25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

PSG oo iska fogeysay warar sheegayey inay Janaayo dalab u direyso Franck Ribery

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain Carlo Ancelotti ayaa diiday wararka soo jeedinaya in kooxdiisu ay isku diyaarineyso inay bisha Janaayo dalab u dirto ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Bayern Munich Franck Ribery.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Jarmalka, les Parisiens ayaa xiiseyneysay inay soo qaadato Ribery, laakiin tababaraha reer Talyaani waa uu beeniyey arinkaas.

“Xaqiiq ma ahan in Ribery uu imaan karo PSG,” sidaasi waxaa yiri Ancelotti. “Waa ciyaaryahan fiican laakiin ma arko meel uu uga wanaagsan yahay kooxdeena.

“Ciyaaryahano badan ayaan booskiisa u heysanaa, mana dooneyno qof kale.”

Iyadoo uu Janaayo u imaanayo xidiga kooxda Sao Paulo Lucas Moura, oo la isku afgartay inuu bilowga sanada cusub ku biiro kooxda ka dhisan Faransiiska. PSG ayaan weli suuqa ka bixin.

Ribery ayaa Allianz Arena ku sugnaa ilaa 2007dii wuxuuna qandaraaskiisa Bavarians ka dhacayaa 2015ka.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

AS Rome oo u sheegtay kooxaha doonaya De Rossi inuusan marnaba beec aheyn.

Franco Baldini ayaa gaashaanka u daruuray wararka soo jeedinaya in AS Rome ay iibin doonto xidigeeda Daniele De Rossi, wuxuuna ku sheegay ciyaaryahanka mid fure u ah mustaqbalka kooxda.

Wararka xanta ah ayaa 29 jirkaan la xiriirinaayey inuu u dhaqaaqayo Manchester City, laakiin agaasimaha kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga ayaa kasoo horjeestay.

“De Rossi wuxuu noo ciyaari doonaa mustaqbalka, mana iibin doono,” ayuu saxaafada ugu warbixiyey mar uu qabtay shir jaraa’id.

52 jirkaan ayaa sidoo kale ka hadlay tababaraha la qadariyo ee Zdenek Zeman, iyadoo ay kooxdu booska shanaad ka fadhiso Serie A, ka dib markii uu macalinku bishii Juve dib ugu soo laabtay Stadio Olimpico.

“Zeman waa tababareheena, go’aamadiisuna waa inoo fiican yihiin, wuxuuna heystaa ciyaaryahano wanaagsan sida De Rossi iyo [Pablo] Osvaldo,” ayuu ku daray Baldini.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Xog dheeraad ah oo aan ka helnay liiska Golaha wasiirada cusub ee Damul Jadiid ay xaabsatay.

Shalay waxaan qornay xog ku saabsaneyd in kooxda damjadiid ee awooda ballaaran ku leh howl socodiisnta dowladda cusub ee uu madaxweynaha ka yahay, Xasan Sheikh Maxamuud Calasoow, ay xaabsadeen wasiiradii ugu muhiimsana Dowladda.

Haddaba waxaan maanta mar kale helnay liis kasii faah faahsan kii shalay oo xog ka badan tii shalay ayaa ina soo gaartay.

Haddaba waxaan idin soo gudibineynaa liiska golaha wasiirada cusub oo inta badan dhameystiran iyo sidoo kale jagooyinka kale ee Damul Jadiid ay qaadaneyso.

Golaha wasiirada

1- R/Wasaare Ku Xigeen, Wasiirka Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska: Ridwaan Xirsi Maxamed (Isaaqa, Garxajis, Habar Yoonis).

2- R/Wasaare Ku Xigeen, Wasiirka Maaliyadda Iyo Lacagta: Siciid C/Laahi Maxamed (Siciid Danni), (Daarood, Majeerteen, Cismaan Maxamuud).

3- Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka: C/Kariin Xuseen Guuleed ( Hawiye, Habargidir Sacad)

4- Wasiirka Cadaaladda, Awqaafta Iyo Arimaha Diinta: Maxamed Nuur Gacal (Hawiye Mururusade, Cabdalle).

5- Wasiirka Qorshaynta Iyo Xiriirka Caalamiga Ah: Jamaal Maxamed Baaroow ( Beesha Shanaad, Jareerweyne), Jamaal ma aha xubin ka tirsan damjadiid laakiin waa aqoonyahan ka mid noqdey xisbigii pdp ee madaxweynuhu madaxda ka ahaa.

6- Wsiirka Waxbarashada , Hidaha iyo Tacliinta sare: Faarax Sh. C/Qaadir Muxumed (Beesha Shanaad, Reer Awxasan)

7- Wasiir U Dowlaha Gaashaan Dhigga: Cabdi Axamed Abtidoon( Hawiye, Habar Gidir, Saleebaan).

8- Wasiirka Beeraha: Aweys C/Laahi Ibraahin (Aweys Qarni) (Digil Iyo Mirifle, Raxanweyn, Xariin).

9- Wasiir U Dowlaha Qorshayna Iyo Xiriirka Caalamiga Ah: Cumar Idiriis (Cumar Dheere), (Hawiye, Gugun Dhabe, Jajeelo).

10- Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta : Maxamed Amiin Maxamed Al Haadi ( Beesha Shanaad, Reer Baraawe, Xaatimi)

11- Wasiir ku xigeenka ganacsiga Dr. Xamdi Cabdi Aar( Daarood, Ogaadeen, reer C/lle).

Jagooyinka kale ee ay qaateen Damul Jadiid ama ay u dhiibeen day ay wataan

1- Gudoomiya Gobolka Banaadir: Xasan Maxamed Xuseen (Muun Gaab) (Abgaal, Wac Buudhan, Celi), ninkan madaxweynaha ayaa diidan inuu jagadaan qabto oo laga soo badalo midda uu hadda hayo maxkamadda ciidamada.

2- Agaasimaha xarunta madaxtooyada: Dr. Maxamed Sh. Cali Doodishe) (Mareexaan, Cali Dheere)

3- Taliyaha ciidamada xoogga dalka: Jen. Cali Ismaaciil Maxamed (Majeerteen, Cali Salebaan).

4- Safiirka dowladda Somalia u fahdin doona dalka Qadar Fahad Muxumed Yaasiin, (Beesha Shanaad, Reer Awxasan), Faarax C/Qaadir ayey jufo hoose yihiin, waana ninka mid ka mid ah amiirada dalka Qatar ka soo qaadey lacagtii lagu laaluushay xildhibanada xiligii doorashada.

5- Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir: c/Xakiin Fareey (Murursade)

6- Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta: Axmed Farax Cali (Idaajaa), (Mareexaan, Reer Diini, Reer Siyaad), lama oga inuu idaajaa aqbalay xilkan iyo in kale laakiin waxaa u ololeynaya fahad yaasiin oo ay saaxib yihiin.

NAQDIN: Soo caan-bixiddu ma inaad saaxiibadaa aflagaadeysaa…?!!

Dadka adduunyo u saaxiibka ah inta badan waxa ay raadiyaan magac iyo maal, labadaasi arrimoodna sida lagu helaa waxay ahaan jireen si adag, balse sanadahan dambe way iska fududaadeen.

Haddii aad dooneyso inaad magac yeelato sida aad ku yeelataa waa wax iska sahlan, kaliya waa inaad la xiriirtaa warbaahinta oo aad hadafkaada sax iyo qalad wuxuu ahaadaba ku gudbisaa ama aad samaysaa wax la yaab leh, markaas ayaad noqon kartaa qof magac leh oo caan ah.

Haddii aad ka hadasho Telefishin, Idaacad ama warkaada lagu qoro wargeys caan ah si fudud ayaad ku noqoneysaa shaqsi caan baxay oo magaciisa la sheeg-sheego.

Qormadan waxay dulucdeedu tahay oo aan uga gon leeyahay inaan ku hoga tusaaleeyo wariyihii dhawaan qoraal uu ku dacaayadeynayo wariyeyaasha dhigiisa ah ku soo bandhigay wargeys ka soo baxa dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo The Guardian, isagoo wariyeyaasha Soomaaliya ka howl gala ku tilmaamay kuwo iyaga is ugaarsada oo dilalka isu geysta, kuwo aan aqoon lahayn iyo kuwo laaluush qaatayaal ah.

Weriyahaasi ujeeddadii uu ka lahaa qoraalkaas waxay ahayd oo kaliya inuu soo caan baxo oo warkiisa la naqdiyo, hebellaa waxaas iyo waxaas sheegay la yiraahdo, mudaaharaadyo isaga ka dhan ah la qabto, maqaalo in laga qoro oo laga daba qaato, wareysiyo lala yeesho, si todobaadkaas isaga uun loo hadal hayo, taasina way dhacday oo waa tan qormadiisa laga bannaanbaxay, maqaallana laga qoray, isagana wax laga weydiiyey, welibana uu ku sii adkaystay gefkiisa, sidaasina waa siduu isagu doonayay una sii bidhaamisay caan bixiddiisa.

Sida la ogsoon yahay Weriyaha falkaas sameeyay lagama yaqaano gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna rabay in qormadaas uu ku soo caan baxo oo Soomaaliya laga barto maadaama uu u shaqeeyo Channel Soomaaliya aan sidaa looga aqoonin, badiyaana aysan dadka Soomaalidu daawan, siduu doonayayna way u ahaatay oo todobaadkan isagaa saaran masraxa saxaafadda oo magaciisaa la sheeg-sheegayaa.

Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa wuxuu aad u jeclaaday gabar, dedaal badan ayuu u sameeyay sidii uu gabadhaasi mar uun ula kulmi lahaa, markii uu fursad u helay lakulankeeda ayaa waxay ku tiri “Anigu kama helo ragga aan caanka ahayn” isagoo qushuucsan ayuu isaga soo tagay gabadhii, wuxuuna ku fakaray in uu sameeyo qorshe uu caan ku noqdo, kolkaas ayaa waxa uu soo qaatay bastoolad, wuxuuna si dirqi ah ku galay xafiiskii Madaxweynaha Mareykanka, wuxuuna lugta kaga dhaawacay Bastooladdii, kadib warbaahintiyoo dhan baa ninkii raadisay, sawirradiisaa Telefishinnada iyo wargeysyada lagu soo wada daabacay, raadiyeyaashaa hadal heyntiisa badiyey, sidaasna uu caan ku noqday, isaguna wuxuu saxaafadda u sheegay in uusan dooneynin inuu madaxweynaha toogtee uu doonayay kaliya inuu noqdo qof caan ah oo magaciisa la hadal hayo, taasna ay ku xambaartay sida uu yiri gabar uu jeclaaday oo ku tiri qof caan ah ma tihid.

Haddaba dadka doonaya in ay dunida caan ka noqdaan mid waliba wax buu sameeyaa si loogu qoro buuggaagta lagu diiwaan-geliyo dadka caanka ah ama warbaahinta looga sheeg-sheego, marka wariyahan qaldamay markii uu dhan kastaba wax ka dayay oo uu si kastaba u fakaray waxa ay la ahaatay in sida uu ku soo caan bixi karaa oo saxaafaddu u buun-buunin kartaa, Soomaaliyana looga baran karaa ay tahay in saaxiibadiisa ku mihnadda ah uu wax ka sheego.

Inta uusan saxafigani qalinka u qaadan qormadaas uu ku aflagaadeeyay saaxiibadiis ma isweydiiyay in waxa ay saaxiibadiis yihiin uu isaguna yahay ileyn horaa loo yiri “Qofka aad sirtiisa bixin weyso saaxiibkiisaa la dayaa”, marka haddii aad xumaan ka sheegtay saaxiibada aad isku shaqada tihiin ogow adiguna waxa aad tahay waxa iyagu yihiin (wanaag iyo xumaanba) ileyn magaca aad wadato waa saxafi kan iyaga ay wataana waa saxafi, wax aad ku kala beddelan tihiina ma jirto wariye ayaad tahay iyaguna waa wariyeyaal, misana waa suuragal inaad is tiri adigu waxaad u shaqeysaa Chanel.4-TV oo saxafiyiinta Soomaaliyeed waad ka darajo iyo qiimo sareysaa, kana mushaarad badan tahay..?!!.

Sida muuqata weriyaha qoraalka meel-ka-dhaca ah ka qoray wariyeyaasha dhigiisa ah kolay ma aha mid uu ka fiirsaday, waayo ma jiro qof isaga is ceynaya, dad isku mihnad ah oo isku shaqo ahna cadow isuma noqdaan, cadowga kaliya ee ay leeyihiina waa midka dilaya, dhaawacaya, gowracaya, qaraxyadana la beegsanaya.

