25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Sidee ayuu xaalka Kismaayo xalay ahaa, saakese waa sidee? (Warbixin)

Kadib dilal  ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada hoose ayaa waxaa ay soo dadajisay taas in degmadaas uu ka dhaqan galo bandow waqtigiisa la ogayn inta uu ku egyahay.

Saraakiisha Dowlada ayaa ku Micneeyay bandowgan inuu ka dambeeyay kadib markii Magaalada Kismaayo shalay ay ka dhaceen dilal kala duwan kuwaasi oo loo geestay dad shacab ah.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay xalay sameeyeen roondooyin ku aadan sugida dhanka ammaanka Magaaladaasi iyadoo aysan jirin cid ay kusoo qab qabteen howgalkaasi.

Habeenkii Xalay ayaa la arkayay iyadoo Ciidamada ay ku dhex roondaynayeen magaalada.

Maqribkii shalay ayaa lagu dhawaaqay iyadoo Mikrifoono codbaahiyaal loogu sheegayay dadka, waxaana shacabka reer Kismaayo xalay waqti hore guryahooda lagu amaray   inay galaan.

Kismaayo ayaa  u muuqata inay isku badalayso Meelo kamid ah dalka oo dhiiga uu ku daadato Sida Muqdisho oo dagtay hada.

Juventus oo sheegtay inaysan Janaayo lasoo wareegi doonin Giuseppe Rossi + Sababta.

Juventus ayaa u sheegtay wakiilka Giuseppe Rossi, Federico Pastorello, inaysan xiiseyneyn saxiixa weeraryahanka kooxda Villarreal, sida ay ogatay shabakada Goal.com.

25 jirkaan ayaa halgan adag ugu jira sidii uu El Madrigal uga soo tegi lahaa uuna ugu laaban lahaa Serie A bisha Janaayo marka uu suuqu furmo, waxaana si aad ah loola xiriirinayaa kooxaha AC Milan, Inter iyo Napoli.

Si kastaba, Bianconeri, ayaan qorsheyneyn inay lasoo wareegto Rossi waqtina, iyagoona arka inuusan xoog ahaan ku wanaagsaneyn.

Juventus ayaa qarka u saarneyd inay sandii lasoo dhaafay lasoo wareegto Rossi, laakiin heshiiska ayaa burbur ku yimid waqtiyadii dhamaadka uu ku dhowaa.

Rossi ayaa hada kasoo kabanaaya dhaawac jilibka ah, oo uu inta badan ku maqnaa sanadkaan, wuxuuna rajo ka qabaa inuu soo laabto bisha February ee sanadka soo aadan.

Real Madrid oo gacanta kusoo dhigtay bedelka goolhaye Iker Casillas (Warbixin)

Goolhayaha kooxda Leicester Kasper Schmeichel ayaa si la yab leh diirada ugu fuulay kooxda ka dhisan dalka Spain ee Real Madrid.

Wiilka halyeeygii kooxda Manchester United Peter Schmeichel ayaa waqti dheer loo arkaayey bedelka koowaad ee gool ilaaliyaha haatan ee Real Iker Casillas.

Waxaa loo arkaa in tababaraha Los Blancos Jose Mourinho iyo tababaraha goolhayeyaasha Silvino Louro ay da’yarkaan u xushmeynayaan inuu tartan la galo Casillas, sida uu qoray wargeyska Daily Star.

Real, ayaa sidoo kale baacsaneysa goolhayaha kooxda Real Zaragoza, Roberto oo 26 jir ah iyo ninka Osasuna goolka u qabta Andres Fernandez, oo 25 jir ah.

Schmeichel, oo 25 jir goolka qabta ah ayaa sanadii hore loo magacaabay ciyaaryahanka sanadka ee Leicester City.

Goolhayaha Denmark ee [Under 21-ka] ayaa xirfadiisa kasoo bilaabay kooxda Manchester City, wuxuuna sidoo kale 2006dii si amaah ugu soo ciyaaray kooxda Darlington.

Schmeichel ayaa soo xirtay maaliyadaha Notts County iyo Leeds ka hor inta uusan 2011kii ku biirin kooxda Leicester.

Raphael Varane oo iska diiday inuu ku biiro Manchester United oo si aad ah u dooneysay.

Xidiga diiradu u saaran tahay kooxda Manchester United Raphael Varane ayaa daaha qaaday inuusan dooneyn inuu bisha Janaayo ka tago kooxdiisa Real Madrid.

Da’yarka daacafa dhexe ayaa lala xiriirinaayey inuu u dhaqaaqayo kooxda Old Trafford, iyadoo kooxda Sir Alex Ferguson ay markale la dhibtooneyso dhaawacyo soo gaaray daafacyadeeda muhim ka ah.

Varane, oo 19 jir ah, ayey United u argtaa daafaca tayo leh kaasoo ay ku dhiso karto siyaasadeeda daafaca halbowlaha.

Ciyaaryahanka u dhashay dalka Faransiiska ayaa Real Madrid kusoo biiray 2011kii, ka dib markii uu waayo wax tar leh ka muujiyey kooxda Ligue 1 ciyaarta ee Lens, taasoo u sahashay inuu helofursad uu ugu biiro kooxda qaniyeedka Bernabeu. Wuxuuse keliya ciyaaray sideed kulan oo La Liga ah tan iyo markii uu yimid caasimada Spain.

