27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Daawo: Dab culus oo caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha iyo khasaaraha ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xoog leh ayaa caawa ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo dadaal dheer kadib hadda lagu guuleystay in la demiyo.

Dabkaas ayaa ka kacay qeybta daawada ee Suuqa Bakaaraha, waxaana ku basbeelay dhowr dukaan ooh anti badan ay taallay.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Bashiir Cabdi Maxamed ayaa warbaahinta la hadlay goordhow markii lagu guuleystay deminta dabkaas.

Wxuuu sheegay in wax khasaare nafeed ah uusan geysan dab ka kacay qeybta Daawada ee Suuqa Bakaaraha, isla markaana lagu guuleystay in la demiyo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey inay basbeeleen dhowr tukaan oo hal qeyb iskula yaallay, isla markaana ay ku dadaaleen in dabku uusan ku faafin qeybaha kale ee suuqa.

“Ilaah ayaa ku mahadsan wax khasaare nafeed ah ma geysan dabkaan, laakiin hanti ayaa ku baaba’day, ilaa dhowr tukaan ayaa gubatay, ugu dambeyn dabkii waa ka adkaanay, ilaahey ayaa nagu guuleeyey,” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Bashiir Cabdi Maxamed.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyey shirkadda Hormuud oo sida uu sheegay gurmad deg deg ah u dirtay goobta, kuna guuleysatay deminta dabkaas.

Hoos ka daawo

DF oo Mareykanka la kaashatay weerar culus oo gudaha Puntland ay ka fulisay

Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo dhinaca cirka ah, ujeedkiisuna ahaa burburinta koox ka tirsan Khawaarijta Daacish ay mar kale ka fulisay gobolka Bari ee Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay dowladdu la kaashatay fulinta howlgalkaas oo lagu beegsaday dhaqdhaqaaqyada kooxda.

Duqeyntan ayaa ka dhacday meel qiyaastii 70 KM koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, dowlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Qoraalka dowladda waxaa lagu sheegay in howlgalku uu weli socdo, isla markaana la uruurinayo macluumaadka ku saabsan khasaaraha gaaray cadowga.

Sidoo kale, waxaa weli socda dhameystirka hadafka guud ee howlgalka, kaasi oo ah taageeridda hawlgallada Ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku howlan ciribtirka Khawaarijta Daacish.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa iskaashiga dhow ee ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Dowladda Mareykanka, si loo xaqiijiyo nabadda, xasilloonida, iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee khatar ku ah dalka iyo gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda.

Dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer ooh ore sheegtay in Mareykanka ay la kaashatay fulinta howlgallo duqeymo ah oo ka dhacay buuraha Calmiskaad ee Puntland, halkaas oo ciidamada Puntland ay ka wadaan howlgal culus.

Puntland ayaa dhankeeda dafirtay kaalinta dowladda federaalka, waxayna sheegteen dhowr jeer in fulinta duqeymaha Mareykanka ay iyagu codsadeen oo dowladda federaalka aysan wax kaalin ah ku laheyn.

 

DF oo wakiilada caalamka uga adkeysatay arrin ay diidan yihiin mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day 2025), ayaa sheegay in hadafka xukuumadda uu yahay doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa tilmaamay in maalintani ay astaan u tahay iskaashiga nabadda, midnimada iyo horumarka, isagoo xusay doorka muuqda ee Midowga Yurub ay ku leeyihiin taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarka dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimada iyo dib-u-dhiska.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, si loo gaaro horumar waara iyo nabad buuxda. “Tobannaankii sano ee la soo dhaafay Midowga Yurub wuxuu garab taagnaa Soomaaliya, hadal kaliya ma ahayn balse ficil,” ayuu yiri Xamza.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Waxaad naga caawiseen in miinooyinka la soo saaro, jidadka la dhiso, la tababbaro ciidamo Booliis ah, la horumariyo iskuullada iyo in la caawiyo beeralaydeenna. Taasi waa saaxiibtinnimada dhabta ah.”

Mudane Xamza waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay hannaanka dowlad-dhiska iyo dimuqraadiyeynta dalka, isaga oo xusay shirkii ugu dambeeyay ee 11-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo ay ka soo baxeen go’aamo wax ku ool ah oo horumarinaya dalka.

“Waxaan seeska u dhigaynaa hannaan doorasho oo loo dhanyahay, oo ka madax bannaan faragelin iyo cabsi. Wax fudud ma ahan balse waxa aan ognahay in dimuqraadiyaddu ay mudan tahay,” ayuu yiri Xamza.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in hadafka dowladdu yahay sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah, taasi oo ka dhici doonta dhammaan gobollada dalka.

Waxa uu intaas raaciyay in aanay jiri doonin doorasho dadban, oo dadka Soomaaliyeed ay go’aan ka gaari doonaan cidda hoggaamin doonta.

Si kastaba ha ahaatee, arrimahan ayaa imanaya xilli ay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen hannaanka doorashada qof iyo cod, iyadoo beesha caalamka ay cadaadis ku saarayso madaxda sare ee dalka in la gaaro doorasho wadar-oggol, taas oo weli ay ka gows adeygayso.

Salaadiinta Somaliland iyo SSC oo kulmay, si wadajir ahna ugu baaqay hal arrin

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxda dhaqanka ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa ku kulmay xaflad caleemo-saar ah oo ka dhacday Deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay si wadajir ah ugu jeediyeen baaq nabadeed oo ku wajahan labada dhinac ee uu khilaafku ka dhaxeeyo.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC-Khaatumo oo kulankaas ka hadlay ayaa wuxuu Suldaanka Guud ee Somaliland, Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ugu baaqay inuu ka shaqeeyo nabadda.

Garaadku wuxuu si qoto dheer u muujiyey in wax kasta lagu xallin karo wada-hadal iyo isu-tanaasul. “Suldaan Daa’uudow, gurigaaga uma socdee, kaalay Soomaali u caddee in aadan gurigayga u socon. Waan kala nabad-galaynaa,” ayuu yiri Garaad Cali.

Dhiniciisa, Suldaan Daa’uud ayaa si degan uga jawaabay baaqa nabadeed ee ka yimid Garaadka, isaga oo sheegay in uusan marnaba doonayn in dhiig Soomaaliyeed uu ku daato colaado dhexdooda ah. “Waxaan halkan ka caddeynayaa in aanan guri dad Soomaaliyeed ku nool yahay ku socon. Garaad, aynu dadkeenna midaysanno,” ayuu yiri Suldaanka.

Labada hoggaan dhaqameed ayaa meesha isku gacan qaaday, taas oo astaan u ahayd is-faham, iyagoo midba midka kale u ballan-qaaday inuu gacan ka geysan doono dadaallada lagu horumarinayo nabadda. Waxa kale oo ay iska cafiyeen hadallo iyo eedo horey ay iskugu mariyeen warbaahinta ama dadweynaha hortooda.

Inkasta oo kulankoodu uu ahaa mid aan rasmi ahayn, haddana wuxuu xambaarsanaa farriin culus oo rajo leh. Is-dhexgalka noocan ah ayaa tusaale u noqon kara sida dhaqanka Soomaaliyeed ee salka ku haya is-xushmeynta iyo wada-hadalku uu fure ugu noqon karo xal u helidda khilaafaadka jira.

Colaadda u dhaxaysa labada dhinac ayaa weli si buuxda loo xallin, balse is-afgaradka bilowga ah ee ka muuqday kulankan ayaa noqon kara tallaabo hore loo qaaday. Haddii hoggaamiyeyaasha dhaqanku ay sii wadaan wada-hadallada iyo isu-soo dhowaanshaha, waxaa suuragal ah in xal waara la gaaro mustaqbalka dhow.

