29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Trump oo ku amray Israa’iil in aysan dib dambe u weerarin…

Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay inuu ku wargeliyay Israa’iil inaysan dib u soo celin weeraradii ay ku qaadday kaabayaasha gaaska dabiiciga ah ee Iiraan, kadib markii duqeymo aargoosi ah oo is-daba joog ah oo lala beegsaday xarumaha tamarta gobolka ay cirka u direen qiimaha shidaalka. 

Hadalka Trump ayaa imanaya xilli qiimaha tamartu uu si ba’an sare ugu kacay Khamiistii, kadib markii Iiraan oo ka jawaabaysa weerar ay Israa’iil ku qaadday xarun weyn oo gaaska laga soo saaro, ay duqaysay Magaalada Warshadaha ee Ras Laffan ee dalka Qadar.

Xaruntan ayaa sifeysa ku dhawaad shan-meelood meel gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ee caalamka, waxaana gaaray burbur lixaad leh oo qaadan doona sanado in dib loo dayactiro.

Sidoo kale, waxaa weerar lala beegsaday dekedda weyn ee Sacuudi Carabiya ay ku leedahay Badda Cas, halkaas oo ay xukuumadda Riyadh u weecisay qayb ka mid ah dhoofinteeda shidaalka si ay uga badbaaddo xannibaadda ay Iiraan saartay Marinka Hormuz oo ah barta looga baxo Gacanka Khaliijka.

Duqeymahan ayaa hoosta ka xariiqaya awoodda Iiraan ay weli u leedahay inay qiimo culus ka qaaddo ololaha Mareykanka iyo Israa’iil, waxayna bannaanka soo dhigeen xaddidnaanta nidaamyada difaaca hawada ee ilaalinta hantida tamarta ugu qaalisan uguna istaraatiijisan ee dalalka Khaliijka.

Madaxweyne Trump, oo culeys siyaasadeed iyo mid doorasho kala kulmaya sicir-bararka shidaalka ee saameynaya taageerayaashiisa asaasiga ah, ayaa si kulul u dhaliilay xulafadiisa oo si taxaddar iyo caga-jiid leh uga falceliyay dalabaadkiisa ahaa inay gacan ka geystaan sugidda amniga Marinka Hormuz, kaas oo ay marto boqolkiiba 20% shidaalka adduunka.

Balse wuxuu xaqiijiyay inuu u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuusan ku celin weerarada xarumaha tamarta.

“Waxaan ku iri, ‘Ha sameynin taas’, mana sameyn doono,” ayuu wariyeyaasha ugu sheegay Xafiiska Oval ee Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan, Sanae Takaichi.

Inkastoo sarkaal Mareykan ah iyo saddex xubnood oo xog-ogaal ah ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters in Trump uu ka fiirsanayo inuu kumanaan ciidamo dheeraad ah u daadgureeyo Bariga Dhexe, haddana kulankii uu la yeeshay Takaichi wuxuu ku adkeystay inuusan qorsheynaynin inuu ciidamo dhulka ah daadgureeyo. “Ciidamo meelna geyn maayo,” ayuu si cad u yiri madaxweynuhu.

Iyadoo uusan muuqan dhammaadka dagaalka oo haatan galay toddobaadkii saddexaad, isla markaana ay sii kordhayso cabsida laga qabo ‘naxdin shidaal’ oo caalami ah, dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Nederlands iyo Japan ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku muujinayaan inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan dadaallada ku habboon ee lagu xaqiijinayo in si nabad ah loogu kala goosho Marinka Hormuz.

Waxay sidoo kale ballanqaadeen inay qaadi doonaan tallaabooyin lagu xasillinayo suuqyada tamarta, oo ay ku jirto in dalalka wax soo saara lagala shaqeeyo sidii loo kordhin lahaa dhoofinta shidaalka.

Bayaanka ayaan bixin wax faahfaahin ah oo muujinaya tallaabo degdeg ah.

Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz ayaa ku celiyay in gacan kasta oo laga geysto sugidda marinka ay imaan doonto oo keliya marka si buuxda loo joojiyo colaadda. Ka-cagajiidka xulafada Yurub ayaa ka turjumaya shaki weyn oo ay ka qabaan dagaalkan, kaas oo madaxda Yurub ay ku tilmaameen mid leh ujeeddooyin aan caddeyn, aysan iyagu doonin, awood badanna aysan ku lahayn maamulkiisa.

Gaar ahaan, duqeyntii Israa’iil ee xarunta gaaska South Pars ee Iiraan—taas oo Trump uu sheegay in Washington aysan ka warqabin—ayaa muujisay inuu jiro kala-qob-qob dhanka isku-duwidda istaraatiijiyadda iyo yoolalka dagaalka ee u dhexeeya labada xulafo. Si jahawareerka loo sii kordhiyo, saddex sarkaal oo Israa’iiliyiin ah ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaas lagala tashaday Mareykanka, balse aan la filaynin in dib loogu celiyo.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa horay u sheegay in yoolalka Washington ee dagaalkan ay yihiin kuwo “aan isbeddelin, bartilmaameedkoodana saaran.”

Balse Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka, Tulsi Gabbard, ayaa guddiga sirdoonka ee Aqalka Wakiilada u xaqiijisay in yoolalka Washington iyo Tel Aviv ay kala duwan yihiin.

Waxay xustay in dowladda Israa’iil ay diiradda saarayso curyaaminta hoggaanka Iiraan, halka madaxweyne Trump uu doonayo inuu burburiyo awoodda Iiraan ee rididda iyo soo-saaridda gantaallada, iyo waliba awoodda ciidamadooda badda.

Afhayeen u hadlay milateriga Iiraan, Ebrahim Zolfaqari, ayaa sheegay in weerarada lagu qaaday kaabayaasha tamarta ee dalkiisa ay horseedeen weji cusub oo dagaalka ah, isagoo ku hanjabay: “Haddii la soo celiyo duqeymaha ka dhanka ah xarumaha tamartayada, weerarada aan ku hayno kaabayaashiinna tamarta iyo kuwa xulafadiinna ma istaagi doonaan ilaa si buuxda loo burburiyo.”

Madaxa shirkadda QatarEnergy ayaa xaqiijiyay in weerarada Iiraan ay meesha ka saareen lix-meelood meel awooddii dhoofinta LNG ee Qatar, taas oo u dhiganta dakhli dhan $20 bilyan sanadkii, wuxuuna xusay in dayactirku uu qaadan doono saddex ilaa shan sano.

Tan iyo Arbacadii, weerarada Iiraan waxay sidoo kale ku qasbeen Imaaraadka inuu xiro xaruntiisa gaaska ee Habshan, waxayna dab qabadsiiyeen laba warshadood oo lagu sifeeyo shidaalka oo ku yaalla dalka Kuweyt. Sidoo kale, warbaahinta Israa’iil ayaa werisay in duqeyn Iiraan ay beegsatay xarumaha shidaalka ee dekedda Haifa, inkastoo uusan dhalin khasaare nafeed.

Burburka dhaqaale ayaa si degdeg ah looga dareemay suuqyada caalamka. Qiimaha saliidda ceyriin ee Brent ayaa kor u kacay ku dhawaad 3% isagoo gaaray $110.35, kadib markii uu horay u kacay 10% kahor inta aan la soo saarin bayaanka wadajirka ah ee xulafada. Qiimaha gaaska ee Yurub ayaa isna kacay in ka badan 15%, isagoo guud ahaan sare u kacay in ka badan 60% tan iyo markii dagaalku bilowday.

Suuqyada saamiyada ee Japn iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa hoos u dhacay ku dhawaad 3%, halka suuqa Yurub iyo Wall Street ee Mareykanka ay iyaguna wajaheen hoos-u-dhac ballaaran.

Cabsi laga qabo in sicir-bararku uu waaro ayaa ku dhiirrigelisay Bankiga Dhexe ee Yurub (ECB) iyo Bankiga Ingiriiska inay deynta sidiisa ku hayaan, iyadoo maalgashadayaashii horay u rajeynayay in dulsaarka la dhimayo ay hadda filayaan in la kordhiyo dhamaadka sanadka. ECB ayaa haatan saadaalinaya in sicir-bararka sanadka 2026 uu gaari doono 2.6%, taas oo ka sarreysa 1.9% ee la saadaaliyay bishii Diseembar.

Shir madaxeed ka dhacay magaalada Brussels, madaxda Midowga Yurub ayaa gudo-galay raadinta siyaabo ay ku yareeyaan culeyska qiimaha tamarta ee saaran warshadaha iyo macaamiisha, kuwaas oo markii horeba la daalaa-dhacayay nolosha sii qaaliyoobaysa.

