25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Gobolka Banaadir inta uu xor ka noqonayo eed ma lahan

Muqdisho (Caasimada Online) – Roobabkii xalay ka da’ay Muqdisho oo gaystay burbur iyo waxyeello xooggan ayaa dhaliyay dhalleeceyn xooggan oo lagala dul dhacay maamulka gobolka, inkasta oo waxa dhacay ay yihiin musiibo dabiici ah.

Si kastaba ha ahaatee, xitaa haddii ay noqoto in cid dusha loo saaro wixii dhacay oo xag rabbaani ah ka yimid, ma yahay gobolka Banaadir gobol madax-bannaan oo arrimihiisa si iskiis ah u maamula, si loola xisaabtamo?

Xaqiiqda waxay tahay in gobolka Banaadir uu la haysto u yahay dowladda federaalka. Waa maamul aan go’aannadiisa, dakhligiisa iyo amnigiisa u madax-bannaanayn, sida aan wada ognahay.

Haddii xaaladda ka taagan Xamar ay jirto cid lagu eedeynayo, waa Villa Somalia iyo dowladda federaalka, sababtoo ah iyagaa maamula magaalada oo mar walba cidda ay rabaan u dhiibta.

Arrintan waxaa si wanaagsan u ifiyey agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed, oo qoraal soo dhigay Facebook. Hoos ka akhri.

Waligaa ma maqashay Wasiiradii Maaliyadda ee 12kii sano ee lasoo dhaafay kala dambeeyay oo mid walba leeyahay dakhliga gudaha ee dalka ayaan sare u qaadnay? IMF iyo Baanka Adduunka ayaa nagu ammaanay kordhinta Dakhliga gudaha?

Haa, waa run waayo dakhliga gudaha ee Dowladda Federaalka ee la sheegayo waa kan Gobolka Banaadir, gaar ahaan Dekedda, Garoonka iyo labada suuq ee Bakaaro iyo Suuq Bacaad. Dhaqaalahaas soo xaroodo ayuu Gobolka Banaadir ku leeyahay 15% oo kaliya. Hadda waa 15% kaliya!

Inta yarta ah ee Gobolka loo gooyo (15%) nus kamid ah waxaa la siiyaa La-taliyeyaal iyo shaqaale leexsan oo ku xiran isla Xafiisyada Dowladda Federaalka, gaar ayaan Madaxtooyada iyo Ra’iisul Wasaaraha. Guddoomiyoow ninkaan iga meelee, walaaloow halkaan kirada ka bixi, midkaan qandaraas sii, midkaanna waa i dhibaye iga aamusi. Waaba intaas. Rukub!

Maba jiri karto dhaqaale nadaafad iyo horumar looga shaqeeyo oo usoo haray. Waa sababta aadan u arki doonin kol dhaw Duq Caasimad oo doorasho ku yimid oo u madaxbannaan horumarinta amuuraha gobolkiisa. Xitaa Madaxweyne goofka kasoo jeeda diyaar uma aha inuu qalinkiisa wax qori waayo!

Hadda ma fahamteen sababta Wareegto Madaxweyne gobolka loogu magacaabo hoggaankiisa?

Sirtu waa dhacdhaca iyo dheefta ee maha qofka la magacaabay inuu hawlgab yahay!!!

Is-beddel deg deg ah oo ku yimid dagaalka Pakistan iyo India – Maxaa dhacay maanta?

Islamabad (Caasimada Online) – Dalalka hubka nukliyeerka leh ee Hindiya iyo Pakistan ayaa Sabtida maanta ah ku heshiiyay xabbad-joojin, kadib cadaadis iyo dhex-dhexaadin Mareykanka ka timid. Balse dhowr saacadood kadib, qaraxyo ayaa laga soo sheegay magaalooyinka waaweyn ee Kashmir ee Hindiya, halkaasoo afar maalmood dagaal culus uu ka socday.

Qaraxyo ayaa laga maqlay Srinagar iyo Jammu, iyadoo cirka sare laga arkayay gantaallo iyo iftiin, si la mid ah wixii dhacay habeenkii hore, sida ay sheegeen mas’uuliyiin, dad deegaanka ah iyo goobjoogayaal la hadlay Reuters.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Vikram Misri, ayaa ku eedeeyay Pakistan inay jebisay heshiiskii labada dal ay isla gaareen maalintaas.

“Waxaan ugu baaqeynaa Pakistan inay qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu xallinayo jebinta heshiiska, ayna la timaado masuuliyad iyo biseyl siyaasadeed,” ayuu Misri ku sheegay shir jaraa’id.

Wasiirka Warfaafinta Pakistan, Attaullah Tarar, ayaa u sheegay telefishinka Geo News: “Ilaa hadda wax xabbad-jebin ah oo dhacay lama diiwaan-gelin.”

Afhayeenka militariga Pakistan ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyadii faallo laga sugayay.

Dagaalkaas ayaa ahaa kii ugu xumaa ee dhex mara labada cadaw ee Koonfur Aasiya ku dhow 30 sano, iyada oo ay jireen cabsi xooggan oo laga qabay inuu isu beddelo dagaal buuxa oo ka dhaca mid ka mid ah gobollada ugu kacsan uguna dadka badan dunida.

Waxaa jiray cabsi kooban oo laga qabay adeegsiga hubka nukliyeerka, kadib markii militariga Pakistan ay sheegeen in guddiga sare ee kormeerka hubka nukliyeerka uu kulmi doono.

Si kastaba, Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan ayaa sheegay in aysan jirin wax kulan ah oo lagu qorsheeyay, saacado un kadib habeen uu dagaal culus dhacay, iyadoo labada dal ay isweydaarsadeen weerarro lagu beegsaday saldhigyada milatari, halka tirada dhimashada rayidka ay gaartay 66.

“Pakistan iyo Hindiya waxay isla gaareen heshiis xabbad-joojin ah oo si degdeg ah u dhaqan galay,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Ishaq Dar, ku qoray barta X. “Pakistan mar walba waxay u taagnayd nabadda iyo amniga gobolka, iyadoo aan marnaba uga tanaasulin madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed!”

Misri ayaa sheegay in taliyeyaasha hawlgallada militariga ee labada dal ay telefoon ku wada hadleen, isla markaana ay ku heshiiyeen in dhammaan dagaalka la joojiyo laga bilaabo 5 galabnimo waqtiga Hindiya (1130 GMT), in kastoo aanu si toos ah u adeegsan erayga “xabbad-joojin.”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa X ku qoray: “Kadib habeen dheer oo wadahadallo uu Mareykanka dhex-dhexaadinayay, waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Hindiya iyo Pakistan ay ku heshiiyeen XABBAD-JOOJIN DHAMMEYSTIRAN IYO DEGDEG AH. Hambalyo labada dalba oo adeegsaday garasho iyo xikmad weyn!”

Xiriir militari iyo dhex-dhexaadin diblomaasiyeed

Dar ayaa u sheegay Geo News in la hawlgeliyay khadadka tooska ah ee militariga Hindiya iyo Pakistan, iyadoo sidoo kalena 36 dal ay kaalin ku yeesheen fududeynta heshiiska.

Arbacadii, Hindiya ayaa weerartay waxa ay ku sheegtay “kaabayaal argagixiso” oo ku yaalla Kashmir-ka Pakistan iyo gudaha Pakistan, laba toddobaad kadib markii 26 qof lagu dilay weerar lala beegsaday dalxiisayaal Hindu ah oo ku sugnaa Kashmir Hindiya.

Pakistan waxay si cad u diiday eedaynta Hindiya, iyada oo sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn weerarkaasi. Waxaa xigay maalmo is-weydaarsi rasaas, gantaallo iyo weerarro drone ah oo labada dhinac ah.

Inkasta oo xabbad-joojin la gaaray, ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Hindiya ayaa u sheegay Reuters in cunaqabateyntii uu Hindiya ku dhawaaqay iyo tallaabooyinkii Pakistan ay qaaday, sida hakinta ganacsiga iyo baajinta fiisayaasha, ay weli sii jirayaan.

Sidoo kale, ilo-wareedyadan ayaa sheegay in heshiiskii biyaha ee Indus 1960 — heshiis muhiim u ah wadaagga biyaha labada dal — uu sii ahaan doono hakad, kadib markii Hindiya hakisay kadib weerarkii Kashmir.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya kama jawaabin codsiyo faallo looga doonayay.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Ku-xigeenka JD Vance ay 48 saacadood gudahood si toos ah ula xiriireen Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, Wasiirka Arrimaha Dibadda Hindiya Subrahmanyam Jaishankar, Taliyaha Militariga Pakistan Asim Munir, iyo la-taliyeyaasha amniga qaranka ee labada dal.

Wada-hadallo meel dhex-dhexaad ah lagu qabanayo

Rubio ayaa bartiisa X ku bogaadiyay Modi iyo Sharif, isagoo sheegay in heshiiska lagu gaaray uu ka koobnaa xabbad-joojin degdeg ah iyo bilaabidda wadahadallo “ku saabsan arrimo ballaaran” oo lagu qaban doono meel dhexdhexaad ah.

Wararka ku saabsan xabbad-joojinta ayaa si weyn loogu diirsaday labada dhinac ee xuduudda, iyadoo hay’adda duulista rayidka ee Pakistan ay sheegtay in hawada dalka dib loo furay gebi ahaanba.

Si kastaba, jebinta xabbad-joojinta ee xigtay ayaa walaac ka dhalisay gudaha Hindiya.

“Ogow, maxaa ku dhacay xabbad-joojintii? Qaraxyo ayaa laga maqlayaa Srinagar oo dhan!!!”, ayuu bartiisa X ku qoray Omar Abdullah, madaxa maamulka Kashmir ee Hindiya. “Tani ma aha xabbad-joojin. Cutubka difaaca cirka ee Srinagar ayaa bilaabay rasaas culus.”