Shariif Sheekh oo Muqdisho u gaystay saddex dhaawac oo weli ay ka kabsan la’dahay

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu Gobolka Banaadir u gaystay dhaawacyo siyaasadeed oo ay ilaa maanta ka soo waaqsan la’dahay. Isaga ayaana horseeday seddax caqabadood oo maanta ku horgudban horumarka dadka iyo deegaanka Muqdisho. 

Madaxweyne Shariif waxaa la doortay Gobolka Banaadir oo leh gole deegaan oo 69 xubnood ah. Golahaas oo ku-meel-gaar ahaa waxaa dhisay Raysulwasaare Nuur Cadde, Rabbi ha u naxariistee. Waxaa la dhaariyay 23kii Nofeembar 2008, waxayna isla maalinkaas guddoomiye u doorteen Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur).

Nasiibxumo, Madaxweyne Shariif ayaa 6dii November 6, 2009 wuxuu kala diray Golihii Deegaanka ee shaqeynayay muddo sanad ah. Wuxuuna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay Cabdirisaaq Maxamed Nuur (Eng. Nuune). 16 sano ka dib, sidii ayuu Madaxweyne kasta wareegto ugu magacaabaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, oo Gobolku ilaa maanta ma leh gole deegaan oo ka shaqeeya horumarinta Caasimadda. 

Dowladdii Madaxweyne Shariif waxay sidoo kale Muqdisho ku naafeysay dhaawac dastuuri ah oo caqabad ku noqday maqaamka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Muqdisho, oo waxaa qodobka 9ᵃᵃᵈ Dastuurka lagu xusay in maqaamka Muqdisho go’aan looga gaari doono dib-u-eegista dastuurka, ayna labada aqal ee Baarlamaanku ka soo saari doonaan sharci gaar ah. 14 sano ka dib, Muqdisho waxaa wali ku xiran siriqdii iyo wareerisadii ay ku xirtay dowladdii Madaxweyne Shariif.

Dhanka kale, Dowladdii Madaxwene Shariif ayaa jaangoysay in dakhliga ka soo xaroodo Muqdisho 15% kaliya laga siiyo Gobolka Banaadir. 16 sano ka dib, Muqdisho waxay wali ku gowracan tahay cadkii quureed ee uu u gooyay Madaxweyne Shariif, waxayna ilaa maanta ka qaajeysan tahay canshuuraha nus bilyanka ku dhow ee sanad kasta laga soo xareeyo dekadda, garoonka, iyo suuqyada Xamar.

Fahamxumo iyo niyadxumo tii ay ka ahaydba, dowladdii Madaxweyne Shariif waxay dadka iyo deegaanka Muqdisho ku dhufatay dhaawacyo naafeeyay oo ay ilaa maanta ka soo kaban la’dahay. Waa taariikh baal madoow ugu qoran diiwaankiisa siyaasadeed, waana in lagula xisaabtamo, oo madal kasta lagu waydiiyo.

W/Q: Xuseen Sabriye 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

DF oo shaacisay tirada Shabaabka lagu dilay howlgal guuleystay oo ka dhacay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka deegaanka ee ka howlgala degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sameeyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay aagga deegaanka Jowle.

Howl-galkaan ayey dowladdu sheegtay in lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaatooyin xooggan ku hayay dadka deegaanka. Ciidanku waxay si toos ah u beegsadeen xubnahan, waxaana la xaqiijiyay geeridooda iyadoo la soo bandhigay meydadkooda.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere, Casayr Ibraahim Mataan, ayaa sheegay in howlgalka uu dhacay si waafaqsan qorshaha la diyaariyay, wuxuuna xusay in ciidanku ay si heegan ah ugu jiraan sugidda amniga deegaanka. Waxa uu intaas ku daray in tallaabooyinkaan ay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya gobolka.

Dadka reer guuraaga ah ee ku sugan aagga deegaanka Jowle ayaa door muuqda ka qaatay howlgalka. Waxay la wadaageen ciidanka xog muhiim ah oo ku saabsan joogitaanka kooxda ee deegaanka, taas oo suuragelisay in howlgalka uu guuleysto. Tani waxay muujineysaa sida iskaashi buuxa uga dhexeeyo shacabka iyo ciidanka deegaanka.

Ciidanka deegaanka ayaa si joogto ah u fulinaya howlgallo lagu xaqiijinayo nabadda, iyadoo la bartilmaameedsanayo kooxaha argagixisada ah ee ku sugan miyiga iyo deegaannada hoos yimaada Xarardheere. Waxaa la rumeysan yahay in guulaha laga gaarayo howl-galladan ay qeyb ka yihiin kalsoonida iyo taageerada ay dadka deegaanka siiyaan ciidanka.

Si kastaba, maamulka degmada Xarardheere iyo shacabka deegaanka ayaa ku adkeysanaya in la sii wado dadaallada lagula jiro Shabaabka. Waxaa la tilmaamay in wada shaqeynta shacabka iyo ciidanku ay muhiim u tahay nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka Mudug, iyadoo la ballan-qaaday in cadowga nabadda laga sifeyn doono dhammaan deegaannada gobolka.

Guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Turkey iyo Erdogan

Ankara (Caasimada Online) – Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) ayaa Isniinta maant ah ku dhawaaqay inuu is-burburiyey, isagoo sheegay inuu soo afjaray halgankii hubeysnaa ee uu kula jiray dowladda Turkiga, taasoo dhammaatay kadib afartan sano oo kacdoon dhiig badan ku daatay.

Ururka PKK, oo uu aasaasay Abdullah Ocalan dabayaaqadii 1970-meeyadii, ayaa qaatay hub sannadkii 1984, halkaas oo uu ka bilaabay weerarro ka dhan ah dowladda Turkiga kuwaas oo sababay in ka badan 40,000 oo dhimasho ah.

“Shirkii 12-aad ee PKK wuxuu go’aamiyey in la burburiyo qaab-dhismeedka ururka lana joojiyo halgankii hubeysnaa,” ayaa lagu sheegay bayaan ay baahisay wakaaladda wararka ee u ololeysa Kurdish-ka, ANF.

Tallaabadan ayaa si diirran waxaa u soo dhoweeyey xisbiga AKP ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo ku tilmaamay “tallaabo muhiim ah,” balse xusay in habraaca loo “kormeerayo si dhow” oo joogto ah.

Go’aanka taariikhiga ah ayaa yimid kadib baaq uu Ocalan bishii 27-ka Febraayo ka diray xabsiga Imrali ee magaalada Istanbul, halkaas oo uu ku xiran yahay tan iyo 1999, kuna booriyey dagaalyahanadiisa inay hubka dhigaan oo ay ururka kala diraan.

Ocalan waxa uu sidoo kale ku booriyey PKK inay qabato shir si rasmi ah loogu ansixiyo go’aanka, kaasoo toddobaadkii hore ka dhacay buuraleyda Kandil ee Ciraaq, halkaas oo lagu dhawaaqay xabbad-joojin.

Hoggaamiyaha PKK ayaa halkaas ku gaadhay “go’aanno taariikhi ah oo quseeya hawlaha ururka,” sida ay warisay ANF Jimcihii.

“Arrintani ma ahan dhammaad, balse waa bilow cusub,” ayuu yiri Duran Kalkan, oo ka tirsan guddiga fulinta ee PKK, isagoo la hadlayay ergadii shirka, sida uu baahiyey wakaaladda Mezopotamya ee u ololeysa Kurdish-ka.

