30.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Lafta-gareen oo taageero helay kadib tallaabo uu qaaday

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Kadib hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-areen) oo goordhaweyd sheegay in uu cafis guud u fidiyay ciidamada ka tirsanaa maamulkiisa ee ku biiray mucaaradka, isla markaana ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka qayb-galeysa doorashada ayaa si weyn loo soo dhaweeyay hadalkaasi, wuxuuna ku helay taageerada gooni ah.

Ujeedka ayaa lagu sheegay in Lafta-gareen uu fursad aan xadidnayn uu siiyay ciidamadaas, si looga baaqsado dagaal ay la galaan maamulkiisa, waxaana sidoo kale uu tilmaamay in ay soo dhaweynayaan ciddii ka qayb-galeysa doorashada ka dhaceysa Baydhaba, sida uu sheegay afhayeenkiisa.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxay ku baaqeysaa muwaadininta Koonfur Galbeed meel walba oo ay joogaan kuwa daneynaya inay ka qayb-qaataan doorashada haddii ay tahay doorashada goleyaasha wakiilada iyo tan madaxweynaha inay kasoo qayb-geli karaan saaxadduna ay u furan tahay. Dowladda ayaa ballan qaadeysa ammaankooda iyo ilaalintooda waxaase mamnuuc ah in musharrixiinta ay hub soo qaataan” ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi.

Arrintan ayaa waxaa durbo taageeray guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed oo sheegay inuu soo dhaweynayo go’aanka cafinta iyo baaqa doorashada ee kasoo baxay xagiiska madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka wanaagsan ee Southwest State of Somalia ee cafis fidinta iyo ku baaqista doorasho u furan dhammaan daneeyeyaasha. Waa gudashada waajibaadka dastuuriga. Koonfur-Galbeed waxay dagaal ka dooratay nabad, colaadin waxay ka dooratay cafis, sharci-darrana waxay ka dooratay doorasho u furan musharraxiinta oo dhan. Waxaan rajaynayaa in go’aankaas wanaagsan la soo wada dhaweeyo, lagana dhabeeyo” ayuu yiri Taabid Cabdi Maxamed.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Waa bisayl dowladnimo iyo tallaabo ay tahay in madaxweyne Xasan Sheekh uu cashir ka qaato, xayiraadda diyaaradahana waa inuu ka qaado musharraxiinta”.

Koonfur-Galbeed ayaa haatan wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka, iyadoo weli ciidamo lagu sii wado deegaannada maamulkaasi, taas oo sii murjineyso xaaladda taagn, isla markaana keeni karta inuu qarxo dagaal u dhexeeya labada dhinac.

Si kastaba, ha’ahaatee xaaladda ayaa hadda u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

Qatar oo heshay damaanad amni kadib markii Iiraan ay u fasaxday $2 bilyan

Dooxa (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa xaqiijisay in Iran aysan weerari doonin kaabayaasha dhaqaalaheeda, kaddib wada-hadallo iyo is-afgarad dhex maray labada dal, xilli xiisad militari ay ka taagan tahay gobolka Bariga Dhexe.

Iran ayaa la sheegay inay ballan-qaaday inaysan beegsan doonin kaabayaasha dhaqaalaha Qatar, balse ay weerarradeeda ku koobi doonto oo kaliya saldhigyada milatari ee Mareykanka iyo Ingiriiska ku leeyihiin gudaha dalka Qatar.

Wararka ayaa sheegaya in heshiiskan uu yimid kaddib wada-xaajoodyo qarsoodi ah oo dhex maray Qatar, Iran iyo dhinacyo kale oo caalami ah, si loo yareeyo khatarta ku wajahan dhaqaalaha iyo amniga gobolka, maadaama Qatar ay martigeliso saldhigga milatari ee ugu weyn Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Sidoo kale, warbaahinta caalamka sida Reuters iyo Bloomberg ayaa qoray in heshiiskan uu qayb ka yahay dadaallo lagu ilaalinayo socodka ganacsiga, gaaska dabiiciga ah iyo duulimaadyada caalamiga ah ee ka baxa kana soo dega Qatar, maadaama dalkaasi uu yahay mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha iyo gaaska adduunka.

Qatar ayaa la sheegay inay door ka qaadatay in la fasaxo lacag dhan $6 bilyan oo doollar oo hore uga xayirneyd Iran, taas oo lagu hayay bangiyada Qatar, kaddib heshiis dhex maray Iran iyo Mareykanka, iyadoo lacagtaas loo oggolaaday in Iran u adeegsato arrimo bani’aadamnimo.

Wararka ayaa sheegaya in arrintan ay qayb ka ahayd is-afgarad ballaaran oo lagu doonayay in Iran ay ka fogaato weerarro ay ku qaaddo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalka Khaliijka, gaar ahaan Qatar oo xiriir diblomaasiyadeed oo wanaagsan la leh Tehran.

Iran ayaa markii ugu dambeysay beegsatay goobo ku yaalla Qatar 19-kii bishan, ka hor inta aan la gaarin heshiiskan cusub, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabay in dagaal ballaaran uu ka qarxo gobolka oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, laga billaabo 24-ka March waxaa si rasmi ah dib loogu furay bangiyada, suuqyada ganacsiga, iskuullada iyo xafiisyada dowladda Qatar, kaddib markii la xaqiijiyay in xaaladda amni ay deggenaatay.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay qaaday tallaabooyin lagu adkeynayo ammaanka, isla markaana ay diyaar u tahay inay ilaaliso kaabayaasha muhiimka ah sida garoomada diyaaradaha, dekedaha, warshadaha gaaska iyo bangiyada.

Qatar ayaa hadda u muuqata dal xasilloon oo ka badbaaday xiisadda militari ee ka taagan gobolka, halka dalal deris la ah, sida qaar ka mid ah dalalka Khaliijka, ay weli ka jirto cabsi la xiriirta weerarro iyo dagaal suurtagal ah oo ka dhaca Bariga Dhexe.

Guddoomiyihii Bakool ee K/Galbeed oo la saftay DF

0

Xudur (Caasimada Online) – Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Bakool ee Koonfur Galbed, Mudane Maxamed Axmed Maxamed ayaa maanta ku dhawaaqay inuu beddalay mowqifkiisii la shaqeynta madaxweyne Lafta-gareen, isaga oo toos ula saftay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxamed Axmed Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inuu u tanaasulay shacabka oo wajahayo abaaro iyo xaalado adag, isla markaana uu go’aansaday inuu la shaqeeyo Dowladda Soomaaliya.

“Waxa aan u tanaasulnay Shacabka Bakool ee abaaraha iyo xaaladaha adag wajahaya, waxa aan usoo jeedinayaa in loo hoggaansamo Awaamiirta Dowladda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri guddoomiye Maxamed.

Arrintan ayaa timid, kadib dadaallo ay sameeyeen xubnaha dowladda ee ku sugan gobolka, kuwaas oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah maamulka Lafta-gareen ka wada gobollad Baay iyo Bakool.

