25 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Farmaajo oo farriin adag u diray hay’adaha amniga DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihi hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xarig loo gaystay dhalinyaro kasoo horjeestay qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriira hanaanka doorashooyinka dalka.

Farmaajo ayaa tilmaamay in xarigga dhalinyarada iyo wariyeyaasha oo soo noq noqday looga gol-leeyahay in looga hortago kacdoonka bulshada, sida uu hadalka u dhigay.

“Xarigga iyo caburinta isdabajoogga ah ee nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh uu kula kacayo dhallinyarada iyo haldoorka Muqdisho, si uu u xakameeyo kacdoonka bulshada ee diiddan eexda, musuqa iyo barakaca, waa mid dhaawacaya dowladnimada, siina hurinaya guuxa iyo gadoodka shacabka,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Sidoo kale, wuxuu farriin culus u diray hay’adaha amiga, gaar ahaan Booliska oo uu ku adkeeyay inay ka fogaadaan dhibaateynta shacabka, gaar ahaan dhulboobka iyo caburinta lagu hayo.

“Ciidanka Soomaaliyeed waxaa loo aas-aasay ilaalinta shacabka, difaaca karaamada muwaadiniinta, sugidda amniga iyo dhowrista xuquuqda dadka Soomaaliyeed. Sidaas darteed, waxaan adkaynayaa in hay’adaha amniga ay ka fogaadaan fal kasta oo shacabka ku abuuraya cabsi, barakac iyo kalsooni darro, ayna ka taxadaraan in loo adeegsado dano shakhsi ah iyo xukun maroorsi,” ayuu mar kale yiri Maxamed Farmaajo.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Marar badan ayaan ka dignay falalkan dhaawacaya dowladnimada, sumcadda qarannimada iyo kalsoonida shacabka, kuwaas oo dhulboobka, caburinta iyo ku tagri-falka awoodda ay saldhig u yihiin. Maanta waxaa taagan natiijada laga dhaxlay oo ay ugu horreyso isku dhacyo ciidan iyo shacab caraysan oo jidadka u taagan difaaca karaamadooda iyo nolashooda”.

Farmaajo oo maalmahan qoraallo soo saarayay ayaa horay u sheegay in Jimcaha soo socda oo ku beegan 15 May 2026 ay tahay maalintii ugu dambeysay ee muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u ugu baaqay in muddada yar ee u hartay uu xoogga saaro dhismaha hannaan doorasho oo loo dhan yahay oo ay ku wada qancaan dhammaan dhinacyada siyaasadda, si looga hortago qalalaase siyaasadeed iyo kala qeybsanaan hor leh.

Dalabka Farmaajo ayaa kusoo aadaya, xilli mucaaradku isku diyaarinayo qabashada dibadbax weyn oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo 10-ka bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho.vMucaaradka ayaa raba in dibadbaxa ay qeyb weyn ka noqdaan shacabka laga burburiyay guryihii ay deganaayeen, kuwaas oo maalmihii dambe cabasho marinayay warbaahinta.

Go’aanka maxkamada kiiska ninkii weeraray Ilhaan Cumar

Minneapolis (Caasimada Online) – Nin deggen magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa maxkamad horteed ka qirtay dambi ah inuu weeraray mas’uul federaal ah, kadib markii uu silinge (siriinjo) ugu buufiyay khal Xildhibaan Ilhaan Cumar, xilli ay kulan dadweyne qabaneysay horraantii sanadkan.

Anthony James Kazmierczak, oo 55 jir ah, ayaa qirtay inuu weeraray xildhibaanadda isagoo ku qeylinayay “Waxaad kala qeybineysaa reer Minnesota.” Weerarkan ayaa dhacay habeenkii 27-kii Janaayo xilli Ilhaan ay khudbad u jeedineysay taageerayaasheedii, sida ku cad heshiis qirasho dambi ah oo la horkeenay maxkamadda federaalka.

Xilliga uu ninkan soo boodayay, Ilhaan Cumar oo laga soo doorto deegaankaas tan iyo 2019-kii, waxay si adag ugu baaqeysay in ay is-casisho Kristi Noem oo xilligaas ahayd Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka. Baaqa xildhibaanadda ayaa ku soo aaday xilli uu meeshii ugu sarreysay marayay hawlgalkii adkaa ee maamulka Trump uu ku bartilmaameedsanayay soo-galootiga gobolka Minnesota.

Laba sarkaal oo dhanka amniga ah ayaa dhulka ku dhuftay Kazmierczak waxyar kadib markii uu ka soo istaagay kursigiisii safka hore, isagoo silingaha ku buufiyay Ilhaan. Kadib markii ay laamaha amnigu gacanta ku dhigeen ninkaas, Ilhaan Cumar waxay si caadi ah u sii wadatay kulankeedii.

Dambiga uu ninkan qirtay ayaa ciqaabtiisu gaari kartaa ilaa siddeed sano oo xabsi ah. Silingaha uu ninkani u adeegsaday weerarka ayaa la xaqiijiyay inuu ku jiray isku-dhaf ah biyo ah iyo khalka tufaaxa.

Intii ay socotay dhageysiga qirashada dambiga ee ka dhacday Maxkamadda Federaalka ee Minneapolis maalintii Khamiista, Garsoore Joan Ericksen ayaa weydiisay eedeysanaha sida uu u xasuusto wixii dhacay habeenkaas. Sida uu qoray wargeyska deegaanka ee The Minnesota Star Tribune, wuxuu ku jawaabay in xasuustiisu ay “is-dhexyaacsan tahay.”

Sida ku xusan heshiiska, markii sarkaal ka tirsan booliska Minneapolis uu u yimid ninkan kadib weerarka, wuxuu markiiba u sheegay ciidamada, “Waxaan ku buufiyay khal.” Kazmierczak ayaa intii ay maxkamaddu socotay xusay inuu degdeg u caddeeyay waxa ku jiray silingaha si uusan qofna u moodin in nolosha xildhibaanaddu ay halis ku jirto.

Dabayaaqadii bishii Febraayo, xeerbeegti federaal ah ayaa ninkan ku soo oogtay hal dambi oo ah inuu weeraray sarkaal federaal ah.

Intaas waxaa dheer, Kazmierczak wuxuu wajihi doonaa dacwado gooni ah oo heer gobol ah oo salka ku haya weerarkan. Xeer-ilaaliyeyaasha deegaanka ayaa ku eedeeyay dambi culus oo ah hanjabaad argagixiso iyo hal dambi oo ah weerar heerka shanaad ah. Dacwadda heerka gobol ayaa dib loo bilaabi doonaa marka la soo afjaro kiiskiisa federaalka ah.

Ilhaan Cumar oo 43 jir ah, dalka Mareykankana timid iyadoo canug yar ah kadib markii ay kasoo qaxday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in weerarkani uusan marnaba cabsi gelin doonin.

“Waxaan ahay qof soo badbaaday, marka dhib-wadahan yari igama hor istaagi doono inaan shaqadeyda qabsado,” ayay tiri Ilhaan oo fariin soo saartay waxyar kadib dhacdadaas. Waxayna raacisay, “Ma oggolaan doono in cagajugleeyayaashu ay guuleystaan.”

 

 

Ciidamo taageersan Lafta-gareen oo digniin culus ka soo saaray Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) Ciidamo taageersan maamulkii Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa digniin u diray shacabka Koonfur Galbeed, gaar ahaan dadka ku nool magaalada Baydhaba, iyagoo ka dalbaday in aysan u dhowaan goobaha loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada ay ku tilmaameen “Salbalaar”.

War-saxaafadeed ka soo baxay koox sheegatay in ay tahay Taliska Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed, oo ku taariikheysnaa 9-ka May 2026, ayaa lagu sheegay in shacabka looga digayo inay u dhowaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada loogu yeeray “Salbalaar 2” iyo meelaha loo asteeyay qabashada doorashadaas.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in goobahaas ay yihiin “bartilmaameedyo ciidan”, sidaas darteedna shacabka looga baahan yahay inay muujiyaan feejignaan sare, kana fogaadaan isu-socodka iyo joogitaanka meelahaas ilaa amar dambe oo ka soo baxa hay’adaha amniga.

“Shacabka waxaa laga codsanayaa inay muujiyaan feejignaan sare, kana fogaadaan isu-socodka ama joogitaanka goobahaas ilaa amar dambe oo ay hay’adaha amniga ee ay khuseyso ka soo saarayaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Digniintan ayaa timid xilli magaalada Baydhaba ay ku jirto xaalad siyaasadeed oo kacsan, kadib isbeddelkii ka dhacay Koonfur Galbeed iyo bixitaankii Laftagareen ee magaalada.

Ciidamada dowladda federaalka ayaa dhammaadkii Maarso la wareegay qeybo muhiim ah oo ka mid ah Baydhaba, taas oo keentay in Laftagareen uu ka baxo magaalada, maalmo kadib doorasho muran dhalisay oo lagu sheegay in mar kale loogu doortay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Laftagareen ayaa markii hore la sheegay inuu iska casilay xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, balse markii dambe ayuu ku adkeystay inuu weli yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulkaas. Isagoo ku sugan Nairobi, wuxuu sheegay in ka bixitaankiisa Baydhaba uu la xiriiray rabitaan uu ku sheegay inuu kaga hortagayo dagaal ka dhaca magaalada iyo khasaaro soo gaara shacabka.