Ergeygii QM ee DF ay ka cayrisay Soomaaliya oo geeriyooday

New York (Caasimada Online) — Diblomaasigii rug-caddaaga ahaa ee u dhashay dalka Koonfur Afrika, Nicholas Haysom, kaas oo muddo-xileedkiisii gaabnaa balse qalalaasaha watay ee uu ahaa ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu raad ma guuraan ah ku reebay siyaasadda dalka, ayaa Arbacadii ku geeriyooday magaalada New York isagoo 73 jir ah, sida ay Khamiistii xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku tilmaamay Haysom, oo ahaa qareen ku takhasusay dastuurka iyo dhex-dhexaadiye xilliyadii dambe madax ka ahaa hawlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfur Suudaan, inuu ahaa “nabad-doon aan daalin.”

Xirfaddiisa diblomaasiyadeed ayaa ka soo bilaabatay xafiisyadii dowladdii cusbeyd ee dimoqraadiga ahayd ee Nelson Mandela ee Koonfur Afrika, isagoo gaaray qaar ka mid ah furimaha colaadaha ee ugu adag uguna jilicsan caalamka.

Balse gudaha Soomaaliya, Haysom waxaa si weyn loogu xusuustaa inuu sababay mid ka mid ah khilaafyadii diblomaasiyadeed ee ugu darnaa ee soo kala dhex gala Muqdisho iyo Qaramada Midoobay taariikhda dhow.

Isku-dhicii Muqdisho iyo QM

Guterres ayaa bishii September 2018 u magacaabay Haysom inuu noqdo wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya. Xilligaas, Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa door udub-dhexaad ah ku lahaa taageerada siyaasadda, isku-duwidda amniga iyo dhismaha dowladnimada dalka oo ka soo kabanayay bur-bur. Balse waqtigiisii Muqdisho ayaa si lama filaan ah ku soo idlaaday bilo gudahood.

1-dii Janaayo 2019, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inuu yahay shakhsi aan dalka laga rabin (Persona non grata), iyadoo ku amartay inuu si degdeg ah dalka isaga baxo, kuna eedaysay inuu si bareer ah u farageliyay arrimaha gudaha iyo madax-bannaanida dalka.

Khilaafkan qaraar ayaa dhashay kadib markii Haysom uu si toos ah u soo dhexgalay xiisad ka dhalatay xariggii bishii Diseembar 2018 loo geystay Mukhtaar Roobow, oo horay u ahaa ku-xigeenkii iyo afhayeenkii kooxda Al-Shabaab balse markii dambe isku soo dhiibay dowladda, kana mid noqday siyaasiyiinta u tartamaysay xilka madaxweynenimada maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika (AMISOM) ayaa soo xiray Roobow, taas oo dhalisay banaanbaxyo rabshado wata oo dhiig ku daatay oo ka dhacay magaalada Baydhaba.

Warqad adag oo uu u diray madaxda dowladda Soomaaliya, ayuu Haysom si furan su’aal uga keenay saldhigga sharciga ah ee xariggaas, wuxuuna weydiiyay tallaabooyinka ay dowladdu qaadday si loo baaro rabshadihii dhimashada sababay ee xariggaas xigay.

Xiisadda ayaa si degdeg ah isugu beddeshay isku-dhac fagaare ah oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Arrintan ayaa walaac qoto dheer ka abuurtay beesha caalamka, xilli dalka Geeska Afrika dhaca uu weli la tacaalayay dagaal adag oo lagula jiro kooxaha hubeysan, isla markaana uu isku dayayay inuu cago adag u yeelo hay’adaha jilicsan ee dowladda federaalka.

Dhacdadan ayaa iftiimisay xiisado hoose oo u dhexeeyay Muqdisho iyo maamul-goboleedyada. Madaxda deegaannada ayaa si isdaba joog ah ugu eedeynayay dowladda federaalka ee uu xilligaas hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) inay isku dayayso inay qaabeyso natiijooyinka siyaasadda dowlad-goboleedyada iyo inay awoodda isugu geyso bartamaha.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markii dambe muujiyay qoomamo qoto dheer oo ku aaddan go’aankii aan horay loo arag ee Soomaaliya ay dalka uga eriday ergeygii ugu sarreeyay ee QM, iyagoo dib u xaqiijiyay taageeradooda hawlgalka UNSOM balse carabka ku adkeeyay xasaasiyadda faragelinta caalamiga ah ee khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.

Dhaxal nabad-doon

Inkastoo xilkiisii Soomaaliya uu ahaa mid kooban, wuxuu noqday mid ka mid ah cutubyada ugu muhiimsan ee waayihiisa diblomaasiyadeed ee dheeraa ee gobolka. Wuxuu markii dambe noqday la-taliye gaar ah oo qaabilsan Suudaan iyo koonfurta Afrika.

Sanadkii 2021, Qaramada Midoobay ayaa u magacawday madaxa Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfur Suudaan (UNMISS), waana xilkiisii ugu dambeeyay ee sare ee uu ka qabto QM.

Mudadii uu joogay caasimadda Juba, Haysom wuxuu si joogto ah ugu boorriyay madaxda is-khilaafsan ee dalkaas inay fuliyaan heshiis nabadeed oo gaabis ahaa, ayna u diyaar-garoobaan doorashooyin muddo dheer dib u dhacay, isagoo inta badan Golaha Ammaanka uga digayay cawaaqibka ka dhalan kara fadhiidnimada siyaasadeed.

Geeridiisa ayaa ku soo beegmaysa xilli xiriirka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay uu galayo weji aad uga ka duwan kii hore. Hawlgalkii siyaasadeed ee muddada dheer soo socday ee UNSOM ayaa si rasmi ah u soo idlaaday bishii Oktoobar 2024, isagoo booska u banneeyay hawlgal xilliga kala-guurka ah oo kooban, kadib markii xukuumadda Muqdisho ay ku guuleysatay inay dhinto saameynta siyaasadeed iyo hawlgallada beesha caalamka ee gudaha dalka.

Kahor inta uusan ku biirin Qaramada Midoobay, Haysom wuxuu door muhiim ah ka qaatay isbeddelkii taariikhiga ahaa ee dimoqraadiyadda Koonfur Afrika.

Xilligii midab-takoorka (Apartheid), wuxuu ahaa qareen caan ah oo u dooda xuquuqda aadanaha, isagoo difaacay dacwado waaweyn oo ka dhan ah nidaamkii caddaanka tirada yaraa.

Wuxuu markii dambe noqday la-taliyaha sare ee dhanka sharciga iyo dastuurka ee madaxweynihii hore Nelson Mandela intii u dhaxaysay 1994 ilaa 1999, isagoo gacan weyn ka geystay qorista dastuurka dalkaas ee sida weyn loo ammaanay. Wuxuu sidoo kale si ballaaran uga shaqeeyay geeddi-socodka nabadda ee Burundi iyo Suudaan.

Balse gudaha Soomaaliya, Nicholas Haysom waxaa inta badan lagu xusuusan doonaa inuu ahaa ergeygii aan la gabban hadalka, kaas oo ku-adkeysigiisii difaaca xuquuqda aadanaha iyo habraaca caddaaladda uu isku dhac weyn kala kulmay dowlad xilligaas soo koreysay oo ay ka go’neyd inay muujiso madax-bannaanideeda iyo awoodeeda qaran.

Daawo: Sida maanta looga ciiday Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya, maalinta koowaad ee Ciidul-Fidriga, iyadoo inta badan salaadda ciidda lagu tukaday goobaha fagaarayaasha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta boqolaal ka mid ah ciidamada qaranka iyo dad shacab ah kula ciiday deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo kamid ah deegaanada dhowaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu jeediyay salaadda Ciidda kaddib ugu hambalyeeyay dhammaan Muslimiinta caalamka, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed, munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Fidriga oo ah astaan midnimo, is-jacayl iyo farxad.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geesiyaasha ciidamada qaranka ku ammaanay naf-hurnimada ay sameynayaan, xilli iyagoo sooman ay difaac uga jireen furimaha hore, si shacabku u helaan amni iyo xasillooni.

“Mashaariic waaweyn ayaa u soo socota deegaanka Gandarshe, waxaana dadka u soo socda mustaqbal aad u fiican,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxa uu shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inay garab istaagaan ciidamada, taageeraan isla markaana u gargaaran dadkeenna danyarta ah, kana shaqeeyaan danta guud.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta salaadda Ciidul-Fidriga shacabka caasimadda kula tukaday Masjid Jaamaca Weyn ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kumannaan muwaadiniin ahi si wadajir ah ugu oogeen salaadda Ciidda soon-qaad.

