25 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Shariif oo shaaciyay arrimo kasoo kordhay dibadbaxa mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay dibadbaxa mucaaradka ee maanta ka bilowday qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, isaga oo u tegay banaanbaxayaal isugu soo baxay aagga guria uu ka dagay xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis.

Shariif ayaa marka hore sheegay inay la kulmeen ergo ka socday dowladda federaalka, balse dadaallada la sameeyay ay ka fashilmeen dhanka dowladda.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in la’isla gartay in dibadbaxu ka dhaco garoonka Koonis, balse shacabka laga xirtay waddooyinka, lagana hor istaagay garoonka, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu ka hadlay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dibadbaxa, kadib markii la rasaaseeyay shacab ku sugnaa Dayniile.

“Jidgooyooyin ayaa loo sameeyay dadka waa la jir-dilay runtii waa arrin aad iyo aad looga xumaado sidaas oo kale dibadbaxa waxa uu ka dhacay meelo kale oo ay kamid tahay gubta iyo Dayniile halkaas oo ay dad ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Sheekh Shariif oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in banaanbaxyada ay soo socon doonaan, isla markaana lagu raadinayo xuquuqda dadkii la barakiciyay.

“Mudaharaadku waa noo bilowday mana istaagaayo illaa dadkii dhibanaay xuquuqdooda ay ka helaan,” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif.

Si kastaba, ujeedka ugu wayn ee mucaaradka ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu talada soo dhigo dhexda, kadibna la aado doorasho heshiis lagu yahay.

Doorashooyin ka bilowday Koonfur Galbeed iyo Aadan Madoobe oo…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa maanta deegaannada Koonfur Galbeed si rasmi ah uga bilowday doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka iyo wakiilada ee maamulkaas, iyada oo uu codkiisa dhiibtay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe oo sidoo kale u sharraxan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Doorashooyinkan ayaa si isku mid ah uga bilowday 13 degmo oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool, iyadoo si buuxda ay uga qayb-galaan dadweynaha Koonfur Galbeed oo saaka u dareeray goobaha codbixinta ee loo asteeyay doorashada.

Sida uu sheegay guddiga doorashadu wuxuu loolanka u dhexeeyaaa 15 urur siyaasadeed oo isku diiwaangeliyay ka qayb-qaadashada doorashooyinka golaha wakiilada Koonfur Galbeed, iyada oo ay isa soo sharraxeen illaa 394 musharrax oo isugu jiro rag iyo dumar doonaya inay kamid noqdaan baarlamaanka cusub oo soo dooran doono madaxweynaha.

Sidoo kale golaha deegaanka waxaa ku loolamaya 18 urur, iyada oo ay isa soo sharraxeen illaa 1,297 oo isugu jiro rag iyo dumar u badan dhalinyaro.

Shacabka reer Koonfur Galbeed ayaa maanta qoraya taariikh cusub, iyadoo muddo ka badan 57 sano kadib markii ugu horreysay ay si toos ah uga qeybgalayaan doorasho qof iyo cod ah, si ay u doortaan hoggaankooda.

Doorashooyinkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana ay taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso dowladda federaalka iyo mucaaradka, taas oo haatan si weyn looga dareemayo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Daawo: Kheyre oo ka hadlay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dibad-baxii Dayniile

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dibadbaxa mucaaradka ee haatan ka socoto magaalada Muqdisho, kaas oo durbo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in shacab ka qayb-galayay dibadbaxa oo ku sugnaa degmada Dayniile la rasaaseeyay, isla markaana uu jiro khasaare kala duwan.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Kahyre oo shir jaraa’id qabtay ayaa xaqiijiyay dhimashada hal wiil iyo dhaawaca tiro kale oo shacab ah, isaga oo u tacsiyeeyay ehellada dadka ay waxyeellada soo gaartay.

“Waxaan u tacsiyynayaa ehellada ay dadkooda ku naf-waayeen banaanbixii nabadeed ee ka dhacaayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ku dhaawacmeen,” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.

Khayre ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda inay rasaas u adeegsadeen shacab dhigayay banaanbax nabadeed, isaga oo sidoo kale sheegay in dadka ka badbaaday falkaas ay kamid tahay Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte.

“Banaanbaxaas nabadeed oo socda ayay ciidanka dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo oo maalmuhu u dhiman yihiin waxay huwiyeen rasaas aan loo Aabe yeelin daka khatarta ku galay meeshaas oo Ilaahey ka badbaadiyay marqaatina ka ahaa waxaa kamid ah Xildhibaan Faa’iso Jayte oo socotay goobtaas ay dadku ku dhibaatoobeen,” ayuu mar kale yiri Khayre.

Dhanka kale, waxa uu tilmaamay in weli ciidamo ay dul joogaan hoggaamiyeyaasha mucaaradka, isla markaana la xadiday dhaq-dhaqaaqyooda sida uu hadalka u dhigay.

Mucaaradka oo weli diidan hannaanka uu wax ku wado Xasan ayaa dalbana in talada uu soo dhigo dhexda, kadibna la aado doorasho heshiis lagu yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si deg-deg ah dib ugu soo laabtay dalka kadib markii booqasho ku tegay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Xasan Sheekh ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo ka dhacday magaalada Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu ka baaqday safar uu ku tegi rabay dalka Uganda, sababo la xiriira xiisadda siyaasadeed ee ka jirta magaalada Muqdisho ee ka dhalatay dibadbaxa ay wadaan xubnaha mucaaradka dalka.

Dhanka kale, waxaa dib u dhac uu ku yimid kulankii wadahadalka ee la qorsheeyay inay maanta wada yeeshaan Villa Somalia iyo mucaaradka, kaas oo qorshuhu in looga hadlo arrimo masiiriga ah, gaar ahaan doorashooyinka.

Mucaaradka ayaa ku adkeysanaya in Madaxweynaha uu talo soo dhigo dhexda, isla markaana la aado doorashooyina guud oo heshiis lagu wada yahay.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana lagu sii dhawaanayaa 15-ka May oo ah maalintii lasoo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya ayaa mar kasta oo la gaaro xilliga doorashada iyo marxaladda kaa guurka soo baxa khiaafaad gudaha, iyada oo haatan laga digayo inuu dalku fowdo iyo firaaq dastuuri ah oo ka dhasha dhammaadka muddo xileedka dowladda.

Ciidanka DF oo ishor istaag ku sameeyay mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ee saaka lagu soo daadiyay waddooyinka ayaa celiyay xubno kamid ah mucaaradka oo doonayay inay aadaan banaanbaxa maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho ee loo qorsheeyay garoonka ciyaaraha Koonis.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha la celiyay ay kamid yihiin Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamd Xuseen Rooble iyo Cabdiraxman Caynte oo u socday guriga Ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Kheyre halkaas oo ay rabeen inay ka aadaan banaanbaxa ay maanta mucaaradka ku qabanayaan Muqdisho.

Labada mas’uul ayaa dib ugu noqday guryahooda, kadib markii lagu horgeeyay gaadiidka ciidamada, loona diiday inay soo baxaan.

