31.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Wararkii ugu dambeeyay xiisadda ka taagan maamulka Koonfur Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa weli socda dadaallo xooggan oo lagu qaboojinayo xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan maamulka Koonfur Galbeed iyo xubnaha mucaaradka maamulkaas, kuwaas oo ay ku jiraan mas’uuliyiin xilal kala duwan ka haya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xiisaddan ayaa maalmahan dambe cirka isku shareertay, kaddib markii ay soo baxeen khilaafaad la xiriira hoggaanka iyo jihada siyaasadeed ee maamulka, taas oo keentay in hadallo kulul iyo eedeymo is-daba joog ah ay is dhaafsadaan labada dhinac.

Odayaal dhaqameed iyo waxgarad ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay billaabeen dadaallo lagu doonayo in xal waara looga gaaro arrintan, si looga hortago isku dhac toos ah iyo burbur maamul oo ka dhaca halkaas.

Waxay sheegeen in howsha si wanaagsan ugu bilaabatay, isla markaana ay ku dadaalayaan sidii loo abuuri lahaa jawi wada-hadal oo horseedi kara is-afgarad siyaasadeed oo degan.

Waxgaradka ayaa sidoo kale shaaciyay in magaalada Baydhabo la isugu imaan doono maalmaha soo socda, si loo qabto shir ballaaran oo looga arrinsanayo khilaafka, iyagoo xusay inay rajeynayaan in shirkaasi uu noqdo mid miro-dhal ah.

Dhanka kale, waxaa hoos u dhacay dhaq-dhaqaaqii ciidan ee la dareemayay maalmihii u dambeeyay, inkasta oo weli jirto cabsi laga qabo in xaaladdu mar kasta isbeddeli karto, maadaama ay sii socdaan weerarrada afka ah ee u dhexeeya mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed iyo xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna wada kulamo wadatashi ah oo la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo mustaqbalka deegaan doorashadiisa ee Koonfur Galbeed.

Waxaa la filayaa in dadaallada haatan socda ay qayb ka noqdaan xal u helidda xiisadda culus ee ka taagan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Warshadda sifaynta shidaalka ee Mareykanka oo ololeysa – Sidee wax u dhaceen?

Washington (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa ka dhacay warshadda sifeynta shidaalka ee Valero ee magaalada Port Arthur ee dalka Mareykanka, iyadoo qiiq weyn uu cirka isku shareeray

Dhacdadan ayaa ku qasabtay mas’uuliyiinta Mareykanka inay amar ku bixiyaan in dadka deggen dhinaca galbeed ay guryahooda ku nagaadaan.

Antonio Mitchell oo ka tirsan Waaxda Dab-demiska ee Port Arthur ayaa xaqiijiyay in shil uu ka dhacay xarunta Valero, inkasta oo mas’uuliyiintu ay bixiyeen faahfaahin kooban illaa iyo hadda.

Mitchell ayaa wax yar kadib qaraxa sheegay in aan weli la ogeyn nooca shilka iyo waxa sababay, xilli kooxaha gurmadku ay si degdeg ah ugu sii qulqulayeen goobta.

Sida uu qoray bogga 12NewsNow, Taliyaha Booliska Degmada Jefferson, Zena Stephens, ayaa sheegtay in mashiinka kuleyliyaha (heater unit) uu qayb ka ahaan karo sababta qaraxa.

Mas’uuliyiinta ayaa dhankooda xaqiijiyay in aysan jirin wax dhaawacyo ah oo la diiwaangeliyay, lamana bixin amarro ku saabsan daadgureyn ballaaran, iyadoo si dhow loola socdo xaaladda iyo tayada hawada ee aagga.

Guud ahaan aagga loo yaqaan Mid-County, goobjoogayaal ayaa soo sheegay inay maqleen jug culus oo ruxday daaqadaha guryaha iyo gawaarida. Dhanka kale, qof deggen nawaaxigaas ayaa sheegay in hawadu ay lahayd ur aad u xooggan.

Iyadoo la adeegsanayo Shabakadda Digniinta ee Koonfur-bari Texas (Southeast Texas Alerting Network), maamulka magaalada Nederland ayaa sheegay in ciidamadooda booliska iyo waaxda dab-demiska ay si firfircoon roondo ugu jiraan, isla markaana ay kormeerayaan tayada hawada ee dhinaca koonfureed ee magaalada.

Mas’uuliyiinta ayaa shacabka u xaqiijiyay, isla markaana ka digay xaaladda, iyagoo yiri: “Waqtigan xaadirka ah, ma jirto wax saameyn ah oo ku yimid magaalada Nederland,” waxayna raaciyeen inay shacabka la wadaagi doonaan xogaha cusub haddii ay xaaladdu isbeddesho.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta Waaxda Gaadiidka ee Texas (TxDOT) ayaa uga digay darawallada inay ka fogaadaan aaggaas, gaar ahaan waddooyinka waaweyn ee SH 87 iyo SH 82 ee u dhow warshadda shidaalka ee qaraxu ka dhacay.

Beentii ay sirdoonka Israel ee Mossad u sheegeen Trump ee godka dagaal ku ridday

Washington (Caasimada Online) — Wargeyska The New York Times ayaa daaha ka qaaday in hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad ay dejisay qorshe qarsoodi ah oo ay ku doonaysay inay ku huriso kacdoon shacab, kaas oo horseedi lahaa inuu dumo nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Agaasimaha Mossad, David Barnea, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu maalmo uun ka hor intii uusan qarxin dagaalka wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan. Barnea ayaa u xaqiijiyay Netanyahu in hay’addiisu ay awood u leedahay inay abaabusho mucaaradka Iiraan si isbeddel loogu sameeyo nidaamka dalkaas.

Sida lagu xusay warbixinta oo soo xiganaysa mas’uuliyiin Mareykan iyo Israa’iiliyiin ah, Barnea ayaa sidoo kale qorshahan u bandhigay saraakiil sare oo Mareykan ah intii uu booqashada ku joogay magaalada Washington bartamihii bishii Janaayo.

Qorshahan ayaa waxaa markiiba qaatay Netanyahu iyo Madaxweyne Donald Trump, inkastoo shaki weyn ay ka muujiyeen qaar ka mid ah saraakiisha sare ee Mareykanka iyo sirdoonka milateriga Israa’iil. Sida ay sheegeen mas’uuliyiintan, Netanyahu ayaa ballanqaadyadii Mossad u adeegsaday inuu madaxweynaha Mareykanka kaga dhaadhiciyo in riditaanka xukuumadda Iiraan ay tahay mid dhab ahaan suurtagal ah.

Asalka qorshahan ayaa ahaa in dagaalka lagu bilaabo khaarajinta madaxda sare ee Iiraan, taas oo ay xigi lahaayeen “tallaabooyin sirdoon oo is-daba joog ah oo loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo in nidaamka la rido.” Mossad ayaa aaminsanayd in arrintani ay dhalin karto kacdoon ballaaran oo guul fure u ah u horseeda Israa’iil iyo Mareykanka.

Markii uu dagaalku bilowday, farriimihii fagaaraha ee Madaxweyne Trump ayaa si cad uga turjumayay qorshahan. Muuqaal siddeed daqiiqo socday ayuu ku yiri: “Ugu dambeyn, dadka weyn ee sharafta leh ee Iiraan, waxaan caawa idiin sheegayaa in saacaddii xorriyaddiina ay dhow dahay… marka aan dhammeyno shaqada, la wareega dowladdiina. Waxay noqon doontaa mid aad idinku leedihiin. Tani waxay u badan tahay inay noqon doonto fursaddiina keliya ee jiilal badan.”

Balse, hadal-hayntii ku aaddanayd in nidaamka la rido ayaa si degdeg ah meesha uga baxday. In ka yar laba toddobaad kadib markii uu dagaalku bilowday, xubno ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka oo ka soo baxay kulan warbixin-siin ah oo ku saabsan dagaalka, ayaa sheegay in riditaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah aysan ka mid ahayn yoolalka dagaalka, xaqiiqaduna ay tahay in uusan habayaraatee jirin “wax qorshe ah” oo loo dejiyay howlgalka milateri.

Qiimeynta gaarka ah ee ay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ku sameysay xaaladda ayaa ah in maamulka Iiraan aan la ridi doonin. Xaqiiqdii, hay’adda sirdoonka Mareykanka ayaa ka digtay in haddii madaxda Iiraan la laayo, uu awoodda la wareegi doono hoggaan “kasii mayal adag.” Sirdoonka Israa’iil ayaa dhankooda u arka in dowladda Iiraan ay daciiftay balse ay weli dhisantahay.

“Aaminaadda ah in Israa’iil iyo Mareykanka ay gacan ka geysan karaan hurinta kacdoon baahsan waxay ahayd cillad asaas u ah u-diyaar-garowga dagaalka ku fiday Bariga Dhexe,” ayay tiri warbixinta New York Times.

In kasta oo Netanyahu uu weli rajo weyn ka qabo suurta-galnimada in ciidamo lugta ah la geliyo Iiraan, waxaa la sheegay inuu si weyn uga niyad-jabay ballanqaadyadii Mossad ee ahaa in la abuuro kacdoon shacab oo aan waligeed rumoobin.

Sida ay qortay New York Times, Netanyahu ayaa kulan dhanka amniga ah oo la qabtay maalmo kadib markii uu dagaalku bilowday ka sheegay in Trump uu joojin karo dagaalka xilli kasta haddii howlgallada Mossad aysan miro-dhalin.

Ballan-qaadyada Mossad ayaa, sida warbixintu xustay, waxaa si weyn ugu gacan-sayray mas’uuliyiin badan oo Mareykan ah iyo falanqeeyayaal ka tirsan hay’adda sirdoonka milateriga Israa’iil ee Aman.

Madaxda milateriga Mareykanka ayaa Trump u sheegay in shacabka Iiraaniyiintu aysan waddooyinka u soo bixi doonin xilli bambaanooyin ay ku hoobayaan, halka saraakiisha sirdoonkuna ay qiimeeyeen in fursadaha uu ku dhalan karo kacdoon ballaaran ay yihiin kuwo aad u hooseeya.

Turkiga oo soo faro-geliyey dagaalka Iiraan – Muxuu ku dhaqaaqay?

