25.6 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Xog: Somalia iyo Itoobiya oo ku laabanaya wada-hadaladii Ankara- Maxaa cusub?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa mar kale qorsheynaya inay sii amba qaadaan wada-hadalladii u dhexeeyay ee ka socday magaalada Ankara ee dalka Turrkiga, kuwaas oo horay xal looga gaaray xiisadda labada dal oo haatan lasii dhammeystirayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan dowladda Soomaaliya ay dirtay guddi farsamo oo ka qayb-galaya wajiga koowaad ee wada-hadallada dib uga bilaabanaya dalka Turkiga.

Ujeedka ugu wayn ee wada-hadallada farsamo ee bilaabanayo ayaa ah sidii loo dhaqalin lahaa heshiiskii Ankara, sida uu shaaciyay wasiirka warfaafintaSoomaaliya Daud Aweys.

Qoraal uu wasiirka soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay in uu hadda joogo Turkigan, uuna ka qayb-galayo wejiga 1-aad ee wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Waxaan qeyb ka ahay Wafdiga Soomaaliya ee u yimid Ankara si aan uga qeyb galno wejigii koowaad ee wada-hadallada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ujeeddadiisu tahay sahminta sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii Ankara” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay  raaciyay “Soomaaliya waxaa ka go’an in ay abuurto nabadda, xoojinta iskaashiga, iyo dhismaha xiriirka diblumaasiyadeed ee ku dhisan is-faham iyo ixtiraam”.

Dhinaca kale, Itoobiya ayaa iyaduna dirtay guddi kale oo farsamo oo ay is arki doonaan guddiga ay soo xushay dowladda Soomaaliya, waxaana diiradda la saari doonaan, sidii loo heli lahaa xal waara, Itoobiyana u heli lahayd marin biyood, iyada oo soo mareyso dowladda dhexe.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa haatan si weyn isugu soo dhawaaday, waxaana labada dal ay yeesheen wada-hadallo kala duwan oo foolka fool ah, kana kala dhacay magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho oo ay isku arkeen madaxda sare ee labada dowladood ee dariska ah.

Qorshaha xasaasiga ah ee dowladda Ruushku ay ka damacsan tahay Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Qorshaha Ruushka uu saldhig cidian badeed uga dhisanayo Gacanka Cadmeed-Badda Cas (GARS) wuxuu si weyn ugu xiran yahay in Sudan ay hirgeliso heshiiskii muddo dheer dib u dhacay.

Haddii taas la waayo, waxa xiga ee arrintan saameynaya waa go’aanka Maraykanka—sidoo kale in uu saldhiggiisa ka sii haysto Jabuuti ama uu ciidamada uga raro Somaliland haddii uu si rasmi ah u aqoonsado.

Geeska Afrika wuxuu si muuqata uga dhex muuqday ajendaha diblomaasiyadeed ee Ruushka toddobaadkii hore, kaddib markii uu yeeshay laba kulan muhiim ah oo kala gaar ah Jabuuti iyo Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Jabuuti ayaa booqasho ku tegay Moscow, halka wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Ururka Ganacsiga Ruushka ee Afrika uu kulan la yeeshay Somaliland.

Wafdigan ayaa heshiis ka gaaray ballaarinta iskaashiga dhinacyada beeraha, saadka, iyo warshadaha. Labadan horumarba waxay yeelan karaan saamayn ciidan oo dheeraad ah.

Ruushka iyo qorshihiisa saldhig ciidan badeed

Ruushku wuxuu muddo dheer doonayey inuu dib u soo celiyo joogitaankiisii badeed ee xilligii Midowgii Soofiyeeti ee gobolka GARS, isagoo markii dambe doortay inuu saldhig ka dhiso Sudan.

Balse hirgelinta qorshahan ayaa si isdaba joog ah dib uga dhacay sababo la xiriira dagaalka sokeeye ee dalkaas iyo cadaadiska reer Galbeedka. Sidaas darteed, Ruushku wuxuu u fiirsanayaa fursadaha kale ee Jabuuti ama Somaliland haddii Sudan mar kale ka gaabiso fulinta heshiiskeeda.

Xitaa haddii Sudan hirgeliso heshiiska, Ruushku wuxuu weli yeelan karaa xarumo kale oo dheeraad ah si uu u xoojiyo joogitaankiisa.

Bishii November 2023, waxaa la falanqeeyay in Ruushku dhexdhexaadin karo heshiisyo u dhexeeya Jabuuti, Itoobiya, iyo Koonfurta Sudan, taasoo u horseedi karta inuu saldhig ciidan ka helo Jabuuti.

Beddelkeedana, Ruushka wuxuu heli karaa saami shirkadaha macdanta ee Koonfurta Sudan, dhoofinta badeecooyin beeraley ah oo la dhimo qiimahooda, iyo dhismaha dhuumo shidaal oo gobolka mara.

Arrintan ayaa laga yaabaa inay xiiso geliso Jabuuti haddii Donald Trump hirgeliyo qorshaha “Project 2025” (bogga 186), kaasoo soo jeedinaya in Somaliland la aqoonsado si Maraykanku uga helo xal uu kaga baxo xaaladdiisa sii xumaanaysa ee Jabuuti marka loo eego loolanka uu la leeyahay Shiinaha.

Maraykanka iyo saldhiggiisa Jabuuti: Saameynta Ruushka

Haddii Maraykanku go’aansado inuu ciidamadiisa ka raro Jabuuti una wareejiyo Somaliland, Jabuuti waxay lumin kartaa dakhliga ay ka hesho kiraynta saldhigga Maraykanka.

Laakiin waxay sidoo kale heli kartaa beddel dhaqaale oo ka faa’iido badan haddii ay Ruushka la gasho heshiis, taasoo suuragal ka dhigaysa in Ruushku la wareego saldhigga badeed ee Maraykanka ee Jabuuti, sida uu bishii May 2023 ula wareegay saldhigga cirka ee Maraykanka ee Niger.

Isbeddel noocan ah wuxuu u noqon lahaa mid dhaqaale ahaan faa’iido u leh Jabuuti, isla markaana gogol xaar u noqon kara heshiisyo kale oo dheeraad ah.

Dhinaca kale, haddii Maraykanku go’aansado inuu Jabuuti sii joogo, Ruushku wuxuu diiradda saari karaa Somaliland beddelka Sudan. Inkastoo uu xiriir wanaagsan la leeyahay Soomaaliya, oo Somaliland ay qeyb ka tahay, haddana madaxweynaha Soomaaliya wuxuu laba jeer si adag ugu dhaleeceeyay Ruushka shir caalami ah oo ka dhacay Talyaaniga bishii Janaayo 2024.

Dhaleeceyntaas waxay muujin kartaa in Ruushku aanu wax dhib ah ku qabin inuu xoojiyo xiriirkiisa Somaliland, xitaa haddii taasi ka xanaajinayso Muqdisho.

Aqoonsiga Somaliland iyo heshiisyo suurta-gal ah

Ruushku waxaa laga yaabaa inuu u gogol xaadhayo heshiis ay Somaliland ku heli karto aqoonsi rasmi ah, iyada oo beddelkeedana la kordhinayo maalgelinta iyo iskaashiga dhaqaale ee ay dhawaan isku afgarteen.

Arrintan waxay Ruushka siinaysaa fursad uu uga dhigto Somaliland saldhig ciidan, taasoo qeyb ka noqon karta istiraatiijiyaddiisa badeed ee Gacanka Cadmeed-Badda Cas.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahan waa mala-awaal xog ogaal ah, maadaama aysan jirin warar la xaqiijiyay oo tilmaamaya in arrimahaasi si rasmi ah looga wada hadlay intii uu wafdigu ku sugnaa Somaliland.

Balse lama dhayalsan karo macquulnimada in Ruushku raadinayo xiriir istiraatiijiyadeed oo Somaliland la yeesho, marka la eego duruufaha istiraatiijiyadeed ee ay booqashadu ku dhacday.

Qorshaha Ruushka ee saldhig badeed oo ka hirgala Gacanka Cadmeed-Badda Cas wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay sida Sudan u fuliso heshiiskii dib u dhacay.

Haddii Sudan ka baaqato, waxa xiga ayaa noqonaya go’aanka Maraykanka ee ah inuu Jabuuti sii joogo ama ciidamadiisa u raro Somaliland.

Sida muuqata, Ruushku wuxuu la jaanqaadayaa xaaladaha gobolka halkii uu isku dayi lahaa inuu si toos ah u saameeyo, taasoo u muuqata mid xeel dheer marka la eego xaddidaadda saameynta uu ku leeyahay gobolka.

