25.1 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Taliyeyaal lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta dagaal culus uu ka dhacay duleedka Baydhaba, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay saraakiil sar sare, waxaana kamid ah ku-simaha taliyaha qeybta 60-aad, Gaashaanle Sare Yoonis Aadan iyo taliyihii guutada 8-aad ee qeybta 60 ee Xoogga Dalka, Cali Caddow.

Sidoo kale, waxaa jira khasaare kale oo gaaray ciidanka iyo gaadiid lagu gubay dagaalka maadaama uu cuslaa, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan dowladda dhexe ayaa ka tacsiyeeyay geerida labada sarkaal, waxaana weli socda howlgal ay wadaan ciidanka Xoogga dalka

Xaalada ayaa weli kacsan, iyada oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo bannaanka magaalada Baydhaba oo ay gaareen ciidamo kale oo gurmad ah.

Ma jiro wax faah-faahin ah oo ay dowladda Soomaaliya ka bixisay dagaalkan, marka laga reebo qoraallada tacsida ee loo dirayo saraakiisha la dilay

Dagaalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo Baydhaba lagu qabtay doorashooyinka isku sidkan ee Koonfur Galbeed oo lagu soo doortay golaha wakiilada iyo deegaanka, sida uu maanta shaaciyay guddiga doorashooyinka Soomaaliya.

Natiijada doorashada Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa maanta shaaciyay natiijada doorashooyinkii ka dhacay Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lagu soo doortay goleyaasha wakiilada iyo deegaanka oo laga qabtay illaa 13 demo oo ka tirsan maamulkasi

Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in doorashooyinkan ay ka qayb-galeen 32 urur, oo u tartamay golaha wakiilada, ayadoo ay codeeyeen illaa 132,430 qof oo qaatay kaararka cod-bixinta ee guddiga doorashooyinka.

Cabdikariin ayaa sidoo kale shaaciyay sida ay xisbiyada u kala heleen kuraasta golaha wakiilada oo ah 95, iyadoo kuraasta ugu badan uu helay xisbiga JSP.

1: Ururka JSP 51 kursi., 2: Ururka NPU 14 kursi, 3: Ururka Karaama 11 kursi, 4: Ururka SINCAD 6 kursi, 5: Ururka Tiir 3 Kursi, halka inta kale qaarkood ay heleen hal kursi, kuwana ma helin wax kursi ah, sida uu sheegay guddigga.

Sidoo kale, wuxuu guddiga uu shaaciyay natiijada doorashada goleyaasha deegaanka oo laga qatay 13 degmo, waxaa iyana u tartamay 32 urur, iyadoo kuraasta loo tartamayo ay haayeen 297 kursi.

Lama oga in natiijadan ay aqbali doonaan ururada siyaasadeed ee ka qeybgalay doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Doorashadan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay sida ay dowladda u wajaheyso xaaladda kala guurka, waxaana doorashooyinka diidan mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.

Shirkii u dhexeeyay Xasan iyo mucaaradka oo natiijo la’aan soo dhammaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo dhammaaday shirkii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, iyadoo illaa iyo hadda aan la gaarin wax natiijo ah, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku fahmi la’yihiin arrimo ay kamid yihiin sida loo wajahayo xaaladda kala guurka ah, maadaama uu dhamaaday muddo xileedka hay’adaha dowlada, welina aan la’isku fahmin nooca doorashada ee dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada dhinac ayaa ku ballamay in la’isku laabto galabta, isla markaana la amba qaado wada-hadallada, si xal loo raadiyo.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in kulanka galabta looga doodi doono hannaanka doorashooyinka iyo doodda ka taagan dastuurka, waxaana labada dhinac ay haatan galeen wadatashiyo ka hor shirka galabta.

Xubnaha mucaaradka oo xulafo la ah Maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa laga sugayaa inay soo bandhigaan nooca doorasho ee ay rabaan, halka ay Villa Somalia weli ku adkeysaneyso doorashooyin dadweyne oo haatan ka socda dalka, gaar ahaan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhankooda wakiilada beesha caalamka, gaar ahaan danjireyaasha Mareykanka iyo Ingiriiska oo qayb ka ah dhex-dhexaadinta ayaa ku cadaadinaya Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqablka inay heshiis gaaraan, kahor 15-ka May, haddii kale ay ku dhawaaqi doonaan in Soomaaliya  ay gashay marxalad cusub, taas oo cabsi badan leh, isla markaana dib u dhigeysa horumarradii la sameeyay.

Shirku wuxuu ka socdaa xarun ay maamusho dowladda oo ku dhex-taalla Xalane, sida uu shalay sheegay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay in aysan wadan wax ajendi ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Shirka madaxda dalka iyo kooxda mucaaradku xafiis dawladdu leedahay ayuu ka dhacayaa iyo dhul dawladdu ka taliso,” ayuu yiri Fiqi oo qoraal soo saaray.

Waxaa kale oo uu kusii daray “uwa aan isku kalsoonayn ee dhibcaha ka raadinaya wax kasta waxaan u Cadnaan’s in madaxda dalka wadahadalku  u yahay mabda’, laakin kooxda calaacalku wax qiimo uguma fadhiyo, waayo wax ajende ah ma wataan oo aan ahayn wadahadal kasta in ay fashiliyaan”.

Waa kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabanayo Xalane, isla markaana ay door wayn ku leeyahay beesha caalamka, si loo gaaro xal kama dambeys ah oo ku aadan khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

RUTO oo qirtay fara-gelin uu dalkiisu ku yeeshay dagaalkii Raaskambooni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya  William Ruto oo wareysi siiyay Telefishinka France 24 ayaa markii ugu horreysay si faah-faahisan uga hadlay dagaalkii u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ee horraantii December 2024-kii ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, isaga oo qiray fara-gelin uu dalkiisu ku lahaa dagaalkaasi.

William Ruto ayaa shaaca ka qaaday  in ay taageero u fidiyeen Ciidanka Xoogga Dalka ee xilligaas ka firxaday dagaalka, ayna u daad gureeyeen gudaha dalkooda.

“Waxaa jiray dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Jubbaland, kuwaas oo ku sugnaa xadka Kenya. Xaqiiqdii, xilligaas qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xitaa lagu riixay gudaha Kenya, taasoo sii adkaysay xaaladdii horay uga jirtay halkaas,” ayuu yiri madaxweyne Ruto.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ujeedkooda uu ayaa in xaaladda ay dajiyaan, ayna kala badbaadiyaan ciidamada, taasna ay ku guuleysteen.