Ankara (Caasimada Online) — Xukuumadda Turkiga ayaa wadda dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan oo ay ku doonayso inay ku hesho waddo xal ah oo lagu soo afjaro dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan.

Ankara ayaa wada-hadallo toos ah iyo kuwa dadbanba la yeelanaysa dowladda Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah si loo bilaabo wada-xaajoodyo horseedi kara heshiis rasmi ah, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa Axaddii khadka taleefanka xiriirro is-daba joog ah kula sameeyay dhiggiisa dalalka Iiraan, Masar, iyo waddamada Yurub, si ay uga wada-hadlaan tallaabooyinka loo qaadi karo dhanka soo-afjaridda colaadda.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, Fidan ayaa isla maalintaas la hadlay saraakiil sare oo Mareykan ah, oo la rumeysan yahay inay ka mid yihiin ergooyinka Steven Witkoff iyo Jared Kushner. Saacado kadib, wuxuu wadahadallo kale la yeeshay wasiirada arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, Qatar, Ciraaq, iyo Pakistan, iyagoo qiimeynayay hindiseyaal cusub oo lagu joojinayo dhiigga daadanaya.

Xogaha laga helayo xarunta go’aan-qaadashada ee Ankara ayaa muujinaya in Turkigu uu si xooggan u riixayo in la helo xabbad-joojin kooban oo fursad iyo jawi deggan u abuuri karta wada-hadallada.

Dadaalladan ayaa durba u muuqda kuwa miradhalay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo horay ugu hanjabay inuu bartilmaameedsan doono warshadaha korontada ee Iiraan sababo la xiriira xannibaadda ay xukuumadda Tehran saartay Marinka Hormuz, ayaa Isniintii ku dhawaaqay in Washington ay ku jirto “wada-hadallo wax-ku-ool ah” oo ujeeddadoodu tahay in lagu soo afjaro colaadda Bariga Dhexe.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku amray Wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagon-ka inay shan maalmood dib u dhigto qorshe kasta oo duqeymo milateri loogu geysanayo kaabayaasha tamarta ee Iiraan, isagoo raaciyay in wada-hadalladu ay sii socon doonaan inta lagu jiro asbuucan.

Dhammaadkii asbuuca, wasiir Fidan ayaa u sheegay saxafiyiinta in Ankara ay ka fiirsanayso suurta-galnimada in la helo daaqad xabbad-joojin ah oo kumeel-gaar ah, taas oo waqti siinaysa wada-xaajoodka, balse dhinacyada u oggolaanaysa inay dib u billaabaan dagaalka haddii wada-hadalladu fashilmaan.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu farta ku fiiqay doorka carqaladeynta ee uu qaadan karo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

“Israa’iil waxaa laga yaabaa inay qaadato siyaasad ay ku daba-dheereyneyso dagaalka si ay khasaare weyn ugu geysato Iiraan,” ayuu yiri Fidan. Wuxuu xusay in marka la wajaho aragtidaas, mowqifka Mareykanka uu noqon doono midka ugu muhiimsan.

Wasiirka ayaa ku dooday in Israa’iil ay bixinayso aragti ah inaysan joojin doonin dagaalka ilaa ay ka tirtirto bartilmaameedyada milateri iyo kuwa warshadaha ee ay u aragto inay muhiim yihiin, dhibaatada ugu weynna ay tahay in Israa’iil aysan doonayn nabad.

Ilo wareed Turki ah ayaa u sheegay warbaahinta Middle East Eye in xukuumadda Ankara ay isku dayayso inay dhisto isbaheysi wadajir ah oo dhanka wada-hadallada ah, si ay miisaan uga yeelato awoodda iyo saameynta Israa’iil. Turkiga ayaa kala shaqeynaya dalalka Yurub, kuwa Khaliijka, iyo jileyaasha kale ee gobolka sidii gacan looga geysan lahaa soo-afjaridda dagaalka.

Xogtan ayaa intaas ku dartay in hanjabaadaha Iiraan ay ku beegsanayso kaabayaasha tamarta iyo warshadaha sifeynta biyaha ee Khaliijka ay argagax weyn ku abuureen waddamada gobolka, arrintaas oo abuurtay fursad dib loogu qiimeyn karo xaaladda.

Caqabadda ugu weyn ayaa weli ah sidii loo heli lahaa waddo qancin karta dhammaan dhinacyada. Qaar ka mid ah waddamada Khaliijka, oo ay ugu horreyso Isutagga Imaaraadka Carabta iyo ilaa xad Sacuudi Carabiya, ayaa ku adkeysanaya in Iiraan aan loo oggolaan in mustaqbalka ay awood u yeelato ceejinta iyo go’doominta Marinka Hormuz.

Fidan ayaa aaminsan in marka uu dagaalku dhammaado, dalalka Khaliijku ay si cad u soo bandhigi karaan waxa ay ka filayaan Iiraan, haddii shuruudo gaar ah la fuliyana, diiradda loo weecin karo iskaashi dhaqaale. Dhanka kale, Iiraan ayaa iyaduna miiska keeni karta dalabaad ku saabsan saldhigyada milateri ee Mareykanka uu ku leeyahay Khaliijka.

Iiraan ma diyaar baa u tahay wada-hadal?

Serhan Afacan, oo ah guddoomiyaha Xarunta Cilmi-baarista Iiraan (IRAM) ee fadhigeedu yahay Ankara, ayaa sheegay in Iiraan ay u badan tahay inay aqbali doonto waddo kasta oo lagu kalsoon yahay oo loo maro wada-hadallo, maadaama ay wajaheyso dhibaatooyin lixaad leh oo isugu jira dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha oo ka dhashay dagaalka.

Wuxuu raaciyay in xasilloonida mustaqbalka fog ee Tehran ay tahay mid aan la hubin, gaar ahaan haddii duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil ay sii wadaan beegsiga kaabayaasha tamarta.

Sida laga soo xigtay ilo wareedka Turkiga ah, Iiraan waxay wadataa laba dalab oo aasaasi ah: dammaanad-qaad ka dhan ah weeraro mustaqbalka yimaada, iyo magdhow laga siiyo khasaaraha soo gaaray.

Xalka suurtagalka ah ee miiska saaran ayaa ah in Iiraan loo oggolaado inay hesho dakhliga ka soo xarooda ganacsigeeda shidaalka, arrintaas oo gacan ka geysan karta in la xaqiijiyo isku-socodka xorta ah ee kheyraadka mara Marinka Hormuz. Maamulka Trump ayaa dhowaan cunaqabateynta ka qaaday 140 milyan oo fuusto oo ah shidaalka Iiraan, taas oo fasaxaysa ganacsi lagu qiyaasay $14 bilyan oo doolar.

In kasta oo dadaalladan diblomaasiyadeed ay socdaan, xubnaha xog-ogaalka ah ee ku sugan Ankara ayaa weli muujinaya rajo-xumo ku aaddan in la gaaro heshiis waara. Waxay ka shaki qabaan in Israa’iil ay marnaba aqbali doonto ballan-qaad mustaqbalka fog ah oo ku aaddan inaysan duqeyn doonin Iiraan. Sidoo kale, shuruudda adag ee Trump ee ah in Iiraan ay gabi ahaanba joojiso kobcinta yuraaniyamta ayaa ah caqabad weyn oo hor-gudban heshiis kasta.

Shakigan ayaa qayb ahaan salka ku haya taageerada muuqata ee Israa’iil ay u hayso istaraatiijiyadda loo yaqaano “caws-jarista”, taas oo u baahan in xilliyo gaar ah duqeymo joogto ah lagu wiiqo awoodda milateri ee Iiraan si loo yareeyo saameynta xukuumadda Tehran ay ku leedahay gobolka.

Si looga gudbo is-mari-waagan, xogaha laga helayo diblomaasiyiinta ayaa sheegaya in hal waddo oo horay loo qaadi karo ay tahay soo-jeedinta Trump ee ah in dalka Ruushka lagu daro dammaanad-qaadeyaasha wada-hadallada barnaamijka nukliyeerka Iiraan, gaar ahaan maadaama Washington aysan mar dambe u arkin dalka Cumaan inuu yahay goob u qalanta in wada-xaajoodyada lagu qabto.

Ruushka oo xiriir soo jireen ah la leh Iiraan iyo Israa’iil, isla markaana cilaaqaad dhow la leh Imaaraadka iyo Sacuudiga, ayaa isku taagi kara boos dhex-dhexaadin ah oo fure u ah xalka.

“Trump wuxuu ku dhawaaqi karaa guul xilli kasta,” ayuu yiri ilo wareedku. “Laakiin Israa’iiliyiintu waxay u muuqdaan kuwo go’aansaday inay sii wadaan weerarada.”

Xoghayihii hore ee difaaca Mareykanka: Aad ayey noogu xun tahay xaaladda Iiraan

Washington (Caasimada Online)— Xoghayihii hore ee Gaashaandhigga Mareykanka, James Mattis, ayaa bixiyay qiimeyn dhab ah oo ku aaddan xaaladda cakiran ee dagaalka Iiraan iyo Marinka Hormuz, isagoo si kulul u dhaliilay maamulka Madaxweyne Donald Trump oo uu ku eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu yeesho istaraatiijiyad fog oo ku wajahan Iiraan.

Isagoo ka hadlayay shirka weyn ee arrimaha tamarta ee CERAWeek oo ay hareeyeen madmadow iyo hubaal la’aan ka dhalatay colaadda sababtay inuu si taariikhi ah u go’o saadka shidaalka adduunka, ayuu Jeneraalkan hawlgabka ah u sheegay ka qaybgalayaasha: “Waxaan ku jirnaa xaalad aad u adag, marwooyin iyo mudanayaal, mana arko xulashooyin badan oo wanaagsan.”

Mattis, oo xilka iska casilay 2019-kii kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweyne Trump, ayaa ka digay in haddii Mareykanku uu ku dhawaaqo guul oo uu ciidamadiisa kala baxo gobolka, ay xukuumadda Tehran si buuxda ula wareegi doonto gacan-ku-haynta Marinka Hormuz.