Afhayeenka AKP, Omer Celik, ayaa sheegay in haddii go’aanka “si dhab ah loo hirgeliyo oo dhammaan dhinacyadiisa la dhaqan-geliyo,” ay furi doonto waqti cusub oo hor leh.

– ‘Guul weyn oo u soo hoyatay Erdogan’ –

“Go’aanka PKK ee ah inay is-burburiso oo ay hubka dhigto kadib baaqii Imrali waa tallaabo weyn oo loo qaaday Turkiga aan argagixiso lahayn,” ayuu yiri Celik.

“Fulinta buuxda ee go’aanka is-burburinta iyo hub dhigista… waxay noqon doontaa isbeddel taariikhi ah,” ayuu raaciyey, isagoo markale carabka ku adkeeyey in dowladda si dhow ula socon doonto habka loo fuliyo.

Bayaankan ayaa soo afjaray dadaallo socday toddoba bilood oo lagu doonayey in dib loo furo wadahadalladii hakadku ku yimid, kuwaas oo dib u billowday bishii Oktoobar markii Ankara ay si lama filaan ah u fidisay laan nabadeed oo loo diray Ocalan.

“Haddii PKK si rasmi ah ugu dhawaaqdo is-burburin oo si nabad ah u dhammeystirto geeddi-socodka, iyada oo aysan dhicin wax carqalad ah, taasi waxay noqon doontaa guul weyn oo u soo hoyata Erdogan,” ayay tiri Gonul Tol oo ka tirsan Machadka Bariga Dhexe ee Washington, una warrantay AFP.

Waxay sheegtay in isku dayga dib-u-heshiisiinta Kurdiyiinta uu si dhow ula xirnaa xaaladda siyaasadeed ee gudaha, xilli dhowr bilood ka hor AKP ay guuldarro kala kulantay doorashooyinka.

Falanqeeyayaal ayaa qaba in heshiis lala gaaro Kurdiyiinta uu Erdogan u suuragelin karo inuu wax ka beddelo dastuurka, muddo dheerna xafiiska sii joogo, halkaas oo uu sidoo kale kala jabin karo iskaashiga ka dhaxeeya xisbiyada mucaaradka ee taageera Kurdish-ka iyo inta kale.

“Ujeeddada dhabta ah ee ka dambeysa furitaanka Ocalan mar walba waxay ahayd in la xoojiyo awoodda Erdogan. Haddii geeddi-socodkani guuleysto, wuxuu u galayaa doorashada 2028 isagoo ah musharrax aad u xooggan oo mucaaradkuna yahay mid kala daadsan,” ayay tiri Tol.

Madaxweyne Erdogan oo khudbad jeediyay dhammaadkii usbuuca ayaa si dadban u muujiyay in is-burburinta PKK la shaacin doono, isagoo sheegay, “Waxaan si ad-adag ugu sii soconaa waddada ah in aan gaarno Turkiga ka madax-bannaan argagixisada.”

PKK, oo ay Ankara, Washington iyo Brussels u aqoonsan yihiin urur argagixiso, ayaa dagaal hubeysan kula jiray dowladda Turkiga tan iyo 1984.

Ujeeddadii asalka ahayd ee PKK waxay ahayd in la dhiso dal madax-bannaan oo ay ku midoobaan Kurdiyiinta, kuwaas oo ka dhigan ku dhowaad 20% shacabka Turkiga ee gaaraya 85 milyan. 

Kulankii BF oo dib u furmay maanta – Maxaa ka cusub xiisadii ka dhalatay mooshinka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka baarlamaanta ayaa maanta dib u furmay, kadib baaqasho ku timid laba shir oo hore, sababo la xiriira kooram la’aan dhacday.

Kulanka maanta ayaa ku furmay jawi daggan, waxayna u muuqataa inay qabowday xiisaddii ka taagneyd baarlamaanka ee u dhexeysa guddoomiyaha iyo xildhibaannada, taas oo salka ku heysay mooshin xilka ay wadeen qaar kamid ah xildhibaannada.

Waxaa maanta golaha la horgeeyay heshiis lagu dhisayo Urur Goboleedka IGAD, waxaana golaha hortagay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cali Balcad oo heshiiska u akhriyay mudanayaasha baarlamaanka.

Sidoo kale, xildhibaannada aya wasiirka su’aallo ka waydiiyay heshiiskan iyo faa’iidada ugu jirta dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo kamid ah xubnihii ka hadlay kulanka ayaa taageeray heshiiska, wuxuuna soo jeediyay inuu muhiim u yahay Soomaaliya, ayna haboon tahay in deg-deg loo ansixiyo.

“Waxaan joogay aasaaskii Urur Goboleedka IGAD waxaan soo jeedinayaa in wasiirka loo fududeeyo oo la ansixiyo heshiiska lagu dhisayo Urur Goboleedka Horumarinta (IGAD)” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaam Dhabancad.

Dhankeeda Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo horay xilal muhiim ah oo gobolka ah u tartantay ayaa ka hortimid qorshaha dowladda ee siyaasadda arrimaha dibadda iyo guud ahaan heshiiska maanta la horgeeyay mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya.

“Shacabka Soomaaliyeed yaan been loo sheegin qof kasta oo is sharaxo oo aysan dowladdan u baahnayn warqad ayaa ka dambaysa oo ay ku ceebaynayso” ayay iyaduna tiri Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir.

Doodda ayaa weli sii socota, waxayna xildhibaannadu aragtiyo kala duwan ka bixinayaan heshiiskan oo ka yimid xukuumadda, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda.

130 qof iyo gaadiid badan oo lagu afduubtay Sh/Dhexe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahhinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dad shacab ah iyo gaadiid ay la socdeen oo Axaddii lagu afduubtay qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay waddada u galeen maleeshiyaad hubeysan.

Gaadiidkan oo ka baxay Muqdisho ayaa lasoo wariyay inay kusii jeedeen magaalada Gaalkacyo balse waxaa lagu afduubtay aagga Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaga guddiga gaadiidka u safra degmada Gaalkacyo Maxamed Daahir Cirbeere oo wareysi siiyay Shabelel Tv ayaa sheegay in gaadiidka la afduubtay ay gaarayaan illaa 7 baabuur, ayna la socdeen dad gaaraya illaa 130 qof oo rakaab ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gaadiidka iyo shacabka la afduubtay la geeyay aagga deegaanka Nuur Dugle, halkaas oo ay ku haystaan maleeshiyaadkii afduubtay.

“Baabuurtii maanta Xamar ka baxday dhammaantood si qabiiliyan ah oo oo cad ayaa ciidamada shaar dowladeed wata waxay ka qabsadeen meel u dhexeysa Wargaadhi iyo Cad-cadey, ka bacdina 7 baabuur ayay afduubteen, dadkii iyo baabuurtiina waxa ay geeyeen meel Nuur Dugle u dhow” ayuu wareysiga ku yiri Maxamed Daahir Cirbeere.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Gawaarida la afduubtay waxaa saaran dad gaaraya illaa 130 qof oo ilmo, waayeello iyo dad xanuunsan ay ku jiraan”.

Maxamed Daahir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in afduubkan uu yahay mid aargudasho ah, isla markaana uu la xariiro afduub kale oo horay uga dhacay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u digay.

Waxaa kale oo uu farriin u diray madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda HirShabelle oo uu ugu baaqay in dadkaasi lasoo badbaadiyo, ayna ku baxaan xaaladda soo korortay.

Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan kasoo kordhay colaado horle, waxaana ugu dambeysay shalay oo deegaan hoostaga degmada Cadale lagu dilay laba nin oo kamid ahaa dadka deegaanka, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Fanax Macalin Xabeeb iyo Muxudiin Caraale,

Labada nin ee la dilay ayaa mid ka mid ah waxa uu u shaqeynayay shirkad isgaarsiineed oo ku taala deegaanka, halka midka kalana uu ka shaqeynayay Ceel biyood ku yaala halkaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana dhaqan-geli waayay heshiisyo nabadeed oo la kala dhex dhigay beelaha ku dagaalamaya halkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sameysay isku dayo dhowr ah, waxayna ciidamo gaysay gobolka, si ay uga hortagaan dagaal beeleedyada, balse ma joogsan, waxaana weli halkoodii ah xiisadaha colaadeed ee ka jira deegaannada maamulka HirShabelle.

Jubaland iyo Puntland oo kala jeestay iyo isbaheysi cusub oo lagu guuleysan la’yahay

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa horraantii toddobaadkan soo jeediyay qabsoomidda shir qaran “oo badbaado loogu raadinayo” Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa imanaysa xilli dalka uu wajahayo xasarado siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Afar sano kahor, Madaxweyne Deni ayaa qabtay shir lagu diidanaa muddo kordhintii Baarlamaanka Federaalka uu 2021 u sameeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirkan waxa uu horseeday dhismaha “Isbaheysiga Badbaado Qaran,” oo ugu dambeyn ku guuleystay in xilka laga tuuro Madaxweyne Farmaajo 15-kii May 2022. Qaabka doorasho ee xilligaa la adeegsaday waxa markii hore soo jeediyay Madaxweyne Deni, oo olole isbeddel-doon ah ku tartamay, balse uu doorashadii kaga adkaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Intii ay socotay doorashadii 2022, wadahadallo dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo xildhibaanno iyo senatarro kasoo jeeda Jubbaland ayaa la rumeysan yahay inay si weyn u wiiqeen fursaddii Deni. Waxa intaa dheer, xildhibaan ka tirsan Jubbaland, Xamza Cabdi Barre, oo door muhiim ah ka qaatay wadahadalladaas, ayaa markii dambe loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, taasoo sababtay xumaan hor leh oo soo kala dhexgashay Puntland iyo Jubbaland.

Sannadkii 2023, Puntland ayaa si rasmi ah u jartay xiriirkii ay la lahayd Dowladda Federaalka, halka Jubbaland ay sii wadatay taageerada Muqdisho, inkastoo uu jiray muran ku saabsan doorashooyinka dowlad-goboleedyada.

Xiisadda u dhaxaysa Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ayaa sii kacday dabayaaqadii 2024, markii Madaxweyne Axmed Madoobe uu si adag uga hor yimid hindise federaal oo loogu talagalay kordhinta muddo-xileedyada dowlad-goboleedyada, taasoo uu u arkayay mid carqaladeynaysa qorshihiisa uu ugu tartamayay muddo xileedkiisa saddexaad ee Jubbaland.

Puntland iyo Jubbaland labaduba waxay ka baaqdeen ka qeybgalka shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee Muqdisho, halkaas oo uu ka dhacay isbeddel muhiim ah oo siyaasadeed: Dowladda Federaalka ayaa aqoonsatay maamulka cusub ee Sool, Sanaag, Cayn iyo Khaatumo (SSCK). Maamulkan cusub wuxuu gacanta ku hayaa deegaano horey ay u sheegan jireen Puntland iyo Somaliland, maamul sheegtay gooni-u-goosadnimada.

Caqabadaha hor-taagan isbaheysi cusub

Inkastoo Puntland iyo Jubbaland ay wadaagaan tabashooyin ay ka qabaan Villa Somalia, haddana caqabado waaweyn ayaa hortaagan in ay mar kale sameeyaan isbaheysi siyaasadeed oo mideysan, sidii ay sameeyeen 2021-kii. Dhaqaale xumo ayaa sidoo kale qayb ka qaadatay: taageerada miisaaniyadeed ee maamulladooda waxa lagu xiraa ka qeybgalka barnaamijyada federaal-dhisidda ee Dowladda Federaalka.

Dastuurkii Puntland ee 1998-kii hadda waa mid rasmi ahaan burburay, kadib markii la aqoonsaday maamulka SSC-Khaatumo, oo loo xil saaray inuu soo xulo xildhibaannada iyo senatarada qaabka doorashada ee soo socda. Puntland ayaa markii hore, 2023-kii, aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo, xilli uusan weli helin xubinnimada rasmiga ah ee federaalka.

Tan iyo doorashadii Soomaaliya ee 2022, madaxweynayaasha Deni iyo Axmed Madoobe ma aysan xallin khilaafaadkooda siyaasadeed. Qaraar dhawaan kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha u xil saaray inay soo jeediso xal siyaasadeed oo lagu dhammeeyo khilaafka Jubbaland. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya weli ma aqoonsana doorashadii madaxtinimada Jubbaland ee 2024.

Inkasta oo beesha caalamku ku boorrisay Puntland iyo Jubbaland inay ka qeybgalaan shirka GWQ, haddana labaduba way ka gaabsadeen. Deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ayaa arka ka qeybgalka shirarka GWQ inuu fure u yahay dib-u-bilaabista wadahadallada siyaasadeed.

Khaladaadka mabda’a ee Puntland iyo Jubbaland

Xagga arrimaha dastuurka, Jubbaland waxay taageertay isbeddelada la damacsan yahay in lagu sameeyo Dastuurka Federaalka, halka Puntland si adag uga soo horjeedo. Puntland waxay sidoo kale dalbatay in laga saaro xildhibaanada iyo senatarada Somaliland geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, ilaa Somaliland si rasmi ah uga tanaasusho sheegashadeeda madax-bannaanida. Jubbaland, dhankeeda, ma aragto wax dhibaato ah oo ka imanaya matalaadda Somaliland ee Muqdisho.

Kala duwanaanshiyaha aasaasiga ah ee u dhexeeya Puntland iyo Jubbaland waxa uu ka miisaan culus yahay danaha ay wadaagaan, taasoo Villa Somalia u saamaxaysa inay ka faa’iidaysato kala-jabka mucaaradka.

Qatar oo Trump siineysa hadiyaddii ugu qaalisneyd iyo su’aalo sharci oo ka taagan

Washington (Caasimada Online) – Donald Trump ayaa qorsheynaya inuu aqbalo diyaarad raaxo ah oo nooca Boeing ah oo ay siiyeen qoyska boqortooyada Qatar si uu ugu adeegsado Air Force One, isla markaana uu ku sii duulo kadib markii uu xafiiska baneeyo, inkastoo ay jiraan sharciyo adag oo mamnuucaya hadiyadaha madaxda Maraykanka.

ABC News, oo ugu horreyn daabacday warkan, ayaa diyaarada ku tilmaantay “qalcad duuleysa,” iyadoo sheegtay in Boeing 747-8 ay noqon karto hadiyadda ugu qaalisan ee abid soo gaarta dowladda Maraykanka.

Dastuurka Maraykanka ayaa mamnuucaya in mas’uuliyiinta dowladda ay aqbalaan hadiyado “ka imanaya boqor, amiir ama dowlad shisheeye,” iyadoo qodobkaasi loo yaqaan emoluments clause.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa qorsheynaya inuu sharciyada ka leexdo isagoo diyaarada u wareejinaya maktabadda madaxweynenimada marka uu xilka ka dago.

