25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Jahwareer ka taagan Yurub kadib tallaabadii ka yaabisay ee Mareykanka uu qaaday

0

Paris (Caasimada Online) –Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa Isniintii isku dayay inay khilaafaadka ka dhaxeeya uga heshiiyaan shir deg-deg ah oo ka dhacay Paris, si ay uga jawaabaan isbeddelka lama filaanka ah ee siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan dagaalka Ukraine, taasoo ay keentay xukuumadda cusub ee Donald Trump.

Jarmalka ayaa si adag uga horyimid soo jeedinta ah in ciidamo la geeyo. Iyadoo siyaasiyiinta Yurub weli la daalaa-dhacayaan weerarkii afka ahaa ee Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance uu ku qaaday Midowga Yurub intii lagu guda jiray Shirka Ammaanka ee Munich, hoggaamiyeyaasha ugu waaweyn Yurub ayaa isugu yimid shir uu  si deg-deg ah u iclaamiyay Madaxweyne Emmanuel Macron, kaasoo ka dhacay madaxtooyada Elysee Palace.

Astaanta ugu muuqata ee isbeddelka siyaasadda Mareykanka ayaa soo shaac baxday Talaadadii, markii la shaaciyey in diblomaasiyiinta ugu sarreeya ee Washington iyo Moscow ay yeelan doonaan kulan fool ka fool ah—kii ugu horreeyay tan iyo markii Ruushku weeraray Ukraine bishii Febraayo 2022—taasoo muujinaysa in Trump uu doonayo inuu dib u soo celiyo xiriirka uu la leeyahay Madaxweyne Vladimir Putin.

Hoggaamiyeyaasha Yurub, oo wajahaya mid ka mid ah caqabadihii ugu waaweynaa ee sannadihii u dambeeyay, ayaa ka walaacsan in Trump uu damacsan yahay inuu heshiis nabadeed la galo Ruushka, iyadoo aan Kyiv iyo Midowga Yurub midna la tixgelin.

Hadda waxa ay qiimeynayaan tallaabooyin ay ka mid yihiin kordhinta miisaaniyadda difaaca si loo yareeyo ku tiirsanaanta Mareykanka iyo suurtagalnimada dirista ciidamo nabad ilaalin ah oo Ukraine loo diro marka xabbad-joojin la gaaro.

Macron ayaa khadka telefoonka kula hadlay Trump ka hor inta uusan shirku bilaaban, sida ay sheegtay madaxtooyada Faransiiska. Ma jiro bayaan wadajir ah oo ka soo baxay kulanka, mana jiraan go’aanno waaweyn oo la shaaciyey, iyadoo la tilmaamay in arrimahaas ay tahay in laga wada xaajoodo goleyaasha sida Midowga Yurub ama NATO.

‘Xiriirka Yurub iyo Mareykanka oo galay marxalad cusub’

Ra’iisul Wasaaraha Poland Donald Tusk ayaa yiri: “Dhammaan dadka shirka joogay waxay garowsan yihiin in xiriirka labada dhinac ee Badweynta Atlantik, isbahaysiga NATO, iyo saaxiibtinimada Mareykanka uu galay marxalad cusub. Waa xaqiiqo aynu dhammaanteen dareemayno.”

Madaxweynaha Komishanka Yurub Ursula von der Leyen ayaa tiri: “Ukraine waxay u baahan tahay nabad lagu sugo awood, taasoo xushmeyneysa madax-bannaanideeda, qarannimadeeda, iyo xuduudaheeda, iyadoo la siinayo dammaanad amni oo xooggan.”

Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte ayaa kulanka kadib yiri: “Yurub waa diyaar. Faahfaahinta wali waa in la go’aamiyaa, laakiin ballanqaadka wuu cad yahay.”

Ra’iisul Wasaaraha UK Keir Starmer, oo doonaya in London ay muujiso sida ay uga go’an tahay amniga Yurub xilli ay ka baxday Midowga Yurub (Brexit), ayaa sheegay inuu “diyaar u yahay inuu tixgeliyo dirista ciidamo Ingiriis ah oo dhulka ku sugan, haddii la gaaro heshiis nabadeed oo waara.”

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu hoosta ka xarriiqay in Washington ay tahay inay si buuxda uga qayb qaadato dadaallada, isagoo yiri: “Waa in ay jirtaa dammaanad amni oo Mareykanka bixiyo, maxaa yeelay taasi waa habka kaliya ee si wax ku ool ah looga hortagi karo in Ruushku mar kale weeraro Ukraine.”

Hase yeeshee, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz ayaa sheegay in hadal-heynta la xiriirta suurtagalnimada dirista ciidamo nabad ilaalin ah oo Ukraine loo diro ay tahay “mid aad uga horreysa waqtigeeda,” isagoo intaa ku daray in ay tahay “mid aan munaasib ahayn inta dagaalku weli socdo.”

Scholz ayaa si cad u muujiyey dareenkiisa, isagoo yiri: “Waan la yaabay doodda waqtigan xaadirka ah, maxaa yeelay waa arrin laga hadlayo goor aan habboonayn iyo mowduuc aan sax ahayn.”

Ra’iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay in dowladdeeda “ay u furan tahay” arrinta ciidamadu, balse waxay xustay in su’aasha ugu weyn ay tahay haddii Mareykanku “dib uga gurto Yurub” haddii la geeyo ciidamo nabad ilaalin ah.

Waxay intaa ku dartay: “Ruushka hadda wuxuu khatar ku yahay Yurub oo dhan,” iyadoo uga digtay Mareykanka inuusan qaadin tallaabo deg-deg ah oo horseedi karta “in Ruushku dib isu abaabulo, markale weeraro Ukraine, ama xitaa waddan kale oo Yurub ah.”

‘Kala qaybinta amniga Yurub iyo Mareykanka lama aqbali karo’

Macron ayaa horay u sheegay in dib u soo laabashada Trump ee Aqalka Cad ay tahay “dhacdo gilgishay”, balse wuxuu sidoo kale ka digay heshiis kasta oo nabadeed oo u muuqan kara “is-dhiibid.”

Wargeyska Faransiiska Le Monde ayaa ku tilmaamay kala duwanaanta Yurub iyo Mareykanka inay tahay “mid taariikhi ah,” balse wuxuu xusay in Yurub ay tahay in ay muujiso awooddeeda ay iskugu filnaato difaaceeda.

“Indha la’aantii Yurub waxay ku dhamaatay Munich. Wixii hadda ka dambeeya, amniga qaaradda wuxuu si buuxda ugu tiirsanaanayaa Yurubiyaanka laftooda, iyo awooddooda ay ku ilaalin karaan midnimadooda,” ayuu qoray wargeysku.

Kulanka Paris ayaa yimid xilli Washington ay sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, La-taliyaha Amniga Qaranka Mike Waltz, iyo Ergayga Gaarka ah Steve Witkoff ay Talaadada la kulmi doonaan wafdi Ruush ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sergei Lavrov, shir ka dhici doona Riyadh, kahor kulan mustaqbalka ah oo Trump iyo Putin ku yeelan doonaan caasimadda Sacuudiga.

Scholz ayaa Paris ku sheegay: “Qeybinta mas’uuliyadda amniga Yurub iyo Mareykanka lama oggolaan karo.”

“NATO waxay ku dhisan tahay inaan mar walba si wadajir ah u dhaqaaqno, isla markaana aan wadaagno halista, taasoo dammaanad qaadaysa amnigeenna. Aragtidan lama shaki gelin karo.”

Shacab hubeysan oo xalay beegsaday guriga horjooge Shabaab ah – Maxaa dhacay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay howlgal culus oo xalay ka dhacay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kaasi oo jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan ayaa si gaar ah loogu beegsaday guri uu degmadaas ka deganaa horjoogaha waxa ay kooxdu ugu yeerto “Xisbada,” oo lagu magacaabo Yaxye Laba Madax.