Kenya oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka DF Soomaaliya iyo Jubaland

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale oo wareysi gaar ah siiyay Wariye Cabdijaliil Show ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan khilaafaadka ka jira gudaha dalka.

Aadan Barre Ducaale ayaa soo hadal qaaday xiisadda haatan u dhexeysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, taas oo gaaray meeshii ugu xumeyd, kadib markii uu go’ay xiriirkii labada dhinac, sidoo kalena ay arrinta isku rogtay dagaal gacan ka hadal ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaciyay mowqifka dowladda Kenya, wuxuuna tilmaamay in arrimaha gudaha Soomaaliya ay uga damabeyso dowladda Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayna la shaqeyn doonaan.

“Arrinka Jubbaland iyo DFS waa in lagu xalliyaa si diblumaasi ah, tan kale annagu waxaan ka dambeynaa Soomaaliya, muhiimaddeenu waxaa weeye in nabad-gelyadu annagoo walaal ah oo mideysan inaan u wajahno sidii loo xallin lahaa xiisadda” ayuu yiri wasiiku.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Madaxweyne William Ruto wuxuu aqoonsan yahay in laga dambeeyo dowladda ka dhisan Villa Soomaaliya, xiriir fiican ayuuna leeyahay Madaxweyne Xasan”.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in dowladda Kenya ay haatan waddo dadaallo ay ku dhex-dhexaadineyso dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland, si xal looga gaaro khilaafka taagan.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday safarkii Madaxweyne Axmed Madoobe ee magaalada Nairobi, wuxuuna tilmaamay inuu la xiriiray arrin diblumaasiyadeed iyo dadaallada lagu dhex-dhexaadinta isaga iyo sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Kenya kuma xad gudbin Soomaaliya, anagu waxaanu la simanahay DFS, booqashadii Axmed Madoobena waxay ahayd arrin diblumaasiyadeed, si looga wada-hadlo khilaafka ka taagan gudaha Soomaaliya, waxaana weli socda waa-waan” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli halkiisa uu yahay khilaafka Muqdisho iyo Kismaayo, kaas oo dhaliyay in xaalad adag ay gasho Jubbaland oo xayiraad xooggan ay saartay dowladda dhexe, waxaana sidoo kale labada dhinac dhex-maray dagaallo toos ah.

Dab xooggan oo maanta ka kacay suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dab xooggan oo goordhow ka kacay suuq Bucaad oo ah suuqa labaad ee ugu wayn dalka.

Dabka ayaa lasoo wariyay inuu qabsaday bakhaar ku yaalla gudaha suuqa, wuxuuna ku fiday goobo ganacsi oo horleh

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto, waxaana haatan soconayo gurmad deg deg ah oo wadaan gaadiidka dab-damiska oo gaaray gudaha suuqa.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sidoo kale muujinayo qiic fara badan oo qabsaday hawada sare ee waqooyiga Muqdisho oo ah halka uu ku yaallo suuqa gubanayo.

Xaaladda ayaa kacsan, mana cadda inta uu gaarsiisan yahay baaxdda khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay suuq Bacaad oo ku yaallo degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.

Kenya oo taamaysa qorshe xasaasi ah oo ka dhan ah AU-da kadib guul-daradii Odinga

Nairobi (Caasimada Online) – Xulafada Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga, ayaa soo jeediyay in Kenya dib uga fiirsato xubinnimada Midowga Afrika (AU), kaddib guuldaradii uu Sabtidii kala kulmay doorashada xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC).

Doorashadan, oo ka dhacday Shir-madaxeedkii 38-aad ee Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha Midowga Afrika ee Addis Ababa, Itoobiya, ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf.

Kaddib wareegyo codbixineed oo socday toddobo marxaladood, Youssouf ayaa ugu dambeyn helay xilka, isagoo helay 33 cod—wuxuuna gaaray aqlabiyadda loo baahnaa ee saddex-meelood laba (2/3) oo ka mid ah 49 hoggaamiye dowladeed oo codeeyay.

Guuldarada Odinga ayaa dhalisay fal-celin xooggan oo ka timid taageerayaashiisa, taasoo keentay dood xoogan oo ku saabsan doorka Kenya ee Midowga Afrika.

Xildhibaan Peter Kaluma oo laga soo doorto Homa Bay ayaa noqday mid ka mid ah codadka ugu adag ee arrintan ka hadlay, isagoo shaaciyay inuu ka shaqeyn doono sidii Kenya uga bixi lahayd Midowga Afrika, xitaa suurtagalna ay tahay inay sidoo kale ka baxdo Bulshada Bariga Afrika (EAC).

EAC waa urur ay ka tirsan yihiin siddeed waddan oo kala ah: Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Uganda, iyo Tanzania.

Dhinaca kale, Xildhibaan Samuel Atandi oo laga soo doorto Alego Usonga ayaa soo jeediyay in Kenya dib u eegis ku sameyso dhaqaalaha ay ku bixiso Midowga Afrika, isagoo ku baaqay in la dhimo ama la joojiyo maalgelinta ay Kenya siiso ururka.

Mowqifkan sii xoogeysanaya ayaa muujinaya walaac ballaaran oo laga qabo qaab-dhismeedka Midowga Afrika iyo saameynta uu ku leeyahay danaha dowladaha xubnaha ka ah.

Senator Ledama Olekina oo laga soo doorto Narok ayaa isna ka hadlay arrinta, isagoo qiray in Madaxweyne William Ruto si buuxda u taageeray musharraxnimada Odinga. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo qaab-dhismeedka Midowga Afrika, isagoo xitaa soo jeediyay su’aal ay dood dhalisay: “Maxaa diidaya in Midowga Afrika loo kala qeybiyo labo?”

Waxaa xusid mudan in hanaanka doorashada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika uu si gaar ah ugu xiran yahay dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo aysan wax saameyn ah ku lahayn maamullada militari.

Xilkan waxaa si wareeg ah loogu wareejiyaa shanta gobol ee Afrika. Doorashadan, gobolka Bariga Afrika ayaa soo xulay musharraxa guddoomiyaha, halka gobolka Waqooyiga Afrika uu keenay ku-xigeenka.

Carruur ay askareynaysay Al-Shabaab oo soo fakaday

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidanka Nabad-sugidda ee ka howl-gala deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay carruur ay qoysaskooda ka afduubteen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib howlgal ka dhacay gobolka Baay.

Carruurta oo gaareyso illaa 4 ayaa waxaa lasoo wariyay in dhowaan ay qafaasheen Al-Shabaab, ayna doonayeen inay askareeyaan balse ay kasoo fakadeen, kadibna waxaa soo qabtay iyaga oo soo baxsaday ciidamada NISA ee ka howlgala magaalada Baydhaba.

Muuqaal uu baahiyay Telefishinka Koonfur Galbeed ayaa waxaa kasoo muuqday carruurta oo aan gaarin da’da qaar-gaarnimada, waxayna ka sheekeeyeen sida ay ugu gacan galeen Al-Shabaab.

Mid kamid ah carruurta ayaa sheegay in markii hore la tashkiiliyay, kadibna sidaas lagu kaxeeyay dhulka Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanka Buush-Madiino oo la doonayay in lagu tababaro, balse ay markii dambe kasoo carareen, iskuna soo dhibeen ciidamada NISA.

“Aniga oo waalidkey la joogo, waxbarashana ku jiro ayaa Al-Shabaab i tashkiilisay, kadibna way i wadeen waxayna i geeyeen Buush-Madiino oo aan joogay mudo 9 berri ah” ayuu yiri.

Sidoo kale, carruurta ayaa dalbaday in la gacan qabto, isla markaana la siiyo waxbarasho, si ay u helaan mustaql fiican oo ka wanaagan midka adag ee Al-Shabaab.

Dhowaan, sidaan oo kale ayaa xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo gaaraya illaa 10 dhalinyaro ah waxaa loogu soo bandhigay Baydhaba, kadib markii ay isa soo dhiibeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka Trump iyo Putin iyo Trump oo ku dhowaaqay in…

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii sheegay in uu “si dhakhso ah” ula kulmi karo Vladimir Putin, isagoo intaa ku daray inuu aaminsan yahay in dhiggiisa Ruushka ay dhab ka tahay joojinta dagaalka Ukraine.

“Waqti lama cayimin, balse waa dhici kartaa in ay dhowaan dhacdo,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha, saacado kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Marco Rubio, uu isku dayay in uu hoos u dhigo rajada laga qabo wadahadallo heer sare ah oo lagu qabanayo Riyadh si loo soo afjaro dagaalka.

