26 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Manchester City oo 50 milyan oo ginni ku dooneysa xidig yaraha reer Brazil Neymar.

Tababare Roberto Mancini ayaa weydiisan doona agaasimaha cusub ee kooxda Man City marka uu la kulmo isbuucaan inay kooxdu lasoo saxiixato xidiga reer Brazil ee laga daba dhacay Neymar, sida uu qoray wargeysaka The Sunday People.

Macalinka Sky Blue ayaa doonaya in 50 milyan oo ginni loo huro xidiga kooxda Santos iyo dalka Brazil kaasoo uu doonayo inuu saxiixiisa koowaad ka dhigto xagaaga.

20 jirkaan ayaa loo arkaa mid Yurub kula xafiiltami kara xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kuwaasoo hada kali ku ah xafiiltankooda laacibka Yurub, waxayna City u aragtaa dooqeeda koowaad.

Barcelona, Manchester United, Chelsea, Real Madrid, PSG iyo Man City oo hada kusoo biirtay ayaa dhamaantood doonaya xidigaan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada-Mogadishu.

Dhega Badan oo u digay Wasiirada iyo Xildhibaanada DF. (Aqri Sababta).

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya Jen. Cabdi kariin Yuusuf Aadan Badan ayaa  ku war geliyay Xildhibaanada Barlamanka, Wasiirada, Hay’adaha Samafalka iyo Shirkadaha Ganacsiga inay soo diiwaan geliyaan hubkooda.

Dhaga badan ayaa u aaneeyay amaan darida ka jirta Muqdisho inay horseed u tahay iyadoo aan laga warhayn cida hubka haysata iyo waxa aan haysan.

Waxuu Masuulkan sheegay inaan xiligan iyo waxii ka dambeeya la arki karin in qof si sharcidaro uu hub ugu dhexqaato Magaalada isagoo aan fasax u haysan.

Dhaga badan ayaa ku hanjabay in qofkii aan isoo diiwaan gelin ay talaabo cad ka qaadi doonaan xitaa hadii uu iloolo u yahay Wasiir ama Xildhibaan.

Waxaa uu ku Micneeyay dhaga badan arintaan in muqdisho ay yaalaan hub aad u farabadan kaas oo intabadan sida xun loo adeegsado dadkana lagu dhibaateeyo

Dolwadda oo diyaarisay Ciidamaadii beddeli lahaa kuwa Amisom.

Xili ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya tababar loogu soo gabagabeeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa wasaarada gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya waxa ay faahfaahin ka bixisay ciidankaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhiga  Maxamed Cali Catoosh warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay in ujeedka ciidankan loo tababar ay tahay inay nabad ka dhigaan Gobalada dalka Soomaaliya.

Catoosh ayaa sheegay in ciidamada AMISOM weligood aysan ku sugnaan doonin dalka Soomaaliya balse loo baahan yahay inay isku filnaansho gaaraan ciidamada Soomaalida.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga ayaa dhanka kale sheegay inay ka go’an tahay ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ka hortagida falkasta oo dhibaato ku ah dhanka ammaanka.

Wuxuu sheegay qof waliba oo sameynaya falal aysan jeclaysan shacabka Soomaaliyeed hadii uu yahay askari iyo hadii kaleba in ciidamada xooga dalka ay heegan u yihiin islamarkaana lasoo qabanayo.

Shalay ayaa 1300-askar tababar in muddo ah soconaye loogu soo gabagabeeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalkaasi Baay kuwaa oo mustaqbalka Amaanka dalka kala wareegaya Amisom, waxaana lagu kordhin doonaa ciidamo kale oo tira badan oo iyagana qaar tababar uu u socdo qaarna dhowaan loo billaabi doono.

War murtiyeed: Beesha Baadicadde ee Dalka Switezland [Sawiro]

Waxaa Todobaadkan Kulan ku yeeshay Magaalada Bern ee  Dalka Switzerland Jaaliyada Beesha Baadicadde ee Ku Nool Dalkan.
Kulankan oo ay qabsatay Jaaliyada Beesha Baadi Cadde ee Dalka Switzerland , ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha Kala duwan ee Bulshada oo ka Kooban  Waxgarad,Siyaasiin ,Culumaudiin, Aqoonyahano,Haween iyo Dhaliyarada ku Abtirsada  beesha baadicada ayaa waxaa Loogu Arinsanyay Isbadalada Dhanka Siyaasada ah ee ka  scoda Gudaha Dalka Soomaaliya iyo Xakuumada Dhowaan La Filayo in uu Soo Magacaabo Ra’isul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon [Saacid].
Kulan iyo Dood dheer kadin jaaliyada Beesha Baadicadde ee ku nool Dalkan Switzerland waxa ay soo saartay Qodobodaan.
1-Jaaliyada Beesha Baadicadde ee ku Nool Dalkan Switzerland ayaa marka hore waxa ay Taageertay Hogaanka Cusub ee Dowlada Federaalka Soomaaliya hadii ay ahaan Lahaayeen Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baaralamaanka iyo Ra’isul Wasaare Cusub.
 