“Waxaan ku qasbanaannay inaan taageerno qaar ka mid ah ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, inaan daadgureyno oo caawinno, si aan u dejinno xaaladda isla markaana loo yareeyo colaadda” ayuu yiri mar kale yiri Madaxweynaha Kenya.

Si kastaba, ha ahaatee dagaalka Raaskambooni ayaa dhaliyay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh iyo in ciidamadii dowladda ay ka cararaan Raaskambooni, ayna isku dhiibaan ciidamada Kenya, iyaga oo ka tallaabaday xadka.

Barta Twitter-ka ee Hey’adda ka hortagga Dambiyada Argagixiso ee dowladda Kenya ayaa iyaduna xilligaaas lagu baahiyey sawirrada askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo isku dhiibay ciidamada Kenya, kadib markii ay ka gudbeen xuduudda.

Sawirrada ayaa muujinayay ciidamada oo hubkooda dhigaya iyo kuwa Kenya oo soo dhaweynaya, xaaladda Raaskambooni in xog rasmi ah laga helo ayaa aad u adag, maadaama aysan jirin wax isgaarsiin ah.

200 Itoobiyaan ah oo lagu xukumay dil toogasho ah gudaha Sacuudi Carabiya

Riyaad (Caasimada Online) – In ka badan 200 qof oo u dhashay dalka Itoobiya, oo ay ku jiraan dhallinyaro badan ayaa la soo sheegayaa inay halis ugu jiraan in lagu dilo maalmaha soo socda gudaha dalka Sacuudi Carabiya.

Arrintan waxaa toddobaadkii hore weriyay wargeyska internet-ka ee Addis Standard, iyadoo soo xiganaysa xog laga helay Xafiiska Dhallinyarada Tigray.

Ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW), si toos ah uma xaqiijin karaan tiradan, balse waxay soo sheegeen 65 muhaajiriin Itoobiyaan ah, kuwaas oo dhammaantood lagu xukumay dambiyo la xiriira ka ganacsiga iyo haysashada daroogada, kuwaas oo hadda ku xiran xabsiga Khamis Mushait. Saddex xukun oo kale oo dil ah ayaa la sheegay in la fuliyay 21-kii Abriil.

HRW waxay ku guuleysatay inay la xiriirto ilo xog-ogaal u ah xaaladda saddex ka mid ah maxaabiistan, kuwaas oo sheegay inay yihiin qaxooti ka soo qaxeen dagaalkii dhiigga badnaa ee gobolka Tigray waqooyiga Itoobiya ee dhacay intii u dhaxeysay 2020 iyo 2022, halkaas oo xaaladda bini’aadannimo ay weli tahay mid aad u daran.

Sida ilahaas sheegayaan, waxay soo mareen jidka caanka ah ee khatarta badan ee “marinka bari,” iyagoo soo maray Jabuuti iyo Yemen, ka hor intaysan gaarin meeshii ay u socdeen, waxaana xiray booliska Sacuudiga intii u dhaxeysay 2023 iyo 2024 gobolka Abha, halkaas oo ay ka shaqeynayeen.

Maadada daroogada lagu qabtay ee ay haysteen waa Qaadka kaas oo ah geed laga mamnuucay Sacuudi Carabiya, dalkaas oo leh sharciyo aad u adag oo dhanka daroogada ah.

Qaadka waa geed ka baxa Bariga Afrika, kaas oo caleentiisa marka la calaliyo ay soo saarto saameyn kicin ah oo la mid ah maandooriyaha amphetamines.

5-tii Maajo, hoggaamiyaha kaniisadda Katooligga ee Adigrat, Tesfaselassie Medhin, ayaa codsi kal iyo laab ah u diray dhowr urur oo caalami ah iyo hay’ado bini’aadannimo oo difaaca karaamada aadanaha, isagoo raadinaya badbaadinta nolosha 200 ee maxbuus.

“Codkayga kor ayaan u qaadayaa ma aha oo kaliya hoggaamiye diimeed ahaan, laakiin waxaan markhaati ka ahay qiimaha weyn ee naf kasta oo bini’aadan ah,” ayuu ku yiri farriintiisa hoggaamiyaha kaniisadda Adigrat.

“Caqiidadayadu waxay na baraysaa in noloshu tahay hadiyad ka timid Illaah, waa mid muqaddas ah, oo aan lagu xadgudbi karin, mudanna in la ilaaliyo laga bilaabo abuurista ilaa dhammaadka dabiiciga ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay baahida loo qabo in la ilaaliyo sarreynta sharciga, wuxuu ku adkeeyay in caddaaladdu ay waxtar badan tahay marka lagu daro naxariis.Furitaanka wadahadal lala yeesho mas’uuliyiinta Sacuudiga.

Xogtii ugu dambeysay shirka Xasan iyo Golaha Mustaqbalka oo galay maalintii labaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad galay wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo kasii soconaya xaydaabka Xalane ee magaalada Muqdisho.

Wada-hadalladan oo ku bilowday jawi deggan, isla markaana uu dhex-dhexaadinayo Mareykanka ayaa waxaa ka qayb-galaya Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo Ra’iisul wasare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, halka dhinaca Golaha Mustaqbalka ay metalayaan Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni iyo Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in maanta la guda geli doono doodaha xasaasiga ah ee la xiriira arrimaha masiiriga ah, gaar ahaan wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan labada dhinac.

Xubnaha mucaaradka oo xulafo la ah Maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa laga sugayaa inay soo bandhigaan nooca doorasho ee la qaban karo, halka ay Villa Somalia wei ku adkeysaneyso doorashooyin dadweyne oo haatan ka socda dalka, gaar ahaan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa xalay yeeshay kulamo gaar gaar ah oo latashiyo ay kula soo sameeyeen dhinacyada ay metalaan, si ay dooda usii socoto, isla markaana xal looga gaaro khilaafka sii xoogeysanaya ee ka taagan dalka.

Shirku wuxuu ka socdaa xarun ay maamusho dowladda oo ku dhex-taalla Xalane, sida uu shalay sheegay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay in aysan wadan wax ajendi ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Shirka madaxda dalka iyo kooxda mucaaradku xafiis dawladdu leedahay ayuu ka dhacayaa iyo dhul dawladdu ka taliso,” ayuu yiri Fiqi oo qoraal soo saaray.

