Innaga carruurtayadu waxaynu barnaa Quraanka iyagoo yar waanna ku faraxnaa markay kor uqaadaan, laakiin Baybalku carruurta waalaga ilaaliyaa, waayo waxyaaba argagax iyo wax laga yaqyaqsada ayaa ku yaal. Sideed u tiraahdaa waxaasi waa hadalka Ilaahay?Eeg gabadhan masiixiyadda ah markii ugu horreysay ee ay aqrisay Baybalka iyo waxa ay kala kulantay, bal fiiri sida ay u caayaysa kitaab loogu shheekeeyey inuu yahay kitaabka Ilaahay.
Daawo:
Aqri adiguba immika cutubka 24d ee kitaabka Ezakiel… Waad yaqyaqsoon doontaa, labo qof hortoodana waxaasi kama aqrin doontid ayagoo ku maqlaya, yaxyax iyo argagax darteed. Waxaas sidee baad marka u oran doontaa waa kitaab ka fiican kan uu Muxammad (NNKH) inooga keenay xagga Alle?
Yashuuca oo ka warramaya arrin ugub kugu noqon doontana waakan..
Joshua/ Yashuuca 11: 20d
20. Waayo, xagga Rabbiga ayay ka timid inuu qalbigooda adkeeyo, si ay dagaal ugu soo baxaan reer binu Israa’iil, oo uu dhammaantood u baabbi’iyo, oo aanay waxba inna raallinimo ka helin, laakiinse uu u wada baabbi’iyo sidii Rabbigu Muuse ku amray.
Bal wax ka dheh, cadhuuftaada dib u laq, oo garo in lagu sirey, kuna laabo towxiidka xaqa ah, laf cad baad toobeysaaye.Mar kale eeg Samu’eel oo kamid ahaa kuwa lagu weyneeya BaybalkaSamu’el I/ Kitaabkii Kowaad ee Samuu’eel 15: 2d- 3d
2. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa’iil markay Masar ka soo baxeen, Camaaleq wuxuu ku sameeyey iyo siduu jidka ugu hor joogsaday waan ogaaday.
3. Haddaba tag oo reer Camaaleq laay, oo waxay haystaan oo dhan wada baabbi’i, oo iyaga innaba ha u turin, laakiinse wada laa nin iyo naag, iyo dhallaan iyo caanonuugba, iyo dibi iyo ido, iyo geel iyo dameerroba.
Ka daroo dibi dhal, bal mar kale isha la raac xaadisadaniXaakinnada 1: 2d- 6d, 8d- 13d, 17d- 20d, 22d- 25d
2. Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha baxeen, oo anna dalka gacantoodaan geliyey.
3. Markaasaa reer Yahuudah waxay ku yidhaahdeen walaalahood reer Simecoon, Kaalaya oo markayaga na raaca aynu la dagaallanno reer Kancaane; oo annana sidaas oo kale markiinnaan idin raaci doonnaaye. Markaasay reer Simecoon raaceen.
4. Kolkaasay reer Yahuudah tageen, oo Rabbiguna wuxuu gacantoodii geliyey reer Kancaan iyo reer Feris, oo waxay Beseq kaga laayeen toban kun oo nin.
5. Oo waxay Beseq ka heleen Adonii Beseq, oo way la dagaallameen, oo waxay laayeen reer Kancaan iyo reer Feris.
6. Laakiinse Adonii Beseq waa cararay, oo iyana way eryoodeen, wayna qabteen isagii, oo waxay ka gooyeen suulashiisii gacmaha iyo kuwiisii lugaha.
8.Oo Reer Yahuudah waxay la dirireen reer Yeruusaalem, oo intay magaaladii qabsadeen ayay dadkeedii ku laayeen seef, magaaladiina dab bay qabadsiiyeen.
9. Oo dabadeedna reer Yahuudah waxay u kaceen inay la diriraan reer Kancaankii degganaa dalkii buuraha lahaa, iyo kuwii xagga koonfureed, iyo kuwii degganaa dalkii dooxada ahaa.
10. Oo reer Yahuudah waxay ku duuleen dadkii reer Kancaan oo degganaa Xebroon, (oo waagii hore Xebroon magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Arbac), oo waxay laayeen Sheeshay iyo Axiiman iyo Talmay.
11. Oo intay halkaas ka tageen ayay dadkii degganaa Debiir ku duuleen. (Oo waagii hore Debiir magaceedu wuxuu ahaa Qiryad Sefer).
12. Markaasaa Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii la dirira Qiryad Sefer oo qabsada, kaas waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.
13. Markaasaa Cotnii’eel ina Qenas, kaasoo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa, magaaladii qabsaday; markaasuu wuxuu u guuriyey gabadhiisii Caksaah.
17. Oo reer Yahuudahna waxay raaceen walaalahood reer Simecoon, oo waxay laayeen reer Kancaan oo Sefad degganaa, oo dhammaanteedna way baabbi’iyeen. Oo magaaladii magaceediina waxaa la odhan jiray Xormaah.
18. Oo reer Yahuudah waxay qabsadeen haddana Gaasa iyo xuduudkeedii, iyo Ashqeloon iyo xuduudkeedii, iyo Ceqroon iyo xuduudkeedii.
19. Oo Rabbigu waa la jiray reer Yahuudah, oo wuxuu hortooda ka eryay dadkii degganaa dalkii buuraha lahaa; maxaa yeelay, ma ay eryi karin dadkii dooxadii degganaa, waayo, waxay lahaayeen gaadhifardood bir ah.
20. Oo markaasay Xebroon siiyeen Kaaleeb, sidii Muuse markii hore u sheegay; oo halkaas wuxuu ka eryay Canaaq saddexdiisii wiil.
22. Oo reer Yuusufna waxay ku kaceen Beytel; oo Rabbiguna wuu la jiray iyagii.
23. Oo reer Yuusufna waxay Beytel u direen ilaallo soo basaasta. (Magaaladaas markii hore waxaa magaceeda la odhan jiray Luus.)
24. Markaasaa ilaaladii waxay arkeen nin magaalada ka soo baxaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, na tus iridda magaalada laga galo, oo annaguna wanaag baannu kuu falaynaa.
25. Markaasuu iyagii tusay iriddii magaalada laga geli jiray, oo waxay dadkii magaalada ku laayeen seef, laakiinse ninkii iyo xaaskiisii oo dhanba way iska sii daayeen.