Iyadoo Rubio uu hoggaamin doono wafdi sare oo Mareykan ah oo wada-hadallo kula yeelanaya saraakiisha Ruushka caasimadda Sacuudiga maalmaha soo socda, ayaa dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan ay socdaan, xilli dagaalka Ukraine uu galayo sannadkii saddexaad.

Trump ayaa sheegay in kooxdiisu ay “waqti dheer iyo dadaal badan” la qaadatay saraakiisha Ruushka, oo uu ka mid yahay ergaygiisa Bariga Dhexe, Steve Witkoff, kaasoo uu Trump sheegay inuu dhowaan la kulmay Putin muddo saddex saacadood ah.

“Waxaan u maleynayaa inuu doonayo inuu joojiyo dagaalka,” ayuu Trump ka yiri Putin.

Markii la weydiiyay haddii uu aamisan yahay in Putin uu damacsan yahay inuu Ukraine dhan qabsado, Trump wuxuu yiri: “Taasi waxay ahayd su’aashayda.”

“Haddii uu sii wado… taas waxay i hor dhigi lahayd dhibaato weyn,” ayuu Trump ku daray.

“Waxaan u maleynayaa inuu doonayo inuu soo afjaro dagaalka, waxayna rabaan in ay sida ugu dhaqsaha badan u dhammeeyaan. Labadooduba,” ayuu yiri, isagoo intaa raaciyay, “Zelensky sidoo kale wuu rabaa in la soo afjaro.”

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa Axaddii sheegay in uu rumeysan yahay in Ruushku uu u diyaar garoobayo inuu dagaal ku qaado NATO oo daciif ah, haddii Trump uu hoos u dhigo taageerada Mareykanka ee isbahaysiga.

Trump wuxuu u muuqday inuu hoos u dhigayo hadalka Zelensky, isagoo wariyeyaasha u sheegay inuusan “xitaa yar” uga welwelsaneyn farriinta hoggaamiyaha Ukraine.

Hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ayaa marar badan ku adkeystay in uu soo afjari karo dagaalka Ukraine hal maalin gudaheed haddii uu dib ugu laabto Aqalka Cad. Hase yeeshee, Rubio wuxuu hoosta ka xarriiqay in “aysan sahlaneyn” in la xalliyo dagaalkan dheer, dhiigga badan ku daatay, islamarkaana murugsan.

“Hannaanka nabadda waa mid u baahan dadaal ka badan hal kulan,” ayuu yiri diblomaasiga sare ee Mareykanka wareysi uu siiyay CBS, xilli uu ka qeyb galay Shirka Amniga Munich.

‘Weli waxba lama go’aamin’

Rubio ayaa hoggaamin doona wafdi heer sare ah oo Mareykan ah oo u socdaalaya Riyadh, balse weli lama caddeyn in Ukraine ay ka qeybgali doonto. Rubio wuxuu sheegay inuusan xitaa hubin cidda Moscow ay u soo diri doonto.

“Weli waxba lama go’aamin,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in ujeeddadu ay tahay in la helo fursad lagu billaabo wadahadal ballaaran oo “ay Ukraine ka mid noqon doonto, islamarkaana la xiriiri doona dhammaadka dagaalka.”

Witkoff iyo Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Michael Waltz, ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan wadahadallada.

Trump iyo Putin ayaa Arbacadii yeeshay wicitaan dheer oo ay ku heshiiyeen in si degdeg ah loo billaabo wadahadallo xabbad-joojin ah.

Wadahadalkii ayaa lama filaan ku noqday xulafada NATO iyo Kyiv, iyadoo Zelensky uu ku adkeystay in “wax go’aan ah laga gaareyn Ukraine iyada la’aanteed.”

“Xilligan ma jiro wax hanaan ah,” ayuu yiri Rubio, oo Sabtidii telefoon kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka, Sergei Lavrov. “Hal wicitaan nabad ma keeni karo.”

Wareysi uu Axaddii siiyay NBC, Zelensky wuxuu ku sheegay in Putin uu yahay qof been badan, oo aan la aamini Karin.

“Ma aaminsani in qofna qof kale uu aamini karo marka la eego arrimaha siyaasadda caalamiga ah,” ayuu yiri Rubio.

“Maalmaha iyo toddobaadyada soo socda waxay go’aamin doonaan haddii (Putin) uu dhab ka yahay ama aanay ahayn.”

Olole saameynaya 2.5 milyan oo caruur ah oo ka billowday Soomaaliya – Muxuu yahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shalay daah-furtay ol’ole qaran oo afar maalmood soconaya, kaas oo lagu tallaalayo 2.5 milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano, iyadoo diiradda la saarayo gobollada Jubbaland, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Ol’olahan, oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada ee Dowladda Federaalka, waxaa taageeraya Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), UNICEF iyo Barnaamijka Ciribtirka Caalamiga ah ee Dabaysha (GPEI).

Ujeeddada ol’olahan ayaa ah in la joojiyo faafitaanka nooca labaad ee fayraska dabaysha (cVDPV2), kaas oo kusoo noqnoqday Soomaaliya tan iyo 2017.

Soomaaliya waa mid kamid ah toddobada dal ee Barnaamijka Ciribtirka Dabayshu u aqoonsaday inay halis sare ugu jiraan cudurkan. Sababaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah cudurro soo noqnoqday, nidaamka caafimaadka oo daciif ah, iyo colaadaha sii socda ee caqabad ku ah dadaallada tallaalka.

Gobollada kale ee sida weyn ugu nugul dabaysha waxaa ka mid ah: Afgaanistaan, Pakistan, Gobolka Tete ee Mozambique, Bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Kongo, Waqooyiga Yemen iyo Waqooyiga Nigeria

Dadaallada tallaalka iyo wacyigelinta

Si loo xakameeyo faafitaanka cudurkan, kooxaha tallaalka ayaa guri-guri u mari doona si ay u hubiyaan in carruurta la beegsanayo ay helaan tallaalka cusub ee dabaysha (nOPV2).

Ol’olahan ayaa sidoo kale lagu xoojinayaa dadaallada joogtada ah ee tallaalka, iyadoo la kordhinayo wacyigelinta bulshada si wax looga qabto cabashada ay waalidiinta qaar ka qabaan tallaalka.

Sanadkii hore, dadaalladii joogtada ahaa iyo ol’olayaashii gaarka ahaa ee cudurka dabaysha ayaa suurta geliyey in la tallaalo 600,000 oo kamid ah 1.5 milyan oo carruur ah oo aan weligood wax tallaal ah qaadan. Ol’olahan cusub ayaa sii xoojinaya guulihii hore, wuxuuna muujinayaa sida ay dowladda uga go’an tahay badbaadinta carruurta Soomaaliyeed.

Dabayshu waa cudur halis ah, balse gabi ahaanba laga hortagi karo. Wareeg kasta oo tallaal ah wuxuu inaga dhawaynayaa ciribtirka cudurkan.

Iskaashiga adag ee bulshada, hoggaaminta dowladda, iyo taageerada hay’adaha caalamiga ah ayaa muhiim u ah xaqiijinta in aan hal ilmo laga tagin.

Dowladda Soomaaliya waxa ka go’an inay si dhow ula shaqeyso dhammaan dhinacyada ay quseyso si loo sugo in carruurta Soomaaliyeed laga ilaaliyo cudurka dabaysha iyo cudurrada kale ee tallaalka lagu xakameeyo.

Dhawaan, dowladda Soomaaliya ayaa daah-furtay guddi qaran oo ka shaqeynaya tallaalka iyo ciribtirka dabaysha, kaas oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha, si loo dedejiyo dadaallada lagu dabar-goynayo cudurkan.

Marka lagu daro dadaallada ka dhanka ah dabaysha, dowladda ayaa qorsheynaysa in sanadkan la hirgeliyo tallaalada pneumococcal iyo rotavirus, kuwaas oo si weyn hoos ugu dhigi kara dhimashada carruurta ee la xiriirta oof-wareenka iyo shubanka—labadaas oo ah sababaha ugu badan ee dhimashada carruurta Soomaaliyeed.

Sagaal qof oo Mareykanka ugu dhintay…

0

Washington (Caasimada Online) – Ugu yaraan sagaal qof oo siddeed ka mid ahi ku sugnaayeen gobolka Kentucky, ayaa u dhintay qaboowga daran ee xilliga jiilaalka iyo daadad ka dhashay roobab ka da’ay gobollo dhowr ah oo ku yaalla Mareykanka.

