27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Chelsea oo heshay magaca taageerihii sameeyey astaanta daanyeerka kulankii Man Utd.

Taageerihii kaasoo muuqday Stamford Bridge isagoo sameynaya falal cunsuri ah oo uu ula jeeday weeraryahanka Manchester United Danny Welbeck ayaa la helay magaciisa, ninkaa ayaa smeynaayey astaanta daanyeerka xilli uu hortiisa taagnaa Danny waxaana lagu magacaabaa Gavin Kirkham.

Taageerahaan ayaa sameeyey astaanta daanyeerka xilli ay kaamirooyinku qabanayeen kulankii 5-4 ku dhamaaday ee dhacay garoonka Chelsea.

Kirkham, waa 28 jir, waxaana lagu sawiray xilligaas isagoo sameynaya astaanta daanyeerka uu ula jeeday inuu ku faquuqo Welbeck wuuna ka yimid halka la yiraa Matthew Harding Stand. Wuxuuna diirada u saran yahay Booliska  iyo kooxda oo baaraya.

Kirkham, oo markii uu ciyaarta daawanaayey ka yimid magaalada Letchworth Garden  ee Hertfordshire, wuxuu fadhiyey booskii lagu dhaawacay Steward kulankii horyaalka ee 3-2 guul darro ah ay Blues kasoo gaartay Man Utd kaasoo ka mid ahaa shaqaalaha garoonka Chelsea.

Arag sawiradiisa hoose isagoo sameynaya astaanta daanyeerka.

 

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Corinthians oo Chelsea u sheegtay inuusan iib aheyn xidiga diirada u saaran Paulinho.

Chelsea ayaa loo sheegay inay maskaxeeda ka saarto inay lasoo saxiixato xidiga qadka dhexe ee heerka caalami ee dalka Brazil Paulinho.

Roberto Di Matteo ayaa rajeynaayey inuu 24 jirkaan burburiyaha ah keeno Stamford Bridge si uu tartan ula galo xidigihiisa dooqa koowaad Obi Mikel iyo Ramires.

Laakiin xidiga lixda kulan ee caalamiga ah u saftay xulkiisa ayaa dhowaan heshiis cusub qalinka ugu duugay Corinthians, waxaana madaxweynaha kooxda Mario Gobbi Filho uu qirtay inuusan beec aheyn xidigoodu marka uu Janaayo suuqu furmo.

“Qandaraaska ayaan u cusbooneysiinay taasna ayaana xooga saarnay,” ayuu Filho u sheegay CalcioMercatoNews.com.

“Hada waa xiligii ku haboonaa in Paulinho la iib geeyo. Umase muuqato inaan taas dareen siineyno, waa in su’aashaas meesha laga saaraa.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Messi oo 2 maalin seegay tababarka Barca xilli ay fooda u saran tahay inuu Aabe noqdo.

Xidiga kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa ka maqnaa tababarkii jimcada ee kooxdiisa iyadoo gababdha uu saxiibka la yahay Antonella Roccuzzo la ogyahay in cusbiltaalka la dhigay si ay u umusho wiilkooda loogu magac daray Thiago.

Roccuzzo ayaa horaantii subaxdii jimcada loo qaaday Hospital USP Dexeu, xidiga heerka caalami ee dalka Argentina ayaana kula biiray iyadoo uu cisbitaalku ku dhow yahay garoonka Barcelona ee Comp Nou ka dib markii ay kooxdu u ogolaatay inuu tababarka ka maqnaado.

Tababaraha Barcelona Tito Vilanova ayaa ka dhawaajiyey In Messi loo ogolaan doono inuu ka maqnaado kulanka sabtida ee Primera Division ay ku wajahayaan Celta Vigo hadii uu ka hor kulanka aabe noqdo.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Liverpool oo dooneysa inay Janaayo 8 milyan kula soo wareegto Theo Walcott.

Liverpool ayaa dooneysa inay qiimo 8 milyan oo ginni ah Arsenal Janaayo ugala soo wareegto Theo Walcott, xidiga reer Englan waxa uu qadnaraaskiisa Arsenal dhacayaa inta lagu jiro xagaaga waxayna Gunners isku deyeysaa inay la saxiixato qandaraas cusub inta aan la gaarin ciida Kirishtanka.

23 jirkaan ayaa laga war qabaa inuu diiday shan sano oo qandaraas ah oo uu isbuucii ku qaadanayo mushaar gaaraya 75 kun oo ginni, wuxuuna shardi ku xiray inuu ka ciyaaro doorka weerarka iyo sidoo kale inuu helo boos joogto ah.

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaana diyaar u ah inuu shuruudahaas ku dalbado. Wuxuuna doonayaa inuu Walcott soo xero gelsho Janaayo wuxuuna dalabyadiisa diri doonaa inta uusan Janaayo suuqu furmin, sida uu qorayo wargeyska Daily Mail.