Hindiya iyo Pakistan waxay muddo dheer ku muransanaayeen gobolka Kashmir tan iyo markii ay xoriyad ka qaateen gumeystihii Ingiriiska 1947. Hindiya oo Hindu u badan iyo Pakistan oo Muslim u badan ayaa midba midka kale sheeganaya gobolka oo dhan.

Labada dal waxay u dagaalameen saddex jeer, labo jeerna waxa uu dagaalku ka qarxay muranka Kashmir, iyadoo sidoo kalena ay dhacayeen dagaallo yaryar oo isdaba joog ah.

Hindiya waxay Pakistan ku eedeysaa taageeridda kacdoonka hubeysan ee ka socda Kashmir-keeda tan iyo 1989, kaas oo sababay dhimashada tobanaan kun oo qof, waxayna sidoo kale Pakistan ku eedeysaa in kooxaha Islaamiyiinta ee ka soo jeeda Pakistan ay weerarro ka fuliyeen gudaha Hindiya.

Pakistan waxay beenisay eedeymahan, iyadoo sheegtay inay taageerto oo kaliya halganka siyaasadeed, anshaxeed iyo diblomaasiyadeed ee ay wadaan gooni-u-goosadayaasha Kashmir.

Tirada dadka ku dhintay Muqdisho iyo R/W Xamsa oo deg deg guddi u magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka jawaabaya xaaladda deg deg ah ee magaalada Muqdisho ay gashay, kadib saacado badan oo roobab mahiigaan ah ay ka da’ayeen.

Roobka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimashada ku dhowaad toban qof iyo burburka guryo iyo wadooyin muhiim  ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda Jibriil Cabdirashiid ayaa hoggaaminaya guddiga la magacaabay oo ka kooban heer wasiirro, maamulka gobol Banaadir iyo hey’adda SoDMA.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar oo ka warbixiyey khasaaraha uu geystay roobkii ka da’ay Muqdisho ayaa xaqiijiyey geerida toddoba qof oo ku dhimatay daadadkii ka dhashay roobka, burburka lix waddo oo laami ah iyo guryo dumay.

Guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa maanta kormeer deg deg ah ku tagey qaar kamid ah goobihii ay saameynta ku yeesheen roobabkii mahiigaanka ahaa ee saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho.

Goobaha ay kormeerka ku tageen guddiga oo ay kamid yihiin, Iskool Buluusiya, waddada isku xirta garoonka Aadan Cadde iyo KM4 iyo waddooyinka uu burburka soo gaaray, ayaa waxa ay u kuurgaleen baaxadda burburka, si looga jawaabo khasaaraha ka dhashay.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo kormeerka kadib ka warbixiyey xaaladda ayaa sheegay in roobabku ay geysteen khasaare kala duwan oo isugu jira naf iyo maal, isla markaana uu saameyn xooggan ku yeeshay ganacsiga iyo isku socodka magaalada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ayaa u mahadceliyey hey’addihii gurmadka fidinayey ilaa xalay. Waxa uuna intaas ku daray in Xukuumadda DanQaran oo ay kaalinteeda ka qaadan doonto maareynta khasaaraha uu sababay roobka.

 

Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka shirka maanta ka dhacay xafiiska R/W Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan gaar ah oo looga hadlayay Isbeddelka Cimillada, Sugnaanta Cuntada iyo Hindisayaasha Qorshaha Isbeddelka Qaranka, (NTP 2025-2029) ayaa maanta lagu qabtay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, waxaana ka qayb-galay qaar kamid ah golaha wasiirada iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha laga hadlayay ee muhiimka ah.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa lagu falanqeeyay isbeddelka nidaamka cuntada ee dalkeenna iyo sidii loo hubin lahaa tayada cuntada dalka soo galaysa, si loo ilaaliyo badqabka dadka Soomaaliyeed,.

Sidoo kale waxaa kulan xoogga lagu saaray hirgelinta xalka waara ee saamaynta isbeddelka cimillada, loona samayn lahaa nidaamyo casri oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Inta badan xubnaha kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay talooyin wax ku ool ah, iyada oo xukuumaddana ay ballan qaaday inay fulin doonto, si loo gaaro halka la hiigsanayo.

Dowladda Federaalka ayaa haatan wadda qorshe ballaaran oo la xiriira sidii loo sameyn lahaa isbeddel dhab ah, kaas oo daba socdda Qorshaha Isbeddelka Qaranka, (NTP 2025-2029).

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaaladdo adag, waxaana hadda taagan saameynta ka dhalatay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay caasimada, kuwaas oo saameyn xoogan ku yeeshay shacabka, waxaana sidoo kale burburay  jidad muhiim ah.

Firdhiye oo warbixin xasaasi ah u gudbiyay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha Maamul-goboleedka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho.

Ugu horreyn Firdhiye ayaa madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyay warbixin xasaasi ah oo ku aadan xaaladda horumarineed, nabadeed iyo dawlad-dhis maamulka Khaatumo.

Sidoo kale, Firdhiye ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey casuumaddii shirka Golaha Wadashiga Qaran, isgarab-taagga dhismaha SSC-Khaatumo oo hadda loo aqoonsaday Maamul-goboleed kamid ah kuwa ka jira dalka.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday arrimo ku aadan wadashaqeynta labada dhinac iyo sidii ay hay’adaha Dowladda Federaalka u gaari lahayn deegaannada SSC-Khaatumo.

Cabdulqaadir Firddiye ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga qayb-galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee kusoo dhammaaday magaalada Muqdisho, isaga oo metalayay shacabka SSC-Khaatumo, kaas oo laga saaro go’aanno ku aadan xaaladda dalka.

Arrintan ayaa ku timid kadib aqoonsigii Dowladda Federaalka siisay maamulkan, kadib booqaso taariikhi ah oo uu Ra’iisul wasaare Xamza ku tegay magaalada Laascaanood.

Hoggaaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa maalmahan kulamo kala duwan ka waday gudaha caasimada, kuwaas oo uu la yeelanayay madaxda sare ee dowladda dhexe.

Si kastaba ha ahaate, SSC ayaa waxaa hadda u furmay dhabo cusub, iyada oo shirkii Golaha Wadatashiga lagu go’aamiyay in la dhammeystiro hanaanka dowladnimo ee SSC-Khaatumo, iyada oo loo xil-saaray wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya.

“Goluhu wuxuu isla aqoonsaday in SSC-Khaatumo tahay xubin ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu soo dhameystirayo shirweynaha lagu balansan yahay, waxaana la raacayaa dastuurka dalka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha heer federaal iyo SSC ayaa iska kaasha doona qabashada shirweynaha iyo dhismaha maamulka,” ayaa lagu yiri bayaankii kasoo baxay Golaha Wadatashiga

Amiir oo amar culus dul-dhigay shirkadaha dhisay laamiyadii burburay

0

Muqdisho (Caasumada Online) – Guddoomiyaha gobolka, ahna duqa Muqisho Mudane Maxamed Axmed Amiir oo warbixin deg-deg ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda adag ee ka taagan Muqdisho, gaar ahaan saameynta ka dhalatay roobabkii xalay ka da’ay caasimada, isaga oo amar culus dul-dhigay shirkadaha dhisay laamiyada burburay.

Amiir ayaa ayaa marka hore sheegay in ay qaadeen tallaabo kasta oo loo baahnaa, ayna ka qayb qaateen gurmadka loo fidiyay dadka ay soo gaartay waxyeellada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay caawin doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan shacabka ay dhibaatada kasoo gaartay dhismayaasha burburay iyo kuwa ay biyaha qaadeen.

“Roobabka mahiigaanka ah ee Xamar iyo agagaarkeeda ka da’ay waxaan ka qaadnay tallaabo kasta oo suuragal ah, Waxaana goor dhow soo saari doonnaa warbixin la xariirta saameynta Roobka, Waxaana sidoo kale gargaar deg deg  gaarsiin doonaa dadkii ku waxyeellobay Roobabkii dabaalaha iyo daadadka watay ee ka da’ay Caasimadda” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in haatan ay wadaan dadaallo dheeraad ah oo biyaha looga dhurayo waddooyinka caasimada, ayna keensadeen Matoorro tuura biyaha iyo biyado ka dhuuqa waddooyinka ay biyaha xireen, si loo fududeeyo isku socodka waddooyinka.

“Waxaan wali howl adag ka wadnaa maareynta saameynta roobka, anaga oo diyaarinay Matoorro tuura biyaha iyo Booyado ka dhuuqa meelaha ay biyaha fadhiisteen” ayuu sii  raaciyay

Duqa ayaa sidoo kale ballan qaaday in si deg deg ah ay u dhisi doonaa jidadka ay daadadka roobabka burburiyeen, isaga oo amar dul dhigay shirkadihii dhisay jidadkaas, wuxuuna ku amray inay dib u dhisaan laamiyada, ayna saaraan mid tayo leh.

“Waxaan fareynaa shirkadihii waddooyinkaasi horey u dhisay iney markale dib u dhisaan Laamiyo ka taya wanaagsan kuwii burburay.” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo aadayo iyada oo saameyn xoogleh ay ka dhasheen roobabkii xalay ka da’ay Muqdisho, waxaana ku dhintay dad ku dhow illaa 10 qof.

Dadka dhintay ayaa gaaraya illaa 7 qof, sidoo kale waxaa soo dumay 9 guri, halka ay burbureen 6 waddo oo muhiim ah, sida uu xaqiijiyay afhayeenka gobolka, Saalax Carab oo isna shir jaraa’id Wariyeyaasha ugu qatay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Trump oo dhabarka xajiyey Netanyahu, qaatay go’aano ka caraysiiyey oo Bariga Dhexe ah

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

Trump wuxuu doonayaa in Bariga Dhexe uu helo ka nasasho dagaal iyo gaajo ballaaran inta lagu jiro safarkiisa uu Talaadada ku bilaabayo Khaliijka hodanka ku ah saliidda. Waxa uu muujinayaa inuu diyaar u yahay inuu ka tago Israel haddii aysan la jaanqaadin qorshihiisa.