Horay maamulka degmada Xudur ayaa si toos ah ula saftay dowladda, waxaana haatan degmadaas ku sugan mas’uuliyiin ka socda Xukuumadda Federaalka iyo ciidamo loo diyaarinayo inay ka howlgalaan halkaasi.

Dhanka kale ma jiro war kasoo baxay dhinaca Koofur Galbeed oo ku aadan go’aanka uu qaatay guddoomiyaha gobolka Bakool, kaas oo uga sii daraya xiisadda labada dhinac.

Waxaa kale oo jirta in dowladda dhexe ay maamul cusub u magacowday degmada Waajiid ee isla gobolka Bakool oo laga taageeray qorshaheeda.

Si kastaba ha’ahaatee xaaladda ayaa u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

Daawo: War cusub oo kasoo kordhay doorashada K/G

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta war xasaasi ah kasoo saartay doorashada guud ee maamulkaas oo uu haatan magaalada Baydhaba ka qaban-qaabinayo madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, xilli ay bannaanka ka joogaan mucaaradka.

Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo goordhow shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa diray farriin la xiriirta doorashada, wuxuuna marka hore ugu baaqay ciidanka inay xoojiyaan ammaanka magaalada Baydhaba.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay cid kasta oo daneyneysa ka qayb-qaadasha doorashada inay u furan tahay, ayna imaan karto Baydhaba, isla markaana ay ka maamul ahaan soo dhaweynayaan.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxay ku baaqeysaa muwaadininta Koonfur Galbeed meel walba oo ay joogaan kuwa daneynaya inay ka qayb-qaataan doorashada haddii ay tahay doorashada goleyaasha wakiilada iyo tan madaxweynaha inay kasoo qayb-geli karaan saaxadduna ay u furan tahay” ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka digay in hub culus lala soo galo magaalada Baydhaba, isaga oo ballan qaadaan in dowladdu ay sugi doonto ammaanka.

“Dowladda ayaa ballan qaadeysa ammaankooda iyo ilaalintooda waxaase mamnuuc ah in musharrixiinta ay hub soo qaataan” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu digniin u diray diyaaradaha shacabka, isaga oo tilmaamay in tallaab laga qaadi doono haddii ay soo qaadaan hub ama ciidamo, maadaama ay weli xiisad ka jirto gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa maanta guddiga doorashada Koonfur Galbeed uu bilaabay shaqadiisa, isaga oo kulan la yeeshay Odeyaasha Dhaqanka, waxaana diiradda ay saareen dardargelinta arrimaha doorashooyinka maamulkaasi.

Lafta-gareen oo dhawaan magacaabay guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa hadda raba inuu dadajiyo doorashada, isaga oo doonaya in mar kale la doorto waxaase diidan mucaaradka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, xaaladda ayaa u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

 

Iiraan oo soo bandhigtay shuruud 5 qodob ah ah xilli Mareykanku raadinayo heshiis

Tehran (Caasimada Online) — Iiraan ayaa soo bandhigtay shuruudo adag oo ku aaddan heshiis kasta oo ay la gasho Mareykanka si loo soo afjaro dagaalka haatan galay toddobaadkii afaraad, xilli Washington ay raadineyso xal.

Sida ay tebisay warbaahinta Israa’iil iyo ilo wareedyo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters, arrintan ayaa soo baxeysa xilli Madaxweyne Donald Trump uu sheegayo in dadaallada diblomaasiyadeed ay miro-dhalayaan, halka Tehran ay si fagaare ah u beenisay in wax wada-hadallo toos ah ay socdaan.

Telefishinka Channel 12 ee dalka Israa’iil ayaa Isniintii weriyay in Iiraan ay Washington u gudbisay shan dalab oo muhiim ah iyadoo adeegsanaysa waddooyin dadban. Dalabaadkaas waxaa ka mid ah dammaanad-qaad ah in aan dib loo billaabin dagaalka, magdhow laga bixiyo khasaaraha ka dhashay colaadda, iyo in la sameeyo nidaam amni oo cusub oo lagu maamulo Marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Tehran ay doonayso tanaasulaad ballaaran oo dhanka gobolka ah, oo ay ku jiraan tallaabooyin saameynaya joogitaanka milateriga Mareykanka ee Bariga Dhexe, in kasta oo mas’uuliyiinta Iiraan aysan si fagaare ah u xaqiijin qodobadaas.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saddex sarkaal oo sare oo Iiraaniyiin ah ayaa Talaadadii sheegtay in mowqifka wada-xaajoodka ee Tehran uu si weyn u adkaaday tan iyo markii uu dagaalku qarxay 28-kii bishii Febraayo.

Sida ay xaqiijiyeen ilahaas, Iiraan waxay dalbanaysaa dammaanad adag oo ka dhan ah in dib loo soo celiyo tallaabooyinka milateri, magdhow maaliyadeed, iyo gacan-ku-hayn rasmi ah oo ay ku yeelato Marinka Hormuz, haddii la doonayo in dadaallada dhex-dhexaadintu ay isu beddelaan wada-hadallo dhab ah. Sidoo kale, xukuumadda Tehran ayaa diiddan inay aqbasho wax xannibaad ah oo lagu soo rogo barnaamijkeeda gantaallada riddada dheer ee ballistic-ga.

Kala-duwanaanshaha weyn ee u dhexeeya xiriirada hoose ee qarsoon iyo farriimaha fagaaraha ayaa iftiimiyay jilicsanaanta fursad kasta oo diblomaasiyadeed.

Madaxweyne Trump ayaa Isniintii sheegay in Washington ay muddo wada-hadallo la lahayd Iiraan, isagoo ku adkaystay in markan Tehran ay dhab ka tahay.

Trump wuxuu guusha laga gaaray wada-hadallada ku tilmaamay mid qayb ahaan ka dhalatay awoodda milateriga Mareykanka, isagoo mar kale ku celiyay in Washington aysan marnaba aqbali doonin in Iiraan ay hesho hub nukliyeer ah.

“Waxaan rajeyneynaa in heshiis la gaari karo,” ayuu yiri Trump, isagoo intaas ku daray in Iiraan ay haysato fursad kale oo ay ku soo afjarto hanjabaadaha ay ku hayso Mareykanka iyo xulafadiisa.

Balse, mas’uuliyiinta Iiraan ayaa si adag u beeniyay in wada-hadalladu ay horumar sameynayaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Baqir Qalibaf, ayaa ku tilmaamay wararka sheegaya wada-hadallada kuwo been abuur ah, halka mas’uuliyiin kalena ay ku adkeysteen in wax wada-hadal toos ah uusan dhexmarin iyaga iyo Washington.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiin gobolka iyo kuwa Yurub ah ayaa rumeysan in farriimo la isku weydaarsanayo dhex-dhexaadiyeyaal, iyadoo dalal ay ka mid yihiin Masar, Pakistan iyo dhowr waddan oo Khaliijka ah loo arko inay yihiin marinno suurtagal ah oo loo adeegsado diblomaasiyadda dadban.

