24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

Dagaalo ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta Mudug ayaa sheegaya in dagaalo shaley ka dhacay meel duleedka ka ah magaaladaas, ay ku dhinteen labo qof tira kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu salka ku hayso,markii ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ay weerrar ku qaadeen goob ay joogeen kooxo hubeysan.

Taliyaha ciidanka booliska maamulka Galmudug Korneel Cabdi Jaamac Xabeeb ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ku dhintay iyo ku dhaawacmay dagaalkii shaley ay yihiin kooxihii hubeysanaa ee weerrarka lagu qaaday.

Wuxuu kaloo sheegay in la qabtay tira kooxdii burcadka ahayd, ma sheegin wax khasaaro ah oo ciidankooda ka soo gaaray dagaaalkii shaley ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo.

Kooxda la weerraray ayaa la sheegay in ay ahaayeen maleeshiyo hubeysan oo isbaarooyin dhibtay goobta dagaalka uu ka dhacay, halkaasoo ay lacago baad ah uga qaadi jireen gaadidka dad weynaha.

Xaalladda goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa la soo sheegayaa in ay deggan tahay, waxana ku sugan ciidamada ammaanka maamulka Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

ALLA RAJIIMYADU ISU RAAD EKAA!

Dadka qaar eraga RAJIIM maqalkiisa ma jecla, inay dhibsanayaan kuma ekaystaan, ee waxay la soo boodaan inay difaac aan loo joogin la soo shir tagaan, sax iyo qaladba, eraga RAJIIM qof gaar ah tilmaam uma ahan, haddii uusan u dhaqmin sida lagu yaqaan, marka waxaan dhihi lahaa CAADI iska dhiga, idinkoon ku xiiqin difaac aan la idiin ogayn, UJRO iyo AJAR midna aad ka helaysan aan la aqoon.

Faalladan oo aad u koobnaan doonta, waxaa igu diray qoraalkeeda, waa waxa ka dhacaya Masar, oo Soomaali badan iyo REER GALBEEDka qaarkooda oo dan  ka lahaa taageray KACDOONKA CARABTA! dab badan baa qoraal iyo qawl ku soo jeedshay xilligaa in sida Carabta oo kale la sameeyo KACDOON anigu waan dhaliilsanaa, wax kalana ma ahayn, dhacdadaa waxaa dabada ka waday oo taageero dhaqaale, dhan walba kala taagnaa, markii ay TAANGI tagtana ugu Tabarrucay.

Intaa kaliya ma ahayn, oo waxaa loo sahlay adeegsiga waxan loogu yeero Social Network, maxaa yeelay marka laga reebo HAYE RAACNIMADA iyo inta ISLAAN aan jirin ka urinaysay KCDOONKAA waxaa Siroodnka Maraykanku qorshyeynayey in ka badan laba sano, oo haddaa maxaa u fududeeyey? LUQMADDII CAYSHKA oo noqotay mid LUUQ gashay, ayna u sii dheer tahay markii hore oo aanba XORRIYAD jirin! Qofkii Carabiga wax ka fahmaya liilkan hoose ha ka sii dhigto

http://www.alawan.org/%D8%A7%D9%84%D8%B1%D8%A8%D9%8A%D8%B9-%D8%A7%D9%84%D8%B9%D8%B1%D8%A8%D9%8A%2c10792.html

Intaa haddaan uga haro, maanta maxaa Masar ka socda? Haddii ISLAANKII guulaystay, waliba nin Xabsi ku jiray markii KACDOONKU dhacayey Madaxweyne loo doortay, maxaa xigay? Sidii caadada ahayd, ee laga filan karay WADAAD walba ayuu u dhaqmay, oo ah inuu AWOODDII dhan isagu isa siiyey, kaaga darane xitaa laalay MAXKAMADDA SARE, oo ah unugga kaliya ee duri karta WAREEGTA MADAXWEYNE ahna xarunta ugu dambaysa e lagu kala boxo!

Hadduu taa yeelay maxaa xigay? Adba TVyada daawo, bal sooyalka dib aan u eegno, Ina Cabdille Xasan oo dadka qaarkii yaqaan HALYEEY iyo HALGAMAA weyn ayaa ah RAJIIMKII ugu horreeyey ee Soomaali soo balleeya, una noqday HALDOOR ay ku daydaan, bal adba ma aragtay KALI TALIYE aan isagoo kale noqon ama aan aadeegsan HABDHAQANKIISII oo kale? Waa ninkii laga dhaxlay eraga ah: WAA XUJOWDAY! Bal hadday aragtidaadu XUJO iyo QAAN kugu noqoto, maxaa nolosha ka haray?

Sidoo dadka u dhibaayey, xoolahoona u dhacaayey, Geelooda u boobayey, caay iyo aflagaaddana ugu sayrinayey, ayuu markii dambe wuxuu ku dambeeyey GALBEED U CARAR! Maadaama uu ISLAAMkuu isku sheegayey inuu dadka Allahood u daayo u diid, illeen waa KALI ISLAAME!

