26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Madaxweynaha oo horumar ku baaqay

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hadii lagawada shaqeeyo xal uhelida dalka Soomaaliya laga baxayo dhibaatada mudada dheer soo martay dalka Soomaaliya.

Proff Xasan ayaa wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay mid ballaaran islamarkaana hadii Odayaasha Soomaaliyeed iyo sidoo kale dhalinyarada ku nool dalka dhamaantood ay uwada dhaqaaqaan sama ka talinta dalka wax waliba ay noqonayaan kuwa hagaaga.

“Hadii Soomaali oo dhan ay gacmaha isqabsadaan waxaan filayaa in lagaari karo horumar ballaaran oo uu dalka gaaro marka Soomaaliyeey aan kawada shaqeyno horumarka dalka”

Wuxuu sheegay Madaxweynaha dalka Soomaaliya in hada marxalada dalka Soomaaliya uu ku jiro laga gudbayo loona gudbayo marxalad ka wanaagsan tii muddada 20-sano aheyd uu dalka soo maray.

Soomaaliya oo ku jirto Mudo Dagaalo ayaa waxaa muuqata  in Dowlada Soomaaliya ee hada dalka ka jirta qayb lixaadleh ka qaadan doonto Xasiloonida dalka iyo hormarka.

Dhalinyarada Somalida K/Afrika oo ka fekeraya qorshe culus oo…+ Sawiro.

Kulan Weyn oo ay ka soo qeyb galeen Maamulka iyo Ciyaartooyda kooxda koobka lasoo hoyatay ee Banaadir Stars ayaa caawa waxa uu ka dhacay degaanka ay Soomaalida u badan tahay ee Bellville ee magaalada Cape Town ee dalka Konfur Africa.

Kulankani oo ahaa mid casho ah ayaa waxaa lagu dhiira gelinayey kooxda Koobka Soo xayuub satay ee Banaadir Stars iyadoo masuuliyiintii ka hadashay ay ka mid ahayeen Aweys, Macalin Saadaam, Koofuroow, Qeyla Quute iyo Maxamed Cumar kuwaasi oo dhamaan u bogaadiyey kooxda Banaadir Stars.

Macalinka kooxda Banaadir Stars Macalin Nuune kana mid ahaa Ciyaartooyda caanka ah ee laga yaqaano gudaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in kooxda ay u ciyaareen hab wanaagsan ayna la imaadeen dabeecad wanaag isla markaana ay kor u qaadeen magaca Ganacsatada Soomaalida Koonfur Africa isagoo sheegay in ay shaqada ay u hayaan bulshada ay sii laba jabaaraan.

Urur Weynaha saxafiyinta Soomaaliyeed e Koonfur Africa marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano Sojasa oo maal gelisay Koobkani ayaa waxaa u hadlay gudoomiyaha Ururka Sojasa Mudane Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo) wuxuuna sheegay in ay sii wadayaan taakuleynta iyo garab istaaga Sports-ka isagoo xasuusiyey Ciyaartooyda in Saxaafada iyo Sports-ka ay yihiin Mataano isla markana ay aad ugu farax sanyihiin Saxafiyinta meel kasta oo ay joogaan guusha sharafta leh ee noo soo hooyeen Kooxda Banaadir Stars oo uu Gudoomiyaha Sojasa Deeqdarajo sheegay in uu ka mid ahaa Ciyaartooydii lagu aas aasay kooxdani isla markaana uu ku farax sanyahay meesha ay hadda Joogto.

Si kastaba ha ahaatee Jaaliyada Soomaalida ayaa sheegay in ay aad ugu farax sanyihiin Guusha ay soo hooyeen Kooxdooda isla markana sheegay in wax lagu farxo ay tahay in Calanka Soomaaliya uu ka dul babanayo Garoonka uu ciyaarahani ka socday oo maalin karta ay usoo daawasho tago boqolaal qof.

Daawo Sawiradda

 

Bahda Sojasa.

 

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha oo la kulmay Odoyaasha Dhaqanka

Madaxweynaha Somalia, ayaa galabta magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo uu arrimo badan kala hadlay. Haddaba waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa qaar ka mid ah sawirrada kullanka laga soo qaatay ee nala daawo.

Madaxweynaha Oo Kulamo Xasaasi Ah Laleh Odoyaasha Dhaqanka

Saacadihii ugu danbeeyay ayaa waxaa Villa Somalia kasocday kulamo is daba joog ah oo uu madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh maxamuud laqaadanayay odoyaasha dhaqanka ee soo xulay xubnihii baarlamanka,kulumadan ayaa ku saabsan soo magacaabista Ra’iisulwasaaraha cusub.

