26.5 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Shirkad Ingiriis ah oo raadinaysa iskaashiga Mareykanka si ay Somalia uga bilowdo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkad shidaal oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa bilowday dadaallo ay ku raadineyso iskaashiga Mareykanka, si ay u ballaariso sahminta shidaalka ee xeebaha Soomaaliya.

Shirkadda Soma Oil and Gas oo ka shaqeysa sahminta shidaalka badda, lagana leeyahay Ingiriska ayaa hadda dooneysa la-hawlgalayaal cusub oo ka yimaada Mareykanka, si loo xoojiyo awoodda maalgashi iyo farsamo ee mashruucyada ay ka waddo Soomaaliya, sida lagu sheegay dukumeenti ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka.

Qoraalka ayaa sidoo kale tilmaamay in Sami Michl oo leh 10% saamiga shirkadda, uu riixayo in la sameeyo heshiisyo iskaashi, isla markaana qayb ka mid ah mashruuca loo wareejiyo shirkado kale, arrintaas oo loo yaqaan “farm-out”.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay jirto cadaadis sii kordhaya oo ku aaddan dardar-gelinta howlaha sahminta shidaalka, kuwaas oo muddo dheer dib u dhac ku yimid, inkastoo heshiisyo hore loo galay.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya bishii April soo saartay digniin adag oo ku socota shirkadaha shidaalka reer Galbeedka, iyadoo ku amartay inay bilaabaan howlaha sahminta ama ay ka tanaasulaan heshiisyada ay hayaan.

Dowladda ayaa muujisay niyad-jab sii kordhaya oo la xiriira gaabiska ku yimid horumarinta batroolka dalka, inkastoo ay heshiisyo wadaagga wax soo saarka la gashay shirkado caalami ah.

Shirkadaha qaar ayaa lagu eedeeyay inay ku mashquuleen raadinta la-hawlgalayaal cusub, halkii ay si toos ah uga bilaabi lahaayeen howlaha sahminta iyo qodista gudaha dalka.

Waxaa ka mid ah waajibaadka laga sugayay shirkadahaas inay fuliyaan sahanno dhulka hoostiisa ah, qodista ceelal tijaabo ah, iyo inay gutaan ballanqaadyo maaliyadeed oo ay hore u sameeyeen.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa sanadkii 2024 heshiis shidaal la saxiixatay dowladda Turkiga, iyadoo saddex heshiis la siisay shirkadda Turkish Petroleum.

Shirkadda Turkish Petroleum ayaa si degdeg ah u billowday howlaha sahminta, iyadoo sanadkii 2025 dhammeysay sahanno casri ah oo 3D ah, taas oo muujineysa horumar muuqda. Sidoo kale, qodista ceelasha ayaa la bilaabay sanadkan 2026, taas oo cadaadis ku kordhisay shirkadaha kale ee weli aan bilaabin howlaha lagu heshiiyay.

Iran oo Trump ku qasabtay in uu ka laabto tallaabadii Hormuz

Washington (Caasimada Online) — Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu si ku-meelgaar ah u hakiyay howlgal militari oo Mareykanku ku galbinayay maraakiibta maraysa Marinka Hormuz, hal maalin kadib markii uu bilowday, xilli Washington ay sheegtay in horumar laga sameeyay dadaallo lagu doonayo heshiis lagu soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe.

Howlgalka, oo Aqalka Cad ugu yeeray “Project Freedom”, ayaa Isniintii loo bilaabay in lagu caawiyo maraakiibta ku sugan Marinka Hormuz, oo ah marin istiraatiiji ah oo isku xira Gacanka Carbeed iyo Badweynta Hindiya, isla markaana muhiim u ah isu socodka ganacsiga shidaalka adduunka.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku sheegay in howlgalka la hakiyay kadib codsi ka yimid Pakistan iyo dalal kale oo dhexdhexaadin wada. Wuxuu sheegay in “horumar weyn” laga sameeyay dadaallada lagu doonayo “heshiis dhameystiran oo kama dambeys ah” oo lala gaaro Tehran.

“Waxaan si wadajir ah ugu heshiinnay in, iyadoo xayiraaddu si buuxda u sii jiri doonto, Project Freedom… la hakiyo muddo kooban si loo arko in heshiiska la dhameystiri karo lana saxiixi karo,” ayuu yiri Trump.

Go’aanka Trump ayaa yimid kadib markii Iran ay howlgalka galbinta uga jawaabtay weeraro culus, oo qaarkood lala beegsaday maraakiib, qaar kalena si xooggan loogu garaacay dalka Imaaraadka Carabta oo xulufo la ah Israa’iil iyo Mareykanka.

Xayiraadda oo sii socota

Inkasta oo Mareykanku hakiyay howlgalka lagu galbinayay maraakiibta, Trump wuxuu sheegay in xayiraadda Washington saartay dekedaha Iran ay weli sii jiri doonto. Mareykanka ayaa sheegay in cadaadiskaas uu qayb ka yahay dadaal lagu qasbayo Iran inay aqbasho heshiis lagu joojinayo dagaalka ay Mareykanka iyo Israel ku qaadeen bishii February.

Xiisadda Marinka Hormuz ayaa sare u kacday maalmihii u dambeeyay, iyadoo Washington ay sheegtay inay quusisay toddoba doon oo Iran leedahay. Dhowr markab oo rayid ah ayaa sidoo kale lagu weeraray deegaankaas, waxaana Mareykanka uu weerarradaas ku eedeeyay Iran.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa Talaadadii sheegay in Mareykanku soo afjaray wajigii weerarka ahaa ee howlgalka ka dhanka ahaa Iran, oo Washington ugu yeertay “Operation Epic Fury”.

“Howlgalkaas waa dhammaaday — Epic Fury — sida madaxweynuhu Congress-ka u sheegay. Wajigaas waan dhameynay,” ayuu Rubio ku yiri saxafiyiin kula hadlayay Aqalka Cad.

Rubio ayaa sheegay in isku dhacyada ka dhacay Marinka Hormuz aysan ka mid ahayn dagaalkii asalka ahaa ee Iran lagu qaaday, balse ay la xiriiraan difaaca maraakiibta iyo danaha Mareykanka ee gobolka.

“Tani ma aha howlgal weerar ah; waa howlgal difaac ah,” ayuu yiri. “Macnaheedu waa mid fudud: rasaas ma dhaceyso haddii aan marka hore nala rasaaseyn.”

Dagaal aan weli dhammaan

Mareykanka iyo Israel ayaa February 28 weerarro culus ku qaaday Iran, iyagoo dilay hoggaamiyeyaal sare, islamarkaana burburiyay goobo militari iyo dhaqaale oo muhiim ah.

Si kastaba, weerarradaas ma aysan horseedin burburka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, oo jawaab uga dhigtay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo ka dhacay meelo kala duwan oo gobolka ah.

Trump ayaa April 8 ku dhawaaqay xabbad-joojin uu sheegay in lala gaaray Iran, balse wadahadallada u dhexeeya labada dhinac ayaa tan iyo markaas u muuqday kuwo gaabis galay. Maamulka Mareykanka ayaa hadda isku dayaya inuu muujiyo in cadaadiska militari iyo kan dhaqaale uu Tehran ku riixayo miiska wadahadalka.

Rubio ayaa sheegay in Mareykanku “gaaray ujeeddooyinkii” dagaalka, isagoo intaas ku daray in Iran ay wajahayso burbur dhaqaale oo daran.

“Waxay wajahayaan burbur dhab ah oo musiibo ku ah dhaqaalahooda,” ayuu yiri Rubio, isagoo xusay in Trump weli doorbidayo in xiisadda lagu dhammeeyo heshiis siyaasadeed.

Go’aanka Trump ee hakinta “Project Freedom” ayaa imanaya xilli Marinka Hormuz uu noqday xarunta ugu weyn ee xiisadda cusub ee Bariga Dhexe.

Hakinta howlgalka ayaa muujinaysa in Iran weli ay cadaadin karto Washington oo dooneysa inay fursad siiso dhexdhexaadinta, balse sii socoshada xayiraadda Iran waxay caddeyneysaa in Mareykanku uusan weli ka tanaasulin cadaadiska uu ku hayo Tehran.

Mucaaradka DF oo go’aan culus ku dhawaaqay – Maxaa dhacaya kahor 15-ka May

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka oo maanta shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah kahor maalinta 15-ka May oo ay sheegeen inay ku egtahay sida muddo xileedka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka warbixiyay shirkooda ayaa iclaamiyay dibadbax wayn oo ay qaban doonaan 10-ka bishaan, isagoo baaq u diray reer Muqdisho, gaar ahaan dadkii la barakiciyay.