Cirro ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ummadda Somaliland gudaha iyo dibaddaba, isagoo tilmaamay in nabaddu ay tahay hanti qaran oo u baahan in si wadajir ah loo ilaaliyo loona adkeeyo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ganacsatada dalka ugu baaqay inay u diirnaxaan dadkooda, isla markaana muujiyaan mas’uuliyad qaran xilligan ay dunida ka jiraan colaado adag, iyagoo ilaalinaya xasilloonida suuqyada iyo danta guud ee bulshada.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu baaqay shacabka Somaliland inay garab istaagaan walaalahooda ay abaaruhu saameeyeen, isla markaana ay muujiyaan isu-naxariisasho iyo is-caawin, si looga gudbo xaaladaha adag ee nololeed ee haatan jira.

Si kastaba, munaasabadda Ciidul-Fidriga ayaa si weyn looga dabaaldegay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemayay saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay isku yimaadaan dadka.

Hoos ka daawo muuqaallada

TRUMP oo go’aan ka soo saaray in ciidamo dhulka ah loo diro Iiraan iyo in kale

Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii si cad u beeniyay wararka sheegaya inuu ciidamo dhulka ah uu daadgureynayo si ay gacan uga geystaan dagaalka uu dalkiisu ka wado Iiraan, isagoo weriyeyaasha u sheegay inuusan ciidamo geyn doonin “meelna.”

“Maya, ciidamo meelna geyn maayo,” ayuu yiri Trump mar uu ku sugnaa Aqalka Cad, kadib markii la weydiiyay inuu qorsheynayo inuu ciidamo horleh u diro Bariga Dhexe.

Wuxuu raaciyay hadal xasaasi ah isagoo yiri: “Haddii aan dirayo xitaa, hubaal idiinma sheegeen,” kahor inta uusan raacinin in Mareykanku uu sameyn doono “wax kasta oo lagama maarmaan ah si qiimaha shidaalka hoos loogu dhigo.”

Hadalladan ayaa imanaya xilli wakaaladda wararka ee Reuters ay werisay in maamulka Trump uu ka fiirsanayo inuu kumanaan askari oo Mareykan ah u daadgureeyo gobolka si ay u xoojiyaan howlgalkooda.

Saraakiisha ayaa miisaamaya hawlgal la doonayo in lagu sugo marin nabdoon oo ay maraakiibta shidaalku ku maraan Marinka Hormuz, iyadoo la adeegsanayo ciidamada cirka iyo kuwa badda. Marinkan ayaa si dhab ah u xirnaa tan iyo markii uu qarxay dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan, kaas oo bilowday 28-kii bishii Febraayo.

Maamulka Washington ayaa sidoo kale ka wada hadlay suurta-galnimada in ciidamo dhulka ah loo diro Jasiiradda Kharg ee Iiraan, halkaas oo ay ku taallo xarun kayd shidaal oo gacanta ku haysa boqolkiiba 90% dhoofinta shidaalka ee xukuumadda Tehran.

Ikhtiyaar kale oo miiska saaran ayaa ah in ciidamo Mareykan ah loo diro si ay ula wareegaan kaydka Yuraaniyamta sida weyn loo kobciyay ee dalkaas. Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyo ayaa Reuters u xaqiijiyay inaysan rumeysnayn in daadgureyn ciidamo dhulka ah oo la geeyo gudaha Iiraan ay tahay mid soo socota xilligan dhow.

Wada-hadalladan hoose ayaa soo baxaya xilli milateriga Mareykanku uu sii wado duqeymaha ba’an ee uu ku hayo ciidamada badda ee Iiraan, kaydadkooda gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo guud ahaan warshadaha difaaca ee dalkaas. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagon-ka, Mareykanka ayaa fuliyay in ka badan 7,800 oo duqeyn ah tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Ciidamada Mareykanka ayaa in ka badan 90 bartilmaameed ku duqeeyay Jasiiradda Kharg, in kasta oo ay bed-qab uga tageen kaabayaasha tamarta.

Haddii Washington ay isku daydo inay la wareegto gacan-ku-haynta Kharg, waxay u baahan doontaa ciidamo dhulka ah, taas oo halis weyn gelineysa nolosha askarta Mareykanka, maadaama ay u badan tahay in tallaabadaas ay dhalin doonto falcelin aargoosi oo aad u xooggan oo ka timaada Iiraan.

Dagaalkan khasaaraha badan dhaliyay ayaa durba galaaftay nolosha ugu yaraan 13 askari oo Mareykan ah, halka 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo 10 ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah, sida ay xaqiijisay waaxda gaashaandhigga.

Colaadda ayaa haatan ku dhow dhammaadka toddobaadkiisii saddexaad iyadoo uusan muuqan qorshe cad oo lagu soo gabagabeynayo.

Aqalka Cad ayaa isku diyaarinaya inuu Koongareeska weydiisto miisaaniyad dheeri ah oo dhan $200 bilyan oo doolar si loogu maalgeliyo ololaha milateri.

Arrintan ayaa dhalisay qeylo-dhaan xooggan oo ku aaddan in Mareykanku uu si qoto dheer ugu sii dhex milmayo dagaal uu markii hore Madaxweyne Trump ku tilmaamay mid qaadan doona oo keliya afar ilaa shan toddobaad.

Wasiirro caawa iska casilay DF Soomaaliya + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa is-casilay, xilli ay kasii dareyso xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirrada is-casilay ayaa kala ah laba wasiir ku-xigeen iyo hal wasiiru-dowle, kuwaas oo xilka u baneeyay sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan hoggaanka Villa Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed.

Wasiiraddan is-casilay ayaa la rumeysan yihiin inay bilow u yihiin qorshaha xubnaha Koonfur Galbeed uga dareerayaan Dowladda Federaalka, taas oo muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay xiisadda labada dhinac.

Xubnahan is-casilay ayaa kala ah: Wasiiru-dowlihii Wasaarada Qorsheynta XFS, Axmed Maxamed Mashruuc, Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS, Isaak Mohamud Mursal iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Maxamed Aadan Maxamed.

Xildhibaan Maxamed Aadan oo kamid ah saddexda wasiir ee caawa is-casilay ayaa sheegay in markii uu si dhab ah u qiimeeyay qaabka hoggaamineed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si muuqata uga leexday mas’uuliyaddii qaran ee loo igmaday.

“Waxaan qaatay go’aanka is-casilaadda, markaan arkay duullaanka qaawan, sharci darrada ah ee lagu soo qaaday Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo si toos ah uga hor imaaneysa dastuurka dalka iyo mabda’a federaalka.”

Wuxuu intaas sii raaciyay: “Markaan sidoo kale arkay in xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo aan deegaan wadaag nahay, loo adeegsaday qorshe siyaasadeed oo lagu burburinayo laguna wiiqayo nidaamka dowladnimo ee Koonfur Galbeed ayaa qaatay go’aankan.”

Mas’uulkan ayaa sheegay in damiirkiisu u oggolaan waayay inuu qayb ka sii ahaado hannaan siyaasadeed oo dalka u horseedaya dhibaato iyo colaad hor leh. “Sidaas darteed, waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.”

AADAN MADOOBE oo qoraal carro leh ka soo saaray is-hortaaga Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe ayaa si adag uga hadlay is-hortaaga safarkii uu maanta ku tegi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe oo soo saaray qoraal ay carro xooggan ka muuqato ayaa sheegay in si bareer ah Madaxweyne Lafta-gareen uga carqaladeeyay safarkiisa, taas oo keentay in safarkii guddoomiyuhu uu dib ugu soo noqdo Muqdisho.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu si weyn uga xun yahay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaadeen maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo sii cakiray xaaladda isla markaana carqaladeeyay dadaalladii lagu dejin lahaa xiisadda taagan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ahaa mid nabadeed, isla markaana ujeeddadiisu ahayd dejinta xaaladda, bilaabidda wada-hadal, iyo dhex-dhexaadin lagu xallinayo khilaafaadka jira, si looga hortago in xaaladdu isu beddesho qalalaase iyo gacan ka hadal.

“Tallaabooyinkii lagu hor istaagay socdaalkaas iyo xannibaadihii la sameeyay waxay lumiyeen fursad muhiim ah oo lagu yarayn lahaa xiisadda laguna gaari lahaa isfaham iyo wada shaqeyn,” ayaa lagu yiri qoraalka Guddoomiye Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu sheegay in socdaalkiisa uu hore ugu wargeliyay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, ayna isla ogaayeen, balse uu gadaal iska beddelay.

