25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

GAAR: Damul Jadiid oo xaabsatay wasiiradii cusbaa + Magacyada.

Warar xog ogaal ah oo aan helnay ayaa muujinaya in golaha wasiirada cusub ee Somalia lagu dhowaaqi doono toddobaadkan gudihiisa.

Si kastaba, liiska cusub ee golaha oo sida la sheegay ka koobnaan doona kaliya 18 illaa 25, ayaa waxaa ku badan kooxda hogaanka u heysa siyaasadda Somalia ee Damul Jadiid, oo qaadatay xubnihii ugu muhiimsanaa.

Ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa inoo sheegay in Damul Jadiid ay qaadatay wasiiro ay ka mid yihiin, arrimaha dibedda iyo gudaha, warfaafinta, waxbarashada, ganacsiga, maaliyadda iyo kuwo kale.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Amniga iyo Qaranka: Waxaa sida la sheegay loo magcaabi doonaa Cabdi Kariim Xasan Guuleed, oo kasoo jeeda Beesha Habar Gidir, Sacad, ahna mid ka mid ah dadkii aas aasay Damul Jadiid.

Wasaaradda Waxbarashada: Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Damul Jadiid, Faarax Cabdulqadir, ayaa lagu magacaabi doonaa wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare, in kasta oo wasaarad maaliadda uu sidoo kale doonayo, balse aan weli la go’aamin

Sida xogta aan ku helnay Mr. Faarax ayaa halgan culus u galay wasaaradda arrimaha dibedda, hase yeeshee madaxweynaha ayaa ku qanciyay in taasi aysan macquul ahayn, waayo Farax kama soo jeedo afarta beel ee weyn (Hawiye, Dir, Daarood iyo Digil iyo Mirifle, waana Beesha Reer Aw Xasan oo beelaha shanaad la xisaabiyo.

Wasaaradda Maaliyadda: Tani ilaa iyo hadda lama go’aamin, waxaana madaxweynaha uu isku dayayaa inuu keeno qof uu aad ugu kalsoon yahay, maadama ay tahay isha dhaqaale. Waxaa macquul ah in loo magacaabo Faarax Cabdul Qadir, haddii la waayyo qof la aamini karo oo kasoo jeeda beelaha waa weyn.

Wasaaradda ganacsiga: Waxaa loo dhiibi doonaa Maxamed Axmed Abtidoon oo hadda ah xogheynta madaxweynaha, kuna magac dheer Koofi Shabaq, waa Saleebaan, Habar Gidir.

Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha: Waxaa la siin doona qof ka iman doona dhowaan dibedda, oo kooxda ka tirsan, kaasi oo magaciisa aan helin, waxaa la sheegay inuu yahay Isaaq.

Wasaaradda Warfaafinta: Waxaa qaatay Dr Maxamed Nuur Gacal, oo kasoo jeeda Beesha Murusade, ee Hawiye.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda: Nooma suurta galin inaan helno magaciisa, waxaase la sheegay in la siin doono Majeerteen.

Waxaa kale oo jira rag kale oo iyana xilal wasiiro ah heli doona, inkasta oo aysan kala caddeyn, waxaana ka mid ah Jamaal Maxamed Baarow oo kasoo jeeda Beesha Jareerweyne iyo Faarax Cabdisamad, oo Ogaadeen ah, kana tirsan Damul Jadiid.

Wakiilkii hore ee Tv-ga Aljazeera Fahad Yaasin, oo ka mid ah Damul Jadiid, ayaa heli doona safiir dal carbeed, siiba dalka Qatar loo badaniyo, ama wasiir ku xigeen.

Dad kale oo aan kooxda ku jirin ayaa iyana dhowr wasiir oo isaga aamusi ah la siin doonaa.

10 Askari oo ka tirsan ciidamada DF oo Gabar 14 ku kufsaday Muqdisho.

Nolal iyo geeri ayay u dhaxaysaa Xaalada Gabar 14 jir ah oo ciidamada Dowlada Soomaaliya ay ku kufsadeen Magaalada Muqdisho.

Gabadhan oo lagu magacaabo Xaliimo ayaa waxaa ay ku jirtaa Cisbitaal Banaadir xaaladeeda Caafimaadna waa ay liidataa Sida ay sheegayaan  dhaqaatiirta Cisbitaalka.

Mar gabartan ay u waramaysay Warbaahinta oo ay ka sheekeynaysay Sida ay u kufsadeen Ciidanka Dowlada waxaa ay sheegtay in iyadoo   ka soo adeegaysa Xili habeen ah dukaan u agdhawaa gurigooda uu isku duubay Askari dowlada ah kadibna ay aragtay Tobonkale oo isla Askarta oo ku soo ordaya iyada.

Waxaa ay sheegtay in waqtigaas uu Miirkeeda tagay ayna aragtay iyadoo Guri dhexjiifta,waxaana ay qirtay in Tobaneeyo ay ahaayeen Askarta kufsatay.

Hooyada gabadha dhashay oo ilmaynaysa ayaa sheegtay inaysan haysan wax dhaqaala ah oo ay ku dawaynayso gabadheeda waxaana ay sharciga ka dalbatay in xaqeeda loo soo dhiciyo.

Gabadha ayaa iyadana ku jirta Xaalada Miirbeel ah wajigeedana waa uu badalmay waxaana ka muuqday Jirdil ay ugaysteen Ciidamada Dowlada oo looga bartay in dadka Shacabka ay ku tuntaan ,mana jirto cid xaqa dadka shacabka u soo saarta.

Sir Alex Ferguson oo kalsooni ku qaba in kooxdiisa Man Utd ay qaadi karto Champions League.

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa qaba inay xilli ciyaareedkaan kooxdiisu fursad weyn u heli doonto inay ku guuleysato Champions League hadii ay daafacyadeedu caafimaad qabaan.