Dhanka kale qarashaadka uu ku sheegay laaluush oo wariyeyaasha Soomaaliya ka howlgala ay qaataan ma ahayn inuu ereyga laaluush adeegsado, waayo qof waliba waa uu ka dheregsan yahay dhibka, tasiilaad-la’aanta iyo mushaar-yarida ay ku shaqeeyaan wariyeyaasha Soomaaliya ka howlgala, qarashaadka ay ka qaataan dadka ay warbixinnada ka diyaarinayaana waa mid dadka wax laga qorayo sida mas’uuliyiinta iyo kuwa xafladaha qabsanaya ay wariyaha u gartaan si ay uga dhigtaan baabuur-raac ama biyo-cab, marka waxaa haboonayd in wariyuhu isweydiiyo inta uusan qalinka u qaadan qormada gefka ah maxaa u sabab ah oo ku xambaaraya in wariyeyaasha Soomaaliya ka howlgala ay lacagtaas qaataan adiguba ma qaadatide, waxa weeye adigu lacag adag ayaad ku shaqeysaa oo waxaad ku sugan tahay oo aad ka howl gashaa waddan xuquuqda shaqaalaha laga dhowro iyo waddan horumarsan, balse ogow wariyeyaasha Soomaaliya ka howlgala ma helaan tasiilaad iyo mushaaraad ku filan, taasna waxaa ugu wacan dalka Soomaaliya oo aanay ka jirin kala dambeyn iyo tixgelin, qofkuna maba helo waxa uu xaqa u leeyahay, marka maadaama aysan helin wariyeyaasha Soomaaliya ka shaqeeya mushaaraad ku filan ama tixgelin gaar ahaaneed ma aha inaad ku aflagaadeyso kista baabuur raaca loo siiyo, waxaadna ogaataa haddii mushaar ku filan la siin lahaa inaysan qaateen waxa aad aad ku dacaayadeynayso.

Midda kale ogow mar waliba wariyeyaashu ma qaataan qarashaadkaas aad ku aflagaadeynayso, tusaale marka ay war ka diyaarinayaan, Madaxweyne la doortay ama Ra’iisul wasaare la magacaabay, wasiirro lagu dhawaaqay ama shil dhacay lacago ma qaataan oo waa war ay iyagu u baahan yihiin, sidoo kale marka ay war ka diyaarinayaan meel masiibo ka dhacday, sida dab kacay, dad la dilay ama la dhaawacay, dad barakacay oo dhibaateysan ama dad xaalad murugeysan ku sugan dadkaas lacag miyey ka qaataan?, jawaabtu waa iska caddahay oo waa maya, marka ogow warku waa mar aad adiga u baahan tahay iyo mar qofka laga diyaarinayo u baahan yahay, marka mas’uul doonaya in warkiisa la shaaciyo ama urur iyo xisbi doonaya in la buunbuuniyo iyagaaba diyaar la ah bixinta qarashaadkaas oo iyagana warkoodaa loo sii deynayaa, wariyeyaashuna waxay ka helaan bas raac, taasna ma aha xumaan haddii aan xumaan laga dhigeynin.

Marka weriye Jamaalow kolay gefkaada qaadan meyside waxaad ogaataa caan bixiddii aad ku doonaysay inaad wariyeyaasha saaxiibadaa ah aad ku kasbato way kaa fashilantay waxaadna ku sameysatay cadaawad saaxiibadaa ah, adiguna maalmo uun bay saxaafaddu ku sheegsheegaysaa, anaguna haddii aanu nahay wariyeyaasha Soomaaliyeed ee aad u geftay anagaa is raali-gelinayna, inta ogsoon dhibka aad ku shaqeynana way inoo garaabaysaa, adigana waxaan kuu arkaynaa wariye caan bixid doonayay oo fashilmay sabab kastaba hakugu xambaartee.

Qalinkii: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Nin kufsaday gabar Soomaaliyeed maxaa lagu aamini karaa?

Ma ciidanka dawladbaa mise waa cadawga dawlada?

Marka dhagahaagu kusoo dhacaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaad dareemaysaa farxad, waxaad dareemaysaa kalsooni, waxaad dareemaysaa neecow gobanimo,

Waxaad dareemaysaa awood aad ku kalsoonaan karto oo kaa difaaci kara cadawga umada Soomaaliyeed, rag fara badan oo sharaf badan bulshada ku dhex lahaa kana tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya,ayaa u naf waayay difaaca sharafta iyo karaamada umada Soomaaliyeed, burburkii ku yimid kow iyo sagaashankii ciidamadii qaranka wuxuu nabaday, dhibaatooyin badan oo aan lasoo koobi karin, umada Soomaaliyeed mar walba waxaa laabtooda ku taagnaa in ay helaan ciidan qaran oo badbaadin kara sharaftooda umadnimo.

Runtii askariga dhabta ah ee xalaal quudadka ah wuxuu qabtay howl dhaxal gal ah, maalin walbana dhaayuhu waxeey arkaan ama dhaguhu maqlaan, horumar balaaran oo ay gaareen ciidamada qaranka, bad dhanse waxaa qurmiya hal kaluun ah, taasoo macnaheedu yahay, kuwo fara kutiris ah ee haybadii iyo karaamadii ciidanka ka door biday, bililiqaysi iyo kufsi, kuwaasi ma garan karaan xilka dhabarka u saaran iyo sida ay u gudan lahaayeen.

Waxaan u sheegi lahaa ninka sheeganaaya ciidan qaran hadana fara xumeeynaaya gabar Soomaaliyeed, walaashiis, hooyadiis, inanta uu dhalay iyo tii u dhixi lahaydba wuxuu baday ciil wuxuuna u gooyay xeer aad u xun mana mudna in laguugu sheego xooga dalka, waayo magacaas waxaa qaadan kara qof xalaal ah.

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan ciidamada qalabka sida in ay u istaagaan,sideey isaga dhex qaban lahaayeen la harka magacooda iyo mansabkooda dilaaya, isla markaana u arkaan cadowga ugu wayn oo ay leeyihiin midkaas aan iimaanka lahayn.

Hadaase iska qaban weeydaan oo aad dhowrataan dhiigiina daadanaaya ee aad u hurteen dalkiina iyo dadkiina, wuxuu noqon doonaa mid iska daata oo aydaan wax sharaf ah ku heli doonin, waa ineey idin dhibtaa hadalka xanuunka badan ee ah ciidamada dawladaa gabadh Soomaaliyeed kufsaday, wax aad qadan kartaan yay noqon.