“Waxaan aaminsanahay inaan arki doonno Iiraan oo canshuur ku soo rogta markab kasta oo maraya marinkaas — taas oo ah arrin uusan gabi ahaanba qaadi karin suuqa caalamku,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in yoolalka istaraatiijiyadeed ee Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan ay weli yihiin kuwo “mugdi ku jiro”. Isagoo arrintaas falanqeynaya ayuu raaciyay: “Mareykanku wuxuu ka dagaallamayaa dagaal si weyn u xaddidan, waxaana filayaa in waxa aan arkeyno ay yihiin xaalad ay duqeymaha iyo bartilmaameedsiga diyaaraduhu aysan marnaba beddeli karin istaraatiijiyad la’aanta jirta.”

Mattis ayaa sidoo kale sharraxay sababta ilaalinta maraakiibta badda ay u noqon doonto caqabad weyn oo xambaarsan khataro lixaad leh. Wuxuu tilmaamay in xitaa iyadoo Iiraan awooddeeda la wiiqay, ay weli awood u leedahay inay maraakiibta ka soo weerarto xeebteeda aadka u dheer ee gobolka.

“Haddii aad eegto xeebta Gacanka Texas oo dhererkeedu yahay 367 mayl, waxay ku siinaysaa sawir ah sida ay ugu adkaan doonto Ciidamada Badda Mareykanka inay isku dayaan ilaalinta maraakiibta maraya marin-biyoodkaas, kaas oo gaaraya 600 oo mayl oo dhanka Khaliijka ah iyo 100 mayl oo dhex marta Marinka Hormuz ka hor inta aan la gaarin biyaha furan,” ayuu yiri Mattis.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Iiraan ay haystaan gantaallada casriga ah ee lagula dagaallamo maraakiibta oo dhabarka laga saari karo baabuurta xamuulka qaada, kuwaas oo gari kara masaafo dhan 100 mayl, arrintaas oo ah dhibaatada ugu weyn ee hortaagan ilaalada badda.

Dhanka dhaqaalaha, qiimaha shidaalka ayaa hoos u yara dhacay Isniintii kadib markii Madaxweyne Trump uu ka laabtay hanjabaadihiisii ahaa inuu duqeynayo warshadaha korontada ee Iiraan. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaciyay in ergooyinkiisu ay wada-hadallo la lahaayeen sarkaal sare oo Iiraani ah, isagoo sheegtay in dhinacyadu ay isku raaceen qodobo badan.

Qiimaha saliidda ceyriin ee Brent ayaa weli ah mid aad u sarreeya, balse fiidnimadii Isniinta wuxuu hoos uga dhacay $100 doolar fuustadii, kadib markii uu dhammaadkii toddobaadkii hore xirmay isagoo maraya $112 doolar. Qiimaha shidaalka ayaa ahaa qiyaastii $73 doolar kahor inta aan la bilaabin duqeymaha Iiraan saddex toddobaad kahor, qiimahaas oo laftiisu ka turjumayay cabsida laga qabay in dagaal uu qarxo.

Suzanne Maloney, oo ah madaxweyne ku-xigeenka hay’adda falanqeynta ee Brookings Institution, ahna agaasimaha barnaamijkeeda siyaasadda arrimaha dibadda, ayaa ku raacday in ujeeddada Mareykanka ee ah in la rido hoggaanka Iiraan iyo in isbeddel nidaam la sameeyo ay tahay mid si xad dhaaf ah u adag.

“Waxaan qabaa in qof kasta oo yaqaana Iiraaniyiinta, oo garanaya dalka, uu rajo weyn iyo yididiilo u hayo Iiraan, laakiin nasiib darro, nidaamkani wuxuu si weyn ugu xeel-dheer yahay badbaadada,” ayay tiri Maloney oo madasha la wadaagtay Mattis.

Ugu dambeyn, Mattis iyo Maloney ayaa hoosta ka xariiqay in xal u helidda xiisadda tamarta ay u baahan tahay in Mareykanku uu si dhow ula shaqeeyo xulafadiisa.

“Xaqiiqada dhabta ah ayaa ah, ma jirto dhibaato la xiriirta luminta haatan ee saadka tamarta oo uu hal waddan oo keliya xallin karo,” ayuu yiri Mattis. Wuxuu ku taliyay in marka laga duulayo fahamkaas istaraatiijiyadeed, la arki karo doorka xulafada—ha noqoto dhanka milateriga ama cunaqabateynta dhaqaale—si loo qaado tallaabooyin Iiraan ku qasbaya inay timaado miiska wada-xaajoodka.

 

Koonfur Galbeed oo ka digtay dagaal sokeeye, Xasan-na ku dacweysay caalamka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray digniin culus oo ku aaddan xaaladda ammaan iyo midda siyaasadeed ee gobolka, isagoo sheegay in tallaabooyinka milatari ee ay qaaday Dowladda Federaalka ay horseedi karaan dagaal sokeeye iyo masiibo bini’aadannimo oo hor leh.

Faafin degdeg ah oo ka soo baxday Madaxtooyada Koonfur Galbeed, taas oo ku qornayd luuqadda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay dooratay inay xoog ciidan u adeegsato khilaafaadkii siyaasadeed ee qorshuhu ahaa in lagu xalliyo hab dastuuri ah.

Maamulku wuxuu xaqiijiyay in tallaabadan ay dalka u horseedi karto waddo khatar ah oo dib u soo celin karta isku dhacyadii gudaha.

War-saxaafadeedka ayaa lagu naqdiyay habka loo adeegsanayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA). Waxaa lagu sheegay in ciidankii ay tababareen saaxiibada caalamka sida Turkiga, Imaaraadka, UK iyo Mareykanka ee loogu talagalay la-dagaallanka argagixisada, hadda loo weeciyay in lagu fuliyo ajandayaal siyaasadeed.

“Waxa xanuun badan ah in ciidankii qaranka laga dhigay ciidan hab beeleed ku dhisan, iyadoo ciidamo laga soo qoray beesha Madaxweynaha la geeyay gobolka si ay u caburiyaan shacabka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Koonfur Galbeed waxay sidoo kale walaac ka muujisay hubka ay dowladda Masar ugu deeqday Soomaaliya, kaas oo la sheegay in loo weeciyay khilaafka gudaha halkii lagula dagaallami lahaa kooxda Al-Shabaab.

Maamulku wuxuu tilmaamay inay tahay wax lala yaabo in ciidanka loo isticmaalo Baydhabo, xilli deegaanno ay ka mid yihiin Tiyeeglow, Rabdhuure, iyo Kurtunwaarey ay weli gacanta ku hayaan kooxaha argagixisada ah.

Dhinaca kale, Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa ku eedaysay dowladda dhexe inay waddo qorshe lagu kala jabinayo maamulka, gaar ahaan isku dayga lagu doonayo in Shabeellaha Hoose looga gooyo maamulka.

Tallaabadan ayaa lala xiriiriyay damaca madaxweynaha ee ku aaddan maamulidda heshiisyada shidaalka iyo gaaska ee lala galay dalka Turkiga.

Ugu dambeyntiina, Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si degdeg ah u soo farageliyaan xaaladda si looga baaqsado masiibo bini’aadannimo, loona dhowro xasilloonida yar ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay sannadihii u dambeeyay.

Xaaladda magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoo ay ka billowdeen barakac ay sameynayaan dadka rayidka ah ee ka baqaya inay waxyeello ka soo gaarto iska horimaadyo dhici kara.

136 xildhibaan oo digniin culus u diray madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 136 Mudane oo ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa taageero u muujiyay qabashada doorashada maamulka Koonfur Galbeed, taas oo haatan uu qorshaheeda wado Cabdicasiis Lafta-gareen.

Xildhibaannadan ayaa soo jeediyay in Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ay qabato doorasho daah-furan oo loo dhan yahay, isla markaana waafaqsan dastuurka iyo mabaadi’da federaalka, iyagoo uga digay Madaxweynaha Soomaaliya fara-gelinta maamulka Koonfur Galbeed.

“Xildhibaannadu waxay si adag u cambaareynayaan duulaanka qaawan ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumaddiisa ay ku qaadeen dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, taasoo ah mid ciidan iyo xayiraad safar ee bulshada deegaannadaas,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka ay soo saareen xildhibaannadan.

Sidoo kale waxay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa uga digeen “inay sii wadaan ku tumashada dastuurka, ku takri falka awoodda iyo kala qeybin bulsho,” iyagoo ku hanjabay haddii ay ka waantoobi waayaan ay xildhibaanadda labada aqal qaadi doonaan tallaabooyin adag oo maamuus ka qaadista madaxweynaha.

“Waxaan u soo jeedinaynaa labada maamul ee HirShabelle iyo Galmudug in ay qabsadaan doorashooyinka heer dowlad goboleed si waafaqsan dastuuradooda iyo dastuurka KMG 2012 ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

War-murtiyeedka

TAAGEERIDDA QABASHADA DOORASHADA KOOFURGALBEED.

Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka JFS waxay soo dhoweynayaan go’aanka Dowladda Koonfur Galbeed ee Qabashada Doorashooyinka iyo Magacaabista Guddiga Doorashada, si waafaqsan Qodobada Dastuurka Koonfur Galbeed iyo Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannadu waxay soo jeedinayaan in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay qabato doorasho daahfuran, loo dhan yahay, islamarkaana waafaqsan dastuurka iyo Maba’da federaalka.

Si taa la mid, ah waxaan u soo jeedinaynaa labada maamul ee Hirshabeelle iyo Galmudug in ay qabsadaan doorashooyinka heer dowlad goboleed si waafaqsan Dastuuradooda iyo Dastuurka KMG 2012 ee JFS.

Xildhibaannadu waxay si adag u cambaareynayaan duulaanka qaawan ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumaddiisa ay ku qaadeen dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, taasoo ah mid ciidan iyo xayiraad safar ee bulshada deegaannadaas.

Dhacdooyinkaas iyo falalka foosha xun waxay toos u wiiqayaan awoodda iyo sharciyada loo kala leeyahay nidaamka federaalka ee dalka iyo sumcadda ciidanka, iyagoo sidoo kale fursad u siinaya kooxaha argagixisada inay ka faa’iideystaan kala qeybsanaanta gudaha.