Shariif aya sidoo kale ugu baaqay shacabka inay si buuxda uga soo qayb-galaan banaanbaxa, isla markaana ay muujiyaan dareenkooda ku aadan ka dhiidhinta dhulboobka ka socda gudaha caasimada.

“Waxaa rabnaa in loo banaanbaxo si loo joojiyo dhulboobka iyo barakicinta Muqdisho, 10-ka bisha ayaa go’aaminay. Banaanbaxan cidna fasax ugama baahna waa in ay isku soo baxaan dadka la dulmiyey,” ayuu yiri Sheekha.

Sidoo kale, wuxuu uga digay ciidamada inay ku xadgudbaan dadka isku soo baxaya, isaga oo sheegay in lagula xisaabtami doono falkasta oo ay gaystaan.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in hay’adaha Dowladda Federaalka uu ka dhamaaday muddo xileedka, isla markaana aysan haysan wax sharciyad ah.

“Nidaamka waqtigiisa waa dhammaaday dulmigiisa xad-dhaaf uu noqday qofkii isku dayo inuu shacabkaas dhibaateeyo haku xisaatamo in lala xisaabtami doono oo aan looga hari doonin,” ayuu markale yiri Sheekh Shariif.

Isla maalintan ay mucaaradka iclaamiyeen banaanbaxa, ayaa ah maalintii uu Madaxweynuhu qabsaday inay is arkaan isaga iyo mucaaradka, si looga wada-hadlo xaaladda sii cakirmeyso ee siyaasadda, isla markaana weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

R/W Xamza oo sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo wareegto soo saaray ayaa maanta xilka ka qaaday Wasiirkii Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys, isaga oo xilkaas u magacaabay Cabdifataax Qaasim Maxamuud oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Xamza ayaa sheegay inuu tixgeliyay soo jeedin uga timid Madaxweynaha, kadibna uu soo magacaabay Wasiirka cusub ee Warfaafinta Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kadib markii uu arkay qodobka 120-aad, farqadiisa 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla-markaana tixgaliyay talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda, arkayna hawlaha baaxadda leh ee horyaala xukuumadda, waxa uu soo saaray magacaabistan. Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, waxaa u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska”, ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud, kula dardaarmay xil gudasho hufan iyo dadaal.

Wasiirka cusub oo nin dhalinyaro ah ayaa horay usoo qabtay xilal kala duwan, isaga oo soo noqday wasiir ku xigeennadii wasaaradaha warfaafinta iyo gaashaandhigga ee xukuumadii hore.

Magacaabistan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay xukuumadda Dan-Qaran u taallo shaqo adag oo ugu horreyso arrimaha doorashooyinka.

Indhowaanahan Xamza ayaa waday isbeddallo waa wayn oo ku aadan xukuumadda Dan-Qaran, wuxuuna horay u magacaabay Wasiiro cusub, agaasimeyaal iyo madax waaxeedyo ka tirsan xafiiskiisa, si loo dardargeliyo shaqada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la yimid isla xisaabtan golaha wasiirada ah, isaga oo horay kormeer ugu tegay dhowr xarumood oo muhiim ah, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo cabasho ay kadib, balse la xalliyay iyo xarumo wasaaradeed oo ku yaalla caasimada oo uu ku tegay booqashooyin, si uu qiimeeyo shaqada ka socota.

Ciidamadii Asluubta ee waddada xirtay oo hub ka dhigis lagu sameeyay kadibna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta Soomaaliyeed oo careysan ayaa maanta xirtay wadada gasha Xabsiga Dhexe ee hormarta Dekedda Muqdisho, kuwaasi oo ka cabanaya mushaar la’aan.

Ciidamada ayaa isku fidiyay waddadaas oo sidoo kale hormarto maxkamada Gobolka Banaadir iyaga oo hakiyay guud ahaan dhaq-dhaqaaqa gaadiidka.

Qaar kamid ah askarta oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muddo sanad ka badan uu ka maqanyahay mushaarka, iyana dalbanaya in loo soo fasax.

Saacado badan oo waddada xirneyd kadib waxaa goobta gaaray saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ku baxay cabashada ciidamadaasi, iyada oo kadib waddada ay la wareegeen  ciidamo ka tirsan kuwa booliska Haramcad oo haatan dib u fasaxay isku socodka gaadiidka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadii cabanayay ee Asluubta lagu sameeyay hub ka dhigis, kadibna la geeyay Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka, si loo xalliyo cabashadooda.

Ma jiro illaa wax war ah oo kasoo baxay taliska Ciidanka Asluubta oo ku aadan gadoodka ciidamadan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo adag.

Marar badan ayay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda sidaan oo kale ay gadood uga sameyeen Muqdisho, iyaga oo ka cabanaya mushaaraad ka maqan.

Somaliland oo sheegtay inay isbahaysi difaac la galeyso Israel

Hargeysa (Caasimada Online) – Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa sheegay in Hargeysa ay diyaar u tahay inay Israel kala shaqeyso sidii looga hortegi lahaa waxa uu ku sheegay “halista” ka imaaneysa Yemen ee ku wajahan marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab, sida uu baahiyey telefishinka Israel ee Channel 12.

Mas’uulka oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in khalkhal kasta oo ku yimaada ammaanka badda uu Somaliland ku riixi karo inay ballaariso xiriirka ay la leedahay Israel, xitaa haddii uu gaaro heer iskaashi amni ama isbahaysi difaac.

“Carqalad kasta oo ku timaadda ammaanka badda waxay Somaliland ku riixi kartaa inay xiriirkeeda Israel gaarsiiso heer isbahaysi amni,” ayuu yiri mas’uulka, sida uu weriyey Channel 12.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay haatan la shaqeyso dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, oo xiriir iyo dano ku leh dekedda Berbera, isla markaana iskaashi la mid ah kanas ay suuragal tahay in lala yeesho Israel.

Somaliland, oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya, ayaa ku dhow Gacanka Cadmeed, kana soo horjeedda koonfurta Yemen, taas oo siinaysa muhiimad istaraatiiji ah xilli xiisadaha Badda Cas iyo Bab al-Mandab ay sare u kaceen.

Marin-biyood xasaasi ah

Bab al-Mandab waa marin-biyood dhuuban oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, wuxuuna ka mid yahay meelaha ugu muhiimsan ee maraakiibta ganacsiga iyo shidaalka caalamka ay isticmaalaan.

Marinkaas ayaa si gaar ah muhiim ugu noqday dalalka Khaliijka, gaar ahaan kadib markii xiisadda ka taagan Gacanka Faaris ay saameyn ku yeelatay marin-biyoodka Hormuz.

Sida lagu sheegay warbixinta, xirnaanshaha ama khalkhalka Hormuz ayaa kordhiyey muhiimadda Bab al-Mandab, iyadoo Sacuudi Carabiya ay si weyn ugu tiirsanaaneyso dhuumo shidaal oo ku dhow aaggaas si ay u dhoofiso saliiddeeda.

Ciidamada Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa horey u weeraray maraakiib xiriir lala yeeshay Israel iyo Mareykanka, iyagoo sheegay inay uga jawaabayeen dagaalka Gaza iyo taageerada Washington ay siiso Tel Aviv.

Bishii Maarso 28, Xuutiyiinta ayaa sheegay inay faragelin doonaan haddii Badda Cas loo adeegsado weerarro ay Mareykanka iyo Israel ku qaadaan Iran.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo hoggaamiyeyaasha Yemen ay muddooyinkii dambe si joogto ah ugu hanjabayeen inay ballaarin doonaan weerarrada ka dhanka ah maraakiibta la xiriira Israel, Mareykanka iyo xulafadooda.

Berbera iyo danaha Imaaraadka

Dekedda Berbera ayaa muddooyinkii dambe noqotay xarun muhiim u ah danaha Imaaraadka Carabta ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Shirkadda DP World ee laga leeyahay Dubai ayaa maamusha dekedda Berbera, taas oo Imaaraadka siisay saldhig ganacsi iyo mid istaraatiiji ah oo ku yaalla meel u dhow marin-biyoodyada ugu muhiimsan gobolka.

Warbixinta ayaa sheegtay in Imaaraadka uu Berbera u adeegsado xarun sahay iyo dhaqdhaqaaqyo la xiriira danihiisa gobolka, gaar ahaan colaadaha ka socda Suudaan, halkaas oo ciidanka Rapid Support Forces lagu eedeeyey inay geysteen xasuuq iyo gabood-fallo ka dhan ah bulshooyin aan Carab ahayn.