Waxaan ugu baaqayaa dawlada cusub ee Soomaalieed, in ay gacanteeda koowaad saarto, cadawga gudaha, ee bulshada gudaheeda ku dhex wada bililiqada iyo kufsiga. Tan labaadna kuwa diidan in ay Soomaaliya dawlad yeelato, waayo kaas wuxuu dilaayaa karaamadiina iyo sharaftiina, hadii aan maqalno ciidamada qarankaa magaaladaas qabsaday, waxaan dareemaynaa in dawladu qabsatay magaalo hor leh, hadiise aan maqalno ciidamada dawladaa gabar kufsaday, maxaan u qaadanaa?. Waxaan idinkula talinaayaa in aad xooga saartaan difaaca shacabka, oo aad aad uga xanuunsataan waxa uu falaayo damiir laawaha.

Ciidan dawladeed ma aha waa cadawga dawlada. Wax lagu aamini karana mal aha kan kufsanaaya gabdhaha Soomaaliyeed. Hadaba waxaan ka codsanaynaa dawlada Soomaaliyeed doqnada wax magaradka ah in ay ka qaado talaabo aad u xanuujisa.

Waxaan codsanaayaa in la, iga cafiyo wixii qalad ah ee iga dhacay, ogoow waxaan ahay wanaag doon.
W/Q: Abwaan C/llaahi Bashiir Nuur [email protected]

Wariye Tuuryare oo Xaaladiisa Caafimaad ay ka soo raynayso.

Xaalada Wariye ka howlgala Mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho oo xalay kooxo hubaysan ay dili rabeen ayaa saakay taafaasiil ay ka soo baxaysaa sida xaalkiisu yahay.

Wariyahan oo lagu magacaabo Maxamad Maxamuud Tuuryare oo ka howlgala Idaacada Shabelle ayaa waxaa la dhaawacay Xili uu ka soo baxayay Masjid ku yaala Xaafada Xaawo Taako ee degmada Wadajir.

Kooxo hubaysan ayaa waxaa ay wariyaha kala dhaceen risaas qaybta sare ee jirkiiisa kadibna waxaa loola cararay Cisbitaalka Madiina.

Shaqaalaha Shabakada Caasimada oo booqday Cisbitaalka ayaa waxaa u suuragashay inay ogaadaan in Xaalka wariyaha uu wanaagsan tahay.

Dhiig badan ayaa lagu shubay Xalay maadama uu dhiig baxay balse Xaaladiiisa Caafimaad ayaa aad u fiican .

Lama Oga cida dili rabtay Wariyaha cid sheegatayna majirto weerarkaas.

Beelaha Cali Saleebaan oo bayaan adag kasoo saaray xukun kororsiga Faroole uu wado (Arag Bayaanka)

Beelaha Cali Saleebaan ee Majeerteen ayaa ka soo hor jeestay xukun kororsi ay sheegeen inuu isku dayayo madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Shir ay isugu yimaadeen waxgaradka, Aqoonyahano,Siyaasiyiin, Nabadoon iyo ganacsato waxay  si weyn ugu dhaliileen maamulka Faroole in uu Puntlnad u horseeday fashil siyaasadeed, mid dhaqaale  iyo  adeeg bulsho intaba waxayna si weyna uga soo horjeesteen wakhti kororsiga halka sano ah oo uu quudaraynayo Faroole.

Halkan ka arag bayaankii ay Beesha soo saartay.

Nicky Butt oo doonaya inuu noqdo tababare, xilli loo maleynaayo inuu bedeli doono Ferguson.

Ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe uga ciyaari jiray kooxda Manchester United Nicky Butt ayaa loo saadaalinayaa xilalka tababarenimo, wuxuuna ujeedkiisu yahay macquul ahaanshiyaha macalimiinta mustaqbalka.

37 jirkaan ayaa waayo caan ku ahaa maaliyada United, wuxuuna 1992 ka mid ahaa halbowlayaashii kooxda dhaqaajin jiray sida Gary Neville, Paul Scholes iyo David Beckham, 387 kulan ayuuna u saftay inta uusan 2004tii u dhaqaaqin Newcastle United.

Sir Alex Ferguson ayaa sheegay inuu Nicky helay fursadiisa tababarenimo uuna dhameystay cashiradiisii wuxuuna sheegay inuu ku socda wadada maamulka.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Luca Toni oo Pep Guardiola kula taliyey inuu tababare u noqdo Bayern Munich (Aqriso)

Luca Toni ayaa daaha ka qaaday inuu Pep Guardiola doonayo inuu mustaqbalka leyliyo Bayern Munich, wuxuuna ninka reer Talyaani ugu baaqay tababarihii hore ee Barcelona inuusan ka daahin kooxah ka dhisan Germany.

Weeraryahanka kooxda Fiorentina ayaa wax badan lasoo ciyaaray tababarihii hore ee Blaugrana waxayna labadoodu soo wada jirteen maaliyada Brescia, Guardiola oo dhamaadkii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ka tegay Barcelona ayaa ku jira wadadiisa uu ku raadsanaayo koox kale.

Weeraryahankii hore ee xulka Italy ayaa u sheegay majalada Bild: “Wuxuu wax iga weydiiyey Bayern. Waxaan u maleynayaa falsafad ahaan waaba kooxda uu jecelyahay.

“Waa tababare wanaagsan, kaasoo kooxda u noqon kara leyliye dhab ah. Wuxuu ka heytaa kubada Jarmalka xaqiiqooyin fiican.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Afar koox oo Ingiriis ah oo isku heysta Klaas-Jan Huntelaar.

Klaas-Jan Huntelaar ayaa noqon doona weeraryahan lala xiriiriyo Emirates Stadium wuxuuna holac kusii shiday xiisihiisa ku aadan inuu mar uun ka ciyaaro Barclays Premier League.

Arsenal ayaa wajihi doonta Schalke 04 kulan ka tirsan Champions League waxayna kooxda ka dhisan England qiimeyn doontaa xaalada 29 jirkaan u dhashay dalka Holland.

Wuxuu xor u noqon doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka inuu ku biiro kooxdii uu rabo, waxaana Huntelaar si aad ah u doonaya Tottenham, Chelsea, Liverpool iyo  Arsenal.

Xidigii hore ee kooxaha Ajax, Real Madrid iyo AC Milan ayaa laba sano ka hor u baqoolay dalka Germany, wuxuuna markaas Milan kaga dhaqaaqay 10 milyan oo euro.

Wuxuuna diiday wax walba oo uu qandaraaska ugu dheereyn karo Schalke, waxaana loo ogolaan doonaa Janaayo inuu ku biiro kooxdii uu rabo.