Maxay tahay waxa aad ula yaabaysa in Nebi Muxammad iyo raggiisu ay ku duulaan dhulal kale oo aanan kuwooda ahayn? Sow kuwan maha reer Israa’iil iyo Nebiyadooda oo Alle doortay kuwa kuduulaya dhulal aanan dhulalkooda ahayn, mise Ilaahay ku garab istaagaya? Hoy!! miyaadan weligaaba arag faqrooyinkan, mise waad ka dhoohneyd Baybalka. Qoraalladaada markaan arkay waxaad iska dhigeysay nin cilmi dhameeyay, in badan oo haddii aan soo bandhiga lagugu qosli lahaa ayaan u waayay fursad iyo waqti,waxaanse kuugu kaalmeynayaa inaan iftiin yar kusiiya si aad uga soo baxda mugdiga lagugu sii dhex deeyey, oo aan kutusiya wax badan oo aad ka dhoohan tahay kuna sheegeysa kitaab aad rumeysantahay, kaasoo aanba aaminsanahay inaadan waxba aqoon u lahayn, oo sida dameeri dhaan raacday oo kale aad ku noqotay, waxaana taas u daliil ah waxa shubbaha ah ee aad lasoo shirtagtay, waayo dhammaanba kitaabka aad wadata ayaa raddinaya oo kaaga jawaabaya.Seef la isku mudo iyo seef la isku qala iyo boqorra lagu duula oo la laaya iyo qoom la baabi’iya Baybalka ayaad ugu tegeysaa, ma ahan Islaamka waxaas, Islaamku magaciisa waa Salaaam- Nabad, bal eeg faqrooyinkanJudges/ Xaakinnada 3: 10d, 21d, 29d, 31d
10. Oo kaas waxaa ku soo degay Ruuxa Rabbiga, oo wuxuu xukumi jiray reer binu Israa’iil. Dagaal buuna u baxay, oo Rabbiguna wuxuu gacantiisii u geliyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim, oo isna wuu ka gacan sarreeyey Kuushan Rishcaatayim.
21. Oo Eehuudna wuxuu soo bixiyey gacantiisii bidix, oo wuxuu seeftii kala soo baxay dhinaca bowdadiisii midig, markaasuu Cegloon caloosha kaga muday
29. Oo markaasay reer Moo’aab ka laayeen rag toban kun ku dhow, kuwaas oo ahaa kuwo xoog wada leh, oo xataa nin keliyuhu kama baxsan
31. Oo isagii ka dibna waxaa kacay Shamgar ina Canaad, kaasoo reer Falastiin lix boqol oo nin kaga laayay usha dibida lagu shuqeeyo, oo isaguna reer Israa’iil wuu badbaadiyey. Toban kun kudhaw hal mar lawada laayay dadkii reer Moo’aad, sidaas waxaa amaraya Rabbiga, sida uu xusaya Baybalka…. Shamgar ina Caad wuxuu laayay halmar lix boqol oo nin oo reer Falastiin ah, ul qura ayuu ku laayay, reer banii Israa’iil buuna bad baadiyey. Bal wax ka dheh xaaladdaasi midkani shubbahada la wareegayoow!!..Bal eeg mar kale amarka Rabbiga iyo siduu oranaya waxa aad aaminsan tahay (Baybalka)Judges/Xaakinnada 6: 16d
16. Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Hubaal waan kula jirayaa, oo waxaad reer Midyaan u layn doontaa sida nin keliya.
Hooge!! sidee bay wax u jiraan? Maxaad ula yaabaysaa in Muxammad (NNKH) iyo ciidamadiisu ay dhul kale kuduulaan, ama dagaallamaan, iyadoo markii horeba dagaalka iyaga lagu billaabay.Miyaanan Muxammad (NNKH) iyo raggiisii lagu ciqaabi jirin magaalladii Makka heer ay ka kala qaxeen baladkii ay kudhasheen kuna barbaareen? Miyaanan la goynin ehelkii uu ka dhashay oo la faquuqin, lana oran looma guurinaya lagamana guurinaya.. Waxaad soo gudbisay kutubbo aad leedahay waa marjaca aan kasoo qaatay su’aalaha, sida kan Ibn Hishaam, iyo kan Ibn Kathiir, laakiin miyaadanba aqrinin taariikhda Muxammad (NNKH) iyo sidii ay ula dhaqmi jireen tolkiisa Qureeshta? Immisa mar ayay damceen inay dilaan? Haddii aad aqrisay kutubbada aad leedahay ayaga ayaan kasoo aqriyey waxan, sheeg halka iyo goobaha aad kasoo aqrisay, waayo innagu korka ayaanu ka qeybnay taariikhda.. Qaasatan aniga kitaab taariikhul Islaam oo aanan bog bog u rogin ma jirta, Muslimiin badanna sidaas oo kale ayay uga dheregsan yahiin, laakiin waxaad uun adigu garan weyday inaad isweydiisa dagaalladii Muxammad uu galay wixii sababay iyo siday ku billawdeen iyo halkey ku dambeeyeen. Kahor taa waxaa habboonaan lahayd inaad aqoon u leedahay xasuuqii iyo dagaalladii ay sameeyeen Nebiyadii isaga ka horreeyey, boqorradii reer Israa’iil iyo kuwa galbeedka, dabeetana waxay ahayd haddii aad intaasi aqoon u lahaan lahayd inaadanba xusi lahayn waxa aad xustay ee shubbaha ah, waayo adigaa isaga filnaan lahayd, laakiin jahli baa kusoo istaajiyey halka aad soo istaagtay. Islaamku ehel uma ahid, waxa aad sheegatayna ma aadan gaarin oo aqoonteedii ayaad ka arradan tahay, taas ayaa ugu habboon wax laguugu cududaaro.Bal eeg Daa’uud muxuu leeyahay sida kuxusan Baybalka, gaar ahaan kitaabka SabuurtaPsalms/ Sabuurradii 18: 34d
34. Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka,
Ilaahay baa gacmahiisa baraya dagaalka, waa Nebi misana waa boqor.. Bal wax ka dheh dhoohane?? Maxaad ula yaabi weyday oo aad Muxammad (NNKH) ula yaabtay.Waa kan Rabbiga oo ballan u qaadaya, inuu siin doona dhulalka fog fog dhaxal ahaan, oo dadkuna uu si daran u layn doono…. Mar kale eeg Sabuurta Daa’uud aad kusheegteen hadalka EebbePsalms/ Sabuurradii 2: 8d- 9d
8. I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha, oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.
9. Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah, Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
Ma ahan oo qura inaynu eegna Axdigii hore (Old Testment), bal Axdiga cusub (New Testment) ee Baybalka aanu eegna wuxuu oranayaSida uu xusaya Baybalku hadalkani waxaa ku hadaaqaya Ciise (baas bay lahaatay waxa aad kusheegteen Ciise C-S)Matthew/ Matayos 10: 34d, 36d
34. Ha u malaynina inaan u imid inaan nabad dhulka u keeno; uma aan iman inaan nabad keeno, laakiin inaan seef keeno.
36. Nin cadowgiisu waa dadka gurigiisa.
Haddii Masiixiyaddu ay sheegeysa inay la timid Seef iyo dagaal oo ayba nabadda kasoo horjeedda, Islaamkuna taa caksigeedu yahay oo Ilaahay Quraanka inoogu sheegaya in Islaamku u yimid nabad, bal is barbar dhig wax la yimid nabad iyo wax dafiraya nabadda oo la yimid dagaal, kee baa wanaagsan?Masiixu wuxuu oranayaa sida ka muuqata faqrada 36, ee Injiilka Matthew/Matayos ninka cadawgiisu waa dadka gurigiisa. Haddii ahalkaagu cadawgaagu yahay ka warran carradee baa nabad ah?Baybalka oo dhiirrigelinaya dagaalka iyo seefa la iibsada baddalkii dharka, waa kan labo indhood ku eeg
Luke/ Luukos 22: 36d
36. Markaasuu ku yidhi, Laakiin haddeer kii kiishad qabaa ha qaato, sidaas oo kalena qandi ha qaato. Kii aan midna qabinna, dharkiisa ha iibiyo, oo seef ha iibsado.