Rodgers, ayaa ka wel-wel qaba weeraryahan la’aanta Reds ka dib markii uu West Ham amaah ku siiyey Andy Carroll iyadoo uu Fabio Borini ka jabay lugta hoosteeda. Liverpool ayaana gacmaha Swansea uga baxday Capital One Cup.

Wuxuu doonayaa inuu lasoo saxiixdo laba weeraryahan oo uu ku jiro Walcott si ay gool dhalinta ula wadaagaan Luis Suarez. Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaana khamiistii qirtay inay door bidi karaa inay iska iibiyaan Walcott hadii lagu guul darreyso in qandaraas cusub laga saxiixo.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

AC Milan oo laga yaabo inay dib usoo ceshato Alessandro Nesta.

Waxaa jira warar xan ah oo lala yaabay kuwaas oo sheegaya in Alessandro Nesta uu bisha Janaayo kusoo laaban karo Milan inta uu xiran yahay horyaalka MLS-ka Mareykanka.

Halyeeyga daafaca ah ayaa ka tegay kooxda intii lagu jiray xagaaga ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisu wuxuuna bog cusub oo noloshiisa ciyaareed ah ka furtay kooxda ka dhisan Mareykanka ee Montreal Impact.

Sida laga soo xigtay wargeyska Sport Mediaset, madaxweyne ku xigeenka Milan Adriano Galliani ayaa Nesta ku qalqaalinaya inuu kusoo laabto San Siro markaasoo uu sedax bilood kooxda la joogi doono inta uu xiran yahay Horyaalka MLS.

Tani ma ahan markii ugu horeysay sidoo kale waxaa sameeyey David Beckham kaasoo inta uu xirnaa Horyaalka Mareykanku kasoo tegay LA Galaxy una ciyaaray Milan, halka si la mid ah Thierry Henry uu kasoo dhaqaaqay isla kooxda Mareykanka ka dhisan ee NY Red Bulls uuna ku biiray Arsenal.

Si kastaba, isbuucyo ayaa laga joogaa markii uu Nesta wareysi ku sheegay inuusan qorsheyneyn in inta uu MLS xiran yahay uu ku laabto Serie A.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Madaxda DF, Saraakiisha Kenya iyo Raaskambooni oo shir xasaasi ah oo uu ugu soconayo Kismaayo.

Wafdi Caalami ah oo kasocday dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay gaaren magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose kuwaa oo u kur galaya xaalada amaan iyo mida nolaleed ee magaladaas.

Xubnaha Wafdigan waxaa kamid ahaa Wasiirka gaashaandhiga Xuseen Carab ciise,Taliyaha Ciidamada  Xooga dalka Geneal Diini iyo madax kale.

Safarkan Wafdiga dowlada ay ku gaareen Kismaayo ayaa waxaa ku wehlinayay Wariyaal u shaqeeya Warbaahinta Soomaaliya Sida Shabakada Caasimada kuwaa oo diyaarad ka raacay Muqdisho.

Waxaa soconayaya shir loo dhanyahay oo warbixin loogaa dhagaysanayo Saraakiisha horay u joogay Kismaayo waxaaana kulanka ka hadlay Gudoomiyaha Raaskambooni Axmad Madoobe oo ka sheekeeyay sida ay kismaayo ku soo gaareen iyo Xaaladeeda.

Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise oo hadlay ayaa isagana waxaa uu sheegay in maamul loo dhanyahay loo samayn doono Kismaayo.

Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Genaral Diini oo isagana meesha ka hadlay ayaa u mahad celiyay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ee qabsaday kismaayo,waxaana dhanka kale uu sheegay in dagaalka halkiisii ay ka sii wadi doonaan ayna kordhin doonan ciidamada dowlada ee jubooyinka jooga.

Madaxweynaha UEFA Michel Platini: Andrea Pirlo wuu ku guuleysan karaa Ballon d’Or.

Madaxweynaha UEFA Michel Platini ayaa kalsooni ku qaba in geesiga Juventus iyo Italy Andrea Pirlo uu ku guuleysan karo abaal marinta Ballon d’Or.

Halyeeyga qadka dhexe ayaa ka mid ah sedax ciyaaryahan oo Talyaani ah oo ku jira liiska 23ka ciyaaryahan ee u sharaxan abaal marintaan waana Gianluigi Buffon iyo Mario Balotelli.

“Pirlo wuxuu u ciyaaray si fiican waxaana filayaa inuu ku guuleysan karo Ballon d’Or, balse sidoo kale waxaa jira xidigo kale oo u sharaxan ugana cad cad,” ayuu Platini u sheegay Radio 2 uu ku yaala dalka Italy.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Milan oo neef kasoo fuqday ka dib markii ay tababarka kusoo laabteen sedax ciyaaryahan.

