
GiulianoDnipro Dnipropetrovsk
KakaReal Madrid
LucasSao Paulo
PaulinhoCorinthians
RamiresChelsea
SandroTottenham Hotspur
Thiago NevesFluminense
OscarChelsea
Weerarka:
HulkZenit St Petersburg
Leandro DamiaoInternacional
NeymarSantos

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Man City oo heshay albaab ah kala bixi karto xidiga Rome Daniele De Rossi.

Manchester City ayaa fursad u heshay inay iibsan karoodaan xidig ay waayo badan baadi goo ugu jireen ka dib markii mid ka mid ah Shareholders-ka Rome uu qirtay inay kooxdu iska iibineyso Daniele De Rossi ayna geleyso ganacsi is biimeyn ah. Sida uu qoray wageyska Caught Offside.

Waxaa lasoo jeedinayaa inay Giallorossi xidigaan ku iibin karto 47 milyan oo ginni. Waana fursad ay u riyaaqeyso kooxda Etihad Stadium oo in badan baacsaneysay xidigaan.

Markii wax laga weydiiyey Shareholder-ka wuxuu u sheegay Il Messaggero: “Waxaa weeye ismiidaamin ganacsi ku guul darreysiga iibinta De Rossi.”

Warsidaha talkSPORT ayaa sheegaya in macalinka Sky Blue Roberto Mancini uusan ku aamin qabin xidigaha burburiyeyaasha ah ee uu sanadii hore lasoo wareegay sida Javi Garcia iyo Jack Rodwell, uuna doonayo inuu kooxda Etihad Stadium qadkeeda dhexe ku xoojiyo xidiga Rome.

Wuxuu kooxdiisa u saftay 400 oo kulan 12 sano oo uu ku sugnaa Stadium Olimbico. De Rossi ayaana kooxdiisa ka caawiyey guulo wax ku ool ah balse waayadaan oo ay Rome weysay booskeedii Champions League uma muuqato mid ceshan karta xidigaan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Baro Toban ciyaaryahan oo Brazil ah oo ay ku dagaalamayaan kooxaha Yurub (Top Ten)

Da’yarka kasoo jeeda dalka Brazil ayaa aalaaba waxaa si aad ah u baacsada kooxaha waa weyn ee ka dhisan Qaarada Yurub waxaan qormadaan idinkugu soo gudbineynaa 10 ciyaaryahan oo ay macquul tahay in sida  ugu dhaqsaha badan ay kooxahoodu ku waayaan kuwaas oo si aad ah looga doonayo Yurub marka uu furmo suuqa kala iibsigu.

1. Neymar – Santos

Xidigaan da’yarka ah ayaa qeyb libaax ka ciyaaray wayaadii dambe guulaha ay gaareyso kooxdiisa Santos waxaana xiiseynaya kooxaha ugu tunka weyn Yurub, wuxuu kooxdiisa ku hugaamiyey guusheedii Horyaalnimada LIbertadores isagoona ku guuleystay abaal marinta FIFA goal of the year. Wuxuu kooxdiisa u dhaliyey 36 gool 57 kulan oo uu u saftay labadii sano ee lasoo dhaafay isagoona xulkiisa u dhaliyey 13 gool 23 kulan oo uu u ciyaaray.

Kooxaha ay macquulka tahay inuu u dhaqaaqo: Manchester United, Barcelona, Real Madrid ama Chelsea.

 

2. Leandro Damião – Internacional

 

Wuxuu labadii sano ee lasoo dhaafay bandhig cajiib ah ka sameynaayey weerarka oo uu xidigaani si aad ah ugu wanaagsan yahay, 23 jirkaan ayaana magaciisa ku xardhay 18 gool 36 kulan oo uu ciyaaray sanadii hore marka lagu daro goolashiisa Horyaalka iyo Libertadores. Wuxuuna kor usii qaaday sanadkaan isagoo celcelis ahaan dhaliyey kulankiiba hal gool, halka uu xulkiisa 13 gool u dhaliyey 22 kulan oo uu u saftay.

Waxaa la rumeysan yahay inaysan kooxdiisu 20 milyan oo ginni wax ka yar ku iibin doonin.

Kooxaha ay macquulka tahay inuu ku biiro: Juventus, Arsenal ama Tottenham.

 

3. Paulo Henrique Ganso – São Paulo

Ganso ayaa dhowaan Santos kaga biiray kooxda ay xafiiltamaan ee São Paulo iyadoo loo maleynaayey inuu u dhaqaaqo Yurub labadii sano ee lasoo dhaafay ma aysan noqon mid dhacda.