Dagaalkan ayaa durba saameyn xooggan ku yeeshay suuqyada caalamka iyo waddooyinka isku-socodka badda, iyadoo si gaar ah isha loogu hayo Marinka Hormuz oo ah marin-biyood ciriiri ah oo ay marto qiyaastii shan-meelood meel shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee adduunka.

Dalab kasta oo ay Iiraan ku doonayso in nidaam cusub loogu sameeyo marinkaas ayaa walaac weyn ku abuuraya quwadaha reer Galbeedka iyo dalalka Carabta ee Khaliijka, kuwaas oo u arka in xorriyadda isku-socodka badda ee halkaas ay halbowle u tahay amniga tamarta adduunka.

Arrintan ayaa yeelatay muhiimad degdeg ah kadib markii mas’uuliyiinta Iiraan ay tilmaameen in maraakiibta aan cadowga ahayn ay sii isticmaali karaan marinka haddii ay isku-duwid la yeeshaan Tehran.

Mowqifkan ayaa muujinaya in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay doonayso inay awooddeeda dagaal u beddesho guul istaraatiijiyadeed oo mustaqbalka fog ah.

In kasta oo ay xaaladdu sidaas tahay, dadaallada diblomaasiyadeed ayaa u muuqda kuwa ka sii socda daaha gadaashiisa. Madaxweyne Trump ayaa Talaadadii xaqiijiyay in Mareykanku uu la hadlayo dadkii saxda ahaa ee Iiraan, isla markaana horumar la sameynayo, halka dhex-dhexaadiyeyaasha gobolku ay muujiyeen inay diyaar u yihiin inay martigeliyaan ama fududeeyaan wada-hadallo haddii labada dhinac ay muujiyaan dhab-nimo.

Balse iyadoo Tehran ay adkeynayso shuruudaheeda fagaaraha iyo kuwa qarsoonba, Washington-na ay sii waddo cadaadiska milateri, isla markaana uusan jirin dhinac doonaya inuu u muuqdo mid jilicsan, rajada laga qabo in xal degdeg ah la gaaro ayaa weli ah mid aan cago adag ku taagnayn.

Wasiir Jaamac iyo C/Shakuur Cali Mire oo ay ka dhex-tafatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire ayay ka dhex-tafatay kadib markii ay qoraallo kulul isku mariyeen dhanka baraha bulshada ee Internet-ka.

Jaamac oo qoraalka ku horreeyay ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynihii 9-aad ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo kooxdiisa isaga oo uu digay inay farageliyaan arrimaha maamul ee ka taagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan khilaafka ka dhashay hannaanka loo wajahayo doorashada maamulkaas.

Wasiirka ayaa xusay in Farmaajo uu mar kale damac uga jiro inuu cod ka helo xildhibaanno laga soo xulo Koonfur Galbeed, sidii horay u dhacday oo kale, waxaase uu tilmaamay in taasi aysan dhici doonin, isaga oo ugu baaqay inuu ka haro arrimaha maamulka, gaar ahaan Cabdicasiis Lafta-gareen.

“Farmaajoow Duqaas Xildhibaano uu kaaga soo qorey KGS Madaxweyne ku noqon meysid idanka Ilaahey, waa calaalal tima ka soo baxeen ee Carabku yuu kaa qalalin” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray :Tiitiinkaad noo abuutey waa iska siibeynaa maalmah soo socdo. Inshalah”.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo ah garabka madaxweyne hore Farmaajo, wuxuuna si adag ugu jawaabay wasiir Jaamac, isaga oo sheegay in Farmaajo aanu shaqo ku lahayn dagaalka socda.

“Odey reer mudug ahaa baa waxaa laga sheegay, labo nin markay diriraan kii laga adkaadey waxaan ku ogaadaa wuxuu ku celceliyaa hebel baa iigu tagey oo I duleediyey. Sxb Farmaajo ha ku waalane waxaa is haysaan waa aas-aasihii RRA ee runta wajah” ayuu isna yiri Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire.

Hadalladan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay ah Farmaajo uu soo saaray qoraal uu walaac uga muujiyay xaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadaama uu kasii darayo khilaafka u dhexeea Muqdisho iyo Baydhaba.

Farmaajo ayaa sidoo kale ka digay halista ku gadaaman qorshaha dhiillada wata ee ay ku wajahday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dalka ay ka taagan yihiin xaalado siyaasadeed iyo kuwa bani’aadanimo oo is-biirsaday, isla markaana si weyn u saameeyay dadka Soomaaliyeed.

Waa ayo kooxda Asxaabul-Yamiin ee Yurub ka wadda weerarada Yahuudda?

London (Caasimada Online) Koox magaceeda aan horay loo maqal ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar dab-qabadsiin ah oo lala beegsaday ambalaasyo ay leedahay hay’ad samafal oo Yuhuud ah gudaha caasimadda London.

Booliska London ee loo yaqaano Met Police ayaa xaqiijiyay inay baaritaan ku hayaan sheegashadan lagu baahiyay khadka intarnetka, taas oo ka timid koox isugu yeertay Xarakada Asxaabul-Yamiin Al-Islaamiya (Hayi)

Taliyaha Booliska London, Mark Rowley, ayaa xusay in sanadihii u dambeeyay ay si xawli ah u kordheen khataraha ka imaanaya dowladda Iiraan, balse wuxuu ka digay in ay “xilli hore tahay” in weerarkan si toos ah dusha looga saaro xukuumadda Tehran.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Israa’iil ayaa ku adkeysanaysa in kooxda Hayi ay gacan-saar la leedahay Iiraan.

Weerarkan ayaa dhacay saacadihii hore ee Isniinta, markaas oo afar ambalaas oo ay leedahay hay’adda samafalka Yuhuudda ee Hatzola lagu gubay goob baabuurta la dhigto oo ku taalla dhismaha macbadka Yuhuudda ee Machzike Hadath ee xaafadda Golders Green ee London.

Dabka ayaa sababay qaraxyo ka dhashay haamaha gaaska ee saarnaa baabuurta, inkastoo aan la soo werin wax khasaare nafeed ah. Booliska ayaa sheegay in weerarkan ay baarayaan dambi-baarayaasha la-dagaallanka argagixisada, loona tixgelinayo dambi nacayb oo ka dhan ah Yuhuudda.

Waa ayo kooxda Hayi?

Kooxda Hayi ayaa u muuqata mid markii ugu horreysay baraha bulshada soo gashay 9-kii bishan Maarso, iyadoo sheegatay mas’uuliyadda weeraro dhowr ah oo bishan ruxay qaaradda Yurub.

Kooxdan ayaa mas’uuliyadda weerarka London ku sheegatay barta isgaarsiinta ee Telegram saacado gudahood markii uu dhacay shilku. Akkoonka Telegram-ka ee kooxda ayaa u muuqda in la abuuray 21-kii Maarso, oo ah laba maalmood uun kahor dhacdadii caasimadda UK.

Falanqeyn qoto dheer oo la sameeyay ayaa muujisay in qoraalka kooxda oo lagu baahiyay luqadaha Cibraaniga, Carabiga iyo Ingiriiska, uu u badnaa mid lagu diyaariyay barnaamijyada Sirdoonka Macmalka ah (AI).