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii lo dhaariyay xilkan waday latashiyo dhinacyo badan uu lalahaa,si uu usoo magacaabo ra’iisulwasaare ay dadka soo dhoweeyaan islamarkaasna lajaanqaadi kara isbadalka wadanka kacurtay.

Madaxweynaha ayaa waxaa haysta culeys kaga imaanaya dhinacyo badan,waxaa jiro balanqaadyo uu sameeyay xiligii doorashada taasoo ay siyaasiyiinta qaar ee codadkoda siiyay ay doonayaan in uu iyaga umagacaabo xilkaan ama qof ay wataan iyaga,sidokale waxaa jira cadaadis kaga imaanaya dhanka beesha calamka oo iyagana wata shaqsiyaad,iyo Puntland oo iyadana taagan hadan anaga nala siin jagadaan kama mid ahaan doono dowlada cusub.

“Waxaan doonayaa inaan Ra’iisul Wasaare soo magacaabo, Taasina waxay igu kaliftay inaan la tashiyo sameeyo” ayuu Madaxweynuhu ka sheegay kulamo uu Baydhabo iyo Baladweyne kula qaatay waxgaradka Soomaaliyeed.

Hadalo badan ayaa kasoo baxaya magacaabista Ra’iisul wasaaraha iyadoo Xasan Shiikh uu dhow jeer uu isbedel sameeyay, iyadoo la sheegay in mas’uulkii uu doono inuu ku dhawaaqo ay ka daba imaanayaan hadalo, taasina ay tahay mida dhowr jeer dib u dhigtay magacaabida.

Todobaad keliya ayaa ka haray xiligii Madaxweynaha uu ku dhawaaqi lahaa Ra’iisul Wasaare uu dalka yeesho, Laakiin wararkii ugu dambeeyay ayaa waxay sheegayaan in kulamada uu hada ku jiro ay yihiin kuwiisii ugu dambeeyay.

Dhowr qof ayaa ku Tartamaya inay xilka Ra’iisul Wasaaraha qaabtaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaaraha xilka sii haya Prof. C/weli Maxamed Cali [Gaas] iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo soo noqday Ra’iisul wasaare xiligii ku-meel-gaarka lagu jiray.

Uganda oo Martiqaad u fidisay Madaxweynayaasha Somalia Iyo Masar, maxaa loo casuumay? (Aqri)

Madaxweynayaasha cusub ee dalalka masar iyo Soomaaliya(Xasan Shiikh Maxamuud iyo Mohamed Mursi)ayay dowlada Uganda kumarti qaaday ineey kasoo qayb galaan xaflada golden jubilee.

Wasiirka warfafinta Uganda Karooro Okurut,ayaa talaadadii lasoo dhaafay waxa uu warqad casuumaad ah udiray madaxweynayaasha dhowaan loo doortay dalalka somalia iyo masar,sidoo kale waxaa xafladaan lagu casuumay 15madaxweyne oo kale.

Karooro Okurut,ayaa sidoo kale xafladaan golden jubilee waxa uu kumarti qaaday hay’ado caalami ah,sida QM,midowga yurub EU,ururka barwaaqo sooranka(Commonwealth),Bankiga horumarinta Afrika iyo hay’ado kalo caalami ah.

Hadii aan wax kaxusno madaxweynayaasha lagu marti qaaday xafladaan waxay kala yihiin:Rwanda, Tanzania, Burundi, Kenya, Somalia, Democratic Republic of Congo, South Sudan, Egypt, Somalia, Congo Brazzaville, Central African Republic, Malawi, Gambia, and Benin.

Xafladan ayaa ah mid laqabto hal mar sanadkiiba waana xaflad si aad ah loga yaqaano dalka Uganda.

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi ka socday Britain.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray wafdi ka socday Dowlada Ingiriiska kuwaa oo kulamo la qaatay Madaxwaynaha Soomaaliy.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga wuxuu ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaasi oo kulamo ay kuwada qaateen.

Saxaafada ayaa kulankaan  dibad joog ka ahaa lakiin markii uu soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada la hadlay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wafdiga maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ay kawada hadleen sidi loo garab istaagi lahaa dowladda cusub ee hada Soomaaliya ka hana qaaday.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wasiirada ay balan qaadeen inay taageero siinayaan dowladd dalka Soomaaliya.

Wafdiga Wasiirada ee maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray ayaa waxa ay kala yihiin Wasiirka arimaha Africa ee dowladda Ingiriiska Mark Simos iyo sidoo kale Wasiirada horumarinta caalamiga ee Dowladda Ingiriiska justic gringin iyaga oo dhamaantood balan qaaday taageerada inay siinayaan dowladda cusub ee dalka Soomaaliya.

