25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Natiijooyinkii caawa ee Kulamada Uefa Champions League-ga.

Champions League – Group E

Juventus ayaa barbareheedii sedaxaad ee koobka Champions League la gashay kooxda tababrta daran ee FC Nordsjaelland ciyaar ay inteeda badan iska laheyd Old Lady oo dhacday garoonka Parken oo ku yaala caasimada dalka Denmark ee København, waxaana kooxda Talyaaniga qeybtii hore fursado qaali ah ka qasaariyey Giovinco, Nordsjaelland ayaana mar ku sigatay inay hugaanka qabtaan iyadoo Joshua John uu kubad ka helay Bonucci gadiishiisa balse goolhaye Buffon ayaa ka badbaadiyey, qeybtii horena waxaa lagu kala baxay 0-0.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad daqiiqadii 50aad ayaa waxaa laad xor ah Juve ka dhaliyey Mikkel Beckmann, isagoona si xirfadeysan shabaqa ugu hubsaday.

Juventus ayaa goolka barbaraha la timid ka dib markii uu u dhaliyey daqiiqadii 80aad Mirko Vučinić oo ciyaarta bedel kusoo galay, sidaas ayena Juve uga jirtaa kaalinta sedaxaad ee Guruubka E.

Shakhtar Donetsk ayaa guul darro 2-1 ah huwisay kooxda Chelsea Alex Teixeira ayaa daqiiqadii sedaxaad gool uga naxsaday kooxda difaacaneysa koobkaan, iyadoo Frank Lampard lagu bedelay Eden Hazard, Lampard ayaana u muuqanaayey inuu dhaawac soo gaaray, sidaas ayaana qeybtii hore lagu kala nastay.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ayaa waxaa Shakhtar hugaanka usii dheereeyey xidiga reer Brazil Fernandinho kasoo ka faa’iideystay qalad ay sameeyeen daafacyada Chelsea, isagoona caawinaad ka helay xidiga ay isku wadanka yihiin ee Luiz Adriano.

Fernandinho ayaa mar kale nasiib u yeelan karay inuu goolka dhaliyo Blues laakiin waa uu iska qasaariyey.

Waxaana Chelsea ciyaarta oo sii dhamaaneysa gool usoo celiyey Oscar balse ma uusan noqon mid ku filnaada, kooxda ka dhisan Ruushka ayaana sidaasi ku qabatay hugaanka Group E.

Champions League – Group F

Valencia ayaa 3-0 ku martay kooxda BATE Borisov Roberto Soldado ayaa ciyaarta oo qeybta hore sii idlaaneyso gool ku laad u dhaliyey kooxda martida aheyd iyadoo uu garsooruhu garwaaqsaday inuu Hurdi ku abaal mariyo Marko Simic oo u muuqday inuu qalad sax ah ku galay gudaha diilinta ganaaxa, waxaana lagu kala baxay iyadoo ay kooxda reer Spain hugaanka u heyso ciyaarta.

Roberto Soldado ayaa si fiican uga dhex muuqday qeybtii labaad isagoo dhaliyey goolkiisa labaad daqiiqadii 55aad ka dib markii baas fiican ka helay Jose Andrés Guardado, isla isaga ayaana dhaliyey goolka sedaxaad daqiiqadii 69aad ka dib markii uu fursad caaqiba leh ka helay Tino Costa.

Bayern München ayaa 1-0 ku dubatay kooxda Lille, iyadoo gool uga hor martay kooxda ka socota Faransiiska ee LOSC Lille Métropole taasoo ay marti loogu ahaa garoonkeeda Grand Stade Lille Métropole ee ku yaala Villeneuve d’Ascq waxaana gool ku laad hugaanka ugu dhiibay kooxda Reer Germany xidigeeda Thomas Müller daqiiqadii 20aad.

Kooxda Jarmalka ka dhisan ee Munich ayaana sidaasi ku gaartay guul cariiri ah.

Champions League – Group G

Spartak Moscow ayaa gurigeeda ku dubatay kooxda ka socota Portugal ee Benfica, ka dib markii ay ugu awood sheegatay 2-1, goolka hore waxaa kooxda martida ahaa u dhaliyey Rafael Carioca ka hor inta uusan nuc saac ka bareejeyn Rodrigo Lima Dos Santos.

Gool uu si qalad ah shabaqiisa ugu leexiyey Jardel Nivaldo Vieira ayaana hugaanka u xaqiijiyey kooxda ka dhisan caasimada Ruushka.

Barcelona ayaa si dirqi ah 2-1 Celtic uga adkaatay Barca ayaaba lagu qalqaliyey garoonkeeda waxaana daqiiqadii 18aad shabaqiisa gool ku leexiyey Javier Mascherano. Lionel Messi ayaana laba jeer ku sigtay inuu dhaliyo laad xor ah. Andrés Iniesta Luján ayaase nasiib u yeeshay inuu goolka usoo celiyo Barcelona ka dib markii uu dhamaadkii qeybtii hore baas ka helay Maestro Xavi Hernandez, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Jordi Alba ayaana goolka guusha u dhaliyey Barcelona waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray.

Champions League – Group H

Galatasaray iyo CFR Cluj ayaa barbaro 1-1 ah isla dhaafi waayey.

Manchester United ayaa 3-2 gurigeeda ku dubatay kooxda Braga waxaana 20 daqiiqo isku baray Kabtanka kooxda Braga Alan Osório da Costa Silva ka dib markii uu laba gool uga naxsaday daqiiqadihii 2aad iyo 20aad, ka hor inta uusan shan daqiiqo United gool usoo celin Javier ‘Chicharito’ Hernandez oo baas fiican ka helay Shinji Kagawa.

Qeybtii labaad markii fooda la is daray Red Devils ayaa car car garoonka kusoo gashay waxaana ay sahashay inuu Jonny Evans Man Utd u dhaliyo goolka bareejada ka dib markii uu daqiiqadii 62aad ka faa’iideystay Kooner uu soo tuuray Van Persie.

Javier ‘Chicharito’ Hernandez ayaa neefta kasoo fujiyey taageerayaasha United ka dib markii uu daqiiqadii 75aad u dhaliyey goolkooda sedaxaad, ee u xaqiijiyey hugaanka ciyaarta, isagoona caawinaadaas ka helay Tom Cleverley. United ayaana sidaas ku gaartay guusheedii sedaxaad oo isku xigta ee Guruubkeeda.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Wariyihii Tv-ga Universal oo goor dhow lagu dilay Laascaanood.

Allaha u Naxriistee Waxaa goordhaw oo caawa ah lagu dilay Magaalada Laas Caanood,  Wariye Axmed Saakin Faarax oo ahaa Wakiilkii Tefishinka Universal ugu soo warami jiray Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay dilka loo geestay Wariye Axmed Saakin,  iyadoo warar qaar ay sheegayaan in Dilka loo geestay Wariyaha uu ahaa mid qorsheysan waxaana dilay Kooxo Hubeesan oo aan heebtooda la garan iyadoona wali aan faah faahin dheeraad ah laga helin dilkan goordhaw oo caawa ah loo geestay Wariye Axmed Saakin Faarax.

Axmed Sakiin Faarax ayaa waxa uu ahaa Wakiilka Rasmiga ah Telefishinka Universal ee Xaruntiisa tahay Dalka Britain ugu soo warami jiray  Magaalada Laascaanood .

Lama Ogo sababta loo dilay Wariye Axmed Saakin faarax, balse waxa uu dilkiisa qeyb ka noqonayaa Beegsiga iyo Ugaarsiga lagu hayo suxufiyiinta ka howl gala gudaha Soomaaliya.