Guddoomiyaha gobolka Kentucky Andy Beshear ayaa Axaddii sheegay, in boqollaal qof laga soo badbaadiyay meelaha ay daadadku ku dhufteen. Wuxuu sheegay in dadka dhintay ay ku jireen hooyo iyo ilmo yar oo 7 jir ah oo ay dhashay, kuwaas oo baabuurki ay la socdeen ay liqdeen biyo jooggoodu uu sarreeyay.

Beshear wuxuu sheegay in dabeylo xoog leh korontadi ka jareen ilaa 39,000 oo guri, isla markaana ka digay in dabeyluhu ay sii socon doonaan meelaha qaar.

Meelaha kale ee ay dabeylaha iyo duufaannada jiilaalka saameeyeen ayaa waxaa ka mid ah gobollada Tennessee, Georgia, New England iyo New York.

Qabow iyo baraf xoog leh ayaa la saadaalinayaa in ay ka dhacaan New England, halka wali uu baraf badani daadsan yahay gobollo ay ka mid yihiin Nebraska, Iowa, Wisconsin, Michigan iyo kuwo kale.

DF oo war culus ka soo saartay Puntland oo caawa ay ka socdaan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal militari oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka (US AFRICOM) ayaa goordhow laga fuliyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen haraadiga horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Daacish ee Buuraleyda Calmiskaad, gobolka Bari ee dowlad-goboleedka Puntland.

Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa lagu xoojinayay howlgallada isdaba joogga ah ee geesiyaasha Daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan argagixisada Daacish. Wali waxaa socda tirakoobka khasaaraha gaaray cadowga ISIS.

Qiimeyn kadib, faahfaahin dhammeystiran ayaa laga soo saari doonaa howlgalkaan, maadaama uu weli socdo howlgalkaan oo ah mid qorsheysan, sida ay shaacisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareykanka waxaa ka go’an xoojinta iskaashiga howlgalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Taliska AFRICOM ayaa horey u sheegay in 1-dii Febraayo 2025, iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay fuliyeen howlgal lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Daacish.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay 14 xubnood oo Daacish ah, oo uu ku jiray horjooge sare oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maleninine, kaas oo mas’uul ka ahaa qorista xubnaha iyo aruurinta dhaqaalaha kooxda.

Sidoo kale, Puntland ayaa u mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ka qayb qaatay duqeymaha cirka ee lagu bartilmaameedsaday Daacish. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr mar sheegtay in door muuqda ay ku leedahay howlgalka Puntland looga xoreynayo Daacish.

Dowladda Federaalka oo hadda shaacisay duqeynta caawa ka socota Calmiskaad ayaa ballan qaaday faahfaahin dhammeystiran kadib markii uu soo idlaado howlgalkaan. Sidoo kale, Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa looga bartay shaacinta xogta kama dambeyska ah ee howlgallada ay fuliyaan.

Mareykanka oo Soomaaliya ka hakiyey lacagahii Danab iyo kuwa kale + Sababta

Washington (Caasimada Online) – Joojinta madaxweyne Donald Trump uu ku sameeyey gargaarka dibadda ee Mareykanka, ayaa saameyn xooggan ku yeeshay Soomaaliya, ayada oo la hakiyey lacagtii Washington ay ku bixin jirtay ciidamada Danab, iyo la-dagaalanka kooxaha argagixisada dalka ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Saacado un kadib markii uu xilka la wareegay bishii hore, Trump wuxuu saxiixay amar madaxweyne oo hakad gelinaya barnaamijyada gargaarka dibadda muddo 90 maalmood ah.

Wuxuu ku dooday in “gargaarka dibadda iyo hay’adaha la xiriira aysan waafaqsanayn danaha Mareykanka” isla markaana ay “wax u dhimayaan xasilloonida caalamka.”

Si kastaba ha ahaatee, afar mas’uul oo hore iyo kuwo hadda xil haya – kuwaas oo codsaday in magacyadooda la qariyo cabsi ay ka qabaan aargoosi xagga dowladda ah – ayaa sheegay in barnaamijyadan la hakiyay si gaar ah loogu talagalay in looga hortago khataraha amniga qaranka, joojintooduna ay halis gelin karto Mareykanka iyo xulafadiisa caalamiga ah.

Aqalka Cad kama jawaabin codsi loogu diray faallo ka bixinta arrintan.

Saameynta hakadka gargaarka amniga

Mareykanka wuxuu sannadkii bixiyaa ku dhawaad $10 bilyan gargaar amni oo dibadda ah. In ka badan kala bar miisaaniyaddaasi waxay aadaa Israa’iil, Masar, iyo Ukraine – saddexdan waddan ayaana laga dhaafay xanibaadda kharashaadka.

Dhanka kale, waddamada kale ee xulafada la ah Mareykanka ee ku yaalla Afrika iyo Bariga Dhexe – kuwaas oo hela gargaar aad uga yar – waxay la kulmeen hakad ballaaran oo saameeyay barnaamijyadooda amniga.

Mid ka mid ah barnaamijyada si gaar ah looga walaacsan yahay waa barnaamijka Kaalmada Ka-hortagga Argagixisada (Anti-Terrorism Assistance), oo Mareykanku ku bixiyay $264 milyan sannadkii 2023 si sare loogu qaado awoodda xulafadiisa ay uga falceliyaan khataraha xagjirka.

Barnaamijyo kale ayaa diiradda saaraya la-dagaallanka dambiyada caalamiga ah, ka hortagga ka ganacsiga mukhaadaraadka, iyo xoojinta hay’adaha sharci fulinta ee maxalliga ah. Qaar badan oo ka mid ah barnaamijyadan hadda waa la hakiyay.

“Tani ma aha ‘Show-ga The Apprentice.’ Lama oran karo xulafada: waad la bixi kartaan,” ayuu qoray sarkaal hore oo dhanka amniga ah. “Wax kasta oo aan siino – laga bilaabo tababar iyo qalab ilaa talo guud – waa gargaar dibadeed, waxaana ay xulafadayadu ku tiirsan yihiin si ay u fuliyaan howlaha Mareykanku ku adkeeyay in ay ka shaqeeyaan si ‘Mareykanka ammaan u noqdo!’”

Soomaaliya oo saameyn gaar ah dareentay

Soomaaliya, oo Mareykanku taageero siiyo si ay ula dagaallanto Al-Shabaab – kooxda xiriirka la leh Al-Qaeda – ayaa si gaar ah saameyn ugu yeelatay hakadka dhaqaalaha, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka.

Joojinta dhaqaalaha ayaa halis dhanka amniga ah u keentay boqolaal askari oo Mareykan ah oo ku sugan halkaas.

Qandaraaslayaal qaabilsan dhismaha iyo dayactirka xeryaha ciidanka gaarka ah ee Danab – oo uu Mareykanku tababaray – ayaa si lama filaan ah uga tagay, taasoo keentay in askarta Mareykanka ay dadaal geliyaan si ay u buuxiyaan kaalintooda, sida uu sheegay sarkaalkan difaaca Mareykanka.

Ku dhawaad 400 oo askari oo ka qalin jabiyay tababarka Danab ayaa looga tagay bannaanka saldhig Mareykan ah, iyagoo aan helin raashin, shidaal ama koronto.

Qandaraasle kale oo qaabilsanaa daad-gureynta dhaawacyada askarta Soomaaliyeed wuxuu hayay shaqaale ku sugnaa goob dagaal oo fog xilliga la soo saaray amarka joojinta shaqada, sida uu sheegay sarkaalkan difaaca Mareykanka. Lama oga in dib u celinta shaqaalahaasi ama howlaha kale ee daad-gureynta la bixin doono.

Shaybaarrada Soomaaliya oo hakad galay

Xayiraadda dhaqaalaha waxay sidoo kale saameysay shaybaarrada Mareykanku taageero ee ku yaalla Muqdisho iyo Garoowe, kuwaas oo baara rasaasta, DNA-da, bambooyinka iyo cadeymo kale.

Lt. Col. Maxamed Maxamuud Axmed, oo ah madaxa laanta baarista dambiyada ee booliska Soomaaliya, ayaa sheegay in shaybaarka Muqdisho uu bixin jiray faro-bixino iyo xog kale oo lagu gudbiyo Interpol iyo FBI.

“Sannadkii hore, shaybaarku wuxuu la tacaalay illaa 120 kiis oo argagixiso,” ayuu yiri Axmed. “Laakiin howlihii oo dhan hal bil gudaheed ayay istaageen. Tababarayaasheena way tageen, shatiyada IT-gana waa dhacay.”