Dowladda federaalka ayaa tallaabadii ciidamada lagu geeyay Baydhaba ku tilmaantay mid lagu xasilinayay magaalada, balse garabka Laftagareen ayaa u arkay faragelin siyaasadeed oo lagu beddelayo maamulka Koonfur Galbeed.  

Warar soo baxay ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan Laftagareen ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Baay, xilli ay si cad uga soo horjeedaan doorashada la qorsheeyay in lagu qabto Baydhaba, Axadda. 

Doorashada la hadal hayo ayaa la sheegay inay ku bilaabaneyso xulista xubnaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed iyo golayaasha deegaanka, ka hor inta aan loo gudbin doorashada hoggaanka sare ee maamulka.  

Qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Gaarka ah ee garabka taageersan Laftagareen ayaa sidoo kale lagu sheegay in badqabka iyo nabadgelyada shacabka ay yihiin mudnaanta koowaad ee hay’adaha amniga, iyadoo dadka lagu wargeliyay inay la socdaan war-saxaafadeedyada rasmiga ah ee taliska.

“Badqabka iyo nabadgelyada shacabka ayaa ah mudnaanta koowaad ee hay’adaha amniga,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Baarlamaanka Turkiga oo Soomaaliya u ansixiyey $30m iyo dhismaha safaarad cusub

Ankara (Caasimada Online) – Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa Khamiistii si rasmi ah u ansixiyay heshiis deeq taageero ah oo la siinayo dowladda Soomaaliya, xilli xildhibaanada dalkaas ay si weyn u bogaadiyeen iskaashiga sii ballaaranaya ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta ee kala dhexeeya xukuumadda Muqdisho. 

Heshiiskan ayaa waxaa Soomaaliya lagu siinayaa deeq maaliyadeed oo gaaraysa 30 milyan oo doolar. Go’aankan ayaa ku soo baxay digreeto madaxweyne oo tirsigeedu yahay 11262, kaddib markii uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan saxiixay ansixinta heshiiskan 30-kii bishii Abriil. 

Sida ku cad qoraalka rasmiga ah ee heshiiska, dokumiintiga ayaa 1-dii bishii Abriil lagu kala saxiixday caasimadda Muqdisho, waxaana dhanka Turkiga u matalayay Safiirka u fadhiya Soomaaliya Alper Aktaş, halka dhanka dowladda Soomaaliyana uu u saxiixay Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige.

Heshiiska ayaa dhigaya in Turkigu uu Soomaaliya siiyo deeq lacageed oo gaaraysa illaa 30 milyan oo doolar, taas oo la bixin doono qaab qaybo bille ah oo aan ka badnayn 2.5 milyan oo doolar bishiiba. Qoraalka ayaa intaas ku daray in dhaqaalahan loo weecin doono taageerada “kabka miisaaniyadda iyo dhisidda awoodda hay’adaha dowladda.”

Baarlamanka ayaa sidoo kale ansixiyey in Turkiga uu bixiyo qarashka iyo dhulka safaarad cusub oo ay Soomaaliya ka dhisaneyso Ankara, oo ay ku baxeyso 6 milyan oo dollar.

Intii ay socotay dooda baarlamaanka, mudanayaal ka kala socday xisbiyada siyaasadda ayaa falanqeeyay kaalinta sii xoogeysaneysa ee Ankara ay ku leedahay Soomaaliya, halkaas oo ay tobankii sano ee la soo dhaafay ka noqotay maalgeliyaha iyo saaxiibka istaraatiijiyadeed ee ugu weyn.

Cemalettin Kani Torun, oo ah xildhibaan laga soo doorto magaalada Bursa kana tirsan xisbiga New Path Party, ayaa sheegay in dhoofinta badeecadaha Turkiga ee Soomaaliya ay gaartay 273 milyan oo doolar, halka maalgelinta tooska ah ee shirkadaha Turkish-ka ay kor u dhaaftay 100 milyan oo doolar.

“Tirooyinkan iskama ay imaanin si iskeed ah,” ayuu yiri xildhibaan Torun. “Waa miro-dhalkii ka dhashay dadaal muddo dheer soo socday oo ay dhinacyo badan iska kaashadeen.”

Wuxuu sidoo kale gaashaanka u daruuray eedeymaha sheegaya in joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya uu yahay gumeysi ama in dalka la maamulo, isagoo caddeeyay in xiriirka Ankara uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, is-dhaafsi faa’iido iyo siyaasad ah ‘is-biirsi iyo guul wadaag’.

Xildhibaanka ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda xasaasiga ah ee juquraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika, isagoo xusay in dhaqdhaqaaqyada Turkiga ee Soomaaliya, oo isugu jira ganacsi ilaa sahamin tamar, ay si weyn uga qayb qaadanayaan xasiloonida gobolka, isla markaana ay ka hortagayaan faragelinta shisheeye.

Dhinaca kale, xildhibaan Kamil Aydın oo ka tirsan xisbiga dhaqdhaqaaqa waddaniyiinta ee MHP, ayaa xusay in xasilooni-darradii iyo burcad-badeednimadii ka jirtay Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ay muddo dheer halis weyn ku ahaayeen jidadka ganacsiga badda ee caalamiga ah.

Wuxuu tilmaamay in Turkigu uu door firfircoon ka qaatay heshiisyada caalamiga ah si loo taageero nabadda, amniga iyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya. “Kalsoonida iyo iskaashiga la kasbaday darteed, Turkigu wuxuu ku guuleystay inuu tallaabooyin wax-ku-ool ah oo heer laba geesood ah, heer gobol iyo mid caalamiba uu la qaado Soomaaliya,” ayuu raaciyay xildhibaan Aydın.

Si kastaba ha ahaatee, intii ay doodu socotay xildhibaanada mucaaradka ayaa dhaleeceeyay qaybo ka mid ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Ankara iyo kharashaadka ku baxa gargaarka shisheeye. Ayyüce Türkeş oo ka tirsan xisbiga Good Party (IP) ayaa su’aal gelisay deeqaha baaxadda leh ee Turkigu ku bixiyo dibadda, xilli dalku uu wajahayo caqabado dhaqaale oo gudaha ah.

Taas beddelkeeda, xildhibaan Leyla Şahin Usta oo ah guddoomiye ku-xigeenka garabka xisbiga talada haya ee AK Party ee baarlamaanka, ayaa si adag u difaacday siyaasadda Turkiga ee qaaradda Afrika, iyadoo ku sifeysay mid salka ku haysa “saaxiibtinimo iyo walaaltinimo.”

“Turkigu wuxuu Afrika u joogaa inuu wax dhiso oo uu dayactiro,” ayay tiri Usta, iyadoo raacisay in iskaashiga Soomaaliya uu gacan ka geystay dhiirigelinta lahaanshaha maxalliga ah iyo horumarka guud ee qaaradda.

Ugu dambeyn, baarlamaanka ayaa si aqlabiyad ah ku ansixiyay heshiiskan deeqda ah kadib doodo dhaadheer oo halkaas ka dhacay. Fadhiga baarlamaanka ee go’aankan lagu meelmariyay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Ankara, Danjire Fathudiin Cali Maxamed.

Maxaa ku qornaa warqadda uu qoray Jeffrey Epstein ka hor geeridiisa ee la shaaciyey

New York (Caasimada Online) – Garsoore federaal ah oo Mareykan ah ayaa Arbacadii shaaciyey warqad la sheegay inuu qoray Jeffrey Epstein, maalqabeenkii hore loogu helay dambiyo galmo, toddobaadyo ka hor inta uusan ku dhiman xabsi ku yaalla magaalada New York.

Warqaddan, oo sanado badan qarsooneyd, ayaa lagu sii daayey amar ka soo baxay garsoore Kenneth Karas oo ka tirsan Maxkamadda Federaalka ee Koonfurta New York, kadib codsi ka yimid wargeyska The New York Times.

Epstein ayaa xilligaas sugayey maxkamadeyn la xiriirtay eedeymo culus oo ku saabsan ka ganacsiga galmada, gaar ahaan gabdho da’yar. Geeridiisa waxaa si rasmi ah loogu sheegay is-dil, balse kiiska ayaa weli dhaliya su’aalo badan oo ku saabsan wixii ka dhacay gudaha xabsiga.

Ninkii qol xabsi la wadaagay Epstein ayaa sheegay inuu warqadda ka helay buug ku jiray qolka ay wada degganaayeen, kadib markii Epstein laga helay isagoo dhaawac ah bishii July 2019, dhacdo ay saraakiishu ku sheegeen isku day uu isku dili rabay.

Warqadda, oo lagu qoray warqad caadi ah oo xariiqimo leh, ayaa muujineysa caro, daal iyo niyad-jab. “Bilo ayay i baarayeen — waxba ma aysan helin,” ayaa ka mid ahaa erayada ku qornaa.

Qoraalka ayaa sidoo kale lahaa weedh u muuqatay macsalaameyn, taas oo lagu yiri: “Waa wax gaar ah in qofku doorto waqtiga uu oranayo nabadgelyo.”

Warqadda ayaa ku dhammaatay hadal ay ka muuqato caro iyo quus, iyadoo lagu qoray: “Maxaad iga rabtaan inaan sameeyo — inaan ooyo miyaa?” Waxaa intaas lagu daray: “Madadaalo ma leh — uma qalanto.”

Shaki weli taagan

Inkastoo warqadda hadda la shaaciyey, haddana si rasmi ah looma xaqiijin inuu qoray Epstein.