2-Jaaliyada Beesha Baadicadde waxa ay Madaxda sare ee Dowlada Xusuusineysaa in Beesha Baadicadde ay siyaasad ahaan iyo Deegaan ahaan ay Sameyn ku leedahay Dalka Soomaaliya.
3. Beesha waxa ay ka digeysaa in la marin Habaabiyo Geedi u socodkii Nabad ee Dalka Soomaaliya ka socday.
4. waxa ay Taageersatahay in la dhameystiro Nidaamka Dib u heshiisiinta Maadaama in kaban 20 sanadood uu Dalka Soomaaliya ka socday Dagaalo Sokeeyo.
 
5. Beesha waxa ay ka soo Horjeedaa in Xukuumada la filayo in Dhowaan ay Noqoro mid Kooban oo ku siman 9 ama 10 Wasaaradood, Waxeyna Beesha Baadicadde Codsaneysaa in Tirada intaas laga Badiyo si Beelaha Soomaalida loo wada qanciyo.
6. Beesha Baadicadde waxa ay ka Digeysaa in Aanan La isku Tuur Tuurin Xilka ay ku leedahay Golaha Wasiirada Maadaama ay Beesha Gobolo Fara Badan oo ay ka mid yihiin Hiiraan Sh/dhexe, Sh/hoose ,Bakool iyo Banaadir.
Wabilaahi Towfiiq.
Waxaa Bayaankan ku Saxiixan Xubno ka mid ah Jaaliyada Beesha Baadicadde ee Dalka Switzerland
Axmed barrow 
Abdilaahi qaasin 
Cabdirahmaan food 
Maxamed dheere 
Maxamed xasan aden ceelqode
Fartun cali
Sheikh cabdi ali
Cabdirashiid cabdi nuur raaxooy

Ogow wax badan oodan ogeyn !!!

– Ogow Akhristow in xuruufta luqadda Engilish-ka lagu soo kobo odhaah ah “The quick brown is fox jumping over a lazy dog”.Halka luqadda Somaligana lagu soo kobo weedh uu sameeyay Cabdilaahi Suldaan Timacadde, weedhaas oo ah, “Sheekeena, wiilkiisa
Curad, gabadhuu qabi jirey, foox la’aan ma heesi karto”.

– Ogow Akhristow in xuruufta luqada Ingiliishka lagu soo kobo odhaah ah “The quick brown is fox jumping over a lazy dog”, halka luqada Soomaaligana laga soo kobo weedh uu sameeyay Cabdilaahi Suldaan Timacadde, weedhaas oo ah “Sheekeena, wiilkiisa Curad, gabadhuu qabi jirey, foox la’aan ma heesi karto”. Weedhss kooban sida la ii sheegay waxa sameeyay Alle Ha u naxariistee Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde.

– Ogow Akhristow in unuga ugu dheer unugyada jidhkeenu uu yahay unuga dareen wadka, unugaas oo farriin isaga maskaxda oo ku jirta madaxa illaa cidhbaha hoose ee jidhkeena.

– Ogow Akhristow in maqaarkeena ay ku jirto maado loo yaqaano Melanin, oo ay shaqadeedu tahay in ay inaga difaacdo fallaadhaha cadceeda, sidoo kalena masuul ka ah soo saarista midabka maqaarka jidhka, dawooyinka ay haweenku isticmaalaana waxa ay shaqada ka joojiyaan Melanintaas, sidaas darted dumarku marka ay dawadaas isticmaalaan jidhkoodu malaha awood uu midab ku yeesho, kulaylka cadceedana uu ugu adkaysto.

– Ogow Akhristow in  ururkii koowaad ee Afrikaanka ah ee diyaarado lagu weeraraa  uu ahaa ururkii xornimo doonka ee Daraawiishta, ee uu madaxda ka ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, jabhadan waxa uu Ingiriisku diyaarado ku weeraray 1920kii.

– Ogow Akhristow in saxaabigii koowaad ee waran dar ilaahay ugana ama u ridaa in uu ahaa Sacad Binu Waqaas.Sacad waxa kuu mid yahay 10kii saxaabi ee janada loogu bishaareeyay iyaga oo nool.

– Ogow Akhristow in idaacadii koowaad ee Afsoomaali ku hadasha ee hawada soo gashaa in ay ahayd Radio Hargeisa, oo markii koowaad la dhagaystay 1952.

– Ogow Akhristow in markii koowaad ee la tijaabiyo Nukliyeerka lagu dhuftay laba magaalo oo uu Jabaanku lahaa kuwaas oo la kala odhan jirey Hiroshiima iyo Nagasaaki, ganistaas nukliyeekuna ay Jabbaan ku khasabtay in uu is dhiibo, sidaadna uu ku afjarmay dagaalkii 2aad ee adduunku.

– Ogow Akhristow in figta Ifris, oo ah figta buureed ee adduunka ugu dheer loogu
magacdaray, ninkii koowaad ee ay u suutogashay in uu figtaas gaadho, isla markaana uu cabiro dhererka figta, ninkaasna la odhan jirey George Everest.

– Ogow Akhristow in aad maalintiiba indho la’dahay illaa 30 daqiiqadood !!!!, ha moodin
wax kale, 30kaas daqiiqadood waa ilbidhiqsiyada aad indhaha kolba isku qabanaysid.

– Ogow Akhristow in Sir Isac Newton uu yahay Saynisyahnkii daahfuray cufisjiidadka dhulka, Xisaabta kalkulaska, iyo waliba saddex xeer oo khuseeya socodka walxaha, xeerarkaas oo loo bixiyay xeerarka socodka walxaha ee Newton.