Qorshahan ayaa lagu dhawaaqi doonaa inta lagu guda jiro safarkiisa toddobaadkan uu ku tagayo saddex waddan oo Bariga Dhexe ah, oo ay Qatar ka mid tahay, sida ay weriyeen ABC iyo The New York Times.

Aqbalaadda hadiyadda ayaa dhalisay su’aalo adag oo dhinaca anshaxa ah, iyadoo u muuqata inay jebineyso xeerarka la dagaallama musuq-maasuqa dowladda.

Si kastaba, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Caddaaladda ayaa rumeysan in hadiyaddan sharci ahaan ay waafaqsan tahay, maadaama aysan la xiriirin wax adeeg ama abaal marin gaar ah, taasoo ay ku doodayaan in aysan noqon laaluush, sida ay u sheegeen ilo xog ogaal u ah ABC.

Sidoo kale, waxay ku andacoonayaan in aysan dastuuri ahaan jabinaynin, maadaama diyaarada marka hore loo wareejinayo Ciidanka Cirka Maraykanka (US Air Force) ka hor inta aan loo gudbin maktabadda madaxweynaha, taasoo la micno ah inaan la siineyn qof shaqsi ah.

Aqalka Cad ayaan isla markiiba ka jawaabin codsi ku saabsanaa faallo la xiriirta arrintan.

Guddiga Qaranka ee xisbiga Dimoqraadiga (DNC) ayaa sheegay in tallaabadan ay caddeyn u tahay sida Trump ugu adeegsanayo Aqalka Cad danihiisa dhaqaale ee gaarka ah.

“Inta qoysaska shaqeeya ay la tacaalayaan sicir barar iyo dukaamada oo madhan, Trump weli waxa uu xoogga saarayaa inuu isagu naftiisa iyo maalqabeenadiisa gaarka ah uu dhaqaale ku helo,” ayaa lagu yiri email ay DNC u dirtay taageerayaasheeda.

Warbixinnada ayaa sheegay in Trump uu bishii Febraayo ku dhex socdaalay diyaarada ay leedahay Qatar xilli ay taagneyd garoonka Palm Beach International Airport.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa muddo dheer muujinayay sida uu uga niyad jabsan yahay diyaaradaha madaxweynaha ee Air Force One – oo ah laba diyaaradood oo si gaar ah loo habeynay ee nooca Boeing 747-200B.

Bishii hore, Trump waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay “eegayso ikhtiyaarro kale” kadib dib u dhac ku yimid keenista laba diyaarad oo cusub oo Boeing ah.

Boeing ayaa 2018-kii heshiis la saxiixday dowladda Maraykanka si ay u keento laba diyaaradood oo nooca 747-8 ah dhammaadka 2024, qiimahooduna ahaa $3.9 bilyan — si loogu adeegto cidda markaas Aqalka Cad joogta.

Si kastaba ha ahaatee, shirkad hoose oo la shaqaynaysay Boeing ayaa xirmatay, cudurka safmarka ah ee coronavirus-na waxa uu carqaladeeyay wax-soo-saarka, taasoo keentay in keenista diyaaradaha dib loo dhigo illaa 2027 iyo 2028.

Inkastoo diyaarada ay Qatar u hibeynayso Trump la sheegay inay ka weyn tahay 10 sano, khubaro ayaa sheegay in diyaaradda cusub ee Boeing 747-8 ay qiimaheedu u dhexeeyo $400 milyan.

Sidoo kale, diyaaradda waxa khasab ku ah in si gaar ah loo qalabeeyo si ay u noqoto Air Force One.

Faah-faahin: Qarax ka dhacay Afgooye + Bartilmaameedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay degmada Afgooye uu ka dhacay qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa gudaha degmadaasi.

Qarax oo ahaa miino ayaa waxaa lasoo wariyay in lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, waxaana lasoo wariyay inuu ka dhashay khasaare kala duwan.

Sidoo kale, qaraxa kadib ayaa waxaa howlgallo sameeyay ciidamada ammaanka, kuwaas oo baaritaanno ugu dhaqaaqay xaafado ka tirsan magaalada Afgooye.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ay maqleen dhawaqa qaraxa oo xooganaa, balse waxa ay tilmaameen in aysan caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi qarax ah.

Afgooye ayaa waxaa haatan ka dhacaya falal liddi ku ah ammaanka, iyada oo habeen hore lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo horay uga shaqeyn jiray isbitaalka Digfeer.

Dilkaas iyo qaraxa xalay dhacay ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliya Afgooye.

Shabaab ayaa weli ku xooggan gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna beegsadana fariisimaha ciidamada ee ku yaalla gobolkaas oo ay ku qaadaan weeraro toos ah.

Sawirro: Shir lagu qiimeynayo Somalia oo ka furmay Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Shir muhiim ah oo u dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa maanta ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta  dalka Kenya, kaas oo lagu qiimeyo Soomaaliya iyo dhaqaalaheeda.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa maalgelin ku saabsan horumarinta ilaha wax soo saarka Soomaaliya.

Waxaa goobjoog ah shirka wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige iyo xubno kala duwan oo ka kooban xafiisyada madaxweynaha, ra’iisul Wasaaraha, wasaaradaha iyo hay’adaha kala ah maaliyadda, qorsheynta, batroolka, Bangiga Dhexe, hay’adda warbixinnada maaliyadda, hay’adda istaatistikada Qaranka iyo xafiiiska xisaabiyaha guud.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa intiisa lagu qiimeyn doonaan wixii u qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya, tan iyo markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa, wuxuuna socon doonaan muddo 4 cisho oo xiriir ah.

Waxaa kale oo la eegi doonaan qorshaha ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo maalgelin lahaa mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya gaarsiin kara isku filnaan dhaqaale.

Wasiir Biixi Imaan Cige oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa faah-faahin dheeeri ah ka bixiyay dadaalka dowladda ee ku aadan dib-u-habeynta maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay hadda ku socdaan hannaankii saxda ahaa ee lagu gaari lahaa horumar maaliyadeed.

Biixi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay guullo waa wayn ka gaartay horumarinta maaliyadda, isla markaana la xaqiijiyay natiijo wax ku ool ah.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dayn cafinta kadib ay Soomaaliya u furantay dhabo cusub, ayna sugayaan in dalka uu ku tallaabsado maalgashiyo waawayn oo caalami ah, kaas oo ay ka faa’iidsan doonaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay xaqiijiSay guullo waawayn, sida in laga cafiyay dayntii lagu lahaa, ka qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd, ku biirista dalladda bulshada bariga Afrika iyo helista kursiga aan joogtada ahayn ee QM.

Xamas oo qaaday tallaabo ay ku kasbaneyso Mareykanka

Gaza (Caasimada Online) – Xamaas ayaa sheegtay inay sii deyn doonto askari Maraykan-Israa’iili ah oo lagu haysto Gaza, iyadoo shaacisay inay wadahadallo toos ah kula jirto Maraykanka si loo gaaro xabbad-joojin ka hirgasha dhulka dagaalladu halakeeyeen.

“Askari Israa’iili ah, Edan Alexander, oo wata laba dhalasho, Maraykan iyo Israa’iili ah, ayaa la sii deyn doonaa, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo xabbad-joojin iyo dib-u-furista marinada gargaarka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda Xamaas.

Qoyska Alexander, oo 21 jir ah, ayaa sheegay in loo sheegay in la filayo in la sii daayo “maalmaha soo socda.”