Robinho, Mattia De Sciglio iyo Kevin-Prince Boateng ayaa dib ugu soo laabtay tababarka Milan, laakiin Luca Antonini ayaaa weli la tacaalaya inuu kasoo laabto dhaawac uu ka qabo bowdada.

Sedaxda ciyaaryahan ayaa dhaawacyo uga maqnaa kulamadii ugu dambeeyey ee Milan, balse waxay u shaqeynayaa si adag iyagoo kooxda kala qeyb qaadanaya tababarka maalinlaha ah.

Taasi macnaheeda ahaa ah inay diyaar u noqonayaan kulanka isbuuc dhamaadka ay Milan wajaheyso Chievo, gaar ahaan waxaa kulankaan si aad ah loogu maleynayaa inuu ciyaaro Boateng.

Si kastaba, Antonini ayaan diyaar noqon doonin ka dib dhaawiciisa cajirka bidix ah.

Website-ka rasmiga ah ee Milan ayaa lagu xaqiijiyey in Antonini uu mari doono tijaabooyin dheeraad ah 15ka maalmood ee soo aadan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Maxaad kala socotaa saameynta iyo dhibka sarifka lacagaha qalaad uu ku hayo dhaqaalaha Somalia?

Sida aynu wada ognahay Soomaalliya waa wadan dhibaata badani ay ka taagneed oo 21 sanadood dil, dhac iyo boob lagu soo jiray, laakiin hada waxaa moodaa ifafaalaha rajada dowlada cusub iney muuqdaan ilaaheyna waxaan uga baryeynaa in towfiiqda waafajiyo.

Hadii aan usii daadago gunta maqaalka waxey tahay xagee dowladu wax kabilowdaa? Ileen maanta dhaqaale ahaan, dhisma ahaan, aqoon ahaan iyo technology ahaanba wadanka aad ayuu uliitaa inkasto ay is dhaamaan oo ay waxbarashada roontahay marka kuwa kale loo bar bardhigo.

Meelaha uu wadanka  aad uga liita waxaa kamid ah in doollarka mareekanka ($) wax lagu kala iibsado iyadoo aanu ognahay in wadanka Soomaalliya lacagtiisu tahay shilin (sh.so) waliba intaa kaliya maahane in doolarka isticmaalkiisu uu badanyahay oo maanta wax waliba dollar lagu kala iibsado sida in wadanka lacagtiisu ay tahay doolar oo kale dadkana aay aad ula dhacsanyihiin maadaama uu doolarka ka fuduyahay lacagta shilin Soomaalliga ,laakin wali dadkeena kuma baraarugsana saameyn intee la’eg ayuu doolarka kuleeyay wadankeena.

Sidaan hada ognahay waqtigan hada lajoogo doolarka waa uu qiima dhacay marka loo barbardhigo lacata shilin Soomaalliga marka maxaa sabab u ah?

Marka laga hadlaayo dhaqaalaha waxaa jira wax loo yaqaan demand & supply of money (baahida lacagta loo qabo iyo inta laheli karo) marka waqtigan hada lajoogo dollar supply (lacagta doolarka laheli karo) ayaa aaad ugu badan wadanka markaa waxey dhalisay demand of shilin (baahida shilling soomaliga) loo qabo in ay aad u badato iyadana laakin dowlada lacag meysan soo daabicin sidaa darteeda waxaa dhacday  in doolarka uu qiima dhaco maadaama lacatii lagu sarifi lahaa ay aad ugu yartahay wadanka. Waayo sidaan ognahay  doolar xad dhaaf ayaa soo gala wadanka sida lacagaha deeqaha, burcad badeeda, iyo mushaaraadkaa labixiyo intaba waa wada doolar, dowlada 20 sana kahor ayaa ugu dambeesay lacag lala bar bar dhigi karo lacagta shisheeye ee wadanka taallo oo la daabaco oo intaa ka dambeeyay wax sidaa u tira badan lama dabicin sidaa darted ayey lacagtii doolarka aheyd ku qiima dhacday tan shilin somaligana qaali ku noqotay.

Dollar ka markuu dhacay yuu saameeyay? 

Dabcan wuxuu saameeyay bulshaweynta ku dhaqan wadankeena hooyo Soomaalliya, waayo dhibaatada ina heysata ayaa waxeytahay lacag aan lacagteena aheyn ayaan isticmaalnaa oo maanta waxaaba la dhihi karaa in lacagteena dhabta ah ay noqotay “dollar”- ka, taana waxaa daliil u ah in ganacsiga wadanka gudihiisa ah wax lagu kala iibsado dollar-ka dhan waliba ha ahaateee, marka ay noqoto xaga mushaar bixinta xitaa lacagta dollar-ka ayaan isticmaalnaa, sidaa darteed marba hadii hoos u dhaca dollar ka uu saameeyn ku leeyahay nolosha wadanka waxey ka dhigantahay in dollar lacagteena ugu weyntahay ee maanta dalka laga isticmaalo.

