29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Liiska xildhibaannada cusub ee Koonfur Galbeed oo la shaaciyay + Magacyada

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa saq-dhexe oo xalay ah shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka saddexaad ee maamulkaasi.

Guddiga ayaa sheegay in xubnaha cusub oo gaaraya 95 mudane ay soo xuleen odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, isla markaana ay buuxiyeen dhammaan shuruudaha dastuuriga ee kamid noqoshada Baarlamaanka.

Sidoo kale, waxaa warqadda lagu caddeeyay magacyada xildhibaannada iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan ee ku dhaqan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaannada cusub oo isla maanta la dhaarin doono ayaa kulankooda ugu horreeya isaga dhex dooran doono qofka ugu da’da wayn si uu u noqdo shir guddoonka kumeel-gaarka ah ilaa inta ay ka dooranayaan guddoon kooda.

Waxaa sidoo kale uu qorshuhu yahay in maalinta berri ah 29-ka Maarso uu guddiga qabto araajida musharraxiinta guddoonka golaha, iyadoo kadib ay dhici doonto doorashada guddoonka Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, waxaana kusii xigta doorashada madaxweynaha cusub, sida lagu sheegay go’aan horay uga soo baxay guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa saddex maalmood ka hor soo magacaabay guddigan oo durba howl-galay, kaas oo ka kooban 9 xubnood, iyadoo guddoomiye looga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen.

Ujeedada dhismaha guddigan ayaa  sidoo kale ah inuu ka shaqeeyo doorashada madaxweynaha maamulka, oo uu haatan muran ka taagan yahay, iskuna hayaan maamulka Lafta-gareen iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya dowladda dhexe.

Arrimahan ayaa sii hurinaya xiisadda labada dhinac oo isku rogtay gacan ka hadal, waxaana hadda ay u muuqataa in Lafta-gareen u bareeray inuu doorasho iskiis ah ku qabsado Baydhabo, isagoo qaaday waddadii Axmed Madoobe oo horay doorasho gaar ah ugu qabsaday Kismaayo.

Si kastaba ha’ahaatee xaaladda ayaa haatan faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

Iiraan oo cawaaqib adag uga jawaabi doonta shirqool ay maleegayaan Imaaraadka

Tehran (Caasimada Online) – Iiraan ayaa aaminsan in Imaaraadka Carabta uu door muuqda ka ciyaarayo dagaalka ay Maraykanka iyo Israa’iil kula jiraan dalkaas, isla markaana ay digniin adag u dirtay Abu Dhabi in duullaan dhulka ah oo lagu qaado Iiraan uu keeni karo weerarro ballaaran oo lagu beegsado hantida dawladda Imaaraadka.

Sida ay Middle East Eye u sheegeen laba sarkaal oo sare oo Iiraani ah, hoggaanka Tehran ayaa rumeysan in Imaaraadku aanu kaliya martigelin saldhigyada Maraykanka ee Khaliijka, balse uu sidoo kale si toos ah uu kaalin uga geystay hawlgallada militari ee ka socda gobolka.

Warbixintu waxay sheegtay in, muddo bil ah kadib markii dagaalku billowday isla markaana uu gilgilay suuqyada caalamka, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka fiirsanayo in ciidamo dhulka ah loo adeegsado qabsashada jasiirado istiraatiiji ah oo ku yaalla Marinka Hormuz, si looga hortago in Iiraan carqaladeyso sahayda tamarta adduunka.

Indhaha ayaa si gaar ah loogu hayaa jasiiradda Kharg, oo ah xarunta ay maraan ku dhowaad 90 boqolkiiba dhoofinta shidaalka Iiraan, iyo jasiiradda Qashm oo ka kor-jeedda marinka Hormuz.

Hawlgal noocaas ah ayaa la filayaa in laga soo qaado saldhigyada Maraykanka ee dalalka Carabta Khaliijka, kuwaas oo horeba bartilmaameed ugu noqday weerarro Iiraan ku sheegtay inay uga aargudaneyso duqeymaha Maraykanka iyo Israa’iil ee lagu qaaday dalkeeda, kuwaas oo la sheegay inay dileen ugu yaraan 1,900 oo qof.

Dareenka ka dhanka ah Iiraan ayaa sii xoogeysanayay toddobaadyadii la soo dhaafay dalalka Khaliijka, halkaas oo weerarro aargudasho ah ay ku dhaceen bartilmaameedyo kala duwan, oo ay ku jiraan kaabayaal tamareed oo muhiim ah.

Hadalka ugu kulul ayaa si gaar ah uga yimid Imaaraadka, oo saaxiib dhow la ah Israa’iil. Safiirka Imaaraadka u fadhiya Maraykanka ayaa toddobaadkan maqaal uu ku qoray wargeyska Wall Street Journal ku sheegay in xabbad-joojin keliya aysan “ku filneyn,” islamarkaana dhinacyadu ay ku riixaan “natiijo kama dambeys ah” oo wax ka qabata “dhammaan khataraha Iiraan.”

Wall Street Journal ayaa sidoo kale werisay in qaar ka mid ah dowladaha Carabta Khaliijka ay ka fiirsanayeen inay ku biiraan weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ku hayaan Iiraan.

Hase yeeshee, sida uu sheegay sarkaal sare oo amni oo Iiraani ah, madaxda Tehran waxay hadda aaminsan yihiin in Imaaraadku uu si firfircoon uga qayb qaatay dagaalka tan iyo bilowgiisii.

Sarkaalkaas ayaa sheegay in hoggaanka Iiraan uu “go’aansaday inuu soo afjaro dulqaad uu toddobaadyo u muujinayay Abu Dhabi,” kadib markii uu ku qancay in doorka Imaaraadku uu ka fogaa kaliya martigelinta xarumaha ciidamada Maraykanka ee horay loogu weeraray duqeymaha jawaab-celinta ah ee Iiraan.

“Iiraan waxay rumeysan tahay in Imaaraadku uu hawlgallada ka dhanka ah Iiraan u furay qaar ka mid ah garoomadiisa iyo xarumihiisa cirka,” ayuu yiri sarkaalkaasi.

Waxa uu intaas ku daray in Abu Dhabi ay muddo dheer u ahayd Israa’iil saldhig horumarsan oo ay danahaheeda gobolka ku maamusho.

Sarkaalka Iiraani ah ayaa sidoo kale soo hadal qaaday waxa uu ku tilmaamay “hawlgallo marin-habaabin ah,” oo ay ku jiraan weerarro been-abuur ah oo Israa’iil ka fulisay Cumaan iyo ugu yaraan hal dal kale, si loogu ekeysiiyo kuwo ay Iiraan fulisay.

Sida uu sheegay, Tehran waxay sidoo kale qiimeyneysaa in qayb ka mid ah wada-shaqeyntaasi ay ku lug lahayd adeegsiga kaabayaal casri ah oo sirdoon iyo sirdoon macmal ah oo ku yaalla gudaha Imaaraadka, kuwaas oo lagu taageerayay ururinta xogta iyo falanqeynta bartilmaameedyada Maraykanka iyo Israa’iil, oo ay ku jiraan macluumaad ku saabsan mas’uuliyiin iyo xarumo Iiraani ah.

Sarkaalka ayaa sheegay in weerarro kasta oo ka dhan ah maraakiibta Iiraan, doomaha yaryar ama xeebaha dalkaas oo laga soo abaabulo dhulka Imaaraadka ay Tehran hadda u arki doonto sare u kac weyn oo dagaal, kana jawaabi doonto si adag.

Cabsi laga qabo duullaan dhow

Dhanka kale, sarkaal kale oo sare oo diblomaasiyadeed oo Iiraani ah ayaa Middle East Eye u sheegay in Tehran ay aaminsan tahay in weerar dhulka ah oo Maraykanku hoggaaminayo uu hadda aad ugu dhow yahay inuu dhaco.

Waxa uu sheegay in qiimeynno sirdoon oo ay taageerayaan xog laga helay dalalka xulafada la ah Iiraan, oo ay ku jirto Ruushka, ay sii muujinayaan suurta-galnimada in weerarkaasi laga soo qaado Imaaraadka.

Toddobaadkii hore, Trump wuxuu ku hanjabay inuu burburin doono xarumaha korontada Iiraan haddii aan dib loo furin marinka Hormuz, oo ay dagaalka ka hor mari jireen ku dhowaad 30 boqolkiiba shidaalka caalamka.

Si kastaba, wuxuu laba jeer dib u dhigay weerarka uu ballanqaaday, isaga oo sabab uga dhigay wada-hadallo lala leeyahay Iiraan oo ku saabsan heshiis lagu soo afjarayo duqeymaha isla markaana dib loogu fasaxayo qulqulka shidaalka.