– Ogow Akhristow in Cismaan Binu Cafaan lagu naanaysi jirey “Du nuureyn”, ama kii labada nuur lahaa, waxaana taas loogu bixiyay waxa uu nasiib u helay in uu guursado laba hablood oo uu Nabi Maxamed SCW, uu dhalay.

– Ogow Akhristow in uu Macaad binu Jabal ahaa Saxaabigii, u cilmi badnaa asxaabta rasuulka mark laga hadlayo xalaasha iyo xaaraanta ama culuumta fiqhiga, sidaas na waxa cadeeyay Nabi Maxamed SCW.

– Ogow Akhristow in uu ilmada indhaheena ku jiro Enzyme loo yaqaano Lysozyme kaas oo ilaaliya indhaha, baabiiyana xayawaanada ili ma aragtayga ah ee indhaha gala,
xayawaanadaas oo ay ka mid yihiin bakteeriyada iyo fayrasku.

– Ogow Akhristow in ururka Qaramada Midoobay lagu dhisay magaalada Sanfransisco oo ku taalla Maraykanka, sanadkii 1945.

Beesha Caalamka oo RW Saacid u gudbisay tiro wasiiro iyo hal beel darteed oo ay wax u xayiran yihiin.

Ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maalmihi ugu danbeyay ku jiraay la tashiyaadi ugu danbeyay ee uu ku doonayo in uu ku soo magacaabo golaha wasiirada Somalia.

R/wasaaraha ayaa waxaa cadaadiska ugu weyn uu ka saraan yahay dhanka beesha caalamka oo ayagu ku doodaya in aysan dhaqaale u hayn wasaarado magac u yaal ah.

Beesha Calamka ayaa waxa ay ra’iisul wasaare Saacid u soo jeediyeen inuusan soo magacaabin wax ka badan 10 wasiir oo ah kuwa ugu muhiimsan ee Marxaalada Somalia hada ay ku jirto la jaanqaadi kara.

Beesha Calamka waxa ay sidoo kale soo jeedisay in Wasaaradaha la isa saar saaro, oo halki wasiirba 2 ila 3 Wasaaradood la iskugu daro, islamarkana la magacaabo Xoghayeyaal awood leh oo u shaqeeya sida Wasiirada oo kale.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa isku dayay in uu ka dhega adeygo soo jeedinta Beesha Caalamka, balse waxaa lagu cadaadiyay inuusan soo magacaabin wax ka badan 10 wasiir.

Kulanki ugu danbeyay ee Saacid loogu sheego in uu soo koobo Golahiisa wasiirada, ayaa waxaa uu ahaa kulan uu la qatay wakiiilka QM u qabiilsan ardimaha Somalia Ambassador Mahiiga, waxaana ugu danbeyn kulankaas oo ay wada jogeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha la isla qatay in la koobo golaha Wasiirada.

arrinta kaliyah ee hada shaacinta golaha wasiirada ay u xayiran yihiin ayaa ah Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo isku haya hal wasiir oo ka mid ah Wasiirada beesha Hawiye qabiilka la siinaayo.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu qaba in labada Wasiiir ee beesha hawiye la kala siiyo Habargidir/Sacad iyo Xawaadle, halka Ra’iisul wasaaraha uu qabo in labada Wasiir ee Beesha Hawiye midna la siiyo beesha Sacad midna la siiyo Beesha Murursade, oo uu ku doodayo inay miisaan ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Waxaa jiray kulan arrinkaas lagu xalinayo oo xalay labada Masuul ay u balansanayeen balse ma cada in kulankaasi dhacay iyo cida la go’aamiyay in ay qadato wasiirka la isku haysto.

Dhanka kale, Baarlamanka Somalia ayaa manta laalay qodob Madaxweynaha awood u siinayay inuu kala diri karo Barlamanka Somalia, haddii ay labo jeer ku soo celiyaan wasiirada Cusub ee Somalia.
———————————–
Muuse Jaamac
Muqdisho-Somalia.

Muqdisho: Sawirrada iyo Warbixinta Qarax ismiidaamin ahaa.

Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday maqaayad ku taala agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Inta badan wararka ayaa sheegaya in qaraxa la fashiliyay, inta ay laba nin oo weerarka soo qaaday aysan gudaha u galin maqaayadda Sports Caffe oo ka tirsan Hotel the Village ee agagaarka Zoobe.

Ugu yaraan dhimashada 3 qof ayaa la xaqiijiyay, oo laba ka mid ah ay ahaayeen raggii weerarka soo qaaday iyo laba rayid ah oo meesha ka og dhowaa. Sidoo kale tiro aan la xaqiijin oo dhaawac ah ayaa la sheegay.

Dadka weerarka soo qaaday ayaa waxaa toogtay ilaalada hotel-ka, ka hor inta aysan gudaha u galin maqaayadda Hotelka oo aysan halig badan geysan.

Sawirada

Mid kamid ah raga is qarxiyay



                                      Dadka hilibkooda oo la uruurinayo


Meliteriga DF oo hub ka dhigis ku sameeyay Ciidanka DF + Sabab.

Ciidamada Militeriga Dowlada ayaa maanta howlgal hub ka dhigis ah waxaa ay ka sameeyeen Muqdisho inkastoo is hortaag ay kala kulmeen.