Taas ayaana keentay in mustaqbalkiisa lala xiriirinyo koox kale, wuxuuse taas bedelkeeda sheegay inuu u dagaalamayo booskiisa kooxda Jose Mourinho.

“Waad qiyaasi kartaa in aanan sameyn horumar badan,” ayuu u sheegay saxaafada isagoo diyaar u ah inuu xulkiisa kala qeyb qaato kulanka ay la ciyaarayaan xulka Spain.

“Laakiin waa been. Waxaana cadeynayaa inaan doonayo inaan si dhaqso ah u halgamo ka hor inta aanan tegin.

“Tani waa wax l iga been abuuray, saxaafada iyo anigaba.

“Laakiin waqtigaan kama fekeraayo wax quseeya suuqa kala iibsiga.”

Liverpool oo ay diiradu u saaran tahay Arda Turan iyo Alexis Sanchez (Aqriso)

Liverpool ayaa markaan laba ciyaaryahan ka dooneysa Horyaalka La Liga waana xidiga garabka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid Arda Turan iyo weeraryahanka kooxda Barcelona Alexis Sanchez, sida uu qoraayo wargeyska Talksport.

Kooxda Brendan Rodgers ayaa todobo kulan oo horyaalka xilli ciyaareedkan ah keliya shabaqa soo taabatay sagal jeer goolashaasoo ay shan ka mid ah ka dhaliyeen kooxda Norwich.

Wuxuuna Rodgers, si kama ah kooxda amaah uga diray Andy Carroll kaasoo ku biiray kooxda West Ham horaantii sanadkaan, kooxda ayaana weerar la’aan u damqatay ka dib markii uu dhaawac soo gaaray Fabio Borini.

Sida ay tebinayaan saxaafada Spain, Rodgers ayaa wakiilo daawada u diray kulankii uu xulka Turkey 1-0 ku garaacay xulka Romania si ay usoo indha indheeyaan Turan, kaasoo laftiisu taageere u ah kooxda Liverpool.

25 jirkaan ayaa sanadii hore kusoo biiray kooxda Atletico Madrid, waxaana intii uu joogay kooxdiisii hore ee Galatasaray lala xiriirinaayey inuu ku biiro Anfield.

Xidiga kale ee uu Rodgers baacsanaayo waa laacibka heerka caalami ee dalka Chile Sanchez.

23 jirkaan ayaa  laga deyrinaayey waayihiisa Comp Nou oo uu kusoo biiray sanadkii lasoo dhaafay, waxaana lasoo jeedinayaa inuu ku guul darreystay ka hoos shaqeynta macalinka cusub ee Barca Tito Vilanova, taasoo uu keliya xilli ciyaareedkaan u saftay kooxdiisa todobo kulan.

Chelsea oo laga afduuban rabo Ashley Cole, iyadoo PSG kusoo jiidaneyso mushaar xad dhaaf ah.

Kooxda qaniga ah ee Paris Saint-Germain ayaa diyaar u ah inay soo afjarto hrdanka ay Ashley Cole ugu jiraan kooxaha Manchester United, Manchester City iyo Real Madrid, waxayna daafaca bidix jeebkiisa isbuucii ku shubi doontaa mushaar dhan 150 kun oo ginni oo ay la jirto sedax sano oo qandaraas ah.

Sida uu tebinaayo wargeyska Sportsmail kooxda ka dhisan faransiiska ayaa rajo fiican ka qabta inay lasoo wareegaan 31 jirkaan kasoo diiday inuu qandaraas sanad ah la galo kooxdiisa Chelsea, kana tegaaya dhamaadka xilli ciyaareedka.

Chelsea ayaa weyn kara Cole marka uu suuqu dib u furmo bisha Janaayo, waxayna kooxdu heysataa bedelkiisa daafaca bidix ee Ryan Bertrand.

Chelsea oo isha ku heysa xidiga kooxda Corinthians Paulinho.

Chelsea ayaa isha ku heysa xidiga reer Brazil ee kooxda Corinthians uga ciyaara qadka dhexe Paulinho, kaasoo ay dooneyso inay lasoo wareegto bisha Janaayo marka uu suuqu furmo.

Waxayna Blues dooneysaa inay xidiga garabka uga ciyaara ee reer France Florent Malouda u dirto kooxda ka dhisan isla dalkaasi ee Santos.

Tababaraha kooxda Chelsea Roberto Di Matteo ayaa horay gacanta ugu heystay xidigaha kasoo jeeda dalka Brazil ee kala ah Oscar, Ramires, David Luiz iyo Lucas Piazon.

Xidigaan ayaa keliya diirada u saarneyn Chelsea waxaana ay kooxda London dagaal la geli doontaa kooxda Serie A Inter Milan.

Paulinho, waa 24 jir ku wanaagsan qeybta burburinta dhexe wuxuuna booska kula tartami doonaa ninka ay isku wadanka yihiin ee Ramires.

Axmed Cabdi Salam, Yusuf Garaad, Cabdi Kariim Xuseen Guuleed + Kuwa kale iyo hal jago “XOG”.