Massimiliano Allegri: Ma garanaayo hadii aan sii ahaan doono Tababaraha AC Milan.

Tababaraha kooxda AC Milan Massimiliano Allegri ayaa kalsooni ku qaba in kulankiisii ugu dambeeyey ee Rossoneri uusan noqon marka uu Champions League ku wajaho kooxda ka dhisan Spain ee Malaga

Allegri ayaa cadaadis dul saarnaa waayadaan tiiyoo guul darradii 3-2 aheyd ee uu kala kulmay Lazio kulankii sideedaad ee Serie A uu shaki geliyey mustaqbalkiisa San Siro.

“Ma aqaano hadii kulanka berry uu noqon doono kulankeygii ugu dambeeyey,” ayuu yiri Tababaruhu.

“Waqtigaan oo kale waxay isoo xasuusineysaa markii aan ku guul darreysay shan kulan anigoo macalin u ah Cagliari.

“Laakiin kooxdeyu ma ahan koox adag mana u ciyaarin si xun. Balse kubada cagta badanaa waxaa ka dhaca shilal hubaal ah.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Real Madrid oo dooneysa inay Manchester United iyo Chelsea ka dul qaado Lucas Digne.

Real Madrid ayaa u hanqal taageysa inay Janaayo soo dhaqaajiso xidiga diiradu u saran tahay kooxaha Manchester United iyo Chelsea Lucas Digne, si ay ugu dhisto dhibaatada ka heysata daafaca bidix.

19 jirkaan ayaa aalaaba ahaa daafaca kasooo dhex muuqday kooxdiisa Lille, wuxuuna bandhigiisa cajiibka ah kor usii qaaday sanadii hore, taasoo keentay inay u tafa xeydtaan kooxaha ugu waa weyn Yurub, sida uu qoray Wargeyka Talksport.

Hada waa dooqa koowaad ee daafaca bidix ee kooxda Lille, waxaana lagu amaanay baddhigii uu ka sameeyey sideed kulan oo horyaalka ah, halka afar kulan oo Champions League ah sanadii hore u ciyaaray kooxdiisa.

Waxaa si fiican ula dhacsan qaab ciyaareedkiisa United iyo Chelsea, labada koox ayaana doonaya inay da’yarkaan ku dhisaan siyaasadooda mustaqbalka fog.

Laakiin waxay qarka u saran yihiin inay ku waayaan Gacmaha Real Madrid oo dooneysa Inay soo qaadato Janaayo marka uu suuqu dib u furmo.

Kooxda Jose Mourinho aya dhibaato ka qabta daafaceeda qeybta bidix ka dib markii ay ka dhaawacmeen Marcelo iyo Fabio Coentrao, waxayna dooneysaa Los Blancos inay qorshe cusb dhisto marka uu dhasho sanadka cusubi.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Madaxweynaha oo la kulmay wafti Talyaaniga ka socday + Sawirro.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi Caalami ah oo ka socda Dalka Taliyaaniga oo uu horkacayay Wasiirka Arimaha dibada dalka Taliyaaniga.

Imaanshaha Wafdiga ka dib ayaa waxaa uu wasiirka arimaha dibada Talyaaniga Giulio Maria Terzi ay kulan la qaateen Madaxwaynaha ayaa  waxaa aySaxaafada ugu warbixiyeen markii uu soo idlaaday kulankooda.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa sheegay in imaanshaha wafdigan ay qayb ka tahay Xiriirka Dowladaha Caalamka ay u danaynayaan Xukuumada Soomaaliya.

Wuxuu hadalkiisa intaa ku daray Madaxwaynaha in tan iyo Markii uu xilkan loo dhaariyay wafdi badan ay Muqdisho soo gaareen kuwaa oo doonaya inay kaalin fiican ka qaataan dib u dhiska Soomaaliya.

Giulio Maria Terzi wasiirka arimaha Dibada Dalka talyaaniga oo dhankiisa saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyay ujeedka socdaalkiisa maanta uu ku yimid Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in socdaalkiisa maanta uu yahay in Madaxweynaha dalka Soomaaliya uu ugu hamblayeeyo ka gudbida Xiliiga KMG ah iyo isbedelka dhanka hogaanka ee dalka Soomaaliya isaga oo sheegay inuu adkeyn doono xiriirka Soomaaliya Iyo Talyaaniga.

Juan Mata: De Matteo waa halyeey waana Tababare ku haboon inuu hugaamiyo Chelsea.

Juan Mata ayaa maanka ku haya in Roberto Di Matteo uu yahay tababarihii ku haboonaa Chelsea, ka dib markii uu ninka reer Talyaani halyeey ka noqday Stamford Bridge.

Di Matteo ayaa shaqadaan ka bedelay  Andre Villas-Boas bishii March wuxuuna Chelsea ku hugaamiyey kuugaloohii FA Cup iyo isagoo markii ugu horeysay taariikhda u qaaday UEFA Champions, ka dib markii uu Bayern Munich Gool ku laadyo guusha uga qaadeen wiilashiisu.

Chelsea ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkaan si fiican ku bilaabatay Barclays Premier League , wuxuuna Mata rumeysan yahay in Di Matteo uu kooxda ka dhisan Galbeedka London koobab badan usoo qaadi karo.

“Robbie si fiican ayuu u kala garanayaa kooxaha oo idil, Robbie sidoo kale si wanaagsan ayuu u kala yaqaanaa kooxda,” ayuu yiri Mata. “Wuxuu halkaan ka yahay Halyeey.”

Dhanka kale Mata ayaa sheegay inuu doonayo inuu Noqdo halyeey Chelsea ah sida John Terry iyo Frank Lampard.

“Ciyaartoyda da’da yar sida aniga waxay doonayaan inay noqdaan sida John iyo Frank, si ay u xusto taariikhda kooxdu.

“Kani waa sanadkeygii labaad oo aan joogo Chelsea. Run ahaantii waan u riyaaqay markeygii iigu horeysay. Waxaan noqonayaa midka ugu wanaagsan taariikhda kooxda. Laakiin weli waan sii wadanayaa.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Francesco Totti oo diiday fursad ah inuu ka ciyaaro Horyaalka Ruushka + Sababta.

Halyeeyga kooxda AS Rome Francesco Totti ayaa iska diiday dalab uga yimid Xiriirka kubada cagta Dalka Ruushka iyadoo loosoo bandhigay inuu ka ciyaaro Russian championship.

Waxaa jirtay fursad wadahadal ah oo u dhexeysay kabtanka iyo madaxweyne ku xigeenka xiriirka kubada cagta Dalka Ruushka Nikita Simonyan, iyadoo halyeeyga lagu casuumay Russia.

Simonyan oo la hadlaayey wargeyska kasoo baxa dalka Talyaaniga ee Corriere dello Sport ayaa sheegay inay la kulmeen Totti, iyagoo doonayey inuu ka ciyaaro wadankooda.

Totti, ayaa waxaa horay u xiiseynaayey kooxaha ka dhisan caasimada Ruushka Spartak Moscow iyo CSKA Moscow, 36 jirkaan ayaana laba gool u dhaliyey Giallorossi todobo kulan oo uu u saftay xilli ciyaareedkaan.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Man Utd, Man City iyo Real Madrid oo isku heysta Messi-ga dalka Croatia (Warbixin)

Manchester United ayaa kula dagaalameysa Manchester City iyo Real Madrid xidiga lagu niinaaso Messi-ga Croatia Alen Halilovic.

16 jirkaan ku wanaagsan qadka dhexe ayaa qandaraas kula jira kooxdiisa Dinamo Zagreb, laakiin waxaa loo oglaan karaa inuu wadahal la galo Real, iyadoo xidigaani uu u dhega noglaanaayo in la beec geeyo.