Shaacinta dokumentigan ayaa mar kale dib u soo celisay doodda ku saabsan geerida Epstein, oo dhacay bishii August 2019, xilli uu ku xirnaa xabsi federaal ah oo ku yaalla Manhattan.

Baarayaasha Mareykanka waxay sheegeen in Epstein uu is dilay, balse khaladaad amni oo badan oo ka dhacay xabsiga, kormeer la’aan, iyo muuqaallo CCTV ah oo la waayey ayaa sii xoojiyey shakiga dadweynaha ee ku saabsan warbixinta rasmiga ah.

Epstein ayaa bishii July 2019 laga helay isagoo dhaawac ah gudaha qolkii uu ku xirnaa. Saraakiishu waxay dhacdadaas ku tilmaameen isku day oo uu nafta isaga qaadi rabay. Warqaddan la shaaciyey ayaa la sheegay in la qoray ka hor dhacdadaas, kadibna lagu dhex qariyey buug sheeko sawirro leh.

Kiiska Epstein ayaa weli saameyn ku leh siyaasadda Mareykanka iyo Britain, maadaama uu xiriirro ballaaran la lahaa dad awood leh oo ka tirsanaa siyaasadda, ganacsiga iyo bulshada sare.

Bilihii la soo dhaafay, waxaa la sii daayey dokumentiyo la xiriira baaritaannadii ballaarnaa ee lagu sameeyey nolosha Epstein iyo shabakaddii lagu eedeeyey inuu maamulayey.

Shaacinta warqaddan ayaa timid xilli su’aalo badan weli laga qabo waxa dhab ahaantii ka dhacay xabsigii uu ku dhintay, iyo sababta dokumenti noocan ah uu muddo dheer uga maqnaa indhaha dadweynaha.

Dhirta iyo duurjoogta Somalia oo sii dabar go’aya

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo burburkii dowladnimada Soomaaliya ilaa xilligan la joogo, waxaa aad u naxdin leh nabaadguurka ku dhacay dhulkii Soomaaliya ugu dhirta badnaa, gaar ahaan dhulka xuduudka ee Jubbooyinka, iyo duurjoogtii oo gebi ahaanba ugaarsi lagu laayay.

Siddeetameeyadii ayay ahayd markii ganacsato isku hallaynayay Jaalle Maxamed Siyaad Barre ay bilaabeen inay ugaarsadaan maroodiga, si ay uga helaan foolkiisa, uguna iib geeyaan dalalka dibadda. Sida ku cad dukumeenti laga helay guriga mid ka mid ah xaasaskii Jaalle Siyaad burburkii kadib, foolka maroodiga waxaa ka iibsan jirtay shirkad Jabaan ah, taas oo si toos ah u qaadan jirtay foolka maroodiga iyo qolofka dusha uga dahaaran xayawaanka loo yaqaan diinka.

Xilligaas ayuu soo bilowday dabargoynta lagu hayo duurjoogta Soomaaliyeed, hase ahaatee xaaladdu waxay ka dartay oo dibi dhal noqotay wixii ka dambeeyay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Waxaa markaas soo if baxay ganacsato ay waddaniyaddu ku yar tahay, kuwaas oo shaqo ka bilaabay dhoofinta dhuxusha. Ganacsatadaas ayaa heshiisyo ganacsi oo dhuxul ah la galay iibsadayaal Carbeed, waxayna bilaabeen inay dhuxusha si xad dhaaf ah uga raraan dekedaha dalka.

Sahan ballaaran iyo tirakoob sugan oo dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dekedda Kismaayo ay tahay xuddunta dhoofinta dhuxusha ugu badan, isla markaana ay tahay dekedda keliya ee xilligan laga dhoofiyo. Dhuxusha laga dhoofiyo dekeddaas waxaa badankeeda laga keenaa gobollada Jubbooyinka, Bay, Bakool, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyadoo goynta geedahana loo adeegsado mishiinno casri ah oo si fudud u jaraya dhirta.

Duurjoogta Soomaaliya qaar badan oo ka mid ah ayaa qarka u saaran inay dabar go’aan, sida maroodigii iyo wiyishii dalkeenna oo maanta aan midkoodna laga helin gudaha Soomaaliya.

Haramcadka iyo shabeelka ayaa loo ugaarsadaa si iyagoo nool loogu iib geeyo dalalka Carabta, ama looga helo maqaarkooda quruxda badan. Libaaxa ayaa loo dilaa duftiisa iyo maqaarkiisa. Jeerta wabiga waxaa loo dilaa ilkaheeda, hilibkeeda, subaggeeda iyo haraggeeda. Sagaarada ayaa loo dilaa in hilibkeeda lagu daweeyo carruurta xiiqdheerta qabta, sida ay rumeysan yihiin dad badan oo Soomaaliyeed. Diirdiirka, deerada iyo cawsha ayaa iyaguna loo ugaarsadaa si loo cuno hilibkooda, iyadoo mararka qaarna la dhoofiyo.

Bakaylaha ayaa noqday xayawaan si joogto ah loo keeno qaar ka mid ah suuqyada Muqdisho, si hilibkiisa loo cuno. Sidoo kale, lo’gisida ayaa hilibkeeda si rasmi ah looga helaa maqaayadaha ku yaal tuulooyin ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, sida Husungu, Kudhaa, Xaliimo Caddey iyo deegaanno kale.

Goroyada yaryar, galeyrka iyo qaandhawga ayaa si joogto ah loogu dhoofiyaa dalalka Khaliijka. Dabadeed, amiirrada, sheekhyada iyo maalqabeennada Carbeed ayaa ku raaxeysta duullimaadkooda quruxda badan iyo qaabka tababaran ee ay shimbirahaas isu ugaarsadaan.

Qaar ka tirsan duurjoogta ayaa kasoo qaxay deegaannadii ay ku noolaayeen kadib markii la jaray dhirtii gabbaadka u ahayd. Deegaannadaas waxaa ku batay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadka, taas oo cabsi weyn gelisay duurjoogta, sababtayna inay si baqdin leh ugu soo qulqulaan magaalooyinka.

Xayawaankaas waxaa ka mid ah mukulaal-shabeelka, manso-lugaaleyda, daanyeerka, guduudanaha iyo waraabaha. Warbaahinta ayaad hore uga maqasheen in waraabaha lagu toogtay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa wada dhoofinta noocyo ka tirsan duurjoogta, sida haramcadka, libaaxa, geriga, gorayada iyo qaar ka mid ah shimbiraha quruxda badan.

Xoolaha dheddigga ah ayaa iyana ka mid ah waxyaabaha sida sharci darrada ah looga dhoofiyo dalka. In kastoo maamullada qaar ee ka jira meelo ka tirsan dalka ay arrintaas sharciyo kasoo saareen, haddana waxaad mooddaa in weli kheyraadka dabiiciga ah laga dhoofiyo deegaannada uu jiritaanka maamulkoodu muranka ka taagan yahay.

Waxaa jira sharci caalami ah oo ay isla oggolaadeen dalalka ku jira Qaramada Midoobay sanadkii 1975-kii, kaas oo mamnuucaya ka ganacsiga xayawaanka iyo dhirta. Hase yeeshee, sharcigaasi wuxuu oggol yahay in oggolaanshaha ka ganacsigooda ay bixin karto dowlad sharci ah.

Xilligii xukuumaddii ugu dambeysay ee Maxamed Siyaad Barre waxaa jiray sharciyo kala duwan, sida digreeto lambarkeedu ahaa 27, oo soo baxday 27-kii Oktoobar 1969-kii, taas oo gebi ahaanba mamnuucaysay dhoofinta dhuxusha. Waxaa sidoo kale jiray sharcigii xannaanada xoolaha ee lambarkiisu ahaa 20, oo soo baxay 27-kii Juun 1967-kii, kaas oo xaaraan ka dhigayay dhoofinta dheddigga geela, ariga, fardaha iyo dameeraha.

Ali Muhiyaddiin
[email protected]

Farmaajo oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray xaaladda dalka, una digay Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka ka taagan.

Farmaajo ayaa xusay in Jimcaha soo socda oo ku beegan 15 May 2026 ay tahay maalintii ugu dambeysay ee muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in toddobaadka ka haray muddo xileedka Madaxweynaha ay tahay in xoogga la saaro dhismaha hannaan doorasho oo loo dhan yahay oo ay ku wada qancaan dhammaan dhinacyada siyaasadda, si looga hortago qalalaase siyaasadeed iyo kala qeybsanaan hor leh.

Sidoo kale, Farmaajo waxa uu ugu baaqay dowladda in si degdeg ah loo sii daayo wariyeyaasha iyo dadka u istaagay difaaca bulshada la dhibaateeyey xilligan adag, taas oo khilaafsan dastuurka iyo xeerarka dalka, muujinaysana jihada xukun-boobka ah ee uu aaday nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambayn, Madaxweynihii 9-aad ee dalka waxa uu tilmaamay in warka dawladdu ay ku sheegtay in ay guryo u dhisayso tiro yar oo ka mid ah qoysaskii la barakiciyay, sanadihii la soo dhaafay uu yahay hadal ay dawladdu ku wajahayso cadaadiska iyo kacdoonka bulshada.