Bayaanka ay soo saareen ururka Families and Missing Families Forum, oo u dooda qoysaska la haysteyaasha, ayaa lagu sheegay in qoysku “si joogto ah ula xiriirayo maamulka Maraykanka” si ay uga wada hadlaan sii deynta la filayo.

Hore, laba sarkaal oo Xamaas ah ayaa u sheegay AFP in wadahadallo ka socda caasimadda Qatar ee Doha ay la leeyihiin Maraykanka, ayna jirto “horumar” la taaban karo.

Dhanka kale, weerarrada Israa’iil ayaa socday, iyadoo hay’adda gurmadka madaniga ee Gaza ay sheegtay in ugu yaraan 12 qof lagu dilay Axaddii, oo ay ku jiraan afar carruur ah.

Sarkaal ka tirsan Xamaas oo ka hadlayay wadahadallada ayaa sheegay in “horumar laga sameeyay… gaar ahaan gelitaanka gargaarka Gaza” iyo suurtagalnimada is-weydaarsiga la haysteyaasha iyo maxaabiista Falastiiniyiinta ee Israa’iil xiran.

Sarkaal kale ayaa sidoo kale xaqiijiyay horumar la xiriira “xabbad-joojin laga hirgaliyo Gaza.”

Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa ballanqaadday inay dagaalka sii wadi doonto inkastoo wadahadallo socdaan.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in “wada-hadallo kasta oo mustaqbalka dhaca ay ku jiri doonaan xilli dagaal socdo,” iyadoo la fulinayo “dhammaan yoolalka dagaalka.”

Xamaas ayaa haysata 58 la hayste oo lagu qafaashay weerarkii October 7, 2023, oo sababay dagaalka, kuwaas oo 34 ka mid ah ay Israa’iil sheegtay inay dhinteen.

Maamulka Gaza kadib dagaalka

Israa’iil ayaa soo afjartay xabbad-joojin labo bilood socotay oo dhammaatay 18-kii Maarso, kadibna waxay billowday duullaan weyn oo ka dhan ah Gaza, iyadoo si weyn u kordhisay duqeymaha.

Sidoo kale, Israa’iil waxay gebi ahaanba jartay gargaarkii la gaarsiin jiray Gaza, iyadoo sheegtay in ay cadaadis saaraysay Xamaas si ay u sii deyso la haysteyaasha.

Wadahadallo dadban oo dhex maray Xamaas iyo Israa’iil, oo ay dhexdhexaadinayeen Qatar, Masar, iyo Maraykanka, ayaa socday tan iyo bilowgii dagaalka, hase yeeshee wali ma aysan keenin xabbad-joojin rasmi ah.

Maraykanka oo muddo dheer diiday inuu si toos ah ula xiriirto Xamaas — oo uu u aqoonsan yahay urur argagixiso — ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah ula xiriiray bishii Maarso.

Xamaas ayaa wali ku adkaysaneysa in heshiis kasta lagu soo afjaro dagaalka, iyadoo 18-kii April diiday soo-jeedin Israa’iil oo ku saabsan xabbad-joojin 45 maalmood ah iyo is-weydaarsi la haystayaal iyo maxaabiis.

Bayaanka Axaddii, Xamaas ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay “si degdeg ah u bilowdo wadahadallo qoto-dheer” oo horseedi kara heshiis lagu soo afjaro dagaalka, Gaza-na loogu dhiibo maamul madax-bannaan oo khubaro hogaaminayaan.

“Tani waxay xaqiijin doontaa xasillooni muddo sanado badan ah, oo la socda dib-u-dhiska Gaza iyo soo afjarista cunaqabataynta,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Horaantii bishan, Israa’iil waxay ansixisay qorshayaal lagu ballaarinayo weerarrada Gaza, iyadoo saraakiishu ka hadleen suuragalnimada joogitaan muddo dheer ah oo Israa’iil ku yeelato gudaha Gaza.

Qorshaha gargaarka

Inkasta oo wadahadalladu socdaan, dagaalka Gaza wali wuu kasii darayaa.

Afhayeenka hay’adda gurmadka madaniga, Mahmud Bassal, ayaa u sheegay AFP in diyaaradaha Israa’iil ay beegsadeen saddex teendho oo ay deganaayeen dad barakacayaal ah magaalada Khan Yunis.

Muuqaal ay duubtay AFP ayaa muujiyay samatabbixiyeyaal ka shaqeynaya mugdiga, iyagoo goobta ka daadgureynaya ilmo dhaawacmay iyo laba meyd ah, mid lagu duuduubay bac cad, midna buste.

Duqeyn kale oo ka dhacday Khan Yunis ayaa sidoo kale dishay saddex qof, halka qof kale lagu dilay magaalada Gaza, sida uu sheegay Bassal.

Militariga Israa’iil kama aysan hadlin dhacdooyinka gaarka ah, balse waxay sheegeen in ciidamadooda cirka ay duqeeyeen “in ka badan 50 bartilmaameed oo argagixiso” tan iyo Sabtidii.

Inkastoo wadahadallada xabbad-joojinta aysan miro dhalin, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Saar, ayaa Axaddii “si buuxda” u taageeray qorshe Maraykanku soo jeediyay oo lagu soo celinayo gargaarka Gaza, halkaasoo xayiraad buuxda saarnayd tan iyo 2-dii Maarso.

Israa’iil ayaa weli ku adkaysanaysa in Gaza aysan ka jirin xaalad bini’aadannimo oo degdeg ah, inkastoo hay’adaha gargaarka iyo Qaramada Midoobay ay ka digayaan musiibo soo socota, iyadoo Israa’iil ku eedeysay Xamaas in ay la wareegto gargaarka soo gala.

Jimcihii, safiirka Maraykanka ee Israa’iil, Mike Huckabee, ayaa shaaciyay qorshe ay hoggaamin doonto hay’ad cusub oo ay taageerayaan militariga Israa’iil iyo shirkado amni gaar loo leeyahay, si ay u maamusho qeybinta gargaarka Gaza.

Qorshahan ayaa dhaliil xooggan ka helay caalamka, iyadoo UNRWA — hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta — ay sheegtay in “aysan suurtagal ahayn” in laga beddelo doorkeeda Gaza.

Weerarkii Xamaas ee 2023 ee koonfurta Israa’iil ayaa sababay dhimashada 1,218 qof, intooda badan rayid, sida ay sheegtay tirakoob ay sameysay AFP oo ku saleysan xogaha rasmiga ah.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa Axaddii sheegtay in ugu yaraan 2,720 qof lagu dilay tan iyo markii Israa’iil dib u billowday ololaheeda, taasoo tirada guud ee dhimashada dagaalka tan iyo bilowgiisa ka dhigaysa 52,829.

R/W Xamsa oo seddax qodob ka codsaday dowladda Qatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi oo wadahad dheer uu yeeshay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn Danjiraha kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha kala hadlay sidii dowladda Qatar ay uga taageeri lahayd dowladda Soomaaliya seddax arrimood oo hadda muhiim ah, kuwaas oo kala ah:

1 – Arrimaha ammaanka oo hadda Soomaaliya meel adag ka maraya, dowladuna ay deg deg ugu baahan tahay garab istaag caalami ah.

2 – Arrimaha horumarka oo baahi badan ay u qabto bulshada Soomaaliyeed oo ka soo kabaneysa colaado sokeeye oo u horseeday saboolnimo.

3 – Iyo fulinta Qorshaha cusub ee Isbeddelka Qaranka (NTP) kaas oo la dejiyey in xukuumadda Soomaaliya ay ku shaqeyso sanadaha 2025 ilaa 2029, balse aan loo heynin wax kharash ah oo lagu hirgeliyo.

