31.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Magacyada Xildhibaanada Mooshinka ka keenay R/W Saacid oo la aqriyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, ayaa goordhow u fasaxay xildhibaannada baarlamaanka ee ka keenay mooshinka iyo raysal wasaaraha in ay soo bandhigaan wax yaabaha ay ku dhaliilsan yihiin.

Xildhibaannadan oo gaaraya ilaa 168-mudane, ayaa waxaa u akhriyay mooshinkooda, wuxuuna sheegay in Raysal wasaaraha ay ku eedeenayaan wax gurasho la’aan, sidaas darteedna ay codsanayaan in mooshinka laga keenay loo codeeyo si loo soo dhiso xukuumad cusub oo wax u tarta dalka.

Xidhibaannada mooshinka ka keenay raysal wasaaraha ee goobta laga akhriyay waxaa ka mid ah:

1-Cabdiraxmaan Xooshi Jibriil oo horrey u ahaa wasiirkii horre ee dastuurka KMG

2-Xuseen Carab Ciise oohorrey u soo noqday wasiirka gaasandhigga.

3- Shariif Xasan Sheekh Aadan oo soo noqday labo jeer guddoomiyaha baarlamaanka

4-Mustaf Dhuxulow

5-Muuse Sheekh Cumar oo hadda guddoomiye ku xigeenka guddigga baarlamaanka ee xuquuqda aadanaha.

6-Maxamuud Jimcaale

7-Maxamed Cumar Maxamuud

8-Maxamed Ismaacil Shuuriye.

9-Cabdirsashii Maxamed Xidigh

10-Cabdiweyl Sheekh Muudeey oo horrey oo horrey u soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka

11-Ibraahim Cumar Sheekh

12-Xasan Sheekh Madeer.

13-Caasho Koos Maxamuud

14-Bishaar Ugaas

15-Bootaan Ciise Caalim

16-Caadin Sheegow Sagaar

17-Cabdinaasir Gaarane Maxamed

Intaas markii la akhriyay waxaa goobta ka billowday buuq iyo is-qabqabsi waxaana xildhibaannada qaar ay ka sheegeen in laga been abuurtay oo mooshinka aysan qorin.

Waxaa kaloo la sheegay in qaar ka mid ah xildhibaannada mooshinka ku qoran aysan joogin shirka maanta.

Wixii ku kordha kala soco Caasimada Online, oo wariyaal badan ay ka joogaan xarunta shirka kuwaasoo si toos ah uga soo qorarya warkan.

Mahadsanidiin.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo furay shirka iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa hadda si rasmi u faray kulanka golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaana uu sheegay in mudanayaasha baarlamaanka ay hor yaalaan wax yaabo fara badan, isagoona tusaale u soo qaatay dhibaatooyin waaweyn oo dalka ka jirra sida, duufaantii ka dhacday Puntland, Fatahaadii ku dhufatay Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoos, qoxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada dariska.

Guddoomiyaha ayaa ttilnaamay in loo baahan yahay siddii loo soo celin lahaa kalsoonida caalamka, kalsoonida umada Soomaalida, kalsoonida  qof walba oo rajo ka qaba xaaladda Soomaaliya.

Prof Jawaari ayaa sheegay in baarlamaanka uu hadda hor yaallo mooshin kalsooni kala noqosho ah raysal wasaaraha.

Waxaa kal horre loo qaybiyay xildhibaannada baarlamaanka mooshinka laga keenay raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa, waxaana xildhibaannada baarlamaanka ay ukala fadhiyaan labo qayb, kuwa waxa ay taageersan yihiin raysal wasaaraha kuwa kalena waa ay ka soo horjeedaan.

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan xarunta baarlamaanka ayaa noo sheegay in kulanka maanta aan wax cod loo qaadi doonin mooshinka wuxuu ku kooban yahay in la dooddo uun.

Warar kale naga filo

DEG DEG: Mooshinka oo loo qeybiyey xildhibaanada iyo xaaladda oo kacsan

0

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow ka billowday xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, kulanka golaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana maanta uu ka duwan yahay kulamadii horre.

Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online, oo ku sugan dhismaha xarunta golaha Shacabka ayaa sheegaya in kulanka maanta ay joogaan xildhibaanno fara badan, waxaana uu sheegay in kooramka uu ka badan yahay kii loogu talagalay.

Shaqaalaha xarunta golaha shacabka ayaa qaybinaya mooshinka laga keenay raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa, waxaana la filayaa in mudanayaasha baarlamaanka ay akhriyaan.

Si dhab ah uma furmin kulanka baarlamaanka, balse waxaa ku sugan xarunta in ka badan 165-mudane oo ah kuwiii keenay mooshinka raysal wasaaraha.

Dhinaca kale, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xiray wadadda soo gasha dhismaha xarunta golaha shacabka.

Dadka Muqdisho ayaa aad uga hadlaya mooshinka laga keenay raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.

Wixii ku soo kordha ka soco Shabakadda Caasimada Online oo isha nagu hay insha allah

Mooshinka SAACID iyo maanta: Xogtii ugu dambeysay ee loolanka madaxda

0

Muqdisho (Caasimada Online) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah la filayaa in ay ka dooddaan mooshin laga keenay raysal wasaaraha Soomaaliya iyo xukuumadiisa kaasoo hor yaalla baarlamaanka.

Mooshinkan ayaa yimid markii uu bannaanka u soo baxay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, kaasoo yimid markii madaxweynaha uu ka codsaday raysal wasaaraha in uu is-casilo balse waa uu diidday.

Magaalada Muqdisho, waxaa maalmahan ka socday olole ku saabsan mooshinka raysal wasaarahana waxaana jirra xildhibaannada baarlamaanka in ay u kala jabeen labo dhinac.

Ma cadda sida uu xaalka uu noqon doono, waxaana la filayaa in kulanka maanta ay ka soo qaybgalaan xildhibaannada ugu badan ee jooga dalka.

Akhristayaal waxaa naga xasuus ah in aad daqiiqad –daqiiqad aan idinkula socod siin doono warkan in shaa allah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]  

DAAWO VIDEO: Haddii xaal uu sidaan marayo, maxaa u haray Soomaalida…?

0

Johannesburg (Caasimada Online) Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in booliska dalkaas ay dhaceen 40 kun oo dollar oo ay lahaayeen Soomaalida ku ganacsada dalkaas.

Arrintana ayaa dhacday markii howgal ciidamada booliska ay ka sameeyeen deeganka Soomaalida ay ku badan tahay ee Maiyfa oo ku agdhow magaalada Johannesburg.

Wariye Cumar Kiyow oo ku sugan Koonfur Afrika ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada booliska ay dhaceen lacag badan iyagoona xirxiray 15-dhallinyaro Soomaali ah.

“Booliska Koonfur Afrika ayaa shaley howgallo ka sameeyay xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Maiyfa oo ka tirsan Johahnisberg, waxa ay qabqabteen 15-dhallinyaro ah kuwaasoo aan wadan sharci, waxaa kaloo ay dhaceen 40,000 oo dollar,kuwaasoo laga qaaday xawaalado iyo dukaamo ay lahaayeen Soomaali” ayuu yiri Cumar Kiyow.

Wariyaha ayaa sheegay in dhowrkii cisho ee la soo dhaafay la boobay 100 dukaan 50 ka mid ah waa la gubay ayuu yiri, waxaan sidaas sameeyay madowga Koonfur Afrika.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Soomaali lagu dhaco dalka Koonfur Africa, waxa jiray dhibaatooyin waaweyn oo lagu hayay soo galootiga Koonfur Afrika, waxaa la dhacaa dukaamadooda mararka qaar nafsadooda ayey ku waayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Johannesburg

[email protected]

FAROOLE oo si yaab badan u hadlay

0

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in uu mudan yahay in male loo doorto xilka madaxweynaha, maadama uu xog-ogaal u yahay arrimaha Puntland iyo Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Faroole oo saxaafadda kula hadlaayay Garoowe, ayaa sheegay in uusan jirin musharrax uga xog ogaal badan oo isku taagi kara doorashadda soo socotga ee ka dhaceysa Puntland horaanta bisha Janaayo ee sannadka dambe.