United ayaa guuleystay labadeedii kulan ee furitaanka Group H ay kaga horyimaadeen Galatasaray iyo Cluj, laakiin daafacyadeeda dhaawac qaba ayaa muran ka keenay awooda kooxda iyadoo Nemanja Vidic, Chris Smalling iyo Phil Jones ay inta badan xilli ciyaareedka dhaawac ku maqnaanyeen.

“Waa niyad jab inaanan inta badan ku guuleysan Champions League, gaar ahaan mararka qaar waxaan filayaa inaan iska luminay,” ayuu u sheegay Daily Mirror.

“Laakiin ma diidi kartid. Inaad had iyo jeer aad ka fiirsato sanadka xiga. Kama dambeysta waxaa lagu qabanayaa Wembley xilli ciyaareedkaan waxeyna noo tahay fursad qaali ah.

“Hadii aan daafacyadeyda dib u heli karo, waxaan u heysanaa fursad qaali ah.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

John Terry oo sii ahaan doona Kabtanka Chelsea, sida uu xaqiijiyey Bruce Buck.

Gudoomiyaha kooxda Chelsea Bruce Buck ayaa xaqiijiyey in John Terry uu sii ahaan doono kabtanka Chelsea, sida uu qoray wargeyska Talksport.

Terry ayaa afar kulan la ganaaxay xilli lagu helay dishibiil xumo inuu daafaca QPR Anton Ferdinand kula kacay wax yaabo cunsuri ah.

Isagoo gudoomiyuhu la hadlaayey barnaamijka Weekend Sports Breakfast eek a baxa Talksport, Buck iyo gudoomiyaha fulinta Chelsea Ron Gourlay ayey cadeeyeen inuu Terry sii ahaan doono hugaamiyaha Chelsea.

“John Terry wuu sii wadan doonaa sii ahaanshiyaha kabtanimada kooxda,” ayuu yiri Buck.

“Su’aasha kale ee aad jeceshahay inaad I weydiiso waa hadii aan ganaaxeyno kulamo, kuna darso inay afar Kulan FA-gu ganaaxeen inaguna aanan ganaax dul dhigeyn .

“Laakiin waxaan ka qaadeynaa talaabo dishibiliinka ah.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Fabregas: Waan la yaabay Messi miyuu caalam kale ka yimid.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Barcelona Cesc Fabregas ayaa amaan kala dul dhacay xidiga ay isku kooxda yihiin ee Lionel Messi, ka dib markii ciyaaryahanka reer Argentina uu sedaxleey ka dhaliyey kulankii ay 5-4 ku dubteen kooxda Deportivo La Coruna.

Blaugrana ayaa heysatay hugaan 3-0 ah, iyadoo casaan loo taagey Javier Mascherano wiilasha Tito Vilanova ayaaba ku sigtay inay guul kasoo qaadan waayaan kooxda martidala loo ahaa.

Dhanka kale Fabregas ayaa amaan kala dul dhacay geesigii Sedaxleyda, wuxuuna ku sheegay mid usoo hooyey sedax dhibic oo qaali ah.

“Messi wuxuu safar dheer kasoo galay xulkiisa qaranka halkaan ayuuna had iyo jeer nala joogay. Wuxuu noo qabtaa wax badan. Wax walba waa uu la socdaa. Laga yaabee inuu Messi caalam kale ka yimid.” Sidaas waxaa yiri Fabrigas oo la hadlaayey saxaafada.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Wasaarada Awqoofta oo ka digtay inaan lagu takri Falin Xoolaha Nool

 

Wasaarada Awqoofta iyo Arimaha Diinta ayaa digniin kulul ka soo saartay in lagu takri falo Ciida soo aadan Xoolaha Nool Sidaas waxaa Saxaafada u sheegay Agaasimaha Wasaarada Awqoofta Sheekh Cali Dheere ayaa.

Ciidii hore ayay dhacday dabar gooyn loogu tala galay in la dhameeyo xoolaha soomaaliya oo ah qayraadka ugu weyn oo ay haystaan dadka soomaaliyeed waxaana sanadkii hore dhacday in la gowraco xoolo riman iyo kuwo caano leh oo isku jira lo Geel iyo Ari, irintaasina uu ka digaayo in ay sanadkaan ay dhacdo tii sanadki hore dhacday oo kale.

Sheekh Cali Dheere ayaa tilmaamay inay u muuqato in ay dhici doonto dhacdadii sanadkii hore oo kale maadama uu sheegay ay meesha ka baxeyn golihii wasiirada walina aan la magacaabin wasiiro cusub taasina ay keeni karto la xisaabtan la ‘aan dadka xoolaha ka ganacsata iyo kuwoa doonaya in ay ku takri falaan qayraadka alle uu ku maneystay  soomaaliya, waxaana uu dowlada Soamaaliya ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan arintaani lagu baraarugo gudi la socdana loo sameeyo si looga hor tago xaalufinta xoolaha.

Waxaa la xusuustaa in Sanadkii hore xoolo badan oo isugu jira geel lo iyo ari oo intooda badan ay rimanaayeen qaarna ay ahayeen kuwo caano leh oo la nuugayay ay dowalada turkiga iyo dowlado kale ay u gowraceen dadkii ay abaarta sameysay sanadkii hore taasina ay saameyn ku yeelatay xoolaha soomaaliya oo ah nimcada  ugu weyn uu alle ku maneystay umadda soomaliyeed.

Magalaada Muqdisho ayaa waxaa haatan si wayn looga diyaar goorawayaa Maalinta farxada badan ee Ciida waxaana mashquul noqday goobaha lagu iibiyo Xoolaha Nool.

DEG DEG: Beledweyn oo Qarax ku waabariisatay. (Faah faahin)

War hada soo dhacay ayaa sheegaya in qarax saakay ay ku waabiriisteen Ciidamada Dowlada Itoobiya ee jooga magaalada Beledwayne.

Qaraxa ayaa waxaa Ciidamada Itoobiya lagula eegtay wadada isku xerta magaalada beledweyne iyo deegaanka Janda kundishe .