Eedeymahaas waxaa si adag u beeniyey dhinacyada lagu eedeeyey, balse hay’ado caalami ah iyo dowlado reer Galbeed ah ayaa si joogto ah uga digay gabood-fallo baahsan oo ka dhacay Darfur iyo qeybo kale oo Suudaan ah.

Somaliland ayaa xiriirka Berbera u aragta mid muujinaya awooddeeda ay ku maamuli karto heshiisyo shisheeye iyo iskaashi amni, halka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysaneyso in heshiis kasta oo khuseeya dhulka iyo dekedaha Soomaaliya uu waajib ku yahay inuu maro Muqdisho.

Aqoonsiga Israel

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, kadib burburkii dowladdii dhexe, balse muddo ka badan soddon sano ma aysan helin aqoonsi caalami ah oo rasmi ah.

Bishii December 2025, Israel ayaa noqotay dalkii ugu horreeyey ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, tallaabo si weyn uga careysiisay dowladda Soomaaliya.

Muqdisho ayaa aqoonsigaas ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale xiriirka u jartay Imaaraadka Carabta bishii Janaayo, kadib markii ay ku eedeysay Abu Dhabi inay door ku lahayd dadaallada lagu aqoonsanayo Somaliland.

Hadalkan cusub ee mas’uulka Somaliland ka tirsan ayaa muujinaya in Hargeysa ay isku dayeyso inay ka faa’iideysato xiisadaha ka taagan Badda Cas, Bab al-Mandab iyo dagaallada gobolka, si ay u ballaariso xiriirkeeda Israel iyo xulafada kale ee taageeri karta aqoonsigeeda.

Xiisad ka dhex-qaraxday Itoobiya iyo Sudan iyo Addis oo soo saartay bayaan caro leh

Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa si adag u beenisay eedeymo uga yimid Sudan oo sheegayay in Addis Ababa ay door ku lahayd weerarro diyaarado drone ah oo lagu soo qaaday, iyadoo ku tilmaantay eedeymahaas “kuwo aan sal lahayn”, isla markaana ku eedeysay ciidamada Sudan inay taageero siinayaan dagaalyahanno Tigray ah oo ka howlgala meel u dhow xadka galbeed ee Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in eedeymaha Sudan ay qeyb ka yihiin olole siyaasadeed oo ka dhan ah amniga iyo madaxbannaanida Itoobiya.

“Itoobiya waxay diideysaa eedeymihii ugu dambeeyay ee aan salka lahayn ee lagu soo jeediyay intii lagu jiray shirkii jaraa’id ee ay si wadajir ah u qabteen Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan, wasiirka arrimaha dibadda iyo afhayeenka militariga,” ayay wasaaraddu ku tiri bayaan ku taariikheysnaa 5-ta May.

Hadalkan ayaa muujinaya xiisad diblomaasiyadeed oo sii xoogeysaneysa oo ka dhex taagan labada dal ee deriska ah, kuwaas oo xiriirkoodu horey ugu xumaaday muranno xuduudeed, dagaalka gudaha Sudan iyo walaaca Itoobiya ka qabto kooxaha hubeysan ee ka howlgala agagaarka xuduudaheeda.

Saraakiisha Sudan ayaa ku eedeeyay Itoobiya inay ogolaatay in dhulkeeda loo adeegsado weerarro lagu qaaday gudaha Sudan, gaar ahaan weerarro la sheegay inay fuliyeen diyaarado drone ah.

Addis Ababa ayaa eedeymahaas ku gacan seyrtay, waxayna sheegtay inay muddo ka gaabsatay inay arrintan si furan uga hadasho, sababo la xiriira xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada shacab.

“Shucuubta Itoobiya iyo Sudan waxay wadaagaan xiriir saaxiibtinimo oo taariikhi ah oo soo jireen ah,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dowladda Itoobiya ay “muujisay dulqaad” ayna ka gaabsatay inay shaaciso waxa ay ku tilmaantay “xadgudubyo culus oo ka dhan ah madaxbannaanida dhuleed iyo amniga qaranka Itoobiya” oo ay geysanayaan qaar ka mid ah dhinacyada ku dagaallamaya Sudan.

Eedeymo la xiriira TPLF

War-saxaafadeedka Itoobiya ayaa eedeynta dib ugu celiyay dhinaca Sudan, iyadoo Addis Ababa ay sheegtay in dagaalyahanno xiriir la leh Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF ay ku lug yeesheen dagaalka Sudan.

“Xadgudubyadan waxaa ka mid ah adeegsiga ballaaran ee calooshood-u-shaqeystayaal TPLF ah oo ku jira dagaalka,” ayay tiri wasaaraddu.

Itoobiya ayaa sidoo kale ku eedeysay Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan inay hub iyo dhaqaale siiyeen dagaalyahannadaas.

“Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan waxay sidoo kale siiyeen hub iyo taageero dhaqaale calooshood-u-shaqeystayaashan, taas oo u fududeysay inay weerarro ka geystaan xadka galbeed ee Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dhaq-dhaqaaqyada dagaalyahannada TPLF ee Sudan ay yihiin “arrin si cad loo ogyahay”, waxayna ku doodday in ay jiraan “caddeymo ballaaran oo lagu kalsoonaan karo” oo muujinaya in Sudan ay noqotay xarun ay ka dhaqaaqaan kooxo ka soo horjeeda Itoobiya.

Waxay intaas ku dartay in eedeymaha ugu dambeeyay ee Sudan aysan ahayn dhacdo gooni ah, balse ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo ay gadaal ka riixayaan dano shisheeye.

“Waxaa cad in ficilladan cadaawadeed, iyo sidoo kale eedeymihii dhowaan iyo kuwii hore ee ay soo jeediyeen saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan, lagu fulinayo rabitaanka maalgaliyeyaal dibadeed oo doonaya inay horumariyaan ajendahooda xun,” ayay tiri wasaaradda.

Itoobiya ma aysan soo bandhigin faahfaahin dheeraad ah iyo caddeymo taageeraya eedeymaheeda.

TPLF ayaa dagaal labo sano socday la gashay dowladda federaalka Itoobiya intii u dhexeysay 2020 iyo 2022, dagaalkaas oo sababay dhimasho badan, barakac ballaaran iyo burbur xooggan, ka hor inta aan labada dhinac heshiis nabadeed ku gaarin magaalada Pretoria.

Inkasta oo heshiiskaas uu soo afjaray dagaalkii weynaa ee waqooyiga Itoobiya, haddana weli waxaa jira xasaasiyad siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhex taagan TPLF, dowladda federaalka Itoobiya iyo maamullada deriska la ah gobolka Tigray. Addis Ababa ayaa si gaar ah uga walaacsan dhaqdhaqaaq kasta oo hubeysan oo ka dhaca meel u dhow xuduudaheeda.

Saameynta dagaalka Sudan

Dagaalka Sudan ayaa qarxay bishii April 2023, kadib toddobaadyo xiisad ah oo u dhexeysay taliyaha ciidamada Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, iyo hoggaamiyaha ciidamada gurmadka degdegga ah ee RSF, Mohamed Hamdan Dagalo oo loo yaqaan Hemedti.

Dagaalka ayaa si degdeg ah uga fiday Khartoum, wuxuuna gaaray Darfur, Kordofan, Al Jazirah iyo gobollo kale, iyadoo ay ku lug yeesheen maleeshiyaad maxalli ah, dagaalyahanno shisheeye iyo dano goboleed.

Colaadda ayaa dishay tobanaan kun oo qof, waxay barakicisay malaayiin kale, waxayna qaybo ka mid ah Sudan gelisay xaalad macluul iyo burbur bani’aadantinimo oo aad u daran. Dagaalka ayaa sidoo kale walaac weyn ku abuuray dalalka deriska la ah Sudan, oo ay ku jiraan Itoobiya, Masar, Chad, South Sudan iyo Eritrea.

Itoobiya iyo Sudan waxay wadaagaan xuduud dheer oo sahlan in laga gudbo. Labada dal ayaa sidoo kale sanadihii la soo dhaafay isku hayay dhulka bacrinka ah ee al-Fashaga, halkaas oo muddo dheer ay isku qabsadeen beeraley Sudanese ah iyo kuwa Itoobiyaan ah.

Muranka cusub ayaa kusoo aadaya xilli Geeska Afrika uu wajahayo colaado is dul-saaran, barakac, loollan diblomaasiyadeed iyo isbaheysiyo isdiidan.

Sudan ayaa dhowr jeer ku eedeysay dalal dibadda ah inay taageerayaan dhinacyo ku lug leh dagaalka. Dowladaha gobolka qaarkood ayaa beeniyay inay qeyb ka yihiin colaadda, halka dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayay xabbad-joojin ay marar badan fashilmeen.