“Erayga ‘khilaaf’ waa mid culus, balse niyad-jab ayaa cirka isku shareeray,” ayuu yiri sarkaal sare oo reer Galbeed ah oo la hadlay Middle East Eye.

Dhowr arrimood oo xasaasi ah ayaa is-kusoo beegmay ka hor safarka Trump, kuwaasoo carqaladeynaya Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, sida ay sheegeen falanqeeyayaal iyo diblomaasiyiin.

Arrinta ugu weyn ee Trump diiradda saarayo waa wada-hadallada nukliyeerka Iran, kuwaasoo Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance uu toddobaadkan ku tilmaamay “illaa hadda si wanaagsan u socdaan.”

Bilooyin badan, Trump wuxuu dhaleeceeyay Netanyahu oo uu ku eedeeyay inuu carqaladeynayo wada-hadallada, iyadoo saaxiibadiisa warbaahineed ay weerarayeen “sirdoonka Mossad.”

Trump, si cad, wuxuu qirtay inuu iska diiday cadaadis Israel kaga imaanayay oo ku saabsanaa in la qaado weerar horudhac ah oo ka dhan ah Iran.

Dhinaca kale, Trump wuxuu si buuxda u taageeray dagaalka Israel ku hayso Gaza iyo xayiraadda la saaray, isagoo sidoo kale Israel uga helay ammaan weerarradii uu ku qaaday fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen.

Haatan, Trump wuxuu u dhaqaaqayaa in uu xabbad-joojin ka hirgaliyo Yemen, isla markaana uu gaaro heshiis la xiriira Gaza, arrin si weyn u caraysiisay taageerayaasha Netanyahu.

“Marxaladdan la joogo, waa cadahay in Trump uu qaadan doono go’aanno waaweyn isagoo aan si qoto dheer u eegayn danaha Israel, sida arrimaha Iran ama Yemen,” ayuu yiri Michael Wahid Hanna, Agaasimaha Barnaamijka Maraykanka ee International Crisis Group, oo la hadlay Middle East Eye.

“Laakiin arrinta Falastiin weli ma arkin isbedel weyn,” ayuu raaciyay.

Jimcihii, warbaahinta Israel waxay sheegtay in Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth uu kansalay booqashadiisii Israel, oo qorshaysnayd inay bilaabato hal maalin ka hor safarka Trump ee Khaliijka 13-ka May. Hegseth ayaa la filayay inuu la kulmo Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Israel Katz.

Fursad Cusub: Israel oo la iska dhaafayo?

Talaadadii, Trump ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu heshiis xabbad-joojin ah la galay Xuutiyiinta.

Go’aankan ayaa yareynaya caqabado ka hor taagnaa wada-hadallada nukliyeerka Iran, maadaama Xuutiyiintu taageero ka helaan Tehran.

Mareykanka iyo Iran ayaa Axadda ku kulmaya Oman si ay u yeeshaan wareeggii afraad ee wada-hadallada, waxyar ka hor imaanshaha Trump ee Khaliijka.

Go’aanka xabbad-joojinta wuxuu sidoo kale farxad geliyay xulafada Carabta ee Mareykanka iyo Boqortooyada Sacuudiga, kuwaasoo ku cadaadinayay Trump inuu joojiyo weerarrada ka hor booqashadiisa.

Si kastaba ha ahaatee, go’aankaasi wuxuu cabsi geliyay Israel, maadaama Trump uu shardi ka dhigay in Xuutiyiintu aysan weerarin maraakiibta caalamiga ah, iyada oo aan Israel la tixgelin.

Xabbad-joojinta ayaa timid dhowr maalmood kadib markii gantaal ay rideen Xuutiyiintu uu ku dhacay meel u dhow Terminal-ka weyn ee Garoonka Ben Gurion ee Israel.

Sarkaal difaac oo Mareykan ah ayaa u sheegay Middle East Eye in xabbad-joojintan ay u eg tahay “Aramco moment,” isagoo tusaale u soo qaatay go’aankii Trump ee 2019 ee uu ku go’aansaday inuusan ka jawaabin weerarkii loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday xarumaha saliidda Sacuudiga.

Trump ayaa Jimcihii si cad u adkeeyay ballanqaadkiisa xabbad-joojinta isagoo adeegsanaya safiirkiisa Mike Huckabee, oo taageere weyn u ah Israel.

Maalintii gantaalka Xuutiyiintu ay rideen, Huckabee wuxuu sheegay in Mareykanku uu kaliya faragelin doono haddii dhibbanayaashu haystaan baasaboorka Mareykanka.

Waxaa jira 700,000 oo Mareykan-Israeli ah, ayuu Huckabee xusay, isagoo uga digay Xuutiyiinta in ay halis geli karaan.

Iyadoo la sugayo wada-hadallada nukliyeerka iyo xabbad-joojinta Yemen, Trump wuxuu wajahayaa cadaadis cusub oo ku saabsan xaaladda Gaza, halkaasoo hay’adaha samafalku ka digeen in macaluul ba’an ay dillaacdo marka uu Trump yimaado gobolka.

“Trump weli wuu ku dheggan yahay arrinta Gaza safarkiisa ka hor. Ma awoodo inuu iska indha-tiro,” ayuu yiri Aaron David Miller, oo horey u ahaa dhexdhexaadiye Mareykan ah.

“Wuxuu u baahan doonaa qorshe gargaar si uu uga hortago dhaleeceynta madaxda Carabta ee ku saabsan waxqabad la’aanta Gaza,” ayuu raaciyay.

Trump oo dib ula laabtay qorshaha Gaza

Ergeyga Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa Arbacadii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay siiyey warbixin ku saabsan Gaza.

Warbaahinta Israel waxay sheegtay in Trump laga yaabo inuu soo bandhigo qorshe xabbad-joojin cusub oo ku saabsan Gaza dhamaadka todobaadkan. Waxaa la saadaalinayaa inuu u bandhigo doorka Hamas maamulida mustaqbalka Gaza.

Middle East Eye ayaa warisay in Mareykanku uu qorsheynayo in uu Gaza geliyo hay’ad cusub oo lagu magacaabo “The Gaza Humanitarian Foundation” si ay ula wareegto qeybin gargaar, iyadoo ay sugaan xarumahaasi shirkad amni oo gaar loo leeyahay oo Israel ansixisay.

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Mareykanka uu cadaadinayo hay’adaha samafalka si ay u aqbalaan qorshahan, inkastoo ay jiraan walaacyo sharciyeed.

Qorshahan wuxuu si weyn u taageerayaa yoolka Israel ee ah in la yareeyo doorka Qaramada Midoobay ee Gaza, isagoo xakameynaya gargaar bini’aadanimo.

Inkastoo la filayo in mashruuca maalgelin ka helaan Qatar, Sacuudiga iyo Imaaraadka, hadana Israel ayaa si dhow u maamuli doonta, iyadoo aan doorkaas la siin doonin Maamulka Falastiiniyiinta.

Si kastaba, qorshahan wuxuu caro ka dhaliyay xulafada xagjirka ah ee Netanyahu oo ku baaqaya qabsasho buuxda iyo barakicin dadweynaha Gaza.

“Waxaa nacasnimo iyo khalad istaraatiiji ah, in dadka Gaza ay helaan gargaar, halka la-haystayaasheena ay macluulayaan, ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben Gvir Jimcihii.

Lama hubo sida taageerayaasha Trump ee “America First” ay u arki doonaan qorshahan, iyadoo xusid mudan in ay hore uga hor yimaadeen ballaarinta doorka Mareykanka ee Bariga Dhexe.

“Tusaale ahaan, Tucker Carlson iyo Congresswoman Marjorie Taylor Greene ayaa aad u dhaliilay.”

“Su’aasha ay dadka is weydiin doonaan waa: ‘Maxay tahay sababta Mareykanku u maamulo gargaar Gaza?’ ” ayuu yiri Chas Freeman, safiirkii hore ee Mareykanka ee Sacuudiga.

Freeman wuxuu sheegay in Trump uu hadda wajahayo caqabado cusub oo uusan la kulmin booqashadiisii 2017.

Heshiiska tamarta nukliyeerka Sacuudiga

Khubarada ayaa sheegaya in heshiiskii Trump ee caadiyeynta xiriirka Israel iyo Sacuudiga uu si weyn hoos ugu dhacay.

Saraakiil Carbeed ayaa u sheegay Middle East Eye in Sacuudigu uu horay u xaddiday booqashada Trump, isagoo diiday wax wadahadal ah oo caadiyeyn ah haddii aysan jirin xabbad-joojin Gaza iyo horumar la taaban karo oo loo sameeyo dowlad Falastiini ah.

Laakiin Trump uma muuqdo mid sugaya Netanyahu. Wasiirkiisa Tamarta, Chris Wright, ayaa sheegay in Mareykanku uu horumar ka sameeyay heshiis la xiriira horumarinta warshad tamar nukliyeer oo Saudi Arabia ah.

Golaha Amniga Qaranka ee Trump ayaa sidoo kale la wadaagay ganacsatada in heshiiska tamarta nukliyeerka aanu shardi u ahayn heshiiska caadiyeynta xiriirka Israel.

Tani waxay beddeleysaa istaraatijiyaddii Biden ee ku qotontay saddex tiir, midkoodna waa laga qaaday.

Hase yeeshee, Senator Lindsey Graham ayaa si cad u sheegay inuusan taageeri doonin heshiis difaac oo Sacuudiga lala galo haddii aysan jirin xiriir lala yeesho Israel.