Xildhibaannada labada aqal waxay uga digayaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa inay sii wadaan ku tumashada dastuurka, ku takri falka awoodda iyo kala qeybin bulsho, falalkaas ay caddeysteen haddii ay ka waantoobi waayaan xildhibaannada labada aqal waxay qaadi doonaan tallaabooyin adag oo waafaqsan qodobka 92aad ee Dastuurka oo sheegaya maxkamadaynta iyo maamuus ka qaadista Madaxweynaha marka lagu eedeeyo khiyaamo qaran, xadgudub culus oo dastuur ah.

Ugu dambayn, Waxaan ugu baaqaynaa bulshada Soomaaliyeed qaybaha kala duwan in ay ilaashadaan amniga, midnimadooda iyo wadajirkooda, sidookale beesha caalamka ee taageerada ku bixisa dowlad dhiska Soomaaliyeed inay u istaagto qayb ka noqoshada badbaadinta dowladnimadii ay dhismaheeda waqti iyo dhaqaale badan ay ku bixiyeen.

Yuusuf Garaad: Gooni isu-taagga SOMALILAND iyo damaca Itoobiya waa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gooni isu-taagga Somaliland iyo damaca Itoobiya ee badda ayaa noqday caqabadaha ugu weyn ee ay wajaheyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu sheegay Yuusuf Garaad.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa soo saaray qormo dheer oo uga hadlayo arrintan, isagoo sheegay in arrimahan ay Soomaaliya caqabad ku noqon karaan nabadgelyadeeda, madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed.

“Labaduba waa ay ka facweyn yihiin isbeddelka dunida ee xowliga ku socda, laakiin halistooda ayaa ka sii dari karta haddii ay ku dhex milmaan waxa hadda socda. Labada mid kastaa iskeed ayay Soomaaliya ugu noqon kartaa caqabad Istaraateeji ah,” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haddii midkood ama labadaba xal loo helo ay qeyb ka noqon karaan sidii Soomaaliya uga badbaadi lahayd khataraha cusub ee dunida, kuwaas oo si dhakhso leh ugu soo butaaci kara, maaddaama ay leedahay marin-biyood muhiim u ah ganacsiga adduunka, kaabigana ay ku hayso gobolka Bariga Dhexe oo xuddun u ah dagaalka iyo tamarta labadaba.

Hoos ka aqriso qormada oo dhameystiran:

Sidu sidii ma’aha!

Weerarka Mareykanka iyo Israel ay ku qaadeen Iran iyo nooca cusub ee ay uga falcelisay; tirada dalalka ay weerarka ku qaadday; tirada dayaaradaha is wada iyo tirada gantaallada ay woqooyi galbeed, galbeed, Koofur galbeed iyo koofur ay u riddday; masaafada gantaalladeedu ay gaareen sida markii ay beegsatay Diego Garcia oo Iran u jirta qiyaastii 4000 km; khasaaraha ka dhashay weerarrada iyo weerarceliska; ciriiriga ay gashay tamarta adduunku siiba qiimaha shidaalka iyo gaaska oo samada isku shareeray.

Dagaalka Israel iyo Xisbullah iyo saameynta uu ku yeeshay Lubnaan; weerarrada iyo hanjabaadda Xuutiyiinta nala jaarka ah; xasuuqii Gaza iyo aqoonsiga Falastiin ee dalal badan oo reer Galbeed ah; soo qabashada Madaxweynaha Venezuela iyo afadiisa; dagaalka Yurub ee Ukrain iyo Ruushka; Yurub oo ku kala qeybsantay aragtida; dalal xulafo ahaa oo kala irdhoobay kala shakiga Gaaashaanbuurta NATO soo kala dhex galay oo xataa Mareykan iyo Ingiriis ay isku si wax u arki diideen.

Afgemiyada Afrikada Faransiisku gumeysan jiray oo Faransiiska laga saaray: siyaasadaha Madaxweyne Trump ee xagga shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah, xag dhaqaale, xag militeri, xag socdaal iyo xag kaalmo; doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka oo sannadkan 2026 dhici doonta lagana yaabo in ay waxa oo dhan saameyso, waxaa ay si xowli ah wax badan uga beddeleen waxa la filan karo xataa mustaqbalka dhow.

Xasillooni darrada siyaasadeed, midda amni iyo tan dhaqaale ee dhacdooyinkani sababeen, waxay dal kasta si dhakhsa leh u bartay in aan sidu sidii hore ahayn ee dunidu ay is beddeshay.

Dhacdooyinkani waxay dal kasta ku dhaliyeen in uu is weydiiyo su’aalo ka caawiya sida ugu habboon ee uu xaaladdan cusub ula falgeli karo si uu khatarteeda amni iyo teeda dhaqaale uga badbaado.

Sidoo kale waxay qaar badani oo Mareykanku ku jiro ay is weydinayaan cidda ay xulafo ka dhigan karaan oo ay isku hallayn karaan.

Soomaali haddii aan nahay, dhibkaas dunida ayaan la qabnaa, waxyaabo noo gaar ahna waa ay jiraan.

Hawada macaan ee Soomaaliya ee badda ka soo dhaceysa waxaa ku soo biirtay saxasaxo yara sumeysan oo ka soo hormartay doorashooyinka Baarlamaannada iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada waqtigu ka dhacay, tan Baarlamaanka Federaalka labadiisa Aqal iyo midda Madaxweyne Federaal oo la filayo in ay qabsoomaan.

Maaddaama siyaasiyiinta iyo inta la shaqeysaa ay hadda aad ugu mashquulsan yihiin hardanka afartii sanaba mar ka soo hormara doorashooyinka Soomaaliya oo hadda qir iyo qir taagan, waxay ila noqotay in aan ifiyo laba arrimood oo Istaraateeji ah oo Soomaaliya caqabad ku noqon kara nabadgelyadeeda, Madaxbannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed.

Labaduba waa ay ka facweyn yihiin isbeddelka dunida ee xowliga ku socda, laakiin halistooda ayaa ka sii dari karta haddii ay ku dhex milmaan waxa hadda socda.

Labada mid kastaa iskeed ayay Soomaaliya ugu noqon kartaa caqabad Istaraateeji ah.

Dhanka kale, haddii midkood ama labadaba xal loo helo, waxay qeyb ka noqon karaan sidii aan uga badbaadi lahayn khataraha cusub ee dunida oo si dhakhsa leh noogu soo butaaci kara maaddaama aan leennahay marin biyood muhiim u ah ganacsiga adduunka, kaabigana aan ku hayno Gobolka Bariga Dhexe ee xuddunta u ah dagaalka iyo tamarta labadaba.

Gooni isu-taagga Somaliland

Arrinta koowaad waa mid soo jiitamaysay tan iyo 1991. Waa gooni isu taagga Somaliland. Muddadaas dheer Somaliland waxay ku guuleysan weyday in ay Soomaaliya ku qanciso go’aanka ay keligeed qaadatay. Dowladda Soomaaliyana uma suurta gelin in ay Somaliland ku qanciso midnamadii ay iyadu hooyada u ahayd.

Kuma mashquulayo doodda taagereysa gooni isu taagga Somaliland iyo midda lidka ku ah toona.

Inta uu maqan yahay heshiis ay labada dhinac wax uun isla meel dhigaan, waxaan u arkaa dhaawac furan oo ku yaalla Soomaaliya. Dowlado, ururro ay argagixiso ka mid tahay, sharikado, shakhsiyaad iyo cid kasta oo danteeda ka dhex aragta xaaladda cakiran waa ay ka faa’iideysan doontaa si ay uga gaarto dano gurracan oo aan Soomaali u adeegeyn.

Markaa waxay ila tahay in la furo wadahadal qoto dheer oo ujeeddadiisu tahay in labada dhanba laga badbaadiyo khataraha hadda jira iyo kuwa la odorosi karo. Wadahadal khilaafka u wajaha si maskax furan, oo ka duwan sidii hore, oo aan ku koobnayn kala go’ dhammeystiran oo hadda la saxiixo ama midnimo buuxda oo isla maanta hirgasha.

Dowladaha adduunku hal qaab uma dhisna. Qaabab badan oo lagu midoobo – oo wax la wada leeyahay qaarna la kala leeyahay, oo lagu dayan karo ayaa jira. Kuwaas oo waliba midnimadoodu ay kala derejo tahay.

Nidaam aan hore adduunka uga jirinna Soomaali ayaa la imaan karta maaddaama Soomaalida qaarkeed, u badan reer Hargeysa ay arrinkaan ka fekerayeen in ka badan 30 sano.

Wadahadalku waa in uu ahaadaa mid leh billow iyo dhammaad oo mirodhala. Inta midnimo daafacaysaa waa in ay helaan dood ay Somaliland ugu qanciyaan Midnimo aan iyada laga xigin oo ay danteeda ka dhex aragto, ilaashatana.

Haddii kale waa in ay Somaliland oo is wadataa ay hesho tab ay Soomaaliya ugu qanciso in la isu faataxeeyo, aan la isku mashquulin, walibana la iskaashado.

Inta taa la gaarayo waxaa loo baahan yahay in la iska kaashado ka guuridda waxyaabaha caqabadda ku ah shucuubta labada dhinac, sida fudueynta socdaalka iyo ganacsiga xoolaha iyo badeecadaha.

Sida ay hadda xaaladdu tahay Soomaaaliya iyo Somaliland midna dani uguma jirto.

In ay sidaa ku sii socoto, waxna aan la iska weydiin ma ahan dow.

Waxay u dhigantaa in jiilka maanta ee haysta teknoolojiyada casriga ah, kana aqoon, ogaal iyo hanti badan jiilkii gobannimda iyo midnimada curiyay, ay yihiin kuwo ku fashilay in ay dhowraan dhaxalkii awoowayaashood sababtuna ay tahay in ay xallin kari waayeen khilaafaadkooda.

Waa in aan isku dan noqonnaa ama aan helnaa si laba dan ay isu garab socon karaan ee aanay is herdin.

Awoodda Soomaalida waxaa ka mid ah in xalka arrintan masiiriga ahi ay ku jirto gacanta Soomaalida.

Istaraatiijiyadda Ethiopia ee badda

Arrinta labaad waa damaca Ethiopia ay ku dooneyso bad ay iyadu leedahay iyo dhul ay leedahay oo ay u sii marto.