Meliteriga ayaa waxaa ay howlgalkaan ku qaadeen jidgooyooyin u yaalay ciidamada dowlada qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho iyagoo si xoog ah hubka ugu qaadayay Askari walba.

Waxaa ay Ciidamada tageen Goobo Ciidanka dowlada gawaarida sida sharcidarada lacagta ugu qaata,waxaa kale ay tageen Hoteelada.

Rag kulabisan dareeska Ciidanka ayaa howlgalka lagu xiray waxaana laga qaaday hubka,laakiin waxaa jiray Askar qaar oo kasoo horjeestay waana la jirdilay.

Go’aanka Ciidanka Meliteriga ayaa waxaa uu ka soo baxay Xafiiska Madaxwaynaha kaas oo lagu qaadayo dhamaan jid gooyinka yaala Muqdisho.

 

Baarlamanka Somalia oo ka soo horjeesatay Madaxwayne Xasan.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta fadhigoodii 15 aad waxaa ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxaana ay kulaaleen qodobo badan.

Kulanka Baarlamanka ayaa waxaa looga doodayay qodobo ku jira Dastuurka Soomaaliya loo sameeyay,waxaana kamid ahaa Arinta ah Madaxwaynaha inuu awood u yeesho kala darista Baarlamanka.

Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamad sheekh cismaan Jawaari ayaa kalfadhigaan shirgudoominayay iyo labadiisa Ku xigeen.

Qilaafka ugu wayn ayaa waxaa uu ahaa Markii baarlamanka ay diideen maanta in Madaxwaynaha uu kala diri karo iyaga,waxaana ay codsadeen in qodabkaas laga saaro dustuurka.

Jawaari oo ah Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa isku dayay inuu hoos geliyo in qodobkaas la dhaafo laakiin waa ay yeeli waayeen Baarlamanka.

Baarlamanka ayaa sidoo kale waxaa ay diideen in Wasiirada aysan noqon 10 balse loo baahanyahay in 18 la gaarsiiyo.

Muqdisho: Nin iyo Naag isku dhagay ayaga oo zineysanaya. (Mucjiso)

Hadal haynta Muqdisho oo ah Caasimada Soomaaliya, ayaa waxa ay maanta tahay war ah inay isku dhageen Nin iyo Naag iska macsiyaystay, oo sida la sheegay si aan Sharci ahayn isugu tagay.

Dhacdada ayaa dhacday Markii ay hasaaween labadooda,kadibna ay isku dhageen, sida ay wararka sheegayaan.

Warar kale ayaa sheegaya in labadooda markii ay soo dhamaysteen xaajoodkooda kadib ay isku dhageen.

Labadaas qof ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Banaadir  iyagoo isku dhagan, waxaana ilo muhiim ah oo jooga Iisbitaalka ay sheegeen in arrintan ay tahay mid dhab ah, labada qofna ay yaalaan isbitaalka, balse dadka laga qarinayo.

Dadka reer Muqdisho ayaa ka baqaya dhacdaadan waana hadal haynta ugu badan ee maanta ay dadka hadal hayaan.

Dowlada Soomaaliya oo ku soo jeesatay Ururka Raaskambooni

Taliska Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay waxaa loogu magacsdaray Ururka Raaskambooni oo la rumaysan yahay inay dowlada garabsiiso.

Cabduqaadir  Cali diini oo ah taliyaha Ciidamada Xooga dalka  oo ka hor hadlayay ciidamo isugu jira dowlada iyo raaskambooni ayaa waxaa uu sheegay inaysan hada iyo waxii ka bilowda aysan jirin Raaskambooni.

Taliyaha ayaa carabaabay inuusan jiri karin Ciidan aan dowlada ahayn oo dalka qori ku dhexwata marka laga reebo dhinacyada garabka siinaya ee Amisom.

Waxaa uu hadalkiisa intaa ku daray Taliyaha in dhamaan ciidamada Jubooyinka jooga hal Magac ay kawada Siman yihiin oo ah Ciidamada Dowlada.

Ciidamada Raaskambooni ayaa ku qancay hadalka Taliyaha maadama ay qaadanayaan Magaca Dowladnimo ,isagoo dhanka kale ugu baaqay ciidamada Kismaayo jooga inay dagaalka sii wadaan,.

Saraakiisha DF ee Jubbooyinka: “Waxaan ka cabaneynaa hal arrin”

Saraakiisha Dowlada Soomaaliya ee gobolada Jubooyinka ayaa ka cowday Mushaar la’aanta haysata Ciidamada Xooga dalka ee ku sugan halkaas.

Taliyaha Ciidamada Dowlada Soomaaliya Cismaaciil Saxardiid oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan helin Mudo dheer gunadii ay heli jireen haatana xaalkooda uu liito.

Waxuu Sheegay Cismaaciil Saxardiid in Ciidamada Jubooyinka ay dagaal adag ku jiraan ayna naftooda habeen iyo Maalin ku difaacaan waxaa uu ugu yeeray Argagixiso Caalami ah.

Mudo Sideed Bilood ayuu sheegay in wax mushaar ah la siin Ciidamada Jubooyin ka dagaalaya ,Isagoona intaa raaciyay in sahaydi ay ka go’aday xitaa oo Ciidamada Kenya ay keeneen Kismaayo oo wax ay la qaybsanayeen.