“Waxaan idiin sheegayaa in uusan jirin cid xog ogaal u ah arrimaha Puntland iyo Soomaliya oo aan ka ahayn anniga, maxaa yeelay waxaan hayaa wax badan oo dad badan aysan ogeyn, waxa jirra saluug badan oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya, anniga waxaan rabaa in ku dhammeesto annigoo ku howlaan horrumarka dalka Soomaaliya” ayuu yiri Faroole.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in uu ku kal soon yahay in markale loo doorto xilka madaxweynaha sida uu sheegay isagoona dhaliil u jeediyay musharrixiinta isku soo tagay doorashada Puntland.

Si kastaba, waa hadalkii ugu horreeyay ee ka soo baxa Faroole, oo ku aadan olalihiisa doorashadda, iyadoona hadda soo kordhayaan musharrixiinta isku soo taagay doorashadda Puntland.

Dadka wax qiimeeya waxa ay lee yihiin doorashadda Puntland ee sannadka dambe waxaa loo badinayaa in uu yimaado hoggaamiye cusub sida xaalka uu yahay marka loo eego.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

DAAWO VIDEO: Awoodi ciidan ee dalka SOOMAALIYA oo dib u soo noqoneysa

0

Caasimada Online:  Tan iyo markii laga tuuray xukunka talada Dalkeena Sonalia Dowladii Milateriga aheyd ee uu hogaaminayay alaha u naxariistee Marxuum Siyaad Barre ayaa waxaa meesha ka baxay sanadkii 1991 Awoodii Ciidan ee uu la haa Dalkeena Somalia.

Balse Dadaalo badan iyo juhdi xoogan oo soconayay sanadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa moodaa in Dowlada haatan jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Xasan in ay dib u soo celisay Awoodii Ciidan ee Dalkeena ayadoo xooga saartay in la helo Ciidamo sidaan oo kale ah waana arin lagu farxo ee nala fiirso video-ga.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

DHAGEYSO: Maxaa ka soo kordhay raafka lagu hayo Somalida Sucuudiga?

0

Jeddah (Caasimada Online) Qunsulka Soomaalia u qaabilsan dalka Sucuudiga ayaa ka warbixisa tahriibayaal fara badan oo laga soo qabqabtay dalkaas oo loo tarxiilayo dalkooda.

Ku-simaha qunsulka guud ee Soomaaliya u jooga magaalada Jeddah, Daahir Axmed Weheliye oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay inay jiraan kunnaan qof oo Soomaali ah oo ku jira xabsiyada dalka Saudi Arabia, kuwaasoo diyaarsan u ah sidii dib loogu celin lahaa dalkoodii Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Soomaali badan lagu soo qabtay howgallo ka socda dalka Sucuudiga kuwaasoo dib loogu dhoofinayo Soomaaliya.

Sidoo kale, mas’uulkan ayaa hadalkiisa ku daray in Soomaalida ay intooda badan imaanayaa goobaha tarxiilka, kaddib markii amar lagu bixiyay inay isaga baxaan dalkaas dadka ajnabiga ah ee aan sharciga haysan.

Soomaali badan ayaa buux dhaafiyay xabsiyada ku yaalla dalka Sacuudiga, kuwaasoo lagu soo qabqabtay howgallo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen xaafadaha ay ku nool dadka sharci darada ku jooga dalkan.

Haddaba si aan wax badan uga ogaano xaaladda ay ku suganyihiin dadka Soomaalid ah ee sugaya in dib loo celiyo iyo duruufaha ay ku suganyihiin.

DHAGEYSO  Wargeysiga qunsulka Tarxiilka Sucuudiga

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

3da sifo ee Somalida: dhergan baahan, Dhibban xooggan, caqli dhoohan

0

1 – DHERGAN BAAHAN….Waxaan leenahay BAD xeebteedu ay 3 kun oo mayl ka badan tahay, ugu yaraan 8 boqol oo kun oo hecter oo dhul beereed carrasan ah, xoolaha nool ee Afrika ugu badan, ganacsiga waaba nalaka bartaa misna waynagaa aan abidna baahi ka raysan.