Halilovic ayaa lagu qiimeeyaa 12 milyan oo ginni, laakiin Labada kooxda eek a dhisan magaalda Manchester ayaa diyaar u ah inay keliya bixiyaan laba u dhig lacagta lagu qiimeeyo.
xidigaan oo ku jira xulka 17 jirada ka yare e Croatia ayaa rajo laga muujinayaa inuu ninka ay isku wadanka yihiin ee Luka Modric kula biiro Bernabeu.

Dhanka kale, Man City iyo Arsenal ayaa iskula dhegan 16 jirka daafaca uga ciyaara PSV Eindhoven Riechedly Bazoer.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

David de Gea oo looga gacan haatinaayo Real Madrid.

Real Madrid ayaa indhaha ku heysa goolhayaha kooxda Manchester United  David de Gea kaasoo ay u aragto bedelka waqtiga dheer ee goolhayahooda Iker Casillas.

Tababaraha kooxda Real Jose Mourinho ayaa xiriir wanaagsan kala dhexeeyaa wakiilka David, Jorge Mendes waxaana la fahamsan yahay in De Gea uu mustaqbal fog ku leeyahay caasimada Spain.

Casillas ayaa had iyo jeer De Gea ka heystay booska xulka qaranka Spain, waxaana loogu baaqayaa da’yarkaan inuu u hiloobo Bernabeu.

Wararka soo jeedinaaya inuu goolhayuhu ku laabanaayo Spain, weli ma aysan xaqiijin kooxdiisa Man Utd.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Liverpool oo Janaayo diyaar u ah inay lasoo wareegto Klaas-Jan Huntelaar.

Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa diyaar u ah inuu Janaayo dalab u diro weeraryahanka kooxda Schalke Klaas-Jan Huntelaar.

Macalinka Reds ayaa u dagaalamaya inuu 29 jirkaan heerka caalami ee dalka Holland kasoo dhaqaajiyo dalka Germany, isagoo ciyaaryahanku diiday inuu wadahadal uu qandaraaska ku kordhinaayo la galo kooxdiisa.

Huntelaar ayaa si xor ay ula soo wareegi kartaa kooxdii uu Janaayo wadahadal la isku afgarto la galo, wuxuuna qandaraaskiisu dhamaanayaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Laakiin Rodgers ayaa ilaalo fog ka haaya weeraryahankii hore ee Real Madrid , si uu ugu dhaqaajiyo weerarkiisa nagi ah Anfield stadium, sida uu tebinaayo wargeyska Daily Star.

Liverpool ayaa dhibaato ku qabtay iyadoo keliya ay weeraryahan ka heysato Luis Suarez.

Huntelaar ayaa sidoo kale waxaa lala xiriirinayaa Manchester United, Arsenal iyo Tottenham.

Dhanka kale Liverpool ayaa ayaa hubsaneysa inay soo qaadato weeraryahanka xulka Israel iyo kooxda Real Mallorca Tomer Hemed, sida uu qoray wargeyska The Sun.

25 jirkaan ayaa 10 gool dhaliyey xilli ciyaareedkaan, Real Madrid ayaana sidoo kale diyaar u ah inay Janaayo 5 milyan oo ginni kula soo wareegto xidigaan.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

XOG: Sir ku hoos duugan ansixintii Baarlamanka ee Ra’iisul Wasaare Saacid oo aan helnay.

Sida aan wada ogsoonahay dhamaanteen Baarlamaanka Soomaaliya ee hada joogo waa mid ku yimid qaab soo xulitaan odayaalo dhaqameed ay soo xuleen, balse soo xulitaankaas waxaa loo galay tartan aad u weyn kaasoo ugu dambeyntii ku dhamaatay in ninkii lacagta ugu badan bixiyaa uu helayo xubin nimada Baarlamaanka, qofkii aan si fiican ula soconin arintaas wuxuu ku fikirayaa toloow Baarlamaankan lagu sheegayo inay wada aqoonyahano yihiin miyaa lacag bixiyey? haa wey bixiyeen danta ayaana ku kaliftay maxaa yeelay wadada kaliya baa ahayd in lacag la bixiyo.

Marka qof lacag ku bixiyey xilka uu qabanayo sababta lacagta uu u bixiyey wey iska cadahay taasoo ah isagana inuu helo lacagtiisii iyo damiciisii ahaa inuu dhaqsi ku taajiro, in kastoo hadane aanan ladhihi karin damacaas ah lacag doonka xildhibaanada o dhan baa ka siman hadane way jiraan kuwa yar oo ka bad baaday balse tiro ahaan ma badna marka lala bar bar dhigo tirada guud ee baarlamaanka.

Arinta kale ee u baahan in aan ku baraarugsanaano ayaa ah in durbadiiba la bilaabay si dhaqsi ah in la jabiyo Axdigii la dhigtay iyo Dastuurkii la qortay qodob ka mid ah, kaasoo sheegaya in Baarlamaanka la hor keeno Ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirada si isku mid ahna codka ansixinta loogu qaado, balse taas badalkeeda waxaa dhahcday in Baarlamaankii laga dhaadhiciyey inay ra’iisul wasaaraha kaligiis ansixiyaan marka hore ka dibna golihiisa wasirada mar kale ansixiyaan.

Sababta sidaas loo sameeyey ayaa ah 2 arimood.

1-Tan koowaad ayaa ah in hadii hal mar la isla keeno raiisul wasaraha iyo golihiisa wasiirada ee Baarlamaanku uu ansixin waayo ay dhabar jab iyo howl kale ku noqoneyso madaxweynaha,dalkuna uu ra’iisul wasare la’aan ahaanayo mudo, taasoo weliba hakad galin karto iyo niyad jab dowlada cusub.

2-Sababta labaad ayaa ah dan Baarlamaanka ugu jirto inay marka hore ansixiyaan ra’iisul wasaraha kaligiis ka dibna ay ka qal qaalsadan sidii xildhibaan walba uu wasiir u heli lahaa, waxaadna ogaataan waa sababta keentay in xildhibaanadii goobta joogay oo dhan ay u wada codeeyeen ansixintii ra’iisul wasaraha.

Dhamaan Xildhibaanadana waxay doonayaan xil wasiirnimo taasoo noqon doonto caqabad sidii la isku waafajin lahaa in xildhibaanadii oo dhan la qanciyo in wasiirada lasoo magacaabi doono oo qiyaas ahaan lagu sheegay 18 wasiir.

Xildhibaanada qaarkood ayaa ku booteynaya inay dowlad kasta ee la soo magacaabo aysan ansixin doonin hadii ay mesha ka wayaan sida ay doonayaan.

Arimaha socda oo dhan markaad loo fiirsado waxaad ogaaneysaa in weli dantii shaqsiga iyo tii Qabiilka ay ka horeyso dantii guud. waana sababta Qarankeenii cidlada dhigtay, balse hadii qof walba ka fikiri lahaa danta guud dowlad kasta oo la soo dhisaa si dhaqsi ah bay u talaabsan lahayd.

Madaxweyne Obama oo laga xirtay albaabadii Aqalka cad, meel uu ka galana waayay. (Daawo Video)

Mararka qaar waxaa iska dhaca waxyaabo cajiib ah oo aadan marnaba fileyn inay dhacayaan. waxaa ka mid ah dhacdo qabsatay Madaxweyne Obama, oo dhammaan albaabadii aqalka cad laga xirtay meel kuu galana waayay.