Damaca Ethiopia ma aha wax qarsoodi ah. Dhowr jeer ayay kor u sheegtay iyada oo saxaafadda la hadleysa.

Kulammo diblomaasiyadeedna si hoose ayay ugu soo bandhigtay.

Damac keliya ma aha ee 2024 waxa ay sameysay isku day, markii ay MoU la saxiixatay Somaliland.

Marka MoU-da la saxiixay, waxay ahayd 100 sano ka dib markii 1924 uu Ras Tafari Mokonnen oo ka dib noqday Haile Selassie uu socdaal ku soo kala bixiyay dalal Yurub ah, wadahadalkii uu Paris iyo London ku yeeshayna uu ku weydiistay in Ethiopia ay bad hesho.

Waxaa la isku soo qaaday marsooyinka Asab oo Talyaanigu haystay, Djibouti oo Faransiiku ka talinayay iyo Zeylac oo uu Ingiriisku fadhiyay. Laakiin wuxuu Addis Ababa ku soo laabtay isaga oo fara maran.

Waxaan tusaalahaas u soo qaatay, in aan muujiyo in doonista badda ee Ethiopia aanay ahayn wax la billowday ama la dhammaan doona Dowladda Ethiopia ee hadda joogta.

Waa baahi soo jireen ah, Istaraateeji ah oo aan ka bixin ajendayaasha mudnaanta u leh Ethiopia.

Afka keliya ma aha ee Ethiopia waxay waddaa diyaar garow, oo qarsoodi ma aha in iyada oo aan bad lahayn ay haddana 2019 ku dhawaaqday in ay dhiseyso ciidan bad oo ay iyadu leedahay. Waa ay ka dhabeysay. Dowladda Faransiiska ayaa ka mid ah dalalka ciidanka badda ee Ethiopia ka caawiyay tababbarka.

Marka laga yimaado isku daygii Ethiopia ee MoU-dii ay la gashay Somaliland, waxaa xusid mudan in Ethiopia caddeysay damaceeda ah in ay bad yeelato, laakiin marnaba aanay afka ku dhufan dalka ay baddiisa u socoto.

Soomaaliya inkasta oo ay qaaradda Afrika ugu xeeb dheer tahay, jaarna la tahay Ethiopia, haddana ma aha dalka keliya ee Ethiopia uga gudban badda. Soomaaliya waxaa wehliya, Jamhuriyadda Djibouti, Eritrea, Sudan iyo Kenya oo intuba badda saaran, soohdinna la leh Ethiopia.

Inta Ethiopia ay ku celcelineyso in ay lama huraan tahay in ay bad hesho, Ciidan badeedna ay dhiseyso, waa gantaal cirka loo ganay oo aan la garaneyn dalalka badda ka xiga midka uu ku dhici doono iyo goorta.

Ethiopia annagu ma dooran in aan jaar ahaanno, iyaduna nama dooran, sidaa darteed waxaan nahay isma hurto. Markaa waa in aan helnaa hannaan nabadgelyo iyo iskaashi waara oo aan ku wada noolaanno.

Hadda waa khatar waxaanse u arkaa in loo rogi karo fursad. Waa haddii lala yimaado maskax deggan oo aragti fog leh, la sameeyo daraasad taariikh iyo sharci, mid amni iyo tu dhaqaale iyo in la helo damaanad.

Waxaan qabaa in dhan kasta laga eego.

Ka dibna Ethiopia si dhab ah wadahadal loola galo Ujeeddadiisu ay tahay in lala gaaro heshiis isu fura Soomaaliya Dekedaheeda iyo suuq weynaha Ethiopia, iyada oo aynaan lumin dhul iyo bad toona.

Heshiiskaasi wuxuu Ethiopia siin karaa fursad ah in ay adeegsato Dekedaha Soomaaliya kuwooda la isku af garto.

Waliba laga fekeri karo in dekedaha la asteeyay iyo waddooyinkooda ku xira Ethiopia ay si wadajir ah labada Dowladood u maalgeliyaan.

Arrimahan aan tooshka ku ifiyay wax ka qabashooda wax baa ka billaaban, laakiin taasi igama joojinseyso in aan siyaasi iyo muwaaddin kasta ku baraarujiyo ama aan xusuusiyo caqabadaha Dowladnimada Soomaaliyeed hor yaalla.

Maaddaama Dowladda iyo Mucaaradku ay isku diiddan yihiin wax ka beddelka Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka, Koofur Galbeed dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo is diiddan iyo kuwo ciidanba ay ka socdaan, ayada oo dushana ay ka ilaalinayaan ciidammo shisheeye, intaas oo dhamina ay xal u baahan yihiin, waxay ila noqotay in aan qalinkeyga u adeegsado in madaxa kor loo qaado si meel fog iyo hareerahaba aan wax uga aragno – maaddaama aan dhacdooyinka iyo isbeddellada dunidu cidna sugi doonin.

Diyaarad lagu rasaaseeyay garoon ku yaalla Koonfur Galbeed – Yaa saarnaa?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarad maanta lagu rasaaseeyay garoonka diyaaradaha ee degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda Star Airline ayaa la sheegay in, iyadoo ku jirtay marxaladdii ugu dambeysay ee soo degista isla markaana ku soo dhowaatay hawada degmada Waajid, si lama filaan ah rasaas looga furay gudaha garoonka, taas oo cabsi gelisay duuliyihii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ay saarnaayeen saraakiil iyo askar ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku sii jeeday degmada Waajid.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaasta ay fureen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku sugnaa gudaha garoonka xilliga ay diyaaraddu soo degaysay, iyadoo dhacdadan lala xiriirinayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan maamulka.

Duuliyihii diyaaradda ayaa durba qaatay go’aan degdeg ah oo badbaado ah kadib markii uu dareemay halista jirta, wuxuuna joojiyay qorshihii degista, isaga oo dib ugu laabtay hawada sare si uu uga fogaado khatar kasta oo iman karta.

Diyaaradda ayaa markii dambe ka dhaqaaqday hawada Waajid, iyadoo aan wax fariisasho ah sameyn, taas oo keentay in rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa ay ka badbaadaan xaalad halis ah oo ka dhalan kartay rasaastaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidanka rasaasta furay ay hoos yimaadaan maamulka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed xooggan oo u dhexeeya maamulkaasi iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku aaddan dhacdadan, xilli ay sii kordhayso xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.

Si kastaba, lama soo sheegin wax khasaare nafeed ama mid hantiyadeed oo ka dhashay dhacdadan, inkastoo ay weli socoto baaritaan ku saabsan sida ay wax u dhaceen iyo cidda mas’uuliyadda ka dambeysa falkaas.

Sheekh Shariif oo taageeray doorashada Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn u taageeray Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen oo haatan uu dagaal siyaasadeed adag kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xisbiga Shariif ayaa si cad u muujiyay taageeradiisa doorashada uu Lafta-gareen ku qabsanayo magaalada Baydhabo, iyadoo madaxda Dowladda Federaalka uga digay inay sii wadaan ku tumashada dastuurka dalka, isla markaana “ay ka daayaan faragelinta qaawan iyo dullaalka hubeysan” ee ay ku hayaan Koonfur Galbeed

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ku bogaadinayaa tallaabada dastuuriga ah ee uu qaaday Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ee ku aadan magacaabista Guddiga Madax-bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran.

Xisbiga ayaa ku eedeeyay madaxda Dowladda Federaalka inay ka dambeeyeen in dowlad-goboleedyadu dhaafaan waqtigii doorashooyinkooda ee dastuuriga ahaa, sidaas darteedna ciddii sharciyadda u soo noqota oo doorasho qabata ay u hiilinayso nidaamka dowladnimada iyo ku dhaqanka dastuurka dalka.

Sidoo kale, xisbiga uu hoggaaminayo Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay maamullada Galmudug iyo HirShabelle inay ilaaliyaan dastuurka dowlad-goboleedyada ay u dhaarteen, ayna dhowrayaan oo u horseedin qalalaase ka aloosma degaanno nabad ah.

“Xisbigu wuxuu si adag uga digayaa abaabullada hubaysan ee ay dowladda Federaalku ku khal-khal gelinayso xasiloonida iyo nidaamka ka jira Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed,” ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ku bogaadinayaa tallaabada dastuuriga ah ee uu qaaday Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ee ku aadan magacaabista Guddiga Madaxbannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Sida uu qabo qodobka 12-aad ee dastuurka KMG ah, dhismaha laamaha xeer-dejinta iyo fulinta ee dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka waa arrimo lagu nidaaminayo dastuurada maamul-goboleedyada.

Sidaa awgeed xisbiga wuxuu uga digayaa madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii wadaan ku tumashada dastuurka dalka ee ay caadaysteen, kana daayaan faragelinta qaawan iyo dullaalka hubeysan ee ay ku hayaan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Xisbigu wuxuu kasoo horjeedaa siyaasadad gurracan ee qoor-qabadka ah ee madaxweynaha Dowladda Federaalka uu kula dhaqmay dowlad goboleedyada Dalka.

Xisbigu wuxuu dhiirra-gelinayaa cid kasta oo ka hortimaadda af-duubka siyaasadeed ee aan ku dhisnayn wax sharciyad ah.

Xisbigu wuxuu caddaynayaa in Madaxda Dowladda Federaalka ay ka danbeysay in ay dowlad goboleedyadu dhaafaan waqtigii doorashooyinkooda ee dastuuriga ahaa.

Xisbigu wuxuu u arkaa ciddii sharciyadda u soo noqota oo doorasho qabata, inay u hiiliso nidaamka dowladnimada iyo ku dhaqanka Dastuurka Dalka.

Xisbigu wuxuu si adag uga digayaa abaabullada hubaysan ee ay Dowladda Federaalku ku khal-khal gelinayso xasiloonida iyo nidaamka ka jira Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa dowlad goboleedyada kale ee waqtiyadoodu dhammaaday in ay ilaaliyaan dastuurka dowlad goboleedyada ay u dhaarteen in ay dhowrayaan, aysanna horseedin qalalaase ka aloosma degaanno nabad ah.

Ugu dambeyn, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu soo dhaweynayaa kuna garab-taagan yahay Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo shacabka in ay diideen muddo kordhintii baalmarsanayd Dastuurka Dalka iyo kan Koonfur Galbeed, isla markaana ay go’aansadeen in ay doorasho qabtaan.