Tayadiisa kubada cagta ayaan aheyn mid muran ka taagan yahay sida uu qabo tababaraha xulka Holland Louis van Gaal: “Huntelaar waa ciyaaryahanka ugu fiican inta ku qoolaaban diilinta sideed iyo tobnaad (Aaga Rigoorada).”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Inter Milan oo Guushii 4aad oo isku xigta Catania ka gaartay

Inter Milan ayaa 3 dhicbood oo Nadiif ah waxa ay ka heshay Kooxda Rolando Maran ee  Catania oo ka mid ah Naadiyada ka ciyaaraha  Horyaalka Seria-da  dalka Talyaaniga.

Ciyaartii ka dhacday Garoonka Guzeppe Mezze ee Magaalada Milaano waxaa ku Gacan sareysay Kooxda Internazionale oo marti loo ahaa.

inkastoo Naadiga Catania ay  abuuray Fursado badan Dahabi ah balse uma suura gelin ay Gool ka dhaliyaan shabaqa kooxda Inter .

Guusha ay Maanta gaartay kooxda Inter Milan ayaa waxa uu bilow fiican u yahay Macalinka Da’da yar ee Naadigaasi, waana Guushii 4aad oo isku xigta oo ay Gaaraan.

Goolkii 1aad ee Inter waxa uu dhashy qeybtii hore ee Ciyaarta waxeyna ugu Mahad celinysaa xidigooda Antonia Cassano sidoo kale  Rodrigo Palacio oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa hurdada u diray naadiga ka dhisan Garoonka Stadio Angelo Massimino, ee Gobolka Sicilia markii uu isna dhaliyay Goolkii 2aad ee Inter ay ku Badisay .

Dhanka kale ciyaartaan ayaa waxa ay Laheed xiiso Gooniya markii loo eego kulamada kale maxaa yeelay waxaa Garoonka ku so bilowday 13 ciyaaryahan oo Argentine ah oo u ciyaara labada kooxood.

si Kastaba Inter ayaa waxa ay 18 wadagaaan haatan kooxda kaalinta seddexaad ee Lazio kuwaasoo xalay ka badiyay AC Milan.
Cabdiqani Cali Dalmar
[email protected]
Caasimada-Switzerland 


Oktoobarey Sidu, Sidii Ma aha!!

(Maqaal Xiiso Badan)

Maansayahanka iyo Hal Abuurka Soomaalida in badan ayaa Qoraaladooda iyo Suugaantoodaba ay ku cabiran xaalado Taagan, kuwa la soo dhaafay ama imaan kara Mustaqbalka taasoo sida ay u saadaaliyaan ama ay u sheegaan ay wax u dhacaan in kastoo wixii Qeybka ah ama Binu’aadmka ka Cilan uu garan karo oo keliya Allihii Subxaana wa tacaalaha ahaa ee isagu ah karaha wax walba oo qeeybka ah.

Manta waxa ay ku began tahay 21ka Oktoobar waana seddax iyo Afartan Guuradii ka soo wareegtay maalintii Kacaankii Oktoobar uu talada dalka Soomaaliya la Wareegay.

In badan ayaa Dadka wax Naqdiya Dhaliilo aad u fara badan u jeediyeen Kooxdii Ciidamada ahayd eeTalada dalkaas boobtay sanadkii 1969kii iyagoona ku sheegay inuu ahaa Kacaan Taladii Dalka ka fara Maroorsaday Xukuumaddii Rayidka ahayd ee Doorashada ku timid.

Maamul sidiisaba markii uu yimaado wuxuu la yimaadaa Saameyntiisa xumaan iyo samaanba leh Kacaankii Oktoobar marka aan taariikhdiisa dib u raacno labadaba waa lahaa Samaan iyo Xumaan, maxaa yeelay Saraakiishii ka tirsaneed Ciidamada qalabka sida ee Xiligaas talada Dalka gacanta ku dhigay ayaa durbaba soo ban dhigay illaa Seddax iyo Toban qodob oo ay ugu magic dareen Chartarkii ay Dalka ku hoggaamin lahaayeen.

Chartarkaas ay soo saareen ayaa lix ka mid ah waxa ay ahayd Siyaasadooda arrimaha gudaha halka Todobada kalena ay ku cadeed Siyaasadooda arrimaha Dibadda

Runtii Kacaankii Oktoobar Todobadii Sano ee u horeeyay wuxuu ku tallaabsaday arrimo wanaagsan haddii ay ahaan lahayd qarameyntii Kacaanku qarameeyay Shirkadihii Shisheeye, qoristoo afka Soomaaliga, ka hor taggii Abaartii Daba Dheer eek u dhufatay Gobolo ka tirsan Soomaaliya.

Kacaanku sidoo kale wuxuu ku tallabsaday Sanooyinkaas Dhismayaasha Mashaariic fara badan oo ay ku jireen Dugsiyo, Waddooyin, Isbitaalo, Warshado. Beero iyo Degmooyin Cusub oo dalka laga hir geliyay, sidoo kale kacaanku wuxuu Shaqo u abuuray Boqolaal Dhallinyara ah gaar ahaana Dhallinyaradii ku Hanti beeshay Abaarihii Dalka ku dhuftay Dhallintaas oo loo jiheeyay dhinacyada wax soo saarka Kalluunka iyo qodoshada Beeraha, Barnaamijkii Karaash Borogaraam oo Dhallinyaro fara badan oo Shaqooyin ka helay barnaamijyadaas oo dhamaantooda ahaa kuwo ay ka faa’ideysteen Dhallinyaro aad u fara badan oo Soomaaliyeed.

Waxaa wanaagga la xusi karo ee Kacaanku qabtay ka mid ah Ardeydii Kumanaanka gaarayay oo sanad walba ka soo qalin jabin jirtay Dugsiyadii sare ee dalka oo dhamaantooda la hawl gelin jiray ugu yaraan laba Sano oo Shaqada Qaranka ah, shaqadaas kaddibna Ardeydu ama waxa ay heli jireen Shaqo ama wax Barasho heer Jaamicadeed ah taasoo meesha ka saareysey in dhallinyaradu Dalka dibadda uga yaacaan marba haddii shaqo ama wax barasho ay ka helayeen dalkooda.