Howl-galkan oo ay fuliyeen dadka deegaanka ayaa si gaar ah uga dhacay guriga horjoogahan oo ku dheggan saldhigga degmada Ceelbuur, waxaana kooxda lagu gaarsiiyey khasaare aad u xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay baahisay Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in horjooge Yaxye Laba Madax uu dhaawac halis ah soo gaaray.

Howl-galkan kadib ayaa lagu soo warramayaa in kooxda Al-Shabaab ay qaadeen tallaabooyin ay ku qaarijiyeen maleeshiyaad kale oo iyaga ka tirsan, kuwaasi oo ay ku tuhmayaan in ay falkan ku lug lahaayeen.

Maanta waxaa degmada Ceelbuur ka taagan xiisad u dhaxeysa horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda oo iyagu degmadaasi ku wada sugan.

Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii dambe hoos u dhac ku yimid ayaa haatan dib u dardar galay, iyadoo dagaal lagu qaaday jihooyin dhowr ah, kuwaas oo qaarkood guulo wax ku ool ah laga gaaray.

Xogta heshiis xasaasi ah oo Lafta-gareen uu deked ugu wareejiyay shirkad ajnabi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa dekedda Baraawe ku wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Kuwait, sida ay sheegayaan xogo saacadihii dambe banaanka u soo baxay.

Shirkaddan oo lagu magacaabo Arab Digital Holding, ayuu Lafta-gareen la gaaray heshiis uu maamulka dekedda Baraawe ugu wareejinayo. Heshiiska ayaa la sheegay inuu socon doono muddo 25 sano ah.

Qiimaha ku baxaya heshiiskan ayaa sidoo kale lagu sheegay nus bilyan dollar ($500 milyan), waxaana la horumarinayaa dekedda Baraawe, iyadoo la maalgelinayo ka faa’iideysiga macdanta ku jirta dhulka, sida shidaalka.

Intaa waxaa dheer in heshiiska lagu daray hirgelinta dhismayaal casri ah sida: hoteello, aag cashuuraha ka caagan, warshado, horumarinta wax-soo-saarka badda, iyo fursado shaqo oo kale.

Shirkaddan laga leeyahay Kuwait ayaa fulinta qorshahan la kaashaneysa shirkad kale oo lagu magacaabo MYD, taasoo laga leeyahay dalka Masar.

Doorka MYD ayaa ah in si casriyeysan loo dhiso dekedda Baraawe, iyadoo xoogga la saarayo marsada iyo goobaha dadka soo jiidan kara, si dhaqaale badan halkaas uga soo xaroodo.

Hirgelinta mashruucan ayey madaxda shirkadda Arab Digital Holding ku sheegeen inuu faa’iido u leeyahay dalal badan oo gobolka ku yaalla, sida Itoobiya, Koonfur Suudaan, Kenya, Afrikada Dhexe, Uganda, Congo DRC, iyo dalal kale oo si toos ah marsada Baraawe wax uga soo degsan kara.

Dhulka mashruuca laga fulinayo ayaa gaaraya 200 km oo isku wareeg ah. Shaqada sahminta, oo ah howsha ugu horreysa, ayaa la filayaa inay billaabato bilaha soo socda si muddada ay shirkaddu u qabsatay loo dhammeystiro, loogana faa’iideysto dhaqaalaha laga rajeynayo inuu dib uga soo laabto, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka shirkadda Arab Digital Holding, Fahad Nawaaf Al-Doosari.

Heshiiskan weli si rasmi ah ugama hadlin maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka, waxaana laga dhursugayaa jawaabtooda.

Wiilka Museveni, Jenaraal Muhoozi oo ku hanjabay in ciidankiisa ay qabsanayaan…

Kampala (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada difaaca Uganda, Jenaraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in ciidamadiisu ay weerari doonaan magaalada Bunia ee bariga dalka ay jaarka yihiin ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, haddii dhammaan kooxaha hubeysan ee halkaas ku sugan aysan hubka dhigin 24 saac gudahood. Warkan ayuu ku shaaciyey bartiisa X.

Kainerugaba, oo horey loogu yaqaannay hadallo muran dhaliya oo la xiriira siyaasadda dibadda, ayaa sheegay inuu arrintan u haysto oggolaanshaha madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, oo ah aabbihii. Afhayeenka militariga Uganda ayaa ka gaabsaday inuu wax faallo ah ka bixiyo warkan.

Maalintii Sabtida, Kainerugaba wuxuu sidoo kale sheegay—iyadoo uusan bixin wax caddeyn ah— in dad ka tirsan qowmiyadda Bahima lagu dilayo gudaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

“Qoomiyaddeena, Bahima, waa la beegsanayaa. Taasi waa xaalad aad u khatar badan oo halis gelinaysa kuwa weerarka soo qaaday. Qofna ma dili karo dadkeena isaga oo aan cawaaqib la kulmin!” ayuu yiri.

“Bunia waxay dhowaan gacanta u geli doontaa UPDF,” ayuu ku qoray fariin kale, isagoo tixraacaya Ciidanka Difaaca Dadka Uganda (UPDF).

Ra’iisul wasaaraha Congo, Judith Suminwa, ayaa u sheegtay Reuters intii lagu guda jiray shir-madaxeedka Midowga Afrika Sabtidii, in dowladdeedu aysan wax faallo ah ka bixin doonin hadallada Kainerugaba.

Cabsi laga qabo in dagaalku sii xumaado

Hanjabaadda ka timid sarkaalka ugu sarreeya militariga Uganda, oo si weyn loo aaminsan yahay inuu yahay dhaxal-sugaha Museveni, ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo in dagaalka u dhexeeya ciidamada Congo iyo fallaagada M23 oo ay taageerto Rwanda uu isu rogo colaado goboleed oo ballaaran.

Jimcihii, hoggaamiye ka tirsan M23 ayaa sheegay in fallaagadu ay gudaha u galeen magaalada Bukavu, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn bariga Congo, kadib markii ay bishii hore la wareegeen Goma, oo ah magaalada ugu weyn gobolkaas.

Bishii Febraayo, Reuters oo soo xiganaysa ilo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Uganda ay u dirtay bariga Congo in ka badan 1,000 askari oo dheeraad ah, iyagoo qeyb ka ah hawlgal lagula dagaallamayo mintidiinta Islaamiga ah ee halkaas ku sugan.

Si kastaba ha ahaatee, khubarrada Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in Uganda ay sidoo kale taageerto fallaagada M23 oo ay hoggaamiyaan xubno ka tirsan qowmiyadda Tutsi.

‘Fariin la dirayo’

Kainerugaba ayaa si shaacsan u taageeray madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, kaasoo beeniyay in ciidamadiisa ay garab siinayaan M23.

Sanadkii 2022, Kainerugaba wuxuu M23 ku tilmaamay “walaalaheen” kuwaasoo u dagaallamaya xuquuqda qowmiyadda Tutsi ee Congo.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in hadallada Kainerugaba ay u muuqdaan kuwo xambaarsan fariin la xiriirta danaha dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Uganda ee gobolka Ituri ee Congo, oo Bunia ay tahay caasimaddiisa.

“Uganda waxay u muuqataa inay dirayso farriin muujineysa in ay sheeganayso ‘dhulkeeda’,” ayuu yiri Kristof Titeca, oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Antwerp, mar uu la hadlay Reuters.

“Wax walba waxay si daran ugu eg yihiin wixii dhacay sanadkii 1998-kii iyo dagaalkii labaad ee Congo, markaasoo dhulka Congo si isku mid ah loogu qeybsaday Uganda iyo Rwanda,” ayuu sii raaciyay.

Kainerugaba ayaa si joogto ah u dhiga qoraallo muran dhaliya oo baraha bulshada ah, oo ay ku jiraan hanjabaad uu 2022 ku sheegay inuu doonayo inuu qabsado Kenya oo daris la ah Uganda.