Waxaa maalmahan soconaya olole xoogan oo loogu jiro wasiirada iyo sidii loo qeybsan lahaa waxana jira wasaaro si gaar ah laysugu haysto oo rag badan oo hal qabiil kasoo jeeda ay ku tartamayaan in mid kasto uu isaga noqdo kan noqonaya wasiirkaas.

Wasaaradaha dowladda ayaa kala muhiimsan iyadoo wasaarahada sida weyn loo qiimeeyo ay kamid yihiin 1 -gaashaandhiga 2- arimaha gudaha iyo amniga 3- maliyada 4 arimaha dibada,5 cadaalada 6 warfaafinta,7-Gaadidka cirka dhulka dekadaha iyo garoomada.

Wasaaradda sida gaarka ah ama tartanka ugu culus uu ka jiro waa wasaaradda Ariimaha gudaha iyo Amniga Qaranka xukuumadda Dr Saacid oo ay ku dagaalamayan rag kasoo jeeda beesha Habar gidir oo Hal wasaarad ay ka dhaxayso jufooyinka kala duwan ee Beeshas.

Magacyada lala xiriirinayo inay qaban doonaan jagada Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka waxaana kamid ah Kuwo horey loo bartay iyo kuwo ku cusub saaxadda siyaasadda Somalia.

Xog ay Caasimadda Heshay ayaa sheegaya in wasaaradda Arrimaha gudaha Amniga Qaranka ay isku haystaan Magacyo ay kamid yihiin Axmed Cabdi Salaan,Yuusuf Garaad, Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, waxaa kaloo jira nin isna  magaciisa lagu sheegay Farxaan.

Axmed C/salaam Xaaji Aadan waa siyaasi aan ku cusbeen masraxa siyaasadda Somalia wuxuuna horey u soo qabtay Xilka Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna wasiirka Warfaafinta, iyo arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumaddii Nuur Cadde ee Madaxweyne C/laahi Yuusuf,wuxuu kaloo Axmed Cabdi Salaan ahaa mid kamid ah milkiilayasha idaacaddii bur burtay ee Horn Afrik waxaana u dhaxda Gabadha Saxafiyadda ah ee Falastiin Axmed Xaaji Iiman oo Haatan ka shaqeyso idaacadda VOA-da Laanteeda Afka Somaliga.

Waxaa jira fursado labo ah uu haysto Axmed C/salaan oo ku aadan sidii uu ku noqon lahaa wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka kuwaas oo kala ah:-

1-Siyaasigaan Axmed C/salaam ayaa xiriir fiican la leh  Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo Cabdi Faarax Shirdoon,waxaana Madaxweyne Xasan sheikh ay ka wada tirsanaayen bulshada Rayidka oo Axmed Cabdi salan iyo Madaxweynaha ay isla dhiseen ururo bulsho rayid ka hor intii Axmed cabdi salan uusan noqon wasiirka isboortiga iyo dhalinyarada dowladii c/laahi Yuusuf.

2-Sidoo kale Axmed cabdi salaan wuxuu kaloo xiriir fiican kala dhaxeeyaa Ra’iisul Wasare Cabdi Faarax Shirdoon ay si wanaagsan isku yaqaanan waxaana taas sababteeda leh xaaska Ra’iisul Wasaraha oo lagu magcabo Xildhibaanad Caashi Xaaji Cilmi oo ururada Bulshada Rayidka ay wada shaqeen fiican kala dhaxeeysay Axmed Cabdi Salaan,Dr Saacid waxaa suura gal ah in seedigiisa Axmed Cabdi Salaan uu u magacaabo Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka xukuumadda uu dhawaan so magacaabi doonno.

Magaca 2-aad ee lala xiriirinayo inuu noqonaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa ah Yuusuf Garaad Cumar madaxii hore Laanta AFka Somaliga idaacadda BBC-da kaas oo kamid ahaa musharaxiinta xilka Madaxweyne 10-ki bishii September lagu qabtay Muqdisho laakin hellay codad tiro yar.

Yuusuf Garaad waxaa la sheegaa inuu yahay saaxib kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu leeyahay kaas oo raba in loo magacaabo wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka waxana labadan Wa Madaxweyne Xasan sheikh iyo Musharax Yuusuf Garaad ay xiriirkooda xoogaystay xilligii Prof.Xasan Sheekh Maxamuud uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga nabadda iyo horumarka oo Doodada idaacadda BBC-da si wanaagsan loogu hagar bixi jiray Xasan Sheekh jimco dhaafna loogu marti qaadi jiray Barnamijka Falanqeynta Jimcaha oo mowduuc kasto lagu soo qaato meel uun laga soo galin jiray Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ugu qeyb galo doodaas si ay bulshada u bartaan.

Rag kale oo iyana lala xiririnayo inay musharaxiin u yihiin wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka inay qabtaan xilkaas kuwaas oo ah rag aan saaxadda siyaasaded laga aqoon waana kuwo ku cusub waxaa kamid ah nin magaciisa lagu soo koobay C/kariin.

Ninkaan Cabdi Kariin lagu sheegay magaciisa waa nin ka tirsan xisbiga Dammu Jadiid oo ah xisbi horey ugu go’ay AL Islaax waana xisbiga sida saxda ah uu ugu tirsan yahay Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud wuxuna C/kariin dhawanahan  isna kamid ah xisbiga horumarka Nabadda oo ah xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh uu Guddomiyaha ka ahaa.

