25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Xasan Sheekh ma isku dhigi doona duullaanka Xamza ku wajahan mise?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kalfadhigga 6-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa furmi doona 22-ka bishaan oo ku beegan maalinta Sabtida ah ee soo socota. Furitaanka kalfadhigga ayaa imaanaya xilli uu sii xoogeysanayo guuxa mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaasi oo ay wadaan qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka.

Marka laga hadlayo Golaha Shacabka, xukuumaddu waxay heli kartaa illaa 60 wasiiro oo kamid ah Golaha Wasiirrada, 30 xildhibaanno oo lacago yaryar la siiyo bishii iyo 30 xildhibaan oo dhulal iyo dano qandaraasyo ah kula jooga dowladda. Tiradaas waa 120 xildhibaan, wallow kuwa qandaraasyada iyo dhulalka qaata ay u badan yihiin xildhibaanno waaweyn oo aan banaanka usoo istaagi doonin difaaca ra’iisul wasaare Xamza.

155 xildhibaan oo Golaha Shacabka ayaa diidan xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza iyo nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh. Laakiin intooda badan mabda’ ahaan uma diidana ee dano gaar ah ayey isku hayaan, sida; dhaqaale, dhulalka baddi la siiyay xildhibaannada ku haybta ah madaxweynaha, iyo qaar aaminsan in haddii xukuumad cusub timaado inay wasiiro heli karaan.

Ra’iisul Wasaare Xamza tan iyo markii uu xukunka yimid markaan ayuu si dhab ah u dareemaya culeyska diidmada baarlamaanka, mana ahan nin ku filan inuu isdifaaco, maadaama uu isagu haynin faylka xildhibaannada, midka dhaqaalaha iyo kan ciidanka midna.

Haddaba, weydiintu waxay tahay madaxweyne Xasan Sheekh ma difaaci doonaa Xamza?

Waxaan muran badan ka taagneyn in haddii madaxweynuhu dhexda u xirto howshan inuu ra’iisul wasaaraha ka badbaadin karo mooshinkan, balse waa lagu kala aragti duwan yahay inuu Xasan Sheekh diyaar u yahay inuu xilligaan difaaco ra’iisul wasaare Xamza.

Dadka qaar waxay leeyihiin Xasan Sheekh waa ku caajisay Xamza. Ra’iisul Wasaare aan qabiilkiisa haysan, maamul goboleedyada reerkiisa tagi karin oo heshiisna la aheyn, amniga wax ku biirin karin, dhaqaale dibadda kasoo raadin karin, dhanka beesha caalamka wax badan ka gelin, siyaasadda gudaha aan xalin karin, aragtida doorashada aan iibin karin, baarlamaanka kaa xigsan karin oo aan wax shaqo ah kaaga aadaneyn waa adag tahay inaad haysato.

Waxaa intaa dheer fadhiidnimada inta badan xubnaha Golaha Wasiirrada, sidaas darteed madaxweynuhu dagaal badan uma gali doono difaaca ra’iisul wasaaraha haddii uuba arko inuu mooshinka dhab ka yahay xildhibaannada Golaha Shacabka, ayey dadka qaar leeyihiin.

Inuu ra’iisul wasaaraha gacan kale ku baxo intuu isaga eersan lahaa inay isaga daawo u tahay Xasan Sheekh, ayaa loo badinayaa.

Qeyb kale oo dadka siyaasadda ka hadla waxay leeyihiin madaxweyne Xasan Sheekh waa difaacanayaa ra’iisul wasaare Xamza oo waa kala furfuri doona mooshinka, sababtoo ah waa adag tahay inuu Xasan Sheekh helo qof kale oo sida Xamza wax walba oo qaldan ku raaci kara.

Indhaha ayaa lagu wada hayaa sida uu madaxweyne Xasan Sheekh arrintaan u wajaho, iyadoo dhaq-dhaqaaqiisa maalmahan soo aadan laga dareemi doono “diidid iyo doonis midii uu qabo”.

Hadal ka soo yeeray wasiir ka tirsan DF oo shaki weyn dhaliyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay hadal kasoo yeeray wasiirka cadaaladda Soomaaliya Xasan Macallin, kadib markii madal ay ku shirayeen xubnaha Xisbiga Madaxweynaha ee UPD uu ka sheegay in saraakiishii magaalada Muqdisho ku sugneyd loo diray furimaha dagaalka, kuwaas oo qaarkood la dilay.