Bishii hore, wuxuu sheegay inuu doonayo inuu madaxa ka gooyo hoggaamiyaha mucaaradka Uganda, Bobi Wine, inkastoo uu mar dambe raalligelin bixiyay. Mararka qaar, wuxuu sheegaa in hadalladiisa qaarkood ay yihiin kuwo laga dhadhansan karo kaftan.

‘Maskaxiyan ayey xanuunsan yihiin’ – Xasan oo weerar xun ku qaaday mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Isniintii si adag uga jawaabay hoggaamiyeyaasha mucaaradka, isaga oo ku eedeeyay inay faafinayaan cabsi aan loo baahnayn iyo xasilooni-darro siyaasadeed halkii ay diiradda saari lahaayeen horumarka dalka.

Isagoo ka hadlayay xafladda furitaanka isbitaal laga hirgeliyay Muqdisho, Xasan Sheekh wuxuu si cad u beeniyay eedeymaha mucaaradka ee sheegaya in dowladdiisu ay waddo jid uu dalka u horseedayo jahawareer, isagoo hadalladaas ku tilmaamay kuwo marin-habaabin ah oo waxyeello leh.

“Siyaasiyiinta sheegaya in musiibo soo dhowdahay, albaabbada cadaabta la furayo, waa dad aan caadi ahayn, oo maskaxiyan xanuunsan oo u baahan in la daaweeyo,” ayuu yiri, isagoo si toos ah ugu jawaabay dhaliilaha la xiriira in maamulkiisu noqday mid kelitalis ah oo xaddidaya xorriyadda siyaasadeed.

Madaxweynaha wuxuu intaa ku daray in hadallada mucaaradku ay qeyb ka yihiin xasillooni-darrada dalka. “Dhibaatada dhabta ah ee Soomaaliya waa siyaasiyiinta,” ayuu yiri. “Waxaa jira horumar badan oo la gaadhay, waxaana muhiim ah in shacabka loo muujiyo wixii la qabtay iyo fursadaha weli jira.”

‘Eedeymaha mucaaradka’ 

Hadalka madaxweynaha ayaa daba socday eedeyn uu dhowaan jeediyay siyaasiga mucaaradka ah Cabdullaahi Sheekh Xasan, kaasoo ku andacooday in xukuumadda Xasan Sheekh ay si hoose u abaabushay ciidan gaar ah oo gaaraya 10,000 oo askari si ay u bartilmaameedsato siyaasiyiinta ka soo horjeeda.

Mucaaradku, iyagoo aan bixin caddeyn rasmi ah, waxay sheegeen in ciidankaasi uu ka howlgalo meel ka baxsan hay’adaha rasmiga ah ee amniga Soomaaliya, islamarkaana loo xilsaaray in uu hubka ka dhigo siyaasiyiinta mucaaradka.

Xasan Sheekh si toos ah uma uusan xusin eedeymahaas, balse hadalladiisa la xiriiray cabsi gelinta siyaasadeed waxay u muuqdeen kuwo si dadban ugu jawaabaya. Ilaa iyo hadda, dowladda Soomaaliya wax bayaan rasmi ah ah kama aysan soo saarin jiritaanka ciidankaas la sheegay, mana jirto ilo madax-bannaan oo xaqiijin kara sheegashadaas.

Xiisadda siyaasadeed ayaa cirka isku shareertay iyadoo la isku diyaarinayo doorashada 2026, xilli xisbiyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ay qaadaceen howlaha diyaarinta doorashada ee ay waddo guddiga doorashooyinka.

Puntland iyo Jubbaland ayaa si cad uga hor yimid sida ay dowladda federaalku u maamushay geeddi-socodka doorashada, iyagoo ku andacoonaya in ay jiraan caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni.

Mucaaradku waxay Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyeen in uu hareer maray hay’adaha madax-bannaan, isla markaana uu sameeyay isbeddel sharciyeed si uu u dhiso guddi doorasho oo aan lahayn sharciyad, taasoo ay ku tilmaameen isku day lagu xaqiijinayo natiijo doorasho oo horay loo sii qorsheeyay.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa xitaa ku hanjabay inay abaabuli doonaan doorasho kale oo iskeed u madaxbannaan, haddii dowladda aysan furin wadahadallo ballaaran oo siyaasadeed.

‘Cabasho la xiriirta dhaqaalaha’

Mucaaradku ma ahan oo kaliya kuwa diidan habka loo maamulayo doorashooyinka, balse waxay sidoo kale dhaliileen siyaasadaha dhaqaalaha ee xukuumadda, iyagoo ku eedeeyay in ay hirgelisay nidaam canshuur oo caddaalad-darro ah oo curyaamiyay ganacsiyada Muqdisho, gaar ahaan suuqa Bakaaraha oo ah xarunta ganacsiga ugu weyn ee caasimadda.

Ganacsatada ayaa dibadbaxyo ka dhigay magaalada, iyagoo ka cabanaya kororka canshuuraha, taasoo ay sheegeen in ay sababtay shaqo la’aan baahsan iyo dhibaato dhaqaale.

Sidoo kale, mucaaradku waxay dowladda ku eedeeyeen in ay si gaar ah ugu xagliso ganacsiyada la xiriira xulafada siyaasadeed ee madaxweynaha, taasoo ay sheegeen in ay sii xoojisay kala duwanaanta dhaqaale iyo sinaan la’aanta fursadaha ganacsiga.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku adkeystay in Soomaaliya horumar la taaban karo sameyneyso, isaga oo tusaale u soo qaatay aqoonsiga caalamiga ah ee sii kordhaya iyo casuumadaha uu dalku ka helayo shirarka waaweyn ee caalamka, sida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay—oo muddo dheer Soomaaliya laga waayey.

Mucaaradku waxay sidoo kale ku eedeeyeen xukuumadda in ay adeegsaneyso hay’adaha amniga si loogu cadaadiyo mucaaradka, iyagoo sheegay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hay’adaha kale ee amniga loo isticmaalayo in lagu cabburiyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladda halkii lagu sugi lahaa amniga qaranka.

Dowladda weli kama aysan jawaabin si toos ah eedeymahan, hase yeeshee, hadallada Madaxweyne Xasan Sheekh ee la xiriiray doorka siyaasiyiinta iyo baahida loo qabo in diiradda la saaro horumarka, waxay u muuqdaan kuwo si dadban uga falcelinaya dhaliilahaas.

Sawirro: Soomaaliya oo la wareegeysa hoggaan cusub kadib shirkii Addis Ababa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia uga qeyb galay shirka 𝟐𝟑-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa initiative) oo ay marti galinayso Dowladda Ethiopia oo ah hoggaanka hada ee Madashada.

Madashan oo 3 Biloodle ah ayaa diiradda lagu saaray 5-tii sano ee la soo dhaafay wixii u qabsoomay dalalka ku mideysan Madashani iyo qorshaha Mustaqbalka la hiigsanayo oo u badan maalgalinta mashaariic horumarineed oo ay helayaan dalalka Geeska Afrika.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa kale oo la isku raacay in 𝐄𝐭𝐡𝐢𝐨𝐩𝐢𝐚 oo ah hoggaanka 2-dii sano ee la soo dhaafay ay 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 ku wareejiso hoggaanka Dalalka Iskaashiga.

Xilka gudoomiyaha Madashaan waxaa si rasmi ah ula wareegi doono Wasiirka Maaliyadda XFS, bisha April 2025 oo shirkaan kiisa xiga ee 24-aad lagu qaban doono Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo khudbad kooban ka jeediyay kulanka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in diiradda la saaro sare u qaadidda mashaariicda maalgalineed ee ay helaan dalalka gobolka.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso maalgalinta ilaha dhaqaalaha dalka, Wasiir Biixi ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay xoojinta iskaashiga ganacsi ee Geeska Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa labada sano ee soo socota hogaami doonta Wasiirrada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Geeska Afrika, waxaana kursigaan ku wareejineysa Itoobiya, Soomaaliya ayaa masraxyada caalamka ka sameyneysa dib u soo kabasho.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa sameyneysa soo kabasho maaliyadeed oo xowli ah, taasi oo horseeday in deymihii caalamku ka cafiyo Soomaaliya, sidoo Kalena hormar badan ayuu gaaray dhaqaalaha dalkaan.