“Ma jiro qooondo horey loo qorsheeyey oo arrinkaas loogu daray miisaaniyadda dowladda, ayna u harsan yihiin nidaamka barakiciyey maalmo kooban,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay inay dib u dejin u sameynayso shacabkii ku barakacay baneynta dhulka danta guud ee caasimadda, xilli ay sheegtay in la joojiyay sii wadista qorshaha burburinta.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli mucaaradku isku diyaarinayo qabashada dibadbax weyn oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo 10-ka bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Mucaaradka ayaa raba in dibadbaxa ay qeyb weyn ka noqdaan shacabka laga burburiyay guryihii ay deganaayeen, kuwaas oo maalmihii dambe cabasho marinayay warbaahinta.

Turkiga ma gumeystaha cusub ee Soomaaliya?

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa si adag u beenisay eedeymo sheegaya inay tahay “gumeystaha cusub” ee Soomaaliya, iyadoo ku adkeysatay in xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya uu ku dhisan yahay iskaashi, dan wadaag iyo taageero saaxiibtinimo.

Cemalettin Kani Torun oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Turkiga ayaa sheegay in Ankara ay mar walba ixtiraamto midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Turkiga uu Soomaaliya kala shaqeeyo arrimaha horumarinta, amniga, waxbarashada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, isaga oo xusay in taageerada Ankara aysan ku saleysneyn dano gumeysi ama faragelin siyaasadeed.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay isa soo tarayaan doodaha la xiriira doorka sii kordhaya ee Turkiga ku leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliso gudaha dalka.

Turkiga ayaa dhawaan sidan oo kale u beeniyay in uu si hal dhinac ah uga faa’iideysanayo kheyraadka dabiiciga ah iyo tamarta Soomaaliya, gaar ahaan shidaalka.

Ankara ayaa sheegtay in faafinta wararka been-abuurka ah looga dan leeyahay “leexinta xaqiiqda” iyo wiiqidda iskaashiga wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

“Doodaha baraha bulshada ee isku dayaya in Turkiga loo sawiro sidii dal kaliya ka faa’iideysanaya sahminta saliidda Soomaaliya waa warar aan sal lahayn, ujeedkooduna yahay in lagu dhaawaco iskaashiga labada dal,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Agaasimaha Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Turkiga.

Sidoo kale, bayaanka Turkiga ayaa lagu yiri: “Heshiiska ay wada saxiixdeen TPAO iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliya wuxuu si cad u qeexayaa in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.”

Ankara ayaa sidoo kale tilmaamtay in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu ku dhisan yahay iskaashi wadajir ah oo u dhexeeya laba dal oo madax-bannaan.

“Sidaas darteed, waxaan si gaar ah u boorrineynaa inaan la rumeysan wararka been-abuurka ah iyo macluumaadka marin-habaabinta ah ee lagu bartilmaameedsanayo iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada dal.”

Si kastaba, Turkiga ayaa haatan howlaha shidaal qodista ka bilaabay Soomaaliya, iyadoo la beegsanayo keydadka ku jira badda gunteeda hoose, kuwaas oo horey loo aqoonsaday kadib sahan dhameystiran oo uu sameeyay markabka cilmi-baarista ee Oruç Reis sanadkii 2025.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa ku hooyanaya dalka…

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, halkaasi oo caawa uu ku hooyanayo

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti, waxaana halkaasi ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dalkaasi.

Mas’uuliyiinta soo dhoweysay wafdiga Soomaaliya ayaa muujiyay xiriirka walaaltinimo, iskaashi iyo deris wanaagga ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti, kuwaas oo leh xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ah madaxda dalalka Geeska Afrika iyo mas’uuliyiinta kale ee lagu casuumay inay ka qeyb-galaan munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle.

Munaasabaddan ayaa la filayaa inay kasoo qeyb-galaan hoggaamiyeyaal kala duwan oo ka socda qaaradda Afrika iyo dibaddeeda, kuwaas oo u tegaya Jabuuti taageerada dowladda iyo shacabka dalkaasi.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Jabuuti, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda sare ee dowladda Jabuuti iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeyb-galaya munaasabadda caleemo-saarka.

Kulamadaas ayaa la filayaa inay diiradda saaraan xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga amniga, arrimaha gobolka iyo dardar-gelinta wada shaqeynta u dhexeysa Soomaaliya iyo Jabuuti.

Mareykanka iyo Iran oo is-weeraray iyo Trump oo sheegay in xabad-joojintii…

Muscat (Caasimada Online) – Iska horimaad xooggan ayaa maanta ku dhexmaray ciidamada badda ee Mareykanka iyo Iiraan aagga Gacanka Hormuz, iyadoo labada dhinac ay isku eedeeyeen mas’uuliyadda weerarka.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Iran ay gantaallo, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo doomaha dheereeya ku weerartay saddex ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Mareykanka, iyadoo Pentagon-ka uu ku tilmaamay “weerar aan loo meel dayin.”

Madaxweyne Trump oo ka falcelinayay dhacdadaas ayaa yiri, “Iran maanta waxay nagu sameysay daandaansi.” Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale caddeeyay in heshiiskii xabbad-joojinta ee lala galay Iran uu weli sidiisii yahay.

Dhanka kale, taliska sare ee ciidamada Iran ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu bartilmaameedsaday markab nooca shidaalka qaada ah iyo markab kale oo ku dhowaa Gacanka Hormuz, iyagoo sheegay in Mareykanku uu weerarro cirka ah ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla xeebaha Iran.

Iyadoo ay muuqato nuglaanta xabbad-joojinta, Wasaaradda Gaashaandhigga ee Imaaraadka Carabta ayaa subaxnimadii hore ee Jimcaha sheegtay in nidaamka difaaca cirka ee dalkaas uu ka hortagay weerar gantaallo iyo drones ah oo kaga yimid dhanka Iran.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in laba gantaal oo nooca ballistic-ga ah iyo saddex diyaaradood oo UAV ah ay soo dhaceen, taas oo sababtay dhaawaca saddex qof.

Dhanka kale, warbaahinta qaranka Iran ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay Gacanka Hormuz, iyagoo ku tilmaamay “isdhaafsi rasaas” oo dhexmaray iyaga iyo “cadowga.” Sidoo kale, wararka maxalliga ah ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay gudaha caasimadda Tehran.

Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay burburiyeen hanjabaadihii uga yimid Iran, iyagoo bartilmaameedsaday xarumihii laga soo tuurayay gantaallada iyo goobihii laga hagayay diyaaradaha drones-ka.

“CENTCOM ma doonayso in xaaladdu ka sii darto, balse waxay diyaar u tahay inay difaacdo ciidamada Mareykanka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hanjabaadda Trump iyo falcelinta Iran

Madaxweyne Trump oo fariin soo dhigay barta Truth Social ayaa ku hanjabay in haddii Iran aysan saxiixin heshiiska “si degdeg ah,” Mareykanku uu qaadi doono weerarro ka xooggan kuwii hore.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Mareykanka inuu mar walba doorbido “tacabur ciidan” xilli kasta oo xal diblomaasiyadeed miiska saaran yahay.

Isagoo qoraal soo dhigay barta X, ayuu yiri: “Iiraaniyiintu marnaba uma makalaan cadaadis.”

Xiisaddan ayaa timid xilli Mareykanku uu rumeysan yahay inuu qarka u saaran yahay heshiis ka kooban 14 qodob oo lala galo Iran, kaas oo gundhig u noqon kara wada-hadallada nukliyeerka. Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay dadaal ugu jirto sidii xabbad-joojintan loogu beddeli lahaa nabad waarta.

Si kastaba, xubno sare oo ka tirsan baarlamaanka Iran ayaa naqdiyay qodobbada hordhaca ah ee Mareykanka, iyagoo ku tilmaamay “liis rabitaanno ah” oo aan dhab ahayn, waxayna ka digeen in gacantoodu ay saaran tahay “kiciyaha gantaalka” haddii aan shuruudahooda la fulin.

Dowladda Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn iska horimaadyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gacanka Hormuz.

Xisbi ku hanjabay inuu ka baxayo doorashada Koonfur Galbeed + Sababta

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Xisbiga siyaasadeed ee Sinnaanta iyo Caddaaladda (Sincad) ayaa ku hanjabay inuu ka bixi doono doorashada maamulka Koonfur Galbeed, haddii aan wax laga qaban cabashooyin la xiriira hannaanka doorashada oo uu ku tilmaamay mid ay hareeyeen musuq-maasuq iyo cadaalad-darro.

Xisbiga ayaa sheegay in geeddi-socodka doorashada uu wajahayo faragelin siyaasadeed iyo ku-takrifal awoodeed, taas oo uu sheegay inay dhaawici karto kalsoonida lagu qabo doorashada qof iyo cod ee la filayo inay ka dhacdo maamulkaasi.

Xoghayaha guud ee xisbiga Sincad, Cabdifitaax Xasan Afrax oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in xisbigiisu uu weli aaminsan yahay muhiimadda doorasho xor iyo xalaal ah oo shacabka ay codkooda si toos ah ugu dhiibanayaan.

“Waxaan ka mid nahay dadkii ku qancay in Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah,” ayuu yiri Afrax, isaga oo tilmaamay in xisbigiisu doonayo inuu taageerada shacabka ku kasbado si musharraxiintiisu uga qeyb galaan heerarka kala duwan ee dowladnimada.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xisbiga Sincad laga hor istaagay qabanqaabooyin siyaasadeed oo ay ka wadeen magaalada Baydhabo, halka, xisbiga talada haya ee JSP uu si xor ah u adeegsanayo awoodaha dowladda iyo ololaha doorashada, sida uu sheegay.