Diblomaasiga Iiraani ah ayaa sheegay in Tehran aysan dib-u-dhacaas u arkin fursad diblomaasiyadeed oo dhab ah, balse ay u aragto dabool lagu diyaarinayo ciidamo dheeraad ah iyo wejigii xigay ee dagaalka.

Reuters ayaa toddobaadkan werisay in Maraykanku la filayo inuu kumannaan askari oo dheeraad ah u diro Bariga Dhexe, taasoo sii kordhineysa joogitaankiisa militari ee horeba u weynaa ee gobolka.

Markii Maraykanka iyo Israa’iil ay 18-kii Maarso duqeeyeen xarunta gaaska South Pars, oo ka mid ah kaabayaasha ugu muhiimsan ee Iiraan, Tehran waxay kaga jawaabtay weerarro lagu beegsaday xarumo tamareed oo ku yaalla dalalka Khaliijka.

Gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ayaa sidoo kale ku dhacay hoteello, garoomo diyaaradeed, xarumo xogeed, dekedo iyo safaarado ku yaalla gobolka, iyadoo dagaalku sii xoogeysanayay.

Si kastaba, diblomaasiga Iiraani ah wuxuu sheegay in Tehran ay ilaa hadda si ula kac ah uga fogaaneed inay dalalka laga soo qaaday weerarrada u aqoonsato cadow buuxa.

Sababtaas awgeed, ayuu yiri, Iiraan waxay weerarradeeda ku koobtay bartilmaameedyo ay u aragtay kuwo si toos ah ugu xiran ciidamada Maraykanka ama xarumaha sirdoon ee la shaqeeya Maraykanka iyo Israa’iil, xitaa haddii qaarkood ay ku yaalleen goobo rayid ah oo ku dhex yaalla dalal sida Imaaraadka iyo Baxreyn.

Hase yeeshee, diblomaasiga ayaa ka digay in xakameyntaasi ay isla markiiba dhammaan doonto haddii duullaan dhulka ah lagu qaado Iiraan ama mid ka mid ah jasiiradaha ay maamusho.

Wuxuu sheegay in dal kasta oo laga soo qaado weerar noocaas ah uu Iiraan si toos ah ugu aqoonsan doonto dal cadow ah.

“Markaas kadib, weerarrada Iiraan kuma ekaan doonaan xarumo militari ama sirdoon oo keliya, balse dhammaan hay’adaha dawladda iyo danaha ku xiran dowladda ayaa noqon doona bartilmaameed suurtagal ah, oo ay ku jiraan hanti ganacsi iyo mid ma-guurto ah oo dowladda Imaaraadku saamiyo ku leedahay,” ayuu yiri.

“Xeerarkii hore ma sii shaqeyn doonaan haddii uu duullaan dhaco,” ayuu intaas ku daray. “Haddii dal kasta uu ka qayb qaato qabsashada xitaa hal taako oo dhul Iiraani ah, dalkaa waxaa loola dhaqmi doonaa gardarroole.”

Sida uu sheegay diblomaasigu, fariintan ayaa mar hore loo gudbiyay dowladda Imaaraadka. 

Xaalad halis ah oo ku soo wajahan Soomaaliya oo si weyn looga digay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka digay xaalad halis ah oo uu sheegay inay dalka ku soo wajahan tahay, taas oo ka dhalanaysa isku biirka cadaadisyo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in arrimahan isbiirsaday ay si tartiib tartiib ah dalka ugu riixayaan marxalad adag oo aan si sahlan looga soo kaban karin, haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.

Warsame ayaa si gaar ah uga hadlay xaraashka lagu hayo hantida qaranka, isaga oo tilmaamay in la iibinayo ama la wareejinayo goobo muhiim u ahaa adeegga bulshada sida xarumo dowladeed, isbitaallo, goobo waxbarasho iyo suuqyo ganacsi, taas oo uu ku eedeeyay hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu arrintan ku tilmaamay mid si toos ah u saameyneysa nolosha iyo dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed, isla markaana horseedi karta burbur dhaqaale oo baahsan.

“Madaxweynaha iyo kooxdiisu waxay khalad iyo daciifnimo ku fasireen daalka shacabka iyo diidmada lagaga hor yimi in dib loogu laabto dagaallo sokeeye,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale, waxa uu ka digay in haddii aan xal laga gaarin xiisadaha siyaasadeed, arrimaha doorashooyinka iyo cabashooyinka shacabka ay suuragal tahay in dalka uu galo marxalad qalalaase siyaasadeed iyo kacdoon bulsho oo aan la saadaalin karin halka uu ku dambeyn doono.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Xaaladda Dalka: Xaqiiqooyin iyo Saadaal soo Wajahan

Xaraashka hantida qaranka, barakicinta shacabka, iyo cadaadisyada isbiirsaday ee bulsho, siyaasad iyo dhaqaale ayaa si tartiib ah u abuuraya xaalad halis ah oo innagu soo food leh. Arrimahani ma aha kuwo gooni gooni ah, ee waa silsilad isku xiran oo dalka u riixaysa jiho aan la saadaalin karin.

1. Xaraashka hantida qaranka iyo baaxaddiisa

Xarumihii wasaaradaha, xeryihii ciidammada, isbitaalladii, goobihii waxbarashada, xarumihii hooyada iyo dhallaanka, iyo suuqyadii ganacsiga dhammaantood waa la xaraashay.

Maanta waxay gaartay Suuqa Bakaaraha oo ah wadnaha dhaqaalaha dalka, taas oo muujinaysa heerka ku takrifalka hantida guud iyo sida ay u saamaynayso nolosha shacabka. Waxa socda waa in shacabka la cayrteeyo.

2. Barakicin iyo burbur dhaqaale

Boqollaal kun oo dad danyar ah ayaa hore loo barakiciyey, lana seejiyey nololmaalmeedkoodii, iyaga oo laga dhigay dad barakace ku ah gudaha dalka (IDP).

Waxa maanta socda waa barakicin dhaqaale oo heer qaran ah, xilli dalka uu wajahayo abaar ba’an, dhaqaale xumo, shaqo la’aan baahsan, iyo kororka qiimaha maciishadda iyo shidaalka. Waa ayaandarro weyn iyo burbur dhaqaale oo si looga soo kabto aan la garan karin.

3. Eex, awood urursi, iyo sinaan la’aan

Hantidii iyo awooddii dalka waxa si qorshaysan loogu wareejiyey koox yar oo isugu jira: qoyska madaxweynaha, saaxiibbadiisa danlayda ah iyo taageerayaashiisa siyaasadeed.

Tani waxay sii xoojinaysaa dareenka ku dhisan dulmiga, kala sarraynta, sinnaan la’aan iyo eexda qaawan. Waxay wiiqaysaa hay’adihii dawladeed, waxayna naaxinaysaa kooxo gaar ah oo ah “makullaalaha cayilan.”

4. Xiisadaha siyaasadeed iyo hubanti la’aanta

Culayska dhaqaale waxa sii hurinaya xiisado siyaasadeed oo isa soo taraya: halista ka dhalanaysa dagaal lagu qaadayo dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed, heshiis la’aanta doorashooyinka, iyo hubanti la’aanta xilliga kalaguurka. Dhammaan xiisadahaas oo idil waxay muujinayaan culayska waqtigu soo sido iyo saadaasha xun ee mustaqbalka dalku foolanayo.

5. Carada shacabka iyo calaamadaha kacdoonka

Carada shacabka si joogto ah ayey u kordhaysaa, iyada oo saboolnimo, musuqmaasuq, iyo rejo la’aan ay sii hurinayaan. Dhanka kale, falcelinta dawladda waa mid ka fog masuuliyad.

Waxay ku kacaysaa xarig sharcidarro ah, xannibaado safar, hanjabaad, iyo afxumo. Soomaalidu hore waxay u tiri: “afxumo colaadna waxba kama tarto nabadna way kaa kaxaysaa.

Muddaaharaadyada, kulannada, iyo shirarka jaraa’id ee ay shacabku qabanayaan ma aha dhacdooyin gooni ah, waa bilowga kacdoon aan la saadaalin karin jihada uu qaadi doono.

Madaxweynaha iyo kooxdiisu waxay khalad iyo daciifnimo ku fasireen daalka shacabka iyo diidmada lagaga hor yimi in dib loogu laabto dagaallo sokeeye. Ma aha daciifnimo ee waa dulqaad, laakiin dulqaadku xad ayuu leeyahay, oo haddii uu dhaafo uu isu beddelo kacdoon arlada jiira, oo wax kasta burburiya. Ma aha in la dhayalsado dulmiga iyo tacaddiyada lagu hayo shacabka.