Sida dad ku sugan Beledweyne ay inoo sheegayaan  qaraxa ayaa waxaa lala eegtay gaari ay wateen Ciidanka itoobiya inkastoo aan la ogayn qasaaraha dhabta ah.

Itoobiyanka ayaa Xer xeray dad ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay iyagoo ku tuhmaya inay ka dambeeyeen qaraxa.

Bandow ayaa la sheegay in Saakay ay ku soo rogeen Xaafadaha magaalada waxaana la sheegay inay baarayaan Miinooyinka kale oo lagu dabayo.

“Ilma adeerayaalow Cali Raage haka raacina Nabiga Ilaahey NNKH”

Assalaamu alaykum.Waad salaamantihiin dhamaan walaalaha qeymaha badan ee ku xiran websitekan qaayaha badan.

Maanta iyo maqaalkeena,wuxuu kusaabsanyahay hadal aan ka soo xigtey Sheekha Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh Maxamuud shibilli ee kusugan magaalada Nairobi, mar aan tagay masjid muxaadaro uu ka jeedinaayey masjidkiisa Al-Hidaayah.

Sheekha waxaa su’aal ahaan loo weydiyey waxa ay diinta ka qabto dadka sunada diida ee yirahdo ‘Qur’aanka ayaa nagu filan’!
Jawaabta sheekha oo aad udheereyd wuxuu ku soo gabagabeeyey: Ilma adeerayaalow Cali Raage nabiga ilaahay hakaraacina!

Maadama aan ku cusbaa magaalada Nairobi iyo sida la’isu hayo ayaan saaxibkey oo igu martiqaadey muxaadaradan ayaan weydiyey waxa Cali Raage soo galiyey qoladaan Sunada diidan? Anigoo weliba kudaray “Cali Raage, sow ninkii aan aqaaney ee wadaadka ahaa Ma’ahan?” ‘Waa isagii aad taqaaney oo wuxuu noqdey qoladaas!”

Cali Raage oo ahaa nin gooni socod ah, kuma ogeyn wax kabaxsan in lagu xaman jirey naaga guursi aad ufara badan, sidoo kale horay uma maqal isaga iyo wadaad kale oo isradinaya.

Dagaalkii xamar maalintii 8aad, Cali Raage, waxaan kawada qeyb-galnay mudaaharaad ay soo qaban-qaabiyeen wadaado doonayey in xabada lajoojiyo,waana markii uhoraysay ee aan howl wada galno!

Mudadii aan wada joogney East Africa, ma aheyn nin kuxiran koox gooni ah walow uu ahaa mid ka agdhow xarakaatkii dhaq-dhaqaaqa hubaysan kawaday Somalia oo waxaa la arki jirey isagoo ku labisan dharka afghaanistaanta qaataan oo leh ‘jihaadka ha la’aado!

Muxaadaran kadib ayaan go’aansaday inaan arintaan wax ka ogaado. Waxaan lakulmay qaar kamid ah dhallinyaro tagtay majliska iyo meelaha uu Cali Raage kufaafinayyo afkaartiisa.

Cali Raage laftiisa ayaan ku arkey masaajidka sixka hortiisa isaga oo lafadhiyo dhallinyaro aad uda’yar oo aan isri wuxuu doonayo inuu wax kushubto afkaartiisa. Xaga labiska wuxuu xirnaa sarwaal Jeenis ah iyo shaati, waana labis aad ugu duwan waayada hore.

Inkasta oo aan degdegsana, hadana waxaan go’aansadey inaan salaamin si aanu iigu furin barnaamijkiisa ama la’igu tuhmin inaan xarakadiisa kamid ahay! Soomaalida qofka aad lataagantahay ayey uhaystaan inaad isku qabiiltihiin ama isku fikrad tihiin!

Waxaa xusid mudan,inuu Cali Raage yahay aftahan dood kulul oo ay adagtahay inaad waxbadashid afkaartiisa! Maanta uu wato ‘shubho’ lafahayga ayaan ugu baqay.

Baaritaan dheer kadib waxaan heley cajalado uu leeyahay Cali Raage oo lagu duubey shir uu ku qabtay magaalada Nairobi oo uu ku sharxaya xarakadiisa iyo waxa uu aaminsanyahay.

Muxuudaradan lafteeda ayuu dadka ku wareerinaya aayadaha uu Allah kula doodaya gaalada Diinta diidan, taas oo haddii aadan aqoon durugsan laheyn islaamka aad isleedahay ninkaan waxa uu sheegaya oo dhan waa run.

“Ahlu-Quraanka Soomaaliyeed waa dad aaminsan Qur’aanka iyo qaran-nimo” Cali Raage ayaa hadalkiisa ku bilaabay mar uu tacriifinaayey xarakadiisa.

Muxaadaran oo mudo sacotey wax su’aalo ah kama uu jawaabin walow uu balan qaadey; wuxuu xooga saaray inaanu jirin wax layirahdo Sunah ee Qur’aanka oo kali ah nagu filanyahay.

Wuxuu leeyahay isagoo kujees-jeesaya Sunada Nabiga SAW “Khilaafka iyo isqabqabsiga waxaa keeney Axaadiista.Nabiga imisa kitaab ayaa lagu soo dajiyey?”

Al-Qur’aaniyoon, waa magaca looga yaqaan wadamada Carabta oo ay aad ugu badanyihiin walow ay taariikh ahaan kasoo farcameen wadanka India xiligii gumaysiga; waxayna kamid ahaayeen ayaa laleeyahay xarakaat farabadan oo uu kadanbeeyey gumaysiga Ingiriiska sida kooxda looyaqaan Al-Qadyaaniyiinta.

Culima badan oo wax kaqortey kooxdaan, waxay leeyihiin hadafkooda waa inay diinta islaamka dabargooyaan ayagoo weerarkooda kabilaabay Sunada iyo taariikhda ummada.