Lama yaqaan sababta ay arrintan ku dhacday, ama inay ahayd in madaxweynaha xilli aan la fileyn uu kusoo laabtay aqalka cad.

Video-ga hoos ka muuqda ayaa muujinaya Madaxweyne Obama oo isku dayaya inuu furo dhowr albaab oo aqalka cad ka tirsan, si uu u galo gudaha, balse midkii uu isku dayo inuu furaba uu ka xiran yahay, Daawo Video-ga oo marka hore ku billaabanaya xayeysiin.

FAALLO: Yee U Dagaalamayaan Amisom & Kenya?

Kadib Maqaalo aan ka Qoray Hoowlgalka Jubooyinka oo Afcarabi iyo Soomaaliba lahaa ayaa waxa ay aad Dadku isu weydiinayeen Su’aal aad ii dhibtay oo ahayd mar hadii Ciidamada Ugandha ee Amisom iyo kuwa Itoobiya ey Dalka soo galeen maxaa looga hadalhayaa kuwa Kenya iyo Qabsashada Kismaayo?

Ugu horeyn waxaan leenahay Amisom, Itooiya iyo Kenya intuba waa isma dhaanto iyo dhasheeda ciidan Shisheeye oo weliba Afrikaana waxba u tari maayo Soomaaliya waxay wax ka tari lahaayeen Dalalkooda ay gaajooyinka iyo cuduru haraadiyeen, hadey wax tarayaan.

Ciidamada Amisom, Kenya iyo Itoobiya intuba danahooda gaarka ayay Soomaaliya u yimaadeen bal aan mid mid u faaqidno marka hore:

A M I S O M:

Ciidamadii ugu horeeyay ee Amisom xiligii la keenay waxay ahayd 2007 bilawgii Duulaankii xabashida si ay maqaar saar ugu noqdaan gumaysigii Itoobiya Ugandha-na waxay ahayd Dowladii ugu horeysay ee ciidan ku biirisa Amisom in kastoo Amisom ay xiligaas wax kaalina ku lahayn Siyaasada Dalka laakiin waxa ay si buuxda majaraha dalka u qabteen ka dib bixitaankii xabashida ayadoo xiligaa wixii ka dambeeyay ilaa maanta ay noqdeen awooda kaliya ee Soomaaliya!

Ugandha Maxey U Timid Soomaaliya:

Ugandha waxay u utimid Soomaaliya Tiyo maalmeed ay Dowlada Maraykanka ka dhaadhicisay oo ahayd in Mustaqbalka ay heli doonaan Dekedaha Kismaayo ama marko oo ay bilaash kula degi doonaan Xamuulkooda ayadoo lagu xirayo wadooyin gaarsiiya Kampala.

Laakiin Arinku taa wuu ka fog yahay, Ugandha waxay wakiil ka tahay USA oo howlgalkan ku soo biiriyay si ay badal uga noqdaan Ciidamo Maraykan ah oo Dagaal daba dheer ka gala Soomaaliya.

Hadaba waa maxay istiraatijida maraykan ee somalia jaawaabta su,aashaas waa ay qoto dheertahay waxana uga hadli doonaa maqaal kale, balse hadaan wax ka taabto waa in uu saldhigyo lama taabtaana uu ka sameeysto xeebaha muhiimka ee somalia markaas oo ay dhameys tirmeyso gacan ku haynta maraykanka ee dunida oo dhan inta laga helayo dowlad u sharciyeyso waxaa usii dagaalamaya ugandha taa bedelkeedna ugandha wexey heleysaa tababaro xaga ciidanka iyo qalabayn intaba iyo kasbashada saxiibtinimada maraykanka waxay kaloo heleysaa inay noqoto dawlad miisaan ku leh africa iyo dunida sababtoo ah waxay ka qeyb qaadatay hoolgal nabadeed!!!!

Sida looga arko UN-ka, Intaa waxaa u dheer mushaaraadka xad dhaafka ah ee la siiyo ciidamada taas oo dib ugu laabata dalkooda.

B U R I N D I:

Burindi waxay ahayd dawladii Labaad ee Ciidankeeda soo gaaraan Soomaalia waxana taa ka dambeesay dawlada Faransiiska oo aragtay in soomalia oo cidkasta muhiim u ah ay maraykan u keli noqon rabto waxayna dareentay haday maanta la qeybsan inaysan beri waxba ku leheyn heshiiskaas oo ah kay wax ku wada qeybsadaan reer galbeedku sida libya ka dhacday (Ingiriis, Faransiis & Maraykan) ayadoo meesha laga saaray Talyaaniga.

Hadaba maxay burindi ka faaideysaa hoolgalka somalia dhab ahaanti arinta burindi waa ku xamaalo oo keliya waayo waa dal dagaal kasoo baxay mardhaw2006 welina waxuu gacan ugu jiraa faransiiska waxba kama faaiidayo hoolgalka si uu dunida ugu muujiyo inuu yahay dal ka qeybqaato xasilinta afrika iyo riyooyin uu faransiisku ugu waramay oo la mid ah kuwii ugandha iyo maraykan oo kale laakiin faransiisku waa shidaal doon oo waxaa uu doonaya inuu qeyb lixaad leh ka qaato shidaalka iyo gaska cuntada lagu karsado ee ceegaaga soomaaliya ayadoo aan ognahay hoos u dhaca dhaqaala ee ka jira yurub iyo farance.

J A B U U T I:

Dawlada Jabuuti ee aan xigtada wada nahay waxay isku malaysaa inay wax uqabaneyso somalia laakiin waxay marna noqotaa buundada la mariyo qorshayaasha lala maaganyahay somalia laakiin hadaan u raacno sida aysheegtaan inay walaalahoda somalia caawiyaan wax kastana la garab taaganyihiin balse waxaa is weydiin mudan Jabuuti maleedahay awood Siyaasadeed iyo mid milateri ee ku meel mariso qorsheyaasha tobankii sano ee ugu dambeeyay kasoo baxayay shirarkii jabuuti waa mid kalee ma leedahay diblumaasiyad iyo ciidan ay ugu babac dhigi karto wadamada dariska ee soo faragashta somalia ugu dambeyn diyaar ma u ahayd mana utahay dawlada iyo shacabka jabuuti iney ka dhabeeyaan wanaaga ay sheegtaan oo ay naf iyo maal u huraan somalia jawaabtu waa maya!!!!

Hadii ay taa doonayaan ciidamada ay soo direen ayay furinta Kismaayo ka dejin lahaayeen si ay kenya uga riixaan ama waxay qaadi lahaayeen wadada tagta B/weyne sidii dalxiis oo kale xadka itoobiya lagama soo geliyeen B/weyne ciidamada uu ismaaciil mudada dheer ka fikiriyay ee uu keenay markii ay muqdisho  degtay waxa uu ukeenay inay tababar xaqiiqiya ay u qaataan si ay u difaacdaan xadka eriteria uu la wadaago iyo inuu muujiyo sida uu uga qeybqaatay nabadeynta somalia.

Waxaana shaki ku jirin dawlda keentay inay tahay faransiiska ka dib markii uu gaabiyay dawrkii burindi ayaa lagu xoojiyay dad soomaali fahmi kara ugana fara dhuubnaan badan ciidamada kale ayadoo dawlada soomaalida eey uga faaideysatay inay ka dejiso gobol xasaasi ah oo laga yaabi lahaa iney dadka deegaanka diidmo kala hor imaan lahaayeen ciidamada kelee amisom waxana qorshaha uu yahay in ay meesha ka saaraan ciidamada itoobiya waana laga warsugidoonaa waxa ay qabtaan iyo in lagu diirsado.