Waxaa noo xigay AABBII GARASHADA, Maxamed Siyaasad Barre, isna sidii loogu heesayey ayuu u maleeyey inuuba yahay MAHDIGA aan dhicin iyo MAGANKA aan la moodi karin, hadduu garan waayey in xilku meerta yahay, markii horana marooqsi ku yimid, ayuu ku darsaday duqayn, dil, afduub iyo bara kicin, isna barqa cad ayuu isaga cararay, kuna geeriyooday dal shisheeye, malaha taa marna niyaddiisa kuma soo dhicin?.

Haddi ha illoobin inta QABQABLE afduubka nagu haysatay muddada dheer, iyagu RAJIIMNA ma gaarin RAQNA kama kacaan! Soomaalidu waxay isla dhex maraan in Qaddafi yiri: “In KACDOONKAYGU ma xalaalsanaa kii Siyaad Barre waxaa u daliila inuu ka cimra dheeraa!” kaba dhige, inta uu ka dambeeyey inuu ahaa Caws geeriyaade, isna xaggee ku dambeeyey? Isagoo GOD ku jira sidii KASHIITADII oo kale oo madax ku raamo leh laga soo qabtay, taa ma inuu kali ku yahay baad mooddaa? Bal xasuuso Saddam oo isna GOD laga soo qabtay inta timihii ku bexeen aad moodda Geed Hindi, kaba darane afka Toosh iyo Nolal looga hayo, sidii Tahriib shan maalin bad ku so jiray oo aan biyo iyo baad arag!

Haddii Bin Cali loo baxshay “ORDAAYE”, haddii Cali Cabadda Saalax xilka isaga tagay, haddii Bashaarka Suuriya uu Ciddi ku taagan yahay, oo waliba hadda Mucaaradkana lagu hubaynayo, ayuu Madaxweynaha Masar ee Mursi ku dhaqaaqay tallaabo aad u qallafsan, keentayna dhimashada toboneeyo qof, halka dhaawacu kor u sii dhaafayo 800 oo qof, bal adba maanka gali ISLAAMKII ahaa: “Qofka AFKIISA iyo ADDINKIISA in lana nabadgalo?” Marka ay rabaan ayey sidaa dhahaan? Marka ay dadka siyaasad, maamul iyo awood qaybin ku dilayaan ku silciyanayaan intaa iyo inta la midka ah ee diinta ku jira dhammaan ma shaqeeyaan, haddii aan si ku meel gaar ahba diinta looga tirin, maya loogaba saarin!

Haddaba, Masar haddii RAJIIM Mabarak laga ceyrshay, ee waliba sariir caafimaad korkeed lagu maxkamadeeyey, maanta inta dhimanaysa saw xil kama saarna madaxweyne Mursi, ee dalkii ka soo kabanayey RAJIIMKA iyo KALI TALINTA loogu badalay RAJIIM kaba sii daran? Hadduusan sidan wax ka badalin, kolleey isna ka dambayn maanyo Mubarak.

Kor kaliya ha eegin, ee bal eeg Xamar, Haddii kuwii isqabqabsi iyo QANDI aan buuxsamin waqtigii ku dhammaystay, lagu badalay kuwo kale ayaa waxaa la gaaray sida la yiri: ISBADAL, maadaama Madaxda dawladda ugu sarraysa maalmihii xilka looga tanaasulay ama loogu shubay ama loo magacaabay, BAARLAMAANkiina ay galeen dad badan oo AQOON YAHANNO u badan, hadda maxay ka badaleen DHIIG MIIRAHSADA waligeedba jirtay, ee aan wali la arag qof yiraa war sidan wax ha laga badalo iyo sida ha la isu dhaamo.

Waxaan uga jeedaa, RAJIIMNIDA ma ahan kaliya in qofku xil isku dhagiyo, ee waxay noqon karta inuu qofku u soo jeesto inuu masruufto maal qof kale leeyahay, maxaa yeelay waxa Muqisha ka socda waa taaye. Oo kaalay BEELAYSIGA XUBAHA DAWLADDA lagu qaybsaday, maxaa ka reebay in XOOLAHANA laguma qaybsado? Aqriste, warcelin ma u haysaa?.

W/Q: Bashiir M. Xersi

[email protected] 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

4 jir Bastoolad ku dilay 2 jir la dhashay

Wiil afar jir ah ayaa si lama filaan ah waxa uu toogasho ugu dilay walaalkii ka yaraa, galabnimada Arbacadii tagtay, xilli ay ku cayaarayeen qoriga aabahood, guri ku yaala magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Booliska ayaa sidaas sheegay.

Sida ay yiraahdeen Booliiska, dhibanah oo laba jir ahaa, oo qoyskiisa ay magaciisa ku sheegeen Neegnco Xiong, ayaa geeriyooday kadib markii walaalkiisa uu bastoolad kasoo qaaday qolka jiifka, kadibna uu leebka ku dhagay xilli ay cayaarayeen.

Kooxaha cafaimaadka ayaa isku dayay inay bad baadiyaan Neegco, hase yeeshee waxa uu ku dhex geeriyooday gawaarida gurmadka, sida uu yiri Sgt. William Palmer, oo ka tirsan booliiska Minneapolis.

Waalidiinta wiilka geeriyooday Kao Xiong iyo Ma Vang iyo wiil saddexaad oo ah hal sano jir, ayaa guriga ku sugnaa xilliga dhacdadan

Waalidiinta ayaa la geeyay sladhiga booliiska si su’aalo loo weydiiyo, waxaana socda baaritaan la xiriira dhacdadan, ayada oo ay suurta gal in dacwado lagu soo oogo.