Dhinaca kale, Xildhibaan Yuusuf Gama’diid oo ka tirsan Xisbiga Shariif ee Himilo Qaran ayaa sheegay in iyaguna loo diiday inay aadaan goobta uu ka dhacayo dibadbaxa, isaga oo xusay in ergadii lasoo diray ay been noqdeen.

“Ergadii ay soo direen been ayey noqotay, dadku waa dhaqaaqi lanahay, waddooyinka ayay u taagan yihiin xitaa Koonis ayaa naloo diiday in aan tagno” ayuu yiri Xildhibaan Yuusf Gama’diid oo kamid ah Xisbiga Himilo Qaran.

Qorshaha ayaa ah in dibadbaxa uu bilowdo 11:00am, waxaana weli taagan dhaqdhaqaaq ciidan iyo cabasho kasoo yeereyso xubnaha mucaaradka.

Si kastaba, mucaaradka ayaa xalay isku kala qaybiyay degmooyinka gobolka Banaadir, si usoo hoggaamiyaan shacabka, hayeeshee qorshahoodii ayay hadda beddaleen, waxayna dhammaantood isugu tegi doonaan garoonka ciyaaraha Koonis.oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, halkaas oo sidoo kale lagu arkayo ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda.

Mucaaradka oo shaaciyay goobta ay ku qaban doonaan dibaxbaxa kadib go’aankii DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ayaa ugu dambeyntii aqbalay go’aankii kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ahaa in hal goob lagu qabto dibadbaxa maanta, si looga hortago suurtagalnimada falal amni darro oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

“Banaanbaxa waxaan ogolnahay in lagu qabto garoonka Injineer Yariisow, amnigana dowladda ayaa sugi doonta, majirto qof wax fowdo ah sameyn karta,” ayuu yiri shalay Duqa Magaalada Muqdisho oo la hadlay warbaahinta.

Intaas kadib waxaa saaka soo hadlay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shaaciyay in ay isla garteen in banaanbaxa lagu qabto hal goob ah oo ah Stadium Koonis, uuna bilaaban doono 11:00am.

Shariif ayaa sidoo kale sheegay inay qiimeeyeen daruufo badan oo xagga amniga ah, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay si buuxda uga soo qayb-galaan banaanbaxa oo lagu diidan yahay barakicinta ay dowladda ka wado caasimada.

“Annaga oo fiirineyso waxyaabo fara badan waxaan go’aansanay in mudaharaadka uu ka dhaco hal meel, halkaas meelna ay noqoto Stadium Koonis marka waxaan rabnaa dadku inay sidaas ogaadaan,” ayuu yiri Shariif.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Kulanka iyo hadalka wuxuu bilaabanayaa 11:00am waxaan codsaneynaa in meel walba oo la joogo laga soo dhaqaaqo waad mahadsan tihiin”.

Dhinaca kale, xaaladda Muqdisho ayaa haatan deggan, inkastoo wddooyinka qaar lagu arkayo gaadiidka gaashaman iyo ciidamo dheeraad ah oo ay soo dhigtay dowladda, kuwaas oo la sheegay inay sugayaan amniga caasimada.

Si kastaba, mucaaradka ayaa xalay isku kala qaybiyay degmooyinka gobolka Banaadir, si usoo hoggaamiyaan shacabka, hayeeshee qorshahoodii ayay hadda beddaleen, waxayna dhammaantood isugu tegi doonaan garoonka ciyaaraha Koonis.oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Xaaladda Muqdisho ee saaka iyo dibad-baxii mucaaradka oo u muuqda in uu fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda Muqdisho ayaa saaka degan, inkastoo ay jirto cabsi xooggan oo laga qabo inuu dhaco iska hor-imaad, iyadoo aan ilaa hadda hirgelin dibadbaxii ay mucaaradka ku baaqeen inuu bilowdo 7:00 subaxnimo.

Shacabkii ay mucaaradka maalmahan oo dhan ugu baaqayeen in ay isu soo baxaan ayaa u muuqda in aysan warkooda dhageysan, taasi oo niyad-jab weyn ku ah mucaaradka.

Sidoo kale, jidadka waaweyn ee magaalada ayaa si weyn loogu arkayaa ciidamo aad u hubeysan, qaarkoodna wajiyadu u duuban yihiin, kuwaas oo lagu daadiyay inta badan isgoysyada muhiimka ah ee caasimadda.

Sidoo kale, ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay hareereeyeen afaafka hore ee guri ay ku sugnaayeen Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iyo Jeneraal Cabdullaahi Gaafow Koofi.

Ciidamadaas, oo isugu jira noocyo kala duwan, ayaa la sheegay inay ka hortagayaan bannaanbaxa maanta la qorsheeyay inuu ka dhaco gudaha caasimadda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo badan lagu hareereeyay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, oo ku yaalla xaafadda Mirinaayo, taasoo ka hor istaagtay inuu kasoo baxo guriga.

Dhinaca kale, musharrax Xasan Cali Kheyre, oo degan agagaarka Jazeera Hotel, ayaa la sheegay inuu aroor hore isku dayay inuu u baxo degmada Dayniile, balse ciidamada dowladda ayaa kasoo celiyay meel ka soo horjeedda guriga uu degan yahay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ku dhow xarunta Shabeel.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dood dheer kadib Xasan Cali Kheyre uu dib ugu laabtay gurigiisa.

Dhaq-dhaqaaqyada ciidamada ayaa u muuqda kuwo looga hortagayo bannaanbax ballaaran oo ay maanta qorsheeyeen mucaaradka Soomaaliya, kaas oo la sheegay inuu ka dhici lahaa qeybo badan oo ka mid ah degmooyinka Muqdisho.

Mucaaradka ayaa bannaanbaxa ku tilmaamay kii ugu weynaa, kaas oo ay sheegeen in lagu muujinayo cabashooyin ay ka mid yihiin dhibaatooyinka shacabka lagu hayo iyo muranka ka taagan burburinta dhulal danguud ah.

Balse Dowladda Soomaaliya ayaa saacado ka hor war kasoo saartay bannaanbaxa ay qorsheeyeen mucaaradku, iyadoo sheegtay inay oggolaatay in dibadbaxa la qabto, balse ku xirtay in lagu qabto oo keliya garoonka ciyaaraha ee Eng. Yariisow Stadium.

Mucaaradka ayaa ku gacan sayray waxayna sheegeen in ay banaan-baxa ka dhigayaan magaalada oo dhan, balse ma muuqato in ay taas ku guuleysteen, kadib markii shacabka ay diideen in ay usoo baxaan.

Dhinaca kale, inkasta oo amniga la adkeeyey, xaaladda magaalada iyo isu socodka shacabka ayaa caadi ah, waxaana muuqata in dadka ay wataan noloshooda caadiga ah, oo aysan ku milmin siyaasadda iyo dhinacyada is-haya.