E T H I O B I A:

Dawlada Itoobiya waa dawlad ku dhisan xukun kalii talis ah iyo ku,amar taagleyn eey isku hayaan dhexdooda waxa ayna aaminsan tahay in xalka milateriga uu yahay kan hoolkasta soo afjara waxa intaa u dheer waa dowlad ka mid ah dowladaha loo yaqaan (xabiisah) oo macneheedu tahay dowladaha aan badda lahayn waxayna dulsaar ku yihiin dakadaha wadamada deriska la ah taa bedelkeeda waxaa deris la,ah somalia oo ciidankeeda iyo dawladeeda  ay burburtay.

Waxayna sheekada iyo fadhi ku dirirka u arkaan xalka go,aanada ka dhexeya laa,kiin hadii ay mar dagaalamaan ama lasoo weeraro ay adag tahay sidii dib loogu celi lahaa fadhiga iyo wadahadlka Somaliyana waxay leedahay xeebta ugu dheer ee Afrika waxana laga hirgeli karaa kumanaan dekado ah marka laga soo tago labaatameeyada hada la isticmaali karo.

Intaas oo dhan iyo tiro yarida Soomalida waxay Itoobiyo ku dhalisay inay isbalaadhin samayso oo Soomaaliya oo dhan is raacsato taa oo ay ku dhiiri gelinayeen xisbiga jamhuuriga ee dalka maraykanka iyo dawlade kale oo reer galbeed ah oo is tusiyay in soomaalidu ay marna ubabac dhigi karin itoobiya laakiin riyadaas waxaa qarow ku noqday dhalinyaro soomaaliyeed oo weliba ciyaalkii iskoolada Muqdisho ardayda ka ahaa iyo weliba gobalada koofureed iyo bartamaha somalia waxaana gacan weeyn ka geystay oo maalgeliyey dib  u xoryntii dhacday qurbo joogta soomalida.

Markii dalka la xoreeyay ka dib reer galbeedku waxa ay ku qanceen in soomaalida aan loo isticmaali karin awood milateri balse taa bedelkeed waxa ay qaateen  in awood siyaasadeed oo ay hor muud ka yihiin dad soomali sheegto maanka ku fikir ah danaha shisheeyaha la adeegsado taa waxaa guusheeda leh oo biday reer galbeedka oo ah awooda dunida ugu weyn inay soomali kala quustaan awood milatery waxaa runti guushaa leh dadka soomaaliyeed oo dibad iyo dalba ka soo gurmaday.
Intaa ka dib itoobiya waxa ay u muuqatay mid uu xishood iyo murugo ay hareeysay weji gabaxna kala kulantay  afrika iyo dunida inteeda kale balse waxaa guushaas dhabar jab ku noqday labadii shariif oo u kala rucleeyay itoobiya taas oo keentay in itoobiya mar kale ay door ku lahaato somalia waxayna siyaasad iyo diblumaasiya lagarab taagneyd madaxdii hore ee la quursaday markey is liideen.

Sandkii hore itoobiya waxay si sharci darro ah ku soo gashay gudaha somalia waxayna qabsatay gobola soomaliyeed aydoo taageero ka heleyso siyaasiintii ay ku lahayd somalia, laakiin waxaa falkaas ka soo horjeestay wadama reer galbeedka ayagoo ka tala qaadanaya waaxa hooda cilmibaarista iyo tijaabadii hore ee itoobiya ay dalka ku soo gashay waa mid labaade sida aan soo sheegnay wadamada ka tirsan AMISOM wadamo reer galbeeda ayaa ka dambeeyo waa su, aale yaa soo dirsaday itoobiya??

Habeen madow ayay soo guureeyen ayagoo aan is weydiin waxa ka iman kara lakiin itoobiya waxaa amakaag iyo fila waa  ku noqotay markii ay wadamada reer galbeedku ka dhiidhiyeen si ay u ilaashadaan masaalixdooda istiraajiga ayagoo ka fogaanayan waixii xasaasiyad u keeni kara soomaalida markaana ay waayaan danahooda sidaa awgeed ayey ugu baaqeen in ciidamada itoobiya lagu bedelo ciidamo ka socda amisom oo ah sida hada socoto  laakiin waxaa nasiib xumo ku ah qarankan in dad diirka soomaali ka ah ay weli usii ola leynayaan in gumeystaha madoow weli dalka kusii nagaado taas oo meel ka dhac ku ah dhiigii shuhadadii usoo halgantay xuriyadii iyo dib u xoreyntii qarankeena.

Itoobiya maanta waxa ay taagan tahay xilgii ay ugu nasiib xumeed wax kaalina oo muuqata kuma lahan siyaasada soomaaliya waxaana loo baahan yahay in aan waqtiba la siin oo si deg dega dalka looga saaro sida aan ka rajeyneyno dawlada cusub oo hada ay muuqato saa, daa shaas.

K E N Y A:

Kenya waa dawlada ugu dhagarta badan ka hadal keeduna waxaa uu qaadanayaa maqaal dhan ama buug qoran marka hadii aan soo gaa gaabiyo kenya waxay ka mid tahay dawladaha ugu diblumaasi san qaarada afrika waxayna somalia u heysaa cadaawad qarsoon kuna dhisan dal iyo diin waxayna somalia u argtaa awood gobeleed oo muhiim ah lakiin dhaawacan mar hadii ay kabsatane ay dhici doonto in maalgashiga kenya lagu sameeyo iyo hayadaha diblumaasiga ee kenya ay marti geliso ay soomaaliya u guuri doonaan waa mid kalee dalxiis ku sheega ay kenya dhoodhoobto waxaan shaki ku jirin inay dalxiisa yaashu u soo jabi doonaan quruxda somalia ayadoo intaa oo dhan ka duuleysa hadana waxaa sii galay damac is balaadhin ah aydoo aan ognahay awooda kenya ee tabarta yar !!

Waxana taa ku dhaliyay markey aragtay madax ku sheegyadii soomaalida oo sidii xaraash oo kale la dultaagan nairobi dhulkii iyo kheyraadkii soomaalida (ishiisa laga arkaa u shiisa lagu tumaa )intaa waxaa u dheer dawlada norwey oo dooneysay inay gaas ka qodo xeebta soomaaliya ayey kenya ku dhiiri gelisay inay xad badeedkeeda balaadhiso si ay norwey u bilaawdo qodista gaaska.

Intaa waxaa hadana sii dheer dawlda ingriiska oo soo baraarugtay ka dib markii ay aragtay (USA,FRANCE) oo soomaaliya ay u nuqon rabto mandaqad  istiraaji ah hadii nabadu ay sii fido mashaariicda wax soo saar ee laga hirgeli doono somalia na waxaa heli doona cida ciidan ka jooga soomaaliya ama saameyn siyaasadeed ku leh durbadiiba waxay bilaawday  inay dawladaha afrikaanka ee xulufada  la ah ingiriiska ay ka dhaa dhiciso howlgalka somalia kenya ayaa markiiba diyaar ahayd inkastoo ingiriisku uu  garab mareyay kenya hadana waa uu ku qasbanaa laba arrin dartoo:-

Dawladihii ciidanka horay u soo dirsaday ee marykanka(ugandha) iyo farance(burundi,jabuuti) waxa ay u arkeen faragashiga ingriiska ee somalia mid ciriiri gelin kara masaalix dooda  in kastoo ay reergalbeedku beryahaan dambe waxba isku diidin hadana dawlada ingriiska waxay ka fursan weyday iney adeegsato wadan la deris ah somalia  ka dib markii laga caga jiiday ciidamadii siraliyon ee uu marka hore ingriiska doonayey intaa waxaa sii raacsan kenya oo ingiriiska ku qancisay in fara gelintooda ay mira dhali doonto sababtoo ah waxay meeshaa ka sameyn doonaan maamul gobeleed si toosa sh ula macaamila ingiriiska una ansixiya hoolaha baarista ee macdanta iyo shidaal kaasoo u sahan san ingiriiska waxana kenya ay wadataa kuwa magaca soomaali ka ah maanka ka adeeco kenya iyo cidey u tilmaanto .