Dalka Mareykanka qof kasta gurigiisa wuu dhigan karaa hub, isaga oo maraya hab sharci ah.

Xildhibaano tagay Beledweyne

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaana la sheegay in Xildhibaanada ay ahaayeen  kuwa kasoo jeeda Gobolkaas.

Xildhibaanada ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Beladweyne waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiinta Gobalka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in Xildhibaanada  ay la socdeen diyaarad shacab ah oo markii ugu horeysay maanta ka dagatay Magaalada Beladweyne tan iyo sanado kadib.

Tirada Xildhibaanada maanta gaaray magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay gaarayaan ilaa afar Xildhibaan kuwaasi oo kasoo jeeda Gobalka Hiiraan.

Amaanka Xildhibaanada ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Amisom ee joooga magaaladaas maadama laga baqayo in la beegsado..

Qarax ka dhacay Islii & Xildhibaan Caan ah oo ku dhaawacmay.

0

Sida Wararka ay nagu soo gaarayaan ayaa waxaa laga soo sheegayaa in haatan uu Qarax Nuuca Bambaanada ah uu ka dhacay Xaafada Soomaalida ee Islii Gaar ahaan Goob Baabuurta la dhigto oo ku taalo Afka hore ee Masjidka Alhidaaya ee Xaafada Soomaalida ee Islii.

Qaraxaan ayaa waxuu geestay Qasaaro Dhaawac xoogan oo ka soo gaaray 8 Ruux oo ka soo baxay Salaadii Cishaha ee Masjidka Alhidaaya taas oo ay ku soo guteeyn Salaada Cishaha oo markaasi ay soo dukadeeyn.

Dhanka kale Inta uusan Dhicin Qaraxaasi waxaa Salaadii Maqribka kadib Gudaha Masjidka Qudbo Dheer ka Jeediyay Xildhibaanka Soomaaliga ah Yuusuf Hassan  ee laga soo doortay Dagmada Kaamakuuji oo Soomaali badan ay dagan yihiin waxaana warar madax banaan ay sheegayaan in Xildhibaanku  uu dhaawac ka soo gaaray.

Isku soo wada duub ilaa haatan waxaa la xaqiijiyay 8 ruux oo salaada Cishaha ka soo baxay ay ku dhaawacmeeyn Weerarkani Bambaanada ee qaraxa xoogan sameeyay ee bur bur xoogan dhanka wajiga hore ee Masjidka ee Alhidaaya waxaana haatan halkaasi howl galo ka sameeynaya Ciidamada Kenya oo baaraya Qaraxa.

Waxii ku soo kordha kala soco wararkeena Dambe…

War Tanoo Kale Yaa Arkay: “Daawo Muuqaalkaan Adaa Yaabi Doonee”

0

Aqristayaasheena Qiimaha Badan ee had iyo goor ku xiran Shabakada Caasimda.com waxaan idiin lee nahay Jimco Wanaagsan meel kasta aad dunida ka joogtaan.

Waxaan maanta idiin soo xulnay Muuqaal Video ah oo aad la yaabeeyso marka aad daawato Video kaas oo ah ragg soo shaqo doontay oo shaqo la yaab leh loo diray ayagoo aad ka naxeeysid marka aad aragto Muuqaalka Video-ga ee aan ka soo Xulana Shabakadeena Dhanka Muuqaalada ee www.daawo24.com

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO-GA CAJIIBKA AH:

Uganda iyo Kenya oo berri cayaari doona finalka Cecafa Cup.

Kampala (Caasimada Online) Kooxaha qaranka Uganda iyo Kenya ayaa soo gaaray ciyaarta kama dambeesta ee koobka bariga iyo bartamaha Africa, oo hadda ka socda waddanka Uganda.

Labada xul ayaa maalinta berri isku arki doona markale ciyaarta Finalka koobka Cecafa Tusker, kaddib markii khamiirtii ay kala badiiyeen kooxaha Tanzania iyo Zanzibar.

Uganda waa kooxda ugu badan ee ku guuleestay koobkan, waxana ay hadda dooneysaa siddii ay  mar kale ugu guuleesan lahayd.

Taageerayaasha labada xul ayaa magaalada Kampala ee caasimada Uganda ka sameeyay olale ay ku doonayaan in mid kasta uu ku guuleesto koobka.

Koobkan kooxda ku guuleesata waxa la siin doonaa abaal marin lacageed oo gaareysa 3,000 oo dollar,halka kooxda kaalinta labaad la siin doono 2,000 oo dollar kooxda kaalinta seddaxaadna waxa la siin doonaa 1,000 dollar.

Kooxaha ka qeybgalay koobkan bariga iyo bartamaha Africa waxa ka mid ah kooxda Soomaalida, seddaxdii kulan waxa laga dhaliyay 13-gool halka hal gool uun ay keesadeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

Odayaasha soo xulay baarlamaanka oo cabsi ay la soo daristay.