Waxaa horey loo diyaariyay in la dedejiyo iibka hubka Riyadh, oo ay ka mid yihiin diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Khubarada ayaa sheegaya in waxa kaliya ee haray uu yahay ballanqaad difaac Mareykan ah, kaasoo Senate-ku ansixin doono, taasoo ahayd tiirkii ugu adkaa ee heshiiska.

Trump, laga bilaabo Yemen ilaa tamarta nukliyeerka, wuxuu Netanyahu u sheegay inuusan u oggolaan doonin inuu carqaladeeyo booqashadiisa labaad ee Khaliijka.

Kulankii maanta ee BF oo u baaqday sabab yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo la filayay in maanta oo Sabti ah ay yeeshaan xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa u baaqday, sabab yaableh oo keentay in inta badan mudanayaasha ay tagi waayeen xarunta ay ku shiraan ee Villa Hargeysa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xildibaannada ay saameeyeen biyaha dhex ceegaaga waddooyinka ee ay sababeen roobabkii xalay ka da’ay caasimada, taasina ay keentay in xubnaha baarlamaanka ay kasoo gudbi waayaan waddooyinka xirmay.

Sidoo kale, xildhibaanno kooban ayaa lasoo wariyay inay tageen kulanka, laakiin ma buuxin kooramkii la rabay, taas oo keentay in ugu dambeyn meesha lagu kala tago.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay guddoonka baarlamaanka oo la xiriira arrintan, waase wax mararka qaar dhaca, in kooram la’aan uu buuqdo kulanka baarlamaanka.

Arbacadii lasoo dhaafay ayaa u dameysay oo uu kooramka buuxsami waayey, kadibna uu guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe soo xiray fadhigii Golaha Shacabka.

“Xildhibaannada sharafta leh waxaad ogtihiin in afar saac marka la gaaro xeerka uu ina faraayo in hal saac lagu daro, waana lagu daray haddane 5-tii saac waa dhammaatay marka waxaa loo baahan yahay inaan ka fakirino sidii habsami u socodka baarlamaanka iyo howliheynii aan ku ilaashan lahayn” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa farriin culus u diray xildhibaannada iska maqan ee haddana jooga caasimada, wuxuuna ugu baaqay inay gutaan waajibaadka saaran ee loo igmaday, si uu u shaqeeyo baarlamaanka, una guto howlaha culus ee horyaallo.

“Xildhibaannada caadi ka dhigtay in iyaga oo magaalada jooga ay iska maqnaadaan waxaan u dirayaa codsi ah inay ilaaliyaan waajibaadka lagu leeyahay ee loo doortay” ayuu mar kale yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Baaqashada kulamada ayaa imaaneysa xilli xasaasi ah, ayna taagan tahay xiisad culus oo ka dhex jirta golaha, taas oo la xiriirta mooshin ay wadaan xildhibaanno kasoo horjeedo Sheekh Aadan Madoobe, kuwaas oo horay buuq uga sameeyay baarlamaanka.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada oo weerar culus ku qaaday duqa Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan oo xalay ka qayb-galay kulan dadweyne oo su’aallo lagu waydiinyay ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir oo uu ugu horreeyo duqa Muqdisho.

Cabdikariin oo ka hadlayay roobabkii xoogganaa ee xalay ka da’ay caasimada ayaa sheegay in isaga iyo dadka kale ee ku sugnaa hoolka ay saameyn ku yeesheen roobabka, ayna aadi karin waayeen guryahooda, sababo la xiriira waddooyinka xirmay iyo kuwa burburay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aan ala xisaabtami karin duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir iyo guddoomiyeyaasha kale ee degmooyinka, maadaama aynan ku imaan doorashooyin dadweyne oo qof iyo cod ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Roob ayaa hadda da’ay meel aan marno maleh caawa guryaheenna ma aadi karno meelahaasi guddoomiye degmo ayaa xukuma, guddoomiye gobol-baa jooga ma naqaano waa naloo magacaabaa” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay ka shaqeynayaa doorashooyinka goleyaasha deegaanka, si loo doortay madaxda gobolka iyo degmooyinka, isaga oo xusay in markaas shacabka ay la xisaabtami karaan mas’uuliyiintooda.

“Beri marka la doorto guddoomiyaha degmada waxaa ugu takeysaa gurigiisa, waxaana leedahay maxaa sidaan iigu sameyneysaa anaa ku doortayee waana la xisaabtameysaa, balse hadda lama hadli kartid, illeen ma dooraninee” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Saameynta roobka ee uu guddoomiye Cabdikariin ka hadlay ayaa maanta ka taagan Muqdisho, waxaana ku dhintay dad shacab ah, halka ay soo dumeen guryo, sidoo kalena ay burbureen waddooyin laami ah oo halbowle u ahaa isku socodka dadweynaha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka socoto diiwaan-gelinta dadweynaha, taas oo la gaarsiiyay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Diiwaangelinta kadib ayaa waxaa ku xigi doonta doorashada goleyaasha deegaanka oo iyana dhici doonto bisha June ee sanadka, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka.

Sudan oo DF usoo gudbisay dacwad ka dhan ah Puntland

0

Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Sudan oo warqad rasmi ah usoo dirtay Dowladda Federaalka ayaa usoo gudbisay dacwad culus oo ka dhan ah Maamul-goboleedka Puntland, taas oo la xiriirta in Puntland ay si dadban uga qeyb qaadanayso dagaalka ka socda dalkaasi.

Warqaddan oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Sudan ayaa waxaa lagu sheegay inay la socoto in Puntland ay taageero istiraatiiji ah iyo mid saadka ah siineyso ciidamada RSF (Rapid Support Forces), oo lagu eedeyay inay tacaddiyo ka gaysteen waddankaasi.

Waxaa kale oo ay Sudan sheegtay in garoonka diyaaradaha Boosaaso uu noqday xarun isugu jirta safarro iyo sahay ciidan oo ay isticmaalaan ciidamada RSF, iyadoo la tuhunsan yahay in taageeradaasi ay ka dambeeyay dalal shisheeya oo uu ku jiro Imaaraadka Carabta.

Sudan ayaa sidoo kale ka digtay halis ka dhalan karta arrintaan, haddii aan si deg-deg ah wax looga qaban, iyada oo xustay in taageerada Puntland u fidinayso RSF ay u aragto khatar weyn oo liddi ku ah amniga dalkeeda, ayna dhaawici doonta xiriirka labada dal.

Dhinaca kale dowladda Sudan ayaa shaki way ka muujisay hadal kasoo baxay wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo dhowaan beeniyay eedda maamulkaas loo jeediyay, isaga meesha ka saaray inay ku lug leeyihiin xiisadda ka taagan dalkaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sudan oo u jawaabtay wasiirka ayaa hoosta ka xariiqday in hadalkaasi uu yahay marin-habaabin iyo isku day lagu daboolayo kaalinta Puntland ee la xiriirta taageerada RSF ee haatan ka keentay dacwadda ay usoo gudbisay Soomaaliya

Qoraalkan ayay Sudan uga codsatay dowladda Soomaaliya in si deg dega ah ay baaris u sameeyso, kadibna ay qaado tallaabada ugu haboon, si looga sal gaaro arrintaasi oo ay tilmaamtay in aan la aqbali karin in ciidanka RSF ama hoggaankooda ay helaan taageero siyaasadeed, ciidan, ama saadka ah, maadaama ay loo haysto tacadiyo waa wayn.

Ugu dambeyn, Dowladda Sudan waxay ka codsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u baarto arrintan, tallaabo sax ah ka qaaddo, islamarkaana ay mar kale caddayso mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida Sudan iyo nabadda gobolka.

Digniinta Mareykanka oo albaabada ka soo xirtay madaxweyne Xasan Sheekh

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si adag uga digtay in hoggaanka federaalka Soomaaliya ay kaligood ku fuliyaan isbeddello ku saabsan nidaamka federaalka iyo doorashooyinka dalka iyada oo aan la helin talo iyo oggolaansho ballaaran.

Bayaanka oo ka soo baxay Waaxda Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa yimid kadib markii la soo gaba-gabeeyay shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) oo Arbacadii lagu qabtay Muqdisho.

Inkasta oo dowladda federaalka ay shirka ku tilmaantay horumar lagu xoojinayo amniga qaranka iyo u diyaar-garowga doorashooyinka, haddana maqnaanshaha Puntland iyo Jubaland — oo ah laba maamul oo muhiim ah — ayaa muujinaya kala qaybsanaan sii fidaysa oo halis gelinaysa nidaamka siyaasadeed ee dalka.

“Dhammaan dhinacyada ay khuseyso waa in ay ka qayb qaataan go’aannada la xiriira nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri fariin ka timid Waaxda Arrimaha Afrika oo lagu daabacay X (horey Twitter). “Go’aanno la gaaro iyada oo aan la helin taageero ballaaran waxay luminayaan sharciyad waxayna carqaladeynayaan wax ka qabashada caqabadaha amni ee taagan.”

Mareykanka ayaa si aan caadi ahayn arrintan fagaare ugu hadlay, taasoo uu si gaar ah u xusay Cabdiraxmaan Caynte, wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ahna falanqeeye siyaasadeed oo la ixtiraamo. Wuxuu ku tilmaamay hadalka Mareykanka inuu yahay isbeddel weyn oo ku yimid xagga diblomaasiyadda.

“Diblomaasiyaddu waxay talo bixin u dhiibtaa si hoose, halka dhaleeceyntu si fagaare ah loo mariyo si cadaadis loo saaro,” ayuu qoray Caynte. “In Mareykanka uu si toos ah u cambaareeyo ad-adayga Dowladda Federaalka ee ku aaddan doorashooyinka iyo isbeddelka dastuuriga ah, waxay muujinaysaa in Washington ay ka dhammaadeen dhammaan waddooyinkii diblomaasiyadeed ee talo-bixinta, ayna la kulantay xulafo waayey jihadii siyaasadeed.”