Ugu dambayn waxaa kale oo uu dowlada ka dalbaday Mr Saxardiid in gawaarida ay ku dagaalayaan laga badalo maadaama ay bur bureen oo cid u dayactiraysana aysan jirin.

Golaha Wasiirada oo maanta lagu dhowaaqayo + Magacyada qaar.

Maanta ayaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu ku soo dhawaaqo golahiisa Wasiirada ee mudo looga fadhiyay inuu shaaciyo.

Wararka Saakay laga helayo aqalka madaxtooyada ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada maanta duhurkii saacada soomaaliya lagu dhawaaqi doono.

Wasiirada oo ka yaraan doona Tiradii hore ayaa waxaa hadal wayn ay ku reebtay goorta Ra’iisul Wasaaraha uu ku dhawaaqayo iyadoo Saxaafada dibada iyo Soomaaliyana ay ka jahwareren.

Maalmo badan oo la filayay in Golaha Wasiirada lagu dhawaaqo ayaa dib u dhac uu ku yimid waxaana taas lagu micneeyay in Ra’iisul Wasaaraha la tashiyo uu samaynayo.

Sida Wararka Madaxtooyada aynu ku helayno Tobon Wasiir oo labo haween ay yihiin ayaa lagu dhawaaqi doonaa,waxaana warar kale ay sheegaayaan in markii ugu horaysay Wasiirka Arimaha dibada ay noqon doonto qof haween ah.

Magacyada qaar ka mid ah dadka loo maleeyo inay wasiiro noqdaan.

1 – Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Isaaq ah, Habar Yoonis.

2- Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed Hawiye, Habargidir, Sacad

3 – Wasiirka Gaashaandhita Gen. Muuse Xasan Cabdulle, Daarood, Ogaadeen.

4 – Wasiirka Qorsheynta, Beeraha, Deegaanka, Kaluumeysiga iyo Xanaanada Xoolaha Cabdi Risaaq Maxamed, Hawiye Xawaadle

5 – Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo tacliinta Sare Faarax Sheikh Cabdulqaadir, Beesha Shanaad, Reer Aw-Xasan.

6 – Wasiirka Maaliyadda iyo lacagta Cawil Xuseen, Daarood Majeerteen.

FG: Magacyadan waxaan ku helnay xog, waxaana macquul in qaar ka mid ah wax ay iska beddelaan.

Maxaa xalay ka dhacay Muqdisho?

Qarax dad shacab ah ay wax ka soo gaareen ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ka dib markii kooxo hubaysan oo aan la garanaynin ay bam tuureen.

Bamkaan ayaa waxaa ay kula beegsadeen kooxahan halka looyaan  Macmacaanka oo Ciidamo dowlada ka tirsan ay halkaas marayeen laguna weeraray bamka.

Dad shacab ah ayaa inta badan waxyeelo ay ka soo gaartay qaraxa oo habeenkii xalay dhacay,waxaana ku dhintay labo ruux halka dhaawaca uu yahay shan kale oo shacab ah.

Qaraxa ka dib waxaa baxsaday kooxihii qaraxa ka dambeeyay balse aan la qaban markii ay ciidanka dowlada ay howlgal kooban  sameeyeen.

Ma jirto Askari dowlada oo waxyeelo ay ka soo gaartay qaraxa,waxaana dadka dhaawacmay la dhigay Cisbitaalada Muqdisho.

Arag Sawir gacmeed cajiib ah: Xilal doonka Kooxda Damul Jadiid.

Farshaxamiistaha Soomaaliyeed ee caanka ah Amin Camir, ayaa sawir cajiib ah ka sameeyay xubnaha kooxda madaxweyne Xasan Sheikh ee Damul Jadiid iyo sida ay u doonayaan xilalka dowladda cusub.

Mr. Caamir ayaa sawirkiisa kaga turjumay wararka maalmahanba socda ee ah in xubnaha kooxdaasi ay u badnaan doonaan golaha wasiirada cusub ee Somalia.

Waxaa sawirka uu ku muujiyay xubnaha kooxda Damul Jadiid oo kasoo dagaya diyaarad, kuna qul qulaya Villa Somalia, ayaga oo xil doon ah.

Arag  Sawirka.

Daawo: Sirta & sababta ka danbeysa surgoynta Suxufiyiinta (Xog warran)

Markii ugu horeysay ayaa saxafiiyinta jooga dalka Koonfur Africa ayaa waxa ay soo bandhigeen sirta iyo surgooyada ka danbeysa suxufiyiinta la xabad siibayo maalin walba iyadoo muuqaalkani oo aad kaga bogan doonto Codad horey loo duubay oo loogu hanjabayo saxafiyiinta ku shaqeynaya dagaaladii sokeeyey ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
C/risaaq Yusuf Cabdala oo ah wariye kasoo barakacay Magaalada Muqdisho ayaa waraysigiisa ku sheegay ragga ka danbeeya dilalka Saxafiyinta isagoo lasoo baxay qoraalo iyo warqado cadaynaya in ay yihiin dilaayasha saxaafiyiinta Soomaaliya.
Hadaba Waraysigani muuqaalka ah ayaa waxaa sidoo kale ku daawan doontaa dadka dilaayaasha ah sawiradooda iyo iyagoo dhaaranaya, sidoo kale waxaa ku daawan doontaa qaarkood oo ku faanaya in ay dileen saxafiyiin caan ahaa oo uu ka mid ahaa Muqtaar Hiraabe iyo Saciid Tahliin Axmed iyo saxafigii da’da ahaa ee Abkey.
HADABA DAAWASHO WACAN MUUQAALKANI XIISAHA LEH.

