Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka laabatay shuruuddii ahayd in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay caadiyeyso xiriirka diblomaasiyadeed ee Israa’iil, si loo sii amba-qaado wadahadallada iskaashiga ku saabsan tamarta nukliyeerka rayidka ah, sida ay u xaqiijiyeen laba ilo-wareed oo arrinta si qoto dheer u fahamsan, kahor booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee toddobaadka soo socda.
Ka tanaasulka Washington ee shuruuddaas ayaa noqonaya is-afgarad weyn oo diblomaasiyadeed. Intii uu xilka hayay madaxweyne Joe Biden, wada-hadallada nukliyeerka waxay qayb ka ahaayeen qorshe ballaaran oo Mareykanku isugu xirayey caadiyeynta xiriirka iyo himilada Riyadh ee ah in ay la gasho Mareykanka heshiis difaac oo rasmi ah.
Sacuudigu marar badan ayuu ku celiyay in aanu aqoonsan doonin Israa’iil ilaa la helo dawlad madax-bannaan oo Falastiini ah, taasoo carqalad ku noqotay dadaalladii maamulka Biden ee lagu ballaarinayey heshiisyadii Abraham Accords ee lagu gaaray xilligii Trump.
Heshiisyadaas waxaa qayb ka ahaa in Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Morooko ay xiriirkooda la caadiyeeyaan Israa’iil. Hase yeeshee, kacdoonka iyo colaadda ka aloosan Gaza ayaa si weyn u caraysiisay dalalka Carabta, taasoo hakisay is-afgaradkii la filayay ee Sacuudiga iyo Israa’iil. Dhinaca kale, wadahadallada nukliyeerkuna waxay hakad galeen sababo la xiriira cabashada Mareykanka ee ku saabsan faafitaanka hubka nukliyeerka.
Waxaa muuqanaya in jihada Mareykanka ee arrintan ay isbedelayso, iyadoo Wasiirka Tamarta Mareykanka Chris Wright uu intii uu booqanayay Sucuudiga bishii April sheegay in labada dal ay ku jiraan “jiho saxan” oo lagu gaari karo heshiis nukliyeer rayid ah.
“Marka aan hayno wax rasmi ah oo aan ku dhawaaqno, waxaad ka maqli doontaan Madaxweynaha. Wararka hadda la sheegayo waa mala-awaal,” ayuu yiri Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka James Hewitt oo la hadlay Reuters.
Xafiiska warbaahinta dowladda Sucuudiga ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiga faallo ee arrintan la xiriira.
In kasta oo looga tanaasulay shuruudda caadiyeynta xiriirka si loo hormariyo wadahadallada nukliyeerka rayidka ah, haddana heshiiska la rajeynayo wali ma dhow, sida uu sheegay mid ka mid ah ilaha.
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waa weyn ayaa ah Qodobka 123 ee Sharciga Tamarta Nukliyeerka Mareykanka, kaasoo ogolaanaya iskaashi tamar nukliyeer rayid ah balse shuruud adag ku xira faafinta hubka nukliyeerka, sida xadidaadda kor-u-kicinta uranium-ka.
Wasiirka Tamarta Sacuudiga, Amiir Cabdilcasiis bin Salmaan, ayaa horay u sheegay in boqortooyadu ay doonayso in ay kobciso uranium-ka, sidoo kalena ay suuq geyso.
Mid ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in Sacuudigu wali uusan diyaar u ahayn in uu saxiixo heshiiska 123-ka loo yaqaan, kaasoo mamnuucaya in la kobciyo ama dib loo warshadeeyo plutonium-ka laga sameeyo warshadaha nukliyeerka – waana laba dariiqo oo laga yaabo in ay horseedaan horumarinta hub nukliyeer ah.
Wasiir Wright ayaa hore u sheegay in heshiis kasta oo la gaaro uu shardi u yahay in marka hore la helo heshiis 123 ah.
Si kastaba ha ahaatee, Wright wuxuu sheegay in ay jiraan dhowr qaab oo sharci ah oo lagu dhisi karo heshiis buuxinaya danaha labada dal.
Mid ka mid ah xalalka hadda lagu falanqaynayo waa nidaam loo yaqaan “sanduuq madow” oo micnihiisu yahay in kaliya shaqaalaha Mareykanka ay heli karaan xarun lagu kobciyo uranium oo ku taalla gudaha Sacuudiga, sida uu sheegay isla ilahaasi.
Kororka dhoofinta saliidda
Sacuudi Carabiya waxay dooneysaa in ay dhisto awood tamareed nukliyeer si ay dhaqaalaha uga leexiso ku-tiirsanaanta saliidda. Tamarta nukliyeerkuna waxay sidoo kale fursad u siin kartaa in la dhoofiyo saliid dheeraad ah.
Khubarada xakamaynta hubka ayaa marar hore walaac ka muujiyay barnaamijka nukliyeerka Sacuudiga, maadaama Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Maxamed bin Salmaan, uu hore u sheegay in haddii Iran – loollanka gobolka – ay samaysato hub nukliyeer ah, Sacuudiguna uu si degdeg ah ugu dadaali doono sidii uu u heli lahaa mid la mid ah.
Mareykanka iyo Iran ayaa haatan wada-hadallo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Tehran ku leh Oman, kaasoo Washington iyo xulafadeeda reer Galbeedku sheegaan in uu u jihaysan yahay samaynta hub nukliyeer ah, hase ahaatee Iran ayaa ku adkaysanaysa in uu yahay mid rayid ah.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa Arbacadii sheegay in wada-hadallada lala leeyahay Iran ay “illaa hadda si wanaagsan u socdaan,” isagoo intaa ku daray in la filayo heshiis dib ugu soo celin kara Iran nidaamka dhaqaale ee caalamiga ah iyadoo laga hor istaagayo in ay yeelato hub nukliyeer ah.
Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan heshiisyo dhaqaale oo miisaan culus leh inta lagu jiro booqashada Trump ee toddobaadka soo socda, iyadoo Mareykanku diyaarinayo xirmo hub ah oo kor u dhaafaysa $100 bilyan oo laga iibiyo Riyadh, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.
Trump ayaa sheegay in Sacuudigu “kor u qaado” xirmo maalgashi oo lagu wado in lagu sameeyo gudaha Mareykanka, taasoo laga doonayo in ay gaarto $1 trillion halkii ay markii hore ahayd $600 bilyan.
Booqashadan ayaa ah tii labaad ee Trump ku tago dibadda tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay Janaayo, kaddib socdaalkiisii gaabnaa ee Rome oo uu kaga qeybgalay aaska Pope-ka. Intii uu xafiiska hayay markii hore, booqashadiisii ugu horreysay waxay ahayd mid heer sare ah oo uu ku tagay Sacuudiga.
Trump ayaa xoojiyay xiriirkii uu la lahaa waddamada Khaliijka, gaar ahaan Sacuudi Carabiya, xilligii uu xilka hayay.
Boqortooyadu waxay $2 bilyan ku maalgelisay shirkad uu aas-aasay Jared Kushner, wiilka uu sodoga u yahay Trump, kadib markii uu xafiiska ka baxay. Waxaa sidoo kale socda qorshayaal lagu dhisayo laba dhismo oo ah Trump Towers oo laga hirgelinayo magaalooyinka Jeddah iyo Riyadh.