Caynte ayaa isbarbardhig ku sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, labaduba ay la kulmeen cadaadis gudaha iyo dibedda ah oo la xiriira dib-u-dhacyada doorashooyinka iyo awood dhaaf. “Sida madaxweynihii isaga ka horreeyay, Xasan Sheekh hadda waxaa lagu qasbi doonaa inuu galo hannaan doorasho oo uusan ku guuleysan karin ama musuq-maasuqi karin,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in xaaladda taagan ay muujinayso “wareeg siyaasadeed oo xun” oo ku sii baahay dhaqanka siyaasadeed ee hogaamiyeyaasha dalka, isagoo ugu baaqay isbeddel jiil cusub. “Wareeggan xun wuxuu astaan u yahay dhaqan siyaasadeed oo qaldan oo ay ku taagan yihiin madaxda sare. Waqtigii isbeddel geesinimo leh oo dalka badbaadin kara waa la jooga,” ayuu ku soo gabagabeeyay.

Khilaaf ay adag tahay in la iska indho-tiro

Bayaanka Mareykanka ayaa yimid kadib shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka dhacay Villa Somalia, kaas oo uu guddoomiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen Saalax Axmed Jaamac, madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, SSC-Khaatumo, iyo wakiillo ka socday gobolka Banaadir.

Goluhu waxa uu soo saaray war-murtiyeed ugu dambeyntii lagu sheegay go’aammo lagu xoojinayo isku-duwidda amniga qaranka, taageeridda hawlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab, iyo dardargelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabanaysa Muqdisho kuna faafaysa maamul-goboleedyada kale.

Hase yeeshee, maqnaanshaha Puntland iyo Jubaland ayaa hoos u dhigay saamayntii shirka. Labada maamul ayaa si cad uga soo horjeestay qorshaha dowladda federaalka ee ku aaddan wax-ka-bedelka dastuurka iyo qaab-dhismeedka doorashooyinka iyada oo aan la helin ansixintooda. Puntland ayaa hakisay wada-shaqeynta dowladda dhexe, halka Jubaland ay ku eedeysay Villa Soomaaliya in ay wiiqayso madaxbannaanideeda.

Wasiirka Warfaafinta Jubaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtaar, ayaa si cad u diiday war-murtiyeedkii GWQ, isagoo ku tilmaamay “mid aan wax cusub soo kordhinayn, kana beddelayn xaaladda Jubaland.” Wuxuu ku eedeeyay madaxda dowladda dhexe in ay iska indho-tireen qodobbada khilaafka asaasiga ah, ayna wataan ajande laga keenay xagga sare.

Iyadoo ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee Jubaland, Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay diyaarsato xeer sharciyeed lagu xallin karo khilaafaadka gudaha maamulka. Laakiin madaxda Jubaland waxay ku adkeysanayaan in faragelinta Villa Somalia lafteedu tahay dhibka, ee aysan ahayn xal.

Dhanka kale, tallaabo astaan u ah isbeddelka siyaasadeed ee socda, Golaha ayaa si rasmi ah u aqoonsaday SSC-Khaatumo inay tahay dowlad-goboleedka ugu cusub ee dalka.

Goluhu waxa uu sidoo kale dib u xaqiijiyay sida uu uga go’an yahay ilaalinta dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada ay si wadajir ah uga qeyb qaataan wada-xaajoodka siyaasadeed — inkasta oo taas si toos ah uga hor imanayso ka maqnaanshaha laba dowlad-goboleed oo muhiim ah.

Cadaadis caalami ah oo isa soo taraya

Dowladda Mareykanka oo ah saaxiib muhiim u ah Soomaaliya dhanka amniga iyo horumarinta ayaa si isa soo taraysa u muujinaysa walaac ku saabsan baahida loo qabo in hannaanka siyaasadeed ee dalka uu noqdo mid loo dhan yahay oo sharciyad leh.

Mareykanka ayaa si weyn u maalgeliyay dadaallada xasillinta Soomaaliya, wuxuuna ka baqayaa in isbeddello hal dhinac ah lagu hirgeliyo ay dib u furaan khilaafaad siyaasadeed oo halis gelin kara guulihii yaraa ee tobankii sano ee la soo dhaafay.

Xaaladaha ugu dambeeyay waxay muujinayaan in Soomaaliya mar kale wajahayso isgoys siyaasadeed. Iyadoo doorashooyin soo socda ay muuqdaan, kana dhex jirto kalsooni-darro u dhexeysa dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyo dhowr ah, falanqeeyayaal ayaa ka digaya in fashilka lagu gaari waayo heshiis qaran oo dhab ah uu dib u celin karo dalka, islamarkaana uu horseedi karo dib u dhaca nidaamka dowlad-dhiska.

Sida uu xusay Caynte, mushkiladda ugu weyn ma ahan farsamada isbeddellada, balse waa dhaqanka siyaasadeed ee xun ee hogaamiyeyaasha. “Waqtigu waa hadda,” ayuu yiri, “in la hirgeliyo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo geesinimo leh, si loo badbaadiyo dalkeena qiimaha badan.”

Waxaa weli laga war sugayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu tixgelin doono digniinahan, una furo wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay. Laakiin fariinta Mareykanka ayaa ah mid cad: sharciyad siyaasadeed lagama heli karo dusha sare — waa in laga dhisaa salka bulshada.

Dad ku dhintay roobabkii ka da’ay Muqdisho (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga halaya khasaaraha ka dhashay roob xooggan oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho kaas oo saameyntiisa si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Roobka ayaa lasoo wariyay inay ku dhinteen dad danyar ah, sidoo kalena ay burbureen guryo badan, taas oo sii adkeysay xaaladda adag ee ka dhalatay roobka ka da’ay Muqdisho.

Dadka dhintay waxaa ku jira gabar yar iyo ayeeyadeed, kadib markii uu ku dumay gurigooda oo ku yaalla degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Dhacdada dhimashada sabatay ayaa timid ka gadaal markii guri ay daganaayeen qoyska uu kusoo kor dhacay guri kale oo ka dheer oo ay lahaayeen cid kale oo ay daris yihiin.

“Meeshaan xalay waxaa ka dhacday qadar Alle roob ayaa da’ay gurigaan oo hooseeyay ayaa guri kale oo ka koreeyay uu kusoo dumay, waxaana ku dhintay maamo iyo gabar ay ayeeyo u tahay” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle Tv.

Wiil kale oo mayd ah ayaa isna saaka laga soo saaray god ku yaalla Laami yaraha Soobe, halkaas oo ay isugu tageen dadweyne fara badan, si ay gurmad u sameeyaan.

Dhinaca kale, saameynta roobka ayaa saaka si weyn looga dareemayaa xaafadaha Muqdisho iyo wadooyinka qaarkood oo burburay, sida ay muujinayaan muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada.

Waxaa sidoo kale arrintan ay saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, maadaama roobabku ay biyo dhigeen waddooyinka muhiimka ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir, waxaase laga sugayaa inuu qaado tallaabo deg deg ah, si biyaha looga qaado waddooyinka, loona fududeeyo isku socdka guud ee caasimada.

Muqdisho ayaa mar kasta oo uu roob da’do u nugul dhibaatada, waxaana soo duma dhismayaasha, halka ay burburaan laamiyada, sababo la xiriira tayo xumo darteed.

Dagaalka India iyo Pakistan oo sii xoogeystay iyo Delhi oo u eg in xaalku ku xun yahay

Islamabad (Caasimada Online) – Ciidamada Hindiya iyo Pakistan ayaa is-weydaarsaday madaafiic iyo rasaas culus oo ka dhacay xadka ay wadaagaan ee Kashmir, taasoo lagu dilay ugu yaraan shan qof oo rayid ah, iyada oo ay cirka isku sii shareertay xiisadda milatari ee labada dal ka dhaxaysa, kaddib weerar lagu qaaday dalxiisayaal ku sugnaa dhanka ay Hindiya maamusho ee gobolka muranka ka taagan yahay.

Sida uu sheegay sarkaal booliis oo Pakistani ah oo lagu magacaabo Adeel Ahmad, ugu yaraan afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 12 kalena way ku dhaawacmeen duqeymo culus oo ka dhacay meelaha ku dhow xadka kala qaybiya Kashmir ee loo yaqaan Line of Control. Dadka ku nool tuulooyinka xadka ku teedsan ayaa sheegay in rasaastu ay socotay ilaa waaberigii Jimcaha.

“Waan la qabsanay dhawaqa rasaasta is-dhaafsiga ah ee Pakistan iyo Hindiya ee ka dhacda Line of Control-ka, laakiin habeenkii xalay wuu ka duwanaa,” ayuu yiri Maxamed Shakil oo ku nool deegaanka Chakothi ee ku dhow xadka.

Dhanka Hindiya, saraakiisha milatariga ayaa sheegay in ciidamada Pakistan ay xalay duqeeyeen dhowr fariisin oo ku yaalla dhulka ay Hindiya maamusho ee Kashmir, iyagoo adeegsanaya madaafiic, hoobiyeyaal iyo rasaas toos ah. Ciidamada Hindiya ayaa is difaacay, taasoo keentay dagaal xooggan oo socday ilaa waaberiga.

Booliisku waxay sheegeen in laba qof lagu dilay afar kalena lagu dhaawacay qaybo ka mid ah aagagga Uri iyo Poonch, taasoo tirada dhimashada rayidka ee Kashmir-ta ay Hindiya maamusho tan iyo Arbacadii gaarsiisay 18. Pakistan ayaa dhankeeda sheegtay in madaafiicda iyo hoobiyeyaasha Hindiya ay ku dileen 17 qof oo rayid ah dhulka Pakistan maamusho.