C/risaaq Indho Jaceyl.
Cape Town, South Africa.

QAYLA DHAAN: Waa ayo dadka ‘AF-SOOMAALIGA’ ku hadla?

Dalka Soomaaliya oo tan iyo burburkii kusoo baxay dal bilaa walaal, bilaa saaxiib ah ayay taasi keentay inay dunidu nagu nacayso erayga dal fashilmay ( A failed state) oo taxa ama liiska lasoo saaro aan sanadkiiba safka hore ka cariirsanno balse mida calool xumada lihi intaa oo dhan maahee waa dadkii Soomaaliyeed oo iyagoo aan nasteex caalami ah lahayn iyagii is necbaystay.

Waxaan doonayaa inaan maqaalkan ku yara eego arin aan kolleey anigu aad u karhay oo kusoo noqnoqata warbaahinta Soomaalida iyo maxfallada la iskugu yimaaddo oo ah ‘’Inta Af-Soomaaliga ku hadasha’’ Dadka Af-Soomaaliga ku hadla’’ IWM.

Su’aasha maankayga wareerisay ayaa waxay noqotay ‘’Yay yihiin dadka Af-Soomaaliga ku hadla ee haatan soo baxay?’’ Maxayse tahay ujeedka laga leeyahay in la adeegsado tibixdan cusub? ”Yaa hindisay oraahdan?” Maxay u dhimi kartaa ama u tari kartaa Soomaalinimada?’’ Maxayse usoo kordhin kartaa kan u ololeynaya inuu arintan hirgelsho?’’ IWM.

Horta su’aalahaasi hawada ayay ku callaqnaanayaan oo waqtiga ayaa ka jawaabi doonee aan woxoogaa iftiimino dhanka naxwaha waloow aanan maahir ku ahayn oo ay badan yihiin dad iga badiya oo aan raalligelinayo hadii aan wax khaldo.

Muxuu yahay horta farqiga u dhexeeya 1) Soomaali, 2) Soomaaliya iyo 3) Soomaaliyeed? Hadii aan ku bilaabo kan hore Soomaali waa qof kasta oo ku abtirsada abnaqa Soomaaliyeed (Soomaalida waa qoowmiyad qura) waana eray magac ah (noun) waxaana loo adeegsan karaa wax kasta oo Soomaali la xiriira, Soomaali ah, ama ay Soomaaliyi leedahay, tusaale ahaan ’’Nin Soomaali ah, gabar Soomaali ah, waxaan ahay Soomaali’’ IWM. Magacani maaha mid la macmalay ee waa mid muddo soo jiray.

FIIRO GAAR AH: Magacan ’’Soomaali’’ u gaar maaha dad gobol gaar ah degan marka ay timaaddo shanta Soomaalida loo qaybshay iyo 15-ka lagusii dhuftay haatan (5 x 15 = waa 75-ta aan nahay), lkn wuxuu u taagan yahay qof kasta oo Soomaali ah meelkasta oo uu ku dhaqan yahay min Jabuuti ilaa Gaarisa, min Jigjiga ilaa Xamar Jajab. Soomaalidu waxay la mid tahay Oromada, Canfarta, Tigreega, Amxaarada IWM oo waa qabiil qura meeshii ay doontaba ha joogtee.

Midka labaad ee ’’Soomaaliya’’ waa magac u taagan jamhuuriyad Soomaaliya la yiraahdo oo leh degaan, dad, calan iyo diin la yaqaano waana magac (Noun) ah loo qaato dalkaasi iyo intii xukunkiisa hoos timaadda.

Mida sedexaad wuxuu noqonayaa ’’Soomaaliyeed’’ oo ah tilmaan (Adjective) isna maadaama uu sife yahay wuxuu isna metelayaa qof kasta oo Soomaali ku abtirsada adigu ama calan kale lahoow ama dal kale iska yeel yeel dalnimadaadu kuma burayso inaad iskugu yeerto ’’Qof Soomaaliyeed’’.

Hadii aan sii iftiimiyo umadaha Carabta oo anaga marka naloo eego aad iyo aad nooga badan  dad ahaan, degaan ahaanna nooga ballaaran ma adeegsadaan eraygan aan fahmi la’nahay oo kale oo ma yiraahdaan ’’Dadka Af-Carabiga ku hadla’’ .

Tusaale ahaan hadii uu Sucuudigu tilmaamayo dal kale oo Carab ah wuxuu yiraahdaa ’’Jamhuuriyadda fulaan ee ’Carbeed’ ee aanu dhiiga ku walaalownay’’ muxuu u dhihi waayay dalkaas Carabiga ku hadla sababtu waxay tahay hadii sidaa la yiraahdo waxaa sii kala fogaanaya Carabtii oo waxaa soo baxaysa inaysan jirin wax ’’CARABNIMO’’ la yiraahdo balse ay dadka luuqaddu isu keentay sida Senegal iyo Faransiiska tusaale ahaan.