Wadahal dheer oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka dhacay kadib, Xamsa ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah, sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Dhinaciisa, Danjire Abdullah, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa ka balan-qaaday Ra’iisul Wasaaraha in dowladiisa Qatar ay ka soo jawaabi doonto dalabka cusub ee dowladda Soomaaliya.

Qatar ayaa kamid ah dowladaha sida hagar la’aanta ah u taageera Soomaaliya, iyadoo ficiladooda iyo hab-dhaqankooda aysan ka dhex muuqan dano gaar ah oo dalkeena ay ka fushanayaan, sida Imaaraadka.

Wada-hadallo aysan qeyb ka ahayn Israel oo u billowday Xamaas iyo Mareykanka

Doha (Caasimada Online) – Wadahadallo u dhexeeya Xamaas iyo maamulka Mareykanka oo ku saabsan xabbad-joojin laga hirgeliyo Gaza iyo sidii gargaar bani’aadannimo loo gaarsiin lahaa deegaanka go’doonsan ayaa socda, sida uu Axaddii u sheegay Reuters sarkaal Falastiini ah oo arrimahaas si dhow ula socda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan mar kale ballanqaaday inuu gacan ka geysan doono sidii cunto gargaar ah loo gaarsiin lahaa shacabka Gaza. Wakiilka Mareykanka u fadhiya Israa’iil ayaa sidoo kale Jimcihii sheegay in hab cusub oo ay Washington taageerayso, laguna keenayo gargaar Gaza, uu dhowaan dhaqangelayo.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa yiri: “Ma faahfaahin karno wadaxaajoodyada socda, balse waxaan xusi karaa hadalladii dhowaan kasoo baxay Qatar iyo Masar ee muujinaya in ay sii wadaan dadaallada lagu raadinayo heshiis.”

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Xamaas ay mas’uul ka tahay bilowga dagaalka iyo dib u bilaabashada colaadda.

“Madaxweyne Trump wuxuu si cad u muujiyay cawaaqibta Xamaas kala kulmi doonto haddii ay sii haysato maxaabiista, oo ay ku jiraan Edan Alexander oo Mareykan ah iyo meydadka afar muwaaddin Mareykan ah,” ayuu yiri afhayeenka.

Mareykanka ayaa horey ula yeeshay Xamaas wadahadallo ku saabsanaa sidii loo sii deyn lahaa muwaadiniinta Mareykanka ee lagu haysto Gaza.

Warbaahinta Israa’iil ayaa Axaddii werisay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu shir xiran oo uu la yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Difaaca uga sheegay in Xamaas ay dhowaan si “kala furan” u sii dayn karto Edan Alexander, oo ah maxbuus Mareykan-Israa’iili ah, si loo muujiyo kalsooni iyo is-faham uu la leeyahay Trump, oo toddobaadkan socdaal ku tagaya Bariga Dhexe.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi arrintan looga dalbaday.

Tan iyo 2-dii Maarso, Israa’iil waxay jartay sahaydii cunto, biyo iyo koronto ee ay heli jireen 2.3 milyan oo qof ee Gaza ku nool, iyadoo raashinkii keydsanaa intii lagu jiray xabbad-joojintii billowgii sanadka uu si weyn u gabaabsi noqday.

18-kii Maarso, Israa’iil waxay si rasmi ah u joojisay heshiiskii xabbad-joojinta ee bishii Janaayo la gaartay Xamaas, iyadoo mar kale bilowday olole millatari oo cusub oo ka dhan ah Gaza.

Xamaas ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay sii deyso dhammaan maxaabiista ay afduubteen 7-dii Oktoobar 2023 weeraradii ay ku qaadeen koonfurta Israa’iil, haddii Israa’iil si buuxda ciidamadeeda uga saarto Gaza isla markaana ay ogolaato xabbad-joojin rasmi ah.

Israa’iil oo ku adkeysaneysa in dagaalka la joojin doono oo keliya marka Xamaas gebi ahaanba laga takhaluso, ayaa sheegtay inay ballaarin doonto howlgalladeeda Gaza — dagaalkaas oo burbur baaxad leh sababay, isla markaana Qaramada Midoobay ay ka digtay inuu shacabka Qaza ku rido macluul degdeg ah.

Weeraradii Xamaas ee bishii Oktoobar 2023 ayaa lagu dilay 1,200 oo qof, halka 251 kale lagu afduubtay oo loo qaaday Gaza, sida ay sheegtay Israa’iil. Dagaalka Israa’iil ay ku qaaday Gaza ayaa ilaa hadda sababay dhimashada in ka badan 52,800 oo Falastiiniyiin ah, intooda badanna ay ahaayeen dad rayid ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Xog: Al-Shabaab oo ciqaab daran ku bilaabay dadka ku nool Ceelbaraf iyo Miirtaqwo

Ceelbaraf (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee ku sugan Shabeellaha Dhexe ayaa lasoo baxday dhaqamo ka sii liita kuwii horay loogu yaqaanay, waxayna caburin ku bilaabeen dadka ku nool deegaanada ay dib ugu soo laabteen.

Al-Shabaab ayaa markii hore shacabka deegaanadaas ku soo galay inay bedeleen dhaqankoodii hore ee caburinta ahaa, balse hadda waxay lasoo baxeen dhaqan kasii daran kii hore.

Waxay jareen ateenadii isgaarsiinta, sidio kale, waxay taleefanada ka aruuriyeen shacabka, iyagoo diidan in la isticmaalo intarner-ka iyo xitaa isgaarsiinta caadiga ah.

Deeganaada Ceelbaraf, Miirtaqwo, Al-Kowsar iyo dhowr tuulo oo kale ayay Kooxda Al-Shabaab ka jartay isgaarsiinta, sidoo kale amarro kale oo ayaa lagu soo rogay shacabka ku nool deegaanadaas.

Maanta, Al-Shabaab waxay u yeereen oo kulan la yeesheen odayaasha ku nool deegaanada Miirtaqwo iyo Ceelbaraf, waxayna ka dalbadeen inay keenaan dhalinyaro ka barbar dagaalanka iyo xubno u shaqeeya qaab nabadoon oo u dhaxeeya bulshada deegaanka iyo kooxda.

Dhibaatooyinka ku bilowday shacabka ku nool deegaanada ay Al-Shabaab dib u qabsadeen ee Shabeellaha Dhexe waxaa kamid ah in Gaadiidka beeraya fala ee Cagafta bil kasta laga qaado $50, maadaama la galay xili roobaad dadku ay beeraha tabcanayaan.

Meelaha kale ee dhaqaalaha badan ay ku soo rogeen Shabaab-ku waxaa ka mid ah suuqyada xoolaha, iyagoo neefka Ariga ah markii suuqa la keeno ka qaata $10, xitaa hadii uusan u gadmin qofkii lahaa.

Kooxda Al-Shabaab oo hadda bilowday cadaadiskaan oo horay loogu yaqaanay waxay dadka ku nool deegaanada ay dib u qabsadeen ee Shabeellaha Dhexe horay ugu sheegeen inay joojiyeen ciqaabtii shacabka, isla markaana ay ula dhaqmi doonaan sidii dowladii.

Ciqaabtii ugu adkeed abid ayaa ku bilaabatay shacabka ku nool deegaanada ay Shabaab ka joogaan gobolka Shabeellaha Dhexe, saacadihii lasoo dhaafay oo laga demiyey isgaarsiinta ayaa ugu dareed, maadaama dadku ay wax ku kala iibsadaan lacagaha danabeysan ee taleefanada laga diro (EVC).