Aas-aasaha xarakadan oo la’oronjirey Axmed Khan oo reer India ah, wuxuu ahaa nin Qur’aanka kufasira caqligiisa kadib markii uu Axaadiista kusoo rogay shuruuda aad u adag, ilaa uu markii dambe inkirey isagoo lasoo istaagey ‘Qur’aanka oo kali ah ayaa nagu filan’

Walaalyaal anigoon doonayn inaan idinku mashquuliyo xarakadaan hadana waxaay ila tahay inay Culimada Soomaaliyeed xooga saaraan ladagaalanka kooxdan oo ay meel iska dhigaan wixii khilaaf ama fikir ay ku kala duwanyihiin arimo badan.
Maqaal arintaas ku saabbsan oo ay kooxdan ku sharaxayaan fikradooda iyo jawaabo laga bixiyey, fadlan halkan kafiiri

http://sbhhbs.ahlamontada.net/t867-topic

Inta aan markale kulmayno waa walaalkii Adam Abuzuhri oo idinleh Allaha diinta nagu sugu.

Wixii talo iyo tusaalo ah [email protected].

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

Dhacdo xanuun badan: Nin 18 qof oo ehelkiisa ah mar qura ku waayay duqeyn diyaaradeed + Sawirro.

Isaga oo ku hadlaya cod degan ayaa Sheikh Maxamed Farduun, waxa uu liis ku qoray magacyada 18 ka mid ah ehelkiisa, oo uu sheegay inay habeenkii khamiista ku geeriyoodeen weerar diiyaaradda dagaal ee MiG ee ciidanka cirka Syria ay ka fuliyeen magaalada waqoooyi ee Maaret al-Numaan.

“Fatma Assam Hajj Khamis, Abdel Aziz Hajj Khamis, Abu Abdel Azziz Hajj Khamis, Hassan Hajj Khamis,” ayuu tiriyay magacyadooda kadibna wuu joojiyay oohin darteed, oo wuu dhameyn kari waayay.

Waxa uu yiri “mar alle markii aan maqalnay dhowaqa duqeynta diyaaradda, wxaana u cararay dhinaca waddada, waxaana arkay gurugii eedadey oo gabi ahaanba dhulka lala simay, dadkii ku jirayna ay ku naf baxeen”.

Intaa kadib waxa uu u sheegay weriye ka tirsanaa CNN oo uu wareysi siinayay “Kulama hadli karo intan ka badan, waxaan hayaa dhammaan magacyada ehelkeyga, waana aqbalayaa qadarta Allah”

Weerarkaas ayaa waxaa ku naf waayay guud ahaan 25 qof, oo 15 ka mid ahaa jirkooda uu gubtay, illaa laga aqoonsan waayo.

In ka badan toddobaad ayaa magaalada Maaret al-Numaan waxa ay ahayd xudunta dagaalada u dhaxeeya ciidamada Syria iyo kuwa macaaradka ah.

Weerarka ayaa yimid isla maalintii kooxda dhaqaaqa caalamiga ah ee Avaaz ay sheegtay in ciidamada Syria ay 19 bilood ee na dhaafay ay afduubteen kadibna ay dileen 28 kun oo ahaa shacab iyo dad ehello la ah kooxaha mucaaradka.

Halkan ka arag Sawirrada dagaalka Syria.

Farmashiyaal ku yaala Kismaayo oo wax aan laga fileyn laga helay caawa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada Soomaaliya halkaasi ay caawa ka wadaan baaritaano adag oo lagu baadi goobayo dadka amni darada ka geysnayo magaalada.

Sida dadka deegaanka ay u sheegeen Caasimada Online ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxay magaalada kasoo qabteen waxyaabaha qarxa iyo hub,waxaana ay xabsiga u taxaabeen dadkii lagu soo qabtay xubka.

Ciidamada Dowlada ayaa gudaha u galay dhowr farmashiyayaal oo ku yaala bartamaha magaalada waxaana la sheegay inay soo qabteen waxyaabaha qarxa oo ku jiray farmashiyeyaasha iyo bastoolado.

Dadka deegaanka oo ka agdhow goobta howlgalka uu ka dhacay ayaa sheegaya in ciidamada ay kaxeysteen wilal gadayay Farmashiyeyaasha kuwaasi oo la dhigay xabsiga magaalada.

Dhanka kale waxaa magaalada ka socda caawa baaritaano adag,iyadoo dadka lagu soo rogay bandow ku eg xiliga salaada Subax ee Geeska Africa.

Kismaayo seddexdii habeen ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay dad rayid ah.

Saddex Nafood….!!! (Qiso Jaceyl oo xanuun badan, Qeybti 3-aad)

Qeybti 3-aad qeybihi hore halkan ka aqriso   Qeybti 1-aad  Qeybti 2-aad

Jaariyadda xun ee gurigan ka shaqaysa bal iyada ka warran? Dhawr jeer oo horena waad ka fekertay, laakiin malaha iyadu weligeedba kaama ay fekerin? Ma qurux liidato laakiin dabeecadda ayey ka arradday. Dabeecaddeeda maxaa kaa galay wax aad isku daweysid uun sow dooni maysid? Maxaa kaa geli waayey sow la noolaan maysid oo carruur kuu dhali mayso? Waar nolol iyo carruur lahaane naftaadan besteeda ah meel dhig! Laakiin waxay kaga dartay kibirka, adeegto in ay tahayba isuma haysato. Kibirkeeda maxaa kaa galay, iyada ayaaba shaqaysata oo kirada kula bixin lahayde? Naag iyada kaaga habbooni ma jirto ee berri la hadal. Wax uun baad yeeli lahayde horta habeenkan baas mar uun yaa dhammeeya!