– Dhammaad –

Trump oo shaaciyay inuu Mareykanka wada-hadal la yeeshay Iran, ku dhawaaqay…

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka iyo Iran ay yeesheen “wada-hadallo cusub oo wax ku ool ah” oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka socda in ka badan saddex toddobaad.

Trump ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in shan maalmood lagu kordhiyay waqtigii uu u qabtay in lagu “tirtiro” xarumaha korontada iyo kaabayaasha tamarta ee Iran, haddii aysan Tehran dammaanad qaadin isku-socodka xorta ah ee maraakiibta maraya Marinka Hormuz.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku shaaciyay wada-hadalladan cusub. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid looga baaqsanayo weerar baaxad leh oo horseedi kara in dagaalku faraha ka baxo, inkasta oo xaaladdu weli kacsan tahay.

Mawqifka is-diiddan ee Tehran iyo Washington

Inkasta oo Trump uu sheegay inay jiraan wada-hadallo, dhanka Iran waxaa ka soo baxaya warar ka duwan. Wakaaladda wararka ee Fars, oo xiriir dhow la leh Ilaalada Kacaanka (IRGC), ayaa gaashaanka ku dhufatay in wax wada-hadal ah ay dhaceen, iyadoo sheegtay in aysan jirin xiriir toos ah ama mid dadban oo lala yeeshay Washington.

Sidoo kale, wakaaladda wararka ee dowladda IRNA ayaa soo xigatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran oo beenisay inay jiraan wax gorgortan ah oo socda.

Dhanka kale, dadaallo diblomaasiyadeed oo ay wadaan waddamada Cumaan, Turkiga, Masar iyo Pakistan ayaa socday maalmihii u dambeeyay. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr Albusaidi ayaa xaqiijiyay inay si adag uga shaqeynayaan sidii loo heli lahaa marin ammaan ah oo looga gudbo Marinka Hormuz.

Xiisadda dagaalka iyo saameynta dhaqaalaha

Xiisaddan ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay Axaddii, markaas oo Trump uu qabtay muddo 48 saac ah ka hor inta aan la burburin ilaha tamarta Iran.

Tehran ayaa kaga jawaabtay hanjabaad ah inay beegsan doonto saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe, xarumaha biyaha macaaneynta (desalination) ee dalalka Khaliijka, iyo inay kordhin doonto weerarrada ka dhanka ah Israa’iil.

Telefishinka qaranka ee Iran ayaa baahiyay farriin muujinaysa in “Madaxweynaha Mareykanka uu dib u gurtay kadib digniin adag oo ka timid Iran.”

Xirnaanshaha Marinka Hormuz oo ay marto shan meelood meel saliidda iyo gaaska caalamka ayaa sababay hoos u dhac weyn oo ku yimid suuqyada saamiyada adduunka horaantii Isniintii.

Si kastaba, markii uu soo baxay warka ku saabsan muddo kordhinta Trump, qiimaha saliidda ayaa yara degay, halka suuqyada maaliyadeed ay dib u soo kabsadeen.

Mugdiga ku gadaaman geeddi-socodka nabadda

Dagaalkan oo qarxay dabayaaqada bishii hore kadib weerar ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil, ayaa la sheegay in lagu dilay hoggaamiyihii sare ee Iran, Cali Khamenei iyo saraakiil kale. Dagaalkaasi wuxuu galaaftay nolosha in ka badan 2,000 oo qof, kuwaas oo u badan dhanka Iran.

Inkasta oo Trump uu sheegay inuu faray Waaxda Dagaalka inay hakiyaan weerarrada muddo shan maalmood ah, haddana ma cadda sida labada dhinac ay u gaari karaan “xal dhammaystiran.”

Mareykanka ayaa hore u sheegay in ujeedkoodu yahay “isbeddel nidaam,” halka Iran ay shuruud ka dhigtay in Mareykanku gabi ahaanba ka baxo gobolka Khaliijka iyo in magdhow laga siiyo burburka soo gaaray.

Xaaladda ayaa weli ah mid laga deyrinayo, iyadoo diyaaradaha Israa’iil iyo Mareykanka ay sii wadaan duqeymaha ay ka fulinayaan gudaha Iran, halka Tehran ay ku hanjabtay inay “si aan laga soo kaban karin” u burburin doonto kaabayaasha muhiimka ah ee Bariga Dhexe haddii weerar lagu soo qaado.

Sidee ayaa looga fal-celiyay tallaabada ay DF ka digtay ee uu qaaday Lafta-gareen?

Baydhaba (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi aheyn ayaa ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) kadib markii uu soo magacaabay guddiga doorashooyinka ee maamulkaas, xilli ay taagan tahay xiisad u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed.

Guddigan oo ka kooban illaa 9 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen, iyadoo guddiga la faray inuu si deg-deg ah u howlgalo, isla markaana u guda-galo waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Ujeedada dhismahan guddiga ayaa ah inuu si gaar ah uga shaqeeyo doorashada golaha wakiillada Koonfur Galbeed iyo midda madaxweynaha, oo uu haatan muran ka taagan yahay, iskuna hayaan maamulka Lafta-gareen iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya dowladda dhexe.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda labada dhinac oo isku rogtay gacan ka hadal, waxaana hadda ay u muuqataa in Lafta-gareen uu u bareeray in doorasho iskiis ah uu ku qabsado magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, isaga oo qaaday waddadii Axmed Madoobe oo horay doorasho ugu qabsaday Kismaayo.

Haddaba sidee looga fal-celiyay tallaabada DF ka digtay ee uu qaaday Lafta-gareen?

Maxamed Aadan: “Koonfur Galbeed Soomaaliya loo talin maayo ee ayadaa tashaneysa, Hawiyoow taas meel ku qorta”.

Cabdifitaax Cabdullahi: “Gurbaaantiii la xado meel lagu garaaco ma rabtooo hee Lafta-gareen tan waa tii aad ku dhiman laheyd”.

Aadan Cali Xasan: “Tiktokers ayaa gudiga doorashooyinka KGS loo magacawey cajaa’ib”.

Xasan Maxamed: “Wa muhiim in talada Koonfur Galbeed aan loo daba fadhiisan dad kale waxaan leeyahay guuleysta”.

Axmed Sheekh Cabdi: “Ka daroo dibi dhal hadday taagantahay”.

Si kastaba, ha’ahaatee xiisadda ka dhex aloosan Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadda mareysa meel xasaasi ah, iyadoo ciidamo kala taabacsan labada dhinac ay isku fara saareen maamulkaasi.

DF Soomaaliya oo saraakiil u dirtay Koonfur Galbeed + Sawirro

0

Baraawe (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo weli ciidamo ku daabuleyso deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa maanta saraakiil sar sare u dirtay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay dhawaan si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda.

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Haramcad Dhamme Cabdixakiin Siciid Ceeldheer ayaa barqanimadii maanta gaaray magaalada Baraawe oo ah caasimadda rasmiga ah Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo si weyn halkaas loogu soo dhaweeyay, maadaama maalin kahor ay tageen ciidanka Haramcad.

Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in safarka taliyaha uu la xiriira dardargelinta howlaha amniga iyo xoojinta oawlgallada ka socda gobolka.

Sidoo kale, Taliye Cabdixakiin ayaa durbo kormeer ku tagay taliska cusub ee iidanka Haramcad ee Base-ka Baraawe, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen taliye ku-xigeenka Haramcad, Abanduulaha Ciidanka Haramcad, iyo Taliyaha Ururka 1aad ee Guutada Haramcad.

Intaas kadib Taliyaha ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka, isagoo halkaas kula dardaarmay askarta, kuna adkeeyay xoojinta amniga feejignaanta joogtada ah, iyo dardargelinta howlaha sugidda nabadda magaalada Baraawe iyo deegaanada ku xeeran.

Ciidamadan ayaa dowladdu waxa ay Khamiistii diyaarado ku gaysay gudaha magaalada Baraawe, iyada oo kadib ciidankii Koonfur Gabeed ay ka baxeen magaalada, kuwaas oo qaarkood doonyo ku tegay magaalada Kismaayo.

Xiisadda u dhexeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa, waxaana labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda, kuwaas oo keeni kara in mar kale dagaallo ka dhan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhaq-dhaqaaqyadan cusub ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku dhawaaqday guddiga doorashada maamulkaasi, xilli lagu muransan yahay sida loo wajahayo doorashada.

Macallin Dugsi Qur’aan oo si arxan darro ah loogu dilay deegaanka Janaale

0

Janaale (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dila argagax leh oo xalay Macallin Dugsi Qur’aan loogu gaystay gudaha deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay weerareen kooxo hubeysan oo dhac ka gaysanayay halkaasi.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Macallin Xambali ayaa waxaa dilkiisa loo adeegsaday toorey ay ku dhufteen ragga burcadda ah, kadib markii uu isku dayay inuu ka difaacdo hantidiisa.

Macallinka ayaa si weyn looga yaqaanay magaalada dhexdeeda, waxaana geerdiiisa ka tacsiyeey maamulka deegaanka Janaale oo marxuumka eebbe uga baryay inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowso.

“Maamulka Deegaanka Janaale wuxuu halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa guud ahaan bulshada deegaanka, gaar ahaan ehelka, qaraabada iyo ardayda uu ka baxay Alle Ha u naxariistee Macallin Xambali. Marxuumka ayaa si arxan darro ah toorey loogu dilay, isagoo hantidiisa difaacanaya, kadib markii tuugo ay ku weerareen goobtiisa xalay saqdii dhexe” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Waxaan Alle uga baryeynaa inuu marxuumka ka waraabiyo Jannatul Fardowsa, dambigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan qoyskiisa iyo dadka uu ka geeriyooday”.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in haatan ay socdaan baaritaanno dheeraad, isla markaana lagu daba jiro burcadda dilka gaysatay, si loo horkeeno cadaaladda.

“Maamulka iyo laamaha amniga ayaa wada baaritaan, iyagoo si dhow ugu daba jira dambiilayaasha falkaasi geystay, si cadaaladda loo horgeeyo.” ayaa mar kale yiri qoraalka.