Gunaanad

Cadaadisyadan is barkani waxay si lamafilaan ah u keeni karaan foolkaane iyo qarax bulsho, haddii aan si midaysan oo masuuliyadi ku dheehan tahay looga hortagin.

Jidka uu taliska Madaxweyne Xasan Sheekh waddanka ku wado natiijadeedu kuma ekaan doonto isaga iyo inta la macaashta oo keli ah, ee waxay si toos ah u rogi doontaa dhammaan dalka oo dhan.

Wuxuu waajib innaga saaran in aan ka hortagno, oo aan iska qabanno inta aynaan doonta dawladnimada nala wada degin . Hore waxa loo yiri, “belaayo af la qabto ayey leedahay ee dabo la qabto ma leh.”

Koox xiriir la leh Iran oo jabsaday email-ka agaasimaha FBI-da Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Koox jabsadeyaal ah (hackers) oo lala xiriiriyo dalka Iiraan ayaa Jimcihii sheegtay inay jabsadeen iimaylka shakhsiga ah ee Agaasimaha Hay’adda FBI-da, Kash Patel, iyagoo internet-ka ku baahiyay sawirro iyo dukumiintiyo la xiriira agaasimaha.

Barta ay internet-ka ku leeyihiin kooxdan oo lagu magacaabo Handala Hack Team ayaa lagu qoray in Patel “uu hadda magaciisa ka dhex heli doono liiska dadka sida guusha leh loo jabsaday.”

Jabsadeyaasha ayaa baahiyay sawirro shakhsiyadeed oo isdaba-joog ah, kuwaas oo muujinaya Patel oo cabbaya sigaarka waaweyn (cigars), wata gaari duug ah oo saqafka furan, iyo isaga oo sawir iska qaadaya isagoo gacanta ku haya dhalo khamri ah.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Caddaaladda Mareykanka (Justice Department) ayaa xaqiijiyay in la jabsaday iimaylka Patel, isaga oo intaas ku daray in xogta lagu baahiyay internet-ka ay u muuqato mid dhab ah, inkastoo baaritaan weli socdo.

Hay’adda FBI-da ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin codsiyo warbaahineed oo la xiriira arrintan. Qaar ka mid ah xogta ay baahisay kooxda Handala ayaa u muuqata isku-dhaf fariimo shaqsi ah iyo kuwo shaqo, kuwaas oo taariikhdoodu u dhexeyso sanadihii 2010 ilaa 2019.

Kooxda Handala, oo isku tilmaanta inay u doodayaan Falastiin isla markaana ah jabsadeyaal u dhaqma sidii ciidan difaac, ayaa cilmi-baarayaasha reer Galbeedku u arkaan inay ka mid tahay kooxo dhowr waji leh oo lala xiriiriyo unugyada sirdoonka internet-ka ee dowladda Iiraan.

Kooxdan ayaa sidoo kale dhowaan sheegatay inay jabsadeen shirkadda qalabka caafimaadka ee Stryker oo fadhigeedu yahay gobolka Michigan, iyagoo sheegay inay tirtireen xog aad u badan oo shirkaddu lahayd, inkastoo shirkaddu aysan si buuxda u xaqiijin khasaaraha la sheegay.

Si kastaba, ciwaanka gaarka ah ee Gmail-ka ee ay Handala sheegtay inay jabsatay ayaa la mid ah ciwaan horay loola xiriiriyay Patel intii lagu guda jiray xog-jabsiyo hore oo lagu baahiyay mareegaha xogaha la xaday ee internet-ka madow.

Dowladda UK oo bayaan kulul ka soo saartay xiisadda DF iyo Koonfur Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda UK ayaa ku baaqday is-xakameyn iyo in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Britain ayaa si adag uga digtay in xasaradahan cirka isku sii shareeraya ay si weyn u wiiqi karaan amniga, isla markaana ay uga sii dari karaan xaaladda bulshooyinka markii horeba la daalaa-dhacayay culeysyada ba’an ee dhanka bani’aadannimo.

Qoraal rasmi ah oo ay soo saartay Safaaradda UK ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay inay xukuumadda London “si dhow ula socoto isbeddellada iyo xaaladaha ka soo kordhaya Koonfur Galbeed.” Safaaradda ayaa xustay in xiisadaha dhowaanahan soo baxay ay halis ugu jiraan inay gabi ahaanba fashiliyaan xaaladda amniga, saameyn tabanna ku yeeshaan bulshooyinka la tacaalaya dhibaatooyinka nolosha.

“Maadaama aan nahay saaxiib iyo isbahaysi dhow oo Soomaaliya ay leedahay, waxaan dhammaan dhinacyada ugu baaqaynaa inay muujiyaan is-xakameyn, mudnaanta koowaadna ay siiyaan dejinta xaaladda,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay safaaradda.

Baaqan ayaa noqonaya mid ka mid ah fariimihii ugu caddaa ee fagaaraha loo soo bandhigo oo ay xukuumadda London ku muujinayso walaaca weyn ee ay ka qabto is-mari-waaga sii xumaanaya ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Khilaafkan ayaa haatan isu beddelay mid ka mid ah dil dillaacyada ugu halista badan ee soo kala dhex-gala dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada bilihii u dambeeyay.

Xasaraddan ayaa weji cusub yeelatay 17-kii bishii Maarso, kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu hakiyay dhammaan wada-shaqeyntii kala dhexaysay Muqdisho. Maamulka gobolka ayaa mas’uuliyiinta federaalka ku eedeeyay inay gadaal ka riixayaan qorsheyaal la doonayo in lagu khal-khalgeliyo nidaamka deegaanka, xilkana lagaga tuuro Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Isku-dhacan ayaa dhaliyay cabsi weyn oo ku aaddan in xiisadda siyaasadeed ay isu beddesho gacan-ka-hadal iyo amni-darro, xilli dalku uu weli culeys kala kulmayo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, bulshooyin badanna ay dhibbane u yihiin abaaro, barakac, iyo adeegyada aasaasiga ah oo aad u liita.

Safaaradda Ingiriiska ayaa dhankeeda xaqiijisay inay xiriir joogto ah la leedahay madaxda “heer federaal iyo heer dowlad-goboleedba,” iyadoo dhiirrigelisay in la furo wada-hadal wax-dhisaya oo loo dhan yahay, kaas oo dhexmara dhammaan dhinacyada iyo saamileyda siyaasadda.

Sidoo kale, safaaraddu waxay si diirran u soo dhoweysay dadaallada dhex-dhexaadinta ah ee ay garwadeenka ka yihiin odayaasha dhaqanka, iyadoo xustay in tallaabooyinkaasi ay gacan weyn ka geysan karaan in la helo waddo nabadeed oo xal lagaga gaaro khilaafka.

Soo-dhexgalka Ingiriiska ayaa leh miisaan culus oo dhanka diblomaasiyadda ah, maadaama xukuumadda London ay muddo dheer ahayd mid ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee ugu muhiimsan ee ay Soomaaliya leedahay, iyadoo door firfircoon ku leh geeddi-socodka dhismaha dowladnimada, bixinta gargaarka bani’aadanimo iyo taageeridda tayeynta qaybaha amniga dalka.

Magaalada Baydhaba, oo ah xuddunta siyaasadda ee Koonfur Galbeed, ayaa sanado badan ahayd xarun weyn oo ay ka hawlgalaan hay’adaha gargaarka iyo kuwa iskaashiga amniga.

Sidaas darteed, xasillooni-darrada ka dhalata deegaankaas ma aha oo keliya mid welwel ku haysa madaxda Soomaalida, balse sidoo kale waxay dhiillo iyo walaac weyn ku tahay saaxiibada shisheeye ee waqtiga iyo dhaqaalahaba geliyay geeddi-socodka jilicsan ee xasillinta dalka.

DF SOOMAALIYA oo kaarka NIRA geysay dalka Kenya + Sawirro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa laga hirgeliyay xafiis ay yeelaneyso Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), si loo fududeeyo adeegyada aqoonsiga ee la siinayo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Xafiiskan cusub ayaa waxaa si rasmi ah uga daahfuray xarunta safaaradda Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) Cabdiweli Cali Cabdulle.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta safaaradda ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ka qeyb-galay diblomaasiyiinta safaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

Maareeyaha Hay’adda NIRA, Cabdiweli Cali Cabdulle ayaa munaasabadda ka sheegay in hay’addu ay ballaarisay adeegyada ay bixiso, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku nool ay u helaan adeegyada aqoonsiga iyo diiwaangelinta. Wuxuu xusay in safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay noqoneyso safaaraddii 30-aad ee laga hirgeliyo xafiis NIRA ah.

