27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Khamri iyo daroogo lagu qabtay Sool iyo Nugaal oo la gubay + Sawirro

Ciidamada amaanka ee magalada Garowe oo mudooyinkii lasoo dhaafay howlgalo kala duwan ka sameeyay deegaano ka tirsan gobalka Nugaal iyo Sool ayaa waxay gacanta ku soo dhigey gaari siday khamri gaaraya 197 dhalo iyo xashiishad,kaasoo la horkeenay maxkamada darakada kowaad ee gobalka Nugaal.
Maxkamada ayaa ku xukuntay khamriga in la gubo iyadoona sidoo kale xukun lagu riday dadkii watay qaarkood halka kuwo kalena ay ka baxsadeen ciidanka.

Goobta khamriga iyo xashiishada lagu gubayay oo ahayd duleedka galbeed ee Garoowe ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland Gen.Muxyadiin Axmad Muuse .

Taliye Muxyadiin ayaa sheegay sidaan oo kale inay gacanta kusoo dhigeen khamri faro badan oo la soo galiyay Gobalada Mudug iyo Bari,wuxuuna wacad ku maray inaysan har iyo habeentoona aysan ka hari doonin dadka khamriga soo galiya Puntland iyo kuwo ka ganacsadaba.
In wax laga badalo sharciga L5 oo ka hadlaya khamriga iyo waxyaabaha maanka dooriya ayuu ku baaqay Muxyadiin Muuse,wuxuna  sheegay inay waajib tahay in la xukumo ninka khamriga ka ganacsada amase lagu tuhmo.

“Run ahaantii sharciga lagu xukumayo khamriga iyo waxyaabaha maanka dooriya waxan codsanayaa in wax laga badallo” ayuu yiri Taliyuhu isaga oo u jeedey golaha xeer-dejinta.

Dhanka kale waxaa ka war bixiyay qaabkii loo xukumay khamriga iyo cidii wadatay Gudoomiyaha maxkamada Darajada kowaad ee Gobalka Nugaal Shiikh Cabdinuur Jaamac Xusseen oo tilmaamey in maanta maxkamada la hor keenay khamrigaan intaasi ka dibna ay ku xukumeen in la gubo gaarigii lagu soo qabtayna ay la wareegto Dowlada Puntland.
Ugu danbayntii Taliyaha saldhiga Garoowe Dhame Aadan Muuse Jaamac ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga  sidii mar kasta gacanta loogu soo dhigi lahaa dadka ka ganacsada khamriga iyo xashiishada,wuxuna ku dhaliilay shacabka inay garab siiyaan dadka dulmiga iyo xumaanta ka shaqayeena.
Waa tiradii ugu badnayn oo khamriya isla markasina ay gubaan ciidanka amaanka Puntland,waxaana magaalooyinka waa wayn ee Puntland ka socda Howlgallo lagu baacsanayo dadka soo galiya magalooyinka khamriga oo badi dhinaca Ethiopia laga keeno.
Isha: GO

Muqdisho: Barlamanka oo ansixiyay Miisaaniyada 3 bilood ee soo aadan.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa Kulankooda Afar Tobanaad waxaa ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxaana ay Xildhibaanada ay kaga doodayeen Arinta Miisaaniyada.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Proff Jawaari iyo labdiisa ku xigeen ayaa maanta shir gudoominayay kulankan waxaana hadalo kooban uu gudoomiyaha u jeediyay Baarlamanka kaas oo ahaa inay ka soo talabixiyaan Miisaaniyada ay ku shaqayn doonto Dowlada Sadaxda bilood ee soo aadan.

Inta uu socday kulanka Baarlamanka ayaa gudoomiyaha waxaa uu la kulmay siihayaha xilka Wasaarada Maaliyada Iyo Agaasimaha Wasaaradaasi,waxaana intaa ka dib cod loo qaaday  Ansixinta Miisaaniyada ay ku shaqaynayso dowlada sadaxda bilood ee soo  aadan.

Baarlamanka ayaa cod kadib waxaa ay ogaaladeen Barnaamijka Miisaaniyada waxaana uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan jawaari ayaa ku dhawaaqay in xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay ogolaadeen miisaaniyada muddada saddexda bilood ee soo socota Dowladda.

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho kulan adag ku leh

Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay fadhi ku yeeshaan magaalada Muqdisho oo ah Xarunta dalka oo dhan.

Kulanka ay yeelanayaan Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in lagu lafa guro arimaha miisaaniyada,iyadoo kulankaan uu ka dhacayo Xarunta Golaha Shacabka.

Maxamed Cumar Maxamuud  oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka ayaa Raadiyaha Afka dowlada ku hadla ka sheegay in fadhigaan uu qabsoomayo maanta ayna uga hadli  doonaan Miisaaniyada.

Xildhibaanka ayaa hadalka waxaa uu intaa ku daray in dood adag ay jiri doonto taas qayb ka ah Miisaaniyda sadaxda bilood ee soo aadan.

Inta uu socdo kulanka Baarlamanka ayaa warbixin kooban looga dhagaysan doonaa gudi Shan xubnood ah oo loo xilsaaray Arimaha Miisaaniyada waqtiga soo socda lagu shaqayn doono.

Florent Malouda oo Janaayo lala xiriirinaayo inuu u dhaqaaqo kooxda Santos ee dalka Brazil.

Ciyaaryahanka kooxda Chelsea Florent Malouda ayaa bisha Janaayo diirada u saaran kooxda ka dhisan dalka Brazil ee Santos, sida uu qoray wargeyska Daily Mirror.