Maxaa ka jira in Xasan uu ciidan gaar ah oo 10,000 ah u diyaarsaday mucaaradka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi ka tirsan mucaaradka ayaa ku eedeeyay xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay si qarsoodi ah u dhistay ciidan gaar ah oo ka kooban 10,000 askari, kuwaas oo loogu talagalay in lagu cabburiyo mucaaradka siyaasadeed ee dalka.

Cabdullaahi Sheekh Xasan, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa eedeyntan ka jeediyay shir laba maalmood socday oo uu xisbiga Himilo Qaran ku qabtay Muqdisho Axaddii.

Isagoo, sida uu sheegay, soo xiganaya ilo sirdoon oo gudaha ah, wuxuu sheegay in ciidankani si gaar ah loogu tababaray inay bartilmaameedsadaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo shakhsiyaadka uu madaxweynuhu u arko inay halis ku yihiin xukunkiisa.

Wuxuu ugu baaqay ciidamada dowladda inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda, isagoo uga digay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu adeegsanayo ciidanka ammaanka ujeeddooyin siyaasadeed.

“Madaxweynuhu wuxuu qoray ciidan si gaar ah loo tababaray, oo aan hoos imaanin saddexda laamood ee ugu waaweyn ee amniga dalka, si loogu bartilmaameedsado mucaaradka loogana dhigo kuwo hub la’aan ah,” ayuu Cabdullaahi ku eedeeyay xukuumadda.

Caasimada Online si madaxbannaan u xaqiijin karto eedeynta mucaaradka.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo shalay ka hadlay Muqdisho, una muuqday inuu ka jawaabayo eedeymahan, ayaa ku tilmaamay cabsi gelin siyaasadeed. Madaxweynaha wuxuu intaa ku daray in hadallada mucaaradku ay qeyb ka yihiin xasillooni-darrada dalka.

Kooxaha mucaaradka Soomaaliyeed ayaa dhawaan qaadacay diyaarinta doorashooyinka 2026 ee uu wado guddiga doorashooyinka, iyagoo ku eedeeyay madaxweynaha inuu si keli-talisnimo ah u maamulayo hannaanka doorashada.

Sidoo kale, dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa si cad uga hor yimid qorshaha doorashada ee dowladda federaalka, iyagoo ku sababeeyay cabashooyin la xiriira arrimaha amniga iyo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.

XAMAAS oo shaacisay dilka mid ka mid ah madaxdeeda – Sidee loo khaarajiyay?

0

Gaza (Caasimada Online) – Xamaas ayaa si rasmi ah u shaacisay dilka mid ka mid ah hoggaamiyayaasheeda caanka ah oo la yirahdo Muxammad Ibrahim Shahin.

Ninkan oo loo yaqaannay Abu al-Baraa. Xamaas ayaa sheegtay in Shahin la dilay Isniintii shalay intii lagu guda jiray weerar ay diyaaradaha Israa’iil ka fuliyeen magaalada Sidon ee koonfurta Lubnaan.

Muxammad oo walaalo ahaayeen Qassam Xamza Shaheen oo isna horey u shahiiday ayaa qabtay dhowr jagooyin jihaad ah oo horumarsan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Xamaas.

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel ayaa lala beegsaday gaari marayey magaalada Sidon ee koonfurta Lubnaan habeen ka hor waqtigii loo qabtay fulinta heshiiskii xabad joojinta ahaa ee u dhaxeeyay Xisbullah iyo Israel.

Wakaaladda wararka qaranka Lubnaan ayaa ku warantay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay beegsadeen baabuur ku socdaalayay jidka badda ee woqooyiga laga galo Siidoon kuna sii jeeday Beyruut.

Si kastaba, Ciidamada Israa’iil ayaa bilaabay ka bixitaanka qaar ka mid ah tuulooyinka xadka, saacado yar ka hor xilliga kama dambaysta ah ee xabbad-joojinta. Israa’iil ayaa hore u shaacisay inay weli joogto shan “meelood oo istiraatiiji ah.”

Lubnaan ayaa horey uga digtay in Israa’iil ay seegi karto muddadii kama dambaysta ah ee Talaadada, iyadoo dalalka caalamka ugu baaqay inay cadaadis saaraan si Israa’iil ay u ixtiraamto heshiiska.

Swan iyo Amiir oo ka wada-hadlay hanaanka doorasho ee muranka dhaliyay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay sii-hayaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mr. James Swan.

Kulankan oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee caasimadda, taageerada amniga, iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay doorashooyinka qof iyo cod ee Muqdisho, oo maamulka gobolka uu sheegay inay u diyaar-garoobayaan dadka caasimadda. Hanaankan doorasho, oo muran xooggan ka dhashay ayaa waxaa ka horyimid mucaaridka iyo madaxdii hore.

Sii-hayaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOM), Mr. James Swan ayaa bogaadiyay howlaha hortabinta u leh Duqa magaalada Muqdisho, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska gobolka.

“James ayaa ku bogaadiyay Duqa Muqdisho sida ay uga go’an tahay in magaalada ay dib u hesho bilicdii iyo heybaddii ay lahayd,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska gobolka Banaadir.

Danjire Swan, intaas kadib wuxuu ballan-qaaday in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay barnaamijyada lagu horumarinayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa ugu dambeyntii uga mahadceliyay QM kaalintooda ku aaddan garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale taageerada ay had iyo jeer ka geysanayaan mashaariicda horumarineed ee caasimadda.

Ciidamada Israel oo billaabay in ay ka baxaan Lubnaan

0

Beirut (Caasimada Online) – Sarkaal Lubnaani ah ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay Isniintii bilaabeen ka bixitaanka qaar ka mid ah tuulooyinka xadka, saacado yar ka hor xilliga kama dambaysta ah ee xabbad-joojinta. Israa’iil ayaa hore u shaacisay inay weli joogto shan “meelood oo istiraatiiji ah.”

Madaxweynaha Lubnaan ayaa horey uga digay in Israa’iil ay seegi karto muddadii kama dambaysta ah ee Talaadada, wuxuuna dalalka caalamka ugu baaqay inay cadaadis saaraan si Israa’iil ay u ixtiraamto heshiiska.

“Ciidamada Israa’iil waxay bilaabeen ka bixitaanka tuulooyinka xadka, oo ay ka mid yihiin Mais al-Jabal iyo Blida, iyadoo ciidanka Lubnaan uu horey u sii socdo,” ayuu AFP u sheegay sarkaal dhanka amniga ah, isagoo codsaday in aan la magacaabin sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta.

Afhayeenka militariga Israa’iil, Gaashaanle Nadav Shoshani, ayaa horey u sheegay in “iyadoo la eegayo xaaladda hadda jirta, aan si kumeel-gaar ah ciidamo yar ugu sii daahino shan meelood oo istiraatiiji ah oo xadka Lubnaan ah.”

Wuxuu intaa ku daray in go’aankan la qaatay si “aan u sii wadno difaaca muwaadiniinteena, una hubinno in aysan jirin khatar degdeg ah.”

Israa’iil waxaa lagu waday inay si buuxda uga baxdo Lubnaan ugu dambeyn 18-ka Febraayo, kadib markii ay horey u seegtay waqti loo qabtay bishii Janaayo.

Cabsi harsay bixitaanka Israa’iil

“Waxaan ka cabsi qabnaa in ka bixitaanka buuxa uusan dhici doonin berri,” ayuu yiri Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun, ka hor intii aysan Israa’iil shaacin qorshaheeda militariga.

Xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xisbullah waxay dhaqan-gashay 27-kii November, kadib dagaal socday in ka badan hal sano oo ay Israa’iil ka fulisay howlgallo dhulka Lubnaan ah.