Mas’uuliyiinta Hindiya ayaa sheegay in tobannaan kun oo qof laga daadgureeyay tuulooyinka ku dhow xadka ay colaadda ka taagan tahay, iyadoo kumannaan kalena ay habeenkii labaad hoy ka heleen xarumo ku-meel-gaar ah oo loogu talagalay badbaadada shacabka.

Labada dhinac oo is-dhaafsaday weerarro iyo eedeymo

Xiisadda u dhaxaysa labada dal ee leh awoodda nukliyeerka ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo weerarkii 22-kii Abriil ka dhacay goob dalxiis oo caan ah oo ku taalla Kashmir-ta ay Hindiya maamusho, kaasoo lagu dilay 26 qof oo rayid ah, intooda badanna ahaa dalxiisayaal Hindu ah oo ka yimid gudaha Hindiya. New Delhi ayaa Pakistan ku eedeysay in ay taageertay weerarkaasi, hase yeeshee Islamabad ayaa si cad u beenisay.

Arbacadii, Hindiya ayaa duqeymo cirka ah ku qaaday dhowr goobood oo ku yaalla dhulka Pakistan, kuwaasoo ay sheegtay in ay saldhigyo u ahaayeen kooxo hubeysan. Sida ay sheegeen saraakiisha Pakistan, weerarkaasi wuxuu sababay dhimashada 31 qof oo rayid ah. Pakistan ayaa sidoo kale sheegtay in ay soo rideen shan diyaaradood oo dagaal oo Hindi ah.

Khamiistii, Hindiya waxay sheegtay in ay fashilisay weerarro ay Pakistan ku qaaday bartilmaameedyo milatari oo ku yaalla in ka badan toban magaalo iyo tuulo, oo ay ku jirto magaalada Jammu ee Kashmir-ta ay Hindiya maamusho. Pakistan ayaa beenisay in ay geysay weerarro noocaas ah. Dhanka kale, Hindiya ayaa sheegtay in ay beegsatay nidaamyada difaaca cirka iyo raadaarada Pakistan ee u dhow magaalada Lahore. Wararkaasi lama xaqiijin si madaxbannaan.

Ciidanka cirka Hindiya ayaa Jimcihii sheegay in Pakistan ay habeenkii hore soo furtay 300 ilaa 400 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones), kuwaasoo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo milatari oo ku yaalla ku dhowaad saddex iyo labaatan goobood oo xadka galbeed ah.

Sida uu sheegay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Cirka, Vyomika Singh, qaar badan oo kamid ah drones-kaas ayaa la burburiyay iyadoo la adeegsanayay “habab toos ah iyo kuwa aan toos ahayn.”

Afhayeenka ciidamada Pakistan, Lt. Gen. Axmed Sharif, ayaa si adag u beeniyay sheegashada Hindiya. “Ugu yaraan hal burbur drone ah na tus si aad u caddeyso eedeynta,” ayuu yiri isagoo warbaahinta la hadlay Jimcihii.

Sharif wuxuu intaas ku daray in tan iyo fiidkii Arbacadii, Hindiya ay gudaha Pakistan ku soo ridday 77 diyaaradood oo weerar ah oo lagu sameeyay Israa’iil, kuwaasoo dhammaantood la burburiyay, burburkoodana ay uruuriyeen ciidamada Pakistan. “Wax kasta oo ay soo diraan, annaga waxaan ka dhigi doonaa burbur,” ayuu yiri.

Dhanka kale, barta bulshada ee X (Twitter) ayaa Khamiistii sheegtay in dowladda Hindiya ay ku amartay in ay xayirto in ka badan 8,000 oo akoon oo laga heli karo gudaha dalka, kuwaasoo ay ku jiraan “hay’ado warbaahineed caalami ah iyo dad caan ah.”

X ma aysan shaacin liiska akoontada la xayirayo, balse waxay sheegtay in amarkaasi uu “u dhigmaayo cunaqabateyn la saarayo waxyaabaha hadda jira iyo kuwa mustaqbalka, isla markaana uu ka hor imanayo xuquuqda aasaasiga ah ee hadalka xorta ah.”

Goordhow kaddib, X ayaa si ku-meel-gaar ah u xayirtay akoonka Global Affairs ee hadalkaasi laga dhajiyay, iyagoo sheegay in amarkaasi ku yimid codsi sharci ah oo ka yimid dowladda Hindiya.

Xiisadda oo saameyn weyn yeelatay

Tartanka cricket-ka ee gudaha ugu weyn Hindiya, Indian Premier League, oo ay ka qayb qaataan ciyaartoyda caalamiga ah, ayaa la hakiyay muddo toddobaad ah. Dhanka Pakistan, tartankii gudaha ayaa loo wareejiyay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta sababo la xiriira xiisadda jirtay.

Cabsi ayaa sidoo kale baahday xilli ciyaar cricket ah ay galabnimadii ka socotay magaalada Dharamsala ee waqooyiga Hindiya, halkaasoo in ka badan 10,000 oo qof laga daad-gureeyay garoonka ciyaarta, taasoo la joojiyay, sida uu sheegay sawirqaade ka tirsan Associated Press oo goobta joogay.

Sidoo kale, gobollo badan oo waqooyi iyo galbeed ka xiga Hindiya — oo ay ka mid yihiin Punjab, Rajasthan iyo Kashmir-ta ay Hindiya maamusho — ayaa xiray iskuullada iyo xarumaha waxbarasho muddo laba maalmood ah.

Wasaaradda Duulista Rayidka ee Hindiya ayaa sheegtay in duulimaadyadii laga fulinayay in ka badan labaatan garoon oo diyaaradeed oo ku yaalla waqooyiga iyo galbeedka dalka la joojiyay ilaa 15-ka May.

Saamaynta dagaalka ayaa si weyn looga dareemay suuqyada saamiyada dalka, iyadoo tusmada Sensex ay hoos ugu dhacday 662 dhibcood oo ay gaartay 79,649 halka Nifty 50 ay lumisay 215 dhibcood oo ay ku gaartay 24,058 subaxnimadii Jimcaha.

Iyadoo cabsi laga qabo dagaal milatari ay isa soo tarayso, madaxda caalamkuna ay ugu baaqayaan labada dal in ay is-dejiyaan, Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay in haddii dagaal ka dhex dhaco Hindiya iyo Pakistan, arrintaasi aysan khuseyn Mareykanka.

“Waxa aan sameyn karno waa inaan isku dayno in aan ku dhiirrigelino inay dejiyaan xiisadda, balse kama qayb geli doonno dagaal aan waxba naga quseyn, oo aysan jirin meel aan uga talino,” ayuu Vance ku yiri wareysi uu siiyay Fox News.

Xogta qaab dhismeedka Xisbiga cusub ee Xasan Sheekh iyo is-fahan laga gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xogta qaab dhismeedka Hoggaanka Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo ay ku mideysan yihiin Madaxda DFS iyo dowlad Goboleedyada, kaas oo madaxweyne Xasan Sheekh uu musharax u yahay.

Wadatashiyadii ugu dambeeyay ayaa la isku afgartay qaab dhismeedka Xisbiga oo wax laga bedelay sidii markii hore la saadaalinayay inuu noqdo, waxaana qaab dhismeedkiisa laga dhigay:

1- Guddoomiyaha Xisbiga, ahna Musharax Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud

2- Guddoomiye ku xigeenka ee Xisbiga 1-aad Cabdicasiis Lafta Gareen

3- Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ra’iisul Wasaare Xamse

4- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Cabdiraxmaan Odawaa

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo markii hore dood ka keenay hannaanka qaab dhismeedka Xisbiga ayaa maalinta berri dib ugu soo laabanaya magaalada Muqdisho.

Markii uu yimaado waxaa la guda-gelayaa dhameystirka wadatashiyada ugu dambeyn maalinta Talaadada ah ayaa la qorsheynayaa la isla qaato inay dhacdo Xafladda shaacinta Xisbiga.

Haddii si rasmi ah loogu dhawaaqo isbaheysigan cusub ee ay ku mideysan yihiin Madaxda xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ayaa durba wuxuu u muuqan doonaa mid loo bedelay Xisbi.

Tijaabadan oo kale horay ayey dalka u soo martay, iyadoo hal Xisbi oo xubnaha sare ee dowlad oo idil sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaare, Guddoomiye Baarlamaan, Xildhibaanada, saraakiisha dowladda oo dhan ku wada jiraan, xiligii dowladdii kacaanka.

Dad badan ayaa is waydiinaya sida uu Xisbigu ku soo socon karo, maadaama uu yahay isbahaysi isku danaysi ah oo dhinacyada ka mid ah ay muddo dheereysi iyo inay xukunka sii joogaan ka fikiraya.

Xogta doon ku gubatay dekedda Boosaaso + Cidda leh

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa waxaa laga helayaan doon u rarneyd ganacsato reer Puntland oo xalay ku gubatay gudaha dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka, kadib markii uu qabsaday dab xoogleh.

Doonida oo lagu magacaabo MSV: FAIZE SULTANE MOYUDIN aya kasoo shiraacatay dalka Hindiya, waxayna la sheegay in wadday raashin ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo kasoo jeeda deegaannada Maamul-goboleedka Puntland.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in kahor inta aysan dajin badeecadda uu dab qasaday doonta, kaas oo ay ku guul-dareysteen inay damiyaan  Puntland iyo shirkadda DP-world ee gacanta ku haysa dekedda wayn ee Boosaaso.

Inta badan adeeggii ay wadday doonta ayaa ku basbeelay dabka, waxaana khasaaraha uu yahay mid baaxadleh oo saameyn ku yeeshay ganacsatadii lahayd hantidaas.