32 jirkaan garabka ka ciyaara ayaa waayadaan dambe laga deyrinaayey mustaqbalkiisa Stamford Bridge, ka dib markii loo sheegay inuu tababarka la qaato kooxda Juunyarka ah ee Chelsea, wuxuuna laf ahaantiisu isku howlay sidii uu ku heli lahaa koox cusub.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France ayaa soo jiitay Vasco Da Gama iyo kooxdiisii hore Lyon laakiin wuxuu door bidi karaa inuu u dhaqaaqo Koonfur Ameerica iyadoo gabadha u dhaxda ay kasoo jeedo dalka Brazil.

Madaxweynaha kooxda Santos Luis Alvaro de Oliveira Ribeiro ayaa rumeysan inay Chelsea kala soo wareegi karaa xidigaan loona ogolaan doono inay qaataan bisha Janaayo.

Laakiin halka dhibaatadu ka imaan doonto waa mushaarkiisa oo isbuuclaha ah ee 80 kun oo ginni ah, hadii ayna kooxda reer Brtazil bixin karto, Chelsea ayaan biyo u kaban doonin inay ka iibiso xidiga.

Malouda , xiriir wanaagsan kalama dhexeeyo kooxdiisa Chelsea ka dib markii uu aalada bulshada ee Twitter-ka ku baahiyey sawirada isagoo tababar la qaadanaayo uunyarka Blues. Waxayna u muuqataa inuu daneynaayo inuu ka tago Galbeedka London.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Man United oo ay dhaawacyo kasoo gaareen Anders Lindegaard iyo Shinji Kagawa.

Tababaraha Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa daaha ka qaaday in Anders Lindegaard uu dhaawac u seegi doono kulanka ay wajahayaan Chelsea, halka uu sidoo kale xaqiijiyey in dhaawaca Shinji Kagawa laga warbixin doono Arbacada [Maanta].

Goolhayaha dalka Denmark ayaan ka mid aheyn kooxdii Red Devils ee Champions League la ciyaartay Braga Ferguson ayaana ciyaarta ka dib xaqiijiyey inuu dhaawac qabo, uuna sidoo kale seegi doono kulanka ay axada wajahayaan kooxda ugu sareysa Horyaalka ee Chelsea.

“Anders wuxuu seegi doonaa kulanka axada,” ayuu SAF u sheegay saxaafada.

“Wuu soo hagaagi doonaa ilaa isbuuc laakiin diyaar uma noqon doono kulanka Axada.”

Tababaraha Old Trafford ayaa sidoo kale sheegay inuu shaki ku jiro Shinji Kagawa safarka ay ku tegayaan Stamford Bridge. Ciyaaryahanka reer Japan ayaana qeybtii labaad lagu bedelay Nani ka dib markii uu soo gaaray dhaawac jilibka ah.

“Shinji laba mar ayaa jilibka jug ka gaartay,” ayuu yiri mar kale Ferguson

“Waxay aheyd inaan bedelnay. Wuxuu ku dhibaatoonaayey dhaawacaan ilaa 20 daqiiqo. Waxaan sheegi doonaa subaxdii sida ay xaaladiisu tahay.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

John Obi Mikel oo qandaraas cusub oo shan sano ah la geli doona kooxdiisa Chelsea.

Chelsea ayaa qandaraas cusub oo shan sano ah gacanta u gelin doonta xidigooda John Obi Mikel, sida ay qortay majalada The Sun.

25 jirkaan qadka dhexe ee reer Nigeria, ayaa kooxda ka caawiyey guulaheedii FA Cup iyo Champions League ee sanadii lasoo dhaafay.

Heshiiska Mikel ayaa haatan dhacaaya xilli ciyaareedka soo aadan, laakiin wakiilkiisa John Shittu ayaa daaha ka qaaday: “Mikel wuxuu sida ugu dhaqsaha badan saxiixi doonaa shan sano oo qandaraas ah waxaana kor loogu qaadi doonaa mushaarka waxaana hada ka wada hadleynayaa arinkaas.

“Mikel waa mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda ugu wanaagsan waxayna kooxdu nala afgaratay inuu u qalmo heshiis cusub loona kordhiyo qandaraaska.

“Waxaa u haray hal sano waxayna Chelsea go’aansaneysaa inay ugu darto wax ka badan afar sano.”

Chelsea ayaa Mikel 2006dii kala soo wareegtay kooxda ka dhisan dalkiisa ee Lyn Oslo, ka dib markii ay saxiixiisa uga adkaatay Manchester United.

Wuxuu hugaamiye ka ahaa qadka dhex ee burburinta Blues iyadoo kooxdiisu ay afar dhibcood oo nadiif ah ku hugaamineyso Horyaalka Barclays Premier League.
W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo aan xog ka helnay.

Warar xog ogaal ah oo aan helnay ayaa sheegaya inuu socdo qorshe guddoomiyenimada gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqisho looga qaadayo Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, islamarkaana loogu magacaabayo shaqsi kale.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho ayaa loo magacaabi doonaa aqoonyahan lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Beel ahaan waxa uu kasoo jeeda beesha Daa’uud, Isaaq Daa’uud, gaar ahaan jufada Qubeys, waxayna aad isugu dhow yihiin Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow.

Ninkan ayaa ah Xubin muhiim ah oo ka tirsan xisbiga Madaxweynaha ee PDP, waana Xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga Nabadda iyo horumarka

Yuusuf oo lagu naaneeso Yuusuf Boorsaani, ayaa la sheegay inuu wax kusoo bartay dalka Masar, halkaasi oo uu kasoo qaatay shahaadada Master-ka, waxaana sida aan xogta ku helnay uu wax ku bartay deeq waxbarasho oo uu ka helay ururka Al-Islaax oo uu ka tirsanaan jiray, ka hor inta uusan u xuub siiban Damul Jadiid.