Waxaa kale oo uu kusii daray “uwa aan isku kalsoonayn ee dhibcaha ka raadinaya wax kasta waxaan u Cadnaan’s in madaxda dalka wadahadalku  u yahay mabda’, laakin kooxda calaacalku wax qiimo uguma fadhiyo, waayo wax ajende ah ma wataan oo aan ahayn wadahadal kasta in ay fashiliyaan”.

Waa kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabanayo Xalane, isla markaana ay door wayn ku leeyahay beesha caalamka, si loo gaaro xal kama dambeys ah oo ku aadan khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Maxaa ka jira in Netanyahu uu si qarsoodi ah ku tegay Imaaradka Carabta?

Dubai (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa si cad u beenisay sheegashooyinka ku saabsan in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu booqasho ku tagay dalkaas, ama in Imaaraadku uu martigeliyay wafdi milatari oo Israa’iili ah.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay wararkaasi yihihiin aan “sal iyo raad toona lahayn”.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in xiriirka Imaaraadka iyo Israa’iil uu yahay mid si rasmi ah loo shaaciyay, kuna dhisan heshiisyada Abraham Accords, isla markaana uusan ku salaysnayn sir ama heshiisyo qarsoon.

Sida bayaan ku xusan, “sheegasho kasta oo ku saabsan booqashooyin aan la shaacin ama heshiisyo qarsoodi ah waa kuwo aan sal lahayn, ilaa ay ka soo baxaan hay’adaha rasmiga ah ee Imaaraadka.”

Dhanka kale, wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa ka falceliyay shaacinta dadweynaha ee safarka Benjamin Netanyahu uu ku tagay Imaaraadka Carabta, isagoo yiri: “Netanyahu hadda wuxuu si cad u shaaciyay wixii hay’adaha ammaanka Iran ay horay ugu gudbiyeen hoggaankeena.”

Araqchi ayaa sidoo kale jeediyay hadallo adag oo Imaaraadka iyo dalalka Khaliijka, isagoo sheegay: “Cadownimada looorka weyn ee Iran waa khamaar nacasnimo ah; iskaashi iyo la fal-galidda lala sameeyo Israa’iil dhankeena waa wax aan la cafin karin. Kuwii door ka ciyaara la falgalka Israa’iil si loo abuuro kala qeybsanaan waa in lala xisaabtamaa.”

Marka laga soo tago shaacinta booqashada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee uu ku tagay Imaaraadka intii uu socday dagaalka, warbaahinta Mareykanka ayaa sidoo kale maalmahan dambe si weyn uga hadashay warar ku saabsan weerarro militari oo qarsoodi ah oo ay Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ku qaadeen Iran.

Isha: BBC

Cirro oo dib ugu laabtay Hargeysa kadib muddo la la’aa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo in ka badan 20 maalmood ku maqnaa daka Imaaraadka Carabta ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Hargeyso.

Cirro oo kaligiis ahaa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka, waxaana soo dhaweynta kasoo muuqday goleyaasha dowladda iyo saraakiisha amniga, iyadoo kadib loo galbiyay qasriga madaxtooyada oo kula kulmay madaxweyne ku xigeenka iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirrada.

Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in safarka Cirro ee maalmaha badan qaatay uu ahaa mid shaqsi ah, isla markaana uu haatan sii wadi doono howlihiisa.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa dalka dib ugu soo laabtay. kaddib Safar Shaqsi ah oo uu ugu maqnaa Dalka Midowga Imaaraadka Carabta,”. ayaa lagu yiri qoraalka.

Safarkan ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan iyadoo maalmihii lasoo dhaafay la’is waydiinayay halka uu jaan iyo cirib dhigay Madaxweynaha tan iyo 23-kii April oo la sheegay in uu arrimo gaar u ah ugu baxay Imaaraatka Carabta.

Muhanad Ismaaciil: “İlaahay caafimaad taama ha siiyo, qalliinkaa lagu sameeyayna waxaan rajaynayaa şida ugu dhakhsiyaha badanleh in uu uga soo kabto”.

Saciid Xasan: “Soo dhawooow mudane madaxwayne dadkaagii oo ku sugaayay kuuna bohol yoobay”.

Bashiir Yuusuf: “Netanyahu buu la joogy Emiratka”.

Maxamed Kaahin: “Welcome Home Mr President Cabdiraxmaan Cirro Dadkaagii iyo Dalkaagii oo ku Sugaayey Inaad Warar farxadle ugu bushaareyso ku soo dhawow”.

Xiisadda Tigray oo kicisay cabsi laga qabo dagaal dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka hubeysan ee TPLF ayaa dib u soo ceshanaya gacan ku haynta gobolka Tigray kadib markii ay doorteen Debretsion Gebremichael.

Xiisadda sii kordhaysa ee kala dhaxaysa dawladda federaalka Itoobiya ayaa dhalisay cabsi laga qabo in mar kale uu dagaal ka qarxo Geeska Afrika.

Sannadkii 2020, dawladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa dib u dhigtay doorashooyinkii dalka loogu talagalay sababo la xiriira xanuunka COVID-19.

Ururka xoreynta shacabka Tigray (TPLF), oo ahaa xisbiga ugu weyn uguna awoodda badan gobolka waqooyiga ee Tigray, ayaa ku eedeeyay Abiy inuu si sharci darro ah u dheereystay mudada xafiiska.

TPLF ayaa qabatay doorashooyin deegaan oo ay ku guuleysteen, iyagoo diiday awoodda sharciga ah ee dawladda federaalka ay ku leedahay gobolka Tigray.

Tani waxay horseedday iska horimaad isu rogay dagaal milateri oo dhex maray TPLF iyo Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF).

Intii u dhaxaysay 2020 iyo 2022, waxaa lagu qiyaasay inay ku dhinteen dagaalkaas 600,000 oo qof. Labada dhinacba waxay midba midka kale ku eedeeyay inuu isagu bilaabay colaadda.

Bishii Noofambar 2022, natiijadii doorashadii 2020 ayaa la baabi’iyay ka dib heshiiskii nabadda ee Pretoria ee dhex maray dawladda Itoobiya iyo TPLF.