Khabiir dhanka amniga ah oo si qoto dheer uga shaqeeyay Soomaaliya wuxuu arrinta si cad u sheegay:

“Haddii dhaqaalaha Mareykanka gabi ahaanba istaago, dagaalkan [lagu hayo Al-Shabaab] si degdeg ah ayuu u dhammaanayaa,” ayuu yiri.

Dagaalyahannada Al-Shabaab waxay sannado badan weerarro dhimasho leh ka gaysteen Kenya, oo ah xulafo weyn oo Mareykanka ah. Sannadkii 2020, dagaalyahanno hubeysan ayaa weeraray saldhig milatari oo ku yaalla Jasiiradda Manda Bay, halkaas oo ay ku dileen saddex Mareykan ah.

Sannadkii 2013, weerar ay ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee Nairobi wuxuu socday maalmo, halkaas oo boqolaal qof lagu dilay; sannadkii 2019, weerar kale oo lagu qaaday hoteel heer sare ah oo Nairobi ku yaalla wuxuu sababay dhimashada 21 qof.

Waqooyiga Soomaaliya, halkaas oo Daacish ay ka dhigatay saldhig hawleed iyo mid dhaqaale, ciidamada maxalliga ah ayaa ku jira dagaal culus oo lagu doonayo in lagaga saaro kooxdaasi, balse weli ma helin taageero xagga reer galbeedka ah.

Warbixin bishan ka soo baxday guddiga khubarada Qaramada Midoobay ee baaraya Daacish iyo Al-Qaeda ayaa lagu sheegay in khatarta kooxahani ay weli tahay mid xooggan, isla markaana ay sii xoojinayaan diiradooda Afrika.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaamtay in Al-Shabaab ay sameysaneyso xiriir “ku meel gaar ah ama fursad raadis ah” oo ay la yeelatay Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo weerarro la beegsanaya marin-biyoodka caalamiga ah.

Sacuudiga oo xukun dil ku fuliyey muwaadin Soomaali ah iyo 44 kale oo la filayo in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa maanta dil ku fulisay nin Soomaali ah oo ka mid ahaa 45 maxbuus oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu helay dambiga ah in ay dalka Sacuudiga galinayeen mukhaadaraad ama daroogo.

Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga ayaa VOA u xaqiijiyay in maxbuuskaas maanta la dilay. Wuxuu sheegay in go’aanka lagu toogtay mid ka mid ah maxaabiistii Soomaaliyeed uu la yaab ku noqday.

Xasan Xuseen Yuusuf, oo adeer u ah ninka maanta Sacuudiga lagu toogtay, ayaa sheegay in wiilkooda uu la soo xiriiray, isagoo u sheegay in la dilayo oo uu tiirka ku xiran yahay. Wuxuu sidoo kale codsaday in la cafiyo, hooyadiisna lagu salaamo.

Maxaabiista kale ee Soomaalida ah ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in laga badbaadiyo xukunka dilka ah ee lagu riday, maadaama maanta la toogtay mid ka mid ah.

Maxaabiistan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 50 qof ayaa xilliyo kala duwan lagu qabtay Sacuudiga, iyagoo lagu eedeeyay inay dalkaas soo geliyeen maandooriye.

Ehellada maxaabiistan ayaa sheegay in dhalinyaradan, oo qaarkood tahriib ku galay Sacuudiga iyagoo sii maray Yemen, lagu khiyaameeyay inay maandooriye geliyaan dalkaas.

Sanadkii 2024, Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku fulisay in ka badan 300 qof, taas oo muujineysa in boqortooyadu ay sii waddo fulinta xukunnada dilka ah ee la xiriira dambiyada maandooriyaha iyo kuwa kale.

Maxaabiista Soomaalida ah ee weli ku xiran Sacuudiga ayaa codsaday in dowladda Soomaaliya ay u soo gurmato si loo khafiifiyo xukunnada dilka ah ee lagu riday, maadaama lagu khiyaameeyay inay maandooriye geliyaan dalkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u qaaday tallaabooyin lagu doonayo in lagu caawiyo muwaadiniinta ku xiran xabsiyada Sacuudiga, iyadoo la rajeynayo in dadaalladaasi ay sii socdaan si loo badbaadiyo nolosha maxaabiistan.

US funding freeze threatens Somalia’s war on terror

0

MOGADISHU, Somalia – The Trump administration’s abrupt suspension of US foreign aid programs has sparked alarm among security experts and defense officials, who warn that the move could weaken counterterrorism efforts in Somalia, particularly against militant groups such as al-Shabab and the Islamic State (IS).

Last month, the White House issued an executive order pausing all foreign aid programs for 90 days, citing concerns that the “foreign aid industry and bureaucracy are not aligned with American interests” and “serve to destabilize world peace.”

However, several current and former US officials, speaking anonymously, argue that the suspension is counterproductive, jeopardizing security partnerships and endangering American personnel stationed abroad.

The US spends nearly $10 billion annually on foreign security assistance. While major allies such as Israel, Egypt, and Ukraine were exempted from the freeze, numerous security programs across Africa and the Middle East have been brought to a standstill.

Among them is the Anti-Terrorism Assistance program, which had a $264 million budget in 2023 to strengthen the counterterrorism capabilities of partner nations.

“This is not The Apprentice. You can’t just tell your partners: ‘You’re fired,'” a former US security official said. “Everything we provide—training, equipment, and operational support—is foreign assistance, and many of these nations rely on it to sustain operations that directly protect U.S. interests.”

Impact on counterterrorism in Somalia

One of the hardest-hit regions is Somalia, where the US has played a critical role in the fight against al-Shabab, an al-Qaeda-linked insurgent group responsible for numerous deadly attacks. The funding freeze has led to immediate operational disruptions for Danab, U.S.-trained Somali special forces crucial to counterterrorism missions.

A US defense official revealed that private contractors responsible for building and maintaining Danab bases withdrew abruptly, forcing American troops to take over logistical duties.

Additionally, nearly 400 newly graduated Danab soldiers were left stranded outside an American military base without provisions for food, fuel, or electricity.

Further complicating the situation, medical evacuation (medevac) services for injured Somali soldiers were halted mid-operation.

“Personnel were in a remote combat zone when the stop-work order was issued,” said the defense official. “It remains unclear whether they will be reimbursed for the return flight or any future medevacs.”

Somalia’s forensic capabilities have also suffered. U.S.-supported crime laboratories in Mogadishu and Garowe—which analyze bomb fragments, DNA, and ballistic evidence—have been forced to shut down due to funding cuts.

Lt. Col. Mohamed Mohamud Ahmed, head of Somalia’s police forensics unit, said the closures have disrupted intelligence-sharing with Interpol and the FBI.

“Our mentors have left, and our IT licenses have expired,” Ahmed stated. “Last year, we worked on about 120 terrorism cases. Now, everything has collapsed within a month.”

Expanding security vacuum in Africa

Beyond Somalia, security experts warn that the aid freeze could worsen instability across Africa. A United Nations report this month highlighted that al-Shabab, IS, and other extremist groups remain highly active across the continent, exploiting weak state security structures.

Al-Shabab has carried out high-profile attacks in Kenya, including the deadly 2013 Westgate Mall siege, which killed over 60 people, and the 2019 attack on Nairobi’s DusitD2 Hotel, which left 21 dead.

In northern Somalia, IS fighters have established an operational and financial hub, raising fears of a broader regional insurgency. Local forces battling the group have struggled to secure external military assistance, making them increasingly vulnerable to militant advances.

“If all U.S. funding stops indefinitely, this war [against al-Shabab] will end very fast—and not in our favor,” warned a security expert with extensive experience in Somalia.

Global security ramifications

The White House has not provided a clear timeline for the conclusion of the aid review. However, critics argue that the freeze has strained relationships with key security partners.

With U.S.-backed initiatives stalling, adversaries such as Russia and China may seek to expand their influence in regions traditionally aligned with Washington.

A recent UN report also highlighted increasing ties between al-Shabab and Yemen’s Houthi rebels, who have targeted global shipping lanes.

Analysts suggest that weakening Somalia’s security forces could inadvertently strengthen these groups, complicating US efforts to contain transnational terrorist threats.

As uncertainty looms over the fate of US foreign assistance, military officials and security experts caution that the long-term consequences could be severe.

“Terrorist organizations exploit power vacuums,” a senior counterterrorism analyst said. “The U.S. risks undoing years of progress in counterterrorism operations, which could come back to haunt us.”

Kadib weji-gabixii Muqdisho, Haboon oo si weyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Fannaanadda Haboon Nuura, oo maalmo ka hor Muqdisho looga hor istaagay inay qabsato bandhig faneed, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Haboon ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa si diirran ugu soo dhaweeyay fanaaniin iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Fannaanadda oo la hadashay warbaahinta gudaha kadib imaatinkeeda Hargeysa ayaa sheegtay inay ogoshahay wax walba oo ay ku weyday qaranimada Somaliland, sida ay hadalka u dhigtay.