Heshiiska xabbad-joojinta ayaa dhigayay in ciidamada Lubnaan ay la wareegaan koonfurta dalka, iyagoo la shaqeynaya ciidamada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay, halka ciidamada Israa’iil ay si tartiib ah uga baxayaan muddo 60 maalmood ah, taasoo markii dambe dib loogu dhigay 18-ka Febraayo.

Dhanka kale, Xisbullah waxaa looga baahnaa inay dib ugu gurtaan waqooyiga webiga Litani, islamarkaana ay burburiyaan xarumahooda militari ee ay ku lahaayeen koonfurta Lubnaan.

Ciidamada Lubnaan oo ‘diyaar ah’

Madaxweyne Aoun ayaa sheegay in ciidamada Lubnaan ay diyaar u yihiin “inay la wareegaan magaalooyinka iyo tuulooyinka ay Israa’iil ka baxayso” si ay u sugaan amniga xadka.

Wuxuu intaa ku daray in Lubnaan ay si diblomaasiyadeed ugu dadaalayso “fulinta ka bixitaanka buuxa ee Israa’iil.”

Tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan-gashay, Israa’iil waxay sii waday duqeymaha ay ka fulinayso gudaha Lubnaan, iyadoo Isniintii sheegtay inay dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Xamaas.

Hoggaamiyaha Xizbullah, Naim Qassem, ayaa Axaddii sheegay in ay masuuliyadda dowladda tahay in la hubiyo in Israa’iil si buuxda uga baxdo ka hor muddada kama dambaysta ah ee Talaadada.

Mareykanka oo taageeraya Lubnaan

Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka, Marco Rubio, ayaa Axaddii sheegay, intii uu shir jaraa’id la lahaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, in “xagga Lubnaan, yoolkeenu waa mid mideysan… Waxaan rabnaa dawlad Lubnaani ah oo awood u leh inay la dagaallanto oo hubka ka dhigto Xizbullah.”

Netanyahu ayaa isna xusay in “Xizbullah ay tahay in hubka laga dhigo. Israa’iil waxay jeclaan lahayd in ciidanka Lubnaan ay qabtaan shaqadaas, balse qofna yaanu ka shakin in Israa’iil ay qaadayso tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo fuliyo heshiiska xabbad-joojinta iyo difaaca amnigeeda.”

Madaxweyne Aoun ayaa Isniintii xusay in “arrinta ugu muhiimsan ay tahay in Israa’iil laga saaro Lubnaan, halka arrinta hubka Xisbullah ay qeyb ka tahay xalal ay dadka Lubnaan ku heshiiyaan.”

Dowladda Lubnaan waxay horey u caddeysay in ay tahay hay’adda kaliya ee sharciyan hubeysan, waxayna ballan-qaadday inay xoreyso “dhul kasta oo Lubnaan ah.”

Xisbullah waa ururka kaliya ee Lubnaan ah oo diiday inuu hubka dhigo kadib dagaalkii sokeeye ee dalkaas ka dhacay intii u dhaxaysay 1975-1990.

Xizbullah oo daciiftay

Ayada oo aheyd urur ciidan xoog leh, Xizbullah waxaa si weyn u wiiqay dagaalkii ugu dambeeyay ee ay la galeen Israa’iil, kaasoo sababay dilka saraakiil sare oo badan iyo xitaa hoggaamiyahoodii muddada dheer, Xasan Nasrallah.

Inkasta oo la gaaray xabbad-joojin, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 100,000 qof ay weli ku barakaceen gudaha Lubnaan. Dhanka kale, mas’uuliyiinta dalka waxay ku qiyaaseen in dib u dhiska dalka uu ku kici karo illaa $11 bilyan.

Ramzi Kaiss, oo ka tirsan Human Rights Watch, ayaa Isniintii sheegay in “burburka ula kaca ah ee Israa’iil ay u geysatay guryaha rayidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha” uu caqabad ku noqday in dad badan ay dib ugu laabtaan guryahooda.

Dagaalka Puntland ay kula jirto Daacish wuxuu waajib ku yahay Soomaalida oo dhan

0

Bishii November ee sanadkii tegay ayay dowladda Puntland si cad u soo bandhigtay cudud ciidan oo loogu talagalay in laga saaro ururka argagixisada ah ee Daacish buuraha Galgala ee gobolka Bari, Puntland. Daacish ayaa sanadkii 2015 Soomaaliya looga dhawaaqay, waxaana hoggaamiye iyo amiir u noqday Cabdulqaadir Muumin, kaas oo isla sanadkaas ka baxay ururka Al-Shabaab. Wuxuu ka soo wareegay gobollada koonfureed ee dalka kadib markii ay hanjabaad uga timid Al-Shabaab, wuxuuna muddo gaaban gudaheed buuraha Galgala ka dhistay xarumo iyo saldhigyo ciidan. Waxa uu halkaas ku soo aruuriay ciidamo iyo xubno sare oo heer caalami ah oo ka tirsan ururka Daacish. Shaki la’aan, xarumaha Daacish ee Galgala waxaa dhisay, maalgeliyay, qalabeeyay hoggaanka argagixisada caalamiga ah ee Daacish.

Muddadii 10-ka sano ahayd ee kooxdaasi deganeyd buuraha gobolka Bari, waxay culeys iyo dhibaato joogto ah ku hayeen shacabka deegaanka, xagga nolosha iyo horumarka. Maamulka Puntland oo xog badan ka hayay kooxda iyo nidaamka ay u abaabulan tahay, ayaa ku dadaalayay in waxyeelladoodu yaraato, nolosha shacabka na ay sidii caadiga ahayd ugu socoto. Waxaa jiray dagaallo badan oo lala galay kooxda intii ay halkaas joogtay, iyada oo ay Puntland la tacaaleysay culaysyo kale oo ka imaanayay dagaallada siyaasadeed ee ka dhex jiray maamullada iyo dagaalka Al-Shabaab. Sidaas darteed, Puntland waxay buuraha ka samaysatay saldhigyo difaac oo ka soo horjeeda kuwa Daacish-ISIS, si loo sugo ammaanka deegaannada, isla markaana looga hortago weerarrada ay argagixisadu ku beegsan karaan shacabka.

Dagaalka ay hadda qaaday Puntland, waxaa shaki la’aan ah in mar hore loo baahnaa, balse waxaa jiray caqabado badan oo hor taagnaa, qaar ka mid ahna wali way taagan yihiin. Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo baxay cabsi weyn oo caddayn u ah in kooxdaasi dhammeystirtay diyaar garow colaadeed, iyagoo qorsheynaya inay waxyeello u geystaan qaybo ka mid ah Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo aan aad uga fogeyn buuraha ay kooxdu saldhigga ka dhigtay. Waxa ay kooxdu si joogto ah dhibaato ugu haysay dadka shacabka ah, gaar ahaan kuwa ku nool buuraha dhexdeeda, waxaana maalin kasta laga soo sheegaa xoolo la dhacay, dad la la’yahay ama la waxyeelleeyay, iyo ganacsato lacag baad ah si xoog ah looga qaado, gaar ahaan kuwa magaalada Boosaaso.

Gacanta Sare waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed, geerida teeda foosha xunna waxaa leh shisheeyaha soo duulay iyo kuwa duleysan ee cadowga u soo raacay dadkooda!

Waxaa la wada ogyahay in Soomaaliya lagu hayo duullaan dhinacyo badan leh, waxaana shaki la’aan ah in qaybo badan oo duullaankaas ah ay ku jiraan qorshayaal is diidan oo ay diyaariyeen sirdoon dalal shisheeye ah oo siyaasad ahaan iska soo horjeeda. Tan waxaa laga garan karaa dhaqanka madaxda dowladda federaalka, iyo sida dowladaha shisheeye qaarkood aysan dan uga lahayn xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya. Waxaa la arkaa dalal colaad ka dhexeyso oo haddana midna uusan uga xumaan midka kale xiriirka ay dowladda Soomaaliya la leedahay. Taasi waxay muujinaysaa in Soomaaliya gacanta lagu hayo, isla markaana dano shisheeye lagu fushanayo.