Sidoo kale, Maareeyaha ayaa tilmaamay in xafiiskan cusub uu fududeyn doono helitaanka kaarka aqoonsiga qaranka, isla markaana uu yareyn doono baahida loo qabo in muwaadiniintu dalka gudihiisa u safraan si ay u helaan adeegyada aqoonsiga.

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa isna sheegay in furitaanka xafiiskan uu muhiim u yahay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, kuwaas oo hadda fursad u heli doona inay si toos ah safaaradda uga qaataan kaarka aqoonsiga qaranka.

Jibriil ayaa xusay in safaaraddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada ay u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya inay ka faa’iideystaan adeegyada ay bixineyso Hay’adda NIRA.

Si kastaba, kaarka aqoonsiga qaranka ayaa muhiim u ah muwaadinka, waxaana dhawaan dowladda Soomaaliya ay waajib ka dhigtay qaadashada kaarkan oo ay ku xirtay adeegyada hay’adaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah ee loo yahay, iyada oo fartay in aysan u adeegin qof aan wadan kaarka NIRA.

Tallaabadan ayey dowladdu ku sheegtay mid qayb ka ah dadaalka qaran ee lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka guud, laguna tayeynayo adeegyada bulshada, iyadoo lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo in Soomaali kasta si sax ah loo aqoonsado loona diiwaan-geliyo.

Israa’iil oo godka ku sii dheeraynaysa Trump – Maxay ku dhawaaqday maanta?

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga ee Israa’iil, Yisrael Katz ayaa maanta ku dhawaaqay in ciidanka Israa’iil ay kordhin doonaan weerarradooda ka dhanka ah Iran, xilli Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku dhawaaqay toban maalmood oo dheeraad ah inta aan la qaadin tallaabooyin militari oo culus.

Katz ayaa sheegay in Israa’iil aysan joojin doonin duqeymaha ay ka waddo bartilmaameedyada la xiriira awoodda militari ee Iran, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Tehran ay bixin doonto “qiimo culus” oo ka dhasha weerarrada gantaallada ee lagu beegsanayo Israa’iil.

Wuxuu ballanqaaday in la kordhin doono baaxadda weerarrada, isla markaana la beegsan doono goobo dheeraad ah oo lagu tuhunsan yahay inay kaalin ku leeyihiin horumarinta iyo adeegsiga awoodaha militari ee Iran, gaar ahaan kuwa la xiriira gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

“Inkasta oo digniino la bixiyay, haddana weerarradu way socdaan, ciidanka Israa’iilna waxay kordhin doonaan oo ballaarin doonaan duqeymaha ka socda Iran si ay u gaaraan bartilmaameedyo kale oo ka tirsan qaybaha ka caawiya nidaamka inuu horumariyo oo adeegsado awood ciidan oo ka dhan ah rayidka Israa’iil,” ayuu yiri Katz.

Wuxuu intaas kusii daray: “Waxay bixin doonaan qiimo culus, oo sii kordhaya, dambigan dagaal awgiis,” isaga oo ula jeeda weerarrada gantaallada ee Iran ay ku qaadayso Israa’iil, kuwaas oo sababay khasaare iyo cabsi soo wajahday shacabka.

Dhawaaqa kasoo yeeray Israa’iil ’iil ayaa imanay xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu siinayo Iran muddo 10 maalmood ah oo dheeraad ah si loo gaaro heshiis ama loo joojiyo xiisadda, ka hor inta aan la qaadin tallaabooyin militari oo culus.

Tan ayaa daba socota farriin uu dhawaan Mareykanka u diray Iiraan, isaga oo adeegsanaya ergo iyo dalal dhexdhexaad ah, taas oo la gaarsiiyay Tehran. Madaxweyne Trump ayaa hadda daneynaya inay bilowdaan wada-hadallo u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan, kuwaas oo muddo hakad ku jiray.

Si kastaba, xiisadda dagaal ee u dhexeysa Israa’iil iyo Iran ayaa haatan mareysa heer aad u sareeya, iyadoo beesha caalamka ay ku baaqeyso in la dejiyo xaaladda, lana bilaabo wada-hadal diblomaasiyadeed si looga hortago dagaal ballaaran oo ka qarxa Bariga Dhexe.

Farmaajo oo sheegay in Xasan Sheekh uu qaaday waddadii kali-taliska kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu qaaday waddadii kali-talisnimada, kadib markii uu xabsi guri geliyay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub).

Shub oo Arbacaddii laga qaaday xilka ayaa hoygiisa Muqdisho la dul dhigay ciidamo badan, kuwaas oo si toos ah ula wareegay mas’uuliyadda ilaalinta guriga iyo sidoo kale bixinta saadka iyo raashinka, si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaq kasta oo la xiriira taliyahaasi hore.

“Tacaddiga lagula kacay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo hoygiisa magaalada Muqdisho la dul-dhigay ciidan, lagana qaaday xorriyaddiisa, waa fal cad oo aargoosi siyaasadeed ah,” ayuu yiri Farmaajo oo war-saxaafadeed soo saaray.

Waxa uu intaas kusii daray: “Wuxuu u muuqdaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu qaaday waddadii kali-talisnimada (dictatorship).”

Sidoo kale, madaxweynihii hore ayaa waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu yahay doorasho diid ka tashaday shacabka iyo haldoorka Soomaaliyeed.

“Beegsiga sii kordhaya ee nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku hayo Wasiirrada, Xildhibaannada, Saraakiisha iyo masuuliyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee taageersan qabsoomidda doorashada deegaankooda waxa ay caddaynaysaa in Madaxweynuhu uu yahay doorasho diid ka tashaday shacabka iyo haldoorka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Farmaajo ayaa uga digay Madaxweynaha Soomaaliya ku takri-fal awoodeed iyo inuu sii wado damaciisa shakhsiga ah, oo uu sheegay inuu halis gelinayo dowladnimada dalka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

“Annaga oo ku baaqayna in degdeg loo siidaayo Taliyaha la afduubtay, waxaan uga digaynaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaanayo ku takri-falka awoodda.”

Xarigga Taliye Shub ayaa lala xiriirinaya xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, taas oo ka dhalatay arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’doon ku haysa hoggaanka maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo la wareegtay inta badan magaalooyinka waaweyn ee maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Koonfur-Galbeed ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka, iyadoo weli ciidamo lagu sii wado deegaannada maamulkaasi, taas oo sii adkeynaysa xaaladda taagan, isla markaana keeni karta inuu qarxo dagaal u dhexeeya labada dhinac.

Xuutiyiinta oo ku dhawaaqay go’aan la xiriira dagaalka Iran

Sanca (Caasimada Online) – Xoogagga Xuutiyiinta Yemen oo si dhow ula safan Iiraan ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay dib u bilaabaan weerarro ay ka geystaan Badda Cas, kuwaas oo si weyn u saameyn kara maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah.

Weerarradii hore ee ay kooxdan ka fulisay marin-biyoodkaasi intii uu socday dagaalka Gaza ayaa sababay jahawareer xooggan, iyadoo shirkado badan oo maraakiib ah ay beddeleen waddooyinkoodii si ay uga fogaadaan halista amni.

Hadda, iyadoo xiisadda Bariga Dhexe ay sii kordheyso, Xuutiyiinta ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin inay mar kale qaadaan tallaabooyin militari oo ka dhan ah maraakiibta, iyagoo muujinaya taageeradooda Tehran.

Hoggaamiye sare oo ka tirsan Xuutiyiinta ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in qorshayaashooda militari ay weli furan yihiin, isla markaana ay sugayaan go’aanka kama dambaysta ah ee hoggaanka sare.

“Si buuxda ayaan u diyaarsanahay ciidan ahaan, dhammaan qorshayaasheenuna way furan yihiin,” ayuu yiri sarkaalkan oo aan magaciisa la shaacin, isagoo xusay in waqtiga saxda ah ee ay tallaabo qaadi doonaan uu ku xirnaan doono go’aanka hoggaanka sare iyo sida uu dagaalku u socdo.

Tallaabadan suurta-galka ah ayaa la rumeysan yahay inay sii xumeyn karto qalalaasaha dhaqaale iyo kan shidaalka ee caalamka, maadaama marin-biyoodka Badda Cas uu yahay mid aad muhiim ugu ah isu-socodka ganacsiga adduunka.