Baaq xabbad-joojin

Inkasta oo hadalka Itoobiya uu ahaa mid adag, haddana Addis Ababa waxay sheegtay inay weli garab taagan tahay shacabka Sudan, isla markaana ay taageereyso xal siyaasadeed oo lagu soo afjaro dagaalka.

“Itoobiya waxay sii wadi doontaa inay garab istaagto shacabka Sudan, ayna adkeyso xiriirka saaxiibtinimo ee kala dhexeeya xilligan adag,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in “aan xal militari laga gaari karin” colaadda Sudan, waxayna ku baaqday in dhinacyada dagaallamaya ay galaan wada-hadal.

Itoobiya ayaa dalbatay “xabbad-joojin bani’aadannimo oo degdeg ah”, taas oo ay xigto “xabbad-joojin waarta iyo hannaan wada-hadal oo madax-bannaan, loo dhan yahay, hufan, islamarkaana ay hoggaaminayaan rayidka.”

Wasaaraddu waxay sheegtay in hannaankaas uu muhiim u yahay “dhisidda nabad waarta iyo soo celinta xukun rayid ah.”

Is-weydaarsiga eedeymahan ayaa muujinaya sida dagaalka Sudan uu u sii saameynayo xiriirka dalalka Geeska Afrika, iyadoo dowladaha gobolka ay ka cabsi qabaan in colaadda Sudan ay sii huriso amni-darro xuduudeed, dhaqdhaqaaqyo hubeysan iyo loollan siyaasadeed oo gobolka oo dhan saameeya. 

Mucaaradka oo illaa hadda la garan la’yahay waxa ay rabaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Soomaaliya ayaa 15-ka May ka dhigay xilli kama dambeys ah oo siyaasadeed oo ay ku cadaadinayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo si cad u diiday hannaanka doorasho ee uu wado, wax-ka-beddelladii ugu dambeeyay ee dastuurka, iyo sii joogitaankiisa xafiiska wixii ka dambeeya maalintaas.

Hase yeeshee, qoraalka ay soo saareen 2-dii May, siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sidoo kale furay su’aal kale oo hadda udub-dhexaad u noqotay xiisadda siyaasadeed ee dalka: Maxay dhab ahaantii mucaaradku doonayaan, maxaase keenay in afar sano kadib weli aysan hayn wax qorshe doorasho oo beddel ah?

Su’aashan ayaa muhiim u ah marxaladda hadda taagan, maadaama muranka siyaasadeed ee Soomaaliya uusan kaliya ku koobneyn in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sii haysan karo sharciyad siyaasadeed wixii ka dambeeya 15-ka May. Waxa kale oo uu imtixaan u yahay awoodda mucaaradka ee ah inay ka gudbaan diidmo siyaasadeed oo keliya, una gudbaan qorshe cad oo lagu maareyn karo marxaladda xigta.

War-saxaafadeed ay 2-dii May soo saareen siyaasiyiin mucaarad ah oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka ayaa lagu sheegay in muddo-xileedka dastuuriga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku eg yahay 15-ka May 2026.

Mucaaradka ayaa sheegay in wixii ka dambeeya maalintaas aysan u aqoonsan doonin Xasan Sheekh madaxweyne sharci ah, balse ay u arki doonaan “muwaadin caadi ah oo la mid ah shacabka kale”.

Waxay sidoo kale ku dhawaaqeen inay hoggaamin doonaan “iska caabin nabadeed, abaabul dadweyne iyo wadatashi qaran”, si looga hortago firaaq dastuuri ah, loona helo dowlad ay sheegeen inay leedahay sharciyad lagu wada qanacsan yahay.

Laakiin isla qoraalkaas ayaa lagu sheegay in mucaaradku “muddo toddobaad gudihiis ah” shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan hannaan doorasho oo buuxinaya shuruudaha ay wataan. Qodobkaas ayaa laga yaabaa inuu noqdo mid la mid ah, ama ka miisaan culus, xilliga kama dambeyska ah ee 15-ka May.

Qorshaha maqan

Mucaaradka ayaa si cad u taxay waxyaabaha ay diidan yihiin. Waxay diidan yihiin waxa ay ugu yeereen “doorasho magacaabis ah”. Waxay diidan yihiin doorasho kasta oo ay sheegeen in natiijadeeda ay Villa Somalia maamuli karto. Waxay sidoo kale diidan yihiin wax-ka-beddelladii ugu dambeeyay ee dastuurka, iyaga oo ku doodaya in kaliya dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa ee 2012 uu leeyahay sharciyad.

Waxay intaas ku dareen in loo baahan yahay doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo ka dhaca Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug, iyaga oo sheegay in maamulladaas ay muddo-dhaaf ku joogaan xafiisyada.

Si kastaba, bayaanka mucaaradka weli ma caddeynin hannaanka ay doonayaan in lagu beddelo midka ay diidan yihiin.

Ma sheegin cidda qabaneysa doorashada federaalka ee xigta, kaalinta ay yeelanayaan dowlad-goboleedyada, iyo in Soomaaliya dib ugu laabaneyso doorasho dadban, qaadaneyso hannaan isku-dhaf ah, ama dib loogu dhigayo doorasho qof iyo cod ah oo lagu saleeyo heshiis siyaasadeed oo ballaaran.

Axmed Cabdi, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa sheegay in mucaaradku ku guuleysteen inay cadaadis siyaasadeed ka abuuraan 15-ka May, balse aysan weli ka jawaabin su’aasha ugu adag.

“Mucaaradku aad bay u caddeeyeen waxa ay diidan yihiin, balse si la mid ah uma caddeyn waxa ay beddel ahaan u dhisayaan,” ayuu yiri Axmed. “Xilli kama dambeys ah wuxuu abuuri karaa cadaadis, laakiin ma noqon karo xal siyaasadeed haddii aan lagu xirin hannaan kala-guur iyo doorasho oo shaqeyn kara.”

Firaaqaas ayaa ah meelaha ugu nugul ee mucaaradku ka wajahayo doodda siyaasadeed. Waxay si xooggan u sheegeen waxa aysan Soomaaliya sameyn karin, balse weli si buuxda uma aysan qeexin waxa ay tahay in dalku sameeyo.

Mucaaradka waxay qabaan tabashooyin dhab ah. Soomaaliya marar badan ayay ku fashilantay inay qabato doorashooyin waqtigooda ku dhaca oo lagu wada qanacsan yahay. Nidaamka federaalka weli waa mid lagu muransan yahay, halka madaxtooyada, baarlamaanka iyo dowlad-goboleedyaduba ay marar kala duwan ka faa’iideysteen madmadow sharci si ay u ballaariyaan saameyntooda siyaasadeed.

Laakiin xilli kama dambeys ah keligiis ma noqon karo qorshe kala-guur, sida diidmo siyaasadeed oo keliya aysan u noqon karin hannaan doorasho.

Is-barbardhigga doorashooyinka

Mucaaradka Soomaaliya ayaa wajahaya isdiiddo siyaasadeed oo adag.

Waxay diidan yihiin dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku wajahan doorashooyin toos ah, iyaga oo ku doodaya in hannaankaas uusan ku dhisneyn heshiis siyaasadeed oo ballaaran, isla markaana uu Villa Somalia siinayo awood xad-dhaaf ah.

Hase yeeshee, hannaankii doorashada dadban ee la adeegsaday 2016 iyo 2022 isna wuxuu lahaa cilado waaweyn. Wuxuu awood badan siiyay madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada, odayaasha dhaqanka, dallaaliinta siyaasadda iyo musharrixiinta lacagta badan ku leh tartanka, kuwaas oo saameyn weyn ku lahaa cidda baarlamaanka gasha iyo cidda ugu dambeyn doorata madaxweynaha.

Mucaaradka waxay caddeeyeen in aysan sidoo kale marna aqbali doonin hanaankaas awoodda doorashada jeebka u geliyey madax goboleedyada.

Taasi waxay mucaaradka gelisay xaalad siyaasadeed oo ciriiri ah. Haddii ay diidaan hannaanka doorasho toos ah ee Villa Somalia wado, isla markaana aysan doonayn inay difaacaan nidaamkii dadbanaa ee horey loo dhaliilay, waxaa hadda laga sugayaa inay soo bandhigaan qorshe ka cad shuruudo iyo diidmo guud.

Yuusuf Mataan, oo ah cilmi-baare ka faallooda arrimaha Geeska Afrika, ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee mucaaradku tahay inay iska ilaaliyaan inay noqdaan koox kaliya wax hor istaagta.

“Soomaaliya uma baahna koox kale oo awood u leh inay hanaan siyaasadeed joojiso,” ayuu yiri Yuusuf. “Waxay u baahan tahay garab siyaasadeed oo sharxi kara sida doorasho u dhici karto, cidda maamuleysa, iyo sababta dhinaca laga guuleysto uu u aqbali karo natiijada.”