Waa 50 jir la sheegay inuu waagi dowladii dhexe u shaqeyn jiray wasaarada howlaha guud iyo guriyeenta oo uu ka ahaa Darawal ama Wade gaar.

Waxa uu si aad ah ugala shaqeeyay madaxweynaha olelihii doorashada ee lagu sod doortay.

Ogow wax badan oodan ogeyn!!

Ma ogtahay in asxaabiga qur ee qur’aanka lagu sheegay uu yahay (Zeyd Bin Xaarith RC).

Ma ogtahay in haweenaydii ugu horaysay ee Islamka ka shahiida ay tahay(Sumeya Bintu Qiyaad).

Ma ogtahay in haweenaydii ugu horaysay ee qof gaal ah dishay ay tahay Nabiga NNKG eedadiis (Safiya Bintu Cabdi Mudalib RC).

Ma ogtahay in asxaabiga qura ee aan waligii Salaad u tukan ILAHAY Haddana Ehlu Janaha ka mid ah uu yahay (Camar Bin Taabit RC.

Ma ogtahay in asxaabigii isagoo qur’aanka akhrinaya arkay malaa,igta soo dagaysa uu yahay Useyd Bin Xudeyr Rc.

Ma ogtahay in dagaalkii Yarmuug uu hogaminayay Khaalid Bin Waliid Rc.

Ma ogtahay in suurada hal mar soo wada degtay ee qur’aanka ay tahay suuratul Ancaam.

Ma ogtahay in asxaabiga meydkiisa ay malaa,iigtu mayrtay uu yahay Xandala Rc.

Ma ogtahay in khaliifkii ugu horeeyay islaamka uu yahay Abu Bakar Sidiiq Rc.

Ma ogtahay in dagaal qura islaamka looga wada dilay 3 hogaamiye oo calanka islaamka isaga danbeeyay kuwaas oo kala ah Zeyd Bin Xaarith Rc, iyo Jacfar Bin Abii Daalib Rc iyo C/llaahi Bin Rawaaxa Rc.

Aqriste adigana sidoo kale kasoo qeyb gal barnaamijkan oo noo soo dir aqoontaada. Mahadsanid

Daawo Video: Ninka ugu dheer dalka Mareykanka oo loo sameeyay kabo jooga 25 kun oo dollar.

Ninka ugu dheer dalka Mareykanka, Igor Vovkovinskiy ayaa ka baxay dhib dhinaca kabo la’aanta ah oo uu muddo qabay.

Mr.  Vovkovinskiy oo dhirirkiisu yahay 7 feet iyo 8 inch ayaa la’aa warshad kabo gaar ah u sameysay, hase yeeshee kadib markii uu helay lacag dhan 25 kun oo dollar oo ay dadweynaha usoo ururiyeen, ayaa kabo ku fac loo sameeyay.

Manchester United oo Janaayo isku diyaarineysa inay lasoo wareegto Kevin Strootman.

Manchester United ayaa war farxad leh usoo yeeray ka dib markii uu wakiilka Kevin Strootman u cadeeyey inay xagaaga lasoo wareegi karaan xidigaan.

Sir Alex Ferguson ayaa xidgaan diiradu u saarneyd waxaana lala xiriirinaayey inuu 15 milyan oo ginni u huri doono ciyaaryahanka qadka dhexe ee reer Holland, marka uu furmo suuqa kala iibsigu.

Man Utd ayaa xiiseyneysay xidiga PSV, waxaana loo arkaa inuu markaan hugaamiyaha United ka faa’iideysanaayo da’yarka reer Holland.

AC Milan ayaa sidoo kale dooneysa 22 jirkaan kaasoo lala xiriirinaayo inuu ka tago kooxdiisa bisha Janaayo ee sanada cusub, sida uu qoray wargeyska Talksport

Si kastba xaalka ayaa ah mid aan la hubin wakiilkiisa Chiel Dekker ayaana rumeysan inay macquul tahay inuu ka tago Horyaalka Holland xagaaga soo aadan.

“Ciyaaryahanka aan wakiilka u ahay miyuu tegi karaa Janaayo? Xaqiiqdii maya. Taas waxba kama jiraan,” ayuu usheegay wargeyska Calciomercato ee kasoo baxa dalka Talyaaniga.

“Waxaan joogeynaa keliya October – keliya waxaan sheegi karo waa inuu isoo wacay bishii May.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Arsene Wenger oo kalsooni ku qaba inuu Theo Walcott kusii celsho Arsenal.

Arsene Wenger ayaa sheegay inay socdaan wadahadalada heshiis uu ku cusbooneysiinaayo Theo Walcott, laakiin wuxuu qirtay inaysan weli jirin wax heshiis cusub ah.

Walcott ayaa maalmihii dhowaa lala xiriirinaayey inuu u dhaqaaqayo Juventus, tababare Antonio Conte ayaana sheegay inuu la socda xaalka ciyaaryahaka reer England. Liverpool iyo Manchester City ayaa sidoo kale doonaya xidigii hore ee Southampton, kaasoo ku jira sanadkii ugu dambeeyey qandaraaskiisa Arsenal.

Wadahadaladii heshiis loogu dheereyn lahaa ayaan bilaaban Wenger ayaana kalsooni ku qaba inuu ceshto 23 jirkaan oo ay doonayaan kooxo xafiiltan kala dhexeeyo.

“Wadahadalo ayaa soconaaya laakiin ma jiraan warar ku saabsan.

“Xalkeygu waa mid isku mid ah waana inuu kordhiyaa qandaraaskiisa. Kooxo kale ayaa xiiseynaaya laakiin xaalku waa isku mid.”