2 – DHIBBAN XOOGGAN……Dalalka caalamku waxay Soomaalida u arkaan dad dagaal badan oo waranlayaal ah sidaa darteed waxay ahayd in nalaka boqo, lkn maxay kuugu taallaa waa geesinimo inta badan ku dhamaata ciyaaraha sxbtinimo ee aan gudeheenna ka ciyaarno (Dagaallada lagu galo magaca odayaasha) ee gumaysina nagama badbaadinin dalkeennii la dhacayna nooma soo dhicin oo waa inagaa dhibanayaal ah.
3 – CAQLI DHOOHAN…..Dad badan baa Soomaalida u arka dad caqli badan waxaana lagu sheegaa dad si sahal ah wax ku fahma ama u barta, lkn caqligaasi 10% xitaa dhan cilmi loogama faa’iidaysanin oo dhanka uminimada aduunka kaalimaha hore ayaa nalaku qoraa, inaan anagu caqligaa walba ku kala badbaadnana haba sheegin, oo qolaba marbay isku jeesataa……Forza SOMALIA.ILAAH baa na hanuunin kara…..Balse hadii aynaan intaa wax ka qabanin rajadeennu waa iska hadii hadii iyo hal aan soo soconin, horumarna ha sugin.
 
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Farriin-Danabeed: [email protected]
Gothenburg, Sweden

DHAGEYSO: Xog cusub iyo fallanqayn la xiriirta khilaafka Madaxda Somalia

0

Washington DC (Caasimada Online) Waxaa maalmihii ugu dambeeyay dalka Soomaaliya, gaar ahaan caasimada aad looga hadlan hayaa khilaaska soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, kaasoo yimid kaddib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday raysal wasaare Cabdi Faarax Saacid in uu is-casilo.

Haddaba arrintaas waxa ay abuurtay in labada nin uu xumaado wadashaqeentooda, waxaana khilaafkooda uu u gubay hey’adda sharci-dajinta ee baarlamaanka kuwaasoo hadda u muuqda kuwa u kala jabay labo dhinac.

Maalinta berri ayaa la filayaa mudanayasha baarlamaanka inay billaabaaan dood ku saabsan mooshin ka dhan ah Raysal wasaare Saacid.

Idaacadda VOA ayaa toddobaadkan barnaamijka Faaqidaadda waxa ay ku soo qaadatay khilaafka ka dhex-taagan madaxweynaha iyo ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya.

Barnaamijka, waxaa looga hadlayaa mooshinkaas, iyo haddii uu cod helo sida ay xaaladda noqoto iyo arrimo, waxaana lagu soo diyaariyay Magaalada Muqdisho

Barnaamijka oo dhammeestiran halkan hoose ka dhageyso

XOG: Xildhibaannada mooshinka ka keenay RW SAACID oo maanta kulmay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaa maanta ka dhacay kulan ay yeesheen xildhibaanno ka soo horjeeda ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya , kuwaasoo u ololeenaya in uu meel maro mooshin yaalla baarlamaanka.

Kulanka oo ka dhacay mid ka mid hotelada Muqdish, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno kor u dhaafaya 100, waxaana dhammaantood ay ka sinnaayeen siddii uu meel mari lahaa mooshinka ka dhanka raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.

Xildhibaannadan ayaa ku adkeesanaya in uu meel mari doono mooshinka lagu wareejiyay guddoonka baarlamaanka kaasoo maalinta berri laga dooddi doono.

Xildhibaannadan ayaa waxa ay yihiin kuwa taageersan Madaxweynaha, waxaana ay doonayaan in uu u hirgallo qorshaha ay wataan.

Si kastaba, magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo ballaaran oo ay lee yihiin xildhibaannada kala taageersan madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.

Maalinta barri ayaa la filayaa in cod loo qaado mooshinka laga keenay raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa, in kastoo golaha wasiiradda ay shaley ku baaqeen in dib loo dhiggo mooshinkaas fursadna la siiyo xukuumadda ilaa inta ay ka soo bandhigeyso waxyaabaha u qabsoomay muddada sannadka ay jirtay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shirka Baydhabo oo WAR CUSUB laga soo saaray

0

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa maalinta berri ka furmaya wajiga labaad eee shirka maamulka u sameenta goblada Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya.

Maamulka cusub oo loo dhisaayo ilaa lix gobal, ayaa maalmaahan shirkiisa uu ka socday Baydhabo, halkaasoo ay ku sugan yihiin odayaal iyo wax-garad ku howlaan in uu qabsoomo shirkaas.