Janaale oo kamid ah deegaannadii dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa haatan si buuxda gacanta ugu haya ciidamada Xoogga dalka, waxaase mararka qaar ka dhaca falal ammaan darri iyo dilal qorsheysan.

Daawo: Mucaaradka Koonfur Galbeed oo soo bandhigay awood ciidan oo xooggan

0

Buurhakaba (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed oo haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada deegaanno ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool ayaa maanta ciidamo xooggan kusoo bandhigay gudaha degmada Buurhakaba, kuwaas oo wada abaabul culus oo ka dhan ah Lafta-gareen.

Ciidamada oo aad u hubeysan ayaa warbaahinta loo soo bandhigay, iyaga oo ku jira safaf-dhadheer, waxaana la hadlay mas’uuliyiin heer federaal ah oo ku sugan Buurhakaba oo kula dardaarmay in ay u diyaar u garoobaan howlgal, maadaama ay dagaal kula jiraan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, ciidamadan ayaa waxaa lagu xoojiyay boqolaal askari oo saacadihii ugu dambeeyay diyaarado looga soo qaaday degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, iyaga oo ku biiraya ciidamo kale oo ku sugan aagga magaalada Baydhaba oo dhawaan halkaas dagaal kula galay ciidamada Lafta-gareen.

“Lafta-gareen hal arrin basaa u furan in uu albaabada furo si xoriyad leh deegaanka doorasho uga dhacdo haddii kale waa iska dhicineynaa loomana dulqaadan doono waxa deegaanka ka socda” ayuu yiri Ilyaas Cali Xasan oo ah safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo qayb ka ah mas’uuliyiinta wax ka wada abaabulka.

DFS ayaa sidaan oo kale Khamiistii diyaarado ugu daabusho boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo ay tababarto dowladda Turkiga, qaybo ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed.

Ciidamadaas ayaa ka degay magaalada xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo ah caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, in kasta oo xukuumaddu ay haatan hawlaheeda maamul ka waddo magaalada Baydhaba.

Xaaladda ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa, waxaana labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda, taas oo keeni karta in mar kale dagaallo ka dhan deegaanno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Abaabulkan cusub ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku dhawaaqday guddiga doorashada maamulkaasi, xilli lagu muransan yahay sida loo wajahayo doorashada.

Dhankeeda Dowladda Federaalka ayaa shalay ku dhawaaqday in uusan sharciyad haysan Lafta-gareen, iyadoo fartay dhammaan maamullada heer degmo iyo heer gobol ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed inay sii wataan gudashada xilalkooda sida ay yihiin inta laga helo madaxweyne sharci ah.

Xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa mareysa meel xasaasi ah, iyadoo aan la saadaali karin halka ay ku dambeyn doonto, maadaama uu dhinac kasta uu wato qorshihiisa gaarka ah iyo isku dabaridka ciidamo uu u adeegsanayo danihiisa.

Cabdicasiis Lafta-gareen oo magacaabay guddi doorasho

0

Baydhaba (Caasimada Online) -Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta oo Isniin ah soo magacaabay guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka ee maamulkaas, xilli uu taagan yahay khilaaf culus oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed.

Guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen, iyada oo la faray inuu si deg-deg ah u howlgalo, isla markaana uu guda-galo waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Ujeedada dhismahan guddigan ayaa ah inuu si gaar ah uga shaqeeyo doorashada golaha wakiillada Koonfur Galbeed iyo midda madaxweynaha, oo uu haatan muran ka taagan yahay, iskuna hayaan maamulka Lafta-gareen iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya dowladda dhexe.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda labada dhinac oo isku rogtay gacan ka hadal, waxaana hadda ay u muuqataa in Lafta-gareen uu hadda u bareeray in doorasho iskiis ah uu ku qabsado magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, isaga oo qaaday waddadii Axmed Madoobe oo horay doorasho gaar ah ugu qabsaday Kismaayo.

Dowladda Federaalka ayaa shalay ku dhawaaqday in uusan sharciyad haysan Lafta-gareen, iyadoo fartay dhammaan maamullada heer degmo iyo heer gobol ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed inay sii wataan gudashada xilalkooda sida ay yihiin inta laga helo madaxweyne sharci ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo iyadu soo saartay qoraalka ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in laga hortago firaaq maamul oo ku iman kara heer gobol iyo heer degmo, iyo sidoo kale in la ilaaliyo xasilloonida iyo sii wadidda adeegyadda maamul iyo kuwa bulshada.

“Madaxda sare ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed waxay ku jiraan muddo dhaaf xileed, oo u baahan xal waafaqsan sharciga iyo nidaamka dowladnimada, sidaas darteed wasaaradda oo la tashanaysa odayaasha dhaqanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa si gaar ah ugu xilsaaran ilaalinta maamulka dhisan, iyo sidoo kale buuxinta xilalka ka bannaanaada maamulkaas,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Si kastaba, Xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa mareysa meel xasaasi ah, iyadoo ciidamo kala taabacsan labada dhinac ay isku fara saareen gudaha maamulkaasi.

Koonfur Galbeed oo shaaca ka qaaday dalka soo dhiibay hubka ay DF u adeegsaneyso

Baydhaba (Caasimada Online) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay hub dibadda laga keenay u weecisay dagaal siyaasadeed oo sokeeye, beddelkii loo adeegsan lahaa la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiye Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in hubka ay dowladda Masar siisay Soomaaliya, kaas oo fagaareyaasha loogu soo bandhigay inuu yahay taageero loogu talagalay amniga qaranka iyo hawlgallada la-dagaallanka argagixisada, lagu wareejiyay maleeshiyooyin ku sugan degmada Buurhakaba, haatanna loo adeegsanayo in lagu dhibaateeyo dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed.

“Hubkan waxaa loogu talagalay in lagu difaaco qaranka, lagulana dagaallamo cadowga, looma keenin in loo adeegsado khilaafaad siyaasadeed oo gudaha ah ama in lagula dagaallamo muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cali Saciid Fiqi.

Wuxuu ka digay in hubka qaranka oo laga dhigo aalad lagu muujiyo cadaadis siyaasadeed ay sii qoto-dheerayn doonto xiisadaha taagan, kordhin doonto kalsooni-darrada, isla markaana ay halis weyn gelin doonto nolosha dadka rayidka ah.

Wuxuu xusay in eedeymahan la xiriira ku-takri-falka hubku ay yihiin kuwo si gaar ah loola yaabo, xilli Soomaaliya ay weli wajaheyso khatar joogto ah oo kaga imaanaysa Al-Shabaab, ayna saaran tahay cadaadis ku aaddan in la xasilliyo deegaannadii dhowaan lala wareegay.

Eedeymahan culus ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii fogaanayo khilaafka u dhexeeya Baydhaba iyo Muqdisho, kaas oo salka ku haya muranno la xiriira faragelin siyaasadeed, maamulka doorashooyinka, iyo awood-qaybsiga u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah. X

iriirka labada dhinac ayaa si weyn u xumaaday toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo madaxda Koonfur Galbeed ay ku eedeynayaan mas’uuliyinta federaalka inay isku dayayaan wiiqida awoodda maamulka iyo faragelinta arrimihiisa gudaha.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii Khamiista ciidamo gaar ah oo boolis ah u daadgureysay deegaannada Koonfur Galbeed, tallaabadaas oo sii xoojisay is-mari-waaga dastuuriga ah, isla markaana dhalisay cabsi cusub oo la xiriirta xasilloonida nidaamka federaalka ee dalka oo markii horeba ahaa mid jilicsan.

Boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa aroornimadii Khamiista ka duulay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyagoo saaran diyaaradaha nooca Fokker 50, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka amniga ah.

Ciidamadan ayaa ka degay magaalada xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo ah caasimadda rasmiga ah ee Koonfur Galbeed, in kasta oo xukuumadda maamulkaasi ay si ku-meel gaar ah u degan tahay magaalada Baydhaba.

Ilaa iyo haatan, ma jirto wax jawaab ah oo ay dowladda federaalku fagaare ka bixisay eedeynta gaarka ah ee uu Fiqi soo jeediyay ee ku aaddan adeegsiga hubka Masar ee degmada Buurhakaba. Balse sheegashadan lafteeda ayaa calaamad u ah weji cusub oo halis ah oo uu galay isku-dhaca siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac.

Xildhibaanada 3 maamul goboleed oo kulamo isbaheysi lagu dhisayo ka wada Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo matala Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, ayaa shirar siyaasadeed ku leh magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in kulamadaas diiradda lagu saarayo mideynta mowqifyada siyaasadeed iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa mudaneyaasha saddexda maamul, oo dagaal siyaasadeed kula jira dowladda federaalka.

Wararka laga helayo xildhibaannada ku sugan Nairobi ayaa sheegaya in shirka lagu falanqeynayo xaaladda guud ee dalka, khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo gaar ahaan xaaladaha ka soo cusboonaaday deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, kulamadan ayaa la filayaa in lagu gorfeynayo sidii loo heli lahaa mowqif mideysan oo ay saddexdan dhinac uga jawaabaan arrimaha taagan, isla markaana loo dhiso iskaashi siyaasadeed oo mustaqbalka sii socda.

Mid ka mid ah xildhibaannada laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa sheegay in sababta kulamadan loogu qabanayo Nairobi ay la xiriirto duruufaha siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka.

“Maadaama caasimaddii la isku dhibaataynayo, oo na laga horjoogsaday inaan u safarno deegaan doorashooyinkeenii, waxaan doorbidnay inaan dalalka deriska ku shirno kana hadalno xaaladda dalka,” ayuu yiri xildhibaankaasi.

Kulamadan Nairobi ayaa ku soo beegmayaa xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan muranka la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddellada dastuurka.

Xiisadda ayaa ka sii dartay kadib isku dhacii dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed. Koonfur Galbeed ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday inay hakisay xiriirkii iyo wada-shaqeyntii ay la lahayd dowladda federaalka, taas oo muujisay heerka uu gaaray khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac.

Dowladda federaalka ayaa ku adkeysanaysa in dalka uu galay marxalad cusub oo ku wajahan doorashooyin qof iyo cod ah. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saartay ku shaacisay in dalka uu galayo marxalad doorasho oo cusub, taas oo lagu tilmaamay mid loo dhan yahay oo daahfuran.