Muqdisho (Caasimada Online)  Kaddib markii labo cisho ka hor lagu dilay magaalada Muqdisho oday –dhaqameedkii labaad ee soo xulay baarlamaanka Soomaaliya, ayaa odayaasha ku sugan magaalada waxay sheegeyn in ka walwalsan yihiin nafsadooda, iyagoona sheegaya in ay ka cabsi qabaan in la dilo.

Qaar ka mid ah odayaashaas oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqidsho ayaa dowladda ugu baaqay in la illaaliyo oo daryeel loo fidiyo.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo ka mid ahaa odayaashii ka hadlay shir jaraa’id ayaa sheegay in dhammaan odayaasha dhaqanka ee ku sugan Muqdisho loo dili doono siddii loo dilay Maxamed Maxamud oo kooxo hubeysan ay ku dileen xaafadda Nasteexo ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu dowladda ugu baaqay in ay ka fikiraan nolasha iyo ammaanka odayaasha soo xulay baarlamaanka Soomaaliya.
Waxay dhammaan sheegeyn in aysan mudneen in midba hal maalin loogu dilo magaalada maadama ay ay dalka ay ka bixyeen marxaladdii kumeel gaarka ahayd.

Ugaas Xaashi ayaa ugu dambeen dowladda ugu baaqay in ay xil iska saarto ammaanka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii ka qayb galay ansixinta dastuurka dalka isla markaana soo xulay mudanayaasha baarlamaanka.

Dowladdii hore ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxay horrey u sheegtay si weyn ammaankooda loo adkeen doono odayaashii ka qaybgalay ansixinta dastuurka iyo soo xulida baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Maraykanka oo ammaanay howlgalka Amisom: “Akhri Sababta”

Wanshinton (Caasimada Online) Dowladda Maraykanka ayaa soo dhaweeysay howlgalka ciidamada midowga Africa ee AMISOM ka waddaan Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in wax wanaagsan ay sameeyeen ciidamada midowga Africa ee AMISOM.

Sidoo kale warka qoraalka ayaa lagu soo dhaweeyay guulaha ay gaareen AMISOM kuwaasoo dhul badan ka qabsaday ururka Al-Shabaan tan iyo sannadkan.

Warka qoraalka ee maanta ka soo baxay xukuumada Washington, ayaa daba socday shirkii sannad lahaa ee dhacay dhexmaray Maraykanka, Midowga Yurub iyo Midowga Afric, kaasoo dhacay   28-kii illaa 29-kii bishii hore ee November.

Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay in ay ballaarin doonto teegeerada la siinaayo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa kulankaas ka sheegay in ay sii wadi doonnaan taageeridda AMISOM iyo dowladda cusub ee Soomaaliya la siinaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Rabshado Xaley Iyo Saaka Ka Dhacay magaalada Hargeysa.

Hargeysa (Caasimada Online) Waxa tan iyo xaley magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ka dhacay rabshado xooggan, oo daba socday markii xaley lagu dhawaaqay doorashadii golayaasha deeganka ee magaalada Hargeysa.

Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhintay lix qof-kalena waa ay ku dhaawacmeen rabshadii xaley ka dhacay xaafadda Axmed Dhegax ee magaalada Hargeysa.

Wariye ku sugan magaalada Hargeysa ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in xaallada magaalada ay deggan tahay, walow mar kasta la filan karo rabshado.

Xaley ayaa golaha doorashada golayaasha deeganka magaalada Hageysa ay ku dhaawaqeen sida ay ukala heleen natiijada doorashadii dhacday bishii hore labada xisbi iyo shanta urur siyaasi ee ka dhisan maamulka Somaliland.

Dad careesan ayaa xaley dhagxaan ku tuuray bilayska magaalada Hargeysa, waxana dadka mudaaharaadka dhigayay ay ka tirsan ururka Xaqsoor oo ka mid ah ururada siyaasadda ee ka dhisan Somaliland.

Ammaanka magaalada Hargeysa ayaa aad loo adkeeyay maanta oo Jimco ah, waxana meelaha muhiimka ah la dhigay ciidamo bilays ah oo aad u hubeysan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay ra’iisal wasaare Ordagaan

Ankara (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay ku sugan magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, ayaa kulan la qaatay ra’iisal wasaare Recep Dayib Erdogan.

Labada masuul ayaa la sheegay inay ka wadahadleen xaallada ammaan ee dalka Soomaaliya iyo siddii loo xoojin lahaa xiriirka labada waddan.

Turkiga ayaa u ballan qaaday Soomaaliya inay gacan weyn ka siin doonnaan siddii ay dib uga soo kaban lahayd dhibkii la haray 21-kii sano ee la soo dhaafay.

Sidoo kale Turkiga wuxuu ballan qaaday in dib u dhis xooggan ku sameen doono xarumaha ciidamada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horrey waxa uu kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga ee Cabdalla Guul.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Ankara

Mursi oo ku baaqay Wada hadal.

Cairo (Caasimada Online) Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi ayaa ku baaqay kulan uu la qaato kooxaha mucaaradka si loo soo afjaro xiisada siyaasadeed ee ka taagan waddanka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay dhowr saacadood kaddib, markii shan qof ay dhinteen 644 –kalena uu dhaawac soo gaaray, taasoo daba socotay markii ay isku dhaceen taageerayaashiisa iyo kuwa ka soo horjeeda.