Sida caadiga ah ayaa waxeytahay in wadan waliba lacag gaar ah uu leeyahay oo lacag aan lacagtiisa aheyn wadnka gudihiisa waxba looga iibsan karin oo ay sharci daro ay tahay qofkana uu ku muteysan karo xarig illaa in uu jiro heshiis laba dowladood iyo in kabadan ay saxiixdeen iney wax ku kala iibsan karaan mooyee, sida kale waa sharci daro marka si loola socdo loona kontoroolo is badalada ku imaan kara lacagta wadanka waa in laga joojiyaa isticmaalka bulashada ay isticmaaleyso lacagaha qalaad wax lagu kala iibsanaayoo, sitoos ahna loowada isticmaalo lacagta shilin somaaliga ah.

Exchange rate (heerka sarifka)

Marka ay noqoto in la qeexo “exchange rate” ayaa waxaa lagu qeexaa inuu yahay heer ka sarifka u dhaxeeya laba lacagood oo kala wadan ah. Wadan walibana waxaa uu xooga saraa sida uu ku xasilin lahaa lacagtiisa ama ay mid xasiloon ahaato si wadanka dhaqaalihiisa loo kobciyo, si bulshadana nolol fiican u hesho. Qiima dhaca dollarka wuxuu sababay in shilin somaliga uu qiima yeesho waxeyna aheyd in ay noqoto mid lagu farxo maadama lacagtii wadanka ay qaali noqotay laakin nasiib darro waxey noqotay mid gaajo iyo sicir barar cusub umada u horseeday waayo magaca ayey ka tahay lacagteena laakiin marka nolosha dhabta ah loo laabto lacagteena waa mida saameyn ku yeelata dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo maciishada umada Soomaalliyeed taasina waa lacagta dollar ka ee maahan shilin Soomaalliga. Meelaha uu sarifka saameyn karo ayaa waxaa kamid ah foreign direct investment (maalgalinta shisheeye ee tooska ah), exports and imports (soodhoofin iyo siidhoofin)foreign labors (shaqaalaha dibada) iyo life expenses (maciishada) iyo kuwa kaloo lamid ah halkaan lagu soo koobi karin, oo aan kaga hadli doono qoraaladayda soo socda.

Mahadsanidiin.
Lasoco qeybta labaad iyo todobaadka dambe insha allah
Qore: Liiban Mohamed Mursal (Moha Gaas).
Melaka, Malaysia.
Graduate of Banking & Finance.
Fadlan waxii talo iyo tusaale ah waxaad kusoo hagaajin kartaa:
[email protected]

QM oo arrin la yaab leh ugu baaqday Suxufiyiinta Soomaalida.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Mahiga ayaa arrin la yaab leh ugu baaqay wariyaasha Soomaalida oo ah inay is hubeeyaan.

Mahiga oo la hadlay Warbaahinta gudaha iyo dibada ayaa waxaa uu sheegay in Mudooyinkii ugu dambeeyay uu maqlayay dilka Wariyaasha loogu gaysto Muqdisho uuna xaadir u ahaa sida uu hadalka u dhigay in Wariyihii 18 aad sanadkaan lagu dilo Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Wakiilka Qaramada Midoobay ee soomaaliya in Soomaaliya kaalinta koowaad ugu jirto Wariyaasha la dilay marka loo fiiriyo Sanadkaan wariyaasha Caalamka lagu dilay.

Mahiga ayaa ugu baaqay Saaxafada Soomaaliya inay Is hubeeyaan oo ay ka taxadaaraan naftooda kana hortagan kooxaha dhiiga dadka banaysanaya sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu yimid maalmo yar ka dib markii Sadax wariye Soomaaliya lagu dilay halka Labo Muqdisho lag bartilmaameedsaday.

XOG: Magacyada qaar ka mid ah Wasiirada cusub iyo Beelahooda.

Caasimada Online ayaa waxaa u suurta gashay inay hesho liiska horudhaca ah ee qaar ka mid ah wasiirada cusub ee lagu wado inuu ku dhowaaqo ra’iisul wasaare Saacid.

Sida maalmahanba hadal heyntu ahayd waxaa golaha wasirada ay ka koobnaan doonaan illaa 9 wasiir oo kaliya, inkasta oo weli ay socdaan wada hadallo madaxdu ay ka lee yihiin tirada oo ay suurta gal tahay in is-beddel uu dhaco.