Si kastaba, ma u muuqdo in weli ay ka quusteen kooxaha Yurub waxaana dhowaan ay u dirayeen wakiilo soo daawada.

Kooxaha ay macquulka tahay inuu u dhaqaaqo: Tottenham Hotspur ama Barcelona.

 

 

4. Dedé – Vasco

Waa daafac dhexe oo qaab ciyaareedkiisu soo jiitay kooxo badan oo Yurub ah, Dedé oo jir ahaan xoogan ayaa booskiisa labadii sano ee u dambeysay ka muujinaayey wax yaabo mucjisa leh waxayna taageerayaasha kooxdiisu ugu yeeraan ‘O Mito’ oo loola jeedo (Halyeeyga).

Milan iyo Manchester City ayaa lasoo werinayaa inay u direen dalabyo ka bilaabanaya 12-20 milyan oo euro intii lagu jiray xagaaga laakiin Vasco ayaa ka biyo diiday waxaana loo maleynayaa inaysan Janaayo sii ceshan doonin gaar ahaan hadii ay Vasco lumiso booskeeda Libertadores.

Kooxaha ay macquulka tahay inuu u hamaayo: AC Milan ama Manchester United.

 

5. Paulinho – Corinthians

Xidigaan sida aadka ah loogu qiimeeyo burburiyaha ayaa awoodiisa banaanka soo dhigay iyadoo uu 24 jirkaani leeyahay awood uu ku ordo box-to-box waxaana looga gacan haatinayaa Yurub.

Paulinho wuxuu diirada u saarnaa kooxaha ka ciyaara Serie A  Roma iyo Inter iyagoo dalabyo u diray sanadihii tegay. Corinthians ayaana diiday inay lumiso xidigeeda iyadoo ka saxiixatay heshiis sedax sano ah, si kastaba, wuxuu bandhigiisa kor usii qaaday 12kii bilood ee lasoo dhaafay isagoo dhaliyey 8 gool 35 kulan oo uu kooxdiisa u saftay

Kooxaha ay macquulka tahay inuu u hayaamo: Inter Milan, Arsenal ama Chelsea.

 

6. Bernard – Atlético Mineiro

Wuxuu inta badan xilli ciyaareedkaan la ciyaaray waaya aragii kooxda Barcelona kuna can baxay gambisyada quruxda badan Ronaldinho. Bernard ayaana bandhigiisa la yaabka leh ee uu kusoo jiitay shacbiyada faraha badan ku guuleystay sanadkaan, wuxuuna dhaliyey 8 gool halka uu 8 kale caawiye ka ahaa.

Waxaana markiisii ugu horeysay loogu yeeray xulka Brazil kulankii ay la ciyaareen Argentina.

Halkee ayuu ku wajahan yahay: Atletico ayaaba horay u shaacisay inay heshay dalab 11 milyan oo ginni ah oo uga yimid kooxaha Yurub kuwaas oo doonaya xidiga garabka ka ciyaara.

 

7. Fernando – Gremio

Xidigaan ayaa loogu yeeray xulka Brazil ciyaartii Argentina waxaana uu dhaawac ku seegay kulankii saaxiibtinimo ee Iraq. Hada oo uu 20 jirsaday, xidigaan ayaa lagu qiimeeyaa baasaska qurxoon.

Halkee ayuu ku jaheysan yahay: kooxaha Yurub ka dhisan ayaa bilaabay inay isha la raacaan bilihii u dambeeyey, waxaana laga yaabaa inayba u diyaar garoobeen dalab ay u diraan.

 

 

8. Wellington Nem – Fluminense

Nem ayaa kubad caalami ah ciyaaray ka dib markii uu sanad amaah kula soo joogay Figueirense wuxuuna Santa Catarina ka u dhaliyey 9 gool, halka uu caawiye ka ahaa 6 gool 25 kulan oo uu saftay iyagoo ku dhameystay kaalinta todobaad. Xilli ay Fluminense sagaal dhibcood ka sareysay horyalnimdana xaqiijisay iyadoo ay sagaal ciyaar harsan tahay.

Waxaa lagu niinaasaa ‘Brazilian Messi’ oo loola jeedo [Messi-ga dalka Brazil] sedax jeer ayuuna u yeeray tababaraha xulka Brazil Mano Menezes.

Halkee ayuu ku wajahan yahay : Waxaa jira warar sheegaya inay xiiso weyn u qabto Juventus waxaana sidoo kale xidiga garabka ka ciyaara baadi goob ugu jirta CSKA Moscow oo u soo diray dalab rasmi ah laakiin kooxda iyo ciyaaryahanka ayaaba diiday dalabkaas.