Waxaa kaloo jira mid kale oo isna magaciisa lagu sheegay Farxaan oo ilmo adeer ay yihiin Wasiirkii Arrimaha gudaha dowladdii C/wali Gaas.

Musharaxiinta jagada Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga oo aan kor kusoo sheegnay magacyadooda ayaa waxaa saddex kamid ah ay hal Jufo kasoo jeedaan kana soo jeedaan Beesha Ceyr kuwaas oo kala ah,Yuusuf Garaad,Axmed C/salan iyo Farxaan halka C/kariin uu kasoo jeedo Jufada Sacad ee Habar gidir.

Si kastaba Ra’iisul Wasaara Dr Saacid ayaa horyaala xulasho muhiim ah waxana looga fadhiyaa in uu kasoo dhex Xulo ninkii noqon lahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Beesha Reer Seedigiis(Habar Gidir)oo ay kasoo jeedo xaaskiisa Xildhibaanad Caashi Xaaji Cilmi

KASHIFAAD: Isbaarooyin uu dhaqaale ka soo galo wasiiro, saraakiil ciidan iyo gudoomiyaal degmo + Magacyada

Warar lagu kal soon yahay ayaa muujinaya in uu dhaqaalle badan ka soo gallo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, isbaarooyin la dhigay deeggano ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose.

Meelaha isbaarooyinka ay yaalaan waxa ka mid ah Siinka-dheer iyo Baar Ismaaciil oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose.

Lacagta ka soo xaroota isbaarooyinka waxbo dowladda Soomaaliya kama soo gaarto, ee waxa kala qaybsada dhowr nin oo uu ka mid yahay :

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Cabdu Qaadir Maxamed Siidii.

Abaandulaha Ciidamada Soomaaliyeed Genaral Cabdi Kariin Aadan Dhagaban.

Siihayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya Cabdi Samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga oo uu ka mid yahay Col. Max’ed Rooblle Jimcaale Gooballe oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda iyo kooxo maleeshiyo ah oo halkaas joogta isla markaana aysan cidna ka amar qaadan

Hadaba sidan ayaa loo qeybsadaa dhaqaalaha ka soo xaroodo Isbaarada:

1-50% waxa lacagta qaata ciidamada xooga.

2-5% waxaa qaata Genaral Cabdi Kariin Aadan Dhagaban.

3-5% waxaa lacagta qaata saraakiil saaxiibo la ah Genaral Cabdi Kariin Aadan Dhagaban sida Max’ed Rooblle Jimcaale Goobaale, Ibraahim Yaroow iyo Goordan.

4-10% Waxa lacagta qaata Wasiirka arrimaha gudaha amniga Cabdi Samad Macallin Maxamuud lacagta isaga si toos uma qaato ee waxa loo soo marsiiyaa oo u qaada nin lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Cabdi oo katirsan Maamulka G/Shabeelada Hoose.

5-15% Gudoomiyaasha G/Shabeelada Hoose Cabdu Qaadir Maxamed Siidii

6-15% Waxaa qaata maamulka ugu sareeya Gobolka shabeelada Hoose, laakiin sida lasheegay lacagtaan waxaa hada si xoog ah ku qaata ciidamada Milatariga ee halkaas kusugan.

Isku soo duub dadka ku dhaqan gobalka Shabeellaha Hoose, ma ahan dad dhib badan oo waxa ay doonayaan nabad ka dhalata gobalka oo dhan, laakin waxa dhib weyn ku haya ciidanka halkaas la geeyay eek a tirsan dowladda, kuwaasoo dhac joogta ah, kufsi iyo dil u geesta dadka ku dhaqan gobalka Shabeellaha Hoose.

Dowladda dhowr jeer ayey sheegtay in ay wax ka qaban doonto falalka ku soo noq-noqday gobalka Shabeellaha Hoose, laakin siddii loo doortay guddoon cusub oo baarlamaan, madaxweyne iyo ra’iisal wasaare, cid wax kala socda xaaladda G/Shabeellaha Hoose ma jirto.

Gaadidka dad weynaha ee ka shaqeeya Afgooye iyo Muqdisho waxa ay markata ka cabanayaan isbaarooyin hor leh oo la soo dhigay wadada u dhexeesa Muqdisho iyo Afgooye kuwaasoo lacago badan looga qaado.

Habraaca Kalsooni siinta Dawladda. (Maxaa sharci ah, Maxaanse ahayn?)

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Axaddii 14 October ka dalbaday madaxweynaha in uu laba maalmood gudahood Baarlamaanka ku horkeeno ra’iisul wasaaraha magacaaban, Cabdi Faarax Shirdoon, si uu kalsooni u weydiisto.

Gudoomiyaha baarlamaanku wuxuu madaxweynaha u bidhaamiyey in ay jiraan baahi iyo xaalado dalku ku sugan yahay oo hiil degdeg ah u baahan.

Waxaan jeclaan lahaa in aan labo arrimood wax ka tilmaamo.