Wuxuu sheegay taageerayaashiisa inay xaq u lee yihiin bannaan bax sameeyaan, laakin qaska ay wadaan qolyo doonaya in dalka uu ku jiro qalalaaso.

Qaar ka mid ah Ikhwaanul-Muslimiinka oo taageersan madaxweynaha ayaa sheegay in xarutooda ugu weyn ee Qaahira dab la qabadsiiyay.

Madaxweynaha ayaa xaley dadka kala hadlay Talafishanka wuxuuna ku baaqay wadahadal dhex mara dowladiisa iyo mucaaradka oo dhaca Sabtida berri ah.

Taankiyo iyo gaadid dagaalka ayaa la soo buuxiyay xarunta madaxtooyada Qaahira, halkaasoo ay ku sugan ciidamo illaalo ah.

                   Maraykanka walaac ayuu ka qaba xiisadda ka taagan Masar

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa soo dhaweeyay hadalka uu sheegay Mr Morsi ee ah in la wadahadalo iyadoo aan wax shuruud ah la isku xiri” sidaas waxa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay aqalka cad.

“Madaxweyne Obama wuxuu wacay madaxweyne  Morsi isagoo si weyn walaac uga muujiyay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dibad-baxyaasha ku sugan Masar,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay aqalka cad.

Dhaqdhaqaaqa lixda April, oo door weyn ka qaatay kacdoonkii ka dhacay Masar 2011-kii ee looga tuuray xilka Madaxweyne Mubaarak, ayaa ku gacan seearay baaqa Mursi ee ah in la wadahadlo, sidaas waxa warisay wakaaladda wararaka Reuters.

Kooxaha dhaqdhaaqa waxaba ay ku baaqeen dibad-bax cusub oo dhaca maanta oo Jimco ah salaada duhurka kaddib.

Madaxweyne Mursi ayaa ku guuleestay doorashadii ugu horreysay ee xor ah bishii June’, laakin wuxuu la kulmayaa caddaadis ballaaran.

Qalalaasaha dib uga soo cusboonaday Masar ayaa waxay daba socdaan, markii madaxweyne  Morsi uu ku dhawaaqay is siiyay awoodo badan isla markaana lagu dhawaaqay dastuurka qabyo qoraalka ah ee la rabo in loo sameeyo Masar afti loo qaado 15-ka bishan December.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Cairo

Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Suuqa kala iibsigu haatan waa xiran yahay, laakiin ma dhamaadaan wararka xanta ahi, halkaan ka aqriso wararkii ugu dambeeyey ee xanta ahaa ee maanta la isla dhex maraayey.

Xanta tooska ah ee maanta la isla dhex maraayo.

Arsenal ayaa dooneysa inay dalab toos ah u dirto ciyaarayahanka garabka uga ciyaara Crystal Palace Wilfried Zaha, 20-jirkaan ayuu Wegner doonayaa inuu ku daro qorshihiisa weerarka inta lagu jiro Janaayo (Daily Telegraph)

Manchester United ayaa qarka u saaran inay 5 milyan oo ginni looga duufsado 31-jirka garabka bidix ee daafaca ka ciyaara Patrice Evra oo ay dooneyso Paris Saint-Germain, daafacaan ayaa sheegay inuu xiiseynayo inuu ka ciyaaro PSG, hadii ay xidigaan soo dhaqaajin weyso kooxda Faransiiska waxay u jeesan doontaa 27-jirka daafaca bidix uga ciyaara Manchester City Gael Clichy (Independent)

Daniele De Rossi, oo 29 jir ah, ayaa la kulmay saraakiil ka socota Manchester City si ay uga wada hadlaan macquul ahaanshiyaha uu kaga soo dhaqaaqi karo Rome (Talksport)

Laakiin Manchester City ayaa ka haritaankoodii Koobka Kooxaha Yurub ku weyn kara fursad ay kula soo saxiixdaan 29-jirka qadka dhexe ee Rome Daniele De Rossi ama 28-jirka qadka dhexe ee Inter Milan Wesley Sneijder, kaasoo diiday inuu aqbalo in la dhimo mushaarkiisa kooxda (Daily Star)

Tababaraha kooxda Swansea Michael Laudrup ayaa ka digay inay gool dhaliyadooda Michu madaxiisa dul dhigi doonaan 30 milyan oo ginni si ay u heystaan xidiga reer Spian, waa 15 jibaar qiimihii ay xagaaga 26-jirkaan kaga soo qaateen Rayo Vallecano (Daily Telegraph)

Manchester United iyo Arsenal ayaa isku heysta 22-jirka qadka dhexe ee kooxda Montpellier Remy Cabella (The Sun)

Weeraryahanka kooxda Shakhtar Donetsk Fernandinho, oo 27 jir ah, ayaa sheegay inuu Janaayo ka ciyaari doono magaalada Manchester, laakiin xidiga heerka caalami ee dalka Brazil ma uusan sheegin kooxda uu ku biiri doono United ama City (Talksport)

Tababaraha kooxda Stoke  Tony Pulis  ayaa u sheegay kooxaha Barclays Premier League inaysan ciyaartoydiisu iib aheyn. Manchester United iyo Liverpool ayaa xiiseynayeyn 26-jirka daafaca ka ciyaara Ryan Shawcross iyo sidoo kale 25-jirka goolka qabta Asmir Begovic (Daily Star)