Walcott ayaa ka maqnaa kulankii Arsenal ay guul darro 1-0 ah kala kulantay Norwich, wuxuuna sheegay Arsene Wenger inuu kalsooni ku qabo inuu kasoo laabto dhaawaca uu feeraha ka qabo oo soo gaaray xilli uu xulkiisa kala qeyb qaadanaayey isreeb-reebkii koobka aduunka.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Man United oo sheegay inay heshay liiska macalimiintii bedeli laheyd Sir Alex Ferguson

Manchester United ayaa daaha ka qaaday in qorshaha bedelka Sir Alex Ferguson ay horaanba ka doodeen…. Waxayna sheegeen in lagu qufulay sanduuq dhex yaal garoonkooda Old Trafford.

Gudoomiye ku xigeenkooda Ed Woodward ayaa cadeeyey inuu ogyahay liiskaas lasoo doortay inkastoo aan la ogeyn waqtiga rasmiga ah ee uu tababaraha reer Scotland ka fariisanaayo shaqadiisa.

Gudoomiyey ku xigeenka ayaana yiri: “Waxaan fikir ka heysanaa qaabka aan u soo xulaneyno tababare cusub iyo sida aan u raadin doono bedelka Sir Alex, nooca tababare aan dooneyno iyo xilliga aan u dhaqaaqi doono.

“Laakiin arintaas waa mid qarsoodi ah, waxaana lagu xiray sanduuq, waxaana rajeynayaa in muddo dheer ay meeshaas ku jirto.”

Magacyada ayaa waxaa ka mid ah sida Jose Mourinho iyo Pep Guardiola, iyadoo uu xitta ku jiro ninka ay isku wadanka yihiin ee hugaamiya Everton David Moyes

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Rivaldo oo qarka u saaran inuu ka fariisto K/cagta, ka dib markii au dhaawacyo la degeen.

Ciyaaryahankii hore ee dalka Brazil Rivaldo ayaa xaqiijiyey inuu ku taagan yahay wado uu kaga fariisan karo kubada cagta ka dib markii ay la degeen dhaawacyo is daba joog ah isagoo haatan u ciyaaraya kooxda ka dhisan Dalka Angola ee Kabuscorp, wuxuuna xidigu hada ka cabanayaa dhaawac garabka ah.

Rivaldo ayaa ka dhaawacan garabka midig qolyaha caafimaadka ayaana u sheegay inuu 10 maalmood sugo dhaawiciisa si uu kaga soo kabsado.

“Waa inaan ka fikiraa inaan ka fariisto kubada cagta iyo inaan sii wato xirfadeyda ciyaareed,” ayuu ku qoray akoonkiisa Twitter.

“Dhaawaca ayaa xanuun igu haya, waxaan isku dhacnay goolhaye. Waxaana garoomada ka maqnaan doonaa todobo ilaa toban maalmood waana inaan sameeyaa, waxay ku dhow dahay inuu xilli ciyaareedkaani dhinacayga ka dhamaaday.”

40 jirkaan ka ciyaara qadka dhexe ee weerarka ayaa horaantii sanadaan ku biiray kooxda ka dhisan Angola, wuxuuna u saftay 15 kulan, isagoo u dhaliyey 11 gool.

Ciyaaryahankii hore ee Barcelona ayaa 1999kii ku guuleystay ciyaaryahanka sanadka ee aduunka, wuxuuna sidoo kale xulkiisa u qaaday koobkii aduunka ee 2002dii.

Rivaldo, waxaa lagu xasuustaa sedaxleydii quruxda badneyd ee uu ka dhaliyey Valencia isagoo markaasi u ciyaarayey Blaugrana.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Xanuunka caadada “Dysmenorrhoea” (Sababaha iyo sida loo daweeyo).

Horudhac

Waxay dumarka intooda badan la kulmaan nooc xanuun caado inta ay noloshooda jirto. Erayga caafimaad ahaan loogu isticmaalo waa dysmenorrhoea. Xanuunka uu keeno caadaada dhiigga waxaa laga dareemi karaa qaybta hoose ee calooshaada, laakin waxuu u faafi karaa dhabarkaaga iyo cajiradaada.

Xanuunka caadada waa xaalad iska dhaco. Waxaa daraasaadka la sameeyay qaarkood sheegayaan in ku dhowaad 75% ee ah dumarka dhallinta yar iyo 25-50% ee dumarka qaan-gaarka ah ay la kulmaan xanuun iyo raaxo la’aan inta ay ka qabaan caadada.

Ilaa iyo 20% ee dumar ah, xanuunkaan aad ayuu u qabtaa isaga oo ka joojinaayo inay qabsadaan waxqabadyo maalimeedkooda. Xaaladaha badankood xanuunka caadada waxay tahay wax-yeelaynta xun ee ka timaadda hab-socodka dabiiciga ah ee caadada. Si kastaba ha noqotee, mar-marka qaarkood, waxuu xanuunka caadada noqon karaa natiijada ka soo baxdo xaalad caafimaad ee gaar ah.
Waxaa xanuunka caadada lagu daawayn karaa guriga. Hase-yeeshee, haddii xanuunka caadadaada u aad u xun yahay, waxaa lagaa baahan doonaa inaad u tagto Takhtarkaaga Guud (GP).

Calaamadaha

Calaamadda ugu wayn e xanuunka caadada waa murqo xanuun ku dhaca calooshaada hoose. Mar-mar, waxuu xanuunka kuu qabanayaa si xoog leh, waqtiyo kalena waxuu ahaan karaa xanuun fudud, laakin joogsi la’aan ah. Waxuu xanuunka caadada dhiigga mar-mar u faafaa dhabarkaaga iyo cajiradaada. Waxaad kale oo ogaan kartaa in xanuunka ku qabto uu ku kala duwanaado caado walbo. Ayadoo dheeraad u ah xanuunka calooshaada hoose, waxaa kale kugu dhici karo calaamado kale, sida madax xanuun, labbo-labbo, daalid, dareenka suuxdinta, war-wareerid, iyo shuban.