Si kastaba dadka aan magacyadooda helnay oo wasiiro noqon doona waxaa ka mid ah:-

1 – Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Isaaq ah, Habar Yoonis.

2- Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed Hawiye, Habargidir, Sacad

3 – Wasiirka Gaashaandhita Gen. Muuse Xasan Cabdulle, Daarood, Ogaadeen.

4 – Wasiirka Qorsheynta, Beeraha, Deegaanka, Kaluumeysiga iyo Xanaanada Xoolaha Cabdi Risaaq Maxamed, Hawiye Xawaadle

5 – Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo tacliinta Sare Faarax Sheikh Cabdulqaadir, Beesha Shanaad, Reer Aw-Xasan.

6 – Wasiirka Maaliyadda iyo lacagta Cawil Xuseen, Daarood Majeerteen.

FG: Liiskan waa mid horu dhac, waxaana suurta gal ah inay wax iska beddelaan, maadaama ay weli wada hadallo u socdaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

QM oo soo fara gelisay maamul u sameynta magaalada Kismaayo.

Arrinta maamul u sameynta magaalada Kismaayo iyo Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa weli waxa ay tahay kubbad dhex taal diilinta dhexe ee garoonka, ayada oo dhinacyo badan ay arrintaas ku lug yeelanayaan.

Warar nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qaramada Midoobe ay soo fara gelisay arrintaas, gaar ahaan xafiiskeeda qaabilsna Somalia ee UNPOS ee uu madaxda ka yahay Augustine Mahiga.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in maanta oo Jimce ah, ay magaalada Kismaayo caga dhigan doonto diyaarad ay saaran yihiin wafti ka socda QM, oo ay suurta gal tahay inuu ku jiro Augustine Mahiga.

Waxaa diyaaraddaasi ay ka bixi doontaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Waftiga QM ayaa la kulmi doona saraakiisha Kenya ee halkaasi jooga iyo madaxda dadka deegaankaa, si looga hadlo maamul u sameynta Kismaayo.

Waxaa jira warar sheegaya in Mahiga uu walaac ka qabo in halkaas laga dhiso maamul ay Dowladda Ethiopia u arki karto inay qatar kala kulmeyso.

Shalay oo khamiis ahayd ayaa magaalada Kismaayo waxaa laga sameeyay howl gal ballaaran oo lagu xiray dad gaaraya ilaa 400 oo qof, isgaarsiinta magaaladana hawada ayaa laga saaray, si loogu diyaar garoobo waftiga ka socda QM, ammaankana loo sugo.

Haweeney shaqadeeda laga ceyriyay sababtoo ah way qurux badan tahay.

Haweeney degan gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in shaqadeedii laga ceyriyay, sababtoo ah ragga ay u shaqeyneysay ayaa ka cowday inay aad u qurux badan tahay, islamarkaana ay u labisato hab dareen kicis ah.

Lauren Odes oo 29 jir ah ayaa sheegtay in dadkii shaqada siisay oo ah Yahuuda Orthodox ay u sheegeen inay aad u qurux badan tahay sidaa darteedna aysan u shaqeyn karin.

“Ma ahan in naloo xukmiyo cabirka naasaheena iyo qaab dhismeedka jirkeena” ayay tiri Odes.

Qareenka Odes oo ah Gloria Allred ayaa sheegtay inay dacwad ku saabsan takoorka dhinaca diinta iyo jinsiyadda ay ka diiwaan gelisay magaalada New York.

Odes waxa ay sheegtay inay aaminsan tahay in qaabka ay u labisato aanay waxba u dhimi karin qof kale, in sidaas shaqada looga ceyriyana ay tahay wax aan la aqbali karin.

W/Q: C/Qani Sheikh Xasan Atnteno

Tell: 8713478

Saddex Nafood….!!! (Qiso Jaceyl oo xanuun badan, Qeybti 5-aad)

Qeybti 5-aad. Qeybihi hore halkan ka arag 1-aad   2-aad  3-aad 4-aad

Taydoonta ha ahaato ee bal ka warran haddii ay soo baxdo, oo kuu timaado, oo ku tidhaahdo: ”Waan gam’i waayey ee kaalay i weheli?” I weheli?! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Balaayo ku wehelisay!

Adiga oo sidaas u fekeraya ayaa albaabkii oo indhahaaga ku beegan la furay, waxaana ka soo baxday Siraad oo u eg ilmo hurdo ka soo seleshay. Dirac aad khafiif u ah oo aan waxba uga hoosayn ayey ku dhex jirtaa, albaabka ay ka soo baxdayna iftiinka ka daaran ayey ku beegan tahay, sidaa darteed in ay wax gashan tahay lama moodo. Tin iyo cidhib jidhkeeda dhuuban ee qurxooni diraca ayuu ka dhex arkaa. Maba ay leexleexan ee toos ayey kuu soo abbaartay, adiga oo si waalli ah tusbaxa u rogrogaya ayeyna iskaa soo dul taagtay. Waxaad kala garan wayday soo bixisteeda in aad weli ku fekeraysid iyo in ay dhab tahay.