Kooxo hubaysan oo dhacay mid kamid ah Xawaaladaha Muqdisho.

Rag hubaysan ayaa maanta dhac ugeestay mid kamid ah xawaaladaha ka howlgala Magaalada Muqdisho.

kooxaha wax dhacay ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen  labo ruux waxaana ay gudaha ugaleen ragaasi xarunta Xawaalada Amaana ee laanta Buulo Xuubeey.

Dablaydaan  hubaysan ayaa waxaa la sheegay inay ku amreen shaqaalaha xawaalada inay furaan qasnada ay ku jirto lacagta hayeeshe waxaa la sheegay in ninki furaha haaye uu ka la cararay taasina aysan ugu suura gelin inay dhaca geestaan burcada.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in kooxaha hubaysan ay shirkada ka qaateen taleefoonadii gacanta ee ay lahaayeen Shaqaalaha ka shaqeynaye Xawaalada Amaana laanteeda Buulo xuubeey ee Magaalada Muqdisho.

Majirto masuul ka tirsan maamulka Degmada Wadajir oo arintani iskudayga dhaca Xawaalada Amaana ka hadlay.

Dhacan ayaa waxaa uu kamid yahay Dhac marar badan kooxo hubaysan ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho.

Man Utd oo saraakiil daawata caawa u diri doona xidiga Dortmund R.Lewandowski.

Manchester United ayaa Saraakiil daawata u diri doona Robert Lewandowski, kulanka caawa ay kooxdiisa BVB ay Etihad Stadium kula madlan tahay kooxda Man City, sida uu qoray wargeyska The Sun.

Red Devils ayaa u sheegay Borussia Dortmund inay weeraryahanka reer Poland ku iibsan doonaan 16 milyan oo ginni.

Waxayna doonayaan inay weerarka kula lamaaniso weeraryahankii  hore ee Arsenal Robin van Persie, kaasoo u muuqday waayadaan hal bowle aysan kooxda dhana uga maarmin.

Si kataba, Alex Ferguson ayaa waqti dheer isha ku haayey Lewandowski oo 24 jir ah, wuxuuna doonayaa inuu kasoo hoos xaluuliyo saxiibkiis Shinji Kagawa.

Iyadoo Indha-indheeyeyaal loo diri doono kulanka caawa ay la ciyaarayaan Manchester City wareega Group-yada ee Champions League.

Lewandowski ayaa 30 gool u dhaliyey Dortmund sanadii lasoo dhaafay, iyadoo xulkiisu uu qeyb ka marti geliyey koobkii Euro 2012.

Fergie ayaa hada heysta weeraryahano ku filan — laakiin wuxuu jeclaan lahaa inuu weerarkiisa sidoo kale qeyb ka dhigo ciyaartoda ka ciyaari kara garbaha.

Man Utd, Chelsea, Barca iyo PSG oo January isku heysta saxiixa xidiga Santos Neymar.

Kooxda ka dhisan dalka Brazil ee Santos ayaa diyaar u ah inay iska iibiso xidiga il qabadka leh Neymar, iyadoo laga yaabo inuu ka tago bisha Janaayo ee sanadka cusub.

Wargeyska El Confidencial ayaa weinaaya in Santos ay sii qorsheysatay bedelka ciyaaryahan Neymar, waxaana ay doonayaan weeraryahanka gadoodka ah ee kooxda AC Milan Robinho.

Saraakiil ka socota kooxda Santos ayaa joogay Italy, si ay dib Santos ugu celiyaan ciyaaryahankii hor ee kooxda Real Madrid iyo Man City.

Neymar ayaa u arka wado uu ku noqon karo ciyaaryahan laga baqo hadii uu u baqoolo Yurub ka hor koobka aduunka ee lagu marti gelinaayo dalkiisa, waxaana muuqda kooxo usoo galay safaf dhaa-dheer.

Ilo ku dhow kooxda Santos ayaa xaqiijiyey in Barcelona aysan weli wax xiriir ah la sameyn kooxda ka dhisan Brazil, halka Man Utd ayba dooneysay inay soo iibsato intii uu furnaa suuqa kala iibsigu, isagoo sidoo kale laga baadi goobayo kooxaha Maal qabeenada ah ee Chelsea iyo PSG.

Abou Diaby iyo Mikel Arteta oo laga yaabo iney seegaan kulanka Olympiakos.

Arsene Wenger ayaa qirtay in la’aanta Abou Diaby ay kooxdiisa ku tahay dhabar jab.