“Guddoomiyuhu asagoo tixgelinaya nidaamka dowladnimo waxa uu la hadlay Madaxweyne Lafta-gareen kuna wargeliyay socdaalkiisa iyo ujeedadiisa waxaana isla qaateen in maanta oo Khamiis ah lagu beego safarka laakiin arrintaas ay ku hirgeli waysay is-hortaag uu si bareer ah Madaxweyne Laftagareen ugu carqaladeeyay safarka Guddoomiyaha, taas oo keentay in safarkii Guddoomiyuhu uu dib ugu soo noqday Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Madoobe.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu si weyn uga xun yahay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaadeen maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo sii cakiray xaaladda isla markaana carqaladeeyay dadaalladii lagu dejin lahaa xiisadda taagan.

Guddoomiyuhu waxa uu caddeynayaa in socdaalkiisii nabadeed ee uu ku tegay deegaannada Koonfur-Galbeed uu ahaa mid ujeeddadiisu tahay dejinta xaaladda, bilaabidda wadahadal, iyo dhex-dhexaadin lagu xallinayo khilaafaadka jira, si looga hortago in xaaladdu isu beddesho qalalaase iyo gacan ka hadal.

Guddoomiyuhu asagoo tixgelinaya nidaamka dowladnimo waxa uu la hadlay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Laftagareen kuna wargeliyay socdaalkiisa iyo ujeedadiisa waxaana isla qaateen in maanta oo Khamiis ah lagu beego safarka laakiin arrintaas ay ku hirgeli waysay is-hortaag uu si bareer ah Madaxweyne Laftagareen ugu carqaladeeyay safarka Guddoomiyaha, taas oo keentay in safarkii Guddoomiyuhu uu dib ugu soo noqday Muqdisho.

Tallaabooyinkii lagu hor istaagay socdaalkaas iyo xannibaadihii la sameeyay waxay lumiyeen fursad muhiim ah oo lagu yarayn lahaa xiisadda laguna gaari lahaa isfaham iyo wada shaqeyn. Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu caddeynayaa inaan la aqbali karin in cid gooni ah isku gaarto yeesho arrimaha masiiriga ah ee dadka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo in lagu xadgudbo go’aannadii uu qaatay ama ahaa Madaxweynaha Laftagareen sida hirgelinta dhamaystirka dastuurka iyo hannaan dimuqraadiyadeedka dalka.

Guddoomiyaha waxa uu madaxda maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqayaa in ay ka fiirsadaan xaaladda iyo tallaabooyinka aan u adeegeyn maslaxadda dowlad goboleedka iyo tan qaranka, loona dhaqmo si mas’uuliyadi ku jirto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu markale adkeynayaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo hay’adaha dastuuriga ah, lana ilaaliyo wada shaqeynta u dhaxeysa heerarka kala duwan ee dowladda, taas oo saldhig u ah xasilloonida iyo dowladnimada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu markale xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay in uu ka shaqeeyo midnimada dalka, dejinta xaaladaha cakiran, iyo dhiirrigelinta wadahadal iyo is-afgarad qaran.

— Dhammaad —

Daawo: Madaxweyne XASAN oo caawa ku dhawaaqay inuu…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul-Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan ummadaha Muslimiinta caalamka, ayaa ku dhawaaqay cafis cusub oo soconaya muddo 90 maalmood ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka hore si gaar ah hambalyo ugu diray Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaas oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka.

“Geesinimada iyo naf-hurnimada ciidankeennu waxay udub-dhexaad u yihiin nabadda iyo xasilloonida aan maanta ku naaloonayno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Intaas kadib, Madaxweynaha ayaa cafis soconaya 90 maalmood, oo maanta ka bilaabanaya u fidiyay dhallinyarada weli ku harsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

“Waxaan baaq nabadeed iyo cafis 90 maalmood ah u fidinayaa dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka tirsan ururrada Al-Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhallinyaradan inay ka soo noqdaan waddada qaldan ee ay ku habaabeen, una soo laabtaan bulshadooda Soomaaliyeed ee ay ka midka yihiin.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba diyaar u tahay inay soo dhaweyso dhallinyarada, una abuurto mustaqbal sharaf leh oo ay kaga qayb qaataan dhismaha dalkooda.”

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray hay’adaha amniga iyo garsoorka inay soo dhammaystiraan habraaca fulinta cafiska.

Hoos ka daawo muuqaalka

Iiraan oo weerar culus ku qaaday warshadda shidaalka ee ugu weyn Israa’iil

Qudus (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar gantaallo ah oo Iiraan ku qaaday xarun muhiim ah oo shidaalka lagu sifeeyo oo ku taalla gudaha Israa’iil, gaar ahaan magaalada xeebeedka waqooyi ee Haifa, iyadoo dhacdadan ay si weyn uga hadleen warbaahinta caalamka.

Weerarkan oo lagu beegsaday Xarunta Sifaynta Shidaalka ee ORL (Oil Refineries Ltd), ayey Wasaaradda Tamarta ee Israa’iil sheegtay in uusan jirin “khasaare baaxad leh” oo soo gaaray xaruntaasi, inkastoo uu sababay hakad kooban oo dhinaca adeegyada ah.

Wasiirka Tamarta ee Israa’iil, Eli Cohen, ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu sababay in korontadu go’do muddo kooban, balse dib si dhaqso ah loogu soo celiyay inta badan goobihii ay saameysay, taas oo Israa’iil ku muujinayso in nidaamyadeeda muhiimka ahi ay weli shaqeynayaan.

“Soo-gaadhista burburka ee shabakadda korontada ee waqooyiga waa mid ku eg meel gaar ah oo aan ballaarneyn,” ayuu yiri wasiirka, isagoo intaas ku daray in weerarro isdaba joog ah oo lagu qaaday waqooyiga dalka aysan waxyeello muuqata gaarsiin kaabayaasha aasaasiga ah.

Booliska Israa’iil ayaa dhankooda sheegay in kooxaha ku shaqada leh ka-takhalusidda walxaha qarxa la geeyay goobo dhowr ah oo ka tirsan Haifa, halkaas oo ay ku dhaceen haraadiga gantaallada, si loo xaqiijiyo badbaadada shacabka loona baaro wax kasta oo khatar ah.

Ilaa hadda, lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkaasi, taas oo yareysay cabsi hor leh oo laga qabay in xaaladdu isu beddesho mid aad u halis badan.

Dhanka kale, Wasaaradda Ilaalinta Deegaanka ee Israa’iil ayaa sheegtay in firir ka dhashay gantaal hawada lagu burburiyay uu ku soo dhacay gudaha Haifa, iyadoo hadda uu socdo baaritaan lagu ogaanayo in ay jireen walxo khatar ah oo deegaanka wax u dhimi kara.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil, gaar ahaan kadib weerarro hore oo lagu beegsaday xarumo muhiim ah oo la xiriira tamarta.

Si kastaba, arrimahan ayaa sii xoojinaya walaaca laga qabo in xaaladda gobolka Bariga Dhexe ay u gudubto heer ka sii khatar badan, iyadoo beesha caalamka ay si dhow ula socoto tallaabooyinka xiga ee ay qaadi karaan labada dhinac.

Lafta-gareen oo kulan deg-deg ah la yeeshay odayaasha xilli ay kasii dareyso xiisadda

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa kulan degdeg ah la qaatay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan deegaanada maamulka, kuwaas oo salka ku haya khilaafka u dhexeeya Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha la xiriira fara-gelinta uu maamulka Koonfur Galbeed ku eedeeyay Dowladda Federaalka, taas oo la sheegay inay saameyn ku yeelatay howlaha maamulka.

Lafta-gareen ayaa odayaasha dhaqanka la wadaagay mowqifka rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dastuurka, madax-bannaanida dowlada, iyo wada-shaqeyn ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi.

Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda muujiyay walaacooda ku aaddan xaaladda taagan, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo midnimada bulshada, lana ilaaliyo xasilloonida iyo nabadda deegaanada Koonfur Galbeed.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa iyadoo meelaha qaar laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.

Koonfur Galbeed ayaa xiriirka u jartay Dowladda Federaalka, iyadoo Madaxweyne Lafta-gareen uu si adag uga horyimid dastuurka cusub ee uu meel-mariyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si cad u sheegay in ay u kala dhamaatay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana Dowladda Federaalka aysan tegi karin deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalka ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay doorashooyinka heer federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.