Haddii ay Xuutiyiintu furaan jiho cusub oo dagaal, bartilmaameedkooda ugu weyn wuxuu noqon karaa marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ah marin istaraatiiji ah oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Marinkan ayaa muhiim u ah maraakiibta u kala goosha Yurub iyo Aasiya, gaar ahaan kuwa u socda Kanaalka Suweys, taas oo ka dhigeysa meel si weyn u saameyn karta dhaqaalaha caalamka haddii la carqaladeeyo.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Iiraan ay si wax ku ool ah u adkeysay xakameynta marin-biyoodka Hormuz, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in marinno kale oo muhiim ah ay halis galaan.

Kooxo kale oo xulufada la ah Iiraan, sida kuwa ka jira Lubnaan iyo Ciraaq ayaa horey ugu biiray dagaalka gobolka, iyagoo weerarro ka dhan ah danaha Mareykanka iyo Israa’iil ka fuliyay meelo kala duwan.

Si kastaba, Xuutiyiinta Yemen oo leh awood milatari oo ballaaran iyo hub casri ah, weli ma qaadin tallaabo rasmi ah oo ay si buuxda ugu biirayaan dagaalka socda.

Saraakiil ka tirsan ciidanka AUSSOM oo la xiray iyo kiis xasaasi ah oo loo haysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), qeybna ka ahaa howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AUSSOM ayaa xabsiga la dhigay kadib markii dowladda Uganda ay dacwad ku soo oogtay.

Saddexda sarkaal oo kala ah Korneyl George Buga Andruca, oo hore u ahaa taliyaha cutubka duulista ee UPDF ee ka howl-galayay Soomaaliya; Major Benjamin Kashumbusha, oo ahaa sarkaal howlgallo fulin jiray isla cutubkaasi; iyo Lieutenant Henry Gygenda, oo ahaa injineer ka tirsan cutubka duulista, ayaa loo haystaa mas’uuliyadda khasaaraha diyaarad milateri oo ku burburtay Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa ka soo hor muuqday guddi ka kooban saddex garsoore oo uu hoggaaminayay Korneyl Frederick Kangwamu, iyadoo lagu soo oogay hal dambi oo la xiriira falal khaldan oo la sheegay inuu sababay khasaaraha diyaaradda.

Dhammaantood waxay beeniyeen eedaha loo jeediyay, kuwaas oo haddii lagu helo ku muteysan karaan ciqaab adag.

Xeer-ilaalintu waxay maxkamadda u sheegtay in baaritaannadu weli socdaan, taasoo keentay in kiiska dib loo dhigo. Maxkamaddu waxay amartay in saraakiisha lagu sii hayo xabsi ilaa 4-ta April o2026, markaas oo mar kale la hor keeni doono.

Dacwad oogayaasha ayaa ku andacooday in saraakiishan ay ku lug lahaayeen hawlgal si dayacaad ah loo fuliyay bishii Sebtembar 2024, kaas oo sababay in diyaaraddii ciidamada Uganda ay burburto oo gebi ahaanba lunto.

Diyaaradaha milateriga Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka ciyaara qaadista ciidamo iyo sahay, gaar ahaan meelaha halista ah, hase yeeshee sanadihii u dambeeyay ciidamada Uganda ayaa wajahaya shilal diyaaradeed oo soo noq-noqday, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Xisbiga Xasan oo dhoolatus ka sameeyay Muqdisho xilli uu lumiyay xubno culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Muqdisho ku qabsaday munaasabad u muuqatay dhoolatus siyaasadeed.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga, kuwaas oo kulan muhiim ah la qaatay hawl-wadeennada xisbiga.

Kulankan oo diiradda lagu saaray dardar-gelinta howlaha hortabinta u leh xisbiga ayaa imanaya xilli xisbigu luminayay xubno miisaan leh, kadib khilaaf soo kala dhex-galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa sidoo kale si gaar ah loogu falanqeeyay halka uu marayo geeddi-socodka dhameystirka arrimaha la xiriira xubnaha golaha deegaanka ee dooran.

“Xisbiga waxaa ka go’an horumarinta dimuqraadiyadda iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan hufnaan iyo isla-xisaabtan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Arbacaddii, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Xoghayaha Guud iyo xubinnimadii Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Odowaa oo xisbiga ka tirsanaa in ka badan 10 sano ayaa banaanka keenay khilaaf huursanaa oo soo kala dhex-galay isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga JSP, ahna Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Odowaa ayaa sheegay in madaxweynuhu uu xisbiga ka dhigay mid isaga ka billaabata kuna dhammaata, isla markaana uu diiday tixgelinta ra’yiga ka duwan midkiisa.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay inuu isku dayay in Xasan Sheekh uu ka joojiyo wax ka beddelka dastuurka oo xiisad siyaasadeed ka riday dalka, balse uu ka dhago adaygay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xasan Sheekh uu si adag uga diiday siyaasadiisa burburinta dowlad-goboleedyada dalka. Odowaa ayaa tilmaamay in wixii hadda ka dambeeya uu abbaari doono jiho siyaadadeed oo ka duwan tii uu muddada dheer ku soo jiray.

Ugu dambeyntiina, Xildhibaanka ayaa sheegay inuu guntiga u xiran doono inuu bahwadaag la noqdo cid kasta oo ay ka midoobi karaan mabaadi’ida Soomaalinnimada iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Xog: Ciidan badan oo maanta lagu daadiyay xaafadaha Baydhaba – Maxaa socda?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Xaafadaha magaalada Baydhabo ayaa saaka lagu daadiyay ciidamo aad u hubeysan oo intooda badan wajiyada qarsaday, kuwaas oo si weyn u xaddiday dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Dadka ku nool magaalada Baydhabo ayaa sheegay in meel kasta oo magaalada ah lagu arkayo ciidamadan oo wata gaadiid dagaal, isla markaana xiray qaybo kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee dhexmara xaafadaha magaalada.

Ciidamadan ayaa si gaar ah u adkeeyay ammaanka xarumaha dowladda, isgoysyada waaweyn iyo waddooyinka gala madaxtooyada Koonfur Galbeed, iyadoo dadka rayidka ah mararka qaar lagu amrayo inay ka leexdaan waddooyin ay hore u isticmaali jireen.

Ujeedka rasmiga ah ee ka dambeeya ciidamadan lagu soo daadiyay magaalada weli si cad looma shaacin, hase yeeshee waxaa jira warar kala duwan oo arrintan la xiriira, kuwaas oo sheegaya in ay la xiriirto qorshe doorasho oo uu qabanayo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Warar kale ayaa sheegaya in maamulka Laftagareen uu dareemayo culays dhinaca amniga ah, taasoo sababtay in la kordhiyo ciidamada magaalada lagu daadiyay si loo xoojiyo amniga guud ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan xilligan ay kacsan tahay xaaladda siyaasadeed.

Dhanka kale, waxaa la soo sheegayaa in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka socdaan duleedka magaalada Baydhabo, kuwaas oo ay wadaan kooxo mucaarad ah oo kasoo horjeeda maamulka Laftagareen, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin awooddooda iyo halka ay ku sugan yihiin.

Dadka deegaanka ayaa muujinaya cabsi la xiriirta xaaladda amni ee magaalada, iyagoo ka baqaya in iska horimaad ciidan uu ka dhaco Baydhabo, maadaama xiisadda siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ay sare u kaceen, isla markaana laga cabsi qabo in dagaal uu qarxo waqti kasta.

Dagaalka Iiraan oo si weyn u caawiyey kooxda Daacish ee Soomaaliya iyo Muumin oo…

Boosaaso (Caasimada Online) — Isbeddel weyn oo ku yimid istaraatiijiyadda milateri ee Mareykanka, kaas oo awooddiisa isugu geeyay dagaalka Iiraan, ayaa si dadban u sii huriyay dib-u-soo-kicidda kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamiga ah (Daacish) ee gudaha Soomaaliya.

Sida lagu daabacay warbixin cusub oo uu qoray wargeyska The Times ee dalka Ingiriiska, Soomaaliya ayaa haatan loo aqoonsaday inay tahay saldhigga uu ku sugan yahay hoggaamiyaha guud ee kooxdaas caalamiga ah.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa wargeyska u xaqiijiyay in weecinta taageerada dhanka cirka ee Mareykanka iyo yaraanta kaydka saanadda milateri ay shabakaddan argagixisada ah fursad u siisay inay dib isugu soo abaabulaan Geeska Afrika, kadib sanad ay la kulmeen khasaare lixaad leh.

Inta badan sanadkii la soo dhaafay, ciidamada Mareykanka ayaa si dhow ula shaqeynayay ciidamada Soomaaliya olole joogto ah oo si adag loogu baacsanayay Cabdulqaadir Muumin.