Xogta isku dayga shirkado Mareykan ah loogu soo darayo shidaal soo-saarista Somalia

London (Caasimada Online) — Shirkadda Soma Oil and Gas Ltd., oo ka diiwaangashan British Virgin Islands, isla markaana diiradda saarta fursadaha sahminta shidaalka iyo gaaska ee xeebaha Soomaaliya, ayaa raadineysa shuraako Mareykan ah xilli danaha caalamiga ah ee ku wajahan shidaalka badda Soomaaliya ay markale soo xoogeysanayaan.

Shirkadda ayaa dooneysa inay hesho iskaashi istiraatiiji ah iyo fursado ay qayb ka mid ah saamigeeda hawlgalka ugu wareejin karto shirkado kale oo awood dhaqaale, farsamo ama maalgashi leh, sida lagu sheegay xog ku jirta diiwaan-gelin loo gudbiyay Waaxda Cadaaladda Mareykanka oo la xiriirta Sami Michl, oo leh 10 boqolkiiba saamiga Soma O&G.

Diiwaan-gelinta ayaa muujisay in Michl uu diyaar u yahay kulamo, xiriir qoraal ah, wicitaanno taleefan iyo muuqaal ah, hordhacyo ganacsi, soo-bandhigyo, dib-u-eegis dukumentiyo, iyo diyaarinta ama qiimeynta agab ganacsi oo lagu taageerayo dadaalka shirkadda.

Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli Soomaaliya ay isku dayeyso inay dib u hawlgeliso hamigeedii shidaalka badda, kadib in ka badan 30 sano oo ah colaado, burbur dowladeed, xasillooni-darro siyaasadeed iyo khataro amni ah ay hakad geliyeen sahmin caalami ah oo horay loogu qorsheeyay xeebaha dalka.

Fursad iyo khatar is barbar socda

Qaabka Soma Oil and Gas ay hadda u raadineyso shuraako ayaa loo yaqaan “farm-out”, waana nidaam shirkad shidaal oo haysata xuquuq sahmin ama hawlgal ay qayb ka mid ah saamigeeda ugu wareejiso shirkad kale.

Taas beddelkeeda, shirkadda soo galeysa waxay bixin kartaa maalgelin, khibrad farsamo, ama waxay qaadan kartaa qayb ka mid ah kharashaadka sahminta mustaqbalka.

Nidaamkan ayaa aad looga isticmaalaa goobaha cusub ee aan weli si buuxda loo sahmin, gaar ahaan badda dheer, maadaama sahminta shidaalka ay u baahan tahay lacag badan, teknoolajiyad sare iyo dulqaad maalgashi. Waxa kale oo uu shirkadaha ka caawiyaa inay kala qaybsadaan khataraha dhaqaale iyo kuwa la xiriira in aan shidaal ganacsi laga helin goobaha la baarayo.

Soma Oil and Gas ayaa sheegtay inay leedahay boqolkiiba boqol saamiga hawlgalka ee heshiisyada wax-soo-saar wadaagga ee khuseeya blocks-ka badda ee 129 iyo 130, iyo sidoo kale block 192. Dhulkaas badeed ayaa la sheegay inuu ka kooban yahay in ka badan 10,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran oo ku yaalla xeebaha Soomaaliya.

Shirkaddu waxay aaggaas ku tilmaantay qayb ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee weli aan si buuxda loo sahmin ee shidaalka badda adduunka, iyadoo sheegtay inay jiri karaan fursado lagu sameeyo helitaanno waaweyn. Si kastaba, sheegashooyinka noocaas ah weli waa kuwo ku dhisan saadaal sahmineed, mana aha kayd shidaal oo la xaqiijiyay.

Danaha shidaalka oo soo laabanaya

Dadaalka Soma Oil and Gas ee ku wajahan helitaanka shuraako Mareykan ah ayaa kusoo beegmaya xilli waaxda shidaalka badda Soomaaliya ay ka gudbeyso sannado badan oo hadal iyo rajo ku dhisnaa, una muuqata inay gashay marxalad cusub oo sahmin dhab ah.

Markabka qodista badda ee Turkiga ee Cagri Bey ayaa bishii April 2026 gaaray xeebaha Muqdisho si uu u bilaabo hawlgal qodis badda dheer ah. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay hawlgalkii ugu horreeyay ee Turkigu ka sameeyo qodis shidaal badeed oo ka baxsan dalkiisa.

Hawlgalkan ayaa daba socda heshiis iskaashi oo dhinaca tamarta ah oo Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen sanadkii 2024, iyo sahmin dhul-badeed oo uu horey u sameeyay markabka cilmi-baarista Turkiga ee Oruç Reis.

Ceelka la qorsheeyay in la qodo ayaa la filayaa inuu tijaabiyo rajada shidaal ee badda qotoda dheer ee Soomaaliya, waxaana hawshaasi qaadan kartaa bilo.

Inkasta oo aan weli lagu dhawaaqin helitaan ganacsi oo shidaal ah, haddana hawlgalka Turkiga ayaa sare u qaaday miisaanka Soomaaliya ee khariidadda shidaalka badda, wuxuuna soo jiitay indhaha maal-gashadayaasha la socda fursadaha tamarta ee Geeska Afrika.

Dowladda Soomaaliya, qodista badda waxay u tahay tallaabo weyn oo ay ku dooneyso inay rajadii muddada dheer laga qabay shidaalka dalka u beddesho shidaal rasmi ah oo dakhli leh.

Shirkadaha caalamiga ah, Soomaaliya waxay u taagan tahay fursad iyo khatar isku laran: marin loo galo dhul-badeed ballaaran oo aan si fiican loo sahmin, balse ku yaalla dal weli wajahaya caqabado amni, siyaasadeed iyo sharciyeed.

Xeeb dheer iyo taariikh sahmineed

Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika marka laga reebo jasiiradaha, waxayna ku taallaa marinno badeed istiraatiiji ah oo isku xira Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Goobtan juqraafiyeed ayaa muddo dheer ka dhigtay dalka meel muhiim u ah ganacsiga badda iyo danaha tamarta.

Ka hor burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991, shirkado waaweyn oo shidaal sida ExxonMobil, Chevron, Conoco, BP iyo ENI ayaa lahaa xuquuq sahmin oo gudaha iyo xeebaha Soomaaliya ah. Balse dagaalladii sokeeye iyo burburkii hay’adaha dowliga ah ayaa hakiyay inta badan hawlihii sahminta.

Taas ayaa keentay in dhulka badda Soomaaliya uu noqdo mid aad uga sahmin yar dalal kale oo ku yaalla Bariga Afrika, halkaas oo helitaanno waaweyn oo laga sameeyay Mozambique, Tanzania iyo Kenya ay soo jiiteen shirkado caalami ah labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Dib u soo noqoshada danaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ku xiran dadaallada dowladda federaalka ee lagu xoojinayo sharciyada shidaalka, maamulka kheyraadka iyo heshiisyada lala galayo shirkadaha shisheeye. Hase yeeshee, khubarada ayaa sheegaya in kalsoonida maalgashadayaasha ay weli si weyn ugu xirnaan doonto xasilloonida siyaasadeed, hufnaanta heshiisyada, amniga xeebaha iyo awoodda dowladda ee ilaalinta danaha qaranka.