Wixii markaas ka dambeeyay, waxaa Tigray laga dhisay Maamul Goboleed ku-meel-gaar ah, kaas oo meesha ka saaray hoggaamiyeyaashii TPLF ee xilligii dagaalka.

TPLF oo dib u soo celinaysa gacan ku haynta Tigray

Saddex sano ka dib, khilaaf ayaa ka dhex qarxay maamulka ku-meel-gaarka ah iyo TPLF. Bishii Abriil, Golaha Gobolka Tigray, oo la diray intii uu jiray heshiiska nabadda, ayaa waxaa dib u soo celiyay TPLF.

May 5-teedii, hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Tigray.

“Maamulkii ku-meel-gaarka ahaa hadda ma jiro,” ayuu yiri ku xigeenka xisbiga, Amanuel Assefa, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP. Debretsion ayaa galay xafiiska madaxweynaha, isagoo sheegay inuu shaqada bilaabay.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid caqabad ku ah Tadesse Werede, oo ah madaxweynaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray oo ay magacawday dawladda Itoobiya.

Werede ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in kooxda isku dayaysa inay awoodda ku qabsato xoog ay masuul ka yihiin burburka iyo khatarta soo food saartay shacabka Tigray.

Falcelin la’aanta Dawladda Federaalka

“Tigray waxay hadda ku jirtaa xilli aad u khatar badan,” ayuu yiri Amanuel Gedebo, oo ah cilmi-baare ka tirsan machadka Clingendael. Waxa uu intaa ku daray in ilaa hadda aan la ogeyn jawaabta dawladda federaalka, maadaama aysan soo saarin wax qoraal ah.

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha qaar ayaa sheegaya inay jiraan calaamado muujinaya dhaqdhaqaaqyo milateri. “May 5-teedii iyo 6-deedii, diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ayaa lagu arkay cirka magaalada Mekelle.

Hadda Addis Ababa waxay u diraysaa diyaaradaha MiG-ka Mekelle si ay awood u muujiyaan,” ayuu yiri Magnus Treiber, oo ah khabiir ku takhasusay Geeska Afrika.

Itoobiya iyo Ereteriya waxaa saameeyay dhinaca dhaqaalaha. Itoobiya waxaa laga soo sheegayaa shidaal yari iyo sicir-barar sare u kacaya, taas oo ku dhiirigelin karta dawladda Itoobiya inay ka fogaato tallaabo kasta oo ka sii daraysa xaaladda waqooyiga.

Sidoo kale, dalalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo taageera Itoobiya iyo Sacuudi Carabiya oo taageerta Ereteriya ayaa hadda ku mashquulsan colaadaha gobolkooda ka jira, taas oo yaraynaysa firfircoonidii ay ku lahaayeen Geeska Afrika.

Weli waxay u muuqataa inay jirto fursad dhexdhexaadin caalami ah oo looga baaqsan karo colaad ka qaraxda gobolka Geeska Africa, gaar ahaan Itoobiya oo dhinac ah iyo TPLF oo taageereyso Ereteriya.

DF oo ku dhawaaqday shuruud cusub oo lagu xirayo qaadashada baasaboorka Soomaaliga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shuruud cusub kusoo kordhisay qaadashada baasaboorka Soomaaliya, taasi lagu xirayo qofka dalbanaya baasaboorka.

Hay’adda ayaa shaacisay in laga bilaabo 1-da Luulyo 2026 qof aan haysan kaarka aqoonsiga qaranka ee NIRA ama shahaadada lagu sugto kaarka aqoonsiga uusan codsan karin baasaboorka.

“Qof kasta oo aan weli qaadan kaarka aqoonsiga waxaa lagu boorinayaa in uu si deg deg ah u bilaabo qaadashada iyo codsiga kaarka aqoonsiga qaranka,” ayaa lagu yiri wargelin caawa kasoo baxday hay’adda.

Sidoo kale, hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ayaa muwaadiniinta ogeysiisay in dukumintiyada lagu dalbado baasaboorka ay noqon doonaan nuqullada koobiga ah (copies).

“Nuqullada asalka ah dib ayaa loogu celinaya codsadaha baasaboorka laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 13-ka May 2026,” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

Si kastaba, kaarka aqoonsiga qaranka ayaa muhiim u ah muwaadinka, waxaana dhawaan dowladda Soomaaliya ay waajib ka dhigtay qaadashada kaarkan oo ay ku xirtay adeegyada hay’adaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah ee loo yahay, iyada oo fartay in aysan u adeegin qof aan wadan kaarka NIRA.

Tallaabadan ayey dowladdu ku sheegtay mid qayb ka ah dadaalka qaran ee lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka guud, laguna tayeynayo adeegyada bulshada, iyadoo lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo in Soomaali kasta si sax ah loo aqoonsado loona diiwaan-geliyo.

Sacdiya Macallin oo la sheegay inay xaalad quus ah ku wajahayso xabsiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sacdiya Macallin Cali oo muddo ka badan bil ku xiran xabsiga dhexe ayaa xaalad adag ku wajahaysa xabsiga, sida uu sheegay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Guddiga oo xabsiga ugu tegay Sacdiya ayaa walaac xooggan ka muujiyay sii socoshada xarigga iyo xaaladda Sacdiya Macallin Cali, oo uu sheegay in aan wax dacwad ah aan lagu soo oogin.

“Sida ku cad war-saxaafadeed uu Xafiiska Xeer Ilaalinta soo saaray 6-dii Maajo 2026, Sacdiya waxaa loo haystaa eedeymo la xiriira sumcad-dilid iyo kicin bulsho. Hase yeeshee, guddigu wuxuu walaac ka muujinayaa in ilaa iyo hadda aan wax dacwad ah lagu soo oogin Sacdiya, isla markaana aanay muddeysneyn dhageysiga dacdwadeeda, taas oo lid ku ah xaqa ay u leedahay garsoor caddaalad ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay guddiga.

Guddiga ayaa sheegay in Sacdiya u sheegtay in xabsiga dhexdiisa dhibaatooyin loogu geystay, sida ciqaab, cabsi-gelin, cunto yari, ciriiri, nadaafad-xumo, hawo yari, iyo xaddidaad lagu sameeyay booqashooyinka qoyskeeda.