Afar sano kadib waxaa weli la sugayaa waxa ay rabaan mucaaradka iyo nooca doorasho ee ay doonayaan. 

Xogta duqeyn culus oo ka dhacday MUDUG + Khasaaraha

0

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta duqeyn culus ay ka dhacday deegaan u dhaxeeya Dabagalo iyo Warshubo ee gobolkaas oo hoostaga Dowlad-Goboleedka Galmudug, iyada oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Kumaandooska Danab iyo saaxibada caalamiga ah ayaa lagu dilay ugu yaraan 8 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxay dowladdu sheegtay in howlgalkan la fuliyay kadib markii la helay xog ku aadan xubnaha la duqeeyay oo ku sugnaa goobta, iyadoo lagu dhuftay gantaalo culus.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen jugta duqeynta, isla markaana ay soo wajahday cabsi xoogan, balse ma jiro khasaare kasoo gaaray howlgalkaasi.

Dhinac kale weerar kale oo ay qaadeen ciidamada deegaanka, kana dhacay xadka kala qaybiya Galgaduud iyo Mudug ayaa khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, iyadoo in ka badan 10 xubnood laga dilay, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka oo guuleystay.

Saraakiishu waxay tilmaameen in howlgalka uu si gaar ah uga dhacay  deeganka Booreey, iyada oo lagu khaarijiyay ugu yaraan ilaa 13 Xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta.

Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay deegaanka uu howlgalka ka dhacay, waxayna gebi ahaan ay cagta mariyeen xarumo iyo baro koontarol oo ay kooxda ku lahayd halkaasi.

Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo kamid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Muddooyinkii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo uu ugu horreeyo Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah argagixisada, iyada oo mala kala duwan oo dalka ah lagu beegsaday looga gaystay khasaare xooggan.

Muxuu Raiisul wasaare Xamza kala hadlay bulshada rayidka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo xalay casho sharaf ku maamusay xubno ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa kala hadlay xaaladda guud ee dalka, iyaga oo is dhaafsaday talooyin muhiim ah.

Xamza ayaa soo dhaweeyay talooyinka uga yimid Bulshada Rayidka ah, isaga oo ku bogaadiyay doorka ay ku leeyihiin dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Jamhuuriyadda 3-aad ee Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu ka gudbayo xaaladda loo garanayo kala guurka iyo kumeel-gaarnimada, isla markaana marka uu dhamaado muddo xileedka hay’adaha dowladda ay Shacabka Soomaaliyeed soo dooran doonnaan dowladda soo socota.

Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa dhankooda Ra’iisul wasaare Xamza ka dalbaday sii ambaqaadista dedaallada wadahadallada, si xal looga gaaro tabashada ay mucaaradka ka qabaan hanaanka doorashooyinka.

Bulshada Rayidka oo maalmahan kulamo la waday ayaa Talaadadii Warsaxaafadeed kasoo saaray kulamo ay la yeesheen labada dhinac, kuwaas oo diiradda lagu saaray khilaafka ka taagan gudah dalka.

Waxaa kale oo ay tilmaameen in siyaasiyiinta labada dhinac, ay ka dhageysteen aragtiyadooda ku aadan doorashada, balse la’isku halayo kaliya hanaanka loo wajahayo doorasooyinka tooska ah ee ka dhacaya dalka.

“Bulshada rayidka Soomaliyeed iyada oo tixgelineyso aragtiyadii kala duwanaa ee ay soo bandhigeen dhinacyda siyaasadda waxay garwaaqsatay in mabda’ ahaan aan la’isku diidaneyn qabsoomida doorasho qof iyo cod ah, balse ay muhiim tahay in la helo hannaan cad oo lagu kalsoonaan karo, loona dhanyahay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Si kastaba, ha’ahaatee waxaa haatan isha lagu wada hayaa shirka loo ballansanyahay ee uu madaxweynuhu 10-ka bishan ku casuumay Golaha Mustaqbalka, si looga wada-hadlayo arrimaha masiiriga ah iyo doorashooyinka dalka.

Bulshada rayidka ah oo war culus kasoo saartay khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ururka bulshada rayidka Soomaaliyeed Cismaan Muxidiin Shaatax oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyay shir guud oo ay ka yeesheen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo mucaaradka.

Shaatax ayaa sheegay in kulmadooda oo maalmo qaatay ay uga arrinsadeen is-mariwaaga taagan ee labada dhinac, si loo helo xal waara.

“Kulankan waxaan diiradda ku saarnay qiimeynta xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan saameynta ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyay DFS iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, khilaafkaas ayaa salka ku haayay arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo muddo xileedka hay’adaha dowladda” ayuu yiri guddoomiye Cismaan Shaatax.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in arkeen siyaasiyiinta labada dhinac, ay ka dhageysteen aragtiyadooda ku aadan doorashada, balse la’isku halayo kaliya hanaanka loo wajahayo doorasooyinka tooska ah ee ka dhacaya dalka.

“Bulshada rayidka Soomaliyeed iyada oo tixgelineyso aragtiyadii kala duwanaa ee ay soo bandhigeen dhinacyda siyaasadda waxay garwaaqsatay in mabda’ ahaan aan la’isku diidaneyn qabsoomida doorasho qof iyo cod ah, balse ay muhiim tahay in la helo hannaan cad oo lagu kalsoonaan karo, loona dhanyahay,” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo ay bulshada rayidka soo saartay baaq culus oo ku socda labad dhinac, iyada oo ka dalbatay inay tanaasul sameeyaan, isla markaana ay yeeshaan wadatashiyo dhab ah oo lagu gaari heshiis siyaasadeed oo buuxa.

Baaqan ayaa kusoo aadayo, iyadoo weli xaaladda ay murugsan tahay, isla markaana ay sii kala fogaanayaan madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka.

Si kastaba, ha’ahaatee waxaa haatan isha lagu wada hayaa shirka loo ballansanyahay ee uu madaxweynuhu 10-ka bishan ku casuumay Golaha Mustaqbalka, si looga wada-hadlayo arrimaha masiiriga ah iyo doorashooyinka dalka.

Faa’iso Jayte oo shaki gelisay cidda ka dambeysa burburinta ka socota Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo qoraal dheer soo saartay ayaa ka hadashay xaaladda adag ee ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan burburinta dhulalka danta guud ee ku yaalla caasimada.

Faa’iso ayaa qoraalkeeda ku sheegtay waxa socda inay yihiin wax lala yaabo oo murugo xambaarsan, iyada oo xustay in xili roobaadkan la burburinayo goobo ay ku noolaayeen dad dan-yar ah.

Sidoo kale, waxa ay shaki gelisay cidda ka dambeysy burburinta lagu hayo guryaha shacabka, iyadoo tilmaamtay in jiraan gacmo ka baxsan dowladda.

“Waxaan aaminsanahay in arinki sida lamaleynaayo uu Ka duwan yahay cida duminta iyo baabi’inta ku wada Dalkana ay tahay cid ka weyn dowlada hada jirto , Dowladuna ay tahay fulinta baabi’inta taariikhda Dalka ayada oo aan fahamsaneyn,” ayay ku tiri warsaxaafadeedka.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran;-

Waxaa layaab ah in ayadoo roobab xoogan da’ayaan laguna jiro xili roobaad, la duminaayo meelo taariikhi ah oo ay daganyihiin shacabka Soomaaliyeed ku wooodi ugu muhiimsanaa. Waxey ka dhigan tahay in dowladu dumineyso Buuulo Shiidle, Buulo Israafiil, Buulo Daauud, Buulo Gaaljedel, Buulo Maaxaay, Buulo Waayaabee, Buulo Tookiyo, Buulo Ceel hindi, Masaajidyadii ugu caansanaa Xamar Iskool Buluusiyo ilaa Celasha Biyaha .

In la tirtiraayo taariiikhihi qadiimiga ahaa ee dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed. Waxaan aaminsanahay in arinka sida la maleynaayo uu ka duwanyahay cida duminta iyo baabi’inta ku wada dalkana ay tahay cid ka weyn dowladda hadda jirto, dowladuna ay tahay fulinta baabi’inta taariikhda dalka ayada oo aan fahamsaneyn.

Sabaabtoo ah waxaa la sheegaa dowladdu in ay lacag qaadato si loo dumiyo dhulalkan taariikhiga ah.