Taariikh muran dhalisay

Magaca Soma Oil and Gas wuxuu horey ugu lug yeeshay baaritaan sharciyeed oo ka dhacay Britain. Xafiiska Serious Fraud Office ee UK ayaa sanadkii 2015 baaritaan ku furay hawlo hore oo lala xiriiriyay Soma, kadib eedeymo ay soo jeediyeen kormeerayaal ka tirsan Qaramada Midoobay.

Baaritaankaas ayaa la xiray sanadkii 2016, kadib markii dacwad-oogayaashu sheegeen in aysan jirin caddeyn ku filan oo horseedi karta fursad macquul ah oo xukun lagu gaaro.

Hadda, iyadoo Turkigu bilaabay hawlgal qodis oo muuqda, shirkado kale oo daneynaya xeebaha Soomaaliya ayaa isku dayaya inay dib u eegaan boosaskooda.

Raadinta Soma ee shuraako Mareykan ah waxay muujineysaa in tartanka ku aaddan fursadaha shidaalka badda Soomaaliya uu sii kordhayo, xilli dalka uu isku dayayo inuu ka faa’iideysto mid ka mid ah kheyraadkiisa ugu weyn ee aan weli la xaqiijin.

Qorshaha Turkey ka leeyahay Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Geeska Afrika wuxuu noqon doonaa tijaabada dhabta ah ee lagu ogaanayo in Ankara ay u beddeli karto sheegashadeeda ku aaddan iskaashiga iyo dhexdhexaadinta mid horseedda maareyn waarta oo dhibaatooyinka gobolka ah.

Marka Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, uu leeyahay, “Ma rabo inaan arko khilaaf cusub oo ka dhasha Geeska Afrika,” ma aha hadal iska caadi ah oo ku saabsan gobol fog. Waxaa taas ka muuqda wadahadallo heer sare ah oo ka dhacay Addis Ababa iyo xiriirro taleefan oo uu la yeeshay madax ka kala tirsan Abu Dhabi ilaa Muqdisho.

Tani waxay kusoo beegmaysaa xilli ay kacsan tahay xiisadda Badda Cas, raadinta Itoobiya ee marin badeed, iyo mashaariicda shidaal qodista ee Soomaaliya. Xasilloonida ka jirta inta u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya waxay Ankara u tahay imtixaan istaraatiijiyadeed oo ku saabsan siyaasaddeeda dibadda.

Sannadihii u dambeeyay, Turkigu wuxuu si tartiib-tartiib ah u ballaariyay raadkiisa marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Soomaaliya waxay hoy u tahay tababarayaal, injineero iyo shaqaale gargaar oo Turki ah.

Itoobiya waxay noqotay mid ka mid ah meelaha ay Ankara ku leedahay maalgashiga ugu weyn. Geeska Afrika hadda ma aha fayl yar oo dhinac yaalla, balse waa laf-dhabarta danaha Turkiga.

Laga bilaabo “faylka Soomaaliya” ilaa aragti goboleed

Albaabka uu Turkigu ka soo galay Geeska Afrika wuxuu ahaa Soomaaliya. Wuxuu ku billowday gargaar bini’aadannimo xilligii macluushii 2011, wuxuuna isu beddelay xiriir fog oo isugu jira tababar ciidan, mashaariic kaabayaal dhaqaale, iyo taageero siyaasadeed. Ankara waxay Muqdisho ka dhistay waddooyin, isbitaallo iyo dugsiyo, waxayna furatay safaarad xilli dalal badan ay ka fogaayeen.

Muddo kadib, faylka Soomaaliya ma noqon mid ku kooban hal dowlad oo nugul. Diblomaasiyiinta Turkigu waxay u arkeen qayb ka mid ah sawir weyn oo ka bilaabma Kanaalka Suweys ilaa Badweynta Hindiya. Wax kasta oo ka dhaca marinka Bab el-Mandeb waxay si toos ah u saameeyaan ganacsiga iyo amniga tamarta ee Turkiga.

Amniga: Yareynta khataraha jira

Farriinta Erdoğan ee Geeska Afrika waxay salka ku haysaa walaacyo amni oo dhab ah. Dagaallada ka jira Suudaan, xiisadaha gudaha ee Itoobiya, iyo khatarta joogtada ah ee Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa dhammaantood ah caqabado waaweyn. Aragtida Turkigu waa inuu maalgashado kartida maxalliga ah, halkii uu isagu safka hore geli lahaa.

Soomaaliya gudaheeda, saraakiisha Turkigu waxay tababaraan cutubyo ciidan iyo booliis ah, halka ciidamada badduna ay gacan ka geystaan howlgallada lagula dagaallamayo burcad-badeedda. Hadafku waa in hay’adaha maxalliga ahi ay cagahooda isku taagaan.

Dekadaha, diyaaradaha iyo xiriirka dadweynaha

Geeska Afrika wuxuu Turkiga u noqday goob lagu tijaabiyo dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda. Shirkadaha Turkiga waxay ku firfircoon yihiin dekadaha, dhismaha iyo saadka. Maalgashiga warshadaha Itoobiya iyo mashaariicda tamarta ee Soomaaliya waxay Ankara siinayaan fursado ganacsi iyo saamayn siyaasadeed.

Sidoo kale, awoodda jilicsan ayaa barbar socota danahan. Barnaamijyada deeqaha waxbarasho waxay ardayda Itoobiya iyo Soomaaliya geeyaan jaamacadaha Turkiga, halka hay’adaha horumarintu ay taageeraan caafimaadka iyo beeraha.

Imtixaanka awoodda dhexe

Xaaladdan waxay Ankara siinaysaa awood dhexdhexaadin. Madaxda Turkigu waxay la hadli karaan Addis Ababa, Muqdisho, Khartoum, Riyadh iyo Qaahira. Si kasta ha ahaatee, caqabaduhu waa kuwo dhab ah. Haddii khilaafku ku xoogaysto raadinta Itoobiya ee marin badeed, ama haddii mashaariicda tamarta ee Soomaaliya ay noqdaan meel lagu loolamo, maalgashiga Turkiga ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo milatariga ayaa khatar geli doona.

Geeska Afrika wuxuu muujin doonaa haddii Ankara ay u beddeli karto sheekadeeda iskaashiga mid dhab ah oo maareyn karta dhibaatooyinka dhulka ka jira. Haddii ay ku guuleysato, Geeska Afrika wuxuu noqon doonaa goobta ay diblomaasiyadda Turkigu ku caddeyso qiimaheeda. Haddii kale, farqiga u dhexeeya hadalka iyo ficilka ayaa soo muuqan doona, waxaana qiimahaas bixin doona Turkiga iyo gobolkaba.