”Sheekh, khayr Alle ha ku siiyee waan gam’i la ahay ee Qur’aan igu akhri”, ayey kugu tidhi. Qur’aanku ku qabay oo Ilaahay inkaar kugu rid! Iyada oo qaawan ayey doob saqdhexe cidla fadhiya leh dahay ”Qur’aan igu akhri”! ayaad ku fekertay, afkase waxaad ka tidhi: ”Bal waxa Alle iga haleelsiiyo ayaan kugu akhriyi ee soo fadhiiso. Sidee laguu hayaa?” “Dhiiggayga ayaad mooddaa in la karinayo. Waan qubaystay, dharna beerqariyahaas aad aragtid baan iskaga reebay, welina waan holcayaa.”

Dhiiggaaga la kari oo dhulka Alle kuu goo! Dhiig la kariyey sow waxa annagaba na haya ma aha.

Markiiba salligii yaraa ayey dacal kaga fadhiisatay. Kuguma soo jeeddo kaamana sii jeeddo ee dhinac ayey u fadhidaa. Aad baad isugu dhow dihiin oo gacanta aad tusbaxa ku haysid haddii aadan soo laabi lahayn waa ay gaadhi lahayd. Diraca waa ay iska sidataa ee waxba uma qarsoona. Aayad kursi ayaad si waalan degdeg carrabka ula dhacday iyadana hoosta ka daawatay. Haddana salligii yaraa ee aan awelba fadhiga idiinku wada fillayn ayey isku legeddey, waxaanad aragtay naasaheeda sida yaabka leh u sii ruxmaya. Markii ay sii jiifsanaysey waxay sii lahayd: ”Halkan ayaaba neecaw macaane in aan barkin soo qaato ayaa fiicnayd.”

Waxan ku hor yaal ma iyadii baa? Ma run baa mise waa riyo? Xubnaheedii oo dhami waa kuwan sidii hoobaan bisil hortaada daadsan. Filasho iyo filanwaa, farxad iyo naxdin, labadaba leh. Imika afka waad iska dhaqdhaqaajinaysaa ee waxii aad akhriyaysay mar hore ayey kaa murgeen. Carrabkii oo engagan ayaa dhanxanegga kaaga dhegay. Gacantii waa kaa tusbaxii ka dhacay ee iyada oo sida xubnaha kale u kurbanaysa diyaar u ah in ay xeedhada bisil ee ku hor taal boobto.

Inta aad calaacasha barako ku afuuftay ayaad garabka oo jidhkeeda ugu sarreeya qunyar ka saartay, waana ay kurbatay adiguna la kurbatay. Haddana calaacashii ayaad qunyar oo debecsan gacanteeda qaawan ku salaaxday, waana ay sii kurbatay adiguna la sii kurbatay. Mar kale ayaad calaacasha barako ku afuuftay oo dhabarka ka saartay, oo qunyar ilaa qoorta ka marisay, kurbashadii ayaadna kaga sii darteen. Markaas baad xasuusatay waysadii in ay kaa burtay sida uu Imaam Shaafici qabo.

“Alla Sheekh, gacantaadu macaanaa, waa la garanayaa in ay barakaysan tahay!” ayey tidhi. “Eebbe ha kugu dabiibo!” ayaad afka ka tidhi, uurkana waxaad ka lahayd: adigana jidhkaagu macaanaa, waa la garanayaa in uu barakaysan yahay……….LA SOCO QEYBTA XIGTA JIMCAHA XIGA INSHA ALLAH

W/Q: Ibraahin Axmed Yuusuf (Hawd).

Faallo: Boqolkiiba konton ha ku biirin mucaaradka!

Soomaaliya waa wadan ay aafeeysay Qabyaalada, qof walbana uu ka fakaro saamiga ay beeshiisu ku leedahay dawlada, waxaan dareemi karnaa qaabka ay ku yimaadeen, madaxweeynaha, r/wasaaraha, gudoomiyaha baarlamaanka, Qaabkaas waxaan u naqaan, 4.5,