Waxuu caadi ahaan xanuunka caadaada bilaabanayaa markii uu dhiigga bilaabanaayo, inkasto oo ay dumarka qaarkood xittaa ay la kulmi karaan xanuun dhoowr maalin ka hor intuusan bilaaban caadada. Waxuu xanuunka caadada socon doonaa 12-24 saacadood, inkasto oo xaaladaha xun ku hayn karo dhoowr maalin. Xanuunka wuxuu badanaa ugu xun yahay markii dhiig-baxaada caadada ugu badan yahay.

Xanuunka caadada waxuu caadi ahaan ku fiicnaanayaa markii aad sii waynaato. Dumar badan waxay sidoo kale dareemaan fiicnaansho ka dib markii ay carruur dhalaan.

Sababaha

Xanuunka caadaada badanaa waa wax-yeelaynta xun ee hab-socodka dabiiciga ah caadada dhiigga jirkaaga. Waxuu xanuunka caadada dhacaa markii derbiga muruqeed ee ilmo-galeenka is-qabsado (adkaado). Inta ay jirtoo caadadaada, derbiga ilmo galenkaaga wuxuu isku qabanaaya si culus, sidii uu je-jebiyo dhiigga saaran derbiga kana dhigo caadadaada bil walba kugu dhaca. Waxuu hab-socodkaan keeni karaa inuu jirkaaga sii daayo kiimikada keenayso xanuunka. Inta aad ku jirtid caadada dhiigga, waxuu kale uu jirkaaga soo saarayaa koox kale oo kiimiko ah, ee loo yaqaano prostaglandins.

Waxuu kiimikadaan ku dhiiri-gelinaayaa murqaha ilmo galeenka inay si ka badan isku qabsadaan, iyaga oo kordhinaayo heerka xanuunka. Waxaa jiraan labo nooc oo waa-wayn ee xanuunka caadaada.

Dysmenorrhoea’da koowaad waa wax-yeelayn xun ee caadi ah ee ka timaaddo caadada. Waxaa dysmenorrhoea’da labaad sababo xaalad gaar ah.

Qaar ka mid ah xaaladaha keeni karaan dysmenorrhoea-da labaad waxaa ka mid ah endometriosis (waa markii unugyada ilmo galeenka ay bilaabayaan inay ku koraan ilmo galeenka dibeddiisa), fibroids (kansarka aan xumayn ee ku dhaco ilmo galeenka) iyo cudurka bararka maskaha (waa bukasho ku dhaco xubnaha dhalidda ee gudaha). Qalabka intrauterine (oo ah qalabka looga hortago uurka ee lagu xiro ilmo galeenka gudihiisa) wuxuu xittaa mar-mar keeni karaa xanuunka caadada.

Baaritaanka cudurka

Waxay dumar aad u badan ee la kulmaan xanuunka caadada dareemaan inuu si ku filan u fudud yahay in la baaro laguna daaweeyo guriga. Hase-yeeshee, waa inaad kala xiriirtaa Takhtarkaaga Guud (GP) waxii talosiin ah haddii caadadaada kuu keenayaan xanuun aad u daran. Inkasto badanaa xaaladaha xanuunka caadada uusan sababin xaalad gaar ah, waxuu Takhtarkaaga Guud (GP) dareemi karaa inay tahay laga maarmaan in la sameeyo baaris jireed si loo ogaado haddii ay jiraan xaalado kale ee xanuunka keeni karo.

Haddii xanuunkaaga caadada uusan wax jawaab ah ka bixinaynin daawaynta, ama haddii uu Takhtarkaaga Guud (GP) u malaynaayo inay keentay xaalad gaar ah, waxaa laguu gudbin karaa xirfadle- caadi ahaan gynaecologist (takhtarka dumarka). Waxuu gynaecologist’igaaga samayn doonaa dhoowr baaris iyo habab-socod si loo ogaado sababta keentay xanuunkaaaga caadada.

Waxaa baaritaanada ku jiri karaan pelvic ultrasound (oo ah baaritaan dhawaaq lagu sameeyo sidii loo soo saaro muuqaalka xubnaha dhalidda ee gudaha ku jiro) ama laparoscopy (oo la gelinaayo microscope yar meel laga jeexay caloosha hoose). Waxaa kale oo uu baahan kartaa hysteroscopy (oo ah sawir qaade yar ee la marsiinaayo cawradaada lana gaarsiinaayo ilmo galeenkaaga).

Daawaynta

Waxaa xanuunka caadada caadi ahaan lagu daawayn karaa guriga. Inkasto oo suurto gal ah inaadan awoodin inaad iska wada joojisid xanuunka, waxaa jiraan tillaabooyin kaa caawini karo in la qafiifiyo, ama in la dhimo. Jimicsiga, in la qandiciyo calooshaada hoose, ama in la samaysto qubays qandacan, waxay kaa caawini karaan in la dhimo xanuunka. Farsamooyinka daliigidda iyo nasashada xittaa way kaa caawini karaan. Xaaladaha xanuunka caadada badankooda, waxuu Takhtarkaaga Guud (GP) kuugu la talinayaa inaad qaadatid daawada lagu magacaabo non-steroidal anti-inflammatory drug (NSAID), sida ibuprofen.