Ali Muhiyaddiin
[email protected]

Xamza oo 4 qodob xasaasi la wadaagay Qatar + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaara Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Dr. Abdullah bin Salem Al-Nuaimi, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha, ayaa safiirka la-wadaagay 4 qodob oo xasaasi ah, kuna aadan dadaallada dowladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dib-u-dhiska dalka iyo qorshaha Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan hirgalinta doorashooyin dadweyne oo ka qabsoonta dalka.

Sidoo kale, Xamza ayaa uga mahadceliyey dawladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha horumarineed iyo garab istaagga midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

Waxaa kal oo uu bogaadiyey doorka ay xukuumadda Dooxa ka qaadato, amniga iyo gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya.

Dhankiisa Danjire Abdullah bin Salem, ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, qaabilaaddiisa, isaga oo xusay in dowladda Qatar ay garab taagantahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya midnimadeeda iyo wadajirkeeda iyo xoojinta iskaashiga buuxa ee ka dhexeeya labada dal.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah mid bani’aadanimo oo ka dhalatay abaaraha dalka.

Qatar ayaa kamid ah dalalka sida dhow u taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Ammaanka Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay iyo ciidamo tira badan oo la dhigay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo maalinta berri lagu wado inuu ka dhaco bannaanbax ay soo abaabuleen kooxaha mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bannaanbaxan oo horey ay u iclaamiyeen siyaasiyiinta mucaaradka ayaa laga cabsi qabaa inuu isku beddelo mid rabshado wata, maadaama la filayo inay kasoo qeyb galaan dadweyne aad u badan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta war rasmi ah kasoo saartay goobta loo asteeyay bannaanbaxa, iyadoo sheegtay in lagu qaban doono garoonka kubadda cagta ee Koonis Stadium.

Sidoo kale, waxaa si weyn loo xoojiyay ammaanka guud ee caasimadda, gaar ahaan baraha koontaroollada laga soo galo magaalada iyo goobaha ay hay’adaha amnigu ka tuhmayaan in laga soo abaabuli karo falal rabshado ah.

Goobaha sida gaarka ah ammaankooda loo adkeeyay waxaa ka mid ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Dekedda Muqdisho, Koonis Stadium, degmooyinka Hodan, Yaaqshiid, Howlwadaag, Wardhiigley, Boondheere, Dayniile iyo deegaanka KM4.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada ayaa caawa si weyn looga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan, iyadoo lagu arkayo gaadiidka dagaalka iyo ciidamo si gaar ah loogu diyaariyay ka hortagga rabshadaha muddaharaadyada.

Ciidamadan, oo wata qalabka ka hortagga dhagxaanta iyo rabshadaha, ayaa lagu daadiyay goobaha muhiimka ah si ay u sugaan amniga iyo badqabka shacabka.

Dowladda Federaalka ayaa horey u sheegtay inay mas’uul ka tahay sugidda ammaanka bannaanbaxa, isla markaana ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo isku dayda inay qalqal geliso nabadda iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo faah-faahiyay awaamiir culus oo soo baxay, ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay fasaxday dibadbaxa, balse ay ka hortegi doonto in la carqaladeeyo amniga.

Muungaab ayaa xusay in dowladdu ogolaatay in mucaaradka iyo taageerayaashoodu ay isugu tagaan hal goob, isla markaana loo qorsheeyay garoonka Injineer Yariisow, halkaas oo lagu qaban karo isku soo baxa.

“Bannaanbaxa waxaan ogolnahay in lagu qabto garoonka Injineer Yariisow, amnigana dowladda ayaa sugi doonta. Ma jirto qof wax fowdo ah sameyn kara,” ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo isna hadlay, ayaa sheegay in dowlad ahaan ay ka hortegi doonaan cid kasta oo wax u dhimeysa amniga caasimadda. Wuxuu ku eedeeyay mucaaradka inay qorsheynayaan inay khalkhal geliyaan xasilloonida dalka.

“Dowladdu ma aqbaleyso in lagu xadgudbo amniga Caasimadda Muqdisho. Ciddii bannaanbax qabsaneysa waa inay raacdo tilmaamaha uu soo jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay mucaaradka inay hub u qaybiyeen maleeshiyaad, ayna doonayaan inay kula dagaalamaan ciidanka amniga, sida uu hadalka u dhigay.

Go’aanka dowladda ayaa imaanaya iyadoo xubnaha mucaaradku ay is kala qaybiyeen, isla markaana isku fidiyeen magaalada Muqdisho, halkaas oo ay berri ku qaban doonaan bannaanbax ay diidan tahay Dowladda Soomaaliya. Mucaaradka ayaa isku kala qaybiyay degmooyinka Hodan, Dayniile, Cabdicasiis, Warta Nabadda, Kaxda iyo Kaaraan.

Sheekh Shariif oo qaylo dhaamiyay: Ilaahayow dowladdan ha nagu soo celin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa oo qaylo dhaan culus kasoo saaray barakicinta shacabka magaalada Muqdisho.

Shariif ayaa eedeymo waa wayn u jeediyay dowladda federaalka, isaga oo sheegay in dhibaato xoogan ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

“Meeshaan waxaa ka jirta dhibaato xanuun leh oo waligeed soo marin Soomaaliya, Ilaahey waxaan ka baryeynaa tan inay kusoo noqon Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel-gaarka ahayd.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in aan laga aamusi karin dulmi u sheegay in lagu hayo reer Muqdisho, isla markaana ay ka dhiidhinayaan.

“Immisa qof ayaa la dulmiyay magaalada Muqdisho oo gurigooda laga barakiciyay ma idin la tahay sax inaan ka aamusno kama aamusi karno,” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif.

Waxaa kale oo uu shacabka ugu baaqay inay berri soo baxaan, ayna qayb ka noqdaan dibadbaxa mucaaradka ee lagu diidan yahay dhulboobka caasimada.

Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo dowladda Soomaaliya ay dhankeeda si cad u diiday dibadbaxa, kana digtay in la carqaladeedyo amniga caasimada.

Si kastaba, Mucaaradka ayaa raba inay kiciyaan shacabka laga burburiyay guryihii ay deganaayeen, kuwaas oo maalmihii dambe cabasho marinayay warbaahinta.

DF Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay banaanbaxa berri

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo goordhow shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka iyo banaanbaxa mucaaradka ee lagu wado in berri uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo faah-faahiyay awaamiir culus oo soo baxday ayaa shaaca ka qaaday in dowladda ay fasaxday dibadbaxa, laakiin ay ka hortegayaan in la carqaladeeyo amniga.

Muungaab ayaa xusay in dowladda ogoshay in mucaaradka iyo taageerayaashooda ay isugu tegaan hal goob, isla markaana loo qorsheeyay garoonka Injineer Yariisow, halkaas oo lagu qaban karo isku soo baxa.

“Banaanbaxa waxaan ogolnahay in lagu qabto garoonka Injineer Yariisow, amnigana dowladda ayaa sugi doonta, majirto qof wax fowdo ah sameyn karta,” ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo isna hadlay ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay ka hortagi doonaan cid kasta oo wax u dhimeysa amniga caasimada, wuxuuna ku eedeeyay mucaaradka inay qorsheynayaan inay khalkhal-geliyaan xasiloonida dalka.