Waa tii aan la soconay markii la doortay Jawaari in uu qancay Shariif Aadan, uuna iska iloobay musharaxnimadiisii madaxweeyne, dawladan ma aha mid ku dhisan qaab xisbiyada badan, ninka saamigiisa heloow ha dulminin inta kale, ma aha maalintii uu nin madaxweeyne ah ama r/wasaare ah ay ku hamin lahaayeen in ay yareeyaan golaha wasiirada, ayagoo banaanka dhigaaya beelo hore saami u lahaa, waxaan toleeyno waa kab iyo karin, waa isu keenid umadeed, waxaa hareeraha naga xiga dhibaatooyin badan oo loo baahanyahay in aan ka kabsano, wiilasheenii ayaa la duufsaday oo colaad noo haya lagana dhaadhiciyay halgan jihaad, waxaan ku haminaynay in aan helno dawlad soo ururisa sida dawladii hore oo kale oo horumar balaaran gaadhay, waxaa noo muuqda wado horay u sii socod iyo is urursi, maanta ma aha in lagu fakaro in dawlada lagu soo koobo sagaal wasiir, sagaalna la dhimo taas macnaheeda waan naqaan, waa boqolkiiba konton ha noqdaan mucaarid, taas waxeey luminaysaa oo ay meesha ka saareeysaa, dadaalkii iyo howshii adkeeyd oo ay soo qabteen, madaxweynihii hore ee soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Aaxmed iyo labadii r/wasaare ee xukunka ku kala danbeeyay, mudane Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Mudane C/weli Gaas madaxdaas oo aan ku xasuusan doono mudadii ay talada dalka hayeen horumarkii balaarnaa ay sameeyeen, iyo niyadii umada soomaaliyeed oo ay sare mariyeen.

Madaxweyne iyo r/wasaare kaligiin wax ma wadi kartaan waxaad u baahantihiin dhamaan umada soomaaliyeed ha badinina mucaaradka, shacabkana ha niyad jabinina, la socda waqtiga iyo waayaha runta ah ee aan hada joogno, aana ku dadaalno sidaan uga gudbi lahayn qabyaalada, waxaan aaminsanahay in qabiil, uu ka koobanyahay lix xaraf, sadexda hore (Qab) oo ah isla weeyni kibir iyo anaa awood leh, sadexda danbana (IIL) Dhimasho baaba,waa tii hore loo yiri, walaalo coloobay waa xoolo yareeyaan waana xabaalo badiyaan,

maslaxada waxaa loo maraa wado walba oo dhibka looga gudbi karo hadaad dadaashaan oo aad ku shaqeeysaan daacadnimo waxaad hormuud ka noqon kartaan nidaamka xisbiyada badan taageera badana waad heli doontaan, laakiin maanta waa inaad u socotaan oo aad u dhutisaan qaabka aan u jabanahay, waxaan kaloon ku talinaayaa in Somaliland, Buntland iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee soomaaliya si fiican loola macaamilo, oo aan la sameeyn fogayn makala maarano, waxaan nahay ul iyo diirkeed, islamarkaana dawladu ha ka hadasho hadalada foosha xun ee suuqa ku jira, hadeey ka aamusaan waxaan xasuusinaayaa in codka dad weeynuhu xukun noqonaayo. Shacabka soomaaliyeed waa shacab qaali ah oo u baahan hogaan daacad ah, waad soo jiidan kartaan dhamaan, waadna heli kartaan taageeradooda, hadaad daacadnimo u muujisaan, hadiise aan noqono kuwo talada ku kala irdhooba, waxaa naga faa,ideeysan doona cadawgeena, waxaan ku soo qatimaayaa soomaali wey wada dhalatay waa wada abti iyo seedi iyo wiil, dhibka jiraana mid walba waa dareen sanyahay in laga baxana waa wada rabaan, ee fahma soomaalida oo soomaalidana is fahamsiiya, oo noqda ururiye yaal.

Waxaan ka codasanaayaa dhamaan umada soomaaliyeed in ay iga cafiyaan wixii qalad ah ee iga dhacay, waxaadna ogaataan in aan ahay wanaag doon iyo soomaali oo mideeysan in aan mar uun indhaha saaro.

Abwaan C/llaahi Bashiir Nuur

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

Madaxwaynaha oo la kulmay wafti ka yimid Switzerland + Sawirro.

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiska waxaa uu ku qaabilay Wafdi ka socday Dowlada Switzerland .

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Safiirka iyo Xoghayaha Koowaad ee dalka Swiss u qaabilsan Soomaaliya waxaana ay Madaxwaynaha ay kala hadleen Xiriirka labada Wadan sidii loo wanaajin lahaa.

Dowlada Switzerland ayaa sheegtay in waligood in Dowlada Soomaaliya ay garab ka siin jireen Arimaha Bini’aadamka hadana ay halkooda ka sii wadi doonaan Sida uu sheegay Safiirka Dowladda Swiss ee dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka taageeri doonaan haatan dhanka Siyaasada,dib u dhiska gobolada iyo dib nadaaminta Bangiga dhexe.

Intaa ka dib Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ka gudoomay Safiirka dhambaal hambalya ah oo uu u soo diray Madaxwaynaha Swiss Eveline Widmer Schlump.