Fannaanaddan ayaa horey uga mid ahayd koox fanaaniin ah oo reer Hargeysa ah, kuwaas oo xilligii ay Soomaaliya ka difaaceysay badda Itoobiya qaaday hees ay nacayb ugu muujinayeen reer Muqdisho.

Erayada heesta muranka dhalisay waxaa ka mid ahaa: “Malihin cadow Xamar ka daran,” iyagoo qeyb kamid ah heestaas ku amaanay Itoobiya oo xilligaas dooneysay inay xoog ku qaadato badda Soomaaliya.

Haboon ayaa la sheegay in loo soo bandhigay inay raalli-gelin ka bixiso kadibna ay qabsan karto bandhig-faneedkii u dhignaa, balse fannaanadda ayaa diiday, waxayna go’aansatay inay iskaga soo laabato Hargeysa oo markii hore ay kasoo duushay.

Reer Muqdisho iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ayaa dhibsaday heestii ay qeybta ka ahayd ee lagu karbaashay xilli ummadda Soomaaliyeed ay dalka ka difaacanayeen cadowga Itoobiya.

Hoos ka daawo muuqaalka

Maxay SOMALILAND ka tiri guul-darrada musharraxii taageerayay aqoonsigeeda?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa hambalyeysay musharraxa ku guuleystay tartanka hoggaanka fulinta Midowga Afrika, kaasoo loo doortay Maxamuud Cali Yuusuf, kaasi oo ka adkaaday Raila Odinga oo ay wadatay Kenya.

“Aniga oo ku hadlaya magaca Dawladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Dawladda iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti, oo aan ku hambalyeynayno guusha taariikhiga ah ee ay ku hanteen Hoggaanka Fulinta ee Ururka Midowga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray madaxweynaha Somaliland.

Odinga ayaa si weyn u taageeri jiray ololaha aqoonsi raadinta Somaliland, oo muddo ka badan 30 sano ku doodaysay inay tahay “dal ka madax-bannaan Jamhuuriyadda Soomaaliya,” inkasta oo caalamku u aqoonsan yahay sidii maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya.

Musharraxan ayaa horey meelo fagaaro ah uga taageeray qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland, isaga oo ugu baaqay Golaha Fulinta Midowga Afrika inay u aqoonsadaan Somaliland dal madax-bannaan.

Madaxweynaha Somaliland, oo u muuqda mid indhaha ka lalinaya weji-gabaxa kasoo gaaray tartankan—maadaama ninka la doortay la ogyahay halka uu ka taagan yahay qadiyadda Somaliland—ayaa guushan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo markhaati u ah saameynta sii kordheysa ee Jabuuti ku leedahay qaaradda Afrika.

“Guushan taariikhiga ahi waxa ay markhaati u tahay saamaynta diblomaasiyadeed ee sii kordhaysa ee ay Djibouti ku leedahay guud ahaanba Qaaradda Afrika, iyo sida ay Djibouti uga go’an tahay horumarinta iskaashiga Qaaradda. Dawladda Djibouti waa dal u heellan hagaajinta danaha ka dhexeeya waddamada iyo shucuubta Qaaradda Afrika,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale, waxa uu qoraalkiisa ku daray: “Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa ka dhexeeya xidhiidh walaaltinimo iyo xidhiidh taariikhi ah. Waxaanan ku kalsoonnahay in hoggaaminta dalka Jabuuti uu Midowga Afrika u horseedi doono horumar la mahadiyo, xagga nabadgelyada, xagga dhaqaalaha iyo xagga bulshadaba.”

“Mar labaad, waxa aan Dawladda iyo Shacabka Jabuuti ee aanu walaalaha nahay ku hambalyeynayaa guushan taariikhiga ah. Waxa aan Jabuuti u rejaynaynaa inay ku guulaysato gudashada xilkan muhiimka ah ee loo doortay,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxweynaha Somaliland.

Qorshaha Masar ee Gaza oo iska hor keeni kara Trump iyo Al-Siisi – Maxaa socda?

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Siisi ayaa dhawaan ka horyimid qorshaha madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kaas oo uu ku doonayo in dadka reer Falastiin ee Gaza loo raro dalal ay ku jirto Masar.

Al-Sisisi ayaa la sheegaya inuu wado dadaallo diblomaasiyadeed oo hoose, xilli uu wajahayo mid ka mid ah xilliyadii ugu adkaa ee xukunkiisa. Masar ayaa rajo weyn laga qabaa inay hormuud ka noqoto qorshe weyn oo dib loogu dhisayo Gaza, taas oo u oggolaanaysa inay ka fogaato barakicinta ballaaran ee Falastiiniyiinta iyo inay kor u qaadaan dhaqaalaha dalkooda.

Al-Siisi ayaa sida muuqata doortay waddo ka duwan tii Boqorka Urdun, Cabdalla II oo dhawaan Trump kula kulmay Aqalka Cad. Halkaas, Cabdalla wuxuu adeegsaday hadal jilicsan, isagoo ballan-qaaday inuu u oggolaan doono carruurta reer Gaza ee buka inay Urdun yimaadaan, balse si adag u diiday fikradda dib-u-dejinta qaxootiga reer Gaza.

Inkasta oo Trump uu ku adkeystay in Masar ay qaabili doonto dadka barakacay ee reer Gaza, haddana dalkaas Carbeed ayaa meel adag ka istaagay qorshahan. Trump ayaa ku andacoonaya inuu Masar wax badan u qabto ayna ogolaan doonto ugu dambeyntii, wallow ay taasi hadda muuqan.

Madaxweynaha Masar, Al-Siisi oo ah xulufo muhiim u ah Mareykanka ayaa sheegay in barakicinta “dadka Falastiiniyiinta ah ee dhulkooda ay tahay caddaalad darro aanan marnaba oggolaan karin”. Sidoo kale wuxuu baaqay shirweyne Carbeed oo lagu qaban doono Qaahira 27-ka Febraayo, si looga wada hadlo aragti beddesha tan Trump oo dhammaystiran oo ku aaddan Gaza.

Sii socoshada kala fogaanshaha labada dhinac ayaa la rumeysan yahay inay iska hor keeni karto Masar iyo Mareykanka oo xulufo muhiim ah, maadaama uu Trump ku adkeysanayo qorshahaan oo sida la fahamsan yahay ujeedooyin qarsoon ku ladhan yihiin.

Si kastaba, tan iyo bilowgii dagaalka Israa’iil iyo Xamaas bishii Oktoobar 2023, Masar ayaa kow ka ah dalalka Carbeed ee sida isdaba joog ah uga digeyay qorshooyin lagu barakiciyo Falastiiniyiinta Gaza iyo Daanta Galbeed ee xuduudahooda.

Xog: Ciidamo ka tirsan NISA oo laga qaaday magaalada Muqdisho, lana geeyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan kuwa Hay’adda NISA oo dhowaan uun tababar soo dhammeystay gaysay furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamadan oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa iska xaadiriyay jiidda hore ee dagaalka, waxayna soo qaateen tababar gaar ah oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyaga oo si rasmi ah ugu biiray howlgalada lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo dhiig cusub ku shubi doono dagaalka ay haatan gaareen deegaanno u dhexeeya degmooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi, halkaas oo ay haatan ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ciidamada NISA ay aad u qalabeysan yihiin, isla markaana ay wataan gaadiidka dagaalka, iyaga oo fariisimo cusub ka sameystay aagga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Ujeedka ugu wayn ee ciidamadan loo geeyay halkaasi ayaa ah in ay door muhiim ah ka qaataan howlgalada la doonayo in lagu ciribtiro Al-Shabaabka kasoo gudbay deegaannada dhaca Jiinka Wabiga, kuna soo qul-qulayo gobolka Hiiraan oo hoostaga maamul goboleedka HirShabelle.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo horay ciidamada u sagootiyay ayaa tilmaamay inay wax weyn ka tari doonaan burburinta godadka ay ku dhuumaaleysanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada, maadaama ay heleen tababarro adag oo xirfado sare leh oo ay siisay dowladda Turkiga.

Si kastaba, Gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo hoos u dhacay bilihii lasoo dhaafay ayaa haatan dowladda Soomaaliya ku waddaa dardar-gelin xooggan si mar kale dagaal culus loogu qaado kooxdaas, iyadoo howlgaladu ka socdaan jihooyin dhowr ah.