“Sidaas oo ay tahay guddigu ma xaqiijin karo eedeymahaasi, waxaana uu ku baaqayaa in baaritaan buuxa oo madax-bannaan lagu sameeyo, si looga gun gaaro,” ayaa la sii raaciyay qoraalka guddiga.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim ayaa si cad u sheegtay in xariggu uusan ka xayuubin qofka xuquuqdiisa aas-aasiga ah.

“Qof kasta oo xiran wuxuu weli xaq u leeyahay karaamo, in loola dhaqmo si bani’aadannimo leh, inuu helo daryeel caafimaad, xiriir qoys, iyo ilaalin sharci oo buuxda sida ay dhigayaan shuruucda dalka iyo kuwo caalamiga ah,” ayey tiri Dr. Maryam Qaasim.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:

Booqashada Guddiga ee Xabsiga Dhexe iyo Xaaladda Sacdiya Macallin Cali

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) wuxuu walaac ka muujinayaa sii socoshada xarigga iyo xaaladda Sacdiya Macallin Cali, oo muddo ka badan bil ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, wax dacwad ahna aan lagu soo oogin.

Guddiga isagoo gudanayo waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, wuxuu 29-kii Abriil 2026 booqday Xabsiga Dhexe ee Muqdisho si uu ugu kuurgalo xaaladda xabsiga, waxna uga ogaado xaaladda Sacdiya.

Guddigu wuxuu warbixin ka dhageystay masuuliyiinta Ciidanka Asluubta iyo Xabsiga Dhexe, isla maraakana waxa uu xog-wareysi gaar ah la yeeshay Sacdiya iyo qareenkeeda oo uu si gaar ah ula kulmay.

Sida ku cad war-saxaafadeed uu Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranku soo saaray 6-dii Maajo 2026, Sacdiya waxaa loo haystaa eedeymo la xiriira sumcad-dilid iyo kicin bulsho. Hase yeeshee, guddigu wuxuu walaac ka muujinayaa in ilaa iyo hadda aan wax dacwad ah lagu soo oogin Sacdiya, isla markaana aanay muddeysneyn dhageysiga dacdwadeeda, taas oo lid ku ah xaqa ay u leedahay garsoor caddaalad ah.

Sacdiya waxay Guddigu u sheegtay in xabsiga dhexdiisa dhibaatooyin loogu geystay, sida ciqaab, cabsi-gelin, cunto yari, ciriiri, nadaafad-xumo, hawo yari, iyo xaddidaad lagu sameeyay booqashooyinka qoyskeeda.

Sidaas oo ay tahay Guddigu ma xaqiijin karo eedeymahaasi, waxaana uu ku baaqayaa in baaritaan buuxa oo madax-bannaan lagu sameeyo, si looga gun gaaro.

Guddigu wuxuu xusuusinayaa hay’adaha ay khuseyso in dastuurka, xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ah ee Soomaaliya qaybta ka tahay, ay dhammaantood dammaanad qaadayaan xaqa xorriyadda hadalka iyo badbaadada qofka, iyo sidoo kale xaqa helitaanka dhageysi caddaalad ah iyo habraac sharciyeed oo sax ah. Xuquuqahaasi waxay quseeyaan dhammaan dadka, oo ay ku jiraan maxaabiista.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim ayaa tiri: “Xariggu kama xayuubiyo qofka xuquuqdiisa aas-aasiga ah. Qof kasta oo xiran wuxuu weli xaq u leeyahay karaamo, in loola dhaqmo si bani’aadannimo leh, inuu helo daryeel caafimaad, xiriir qoys, iyo ilaalin sharci oo buuxda sida ay dhigayaan shuruucda dalka iyo kuwo caalamiga ah.”

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha ay khusayso inay xaqiijiyaan in si buuxda loo dhowro xuquuqda Sacdiya iyo dadka la midka ah, iyadoo la dedejinaayo hanaanka garsoorka, si waafaqsan habraacyada sharciga ah ee dalka.

Guddigu wuxuu sii wadi doonaa la socodka xarigga iyo xaaladda Sacdiya iyo guud ahaan maxaabiista, isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Sidee ayay DF u soo badbaadisay 9 qof oo u afduubnaa kooxda Al-Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in hawlgal ay ciidamada kumaandooska Danab ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe lagu soo badbaadiyay dad shacab ah oo ay haysteen kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu soo badbaadiyay 9 qof oo shacab ah, kuwaas oo u afduubna kooxda.

Intii hawlgalka uu socday, waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

“Ciidamada ayaa ku guuleystay inay dib xorriyaddooda ugu soo celiyaan sagaal qof oo ay afduub u haysteen argagixisadu, iyagoo sidoo kale dilay shan xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, oo uu ku jiray horjoogihii kooxda,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Si cad uma aysan sheegin dowladda sababta ay dadka lasoo badbaadiyay ugu xirnaayeen kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku badbaadiyeen dad rayid ah oo ay afduubteen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa ku guuleystay inay dib xorriyaddooda ugu soo celiyaan sagaal qof oo ay afduub u haysteen argagixisadu, iyagoo sidoo kale dilay shan xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, oo uu ku jiray horjoogihii kooxda.

Howl-galkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan amniga, kuna ciribtirayaan Khawaarijta arxanka daran ee ku howlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an sii dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha argagixisada, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad, xasillooni iyo karaamo.

Dhammaad

Aljeeriya iyo Soomaaliya oo isla gartay heshiis ku saabsan wax soo saarka tamarta iyo batroolka

0

Algiers (Caasimada Online) – Wasiirka Hidrokarboonada (Hydrocarbons) ee dalka Aljeeriya, Maxamed Arkab, ayaa maalintii Talaadadii ku qaabilay xarunta wasaaradda, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Arrimaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Aljeeriya.

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen Danjiraha Soomaaliya ee Aljeeriya iyo saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Hidrokarboonada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinaca hidrokarboonada.

Iyadoo la eegayo dardarta sii kordhaysa ee xiriirka Aljeeriya iyo Soomaaliya kadib booqashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ku tagay Aljeeriya bishii Nofeembar 2025, taasoo dhalisay saxiixa dhowr heshiis oo iskaashi ah.

Wadahadallada ayaa udub-dhexaad u ahaa rajada laga qabo iskaashiga dhinacyada sahminta, wax-soo-saarka, sifaynta iyo tababarrada, iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarinayso inay bilowdo hawlgallada sahminta saliidda iyo gaaska sannadka 2026.