Aadan Madoobe oo loo diiday inuu u dhoofo Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta la qorsheynayay inuu tego magaalada Baydhaba ayaa baaqday, kadib markii Koonfur Galbeed ay ka hor istaagtay inuu gaaro gudaha magaaladaasi.

Warar aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in hawada laga soo celiyay diyaarad sidday wafdi hordhac u ah Aadan Madoobe oo ay ku jiraan ilaaladiisa, kadib markii ay Koonfur Galbeed u diiday inay ka dagaan garoonka Shaati Gaduud, waxaana ugu dambeyn ay ku soo laabteen magaalada Muqdisho.

Safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la xiriiray xallinta xiisadda ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, balse ma suurtagalin, waxaana saameeyay go’aanka ay Koonfur ku joojisay diyaaradihii tegi jiray Baydhaba.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in Koonfur Galbeed ay hubka culus ee lidka diyaaradaha gaysay garoonka Baydhaba, isla markaana ay u digtay diyaaradaha in ay soo qaadaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka ee dagaalka kula jira madaxweyne Lafta-agareen.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ujeedka ku sheegtay in go’aankan uu la xiriiro xaqiijinta amniga deegaannadeeda, si looga hortego khatar dibadda ah.

Dhankeedka dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah, waxayna saaka ciidamo u dirtay magaalada Baraawe ee caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo loogu talagalay inay xoojiyaan ciidanka dowladda ee ku sugan halkaasi, sidoo kalena xaqiijiyaan amniga guud ee magaaladaasi.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa iyadoo meelaha qaar laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay horay u taagnaayeen khilaafaad kale oo ka dhashay doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dhawaan la ansixiyay, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Mustaqbalka oo taageeray Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta ayaa taageero xooggan u muujiyay madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gebi ahaan xiriirkii u jaray Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Goaha ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo shalay qaadacay Dastuurka cusub ee la ansixiyay, isaga oo sheegay in ay aqoonsan yihiin Dastuurkii KMG ka ahaa ee 2012-kii.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka ayaa taageeray in Koonfur Galbeed ay qabsato doorashadeeda, waxayna sidoo kale ugu baaqeen Maamul-goboleedyada kale ee Galmudug iyo HirShabelle in ay doorasho galaan.

Dhanka kale, qoraalkan ayaa digniin loogu diray madaxweyne Xasan Sheekh , wuxuu goluhu ka digay in Ciidamada Qalabka Sida u adeegsado siyaasad.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu soo dhowaynayaa go’aanka dowlad-goboleedka Koofur-galbeed ay ku diiday wax ka baddalkii sharcidarrada ahaa ee dastuurka, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sh uga digayaa ku takrifalka ciidamada Qalabka Sida iyo hay’adaha kale ee bixiya adeegyada xasaasiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

Taageerada Golaha Mustaqbalka ayaa timid, kadib markii uu madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu shalay soo saaray go’aanno xasaasi ah, kuna dhawaaqay in uu doorasho ka qabanayo Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana kasii horreeyay go’aan kale oo uu xiriirka ugu jaray dowladda dhexe.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa iyadoo meelaha qaar laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay horay u taagnaayeen khilaafaad kale oo ka dhashay doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dhawaan la ansixiyay, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Soomaaliya oo garab istaag wayn u muujisay dalalka Khaliijka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo soo saartay bayaan ku qoran Luqadda Ingiriiska ayaa si adag u cambaareysay weerarrada ay Iiraan la beegsatay xarumaha soo saarista tamarta ee dalalka Sacuudiga, Qadar iyo Isu Tegga Imaaradka Carabta.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo iyadu soo saartay warsaxaafadeedka ayaa sheegtay in weerarrada Iiraan ay yihiin kuwo ka hor imaanaya shuruucda caalamiga ah iyo madaxbannaanida waddamada Khaliijka Carabta.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay si buuxda u garab taagan tahay Riyadh, Dooxa iyo Abu Dhabi oo hadda wajahay culeys xooggan.

“Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa garab istaageeda buuxa ee dawladaha iyo shucuubta Sacuudi Carabiya, Qadar, iyo Imaaraadka, waxayna taageeraysaa tallaabooyinka lagu ilaalinayo madax-bannaanidooda” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale ku baaqday in wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafka ka taagan bariga dhexe, gaar ahaan dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo kaashanaya Israa’iil, kaas oo saameeyay gobolka oo dhan.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay weli ka go’an tahay inay la shaqayso saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo dhiirrigeliyo nabadda, loona ilaaliyo kaabayaasha tamarta ee muhiimka ah” ayaa lasii raaciyay.

Warka kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadayo, xilli dagaalku uu galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iilna ay sii xoogeysanayaan, halka Iiraan ay bartilmaameedsanayso saldhigyada Mareykanka iyo goobo rayid ah oo ku yaalla Khaliijka,

Sarkaal gobolka ah wuxuu sheegay in dareenka ugu weyn ee madaxda Carbeed uu yahay mid cad: in Trump uu si buuxda u wiiqo awoodda milateri ee Iiraan.  Sida uu xusay sarkaalkaAS, beddelka arrintaas ayaa ah in lagu noolaado cabsi iyo argagax joogto ah.

Iiraan oo u badan Shiico ayaa inta badan shaki weyn ka qabtay dalalka deriska la ah ee Khaliijka Carabta ee Sunniga ah—kuwaas oo ah xulafada dhow ee Mareykanka, martigeliyana saldhigyo milateri oo Washington ay leedahay.

Sanadihii la soo dhaafay, Iiraan iyo xulafadeeda gobolka ayaa lagu eedeeyay inay weeraro ku qaadeen xarumaha tamarta ee Khaliijka, gaar ahaan weerarkii 2019 ee lagu qaaday xarumaha shidaalka ee Abqaiq iyo Khurais ee Sacuudiga, kaas oo hoos u dhigay wax-soo-saarkii Sacuudiga gariiriyayna suuqyada tamarta.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhammaystiran;-

Koonfur Galbeed oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah DF

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu hadda khilaaf culus kala dhexeeyo Dowladda Federaalka ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo uga sii dareysa xiisadda labada dhinac.

Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Koonfur Galbeed oo qoraal soo saartay ayaa hakisay duulimaadyadii tegi lahaa Baydhaba, marka laga reebo diyaaradaha UN-ka iyo kuwa ay adeegsadaan ciidanka howlgalka AUSSOM.

Warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cali Maxamed (Amardambe), ayaa waxaa lagu amray diyaaradaha in aysan soo qaadi karin qof siyaasi ah oo aan heysan ruqsad rasmi ah, maadaama ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo culus.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ujeedka ku sheegtay in go’aanakn uu la xiriiro xaqiijinta amniga deegaannadeeda, si looga hortego khatar dibadda ah.

Arrintan ayaa u muuqata mid si gaar ah loogu beegsanayo mas’uuliyiinta DFS iyo xubnaha mucaaradka oo la sheegay in qaarkood ay ku wajahan yihiin deegaanno ka tirsan maamulkaasi oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Horay Koonfur Galbeed ayaa si toos ah xiriirkii ugu jartay Dowladda Federaalka, iyada oo uu meel xun gaaray khilaafka Muqdisho iyo Baydhaba oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka dalka.

Dhankeedka dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah, waxayna saaka ciidamo u dirtay magaalada Baraawe ee caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo loogu talagalay inay xoojiyaan ciidanka dowladda ee ku sugan halkaasi, sidoo kalena xaqiijiyaan amniga guud ee magaaladaasi.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay horay u taagnaayeen khilaafaad kale oo ka dhashay doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dhawaan la ansixiyay, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Xog: DF oo ciidamo u daad-gureysay Koonfur Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa Haramcad u daabushay deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya, xilli uu haatan sii xoogeysanayo khilaafka culus ee soo kala dhex-galay Muqdiso iyo Baydhaba.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamadan oo boqolaal ah ayaa saaka diyaarad looga qaaday Muqdisho, waxaana la geeyay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, sidoo kalena ah caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan dhaq-dhaqaaqyo xooggan.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan oo ah qaybtii ugu horreysay lagu qaaday diyaarad nooca loo yaqaano Foker 50, waxaana ujeedka uu yahay in ay xoojiyaan ciidamada ku sugan gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale, qorshaha Villa Soomaaliya ayaa ah in ay adkeysato gacan ku heynta magaalada Baraawe, illaa degmada Buurhakaba ee gobolka Baay oo ay ku sugan yihiin mucaaradka Koonfur Galbeed oo horay dhaq-dhaqaaqyo uga bilaabay halkaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud xalay lagu amray inuu diyaariyo 1,100 askari oo laga soo xulayo qeybaha ciidamada, si loogu adeegsado Koonfur Galbeed.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo shalay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku eedeeyay dowladda dhexe inay ka dambeysay dagaalladii ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Baay, isaga oo sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay isku ajende noqdeen Dowladda Federaalka iyo kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay taasi caddeyn u tahay hub uu tilmaamay in lasoo dhex-marsiiyay Khawaarijta kadibna la geeyay degmada Buurhakaba oo ay joogaan ciidamo maleeshiyaad ah.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa iyadoo meelaha qaar laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay horay u taagnaayeen khilaafaad kale oo ka dhashay doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dhawaan la ansixiyay, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiir Jaamac oo si kulul ugu jawaabay Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal kooban soo saaray ayaa si kulul uga hadlay xaaladda kacsan ee Koonfur Galbeed, isaga oo si kulul ugu jawaabay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Baydhaba.