Imika bal adeegtada ka feker. Sariirteedii xumayd ayey ku jiiftaa. Sidee bay u jiiftaa, ma dhabarka mise beerka mise dhinac? Maxay gashan tahay? Billay qaawan tahay? Qaawanaan? Ma muddug? Ma iyada oo dhabarka u jiifta ayey haddana qaawan tahay? Oo markaa maxaaba u qarsoon? Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Istaaqfurullah! Caawa sheydaan baa kugu shaqaystay. Kitaab Ilaahay baad gacanta ku haysaa waxaana waad ku fekeraysaa! Laakiin in laga fekeraa ma denbi baa? Mooyi, mooyi, horeba waa adigii jawaab ugu waayey.

Laakiin iyada iyo Siraad toodee qurux badan? Isuma dhowa, Siraad baa si walba u qurux badan. Laakiin jaariyadda dusha uun baad ka aragtay ee iyada oo qaawan ma aad arag. Laakiin bal malee? Kollay naasaheeda iyo caloosheeda diraca ka muuqda wax loo dhigaa ma jiraan. Balaayadu waa isku wada mid; waa tii la yidhi sheydaan baa xayaysiiya oo marka ay soo jeedaan naasaha ruxa marka ay sii jeedaanna badhida. Kii allekoodka ahaa ee maalintii dhoweyd baska ka dhex sheekaynayey muxuu lahaa?: “Sheydaan ma ruxo ee malaa’ig baa ruxda.” Imaanka Alle kaa qaad! Kaasi isaga ayaaba sheydaan ahaa. Malaa’igta maxaa naasaha iyo badhida dumarka u geeyey! Laakiin in uu sheydaan ruxo qudhaadu yaad ka maqashay? Ma aayad baa mise waa xaadiis? Mise waa iska wax kale? Horta cid ruxdaba shaki kuma jiro in la ruxo.

Ciddii doontaa ha ruxdee imika ma waxaad leh dahay adeegtadu guntiinadii ay ku seexatay waa ay ka furantay oo qaawanaan ayey dhabarka u jiiftaa? Haddii aad daaqadda ka eegi lahayd qolkeedu waa mugdi. Haddii aad u tagtid oo legga ka gashid maxay samayn lahayd? Marka ay toosto ee ay ku garato maxay yeeli lahayd? Miyey qaylin lahayd? Mise si xariifnimo ah ayey isu seexin lahayd? Mise wax bay kula maamuli lahayd? Inkaari ku dhacday armay qaylin lahayd? Oo maxay la qaylinaysaa miyaad dishay? Iyaduba sow nafley ma aha oo xanuunka aad qabtid kulama qabto? Xanuun? Xanuun maxay ah?

Laakiin haddii ay iska aamusto bal ka warran? Sow sidaasi ma dhici karto? Haa. Ka dibna? Inta aad labada naas xantoobo ka buuxsatid oo midba mar cantuugtid, ayaad haddana dhegta iyo dhabanka ka qaniini lahayd, dabadeed labadeeda bawdu ku dhex libdhi lahayd. Ku dhex libdhid? Ma dalaq? Ma naag aadan Shareecada Islaamka ku qabin? Istaaqfurullah! Istaaqfurullah! Istaaqfurullah! Ilaahow tooba!

Laakiin balaayadu armay gabadh tahay oo aanay in lagu dhex libdho oggolayn? Haddii ay ku dhex libdhid noqoto Siraad baa dhaanta oo sida la isugu libdho taqaan. Laakiin taasi waa macsi dheeraad ah waayo waa naag la qabo. Haddii la qabo maxay daaqad furan iyo ilays shidan isugu qaawinaysaa? Haddii ay isku qaawiso sow gurigeedii ma aha? Haddii uu gurigeedii yahay daaqadda sow ma ay furin? Haddii ay furtay sow kulayl ma jirin? Maya, maya, iyada ha eersan ee berri adeegtada guurso, ama tii digirta karin jirtay………..LA SOCO QEYBTA XIGTA JIMCAHA XIGA INSHA ALLAH

W/Q: Ibraahin Axmed Yuusuf (Hawd).

Amar adag oo deg deg ah oo la dul dhigay shacabka Kismaayo.

Ciidamadda iyo maamulka magaalada Kismaayo ayaa waxay amar adag ay dul dhigeen shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada maamulka magaalada ayaa ku amray shacabka magaalada Kismaayo inaysan dhaqdhaqaaq sameyn karin laga bilaabo lixda maqrib ilaa shanta subaxnimo xiliga Soomaaliya.

Arintaan ayaa saameyn xoogan ku yaalan doonto haweenka iibiya qaadka iyo haweenka caanaha ku iibiya bartamaha magaalada Kismaayo kuwaasi oo la sheegay in xilli dambe ay ku gaari jireen magaalada.

Arintaan waxaa ciidamada ay ku sheegeen inay tahay mid looga hortagayo amni darada kismaayo ku soo korortay magaalada Kismaayo maalmihii ugu dambeeyay.

Magaalada Kismaayo waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaasi oo loo geystay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Koonfur Africa: Bile oo Bilaawe lagu bireeyey (Fal argagax leh oo wiil Somali ahaa ku qabsaday E. Cape)

Muwaadin Soomaali ah ayaa xalay dhallinyaro kale Soomaali ah waxa ay ku dileen Magaalada King Wilmes oo ka tirsan Gobalka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika.

ALLAHA u naxariistee Wiilkan dhintay oo magaciisa la iigu sheegay Bile, ayaa dhallinyaro Soomaali ah oo muran xagga ganacsiga ah uu kala dhaxeeya waxa ay kala dageen marxuumka gaari uu lahaa, iyagoo ka dibna mindi ama toorey kaga dhuftay surka taasi oo sababtay inuu durbadiiba ku geeriyoodo isla goobta uu falku ka dhacay, waxaana warar aan wali si rasmi ah loo xaqiijin ay sheegayaan in Bile qoorta looga jaray mindida, balse Booliska ayaa laga war sugayaa oo hadda meydka marxuumka gacanta ku haya.

Muranka dhalinyaradani Soomaaliyeed ayaa salka ku haya meherado ganacsi oo la isku ag qabtay, taasi oo aalaaba dalkani Koonfur Afrika caado ka noqotay in lagu dagaalamo maxaa dukaankaaga ganacsi iigusoo dhawaysay.