Wasaaradda ayaa sheegtay in geeddi-socodkan doorasho uu ku saleysan yahay shuruucda dalka, isla markaana la doonayo in lagu xaqiijiyo nidaam dimuqraadi ah oo ay si siman uga qayb qaataan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Doorashadu waa xaq dastuuri ah oo muwaadin kasta leeyahay, isla markaana door muhiim ah ka qaata kalsoonida dadweynaha, kor u qaadista hufnaanta iyo ka qaybgalka bulshada in ay doortaan cidda ku matalaysa hey’adaha kala duwan ee heerarka dawladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hoosta ka xariiqday in doorashooyinka la qaban doono ay noqon doonaan kuwo xor iyo xalaal ah, oo waafaqsan mabaadi’da dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Si kastaba qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa muujinaya shaki iyo walaac ku saabsan habka loo wajahayo geeddi-socodka doorashooyinka.

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in haddii kulamada Nairobi ay soo saaraan mowqif mideysan, uu saameyn ku yeelan karo doodaha ka socda Muqdisho ee ku saabsan doorashooyinka 2026, qaabka federaalka, iyo mustaqbalka wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Qoor-Qoor oo lagu riixayo in uu dagaal la galo Xasan – Xogta kulan ka dhacay Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo jeeda deegaannada Galmudug ayaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulankan oo kusoo aaday xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee dalka, ayaa ajendihiisa ugu weyn uu ahaa mowqifka laga sugayo Qoor-Qoor ee ku aaddan wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorasho ee ay dooneyso Villa Soomaaliya.

Xubnaha mucaaradka ee kulanka ka qeyb-galay ayaa waxaa kamid ahaa ra’iisul wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin caan ah, sida Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Maxamed Xuseen Rooble, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Xasan Cali Khayre.

Xubnahan oo si weyn uga aragti duwan dowladda federaalka, gaar ahaan dhanka wax ka beddelka dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka ayaa waxay Qoor-Qoor ku cadaadiyeen inuu caddeeyo mowqifkiisa, si gaar ahna uu uga horyimaado qorshaha Xasan Sheekh.

Intii kulanka socday, waxaa si qoto dheer loogu lafa-guray xaaladda cakiran ee dalka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha dastuurka, awood-qeybsiga iyo doorashooyinka soo socda. Mucaaradka ayaa soo bandhigay walaac xooggan oo ay ka qabaan jihada uu dalka u socdo.

Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, madaxda mucaaradka ayaa Madaxweyne Qoor-Qoor u bandhigay inuu si rasmi ah uga horyimaado dastuurka muranka dhaliyay, isla markaana uu ka baxo garabka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddii uu qaato go’aankaas, mucaaradka ayaa Qoor-Qoor u ballanqaaday inay si buuxda u garab istaagi doonaan, isla markaana ay la shaqeyn doonaan.

Dhanka kale, haddii uu diido dalabkaas, mucaaradka ayaa sheegay in ay qaadan doonaan mowqif adag oo ka dhan ah, isla markaana ay bilaabi doonaan cadaadis iyo dagaal siyaasadeed oo toos ah, taas oo sii xumeyn karta xaaladda siyaasadeed ee uu wajahayo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Qoor-Qoor uu kulanka ku muujiyay mowqif cad, isagoo sheegay in uusan laba-labeyn doonin, isla markaana uu diyaar u yahay inuu ka horyimaado Madaxweyne Xasan Sheekh, oo muddooyinkii dambe uu safkiisa ku jiray.

Ugu dambeyntiina, kulanka xalay ayaa kusoo dhammaaday jawi is-afgarad iyo ballan-qaadyo cad, iyadoo hadda si weyn loo sugayo tallaabada siyaasadeed ee xigta ee uu qaadi doono Madaxweynaha Galmudug.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli uu Madaxweyne Xasan Sheekh luminayo xulafadiisa maamul-goboleedyada, isla markaana uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen inuu ka baxay garabkiisa, uuna iclaamiyay dagaal ka dhan ah.

Lafta-gareen ayaa si adag uga horyimid wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorasho ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo caddeeyay in uu aqoonsan yahay oo keliya dastuurkii 2012.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa taageero iyo garab-istaag weyn u muujiyay Lafta-gareen, waana midda haatan Qoor-Qoor ku riixaysa inuu dib u qaabeeyo xisaabaadkiisa siyaasadeed.

Wall Street Journal: Awoodda dunida cusub ma ahan hub – Waxaana haysta Iiraan

Tehran (Caasimada Online) – Tallaabada ay Iiraan ku xannibtay Marinka Hormuz, iyadoo tamarta u adeegsanaysa hub ahaan, ayaa calaamad u ah weji cusub oo adag oo ku soo kordhay loollanka awoodaha casriga ah. Tehran ayaa tustay caalamka sida gacan-ku-haynta marin-biyoodyada muhiimka ah ay u ruxi karto dhaqaalaha adduunka.

Iyadoo wajahaysa duqeymo culus oo dhanka hawada ah oo kaga imanaya Mareykanka iyo Israa’iil, Iiraan waxay u weecatay aargoosi aan toos ahayn, iyadoo carqaladaynta shidaalka iyo gaaska u isticmaalaysa awood gorgortan oo aan la arag baaxaddeeda muddo tobanaan sano ah.

Waxay si wax ku ool ah u curyaamisay Marinka Hormuz, oo ah marin-biyood istiraatiiji ah oo uu inta badan maro qiyaastii shan-meelood meel (1/5) shidaalka dunida. Tallaabadan ayaa si degdeg ah sare ugu qaadday khatarta colaadda oo aad uga fogaatay gobolka Khaliijka.

Iiraan ayaa Arbacadii sii ballaarisay baaxadda isku-dhaca, kadib markii ay duqaysay xarunta Ras Laffan ee dalka Qatar, taas oo ah xarunta ugu weyn caalamka ee soo saarta gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG), taas oo jawaab u ahayd weerar horay loogu qaaday xarun gaas oo Iiraan ay leedahay.

Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii sii xoojiyay xiisadda, isagoo ka digay in Mareykanku uu “garaaci doono oo uu gabi ahaanba tirtiri doono” warshadaha korontada ee Iiraan haddii xukuumadda Tehran aysan dib u furin Marinka Hormuz muddo 48 saacadood gudahood ah.

Saameynta suuqyada caalamka ayaa noqotay mid degdeg ah. Qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay qiyaastii boqolkiiba 50% tan iyo markii uu dagaalku bilowday, halka qiimaha gaaska dabiiciga ah ee Yurub uu isna labalaabmay.

Xasaraddan ayaa ah xusuusin dhab ah oo muujinaysa in xitaa adduunkan ay hareeyeen nidaamyada maaliyadda, barnaamijyada kombuyuutarrada iyo shabakadaha dhijitaalka ah, haddana kheyraadka muuqda uu weli yahay udub-dhexaadka awoodda juquraafi-siyaasadeed.

Istaraatiijiyadda Iiraan ayaa banaanka soo dhigtay daciifnimada ugu weyn ee nidaamka caalamiga ah: dhaqaalaha casriga ah ayaa weli ku tiirsan waddooyin isku-socod oo aad u jilicsan iyo kheyraad adag. Juquraafiga ayaan marnaba lumin muhiimaddiisa qarniga 21-aad. Siyaabo qaarkood, wuxuu noqday mid sii awood badan, maadaama caalamiyeynta ay dhaqaalaha isugu xirtay si aad u dhow, kana dhigtay mid si fudud ugu nugul carqalad kasta.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in casharka guud uu yahay in awooddu aysan haatan ku xirneyn oo keliya teknoolojiyadda hubka iyo hantida, balse ay ku xiran tahay cidda gacanta ku haysa tamarta, macdanta muhiimka ah iyo awoodda warshadaha.

Nidaamkan ayaa horay looga arkay meelo kale. Sanadkii la soo dhaafay, Shiinaha ayaa adeegsaday awooddiisa isagoo maamulaya ku dhawaad boqolkiiba 90% saadka magnet-ka naadirka ah (rare-earth magnet) si uu cadaadis ugu saaro Mareykanka wada-hadallada ganacsiga, isagoo xannibay helitaanka agabka loo isticmaalo baabuurta, qalabka elektoroonigga ah iyo hubka.

Adeegsiga Iiraan ee Marinka Hormuz ayaa haatan muujinaya in marin-biyoodyada ciriiriga ah ee tamarta ay weli yihiin aaladaha ugu awoodda badan ee wax la isku muquuniyo. In kasta oo Mareykanku uu noqday dalka ugu soo saarista badan shidaalka adduunka, macaamiisha Mareykanka ayaa weli wajaha khatar maadaama qiimaha shidaalka lagu gooyo suuqa caalamka. Wax-soo-saarka gudaha ayaan si buuxda uga difaaci karin Washington ama xulafadeeda hakadka saadka ee ka yimaada dibadda.

Khatartu kuma koobna oo keliya shidaalka. Qiyaastii boqolkiiba 90% shidaalka badda lagu daabulo ayaa mara kaliya siddeed marin oo istaraatiiji ah, oo ay ku jiraan Hormuz, Bab el-Mandeb iyo Marinka Malacca. Qaar ka mid ah waddooyinkan waa laga weecan karaa iyadoo la bixinayo kharash aad u sarreeya, balse Hormuz ayaa si gaar ah khatar u ah sababtoo ah ma jirto waddo kale oo badeed oo lagu beddeli karo.

Tani waxay dowladdaha ku reebtay xalal degdeg ah oo aad u yar. Waxay isku dayi karaan inay ka hortagaan carqaladeynta, dhisaan kaabeyaal cusub, ama ay kaydsadaan agabka daruuriga ah, balse tallaabooyinkaas ayaa u baahan waqti dheer.

Casharka degdegga ah ee laga baran karo tallaabada Iiraan ayaa ah mid cad: xilliyada xasaradaha, gacan-ku-haynta jidadka saadka ee muuqda ayaa weli ka awood badan sarraynta dhijitaalka ah, xukuumadda Tehran-na waxay tustay sida hal marin-biyood oo ciriiri ah uu dhaqaalaha adduunka ugu ridi karo cadaadis lixaad leh.