NSAID waxuu wax u qabtaa qiyaas ahaan ilaa 70% ee dumarka qabo xanuunka caadada dhiigga. Haddii uu NSAIDs wax ku tari wayo, waxaa lagu qori karaa xanuun-joojiye ka xoog badan. NSAID ma ku habbbono dadka qabo neef, kuwa qabo dhibaatooyinka caloosha (gaaska), killiyaha ama beerka, ama dumarka uurka leh, ama naas-nuujinaayo.

Waa inaan la siinin carruurta ka yar 16 sano asbiriin. Haddii aad u baahato daawada looga hortago dhalmada, waxaa laguu qori karaa kaniiniyada isku dhafan ee laga qaato afka loogana hortegaayo dhalmada. Noocaan kaniini wuxuu dheeraad ugu yahay ka hortagga uurka, inuu xittaa yarayo xanuunka caadada. Haddii xanuunkaaga caadada u keenayo xaalad gaar ah, daawayntaada waxay ku xirnaan doontaa xaaladda keentay xanuunkaaga.

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed.

Naqdin: Ha xag xagan hana xaqirin xilkasyada saxaafada Soomaaliyeed.

Murugo iyo uur kutaalo xoog leh baanu dareemeynaa marka aan dib u xusuusano dhibaatada xanuunka badan iyo masiibada sida gaarka ah ugu dul habsatay suxufiyiinta soomaaliyeed 1991 – 2012, waxaana walbahaarki nahayay nagu sii kordhiyay XASUUQ WADAREEDKA IYO GOWRACA sanadkan sii dhamaanaya nagu soo saa’iday, sanadkan 2012 waxaa la dilay 16 suxufi iyadoo 13 kalana la dhaawacay halka in badan ay bara kaceen inta dalka joogtana ay xaalad wal wal iyo jaha wareer ah ku sugan yihiin.

Suxufiyiinta Soomaaliyeed waa naftood hurayaal ku shaqeeya xaalada dunida ugu qalafsan kartidooda, dadaalkooda , geesinimadooda iyo aqoontooda ayeyna ku gaaraan in wax la qeybsadaan suxufiyiinta caalamka daqiiqad daqiiqad ayeyna caalamka ugu gudbiyaan dhacdooyinka siyaasadeed iyo kuwa bulshadeed ee ka jira dalka Soomaaliya.

Soomaalidu waxey tiraahdaa inta aadan falin ka fiirso, macnaha waa in aad marka hore ka baaraan degtaa maxsuulka kasoo bixi kara waxa aad sameyneyso iyo raadka ama saameynta ay dib kuugu yeelan karaan , maqaalkii DULMIGA, JAAHILNIDA, XAASIDNIMADA iyo XAQIRAADA xambaarsanaa ee uu kusoo bandhigay wargeyska THE GUARDIAN JAMAAL CUSMAAN maanta waa uu ka qoomameynayaa hadii ay shalay maangaabnimadiisu tustay in uu wax badan ku helayo been abuur aflagaado iyo isku qirasho dambi.

JAMAAL CUSMAAN wuxuu si cad u sheegay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay yihiin LAALUUSH QAATAYAAL AAN AQOON LAHEYN DHEXDOODANA AY ISDILAAN hadaba aan mid mid u soo qaadano 3-da qodob ee gefka iyo sharaf kadhaca ku ah suxufiyiinta Soomaaliyeed ee saliimka ah,LAALUUSH QAATAYAAL hadiiba uu jiro suxufi laaluush qaate ah waa JAMAAL maqaalka loo soo yeeriyay ee la doonayo inlagu dhaawaco sharafta Suxufiyiinta Soomaaliyeed wuxuu ku qaatay xoogaa LUF LUF ama AFMARIS Ah waxuuna maqaalku si toos ah u muujinayaa daciifnimadiisa iyo heerkeedu liito ee uu shakhsiyan ku sugan yahay.

AQOONDARI tankeeda dhaaftay ayaa ka muuqata MASKIINka JAMAAL sababtoo ah wuxuu ilowsan yahay in uu yahay suxufi Soomaaliyeed , wuxuuna isu heystaa suxufi British ah maadaama uu ka howl galo chanel 4, HORAA LOO YIRI BAQASHII FARDO LA DAAQDA FARAS BEY ISMOODAA, sow ma oga JAMAAL in wax kasta oo wanaag iyo xumaan ah oo uu ku sheego suxufiyiinta Soomaaliyeed uu isna la wadaagayo.

Suxufiyiinta dhexdooda ayaa isdila tani waa SIR CULUS oo kasoo baxsatay Jamaal sababtoo ah wuxuu si cad u muujinayaa wax aaney suxufiyiinta Soomaaliyeed war u heyn, waxeyna xogtan uu soo bandhigay ina tuseysaa in loo baahan yahay in raad raac iyo dabagal lagu sameeyo si loo helo JAMAAL iyo RAGA saaxiibadiisa ah ee huwan magaca suxufiyiinta ee dilka iyo xasuuqa ku haya Suxufiyinnta Soomaaliyeed.

SIR MAQABE SABAA BIYO U CELSHA suxufiyiinta Soomaaliyeed maanta waxey heystaan mid kamid ah gacan ku dhiiglayaasha sababta u ah DILKA iyo XASUUQA , DHAAWACA iyo BARAKACA u geystay maadaama uu isagu qirtay , waxaana muhiim ah inay suxufiyiinta Soomaaliyeed iyagoo isku duuban u istaagaan in JAMAAL maxkamad lagu furo sharcigana lahor keeno si loo helo raga howshan guracan kula jira , waxaana gaba gabadii JAMAAL ku leeyahay HA XAG XAGAN HANA XAQIRIN XILKASYADA SAXAAFADA SOOMAALIYEED.