Xisaabtana ku darso waxaa jirta Carab la Carabeeyay laakiin maba jiraan intaan ogahay dad la Soomaaliyeeyay ama degello intay Soomaaliyi qabsatay sidaa luuqadeenna ku qaatay, midna haku khaldamin Soomaalidu lahjado badan bay leedahay laakiin kala af maaha, waxaa jira Af-Soomaali iyo lahjado ka tafiirmay, tusaale ahaan ilama saxna in la yiraahdo Soomaaligu wuxuu u kala baxaa ’Maay iyo maxaad tiri’’ maadaama uu Maaygu afguri yahay ee uusan luuqad gaar ah ahayn taa ka hadalkeeda aan u daayo maalin kale oo uu roob da’ayo.

Waxaan idin siinayaa tusaale kale, dadka ay inkaartu ka qabsatay qaabka loo maareeyay caalamkan cadaalad darrada u abaabulan waxaa ka mid ah dalka Kuuriya oo markii ay midowgii Soofiyeeti iyo Maraykanku ka qabsadeen boqortooyadii Japan oo dagaalkii 2-aad ku jabtay iyagoo si danohooda waafaqsan u qaybiyeen 2 qaybood iyagoo tixraac ka dhigta 38-aad (38th parallel) oo ay xuduud beenaad uga dhigeen dad walaalo ah oo kala qaybiyeen.

Ilaa maantadan la joogo Kuuriya waa laba dal oo looga dhaqmo labada hannaan ee hanti-wadaagga iyo hanti-goosiga balse waa dad isku mid ah sidaa daraadeed qofku waa Kuuriyaan ama koofur ha joogo ama woqooyiye (Ogoow eray ’’Kuuriyaan’’ wuxuu la mid yahay ’’Soomaaliyeed’’) mana isu adeegsadaan ’’Dadka Kuuriyaanka ku hadla’’ waanad ogtahay in Kuuriyi ay maanta laba dal ka kooban tahay.

Dadkayga waxaa lagu xantaa inaysan aqriska badan jeclayn sidaa darteed yaanan badinin hadalkee, waxaan soo jeedin lahaa in laga digtoonaado adeegsiga eraygan, weliba inta badan Soomaalidu waxay eedaysaa webabka oo ay ku tilmaamaan kuwa wax kasta qora, laakiin eraygan madasha ugu wayn ee laga maqlaa waa hillinada ama kanaallada Soomaaliyeede ha iska daayeen maadaama aysan wax dan ihi ugu jirin umad kala irdhoowday in loo adeegsado ’Eray bixin ibtilaysan’’ oo gumeysi u dood ah.

Waxaan sidoo kale eraygaa ka waaninayaa dadka bulshada ka dhex muuqda sida weriyayaasha, fanaaniinta, siyaasiyiinta, aqoon yahanka iyo cid kasta oo kale oo meelaha la iskugu yimaado ka tiraahda: ’’Waxaan salaamayaa dadka Af-Soomaaliga ku hadla’’ ama ’Waxaan u dhexeeyaa inta Af-Soomaaliga ku hadasha’’. Waa cajiib maxaad u dhaxaysaa waabad qaybinaysaaye.?!

Waxaan qabaa majiraan ’Dad Af-Soomaali ku hadla’ ee waxaa jira ’Dad Soomaaliyeed’ oo ay ka dhexeeyaan wax ka badan luuqade yaan la fududaanin oon la faafifin wax hadhoow keeni kara fashil kama dambeeysa ah.

Wabillaahi Toowfiiq..

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: [email protected]

Gothenburg, Sweden

 

 

Sii hayaha Safaarada Somalia ee Suuriya oo wax lala yaabo sameeyay.

Sii hayaha Safaaradda Soomaalida ee Suuriya oo laga cabanayo!

Safaaradda Soomaalidu ku leedahay dalka Suuriya ayaa la soo baxday dhaqan aad looga yabay, ee ay kula kacday Soomaalida deggan dalka Suuriya, oo maraya marxalad adag, ka dib markii ay ka billowdeen dagaallo sokeeye sannadkii la soo dhaafay walina ay socdan.

Mudane lagu magacaabo Bashiir Ibraahim Xaaji Cismaan, oo ah Sii Hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Suuriya, sanadkii 2010 bishii todobaad, ayaa markii uu yimid dalka Suuriya wuxuu billaabay inuu shaqada ka cayriyo shaqaalihii ka tirsanaa Safaaradda, oo ka soo shaqaynayey mudadi dheereed ee burburka lagu jiray.

Dadka uu shaqada ka raacdeeyey waxaa ka mid ah Maxamuud Muuse Tareey, Maxamed Xasan Tareey iyo Gabar Suuriyaan ah oo ka shaqaynaysay Safaaradda Soomaaliya in ka badan 26 sano oo lagu magacaabo Umu Maxamed.