Haddaba guddiga ku howlan shirkaas oo maanta la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maalinta berri uu shirka gali doono wajiga labaad, waxaana lagu wadaa in ay ka qaybgalaan wakiilo ka socda QM iyo Midowga Yurub, sida uu sheegay Malaakh Shiino oo ka mid ah odayaasha shirka.

Magaalada waxaa ku soo qulqulaya ergooyin iyo siyaasiyiin ka soo jeeda lixdan gobal ee maamulka loo sameenaayo kuwaasoo kala ah, Baay, Baydhabo, Gedo, Jubbada Hoose, Jubbadda Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Shirka ka socda Baydhabo ayaa la sheegay in ammaankiisa lagu wareejiyay ciidamo AMISOM ah, arrintan ayaa timid markii qaar ka mid ah ergooyinka ka qaybgalaya ay kulan la qaateen wakiilka  Midowga Afrika ku qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Saalax Al-Nadiif oo dhawaan halkaas tagay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Axmed Madoobe oo kulan deg deg ah ka wada magaalada KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in kulan degdeg uu iminka ka socdo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Wariye ku sugan Kismaayo oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in kulanka looga hadlaayo siddii loo soo dhammeestiri lahaa maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa mar sii horreysay maanta ku soo laabtay Kismaayo, kaddib markii safaro shaqo ay ugu maqnaayeen dalka Kenya.

Magaalada Kismaayo waxaa ku soo qulqulaya siyaasiyiin, wax garad iyo odayaal kuwaasoo doonaya in ay ka qayb qaataan dhammeestirka maamulka KMG ah ee Jubba.

Maamulka Jubba ayaa waxaa tan markii la soo dhisay waxaa la magacaabay Madaxweyne iyo Ku-xigeen oo kaliya.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo aadkeeyay gaar ahaan xarunta Jaamacadda oo ah halka uu ka dhacayo shirka dhammeestirka maamulka Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Xeebta Liido sidan maku ogeyd

0

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta uu ku nool yahay waxuu ku haminayaa in uu ka mid noqdo kumanaanka qof ee u soo damaashaad tagaya Maalinta Jimcaha Xeebta Liido ee Degmada Abdiasis ee Magaalada Muqdisho.

Hadaba arin ka duwan arintaasi ayaan idiin wadaa oo ah in Xeebta Liido ay maanta tahay mid aadan ka fileyn sida ay ahaan jirtay kadib muuqaal ku tusin doono isbadal aadan rumeysan doonin ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Maxaa ka cusub Mooshinka SAACID + Yaa ku horeeya loolanka 2da dhinac?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si xowli ah uga socda ololayaal ay wadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo u kala jabay laba garab, iyadoo ay qolo walba doonayso inay ku adkaato fadhiga baarlamaanku uu kaga doodi doono Todobaadkan Mooshinkii laga keenay Saacid.

Xildhibaano taageersan Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa wada ololayaal ay ku doonayaan inay ku meel-mariyaan Mooshinkii Maalmo ka hor ay ka geeyeen Ra’iisul Wasaaraha, halka Xildhibaanada Taageersan Saacid ay iyaguna dadaal ugu jiraan sidii ay mooshinkaas uu ku noqon lahaa mid fashilma.

“Ololayaal iska soo horjeeda ayaa socda, runtii lama dhihi karo hebel ayaa ku adkaan kara dooda, laakiin ololayaashu way socdaan waana kuwo aad u isugu dhow” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Mudanahan ayaa intaas ku daray in Xildhibaanada uu loolanku u dhexeeyo ay yihiin kuwo isku fikir ah, balse aan hayb isku raacin, isagoo xusay inay dhici karto in Xukuumada Kalsoonida loo diido iyo inay hesho.

“Hoteelada Muqdisho waxaa ka socda ololayaal, xildhibaanada kala qaybsan dhinac walba wuxuu iibsanayaa xildhibaanada aan ku fikirka ahayn si uu ugu helo cod qorshahooda ku aadan dooda Mooshinka” ayuu xildhibaanka Caasimada Online la hadlay uu sheegay.