Kacaanku wuxuu kaloo xoogga saaray mideynta Somali weyn oo uu dhaxda u xidhay sidii Sedexda Gobo lee Soomaaliya ka maqan loo soo xero gelin lahaa, isagoona ku guulaystay Ol oleyn dheer kaddib in Jabuuti ay Xorowdo halka Dagaal gacan ahna uu ula tegay Gumaysigii haystay Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay gumaysato iyadoona la Xasuusto wacdarihii iyo Casharkii lama ilaawaanka ahaa ee la siiyay Ciidamadii Itoobiyaanka oo xiligaa ka hor isku haystay in ay yihiin Aarkii Afrika iyo dharbaaxyadii ay ku dhufatay Soomaaliya runtiina waa meelaha Muwaadinka Soomaaliyeed marka uu soo xasuusto uu qiiro la beer Fuurayo waan qayb ka mid ah qaybaha lagu amaani karo kacaankii Oktoobar.

Dagaalkii 1977kii kaddib waa bilaabashadii bur burkii Soomaaliya, hase yeeshee qormadan ma aha mid aan ku wada amaanayo oo keliya Kacaankii Oktoobar balse waa uu jiray Dhaliilo sida aan hor dhaca maqaalka aan ku sheegayba ee uu lahaa kacaanka.

Waxyaabihii lagu dhaliili jiray Kacaankii Oktoobar waxaa ka mid ahaa Naas Nuujinta Qabiilka, Musuq maasuqa, tacaddiyo la gaystay xiligaas sed buursiinayo uu ku shaqaynayay taliska, taasoo keentay in Kooxo Ciidamada ah ay Gadoodaan Jabhado Hubaysana abaabulaan si ay ula dagaalamaan Kacaanka Oktoobar oo ay u arkayeen inuu yahay Kacaan u sii Xuub siibanayay Nidaam Boqortooyo.

Kacaanku wuu Ogooday inaan markan wax jacayl ah loo hayn isla markaana si wanaagsan looga soo hor jeedo Nidaamkooda siiba xilliyadii u danbeeyay ee uu Kacaanku sii dumayay oo Fanaaniinta Soomaaliyeed ay qaadeen Suugaanta ah “Oktoobareey Sidu Sidii Ma Aha” taasoo markii la qaadayay la joojiyay Xuskii 21ka Oktoobar oo Sanad walba loo soo ban bixi jiray Damaashaadka maalintaas isla markaana lagu bixin jiray Malaayiin Lacaga ah oo maalintaa lagu weeyneynayo.

Mudadii Labaatanka Sana ahayd ee uu Kacaanku jiray lama arkin Sanad keliya ee ay baaqatay Xuska 21ka Oktoobar hase yyeshee Oktoobareey sidu sidii ma aha waxa ay sawirtay in Kacaanku sidiisii hore ahayn bur burkiisiina uu soo dhawaaday taasoo ugu danbayntiina meesha ka saartay ka gadaal markii Jabhadihii gadoodsanaa ay Kursiga ka Tuureen kacaankii mudada labaatanka sana ah Talada dalka hayay.

Runtii in Talisku meesha ka baxo si weyn ayaa loogu diirsaday loona rajeeyay in la helayo maamul kaa ka wanaagsan oo Shacabkii Dulmiga ka cabanayay ay ku raayaan uu meesha yimaado la mood noqonse weeydey.

Kacaankii Oktoobar waxaa bedelay Labatan sano oo hor leh Dil, Kufsi, Bara kac, Baahi, Baaga Muundo, Qax jah wareer ayaa magan loo noqday, Nidaamkii dawladnimo ee jiray ayaa gebi haanba la rogay, horumar baa la gaaray, dib u dhacna waa jiray Xaalad aan la garanayn ayaa Soomaaliya ki bilaaban tay, Dagaalo aan dhamaaneyn, Koox Koox Ceeyrsanaysa, Kursi la isku haysto, is af garad la’aan Khilaafyo iyo Shirar aan dhamaansho lahayn intaas oo dhan waxa ay noqotay Natiijadii ka dhalatay af Genbigii lagu sameeyay kacaankii Oktoobar.

Horumarka la gaaray waxaa ka mid ah Ganacsi jaantaa furan ah Tacliin jaantaa furan, Shaqooyin jaantaa furan ah iyo inuu qof walba siduu doono u dhaqmo xitaa laamiga bartankiisa uu ganacsi ka furan karo ama Goobihii Dawladda lahayd uu sheegan karo inuu isagu xaq u leeyahay inuu dhisto ama Kireysto Shuruuc aan hore loo arag iyo wax kasta oo la yaab ku noqon kara qofkii soo arkay maamul wanaag iyo Nidaam Dawladnimo oo jiray uu la yaabayo.

Oktoobareey Seddax iyo Afartan Sano kaddib Sidu Sidii ma aha oo Xaalka Soomaaliya ayaa manta waxa uu marayaa “Ka Dar oo Dibi Dhal” marar badan ayaanan arkay Dad leh Kacaankii ayaaba noo wanaagsanaa.

Isku soo duuboo qormadeydan waxaa ku soo gaba gabeynayaa Soomaalidu waa in ay dib ugu noqotaa sidii ay ahayd Islaanimadii, Wanaaggii, walaalnimadii Waddaniyaddii isku duubnidii Alle ka Cabsigii markaas ayaa laga yaabaa in ay gaaraan waxa ay doonayaan oo ah Nabad, Horumar, wadajir iyo Dalkan Barwaaqadu Jiifto haddana laga wada baahan yahay dibadna looga cararayo, Ilaaheeyna waxaan ka baryayaa inuu Iimaanka noo sugo, Barwaaqada Ciideena iyo Biyaheena dhex ceegaagtana uu na Tuso… Oktobareey Sidu Sidii ma aha ayaan ku Xusayaa Maanta oo ah 21kii Oktoobar.

W/Qorey Ustaad Aadan Macalim Aadaamo
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Dhageyso: Arooska iyo Aroosaddii qarax lagu weeraraay xafladooda oo ka sheekeynaya dhacdadii qabsatay.

Bam gacmeed ayaa xalay lagu weeraray xaflad aroos oo ka socotay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, laba maalmood ka hor halkaasi oo dad badan ay wax ku noqdeen..

Arooskii iyo Aroosada oo lagu magacaabo Maxamed Maxamud Kaa dheeri iyo Farxiya Cabdi Cigaal,ayaa ka bad-baaday weerarkaasi, balse waxaa ku dhawacamay ku dhawaad 20 qof oo afar ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay.

Haddaba arooska iyo aroosadda ayaa wareysi siiyay Idaacadda VOA, ayaga oo ka sheekeynaya wixii qabsaday.