Lacagta waxaa siiyo oo qandaraasyadaas wato dad aan taariikh ganacsi iyo lacago la ogyahay heysan qaarkood ay wataan baasabooro aan Soomaali ahayn yaa ii sheegi kara meelaha ay ka keenaan lacagaha faraha badan oo wadadi saxda aheyd ka leexiyay dowladdii Soomaaliyeed ee ma’suulka ka aheyd dadka ay shaqada ka dhigatay dhibaateyntooda?

Qof kasta oo xog ka heysa meelaha ay lacagahaas dalka ka soo galaan jawaabteedu waa muhiin.

Maanta kuma eka aduunyadu bari ayaa jirta dalka cidna kaama leh badbaadintiisu waa waajib diini ah oo ku saaran.

Daawo: Xasan Sheekh oo kasoo jawaabay cabashadii Sheekh Yaasheyga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg-deg ah uga soo jawaabay cabasho maanta kasoo yeertay Sheekh Qaasim Yaasheyga oo ah 95 sano jir arraga la’, kaas oo laga burburiyay gurigiisa oo ku yaalla degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Sheekha oo goor sii horreysay la hadlay Warbaahinta ayaa cabasho ka muujiyay Cagafta la geliyay gurigiisa, waxaana si deg-deg ah uga soo jawaabay madaxweynaha oo amar culus siiyay guddoomiye Muungaab.

Agaasimaha Warfaafinta Gobolka Banaadir, Xuseen Cabdulle oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in la xalliyay cabashadii Sheekh Yaasheyga oo ah Sheekh da’ah, sidoo kalena ah Imaam masjid oo caan ka ah degmada Shibis.

“Iyadoo la fulinayo amarka Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh ayaa la xaliyay cabashadii uu muujiyay Sheekh Yaasheyga oo kamid ahaa culimada caanka ah degmada Shibis ee Gobolka Banaadir,” ayuu yiri Xuseen Cabdulle.

Intaas kadib waxaa mar kale soo hadlay Sheekh Yaasheyga oo u mahadceliyay madaxweynaha iyo maamulka gobolka Banaadir oo tixigeliyay cabashadiisa.

“Walaalkeygii Muungaaboow Khayrkaaga waa isoo gaaray waa iga farxiseen, fariintana waa arkay waxaa laygu yiri waa laguu cabiraa waxna malaaga rabo, waxaan ku faraxdiin Alle ha’idin siiyo,” ayuu isna ugu duceeyay Sheekha.

Arrintan ayaa dhalisay fal-celin, iyada oo madaxeynaha iyo duqa Muqdisho lgu boggaadiyay inay usoo jaween Sheekh Yaasheyga oo ah nin danyar ah oo hadane araga la’, kaas oo sheegay in uu haysan dhaqaale uu ku dhisay gurgiisa, maadaama loo sheegay in waddooyin loo bixinayo xaafadda uu dagan yahay.

Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo la xiriirta doorashada Koonfur Galbeed

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta doorashada Maamulka Koonfur Galbeed, xilli loo saadaalinayo xilka madaxweynaha.

Sheekh Aadan Madoobe oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada Koonfur Galbeed, ayaa maanta ka qayb-galay doorasho uu sameeyay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee (JSP), gaar ahaan doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Baarlamaanka.

“Waxaan maanta ka qeyb galay doorasho hoosaadka Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP, gaar ahaan Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Sheekh Aadan.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in doorashooyinkan ay bilow u yihiin mida madaxweynaha oo la filayo inay dhawaan ka dhacdo magaalada Baydhabo.

“Doorashada oo u dhaceysay hab online ah ayaa waxa ay bilow u tahay doorashooyinka ilaa heer hogaamiye ee dhowaan sida rasmiga ah uga bilaaban doona deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,” ayuu sii raaciyay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhawaan loo gartay inuu noqdo musharraxa ugu culus ee xilka Koonfur Galbeed, gaar ahaa JSP, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulkaas ay u arkaan musharrax ay dhabarka ku wado Villa Somalia.

Arrintan ayaa tartanka ka dhigeysa mid aan u muuqan mid furan, gaar ahaan maadaama Baydhaba ay hadda ku jirto marxalad kala-guur ah oo dowladda federaalka ay saameyn xooggan ku leedahay.

Si kastaba, Baydhaba ayaa haatan martigelineysa mas’uuliyiin kala duwan, waxaana magaalada ka socda shirar siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyo xooggan.

Xiisadda Turkiga iyo Israel oo cirka isku shareertay: Dagaal miyaa soo socda?

Ankara (Caasimada Online) – Xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Turkiga iyo Israa’iil ayaa gaaray heerkii ugu xumaa sannadihii u dambeeyay, iyadoo ay sii kordheyso cabsi laga qabo in xiisaddaasi isu beddesho isku dhac militari.

Labada dal ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay si tartiib-tartiib ah ugu sii kala fogaanayay dhinacyada siyaasadda iyo amniga, iyadoo hadallada kulul ee hoggaamiyeyaashu is dhaafsanayaan ay xaaladda sii murjinayaan.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa 11-kii April si kulul u weeraray madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, isaga oo ku eedeeyay inuu taageero siinayo waxa uu ku tilmaamay “maamul ay Iiraan gadaal ka riixeyso”, isla markaana uu cadaadis ku hayo dadka Kurdiyiinta ah.

Erdogan ayaa isna 15-kii April khudbad uu jeediyay ku eedeeyay Israa’iil, isaga oo sheegay inay iska indhatireen khasaaraha ka dhacay Gaza, isla markaana ay isku dayayaan faragelin ka dhan ah amniga Turkiga, iyaga oo adeegsanaya arrimaha Kurdiyiinta.

Hadalladan is-dhaafsiga ah ayaa sare u qaaday xiisadda, iyadoo dhinacyadu ay si toos ah isu weerarayaan dhanka warbaahinta iyo masraxyada siyaasadda.

Falanqeeyayaal la hadlay warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegay in khatarta isku dhac militari ay sii kordheyso, inkasta oo labada dal ay weli wadaan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu xakameynayo xaaladda.

Xiisadda u dhaxaysa Ankara iyo Tel Aviv ayaa si weyn u sii xumaatay kadib weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii October 2023 iyo jawaabtii militari ee xoogganayd ee Israa’iil ka fulisay Marinka Gaza.

Turkiga ayaa si cad u cambaareeyay hawlgallada Israa’iil, isaga oo ku tilmaamay xasuuq ka dhan ah shacabka Falastiiniyiinta, halka Israa’iil ay ku eedeysay Ankara inay garab siinayso kooxaha ka soo horjeeda.

Dhinaca kale, Ankara ayaa qaaday tallaabooyin dhaqaale oo ka dhan ah Israa’iil, iyadoo ku dhawaaqday inay joojisay ganacsigii kala dhexeeyay, arrintaas oo sii xoojisay khilaafka labada dhinac.

Si kastaba, inkastoo xiisaddu cirka isku shareertay, haddana waxaa jira dadaallo hoose oo ay wadaan dalal iyo hay’ado caalami ah, kuwaas oo lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda, si looga hortago isku dhac toos ah oo ka dhex qarxa Turkiga iyo Israa’iil.

Kenya oo malaayiin dollar ka heshay Israa’iil + ujeedka ka dambeeya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa Israa’iil ka heshay lacag dhan 6 bilyan oo shilinka Kenya ah, una dhiganta ku dhowaad $47.5 milyan oo dollar.

Lacagtan oo ah amaah ayey Kenya waxay u aadegsan doontaa xoojinta awooddeeda dhinaca milateriga, gaar ahaan dhismaha nidaam difaac oo hawada ah.

Wararka laga helayo ilo ka tirsan xukuumadda Nairobi ayaa sheegaya in lacagtan lagu maalgelinayo iibsashada qalab casri ah oo difaaca hawada ah, si looga hortago weerarro suurtagal ah oo gantaallo ama hub kale lagu soo qaado.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa tilmaamay in qorshahan uu qeyb ka yahay istiraatiijiyad ballaaran oo lagu casriyeynayo ciidanka dalka, iyadoo diiradda la saarayo ka hortagga khataraha ka imaan kara hawada sare.

Nidaamka cusub ee Kenya ay qorsheyneyso inay hesho ayaa la sheegay inuu awood u yeelan doono burburinta diyaaradaha qumaatiga u kaca, kuwa aan duuliyaha lahayn (drones), iyo hubka hagista leh ee si sax ah loo hago.

Sidoo kale, Kenya ayaa dadaal ugu jirta inay la jaanqaaddo dalalka horumaray marka la eego dhinaca milateriga, iyadoo sare u qaadaysa iskaashiga ay la leedahay quwadaha caalamiga ah.