Booliska K/Afrika, oo hareereeyey goobta, ayaa maanta la wareegay meydka Marxuum Bille, iyagoo sheegay inay baaritaano deg deg ku samayn doonaan qaabkii loo dilay muwaadinkani Soomaaliyeed iyo cidda ku gacansiisay Soomaalidan inay si dhuumaalaysi ah u baxsadaan.

By C/risaaq IndhaJaceyl

Cape Town, South Africa

E – Mail : – [email protected]

Madaxweyne Xasan oo Waraaqaha Aqoonsi ka gudoomay Safiirka EU-da.

21-sano kadib ayaa maanta Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka Guddoomay warqadihiisa aqoonsiga Safiirka cusub ee Soomaaliya ufadhin doono Midowga Yurub kaasi oo dhawaan lasoo magacaabay.

Kadib Xaflad ka dhacaday Aqalka madaxtooyada ayaa Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan kula qaatay wafidagan uu horkacayo safiirka cusub ee Midowga Yurub  Madaxtooyada waxaana kulankooda uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga ee safiirnimo.

Kulanka kadib ayaa waxaa shirjaraa’id si wadajir ah u qabtay Wasiirka arimaha Dibada Xukuumadii hore C/laahi Xaaji Xasan Iyo Safiirka cusub ee Midowga Yurub u fadhin doona dalka Soomaaliya Cervone Diulso kuwaasi oo labada ka sheekeey muhiimada safaaradan ay uleedahay dalka Soomaaliya.

Intaa kadib Ku simaha wasaarada arimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Xaaji Xasan oo ugu horeen halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in safiirkaan cusub ee Midowga Yurub uu sii xoojin doono xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo 20-sano ee lasoo dhaafay wanaagsanaa.

Cervone Diulso Safiirka cusub ee Soomaaliya Midowga Yurub ayaa isna dhankiisa sharaxay qorshaha Midowga Yurub ee safaaradan cusub isaga oo xusay in muddo 21-sano kadib uu isaga noqday safiirkii ugu horeeyay ee loosoo magacaabo Soomaaliya.

Tani ayaa waxaa ay Muujinaysaa in Muqdisho ay ku soo noqotay Muqdishadii la yaqiinay Waagii bari Samaadkii.

 

Xog iyo Gorfeyn: Sirta ka dambeysa booqashada Gaas ee Puntland iyo war aan farxad u lahayn Faroole.

Ra’iisul Wasaarehii hore ee Somalia Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobollka Mudug, kadib markii uu kasoo farxashay howshii uu ka hayay Dowladda Federaalka Somalia.

Markii Prof. Gaas uu halkaas tagay aad ayaa loo soo dhweeyay, waxaanu yiri erayo ay ka mid ahaayeen “Waxaan usoo laabtay inaan ka qeyb qaato oo kaalinteedu ku biiriyo horumarka Puntland, dadkana aan la tashto”

Marka la fiiriyo booqashada Gaas, xilliga ay kusoo beegmatay, xaaladda siyaasadeed ee Puntland iyo inay ka go’an tahay inuu halkaas muddo sii joogo, waxaa soo baxay su’aalo siyaasadeed iyo war aan farxad u lahayn Madaxweynaha Puntland Cabridraxmaan Faroole.

Ujeeda Booqashada Gaas.

Gaas, waxa uu arkaa fursad dahabi ah oo uu kula wareegi karo hogaanka Puntland, isaga oo dhinacyo badan wax ka eegaya, taageero xooganna heysta.

Xaaladda Puntland ayaa ah mid iminka cakiran. Faroole waxa uu waqtiga kaga eg yahay 8-da January ee 2013, hase yeeshee waxaa ka go’an inuu shan sano oo kale ku darsado, habkuu doono ha usoo maro’e sharci iyo sharci la’aan intaba.

Hase yeeshee Faroole farqaha ayaa lagu dheggan yahay, oo waa laga diidan yahay inuu dastuurka ka tallaabsado.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Gaas uu deegaanada Puntland ka billaabi doono olole deg deg ah, balse xoog ku socon doona, isaga oo adeegsanaya lacag iyo taageero shacbi, si uu u noqdo Madaxweynaha Puntland.

Socdaalkiisa kuma koobna oo kaliya Gaalkacyo, ee waxa uu mari doonaa deegaanada Puntland oo idil, haba ugu weynaadaan’e Garoowe, Boosaaso, Qardhow iyo kuwa kale.

Faroole oo aan la dooneyn.

Intii uu hayay xilka ra’iisul wasaarenimada Somalia, Gaas waxa uu ogaaday in siyaasadaha Faroole aysan u wanaagsaneyn dadka deegaanka iyo Soomaalida oo idil, taasi oo Faroole uu ku kasabaday mucaarado xoogan, sidaa darteedna uu meesha ka tuuri karo.

Dad badan oo reer Puntland ah ayaa aaminsan in maqaamka Puntland ee Somalia uu yahay mid aan daah saarneyn, hase yeeshee siyaasdaha kaligii talisnimo ee Faroole ay Puntland wax badan ku seegtay, ayna muhim tahay in Faroole uu meesha ka baxo.

Inkasta oo aysan ahayn xeer qoran, haddana xeer beeleedka Puntland, ayaa muujinaya in beesha Faroole ay qaadatay shanteedii sano, ayna tahay waqtigii ay jagada kusoo laaban lahayd beesha Gaas.

Xusuuso waxay ku billaabatay Cabdullahi Yuusuf, Cadde Muuse iyo Faroole, waana markii ay kusoo laaban lahayd jufada Gaas iyo allaha u naxariistee Madaxweyne Yuusuf, mana jiro qof iminka ka mudan Gaas, oo beesha ay soo xulan lahayd.