Qoraalka Ingiriiska ayaa afar jeer adeegsaday magaca “Israa’iil”, oo ay ku jirto tixraac ah “Dhulkii Israa’iil” iyo waliba in ay isticmaaleen ereyga “Dagaalkii Gaza” – kuwaas oo ah ereybixinno si weyn ugaga duwan kuwa ay adeegsadaan kooxaha Shiicada ee ka soo horjeeda Sahyuuniyadda.

Aymenn Jawad al-Tamimi, oo ah khabiir ku takhasusay kooxaha hubeysan ee Ciraaq iyo Suuriya, ayaa aaminsan in qoraalka lagu diyaariyay AI iyadoo la adeegsanayo amar (prompt) bilow ah si uu jawaab ugu bixiyo mid ka mid ah saddexda luqadood, kadibna mashiinno lagu turjumay labada kale.

Xiriirka kooxaha hubeysan

Bayaan ay soo saartay kooxda Hayi ayay ku sheegtay inay beegsatay macbadka sababo la xiriira xiriirka taariikhiga ah ee uu la leeyahay Rabbi Abraham Isaac HaCohen Kook, oo ahaa wadaadkii ugu horreeyay ee Israa’iil oo halkaas ka soo shaqeeyay kahor inta uusan u haajirin dhulka Israa’iil, iyagoo xusay in dhismahan uu yahay saldhig weyn oo laga taageero Israa’iil, gudaha Britain.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Qurbajoogta ee Israa’iil ayaa warbixin ay soo saartay ku tilmaantay in weerarkani uu la jaanqaadayo shilal kale oo gubid ah oo ka dhacay Yurub, kuwaas oo lala xiriirinayo “shabakad isbahaysi la ah Iiraan.”

Warbixinta ayaa inta badan saldhig looga dhigay xogo sirdoon iyo kuwa furan oo sheegaya in kooxdan la rumeysan yahay inay xiriir la leedahay garabyada Shiicada ee Ciraaq ee ay Iiraan taageerto.

Kooxdan ayaa sidoo kale sheegatay mas’uuliyadda weeraro aan khasaare dhalin oo lala beegsaday xarumo Yuhuuddu ku leedahay magaalooyinka Liege ee dalka Beljamka, iyo Rotterdam iyo Amsterdam oo ka tirsan Nederland.

Astaanta (logo) kooxda, oo dhowaan isbeddel lagu sameeyay, ayaa u eg calamada kooxaha maleeshiyaadka Shiicada, taas oo muujinaysa gacan haysata qorigiisa shiishka. Khabiir Tamimi ayaa xaqiijiyay in astaantani ay tahay mid u gaar ah kooxaha “dhidibka iska caabinta”.

Dhaq-dhaqaaqa Telegram

Saacadihii hore ee Talaadada, Hayi waxay sheegatay weerar kale oo gubid ah oo Isniintii ka dhacay magaalada Antwerp ee dalka Beljamka, halkaas oo mas’uuliyiintu ay xaqiijiyeen in baabuur la gubay, laba qof oo dhallinyaro ahna la xiray.

Sida kuwii hore, qoraalkan ayaa sidoo kale loo arkay mid ay u badan tahay in AI soo saaray, iyagoo sheegay in Antwerp ay xarun u tahay bulsho Sahyuuniyad ah oo ballaaran.

Khubaro baaritaan ku sameeyay dhaq-dhaqaaqa Hayi ayaa ogaaday in weeraradooda lagu baahiyo kanaallo kala duwan oo Telegram ah oo ay leeyihiin kooxaha Ciraaq ee taageera garabyada Iiraan, oo ay ku jirto kanaal taageera kooxda caanka ah ee Kata’ib Xisbullah iyo garabka Quwat Dhu al-Fiqar.

Ugu dambeyn, weeraradan ayaa imaanaya xilli shilal kale oo dab-qabadsiin ah oo ka dhacay Britain lala xiriiriyay dalal shisheeye oo isgaarsiintooda u mara Telegram, oo uu ku jiro gubitaankii bakhaar ku yaalla Leyton oo ay booliska la-dagaallanka argagixisadu ku eedeeyeen inay fuliyeen shakhsiyaad gacan-saar la leh Ruushka.

Booliska London ayaa haatan dadaalkooda ugu weyn isugu geynaya xaqiijinta iyo xaqiijinta dhabnimada sheegashada kooxdan.

Sawirro: Cali Guudlaawe iyo Muungaab oo ballan kala dhigtay + Qorshahooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guud laawe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan xasaasi ah la yeeshay guddoomiyaha maamulla Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu caasimada ka dagan yahay madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Dib-u-heshiisiinta Dowladda Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah Lataliyeyaasha Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, halka dhanka kalena ay guddoomiye Muungaab wehlinayeen mas’uuliyiin ka tirsan gobolka.

Labada mas’uul ayaa marka hore iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, maadaama ay sii kordheen culays gudaha ah oo ka dhashay khilaafaadka ka taagan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed

Sidoo kale, labada dhinac ayaa kulankooda ku gorfeeyay arrimo dhowr ah, waxayna kadib kala dhigteen ballan adag, iyaga oo ku ballamay in wadajir looga qeyb-qaato dowlad-dhiska Soomaaliya, si horay loogu sii wado.

Dhanka kale, Madaxweynaha Hirshabelle oo madasha ka hadlay ayaa duqa magaalada Muqdisho uga mahadceliyey booqashada uu ugu yimid, waxana uu kula dardaarmay inuu sii xoojiyo xasiloonida iyo wadajirka caasimada Ummadda Soomaaliyeed.

Muungaab ayaa isaguna dhankiisa sheegay in uu sii wadi doono dadaallada uu wado maamulkiisa, uuna ka shaqeyn doono horumarinta wada shaqeynta labada dhinac, maadaama ay daris yihiin, kana dhexeeyaan arrimo muhiim ah, sida ammaanka iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Maalmo kahor ayay ahayd markii uu guddoomiyaha gobolka Banaadir booqasho ku tegay Shabeellaha Dhexe, isaga oo kormeer ugu tegay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan gobolkaas, si uu u dhiiragaliyo, waxayna ahayd markii labaad oo uu tego halkaasi.

Si kastaba, ha’ahaatee kulankan ayaa dhinaca kale kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana ay doorashooyin isku diyaarinayaan maamullada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo aad isha lagu hayo.

Waxaa kale oo sii kordhahaya khilaafaadka ku hor-gudban doorashooyinkan oo durbaba laga dareemay Koonfur Galbeed Soomaaliya oo haatan gashay marxalad dagaal oo ka dhalatay khilaafka soo kala dhexgalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdicasiis Laft-agareen.

Taliyihii ciidanka milatariga ee Diinsoor oo xilkii laga qaaday

0

Diinsoor (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta xilkii ka qaaday taliyihii ururka 154-aad, guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, Aadan Maxamed Nuur (Afey) ee ka howlgala degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo wareegto soo saaray ayaa xilkan u magacaabay Mursal Cali Maxamed oo isla ururka kasoo ahaa Abaanduule, wuxuuna hadda la wareegi doonaa guud ahaan taliska.