Su’aalo jawaabtooda cidina kuu sheegi karin waxaa ka mid ah:

  • 11-kii bishaan, duullaan ay soo qaadeen kooxda Daacish, waxay ku yimaadeen mootooyin (motorcycles) oo tiradooda marna lagu sheegay 40, marna 60, kuwaas oo wata qaraxyo.
  • Isla maalinkaas, sida la sheegay, waxaa la dilay 87 ka tirsan argagixisada, kuwaas oo 81 ka mid ah aan Soomaali ahayn!
  • Dagaalkii ugu horreeyay ee lagu dilay 57 dagaalyahan oo Daacish ka tirsan, wararka ayaa sheegaya inay dhammaantood ahaayeen ajaanib.
  • Wararka la helayo waxay tilmaamayaan in dadka ugu badan ee buuraha Galgala dagaalka ka wada ay yihiin shisheeye.
  • Sidee bay ku heleen qalabka iyo hubka ay ku dagaalamayaan, gaadiidka, iyo dhismayaasha ay buuraha ka sameeyeen?
  • Yaa u fududeeyay sahayda ay helayaan?
  • Xaggee bay soo mareen?

Waxa kaliya ee la ogyahay ayaa ah in hal nin oo Yemeni ah uu barfuunno wareejin jiray, balse ma cadda sida ay kooxdan ku heleen taageerada ay haystaan.

Galmudug oo garab istaagtay Puntland!

Waxay ahayd arrin aad muhiim u ah in Galmudug iyo dhammaan cid kasta oo Soomaaliyeed ay dagaalkaas kaalintooda ka qaataan. Shaki la’aan, garab istaaga Galmudug wuxuu xoojinayaa midnimada shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna niyad jab weyn ku ridayaa cadowga raba inay Soomaaliya kala tagto. Dadka Soomaaliyeed waa mideysan yihiin difaaca dalkooda, waxay garanayaan ciddii hiil u fidiya iyo cadowgooda. Sidaas darteed, shacabka Soomaaliyeed waa inay ka gudbaan khilaafaadka iyo tuhunnada la dhex dhigay, ayna fahmaan xaqiiqda ah inay yihiin dad isku mid ah, dagaal kasta oo lagu soo qaadana ay waajib tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu ka qayb qaato.

Dagaalka ay Puntland gashay waa inuu ku dhammaado:

  • In laga sabro dhalinyarada u dhintay difaaca dadkooda iyo dalkooda.
  • In shisheeyaha xuduudaha ka soo tallaabaya ay quustaan.
  • In cadowgu uusan si fudud ugu soo dhiiran inuu damac galo dhulka Soomaaliyeed.
  • In Soomaaliya aysan ahayn sida ay cadowgu u fahamsiiyeen.
  • In cadow kasta oo dalka kusoo duula lagu aaso, uuna uusan noqon mid libin ku faanaya.

Shaki la’aan, dagaalka ay Puntland haatan ku jirto wuxuu farriin cad u yahay dhammaan cadowga gudaha iyo dibadda ka wado falalka argagixisada, isla markaana wuxuu muhiim u yahay sugidda amniga guud ee Soomaaliya.

Gacanta Sare waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed, geerida foosha xunna waxaa leh shisheeyaha soo duulay iyo kuwa cadowga u soo raacay dadkooda!

Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in dadkii xuduudaha kasoo tallaabay, ama dalalka deriska kasoo yimid, dib loogu celiyo waddamadooda, maadaama ay jirto caddeymo muujinaya in qaar badan oo ka mid ah ay ku biireen kooxda argagixisada ah ee Daacish.

W/Q: Axmedyaasiin Sooyaan
[email protected] 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Somali President slams ‘fear-mongering’ opposition claims

0

Mogadishu, Somalia – President Hassan Sheikh Mohamud has dismissed recent allegations from opposition leaders, accusing them of spreading unnecessary fear and political instability instead of focusing on the nation’s progress.

Speaking at the inauguration of a new hospital in Mogadishu on Monday, President Mohamud refuted opposition claims that his administration is leading the country toward confusion and authoritarianism. He described these accusations as misleading and harmful.

“Politicians suggesting an impending disaster, opening the gates of hell, are abnormal individuals, mentally unwell, and in need of treatment,” the president stated, directly addressing criticisms that his government is becoming dictatorial and restricting political freedoms.

He further asserted that such rhetoric contributes to the nation’s instability. “The real problem in Somalia is the politicians,” Mohamud said. “Significant progress has been made, and it’s essential to showcase our achievements and the opportunities that still exist.”

Opposition’s allegations

The president’s remarks follow accusations from opposition figure Abdullahi Sheikh Hassan, who recently claimed that Mohamud’s government has clandestinely organized a special force of 10,000 soldiers aimed at targeting dissenting politicians.

The opposition alleges that this force operates outside official security institutions and is tasked with disarming political opponents.

While President Mohamud did not directly address these specific allegations, his comments on political fearmongering were an indirect response.

To date, the Somali government has not issued an official statement regarding the existence of such a force, and independent sources have not verified these claims.

Escalating political tensions

Political tensions are intensifying as the nation prepares for the 2026 elections. Opposition parties and some federal member states have boycotted the electoral preparations led by the National Independent Electoral Commission (NIEC).

Puntland and Jubbaland have openly opposed the federal government’s handling of the electoral process, citing political and security concerns.

The opposition accuses President Mohamud of bypassing independent institutions and enacting legal changes to establish an electoral commission lacking legitimacy, which they describe as an attempt to predetermine election outcomes.

Some opposition leaders have even threatened to organize parallel elections if the government does not initiate inclusive political dialogues.

In a recent statement, they accused President Mohamud of “plundering national resources” and imposing “oppressive and unjustified taxes” on Mogadishu’s businesses. They further alleged that he has unilaterally drafted a new constitution and failed to support Puntland’s efforts against ISIS.

Economic grievances

Beyond electoral disputes, the opposition has criticized the government’s economic policies, alleging the implementation of an unjust tax system that has hampered businesses in Mogadishu, particularly in the Bakara Market, the capital’s most prominent commercial hub.

Merchants have staged protests, complaining about increased taxes leading to widespread unemployment and economic hardship.

The opposition also accuses the government of favoring businesses linked to the president’s political allies, exacerbating economic disparities and unequal business opportunities.

Despite these criticisms, President Mohamud maintains that Somalia is making tangible progress, citing growing international recognition and invitations to major global forums, such as the United Nations Security Council. He emphasizes the importance of focusing on development achievements and the opportunities that lie ahead for the nation.

The president’s administration has yet to directly address allegations of using security agencies to suppress opposition or the purported formation of a special force targeting political adversaries.

As the 2026 elections approach, the political climate in Somalia remains fraught, with calls from various stakeholders for dialogue and a more inclusive electoral process to ensure stability and democratic integrity.

Saudi Arabia executes Somali man ‘for drug smuggling’

0

Najran, Saudi Arabia – Saudi authorities have executed a Somali national, Mohamed Nur Hussein Gacal after he was convicted of attempting to smuggle hashish into the kingdom.

The execution took place on Sunday in the southern city of Najran, according to a statement from the Saudi Ministry of Interior.

The ministry asserted that Gacal was found guilty by a special court and sentenced to death, a ruling later upheld by the country’s Supreme Court. His execution was carried out by Saudi Arabia’s strict legal framework, which mandates capital punishment for serious drug offenses, murder, and terrorism-related crimes.

Gacal’s family has condemned the execution, alleging that he was denied a fair trial and proper legal representation. According to his uncle, Hassan Hussein Yusuf, Gacal managed to make a brief phone call to his family shortly before the execution, informing them that his sentence was about to be carried out.