Afrax ayaa ku eedeeyay guddiga doorashada inay ku lug leeyihiin marin-habaabinta shacabka, isaga oo sheegay in magaalada Baydhabo laga abaabulayo munaasabado lagu taageerayo musharraxiin ka tirsan JSP, kuwaas oo shacabka loo tusayo inay durba ku guuleysteen kuraasta doorashada.

Waxa uu sheegay in arrimahaasi ay dhaawacayaan hufnaanta iyo dheellitirka loo baahan yahay inta lagu guda jiro ololaha doorashada, islamarkaana ay abuuri karaan tabasho siyaasadeed oo hor leh.

Xoghayaha guud ee xisbiga Sincad ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu si degdeg ah u soo farageliyo xaaladda ka taagan Baydhabo, si loo helo jawi doorasho oo loo siman yahay.

Wuxuu sidoo kale dalbaday in la keeno kormeerayaal caalami ah oo la socda geeddi-socodka doorashada Koonfur Galbeed, si loo xaqiijiyo daahfurnaan iyo kalsooni ay qabaan dhinacyada siyaasadda ku tartamaya.

Inkasta oo uu sheegay in xisbigiisu aanu dooneyn inuu qaadaco doorashada, ayuu Cabdifitaax Xasan Afrax caddeeyay in haddii aan wax laga beddelin xaaladda hadda jirta, xisbiga Sincad uu dib uga fiirsan doono sii wadista ka qeybgalka doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Mucaaradka oo su’aal geliyay qorshaha DF uga dhuumaneyso ceebta ka taagan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ka hadlay qorshaha Dowladda Federaalka ay ku wajahayso xiisadda ka taagan burburinta dhulka danta guud, taas oo si weyn u saameysay shacabka reer Muqdisho.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku jiro xukunkiisa, ayna iskugu darsameen cabsi, welwel iyo jahawareer.

“Shalay waxaa la sheegay in la joojiyey dhul-boobkii iyo barakicintii, balse isla habeenkii cagaftu waxay dumisay xaafado dhan. Wasiirka Hawlaha Guud oo ay wasaaraddiisu ku guri kiro ah ku jirto , inta badan dhulkii ay lahaydna la xaraashay, ayaa lagu amray inuu ku dhawaaqo in 10 kun oo guri loo dhisayo shacabka,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale, wuxuu su’aal geliyay sida hoggaankii ka burburiyay guryahooda uu haatan mid kale ugu dhisayo. “Soomaalidu waxay tiraahdaa: Nin ku dilay har kuguma jiido,” ayuu yiri.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u dejin u sameynayso shacabkii ku barakacay baneynta dhulka danta guud ee caasimadda, xilli ay sheegtay in la joojiyay sii wadista qorshaha burburinta.

Arrimahan ayaa imanaya xilli mucaaradku isku diyaarinayo qabashada dibadbax weyn oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo 10-ka bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho. Mucaaradka ayaa raba in dibadbaxa ay qeyb weyn ka noqdaan shacabka laga burburiyay guryihii ay deganaayeen, kuwaas oo maalmihii dambe cabasho marinayay warbaahinta.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Taliska Madaxweyne Xasan wuxuu ku jiraa maalmihii ugu dambeeyey ee xukunkiisa, cabsi, welwel iyo jahawareerna ayaa iskugu darsamay. Halkii uu xaqiiqda ka wajihi lahaa, ayuu isku dayayaa in uu dacaayad iyo borobagaando jaban shacabka lagu marin habaabiyo.

Shalay waxaa la sheegay in la joojiyey dhul-boobkii iyo barakicintii, balse isla habeenkii cagaftu waxay dumisay xaafado dhan. Wasiirka Hawlaha Guud oo ay wasaaraddiisu ku guri kiro ah ku jirto , inta badan dhulkii ay lahaydna la xaraashay, ayaa lagu amray inuu ku dhawaaqo in 10 kun oo guri loo dhisayo shacabka.

Soomaalidu waxay tiraahdaa: “Nin ku dilay har kuguma jiido.” Sidee nin hoygaagii kaa dumiyey mid kale kuugu dhisayaa

“Xirfad maaha beentuye
Afku yaanu kaa xadin!
Xaqiiqada ha gees marin
Xaqa adiga oo garan
Xaggaad eegtay haw deyin!

Abwaan Af-gudhiye (AUN)

Xogta shir Somaliland iyo Israa’iil ku dhex-maray Addis Ababa + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wafuud ka kala socotay Somaliland iyo ganacsato Israa’iili ah ayaa kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee labada dhinac.

Kulanka ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, halka dhinaca Israa’iil ay ka qeyb-galeen wakiillo ganacsi iyo diblomaasiyiin ka socday dowladda Israa’iil.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa lagu sheegay in wada-hadallada ay diiradda saareen fursadaha iskaashi ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen daneyn ku aaddan xoojinta xiriirka dhaqaale.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay horumarinta iskaashiga qaybaha beeraha, tamarta, tiknoolajiyadda, kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada maaliyadda iyo caafimaadka, kuwaasi oo loo arko meelaha ugu muhiimsan ee iskaashiga laga sameyn karo.

Wafdiga Somaliland waxaa sidoo kale kamid ahaa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdinasiir Axmed Xirsi, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caymiska, Cabdisalaan Maxamed Maxamuud (Buusi) iyo xubno kale oo ka socday ganacsatada Somaliland.

Ganacsatada Somaliland ee kulanka ka qeyb galay waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Jamaal Aydiid Ibraahim, kaas oo door muuqda ku lahaa wada-hadallada la xiriira iskaashiga ganacsi.

Kulankan ayaa waxaa qabanqaabadiisa lahaa Safiirka Somaliland u fadhiya Israa’iil, Dr. Maxamed Xaaji, iyadoo la sheegay in ujeeddadiisu ahayd in la abuuro xiriir ganacsi iyo maalgashi oo muddo dheer ah oo dhex mara Somaliland iyo shirkadaha Israa’iiliyiinta ah.

Dhinaca Israa’iil waxaa kulanka ka qeyb galay Ku-xigeenka Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya iyo diblomaasiyiin kale, halka Safiirka Israa’iil ee Somaliland, Michael Lotem, uu si muuqaal fog ah uga qeyb galay shirkaasi.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa sheegtay in wada-hadalladani ay qeyb ka yihiin dadaallada Somaliland ay ku dooneyso inay kusoo jiidato maalgashi shisheeye iyo iskaashi dhaqaale oo caalami ah, iyadoo la filayo in kulamadan ay horseedaan heshiisyo ganacsi iyo maalgashi oo la hirgeliyo mustaqbalka dhow.

Sacuudiga iyo Kuweyt oo ka laabtay go’aan ay hore uga qaateen Mareykanka

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladaha Sacuudiga iyo Kuweyt ayaa Mareykanka dib ugu fasaxay inuu isticmaalo hawada dalalkooda, kadib markii labadaasi dowladood ay horey u joojiyeen isticmaalka hawadooda ee howl-gallada Washington.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysay hakintaasi iyo dib u fasaxidda hawada, haddana arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe iyo cabsi laga qabo in colaadaha gobolka ay sii fidaan.

Dalalka Khaliijka ayaa si gaar ah uga walaacsan suurtagalnimada inay bartilmaameed u noqdaan weerarro kaga yimaada Iran, maadaama ay martigeliyaan saldhigyo iyo dhaqdhaqaaqyo militari oo Mareykanku ku leeyahay gobolka.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegtay in Sacuudiga iyo Kuweyt ay dib u qiimeeyeen mowqifkooda, kadib markii ay arkeen muhiimadda istiraatiijiyadeed ee ay hawadoodu u leedahay howl-gallada Mareykanka, gaar ahaan kuwa la xiriira marin-biyoodka Hormuz.

Wargeyska The Wall Street Journal ayaa warbixin uu daabacay ku sheegay in Mareykanka uu dib u helay oggolaanshaha isticmaalka hawada labada dal, taas oo muhiim u ah dhaq-dhaqaaqyada militari iyo amni ee Washington ka waddo gobolka.

Sidoo kale warbixinta ayaa tilmaamtay in dalalka Khaliijka ay dareemeen in culeyska iyo khasaaraha ka dhasha xiisadaha gobolka uu si weyn u saameynayo iyaga, halka Mareykanka uu ka fogaanayo waxyeellada tooska ah.

Go’aanka cusub ee Sacuudiga iyo Kuweyt ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii Mareykanka uu muwaadiniintiisa qaar kala baxay dalalka Khaliijka, si looga hortago waxyeello ka dhalan karta xaaladda amni ee sii xumaaneysa.

Tallaabadaasi ayaa la rumeysan yahay inay abuurtay walaac cusub oo ku saabsan sida Washington uga falcelineyso khataraha jira, taas oo keentay in madaxda dalalka Khaliijka ay dib uga fiirsadaan xiriirkooda iyo iskaashiga amni ee ay la leeyihiin Mareykanka.

Dhanka kale, Iran ayaa horey digniino adag ugu dirtay dalalka Khaliijka Carabta, iyada oo uga digtay inay taageero siiyaan Mareykanka iyo Israa’iil, waxayna sheegtay in cid kasta oo la safata ay wajihi doonto weerarro iyo duqeymo kaga yimaada dhinacyo kala duwan.