Qalinkii Qoraa Sare.
Muse Mohamed Osman
muusekiimiko992hotmail.com
muusekiimiko2gmail.com

Kumanaan Soomaali ah oo maanta bilaabaya Gudashada Xajka.

Dad lagu qiyaasay inay ka badan yihiin  20,000 oo xujeey Soomaali ah ayaa kusii qulqulaya xaramka barakeysan ee Maka Al-Mukarama si ay ugutaan rugniga koowaad ee xajka Dawaafal Quduum.

Ka dib Dawaafal Quduum  ayaa xujeyda waxa ay aadi doonaan Magaalada Miina oo ah halka loogu talo galay xujeeyda ka kala timid caalamka.

9 bisha oo maalinta beri ah ayaa waxaa lagu wadaa in xujeeyda ay istaagaan buurta carafo si halkaasi ay ugu aqristaan qur’aan farabadan iyo takbiir islamarkaana eebe ka baryi doono si uu uga aqbalo xajkooda.

Xujeeyda sanadkaan ka xajisay guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay inay gaareyso 9,000-oo ka baxay deeganada Soomaalida.

Ugaas Nuur Gaata  oo ah Agaasimaha guud ee gudiga bicsida Xujeeyda oo Warbaahinta Magaalada Muqdisho la hadlay ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyay Soomaalida iyo xajka sanadkaan sida ay uyimaadeen.

“Si xujeeyda loo daadgureeyo waxaan sameeynay guddi gudigaasi wuxuu ka shaqeyn doonaa daad gureynta dadka liita oo cidhiidhiga lagu jiidhayo”

Xujayda Soomaalida ee sanadkan Xajinaysa ayaa waxaa la sheegay inay ka badan yihiin kuwii Sanadkii hore.

Wariye xalay la dilay oo la aasayo.

Allaha Unaxariistee waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Laascaanood lagu aaso Wariye u shaqayn jiray TVga Universal oo kooxo hubaysan ay xalay ku dileen Magaaadaas.

Wariyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Faarax Ilyaas  “Axmed Saakin waxaana uu aha Wakiilka Universal ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Kooxo hubaysan ayaa wariyaha dilay xili uu ku sii jeeday gurigiisa oo magaalada ku yaala.

Ridwaan Xaaji oo kamid ah Shaqaalaha Universal ayaa xaqiijiyay dilka Wariyaha waxaana maamulka Tvga uu ka dalbaday Somalilad in cadaalada ay horkeento cidii dishay Wariyaha.

Ehelada Wariyaha la dilay ayaa sheegay in maanta la aasi doono.

Natiijooyinkii caawa ee Kulamada Uefa Champions League-ga.

Champions League – Group E

Juventus ayaa barbareheedii sedaxaad ee koobka Champions League la gashay kooxda tababrta daran ee FC Nordsjaelland ciyaar ay inteeda badan iska laheyd Old Lady oo dhacday garoonka Parken oo ku yaala caasimada dalka Denmark ee København, waxaana kooxda Talyaaniga qeybtii hore fursado qaali ah ka qasaariyey Giovinco, Nordsjaelland ayaana mar ku sigatay inay hugaanka qabtaan iyadoo Joshua John uu kubad ka helay Bonucci gadiishiisa balse goolhaye Buffon ayaa ka badbaadiyey, qeybtii horena waxaa lagu kala baxay 0-0.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad daqiiqadii 50aad ayaa waxaa laad xor ah Juve ka dhaliyey Mikkel Beckmann, isagoona si xirfadeysan shabaqa ugu hubsaday.

Juventus ayaa goolka barbaraha la timid ka dib markii uu u dhaliyey daqiiqadii 80aad Mirko Vučinić oo ciyaarta bedel kusoo galay, sidaas ayena Juve uga jirtaa kaalinta sedaxaad ee Guruubka E.

Shakhtar Donetsk ayaa guul darro 2-1 ah huwisay kooxda Chelsea Alex Teixeira ayaa daqiiqadii sedaxaad gool uga naxsaday kooxda difaacaneysa koobkaan, iyadoo Frank Lampard lagu bedelay Eden Hazard, Lampard ayaana u muuqanaayey inuu dhaawac soo gaaray, sidaas ayaana qeybtii hore lagu kala nastay.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ayaa waxaa Shakhtar hugaanka usii dheereeyey xidiga reer Brazil Fernandinho kasoo ka faa’iideystay qalad ay sameeyeen daafacyada Chelsea, isagoona caawinaad ka helay xidiga ay isku wadanka yihiin ee Luiz Adriano.

Fernandinho ayaa mar kale nasiib u yeelan karay inuu goolka dhaliyo Blues laakiin waa uu iska qasaariyey.

Waxaana Chelsea ciyaarta oo sii dhamaaneysa gool usoo celiyey Oscar balse ma uusan noqon mid ku filnaada, kooxda ka dhisan Ruushka ayaana sidaasi ku qabatay hugaanka Group E.

Champions League – Group F

Valencia ayaa 3-0 ku martay kooxda BATE Borisov Roberto Soldado ayaa ciyaarta oo qeybta hore sii idlaaneyso gool ku laad u dhaliyey kooxda martida aheyd iyadoo uu garsooruhu garwaaqsaday inuu Hurdi ku abaal mariyo Marko Simic oo u muuqday inuu qalad sax ah ku galay gudaha diilinta ganaaxa, waxaana lagu kala baxay iyadoo ay kooxda reer Spain hugaanka u heyso ciyaarta.