“Dowladdu ma aqbaleyso in lagu xadgudbo amniga Caasimadda Muqdisho, ciddii banaanbax qabsaneysa waa inay raacdo tilmaamaha uu soo jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,”. ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay mucaaradka inay hub u qaybiyeen maleeshiyaad, ayna doonayaan inay kula dagaalamaan ciidanka amniga, sida uu hadalka u dhigay.

Go’aanka dowladda ayaa imaanaya, iyada oo xubnaha mucaaradka ay is-kala qaybiyeen, iyaga oo isku fidiyay magaalada Muqdisho oo ay berri ku qaban doonaan banaabax ay diidan tahay dowladda Soomaaliya. Mucaaradka ayaa isku kala qaybiyaan degmooyinka Hodan, Deyniile, Cabdicasiis, Warta Nabadda, Kaxda iyo Kaaraan.

Si kastaba, Mucaaradka ayaa ku adkeysanaya inay Axadda Berri ah qabtaan Banaanbaxa looga soo horjeedo dhulboobka iyo barakacinta shacabka Muqdisho, halka dowladana ay diidan tahay in la carqaladeeyo amniga.

Xog: Mucaaradka oo is kala qaybiyay iyo Shariif oo u guuray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa lagu soo warramayaa inay is-kala qaybiyeen, si ay isugu fidiyaan magaalada Muqdisho oo ay berri ku qaban doonaan banaabax ay diidan tahay dowladda Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnaha mucaaradka ayaa qorsheeyay in isku kala qaybiyaan degmooyinka Hodan, Deyniile, Cabdicasiis, Warta Nabadda, Kaxda iyo Kaaraan.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijyay in Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu u guuray Waqooyiga Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, halkaas oo ah meeshii uu 2022-kii abaabulka kasoo bilaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligaas mucaarad ahaa, kadibna sidaas lagu riday Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in qorshaha Shariif uu yahay in berri uu dibadbaxa kasoo bilaabo Mirinaayo, iskuna fidiyo xaafadaha waqooyi ee caasimada.

Mucaaradka ayaa ku adkeysanaya inay Axadda Berri ah qabtaan Banaanbaxa looga soo horjeedo dhulboobka iyo barakacinta shacabka Muqdisho.

Goor sii horreysay oo maanta ah Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dibadbaxooda berri uu bilaaban doono 7:00am, isaga oo shacabka ugu baaqay inay si buuxda uga soo qayb-galaan, ayna raadsadaan xuquuqdooda.

“Banaanbaxa waa berri waa 7:00 subaxnimo waxaan rabnaa in la’isku soo baxo oo qof walba xuquuqdiisa raadsado banaanbaxa berri oo kaliya ma’aha waa sida uu u bilowday,” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay haddii la dhibaatayo dadka isku soo baxayo iyo madaxdii hore ee dalka in mas’uuliyadda ay qaadi doonto dowladda.

Khayre ayaa sidoo kale u digay ciidamada ammaanka in loo adeegsado siyaasad iyo inay dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee la barakiciyay.

Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo dowladda Soomaaliya ay dhankeeda si cad u diiday dibadbaxa, kana digtay in la carqaladeedyo amniga caasimada.

Hakinta bannaan-baxa berri: Tallaabo mas’uuliyadeed oo lagu baajinayo khatar amni

Marka ay jiraan xaalado siyaasadeed oo xasaasi ah, hoggaaminta mas’uuliyadda ku dheehan tahay mararka qaar kuma jirto ku adkaysiga mowqif adag, balse waxay ku jirtaa awoodda aad ku qiimeyneyso duruufaha jira iyo ka hortagga khataraha iman kara. Sidaas darteed, hakinta bannaanbaxa la qorsheeyay berri waxay noqon kartaa go’aan miyir leh oo lagu ilaalinayo nabadda, badqabka shacabka, iyo xasilloonida guud ee dalka.

Bannaanbaxu waa xuquuq dastuuri ah oo muujinaysa xorriyadda hadalka iyo aragtida siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee, marka ay jiraan calaamado muujinaya suurtagalnimada isku dhac, qalalaase amni, ama in kooxo dano gaar ah leh ay ka faa’iideystaan isu-soo-baxa, waxaa mudnaan gaar ah leh ilaalinta nolosha dadka iyo ka hortagga dhiig daadin.

Taariikhdu waxay na bartay in dhacdooyin yaryar oo aan si fiican loo maareyn ay isu beddeli karaan rabshado waaweyn oo dhaawaca kalsoonida bulshada iyo geeddi-socodka siyaasadeed. Hal qalad oo dhaca, hal rasaas oo baxda, ama hal isku dhac oo kooban ayaa abuuri kara xaalad aan si fudud loo xakameyn karin.

Hakinta bannaanbaxa macnaheedu ma aha in laga tanaasulay cabashada siyaasadeed ama doodda taagan. Taas beddelkeeda, waxay farriin u diraysaa shacabka iyo beesha caalamka in danaha qaranka iyo badbaadada bulshada laga hormarinayo xamaasadda siyaasadeed. Waa tallaabo muujin karta bisayl siyaasadeed iyo faham qoto dheer oo ku saabsan xaaladda dalka.

Sidoo kale, hakinta bannaanbaxu waxay abuuri kartaa fursad cusub oo wada-hadal iyo is-afgarad lagu raadiyo, halkii xiisadda lagu sii hurin lahaa waddooyinka. Siyaasadda guuleysata ma aha mid mar walba dadka lagu soo saaro waddooyinka, balse waa mid awood u leh inay xal u hesho khilaafaadka, iyadoo la ilaalinayo nabadda iyo wadajirka bulshada.

Dowladda, mucaaradka, iyo dhammaan saamileyda siyaasadeed waxaa saaran mas’uuliyad taariikhi ah oo ah in aysan shacabka gelin xaalad halis ah. Dadka rayidka ah — gaar ahaan dhalinyarada — waa in aan loo horseedin jawi ay ku noqon karaan dhibbanayaal iska-hor-imaad siyaasadeed.

Ugu dambeyn, geesinimada dhabta ahi mararka qaar waxay ku jirtaa dib-u-gurasho xeeladaysan si loo badbaadiyo bulshada, loona ilaaliyo mustaqbalka qaranka. Hakinta bannaanbaxa berri waxay noqon kartaa tallaabo lagu xakameynayo khatar amni oo muuqata, laguna ilaalinayo nabadda iyo degganaanshaha ummadda.

W/Q: Avv. Omar Abdulle Dhagey

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Fahad: Ilaah waa ka naxariis badan yahay in shacabka isugu daro barakacinta Xasan iyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda (Qaranka), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo qoraal soo saaray ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku hayaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Fahad ayaa tusaale ugu soo qaatay sheekadii cudurka Daacuunka Xajaaj Bin Yuusuf xilligii uu ka talinayay dalka Ciraaq, wuxuuna ku duray Xasan Sheekh.