Kooxda ka dhisan Ruushka Zenit St Petersburg ayaa diyaar u ah inay Janaayo dagaal madax-ka-madax ah Chelsea kula gasho saxiixa 25-jirka qadka dhexe Everton Marouane Fellaini (Metro)

Tababaraha kooxda Manchester United Alex Ferguson ayaa doonaya inuu dhigiisa Manchester City Roberto Mancini uga adkaado saxiixa laba ciyaaryahan oo diirada u saaran. Agaasimaha United David Gill ayaa u duulay isbuucaan gudihiisa Croatia si uu macluumaad kaga soo helo saxiixa ciyaaryahanka lagu qiimeeyo 15 milyan oo ginni Alen Halilovic, oo 16 jir ah iyo sidoo kale 20-jirka daafaca ka ciyaara Sime Vrsaljko (Daily Mail)

Xanta aan tooska aheyn ee maanta la isla dhex maraayo.

Guul darradii Chelsea ee koobka kooxaha Yurub ayaa kasbi karta inay waayaan 20 milyan oo soo gashay sanadii hore, iyadoo ay horaanba ku dhibaatoonayeen sharciga dhaqaale anaagsan Uefa (Daily Telegraph)

Robbie Savage ayaa sheegay inuu yimid waqtigii ku haboobaa ee uu tababare Arsene Wenger ka tegi lahaa kooxda Arsenal (Daily Mirror)

30-jirka qadka dhexe ee kooxda Arsenal Mikel Arteta, ayaa cadeeyey in ciyaartoyda Gunners uu dhaawac soo gaaray lagana codsaday tababar dheeraad ah waqtiga kalena ay daawadaan kulamadoodii uu ku celis ah (Daily Mirror)

Ma jeceshahay inaad maalin walba la socoto wararka xanta ah ee suuqa la isla dhex maraayo? Naga soo booqo www.caasimada.net, Isha wararka sugan.

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Arsenal, Chelsea iyo Juventus oo isku heysta Pirla-ha labaad.

Kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa u weecan kara xiisaha ciyaaryahanka qadka dhexe Paris St. Germain Marco Verratti ka dib markii ay Juventus sheegay inaysan saxiixiisan dooneyn, sida uu qoray wargeyska Talk Sport.

Verratti ayaa waayo fiican ka muujinaya PSG bandhigiisa ayaana soo jiitay kooxaha Barclays Premier League.

Labada kooxda ayaa doonaya inay si deg deg ah ula soo wareegaan, maadaama, ay doonayaan inaysan xidigaan ku qabsan kooxda Juventus.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa cadaadis ku saaran yahay PSG waxaana laga yaabaa in la ceyriyo, kooxda Paris ayaana lumin karta mid ka mid ah ciyaartoydeeda ugu sareysa kaasoo la sheegayo inay si dhow ula socoto Juventus.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Mata: La’aanta Drogba waxay nala noqotay Koronto la’aan.

Juan Mata ayaa daaha ka qaaday inuu u hiloobay halyeeygii Chelsea Didier Drogba wuxuuna waayitaankiisa ku micneeyey sida ‘Koronto la’aan oo kale’.

Kubad sameeyaha xulka Spain ayaa ka mid ah ciyaartoy Blues ah oo ciyaaray xilli ciyaareedkoodii abid ugu fiicnaa balse wuxuu sheegay in ka tegitaankii Drogba ee kooxda uu ay ku notay mid adag.

Drogba ayaa dhaliyey goolkii barbaraha ay kooxdiisa ku keensatay Allianz Arena markaasoo ay Chelsea garaacday Bayern Munich ayna ku guuleysatay Champions League, wuxuuna kubadiisii ugu dambeysay ee Chelsea shabaqa ku hubsaday goolku laadkii guusha.

Wuxuu si xor ah ugu biiray kooxda Shiinaha Shanghai Shenhua ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedkaani.

“Ka tegitaankii Drogba wuxuu inala ahaa sida Korontadu inay naga tagday. Wuxuu ahaa dagaal yahan,” ayuu Mata u sheegay The Sun.

“Waan la qabsanay inaan la’aantiis sababtoo ah wuxuu sanado badan ayuu ahaa mid usoo halgama Chelsea.

“Hadii aan Drogba tababarka la qaadaneyno oo aan la ciyaareyno waa wax fiican.

“Hadii aan kubada siiso waad hubtaa inuu ugu yaraan Laad xor ah ka keeni karo kooxda kaa soo horjeeda.

“Hadii ay dhamaan ciyaartoyda waa weyn kubada helaan, Didier xitta wax badan ayuu ka dhiifoon yahay.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Labada Manchester isha ku haaya saxiixa Halilovic iyo Vrsaljko.

Sir Alex Ferguson ayaa shirqoolanaya bisha Janaayo ugu yaraan laba ciyaaryahan oo diirada u saaran kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City, sida uu qoray wargeyska Sportsmail.

Sportsmail ayaa ogaatay inuu gudoomiyaha Manchester United David Gill Talaadadii u duulay dalka Croatia si uu kooxda Dinamo Zagreb ugala soo hadlo saxiixa da’yarka lagu qiimeeyo 15 milyan oo ginni Alen Halilovic.