Sirdoonka dhowr dal oo isku raacay ninka Soomaaliga ah ee la wareegay hoggaanka…

Washington (Caasimada Online) – Tirada dalalka rumeysan inay aqoonsadeen hoggaamiyaha maamula hawlgallada caalamiga ah ee kooxda argagixisada ah ee Dowladda Islaamka (Daacish) ayaa sii kordhaysa.

Warbixin ay toddobaadkan soo saartay Kooxda Kormeerka Cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay, oo ku saleysan xog sirdoon laga helay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ay jirto “hubanti sii kordhaysa” oo muujinaysa in hoggaamiyaha Daacish uu yahay Cabdulqaadir Muumin, oo sidoo kale madax ka ah laanta kooxda ee Soomaaliya.

Doorka Muumin ee hawlaha caalamiga ah ee Daacish marnaba shaki lama galin. Warbixinnadii hore ee sirdoonka Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in loo dallacsiiyay hoggaanka Waaxda Guud ee Gobollada ee Dowladda Islaamka, taas oo u oggolaanaysa inuu xukumo laamaha kooxda ee Afrika.

Dhammaadkii sanadkii hore, saraakiil ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa VOA u sheegay inay aaminsan yihiin warbixinnada sheegaya in Muumin yahay amiirka kooxda.

Qiimeyntaas ayaa u muuqata mid sii xoogeysanaysa, iyadoo dalal badan oo xubno ka ah Qaramada Midoobay ay isku raaceen in Daacish ay la jaanqaadeyso xaaladaha dhabta ah ee ka jira Ciraaq iyo Suuriya, taas oo ka dhigaysa inay muhiim tahay in ay saraakiisheeda muhiimka ah u rarato gobollo kale.

“Tani waxay muujin kartaa istiraatiijiyad si ula kac ah loogu beddelayo qaab hawlgal oo aad u baahsan, kuna fidsan meel ka fog goobaha dagaalka asalka ah,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Hase yeeshee, dhammaan dalalkii xogta bixiyay kama aysan midaysnayn arrintan.

Qaarkood wali ma rumeysna in Daacish, ay si sahlan uga tagi doonto dhulkeeda asalka ah ee Ciraaq iyo Suuriya. Kuwo kale ayaa shaki geliyay in Daacish oggolaan doonto in hoggaan u noqdo qof aan la xaqiijin karin inuu ka soo jeedo faracii Nebi Muxamed NNKH, shuruud mar hore lagu dabaqi jiray hoggaamiyayaasheeda hore.

Si kastaba ha ahaatee, badbaadadu waxay noqon kartaa arrinka ugu muhiimsan.

Tan iyo dilkii hoggaamiyihii Daacish Abu Bakr al-Baghdadi sanadkii 2019 iyo beddelkiisii sanadkii 2022, kooxda waxay isku dayday inay qariso aqoonsiga hoggaamiyayaasheeda, iyadoo yareynaysa muuqaaladooda dadweynaha.

Kooxdu waxay si shaacsan ugu tilmaantay hoggaamiyahooda hadda magaciisa dagaalka, Abu Hafs al-Hashimi al-Qurashi, taas oo muujinaysa inuu buuxinayo shuruudda asal-raaca qoyska Nabiga NNKH.

“Waxaa laga yaabaa inay hadda la qabsadeen xaqiiqada ah in amiirka, ama khaliifka, uusan marna la arki doonin ama la maqli doonin,” ayuu yiri Edmund Fitton-Brown, oo hore uga tirsanaa Qaramada Midoobay kana tirsan Mashruuca Ka-hortagga Xagjirnimada.

“Waxaa laga yaabaa inay yiraahdeen Abu Hafs al-Hashimi al-Qurashi waa magaca aan u bixinay khaliifka,” ayuu Fitton-Brown u sheegay VOA. “Cidina waligeed ma ogaan doonto inuu Soomaali yahay. Cidna waligeed ma maqali doonto lahjaddiisa Afrikaanka ah. Cidna waligeed ma arki doonto qof Afrikaan ah.”

Durba, Abu Hafs wuxuu ka badbaaday hogaamiyihiisii hore oo la dilay lix bilood kadib markii uu xilka la wareegay.

Haddii Abu Hafs uu yahay Muumin, wuxuu sidoo kale ka badbaaday weerar cirka ah oo Mareykanku la beegsaday bishii May 2024.

Warbixinta Qaramada Midoobay ee toddobaadkan ayaa sheegtay in tan iyo weerarkaas, Muumin uu qaaday tallaabooyin lagu yareynayo in kooxda lagu soo jeediyo indhaha dibadda.

Warbixintu waxay sidoo kale Muumin xaruntiisa hawlgalka ku qeexday Buur Dhexaad, oo ah godad iyo dhismayaal difaac ah oo ku yaalla buuraleyda Cal Miskaad ee Golis, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ka hortagaan duqeymaha cirka ee Reer Galbeedka.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaas waxaa la tijaabinayaa iyadoo duqeymo cusub oo Mareykanku fuliyay bishan gudaheeda ay la beegsadeen isla deegaankaas.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in weerarradaas lagu dilay Ahmed Maeleninine, oo ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsanaa hawlgallada dibadda, iyo 13 dagaalyahan oo kale.

Daacish-Soomaaliya

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa digtay in Daacish-Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Muumin, ay sii xoojisay saameynteeda iyo dhaqaalaha ay hesho.

Sirdoonka dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa muujiyay in Daacish-Soomaaliya ay ballaarisay dhaq-dhaqaaqyada baadda ay ka qaado deegaanada ay maamusho, taas oo ay lacagta ka heshay ku maalgelisay horumarinta awooddeeda milatari, oo ay ku jirto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loogu talagalay basaaska iyo weerarada is-qarxinta.

Laakiin kooxda, oo horay ugu kortay dagaalyahanno ajnabi ah, hadda waxay la kulmeysaa hoos u dhac.

Warbixintu waxay sheegtay in Daacish-Soomaaliya ay la kulantay koror ka dhacay dhinaca baxsiga xubnaha, taas oo sabab looga dhigay “dhibaatooyin la xiriira isku-darka dagaalyahanada ku saleysan qabiilka, caqabado dhaqan-dhaqaale, iyo xaalado adag.”

Dadaallada lagu joojinayo dagaalyahannada ajnabiga ah kahor inta aysan gaarin Soomaaliya ayaa sidoo kale saameyn yeeshay.

Suuriya iyo Ciraaq

Xubno muhiim ah oo ka tirsan hoggaanka Daacish ayaa laga yaabaa inay gabaad ka raadsanayaan Soomaaliya, balse lama hayo wax caddeynaya in kooxda ay ka quusatay damaceeda ah in ay dib u qabsato dhul ka tirsan Suuriya iyo Ciraaq.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Daacish ay weli ku leedahay inta u dhexeysa 1,500 ilaa 3,000 dagaalyahan labadaas dal, kuwaas oo intooda badan ka howlgala Suuriya.

Waxaa sidoo kale jirta saadaal muujinaysa in kooxda ay ka faa’iidaysatay dhicitaankii Madaxweyne Bashar al-Assad ee Suuriya bishii December ee la soo dhaafay.

Sirdoonka qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Daacish ay dhaqaaq sameeyeen xilli kooxda ugu weyn Islaamiyiinta Suuriya ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), ay weerar ku qaadday xukuumadda Assad.

Mid ka mid ah xubnaha Daacish, ayay yiraahdeen, wuxuu si dhuumaaleysi ah ugu dhex milmay xeryaha barakacayaasha ee al-Hol ee waqooyiga Suuriya, halkaas oo uu ka saaray dagaalyahanno khibrad leh, isaga oo ku baddalay wiilal da’yar.

Isla dagaalyahankan ayaa la rumeysan yahay inuu dib u hawlgeliyay guuto Daacish ka tirsan oo ka howlgasha al-Hol, kuwaas oo lagu eedeeyay ururinta sirdoonka, tababarka dhalinyarada, qorista dagaalyahannada, iyo maamulka dhaqaale.

Sidoo kale, warbixinta ayaa ka digtay in Daacish ay fulisay weerarro sii casriyoobaya oo ka dhan ah ciidamada Dimoqraadiga Suuriya ee ay taageerto Mareykanka.

Daacish ee Ciraaq waxaa si weyn u wiiqay cadaadiska ka imaanaya laamaha amniga Ciraaq, oo ay ku jirto howlgalkii bishii Agoosto lagu dilay ku-xigeenkii hoggaamiyaha IS iyo 13 ka mid ah hoggaanka sare ee kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Daacish ay weli “haysato awood ay ku sii shaqayso iyo inay beddesho saraakiisheeda dagaalka.”