Wadaadkan mayalka adag, oo sanado badan wacdi xagjirnimo ah ka waday dalka Ingiriiska kahor inta uusan dib ugu soo laaban dalkiisa hooyo ee Soomaaliya, ayaa haatan hoggaamiya in ka badan 1,000 dagaalyahan oo laga soo qoray daafaha caalamka.

Laga soo bilaabo shabakad godad ah oo si weyn loo xoojiyay oo ku dhex taalla buuraha qallafsan ee Cal Miskaad ee dowlad-goboleedka Puntland, xubnahan hubeysan ayaa muddo dheer maamulayay wax ay mas’uuliyiintu ku tilmaameen xuddunta maaliyadeed iyo tan hawlgal ee Daacish-ta caalamka.

Intii lagu guda jiray sanadkii 2025-kii, Mareykanka ayaa daraasiin duqeymo xagga cirka ah ku beegsaday saldhigyada buuraha, halka ciidamada gaarka ah ee Mareykankuna ay qaadeen weeraro dhulka ah oo is-daba-joog ah oo lala beegsaday dhuumashada Daacish.

Ololahaas wadajirka ah ayaa u muuqday mid tirtiray ku dhawaad boqolkiiba 90 xoogaggii dagaalka ee kooxda, iyadoo ay nolosha ku hareen in ku dhow 200 oo dagaalyahan oo keliya. Si kastaba ha ahaatee, wargeyska The Times ayaa weriyay in taageeradii milateri ee Mareykanku ay si weyn hoos ugu dhacday sanadkan.

Maleeshiyo dhiiran

Saraakiisha sirdoonka Soomaaliya ayaa ku doodaya in dhimistan ay ka turjumayso go’aanka Washington ay ugu weecisay diyaaradihii sirdoonka iyo kuwii wax duqeynayay dhanka colaadda Iiraan, taas oo dagaalyahannadii Daacish ee haray siisay fursad ay uga soo baxaan go’doomintii ay ku jireen. Toddobaadyadii la soo dhaafay, maleeshiyada ayaa weeraro is-daba-joog ah ku qaaday tuulooyinka ka ag dhow buurahaas.

“Waxay mar kale noqonayaan kuwo firfircoon, arrintaas oo aad noo walaacisay,” ayuu wargeyska u sheegay Maxamed Cabdulle, oo ah ku-xigeenka agaasimaha sirdoonka ee Ciidamada Booliska Badda Puntland (PMPF).

Wuxuu hoosta ka xariiqay in yaraanta duqeymaha cirka ay dhiirrigelisay inay godadkooda si joogto ah uga soo baxaan, ayna fuliyaan weeraro noocooda aan la arag bilo badan.

Kooxda ayaa sidoo kale awood ka heleysa dagaalyahanno dib u soo laabanaya. Fallan-qeeyayaal ayaa sheegay in maleeshiyaadkii sanadkii hore ka cararay weeraradii uu Mareykanku hoggaaminayay, iyagoo ka tallaabay Gacanka Cadmeed una baxsaday Yemen, ay haatan dib ugu soo dhuumanayaan gudaha Soomaaliya.

Kooxdu waxay si dhuumasho ah ku soo geleysaa iyagoo u qaybsan kooxo yaryar oo kala firdhisan, taas oo gacan ka geysanaysa in aan la dareemin, kana dhigaysa mid aan macquul ahayn in guluf weyn oo dhulka ama cirka ah lagu qaado.

Xuddunta maaliyadda  

Dhaqdhaqaaqa dib u soo noolaaday ee Puntland ayaa iftiiminaya isbeddel ballaaran oo ku yimid kooxaha jihaad-doonka ah ee caalamka. Tan iyo markii ay burburtay khilaafadii dhuleed ee Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya sanadkii 2019, xuddunta culeyska ee dhaqdhaqaaqa ayaa si weyn ugu weecatay qaaradda Afrika.

Garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa haatan ah barta ugu muhiimsan ee hawlgallada shabakaddaas. Iyagoo ku hoos shaqeynaya xafiiska Al-Karrar, laanta Soomaaliya ayaa u adeegta sidii xarunta maaliyadeed ee kooxda ee caalamka.

Iyadoo la adeegsanayo waddooyinka tahriibka iyo shabakadaha baadda ee magaalada dekedda ah ee Boosaaso, kooxdu waxay dhaqaale u gudbisaa xulafadeeda daafaha dunida.

Mas’uuliyiinta ayaa ku xiray shabakaddan maalgelinta Daacish-ta Gobolka Khorasan (ISKP), oo ay ku jirto taageeradii qaraxii ismiidaaminta ahaa ee bishii Ogosto 2021 ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul, halkaas oo ay ku dhinteen 169 qof oo Afgaanistaan ah iyo 13 askari oo Mareykan ah.

Bishii Abriil ee la soo dhaafay, Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Michael Langley, ayaa Koongareeska uga digay in “ISIS ay shabakaddeeda caalamiga ah ka maamusho gudaha Soomaaliya,” iyadoo dhowr sarkaal oo Mareykan ah ay rumeysan yihiin in Muumin uu dhab ahaan noqday hoggaamiyaha guud ee kooxda.

Muumin, oo soo noolaa Iswiidhan iyo Ingiriiska sanadihii 2000-meeyadii, oo ay baaritaan ku sameysay hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee MI5 sababo la xiriira xiriir xagjirnimo, ayaa mar baasaboorkiisii Ingiriiska ku gubay masjid ku yaalla Muqdisho.

Wuxuu markii hore ahaa mufti ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee gacan-saarka la leh Al-Qaacida, kahor inta uusan isaga bixin oo uusan baayaco la gelin Daacish sanadkii 2015. Duqeyn weyn oo Mareykanku fuliyay ayaa lala beegsaday bishii May 2024, balse wuu ka badbaaday, isagoo tartiib tartiib ah u xoojiyay awooddiisa.

Weecinta dareenka

Hoos u dhaca hawlgallada Soomaaliya ayaa ka turjumaya culeys ballaaran oo saaran diiradda milateriga Mareykanka iyo jidadkiisa saadka.

Laga soo bilaabo Ukraine ilaa Taiwan, xulafada Mareykanka ayaa si weyn u muujiyay walaac ku aaddan gabaabsi ku yimid kaydka hubka ee Washington, kaas oo uu sababay waxa falanqeeyayaashu ku sifeeyeen ololihii dhanka cirka ahaa ee ugu xoogganaa taariikhda casriga ah ee ka dhanka ah Iiraan.

Wargeyska The Times ayaa xustay in Mareykanku uu adeegsaday 5,000 oo bambaanooyin, gantaallo, iyo hubka lidka gantaallada ah oo lala beegsaday bartilmaameedyo Iiraan ah afartii maalmood ee ugu horreysay dagaalka oo keliya.

Madaxweyne Donald Trump ayaa si fagaare ah ugu adkeystay in Mareykanku uu haysto “kayd hub oo aan dhammaanayn”, balse warbixin dhowaan uu soo saaray Machadka Cilmi-baarista Siyaasadda Dibadda (FPRI) ayaa caqabad ku noqotay sheegashadaas.

Machadka ayaa sheegay in Mareykanka ay si degdeg ah uga sii dhammaanayaan nidaamyada casriga ah ee fududeeya duqeymaha halistoodu yar tahay ee riddada dheer, iyo kaydkii loo baahnaa si loo difaaco gobollada kale.

Khubarada la-dagaallanka argagixisada ayaa muddo dheer ka digayay in ololayaasha milateri ee baaxadda leh ee Bariga Dhexe ay abuuri karaan firaaq amni meelo kale, taas oo kooxaha xagjirka ah siinaysa fursad ay dib ugu soo kabsadaan.

Cawaaqibta ayaa durba laga dareemayaa meelo ka baxsan Geeska Afrika. Bishii la soo dhaafay, qiyaastii 20,000 oo ka tirsan dagaalyahannada Daacish iyo xubnaha qoysaskooda ayaa ka baxsaday xero lagu hayay oo ku taalla dalka Suuriya. Khubarada amniga ayaa arrintaas la xiriiriyay go’aankii Mareykanka ee ahaa in la weeciyo diyaaradaha sirdoonka iyo agabka difaaca si looga hortago gantaallada Iiraan.

In kasta oo isbeddelkaas weyni uu jiro, milateriga Mareykanka ayaa ku adkeysanaya inuu weli ka go’an yahay inuu ka hawlgalo Bariga Afrika.