Dhanka kale, wasaaradda maaliyadda Puntland oo ka hadashay dhacdan ayaa tacsi u dirtay ganacsatadii ku hanti beeshay dabka qabsaday doontaas ee taagneyd dekedda Boosaaso.

“Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxa ay ka Tacsiyaynaysaa Ganacsatadii hantidooda ku wayday Doontii MSV: FAIZE SULTANE MOYUDIN oo xalay dab ka kacay gudaha Doonida xili ay ku xirnayd Dekeda Boosaaso” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee dhalisay dabka halakeeyay doonida, kaas oo sababay in la badbaadin waayey hantidii saarneyd.

Marar badan ayaa dhacdooyin tan lamid a ka dhaceen dekedda Boosaaso iyo xeebaha Puntland oo ay horay ugu gubteen doonyo iyo maraakiib siday alaabo kala duwan.

Waxa ka dhalan kara xisbi ay ku mideysan yihiin Xasan iyo madax goboleedyada

Horudhac

Maalmahan, waxaa si weyn loo hadal hayaa qorshaha lagu daahfurayo Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (Justice and Unity Party – JSP), iyadoo la filayo in Maamul-goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, iyo Galmudug ay xubno ka noqdaan Golaha Xisbiga. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo badan sida; in Soomaaliya si rasmi ah ugu guurtay nidaamka axsaabta badan iyo sida ay sharciyaddu u oggolaanayso ka-qaybgalka Maamul-goboleedyada ee xisbiyada siyaasadeed.

Saameynta ka dhalan karta ka-qaybgalka maamul-goboleedyada ee xisbiga

1. Ujeeddooyin siyaasadeed

Waxaa la rumeysan yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo inuu diyaarsado saaxiibo cusub oo siyaasadeed si uu u xoojiyo fursadiisa dib-u-doorasho ee mar saddexaad. Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha ayaa horey uga mid ahaayeen siyaasiyiin caan ah sida Cabdi Kariim Guuleed, Faarax Cabdulqaadir, Xamse Cabdi Barre, iyo Doodishe. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in qaar ka mid ah siyaasiyiintaas, oo da’doodu ka yar tahay tan Madaxweynaha, ay filayeen inay helaan fursad uu xisbigu u diyaariyo xilka madaxweynenimo. Tani waxay muujinaysaa farriin ah “Aniga kaliya ayaa ku habboon hoggaanka,” taasoo ka tarjumeysa in xisbiga uu noqonayo mid uu Madaxweynuhu u adeegsado danihiisa siyaasadeed.

2. Musuq-maasuq iyo isticmaalka hantida dadweynaha

Marka madaxda dowladda federaalka iyo Maamul-goboleedyada ay ku midoobaan xisbi siyaasadeed, waxaa jirta cabsi ah in la adeegsado hantida dadweynaha si loo taageero xisbigaas. Tani waxay horseedi kartaa musuq-maasuq cusub, iyadoo la isticmaalayo hantida qaranka si loo gaaro ujeeddooyin gaar ah oo siyaasadeed.

3. Burburka awood-qaybsiga qabiilka

Soomaaliya waxay muddo dheer ku tiirsaneyd nidaamka awood-qaybsiga beelaha (4.5) si loo helo xasillooni siyaasadeed. Haddii Maamul-goboleedyada ay si buuxda ugu biiraan xisbi gaar ah, waxaa laga yaabaa in nidaamkaas uu burburo, taasoo keeni karta in beelaha qaar ay dareemaan in la takooray ama aan la siin xuquuqdooda siyaasadeed.

4. Hoos-u-dhaca dadaallada lagula dagaallamayo agagixisada

Marka la eego in madaxda Maamul-goboleedyada ay ku mashquulaan arrimaha xisbiga, waxaa laga yaabaa in ay yaraan doonto dadaalka lagula dagaallamo kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab. Tani waxay halis gelin kartaa amniga qaranka iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka.

5. Kalsoonida dadweynaha oo hoos-u-dhacda

Haddii dadweynuhu ay dareemaan in madaxda dowladda iyo Maamul-goboleedyada ay ku milmeen xisbi gaar ah, waxay lumin karaan kalsoonidii ay ku qabeen hay’adaha dowladda. Qofkii aan ka tirsaneyn xisbigaas wuxuu dareemi karaa in uusan helin fursado siyaasadeed ama horumar shaqo, taasoo keeni karta niyad-jab iyo kala fogaansho bulsho.

Gunaanad

Ka-qaybgalka Maamul-goboleedyada ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka wuxuu leeyahay saameyn ballaaran oo ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga dalka. Si looga fogaado dhibaatooyinka ka dhalan kara, waxaa muhiim ah in la helo wadatashi qaran oo ku saabsan doorka xisbiyada siyaasadeed iyo sida Maamul-goboleedyada ay uga qaybqaadan karaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.
Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in la ilaaliyo kala sooca awoodaha dowladda iyo xisbiyada siyaasadeed si loo hubiyo in kheyraadka dadweynaha aan loo adeegsan ujeeddooyin gaar ah, loona ilaaliyo kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda.
Ugu dambeyntii, si loo gaaro horumar waara, waa in la dhisaa nidaam siyaasadeed oo hufan, daahfuran, kuna saleysan cadaalad iyo sinnaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Suleman Abdi Gashan

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Sawirro: Xujeydii u horreysay ee sanadkan oo shalay ka amba-baxay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xujeeydii ugu horreysay ee sanadkan ka xajineysa Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah uga ambabaxday magaalada Muqdisho, iyaga oo ku wajahan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya si ay uga mid noqdaan malaayiinta Muslimiinta ah ee sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka.

Xujeydan oo tiradoodu tahay 431 ruux ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo munaasabad sagootin ah loogu sameeyay kahor inta aysan bilaabin safarkooda.

Waxaa halkaas kusii sagootiyay madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo muujiyay muhiimadda ay Xajku u leedahay qofka Muslimka ah.

Munaasabadda sagootinta Xujeyda waxaa ka qeyb-galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux.

Masuuliyiinta ayaa halkaasi ka jeediyay khudbado kooban oo dardaaran iyo talooyin iskugu jira, iyaga oo xusuusiyay Xujeyda muhiimadda ay leedahay gudashada acmaasha Xajka si waafaqsan shareecada Islaamka iyo nidaamka u degsan dowladda Sacuudi Carabiya ee martigelineysa xujeyda caalamka.

Wasiirka Roobow ayaa si gaar ah Xujeyda ugu booriyay in ay muujiyaan edeb, sabir iyo wadajir inta ay ku guda jiraan safarkooda barakeysan, isaga oo Alle uga baryay inuu ka aqbalo cibaadada ay u baxay yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanad walba si gaar ah u daryeesha safarka Xujeyda, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda weyn ee uu leeyahay Xajku oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka. Sanadkan, dadaal dheeri ah ayaa la geliyay sidii Xujeydu ay ugu safri lahaayeen si nabad ah, hufan oo habsami leh.




U.S. warns Somalia against unilateral electoral reforms

MOGADISHU, Somalia — The United States has issued a strongly worded statement warning Somalia’s federal leadership against pushing through unilateral changes to the country’s federal and electoral systems without broad-based consultation, signaling deep concern over the direction of recent reforms.

The statement, released by the U.S. Bureau of African Affairs, followed the National Consultative Council’s (NCC) latest round of meetings in Mogadishu, which concluded Wednesday.

While the federal government hailed the talks as a step forward in strengthening national security and advancing electoral preparations, the absence of Puntland and Jubaland — two key federal member states — exposed widening cracks in Somalia’s fragile political architecture.

“All relevant stakeholders should have a say in changes to Somalia’s federal and election systems,” the Bureau posted on X, formerly Twitter. “Decisions taken without broad-based support will lack legitimacy and distract from pressing security challenges.”

The U.S. rarely makes such statements in public, a point emphasized by Abdirahman Aynte, Somalia’s former Planning Minister and a respected political analyst. He interpreted the U.S. move as a significant shift in diplomatic posture.

“In diplomatic terms, advice is given discreetly, and criticism is thrown in the public domain as a coercive tactic,” Aynte wrote. “For the U.S. to shame the intransigence of the Federal Government of Somalia (FGS) on elections and unilateral constitutional changes, it means that Washington has exhausted all diplomatic options to counsel an increasingly rudderless ally.”

Aynte drew parallels between President Hassan Sheikh Mohamud and his predecessor, Mohamed Abdullahi Farmaajo, both faced mounting domestic and international pressure over election delays and constitutional overreach. “Like his predecessor, President Hassan Sheikh Mohamud will now be forced to negotiate an electoral process that he can neither win nor rig,” Aynte said.

He added that the current crisis illustrates a “vicious cycle” embedded in Somalia’s elite political culture, calling for a generational reset. “This vicious cycle epitomizes a deeply flawed political culture espoused by the upper echelon of the political elite. Time has come for a bold and transformative political movement aimed at salvaging our beloved nation,” he concluded.

Fractures despite reform pledges

The U.S. statement followed the NCC summit held at Villa Somalia under President Mohamud’s leadership. Attendees included Prime Minister Hamza Abdi Barre, Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama, and the presidents of Galmudug, Hirshabelle, South West State, and SSC-Khaatumo, alongside representatives from the Banadir region.

The Council issued a final communiqué outlining commitments to strengthen national security coordination, support military operations against Al-Shabaab, and accelerate voter registration efforts, beginning in Mogadishu and extending to other federal member states.

However, the meeting’s tone was dampened by Puntland’s and Jubaland’s conspicuous absence. Both regional states have openly criticized the federal government’s recent push to amend Somalia’s provisional constitution and overhaul the electoral system without their consent. Puntland, in particular, has suspended cooperation with the federal government, while Jubaland has accused Villa Somalia of attempting to undermine its autonomy.