Yaab iyo amakaag badanaa..?Miyaadanba waxani soo aqrinin, amaba weligaa maadan maqal? Maxaad moodeysay umadda Soomaaliyeed inaanay aqoon ulahayn Baybalka oo warqada shubbahada ee laguu qeybiyey ayaad lasoo shirtagtay?Mowduucani wuxuu ahaa raddin aan ku raddinaya qaar kamid ah hadalladaadii, taasoo ahayd in Muxammad (NNKH) aanu nebi ahayn sababo aad ku sheegtay boqolaal awgood, taasoo ay u horreysay midda tan aan immika raddinaya ee ahayd in uu dagaallamay, dadna dilay.Ka warran haddii aan kudhaha Nebi Muxammad (NNKH) inuu Nebi ahaa waxaa caddeynaya inuu dagaallamay? Maxaad oran lahayd? Waa kan Baybalka oo inoo qeexaya arrinkaasiWaa kan Muuse oo ugu bishaareynaya reer Israa’iil Nebi Muxammad (NNKH).
Deuteronomy/ Sharciga ku noqoshadiisa 18: 15d, 18d
15. Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu dhexdiinna idiinka kicin doonaa nebi sidayda oo kale oo walaalihiinna ka mid ah, oo idinku waa inaad isaga dhegaysataan,
18. Waxaan iyaga walaalahood uga dhex kicin doonaa nebi sidaada oo kale ah, oo markaasaan afkiisa gelin doonaa erayadayda, oo isna wuxuu iyaga kula hadli doonaa wax alla waxaan isaga ku amri doono oo dhan.Haddii aad u fiirasato labadaasi faqradood waa ay isu macno dhaw yahiin in kastoo midi (ta 15d) ay tahay farriin ama bishaaro uu ku hadaaqaya Muuse (NDH) oo uu gaarsiinaya reer Israa’iil, midna (ta 18d) hadal toos ah oo Alle kula hadlaya Muuse.
Haddaba waayo cidda ay tilmaamayaan weedhahaasi ku xusun labadaa faqradood?
Haddaad waxyar sida baadariyaasha aqoon u lahaan lahayd Baybalka adigoo saantiranaysid baa waxaad oran lahayd siday yiraahdeen oo kale
”Aayadaahaasi waxay tilmaamayaan Nebi Ciise (NDH)”.
Laakiin aan waxyar kuu bayaamiya dhoohane. Ibraahiim waa Nebiga ay umaduhu kasoo jeedaan (hamoodin inaan dhanka Quraanka kaala hadlaya, waa dhanka Baybalka waxa aan kaala hadlaya, saa adigu labaduba aqoon uma lihide), wuxuu dhalay Ismaaciil iyo Isxaaq sida uu Quraanku xusaya, sidoo kalena Baybalkuna uu xusaya. Wuxuu Baybalku qeexayaa in Ismaaciil uu ka weyn yahay walaalkiis Isxaaq muddo dhowr iyo toban sano ah (13 sano iyo bar), Qur’aankuse ma sheegaya inta sano ee uu ka weyn yahay, wuxuuse Qur’aanku inoo tilmaamayaa in Ibraahiim uu Isxaaq mar dambe dhalay asagoo oday duq ah, halka Ismaaciilna uu waqti ka horreeyey dhalay.
Faqradahani labada ah ee kore waxaa laga qaadanaynaa in ay tilmaamayaan imaanshiyaha Nebi iman doona (oo Nebi Muuse ku bishaareynaya).
Reer banii Israa’eel kuma abtirsadaan Ismaaciil (NDH), Carabina kuma abtirsata Isxaaq. Taa macnaheedu waxaa weeye Nebi Ciise (NDH) ama Muuse (NDH) kuma abtirsadaan Ismaaciil, Muxammedna kuma abtirsada Isxaaq. Ismaaciil iyo Isxaaq farqiga u dhaxeeya waa in Ismaaciil ay Carab ku abtirsata, Isxaaqna ay Yahuudda ku abtirsata. Haddaba Nebiga ay tilmaamayaan faqradahani waa inuu yahay reer banii Israa’eel walaalahood mid ka dhashay.
Waa ‘ayo reer banii Israa’iil walaalahood? Dabcan waa Carab. Haddii Nebiga la sugayaahi ee uu ku bishaareyay Muuse uu ahaan lahaa mid ka dhashay reer banii Israa’iil, bishaaradu ma oran lahayn walaalahood, bal’ ee waxay oran lahayd Iyaga dhexdooda. Bal u fiirso!! mar kale.
Deuteronomy/ Sharciga ku noqoshadiisa 18: 18d
18. Waxaan iyaga walaalahood (iyaga dhexdooda lama oran) uga dhex kicin doonaa nebi sidaada oo kale ah, oo markaasaan afkiisa gelin doonaa erayadayda, oo isna wuxuu iyaga kula hadli doonaa wax alla waxaan isaga ku amri doono oo dhan.
Mar kale si fiican u fiirso!!Deuteronomy/ Sharciga ku noqoshadiisa 18: 18d
18. Waxaan iyaga walaalahood uga dhex kicin doonaa nebi sidaada oo kale ah, oo markaasaan afkiisa gelin doonaa erayadayda, oo isna wuxuu iyaga kula hadli doonaa wax alla waxaan isaga ku amri doono oo dhan.
Nebi sidee ah? Sidaadoo kale ah Muusoow!!. Haddaba Muuse iyo Ciise ma isku mid baa? Waa kumase Nebiga ugu dhawaan og ama ugu shabbah badan xagga Muuse, marka laga hadlaya Muxammed (NNKH) iyo Ciise (NDH)? Maya ee waa kuma Nebiga ugu shabbah badan Muuse ee dabadiis yimid? Miyaa laga helayaa Nebiyadii ka dambeeyey Muuse (NDH) ee uu Baybalku xusay Nebi kaga shabbah badan Muxammed (NNKH) xagga Muuse (NDH)?Baybalka ayaa sheegaya taasi in Muuse (NDH) dabadii Nebi lamid ah aanu reer Israa’iil ka kicin. Waa kan bal u fiirso!!
Deuteronomy/ Sharciga Ku Noqoshadiisa 34: 10d
10. Oo tan iyo waagaasna reer binu Israa’iil dib kama dhex kicin nebi Muuse la mid ah oo Rabbigu fool ka fool u yaqaan. Nebi kastood keenta oo reer Israa’iil ah, oo aad tiraahda waa Muuse oo kale, Baybalka ayaa dafiraya oo caddeynaya in Muuse oo kale aanu ka kicin mar kale reer Israa’iil.
Haddaba waa ayo Nebiga ay faqradu tilmaamaysa?
-Muuse (NDH), wuxuu kudhashay si caadi ah, Muxammedna (NNKH) sidoo kale, laakiin Al Masiix Ciise (NDH) wuxuu ku dhashay si mucjisa ah, Qur’aanka iyo Baybalkuba sidaas ayay qabaan.
-Muuse (NDH) wuu qaxay asaga iyo asxaabtiisa, ayagoo dhul gaal ka tegaya col tira badanna uu daba jooga asaga iyo asxaabtiisana ciqaab la marsiin jirey, Muxammedna (NNKH) sidoo kale, laakiin Ciise (NDH) maya.