Gunners ayaa wajihi doonta kooxda heysata Horyaalka Greek iyadoo u cataabi doonta  ciyaartoydooda qadka dhexe ka dib guul darradii sabtidii lasoo dhaafay ee Chelsea.

Waxaa laga yaabaa inuusan kulankaan ciyaarin Mikel Arteta, kaasoo ka sheeganaya dhaawac canqawga ah.

Tababaraha kooxda Emirates ayaana iska diiday inuu ku deg dego garoon soo gelida Jack Wilshere.

“Waxaan ka dhawaajinayaa inaan lumineysno Diaby, haa, kaligiis maahan sababtoo ah waxaan luminay ciyaaryahano fiican balse isagu wuxuu leeyahay tayo aysan laheyn ciyaartoyda kale,” ayuu yiri Tababaraha reer France.

“Tusaale ahaan, sabtidii markii uu garoonka kasoo baxay, oo uu Alex Oxlade-Chamberlain soo galay, waxaan luminay kubad heysashada iyo milicda ciyaarta.

“Wuxuu si fudud ugu guuleysan lahaa kubado sababtoo ah wuxuu heystaa baaxadaas. Wuxuu noo leeyahay ictiraaf gooni ah sababtoo ah awoodiisa.”

26 jirkaan qadka dhexe ayaa saaxiib u noqday dhaawacyo is daba joog ah, wuxuuna keliya shan kulan ka ciyaaray sanadkii lasoo dhaafay.

Wararkii ugu dambeeyay saaka ee Xaaladda magaalada Kismaayo.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa Saakay dagan Kadib markii ay la wareegeen Ciidanka Dowlada iyo Amisom.

Habeenkii Xalay in kastoo ay xaalada ahayd Mid qasnayd maadaama magaalada ay ka dhacayeen Risaas iyo qaraxyo kuwaas oo lagu weerarayay Ciidamada Huwanta.

Laakiin Ciidamada ayaa ku guulaystay inay iska Caabiyaan dabinada iyo Weerarada lagu soo qaaday.

Jawiga Magaalada Kismaayo ayaa saakay dagan waxaanan Si rasmi ah u furmin goobihii ganacsiga ee magaalada iyo Waliba Iskuuladii waxbarashada.

Ciidamada Huwanta ayaa saakay Howlgal feejigan waxaa ay ka samaynayaan Xaafadaha Magaalada kismaayo waxaana saakay la arkayaa iyagoo sit eel teel ah ugu dhex lugaynayo magaalada gudahee

 

Cayaaraha FIFA World Cup ee gabdhaha ka yar 17 jirka oo ka socda Azerbaijan.

Waxaa dalka Azerbaijan si habsami ah uga socda tartanka koobka k/cagta adduunka (fifa )ee gebdhaha da’adoodu ka yar tahay 17-da sano,waxa uune tartankaan soo bilawday 22/9/2012-ka waxaane la soo gabagbayn doonaa 13/10/2012-ka.

Waxaa tartaan ka qeyb galay 16-dal xulalkooda qaranka kuwaasoo loo qeybiyey ilaa iyo afar qeybood oo kal ah:

A-Najeeriya,kanada,kolombiya,azerbajaan.
B-kuuriyada waqooyi,faransa,maraykanka,gambiya.
C-jabaan,barazil,meksiko,newzealand.
D-Jaramal,gaana,shiinaha,urugwaay.

Wareega A-Nijeeriya iyo kanada ayaa ka soo baxay.
Wareega B-Kuuriyada waqooyi iyo Faransa ayaa ka soo baxay.
Wareega C-Jabaan iyo Baraziil ayaa ka soo baxay.
Wareega D-Jarmalka iyo Gaana ayaa ka soo baxay.

Sideeda kooxood ayaa isu arki doono sidan.

4/10/2012- Nijeeriya Vs Faransa.
4/10/2012- K/waqooyi Vs Kanada.
5/10/2012- Jabaan Vs Gaana.
5/10/2012- Jarmal Vs Baraziil.

Wixi natiija ah kala soco Caasimada  Online.

Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig! (Kaftan Siyaasadeed qosol badan)

Xafiiska Madaxweynaha Cusub, ayaa waxaa is kor rasteysan boqolaal araaji ah oo ay soo direen rag u baratamaya in ay qabtaan xilka Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Araajidaas iyo CV yada ku lifaaqan ayaan markaan eegmo iyo odors qiimeyneed ku samyey waxaan ka dheehdey tartan iyo hanqal tag badan oo aan hadana wax qiimo ah oo lagu kala doorto aan lahayn, kuwaas oo isoo xasuusey googaalaysigii ahaa ( xeradeenu waa wada ul mid la qatana ma leh)!!.