Jubaland Information Minister Abdifatah Mohamed Mukhtaar rejected the NCC’s final statement, saying it “adds nothing new and does not change the situation in Jubaland.” He accused the federal leadership of ignoring core political disputes and instead advancing a top-down agenda.

In response to escalating tensions in Jubaland, the NCC directed the Ministry of Interior to draft a legal framework to resolve political disputes within the region. But Jubaland officials say the federal government’s involvement is part of the problem, not the solution.

Meanwhile, one of the more symbolic announcements from the NCC was the formal recognition of SSC-Khaatumo as Somalia’s newest federal member state — a move likely to further complicate the federal map amid ongoing territorial and political legitimacy disputes.

The NCC also reaffirmed its commitment to upholding Somalia’s provisional constitution and emphasized the need for inclusive dialogue among all stakeholders — a point seemingly undermined by the exclusion of two major federal states from the talks.

International pressure builds

The United States, a key security and development partner to Somalia, has grown increasingly vocal about the need for inclusivity and legitimacy in the country’s political process.

Washington has invested heavily in Somalia’s stabilization efforts, and fears that unilaterally imposed reforms could reignite political conflict and undermine the fragile gains made over the past decade.

The latest developments suggest that Somalia is once again approaching a political crossroads. With an electoral process on the horizon and deep mistrust between the federal government and several regional administrations, observers warn that failure to reach a genuine national consensus could risk a return to the institutional paralysis that plagued previous transitions.

As Aynte noted, the problem may lie less in the technical details of reform and more in the entrenched political habits of the ruling elite. “The time has come,” he said, “for a bold and transformative political movement aimed at salvaging our beloved nation.”

Whether President Mohamud will heed these warnings and initiate an inclusive political dialogue remains to be seen. But the message from Washington is clear: legitimacy in Somalia cannot be decreed from the top — it must be built from the ground up.

Jubaland and the federal Illusion: A slow death of unity

There are moments in a nation’s history when silence is betrayal, and today, Somalia stands on such a threshold. What is sold to the public as federalism is not federalism. What we celebrate as decentralization is, in practice, disintegration. And Jubaland—far from being a functioning federal state—is the canary in the coal mine, a warning of what happens when statehood is replaced by strongholds and foreign policy is subcontracted to local militias.

Having served in Somalia’s Ministry of Defence during a time when the state still understood what it meant to be a state, I do not speak from theory. I speak from a memory soaked in decisions, briefings, field reports, and military intelligence. I saw how territory was defended, not negotiated. I saw how sovereignty was protected, not pleaded for. That experience gives me clarity on what is happening today, and what is being hidden beneath layers of media spin and diplomatic decorum.

Jubaland, as it stands, is not the product of a national process. It is the product of geopolitical necessity. It is Kenya’s buffer zone, not Somalia’s federal state. The port of Kismaayo, once a strategic national asset, has become a commercial chess piece. The leadership of the region, while framed as constitutional, is in fact tactical—installed through clan leverage, regional force projection, and external sponsorship. And yet, we call this federalism.

To understand how we got here, we must revisit where we began. The Somali Youth League (SYL), once a nationalist movement demanding independence, ended up silencing political plurality and laying the groundwork for the military takeover of 1969. The Somali Revolutionary Socialist Party (XHKS), framed as the engine of unity, collapsed under the weight of its own absolutism, giving way to civil war and fragmentation. We have walked this path before—where a system designed to unite ultimately disfigures itself from within.

During the Ogaden War, when I watched Somali forces stretch beyond their limits, it became clear to many of us that we had no friends in the region—only temporary partners. After the war, when the SSDF and other resistance groups emerged, the illusion of unity cracked. Jubaland, in its current form, is a continuation of that historical fracture. A region led by a former warlord, backed by regional armies, operating under the guise of constitutional legitimacy—it is a symptom, not a solution.

What we are witnessing is not federal balance but geopolitical containment. Federalism in Somalia is being weaponized to create zones of influence, not zones of governance. It is no longer about empowering regions to manage their own development—it is about dividing the country into manageable sectors, each with its own foreign sponsor, its own militia economy, and its own political currency.

Ahmed Madobe is not the issue. He is simply a mirror—reflecting the nature of a system that rewards militarized loyalty and punishes national coherence. The problem is structural. It is embedded in a constitution drafted in haste, under pressure, and with no binding force in realpolitik. Somalia today is a loose arrangement of camps, not a federation. Kismaayo’s stability is not due to governance but due to agreements made outside of Somalia’s constitutional courts—in Nairobi boardrooms and Addis Ababa intelligence channels.

If Somalia continues on this path, the outcome will not be a collapse in flames, but a quiet expiration. Borders will not be redrawn by war, but by disuse. Federalism, unless redefined around unity, legitimacy, and shared national vision, will become the very weapon that ends Somalia’s sovereignty.

Let us be clear: the international community is not neutral. They are managing Somalia, not supporting it. They prefer local administrators over national reformers because local politics is easier to manipulate. Jubaland is useful as it is—divided, dependent, and distracted. And that usefulness comes at the cost of national strength.

My forecast is this: if this model continues unchecked, Somalia will not break—it will dissolve. The people will still call it Somalia, but the systems will function like disconnected islands. Ports will answer to foreign investors, not Mogadishu. Security will be handled by clan militias, not national command. Elections will be theater, not sovereignty.

I do not say this as a pessimist. I say it as a man who has watched states die from the inside. I do not warn as a politician. I warn as a man who has seen maps change, leaders fall, and nations disappear. And Somalia, my country, is sleepwalking toward erasure—one federal illusion at a time.

By Joocaar Galaayuus
Former Staff, Ministry of Defence (1980–1986) | PhD in State Formation

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members.

Why AU troops failed to stabilize Somalia after 17 years

For the past 17 years, African Union (AU) troops have been in Somalia. They arrived in 2007 under a mission called AMISOM, which later became ATMIS, with the goal of helping Somalia defeat al-Shabaab, rebuild its government, and bring peace to the country. Many Somalis welcomed this effort with hope. But now, nearly two decades later, Somalia remains unstable. Al-Shabaab is still active. Millions still live in insecurity. The mission has not delivered peace. This leads to an important question: why did AU troops fail?

The answer is clear. The mission was not truly built to help Somalia. It became a tool for foreign governments and armies to benefit themselves. For many of the Troop Contributing Countries (TCCs), Somalia turned into a platform to gain political, military, and economic rewards from international donors like the United States, the European Union, the United Kingdom, and the United Nations. It was not about ending the war—it was about keeping the war going just enough to stay relevant and keep the funding flowing.

One of the clearest examples of this self-serving behavior is how the TCCs used their involvement in Somalia to promote their own national interests and strengthen foreign alliances. They used the mission to justify military expansions in their own countries under the excuse of fighting terrorism. They received military equipment, training, and millions of dollars in financial assistance. These rewards weakened their desire to end the conflict. Why end a war that keeps bringing money, weapons, and diplomatic influence?

Some even went further by awarding direct contracts to private companies from their own countries for logistics support—fuel, food, transportation, and uniforms—profiting from the mission in silence. Somalia, in this way, was treated more like a business opportunity than a place that needed peace.

Because of this self-interest, many AU forces did not fully engage. Troops often stayed inside fortified bases in cities like Mogadishu. They rarely operated in rural areas, where al-Shabaab had strong control. This allowed the group to maintain influence, collect taxes, and terrorize communities. Instead of weakening al-Shabaab, the mission ended up giving the group room to survive.

The AU mission was also poorly coordinated. Different countries operated under different chains of command. Uganda followed Uganda. Burundi followed Burundi. Ethiopia followed its own plan. There was no unified strategy. Somali security officials were often left out of planning. The mission was supposed to support Somalia’s national security, but in practice, it often sidelined Somali leadership and created dependency instead of strength.

Even when AU troops liberated towns from al-Shabaab, they failed to hold them or bring stability. There were no schools built, no hospitals opened, no working administration supported. After AU forces left, al-Shabaab would return. This cycle repeated itself for years. The mission focused on short-term military operations but never created long-term peace or development.

Worse still, in some cases, AU forces caused harm. There were reports of civilian casualties, corruption, theft, and even deals with al-Shabaab. Some soldiers were accused of selling fuel and weapons on the black market. Others turned a blind eye to illegal activities. Very few were held accountable. This damaged the mission’s image among Somalis and reduced public trust.

Now, a new phase is beginning. The African Union is replacing ATMIS with a new mission called AUSSOM—the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia. This mission is supposed to support Somalia’s transition and final security handover. But already, AUSSOM faces a major setback: the United States has refused to fund it.

Despite the United Nations Security Council approving support for AUSSOM, the U.S. government said it is not ready to allocate funds for the new mission. American officials expressed frustration over past financial contributions to ATMIS and AMISOM, which they say produced few results. They pointed to the lack of meaningful progress against al-Shabaab and questioned the effectiveness of AU-led operations. This decision sends a clear message: even donors no longer believe in the way these missions have been run.

This lack of international support is a result of years of failure, mismanagement, and self-interest. It proves what many Somalis have known for a long time—that the AU mission lost its purpose. It was never truly about Somalia’s peace. It became about money, influence, and survival for foreign armies and politicians.

This is a painful truth. But we must face it if we want to move forward. Somalia cannot rely on foreign troops to fix its problems. Only Somalis can rebuild Somalia.

We need a professional and united national army. We need inclusive local governments. We need jobs, justice, education, and roads. We need a new political culture that serves citizens, not clans or foreign interests. And we need leadership that puts Somalia’s future above everything else.

Some AU soldiers served with courage. Some gave their lives. Their sacrifices are not forgotten. But the mission as a whole failed because it was not designed to succeed in the first place.

It is now time for Somalia to take full control. We must break the cycle of dependency and foreign-led solutions. The world cannot build our peace. That responsibility belongs to us.