Xiriirka Madaxweynaha iyo Xukuumadda

Dawladaha dimoqraadiga ah (waa kuwa aan kaligi taliska ama dhaxaltooyada ahayn) waxay, guud ahaan, u kala baxaan 3 nooc:

A) dowlad madaxweyne. Waa dawlad si toos ah dadku usoo doortay. Waxaa tusaale u ah dawladda Mareykanka. Dadweynaha mareykanka ayaa afartiisanaba mar doorta madaxweynaha, asaguna wuxuu si toos ah u soo xushaa wasiiradiisa, oo shaqadooda bilaaba markii ay helaan ansixinta aqalka odoyaasha mareykanka (US Senate). Waa wasiirada kaliya, ma ahan madaxweynaha waxa u baahan ansixinta. Aqalka odayaasha mareykanku wuxuu hubinayaa oo kaliya in wasiirka madaxweynuhu soo magacaabay uu leeyahay akhlaakh wanaagsan iyo wadaninimo. Guud ahaan, dawladda madaxweynaha waxaa shaqadeeda kula xisaabtama shacabka mareykanka oo afartiisanaba santuuqa doorashada ku abaalmariya (dib u doorta) ama ku inqaaba (cayriya) madaxweynaha.

B) Dawlad isku dhafan (semi presidential government). Waxaa tusaale u ah dawladda Fransiiska. Dadweynaha Fransiisku waxay si toos ah u doortaan madaxweynaha jamuuriyadda Fransiiska. Waxaa jira oo kale ra’iisalwasaare ka yimaada xisbiga ugu kuraas badan barlamaanka dhexe (Assemblee Nationale). Madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha waxaa ka dhexeeya awooda fulinta (executive power). Siyaasadda arrimaha dibedda iyo gaashaandhiga inta badan madaxweynaha ayaa u gacan badan. Haddii madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaruhu ay isku xisbi yihiin si fudud ayey u wada shaqeeyaan maadaama ay isku siyaasad iyo hadaf yihiin. Haddiise ay dhacdo in madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaruhu asxaab kala duwan ka yimaadaan, waxaa badan iska hor imaadka iyo wada shaqeyn la’aanta (co-habitation government).

C) Dawlad baarlamaan. Waa dawladda shacabku si toos ah u doorto xubnaha baarlamaanka. Baarlamaanku wuxuu soo doortaa madaxweynaha jamhuuriyadda (haddii aysan boqortooyo dastuuri ah ahayn sida Spain in Ingiriiska oo kale). Madaxweynuhu wuxuu soo xulaa ra’iisalwasaare, la hubo (la saadaalin karo) in uu baarlamaanka kalsooni ka heli doono. Waa nooca dawladdeed ee talyaaniga lugu yaqaano, Somaliyana loo keenay 1960. Dastuurka talyaaniga ee 1948 iyo kii Somalia ee 1960, waxay labaduba tilmaamayaan habraac (procedure) isku mid ah oo ku saabsan magacaabista, dhaarinta, xil lawareegida iyo kalsooni siinta ra’iisalwasaaraha. Ra’iisalwasaaraha magacaaban, wuxuu durbadiiba ku dhaqaaqaa inuu soo diyaarsado xubnihii golihiisa wasiirada ka mid noqon lahaa. Madaxweynaha ayuu ula tagaa liiska wasiirada. Golaha wasiirada oo dhameystiran ayaa iska xaadiriya madaxtooyada halkaas oo ay ku soo dhaartaan. Dhaarta ka bacdi waxay si toos ah ula wareegayaan xilkii dawladda. Madaxweynaha hawshiisa halkaas ayey ku dhamaatay. Ra’iisalwasaaruhu muddo 30 maalmood gudahood ah (10 maalmood talyaaniga) waa inuu baarlamaanka u weydiiyo dawladdiisa iyo barnaamijkiisa kalsooni.

Dastuurkii 1960, kii Ambagati iyo dastuurka saxiixayaasha 2012 midna kuma cayina awood fulin (executive power) gooni u ah madaxweynaha ama uu la wadaago golaha wasiirada. Madaxweynuhu waa astaanta midnimada Qaranka awoodihiisuna waxay ku xusan yihiin qodobka 90aad ee dastuurka KMG.

Habraaca kalsooni siinta Dawladda.

Gudoomiyaha baarlamaanku wuxuu codsaday in ra’iisalwasaaraha macaaban keligiis la horkeeno baarlamaanka si uu kalsooni u weydiisto. Habraaca kalsooni siinta kala horeysa (marka hore wasiirka koowaad, kadibna golaha wasiirada oo dhan) waa arrin ku soo biirtay wakhtigii Ambagathi masraxa siyaasadda Soomaaliya. Waxaa lagu bilaabay Prof Cali Geedi waxayna socotay ilaa magacaabistii Prof Cabdiweli Gas.

Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari wuxuu sheegay in aysan dastuurka KMG ku qornayn in si wadajir ah kalsooni loo siiyo wasiirka kowaad iyo xubnaha kale ee golaha wasiirada. Waa run. Laakiin waxaa kale oo run ah in aysan dastuurka ku qornayn in wasiirka kowaad keligiis kalsooni weydiisto.