Dagaal khasaare xooggan geystay oo ka qarxay Sanaag iyo S/LAND oo war kasoo saartay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si degdeg ah ugu baaqday in la joojiyo dagaal beeleed khasaare culus sababay oo ka dhacay deegaanka Carmale ee hoostaga degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kadib markii halkaasi ay ku dhinteen dad badan oo kasoo kala jeeda labada dhinac ee dirirtu dhexmartay.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan 23 qof oo ku geeriyooday dagaalka loo sameeyay xabaal wadareed deegaanka Carmale, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaadkaasi oo maalmahanba ka taagnaa gobolka Sanaag.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in colaaddan ay salka ku hayso muran la xiriira dhul daaqsimeed iyo aanooyin hore oo u dhexeeyay labada beelood ee dirirtu dhexmartay, kuwaasi oo marar kala duwan isku dhacay sanadihii lasoo dhaafay.

Xukuumadda Somaliland ayaa si weyn uga hadashay xaaladda deegaanka, iyada oo sheegtay in dagaalkaasi uu sababay khasaare naf iyo maalba leh, isla markaana loo baahan yahay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda sii laba kacleyn karta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Sandheere ayaa sheegay in xukuumaddu ay shir degdeg ah ka yeelatay dagaalka, si xal loogu helo colaadda soo noqnoqotay ee ka aloosan deegaanka Carmale.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamada kala duwan ee ku sugan jiidda hore lagu amray inay si degdeg ah uga qeyb qaataan daminta colaadda, isla markaana ay kala dhexgalaan labada dhinac ee dagaallamaya.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay shacabka deegaanka inay la shaqeeyaan ciidamada iyo masuuliyiinta ku howlan qaboojinta xaaladda, isaga oo ku adkeeyay in laga hortago dhiig kale oo ku daata deegaanka.

“Waxaan ugu baaqeynaa shacabka iyo waxgaradka deegaanka inay ka qeyb qaataan nabadeynta, si loo badbaadiyo dadka walaalaha ah ee dagaalku saameeyay,” ayuu yiri wasiir Sandheere.

Dhankiisa, guddoomiyaha gobolka Sanaag, Maxamuud Raage Ibraahin, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka, isaga oo sheegay in dhimashada iyo dhaawacyada dhacay ay yihiin kuwo murugo leh.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalkaasi uu saameyn weyn ku yeeshay bulshada deegaanka, isla markaana loo baahan yahay in si wadajir ah loogu istaago daminta colaadda.

“Aad iyo aad ayaan uga xunnahay dagaalkan. Waa wax laga murugoodo in dad walaalo ah oo ehel ahi ay si foolxun isku dilaan. Dadku waxay ku dhinteen arrimo aan mudneyn in naf loo waayo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sanaag.

Waxa uu intaas ku daray in maamulka gobolka, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ay wadaan dadaallo nabadeed oo lagu doonayo in lagu kala qaado maleeshiyaadka dagaallamaya, isla markaana xal waara looga gaaro colaadda deegaanka.

Maamulka Somaliland ayaa ugu dambeyn sheegay in dadaallo xooggan lagu bixinayo sidii loo dejin lahaa xaaladda deegaanka Carmale, xilli laga cabsi qabo in dagaalkaasi uu sii fido haddii aan si degdeg ah loo xakameyn.

Villa Somalia oo saraakiil iyo ciidan ay soo xushay dhigtay kontoroollada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa isbeddel ku sameysay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan baraha koontaroolka ee laga soo galo magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamadii iyo taliyeyaashii hore lagu beddelay kuwo cusub.

Tallaabadan, oo muddooyinkii u dambeeyay si tartiib ah u socotay, ayaa lagu sheegay qorshe lagu adkeynayo ammaanka caasimadda, gaar ahaan baraha laga soo galo Muqdisho iyo goobaha lagu hubiyo gaadiidka. Hase yeeshee, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in arrintu sidoo kale leedahay miisaan siyaasadeed oo la xiriira marxaladda kala guurka iyo loolanka doorashada.

Taliyeyaal iyo ku-xigeennadoodii hore ugu sugnaa baraha koontaroolka Muqdisho ayaa loo beddelay gobollada dalka, kadib markii Villa Somalia ay u aragtay in aysan si buuxda ula jaanqaadi karin qorshaha siyaasadeed ee madaxtooyada xilligan xasaasiga ah.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay, Villa Somalia ayaa xoojisay awoodda ciidamada iyo saraakiisha ay ku kalsoon tahay, kuwaas oo loo kala qeybiyay gudaha magaalada Muqdisho iyo baraha koontaroolka ee laga soo galo caasimadda.

Isbeddelka ugu weyn ayaa laga dareemay dhinaca waqooyi ee Muqdisho, gaar ahaan waddooyinka ka yimaada duleedka degmada Kaaraan illaa Suuqa Xoolaha. Ciidamo xooggan oo halkaas muddo ku sugnaa ayaa la beddelay, iyadoo madaxtooyadu ay u aragtay inay yihiin cudud amni oo xiriir dhow la leh dhinacyada mucaaradka, gaar ahaan madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, sida ay sheegeen ilo amni.

Saraakiishii hoggaaminaysay ciidankaas ayaa lagu beddelay saraakiil cusub oo ay soo xulatay Madaxtooyada, taas oo qeyb ka ah dadaal ay Villa Somalia ku dooneyso inay si dhow u maamusho amniga caasimadda iyo dhaqdhaqaaqa ciidamada xilli dalka uu galay marxalad doorasho oo muran badan dhalisay.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli siyaasadda dalka ay mareyso meel adag, islamarkaana ay sii xoogeysaneyso doodda ku saabsan qaabka, waqtiga iyo maamulka doorashooyinka soo socda. Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay jadwal la xiriira doorashooyinka heer dowlad-goboleed, balse weli waxaa muran ka taagan yahay hannaanka doorashada heer federaal iyo sida lagu gaari karo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal siyaasadeed, balse waxay ku xireen shuruudo ay ka mid yihiin in la joojiyo tallaabooyinka doorasho ee ay ku tilmaameen kuwo hal dhinac ah, lana abuuro hannaan dhexdhexaadin ah oo ay dhinacyadu ku wada kalsoonaan karaan.

Xiisadda siyaasadeed waxaa sii xoojiyay muranka ka dhashay wax ka beddelka dastuurka iyo walaaca mucaaradka ee ku saabsan in geeddi-socodka doorashada loo adeegsan karo qaab muddo-kororsi ama dib u dhac siyaasadeed horseedi kara.

Xilliyada kala guurka siyaasadeed ee Soomaaliya waxaa horey loogu bartay in ciidamada ammaanka ay saameyn ku yeeshaan loolanka siyaasadeed, mararka qaarna ay u kala janjeeraan dhinacyada tartamaya. Ka hor doorashadii 2022, Muqdisho waxay 2021 wajahday xiisado amni iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo salka ku hayay murankii doorashada iyo khilaafkii ka dhashay muddo-kororsigii xilligaas.

Mucaaradkii xilligaas ayaa ku eedeeyay dowladdii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay ciidanka dowladda u adeegsatay caburinta siyaasiyiinta ka soo horjeeday, gaar ahaan madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed. Dowladda xilligaas ayaa dhankeeda ku adkeysan jirtay in tallaabooyinkeeda ay la xiriireen amniga caasimadda.

Isbeddelka haatan lagu sameeyay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan baraha koontaroolka Muqdisho ayaa loo arkaa tallaabo amni oo leh farriin siyaasadeed, maadaama ay ku soo beegantay xilli Villa Somalia iyo mucaaradku isku hayaan jihada uu qaadanayo hannaanka doorashada dalka.

Safarka Cabdiraxmaan Cirro ee Imaaraadka oo dhaliyay hadal-hayn ka hor 18 May

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa dhaliyay hadal-heyn siyaasadeed oo xooggan, xilli maamulka Hargeysa uu isu diyaarinayo xuska 18 May.

Safarka Cirro ayaa la sheegay inuu la xiriiro danaha Somaliland, xiriirka ay la leedahay Imaaraadka iyo dadaallada ay Hargeysa ku dooneyso inay ku xoojiso taageero diblomaasiyadeed oo ku aaddan aqoonsi raadinteeda muddada dheer.

Shacabka Somaliland ayaa si dhow ula socda booqashada madaxweynahooda, iyagoo sugaya inuu dib ugu laabto Hargeysa ka hor munaasabadda 18 May, oo maamulka Somaliland u asteeyo sanad-guuradii ka soo wareegtay markii uu 1991 ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.

Wararka ka imaanaya Hargeysa ayaa sheegaya in dad badan ay aaminsan yihiin in safarka Cirro ee Imaaraadka uu la imaan karo farriin siyaasadeed oo muhiim ah, gaar ahaan maadaama uu horey u sheegay in shacabka Somaliland ay maqli doonaan war farxad geliya inta lagu guda jiro xuska 18 May.