Waxaa kale oo xusid mudan in marka laga reebo labada beel oo ay kasoo kala jeedaan Gaas iyo Faroole, beesha gobolka Bari ay si aad ah u diidan tahay Faroole, taasi oo war wanaagsan u ah Gaas.

Taageerada DF.

Gaas waxa uu madaxweynenimada ku taageeray Xasan Sheikh, wuxuuna si marxabeyn leh xilkii uu hayay ugu wareejiyay Saacid, isaga oo aqbalaya siyaasadda cusub ee ah “Wejiga cusub”, waxaana taas beddelkeeda uu ka helayaa taageero xoogan.

Ilo wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in madaxda Somalia ay si buuxda gadaal uga riixayaan sidii Gaas uu ula wareegi lahaa maamulka Puntland, taasi oo ay u arkaan inay aad isugu soo dhoweyn karto Dowladda dhexe iyo Puntland.

Xasan Sheikh, ayaa rumeysan in Puntland ay leedaahay miisaan siyaasadeed culus, oo ay muhim u tahay dowladda dhexe, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay sidii loo fariisin lahaa qof lala macaamili karo.

Qorshaha Gaas ma ahan mid hadda billowday, ee wuxuu socday muddo tan iyo markii uu ogaaday inuusan madaxweynaha Somalia heli doonin iyo ra’’isul wasaare midna, sidaa darteedna u Puntland u arkay fursad muhim ah iyo sidoo kale maqaam uu mar kale gorgorton siyaasadeed ku gali doono.

Faroole iyo Gaas waxa ay kala tageen muddo fog markii uu Faroole xansaday qorshaha siyaadadeed ee Gaas.

Si kastaba ku labaashada Gaas ee Puntland ma ahan war farxad u leh Faroole, oo lama oga sida uu madax xanuun ka yahay iminka. Hadadad dooneyso caddeyn, booqo website-ka radiyaha ku hadla afka Faroole iyo maamulka Puntland ee uu maamulo Maxamed Faroole oo ah wiilka Faroole ee Garoweonline.com, kaasi oo marnaba aan laga baahin booqashadii Gaas ee Gaalkacyo, xilli warbaahinta Soomaalida oo idil oo ay ku jirto Caasimda Online ay si wanaagsan uga hadashay.

W.Q: Axmed Cali Sheikh

Tifaftiraha Caasimada Online.

Ra’iisul Wasaare Saacid oo u ballan qaaday shacabka 11 qodob.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalia C/qaadir Faarax Shirdoon, ayaa shaaca ka qaaday qodobo dhowr ah uu xooga saari doona ama uu sameyn doono inta uu yahay ra’iisul wasaaraha dalka.

Shirdoon ayaa u ballan qaaday shacabka Soomaaliyeed in arrimaha ugu waawayn ee uu xooga saarayo afarta sano ee soo socta inay tahay:-

1 – Hagaajinta ammaanka.
2 – Ku soo celinta dadka bara kacay guryahooda.
3 – Bixinta adeegyada bulshad.
4 – Dib u noolaynta dhaqaalaha qaranka.
5 – Abuuridda jawi wanaagsan oo maalgashi.
6 – La dagaalanka musuqmaasuqa, xag jirnimadda, argagixisanimadda iyo burcad badeedda.
7 – Hagaajinayo nidaamka garsoorka
8 – Dhisidda dawlad tayo leh.
9 – Sii wadidda dib-u-heshiisiinta qaran.
10 – Iaalinta midnimada Soomaaliya.
11 – Dib usoo celinta dawrkii Soomaaliya ee masraxa caalamka.

Ra’iisul wasaare Shirdoon ayaa sidoo kale yiri “Dawladaydu waxay ka shaqayn doontaa in ay dhisto xidhiidh ku dhisan wada shaqayn iyo is ixtiraam la geesood ah oo ku aaddan waddamada dariska ah iyo beesha caalamka,”

“Dib ayaan u hindisi doonaa dawrka Soomaaliya ee caalamka iyo urur gabaleedyada ay Soomaaliya xubno ka tahay si aan u soo celino sharaftii iyo maqaamkii Soomaaliya ee masraxa caalamka.”

Shirdoon ayaa la rajaynayaa in uu dhiso golohiisa wasiiro maalmaha soo socda. Dastuurka Soomaaliya ayaa siinaya ra’iisul wasaaraha 30 maalmood si uu u soo dhiso gole wasiiro uuna hor keeno baarlamaanka si loo ansaxiyo.

Dowladda “Ajnabigii Meydkiisa laga helay Xeebta Jazeera, wuxuu ahaa xubin Al-Qacida ah” (Dhageyso)

Saraakiisha Ciidamada Somalia, ayaa ka warbixiyay meydka nin shalay laga soo qaaday xeebta Aljazeera ee magaalada Muqdisho. Waxaa shir  jaraa’id magaalada Muqdisho ku qabtay taliyaha booliiska gobolka Banaadir General Axmed Xasan Maalin iyo taliyaha ciidamada Nabad sugidda gobolka Khaliif Ereg, waxana aay sheegeen inuu ninkaas ka mid ahaa saraakiisha Al-Qacida.

Halkan ka dhageyso Codkooda.

Cayil iyo Caato midkii aad tahayba, qormadan aqri (Fadlan)

Siyaabaha Miisaankaaga loo maareeyo

In aad si xaad dhaaf ah u cayisho waxay halis weyn kuu gelineysaa dhibaatooyin caafimaad sida dhiig kar sare, sonkorow iyo wadne xanuun. Kala doorashooyin caafimaad samee maalin walba halkii aad marna cunto cuni lahayd marna iska joojin lahayd.

Si tartiib ah u luminta 227 garaam – 1 kiilo toddobaadkiiba ayaa ugu wanaagsan. Haddii aad miisaan badan si deg deg ah u lumiso, badanaa cayilku dib ayuu kuugu soo noqonayaa.