 

9. Elkeson – Botafogo

Ciyaaryahanka kasoo baxay akadeemikada Vitória ayaa bedelay qaab ciyaareedkiisii 2011, isagoo Botafogo ku hugaamiyey inay ku dhameysato kala barka horyaalka xilli uu 8 gool dhaliyey 35 kulan oo uu ciyaaray xidiga lagu niinaaso ‘Superclassico’ ayaana loogu yeeray kulankii xulkiisu uu la ciyaaray Argentina.

Halkee ayuu ku wajahan yahay : Xiiso sare ayaa loo muujinaayey xilli ay sanadii lasoo dhaafay Botafogo iska diiday laba dalab oo uga yimid kooxaha ciyaara Italian Serie A Shakhtar Donetsk oo Ukraine ah iyo kooxda Kashiwa Reysol ee ka dhisan Japan.

 

10. Rafael Cabral – Santos

Rafael Cabral waxaa aalaaba lagu daraa xidigaha tayada leh ee usoo baxaya xulka Brazil, goolhayaha Santos ayaana bandhigiisa kor usii qaaday 18kii bilood ee lasoo dhaafay, bandhigaas ayaa keenay in tababaraha xulka Brazil Mano Menezes uu u doorto gool ilaaliyaha NO. koowaad ee ciyaarihii Olimbikada London laakiin dhaawac ayaa soo gaaray nasiib darro taasoo keentay in xulka laga reebo

Halkee ayuu ku wajahan yahay : 22 jirkaan ayaa dhowaanahaan lala xiriirinaayey kooxda Talyaniga ee Palermo iyo kooxda ka dhisan Spain ee Sevilla laakiin Santos ayaan dooneyn inay da’yarkaan goolka qabta si dheel ah ku dirin.

 

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Di Matteo: Waan la yaabay inaysan Chelsea hal ciyaaryahan ku laheyn liiska Fifa Bollon d’Or.

Roberto Di Matteo ayaa daaha ka qaaday inuu la anfariiray ka dib markii ay Chelsea hal ciyaaryahan ku yeelan weysay 23da ciyaaryahan ee u sharaxan abaal marinta Fifa Ballon d’Or.

Weeraryahankii hore ee kooxda Blues Didier Drogba ayaa lagu soo daray liiskaan ka dib bandhigiisii cajiibka ahaa ee uu sameeyey 12kii bilood ee lasoo dhaafay, laakiin Di Matteo ayaa qaba inay aheyd inay helaan ciyaartoy intaas ka badan marka loo fiirsho guushoodii Champions League.

“Taas in yar ayaan ka xumaaday sababtoo ah waxaan nahay kooxdii ku guuleysatay Champions League waxaad fileysaa in lagu abaal mariyo bandhiga ciyaaryahanadeena,” ayuu yiri isagoo la hadlaayey website-ka rasmiga ah ee Chelsea.

“Wey adagtahay in halmar sharaxaad laga bixiyo. Ma hubo hadiisan safan kulamo badan oo caalami ah si wanaagsan.”

Di Matteo ayaa lagu daray liiska 10-ka macalin ee u sharaxan tababaraha sanadaka ee Fifa ka dib markii uu 42 jirkaani kooxdiisa ku hugaamiyey inay markoodii ugu horeysay taariikhda qaado Uefa Champions League.

Hadii weeraryahanka Barcelona Lionel Messi uu abaal marintaan ku guuleysto wuxuu noqon doonaa xidigii ugu horeeyey ee ku guuleysta afar mar oo isku xigta.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Man United oo dooneysa da’yarka dalka Germany Lars Bender.

Manchester United ayaa diiradu u saaran tahay ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Bayer Leverkusen Lars Bender, sida laga soo xigtay majalada 4-4-2.com ee kasoo baxda Jarmalka Sir Alex Ferguson ayaana markaan qaatay in lala xiriiriyo xidiga heerka caalami ee dalka Germany.

23 jirkaan qadka dhexe ayaa horumar muuqda ka sameynaayey kooxda Bundesliga ciyarta ee Bayer Leverkusen wuxuuna soo jiitay indhaha kooxo badan oo xiiseynaaya. Ka dib markii uu qaab ciyaareed wanaagsan kasoo bandhigay BayArena sedaxdii sano ee lasoo dhaafay taasoo keentay in loogu yeero xulka Tababare Joachim Low.