Xildhibaano ka badan 160 ayaa Khamiistii ka horeysay tii shalay waxay Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Somalia Saacid Faarax Shirdoon kaasoo lagu doonayo in kalsoonida lagala laabto si madaxweynuhu uu Ra’iisul Wasaare cusub u soo magacaabo.

Mooshinkan ayaa waxaa lagu wadaa in berri oo sabti ah laga doodo iyadoo lagu wado in Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumadiisu ay hortagaan Golaha Baarlamaanka Somalia.

Kulan hoosaad ayaa dhowr maalmood ka hor Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, inkastoo aan la ogeyn wixii ay dhinacyadu kawada hadleen.

Madaxweynaha Somalia ayaa wada dadaal uu ku doonayo in Saacid uu xilka ka dago, kadib khilaaf xoogan oo isaga iyo Saacid soo dhexgalay, balse taas waxay u eg-tahay mid ku adkaan doonta Madaxweyne Xasan Shiikh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wadaado iyo ururo diimeedyo ku biiray loolanka mooshinka + Magacyadooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ku soo waramayaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka waxaa marxaladihii ugu dambeeyey galay diyaargarowga ay ku jiraan xildhibaanada baarlamaanka ee kala taageersan R/wasaaraha xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)  & Madaxweynaha DF Xassan Shiikh Maxúud oo maalinta Sebtida ah ee taariikhdu tahay 30/11/2013 u madlan in ay cod u qaadaan R/wasaaruhu inuu sii shaqeynayo iyo inuu shaqada ka tegayo.

Mooshinkan ayaa ka dhashay markii Madaxweynaha & R/wasaaraha ay isku qabteen liiska wasiirada cusub ee Saacid uu soo dhisay oo laga reebay Faarax C/qaadir & C/kariin Guuleed oo ka tirsan Xisbiga Damjadiid ee Madaxweynaha, waxaana Xassan Shiikh uu ka dalbaday Saacid inuu is casilo.

Xildhibaan ka warbixiyey ololaha labadda dhinac ay ku jiraan wuxuu sheegay in waddaado ka tirsan kooxda Al-Islaax & Ikwaanul-Muslmiin in ay ku soo biireen  dhinaca Madaxweynaha, ayna u ololeynayaan sidii xildhibaanadu ay kalsoonida ugala noqon lahaayeen RW maalinta Sebtida, iyaga oo dhaqaale aan xaddi laheyn ku bixinaya sidii loo meelmarin lahaa qorshahaasi.

“Gulufkii ugu dambeeyey ayaa lagu jiraa, waxaana safka hore soo galay waddaado taageersan Madaxweynaha & Faarax C/qaadir, waxaana ay tani ka dambeysay  markii ay ogaadeen in xildhibaanno ay isku haleynayeen in ay ka soo jeesteen dhinaca R/wasaaraha” ayuu yiri xildhibaankan, wuxuuna intaa ku daray in ay jirto cabsi la xiriirta in Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Mahad Cawad & koox xildhibaanno ah oo ay wada socdaan in marka codadka la tirinayo in ay halkaasi wax isdaba marin ka dhacdo.

“Waddaada ololaha ku soo biiray ee la safan Madaxweynaha & Faarax waxaa ka mid ah Shariif Maxéd C/laahi oo madax ka ah Al-islaax & Shiikh Cali Xassan Waddaad yare oo ka tirsan maamulka  Muslim Afriqu” ayuu yiri xildhibaanku, wuxuuna xusay in Al-Islaax & Muslim Afriqu ay markii hore is qarinayeen balse ay ololahan ku soo biireen markii ay ogaadeen in xildhibaanno badani ay ka soo goosteen.

“Lacagaha ugu bada waxaa bixinaya Kamaal & Faarax markii ay arkeen in ay guuld arro ku soo socoto, waxeyna si xooggan oo dhaleeceynayaan Xildhibaanad Khadiijo Ilkacas  &  Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Mahad Cawad  oo ay yiraahdeen waa na fashiliyeen, waxeyna yiraahdeen waddaadu “Dadka jaadka cuna soo dhoweysi ma lahan” qalqalkooda ugu weynna wuxuu ahaa  wuxuu yimid 2-dii cisho ee u dambeysay” ayuu yiri xildhibaanka.