Dhageyso wareysiyada arooska iyo aroosada

DEG DEG: Wariye ka tirsan Shabelle oo lagu dhaawacay Muqdisho.

Kooxo hubaysan ayaa goor dhow Wariye ka Tirsan Idaacada Shabelle waxaa ay ku weerareen Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxay warar kala duwan.

Wararka intooda bada ayaa sheegaya in weriyaha uu weli nool yahay balse dhaawac xun uu gaaray.

Weerarka Wariyaha ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay Xaafada Xaawo Taako ee degmada Wadajir waxaana kooxo hubeysnaa ay rasaas madaxa ay kala dhaceen weriyaha

Wariyaha ayaa lagu magacaabaa  Maxamad Maxamuud Tuuryare.

Kooxahan ayaanan la qaban oo goobta ka baxsaday markii uu dilka dhacay waxaana Isagoo dhaawac ah lala cararay Cisbitaalka Madiina oo hada warar is qilaafsan ay ka soo baxayaan.

Man City oo Janaayo 46 milyan oo ginni kusoo qaadaneysa Radamel Falcao (Warbixin)

Manchester City ayaa diyaarineysa dalab 46 milyan oo ginni ah oo ay Chelsea kaga dul qaadeyso gool ma gefaha kooxda Atletico Madrid Falcao.

26 jirka weerarka ka ciyaara ee u dhashay dalka Colombia, ayaa 11 gool dhaliyey todobo kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkaan, waxaana si aad ah loola xiriirinaayey kooxaha ugu tunka weyn Yurub.

Chelsea ayaa isku diyaarineysay inay la kulanto ciyaaryahanka kasoo sedaxleey ka dhaliyey markii uu ku wajahay European Super Cup, laakiin hujuunka ay u dirtay Man City Carlo Cancellieri ayaa daaha ka qaaday inuu tababaraha Sky Blue Roberto Mancini uu sidoo kale xiiso u qabo weeraryahankii hore ee kooxda Porto.

City ayaa horay loola xiriirinaayey weeraryahanka kooxda Fiorentina Stevan Jovetic. Laakiin Cancellieri ayaa hoos u dhigay fursad uu ugu soo wareegi karo Etihad Stadium.

“Isaga [Jovetic] waa ciyaaryahan aan xiiseyneyno, wuxuu leeyahay tayo. Laakiin weerarka City inta badan waa uu wanaagsan yahay waxaan ku farax sanahay heysashadeena Tevez, Aguero iyo Balotelli.” Ayuu u sheegay tuttomercatoweb.com.

“Intaa waxaa sii dheer, waxaan rumeysanahay in ciyaartoydeenu ay ka wanaagsan yihiin Jovetic. Waa ciyaaryahan fiican, balse ma ahan mid isbebel sameyn kara sida Falcao.

“Waxaan dhowaan arinkiisa kala hadlay Mancini. Hadii aan ciyaaryahan soo qaadan karno Janaayo, waxaan soo qaadan doonaa Falcao. Waa ciyaaryahan muhim inoo ah, waana ciyaaryahanka keliya ee hugaanka noo dhiibi kara.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Chelsea oo 25 milyan ku dooneysa xidiga qadka dhexe ee Barcelona Sergio Busquets

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa diyaar u ah inuu 25 milyan oo ginni kusoo qaato xidiga qiimahaas u qalma ee Barcelona qadka dhexe uga ciyaara Sergio Busquets.

Abramovich ayaa fikir guud ka qaba 24 jirkaan qadka dhexe wuxuuna rumeysan yahay inuu kasoo kexeysan karo Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan, isagoona u hanqal taagaya inuu noqdo saxiixiisa koowaad, sida uu qoray wargeyska The People.

Busquets ayaa loo qiimeeyaa bur-buriye aad ugu fiican xalinta qadka dhexe iyadoo ay Chelsea sii weyneyso halyeeygeeda qadka dhexe ku gaamuray Frank Lammpard kaasoo da’duna ka daba timid dalabyana ka helaaya kooxda Mareykanka ka dhisan ee LA Galaxy.

Waxayna taasi wado u fureysaa inuu Segio bisha Janaayo usoo dhaqaaqo kooxda ka dhisan galbeedka London ee Blues.

Manchester City ayaa iyaduna halgan ugu jirta laakiin horaan ayey beenisay inay dalab u dirtay waana sababta loo arko inuu Busquets usoo dhaqaaqo kooxda heysata Horyaalka Yurub.

Abramovich ayaa doonaya inuu kooxda London ka hirgeliyo qorshihiisa da’yarta wuxuuna xidiga heerka caalami ee dalka Spian u arkaa mid booska kala bixi kara Jon Obi Mikel.

Barcelona oo heysata xidigo qadka dhexe ka ciyaara oo tayo leh sida Thiago Alcantara ayaa loo badinayaa inaysan halgan sidaas ah u geli doonin inay ceshto xidigaan.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Liverpool oo isha la raaceysa xidiga qadka dhexe ee Schalke 04 Lewis Holtby.

Liverpool ayaa xoogeeda oo dhan isugu geyn doonta sidii ay kula soo wareegi laheyd da’yarka kooxda Schalke 04 Lewis Holtby waxayna doonayaan inay 22 jirkaan ku helaan beeca xorta ah xagaaga soo aadan.

Shabakada Goal.com  ayaa ogaatay in Reds ay isha ku heyso inay Janaayo soo qaadato Holtby, ka dib markii ay xiiseheeda u bandhigtay xidiga qadka dhexe uga ciyaara kooxda ka dhisan Bundesliga, kaasoo aabihi uu kasoo jeedo gobolka Merseyside.

Schalke ayaa la ogyahay inuusan damac badan uga jirin sii heysashada ciyaaryahankii hore ee Alemannia Aachen waxayna u arkaan mid ku eg ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana la faham san yahay inay ku doonayaan 7 milyan oo euro una dhiganta 5.5 milyan oo ginni, hadii aysan iska iibin Janaayo wuxuu xor u noqon doonaa inuu ku biiro kooxdii uu doorto.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Salomon Kalou oo amaan kala dul dhacay milkiilaha Chelsea.

Stamford Bridge waxaa ka jira hal maamule, mana ahan Roberto Di Matteo.

Iyadoo  uusan midna ku nagaan Carlo Ancelotti, Phil Scolari, Andre Villas-Boas xittaa Special One, Jose Mourinho.