-Muuse (NDH) wuu guursaday, awlaad buu dhalay, Muxammedna (NNKH) sidoo kale, laakiin Ciise (NDH) ma guursan mana dhalin.
-Muuse (NDH) wuxuu la dagaallamay cadawgiisa, sida kusugan Baybalka, wuuna ka guuleystay, Muxammedna (NNKH), sidoo kale, laakiin Ciise (NDH) dagaal ma gelin.
Halkaas dagaalka Muxammad wuxuu caddeynayaa Nebinnimadiisa, waayo Muuse baa horey ugu bishaareeyey Nebi asaga lamid ah in Carab laga dhex kicin doona.
Waa kuma ninka Carbeed ee nebiga ah ee Muusa dabadii soo baxay, ee aanan ahayn Muxammad (NNKH)?
-Muuse (NDH) muddo dheer ayuu sii noolaa waxyigiisa kadib, Muxammedna (NNKH) sidoo kale, laakiin Ciise (NDH) wax yar ayuu noolaa waxyigiisa kadib, kadibna waala diley sida ku xusan Baybalka.
-Muuse (NDH) lama dilin, Muxammedna (NNKH) sidoo kale, waxayna udhinteen si caadi ah, laakiin Ciise (NDH) si mucjiso ah, waana la salbiyey sida uu xusay Baybalka. Qur’aankuna ma dhiman ayuu oranayaa.
Amuurtaan oo idil markaynu kasoo gudubno haddii aad weydiiso Kirishtaha miyaa laga helayaa kitaabka Baybalka tilmaan muujineysa Nebinnimada Muxammed (NNKH), durba waxay ku oranayaan ”Maya maya!! marna kama heleysid”.
Laakiin waxaad weydiineysaa oo miyaanan dhowr mar kitaabka Qudduuska ahi lagu sheegin imaanshiyaha Ciise Al Masiix? Markaasuu ku oranayaa, ma dhowr mar qura? Mayee kun mar kabadan ayaa lagu sheegay tilmaamaha muujinaya imaanshiyaha Ciise Masiix.
Laakiin waxaad oranaysaa ”Laakiin innagu waanu rumeysannahay Al Masiix ina Maryama, Illaahay iyo Nebigiisa Muxammed (NNKH) ayaana sidaa ina faray, waxaana u rumeysannahay inuu yahay Nebi iyo addoon Alle, laakiin kunkaas mar ama ka badanka jeer ee lagu xusay Baybalka imaanshiyaha Ciise Masiix, ma waxaa kuqoran magaca Ciise? Ereyga Masaayaa ee laga turjumay macnaha Masiix ma ahan magac ee waa laqab (naynaas), laakiin miyaa laga helayaa kitaabka Qudduuska ahi bishaaro Nebinnimo oo oranaysa Masaayaa waa Ciise Masiix oo iman doona? Haddii ay haa tahay, iisheeg mid ama labo meel oo lagu xusay magaciisa intuuna iman?
Haka sugin inuu jawaab waafi ah kusiiyo, bal ee wuxuu ku oran ”Maya lama helaya tafaasiil intaas ah, lagama helaya!!”.
Laakiin waxaad oranaysaa ”Oo sidee markaasi kumaankaasi bishaaro ee Nebiya iman doona tilmaamaya aad u oranaysaan waa Ciise (NDH)? Haddii aad sidaasi sameysay, Muxammedna (NNKH) sidoo kale maxaad ugu dooran weyday qeyb kamid ah kumaanka kun Nebi ee aanan la xusin magacyadooda inuu isagu yahay”? Markaasuu ku oranayaa hadduu caddaaladda wax ka yaqaan adigaa caddaaladda iiga dhaw!!.
Waxaan kuweydiiyey cidda ay tilmaamaysa faqradaasi? Ma waxaad oran doontaa waa Ciise?Si fiican u eeg mar kale. Deuteronomy/ Sharciga ku noqoshadiisa 18: 18d
18. Waxaan iyaga walaalahood (iyaga dhexdooda lama oran) uga dhex kicin doonaa nebi sidaada oo kale ah, oo markaasaan afkiisa gelin doonaa erayadayda, oo isna wuxuu iyaga kula hadli doonaa wax alla waxaan isaga ku amri doono oo dhan.
Haddii aad tiraahda waa Ciise, sabab? Sideed ku garatay, ma magaciisaad u jeeddaa? Mise sifa Ciise ayaa ka muuqata? Haa waxaad oran doontaa waa Ciise Nebiga lamidka ah Muuse waayo labaduba waa reer banii Israa’iil..
Faqradaa taas kaa diideysa, Ciise martabad ka weyn Nebinnimada ayaad kusheegteen oo gaadhsiisan Ilaanima iyo inuu yahay wiilkii Ilaahay, sidoo kale Mucjiso ayuu kudhashay, laakiin Muuse dhalasha dabiici ah ayuu ku dhashay. Faqraduna kama hadlaysa reer banii Israa’iil ee iyaga ayay la hadlaysaa oo oranaysaa walaalahood, walaalahoodna waa Carab sida uu xusaya Baybalku.Ma sheegi kartaa meel kaloo ay iska shabbahaan Ciise iyo Muuse? Malagaaga fadhiya, haddaba bishaaradani Ciise boos ugama banaano, waayo Nebiga ay tilmaamaysa waa mid ka dhashay reer Israa’iil walaalahood Carab, Ciisana ma ahayn Carab.
Muuse wuxuu ahaa Nebi dagaallamay oo dagaallo waaweyn iyo weerarra badan qaaday, Nebi Muxammadna (NNKH) sidaas oo kale waa dagaallamay (sida aad immika ku eedeysay) sidii Muuse oo kale, laakiin Ciise ma dagaallamin, waxaabad aaminsan tahay in isaga la diley.
Muuse wuxuu ariga u raaci jirey nin kale, Muxammadna (NNKH) sidoo kale, laakiin Ciise maya. Muuse wuxuu lahaa hooyo kale oo aanan hooyadiis ahayn oo soo korisay (naas nuujinta), Muxammadna (NNKH) sidoo kale, laakiin Ciise maya. Muuse dharabta (sabinnima) kuma hadlin, Muxammadna (NNKH) sidoo kale, laakiin Ciise dharabtuu ku hadlay. Muuse dad dhintay masoo nooleynin, Muxammadna (NNKH) sidoo kale, laakiin Ciise illaa iyo dhowr qofood ayuu idinka Alle kusoo nooleeyey.
Muuse waa ka guuleystay cadawgiisa, maxaabiis badanna waa ka qabtay, Muxammadna (NNKH) sidoo kale, laakiin Ciise asaga in la salbiyey ayaad aaminsan tahay (inkastoonan anigu sidaasi aaminsaneen, haddana waxaan kugu raacayaa inaanu Ciise dagaallamin sida uu xusaya Baybalku).
Muuse wuxuu la yimid shareeca weyn oo cusub (Towraadda iyo 10 kii dardaaran ee naamuuska axdiga) oo nasakhday shareecooyinkii ka horreeyay oo dhan, Muxammadna (NNKH) sidoo kale wuxuu la yimid shareeca oranaysa waxaan nasakhay wixii iga horreyay oo dhan, laakiin Ciise uma iman wax kale aanan ka ahayn inuu oofiya shareecadii hore, waa kan Baybalka oo arrintaasi kuu caddeynaya
Matthew/ Matayos 5: 17d
17. Ha u malaynina inaan u imid inaan sharciga ama qorniintii nebiyada baabbi’iyo, uma aan iman inaan baabbi’iyo, laakiin waxaan u imid inaan wada oofiyo.