Qoraaladaas ayaa mid walba saaxiibkeed wuxuu isku dayey inuu ku qanciyo ninka fadhiya hadda Villa Soomaaliya inuu yahay asagu shaqsigii muhiimka ahaa oo kaalintaas lahaa, waxanan ka xusi karaa doodaha iyo macluumaadka ragaasu kusoo bandhigeen mashruucooda doorasho kuwan hoos ku qoran:

1-Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Sababtoo ah waxaan ahay rugcadaa siyaasadeed 22 kii sano ee ugu danbaysay waxaan fadhiyey Islii, waxaa layga yaqaan dhamaan mafrashyada qaadka, waxaan ahay nin yaqaan si loo sameeyo gacanacsi deg dega ah… Muhiim ma aha meeshaan ka keeno xoolaha.
Mar mar NGst farsamo badan ayaan ahay, waxaa aad layga bartay xafiis hoosaadka NG yada ee UDNP xafiiska Soomaaliya.

Haddii xukuumada aan madax ka noqdo, waxaan aqaan dhamaan meesha faylasha lakala geynayo, muhiimna iima aha xoolaha aduunyadu noogu deeqado inta ay le’egyihiin laakiin waxaan aqaan sida jeebweynta xafiisyadaas fadhida dhiil iyo gorgortan loola galo, wixii aan ka helanana waa noo qeyb, dal iyo dadna waxba nagama galin.Luuqadaha iskuma fiicnin barigii jaamacadda umadda Talyaani ayaan wax kusoo mad madoobaystay, laakiin gabdha xoghaynteyda ah ayaa laysu sheegay.

2-Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Waxaan biyatooni ka ahaa xafiiska UNIPOS, kasoo markii danbe u dalacay karraani , Dr.Mahiiga iyo Walda Cabdalla oo ka horeyey dhowr goor ayaan albaabka ka furey, waxaan hubaa in ay wajigeyga xasuustaan doonaan.

Saaxiibadeyda aan Xafiiska isla joogno waxay I leeyihiin ” war ka kac meesha”, waxayna uu muujiyeen in ay Mahiiga I xasuusin doonaan inaad halkaan biya tooni iyo karaaniiste faraha looga gubtay ka ahayd. Luqada Ingiriiska sida tansaniyaanka, sida muritaaniyankaba waan ka maqlaya ayagoo ku hadlayaa Mahiiga iyo Wald Cabdalla.

3-Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Waxaan ahay nin aad Afrikaan Unionka looga bartay, toban sano waxaan joogay Xaruntiisa Addis Abba, Qadaafi intuu noolaa maalin ayaan salaamay, Sinaawi waa iga hor geeriyooday, laakiin waxaan aqaan oo sidaan u salamay gacmuhu isku kaana murxeen Col. Gabre, hadaan xafiiska fariisto warkeenu horey ka gaara.

Waxaan anigu gaar ahaan ku guulaysan karaa in lasii kordhiyo ciidanka AMISOM. Tan Oromo iyo Sidaamo xamar ay noogu imanayaan. Iska jir madaxweyne inaan ahayn nin la wato. Amxaariga, waxaa ii dheer kan Tigteega, xitaa Faransiiska waxbaan ka badawosadey.

4-Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Waxaan ahay shaqsi tabcay xoolo badan, tan iyo Mukalla oo yamman ku taal arigaan geeyaa, Sucuudiga Maxjaro badan oo aan aniga iyo adigu shirka ku nahay ayaan kasoo qaadi doonaa, canshuur dhaafna waan ka dhigayaan dakaddaha kaharash badan nagu qaadan meyso inaan xoolaha oo dhan dalka ka rarno dhadig iyo labood, cid kalena biya cabi mayso, carabiga iskuma fiicnin laakiin ALXIIN ayaan ka xasuustaa.

Hadaad deg deg ooga faa’iideysan waydo fursadaan, waxaad ogaataa inaan amiir yar oo Sucuudiyaana oo aan bari dhaweyd, is baranay xoolo danbena uu jiro, waxay ku xirantahay dhalooyin mashrubaad ruuxiya ah inaan horey igu geeyo, markaas ka dibna neef danbe la dhoofin mayo, Rift fully ayaan ku wada talaala ceesaan ka aroori mayso .. labadaa mid dooro..!!

5- Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Waxaan ahaa barigii adeer baladka odayga ka ahaa nin la yaqaan BMW ayaan ku socon jirey Shabeelaha Hoosena hal aseendo ayaan ka jeexdey, aad baan adeer usoo salaami jirey sida uu madaxa u ruxi jirey ayaan xasuustaa, usha meeshu ku muday maalin ayaan ogaa, hindisodiisa meeshay u jeedo ayaan qiyaasi jirey, aadbaan uga duceystay, hadaadan isoo jaleecin mudane madaxweyne meel darran ayaad reerka ku furi doontaa ogoow. Ololihii reermiyiga farta Soomaaliga ayaan si fiican ugu bartay TIIBA TALYAANI AYAAN ayaa u qoraa.!!

6-Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Waxaan ahay ninkaad taqaanay, ma xasuustaa maalintaad adiga iyo saaxiibada warqadaha ii keensateen codsigiinu halkuu gaarey, waad ogsoontahay inaad madaxweyne aniga madaxeyga ku hesheen dhowr mashruuc oo aad ku ilma korsateen. Xafiiska hoosadyada UNDP oo dhan wa aqaan ma jiro mid ananan galin, wax badan ayaan nooga soo shaxaadi karaa.Waxay igu dheheen madaxdeydu “dowlad aad ku jirtaa jid gooyo waligeed la kulmi mayso, dalabaadkaaga waa la oofinaa, kuweenana waa oofsanaynaa”.!!!

Khibradeydu ma liidato waa lix soon qaad, luuqadey Ingiriiskuna aad ayey u sareysa, sida eeshiyaankana waan ugu hadlaa, luuqada Urdugana waan yara jajabsadaa oo mar mar ayaan isku xan qarsan karnaa.

W/Q: Cabdi Yusuf

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Chelsea oo bisha Janaayo 40 milyan kusoo qaadaneysa daafaca Real S.Ramos.

Kooxda Chelsea ayaa 40 milyan oo ginni ku doonaneysa daafaca dadabka midig ee kooxda Real Madrid Sergio Ramos marka uu suuqa kala iibisgu furmo bisha Janaayo.

Ninka reer Spain ayaa gadood ka ah kooxda uu hugaamiyo Jose Mourinho, ka dib markii uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay isaga iyo tababaraha reer Portugal.

Ramos ayaa diyaar u ah inuu ka tago kooxda Madrid, sida uu warinaayo wargeyska El Mundo Deportivo.

Wakiilka ciyaaryahanka oo ah walaalki Rene Ramos ayaa horay xiriir ula sameeyey kooxo ka dhisan Yurub oo ay ka mid tahay kooxda Chelsea.

Chelsea ayaa dooneysa wax walbaba  haku qaadatee inay keensato Ramos kaasoo aan si dhib yar uga soo bixi doonin Gacmaha kooxda reer Spain.

 

Enrique Cerezo: “Radamel Falcao waa weeraryahanka ugu fiican caalamka”

Madaxweyne ku xigeenka kooxda Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa Radamel Falcao ku tilmaamay weeraryaahanka ugu fiican caalamka, wuxuuna u arka in ninka reer Colombia uu fure u noqon karo tartan ay u galaan Horyaalka Spain.

Waa 26 jir wuxuuna shan kulan oo Horyaalka ah shabaqa soo taabsiiyey 7 gool, iyadoo uu guulo Yurub ah ka saaciday kooxda.

“Wuxuu iila muuqdaa Falcao ciyaaryahanka ugu fiican caalamka,” ayuu Cerezo u sheegay AS.

“Waa inaan sidaas dhahaa anigoo ka meyraya dhaliil.

“Lama meel dhigi karo [Lionel] Messi ama [Cristiano] Ronaldo. Laakiin waxaa ii muuqda wadooyin kale, balse ciyaaryahanada Atletico , waxaa jira waxyaabo ay la dhacsan yihiin.”

Roberto Di Matteo oo amaanay sida ay kooxdiisu u ciyaartay kulankii Nordsjaelland.

Tababaraha kooxda Chelsea Roberto Di Matteo ayaa amaanay ciyaartoyda kooxdiisa ka dib markii ay goolal aan look ala harin ku shubeen shabaqa FC Nordsjaelland, afar gool oo ay kala dhaliyeen Juan Mata labo David Luiz iyo Ramires ayey kooxda ka dhisan galbeedka London ku dhadhamisay guusheedii koowaad ee ECL.

Mata ayaa aad uga dhex muuqaday ciyaarta iyadoo kabtankii Chelsea Lampard uu ahaa xubin ka muuqata Garoonka halka Torres uu caawiye ka ahaa goolasha intooda badan.

Markii wax laga weydiiyey hadii Uu Luiz u tuuray Laadka xorta ah sida Cristiano Ronaldo RDM ayaa ku jawaabay: “Waa wax aniga igu saabsan ! Waxaan ku qaadanaa Tababarka, waxay intooda badan dhaliyaan gool isoo jiita. Mata inta badan wuxuu ku dhaliyaa Tababarka, Luiz isna waa la mid xaga Laadadka xorta ah.”