Xukuumadda Nairobi ayaa heshiisyo kala duwan la gashay dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Israa’iil, kuwaas oo door muuqda ka qaadanaya hirgelinta qorshahan cusub ee difaaca.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada amni ee gobolka, taas oo Kenya ku riixaysa inay xoojiso awooddeeda difaac si ay uga hortagto khatar kasta oo kusoo fool leh.

Somalia denies expelling UAE ambassador amid strained ties

Mogadishu, Somalia — Somalia on Tuesday denied reports that it had ordered the expulsion of the United Arab Emirates ambassador, saying it had issued no such decision.

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation said it had noted “with strong concern” claims circulating in some media outlets and on social media that the government had decided to expel the UAE envoy from Mogadishu.

“The Ministry firmly rejects these claims,” it said in a statement dated May 5.

It urged media organisations and social media users to show “accuracy, professionalism and responsibility” and to rely on official sources.

The ministry also warned against “the spread of misinformation aimed at undermining diplomatic relations between Arab nations”.

The statement did not identify the source of the reports. It also announced no change to the status of the UAE diplomatic mission in Mogadishu.

UAE President Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan appointed UAE ambassador Ahmed Jumaa Mohamed Hathboor Alremeithi in September 2022, and Alremeithi presented his credentials to President Hassan Sheikh Mohamud later that year.

Cancelled agreements

The denial followed Somalia’s decision in January to cancel agreements with the UAE, including port, defence and security arrangements.

Somalia’s cabinet said at the time that the decision followed what it called “credible reports and compelling evidence” of actions that undermined “national sovereignty, territorial unity, and the political independence of the country”.

The government said the decision covered agreements and partnerships involving the ports of Berbera, Bosaso and Kismayo, as well as bilateral security and defence cooperation.

The decision came after Israel became the first UN member state to recognise Somaliland, Somalia’s north-western breakaway region, on December 26.

Somalia did not publicly cite Israel’s recognition of Somaliland as a reason for cancelling the UAE agreements.

But sources familiar with the matter told Somalia Today in January that Mogadishu suspected Abu Dhabi had played a role in facilitating the Israeli move, which Somalia rejected as a violation of its sovereignty.

The UAE has not publicly accepted any such allegation.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991, but the African Union and the United Nations have not recognised it as an independent state.

Previous tensions

Somalia and the UAE have had previous diplomatic disputes.

In 2018, Somali security officials seized nearly $10 million from a UAE aircraft at Mogadishu airport.

Somalia said at the time that the money had entered the country without proper clearance. The UAE said it intended the funds to support Somali security forces.

Relations improved after Hassan Sheikh Mohamud returned to the presidency in 2022, when Somalia and the UAE resumed security and development cooperation.

While those ties are severely strained once again, the foreign ministry’s swift dismissal of the expulsion rumours shows a deliberate effort to contain the fallout and keep formal diplomatic channels open

Golaha Mustaqbalka oo shuruudo ku xiray ka qeyb-galka gogosha Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shuruud cusub ku xiray ka qayb-galka gogosha wada-hadal ee dhawaan uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Mucaaradka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada-hadal, haddii madaxweynuhu joojiyo doorashada halka dhinac ah, lana helo dhex-dhexaadiyayaal lagu qanci karo.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si taxaddar iyo masuuliyad leh u soo dhoweynayaa casuumaadda Madaxweynaha ee ku aaddan wadahadalka la qorsheeyey 10-ka May 2026,” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxaa intaa dheer in casuumaadda uu haatan fidiyey uu maalinkii ka dib ku dhawaaqay jadwalka doorasho hal dhinac ah, welina ay sii socoto barakicintii dadka, xarigii dhalinyarada, taas oo caddeyn u ah in casuumaaddi aysan qoral dhaafsiisnayn, welina uusan diyaar u ahayn wadahadal dhab ah.”

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran:

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si taxaddar iyo masuuliyad leh u soo dhoweynayaa casuumaadda Madaxweynaha ee ku aaddan wadahadalka la qorsheeyey 10-ka May 2026.

Goluhu wuxuu caddeynayaa inuu hore si niyad-sami iyo daacadnimo leh uga qayb qaatay wadahadallo, xilli uu Madaxweynuhu ku barbar waday tallaabooyin uu si sharci-darro ah ugu beddelayey dastuurka dalka.

Waxaa intaa dheer in casuumaadda uu haatan fidiyey uu maalinkii ka dib ku dhawaaqay jadwalka doorasho hal dhinac ah, welina ay sii socoto barakicintii dadka, xarigii dhalinyarada, taas oo caddeyn u ah in casuumaaddi aysan qoral dhaafsiisnayn, welina uusan diyaar u ahayn wadahadal dhab ah.

Goluhu wuxuu mar kale adkaynayaa sida ay uga go’an tahay ka-qaybgal wadahadal dhab ah oo heshiis qaran looga gaarayo doorashooyinka dalka, hase yeeshee wuxuu aaminsan yahay in wadahadal dhab ahi uusan suurta gal noqon karin iyadoo ay barbar socdaan tallaabooyin lid ku ah wada-xaajoodka iyo is-afgaradka.

Haddaba, Goluhu wuxuu caddeynayaa inuu diyaar u yahay wadahadal, haddii uu Madaxweynuhu qaado tallaabooyinkan soo socda:

1. In uu muujiyo daacadnimo dhab ah oo ku aaddan wadahadalka, joojiyana tallaabooyinka doorasho ee hal dhinac ah ee natiijadeeda la sii ogyahay, balse qof iyo cod ku magacaaban.

2. In la helo hannaan dhex-dhexaadin madax-bannaan oo la isku raacsan yahay.

Goluhu wuxuu si cad u adkaynayaa in heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka la gaaro ka hor 15-ka May 2026 oo ku eg muddada xilka Madaxweynaha.

Haddii taasi dhici weydo, Goluhu isagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed wuxuu qaadi doonaa tallaabooyin masuuliyadeed oo lagu badbaadinayo midnimada iyo jiritaanka dowladnimada dalka.

Maxaa ka jira in DF Soomaaliya ay cayrinayso safiirka Imaaraadka Carabta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay warar lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar, kuwaas oo sheegayay in la cayrinayo Safiirka Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa si cad loogu beeniyay wararkaasi, iyadoo lagu tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana marin-habaabinaya dadweynaha.

Wasaaraddu waxay sheegtay in wararka noocan ah ay dhaawac u geysan karaan xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo lagu tilmaamay mid muhiim u ah labada dal.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa hoosta ka xariiqday in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu yahay mid taariikhi ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyo badan leh, isla markaana aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ugu baaqday warbaahinta gudaha iyo tan caalamiga ah inay muujiyaan xirfad iyo mas’uuliyad dheeraad ah marka ay tabinayaan wararka la xiriira arrimaha dibadda.

Waxay sidoo kale ku adkaysay in wararka rasmiga ah laga helo ilo lagu kalsoon yahay, si looga fogaado faafinta xog khaldan oo keeni karta jahawareer iyo saameyn taban.

Ugu dambeyntiina, wasaaradda waxay ka digtay faafinta warar been-abuur ah oo lagu wiiqayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka Carabta, iyadoo xustay in tallaabooyin laga qaadi karo cid kasta oo ku kacda falalka noocaas ah.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan baabi’isay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay la gashay Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.

Go’aankaas ayaa yimid kaddib kulan ay yeesheen Golaha Wasiirrada Soomaaliya, iyadoo lagu sababeeyay falal lagu tilmaamay kuwo wax u dhimaya midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Xog: Imaaraadka Carabta oo afar waddan ku riixaya in ay aqoonsadaan Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waddo dadaal ay ku dooneyso in dalal cusub ay aqoonsadaan maamulka Somaliland, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo diblomaasiyadeed iyo sirdoon oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in Abu Dhabi ay si gaar ah ula shaqeyneyso dalalka Eswatini, Argentina, Zambia iyo Dominican Republic, si loogu riixo inay aqoonsadaan maamulka Hargeysa, bilo kadib markii Israel ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

Sida ay xogtu sheegeyso, tallaabadan ayaa dhici karta ka hor ama ku beegnaan karta 18-ka May, maalinta ay Somaliland u dabaaldegto waxa ay ku sheegto inay dib ula soo noqotay madax-bannaanideedii Soomaaliya inteeda kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa Somaliland u aragta qeyb ka mid ah dhulkeeda, waxayna si joogto ah uga digtay in aqoonsi kasta oo shisheeye uu dhaawacayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, kadib burburkii dowladdii dhexe, balse muddo ka badan soddon sano ma aysan helin aqoonsi caalami ah oo rasmi ah ilaa go’aankii Israel ee sanadkii hore.