Madaxweyne Cirro ayaa horey u sheegay in Somaliland ay fileyso tallaabo cusub oo diblomaasiyadeed, isagoo si dadban u tilmaamay in dal kale uu ku soo biiri karo Israel, oo horey ugu dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland. Hadalkaas ayaa sare u qaaday rajada taageerayaashiisa, balse wuxuu sidoo kale kordhiyay walaaca ka jira Muqdisho.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeedda tallaabo kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland, iyadoo ku adkeysata in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana aanay jirin awood shisheeye oo si gooni ah ula macaamili karta gobol ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Somaliland, oo caalamku weli u aqoonsan yahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, ayaa muddo ka badan 30 sano raadineysay aqoonsi caalami ah. Hase yeeshee, dadaalladaas waxaa hor istaagay mowqifka dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dalal kale oo taageera midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Hadal-heynta safarka Imaaraadka ayaa timid xilli Abu Dhabi ay muddo dheer xiriir dhaqaale iyo istiraatiiji ah la lahayd Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera iyo maalgashiyo kale oo gobolka ka socda. Taas ayaa keentay in dad badan ay u arkaan booqashada Cirro mid ka baxsan safar caadi ah, inkastoo aysan jirin illaa hadda war rasmi ah oo Imaaraadku ku sheegay inuu beddelay mowqifkiisa ku aaddan qaddiyadda Somaliland.

Muqdisho ayaa si gaar ah uga walaacsan in xiriirka sii xoogeysanaya ee Hargeysa iyo Abu Dhabi uu yeesho saameyn siyaasadeed oo ka baxsan iskaashi dhaqaale. Dowladda Soomaaliya waxay horey u sheegtay in xiriir kasta oo dal shisheeye la sameynayo qeyb ka mid ah Soomaaliya uu yahay mid u baahan inuu maro dowladda federaalka.

Si kastaba, safarka madaxweynaha Somaliland ee Imaaraadka ayaa noqday qodobka ugu weyn ee lagu falanqeynayo Hargeysa, iyadoo indhaha shacabka iyo siyaasiyiinta ay ku jeedaan waxa uu Cirro la soo laaban doono ka hor munaasabadda 18 May.

Sidee Maxamed bin Salman u fashiliyey qorshihii Trump ee Marinka Hormuz?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah u hakiyey qorshe uu ku doonayay in maraakiibta laga caawiyo inay ka gudbaan marin-biyoodka Hormuz, kadib markii Sacuudiga uu xannibay awooddii militariga Mareykanka ee uu saldhigyada iyo hawada boqortooyada ugu adeegsan lahaa howlgalkaas, sida ay NBC News u sheegeen laba mas’uul oo Mareykan ah.

Trump ayaa galabnimadii Axadda baraha bulshada kaga dhawaaqay howlgal uu ugu magac daray “Project Freedom”, arrintaas oo lama filaan ku noqotay xulafada Mareykanka ee Khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Mareykanka.

Boqortooyada ayaa markaas Washington ku wargelisay in aysan oggolaan doonin in diyaaradaha Mareykanka ay ka duulaan saldhigga Prince Sultan Airbase, oo ku yaalla koonfur-bari Riyadh, ama ay isticmaalaan hawada Sacuudiga si ay u taageeraan howlgalka, mas’uuliyiinta ayaa intaas ku daray.

Wicitaan dhexmaray Trump iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaan xallin khilaafka, taas oo ku qasabtay madaxweynaha Mareykanka inuu si ku meel gaar ah u hakiyo howlgalka, si loo soo celiyo marin-u-helidda hawada muhiimka ah ee Sacuudiga.

Xulafada kale ee Mareykanka ee Khaliijka ayaa iyaguna la sheegay in aysan si buuxda ula socon qorshaha. Trump ayaa hoggaamiyeyaasha Qatar la hadlay markii howlgalka uu durba bilowday.

Ilo Sacuudi ah oo la hadlay NBC News ayaa sheegay in Trump iyo Mohammed bin Salman ay “si joogto ah xiriir u lahaayeen.” Ilahaas ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyiin Sacuudi ah ay la xiriireen Trump, Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance, Taliska Dhexe ee Mareykanka iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio.

Markii la weydiiyay in ku dhawaaqista Project Freedom ay lama filaan ku noqotay hoggaanka Sacuudiga, ilaha Sacuudiga ayaa yiri: “Dhibka malahaas ku jira waa in arrimuhu si degdeg ah u dhacayaan, waqtiga dhabta ah.” Waxa uu intaas ku daray in Sacuudiga uu “si weyn u taageersan yahay dadaallada diblomaasiyadeed” ee Pakistan ku dooneyso inay heshiis ku dhex-dhexaadiso Iran iyo Mareykanka si dagaalka loo joojiyo.

Mas’uul ka tirsan Aqalka Cad ayaa isna sheegay, markii wax laga weydiiyay in xulafada gobolka lagu wargelin waayay qorshaha ka hor ku dhawaaqista, in “xulafada gobolka horay loo ogeysiiyay.”

Diblomaasi Bariga Dhexe ku sugan ayaa sheegay in Mareykanka uusan howlgalka Project Freedom kala tashan Cumaan ilaa markii Trump uu ku dhawaaqay kaddib. “Mareykanka ayaa ku dhawaaqay, kadibna nala kaashaday,” ayuu yiri diblomaasiga, isagoo raaciyay: “Ma aanan xanaaqin, mana aanan ka caroon.”

Trump ayaa qorshaha ku dhawaaqay dhammaadkii toddobaadka, isagoo ku tilmaamay tallaabo lagu jebinayo xannibaadda Iran ee marin-biyoodka Hormuz. La-taliyeyaashiisa amniga qaranka ayaa Talaadadii inta badan ku difaacayay qorshahaas shirar jaraa’id oo ka dhacay Pentagon-ka iyo Aqalka Cad, ka hor inta uusan madaxweynuhu si lama filaan ah u joojin howlgalka qiyaastii 36 saacadood kadib markii uu bilowday.

Mas’uul Mareykan ah ayaa sheegay in militariga Mareykanka uu diyaarinayay maraakiib dheeraad ah oo ku sugan Khaliijka si ay uga gudbaan Hormuz markii howlgalka la hakiyay. Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa horey u sheegay in laba markab oo calanka Mareykanka sitay ay si guul ah uga gudbeen marin-biyoodka iyagoo qeyb ka ahaa Project Freedom.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, Trump ayaa sheegay in Project Freedom “la hakinayo muddo kooban si loo arko in heshiis lagu xallinayo dagaalka la dhammeystiri karo lana saxiixi karo.”

Militariga Mareykanka ayaa diyaarado dagaal, diyaarado shidaal-qaad ah iyo nidaamyo difaaca cirka ah ku leh saldhigga Prince Sultan Airbase ee Sacuudiga. Sacuudiga ayaa horay u oggolaaday in Mareykanka uu saldhiggaas ka duuliyo diyaarado taageeraya dagaalka Iran, sidoo kalena ay hawadiisa isticmaalaan diyaarado ka duulaya dalalka deriska ah.

“Juqraafi ahaan, waxaad u baahan tahay iskaashi ka yimaada saaxiibbada gobolka si aad u isticmaasho hawada ku teedsan xuduudahooda,” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta Mareykanka. Waxa uu sheegay in xaaladaha qaar aysan jirin waddo kale oo la mari karo.

Diyaaradaha militariga ayaa muhiim u ahaa ilaalinta maraakiibta intii uu socday Project Freedom, iyagoo siinayay difaac cirka ah oo ka hortaga weerarro suuragal ah.

Militariga Mareykanka ayaa oggolaanshaha noocan ah ugu yeera ABO, oo macnaheedu yahay marin-u-helid, saldhigyo iyo duullimaad hawadeed.

Diyaaradaha dagaalka, kuwa shidaalka qaada iyo kuwa taageerada ayaa dhammaantood u baahan fasax ay kaga duulaan dalalka muhiimka ah ee gobolka. Sacuudiga iyo Urdun ayaa muhiim u ah saldhigyada, Kuwait waxay muhiim u tahay duullimaadka hawada, halka Cumaan ay muhiim u tahay duullimaadka hawada iyo taageerada saadka badda.

Trump ayaa Amiirka Qatar la hadlay markii Project Freedom uu durba bilowday. Mas’uul Qatari ah ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen heshiiska xabbad-joojinta iyo “saameynta uu ku yeelan karo amniga badda iyo silsiladaha sahayda caalamiga ah.” War-saxaafadeedka Qatar ayaa sheegay in amiirku carrabka ku adkeeyay muhiimadda dejinta xiisadda.

Militariga Mareykanka ayaa weli joogitaan ballaaran ku leh gudaha iyo hareeraha Khaliijka. Joogitaanka Mareykanka ee gobolka ayaa ka weyn kii jiray 28-kii Febraayo, markii dagaalku bilowday. Laba markab oo diyaarado xambaara ah ayaa ku sugan gobolka, Pentagon-kuna wuxuu geeyay taageero dheeraad ah oo dhanka saadka ah, isagoo sidoo kale buuxiyay keydadka hubka iyo agabka.

Project Freedom ayaa muddo kooban bixiyay ilaalin militari oo Mareykan ah, awood dab, kormeer iyo shaqaale la saaray maraakiibta, si ay si ammaan ah uga baxaan Gacanka Persia una maraan Hormuz, xilli ciidamada Iran ay sii wadeen hanjabaado iyo weerarro ka dhan ah maraakiibta ku gudbaysa marin-biyoodkaas muhiimka ah.

Mas’uuliyiinta Pentagon-ka ayaa sheegay in howlgalkaas uu ka madax-bannaan yahay duqeymaha Mareykanka ee bilowday 28-kii Febraayo, kuwaas oo loogu magac daray “Epic Fury.”

Maamulka Trump ayaa isku dayaya inuu riixo heshiis lagu soo afjarayo colaadda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ISNA ku sheegay in Tehran ay dib u eegayso hindise nabadeed oo kale oo Mareykanka ka yimid. Wuxuu sheegay in marka maamulka Iran uu qiimeeyo hindisaha, ay kala hadli doonaan Pakistan, oo doorka dhexdhexaadinta wadda.