Isha: Yoobsannews

Xildhibaanada taageersan Saacid oo la qiyaanay & qeylo kasoo yeertay + Cod

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Jaamac Axmed Maxamed oo kamid ah Mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ee kasoo horjeeda Mooshinka laga wado Xukuumadda uu Hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Shirdoon ayaa sheegay inuu yahay Mooshinkaasi mid laga duway wadadii saxda ahayd isla markaana ay daba ka riixayaan Wasiiro si gaar ah u taageersan Mowqifka Madaxwaynaha inuu ku tuurayo Ra’iisul Wasaaraha.

Xildhibaanka ayaa xusay Mooshinkaasi inay wadaan xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada isla markaana uu yahay mid miran habaabinaya Dowladda meelna uga dhacaya Dastuurka, wuxuuna ka codsaday dadka mooshinkaasi wada inay kusoo leexiyaan wadadii saxda ahayd,

Mr Jaamac ayaa beeniyay Xildhibaanadooda kasoo horjeeda Mooshinka inay taageersanyihiin Xukuumadda wuxuuna xusay dadka intiisa Badan mooshinkaasi inay u arkaan mid laga soo abaabulay Xafiiska Madaxwaynaha balse aan ahayn mid ku dhisan la xisaabtan Xukuumadeeda.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga

100324_002

Isha: Kismaayo24

Mooshinka: Cabsi Sharif Xasan Sheikh laga qabo oo dalab yaab leh ka kentay xildhibaanada taageersan R/W SAACID

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka tirsan ayaa ka digay in kulanka Sabtida loogu codeynayo kalsoonida RW in ay jirto cabsi la xiriirta in xubno ka mid taageerayaasha Madaxweynaha ay codadka ku shubtaan.

Wuxuu xusay in ay jiraan xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan oo ay horkacayaan Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xassan & Caadil Sheegow oo ku taqasusay habka codadka looga shubto in ay ka shaqeynayaan arrintaas, wuxuuna ku baaqay in la helo goob-joogayaal caalami ah.

Xildhibaankan oo magaciisa qariyey wuxuu ka codsaday beesha caalamka, gaar ahaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya in ay goob-joogayaal u soo dirsadaan kulanka Sabtida.

“Dadka ololaha ku jira ee laga soo jiscimay Madaxtooyadda waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Aadan & Caadil Sheegow Sagaar oo khabiir (Expert) ku ah sida codadka loogu shubto” ayuu yiri xildhibaanku, wuxuuna xusay in galaangalka xildhibaanadaasi ay dhici karta inuu saameyn ku yeesho shir-guddoonka, wuxuuna ka codsaneynaa beesha caalamka in ay dad u soo dirsato codeyntaasi.

“Haddii aan la helin observers waxey qorsheynayaan qolyaha mooshinka soo qoray in ay codadka xadaan” ayuu yiri xildhibaanku, isaga oo xusay in ay mooshinka laga soo abaabulay Madaxtooyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dagaal khasaaro geestay oo maalintii 2-aad dhexmaray Puntland & Khatumo

0

Taleex (Caasimada Online) Dagaal ayaa maalintii labaad wuxuu ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool, wuxuuna u dhexeeyaa ciidamo maleeshiyaad ka soo kala jeeda maamullada Puntland iyo Khaatumo.

Dagaalkii shaley waxaa ku dhintau in ka badan 10 oo u badan dhinacyadii dagaalamayay tira intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Dagaalka shaley ayaa wuxuu dhacay gallinkii dambe, waxaana labada dhinac ay adeegsadeen hub, iyadoo la sheegayo dagaalka in uu sababay barakac xoog leh, isl amarkaana ay ku burburtay hanti badan.

Labada dhinac ee ku dagaamaya degmada Taleex ayaa isku eedeeyay dagaalka in ay mas’uul ka yihiin.

Degmada ayaa  la sheegay in maalamahan waxaa ka socday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo is diiddan, oo lagu kala taageerayay labada maamul, waxaana halkaas joogay madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire,sidoo kale waxaa tagay madaxweynaha maamulka Khaatumo Maxamed Yusuf Jaamac Indhasheel.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Taleex

[email protected]