.Dhimasha caadi ah ayuu Nebi Muxammad (NNKH) dhintay sida Muuse oo kale, labadooduna qabriyadooda ayay jiifaan, laakiin Ciise waala salbiyey baad aaminsan tahay sida uu xusaya Baybalka, kadibnaa lasoo nooleeyay oo samada loo qaaday, Islaamkuse ma aaminsana in la dilay oo la salbiyey, balse wuxuu kugu waafaqayaa in samada loo qaaday, waana xaalad ka duwan xaaladdii Muuse iyo Muxammad (NNKH).Laga yaabaa inaad tiraahda Nebi Daa’uud baa dagaallamay, oo cidda ay bishaarani tilmaamaysa waa asaga, asaga ayaana Nebi Muuse shabbaha, laakiin Nebi Daa’uud wuxuu ka dhashay reer Israa’iil nebiga lagu bishaareynayana waa reer banii Israa’iil walaalahood mid laga soo dhex saari doono, kuwaasoo Carabta ah.Sidoo kale waxaa arrintaasi diidaya Baybalka oo oranaya
Deuteronomy/ Sharciga Ku Noqoshadiisa 34: 10d
10. Oo tan iyo waagaasna reer binu Israa’iil dib kama dhex kicin nebi Muuse la mid ah oo Rabbigu fool ka fool u yaqaan.
Muuse dabadii mid lamida maba ka kicin reer Israa’iil, siduu marka Daa’uud oo reer Israa’iil ah u noqon karaa.Arrinka dagaalka ee aad is lahayd ku liid Nebi Muxammad (NNKH) Nebinnimadiisa waxaa dafiraya Baybalka aad aaminsan tahay oo sugaya Nebinnimada Nebi Muxammad (NNKH).
Ishaciyaah ayaa sidoo kale ku bishaareeyey in Nebi Muxammad uu iman doono oo weliba dagaallami doono, intaanse wax ka sheegin bishaaradaasi Ishaciyaah ee tilmaamaysa arrinkaasi bal aan dhameyo faqrada sare (Deut 18:18d), mar kale eeg faqrada
Deuteronomy/ Sharciga ku noqoshadiisa 18: 18d
18. Waxaan iyaga walaalahood (iyaga dhexdooda lama oran) uga dhex kicin doonaa nebi sidaada oo kale ah, oo markaasaan afkiisa gelin doonaa erayadayda, oo isna wuxuu iyaga kula hadli doonaa wax alla waxaan isaga ku amri doono oo dhan.Oraahda oranaysa markaas baan afkiisa gelin doonaa erayadeyda, erey cid kale oo afkaaga la geliya macnaheedu waxaa weeye wax laguu aqriya oo aad adiguna ka daba aqrisa. Taas waxaa caddeyneysa suuradda Al Calaq ee ugu soo hordegtay Quraanka, markii Jabriil uu kulahaa Muxammad (NNKH) aqri oo isaguna uu lahaa anigu ma aqriya (3 goor) oo markii dambe ku yiri ku aqri magaca Rabbigaa abuuray wax walba, ee baray dadka wax aanay ogayn illaa shanta aayadood ee ugu horreysa suuraddaasi ayaa sidaasi ku soo degtay, taasoo tilmamaysa inuu Muxammad (NNKH) ahaa Ummi aanan qoridda iyo aqriska horey u aqoon, waana halka ay siiqada dambe ee odhaahdu ka tilmaamaysa marka uu oranaya ”Isna wuxuu iyaga kula hadli doonaa wax alla waxaan isaga ku armi doona oo dhan”.Maxaad ku dafiri kartaa marka, ma waxaad oranaysaa Muxammad (NNKH) waa beenaale oo maahan Nebi… Cid kastoo Nebi sheegataase maxaa lagu garanayaa. Baybalka ayaa kuu sheegaya sida lagu kala garanay cidda aanan nebiga ahayn iyo cidda Nebiga ahDeutranomy/Sharciga kunoqoshadiisa 18: 20d- 21d
20. Laakiinse nebigii wax aanan ku amrin leh oo si kibir ah magacayga ugu hadla, ama kii ilaahyo kale magacood ku hadlaa, nebigaasu waa inuu dhintaa.
21. Oo haddaad qalbigiinna iska tidhaahdaan, Sidee baannu u garanaynaa eraygii aan Rabbigu ku hadlin?
22. Markii nebi ku hadlo magaca Rabbiga, haddii wixii uu ku hadlay ayan ahaan oo ayan noqon, waxaas ayaa ah waxa aanu Rabbigu ku hadlin. Nebigu si kibir ah buu u hadlay ee waa inaydaan ka cabsan innaba.
Macnaha kii kastoo ku hadla wax aanan loo waxyoonin oo Nebinnima sheegtaa waala dili doonaa, sida Museylama Kadaab oo kale oo Nebinnima sheegtay oo la diley, sida Aswad Al Canazi oo kale oo nebinnima sheegtay oo la diley, sida Mukhtaar bin Abii Cubayd oo kale iwm, kuwaasuna warkoodii waa lumay, laakiin Muxammad waa guuleystay gallan buuna la hoyday, asagoo la mahadiya, laguna salliya maalin walba, salaad walba iyo xilli walba. Bilyanno dad ah ayaa weyneya isaga, oo ku salliya mar walba oo ay magaciisa maqlaan.. Manaarada dhaadheer ee masaajiddada ayaa magaciisa laga naadiyaa, malaayiin qofood baa sanad kasta weyneysa oo booqata qabrigiisa masjidkiisa iyo aathaartiisii, kuwaasoo sunnaduu ninkaasi shaqsiga ahi u jideeyey dariiqeeda haya oo weyneeya. Ma jira maanta shaqsi 1400 sano kahor dhintay oo sida Muxammad (NNKH) loo weyneeya oo kale loo weyneeya.
Haddaad is tiraahda sideen ku ogaadaa in nebigani sax yahay iyo in kale, Baybalkaa kuu sheegaya arrinkaasi, oo ku oranaya (eeg faqrada 22d ee kore) qofka nebinnima sheegta oo wuxuu ku hadla aanay run noqon kaasi maahan Nebi.
.Laakiin Muxammad (NNKH) malaayiin shey ayuu sii sheegey oo ka hadlay, mana jirta hal sheey oo siduu usheegey mooyaane si kale noqday. Saxiixeyna waxaa ku yaal xadiis tilmaamaya saacadda qiyaamaha marka ay soo dhawaata in Masiixu Dijaal uu u dhawaan doona magaalada Madiina oo oran doona qasrigan cad qasrigan cad, qasrigani waa qasrigii caddaa ee Axmed, isagoo ula jeeda masjidka Nebiga (NNKH). Marka uu Nebi Muxammad (NNKH) sidaasi lahaa, masjidkiisa qasri inuu yahay iska dhaafe amaba cadyahaye, wuxuu ka samaysnaa baalmo iyo dhis iyo dhoobo iyo carra, gogalna ma lahayn. Qarnigii hadda dhamaaday muddo ku siman 50 sano ama ka yar ayuu noqday qasri cad, taasoo muujineysa tilmaamihii Nebi Muxammad.