Dhowr qodob oo dastuurka ka mid ah ayaa si toos ah iyo si dadban uga hadlaya kalsooni dalbashada iyo kalsooni siinta dowladda. Dhamaantood waxaad moodaa in ay tilmaamayaan kalsooni wadajir ah. Waa kuwaan hoos ku qoran ee aan wada akhrino:

Qodobka 69aad. Awoodaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Awoodaha golaha shacabka waxaa ka mid ah: Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 (faqradda 2aad, xarafka (d);

Qodobka 100aad. Xilka iyo Awoodda Ra’iisul-wasaaraha

Awoodaha ra’iisalwasaaraha waxaa kamid ah: Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni (faqradda 1, xarafka (c);

Qodobka 104aad. Dhaarta Raisul-Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirradu markay helaan codka kalsoonida inta aysan xilkooda bilaabin, waxa lagu dhaarinayaa kalfadhi gaar ah ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, waxaana dhaarinaya Gudoomiyaha Maxkamadda sare..(faqradda 1aad).

Gudoomiyaha baarlamaanku waa runtiis markuu leeyahay waddanku hiil buu u baahan yahay degdeg ah. Kalsooni wadajir ah, hal mar ah wasiirka koowaad iyo golihiisa wasiirada ha la siiyo, hana loo qabto 30 maalmood oo looga soo bilaabayo maalintii la magacaabay. Kalsoonida labada mar ah wakhtiga ayey sii dheeraynaysaa. Waana macno darro.

Abdulkadir Mohoamed Tahlil
[email protected]
Director of Birmingham Justice and Advocacy Centre

Daawo Video Qosol leh: Tartanka Xambaarka xaasaska oo la qabtay iyo rag ay ceeb ka raacday.

Haddii ay dhacdo xaalad deg deg ah, illaa intee la eg ayaa lamaanahaaga ama xaaskaaga bad baadin kartaa oo aad dusha ku xambaari kartaa?, haddaba haddaadan hubin waxaad u baahan tahay inaad is tijaabiso.

Gobolka Maine ee dalka Mareykanka, ayaa waxaa lagu qabtay tartanka xambaarka xaasaska, ayada oo raggu ay dusha ku qaadayeen xaasaskooda. Waxa ay mareen meelo dhib badan, sida buuro gacanta lagu sameeyay, biyo iyo meelo dhiiqo ah, waxaana halkaas ku haftay ceebna ay ka raacday ragga qaar.

Haddaba halkan ka daawo.

Dadaalo lagu siidayno weriye u xiran Dowladda oo Muqdisho ka socda.

Wariye ka tirsan Mid kamid ah Idaacada ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa xalay Waxaa uu ku baryay Xabsi Hay’ada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya .

Qadar Maxamuud Xareed oo ahaa Wariye ka howlgala Idaacada Goobjoog ayaa la Xiray Maalintii Shalay kadib markii ay Xireen Ciidamada Nabad Sugida.

Wariyahan ayaa waxaa uu ahaa Madaxii Barnamijyada Idaacadaas oo dhawaan ku biirtay Idaacadaha tirada badan ee ka jira Muqdisho.

Macada Sababta Weriyahan ay u Xireen Ciidamadan waxaana ay xalay  u ahayd habeenkii ugu horeeyay ee Xabsi uu ku dhamaysto Wariyaha ilaa iyo Saakayna waa uu Xiran yahay.

Maanta ayaa waxaa Soconaya daadalo lagu siidaynayo Wariyahan wallow Nabad Sugida ay shaki badan ka muujiyeen .

Maxaa keena dhuusada badan?

Dhuusada badan waxa ay sideedaba astaan u tahay oo ay timaadaa marka calooshu ama qofku uu qabo cudurka gaaska, sidaa darteedna aan ka hadalno cudurka gaaska.

Gaastiriko waa lurka dhinacyada caloosha. Tani waxay u billaaban kartaa si deg deg ah ama waxay noqon kartaa dhibaato waqti dheer.

Calaamadaha

# Calool xanuun
# Dibbiro iyo daaco
# Lalabbo ama matagid

Sababaha

# Daawooyinka qaarkood
# Aashitada caloosha oo badata
# Aalkolo cabbid
# Aad wax u cunid ama cunidda cuntooyin aad u kulul oo basbaas leh
# Sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada

Daryeelkaaga

Cunto beddelid iyo daawooyin ayaa laga yaabaa in looga baahdo gaastirikada.
# Daawooyinkaaga sida lagu faray u qaado.
# Cun oo keliya cabitaanno cad ama cuntooyin aan dhadhan lahayn sida kuwa la dubay ilaa aad ka bogsato.
# Si tartiib-tartiib ah cuntaadii caadiga ahayd ugu soo noqo. Cun xaddiyo yar markiiba.
# Takhtarkaaga la soco.

Si looga hortago dhibaato mustaqbalka timaadda:

# Ka fogow cuntooyinka basbaaska leh, cunto aashito ku badan tahay sida bambeelmo, ama wixii cunto ah ee calooshaada dhibaya.
# Ka fogow cabitaannada aalkoladu ku jirto ama kafeyiinta, sida shaaha, qaxwada iyo koollooyinka.
# Cun qaybo yar oo cunto ah markiiba. Cuntada ha iska badin ama cuntada ha ka boodin.
# Jooji ama yaree sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada.

Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii aad:

# Isku aragto matag dhiig leh ama baroon mugdi ah.
# Ay saxaradaadu dhiig leedahay ama madowdahay.
# Aad noqoto mid aad u liita ama war-wareeya markaad istaagto.
# Calool xanuun xun qabto.
# Isku aragto heerkulka ka sarreeya 101 darajo oo F ah ama 38 darajo oo C ah.
# Isku aragto xanuun ama matagid soconaysa wax ka badan dhowr saacadood.

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed.

Mehrado ganacsi oo ku gubtay Xagardheer.

Faah faahino ayaa ka soo baxaya Dab qasaara uu ka dhashay oo xalay ka kacay Degmada Xagardheer ee Gobolka NFD.

Mudo dhowr Saacadood uu dabkan Socday ayaa lagu guulaystay in Xalay waqti dambe la damiyo  taas oo ay iska kaashadeen dadka deegaanka.

Gurmadka Daminta dabka ayaa waxaa kale oo la sheegay inay ka qayb qaateen Booyado.

 Dad kusugan Xagardheer oo aan qadka Telefoonka Saakay aynu kula Xiriirnay ayaa inoo Sheegay inuu jiro qasaaro uu gaystay dabka.

 Mehrado Ganacsi oo tiradoodu gaarayso ilaa Sideed ayaa ku gubtay halka dabka uu ka kacay.

Mid ka mid ah shirkadaha Muqdisho oo ballan qaad fiican u sameysay haweeneydii afarta caruur dhashay.

Iyadoo dhawaan hooyo Soomaaliyeed Magaalada Muqdisho ay ku dhashay caruur mataano ah oo gaarayaa ilaa afar hal kamid ahna uu geeriyooday ayaa Hooyadaasi Soomaaliyeed waxa ay heshay gurmad kala duwan.

Masuuliyiin ka socotay Shirkada Hormuud oo maanta gaaray halka ay ku nooshahay hooyadani ayaa waxa ay sheegeen inay la socon doonaan xaalada ay ku nooshahay haweeneydaasi muddo dhan labo sano.Cali Sheekh Yaasiin Cali Fadhaa oo kamid ah xubnaha Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo saxaafada kula hadlay guriga ay dagan tahay haweeneyda ayaa wuxuu sheegay in muddo labo sano hada kadib ah ay balan qaadayaan nolosha haweeneydaasi.

Wuxuu sheegay Cali Fadhaa in Xaalada caafimaad iyo mida dhaqaale intaba ay la soconayaan hadii ay yihiin Shirkada Hormuud isaga oo baaq ujeediyay ganacsatada Soomaaliyeed kaasi oo ugu baaqay inay caawiyaan hooyadani Soomaaliyeed.

Maamo Xaliimo Maxamed Cabdi oo iyadana goobtaasi ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay inay ku faraxsan tahay sida Shirkada Hormuud ay udamaanad qaaday la socodka xaaladeeda muddo labo sano ah ee hada soo socota mahadnaqna ujeedisay.

Maalmo kahor ayeey aheyd markii deeq kala duwan la gaarsiiyay hooyadani Soomaaliyeed ee dhawaan afarta caruurta ah ku dhashay Muqdisho halka mid kamid ah caruurtana uu geeriyooday.

DEG DEG: Shaqaale Samafal ahaa oo lagu dilay………..!

Kooxo hubaysan ayaa goordhow waxaa ay Mid kamid ah Shaqaalo Samafal ay ku dileen Gobolka Waqooyi bari Ama Gobolka NFD.

Dilkan ayaa ka dhacay xerada dadka Soomaalida ay ku barakaceen ee IFO.

dhowr xabad ayaa madaxa looga dhuftay Ninkaan oo dad goobta ku sugan ay inoo sheegeen in lagu magacaabi jiray Ducaysane.

Kooxaha dilka gaystay ayaa baxsaday Isagana goobta lagu weeraray ayuu ku dhintay.
Waxaanan Sidoo kale si rasmi ah loo ogayn hay’ada uu ka tirsanaa Marxuumka ladilay iyo Cida dishay.

Frank Lampard iyo Ryan Bertrand oo laga reebay xulka Engaland ee u safraya Poland.

Xiriirka kubada cagta dalka Ingiriiska ayaa xaqiijiyey in labada ciyaaryahan ee kooxda Chelsea Frank Lampard iyo Ryan Bertrand ay seegi doonaan kulanka xulka England uu isreeeb-reebka koobka aduunka ciyaar ka tirsan booqan doono dalka Poland.

Waxay seegeen kulankii Jimcada ay England guusha ka gaartay San Marino laakiin Roy Hodgson ayaa rajo ka qabay inay ciyaaraan kulanka labaad ee talaadada.

Si kastaba ha ahaatee, xulka England ee tababarka ku qaadanaya Worford ayaa soo weriyey galabnimadii axada, in go’aan lagu gaaray inuusan midkoodna ciyaarin.

Frank Lampard iyo Ryan Bertrand ma ciyaari doonaan kulanka England isreeb-reebka FIFA World Cup 2014 ay la ciyaari doonto xulka Poland,” ayaa lagu yiri warbixin lasoo dhigay website-ka FA-ga.

“Lampard (oo kubka) ka dhaawacan  iyo Bertrand (oo xumad) heyso qeyb kama aysan aheyn guushii 5-0 ta aheyd ee San Marino diyaarna uma noqon doonaan kulanka talaadada.