“Xajaaj Bin Yuusuf kolkii Ciraaq loo dhiibay muddo yar gudaheed waxaa dadkii ka baxay cudurkii Daacuunka ahaa ee aadka ugu faafay. Xajaaj ayaa Masjidkii u dhawaa Madaxtooyadiisa ka is taagay oo ku faanay in markii uu amiirka ka noqday Ciraaq inay dadkii caafimaad heleen oo Daacuunkii laga dul qaaday. Waxaa u jawaabay oday masjidka fadhiyey oo yiri, “Ilaahay waa ka naxariis badan yahay in dadka Reer Ciraaq uu isugu daro cudurka Daacuunka iyo Xukunka Xajaaj,” ayuu yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday amniga caasimada oo ay dowladda siisay mudnaan gaar ah, isaga oo sheegay in Alle uu shacabka Muqdisho ka ilaaliyay inuu isugu daro barakicin iyo bambada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Waayadaan waxaan maqlaa Xamar waa nabad iyo amniga waan ku guulaysannay. Waxaan uga jawaabay, “Ilaahay waa ka naxariis badan yahay in shacbka Muqdisho uu isugu daro barakocinta Birmade Xasan iyo bambada Shabaaab,”. ayuu mar kale yiri Fahad.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli mucaaradka uu isku diyaarinayo qabashada dibadbax weyn oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo 10-ka bishan oo beri ku beegan ka dhici doonta magaalada Muqdisho.

Mucaaradka ayaa raba in dibadbaxa ay qeyb weyn ka noqdaan shacabka laga burburiyay guryihii ay deganaayeen, kuwaas oo maalmihii dambe cabasho marinayay warbaahinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galay caleema saarka Geelle + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo ka dhacday magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Munaasabadda oo ahayd mid ballaaran ayaa waxaa ka qayb-galay madax kala duwan oo ka socotay gobolka, hoggaamiyeyaal caalami ah iyo wufuud heer sare ah oo lagu casuumay xafladda oo markale lagu caleema saaray Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda  ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha iyo shacabka Jabuuti, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sidoo kale wuxuu adkeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo iskaashiga gobolka, si loo xaqiijiyo nabad, horumar iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Geeska Afrika.

Ismaaciin Cumar Geelle ayaa markii lixaad loo doortay Madaxweynaha Jabuuti, isaga oo doorashadii ugu dameysay ka helay in ka badan 97.81% codadkii la dhiibtay, sida uu shaaciyay guddiga maamulayay doorashooyinka.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u ololeeyay xasiloonida iyadoo ay jirto xiisadaha gobolka, gaar ahaan kuwa ku xiran colaadaha Bariga Dhexe, halka Samatar uu diiradda saaray dib u habeynta dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Si kastaba, ha’ahaatee Geelle ayaa xukunka hayay tan iyo 1999-kii, waana Madaxweynihii labaad ee dalkaasi yeesho tan iyo markii uu xornimada ka qaatay Faransiiska 1977-kii.

Daawo: Mucaaradka oo war cusub kasoo saaray banaanbaxooda berri

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka oo maanta shir jaraa’id u qatay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo ku aadan qaban-qaabada dibadbaxa ay berri ku qabanayaan magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre oo ka warbixiyay shirkooda ayaa sheegay in dibadbaxu bilaaban doono  7:00am, isaga oo shacabka ugu baaqay inay si buuxda uga soo qayb-galaan, ayna raadsadaan xuquuqdooda.

“Banaanbaxa waa berri waa 7:00 subaxnimo waxaan rabnaa in la’isku soo baxo oo qof walba xuquuqdiisa raadsado banaanbaxa berri oo kaliya ma’aha waa sida uu u bilowday,” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay haddii la dhibaatayo dadka isku soo baxayo iyo madaxdii hore ee dalka in mas’uuliyadda ay qaadi doonto dowladda.

Khayre ayaa sidoo kale u digay ciidamada ammaanka in loo adeegsado siyaasad iyo inay dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee la barakiciyay.

“Banaanbaxa haddii culeys iyo rabshado ka yimaadaan waxaa mas’uul ka ah dowadda, dadka soo banaanbaxayana waxaan ugu baaqeynaa waa banaanbax nabadeed oo aad xaqiina ku raadsaneysaan rabsho iyo dhib lama rabo” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.

Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Dowlad ay waqtigeeda ka dhiman tahay 5 maalmood yaanay idin soo dirin inaad dadka gumaataan, ciidankaygow waxaa la’idin tababaray inaad ahaataan astaanta qaranka”.

Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo dowladda Soomaaliya ay dhankeeda si cad u diiday dibadbaxa, kana digtay in la carqaladeedyo amniga caasimada.

Soomaali ka mid ah dadka uu maamulka Trump ka ceshan doono dhalashada Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu ballaarinayo ololaha dhalashada looga qaadayo muwaadiniin Mareykan ah oo ku dhashay dibadda, kuwaas oo lagu eedeeyay inay si khiyaano ah ku heleen dhalashada Mareykanka ama lagu helay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin lunsashada hantida dowladda, taageerada argagixisada iyo dambiyo kale oo halis ah.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay inay maxkamado federaal ah oo ku yaalla gobollo kala duwan ka gudbisay dacwado lagu doonayo in dhalashada looga qaado 12 qof oo qaatay jinsiyadda Mareykanka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dadkaas lagu eedeeyay inay qariyeen xog muhiim ah intii ay ku jireen hannaanka qaadashada dhalashada, ama ay si ula kac ah uga been sheegeen dambiyo iyo xiriirro sharci ahaan saameyn ku yeelan lahaa xaqa ay u lahaayeen jinsiyadda Mareykanka.

Tallaabadan ayaa ka dhigan koror weyn oo ku yimid adeegsiga nidaamka loo yaqaan dhalasho kala noqoshada, kaas oo ah hannaan sharci oo adag, waqti badan qaata, isla markaana ay dawladihii hore ee Mareykanka si xaddidan u adeegsan jireen.

Intii u dhaxeysay 1990 ilaa 2017, dowladda Mareykanka waxay gudbisay wax ka yar 350 dacwadood oo noocan ah, taas oo celcelis ahaan ka dhigneyd ku dhowaad 11 dacwadood sanadkii.

Sida uu qabo sharciga socdaalka iyo jinsiyadda Mareykanka, dowladda federaalka waxay maxkamad ka codsan kartaa in dhalashada lagala noqdo qof qaatay jinsiyadda haddii la caddeeyo inuu ku helay si sharci-darro ah, ama uu qariyay xog muhiim ah, ama uu si ula kac ah uga been sheegay codsigiisa dhalashada. Kiisaska noocan ah waxaa go’aamiya garsoore federaal ah, waxaana dowladda laga doonayaa inay keento caddeyn xooggan.

Kooxda ay hadda Waaxda Caddaaladdu doonayso inay dhalashada kala noqoto waxaa ku jira dad asal ahaan ka yimid Bolivia, Shiinaha, Colombia, Gambia, Hindiya, Ciraaq, Kenya, Morocco, Nigeria, Soomaaliya iyo Uzbekistan.