Natiijooyinkii kulamada Champions League, Yaa la jiiday Yaa wax jiiday.?

Champions League – Group E:

FC Nordsjaelland ayaa guul darro 4-0 ah kala kulantay kooxda koobka difaacaneysa ee Chelsea. Goolal ay kala dhaliyeen (33) Juan Mata (79) David Luiz (83) Juan Mata iyo (88) Ramires ayaa Blues u xaqiijiyey inay guul gaarto kulanka labaad ee wareega Guruubyada.

Juventus ayaa gurigeeda barbaro 1-1 ah kula dhaafi weysay kooxda  Shakhtar Donetsk, waxaana goolka looga hormaray kooxda daafacanysa Serie A iyadoo uu kooxda martida ah u dhaliyey Teixeira daqiiqadii 23aad, balse Leonardo Bonucci ayaa ka daba keenay sedax daqiiqo ka dib sidaas ayeyna ciyaartu kusoo idlaatay.

Champions League – Group F:

BATE Borisov ayaa guul darro aan la saadaalineyn oo 3-1 ah dhabarka u saartay Bayern Munich, waxaana goolasha ku kala dhaliyey (23) . Pavlov (78) Rodionov Munich ayaana gool waxaa usoo celiyey (89) Ribéry, balse kama aysan soo kabsan goolka sedaxaad ee hurdada u diray waxaana ka dhaliyey (90) . Bressan.

Valencia ayaa 2-0 ku xaaqday kooxda ka socoto Faransiiska ee Lille, waxaana goolasha u dhaliyey (38) Jonas (75) Jonas. Iyadoo sedax daqiiqo ciyaarta ka dhiman tahay ayaa waxaa laga saaray daafaca dadabka midig ee dalka France Debuchy.

Champions League – Group G:

Spartak Moscow ayaa guul darro 3-2 ah gurigeeda waxaa ku sagootiyey kooxda ka socota dalka Scotland ee Celtic, (13) ayaa Hooper hugaanka u dhiibay kooxda dhowaan loo dalacay heerka sedaxaad ee Horyaalka Scotland. (41) Emenike ayaana u barbareeyey, sidaas ayaana lagu kala shah doontay.

Emenike ayaana hugaanka u dhiibay kooxda martida loo ahaa diiqadii (48), inta uusan Kombarov shabaqiisa kubad ku leexin aysana gool noqon, iyadoo weeraryahanka dalka Greece Samaras uu quusiyey kooxda martida loo ahaa daqiiqadii 90aad.

Barcelona ayaa 2-0 isaga reebtay Banfica oo ay marti ugu aheyd dalka Portugal, waxayna goolasha ka heshay (6) Alexes Sanchez (55) Cesc Fabregas, waxaana ciyaarta dhaawac uga baxay Carles Poyol oo laga yaabo inuusan ciyaarin kulanka sabtida ay Barcelona Comp Nou ku wajaheyso kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid.

Champions League – Group H:

Manchester United ayaa 2-1 ku dubtay kooxda tababarta daran ee CFR Cluj, gool ayaase looga naxsaday daqiiqadii (14) kaasoo uu ka dhaliyey Kapetanos, balse Roben van Persie ayaa meel uga soo baxay isagoo quusiyey kooxda martida loo ahaa daqiiqadihii (29) iyo (49).

Galatasaray ayaa dalka Turkiga ku qaabishay kooxda Braga, waxaana dhabarka loo saaray guul darro 2-0 ah, iyadoo ay goolasha ka dhaliyeen ciyaaryahanada Micael  iyo Alan daqiiqadihii (27) iyo 90aad.

Faallo: Allaylehe maantaan taageerey Maxdaxwayne Xasan Sheikh !!.

Waan fahmi karay sababta ay dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba ay u taageereen doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo tii ka danbaysay ee Madaxwaynaha.

Dadka Soomaalidu runtii waxay ka daaleen madaxwayne shisheeye gacantiisa ku soo dhoodhoobtay, laguna ballamay innaguna danaheenna aynu fushanno, adiguna wixii jeebku kuu qaado ayaad leedahay.

Qof Soomali ah ha ka nixin, innaguna u nixi mayno. Warkaan sheegno waa run dheh, adigoon ka baqayn Allaah iyo ummadda
Soomaliyeed inaad danbi ka gashid toona. Sidaas daraadeed, waxay badidoodu ka sinnaayeen inaysan Muqdisho dhaafin .