Isbeddelkan ayaa ku soo beegmaya xilli haatan ay xiisad xooggan u dhexeyso Dowladda Federaalka iyo Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo gaartay meeshii ugu xumeyd, maadaama ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Tallaabadan aya waxaa ka horreysay mid kale oo ay shalay Dowladda Federaalka Soomaaliya maamul cusub ugu magacawday degmada Waajid ee gobolka Bakool ee gobolka Bakool oo ka tirsan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Warqadda magacaabista oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in magacaabista xubnahaas ay timid kaddib baahi loo arkay in dib u habeyn lagu sameeyo maamulka degmada Waajid, si loo xoojiyo maamulka iyo hannaanka dowladnimada ee degmada.

Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa kala ah: Xasan Cabdi Isaaq (Bootoolo) oo loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Waajid, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Jugle) oo loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Amniga iyo Siyaasadda, Aadan Cali Kulow oo loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Arrimaha Bulshada, iyo Ayaanle Cabdi Dhuux Yare oo loo magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Waajid.

Si kastaba, xaaladda ayaa u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

Wasiir Jaamac oo jawaab kulul siiyay FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa u jawaabay madaxweynihii 9-aad ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo uu digay inuu farageliyo arrimaha maamul ee ka taagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan khilaafka culus ee ka dhashay hannaanka loo wajahayo doorashada maamulkaas.

Wasiir Jaamac ayaa qoraalkiisa ku xusay in Farmaajo uu mar kale damac uga jiro inuu cod ka helo xildhibaanno laga soo xulo Koonfur Galbeed, sidii horay u dhacday oo kale, waxaase uu tilmaamay in taasi aysan dhici doonin, wuxuuna ugu baaqay inuu isaga haro arrimaha maamulka, gaar ahaan Cabdicasiis Lafta-gareen.

“Farmaajoow Duqaas Xildhibaano uu kaaga soo qorey KGS Madaxweyne ku noqon meysid idanka Ilaahey, waa calaalal tima ka soo baxeen ee Carabku yuu kaa qalalin” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray :Tiitiinkaad noo abuutey waa iska siibeynaa maalmah soo socdo. Inshalah”.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa horay u sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay aysan duulaan ku ahayn Koonfur Galbeed, balse xiisadda taagan ay ka dhalatay rabitaanka dadka deegaanka oo doonaya doorasho xalaal ah.

“Nin daad qaadey xumbo cuskey, Koofur Galbeed qabiil kale oo duulaan ku ah ma jiro ee anagaa is heysanee xukunka dhiiga aad ku raadineysaan Dhulka soo dhiga, Derbi lagu gabado oo kale ma soo harin. Xaglo geel wax guntiga la geliyo ka weyn” ayuu mar kale yiri isaga oo ka hadlayay Koonfur Galbeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo goor sii horreysay oo maanta ah uu Farmaajo soo saaray qoraal uu walaac xooggan uga muujiyay xaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadaama uu kasii darayo khilaafka u dhexeea Muqdisho iyo Baydhaba.

Farmaajo ayaa ka digay halista ku gadaaman qorshaha dhiillada wata ee ay ku wajahday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dalka ay ka taagan yihiin xaalado siyaasadeed iyo kuwa bani’aadanimo oo is-biirsaday, isla markaana si weyn u saameeyay dadka Soomaaliyeed.

Ninkii basaasay feeryahanad Ramla Cali iyo kooxdiisa oo la xukumay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunno kala duwan ku ridday nin basaas u ahaa Al-Shabaab iyo kooxdiisa, kadib markii lagu helay inay basaaseen Feeryahanad Ramla Cali oo dhawaan timid magaalada Muqdisho, kadibna dib uga laabatay.

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, ayaa lagu Eedeeyay in ay siyaabo kala duwan ugu lug yeesheen Howlo Basaasnimo iyo Gabaadsiinta Xubno ka tirsan Argagixisada.

Eedeysane Cabdisalaam Maxamed Xasan (Aamusane) ayaa si gaar ah loogu Eedeeyay Tan iyo 2014 Inuu Ka tirsanaa Qeybta Dhagaraha Argagaxisada, Gaar ahaan Basaasida Dilalka gaadmada iyo qeybta Qaraxyada.

Waxa uu qabtay Shaqooyin ay ka mid yihiin Sahminta guryo Saraakiil daganaayen, Indho indheynta xarumaha Degmooyinka Xamar jajab iyo Xamarwayne, Gudbinta Xogo ku saabsan xarumaha lagu bixiyo ID ga NIRA Iyo Bixinta Macluumaadyo lagu beegsan lahaa Feeryahanada Soomaaliyeed ee Caanka ah Ramla Cali oo Dalkeeda soo booqatay.

Eedaysane Cabdulahi Cusmaan Maxamed, ayaa isna Lagu eedeeyay in uu dib ugu Laabtay aragaxisada oo horay uu uga tirsanaa, Islamarkaana Suuqa Bakaaro uu ku lahaa Ganacsi Qudaar oo gabbaad u aheyd, ayna ku kala warqaadan jireen isaga iyo Eedeysane Cabdisalaam.

Cabdullahi Cusmaan ayaa horay usoo dhameystay Xukun ay ku riday Maxkamadda Ciidamada Puntland.

Eedaysane Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr oo Argagixisada kaga biiray Degmadda Qoryooleey 2015, ayaa Muqdisho yimid isagoo aan marin habraaca isa-soo dhiibista ee kuwa ka haray afkaarta Xagjirka.

Eedeysane Faadumo Cismaan Subeyr Cali ayaa loo heystay in Gabaadsiisay Eedeysaneyaasha kala ah Cabdisalaam iyo Cabdinaasir oo labaduba ay Waalid u tahay, ayeeyo korana ugu aadaneyd eedeysane Cabdisalaan, iyadoona maalmo kadib u wareejisay Guri kiro ah oo ay leedahay Saxiibadeed Eedeysane Leylo Seef Faarax Axmed oo ay daris ahaayeen, kuna yaala Degmada Xamar jajab.

Faadumo ayaa iyadana Gurigeeda ka kireysay Eedeysane Cabdisalaam, iyaddoo aan la marin habraaca Kireynta Guryaha ee Hay’adaha amaanka iyo maamulka Gobolka Banadir.

Baaris dheer ka dib xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday Mudeynta Kiiskaan, waana laga aqbalay.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala Xukumay.

1- Cabdisalaam Maxamed Xasan (Aamusane) Toban sano oo Xabsi Argagaxiso ah.

2- Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr Labo sano oo Xabsi Argagaxiso ah.

3- Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo 4- Leylo Seef Faarax Axmed, ayaa Iyagana lagu xukumay Min Hal sano oo Ilku hayn Amni ah. Halka 5- Cabdulahi Cusmaan Maxamed ay Maxkamadu siisay Xorriyadiisa ka dib markii ay tix galisay Dooda Qareenkiisa oo aheyd in uu soo dhamaystay xukun horay ugu dhacay, Maxkamadduna ay u cadeen u weysay in uu dib ugu laabtay Argagaxisada, Sida uu warbaahinta u sheegay Abdisalaam Maalin Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdicasiis Lafta-gareen oo guddoomiyeyaal degmo usoo magacaabay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha, dowladaha hoose iyo dib-u-Heshiisiinta Koonfur Galbeed oo maanta wareegto soo saartay ayaa guddoomiyeyaal cusub usoo magacowday degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, taas oo si weyn loola yaabay.

Wareegtada ayaa waxaa guddoomiyeyaal loogu magacaabay degmooyinka Cabdicasiis, Shibis, Kaaraan iyo Dharkenley oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Ragga la magacaabay ayaa kala ah: 1-Cabdi Jibriil Aadan oo loo magacaabay guddoomiyaha degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, 2-Nasrudiin Ibraahim Aadan ooloo magacaabay guddoomiyaha degmada Shibis, 3-Cabdulle Cai Calasow oo isna loo magacaabay guddoomiyaha degmada Kaaran, 4-Daahir Maxamed Xasan oo  isaguna loo magacaabay guddoomiyaha degmada Dharkenley.

Sidoo kale, Maamulka Gobolka Banaadir iyo maamullada degmooyinka ayaa loogu baaqay inay fuliyaan wareegtada, ayna la shaqeeyaan mas’uuliyiinta cusub.

“Waxaa Maamulka Gobolka Banaadir iyo dgemooyinka la farayaa in ay fuliyaan dhaqangeliyaan wareegtada” ayaa lagu yiri qoraalka Koonfur Galbeed.

Arintan ayaa timid kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ay saaka isbedel ku sameysay maamulka degmada Waajid ee Gobolka Bakool. Warqadda magacaabista oo uu ku saxiixan yahay Wasiir Cali Xoosh ayaa lagu sheegay in magacaabista xubnahan ay timid kaddib baahi loo arkay in dib u habeyn lagu sameeyo maamulka degmada Waajid, si loo xoojiyo maamulka iyo hannaanka dowladnimada ee degmada.

Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa kala ah: Xasan Cabdi Isaaq (Bootoolo) oo loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Waajid, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Jugle) oo loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Amniga iyo Siyaasadda, Aadan Cali Kulow oo loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Arrimaha Bulshada, iyo Ayaanle Cabdi Dhuux Yare oo loo magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Waajid.

Magacaabistan ayaa kusoo beegmaysa xilli xaalad amni ay ka taagan tahay Waajid, kadib markii shalay iyo maanta halkaasi lagu rasaaseeyay diyaarado askar ka tirsan dowladda dhexe iyo saanad, taas oo sare usii qaaday xiisadda.

 

Taliska Xoogga oo war kasoo saaray arrinta diyaaradda iyo xaaladda Baydhaba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si adag u beeniyay in diyaarad ay leeyiihiin ay maanta ku dhacday magaalada Baydhaba, waxaana talisku tilmaamay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska guud ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka ka dambeeya been abuurkan uu yahay mid lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed, si loo khaldo.

“Wararkan been abuurka ah ayaa u muuqda kuwa lagu doonayo in lagu marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed, laguna wiiqo kalsoonida hay’adaha amniga dalka” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, taliska ayaa ugu baaqay warbaahinta inay ka feejinaadaan wararka aan la hubin, isla markaana ay xogta saxda ah ka raadiyaan ilaha rasmiga ah ee ciidanka.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in xaaladda magaalada Baydhaba ay tahay mid deggan, isla-markaana ciidamada amniga ay gudanayaan waajibkooda shaqo.

“Taliska CXD wuxuu xaqiijinayaa in xaaladda amni ee Baydhabo ay tahay mid deggan, ciidankuna ay si buuxda u gudanayaan waajibaadkooda qaran” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Goor sii horreysay wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo la hadlay Shabelle Tv ayaa beeniyay in diyaarad ay leedahay dowladda ay la wareegeen, isaga oo sheegay in warkaasi ay ku arkeen Facebook-yada.

“Waa been ma jirto Facebook-yada iyo Tv-yada qaar waxa ay sheegayaan, ma jirto diyaarad Helicopter ah oo ku degtay Baydhabo” ayuu yiri wasiirku.

Shalay ayay ahayd markii garoonka degmada Waajid lagu rasaaseeyay diyaarad ay leedahay shirkadda Star Airline, taas oo ku ku jirtay marxaladdii ugu dambeysay ee soo degista, isla markaana ku soo dhowaatay hawada degmada Waajid.

Si kastaba, waxaa si lama filaan ah rasaas looga furay gudaha garoonka, taas oo cabsi gelisay duuliyihii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda. Diyaaradda ayaa markii dambe ka dhaqaaqday hawada Waajid, iyadoo aan wax fariisasho ah sameyn, taas oo keentay in rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa ay ka badbaadaan xaalad halis ah oo ka dhalan kartay rasaastaasi.

 

Muxuu FARMAAJO ka yiri xiisadda Koonfur Galbeed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdulahi Maxamed (Farmaajo) oo qoraal soo saaray ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadaama uu kasii darayo khilaafka Muqdisho iyo Baydhaba.

Ugu horreyn Farmaajo ayaa ka digay halista ku gadaaman qorshaha dhiillada wata ee ay ku wajahday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xaaladda sii cakirmeysa ay halis ku tahay xasilloonida deegaanka, badqabka shacabka reer Koonfur Galbeed iyo dadaallada geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay weli jiraan fursado iyo xal siyaasadeed oo lagu dejin karo xaaladda cakiran haddii Dowladda Federaalka ay la timaaddo niyad wanaag iyo wadahadal dhab ah oo ay ka gasho arrimaha doorashooyinka dalka.

Farmaajo ayaa horay taageero ugu muujiyay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen isaga oo dhanka kale ka digay in dalka uu geli karo qalalaase siyaasadeed iyo firaaq dastuuri ah haddii aan la gaarin heshiis qaran kahor dhammaadka muddada xilka madaxweynaha talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

“Muddada sharciga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay ku egyahay 15-ka May 2026, waxaana loo baahan yahay is-afgarad ballaaran iyo heshiis siyaasadeed si looga hortago firaaq siyaasadeed iyo mid dastuur,” ayuu horay u yiri Farmaajo.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dalka ay ka taagan yihiin xaalado siyaasadeed iyo kuwa bani’aadanimo oo is-biirsaday, isla markaana si weyn u saameeyay dadka Soomaaliyeed.

Maxaa ka jira in diyaarad ay leedahay DF ay u gacan gashay Koonfur Galbeed?

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in diyaarad nooca Helicopterka ah oo ay leeyiihiin Ciidanka Xoogga Dalka ay ku dhacday Koonfur Galbeed, isla markaana uu la wareegay maamulka Laftagareen.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in aysan jirin diyaarad milatari oo ay gacanta ku dhigtay Koonfur Galbeed, isla markaana wararka la faafiyay ay yihiin kuwa been abuur ah, lagana leeyahay ujeedooyin gaar ah.