“Duqeymaheenna qorsheysan ayaa si guul leh u wiiqaya xarun muhiim ah oo maaliyadeed iyo mid hawlgal oo ay leedahay Daacish, iyagoo carqaladeynaya awooddooda ay ku maleegi karaan weeraro ka dhan ah dhulka Mareykanka,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Wuxuu intaas raaciyay: “Go’aankeenna isma beddelin. Waxaan jaan-goynaa xawliga hawlgalladeenna si aan u gaarno saameynta ugu sarraysa. Waxaan sii wadi doonnaa inaan kala shaqeyno saaxiibadeenna Soomaaliya sidii loo burburin lahaa shabakaddan, loona xoojin lahaa amniga caalamka.”

Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran ayaga oo la safan…

Kampala (Caasimada Online) — Taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa si cad u muujiyay taageerada uu u hayo Israa’iil xilli uu weli socdo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iiraan, isaga oo xitaa sheegay in dalkiisu faragelin militari samayn karo haddii colaaddaasi sii ballaarato.

Qoraallo is xigay oo uu ku baahiyay baraha bulshada, Kainerugaba wuxuu ku baaqay in dagaalka si degdeg ah loo soo afjaro, balse wuxuu ka digay in isku day kasta oo lagu burburinayo Israa’iil uu sababi karo in Uganda ay dagaalka ku gasho dhinaca Israa’iil.

Wuxuu sheegay in Ciidanka Difaaca Dadka Uganda ee UPDF ay diyaar u yihiin inay tallaabo qaadaan haddii loo baahdo, isaga oo sidoo kale ku andacooday inuu gargaar u bandhigay Maraykanka iyo Israa’iil labadaba.

Qaar ka mid ah hadalladiisii ugu layaabka badnaa, oo uu ku jiray qoraal markii dambe la tirtiray oo uu ku sheegay in ciidamada Uganda ay “72 saacadood gudahood ku qabsan karaan Tehran iyaga oo aan wax duqeyn ah fulin”, ayaa dhaliyay shaki badan isla markaana keenay su’aalo laga weydiiyay sida ay dhab uga tahay soo jeedintiisa.

Kainerugaba wuxuu sidoo kale mowqifkiisa ku saleeyay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, isaga oo xusay taageeradii ay Israa’iil siisay Uganda intii lagu jiray siddeetamaadkii iyo sagaashamaadkii.

Wuxuu mar kale adkeeyay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay jirto islamarkaana ay is-difaacdo, isaga oo cambaareeyay weerarrada lagu hayo.

Hadalladan ayaa imanaya iyadoo labada dal ay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo qayb ahaan dib ugu laabanaya hawlgalkii Entebbe ee 1976, markaas oo ciidamada Israa’iil ay ka soo furteen dad la haystay garoonka weyn ee Uganda.

Tallaabo astaan u ah xiriirkaas, Kainerugaba wuxuu dhawaan soo jeediyay in goobtaas laga dhiso taallo lagu maamuusayo Yoni Netanyahu, oo ahaa sarkaalkii Israa’iil ee ku dhintay hawlgalkaas, hase yeeshee dowladda Uganda weli si rasmi ah uma aysan xaqiijin qorshahaas.

Dagaalka Israa’iil iyo Mareykanka ay ku qaadeen Iiraan ayaa hadda dhameystay muddo bil ah, ayada oo Mareykanka uu raadinayo waddo lagu soo afjaro,.

Sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal Madaxweyne Donald Trump ayaa maalmahan u sheegay dad ay isku dhow yihiin in uusan doonayn dagaal daba dheeraada, isla markaana uu rajaynayo in colaadda la soo afjaro toddobaadyada soo socda.

Trump wuxuu si hoose ula wadaagay la-taliyayaashiisa inuu aaminsan yahay in colaaddu mareyso heerarkeedii ugu dambeeyay, isaga oo ku booriyay inay ku dhegganaadaan muddada afar illaa lix toddobaad ah ee uu si fagaare ah u shaaciyay, sida ay sheegeen dad xog-ogaal u ah arrintan.

Mas’uuliyiinta Aqalka Cad ayaa qorsheeyay in badhtamaha bisha May uu shir-madaxeed magaalada Beijing ku dhexmaro Trump iyo Hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping, iyadoo la filayo in dagaalka Iiraan la soo gabagabeeyo kahor inta uusan kulankaasi bilaaban.

Xuutiyiinta oo markii ugu horreysay ka soo hadlay dagaalka Iran iyo qorshahooda

Sanca (Caasimada Online) — Hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yemen, Cabdulmaalik Al-Xuuti, ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday in dhaqdhaqaaqiisu uusan “dhex-dhexaad ka ahayn” dagaalka ba’an ee haatan u dhexeeya Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil, isagoo bixiyay digniin kulul oo ah in kooxdiisu ay qaadi doonto tallaabooyin milateri haddii xaaladaha isbeddelaya ee gobolku ay sidaas qasbaan.

Khudbad uu jeediyay oo laga baahiyay telefishinka Al-Masirah ee ay kooxdu maamusho, ayuu Al-Xuuti ku yiri: “Annagu ma nihin dhex-dhexaad, balse mowqifkeennu wuxuu salka ku hayaa inaan ka tirsannahay diinta Islaamka iyo ummadda Islaamka.”

Wuxuu intaas ku daray in isbeddel kasta oo ka dhaca fagaaraha dagaalka lagaga jawaabi doono mowqif milateri haddii loo baahdo, si la mid ah wareegyadii dagaal ee hore.

Hoggaamiyaha ayaa ku dooday in duqeymaha wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil ay ku hayaan Iiraan ay si weyn u dhaawaceen danihii dhaqaale ee dalalka caalamka, isla markaana ay wiiqeen amniga iyo xasilloonida gobolka, isagoo weeraradaas ku sifeeyay kuwo “aan qiil lahayn.”

Wuxuu intaas raaciyay in isbeddelladii gobolka ka dhacayay sanadihii la soo dhaafay ay si cad u muujinayaan in Washington iyo Tel Aviv ay ka shaqeynayaan hirgelinta “qorshe Sahyuuniyadeed” oo lala beegsanayo dhammaan dalalka gobolka, ujeeddaduna ay tahay in la beddelo Bariga Dhexe, lana abuuro wax uu ugu yeeray “Israa’iil-ta Weyn” (Greater Israel).

Kooxda Xuutiyiinta, oo taageero xooggan ka hela xukuumadda Iiraan, ayaa gacanta ku haya inta badan gobollada Yemen, oo ay ku jirto caasimadda Sanca, tan iyo sanadkii 2014-kii.

Kooxdan ayaa horay u qaadday weeraro isugu jira gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) oo ay la beegsadeen gudaha Israa’iil iyo maraakiibta ganacsiga ee maraya Badda Cas.

Tallaabooyinkaas ayay ku tilmaameen aargoosi ka dhan ah duullaanka dhiigga badan uu ku daatay ee Israa’iil ay ku qaadday Marinka Gaza, kaas oo galaaftay nolosha in ka badan 72,000 oo qof tan iyo bishii Oktoobar 2023.

Digniintan ayaa imaanaysa xilli Mareykanka iyo Israa’iil ay sii wadaan olole duqeymo xagga cirka ah oo ka dhan ah Iiraan, kaas oo bilowday 28-kii bishii Febraayo. Weeraradaas ayaa ilaa iyo haatan dilay in ka badan 1,340 qof, kuwaas oo uu ku jiro Hoggaamiyihii Sare ee Iiraan, Aayatullaahi Cali Khamenei.

Iiraan ayaa dhankeeda uga jawaabtay duqeymo aargoosi ah oo isugu jira diyaaradaha drones-ka iyo gantaallo lala beegsaday Israa’iil, Urdun, Ciraaq, iyo waddamada Khaliijka ee martigeliya saldhigyada milateri ee Mareykanka.

Weeraradaas aargoosiga ah ayaa sababay khasaare nafeed iyo mid kaabayaasha dhaqaalaha ah, iyagoo si weyn u carqaladeeyay suuqyada caalamka iyo isku-socodka duulimaadyada hawada.

Saddex diyaaradood oo hub iyo ciidan ka dejiyay K/Galbeed + Qorshaha mucaaradka

0

Xudur (Caasimada Online) – Saddex diyaaradood oo wada ciidamo badan iyo hub ayaa maanta gaaray degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Saddexdan diyaaradood oo saacado is xigay gaaray Buurhakaba ayaa waday ciidamo isugu jira saddex nooc, oo ay ka mid yihiin ciidamo Macawiisley ah oo qabiil, kuwaas oo ay soo aruuriyeen xubnaha kasoo horjeeda Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen.