Lars Bender ayaa ah ciyaaryahan qad dhexe kaasoo awooda inuu ciyaaro box-to-box waxaana uu si aad ah uga soo dhex dhalaalay kooxda Sami Hyypiä xilli ay xiiseyneyso Bavarian.

Ferguson ayaa waayadaan u batay inuu soo iibsado xidigaha da’yarka ah isagoo horay Old Trafford u keenay David de Gea, Phil Jones, Chris Smalling iyo Javier Hernandez halka uu sanadaan kooxda kusoo biirshay Nick Powell iyo weeraryahanka reer Chile Angelo Henriquez.

Mataanka Lars, Sven ayaa isna u ciyaara kooxda Borussia Dortmund.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Beesha Karanle Hawiye oo u digtay Madaxda Dowladda Somalia.

Beesha Karanle Hawiye, ayaa digniin ku siisay madaxda Dowladda Somalia in golaha wasiirada xukuumadda cusub aan laga yareyn 18 wasiir.

Malamihii ugu dambeeyay ayaa warar soo baxay waxa ay sheegayeen in wasiirada cusub lagu koobi doono kaliya 9 wasiir, waxaana taas ka hor yimid dad badan, ayada oo beelo badan aysan heli doonin wasiiro.

Kullan ay maanta ku yeesheen hotelka Safari ee magaalada Muqdisho, ayaa xubnaha beesha waxa ay sheegeen in 9 wasiir ay tahay wax aan la aqbali karin, marka loo eego beelaha Soomaalida ee doonaya inay xukuumadda ka mid noqdaan.

Xubnihii ka qeyb galay kullankaasi, ayaa waxaa ka mid ahaa odayaal ay ku jiraan Suldan Xasan Madoobe, Iimaan Jimcaale iyo Sugule Axmed, oo ugu baaqay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay ka firsadaan oo aysan ku deg degin tirada golaha wasiirada.

Waxa ay sidoo kale ugu baaqeen xildhibaanada baarlamanka inaysan ansixin xukuumad ka kooban 9 wasiir.

Warar shalay soo baxay oo lasoo gaarsiiyay Caasimada Online ayaa sheegaya in beesha Karanle (Murusade), aysan wax wasiir ah ka heli doonin haddii golaha wasirada lagu koobo 9, ayada oo labada wasiir ee beelaha Hawiye ay qaadan doonaan Habargidir iyo Xawaadle.

W/Q: Cabdi Weli Maxamed Ilka Case
Muqdisho, Somalia Tell: 8885943

Messi: Kama tegi doono Barcelona anigoo ku biiraya Paris Saint-Germain.

Lionel Messi ayaa sheegay inaysan qorshaha ugu jirin inuu ku biiro Paris Saint-Germain wuxuuna daaha ka qaaday inuu ku faraxsan yahay nolosha Barcelona.

Kabtanaka xulka Argentina ayaa isniintii cadeeyey inuu ku riyooyano inuu xirfadiisa ciyaareedka ku dhameysto Barca, isagoona aan dheg jalaq u siin dalabka uga imaanaya kooxda ciyaarta Ligue 1 oo aruursaneysa ciyaartoyda caalamka ugu caansan.

“Qorshaha duufsashada Paris Saint-Germain? Maya, maya! Waxaan ciyaartoyda ugu fiican isla joognaa Barcelona. Waxaan xilli ciyaareed walba  dagaalanaa koobab,” ayuu Messi u sheegay France Football.

“Barcelona waa magaalo qurux badan Barca-na waa kooxda kor iisoo qaaday. Daacad ayaan u ahay kumana fikirin inaan ka tago Barcelona.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu , Somalia.

Arsenal oo Man Utd kula dagaalameysa Max Clayton, xilli ay dooneyso Podolski-ga cusub.

Arsenal ayaa Manchester United kula biirtay xiisaha loo qabo 18 jirka weerarka uga ciyaara Crewe Alexandra Max Clayton, sida uu qoraayo wargeyska Metro. Xigaan ayaa 50 kulan u saftay  ka dib markii uu bishii April 2010kii kasoo mid noqday kooxda koowaad.

Manchester United, Liverpool iyo Newcastle ayaa hubinaayey xaaldiisa bilihii lasoo dhaafay laakiin hada waxay u muuqataa inuu ka faa’iideysanaayo tababaraha inta badan dhalin yarta raadsada ee Arsene Wenger.

Si kastaba, Arsenal waxay diyaar u tahay inay Janaayo gacanta kusoo dhigto xidigaan tababare Arsene Wenger ayaana wakiilkiisii hore ee Pat Rice u diray si uu usoo daawado Clayton.