Soomaaliya ayaa doonaysa inay ka faa’iidaysato khibradda Aljeeriya, gaar ahaan aqoonta kooxda  takhasuska tamarta Sonatrach, iyo sidoo kale hannaanka sharci iyo nidaam ee maamula shirkaddan.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha takhasuska leh ee labada dal iyo ballaarinta barnaamijyada tababarka iyo wareejinta khibradaha, gaar ahaan iyada oo loo marayo Machadka Batroolka ee Aljeeriya, si loo taageero dadaallada Soomaaliya ay ku horumarinayso qaybteeda tamarta.

Wasiirka Hydrocarbons ee Aljeeriya, Maxamed Arkab, wuxuu mar kale xaqiijiyay diyaargarowga Aljeeriya, isagoo raacaya awaamiirta Madaxweynahooda, Cabdulmajiid Tabuun, si ay u weheliso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, una taageerto khibradeeda dhinaca hidrokarboonada, iyadoo qayb ka ah xoojinta iskaashiga Afrika iyo iskaashiga dalalka Koonfurta (South-South cooperation).

Xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa soo xoogeysanayay tan iyo markii uu dalkaasi booqasho ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii Nofeembar 2025, xiriirkaasi oo dhaliyay heshiisyo iyo iskaashi dhex mara labada dal.

DF Soomaaliya oo deg-deg u fulisay dalabkii mucaaradka, siina deysay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sii deysay qaar kamid ah dadkii loo xiray banaanbaxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, taas oo ka dhigan in dowladdu deg-deg u fulisay dalabkii mucaaradka.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii saaka wada-hadallo uga furmeen xerada Xalane Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, iyadoo mucaaradka uu shuruudda koowaad ka dhigay sii deynta dadka shacabka ah ee loo xiray aragtiyahooda iyo cabashooyinkii ay muujiyeen dartood.

Kulamada u dhexeeya labada dhinac, oo ay garwadeen ka yihiin wakiillo ka socda beesha caalamka ayaa haatan door muhiim ah ka qaadanaya dadaallada lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee dalka.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in la guda galo dood ku saabsan nooca doorasho ee dalka iyo waqtiga ay qabsoomeyso, iyadoo Dowladda Federaalka ay weli ku adkeysaneyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa sheegay inay suurtagal tahay qabashada doorasho dadban oo ay ka qeyb-geli karaan qeybaha kala duwan ee bulshada, si looga fogaado khilaaf iyo muran hor leh oo siyaasadeed.

Golaha Mustaqbalka ayaa caawa yeelanaya kulan gaar ah oo ay kaga tashanayaan shirka berri ka dhacaya gudaha xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ee gudaha Xalane.

Wada-hadallada saaka bilowday ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee noocooda ah ee lagu qabto Xalane, isla markaana ay door weyn ku leedahay beesha caalamka, si loo gaaro xal kama dambeys ah oo ku saabsan khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana si weyn isku haya dhinacyada siyaasadda, maadaama lagu jiro xilli adag oo kala guur ah, isla markaana la isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Maxay tahay digniinta ay DF soo saartay ee ku socota Puntland?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SODMA) ayaa soo saartay digniin ku saabsan duufaan xooggan oo onkod iyo dabeylo wata, taas oo la filayo inay saameyn ku yeelato qaybo kamid ah gobollada Bari iyo Nugaal ee dowlad-goboleedka Puntland maalmaha soo socda.

Bayaan kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in xaaladdan cimilo ay dhici karto inta u dhexeysa 12-ka illaa 17-ka bishan May, iyadoo la saadaaliyay roobab mahiigaan ah oo ay wehlinayaan dabeylo xooggan, hillaac iyo onkod fara badan.

SODMA ayaa sidoo kale ka digtay mowjado badeed sareeya iyo daadad xooggan oo ka dhalan kara roobabka la filayo, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara isu socodka bulshada, gaadiidka iyo howlaha kalluumeysiga ee xeebaha Puntland.

Digniinta hay’adda ayaa si gaar ah u quseysa deegaannada Eyl, Dangorayo, Bandarbayla, Qardho iyo magaalada Garoowe, kuwaas oo kamid ah meelaha la filayo inay sida weyn u saameeyaan isbeddellada cimilada ee socda.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa shacabka ku nool deegaannadaas ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin looga hortagayo khasaaraha ka dhalan kara duufaannada iyo daadadka.

SODMA waxay bulshada kula talisay inay ka fogaadaan safarrada badda iyo howlaha kalluumeysiga inta ay digniintu socoto, maadaama mowjadaha sareeya iyo dabeylaha xooggan ay khatar gelin karaan badqabka dadka iyo doomaha.

Sidoo kale, hay’adda ayaa shacabka ku boorisay inay carruurta, dadka waayeelka ah iyo dadka nugul ka ilaaliyaan meelaha halista ah, isla markaana laga dheeraado geedaha dhaadheer iyo dhismayaasha daciifka ah xilliyada roobabka culus iyo dabeylaha xooggan.

Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin digniinta ay soo saartay SODMA, inkastoo deegaanno badan oo maamulkaas ka tirsan ay muddooyinkii dambe ka jireen xaalado abaareed oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Inta badan gobollada Puntland ayaa wajahaya abaaro xooggan, iyadoo roobkii gu’ga uu ka curtay meelo kooban oo keliya, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo xaaladda bani’aadannimo iyo saameynta ay roobabka duufaanta wata ku yeelan karaan bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Mucaaradka oo shuruudii koowaad hordhigay Xasan Sheekh – Maxay tahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Mustaqbalka oo maanta wada-hadal toos ah la furay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shuruudooda koowaad ka dhigay in marka hore ay dowladda sii deyso dadka shacabka ah ee ku xiran xabsiyada ee loo haysto aragtiyadooda iyo cabashooyin ay muujiyeen dartood.

Wararka ayaa sheegaya in dhanka Madaxweynaha uu aqbalay dalabka xubnaha mucaaradka, iyadoo la filayo in lasii daayo dadka haatan xiran.

Shuruudan ayaa loo arkaa mid ay mucaaradka ku doonayaan inay kusoo dhaweystaan dadka ku fikirka ah ee dagaalka kula jira dowladda, maadaama ay maalmahan qaar kamid ah dhalinyarada iyo dadka la barakiciyay ay la dareen noqdeen mucaaradka oo dibadbaxyo ka abaabulay gudaha Muqdisho.