Dadka deegaanka oo xogtaan la wadaagay Caasimada Online, ayaa qeylo dhaan u dirsaday dowladda Soomaaliya, waxayna codsanayaan in cadowgaan qabsaday ee dhinac kasta ciqaabta uga bilaabay deg deg looga xoreeyo dhulkooda ay uga habsadeen.

K/Galbeed oo shaacisay in abaabul hubeysan oo ka dhan ah uu ka socdo Xamar

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in jabhad hubeysan oo khatar ku ah amniga maamulka laga soo abaabulayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maxamed Ibraahin Bilaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in jabhadan looga dan leeyahay qalqal-galinta xasiloonida iyo nabadda Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uusan marnaba aqbali doonin abaabul kasta oo lagu dhibaateynayo shacabka deegaanka, isla markaana laga leeyahay dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Koox Muqdisho joogta oo qas iyo fowdo abuureysa in naloo soo raro ma aqbali doono,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Maxamed Bilaal.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Wasiir Bilaal wuxuu carrabka ku adkeeyay in mowqifka Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu yahay mid taageersan hannaanka federaalka iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod ah.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in maamulka Koonfur Galbeed leeyahay dowlad xooggan iyo shacab mideysan, taasoo ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo nidaamka maamulkaasi. Wuxuu intaas ku daray in cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso amniga maamulka ay la kulmi doonto jawaab adag oo sharci iyo mid ciidanba leh.

Wasiirka ayaa xusay in ay heleen xog rasmi ah oo caddeyneysa abaabulka jabhaddan, taasoo lagu diyaariyay Muqdisho, lana damacsan yahay in si qarsoodi ah lagu soo geliyo deegaanada Koonfur Galbeed, sidaas darteedna loo baahan yahay feejignaan buuxda.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina shacabka maamulka ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan kooxaha doonaya in ay dhib u horseedaan deegaanka, isagoo ku booriyay in si dhow loola shaqeeyo hay’adaha amniga si loo helo xog kasta oo lagu sugi karo nabad-gelyada guud.

DF oo fasaxday duulimaadyada qeybo ka mid ah Jubbaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in la qaaday xayiraaddii saarneyd duulimaadyada tegi jiray magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Tallaabadan ayaa timid kadib muddo uu hakad ku jiray socdaalka diyaaradaha sababo lagu sheegay mid amni, waxaana laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 11-ka May 2025, si buuxda loo fasaxay in diyaaradaha ay mar kale isticmaalaan garoonka degmadaasi.

Warqadda kasoo baxday Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Fartaag ayaa si cad u tilmaantay sababtii horay loo xiray garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow. Waxaa lagu xusay in 23-kii December 2024, diyaaradda Halla Airlines oo lahayd duulimaad u dhaxeeyay Muqdisho iyo Kismaayo la afduubay iyadoo ku sugnayd garoonka magaalada Kismaayo, taas oo si sharci darro ah looga dajiyay garoonka Doolow.

Arrintaasi ayaa keentay in Dowladda Federaalka ay si ku-meelgaar ah u hakiso duulimaadyadii tagi jiray magaalada Doolow, si loo xaqiijiyo nabadgelyada garoomada dalka. Wasiir Fartaag ayaa sheegay in xaaladdaas ay baalmarsaneyd sharciga duulista hawada Soomaaliyeed, isla markaana ay qasab ka dhigtay in la sameeyo qiimeyn amni oo lagu hubinayo xasiloonida garoonka.

Si kastaba, dowladda ayaa sheegtay in markale dib u eegis ku samaysay xaaladda, iyadoo la tixgelinayo baahida ay dadka reer Gedo u qabaan isticmaalka garoonka, gaar ahaan iyadoo lagu jiro xilli ay dad badani u socdaan gudashada acmaasha Xajka.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka degmada Doolow, oo kaashanaya laamaha amniga gobolka ay ballan-qaadeen in ay si buuxda u ilaalin doonaan ammaanka iyo xorriyadda dadka safarka ah.

Dib u furista garoonka ayaa muhiimad gaar ah u leh dadka deegaanka, kuwaas oo qaarkood u socday adeegyo caafimaad iyo arrimo ganacsi. Dadkaasi ayaa mudadaas waayay marin rasmi ah oo ay caasimadda Muqdisho kaga dhoofaan ama ugu yimaadaan.

Xukuumadda Federaalka ayaa ugu baaqday dhammaan hay’adaha amniga iyo maamulka degmada Doolow in ay si dhow ula socdaan xaaladda garoonka, si loo ilaaliyo amniga guud, loogana hortago wax kasta oo khatar ku keeni kara isku socodka dalka iyo haykalka dowladnimada.

Si kastaba, Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa horay si cad uga soo horjeesatay xayiraadda, iyada oo ku eedeysay Dowladda Federaalka in ay tallaabadaasi u adeegsatay cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah shacabka degmada Doolow. Labada dhinac ayaa kala furtay kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe.

Puntland oo qaaday tallaabo ay ku xoojineyso xiriirka Somaliland

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha maamul-goboleedka Puntland ayaa qaaday tallaabo kale oo lagu xoojinayo xiriirka tooska ah ee ay dhowaan la yeesheen Somaliland, isaga oo difaacay iskaashiga cusub ee labada maamul.

Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo si faah-faahsan uga hadlay arrimaha soo kordhay ayaa qiray in Puntland iyo Somaliland uu muddo dheer soo jiray xiriirkooda, isla-markaana uu salka ku hayo iskaashi dhanka amniga oo labada dhinac ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wadashaqeynta ay sii xoogeystay kadib markii la is dhaafsaday maxaabiis ay horay u kala qabsadeen labada dhinac, kuwaas oo hadda dib isku waydaarsaday, kadib heshiis hoose oo ay ka gaareen arrinta maxaabiista, kaas oo fulay.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in hadda meesha ay ka baxeen xaalado ka taagnaa qaybo kamid ah Sool iyo Sanaag oo marar kala duwan ay ku wada dagaalameen labada maamul.

“Puntland iyo Somaliland waxay wadaagaan tabasho taariikheed, Dowladdii Kacaanka ayaa wax-wada yeeshay; markastana xidhiidhkeennu wuu jiray, haddana wuu socdaa; inkastoo caqabado ka jireen Sool & Sanaag; haddana waxa naga dhexeeya; deris, ganacsi, amni iyo iskaashi.” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta SSC-Khaatumo, oo iyada loo aqoonsaday maamul-goboleed rasmi ah, wuxuuna sheegay in reer SSC ay xaq u leeyihiin inay go’aan ka gaaraan masiirka mustaqbalkooda.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in shalay ay iyagu garteen inay wax ku darsadaan Puntland, maantana ay ku bixi karaan taladooda iyo go’aankooda.

“Khaatumo rabitaan kooda ayaan ku go’naa waana xaqooda; 1998 iyaga oo miyir-qaba ayey Puntland kamid noqdeen, haddana waxaa la rabaa talo in lagu kala tago ama lagu wada-joogo” ayuu mar kale yiri wasiir Cabdi Faarax Saciid oo loo yaqaanno (Juxa).

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo hadal xooggan uu ka dhashay xiriirka iskaashi ee u bilaabmay Somaliland iyo Puntland oo ah mud ugub ah, kuna soo aaday, xilli xasaasi ah oo ay jiraan isbeddallo ka dhacay gobollo waqooyi, kadib markii la aqoonsaday SSC.