Dhanka kale, wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo la hadlay Shabelle Tv ayaa beeniyay in diyaarad ay leedahay dowladda ay la wareegeen, isaga oo sheegay in warkaasi ay ku arkeen Facebook-yada.

“Waa been ma jirto Facebook-yada iyo Tv-yada qaar waxa ay sheegayaan, ma jirto diyaarad Helicopter ah oo ku degtay Baydhabo” ayuu yiri wasiirku.

Si kastaba, shalay ayay ahayd markii garoonka degmada Waajid lagu rasaaseeyay diyaarad ay leedahay shirkadda Star Airline, taas oo ku ku jirtay marxaladdii ugu dambeysay ee soo degista, isla markaana ku soo dhowaatay hawada degmada Waajid, balse waxaa si lama filaan ah rasaas looga furay gudaha garoonka, taas oo cabsi gelisay duuliyihii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda.

Duuliyihii diyaaradda ayaa qaatay go’aan degdeg ah oo badbaado ah kadib markii uu dareemay halista jirta, wuxuuna joojiyay qorshihii degista, isaga oo dib ugu laabtay hawada sare si uu uga fogaado khatar kasta oo iman karta.

Diyaaradda ayaa markii dambe ka dhaqaaqday hawada Waajid, iyadoo aan wax fariisasho ah sameyn, taas oo keentay in rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa ay ka badbaadaan xaalad halis ah oo ka dhalan kartay rasaastaasi.

Dhacdooyinkan ayaa uga sii daraya xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed oo isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaallo ka dhacay gobolka Baay.

DF Soomaaliya oo maamul cusub u magacowday degmo ka tirsan Koonfur Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta maamul cusub u magacawday degmada Waajid ee gobolka Bakool oo ka tirsan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Warqadda magacaabista oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in magacaabistan xubnahan ay timid kaddib baahi loo arkay in dib u habeyn lagu sameeyo maamulka degmada Waajid, si loo xoojiyo maamulka iyo hannaanka dowladnimada ee degmada.

Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa kala ah: Xasan Cabdi Isaaq (Bootoolo) oo loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Waajid, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Jugle) oo loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Amniga iyo Siyaasadda, Aadan Cali Kulow oo loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Arrimaha Bulshada, iyo Ayaanle Cabdi Dhuux Yare oo loo magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Waajid.

Mas’uuliyiinta cusub ayaa la faray in ay si degdeg ah ula wareegaan xilalka loo igmaday, isla markaana ay xoogga saaraan adkeynta amniga iyo dardargelinta adeegyada bulshada ee degmadaasi.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu faray mas’uuliyiinta cusub in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran maamulka degmada, xilli ay kasii dareyso xiisadda u dhaxeysa Maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada Waajid ayaa iyaguna lagu booriyay in ay la shaqeeyaan maamulka cusub, kana qeyb qaataan hirgelinta nabadda, xasilloonida iyo dib u dhiska adeegyada bulshada ee degmada.

Magacaabistan ayaa kusoo beegmaysa xilli xaalad amni ay ka taagan thau degmada Waajid, kadib markii shalay halkaasi lagu rasaaseeyay diyaarad siday saraakiil iyo askar ka tirsan dowladda dhexe, taas oo sare usii qaaday xiisadda.

Sidoo kale waxaa arrintaasi xigay hanjabaad ka timid dhinaca dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo la xiriirta in la beegsan doono diyaarado kasta oo isku dayda inay ciidamo greyso deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba, xaaladda degmada Waajid ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo arrimahan imanayaa xilli saacadihii dambe ay soo baxayeen warar sheegay inay socdaan dadaallo ay wadaan odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin labada dhinac ah oo xal loogu raadinayo xiisadda.

Midowga Yurub oo farriin u diray Xasan iyo Lafta-gareen kadib dhacdadii Waajid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro ayaa ka hadashay xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, taas oo u dhaxaysa maamulka madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu si dhow ula socdo xaaladda sii cakirmaysa, iyadoo muujisay walaac ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto xasilloonida guud ee dalka, maadaama Koonfur Galbeed ay ka mid tahay meelaha muhiimka u ah amniga iyo la-dagaallanka Al-Shabaab.

Qoraal ay ku baahisay barteeda X (ex-Twitter) ayay farriin ugu dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen, iyadoo adkaysay in xal laga gaaro khilaafka uu ku imaan karo oo keliya wada-hadal toos ah oo dhexmara labada dhinac ee is-haya.

“Midowga Yurub wuxuu si walaac leh ula socdaa xaaladda sii xumaanaysa ee Koonfur Galbeed. Wada-hadal wax ku ool ah ayaa aad muhiim u ah xilligan, dhammaan dadaallada dhexdhexaadinta waa in la soo dhoweeyaa lana siiyo fursad,” ayay tiri safiir Di Mauro.

Sidoo kale waxay ka digtay in sii socoshada khilaafka noocaan ah ay horseedi karto cawaaqib amni iyo mid siyaasadeed oo daran.

Si kastaba, xiisaddan taagan ayaa salka ku haysa muran siyaasadeed la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo maamulka, iyadoo dhinacyada ay isku maandhaafsan yihiin hannaanka loo wajahayo mustaqbalka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, taas oo sii hurisay kala aragti duwanaan xooggan.

Khilaafkaan ayaa durba saameyn ku yeeshay xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee qaar ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo ay soo baxayaan baaqyo isa soo taraya oo ku aaddan in si degdeg ah xal nabadeed looga gaaro, si looga hortago in xaaladdu u gudubto heer ka sii daran.

Shalay ayey aheyd markii diyaarad ay la socdeen saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka lagu rasaaseeyay garoonka diyaaradaha ee degmada Waajid ee gobolka Bakool, taas oo muujinaysa heerka ay gaartay xiisadda labada dhinac.

Mareykanka oo ergo u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay inay farriin uga timid Trump

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa farriin u diray Iiraan isaga oo adeegsanaya ergo iyo dalal dhexdhexaad ah, farriintaas oo la gaarsiiyay Tehran, sida ay baahisay warbaahinta Mareykanka ee CBS News, oo soo xiganaysa sarkaal sare oo ka tirsan Iiraan.

Farriintan ayaa la sheegay inay la xiriirto xiisadda u dhexeysa labada dal iyo suurtagalnimada in dib loo bilaabo wada-hadallo u dhexeeya Washington iyo Tehran, kuwaas oo muddo hakad ku jiray.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shalay ku dhawaaqay inuu wada-hadallo cusub uu la yeeshay Iiraan, isaga oo sheegay in wada-hadalladaasi ay ahaayeen kuwo horudhac ah, isla markaana la filayo inay sii socdaan toddobaadkan.

Hadalka Trump kadib, dowladda Iiraan ayaa si degdeg ah u beenisay in wax wada-hadal toos ah ay la yeesheen Mareykanka, waxayna sheegtay in aysan jirin wax kulan rasmi ah oo dhex maray labada dal, maadaama aysan jirin xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.