Xilli ay kooxda Ferguson dhib ku qabto daafaca, Gill ayaa sidoo kale ka hadlay wax ku saabsan 20-jirka daafaca midig Sime Vrsaljko waxaana laga yaabaa inuu qudhiisu yahay 20 milyan oo ginni waana laba heshiis oo ah ciyaartoyda waqtigaan ugu shidan Croatia.

Gill ayaa Arbacadii kusoo laabtay Manchester, wuxuuna la shiray agaasimeyaasha kooxda ka dib kulankii ay guul darradu kasoo gaartay Cluj, kalsooni ayeyna ku qabaan inay booska kala baxaan lacagaha xoogan ee City.

Ciyaaryahanka sedaxaad ee City diirada u saaran, waa qadka dhexe ee Dinamo Dinamo Mateo Kovacic, sidoo kale Gill ayaa kooxda kala hadlay. United ayaana weydiisay qiimaha xagaaga lagu heli karo laakiin waxaa la dul dhigay 10 milyan oo ginni.

Halilovic, oo 16 jir ah, ayaa horumar ka sameeyey qadka dhexe sida Luka Modric wuxuuna sidoo kale diirada u saaran yahay Real Madrid marka laga tago labada Manchester.

United ayaa xidigaan u jeesatay iyadoo deriskeeda loo sheegay hadal aysan jecleysan kaasoo ahaa inuu Agaasimaha Ispoortiga ee Dinamo Zdravko Mamic, ku yiri: “Waan arkay wararka ay saxaafadu qoreyso ee ah inay City 7 milyan ku dalbatay Alen, laakiin xittaa ma iibiso lacagtaasi lugtiisa bidix.”

Fifa oo cusbooneysiisay ganaaxii Bin Hammam ka dib baaritaan.

Bin Hammam oo horay Kubada cagta looga ganaaxnaa inta ka dhiman Nolashiisa markii ay Maxkamad ku heshay dambi ah inuu Laaluushay oo uu codad gatay bishii July, laakiin Fifa ayaa mar kale ganaax garka u gelisay.

Michael Garcia, oo ah gudiga baaritaankiisa loo xil saaray, ayaa talaadadii sii dhameystiray baaritaanada waxayna Dukumentiyadii u direen Hans-Joachim Eckert, oo ah maxada baaritaanada, Fifa ayaa tiri: “Madaxweynihii hore ee xiriirka kubada cagta Asia Bin Hammam waxaa la siiyey ilaa Janaayo dhexdeeda inuu uga soo jawaab bixiyo warbixinta Ganaaxa. Wuxuu qabay 45 cisho oo ganaax ah, oo ku eg Jimcada, waxaana loo kordhiyey ka dib markii lagu helay eedeymihii loo heystay.

Ka dib markii uu isku deyey inuu tartan la galo madaxweynaha Fifa Sepp Blatter sanadii hore, waxaa lagu eedeeyey inuu isticmaalay Laaluush iyo codad gadasho.

Bin Hammam ayaa laga ganaaxay inta ka dhiman noloashiisa ka dib markii lagu helay dambigaas.

Manchester United iyo Arsenal oo isku heysta Remy Cabella.

Kooxaha ciyaara Horyaalka Barclays Premier League, Manchester United iyo Arsenal ayaa ku dagaalamaya xidiga qadka dhexe ee kooxda Montpellier Remy Cabella, sida uu qoray wargeyska The Sun.

22-jirkaan, kooxdiisa xilli ciyaareedkii hore ku hugaamiyey Horyaalkoodii ugu horeeyey dalka Faransiiska, ayaa lagu qiimeeyaa 5 milyan oo ginni.

Madaxweynaha kooxda Faransiiska ka dhisan Louis Nicollin ayaa sheegay inuu xidigaani ku socdo wadadii uu kooxda kaga tegi lahaa, wuxuu yiri: “Waxa ay noqon doontaa inaan ka fikirno inaan lacag badan ku iibsano hadii uu naga tegaayo.”

Arsenal ayaa dooneysa inay xidigaan ku xaliso qadkeeda dhexe ee aan fadhin halka Manchester United ay dooneyso inay bedel uga dhigto waayeeladeeda kasii gaboobaya kubada cagta sida Paul Schools.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Drogba oo casho sharaf u sameeyey asxaabtiisii Chelsea.

Halyeeyga kooxda Chelsea Didier Drogba ayaa casho sharaf u sameeyey ciyaartoydii Chelsea ee ku guuleysatay Uefa Champions League bishii May, inkastoo uu weerarayahanka reer Spain Fernando Torres xaflada ka maqnaa.

Drogba ayaa soo agaasimay xafladaan ka dhacday Wyndham Hotel oo ku yaala Chelsea Harbour ka dib markii ay kooxdu bishii May si la yaab leh ku hanatay Koobka Kooxaha Yurub, markaasoo ay Bayern Munich garoonkeeda uga soo qaadeen.

Waxaa soo xaadiray ciyaartoydii ay isku kooxda ahaan jireen iyo shaqaalaha kooxda iyadoo lagu bixinaayey xaflada Faraantiyaal si gaar ah loo sameeyey, waxaana lasoo werinayaa inay qiima ahaan ku keceen 800 kun oo ginni.