Maalqabeenka u dhashay dalka Ruusha Roman Abramovich ayaa ah ninka keliya eel eh isbedelka Chelsea, sida uu qabo xidigii hore ee kooxda Blues Salomon Kalou.

Kalou, oo wareysigiisii u horeeyey bixinaayey tan iyo markii uu Chelsea kaga biiray kooxda Faransiiska ka dhisan ee Lille, ayaa daaha ka qaaday: “Roman wuxuu leeyahay aragti dheer waana ogyahay sida ay u dhacayaan wax uu doonayo.

“Wuxuu leeyahay ujeed ‘Waxaan doonayaa inaan kooxdaan masuul ka ahaado, waxaana doonayaa inaan wax yaabo ka shaqeeyo’

“Ciyaaryahanadu wey ilaabi karaan waxayna u dhahayaan ‘OH, Chelsea sideed sano waxay aheyd kooxda ugu sareysa, ma aanan qaban shaqo adag waxaana u ciyaari doonaa wado kasta.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

GAAR: Damul Jadiid oo xaabsatay wasiiradii cusbaa + Magacyada.

Warar xog ogaal ah oo aan helnay ayaa muujinaya in golaha wasiirada cusub ee Somalia lagu dhowaaqi doono toddobaadkan gudihiisa.

Si kastaba, liiska cusub ee golaha oo sida la sheegay ka koobnaan doona kaliya 18 illaa 25, ayaa waxaa ku badan kooxda hogaanka u heysa siyaasadda Somalia ee Damul Jadiid, oo qaadatay xubnihii ugu muhiimsanaa.

Ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa inoo sheegay in Damul Jadiid ay qaadatay wasiiro ay ka mid yihiin, arrimaha dibedda iyo gudaha, warfaafinta, waxbarashada, ganacsiga, maaliyadda iyo kuwo kale.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Amniga iyo Qaranka: Waxaa sida la sheegay loo magcaabi doonaa Cabdi Kariim Xasan Guuleed, oo kasoo jeeda Beesha Habar Gidir, Sacad, ahna mid ka mid ah dadkii aas aasay Damul Jadiid.

Wasaaradda Waxbarashada: Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Damul Jadiid, Faarax Cabdulqadir, ayaa lagu magacaabi doonaa wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare, in kasta oo wasaarad maaliadda uu sidoo kale doonayo, balse aan weli la go’aamin

Sida xogta aan ku helnay Mr. Faarax ayaa halgan culus u galay wasaaradda arrimaha dibedda, hase yeeshee madaxweynaha ayaa ku qanciyay in taasi aysan macquul ahayn, waayo Farax kama soo jeedo afarta beel ee weyn (Hawiye, Dir, Daarood iyo Digil iyo Mirifle, waana Beesha Reer Aw Xasan oo beelaha shanaad la xisaabiyo.

Wasaaradda Maaliyadda: Tani ilaa iyo hadda lama go’aamin, waxaana madaxweynaha uu isku dayayaa inuu keeno qof uu aad ugu kalsoon yahay, maadama ay tahay isha dhaqaale. Waxaa macquul ah in loo magacaabo Faarax Cabdul Qadir, haddii la waayyo qof la aamini karo oo kasoo jeeda beelaha waa weyn.

Wasaaradda ganacsiga: Waxaa loo dhiibi doonaa Maxamed Axmed Abtidoon oo hadda ah xogheynta madaxweynaha, kuna magac dheer Koofi Shabaq, waa Saleebaan, Habar Gidir.

Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha: Waxaa la siin doona qof ka iman doona dhowaan dibedda, oo kooxda ka tirsan, kaasi oo magaciisa aan helin, waxaa la sheegay inuu yahay Isaaq.

Wasaaradda Warfaafinta: Waxaa qaatay Dr Maxamed Nuur Gacal, oo kasoo jeeda Beesha Murusade, ee Hawiye.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda: Nooma suurta galin inaan helno magaciisa, waxaase la sheegay in la siin doono Majeerteen.

Waxaa kale oo jira rag kale oo iyana xilal wasiiro ah heli doona, inkasta oo aysan kala caddeyn, waxaana ka mid ah Jamaal Maxamed Baarow oo kasoo jeeda Beesha Jareerweyne iyo Faarax Cabdisamad, oo Ogaadeen ah, kana tirsan Damul Jadiid.

Wakiilkii hore ee Tv-ga Aljazeera Fahad Yaasin, oo ka mid ah Damul Jadiid, ayaa heli doona safiir dal carbeed, siiba dalka Qatar loo badaniyo, ama wasiir ku xigeen.

Dad kale oo aan kooxda ku jirin ayaa iyana dhowr wasiir oo isaga aamusi ah la siin doonaa.

10 Askari oo ka tirsan ciidamada DF oo Gabar 14 ku kufsaday Muqdisho.

Nolal iyo geeri ayay u dhaxaysaa Xaalada Gabar 14 jir ah oo ciidamada Dowlada Soomaaliya ay ku kufsadeen Magaalada Muqdisho.

Gabadhan oo lagu magacaabo Xaliimo ayaa waxaa ay ku jirtaa Cisbitaal Banaadir xaaladeeda Caafimaadna waa ay liidataa Sida ay sheegayaan  dhaqaatiirta Cisbitaalka.

Mar gabartan ay u waramaysay Warbaahinta oo ay ka sheekeynaysay Sida ay u kufsadeen Ciidanka Dowlada waxaa ay sheegtay in iyadoo   ka soo adeegaysa Xili habeen ah dukaan u agdhawaa gurigooda uu isku duubay Askari dowlada ah kadibna ay aragtay Tobonkale oo isla Askarta oo ku soo ordaya iyada.

Waxaa ay sheegtay in waqtigaas uu Miirkeeda tagay ayna aragtay iyadoo Guri dhexjiifta,waxaana ay qirtay in Tobaneeyo ay ahaayeen Askarta kufsatay.

Hooyada gabadha dhashay oo ilmaynaysa ayaa sheegtay inaysan haysan wax dhaqaala ah oo ay ku dawaynayso gabadheeda waxaana ay sharciga ka dalbatay in xaqeeda loo soo dhiciyo.

Gabadha ayaa iyadana ku jirta Xaalada Miirbeel ah wajigeedana waa uu badalmay waxaana ka muuqday Jirdil ay ugaysteen Ciidamada Dowlada oo looga bartay in dadka Shacabka ay ku tuntaan ,mana jirto cid xaqa dadka shacabka u soo saarta.