Roberto Soldado ayaa si fiican uga dhex muuqday qeybtii labaad isagoo dhaliyey goolkiisa labaad daqiiqadii 55aad ka dib markii baas fiican ka helay Jose Andrés Guardado, isla isaga ayaana dhaliyey goolka sedaxaad daqiiqadii 69aad ka dib markii uu fursad caaqiba leh ka helay Tino Costa.

Bayern München ayaa 1-0 ku dubatay kooxda Lille, iyadoo gool uga hor martay kooxda ka socota Faransiiska ee LOSC Lille Métropole taasoo ay marti loogu ahaa garoonkeeda Grand Stade Lille Métropole ee ku yaala Villeneuve d’Ascq waxaana gool ku laad hugaanka ugu dhiibay kooxda Reer Germany xidigeeda Thomas Müller daqiiqadii 20aad.

Kooxda Jarmalka ka dhisan ee Munich ayaana sidaasi ku gaartay guul cariiri ah.

Champions League – Group G

Spartak Moscow ayaa gurigeeda ku dubatay kooxda ka socota Portugal ee Benfica, ka dib markii ay ugu awood sheegatay 2-1, goolka hore waxaa kooxda martida ahaa u dhaliyey Rafael Carioca ka hor inta uusan nuc saac ka bareejeyn Rodrigo Lima Dos Santos.

Gool uu si qalad ah shabaqiisa ugu leexiyey Jardel Nivaldo Vieira ayaana hugaanka u xaqiijiyey kooxda ka dhisan caasimada Ruushka.

Barcelona ayaa si dirqi ah 2-1 Celtic uga adkaatay Barca ayaaba lagu qalqaliyey garoonkeeda waxaana daqiiqadii 18aad shabaqiisa gool ku leexiyey Javier Mascherano. Lionel Messi ayaana laba jeer ku sigtay inuu dhaliyo laad xor ah. Andrés Iniesta Luján ayaase nasiib u yeeshay inuu goolka usoo celiyo Barcelona ka dib markii uu dhamaadkii qeybtii hore baas ka helay Maestro Xavi Hernandez, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Jordi Alba ayaana goolka guusha u dhaliyey Barcelona waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray.

Champions League – Group H

Galatasaray iyo CFR Cluj ayaa barbaro 1-1 ah isla dhaafi waayey.

Manchester United ayaa 3-2 gurigeeda ku dubatay kooxda Braga waxaana 20 daqiiqo isku baray Kabtanka kooxda Braga Alan Osório da Costa Silva ka dib markii uu laba gool uga naxsaday daqiiqadihii 2aad iyo 20aad, ka hor inta uusan shan daqiiqo United gool usoo celin Javier ‘Chicharito’ Hernandez oo baas fiican ka helay Shinji Kagawa.

Qeybtii labaad markii fooda la is daray Red Devils ayaa car car garoonka kusoo gashay waxaana ay sahashay inuu Jonny Evans Man Utd u dhaliyo goolka bareejada ka dib markii uu daqiiqadii 62aad ka faa’iideystay Kooner uu soo tuuray Van Persie.

Javier ‘Chicharito’ Hernandez ayaa neefta kasoo fujiyey taageerayaasha United ka dib markii uu daqiiqadii 75aad u dhaliyey goolkooda sedaxaad, ee u xaqiijiyey hugaanka ciyaarta, isagoona caawinaadaas ka helay Tom Cleverley. United ayaana sidaas ku gaartay guusheedii sedaxaad oo isku xigta ee Guruubkeeda.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Wariyihii Tv-ga Universal oo goor dhow lagu dilay Laascaanood.

Allaha u Naxriistee Waxaa goordhaw oo caawa ah lagu dilay Magaalada Laas Caanood,  Wariye Axmed Saakin Faarax oo ahaa Wakiilkii Tefishinka Universal ugu soo warami jiray Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay dilka loo geestay Wariye Axmed Saakin,  iyadoo warar qaar ay sheegayaan in Dilka loo geestay Wariyaha uu ahaa mid qorsheysan waxaana dilay Kooxo Hubeesan oo aan heebtooda la garan iyadoona wali aan faah faahin dheeraad ah laga helin dilkan goordhaw oo caawa ah loo geestay Wariye Axmed Saakin Faarax.

Axmed Sakiin Faarax ayaa waxa uu ahaa Wakiilka Rasmiga ah Telefishinka Universal ee Xaruntiisa tahay Dalka Britain ugu soo warami jiray  Magaalada Laascaanood .

Lama Ogo sababta loo dilay Wariye Axmed Saakin faarax, balse waxa uu dilkiisa qeyb ka noqonayaa Beegsiga iyo Ugaarsiga lagu hayo suxufiyiinta ka howl gala gudaha Soomaaliya.

Massimiliano Allegri: Ma garanaayo hadii aan sii ahaan doono Tababaraha AC Milan.

Tababaraha kooxda AC Milan Massimiliano Allegri ayaa kalsooni ku qaba in kulankiisii ugu dambeeyey ee Rossoneri uusan noqon marka uu Champions League ku wajaho kooxda ka dhisan Spain ee Malaga

Allegri ayaa cadaadis dul saarnaa waayadaan tiiyoo guul darradii 3-2 aheyd ee uu kala kulmay Lazio kulankii sideedaad ee Serie A uu shaki geliyey mustaqbalkiisa San Siro.

“Ma aqaano hadii kulanka berry uu noqon doono kulankeygii ugu dambeeyey,” ayuu yiri Tababaruhu.

“Waqtigaan oo kale waxay isoo xasuusineysaa markii aan ku guul darreysay shan kulan anigoo macalin u ah Cagliari.

“Laakiin kooxdeyu ma ahan koox adag mana u ciyaarin si xun. Balse kubada cagta badanaa waxaa ka dhaca shilal hubaal ah.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.