“Roy Hodgson iyo xulkiisa ka kooban 23ka ciyaaryahan waxay Subaxa Isniinta u safri doonaa Warsaw [caasimada Poland].”

 

Ashley Cole oo dhamaadka xilli ciyaareedkan ka tegaaya kooxda Chelsea + Sababta.

Ashley Cole ayaa diyaar u ah inuu ka tago Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib markii la isku afgaran waayey wadahadalo uu qandaraaska ku kordhin lahaa.

Cole ayaa diiday inuu saxiixo hal sano oo uu qandaraaska ugu kordhinaayo Blues wuxuuna isku diyaarinayaa inuu bisha Janaayo ee sanada cusub la hadlo kooxo shisheeye ah, oo ay ku jiraan Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

Daafaca bidix ee u dashay dalka England ayaa ka mid ah xulka Roy Hodgson ee kulan isreeb-reebka koobka aduunka ee 2014 la ciyaaraya xulka Poland habeenka talaadada, siyaasada cusub ee Chelsea ayaana Cole u diideysa inaan la siin wax ka badan qanadaraas sanad ah maadaama uu ka weyn yahay da’da 30 jirka.

Hadii Cole oo 31 jir ah iyo Frank Lampard oo 34 jir ah kaasoo sidoo kale qandaraaskiisu dhacayo xagaaga soo aadan, ay ka tagaan Stamford Bridge, taasi waxaa loo arki doonaa muuqaal ah in Roman Abramovich uu kala jebiyey kooxdii kusoo guuleysatay Champions League. Wuxuuna ninka u dhashay dalka Ruusha u sheegay ciyaartoydiisa inay mas’uuliyad isi saaraan ka hor inta uusan bishii March ee sanadii hore shaqada ka raacdeyn Andre Villas-Boas, markaasoo ay Chelsea hanatay FA Cup iyo Uefa Champions League.

Cole, waxaa si gaar ah isha ugu haaya qabiirka hugaamiya kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson, kaasoo diyaar u ah inuu xidigaan ciyaaray 188 kulan ee Horyaalka ah uu ciyaarsiiyo wax ka badan 235 kulan oo Barclays Premier League ah hadii uu kusoo biiro Old Trafford.

Dad lagu Gowracay gobolka Hiiraan.

Dhacdo Naxdin leh ayaa lagu arkay magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka hiiraan ka dib markii qof deegaanka la gowracay.

Maydka Ninkan la gowrcay ayaa waxaa lagu arkay gudaha magaalada Beledwayne gaar ahaan dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Magaaladaas taasna waxaa ay cabsi badan gelisay shacabka.

Muuqaalka Ninka la dilay ayaa waxaa uu ahaa ruux la gowracay oo qoorta laga jaray.

Dilka Ninkan baaritaankiisa ayaa waxaa isku howlaya Saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka hiiraan balse waxaana jirin ilaa iyo hada wax cadayma ah oo ay ka heleen ruuxa la gowracay.

Sababta ka dambaysa in Ninkan la gowraco ayaanan la garanayn laakiin dhacdadan ayaa waxaa ay kamid tahay dhacdooyin gowrac oo lagu arko Gobolada dalka.

“XOG”: Sirta ka dambeysa waqtigii Baarlamanka uu u qabtay R/W Saacid iyo khilaaf lacageed oo jira.

Shalay ayaa baarlamanka Somalia, waxa ay qaadeen tallaabo codsi ah, balse u ekeyd amar ayaga oo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u mariyay warbaahinta in R/W Saacid muddo laba malamood gudahood uu ku hor yimaado baarlamanka si codka kalsoonida loogu qaado.

Haddaba qaar ka tirsan xildhibaanada oo arrintaas dhaliilsan, ayaa la hadalay Caasimada Online, waxaana ay sheegeen in tallabadaas ay tahay mid sharci darro ah, sababtuna ay tahay in ra’iisul wasaaraha uu heysto muddo bil ah, si uu codka kalsoonida loogu qaado.

Baaritaan ay sameysay Caasimada Online, ayaan ku ogaanay inay jiraan arrimo kale oo taas ka fog oo qasbay tallaabada ay qaadeen xildhibaanada.

Waxa ay tani ka dambeysay wada hadallo maalmahan socday oo xubno ma talaya ra’iisul wasaaraha ay la yeelanayaan xildhibaano kor u dhaafaya boqol iyo konton, ayaga oo kula jireen wax u eg gor gorton ah in la ansixiyo ra’iisul wasaaraha.

Xubnaha ka socday ra’iisul wasaaraha ayaa u ballan qaaday xildhibaan kasta lacag dhan laba kun oo dollar, balse taasi ay diideen inta badan xildhibaanada, marka laga reebo xubno yar oo fara ku tiris ah.

Xog aan helnay ayaa muujineysa in Xildhibaanada intooda badan ay dalbanayaan lacag u dhaxeysa 4 illaa 5 kun oo dollar, si ay codka kalsoonida u siiyaan ra’iisul wasaaraha, balse taasi uu ku gacan seeray Ra’iisul wasaare Saacid.

Sidaa darteed ayaa ayaga oo ka amba qaadaya taas, waxa ay dalbadeen in ra’iisul wasaaraha deg deg uu ku hor yimado baarlamanka, si ay halkaasi ugu ridaan.