Kenya ilaa goorma ayuu Ingiriisku daba taagnaan doonaa?

Hadii uu is fahan dhexmaro dawlada ingiriska iyo somalia kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wax wada qabsi masii jiri doonaan kenya iyo kooxaha ay dabada ku wadato??

Haday dawlda somalia aqoonsan weyso maamul gobeleedka kenya ay wado ciidamada kenya na u aqoonsato sharci daro masii joogi doona mana jiri doonaan kuwa ay keentay jubooyinka?

Waxaan ognahay in dawlada ingiriiska iyo mareykankaba aysan ku qanac saneyn howlgalka kenya waxayna jeclaayeen in ciidamada kenya ay raftaan xuduudka labada dal  laakiin waxaa garab ku siiyay dagaalkaas yahuuda ka dib markii ay ka meer meereen reergalbeedku sidaana ay kenya ku qabsatay kismaayo oo ah jawharada soomaaliya.

S I E R R A  L E O N E:

Wadanka siiraaliyoon waa dal ay dadkiisu inta badan yihiin dal Muslima waxa uuna ka mid yahay xulufada Ingriiska ee galbeeka afrika ingiriisku asigoo ka tusaale qaadanaya kaartadii faransiisku ay ciidamada jabuuti ku keeneen ayaa waxa uu keenayaa ciidamo ka socda dal muslim ah waxana sida la filayo ay dulsaar u noqan doonaan kuwa kenya waxaana laga yaabaa in meelaha xasaasiga ee qabaailka lagu kala ilaalinayo ee jubooyinka la geeyo si kastaba ha ahaatee ciidan shisheeye dan uma ahan dalkeena laakiin horaa loo yiri (labo daran mid dooro).

FG:

Ciidamada halkaan aan ku sheegnay oo dhan waxaa wata dawladaha waaweyn ee dunida dawladaha Afrikaantana danahoodana waa kuwa iska yar marka la barbar dhigo kuwa kenya ee qaran dumiska ah waana sababta keentay inay soomaalidu kawada dhiidhiyaan qabsashada kenya ee dalkeena.

Nin dhagoolaa waxaa la weydiiyay sideed ku fahantaa markaad qalad gasho markaa saa wuxuu yiri “dadkoo dhan ayaa faraha igu wada fiiqa” xaqu waa cadyahay Qofkii is indho tira mooyee.

Bal xageed ku Aragteen dad lagu baryaayo inay qarankooda u hiiliyaan cadawna ka dheeraadan oo leh maya!

Allow Soomaali Dalkooda Jecleysii
Allow Soomaaliya noo dhowr

WQ: C/rashiid Soomaali

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

Roob Mahiigan ah oo Dhimasha Sababay oo ka da’ay Hiiraan.

Roobab Mahiigan oo  lagu diirsaday balse dhimasho gaystay ayaa waxaa uu ka da’ay Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in Roobkan uu ka da’ay galbeedka Magalada Beledweyne ee xarunta Gobolka gaar ahaa deegaanka Awayle.

Sadax Ruux oo Caruur ay ku jireen ayaa ku dhintay Roobkan  ka curtay Beledweyne.

Marka laga soo tago qasaaraha roobka waxaa jirta in dadka Xoola dhaqatada ee halkaas ku nool ay u baahnaayeen.

Maalin ka hor ayay ahayd Markii degmada Matabaan uu ka da’ay roobab Mahiigaan ah oo Qasaaro iyo faa’ido intaba lahaa.

Mid ka mid ah beelaha Kismaayo oo bayaan adag kasoo saartay mamul u sameya Jubbooyinka.

Kulan balaaran oo ay ka soo qeebgaleen dhamaanba jaaliyada beesha Shekhaal ee dalka koonfur afrika oo looga hadlayay xaaladaha Guud ee dalka soomaliya gar ahaana arimaha Gobolada jubooyinka iyo maamul u sameeyntooda ayaa waxaa u ka dhacay magaalada johannesburge. Kulanka ayaa intii u socday waxaa diiradda lagu saaray sidii maamul dhaxal gal u ah loogu heli lahaa Gobolada jubooyinka.

Marka hore jaaliyada beesha Shekhaal waxay si xoogan oo dhameystiran u Taageereysa madaxda cusub ee Dawladda federaalka ee jamhuuriyada somaliya, waxanan u rajeeyneynaa in illaah u fududeeyo xilalka culus ee madaxdu ay u qaaday Bulshada soomaliyeed. Marka xigana waxaan si hufan u Taagyeereyna Guud ahaan dadaalada ka socda Guud ahaan dalka somaliya gar ahaana Gobolada jubooyinka. Waxaan hanbalyo iyo bogaadin u direeyna ciidamada xooga dalka soomaliyeed ee u taagan nabad ku soo celinta dalka iyo xasilintiisaba.

 Arimaha jubooyinka.

Tan iyo Burburkii dawladii dhexe ee soamliya waxay beesha shekhaal  xilweeyn iska saartay sidii loo walaaleyn lahaa Guud ahaan dadka somaaliyeed ee kuwada nool deeganka, waxaana xusid mudan in beeshu ay ku caanbaxday nabad jaceeyl, hormar iyo isfaham Guud. Aydoo taarikhda aan oganahay in beesha shekhaal ay koow ka ahayd Risaalada samaawiga ah ee islaamka ee Geeska afrka sida xooga leh oga hana qaaday.  Waxana xusid mudan in beesha shekhaal ee Gobolka jubbada hoose ay caan ku tahay ka talinta Nabada iyo midnimada Bulshada. Beesha shekhaal waa beel Balaaran oo degta Guud ahaan geeska afrika waxaana xusid mudan in beesha ay ka mid tahay beelaha ogu waaweyn ee Dega Gobolada jubooyinka. In kastoo dawaladii dheexe ee somaliya ee burburtay ay si xoogan oo aan Gabasho lahayn uu Hagar daameyn jirtay beesha shekhaal hadana illaah ayaa mahad leh beesha wxaay muujisay Dul qaad iyo samir badan oo ku saabsan sidii looga gudbi lahaa mar xaladaas. Sida taarikhda aan oganayhyba majiro siyaasi caan ah oo ka soo jeeda Gobolada jubooyinka ama ku dhashay Jubooyinka oo la yaqaano ciduu doonaba ha ahaade oo aan ka ahayn Generl maxamed Ibrahim (Liqliqato)  taas waxay Tusaale u tahay in beeshu ay ka mid tahay beelaha loogu yimid deeganka ee aan safarka ku imaanin.