Weeraryahanka Qaranka Ivory Cost ayaa xafladaan ula dan lahaa inuu ku dhiso niyada ciyaartoyda, ka dib markii ay Blues noqotay kooxdii ugu horeysay ee iyadoo koobka difaacaneysa ku harta wareega Group-yada.

Torres oo ahaa ninkii kooxda u bedelay booskii Drogba ayaa xaflada ka maqnaa, si kastaba wiilkiisa Leo ayaa shalay laba jirsaday waxaana macquul ah inuu arinkaasi sabab u ahaa. Juan Mata iyo Petr Cech ayaa iyana xaflada ka maqnaa.

Drogba ayaa Chelsea ka hayaamay sanadii hore wuxuuna ku biiray kooxda Shanghai Shenhua laakiin kooxda London ayuu kusoo laabtay si uu tababar ula qaato inta ka dhiman African Cup of Nations oo bilaabanaya sanadka cusub.

Halyeeyga Blues ayaa ahaa ninkii dhaliyey Rigooradii guusha ay Munich kaga gaareen Allianz Arena bishii May, wuxuuna kulankaasi ahaa kulankiisii ugu dambeeyey ee uu xirto Funaanada Chelsea.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Horumarka ka socda Muqdisho oo noqday caqabad nololeed. (Warbixin)

Kadib sanad deganaasho iyo bidhaan nabadeed ah, Muqdisho waxa ay iminka arkeysaa dib u dhis baaxad weyn iyo “Ninkii guri lahow taajir”.

Hase yeeshee, wax kasta oo dhaca waxa ay lee yihiin cirib dambeed, sammaan iyo xummaan midey doontaba ha ahaatee.

Horumarka iyo dib u dhiska Muqdisho ka socdana, waxa uu caqabad nololeed ku noqday dad badan oo magaalada degan, balse dan yar ah.

Ayaga oo u ciil qaba inay hantidooda dhuleed ka taajiraan, ayaa dadka leh guryaha ku yaalla caasimada, waxa ay kumanaan qof oo aan iska bixin karin qiimaha sare ee guryaha ay ku qasbayaan inay ka baxaan guryahooda.

Taa beddelkeeda, waxaa guryaha laga saaro kuwa aan lacagta badan heysan ee qiimaha yar ku deganaa laga iibinayaa kuwa jeebku u weyn yahay ama laga kireynayaa. Taasi kumanaan qof ayay guryo la’aan dhigtay oo xeryaha qaxootiga isku shubay.

Gudaha Muqdisho, qiimihii iyo kirada ayaa laba jibaarmay, sanaddi u dmabeysay.

Gurigii lagu iibin jiray 50 kun oo dollar inti u dhaxeysay 2006 illaa 2011, waxa uu gaaray 100 kun sanadkan 2012 ee dhammaadka ah. Qiimahaasi waxaa la filayaa inuu sii kordho 2013.

“Sanad iyo bar ka hor waxaa macquul ahayd inaan bishii iibiyo wax aan ka badneyn 3 guri, laakin iminka maalin kasta ayaan guri iibiyaa” waxaa sidaas Caasimada Online ku yiri Cabdi Xasan Axmed oo ah dalaal guryaha iibiya.

Waxaa sidoo kale laba laabmay kirada guryaha. Villadii (Dhisme 5 ama 4 qol ah), nooca dhowaanahan la dhisay, oo lagu kireyn jiray ugu badnaan 200 oo dollar, iminka waa 500 oo dollar bishii.

Dhismooyinka ku dhow Garoonka Diyaradaha Aden Caddey, qiimaha intaasi aad ayuu uga sii badan yahay.
Goobaha sidoo kale qaaliga ah, waxaa ka mid ah guryaga ku dhow waddada Makka Almukaramah, oo ay ku yaalaan hoteelo iyo meelo laga dakuumeysto oo qurux badan.

“Tani waxa ay caqabad ku tahay Dowladda, xitaa qaxootiga jooga magaalada waa halis xagga amniga ah” ayuu yiri Cabdixakiim Guuleed oo ah guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maareynta Musiibooyinka Somalia.

Sheekooyinka muragada leh waxaa ka mid ah “Ku dul beeca”. Dadka lacagta heysta ayaa sameynaya ficillo aan la mahdin. Waxa ay u tagayaan milkiilayaasha guryaha ayaga oo u sheegaya inay siin doonaan lacag laba jibaar ama saddex jibaar ah, haddii qofka guriga degan ay uga saaraan.

Kumanaan qof ayaa sidaasi looga saaray guriyihii ay deganaayeen oo iminka ku nool xero qaxooti, waayo guri kuma kireysan karaan boqolaal dollar, xilli noloshiiba aysan meel saarneyn.

Lama filayo in xaalkan uu soo wanaagsanaado. Sida xaalka iminka uu ku socdo, Muqdisho waxaa nolosheeda ku hari doona kaliya qofkii guri leh, ama mid taajir ah oo lacag badan heysta.

Wareysiyada iyo xogta warbixintan waxaa soo ururiyay Weriyaha Caasimada Online ee Muqdisho, waxaana qoray Tifaftiraha Caasimada Online Axmed Cali Sheikh.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60