Qoraal uu Arbacadii hore soo dhigay baraha bulshada, Trump faahfaahin kama bixin hindisaha, balse wuxuu sheegay in dagaalku dhammaan karo haddii “Iran ay oggolaato inay bixiso wixii horay loogu heshiiyay.”

“Waxay doonayaan inay heshiis sameeyaan,” ayuu Trump Arbacadii ka sheegay Xafiiska Oval. Wuxuu intaas ku daray in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay jireen “wada-hadallo aad u wanaagsan.”

Cadaadiska siyaasadeed ayaa sidoo kale ku sii kordhaya Trump, xilli Mareykanka uu ku sii dhowaanayo doorashooyinka xilliga dhexe ee bisha November, kuwaas oo Jamhuuriyiintu ku doonayaan inay ilaashadaan aqlabiyaddooda yar ee Aqalka Wakiillada iyo awoodda ay ku leeyihiin Senate-ka.

Wareysi uu Arbacadii siiyay PBS, Trump ayaa sheegay inay suuragal tahay in wada-xaajoodyada Mareykanka ay heshiis la gaaraan maamulka Iran ka hor safarkiisa Beijing ee toddobaadka soo socda, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

“Waxaan u maleynayaa inay fursad aad u wanaagsan u leedahay inay dhammaato, haddii aysan dhammaanna waa inaan dib ugu laabannaa inaan si xooggan u duqeyno,” ayuu Trump u sheegay PBS.

Dhowr qof oo si dhow ula shaqeeya Trump ayaa la sheegay inay ku boorriyeen inuu “shaqada dhammeeyo” gudaha Iran, iyagoo ku riixaya in la burburiyo inta ka hartay awoodda militari ee caadiga ah ee maamulka Tehran. Mas’uuliyiin hore oo Mareykan ah ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkaas ay aaminsan yihiin in weerarka la dhammeystiri karo ka hor safarka muhiimka ah ee Shiinaha.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa Arbacadii la kulmay madaxda Iran, isagoo sheegay in ay lama huraan tahay in dagaalka sida ugu dhaqsaha badan loo soo afjaro.

“Waxaan aaminsannahay in xabbad-joojin dhammaystiran si degdeg ah loogu baahan yahay, in dib u billaabidda colaadaha aan la aqbali karin, iyo in ay si gaar ah muhiim u tahay in lagu sii adkeysto wadahadal iyo gorgortan,” ayuu Wang ku yiri muuqaal kulanka laga helay oo ay baahisay Associated Press.

Mas’uul sare oo ka tirsan baarlamaanka Iran, Ebrahim Rezaei, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay in hindisaha ugu dambeeyay uu yahay “liis rabitaan ilaa uu xaqiiqo noqdo.”

“Mareykanku kuma heli doono dagaal fashilmay waxa uu ku waayay wadahadallo fool ka fool ah,” ayuu yiri Rezaei. “Iran waxay farta ku haysaa leebka wayna diyaar tahay; haddii aysan is dhiibin oo aysan bixin tanaasulka lagama maarmaanka ah, ama haddii iyaga iyo xulafadooda sharka ah ay isku dayaan inay xumaan sameeyaan, waxaan bixin doonnaa jawaab adag oo laga qoomameeyo.”

Si kastaba, mas’uul Urdun u dhashay oo la hadlay NBC News ayaa sheegay in dadaallada diblomaasiyadeed ay yihiin kuwo dhab ah.

“Iraniyiintu ma haystaan awood dhaqaale oo ay arrintan ku sii wadi karaan,” ayuu yiri mas’uulka. “Dhaqaalahoodu wuu fashilmaya, mushaarna ma bixin karaan.”

Maxamuud Tooxoow oo lagu xukumay Mareykanka kadib afduubkii iyo dilkii J.M

Springfield (Caasimada Online) — Maxkamad federaal ah oo ku taalla dalka Mareykanka ayaa xukun adag ku ridday muwaadin Soomaali ah, kadib markii lagu helay dambi ah inuu geystay afduub sababay dhimasho.

Maxamuud Tooxoow Maxamed oo 44 jir ah, ayaa waxaa 30 sano oo xabsi ah ku xukuntay Garsooraha Maxkamadda Federaalka ee Mareykanka, Megan B. Benton. Xukunkan ayaa yimid kadib markii lagu caddadeeyay inuu afduubtay haweeney magaceeda qoraallada maxkamadda loogu soo gaabiyay J.M, taas oo ugu dambeyn la dilay.

Sida ku cad dokumiintiyada maxkamadda, maydka haweeneydan ayaa la helay 29-kii Luulyo ee sanadkii 2019-kii, meel u dhow waddada weyn ee Missouri Highway 59. Helitaanka maydka ayaa timid kadib markii qof waddada marayay uu arkay shandad leh midabka basaliga ah oo hareeraha waddada lagu dhex tuuray, taas oo ay lugo kasoo muuqdeen.

Ciidamada amniga oo goobta gaaray ayaa helay maydka J.M oo aad u burburay, kana ag dhowaa shandadda. Baaritaano xasaasi ah oo lagu sameeyay dheecaanka hiddesidaha (DNA) ayaa xaqiijiyay in dhiigga dhibanaha laga helay agab dhowr ah oo saarnaa gaari ay wada isticmaali jireen iyada iyo eedeysane Maxamuud.

Dhibanaha ayaa markii ugu dambeysay iyadoo nool la arkay 16-kii Luulyo 2019-kii, xilligaas oo ciidamada boolisku ay ka jawaabeen wicitaan degdeg ah oo ka yimid gurigeeda.

Haweeneyda ayaa khadka gurmadka ee 911 u sheegtay in Maxamuud uu mindi ku qabtay, isku dayayna inuu si awood ah ugu tago. Sidoo kale, waxay si isdaba joog ah ugu celcelisay shaqaalaha gurmadka inay aad uga walwalsan tahay in Maxamuud uu waxyeelo gaarsiiyo saddexdeeda carruur ah oo xilligaas la joogay.

Maalin kadib, oo ku beegneyd 17-kii Luulyo 2019-kii, ayaa laamaha amniga lagu wargeliyay in J.M iyo carruurteeda la la’ yahay, kadib markii lagu guuldareystay in telefoonka ama si toos ah loola xiriiro. Ugu dambeyn, carruurta ayaa 8-dii Agoosto 2019 laga dhex helay guri ku yaalla magaalada Des Moines ee gobolka Iowa.

Kadib markii uu carruurta uga dhex tagay gobolka Iowa, Maxamuud wuxuu isaga baxsaday dalka Mareykanka, isagoo muddo dhuumaaleysi kaga maqnaa caddaaladda. Ugu dambeyn, laamaha sirdoonka ayaa helay xogtiisa, waxaana laga soo tarxiilay dalka Guatemala 27-kii Luulyo 2021-kii, isagoo loo gacan geliyay dowladda Mareykanka.

Kiiskan maxkamadeed ayaa waxaa dacwaddiisa wadday Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Mareykanka Ami Harshad Miller.

Baaritaanka kiiskan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Dembi-baarista Federaalka ee FBI, Waaxda Booliska ee McDonald County ee gobolka Missouri, Booliska Rochester ee Minnesota, iyo Booliska magaalada Des Moines ee gobolka Iowa.

C/llaahi Nuur oo ku biiray shirka mucaaradka, shaaciyayna sababta ay isku seegeen Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Maxamed Nuur oo dhawaan iska casilay xilkii la-taliyaha sare ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caawa ku biiray shirka siyaasiyiinta mucaaradka uga socda magaalada Muqdisho.

Cabdullaahi ayaa caawa ka mid ahaa xubno siyaasiyiin ah oo ka baxay garabka Villa Soomaaliya kuna biiray mucaaradka, isagoo wareysi kooban oo uu bixiyay ku sheegay in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay isku seegeen hanaanka uu u wajahayo xaaladda kala guurka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh saaxiibo ayaan ahaan jirnay, laakiin saaxiibtinimadu waa dano shakhsiyadeed, waxaa ka muhiimsan danta caamka, waxaana ku kala tagnay danta guud,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Cabdullaahi ayaa ka gaabsaday in arrimaha ay isku seegeen Madaxweynaha ay qeyb ka tahay doorashada HirShabelle, oo dowladda federaalka ay ku leedahay galaangal xooggan.

Maalmo ka hor, sidan oo kale waxaa shirka mucaaradka ugu biiray xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo dhawaan isaga baxay xisbiga JSP, iskana casilay xilkii uu ka hayay. Odowaa ayaa markaas hoolka shirka kala soo muuqday saaxiibadiis Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo iyaguna horay uga baxay garabka Xasan Sheekh.

Mucaaradka ayaa maalmahan waday shirar isdaba joog ah oo looga arrinsanayo xaaladda kala guurka iyo xiisadda taagan, iyadoo mucaaradku isku diyaarinayo qabashada dibadbax weyn oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo 10-ka bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Si kastaba, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa rejo-xumo ka muujinaya gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, maadaama ay horay u fashilmeen dhammaan wada-hadalladii horay loola galay Madaxweyne Xasan Sheekh ee ka qabsoomay Villa Soomaaliya, waana sababta ay u qaadayaan tallaabooyin cadaadiska ku sii kordhinaya madaxweynaha.

Hoos ka daawo muuqaalka