Hadaba anagoo taas ka Duuleyna ayaa waxaan aaminsanhay in dadka soomaliyeed ay yihiin kuwa kaliya ee iska leh aayahooda iyo masiirkooda in ay oga tashadaan si degan oo aqoon ku jirto. Sidaas darteedna Jaaliyada waxay ka walaacsantahay dhacdooyinkii u danbeeyay ee ka dhacay magaalada kismaayo iyo dilalka loo geeysanayo dadka wax galka u ah bulshada sida imaamyada, culama u diinka, duubabka iyo dhamaanba bulshada inteeda muhiimka ah. Waxaana  aad oga xunahay dilalkii foosha xumaa ee dhawaan ka dhacay magaalada kismaayo.  Waxaan aaminsanahay in dilalakaas ay yihiin kuwa aan masaalixda dalka iyo Deeganka midna u adeegeynin isla markaasina ay ka danbeeyaan kooxo dano siyaasadeed ka leh amuurtas. Jaaliyada beesha shekhaal waxay aaminsantahay in Bulshada soomaliyeed ay Deeqdo isla markaasina ay ku filantahay  Dawladnimo oo kaliya wixii intaas aan ahayna ay tahay hal bacaad lagu lisay.  Waxaan aad oga walaacsanahay ayadoo maanta dalkeena u leeyahay dawlad dhameeys tiran oo Guud ahaan dadka soomaliyeed ay u dhanyihiin in ay jiraan wali dad ku sii Taamaya in ay haystaan maleeysho beeled aan waxba ku soo kordhineeynin xalka dalka. Waxaan aad oga walaacsanahay Hubka Gacanta maleshooyin beeledyo ku jira kuwaas oo caqabad ku noqon kara dadaalka nabad raadinta ee dalka somaliya. Waxaan aaminsanahay in dawlada dhexe ee somaliya iyo ciidamada xooga dalka somaliya ay yihiin kuwa iska leh sugida amaanka Guud ee dalka, mana aaminsanin in maleeyshooyin beeledyo ay Noqon karaan ciidan magaalo dhan amaankeeda lagu aaminikaro.

Maamulka kumeel gaar ah ee kismaayo.

Jaaliyada beesha shekhaal waxay aaminsantahay wixii maamul u sameeyn deeganka ah in ay iska kaashadaan bulshada Degan Gobolka jubadda hoose iyo dawlada federaalka ee jamhuuruyda somaliya, mana suura gali karto in ayadoo aan lagala tashanin dadka deeganka iyo dawlada dhexe ee somaliya in kenya ay maamul kumeel gar ah u sameeyso kismaayo.  waxaan ognahay in maamulka kumeel gaarka ah ee dhawaan Afayeenka ciidmada kenya uu magacaabay kismaayo in u yahay mid xad gudub ku ah madaxbanaanida dalkeena iyo Dasturka dalka u degsan.  Waxayna jaaliyada ogu baaqeysa Dawlada kenya in ay ixtiraamto madaxbanaanida dalka somaliya, isla markaasina ay ku ekaato dawrkeeda nabad ilaalineed. Gobolka jubada hoose waxaa wada dega Guud ahaan dadka somaliyeed mana jiraan reer iyo koox gooni u leh deeganka, sidaas darteed waxaa laga mamaarman ah in Dawlada kenya Doowrkeeda u noqdo nabad ilaalin ku dhisan aqoon iyo faham dheerad ah.

Sidoo kale Jaaliyada waxay ogu baaqeysaa dawlada somaliya sida Madaxweynaha, Afyeenka Barlamaanka, Raysul wasaaraha, iyo Guud ahaan Barlamaanka somaliya in ay Gutaan waajibaad kooda shaqo ee ay u yahaan bulshada soomaliyeed isla markaasina ay u istaagan sidii awooda dawlada ay u wada gaari lahayd dhamaanba Gobolada.

 Mamaul u sameeynta Guud ee jubbland.

Marka hore waxaan ognahay in ay jiraan shirar iyo kullamo ku saabsan maamul u sameeynta jubooyinka, shirarkaas oo ka soconaya huuteelo iyo xaafado ku yaala magaalada nairobi ee dalka kenya. Shirarkaas waxaa wado ama ku mideeysan kooxo aan deeganka u dhalanin iyo kuwa danbiyo Dagaal ka galay dalka somaliyeed iyo dad yar oo wax garad ah, kuwaas oo dhamanatood aan wakiil ka ahayn dadka deeganka.  Waxaan aaminsanhaya wixii maamul u sameeyn iyo shirar ah oo ku saabsan Deeganka in ay muhiim tahay in lagu qabto dalka gudihiisa, waxaana wax lalayaabo ah ayadoo dalkeena u yahay maanta inta badan nabad laguna qaban karo wixii shirar caalami ah iyo kuwa aan caalami ahayn intaba. In shirar aan u adeegeynin masaalixda dadka deeganka lagu qabto meel ka baxsan somaliya. Beesha shekhaal waxay aaminsantaahy in shirka ku saabsan maamul u sameeynta Jubyooinka lagu qaban karo meel kasta oo somaliya ka mid  ah, sida caasimada somaliya ee Muqdisho, Garoowe, afgooye, baydhabo, kismaayo, boosaso, Galkacayo iyo meelo kale oo badan.

 

Hadaba waxaan soo jeedineyna qodobadaan hoose ku qoran. 

·         Arimaha maamulka u sameeynta waa in dadka deeganka oo ka kooban dhamaanba qabaa,ilaadka iyo dawlada dhexe ee somaliya looga danbeeyo, wadamada(IGAD) iyo dawladaha dariska ahina ay ku ekaadaan nabad ilaalin

·         Waa in dawlada dhexe ee somaliya ay Qaadato mas,uuliyda amaanka ee Gobolada jubooyinka isla markaasina ciidamada xoogka dalka somaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta ee Uganda iyo Burundi  la geeyo magaalada kismaayo, si ay u suura gasho in lagu qabto shirweynaha mamaul u sameeynta Gobolka. Waayo hadii ciidamada dawladda iyo kuwa nabad ilalainta ee amisom aan si deg deg ah loo geynin magaalada ksimaayo, waxaan suura gali Karin in shirka lagu qabto magaalada waayo  kama jiro amaan la isku halayn karo.

·         Waxaan u soo jeedineyna madaxweynaha in u magaacbo Gudi isku duba rida guud ahaan arimaha maamul u sameeynta Gobolka, Gudigaas oo dhismihiisa lagala tashanayo Salaadiinta Deeganka,

·         Waa in maamulka la doonayo in loo sameeyo jubooyinka laga mamnuuco Qabqab layaashii dagaalka, sida kuwii ka qeeyb qaatay Dagaalkii sokeeye, iyo kuwii Hogaaminayay maxaakimtii iyo xisbul islaam,

·         Waxaan aaminsanhay Ururadii soo maray Deeganka ragii hogaaminayay in ay yihiin danbilayaal dagaal oo u baahan in laga mamnuuco ka qeeyb galka maamulka jubooyinka

·         Waa in ciidamada Kenya Dawrkooda somaliya la cadeeyo waayo wali ma kala cadda in ay yihiin ciidamo ka tirsan Amisom iyo in ay hoos tagaan Dawladda Kenya gar ahaana wasaarada gaashandhiga,

·         Waa in ciidamo boolis ah oo taba baran sida ogu dhaqiinyaha badan loo geeyo magaalada kismayao, si looga badbaado isku dhac u dhaxeeya dadka magaalada iyo maleeyshooyinka ku sugan

·         Waa in magaalada laga saaro Guud ahaan wixii ciidamo ah ee aan ka amar qaadanin Dawlada dhexe ee somaliya isla markaasina loo furo tababaro ciidan oo horseedi kara in la qarameeyo

·         Waxaan hay,adaha Gar gaarka u Baaqeyna in ay Gargaar deg deg ah la gaaran guud ahaan Gobolka gar ahana deeganada ay ka jiraan cuna yarida, sida Degmada buula xaaji, degmada Hoosingow, degmada badhadhe, Beer xaani iyo meel kale oo badan oo dhamaantood ay ka jirto dhibaato xagga nolosha ah

·         Waxaan hay,adaha human right watch iyo Guud ahaan ururada u dooda xuquuqda aadanaha aan ogu baaqeyna in ay Baaritan ku sameeyna Guud ahaan intii ay ciidamada Kenya ku sugnaayeen Gobolka Dacatiyadii ka dhacay oo dhan, Gaar ahaan weeraradii Diyaaradaha Kenya ay ku laa,yeen dad badan oo shacab ah sanadkii hore.

