Jabuuti (Caasimada Online) – Baarlamanka Jabuuti ayaa si aqlabiyad buuxda ugu codeeyay in meesha laga saaro xaddidaadda da’da ee madaxtinimada, taasoo waddada u furaysa in hoggaamiyaha dalkaas oo 77 jir ah, Ismaaciil Cumar Geelle, uu u tartamo xilka markii lixaad doorashada bisha Abriil 2026.
Guelleh, oo lagu naanayso IOG, ayaa xilka hayay dalkan yar ee Geeska Afrika ku yaalla tan iyo 1999-kii.
Waxaa ku nool dad gaaraya hal milyan oo qof oo kaliya, waana mid ka mid ah dalalka Afrika ugu yar yar, balse sidoo kale waa deked weyn oo ay saldhigyo militari ku leeyihiin Maraykanka, Faransiiska, iyo Shiinaha.
Dastuurka Jabuuti wuxuu dhigayaa in madaxa dalku aanu xilka u tartami karin marka uu dhaafo 75 jir, taasoo Geelle, oo 77 jir ah, ka hor istaagaysay inuu u tartamo doorashada xigta ee Abriil 2026.
Balse wax-ka-beddelka lagu saarayo xaddidaadda da’da waxaa Axaddii taageeray dhammaan 65-ka xildhibaan ee goobjoogga ahaa, sida uu guddoomiyaha baarlamaanka Dileita Mohamed Dileita u sheegay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.
Madaxweynaha ayaa dooran kara inuu ansixiyo go’aankan ama uu ku baaqo afti dadweyne.Haddii uu ansixiyo, baarlamaanka ayaa go’aanka ku xaqiijin doona codbixin labaad, taasoo la filayo 2-da Nofeembar.
La-yaab ma leh
Geelle wuxuu albaabka u furay muddo xileed kale oo shan sano ah waraysi uu bishii Maajo ee sanadkan siiyay majaladda The Africa Report.
“Waxa kaliya ee aan idiin sheegi karo waa in aan dalkayga si weyn u jeclahay oo aanan ku kici doonin fal aan mas’uuliyad ku dhisnayn oo sababa kala qaybsanaan,” ayuu yiri.
Codbixintan “ma ahan wax la yaab leh,” ayay tiri Sonia le Gouriellec, oo ah khabiirad ku takhasustay arrimaha Geeska Afrika kana tirsan Jaamacadda Kaatooliga ee Lille (Catholic University of Lille).
“Waxaa jira dibadbaxyo ka socda baraha bulshada, balse waxaan ka cabsi qabaa in mucaaradku uusan Jabuuti ku heli doonin meel uu ku cabbiro dareenkiisa,” ayay tiri.
Dawladdu waxay leedahay diiwaan liita oo ku aaddan xorriyadda hadalka iyo saxaafadda.
Dileita wuxuu AFP u sheegay in wax-ka-beddelka dastuuriga ah uu lagama maarmaan u ahaa si loo xaqiijiyo “xasilloonida dalkan yar, ee ku yaalla gobolka qalalaasuhu ka jiro ee Geeska Afrika, oo ay ku hareeraysan yihiin Soomaaliya, Ethiopia, iyo Eritrea”.
“Waxaan u malaynayaa in in ka badan 80 boqolkiiba dadweynaha ay taageersan yihiin arrintan,” ayuu yiri.
Guul aqlabiyad leh
Bishii Abriil 2021, Geelle ayaa dib loo doortay isagoo helay in ka badan 97 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.
Xisbigiisa, Isbahaysiga Aqlabiyadda Madaxtooyada (Union for the Presidential Majority), ayaa haya inta badan kuraasta baarlamaanka.
Geelle wuxuu 1999-kii xilka kala wareegay Xasan Guuleed Abdtidoon, oo ah aabbaha madaxbannaanida Jabuuti, kaddib markii uu 22 sano soo ahaa agaasimaha madaxtooyadiisa.
In kasta oo ay ka mid tahay waddamada ugu dadka yar qaaradda, haddana Jabuuti waxay gobolka ku leedahay muhiimad istiraatiiji ah oo weyn.
Waxay ku taallaa meel ka soo horjeedda Yemen, halka ay Badda Cas ka billaabato, gaar ahaan marinka Bab el-Mandeb, oo ah marin ay marto qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah ee u dhexeeya Aasiya iyo Galbeedka.
Sidoo kale, Jabuuti waxay martigelisaa saldhigga kaliya ee joogtada ah ee militariga Maraykanka uu ku leeyahay Afrika, waxaana ku sugan ilaa 4,000 oo askari, kuwaasoo taageera hawlgallada la-dagaallanka argagixisada ee qaaradda, gaar ahaan Soomaaliya.






