Lafta-gareen ayaa bannaanka keenay waxyaabo badan qarsoonaa, isaga oo eedeymo u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa.

“Waa la bixihaa, waa la yeelaa, war aniga guri ijaar oo adiga leedahay miyaan ku jiraa?”. ayuu shalay yiri madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee dowladda dhexe ugu eedeeyay inay ka dambeeyeen dagaalladii ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Baay. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in ay isku ajende noqdeen Dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab, isla markaana ay taasi caddeyn u tahay hub uu tilmaamay in lasoo dhex-marsiiyay Khawaarijta kadibna la geeyay degmada Buurhakaba oo ay joogaan ciidamo maleeshiyaad ah.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiir Jaamac oo isna shaaca ka qaaday in Lafta-gareen uu mar hore ka dhamaaday muddo xileedka, balse uu ku joogay is-faham siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Duqa ha loo sheego heshiiska kirada guriga uu ku deganaa wuxuu ku ekaa Dec.19. 2022. Wixii ka dambeeyey gurigaas Isfahan ayuu ku deganaa” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wasiirka ayaa intaas kusii daray “KGS goob Farmaajo mar labaad loo afduubaayo ma noqoneyso, riyada ka kac ee doorasho qof iyo cod ayaa KGS laga qabanaa”.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa iyadoo meelaha qaar laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay horay u taagnaayeen khilaafaad kale oo ka dhashay doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dhawaan la ansixiyay, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sirdoonka Mareykanka oo Congress-ka ku hor beeniyey arrin uu Trump ka sheegay Iran

Washington (Caasimada Online) — Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday in Iiraan aysan dib u dhis ku sameyneynin awoodeedii kobcinta Nukliyeerka ee ay horay u burburiyeen Mareykanka iyo Israa’iil sanadkii la soo dhaafay, shaacitsan si toos ah uga hor imaaneysa cudur-daarkii ugu weynaa ee uu Madaxweyne Donald Trump u adeegsaday dagaalka ba’an ee haatan ka socda dalkaas.

Tulsi Gabbard, oo ah saaxiib dhow oo madaxweynaha la leeyahay, haatanna ah Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka, ayaa fariimo is-burinaya ka bixisay asalka iyo natiijada dagaalka saddexda toddobaad socda, xilli iyada iyo saraakiil kale ay hortageen Koongareeska Mareykanka. Waxay sidoo kale qiimeyn ku sameysay in hoggaanka Iiraan uu weli yahay mid shaqeynaya inkastoo uu wiiqmay.

“Natiijadii ka dhalatay Howlgalkii (Operation Midnight Hammer), barnaamijkii kobcinta Nukliyeerka Iiraan gabi ahaanba waa la tirtiray,” ayay Gabbard ku sheegtay markhaati-fur qoran oo ay u gudbisay guddiga sirdoonka ee Aqalka Senate-ka, iyadoo tixraacaysa duqeyntii Mareykanka ee bishii Juun 2025. “Ilaa xilligaas ma jirin wax isku day ah oo lagu doonayay in dib loogu dhiso awooddooda kobcinta,” ayay raacisay.

In kasta oo Gabbard aysan hadalladan ka hor sheegin kaamiradaha warbaahinta, haddana markii uu si adag u weydiiyay mudane ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, waxay ku andacootay inaysan haysan waqti ku filan oo ay ku akhrido qoraalka oo dhan intii uu socday dhageysiga, balse mayna beeninin xogtaas sirdoon.

Madaxweyne Trump ayaa marar badan ku celceliyay inuu amray weerarka wadajirka ah ee lala beegsaday Iiraan 28-kii bishii Febraayo sababo la xiriira “khatar degdeg ah” oo soo food saartay dalkiisa.

Kadib duqeymihii Juun 2025, Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu si buuxda u burburiyay xarumihii Nukliyeerka Iiraan, balse tan iyo markii uu dagaalkan dambe qarxay wuxuu ku adkeysanayay in xukuumadda Tehran ay toddobaadyo uun u jirtay sameynta bambaano Nukliyeer ah, sidaas darteedna ay qasab ku noqotay inuu tallaabo qaado.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la-socodka Nukliyeerka iyo inta badan kormeerayaasha madax-bannaan ayaan taageerin sheegashada ah in Iiraan ay qarka u saarneyd sameynta hub Nukliyeer ah, xilli dalkaas uu wada-xaajoodyo la lahaa ergooyinka Trump maalmo uun ka hor inta aan la weerarin.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka ee CIA, John Ratcliffe, oo la weydiiyay wada-xaajoodyadaas ayaa mudaneyaasha u sheegay: “Waxay ahayd mid aad u cad in Iiraan, intii ay wada-hadallada ku jirtay, aysan lahayn wax niyad ah oo ay kaga dhabeyso.”

Tulsi Gabbard lafteeda ayaa xilligii ay ahayd xildhibaanad ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga waxay si weyn uga soo horjeedday in dagaal lala galo Iiraan.

Mid ka mid ah la-taliyeyaasheeda ugu sarreeya, Joseph Kent, ayaa Talaadadii iska casilay xilkii Agaasimaha Xarunta Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada, isagoo sheegay in Iiraan aysan ahayn “khatar degdeg ah”, Madaxweyne Trump-na ay marin-habaabiyeen Israa’iil iyo warbaahintu.

Xubnaha Dimoqraadiga ayaa si weyn u weeraray Gabbard, iyagoo ku eedeeyay inaysan keenin wax caddayn ah oo muujinaya in Iiraan ay leedahay khatar ka baxsan tii ay lahayd tan iyo Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979-kii.

“Madaxweyne Trump wuxuu yiri, annagu ma nihin booliska adduunka. Arrintaas ayuuna ku ololeeyay,” ayuu yiri Senator Michael Bennet oo ka tirsan Dimoqraadiga. “Hadda wuxuu naga dhigay booliskii adduunka, xeer-beegtidii, garsoorihii, iyo fuliyihii xukunka dilka.”

Marka la eego xaaladda gudaha Iiraan, Gabbard waxay xustay in nidaamka Tehran uu la kulmay dharbaaxooyin culus intii lagu jiray toddobaadyadii duqeymaha—oo ay ku jirto dilkii Hoggaamiyihii Sare Aayatullaahi Cali Khamenei—balse Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay weli tahay mid shaqeyneysa.

“Bulshada sirdoonka Mareykanku waxay aaminsan tahay in nidaamka Iiraan uu yahay mid taagan, balse si weyn loo naafeeyay awooddiisii maadaama la beegsaday hoggaankiisii iyo awoodihiisii milateri,” ayay tiri Gabbard. Waxay ka digtay in haddii nidaamkani uu badbaado, uu billaabi doono dadaal sanado qaadanaya oo uu dib ugu dhisayo milaterigiisa, gantaalladiisa iyo awooddiisa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Mareykanka oo $15,000 ka dhigay lacagta fiisaha ee laga rabo dadka 50 dal + Liiska

Washington (Caasimada Online) — Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqday go’aan cusub oo ay muwaadiniinta u dhashay 50 waddan ugu xireyso shardi ah inay bixiyaan lacag damaanad ah oo gaareysa $15,000, si ay u dalbadaan dal ku-galka (Fiisaha) Mareykanka, sida uu Arbacadii xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Washington.

Sarkaalkan, oo diiday in magaciisa la shaaciyo, ayaa warbaahinta u sheegay in 12 dal oo cusub lagu soo daray liis horay u jiray oo ka koobnaa 38 waddan, kuwaas oo u badan waddamo ku yaalla qaaradda Afrika.