·         Waxaan u ogu baaqeyna xafiiska madaxweynaha, afyeenka barlamaan, iyo raysul wasaaraha in ay magacaaban Gudi baaritan ku sameeya ama Daba gala Guud ahaan dacatiyadii ka dhacay gobolka(Commission of enquiry)

·         Ogu danbeeyntii jaaliyada waxay ogu baaqeysaa dadka ka soo jeedda Gobolada jubooyinka  Midnimo , si looga gudbo loona gaaro cadaalad iyo hormar dhameeystiran

Gunaanadkii waxaa baaqa soo saaray  kuna saxiixan mas,uuliyiinta jaaliyada beesha shekhaal ee dalka koonfur afrika

1:Eng: Bashir Mohamed aden : Gudoomiyaha jaliyada beesha ee koonfur afrka

2: Abdinuur Sheikh Ibrahim

3:abdiwali sheikh abdirahman

4: imaamka beesha shekhaal  abdirahman omar(Buluuq)

5: nabadon ahmed carab isman

6:deeq abdiwali

7:moxiyadin axmed

8:kaat sheikh ismacil

9: sheikh maki haji yusif

10:abdullahi dhinbil

11:basher loojir

12:saxane nuur

13:basher sheikh hussen

14:  Mohamed abadey

15:sadiiq macalim hussen

16: Raage carabow

17: eng ahmed mascuud

18: abdi wali nuux

19:abdi hakim sheikh

By C/risaaq IndhaJaceyl

E-mail : [email protected]

Cell : +277 8342 0920

Daawo Sawirada R/Waasaraha oo la kulmay Haweenka Muqdisho

Halkan ka daawo Sawirada Kulanka Ra’iisul Wasaare Shirdoon uu la qaatay Haweenka Soomaaliyeed talooyinka uu uga dhagaysanayay.

Dowlada Finland oo ku dheggan qaar kamid ah waalidiinta Soomaalida dalkaasi (Aqri waxa lagu heysto)

Dowladda Finland ayaa lagu warramay inay baaritaan hoose ku billaabi doonto qaar ka mid ah Soomaalida dalkaasi, oo loo heysto arrimo la xiriira maqnaanshaha caruurtooda.

Waxaa dhowaan soo shaac baxay warbixino sheegaya in qaar ka mid caruurta Soomaaliyeed ee degan ama heysta dhalashada Finish-ka, loo diro dalka Somalia si halkaasi ay ugu noolaadaan, ayaga oo aan raali ka ahayn.

Safaarada Finland ee Addis-Ababa ayaa waxaa u yimaada sanad kasta caruur iyo dhallinyaro Soomaali ah oo kasoo baxsaday dalka Somalia. Waxa ay badankood doonayaan inay dib ugu laabtaan Finland.

Sidoo kale kiisas badan ayaa muujinaya in qaar ka mid ah carruurtaas looga soo tagay dad ehel la eh waalidkood, xilli ehelkoodana ay ku sugan yihiin Finland, sida baaritaanka dowladda lagu sheegay.

Dowladda Finland waxa ay ku dioday in Somalia aysan lahayn adeeg caafimaad iyo mid waxbarasho oo wanaagsan.

Sida ku cad baaritaan ay sameysay hay’adda League Human Rights ee dalkaasi, sanaddii 2010 ayaa waxaa ugu yaraan 40 caruur ah laga kaxeeyay Finland, ayada oo dib loogu celiyay Somalia.

Ra’iisul Wasaare Shirdon oo Talooyin ka dhagaystay Haweenka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta waxaa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Qaarkamid ah haweenka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa Mid wadatashi ah oo Haweenka Soomaaliyeed Ra’isul Wasaare Shirdoon ay ugu jeedinayeen Talooyin ku aadan Xukuumada uu soo dhisi doono iyo Sida laga rabo inay noqoto.

Kulanka ka dib  ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Cabdi Goobdoon oo ah Afhayeenka Dowlada Soomaaliya isagoo sheegay in Muhiimada kulanka ah uu ahaa Mid wadatashi.

Qadiijo Maxamed Bulxan oo kamid ah haweenkii maanta lakulmay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo saxaafada la hadashay ayaa waxa ay sheegtay in Ra’iisal wasaaraha ay kala hadleyn arimo badan ay kamid yihiin sidii haweenka Soomaaliyeed ay u helilahaayeen xaquuqdooda.

Haweenaydaan ayaa waxaa ay sheegtay inay rabaan in Xukuumada la dhisayo ay haweenka Soomaaliya ay qayb Mugleh ah  ka qaataan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa looga fadhiyaa inuu soo dhiso Xukuumad  tayo leh ,inkastoo wararka ay sheegayaan in Waji cusub ay noqon doonaan raga uu soo xulanayo.

PSG oo iska fogeysay warar sheegayey inay Janaayo dalab u direyso Franck Ribery

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain Carlo Ancelotti ayaa diiday wararka soo jeedinaya in kooxdiisu ay isku diyaarineyso inay bisha Janaayo dalab u dirto ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Bayern Munich Franck Ribery.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Jarmalka, les Parisiens ayaa xiiseyneysay inay soo qaadato Ribery, laakiin tababaraha reer Talyaani waa uu beeniyey arinkaas.

“Xaqiiq ma ahan in Ribery uu imaan karo PSG,” sidaasi waxaa yiri Ancelotti. “Waa ciyaaryahan fiican laakiin ma arko meel uu uga wanaagsan yahay kooxdeena.

“Ciyaaryahano badan ayaan booskiisa u heysanaa, mana dooneyno qof kale.”

Iyadoo uu Janaayo u imaanayo xidiga kooxda Sao Paulo Lucas Moura, oo la isku afgartay inuu bilowga sanada cusub ku biiro kooxda ka dhisan Faransiiska. PSG ayaan weli suuqa ka bixin.

Ribery ayaa Allianz Arena ku sugnaa ilaa 2007dii wuxuuna qandaraaskiisa Bavarians ka dhacayaa 2015ka.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

AS Rome oo u sheegtay kooxaha doonaya De Rossi inuusan marnaba beec aheyn.

Franco Baldini ayaa gaashaanka u daruuray wararka soo jeedinaya in AS Rome ay iibin doonto xidigeeda Daniele De Rossi, wuxuuna ku sheegay ciyaaryahanka mid fure u ah mustaqbalka kooxda.

Wararka xanta ah ayaa 29 jirkaan la xiriirinaayey inuu u dhaqaaqayo Manchester City, laakiin agaasimaha kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga ayaa kasoo horjeestay.

“De Rossi wuxuu noo ciyaari doonaa mustaqbalka, mana iibin doono,” ayuu saxaafada ugu warbixiyey mar uu qabtay shir jaraa’id.

52 jirkaan ayaa sidoo kale ka hadlay tababaraha la qadariyo ee Zdenek Zeman, iyadoo ay kooxdu booska shanaad ka fadhiso Serie A, ka dib markii uu macalinku bishii Juve dib ugu soo laabtay Stadio Olimpico.

“Zeman waa tababareheena, go’aamadiisuna waa inoo fiican yihiin, wuxuuna heystaa ciyaaryahano wanaagsan sida De Rossi iyo [Pablo] Osvaldo,” ayuu ku daray Baldini.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.