Waxyaabaha uusii sheegey Nebi Muxammad waxaa ka mid ahaa in diinta Islaamku ay ku billaabatay nebinnima, oo isaga gadaashiis ay ahaan doonto khulafa’u Raashidiin isagoo ku tilmaamay inay khulafadaasi jiri doonta 30 sanadood (noqotay siduu sheegay), intaa kadibna ay noqon doonto boqortooyo Islaam ah oo la iska dhaxla, kadibna madax jabaabira ah (dictaaroora) kadibna ay mar wada daadan doonaan oo ay dib usoo laaban doonta khilaafadii Islaamka. Ka warrama midda ugu dambeysa oo la sugaya mooyaane inta kale oo dhan way dhaceen siduu usheegayay ayayna u dhaceen.
Waxyaabaha kalee uu ka warramay waxaa kamid ahaa in Camaar bin Yaasir koox Muslimiin oo khaldan ay dili doonta, tiiyoo dhacday sanadkii 38d ee hijiriga. Waxaa kaloo kamid ahaa in nin reer miyi ah oo usoo daba galay nebi Muxammad markuu hijroonayay si uu u dila uu ku yiri waxaad yeelan doontaa jijimaha dahabka ah iyo taajka boqorka Furus ee Kisraa. Ninkaasi waxaa la oran jirey Suraaqa bin Maalik bin Jucshum, wuxuuna soo daba galay nebiga (nnkh) iyo Abuu Bakar markay naftooda lasoo qaxayeen oo kasoo hijroonayeen magaallada Makka kuna sii jeedeen Yathrib (Madiina), markaas ayuu Muxammad (NNKH) oranayaa Suraaqoow!! waxaad yeelan doontaa jijimaha iyo taajka dahabka ee Kisraa. Ogow Kisraa wuxuu ahaa boqor kamid ah labadii boqor ee dunidda ugu awoodda badneyd markaas, dhul weyni badanna ku fadhiyey, Muxammadna raggisa iyo asaga xilligaasi ma aanay gaareynin 300 oo, bal ee 200 xataa.
16 sano kadib xaaladdaas markuu Nebi dhintay kadib ee la furtay dhulka Furus baa Cumar bin Khaddaab uu jijimihii iyo taajkii Kisraa ku wareejiyey Suraaqa bin Maalik, ninkii reer miyiga ahaa ee horey ugu bishaareeyey Nebiga (nnkh).
Masoo koobi kara inta uu Nebi Muxammad (NNKH) sii sheegey ee rumoowday, inta dhimanna waa mid aan wada yaqiinsannahay haddaanu nahay umadda Islaamka. Xilli ay umaddu wada Islaamaysa oo qaaradda Yurub ay fahantay xaqa Islaamka, maalintiina ay Islaamayaan boqollaal dad ah ayaad adigu unoqoneysaa kufri iyo murtadnimo.
Diinta uu la yimid ninka aad dafireysa Nebinnimadiisa, waxay maanta dunida ka tahay diinta labaad ee mar dhaw hoggaanka diimaha qaban rabto. Daraasaddii diimaha ee 1996-dii Islaamku wuxuu ahaa 1000 milyan oo qofood, Masiixiyadda oo hoggaanka haysayna waxay ahayd 2.0 Billions. Xilligaasi 4 sano kadib daraasaddii 2000 ee diimaha Muslimiintu waxay noqdeen 1.2 Billions, Masiixiyadduna weli ma dhaafin 2.0 Billions, daraasaddii 2006da ee diimaha Muslimiintu waxay noqdeen 1.6 Billions, Masiixiyadduna weli ma dhaafin 2.0 Billions. Daraasaddii 2010ka ee diimaha Muslimiintu waxay noqdeen 1.8 Billions, Masiixiyadduna weli ma dhaafin 2.0 Billions.
Dhoohane sidee baa cid aanan Nebi ahayn ay umad intaas dhan u weyneysaa oo haddana Rabbi uga raalli yahay iyaga una sii badinayaa? Miyaadanba maskax iyo caqli toona lahayn, maxaa kuheley? Jahliga gaamurey ilaahay hakaa saara oo xaqa hadduu kula damca ha ku hanuuniya, waa ka hufanyahay Muxammad (NNKH) waxa aad ku tuhuntay.
Nebiga ugu badan ee ku bishaareeyey Muxammad waa Ishaciyaah, masoo wada qaadi doonna inta mar ee lagu xusay bishaarada Muxammad Baybalka, laakiin hal-kan qeyb oo qura ayaan kasoo qaadan doonnaa bishaarooyinka Ishaciyaah inkastooy aad u badan yahiin, si aan ugu dabbakhno dagaalkii uu Muxammad galay inuu caddeynaya Nebinnimadiisa.
Isaiah/ Ishaciyaah 42: 1d- 5d
1. Bal eega addoonkayga aan tiiriyo, oo aan doortay (Mukhtaar-keyga) oo ay naftaydu ku faraxsan tahay.Ruuxayga ayaan dul saaray. Wuxuu quruumaha u soo saari doonaa xukunka.
2. Ma uu qaylin doono, korna uma dhawaaqi doono, oo codkiisana kama uu dhigi doono in jidadka laga maqlo.
3. Cawsduur nabar leh ma jebin doono, dubaalad qiiqaysana ma demin doono, xukunkuu runta ku soo saari doonaa.
4. Isagu ma uu taag darnaan doono, oo mana uu qalbi jabi doono, jeeruu caddaalad dhulka ku hagaajiyo, oo gasiiraduhuna waxay sugi doonaan sharcigiisa.
5. Saas waxaa leh Ilaaha Rabbiga ah oo samooyinka uumay oo kala bixiyey, kan dhulka iyo waxa ka soo baxaba kala fidiyey, kan dadka jooga neefta siiya, oo kuwa dhulka ku socdana ruuxa siiya
Halkani waxaa kusugan bishaaro iyo wax sii sheeg, uu ka warramaya Nebi Ishaciyaah. Wuxuu Rabbi leeyahay sida kusugan sifir Ishaciyaah ” Bal eega addoonkayga aan tiiriyo, oo aan doortay (Mukhtaar-keyga) oo ay naftaydu ku faraxsan tahay. Ruuxayga ayaan dul saaray. Wuxuu quruumaha u soo saari doonaa xukunka”.
Ereyga ”mid la doortay” Carabi ahaan wuxuu noqdaa Mukhtaar, kan aan doortay ”Mukhtaarii”, waa sida ku qoran Baybalka afka Carabiga. Haddaba Mukhtaar waa magac kamid ah magacyada Nebi Muxammed (NNKH) sida kusugan axaadiis saxiix ah oo Nebiga laga soo weriyey. WWaxay kaloo faqradani qeexaysaa weedh kale oo oranaysa”addoonkeyga”. Haddaba waxaa is weydiin mudan nabuu’adan uu ka warramaya Ishaciyaah waa qofma? Yaa iskaleh ama ay u waajibtaa?