“In mucaaradku ay qodobkaan ka dhigeen shardiga koowaad ee uu wadahadalku ku furmi karo soow mucaaradka kama dhigeyso in ay yihiin rag loo dhiman karo oo qadiyad iyo abaal labadaba leh?,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banadir Cali Yare Cali oo ka falceliyay dalabka mucaaradka.

Waxaa kale oo uu ku daray “Sidoo kale qalbiyada iyo dareenka dhallinyarada xirxiran iyo qoysaskooda kama dhigeyso midaan jabin oo bir ah?”.

Si kastaba, Wada-hadallada oo ku bilowday jawi deggan, uuna dhex-dhexaadinayo Mareykanka ayaa si habsami leh uga socda xayndaabka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, iyada oo diiradda lagu saarayo xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka.

Sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, shirka ayaa ka socda xafiis dowladdu leedahay oo ku dhex-yaallo Xalane, waxaana ka qayb-galaya Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehlinayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, halka dhinaca Golaha Mustaqbalka ay metalayaan Madaxweyne Deni, Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

Waa kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabanayo Xalane, isla markaana ay door wayn ku leeyahay beesha caalamka, si loo gaaro xal kama dambeys ah oo ku aadan khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

FIQI oo xog ka bixiyay shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka uga socdo Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay shirka haatan ka socda Xalane ee u dhexeeya madaxda dowladda iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in goobta lagu shirayo ay tahay xafiis dowladdu leedahay oo ku dhex-yaallo xayndaabka Xalane ee magaalada Muqdisho.

“Shirka madaxda dalka iyo kooxda mucaaradku xafiis dawladdu leedahay ayuu ka dhacayaa iyo dhul dawladdu ka taliso,” ayuu yiri Fiqi oo qoraal soo saaray.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in mucaaradka uusan wadan wax ajende ah, isla markaana ay ka muuqato kalsooni darro, sida uu hadalka u dhigay.

“Kuwa aan isku kalsoonayn ee dhibcaha ka raadinaya wax kasta waxaan u Cadnaan’s in madaxda dalka wadahadalku  u yahay mabda’, laakin kooxda calaacalku wax qiimo uguma fadhiyo, waayo wax ajende ah ma wataan oo aan ahayn wadahadal kasta in ay fashiliyaan,” ayuu mar kale yiri Wasiirku.

Axmed Macallin Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday shirkii baaqday ee uu horay u iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna tilmaamay in xubnaha Golaha Mustaqbalka ay diideen gogosha loo fidiyay.

“Waxay diideen gogosha madaxweynuhu u fididyey, tabartooda ayay soo tijaabsheen 10kii bishan, waxayna ku soo laabteen isla gogoshii qeyb ka mid ah,” ayuu sii raaciyay.

Wada-hadallada oo maanta bilowday ayaa waxaa ka qayb-galaya Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehlinayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, halka dhinaca Golaha Mustaqbalka ay metali doonaan Madaxweyne Saciid Deni, Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wadahadallada oo ku bilowday jawi deggan ayaa waxaa garwadeen ka ah Mareykanka, iyada oo diiradda lagu saarayo xaaladda cakiran ee dalka, iyadoo ujeedadu tahay in lagu gaaro xal waara oo la xiriira khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Waa kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabanayo Xalane, isla markaana ay door wayn ku leeyahay beesha caalamka, si loo gaaro xal kama dambeys ah oo ku aadan khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Taliyaha Xoogga oo Baydhabo u tegay fulinta laba qorshe + Sawirro

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo wafdi saraakiil ah ayaa maanta gaaray magaalad Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdigan culus oo ka baxay Muqdisho ayaa halkaas waxaa kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Taliska 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka, Taliska qaybta Booliska gobolka Baay iyo mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed.

Ujeedka safarka Taliye Ibraahim ee Baydhabo ayaa la xiriiray fulinta laba qorshe oo xasaasi ah, kuwaas oo dowladda ka damacsan tahay Baydhabo.

Arrinta koowaad ayaa ah sidii loo dardargelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, si mar kale la’isugu daba rido ciidamada, ugana howlgalaan gobollada Baay iyo Bakool oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, qorshaha kale ee labaad ayaa isna ah in la xoojiyo ammaanka magaalada Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran, maadaam Koonfur Galbeed ay ku jirto doorasho, lagana hortagayo wax kasta oo liddi ku ah nabad-gelyada.

Taliyaha ayaa sidoo kale inta uu joogo gudaha magaalada la kulmi doono mas’uuliyiinta maamulka, saraakiisha amniga iyo shacabka oo uu kala hadli doono qorshaha xoojinta amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Baydhabo ayaa waxaa dhawaan ka dhacay isbeddel maamul, kadib meesha laga saaray maamulkii Lafta-gareen, waxaana haatan ka socoto doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka iyo wakiilada.

Natiijada ayaa haatan laga war sugayaa, iyada oo doorashadan ay si weyn ugu loolamayaan xisbiyadii horay isugu diiwaan geliyay doorashooyinka tooska ah.

Fahad Yaasiin oo bixiyay raali-galin siyaasadeed kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo qoraal soo saaray ayaa bixiyay raali-galin siyaasadeed, oo ku aadan hadal uu horay ugu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Fahad oo qoraalkiisa ciwaan uga dhigay 𝙍𝘼𝘼𝙇𝙄 𝙂𝘼𝙇𝙄𝙉 𝙎𝙄𝙔𝘼𝘼𝙎𝘼𝘿𝙀𝙀𝘿 ayaa marka hore nasiib darro ku tilmaamay in maanta madaxda Soomaaliyeed ay heshiisiinyaan dalal shisheeye, ayna ku shirayaan xaydaabka xerada Xalane.

“Haddaan ogaan lahaa in Madaxweyne Xasan uu fariisanayo gogol ay shisheeye gar wadeen ka yihiin isagoo u muuqda ruux matalaya mid kamid ah kooxaha dalka ka jira, ma aanan qoreen hadalka hoos ku qoran,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Waxaa kale oo uu intaas raaciyay “Hoggaamiye aan qab lahayan ruuxii damca inuu u difaaco wuxuu ku danbeeyaa inuu raali galin ka bixiyo”.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran;-

Waa nasiib darro inaad u hiiliso hoggaamiye aan ajande qaran lahayn. Qoraalka hoose maalintaan soo qoray waxaan ilaalinayey karaamada Aqalka dalka looga arrimiyo.