“My nephew was not given proper legal assistance, and the proceedings were rushed without due process,” Yusuf told Somali media outlets.

The family has called on Somali authorities and human rights organizations to intervene in cases of other Somali nationals facing the death penalty in Saudi Arabia.

Somali government seeks clemency

The Somali government has stated that it was not formally notified of Gacal’s execution. Ambassador Aweys Haji Yusuf, Somalia’s top diplomat in Saudi Arabia, said that discussions with Saudi authorities are ongoing to secure clemency for Somali nationals on death row.

“We have requested that executions be halted and that alternative sentences, such as life imprisonment, be considered,” Yusuf said. The Somali consulate in Jeddah has confirmed it is actively negotiating with Saudi officials in an attempt to secure leniency for detainees.

Gacal’s execution has drawn attention to the plight of Somali migrants in Saudi Arabia, where at least 50 Somali nationals are currently awaiting execution—many of them for drug-related offenses.

According to rights groups and Somali officials, a significant number of these individuals were coerced or misled into smuggling illicit substances. Some reportedly fell victim to human traffickers who lured them with false promises of employment, only to force them into drug smuggling under threat of violence.

“The majority of these individuals were desperate for work and unknowingly became part of drug trafficking networks,” said a Somali human rights advocate who spoke on condition of anonymity. “They deserve fair trials and access to legal aid, not summary executions.”

Saudi Arabia’s execution record

Saudi Arabia enforces one of the world’s strictest legal systems based on an interpretation of Islamic law (Sharia). Capital punishment is commonly applied for crimes such as drug trafficking, murder, and terrorism-related offenses.

In recent years, the kingdom has intensified its crackdown on drug-related crimes. In 2024 alone, Saudi authorities executed at least 53 people for drug offenses—a sharp increase from previous years.

This surge in executions has drawn condemnation from human rights organizations, which argue that capital punishment should not be used for non-violent offenses.

Amnesty International and Human Rights Watch have repeatedly called on the Saudi government to reform its criminal justice system and ensure fair trials for foreign nationals.

The United Nations has also urged Saudi Arabia to adopt alternative sentencing measures for drug-related crimes, emphasizing rehabilitation over execution.

The execution of Gacal has sparked renewed criticism from international observers, particularly regarding the treatment of foreign nationals in the Saudi judicial system.

Many migrant workers, including Somalis, face significant legal and linguistic barriers, often going through trial proceedings without access to translators or legal counsel.

“The Saudi judicial system disproportionately targets foreign workers when it comes to capital punishment,” said a legal expert specializing in Middle Eastern law.

“Many of these individuals do not have the means to defend themselves adequately, and their home governments often have little leverage to intervene.”

The Somali community, both in Somalia and among the diaspora, has called for greater diplomatic engagement to prevent further executions of Somali nationals in Saudi Arabia.

Advocacy groups have urged Somali authorities to establish a formal legal aid program to support nationals facing trial abroad.

Daawo: Xasan oo ka hadlay dagaalka Shabaab iyo Daacish, farriina u diray mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta hadal ka jeediyey munaasabad lagu furay isbitaal gaar loo leeyahay ayaa ka hadlay dagaalka ay Puntland kula jirto Daacishn iyo kan dowladda federaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

“In dagaalka Khawaarijta aan guulo ka gaarno waxay noo bilaabatay markii uu shacabku dhiiraday oo dagaalka ku soo biiray, waxaana ka adkaa doonaa Khawaarijta hadda ku soo uruurtay cabsi gelinta oo kaliya,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guulo waaweyn laga gaaray dagaalka argagixisada oo xiligaan uu sheegay inuu toos uga socdo gobollada Bari, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, isagoo shacabka ugu baaqay in dowladda ay ku garab siiyaan dhameystirka inta ka hartay ciribtirka Khawaarijta.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhaliilay siyaasyiinta mucaaradka ah oo uu sheegay in halkii ay dowladda talooyin siin lahaayeen ay ka door bideen ceebeynta dowladda.

“Dadkeena siyaasiyiinta ah waxaan leeyahay qof walba haduu hadlayo wax fiican dadka ha u sheego ama ha iska aamuso, darajo ku gaari meysid ceebeynta dalkaaga iyo dowladaada, wax badan oo wanaagsan ayaa jira hadaa dooneyso inaa dad wax u sheegto,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta canshuuraha, isagoo cadeeyey in qofkii dowladda canshuur kula murma uu isagu qaldan yahay.

“Wax kasta waan ka doodi karnaa, laakiin canshuurta inaad bixiso waa waajib qaran oo ku saaran, gorgortana lagaala geli maayee hadii muran ka yimaado adigaa qaldan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo ka hadlay arrinta caafimaadka ayaa yiri, “Arrinta caafimaadku aad ah ayeey ii taabaneysaa. Boqol qof ilaa 150 qof oo caafimaad dibadda u aadaaya ayaa maalin walba dalka diyaarad looga qaadaa. Dhallinyarada inta fariistay, qorsheeyay, maalgelinta raadsaday ee mashruucaan fuliyay kaliya adeeg caafimaad ma soo kordhin ee dhaqan cusub ayey bahda caafimaadka ku soo kordhiyeen.”

Hoos ka daawo

Daawo: Booliska oo amar culus ka soo saaray Jaad si yaab leh lagu soo geliyo dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan ku gubay Qaad/Jaad la sheegay in si sharci darro ah lagu soo geliyey dalka.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Kaaraan ayaa soo bandhigay 40 Jawaan oo Qaad ah oo fagaare lagu gubay.

Booliska ayaa sheegay in Jaadkaan dalka lagu soo geliyey Doon ka keentay dalka Kenya, iyadoo u jeedku ahaa in ay ka dhuuntaan canshuurta dowladda.

“Hadii qaadka uusan soo marin wasaaradda maaliyadda waa ‘kotorobaan’ waxaana nagu waajib ah in aan qabano oo gubno sida maanta dhacday oo kale,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Booliska ayaa shaaciyey in lasoo qabtay seddax nin oo loo heysto inay Jaadkaan soo geliyeen Muqdisho, isla markaana lagu raad-joogo rag kale oo la soo qabanayo.

“Seddax eedeysane oo baaritaan uu ku socdo ayaan heynaa, waxaana ka sii dembi weyn kuwii qaadkaan soo iibiyey waana lasoo qaba doonaa, hantidiina ha iska khasaarinina, cid kasta oo waxaan oo kale lagu qabtana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Dowladda Soomaaliya ma diidana in dalka la keeno qaadka ama laga ganacsado, balse waxay cadeysay in la diidan yahay oo lala dagaalamayo ganacsatada ka dhuumaneysa canshuurta.

Canshuur badan ayaa saaran Qaadka markii uu ka soo dego garoonka Muqdisho, balse markii dalka lagu soo geliyo doon ama gaadiid waxaa la sheegay inuu ka lacag yaryahay wax badan kan diyaaraduhu keenaan.

Hoos ka daawo

Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo go’aan ka soo saaray furitaanka kalfadhiga BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka labada Aqal ee BJFS ayaa maanta kulamo wadatashi ah ka yeeshay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad, iyagoo go’aan ka soo saaray goorta uu furmayo.

Maalinta Sabtiga ah ee soo socota oo ku beegan 22-ka Febraayo 2025 ayaa la go’aamiyey in la furo kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka, sida lagu shaaciyey warqad kasoo baxday guddoonka.

“Xildhibaannada iyo Senatarrada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa lagu wargalinayaa inay soo xaroodaan ka hor furitaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loo sii ambaqaado gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee loo hayo dadwaynaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddoonka labada aqal.

Baarlamaanka 11-aad ayaa ku jira marxaladihii u dambeeyay ee muddo xileedkiisa, maadaama ay sanad u hartay, waxaana lagu dhaliilay in Golaha Shacabka oo ah hey’adda kaliya ee la xisaabtanta Xukuumadda inay ku milantay Golaha Fulinta.