Markii madaxda cusub ee Soomaaliyeed la doortay, aad baan ilaahay u baryay, anigoo leh, alloow dhibaatada na haysata waad aragtaa,
meel kasta ayaynu daadsan nahay ,magaceenna ayaa dunida laga faanaa, wixii xunba ma Soomaalibaa baa caado noqotay.

Dhiigga qofka Soomaaliyeed baa qiima beelay, qabiil, gobolaysi iyo goosasho ayaa faan dhexdeenna ka noqotay, tuulo kastaaba
madaxwayne u gaar oo wax matare ah ayaa loo magacaabay. Alloow Soomaalidu waa wada muslimiin, in badan oo mu´miniin ahna way ku jiraane, rajadayada noo dhabee oo madaxdaas cusub kuwo
aan u baxsanno nooga dhig.

Isniintii waxaa i gashay farxad, kolkaan maqlay Madaxwaynihii isagoon Addis-Ababa wali tagin buu Baydhabo tagay. Waxaan xalay is-iri “toloow muxuu Beledwayne u booqan waayay iyagaa dhibaato haysataaye?” Talaadadii kolkaan maqlay Madaxwaynihii Beledwayne ayuu ka dagay isagoon Nairobi iska xaadirin, sidii hooyo uu wiilkeedii oo Yurub ama Maraykan jooga uu 100 keliya u soo diray, oo uu bishaan 100 kale ugu soo daray, ayaa inta farxaddii iga badatay, oo gacmaha kor u taagay baan ku iri, “Alloow ku guulee, nabadna kugu soo celi”

Waxaan is waydiiyay “miyaynu u baahannahay Ra´isalwasaare ? Maxaynu uga baahannahay ? Waxba ayay ila tahay”

Bal Akhristoow ka fakar, hadduu Ra’iisul Wasaaruhu noqdo mid waxmatare ah, shisheeye u adeege ah, wuxuu helana xubnaha
Baarlamaanka ku xod xota si aan loo cayrin. Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaankana ay wada shaqayn waayaan, sow
himiladii iyo neecowdii aan filaynay khasaare ma noqonayso.

Dr.Abdi Farah Taano
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan. 

Wabiga Shabelle oo Dad iyo Xoolo ku qaaday Shabelaha dhexe.

 Fataahado ayaa goordhow waxaa uu Wabiga Shabeele uu ku dhuftay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wabiga ayaa xoogiisa waxaa la sheegay inuu fatahaada ka sameeyay deegaano hoos yimaada Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Mid kamid ah dadka deegaanada jooga oo magaciisa ku sheegay Macalin Cabdi Axmed  ayaa sheegay in wabiga fatahaadiiisa uu yahay mid xoogan islamarkaana uu socdo.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in sidoo kale fatahaada wabiga uu ka geystay tuulo lagu magacaabo Hiliwaa oo ka tirsan Gobalkaasi.

Qasaaraha ka dhashay daadadkaas ayaa waxaa inta la ogyahay waxaa la sheegay in tiradeeda ay gaarayso ilaa Sagaal Caruur oo nolasha lagu la’yahay.

Dadka ayaa is dhex ordaya oo Xoolo iyo Caruur ay ugu maqan yihiin daadadka uu sameeyay Wabiga oo dhawaana ku fatahay Beledwayne dadna ay ku dhinteen.

Puntland oo ka hadashay Weerarkii lagu qaaday Wafdi Turki ah.

Kadib Weerarkii lagu qaaday  Ajaaniib iyo Soomaali, Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkaas oo kooxo hubaysan ay ku qaadeen wafdi wasiiro iyo Turkish isugu jira oo lagu weeraray Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Muxudiin Axmed  oo ah Taliye ku xigeenka Booliiska Magaalada Gaalkacyo dhanka maamulka Puntland ayaa sheegay in falkii shalay dhacay uu ahaa mid ay kooxo dableey ah jidka ugu galeen wafdi isugu jira Turki iyo Wasiiro ka tirsan Puntland.

Taliyaha Wuxuu sheegay in deegaanka dhacdada ay ka dhacday ay aheyd deegaan lagu magacaabo Daarasalaam isaga oo sheegay in rasaas xoogan oo ay kusoo fureen kooxaha dableyda ay ku dhaawacmeen askari kamid ahaa ilaalada wafdiga iyo sidoo kale sarkaal Turki ah.

Waxuu sheegay in dhanka Burcada ay ka dileen hal ruux sidoo kalena ay gacanta ku hayaan sideed kale islamarkana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Wafdigan ayaa lagu waday inay kormeer ku tagaan Deegaano ka tirsan Puntland.