Shalay wuxuu diiday inuu madaxda Soomaalida ugu tago Xalane, maantana Safiirro ayaa ugu yeeray Xalane si ay ugu khasbaan inuu la kulmo siyaasiyiin Soomaali ah.

Haddaan ogaan lahaa in Madaxweyne Xasan uu fariisanayo gogol ay shisheeye gar wadeen ka yihiin isagoo u muuqda ruux matalaya mid kamid ah kooxaha dalka ka jira, ma aanan qoreen hadalka hoos ku qoran.

Hoggaamiye aan qab lahayan ruuxii damca inuu u difaaco wuxuu ku danbeeyaa inuu raali galin ka bixiyo. Marka hala iga raalli ahaado in aan Xasan Sheekh u maleeyey Madaxweyne xurma u haya xilka iyo xafiiska loo dhaariyey. Waase natiijo dabiici ah marka hoggaamiyaha uu danta guud u tanaasuli waayo.

Mareykanka: Soomaaliya ma huri doonto doorasho toos ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha xilka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, ayaa sheegay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay u muuqdaan inay isku raacsan yihiin in dalka uu ugu dambeyn u gudbi doono nooc ka mid ah doorasho toos ah, balse muranka ugu weyn uu yahay sida, waqtiga iyo cidda hoggaamineysa hannaankaas.

Davis ayaa hadalkaas ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta Dawan Africa, xilli khilaaf xooggan uu ka taagan yahay hannaanka doorashada, wax ka beddelka dastuurka, xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan doorasho qof iyo cod ah.

“Waxaan u maleynayaa in labada dhinac ay isku raacsan yihiin in nooc ka mid ah doorasho toos ah ay lama huraan tahay,” ayuu yiri Davis.

“Sidaas darteed, muranku wuxuu ku saabsan yahay sida loo hirgelinayo, waqtiga lagu hirgelinayo, iyo cidda hoggaamineysa hirgelinta doorashooyinka tooska ah,” ayuu raaciyay.

Dowladda federaalka ayaa sheegta in doorasho toos ah ay lagama maarmaan u tahay in Soomaaliya ay ka gudubto hannaankii doorashada dadban ee ku dhisnaa awood-qeybsiga beelaha, kaas oo siyaasadda dalka hagayay muddo dheer.

Mucaaradka ayaa dhankooda sheegay in hannaanka doorashada tooska ah uu u baahan yahay heshiis siyaasadeed oo ballaaran, waxayna ku eedeeyeen maamulka madaxweyne Xasan Sheekh inuu si gooni ah u riixayo qorshe uu ku doonayo inuu muddo kororsi ku sameysto.

Waxay sidoo kale ku doodayaan in doorasho qof iyo cod ah aysan weli ka suurtagal ahayn Soomaaliya, halka dowladdu ay sheegtay in doorashooyinkii ka dhacay Muqdisho iyo Koonfur Galbeed ay muujiyeen in cod-bixin toos ah la qaban karo.

Davis ayaa sheegay in waxa muhiimka ah aysan ahayn oo kaliya in doorasho la qabto, balse ay tahay in la helo hannaan doorasho oo waqtiyeysan, macquul ah, kuna dhammaada xil wareejin nabadeed.

“Waxa sidoo kale muhiimka ah waa in la helo hannaan doorasho oo waqti ku habboon oo la taaban karo, kaas oo ay ku xigto xil wareejin nabadeed,” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa bishii December ku qabatay Muqdisho doorasho deegaan oo muran dhalisay, taas oo aheyd doorashadii ugu horreysay ee qof iyo cod ah oo caasimadda ka dhacda tan iyo 1969.

Doorashadaas ayaa ka dhacday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, iyadoo in ka badan 900,000 oo cod-bixiye la diiwaangeliyay, balse xisbiyada mucaaradka ayaa ku tilmaamay mid aan loo dhameyn oo hal dhinac u janjeertay.

Sidoo kale, 10-kii May, doorasho toos ah ayaa ka dhacday deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo ay codeeyeen ku dhowaad 400,000 oo qof, oo doortay golayaasha deegaanka iyo xildhibaanada.

Dowladda federaalka ayaa ku sheegtay tallaabo loo qaaday dhanka soo celinta cod-bixinta tooska ah, halka mucaaradka ay sheegeen in hannaanka noocaas ah uu sii kordhin karo kalsooni darrada siyaasadeed haddii aan lagu saleyn heshiis qaran oo ballaaran.

Davis ayaa sheegay in Mareykanka uu labada dhinac ku boorriyay inay wada-hadal iyo tanaasul muujiyaan, maadaama aan dhinacna laga filan karin inuu helo wax kasta oo uu doonayo.

“Ma jirto cid laga filayo inay wada-hadalka kasoo baxdo iyadoo heshay wax kasta oo ay rabtay,” ayuu yiri. “Tanaasulku wuxuu u baahan yahay wada-xiriir.”

Wuxuu sheegay in khilaafaadka la xiriira “arrimaha hantida, jadwalka doorashooyinka, xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada” iyo arrimo kale lagu xallin karo wada-hadal daacad ah, halkii loo adeegsan lahaa hanjabaad ama rabshad.

“Wada-hadal niyad wanaagsan ku dhisan, iyadoo aan loo leexan hanjabaad ama rabshad, waa sida ugu wanaagsan ee lagu xallin karo khilaafaadkan, laguna caawin karo dalka inuu hore u socdo,” ayuu yiri.

Davis ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida looga baahan yahay inay shacabka tusaan inay diyaar u yihiin inay dalka ka saaraan khilaafka siyaasadeed.

“Beesha caalamku waxay rajeyneysaa inay aragto horumar laga gaaro wada-hadallada toddobaadkan dhex-maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka siyaasadeed,” ayuu yiri.

“Waa lama huraan in Soomaalidu arkaan hoggaamiyeyaashooda oo sameynaya wax kasta oo ay awoodaan si dalka hore loogu dhaqaajiyo.”

“Su’aashu waxay tahay in hoggaamiyeyaashu Soomaalida siin doonaan fursad ay ku dagaallamaan mustaqbal wanaagsan, mise dagaal kale,” ayuu raaciyay. “Dalkan wuxuu soo maray dagaallo aad u adag. Nabadda, fursadda iyo barwaaqadu waa inay guuleystaan.”