Dadka la beegsanayo waxaa ka mid ah wadaad Katoolik ah oo u dhashay Colombia oo lagu helay dambi ah inuu faraxumeeyay ilmo yar, nin u dhashay Morocco oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Al-Qaacida, muhaajir Soomaali ah oo qirtay inuu taageero agab siiyay Al-Shabaab, iyo sarkaal hore oo ka tirsanaa booliska Gambia oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dambiyo dagaal. Al-Shabaab ayaa Mareykanku u aqoonsan yahay urur argagixiso.

Kooxdan waxaa sidoo kale ku jira shaqsiyaad lagu eedeeyay inay adeegsadeen aqoonsiyo been abuur ah si ay u helaan faa’iidooyin la xiriira socdaalka, iyo nin lagu eedeeyay inuu galay guurro been abuur ah si uu u sameeyo khiyaano dhanka socdaalka ah.

Waaxda Caddaaladda ayaa ku doodaysa in dadka qariyay dambiyo culus ama si been ah ku helay dhalashada aysan xaq u lahayn inay sii haystaan jinsiyadda Mareykanka. Todd Blanche, oo ah ku-simaha xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, ayaa sheegay in maamulka Trump uu doonayo inuu wax ka qabto “xadgudubyada culus” ee lagu sameeyay nidaamka socdaalka Mareykanka.

Hase yeeshee, tallaabadan ayaa sidoo kale dhalisay walaac sharci iyo mid siyaasadeed. Qareenno dhanka socdaalka ah ayaa ka digay in ololaha si ballaaran loo adeegsado uu cabsi gelin karo malaayiin qof oo si sharci ah u qaatay dhalashada Mareykanka, gaar ahaan haddii dacwadaha lagu saleeyo bartilmaameed tiro ahaan loo dejiyay.

Warbixinno Mareykan ah ayaa sheegay in hay’adda USCIS ay riixeyso in ilaa 200 kiis oo suuragal ah bil kasta loo gudbiyo dacwad-oogayaasha federaalka.

Dadka dhalashada lagala noqdo waxay lumin karaan xuquuqda buuxda ee muwaadinnimada Mareykanka, waxaana xaaladdooda sharci lagu celin karaa heerkii ay joogeen ka hor inta aysan dhalashada qaadan. Taasi waxay xaalado qaarkood u furi kartaa in loo tarxiilo dalalkii ay asal ahaan ka yimaadeen, gaar ahaan haddii lagu helo dambiyo culus ama xadgudubyo kale oo sharciga socdaalka la xiriira.

Ku dhawaaqis gaar ah oo soo baxday Jimcihii, Waaxda Caddaaladda ayaa sidoo kale sheegtay inay doonayso inay dhalashada kala noqoto Manuel Rocha, oo ahaa diblomaasi hore oo Mareykan ah, kaas oo qirtay inuu muddo tobannaan sano ah basaas u ahaa Cuba. Rocha, oo asal ahaan ka soo jeeda Colombia, ayaa horay loogu xukumay 15 sano oo xabsi ah kadib markii uu qirtay inuu si qarsoodi ah ugu shaqeynayay dowladda Cuba.

Kiiska Rocha ayaa maamulka Trump u adeegsanayaa tusaale muujinaya sida uu u doonayo inuu u ballaariyo adeegsiga dhalasho kala noqoshada, gaar ahaan marka ay jiraan eedeymo la xiriira basaasnimo, argagixiso, dambiyo dagaal ama khiyaano lagu galay hannaanka jinsiyadda.

Dhammaan kiisaskan ayaa weli u baahan in maxkamadaha federaalka ay go’aan ka gaaraan. Waaxda Caddaaladda ayaa sheegtay in eedeymaha ku jira dacwadaha qaarkood ay yihiin sheegashooyin u baahan in maxkamad lagu caddeeyo, taas oo ka dhigan in dadka la beegsanayo ay weli haystaan xaqa ay isaga difaaci karaan dacwadaha loo haysto.

Farmaajo oo farriin adag u diray hay’adaha amniga DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihi hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xarig loo gaystay dhalinyaro kasoo horjeestay qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriira hanaanka doorashooyinka dalka.

Farmaajo ayaa tilmaamay in xarigga dhalinyarada iyo wariyeyaasha oo soo noq noqday looga gol-leeyahay in looga hortago kacdoonka bulshada, sida uu hadalka u dhigay.

“Xarigga iyo caburinta isdabajoogga ah ee nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh uu kula kacayo dhallinyarada iyo haldoorka Muqdisho, si uu u xakameeyo kacdoonka bulshada ee diiddan eexda, musuqa iyo barakaca, waa mid dhaawacaya dowladnimada, siina hurinaya guuxa iyo gadoodka shacabka,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Sidoo kale, wuxuu farriin culus u diray hay’adaha amiga, gaar ahaan Booliska oo uu ku adkeeyay inay ka fogaadaan dhibaateynta shacabka, gaar ahaan dhulboobka iyo caburinta lagu hayo.

“Ciidanka Soomaaliyeed waxaa loo aas-aasay ilaalinta shacabka, difaaca karaamada muwaadiniinta, sugidda amniga iyo dhowrista xuquuqda dadka Soomaaliyeed. Sidaas darteed, waxaan adkaynayaa in hay’adaha amniga ay ka fogaadaan fal kasta oo shacabka ku abuuraya cabsi, barakac iyo kalsooni darro, ayna ka taxadaraan in loo adeegsado dano shakhsi ah iyo xukun maroorsi,” ayuu mar kale yiri Maxamed Farmaajo.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Marar badan ayaan ka dignay falalkan dhaawacaya dowladnimada, sumcadda qarannimada iyo kalsoonida shacabka, kuwaas oo dhulboobka, caburinta iyo ku tagri-falka awoodda ay saldhig u yihiin. Maanta waxaa taagan natiijada laga dhaxlay oo ay ugu horreyso isku dhacyo ciidan iyo shacab caraysan oo jidadka u taagan difaaca karaamadooda iyo nolashooda”.

Farmaajo oo maalmahan qoraallo soo saarayay ayaa horay u sheegay in Jimcaha soo socda oo ku beegan 15 May 2026 ay tahay maalintii ugu dambeysay ee muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u ugu baaqay in muddada yar ee u hartay uu xoogga saaro dhismaha hannaan doorasho oo loo dhan yahay oo ay ku wada qancaan dhammaan dhinacyada siyaasadda, si looga hortago qalalaase siyaasadeed iyo kala qeybsanaan hor leh.

Dalabka Farmaajo ayaa kusoo aadaya, xilli mucaaradku isku diyaarinayo qabashada dibadbax weyn oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo 10-ka bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho.vMucaaradka ayaa raba in dibadbaxa ay qeyb weyn ka noqdaan shacabka laga burburiyay guryihii ay deganaayeen, kuwaas oo maalmihii dambe cabasho marinayay warbaahinta.