Sidoo kale, mucaaradku waxay ku doodayaan in Madaxtooyadu noqotay halka laga hago shaqada ay qabtaan xildhibaanada golaha shacabka.

Madaxtooyada oo la rabay in xildhibaanadu ay la xisaabtamaan ayaa soo diyaarisa ajendayaasha ay ku shaqeynayaan, sidoo kale waxay Villa Somalia dejisay qorshe lagu aamusinayo xubnaha ka hor yimaada ajendayaasheeda.

Xildhibaanada qaar waxaa laga dhigay wasiirro si loogu aamusiyo oo xukuumadda aysan ula xisaabtamin ama u ridin, waxayna taasi sababtay in isla xisaabtankii uu meesha ka baxo.

Furitaanka kalfadhigaan ayaa xambaarsan cabsi badan oo xukuumaddu ay ka qabto in mooshin laga keeno, waxaana jira siyaasiyiin u uku jiro Axmed Madoobe oo mooshinkaas gadaal ka taagan.

Somaliland oo dalab xasaasi ah hordhigtay dowladda Turkey

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland ayaa dowladda Turkiga ka dalbaday inay xiriir toos ah la yeelato Somaliland, si uu u dhexmaro iskaashi adag oo dhinacyo badan leh.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa dalabkan hordhigay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktas, iyo wafdi uu hoggaaminayay, kuwaas oo kulan muhiim ah ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweyne Cirro iyo safiirka ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim u ah labada dhinac, kuwaas oo la xiriira xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Turkiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Danjiraha Turkiga ayaa madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyey guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtooyada, isaga oo qiray biseylka hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hirgalay Somaliland iyo sida ilbaxnimada leh ee ay reer Somaliland ula kala wareegeen hoggaanka.

Arrintaas ayuu danjiruhu ku tilmaamay mid dhif iyo naadir ku ah mandaqadda Geeska Afrika, shacabka reer Somaliland ee adkaysiga badanna ay mudan yihiin in lagu hambalyeeyo guusha ay gaareen.

Intii uu socday kulanka, waxa diiradda lagu saaray arrimo badan oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin nabadeynta, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.

Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday arrimaha waxbarashada, caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xirfadaha, iyo ka wada shaqaynta arrimaha bini’aadannimada.

Ugu dambayntii, madaxweynaha Somaliland ayaa danjiraha Turkiga ku wargeliyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay aad u danaynayso in dawladda Turkigu la yeelato xidhiidh toos ah oo wanaagsan oo dhinacyo badan leh.

Lama oga in Turkigu uu aqbali doono dalabka Somaliland, maadaama uu xiriir qoto dheer la leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya, una fidiyo taageero ballaaran oo dhinacyo muhiim ah leh.

Xasan oo soo bandhigay qorshaha 3 geesoodka ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xarigga ka jaray Isbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay qorshaha saddex geesoodka ee isbaheysiga ganacsatada iyo dowladda, shanta sano ee soo socota.

Madaxweyne Xasan ayaa marka hore xusay ahmiyadda ay leedahay maal-gelinta adeegyada caafimaadka oo, baahi weynna ay u qabaan dadka Soomaaliyeed.

Xasan ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhallinyarada mashruucan hirgeliyey, waxa uuna xusay in dadaallada noocaan ah ay qeyb ka yihiin horumarinta adeegyada caafimaadka iyo yareynta safarrada caafimaad ee dibadda.

“Arrinta caafimaadku aad ah ayeey ii taabaneysaa. Boqol qof ilaa 150 qof oo caafimaad dibadda u aadaaya ayaa maalin walba dalka diyaarad looga qaadaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “Dhallinyarada inta fariistay, qorsheeyay, maalgelinta raadsaday ee mashruucaan fuliyay kaliya adeeg caafimaad ma soo kordhin ee dhaqan cusub ayey bahda caafimaadka ku soo kordhiyeen.”

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa soo bandhigay qorshaha saddex geesoodka ee isbaheysiga ganacsatada iyo dowladda, shanta sano ee soo socota, kaas oo ay ka mid yihiin hirgelinta 6 Isbitaal oo laga dhisayo dhammaan Soomaaliya iyo sare u qaadidda tayada caafimaad ee dalka.

Isbitaalka Hodan ee madaxweynaha Xasan uu xarigga ka jaray ayaa lagu hirgeliyey maalgelin ka badan $12 milyan oo dollar, iyadoo la qorsheynayo in lagu dabiibo cudurro badan oo dalka dibaddiisa loo aadi jiray, caqabado iyo culaysna ku ahaa dadkeenna Soomaaliyeed.

Kenya oo markii ugu horreysay caddeysay mowqifkeeda xiisadda DF iyo Jubbaland

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay safarkii uu dhawaan madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ku tegay dalkeeda iyo xiisadda Madoobe kala dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya.

Kenya ayaa iska fogeysay inay dhinaca saartay Axmed Madoobe oo haatan si weyn isku hayaan dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xukuumadda Nairobi ayaa sheegtay in safarkii Axmed Madoobe ee caasimadda Kenya uu la xiriiray wada-hadallo dhex-dhexaadin ah oo Kenya ay ka dhex waday maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu shaaciyay Aadan Barre oo ka tirsan xukuumadda Ruto.

Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka ee Kenya oo bixiyay wareysi ayaa caddeeyay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne William Ruto ay arrimaha Soomaaliya keliya kala macaamilayso dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay doonayso in dowlad goboleedyadu ka dambeeyaan dowlada dhexe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadda Nairobi ay madaxweyne Xasan Sheekh u caddaysay mowqifka dowladda Kenya ee arrimaha Soomaaliya intii lagu jiray shir-madaxeedkii dalalka bariga Afrika ee dhawaan ka dhacay magaalada Caruushe ee dalka Tanzania.

Hadalkan ayaa imaanaya, xilli bishii lasoo dhaafay ee Janaayo uu Axmed Madoobe ku tegay Kenya safar hadal-hayn xooggan abuuray, taas oo markaas loo arkayay in Kenya ay dhinaca saartay Madoobe, oo dowladda dhexe u jartay waaran soo qabasho, kuna soo rogtay maamulkiisa xanibaad dhanka duulimaadyada ah.

Kenya oo dhaqaale badan ka hesha Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid iska ilaalineysa wax kasta oo mad-madow gelin kara xiriirkeeda dowladda dhexe, kaasi oo ay u aragto mid muhiim ah.

Doorka Imaaraadka Carabta ku leeyahay dagaalka ka socda Puntland – Maxaadan ogeyn?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa kaalin wayn oo muuqata ka qaadaneysa dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee haatan ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, sida ay shaacisay Puntland-Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu caddeeyay doorka Imaaraadka ee howlgallada lagu beegsanayo maleeshiyaadka Daacish, isaga oo dhanka hawada ka taageeraya ciidamada Puntland ee dagaalka adag ku jira.

Duqeyntii ugu dambeysay ayuu Imaaraadka xalay ka gaystay aagga Buuraha Calmiskaad, waxaana lagu dilay in ka badan 10 ka tirsanaa kooxda Daacish, sida ay sheegtay Puntland.

“Duqeyntii labaad waxa hada lala beegtay, Darar-madoobe, In ka badan 12 Argagixiso ah oo xubno sarsare kujiraan ayaa lagu dilay, Gaari xamuul ahna waa laga gubay. Waxa iska kaashanaya duqeynta Puntland iyo saaxiibada UAE” ayaa lau yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta ayaa taageerta ciidamada Puntland, waxayna ka gacan siiyaa dhaqaalaha, tababarka iyo saanadda ciidan ee ay u baahan yihiin.

Marka laga tego Imaaraadka, waxaa isna dagaalkan qayb ka ah Mareykanka oo duqeymo diyaaradeed ka fuliya Puntland, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Daacish.

Si kastaba, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan albaabada u furay cid weliba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socda dhulka buuraleda ah ee gobolka Bari.