Sidoo kale, waxaa qayb ka ahaa ciidamadan kuwa la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed iyo ciidamo kale oo ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo amni, ciidamadan ayaa laga kala soo qaaday magaalooyinka Muqdisho, Xudur iyo degmada Waajid, kuwaas oo haatan la isugu geeyay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Magaalada Buurhakaba ayaa hadda waxaa ka soconaya abaabul xooggan iyo sidoo kale isku-dubarid ciidamada loo diyaariyay inay maalmo kadib qabsadaan magaalada Baydhabo, oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, uuna ku sugan yahay Cabdicasiis Lafta-gareen.

Dowladda Federaalka iyo xubnaha la safan ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa doonaya inay awood ciidan uga hortagaan qorshaha doorasho ee ka socda Baydhabo, kaas oo uu dardar ku wado Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uusan sharciyad haysan Lafta-gareen, iyadoo haatan si toos ah ula macaamilaysa maamulada degmooyinka Koonfur Galbeed, isla markaana inta badan gacanta ku dhigtay maamulka magaalooyinka waaweyn ee maamulkaas.

Xisbiga Xasan oo war kasoo saaray is-casilaadda Odowaa, sheegayna in dhawaan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay inuu aqbalay is-casilaaddii Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Odowaa oo ahaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga JSP ayaa shalay iska casilay xilkaasi iyo xubinnimadii xisbiga, sida uu ku shaaciyay warsaxaafadeed uu soo saaray.

“Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) wuxuu si rasmi ah ugu wargelinayaa shacabka Soomaaliyeed, taageerayaasha, iyo dhammaan xubnaha in Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa uu soo gudbiyay istiqaaladdiisa xilka Xoghayaha Guud ee Ururka, isla markaana uu ka tanaasulay xubinnimadii uu kaga tirsanaa Ururka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay JSP.

Sidoo kale waxaa lagu yiri: “Haddaba iyadoo taas laga duulayo, JSP wuxuu caddeynayaa inuu si rasmi ah u aqbaley iscasilaaddaas Xoghayihii hore.”

Xisbiga ayaa sheegay in booska Xoghayaha Guud ee uu baneeyay Xildhibaan Odowaa loo soo buuxin doono sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo la marayo habraacyada iyo nidaamka rasmiga ah ee u yaalla JSP, si loo xaqiijiyo sii socoshada shaqada iyo waajibaadka Ururka.

“Si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka u degsan ururka, hoggaanka ururku wuxuu booskaas Xoghayaha Guud u soo buuxin doono sida ugu dhaqsaha badan. Ururka waxa uu leeyahay barnaamij siyaasadeed iyo aragti fog oo ku wajahan dowlad dhiska, dimuqraadiyadda, xoojinta midnimada iyo xasilloonida dalka.”

Sidoo kale, waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in xisbiga uu si gaar ah u xoojinayo doorka dhalinyarada, haweenka, si ay uga qeyb qaataan hoggaanka, go’aan-qaadashada iyo dhismaha mustaqbalka dalka, si xukunka iyo talada dalka loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed.

“Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) wuxuu u mahadcelinayaa Mudane Cabdiraxmaan Odowaa muddadii uu ka soo shaqeeyay Ururka, dadaalkii iyo waqtigii uu geliyay howlaha Ururka, isagoo u rajeynaya mustaqbal wanaagsan iyo guul.”

Madax sare oo Al-Shabaab laga dilay + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan ku dilay Horjoogihii isku xirka Al-Shabaab iyo argagixisada caalamiga ah iyo Horjoogihii naftood-haligeyaasha kooxda, sida ay shaacisay hay’adda NISA.

Howl-galladan ayay ciidanku ka kala fuliyeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe iyo deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galka koowaad ayaa 19-kii bisha ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Kuunyo Barrow iyo degmada Jilib, kaasi oo lagu khaarijiyay Horjooge Cabdixamiid Cali Cabdullaahi Macalin, oo ahaa Horjoogihii xiriirka Al-Shabaab iyo argagixisada caalamiga ah.

Ninkan ayaa mas’uul ka ahaa soo gelinta hubka iyo maaddooyinka qaraxyada, isaga oo laf dhabar u ahaa dhagarta iyo weerarrada kooxda.

Sidoo kale, howl-gal labaad oo 15-kii bisha ka dhacay deegaanka Ugunji ayaa waxaa lagu dilay Horjooge Suleyman Cumar Fidow, oo magacyadiisa afgarashadu kala ahaayeen: Faruq, Maxamed Cabdullaahi iyo Cali Saciid.

Ninkan ayaa ahaa horjoogihii naftood-haligeyaasha ee kooxda Al-Shabaab, horeyna wuxuu u soo noqday Horjoogaha dhinaca sirdoonka, waxaana hadda loo diyaarinayay in uu beddelo madaxii qaraxyada iyo marin-habaabinta ee kooxda ee lagu magacaabi jiray Injineer Ismaaciil oo bishii December lagu dilay howlgal qorsheysan.

Howl-galladan qorsheysan ee lagu beegsanayo horjoogeyaasha sare ee Al-Shabaab ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab laguna burburinayo shabakadaha argagixisada, sida ay sheegtay hay’adda NISA.

DF oo la wareegtay inta badan magaalooyinka waaweyn ee Koonfur Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa sidii ay u maamuli lahayd magaalooyinka waaweyn ee maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ay ku xooggan yihiin mucaaradka madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Magaalooyinkan oo ah kuwo istiraatiiji ah, isla markaana ay ka mid yihiin caasimadaha gobollada Shabeellaha Hoose iyo Bakool ayaa la soo warinayaa in ay ka taliyaan maamulo hoostaga dowladda dhexe, taas oo sii kordhisay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Magaalooyinka kala ah Baraawe, Marka, Afgooye, Waajid, Xudur, Buurhakaba, Qansaxdheere iyo Diinsoor, oo ku kala yaalla gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ayaa la sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan mas’uuliyiin iyo maamulo taageersan dowladda federaalka.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa loollan siyaasadeed oo xooggan, kaas oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Madaxweyne Lafta-gareen, xilli uu muran ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka iyo hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku sheegay in Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu haatan ka taliyo magaalada Baydhabo oo keliya.

Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Hal degmo oo maanta duqaas (Lafta-gareen) gacantiisa ku hartay ma jirto marka xaafadda uu ka degan yahay Baydhabo laga reebo, iyadana mar dhow waa laysugu imaanayaa.”

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa toddobaadkan maamul cusub u soo magacowday gobolka Bakool iyo magaalooyinka Xudur iyo Waajid, tallaabadaas oo sii xoojisay loollanka maamul ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed.

Arrintan ayaa keentay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed ay iyaduna dhankeeda maamullo cusub u magacowdo qaar ka mid ah degmooyinka, taas oo muujinaysa is-maamul sheegasho iyo khilaaf sii xoogeysanaya.

Koonfur Galbeed oo haatan ku jirta xaalad siyaasadeed oo cakiran ayaa waxaa deegaannada ka maqan gacanta maamulkaas ku sugan wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe, kuwaas oo la sheegay inay wadaan abaabul iyo diyaarin ciidan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in abaabulkan uu salka ku hayo qorshe la doonayo in lagu ballaariyo saameynta dowladda federaalka ee deegaannada hoos taga maamulka Koonfur Galbeed, arrintaas oo sii murjin karta xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaas.

Muxuu yahay heshiiska ay maanta kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Spain?

0

Madrid (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Spain ayaa maanta kala saxiixday heshiis cusub kadib kulan muhiim ah oo magaalada Madrid ku yeesheen Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Spain, Diego Martínez Belío.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo muhiim u ah labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha badda, dhalinyarada, iyo iskaashiga dhinacyada caalamiga ah.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la xoojiyo wada-shaqeynta si loo gaaro danaha wadajirka ah.

Dowladda Spain ayaa soo dhoweysay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinacyada dib u dhiska, amniga iyo xasilinta, iyadoo bogaadisay dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan dhismaha hay’adaha dowladda iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Dhankeeda, dowladda Soomaaliya ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ku saleysan danaha qaran, iyadoo Spain ku tilmaamtay saaxiib muhiim ah oo ka tirsan Midowga Yurub.

Intii uu socday kulanka, labada mas’uul ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan wada-tashiyada siyaasadeed, kaas oo dhidibada u aasaya hannaan joogto ah oo wada hadal iyo isfaham siyaasadeed ah.

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu sahlo kulamo joogto ah oo ay yeeshaan mas’uuliyiinta labada dal, isla markaana kor loogu qaado iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale, heshiiskan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah, isla markaana ka tarjumaya doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ku leedahay saaxadda caalamka, gaar ahaan ka mid ahaanshaheeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Horumarkan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Soomaaliya ku ballaarineyso xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Yurub iyo guud ahaan beesha caalamka, xilli ay dowladda federaalka dadaal ugu jirto soo jiidashada maalgashi iyo taageero caalami ah.