Joogitaanka Afghanistan

Dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay waxay sii wadaan walaaca ay ka qabaan laanta Daacish ee Afghanistan, oo loo yaqaan IS-Khorasan ama ISIS-K.

Warbixintu waxay ISIS-K ku tilmaantay “halista ugu weyn” ee ka jirta Afghanistan, iyadoo xustay awoodda ay u leedahay inay gasho maamulka Taliban-ka, isla markaana ay ka faa’iidaysato dad cabanaya, sida beeraleyda xashiishadda iyo qowmiyadda Tajik, oo ka cawday xukunka Taliban-ka.

Sirdoonka Qaramada Midoobay ayaa qiimeeyay in Daacish ay leedahay 4,000 ilaa 6,000 dagaalyahan oo ku sugan Afghanistan, isla markaana ay kor u qaadaysay awooddeeda, iyadoo doonaysa inay dagaalyahanno cusub ka hesho Bartamaha Aasiya.

Si ay safarka u fududeeyaan, ISIS-K waxay sameysay waddooyin tahriib oo ay dagaalyahannada uga gasho Afghanistan iyada oo loo sii marayo Turkiga iyo Iiraan, sida lagu xusay warbixinta.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay awoodda IS-Khorasan ay u leedahay inay gaarto Yurub oo ay halkaas ka qorto dhalinyaro.

“Kororka isku dayo la fashiliyay ayaa muujinaya sida ay kooxda uga go’an tahay una awooddo inay weerarro halis sare leh ka fuliso dhulka Yurub, si gaar ah bartilmaameedyada fudud iyo meelaha dadku isugu yimaadaan,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Maxaa la gudboon Axmed Guutaale oo laga sugayo Maxkamadda Gobolka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli kasii daraya khilaafka culus ee ka dhex-qarxay Hanti-dhowraha Qaranka, Axmed Ciise Guutaale iyo heerarka kala duwan ee Maxkamadaha dalka, kadib markii ay isku qabteen arrimo hoose oo la xiriira maamulka.

Hanti-dhowraha ayaa maanta laga sugayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir, kadib mkarkii ay shalay u yeertay Maxkamadda, iyada oo u jeedisay eedeymo culus oo oo waa wayn.

Waxaa kamid ah eedeymahaasi fulin la’aanta iyo is hortaag go’aan Maxkamadeed iyo inuu is hortaag ku sameeyay bixinta kharashadka socod-siinta howlaha Maxkamadaha iyo diiwan-gelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen.

“Haddaba Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay fareysaa Axmed Ciise Guutaale, kuna eedeysan qod. 254, 257 iyo 267 XCS, inuu hor yimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir maalinta Axadda ah oo ay taarkiihdu tahay 16/02/2025, saacadduna ay taay 10:00 subaxnimo, si wax looga waydiiyo uguna jawaabo eedaha uu kusoo eedeeyay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka.

Axmed Ciise Guutaale oo isna qoraal kale soo saaray ayaa soo jawaabay, wuxuuna eedeymo u jeediyay Maxkamadda, wuxuuna tilmaamay in ay ku kacday ku takrifal awoodeed, maamul xumo iyo hoggaansanaan la’aanta sharciga, ayna sameysay dayacaad shaqo.

Hadda ayada oo ay sidaas tahay ayaa waxaa saaka laga sugayaa Maxkamadda Gobolka Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, si uu isaga difaaco eeeymaha waa wayn ee loo haysto.

Zakariye Nuur oo aqoonyahan ku xeeldheer arrimaha sharciga, sidoo kalena ka tirsan bahda garsoorka ayaa shaaca ka qaaday in Guutaale uu ku ciyaarayo dab, marka loo eego sida uu dhigay doodiisa ka dhanka ah Maxkamadda oo shalay saacado kooban u qabatay.

Aqoonyahanka ayaa kula taliyay Hanti-dhowraha inuu tego Maxkamadda uuna is difaaco, si aysan uga sii darin arrintan, maadaama ay tahay arrin sharci ah, loona yeeri karo.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeysitan:-

Hantidhowroow dabbaad ku cayaaraysaa

  1. Hantidhowre ma og tahay saamaynta sharci ee ka dhalan karta amarka u yeeritaanka maxkamadeed haddii aadan u hogaansamin?
  2. Ma akhrisay Qod. 21(4) ee Xeerka Xafiiskaagu ku dhisan yahay oo si cad u tilmaamaya in aad xilkaada ku waynaysid xukun maxkamadeed intii uu doonaba hala ekaadee. Ka waran haddii maxkamaddu kugu xukunto 1 maalin ama wax ka badan? Haddii aad rafcaan ka qaadatana ay tahay in aad xabsi gashid. Ma ogtahay muddada habraaca rafcaanku qaadan karo? Ma ogtahay muddada cabashada maxkamadda sare qaadan karto? Haddii aadan rafcaan qaadan soo ma ogid in aad tahay dembiile baxsad ah oo xukun maxkamadeed ku dhacay?
  3. Mudane hantidhowre ma arragtay Qod. 22 ee Sharciga Hantidhowrka? Ma ogtahay in xubnaha xilka kaa qaadi karo ay ka mid yihiin 2 garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Dalka?

Waxaan ku gula talinayaa in aad hortagtid maxkamadda isna difaacdid, amarka maxkamaddana aad u hogaansantid. Sidaas oo kale aad raali gelin ka bixisid wixii gef ah ee kaa dhacay si garsoorku kuu cafiyo

Xildhibaanada mucaaradka oo shaaciyey in ay furayaan baarlaman madax-banaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa ka digay in haddii Golaha Shacabka uu sii xirnaado, xildhibaannadu ay yeelan doonaan kulan madax-bannaan, isaga oo ku eedeeyay hoggaanka siyaasadda inay si kas ah u hor istaageen shaqadii baarlamaanka.

Xidig, oo la hadlayay saraakiisha Xisbiga Himilo Qaran, ayaa xusay in baarlamaanku la filayay inuu dib u furmo 6-dii Febraayo. Hase yeeshee, mas’uuliyiin sare ayaa hakiyay dib u furistiisa, iyagoo ka cabsi qaba in mooshin kalsooni kala noqosho ah la horgeeyo.

“Ma bannaana in dad yar ay baarlamaanka qabsadaan cabsi mooshin darteed,” ayuu yiri Xidig. “Haddii golahu aan la furin, waxaan isugu imaan doonnaa meel kale. Mooshinka waa la saxiixay, cidda ay qusayso ayaana la horgeyn doonaa si waafaqsan sharciga.”

Hakadka ku yimid shaqadii baarlamaanka ayaa sii xoojiyay xiisadda siyaasadeed ee dalka, iyadoo xildhibaannada mucaaradka ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ku eedeeyeen inuu la safan yahay xukuumadda si uu u xakameeyo doodaha iyo mooshinnada mucaaradka.

Tanaasul la’aanta noocan oo kale ah ayaa horey u curyaamisay howlihii dowladeed, taasoo sii kordhisay loollanka u dhexeeya dowladda federaalka iyo xisbiyada mucaaradka.

Dhanka kale, Xidig ayaa ku eedeeyey ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) in si khaldan loo adeegsaday, isagoo dowladda ku eedeeyay inay adeegsatay ciidamada ammaanka si ay cadaadis ugu saarto siyaasiyiinta mucaaradka. Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay Jubbaland, halkaas oo uu sheegay in xiriirka dowladda federaalka iyo hoggaanka dowlad-goboleedka uu sii xumaaday.

“Dowladdu ma adeegsan karto ciidamada si ay u cabburiso codadka mucaaradka,” ayuu yiri. “Haddii arrintan la sii wado, jawaab adag ayaa ka dhalan doonta.”

Hakadka ku yimid shaqada baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay isa soo tarayaan walaacyada la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka. Kooxaha mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada ayaa ku baaqaya in la helo nidaam hufan oo ay wada oggol yihiin dhinacyada siyaasadda.

Kulanka baarlamaanka ee xiga ayaa la filayaa inuu diiradda saaro arrimaha maamulka iyo amniga, balse dib u dhacyada dhacay ayaa sii kordhiyay cabsida laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu sii daba dheeraado.

Iyadoo aan wax war rasmi ah kasoo bixin hoggaanka baarlamaanka, weli lama oga haddii xildhibaannadu ay isku dayi doonaan inay si madax-bannaan u qabtaan kulan kale, taasoo laga yaabo inay sii huriso loollanka siyaasadeed ee taagan.