Faroole oo wafti u diraya Kismaayo.

Maamul goboleedka Puntland ayaa wafti heer sare ah u diri doona magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, oo xiisado siyaasadeed ay ka jiraan, xog aan helnay ayaa sidaas sheegeysa.

Warar xog ogaal ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweyne Faroole uu qaatay go’aankan, islamarkaana sababta loo dirayo waftiga ay tahay inay la socdaan howlaha maamul u sameynta gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Illaa iyo hadda lama shaacin goorta waftiga ka socda Puntland ay tagi doonaan magaalada Kismaayo, hase yeeshee waxaa lagu warramay inaysan qaadan doonin wax ka badan toddobaad.

Faroole waxa uu horey u sheegay in maamul u sameynta Kismaao ay tahay howl u taal dadka deegaanka oo Dowladda Somalia aysan wax shaqo ah ku lahayn.

Tallaabada Faroole ayaa imaneysa xilli horey kullamo qarsoodi ah ay magaalada Nairobi ugu yeesheen siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland iyo kuwa ay isku bele yihiin Axmed Madoobe, hogaamiyaha Raaskambooni, kuwaas oo ka wada hadlay arrinta Kismaayo.

Guud ahaan Puntland ayaa looga dhegtaagaya sida hadba ay mareyso dabeysha siyaasadeed ee Kismaayo maadaama dad badan oo degan Puntland ay asal ahaan ka soo jeedaan magaalada oo guryo iyo ganacsiba ku lee yihiin.

Xasan iyo Saacid oo weli is haya.

War laga helayo aqalka Madaxtooyada Vila Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay kuluma gaar gaar ah oo uu la qaadanayo Baarlamanka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala tashanaya Xildhibaanada arinta soo xulida golaha wasiirada ee Xukuumada cusub maadama uu doonaya madaxwaynaha in Dowladiisa ay hormar ku talaabsato.

XildhibaanDaahir Amiin Jeesow oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in madaxwaynaha uu doonaya soo afjarida dhisada xukuumada Ra’iisul Wasaare saacid.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cadaadis waxaa uu ku saarayaa Mr Saacid inuu si dhaqsa ah ku soo dhiso xukuumadiisa saacadaha soo aadan si ay ugu faa’idaystaan waqtiga ay haystaan labadooda .

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya qudhiisa waxaa uu wadaa maanta la tashiyadii ugu dambeeyay ee uu ku soo magacaabayo Golaha Wasiirada

PSG oo beenisay wararka xanta ah ee sheegaya inay 100 milyan ku iibsaneyso Ronaldo.

Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka xanta ah ee la xiriirinaaya inay soo iibsanayaan ciyaaryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Wargeyska kasoo baxa dalka Talyaaniga ee La Gazzetta dello Sport ayaa horaantii isbuucaan qoray in kooxda ka dhisan Caasimada France ay 100 milyan oo euro ku dooneyso ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal, laakiin Al-Khelaifi ayaa si cad u sheegay inaysan waxba ka jirin warbixintaas.

“Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahan weyn, balse wuxuu qandaraas kula jiraa Real Madrid. Kalama aan hadlin wax quseeya qof Madrid ku sugan,” ayuu madaxweynaha PSG u sheegay AFP.

Les Parisiens ayaa lala xiriirinaayey ciyaaryahankii hore ee Manchester United ka dib markii uu 27 jirkaani  horaantii xilli ciyaareedka sheegay inuusan ku farax saneyn nolosha Madrid, laakiin Al-Khelaifi ayaa ku nuuxnuuxsaday inaysan xiiso u qabin ciyaaryahanka.

Ronaldo ayaa wuxuu kooxdiisa Los Blancos kula jiraa qandaraas ku eg ilaa 2015ka.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Neymar: Ma ahan waqtigii ugu haboonaa ee aan u dhaqaaqi lahaa Yurub.

Weeraryahanka kooxda Santos Neymar ayaa ka dhawaajiyey inuusan dareen u heyn inuu u dhaqaaqo Yurub waqtiyada dhow isagoona ka sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxdiisa Brazil.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa lala xiriirinaayey inuu u dhaqaaqo kooxo ay ka mid yihiin Barcelona, Real Madrid iyo Chelsea, laakiin Neymar ayaa dareensan inaan weli la gaarin waqtigii ku haboonaa inuu ka tago dalkiisa uuna u baqoolo koox ajnabi ah.

“Waan ku farax sanahay Brazil, Waana ku farax sanahay Santos. Way igu jirtaa inaan ka ciyaaro Yurub, balse weli lama gaarin waqtigii ku haboonaa,” ayuu Neymar u sheegay Reuters.

W/Q: Ahmed Jaanoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.