Barnaamijkan la ballaariyay ee damaanadda fiisaha, kaas oo qasbaya in muwaadiniinta ajnabiga ah ay bixiyaan lacagtaas marka ay dalbanayaan fiisaha nooca B1 ama B2 ee ganacsiga iyo dalxiiska, ayaa si rasmi ah u dhaqan geli doona 2-da bisha April.

Ujeeddada laga leeyahay tallaabadan adag ayaa ah in looga hortago in dadka booqashada ku yimaada Mareykanka ay iska dhex joogaan dalka markii uu ka dhaco waqtiga dal ku-galkooda, sida uu xusay sarkaalka u hadlay Wasaaradda.

Waddamada cusub ee lagu soo kordhiyay barnaamijkan ayaa kala ah; Cambodia, Ethiopia, Georgia, Grenada, Lesotho, Mauritius, Mongolia, Mozambique, Nicaragua, Papua New Guinea, Seychelles, iyo Tunisia.

Sarkaalka ayaa caddeeyay in lacagtan damaanadda ah dib loo siin doono dadka fiisaha qaata haddii ay dalkooda dib ugu laabtaan iyagoo si buuxda u dhowraya shuruudaha fiisaha iyo damaanadda, ama haddii ay gabi ahaanba baajiyaan safarkooda.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo ee 2025, Madaxweyne Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa hirgeliyay siyaasad adag oo dhanka socdaalka ah.

Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah olole baaxad leh oo dadka lagu tarxiilayo, la-laabashada fiisooyinka iyo kaararka deganaanshaha (Green Cards), iyo waliba baaritaan qoto dheer oo lagu sameeyo baraha bulshada iyo khudbadihii hore ee dadka soogalootiga ah.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si kulul u cambaareeyay siyaasadaha Trump ee la xiriira socdaalka iyo safarka, iyagoo ku tilmaamay kuwo xaddidaya dammaanad-qaadka habraaca caddaaladda iyo xorriyadda hadalka.

Dhanka kale, Madaxweyne Trump iyo xulafadiisa ayaa ku doodaya in siyaasadahani ay lagama maarmaan u yihiin horumarinta iyo sugidda amniga gudaha ee dalka.

Bishii Juun ee la soo dhaafay, madaxweynaha ayaa soo saaray xayiraad safar oo si buuxda ama qayb ahaan uga mamnuucday muwaadiniinta 19 dal inay soo galaan ciidda Mareykanka, isagoo sabab uga dhigay in go’aankaas uu salka ku hayo amniga qaranka.

Sarkaalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku dooday in barnaamijka damaanadda fiisaha uu durba hoos u dhigay tirada dadka sharci-darrada dalka ku sii jooga kadib markii uu waqtigu ka dhaco dal ku-galkooda.

Waddamada 38-ka ah ee markii horeba ku jiray liiskan ayaa kala ah; Algeria, Angola, Antigua and Barbuda, Bangladesh, Benin, Bhutan, Botswana, Burundi, Cabo Verde, Central African Republic, Cote d’Ivoire, Cuba, Djibouti, Dominica, Fiji, Gabon, The Gambia, Guinea, Guinea-Bissau, Kyrgyzstan, Malawi, Mauritania, Namibia, Nepal, Nigeria, Sao Tome and Principe, Senegal, Tajikistan, Tanzania, Togo, Tonga, Turkmenistan, Tuvalu, Uganda, Vanuatu, Venezuela, Zambia, and Zimbabwe.

Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay in ka badan 100 qof

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa munaasabadda barakeysan ee Ciiddul-Fitriga awgeed cafis u fidiyey 127 maxbuus oo ku xirnaa xabsiyada Puntland, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada.

Go’aankan cafiska ah ayaa qeyb ka ah dhaqanka soo jireenka ah ee madaxda dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe ay sameeyaan xilliyada ciidaha, iyagoo fursad siinaya maxaabiista qaarkood inay dib ugu laabtaan bulshada, isla markaana ay helaan nolol cusub.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu shaaciyey in maxaabiistan la cafiyey ay tiradoodu dhan tahay 127, kuwaas oo ku kala xirnaa xabsiyo ku yaalla magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Puntland.

Magaalooyinka ay maxaabiistan ku xirnaayeen waxaa ka mid ah Badhan, Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacyo, kuwaas oo ah xarumo muhiim ah oo ay ku yaallaan xabsiyada waaweyn ee maamulka Puntland.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa munaasabadda Ciiddul-Fitriga awgeed cafis u fidiyey 127 maxbuus oo ku xiran xabsiyada Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo sidoo kale lagu daray in maxaabiistaasi ay ku kala xirnaayeen magaalooyinka kor ku xusan.

Lama shaacin noocyada dambiyada ay galeen maxaabiista la cafiyey, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay u badnaayeen kuwo u xiran dambiyo fudud.

Si kastaba, cafiskan ayaan saameyn ku yeelan doonin xuquuqda madaniga ah, waxaana fulin doona Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyadoo la raacayo awaamiirta ku xusan xeerarka dalka.

Sidee Shiinaha u caawinayaa Iran xilli ay ku jirto dagaal culus

Beijing (Caasimada Online) — Xukuumadda Beijing ayaa muddo dheer ahayd saaxiib istaraatiiji ah oo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ka saaciday inay u adkeysato tobannaan sano oo cunaqabateyn dhaqaale iyo go’doomin caalami ah ah.

Tan iyo markii milateriga Mareykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen inay duqeeyaan Iiraan dabayaaqadii bishii hore, Shiinuhu wuxuu xukuumadda Tehran u muujiyay taageero fagaare ah oo xaddidan, isagoo cambaareeyay dilkii loo geystay hoggaankii Iiraan, dhinacyadana ugu baaqay inay dagaalka si degdeg ah u joojiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, taageerada qarsoon ee soo jireenka ah ee Shiinuhu siiyo Iiraan ayaa noqon karta mid xasaasi ah oo sii kordheysa xilli uu dagaalku sii daba-dheeraanayo.

Taageerada dhaqaale

Shiinaha ayaa ah isbahaysiga dhaqaale ee ugu muhiimsan ee ay Iiraan leedahay. Qiyaastii boqolkiiba 90% dhoofinta shidaalka ceyriin ee Iiraan, oo gaaraya 1.6 milyan oo fuusto maalintii, ayaa si toos ah looga iibiyaa Shiinaha, taas oo Tehran siisa dakhli u dhigma tobannaan bilyan oo doolar sanad kasta.

Xukuumadda Beijing ayaa u iibsata shidaalka Iiraan si ay u taageerto xulafadeeda iyo waliba iyadoo ku hesha qiimo dhimis aad uga jaban suuqa caalamka.

Falanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa ku qiyaasay in shidaalka Iiraan uu ka dhigan yahay boqolkiiba 12% wadarta shidaalka uu Shiinuhu dibadda kala soo dego. Shidaalkan ceyriin ayaa waxaa inta badan iibsada warshadaha yaryar ee madax-bannaan ee sifeeya shidaalka gudaha Shiinaha, kuwaas oo loo yaqaano “Teapots”, ayna xukuumaddu maamusho kootada ay wax ku soo dhoofsadaan.

In kasta oo Shiinuhu uusan aqoonsaneyn sharcinimada cunaqabateynta Mareykanka, haddana wuxuu doonayaa inuu ilaashado fursad uu isku dafiri karo, maadaama Beijing ay ka cabsi qabto in shirkadaheeda waaweyn lagu soo rogo ganaaxyo dhanka Mareykanka ah haddii ay si fagaare ah ula macaamilaan shidaalka cunaqabateyntu saaran tahay.

Sidaa darteed, xukuumaddu waxay dhiirrigelisaa in warshadaha yaryar ee madax-bannaan ay iibsadaan shidaalka Iiraan, beddelkii ay ka iibsan lahaayeen shirkadaha waaweyn ee dowladda, maadaama shirkadaha yaryari aysan ku xirneyn suuqyada maaliyadda ee caalamka, sidaas darteedna aysan saameyn ku yeelan doonin cunaqabateyn kasta oo ka timaada Mareykanka. Asalka iyo halka uu ka yimid shidaalkan ayaa sidoo kale inta badan ah mid ay qariyaan dalaaliinta suuqyada madow.