Dadaalka aqoonsiga

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Eswatini iyo Argentina ay yihiin labada dal ee ugu dhow inay qaadaan tallaabada aqoonsiga, inkastoo aysan weli jirin go’aan kama dambeys ah oo la xaqiijiyey.

Eswatini, oo ah boqortooyo yar oo ku taalla koonfurta Afrika, ayaa ka mid ah dalal aad u kooban oo dunida ka tirsan oo weli xiriir diblomaasiyadeed rasmi ah la leh Taiwan. Waa dalka kaliya ee Afrika ku yaalla ee aqoonsan Taipei.

Taiwan iyo Somaliland, oo labaduba wajahaya diidmo xooggan oo uga imaaneysa dowlado waaweyn oo ay ka tirsan yihiin, ayaa sanadkii 2020 xafiisyo wakiillo ah ka kala furtay Hargeysa iyo Taipei.

Mas’uuliyiin Soomaali ah ayaa rumeysan in Abu Dhabi ay isku dayeyso inay tusaalaha Taiwan u adeegsato sidii Eswatini loogu riixi lahaa tallaabo la mid ah oo ku saabsan Somaliland.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in Imaaraadka uu Eswatini u ballanqaaday taageero dhaqaale oo xooggan haddii ay aqoonsato Somaliland, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin inta uu le’eg yahay ballanqaadkaas.

Argentina ayaa sidoo kale si dhow looga eegayaa Muqdisho, sababo la xiriira madaxweyne Javier Milei, oo si weyn u taageera Israel, isla markaana caan ku ah inuu jebiyo xeerar badan oo diblomaasiyadeed oo dalal badan ay ku dhaqmaan.

Milei ayaa taageerada Israel ka dhigay tiir muhiim ah oo ka mid ah siyaasaddiisa arrimaha dibadda, wuxuuna horey u ballanqaaday in safaaradda Argentina loo wareejin doono Qudus. Ilo-wareedyada Soomaalida ah ayaa sheegay in Abu Dhabi ay Tel Aviv u adeegsaneyso sidii Buenos Aires loogu qancin lahaa inay aqoonsato Somaliland.

Waxay sidoo kale sheegeen in dhibaatooyinka dhaqaale ee ba’an ee Argentina ay abuuri karaan fursad uu Imaaraadka kaga faa’iideysto cadaadis ama dhiirrigelin dhaqaale.

Caqabadda Midowga Afrika

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in xog badan aysan ka hayn heerka ay Dominican Republic u dhowdahay inay aqoonsato Somaliland.

Hase yeeshee, waxay sheegeen in Zambia ay aad ugu yar tahay inay qaaddo tallaabadaas, inkastoo uu jiro cadaadis uga imanaya Imaaraadka, sababtoo ah waxay xubin ka tahay Midowga Afrika.

Midowga Afrika ayaa si weyn uga soo horjeeda tallaabo kasta oo dhaawici karta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah ururka. Mabda’an ayaa muddo dheer udub dhexaad u ahaa siyaasadda qaaradda, maadaama dalal badan ay ka cabsi qabaan in furitaanka doodda xuduudaha uu hurin karo colaado gooni-u-goosad ah.

Soomaaliya ayaa Imaaraadka ku eedeysay inuu sanadihii dhowaa waday siyaasad cadaawad ku dhisan oo lagu wiiqayo dowladda federaalka, laguna taageerayo qorshayaal gooni-u-goosad ah.

Xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi ayaa si weyn u xumaaday kadib markii Israel ay Somaliland aqoonsatay bishii December 2025, tallaabo ay mas’uuliyiin Soomaali ah rumeysan yihiin in Imaaraadka uu door ku lahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa 12-kii Janaayo xiriirka u jartay Imaaraadka, waxayna baabi’isay dhammaan heshiisyadii ay la gashay Abu Dhabi, oo ay ku jireen heshiisyo la xiriira difaaca, amniga iyo dekedaha.

Muqdisho ayaa sheegtay in go’aankaas uu ahaa mid lagu difaacayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Imaaraadka si rasmi ah ugama jawaabin eedeymahaas.

Farriinta Abu Dhabi

Ilo-wareedyada Soomaalida ah ayaa sheegay in ay jirto suuragalnimo ah in Imaaraadka qudhiisa uu ugu dambeyn aqoonsado Somaliland, inkastoo ay rumeysan yihiin in Abu Dhabi ay marka hore dooneyso in dalal kale ay ka horreeyaan.

Tuhunkaas ayaa sii xoogaystay kadib markii Amjad Taha, oo ah falanqeeye Imaaraati ah oo bartiisa X ku sheegta khabiir ku xeel dheer arrimaha istaraatiijiyadda iyo siyaasadda Bariga Dhexe, uu 2-dii May qoray: “Somaliland-ra dimoqraaddiga ah ee quruxda badan waxay dhowaan yeelan doontaa safiir Carbeed iyo safaarad.”

Hadalkan ayaa Muqdisho ka abuuray tuhun ah in Abu Dhabi ay diyaarineyso tallaabo diblomaasiyadeed, inkastoo uusan magacaabin dalka Carbeed ee arrintaas ku lug leh.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa sidoo kale yimid kadib markii madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu 23-kii April safar ku tagay Imaaraadka Carabta. Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in safarkaas uu ku yimid casuumaad rasmi ah oo uga timid Abu Dhabi, isla markaana uu halkaas ku sugnaa dhowr maalmood.

Mas’uuliyiin Soomaali ah ayaa rumeysan in safarkaasi qeyb ka ahaa isku dubbaridka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Imaaraadka iyo Hargeysa kadib aqoonsigii Israel.

Imaaraadka ayaa muddo dheer xiriir xooggan la lahaa Somaliland, gaar ahaan heshiiskii shirkadda DP World ee sanadkii 2016 lagu siiyey horumarinta iyo maareynta dekedda Berbera.

Dekedda Berbera ayaa muhiim u noqotay danaha istaraatiijiyadeed ee Abu Dhabi ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, iyadoo Imaaraadka siisay saldhig ganacsi oo ku dhow marin-biyood muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.

Somaliland ayaa xiriirkaas u adeegsatay inay muujiso inay awood u leedahay maareynta maalgashi shisheeye, iskaashi amni iyo xiriirro caalami ah oo aan soo marin Muqdisho.

Hase yeeshee, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo dheer ka carootay xiriirka tooska ah ee Imaaraadka iyo Hargeysa, iyadoo ku doodeysa in heshiis kasta oo khuseeya dhulka Soomaaliya uu waajib ku yahay inuu maro dowladda dhexe.

Mas’uuliyiin Soomaali ah ayaa rumeysan in dadaalka aqoonsiga ee Abu Dhabi uusan ahayn mid diblomaasiyadeed oo keliya, balse uu sidoo kale la xiriiro danaha fog ee Imaaraadka ee Berbera iyo guud ahaan marinada Badda Cas.

Xaqiiqada dhulka

Doodda Somaliland ee aqoonsiga ayaa si weyn ugu tiirsan sheegashada xuduudihii maxmiyaddii hore ee British Somaliland, oo sanadkii 1960 la midowday Soomaaliya Talyaanigu maamuli jiray, si loo dhiso Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Laakiin sheegashadaas ayaa wajahday cadaadis xooggan oo dhanka dhulka ah.

Somaliland ayaa lumisay gacan-ku-heynta gobolka Sool kadib markii ciidamadeeda laga saaray Laascaanood sanadkii 2023, kaddib bilo dagaal ah oo ay la gashay xoogag deegaan oo ka soo horjeeday maamulka Hargeysa.

Qeybo ka mid ah Sanaag ayaa sidoo kale weli lagu muransan yahay, halka maamulka cusub ee Waqooyi Bari, oo taageersan midnimada Soomaaliya, uu ka dhashay dhul ay Somaliland muddo dheer sheeganaysay inuu ka tirsan yahay.

Awdal, oo ku taalla galbeedka Somaliland, ayaa iyadana laga dareemayaa mowjado xooggan oo taageersan midnimada Soomaaliya, iyo diidmo sii kordheysa oo ka dhan ah mashruuca gooni-u-goosadka Hargeysa.

Mas’uuliyiin Soomaali ah ayaa sheegaya in xaqiiqooyinkaas ay muujinayaan in aqoonsi shisheeye oo keliya uusan xallin karin su’aasha ugu weyn ee ah: dhulkee ayay Somaliland si dhab ah u maamushaa?

Waxay ku doodayaan in xitaa haddii dalal dheeraad ah ay aqoonsadaan Somaliland, khariidadda siyaasadeed iyo tan dhuleed ee dhabta ah ay adkeyn karto in maamul la aqoonsaday uu si rasmi ah ugu shaqeeyo dhammaan xuduudaha gumeysigii hore ee uu sheeganayo.