Shaqaalaha horay Safaaradda uga shaqayn jiray waxaa ka mid ah Dr: C/raxmaan C/qaadir Sheekh Maxamuud, lana shaqayn jiray Safiirkii hore ee ku geeriyooday wadankaa. Ka dib markii uu dacwad ku furay mudanaha kor ku xusan iyo Maxamed Cumar C/maalik, oo Jaaliyadda Soomaaliyeed u qaabilsasna Warfaafinta, isagoo ku eedeeyey inay qayb ka yihiin kooxo Soomaalida ka soo Tahriibiya Wadanka Lubnan, soona mariya Suuriya una sii gudbiya Dalka Turkiga, si ay u sii galaan Yurub, kuna qasba tahriibayaasha in ay hub ka soo qaadaan Lubnaan soona geliyaan dalka Suuriya oo hadda dagaal ka socdo waa siduu warka u dhigay mudane Bashiir.

Maxamed Cumar C/maalik wuxuu iminka u xayiran yahay warqadda been abuurka ka ah ee uu qoray Mudane Bashiir, isagoo xaq u leh inuu ka dhoofo wadanka Suuriyo, uuna hadda haysto dal ku gal waddanka Maraykanka, waqti yarna u harsan yahay oo ay ka dhici rabto visaha( visuhu waxuu ka dhacayaa 08/11/2012).

Markuu C/qaadir ogaaday ayuu Dawladda Soomaaliya ku wargaliyey, loona soo qoray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya Warqad, oo ay ku caddahay in aysan waxba ka jirin warka uu ku doodayo Mudane Bashiir.

Waxaa kale oo naxariis darada mudane bashiir ka mid ah inuu dad Soomaaliyeed u tarxiiley Soomaaliya sida warqadaha ku cad.
Dhanka kale, mudane Bashiir isaga qudhiisa ayaaba reerkiisa u Tahriibayey dalka Sweden isla sanadkan guduhiisa, soona marsiiyey isla jidka ay soo maraan Soomaalidu ee ah Turky, Giriigga, Talyaaniga.

Dhibkan oo kale ma ahan markii u horreeyey ee ka dhaca Safaarad Soomaaliyeed, waxayse noqotay dhacdooyin soo laalaabta, kana dhacay dalalka Masar, Libya, China, Talyaaniga IQB.

Intaa waxaa sii dheer in ay jiraan Safiiro dadka Soomaaliyeed ka ganacsada, oo ka qaato madax furasho si ay xabsiyada uga soo daayaan, Sida uu ku caan baxay mudane C/xakiim Cali Yaasiin, oo hadda danjire ka ah dalka Tanzania, horana uga soo ahaa dalka Libya, Bashiir Ibraahim Xaaji Cismaan ee ah Sii hayaha Safaaradda Soomaldia ee Suuriya iyo Safiirka Soomaalida u fadhiya dalka Turkiga Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan.

Sidoo kale, safaaradaha Soomaalidu waxay gataan deeqaha waxbarasho ee loogu deeqo Ardada Soomaaliyeed.

Chelsea oo heshay magaca taageerihii sameeyey astaanta daanyeerka kulankii Man Utd.

Taageerihii kaasoo muuqday Stamford Bridge isagoo sameynaya falal cunsuri ah oo uu ula jeeday weeraryahanka Manchester United Danny Welbeck ayaa la helay magaciisa, ninkaa ayaa smeynaayey astaanta daanyeerka xilli uu hortiisa taagnaa Danny waxaana lagu magacaabaa Gavin Kirkham.

Taageerahaan ayaa sameeyey astaanta daanyeerka xilli ay kaamirooyinku qabanayeen kulankii 5-4 ku dhamaaday ee dhacay garoonka Chelsea.

Kirkham, waa 28 jir, waxaana lagu sawiray xilligaas isagoo sameynaya astaanta daanyeerka uu ula jeeday inuu ku faquuqo Welbeck wuuna ka yimid halka la yiraa Matthew Harding Stand. Wuxuuna diirada u saran yahay Booliska  iyo kooxda oo baaraya.

Kirkham, oo markii uu ciyaarta daawanaayey ka yimid magaalada Letchworth Garden  ee Hertfordshire, wuxuu fadhiyey booskii lagu dhaawacay Steward kulankii horyaalka ee 3-2 guul darro ah ay Blues kasoo gaartay Man Utd kaasoo ka mid ahaa shaqaalaha garoonka Chelsea.

Arag sawiradiisa hoose isagoo sameynaya astaanta daanyeerka.

 

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Corinthians oo Chelsea u sheegtay inuusan iib aheyn xidiga diirada u saaran Paulinho.

Chelsea ayaa loo sheegay inay maskaxeeda ka saarto inay lasoo saxiixato xidiga qadka dhexe ee heerka caalami ee dalka Brazil Paulinho.

Roberto Di Matteo ayaa rajeynaayey inuu 24 jirkaan burburiyaha ah keeno Stamford Bridge si uu tartan ula galo xidigihiisa dooqa koowaad Obi Mikel iyo Ramires.

Laakiin xidiga lixda kulan ee caalamiga ah u saftay xulkiisa ayaa dhowaan heshiis cusub qalinka ugu duugay Corinthians, waxaana madaxweynaha kooxda Mario Gobbi Filho uu qirtay inuusan beec aheyn xidigoodu marka uu Janaayo suuqu furmo.

“Qandaraaska ayaan u cusbooneysiinay taasna ayaana xooga saarnay,” ayuu Filho u sheegay CalcioMercatoNews.com.

“Hada waa xiligii ku haboonaa in Paulinho la iib geeyo. Umase muuqato inaan taas dareen siineyno, waa in su’aashaas meesha laga saaraa.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.