Sida ay sheegayaan saraakiisha Mareykanka, Iiraan ayaa adduunka ku maamusha shabakad maaliyadeed oo dadban oo aad u adag, taas oo uu si weyn u fududeeyo Shiinuhu. Warshadaha yaryar ee sifeeya shidaalka ayaa shidaalka Iiraan ku bixiya lacagta Shiinaha ee Yuan, xukuumadda Tehran-na waxay lacagtaas qaarkeed u isticmaashaa inay gudaha Shiinaha uga iibsato badeecado markaas kadib loo dhoofiyo Iiraan.

Qayb ka mid ah dakhliga shidaalka ayaa loo adeegsadaa nidaam u eg isdhaafsi, kaas oo iibsadayaasha shidaalka Shiinaha ay lacagaha ugu wareejiyaan shirkado ay dowladda Shiinuhu taageerto si ay mashaariic kaabeyaal dhaqaale uga fuliyaan gudaha Iiraan.

Lacagta ka soo xaroota iibka shidaalka ayaa sidoo kale dhex marta shabakad shirkado macmal ah oo qaabilsan wareejinta lacagaha, kuwaas oo inta badan sii mara hay’adaha maaliyadeed ee Shiinaha, una gudba dhanka Hong Kong, ka hor inta aan loo beddelin lacago kale oo caalami ah.

Saraakiisha Mareykanka ayaa xusay in inta badan lacagta ka timaada iibka shidaalka Shiinaha ay ku harto xisaabaad banki oo dibadda ah, oo ku yaalla xarumaha maaliyadeed sida Hong Kong, Dubai iyo Singapore. Xukuumadda Hong Kong ayaa dhankeeda beenisay in loo adeegsado ka-dhuumashada cunaqabateynta.

Taageerada agabka hubka

Dhanka kale, Shiinaha ayaa mar ahaa dalka ugu weyn ee hubka siiya Iiraan intii uu socday dagaalkii Ciraaq ee 1980-meeyadii, balse wuxuu joojiyay oggolaanshaha heshiisyada hubka waxyar uun ka hor intii aysan Beijing ku biirin cunaqabateyntii Qaramada Midoobay ee Iiraan sanadkii 2007, sida ay sheegtay Hay’adda Cilmi-baarista Nabadda Caalamiga ah ee Stockholm.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in shirkadaha Shiinuhu ay weli yihiin kuwa siiya Iiraan qalabka “labada ujeedo loo adeegsan karo” ee loo isticmaali karo arrimo milateri, sida matoorada lagu xiro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed, kiimikooyinka laga sameeyo shidaalka gantaallada iyo aaladaha elektiroonigga ah ee hubka kala duwan.

Bishii Diseembar, Pentagon-ka Mareykanka ayaa shaaciyay in shirkado ganacsi oo dhanka dayax-gacmeedka ah oo fadhigoodu yahay Shiinaha ay is-weydaarsadeen ganacsi ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan.

Sanadkii la soo dhaafay, wargeyska The Wall Street Journal ayaa weriyay in laba markab oo xiriir la leh shirkad ay dowladda Iiraan leedahay ay ka shiraacdeen Shiinaha iyagoo sida 1,000 tan oo ah maaddo loo adeegsan karo sameynta maaddada adag ee gantaallada oo ku filan in lagu sameeyo ilaa 260 gantaal oo ah kuwa riddada dhexe.

Bartamihii sanadka 2025, Iiraan ayaa kumanaan tan oo ah waxyaabaha laga sameeyo shidaalka gantaallada ka dalbatay Shiinaha. Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in aysan ka warqabin dalabaad gaar ah, balse waxay ku adkeysatay inay si adag u maamusho alaabaha labada ujeedo loo isticmaali karo.

Maalmo uun kadib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen weerarada ka dhanka ah Iiraan, laba markab oo kale oo ku xiran isla shirkadda Maraakiibta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ka baxay deked ku taalla Shiinaha.

Dhaqdhaqaaqa maraakiibtaas ayaa kor u qaaday cabsida laga qabo in shirkadaha Shiinuhu ay Iiraan siinayaan kiimikooyin horleh oo loo adeegsado shidaalka gantaallada, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin xamuulka ay sidaan.

Marka laga yimaado taageerada maadiga ah, Shiinaha ayaa sidoo kale Iiraan ka saaciday inay dhisto xiriirro diblomaasiyadeed oo caalami ah si ay u yareyso go’doominta saaran.

Sanadkii 2023, Beijing ayaa dhex-dhexaadisay soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Iiraan iyo Sacuudi Carabiya, taas oo xilligaas loo arkayay tallaabo weyn oo Shiinuhu uu u qaaday dhanka diblomaasiyadda Bariga Dhexe, in kasta oo heshiiskaasi uu haatan si weyn u wiiqmay kadib weeraradii Iiraan ay ku qaadday Sacuudiga iyo dalalka kale ee gobolka.

Sidoo kale, Shiinaha ayaa u ololeeyay in Iiraan ay ku biirto ururka dhaqaale ee BRICS sanadkii 2024. Sidoo kale, Iiraan ayaa ku biirtay Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) oo ah urur ammaan oo ay hoggaamiyaan Beijing iyo Moscow sanadkii 2023, iyadoo bishii Diseembar martigelisay dhoolla-tusyo dhanka la-dagaallanka argagixisada ah oo ay kala qaybgaleen ciidamo ka socda dalalka xubnaha ka ah ururkaas.

Sawirro: Taliye Mahad Salaad oo tegay Sh/Hoose iyo xogta qorshe culus oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa caawa la afuray ciidamada ku sugan deegaanka Dhanaane ee gobolla Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu u tagay kormeer iyo dhiirrigelin ku aaddan howlgalka ka dhanka ah argagixisada.

Agaasimaha ayaa ciidamada uga mahadceliyay dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan ee ku aaddan sugidda amniga caasimadda, degmooyinka iyo deegaanada ku xeeran.

Agaasimaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay qeybaha kala duwan ee ciiidamada qalabka Sida, kuwaas oo iyagoo sooman haddana habeen iyo maalin u taagnaa xoreynta dalka iyo xaqiijinta amniga guud ee qaranka.

Sidoo kale wuxuu xusay in heegankooda joogtada ah uu suurageliyay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si deggenaan iyo kalsooni leh u gutaan cibaadooyinkooda.

Agaasime Mahad Salaad ayaa caddeeyey in ciidamada qaranku yihiin tiirka lagu ilaaliyo jiritaanka iyo sharafta qaranka, isla markaana ay mudan yihiin qadarin iyo garab istaag joogto ah, si loo sii xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka, Jeneraalka Sahal Cabudllahi Cumar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada NISA, booliska iyo boolis-militeri ayaa Agaasime Mahad Salaad kala qeyb-galay kulankaan uu kula afuray ciidamada qaranka ee deegaanada fog ka suga amniga caasimadda Muqdisho.

Xogta qorshaha socda

Warar hoose ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo dheeraad ah loo diray dhinaca Baraawe, si ay iskugu furaan Xamar ilaa Baraawe, ugana sameystaan saldhig cusub.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa sida dowladda ay uga go’an tahay xoojinta joogitaanka ciidamada ee deegaannada muhiimka ah.

Qorshahan ayaa sidoo kale loo fasiray inuu yahay “Plan B” oo ay dowladda diyaarsatay, iyadoo Baraawe loo arko meel laga qaadi karo howlgalka haddii xaaladda Baydhabo ay sii adkaato.

Tani waxay muujineysaa in dowladda ay ka shaqeyneyso laba waji oo istaraatiijiyadeed si loo xakameeyo xaaladda kala soo darsi karta maamulka Koonfur Galbeed, oo isagu ku dhawaaqay inuu xiriirkii u jaray Dowladda Federaalka.

Dhanka kale, waxaa isa soo taraya xogaha tilmaamaya in dowladda ay go’aansatay in sida ugu dhaqsiyaha badan xilka looga tuuro Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-Gareen, iyadoo tallaabooyin siyaasadeed iyo kuwo amni labadaba la qorsheynayo.

Waxaa sidoo kale la hadal hayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe uu yahay musharraxa ay dowladda wadato, taasoo sii adkeyneysa xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Musharaxan ayaa saameyn ku lahaa gudaha deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, isagoo hore dhowr jeer dhex-dhexaadiyay Cabdicasiis Lafta-Gareen iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Xogaha soo baxaya ayaa tilmaamaya in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo dowladda ay ku doonayso in ay ku xakameyso siyaasadda Koonfur Galbeed, xilli dalka ka taagan yahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorashada.

Si kastaba, arrimahan ayaa muujinaya in loollanka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah, maadaama la sheegayo in ciidamada iyo saraakiisha dowladda ay diyaar u yihiin in ay tallaabo kasta qaadaan si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda dhexe.