Dabcan waa Mukhtaar Nebi Muxammed (NNKH), waa addoon Ilaahay uu doortay oo ah mid quruumaha loosoo saari doona oo xukun iyo shareeca cusub u keeni doona sida kamuuqata faqrada 1d. Haddii aad weydiisa Nasaaradu cidda ay ka hadlaysa nabuu’adan, waxay ku oranayaan waa bishaarada Ciise, laakiin sida faqradaasi 1d kamuuqata cidda laga warramaya waa cid quruumaha oo idil loogu soo dhiibi doono xukun iyo shareeca, Ciisana isagu uma keenin quruumaha oo idil xukun, bal’e sida kusugan Baybalka wuxuu oranayaa la iima soo dirin cid kale reer banii Israa’iil mooyaane. Qur’aankuna sidaas ayuu xusayaa.
Sidoo kale sida faqradani kowaad kusugan weedha ”addoonkeyga” ah ayaa ka hor imanaysa afkaarta Nasaaradu markay yiraahdaan cidda bishaaradu ay tilmaamaysa waa Ciise (NDH). Sow Ciise kuma aanay sheegin inuu yahay Ilaahay laga jasad yeeshay? Haa!! nacam sidaas bay sheegeen, waxayna yiraahdeen ma ahan Nebi oo waa ka weyn yahay Nebi, waana Ilaah kamid ah thaaluuth-ka (Aabbaha, wiilka iyo Ruuxa Quduska ah, kuwaasoo haddana hal ah), yaab!!
”Aabbuhu waa shaqsi!!, wiilkuna waa shaqsi!!, Ruuxul Qudus-kana waa shaqsi!! laakiin ma ahan saddex shaqsi, mayee waa hal shaqsi, mid kastaana waa Ilaah”. Sidaas waa caqiidada Masiixiyiinta ay aaminsanyahiin, waa caqiida aad iyo aad u layaab badan, xitaa ilmaha yar ayaa kuqoslaya waxa kan haddii loo sheega, saddex shaqsi oo haddana hal qof ah, cid kaa yeelaysaahi oo caqli saliima leh majirta sida aan filaya. Qofkii Masiixi ah ee isku daya inuu baaraa xaqiiqda Masiixiyadda waxay dantu biddaa inuu ka carara diintaan thaaluuth-ka ah ee caqligu yeelahayn maankuna wareerinaysa.
Al Mahiim, Ciise waa shaqsiga ay kusheegeen Ilaahay, haddaba su’aashu waxay tahay siday ku noqon kartaa bishaarada halkani kuxusan inay isaga ka hadasha, maadaama weedha halkan kuxusan ee ah ”addoonkeyga”, aanay ogalayn Nasaaradu inay munaasab u tahay Ciise (waxay yiraahdeen Ciise ma ahan addoon Ilaahay, bal’ee waa Ilaahay)?
Haddii ay yiraahdaan ”Mayee waa Ciise cidda ay ka hadlaysa, oo Ciise-na waa addoon Alle sida ay tilmaamaysa faqradan 1d ee ku xusan halkan Ishaciyaah, markaas waxaanu leennahay tahniyad baad leedahiin, waayo waa middaas oo qura ta ay ina fartay caqiidada Islaamka, inuu Ciise yahay addoon Alle oo aanu ahayn isaga Ilaahay, waana middaa uun risaalada uu inoo keenay Muxammed (NNKH) Ilaahayna ma yeelan wiil, mana jira Ilaah kale isaga mooyaane. Ogoowse hadday yiraahdaan xataa Ciise waa addoonkii Alle oo isagu ma ahan Illaah, bishaarada halkani ku xusan waxba kama badali doonta inay ishaaraysa Nebi Muxammed (NNKH), sida aynu qeexi doonna hadduu Eebbe idmo.
Laakiin xiilad kale haddii la waayay, ma waxaa la xarrifayaa weedhii ahayd ”addoonkeyga”, oo lagu badalayaa oraah kale oo oranaysa ‘‘wiilkeyga”. Waa yaab iyo amakaag!!. Waxaa ka buuxa kitaabka Baybalka ahi wax la yiraahda suugaan xad, taasoo qorayaashii qorey ay iska soo xadeen, inkastoo inta badan la aqoon qorayaashii asalka ahaa ee qorey. Haddaba Matayos oo aanan la hubin inuu isaga yahay midka qorey Injiil Matayos, oo suugaan xadkaasi aafo ku dhigay ayaa kitaabkiisa Injiil Matayos waxaa kuxusan faqradan kore ee aanu ku xusnay kitaabka Ishaciyaah, taasoo la baddalay weedhii oranaysay ”addoonkeyga” oo qura.
Sabab? Maxaa loo baddalay oo looga dhigay weedh kaloon la macno ahayn oo oranaysa ”wiilkeyga”? Taasu waa xarrifaadda uu Illaahay Qur’aanka inoogu warramay in lagu wasakheeyey kutubbadii Towraadda iyo Injiisha.
Waxaa kaloo faqradaasi kuxusan weedhan ‘”Ruuxayga ayaan dul saaray”. Cidda Ruuxa Alle la dul saaraya waa addoonka Alle ee Mukhtaarkiisa ah ee ay ka hadlaysa isla faqradaasi. Waa halkan meesha ay yiraahdaan waxay ka hadlaysaa Ciise. Laakiin Ruuxa ma ahan wax ku gaar ah Ciise, waayo kitaabka Baybalka, wuxuu qabaa in Ruuxa Alle oo cid la dulsaaraahi ay tahay waxyi macna ahaan. Sidaa darteed ma ahan sida ay ku macneeyaan wax u gaar ah Ciise, bal ee waa wax lala wadaago.
Waa kan Ruuxa Ilaahay oo dul jooga Nebi Ishaciyaah, markii loo waxyoonayay
Isaiah/ Ishaciyaah 59: 21d
21. Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa axdigayga aan iyaga la dhigan doono. Ruuxaygaa ku kor jooga iyoerayadaydii aan afkaaga ku riday.
Ishaciyaah wuxuu ahaa Nebi ummi ah, sidaa darteed baa halkan la yiri erayadaydii ayaan afkaaga ku riday.
Ruuxa Ilaahay oo cid lagu shubaa ama la dul saaraahi wuxuu kitaabka Baybalku qeexayaa in uu ahaa waxyi iyo ilhaamin, loo waxyooda Nebiyada ama la ilhaamiya dadka wanwanaagsan ee saalixiinta ahaa.
Waa kan kitaabka Yoo’eel ee axdigii hore oo sidaasi tilmaamaya.
Joel/ Yoo’eel 2: 28d
28. Oo markaas dabadeedna anigu ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan, oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan, oo odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan, oo raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan.
Ma yara meelaha uu ku xusaya kitaabka Qudduuska ahi in Ruuxa Alle yahay waxyiga, ereyga ruuxaygana loola jeeda waxyiga. Haddaba ma ahan wax ku gaar ah Ciise nabadi dushiisa ha ahaatee oo waa wax ay la wadaagaan dadkii la ilhaamiyey, iyo Nebiyadii loo waxyooday. Haddaba sida uu xusaya kitaabka Baybalka ahi Ruuxa Alle, Nebiyadii hore iyo saalixiintiiba way ayidsanaayeen, oo waxay u yaqaaneen waxyiga iyo ilhaanta. Markaa dabadeed weydii bal Masiixiyiintu, haddii xaalku uu sidaas yahay Ciise ma waxaad kusheegeysaan wax ka badan inuu ahaa Nebi? Hadduu arrinku sidaasi yahay, muxuu dheeryahay Balcaam? Waa maxay waxa uu dheeryahay Zakariyah, iyo Saa’uul?