Si kastaba, saacado kadib Iiraan ayaa xaqiijisay in farriin ka timid Mareykanka ay soo gaartay, balse aan si toos ah loo soo marin, ee loo soo mariyay dalal kale oo dhexdhexaad ka ah labada dhinac, sida ay baahisay CBS News.

Sarkaal ka tirsan dowladda Iiraan ayaa sheegay in farriinta Mareykanka ay hadda gacanta ku hayaan mas’uuliyiinta Tehran, isla markaana la tixgelinayo waxa ku qoran iyo sida laga yeelayo, taas oo muujinaysa in haatan ay jiraan xiriirro hoose oo u dhexeeya labada dal.

Trump ayaa dhankiisa sheegay in wada-hadalladii uu sheegay ay ahaayeen kuwo miro dhal ah, isla markaana uu u gudbiyay Iiraan qodobo dhowr ah oo uu doonayo in laga wada-hadlo, kuwaas oo lagu sheegay ilaa 15 qodob oo la xiriira nukliyeerka, amniga gobolka iyo cunaqabateynta saaran Iiraan.

“Annaga iyo Iiraan waxaa doonayna nabad; waxaan u maleynayaa inay jirto fursad aad u wanaagsan oo lagu gaari karo heshiis,” ayuu Trump u sheegay warbaahinta, isagoo muujiyay rajo ku aaddan in heshiis cusub la gaari karo haddii wada-hadalladu sii socdaan.

Mareykanka iyo Iiraan ma laha xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah, waxaana inta badan xiriirka labada dal uu ku socdaa si dadban oo loo marayo dalal kale oo dhex-dhexaad ah oo gudbiya farriimaha labada dhinac.

Dalalka inta badan dhex-dhexaadiya xiriirka Mareykanka iyo Iiraan waxaa ka mid ah Cumaan, Qatar iyo dalal kale, kuwaas oo door ka qaata gudbinta farriimaha iyo martigelinta wada-hadallo qarsoodi ah oo u dhexeeya labada dal.

Wararkii ugu dambeeyay xiisadda ka taagan maamulka Koonfur Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa weli socda dadaallo xooggan oo lagu qaboojinayo xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan maamulka Koonfur Galbeed iyo xubnaha mucaaradka maamulkaas, kuwaas oo ay ku jiraan mas’uuliyiin xilal kala duwan ka haya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xiisaddan ayaa maalmahan dambe cirka isku shareertay, kaddib markii ay soo baxeen khilaafaad la xiriira hoggaanka iyo jihada siyaasadeed ee maamulka, taas oo keentay in hadallo kulul iyo eedeymo is-daba joog ah ay is dhaafsadaan labada dhinac.

Odayaal dhaqameed iyo waxgarad ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay billaabeen dadaallo lagu doonayo in xal waara looga gaaro arrintan, si looga hortago isku dhac toos ah iyo burbur maamul oo ka dhaca halkaas.

Waxay sheegeen in howsha si wanaagsan ugu bilaabatay, isla markaana ay ku dadaalayaan sidii loo abuuri lahaa jawi wada-hadal oo horseedi kara is-afgarad siyaasadeed oo degan.

Waxgaradka ayaa sidoo kale shaaciyay in magaalada Baydhabo la isugu imaan doono maalmaha soo socda, si loo qabto shir ballaaran oo looga arrinsanayo khilaafka, iyagoo xusay inay rajeynayaan in shirkaasi uu noqdo mid miro-dhal ah.

Dhanka kale, waxaa hoos u dhacay dhaq-dhaqaaqii ciidan ee la dareemayay maalmihii u dambeeyay, inkasta oo weli jirto cabsi laga qabo in xaaladdu mar kasta isbeddeli karto, maadaama ay sii socdaan weerarrada afka ah ee u dhexeeya mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed iyo xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna wada kulamo wadatashi ah oo la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo mustaqbalka deegaan doorashadiisa ee Koonfur Galbeed.

Waxaa la filayaa in dadaallada haatan socda ay qayb ka noqdaan xal u helidda xiisadda culus ee ka taagan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Warshadda sifaynta shidaalka ee Mareykanka oo ololeysa – Sidee wax u dhaceen?

Washington (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa ka dhacay warshadda sifeynta shidaalka ee Valero ee magaalada Port Arthur ee dalka Mareykanka, iyadoo qiiq weyn uu cirka isku shareeray

Dhacdadan ayaa ku qasabtay mas’uuliyiinta Mareykanka inay amar ku bixiyaan in dadka deggen dhinaca galbeed ay guryahooda ku nagaadaan.

Antonio Mitchell oo ka tirsan Waaxda Dab-demiska ee Port Arthur ayaa xaqiijiyay in shil uu ka dhacay xarunta Valero, inkasta oo mas’uuliyiintu ay bixiyeen faahfaahin kooban illaa iyo hadda.

Mitchell ayaa wax yar kadib qaraxa sheegay in aan weli la ogeyn nooca shilka iyo waxa sababay, xilli kooxaha gurmadku ay si degdeg ah ugu sii qulqulayeen goobta.

Sida uu qoray bogga 12NewsNow, Taliyaha Booliska Degmada Jefferson, Zena Stephens, ayaa sheegtay in mashiinka kuleyliyaha (heater unit) uu qayb ka ahaan karo sababta qaraxa.

Mas’uuliyiinta ayaa dhankooda xaqiijiyay in aysan jirin wax dhaawacyo ah oo la diiwaangeliyay, lamana bixin amarro ku saabsan daadgureyn ballaaran, iyadoo si dhow loola socdo xaaladda iyo tayada hawada ee aagga.

Guud ahaan aagga loo yaqaan Mid-County, goobjoogayaal ayaa soo sheegay inay maqleen jug culus oo ruxday daaqadaha guryaha iyo gawaarida. Dhanka kale, qof deggen nawaaxigaas ayaa sheegay in hawadu ay lahayd ur aad u xooggan.

Iyadoo la adeegsanayo Shabakadda Digniinta ee Koonfur-bari Texas (Southeast Texas Alerting Network), maamulka magaalada Nederland ayaa sheegay in ciidamadooda booliska iyo waaxda dab-demiska ay si firfircoon roondo ugu jiraan, isla markaana ay kormeerayaan tayada hawada ee dhinaca koonfureed ee magaalada.

Mas’uuliyiinta ayaa shacabka u xaqiijiyay, isla markaana ka digay xaaladda, iyagoo yiri: “Waqtigan xaadirka ah, ma jirto wax saameyn ah oo ku yimid magaalada Nederland,” waxayna raaciyeen inay shacabka la wadaagi doonaan xogaha cusub haddii ay xaaladdu isbeddesho.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta Waaxda Gaadiidka ee Texas (TxDOT) ayaa uga digay darawallada inay ka fogaadaan aaggaas, gaar ahaan waddooyinka waaweyn ee SH 87 iyo SH 82 ee u dhow warshadda shidaalka ee qaraxu ka dhacay.