• Cuntooyin ha ka boodin. Maalinta ku billaabo quraac caafimaad leh. Cunidda ugu yaraan 3 cunto maalin kasta waxay jirkaaga ka caawinaysaa inuu helo tamarta uu u baahan yahay waxayna kaa celinaysaa baahida.

• Xakamee cabbirka qaybtaada. Isticmaal saxan yar isla markaana qaado xaddiyo yar oo cuntooyin kala duwan ah. Ilbiriqsiyo ka dib ha ku noqonnin.

• Cun markaad gaajooto. Ka fogow in aad cunto u cunto in aad isku dejiso, ama in aad caajistay ama diiqootay awgeed. Soco ama wax aad ku raaxaysato samee.

• Qor cuntada aad cunto oo dhan. Ku soo dar nooca cuntada, xaddiga iyo waqtiga aad cuntay. Tani waxay kaa caawinaysaa in aad noqoto mid aad ula socda si markaas aad u awooddid in aad si fiican u maareyso cunto cunkaaga.

• Jir dhis samee. Ka soo hubi takhtarkaaga ka hor inta aadan billaabin jir dhis joogto ah. Noqo mid aad u fir-fircoon adigoo jaranjarada qaadanaya ama baabuurkaaga meel fog soo dhiganaya. U qasad in aad jir dhis sameyso 1 saac maalin walba, ugu yaraan 5 maalmood toddobaadkii adigoo sameynaya hawlaha sida socosho, bushkuleeti fuulid, dabbaalasho, orod iyo meel sare fuulid. Fasallada lagu barto jir dhisku way ku caawin karaan.

• Iska xaddid sonkorta iyo mac-macaannada. Iska xaddid cuntada ay ku jirto sonkorta lagu daray sida mac-macaanka, doonaatka, buskudyada iyo nac-naca. Kuwaani waxay leeyihiin kalooriyo fara badan iyo nafaqo yar. Cabitaannada u isticmaal macaaneeye macmal ah halkii sonkor aad ka isticmaali lahayd.

• Biyo cab. Dadka cabba biyo fara badan waxay u badan yihiin in ay lumiyaan miisaan badan. Cab 6-8 koob oo biyo ah maalin kasta.

• Ka taxaddar marka aad dibedda cunto ka soo cuneysid. Marka aad dibedda cunto ka soo cuneyso, dooro maraq iyo khudrad ama cuntooyin yar-yar oo dufanku ku yar yahay. Weydiiso suugo iyo labeenta ansalaatada la marsado. Haddii qaybuhu ay ballaaran yihiin, wax ka wadaag saxan ama kala bar guriga u qaado.

• Cunto fudud oo caafimaad fiican leh. Ku raaxayso furuto aan la warshadayn, khudrad, ama garoor fudud oo aan dufan lahayn halkii aad ka cuni lahayd cuntooyin fudud oo la soo baakadeeyey. Qarjawleyaasha dufanku ku yar yahay, siiriyaalka iyo boorashku cuntooyin fudud oo fiican ayey noqdaan.

• Isticmaal dufan yar marka aad cunto karineyso. Dub, bir iyo dhuxul ku dub, sol, ama uumi ku kari cuntada halkii aad ka shiili lahayd. Baruurta iyo maqaarka ka jar hilibka. Dufanka ka miir.

• Noqo dukaan wax ka soo iibsade caqli badan. Cuntooyinka horey u sii qorsheyso. Isticmaal taxane kana fogow dukaan wax ka soo iibsashada markaad aad gaajaysan tahay. Soo iibso furuto, miro wadajira, khudrad, cuntada badda, digaag iyo hilib caato ah. Haddii aad cunto waxyaabaha caanaha laga sameeyo, soo iibso kuwa aan dufan lahayn ama uu ku yar yahay.

Isbeddello yar-yar waxay horseedi karaan natiijooyin wanaagsan. halkaan ku waydii haddii aad wax su’aalo ama walaac ah qabtid.

Waxaa diyaariyay Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed.

Jose Mourinho: Waa la dhaafay waqtigii Barcelona mana ahan in la is daaliyo.

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa rumeysan inuusan jirin tusmo loogu daydo Barcelona ka dib markii ay gacmaha Real Madrid La Liga halka ay Chelsea sanadii hore ka reebtay Champions League.

Catalans ayaa inta badan lasoo jeedinaayey inay tahay koox mudan in lagu daysado ka dib guulohoodii dhowaanahaan, laakiin Ninka reer Portugal uma muuqato falsafad kubadeed Barca iyo inay tahay koox quwadeedii luntay.

“Waxaan u maleynayaa in la gaaray goortii ay dadku iska dhaafi lahaayeen ka hadalka Barcelona,waan inaysan dadku is xiijin is bar-bar dhig ay nagula sameeyaan,” ayuu Special One u sheegay  France Football.

“Waa maxay sababta ay dadku uga hadlayaan Barca? Real Madrid ayaa ah horyaalka Spain, Chelsea-na waa horyaalka Yurub. Barcelona waqtigaan ma ahan labadaasna midkood.”

W/Q: Ahmed Farah Salaad Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Jack Wilshere oo lagu daray kooxda Arsenal ee la ciyaareysa Norwich City.

Jack Wilshere ayaa lagu soo dari doonaa kooxda Arsenal ee la ciyaareysa Norwich, sida uu akoonkiisa Twitter –ka ku xaqiijiyey wakiilkiisa Simon Bayliff.

Lama filaneynin inuu ka mid ahaado kooxda Gunners ay wajaheysa Canaries laakiin waxaa jira fursado u banaan oo ah inuu soo fariisto kursiga keydka sida aan kasoo xiganay wargeyska Talk Sport.

Bayliff ayaa ku qortay akoonkiisa Twitter: “Waxaan idiin sidaa laba war oo farxad leh oo maalmo isku xiga inta badan dhicin. Jack wuxuu ka mid noqday kooxda koowaad ee Arsenal Football Club ee u safartay Norwich !! Waana wax lagu farxo.”

W/Q: Ahmed Farah Salaad Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.