Dhanka kale Arsenal ayaa dooneysa inay soo xareysato xidiga reer Jarmal ee lagu sheego inuu yahay Lukas Podolski-ga cusub Serge Gnabry oo 17 jir ah.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu , Somalia.

 

Dad loo qabtay dilka Abwaan Warsame

Dad badan oo lagu eedaynayo inay dileen Abwaan Warsame Shire Cawaale oo xalay kooxo hubaysan ay ku dileen degmada Waabari ayaa maanta gacanta lagu dhigay.

Ciidamada Booliska ayaa howlgalkan oo ay ku qaadeen Waabari  waxaa ay ku soo qabatay dad dambiyo kala duwan lagu haysto.

Qaar kamid ah raga howlgalkan lagu soo xiray ayaa waxaa looga shakinayaa inay kulug lahaayeen dilka Abwaan u shaqaynayay Idaacada Kulmiye.

Saraakiisha Dowlada ayaa daboolka ka qaaday in ragan ay ku hayaan Baaritaan ayna soo saari doonaan xaqiiqda jirta.

Sidoo kale waxaa howlgalkan Ciidamada Booliska ay ku xireen dhowr qof oo lagu helay Waxyaabaha Maanka dooriya oo Mudo badan ay ka ganacsan jireen.

Meelihii Muqaadaraadkan lagu iibin jiray ayaa waxaa guud ahaan la wareegay Booliska halkaas ay ku jireen Qamri badan.

Garsoore Lee Mason oo dhex dhexaadin doona kulanka Arbacada Chelsea vs Man United.

Garsoore Lee Mason ayaa gacanta loo gelshay inuu Firimbiga u qaato kulanka Chelsea vs Manchester United ee arbacada ka dhici doona Stamford Bridge.

Tababaraha kooxda United Sir Alex Ferguson ayaa ka dib ciyaartii axada isagoo qoslaya wuxuu yiri: “Nasiib ayaan ku laheyn Garsooraha”. Xilli ay ciyaar aan jawi hagaagsan ku dhamaan dhex martay labada koox.

Waxaana Mason laga sugi doonaa inuu garsooro kulanka wareega afaraad ee Capital One Cup ay United ku qaabili doonto Chelsea.

Waxay imaneysaa ka dib sedax maalmood markii ay Chelsea cabasho rasmi ah ka gudbisay Garsoore Mark Clattenburg kasoo saameyn weyn ku yeeshay kulankii ku idlaaday 3-2, ka dib markii uu kaarka cas u taagay daafaca Chelsea Branislav Ivanovic iyo weeraryahankooda Fernando Torres.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu , Somalia.

Askari ka tirsan ciidamada Dowladda oo dhacdo xun Muqdisho ka geystay.

Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa uu maanta dad ku laayay Magaalada Muqdisho ka dib markii uu risaas  ku furay.

Shilkaan askariga uu dadka shacabka ku waxyeelay ayaa waxaa uu yimid markii gaari uu saarnaa ay ku dhex wada  murmeen Wadihii gaariga.

Dad goobjoogayaal ah oo gaariga saarnaa ayaa waxaa ay sheegayaan in Askariga gaariga uu qabsaday kadibna dadkii shacabka ay isku dhaceen waxaana uu Wadaha uu ka dalbaday in gaariga uu uga dago  Askariga kadibna uu Risaas ku faray gaariga.

Wadada KM4 ayuu ku risaasadeeyay dadkaan waxaana ku dhintay hal ruux,sadax kalana waa ayku dhaawacmeen.

Arintaan ayaa Imaanaysa Xili Dowlada Soomaaliya ay sheegayso in gacanta ay ku dhigi doonto Askarigii wax dila.

Diego Maradona oo looga gacan haatinaayo inuu Tababare u noqdo kooxda Blackburn.

Gudoomiyaha kooxda Blackburn Shebby Singh ayaa doonaya inuu dalab u diro halyeeygii reer Argentina Diego Maradona kaasoo uu doonayo inuu ka dhigo macalinka cusub ee kooxda.

Singh ayaa ulajeedkiisu yahay inuu helo ninkaan aan nasiibka ku laheyn xilkaan ka dib markii uu ku guul darreystay inuu Tim Sherwood  kasoo dhaqaajiyo Tottenham uuna burburay heshiiskii uu caawiyaha Fulham Billy McKinlay ku keeni lahaa Ewood Park.

Hada, ayuu ninka reer Malaysia u jeestay inuu la kulmo Maradona, kaaso xor u ah inuu leyliyo kooxdii uu doorto ka dib markii uu ha huleelay kooxda Al Wasl.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu , Somalia.