Balcaam inaa Baacuur waxaa dul fuulay Ruuxa Ilaah.
Exodus/ Tirintii 24: 2d
2. Markaasaa Balcaam indhaha kor u qaaday, oo wuxuu arkay reer binu Israa’iil oo qabiil qabiil u deggan, kolkaasaa waxaa isagii ku soo degay ruuxii Ilaah.
Saa’uul raggiisii Ruuxa Ilaah baa dul fuulay, eeg
Samu’el I,/ Samuweel I, 19: 20d
20. Markaasaa Saa’uul rag u soo diray inay Daa’uud soo qabtaan; oo iyana markay arkeen guutadii nebiyada ahayd oo wax sheegaya, iyo Samuu’eel oo dhex taagan oo madax u ah ayaa ruuxii Rabbigu ku soo degay raggii Saa’uul soo diray, oo iyana wax bay sii sheegeen.
Zakariyah waxaa ka buuxsamay Ruuxa Qudduuska ah, eeg
Luke/ Luukos 1: 67d
67. Markaasaa aabbihiis Sakariyas waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, waxna wuu sii sheegay
Haddii xaalku sidaasi yahay Ciise waxba ma dheera inuu yahay Nebi Alle, waayo weedha lagu qaas yeelaya waa waxyi lala wadaaga, xataa Nebi Muxammed (NNKH) ayaa taasi la wadaagaya. Haddaba haddii la yiraahda bishaaradanu waxay ka hadlaysaa Ciise, maxaa loo oran waayay Zakariyah ayay ka hadlaysaa, ama Nebiyadii kalee reer Israa’iil sida Yoxannaa iyo Daanyeel iyo kuwii Ishaciyaah ka dambeeyey? Maxaa loo yiri waa Ciise iyadoo laga mudan yahay in la yiraahda sidaas?
Nacam!! wax kale ma tilmaamaysa bishaaradaasu aanan ahayn Nebi Muxammed (NNKH). Haah!! oo cid kale ma tilmaamaysa, aanan ahayn isaga (NNKH), ila soco uun adigoonan is waalin si degen. Faqrada labaad ee aayadihii aanu markii hore soo qaadannay aan dib ugu laabanno, waa hubaal inay caddahay in bishaaradu iyo cidda laga hadlayaahi ay tahay Muxammed (NNKH).
Waxay ahayd faqradu sidan ”Ma uu qaylin doono, korna uma dhawaaqi doono, oo codkiisana kama uu dhigi doono in jidadka laga maqlo”. Nacam!! Nebi Muxammed (NNKH) sida ay Caa’isha tiri wuxuu ahaa mid aamusnaan badan oo af gaaban, dadkuna kuma qaylin jirin, mana cod dheereen. Weligiis labo mar ayuu cod sare kudhawaaqay, labadaasi marna waxaa ka dambeysay guulo uu cadawgiisa ka gaaray, sida aanu ku xusi doonna sadarka dambe, marka aynu ka hadlayna bishaarada afraad ee Ishaciyaah ee aynu halkan kusoo qaadan doonno, hadduu Eebbo idmo.
Laakiin Ciise waxay ka yiraahdeen cod sare buu ku dhawaaqay asagoo saliib uyaal, sidaasi waxaa xusay kitaabka Baybalka Axdiga Cusub.
Mark/ Markus 15: 34d
34. Saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, lama sabakhtani? taasoo micneheedu yahay, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?
Qayladani sida halkan ka muuqata guul iyo nasri kama dambeyn, waa cataw iyo calaacal iyo baryootan, laakiin dhawaqa Nebi Muxammed (NNKH) ee aanu xusi doonna waa mid uu guul ka dambeeyo sida bishaarada xigta ay tilmaamaysa.
Aayadaha aanu kor kusoo xusnay faqrada afraad waxay oranaysaa sidan ”Isagu ma uu taag darnaan doono, oo mana uu qalbi jabi doono, jeeruu caddaalad dhulka ku hagaajiyo, oo gasiiraduhuna waxay sugi doonaan sharcigiisa”. Ma uu taag darnaan doono, nacam Nebi Muxammed (NNKH) ma uuna taag darnaan, aayad Qur’aan ah ayaa ayideysa weedhan.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri
”Kuuguma aanu soo dejinin (Muxammadoow!!) Qur’aanka inaad ku laab cidhiidhyoota”. Suuratu Daahaa 20: 2d
Laakiin Ciise waxaa lagu sheegey inuu taag darnaaday oo la diley oo la salbiyey sida ay kusheegeen. Islaamkuse sidaasi ma qabo oo Ilaahay inuu kor u qaatay ayuu qabaa sida uu xusaya Qur’aanka, laakiin xitaa haddii ay oran lahaayeen lama dilin, bishaaradani uma habboonaateen isaga, waayo ninka la yimid shareecada cusub ee faqradani ay tilmaamaysa ee xukunkiisa gasiiraduhu u hoggaansameen waa Nebi Muxammed (NNKH), caddaaladdii xukunkiisuna tan iyo maanta ayaa mashriq iyo maqrib laga sheekeeyaa, waana mid dhulka oo dhan caddaalad ku hagaajiyey. Nebi Ciise ma ahayn wax kale aanan ka ahayn Rasuul loosoo direy reer banii Israa’iil, eeg
Matthew/ Matayos 15: 24d
24. Laakiin wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, La iima soo dirin, idaha lunsan oo reer binu Israa’iil maahee.
Rusushiisii xataa wuxuu amray inaanay meel kale aadin, oo aadaan reer Israa’iilka lunsan. Bal eeg mar kale,
Matthew/ Matayos 10: 5d- 6d
5. Laba-iyo-tobankan Ciise ayaa diray oo amray isagoo leh, Jid ka mid ah jidadka dadka aan Yuhuudda ahayn ha marina, magaalo ka mid ah magaalooyinka reer Samaariyana ha gelina,
6. laakiin waxaad u tagtaan idaha lunsan oo guriga Israa’iil ah.
Sharci cusubna uma keenin iyaga, balse wuxuu sheegey inuu u yimid inuu oofiya Towraadda, eeg markale,
Matthew/ Matayos 5: 17d
17. Ha u malaynina inaan u imid inaan sharciga ama qorniintii nebiyada baabbi’iyo, uma aan iman inaan baabbi’iyo, laakiin waxaan u imid inaan wada oofiyo.
Ma la iman shareeca nasakhday Towraad, laakiin waa Muxammed (NNKH) ninka la yimid shareeca nasakhday Towraad iyo Injiil iyo wixii ka horreeyayba.
Sidaa darteed waa Nebi Muxammed (NNKH) ka ay bishaaradani tilmaamaysa, ee shareecadiisa gasiiraduhu sugi doonaan, maadaama Ciise aanu la iman shareeca cusub, Muusana wuu ka horreeyay Ishaciyaa-ga ku bishaareynaya bishaaradan. Sidaa darteed Nebiga kaliya ee shareecada cusub la yimid ee Ishaciyaah ka dambeeyay waa Nebi Muxammed (NNKH).