Xasan Macallin ayaa shaaca ka qaaday in inta badan saraakiishii dhibi jiray shacabka  la howl-geliyay, isla markaana loo diray shaqadooda oo ah la dagaallanka argagaxisada.

“Saraakiishii banaan-baxayaasha baacsan jiray oo xabadeyn jiray waxaa loo diray furimaha mar kale dad ma dhibi doonaan,“ ayuu yiri wasiirka cadaalada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa dhaliyay carro xoogan iyo tuhun wayn, waxaana dadka qaar oo ka fal-celiyay ay su’aallo ka keeneen hadalka wasiirka, maadaama horay dagaallada socda loogu laayay saraakiil muhiim ah oo dhalinyaro ah, kana mid ahaa ciidanka qalabka sida.

Haddaba sidee looga fal-celiyayay hadalka kasoo yeeray wasiirka?

Cabdixakiin Macallin Nuur Xuseen: “Saraakiishii waan shir-qoolnay oo cad waaye warkaan”.

Gacal Ayman: “Xasan Macallinow, Jacfar waa joogaa furimaha ma jiro, taas xisaabta ku darso!”.

Ayuub Isaaq: “Run badana inta furimaha u direen ayay hawada ku cuneen Farxaan Qaroole ayaa ka mid ahaa ilaah ha u naxariiisto”.

Abuukar Gaatamow: “Shakigaas horaa loo qabay, haddane wa midaa caddesay wixii cabsi idin galiyo in la mashimo wa la idinku yaqiinay”.

Maxamuud Akid: “Koley waxa saas looga diganaayo waa Shaah Macabe, Farxaan Qaroole IWM AHU dee!”

Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo tallaabadiisi u horreysay ku beegsaday Kenya

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo dhowaan uun xilkaas uga guuleystay Raila Odinga ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah dowladda Kenya oo ku howlan dhex-dhexaadinta dhinacyada isku haya dalka Suudaan.

Guddoomiyaha ayaa si adag uga hadlay tallaabada ay qaaday dowladda Kenya ee ku aadan saxiixa heshiis ku aadan xaaladda Suudaan, isaga oo sheegay inuu hal dhinac ka raran yahay, isla markaana uu uga sii dari karo xaaladda diblumaasiyadeed ee gobolka.

“Jawaabta kulul ee dawladda Suudaan waxay muujinaysaa cawaaqibka ka dhalan kara marka dhinac lagala xaajoodo arrimo weli aan xal loo helin” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Kenya iyadoo sahalsanaysa wadahadallo ay dhinac u arkaan kuwo sharci darro ah, waxay keensanaysaa xaalad cakirnaan ah oo ay ka wajahado Khartuum, taasoo sii adkayn karta doorkeeda diblomaasiyadeed ee gobolka”.

Kenya ayaa marti-gelin u samaysay xoogagga mucaaradka ee waddanka Suudaan, laakiin waxaa arrintaasi durbadiiba walaac xoogleh ka muujisay dowladda dalkaasi.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Go’aanka Kenya ee martigelinta saxiix heshiis siyaasadeed oo ay ku lug leeyihiin dhinacyada isku haya Suudaan wuxuu gobalka gelinayaa xaalad diblomaasiyadeed oo xasaasi ah.

In kasta oo Nairobi ay muddo dheer caan ku ahayd dhexdhexaadinta colaadaha gobolka, tallaabadan halista leh ayaa ka dhigaysa in lagu eedeeyo inay u xaglineyso dhinaca RSF.

Jawaabta kulul ee dawladda Suudaan waxay muujinaysaa cawaaqibka ka dhalan kara marka dhinac lagala xaajoodo arrimo weli aan xal loo helin.

Kenya iyadoo sahalsanaysa wadahadallo ay dhinac u arkaan kuwo sharci darro ah, waxay keensanaysaa xaalad cakirnaan ah oo ay ka wajahado Khartuum, taasoo sii adkayn karta doorkeeda diblomaasiyadeed ee gobolka.

Si ay u sii ahaato dhexdhexaadiye lagu kalsoonaan karo, Kenya waa inay si taxaddar leh u maareysaa doorkeeda, iyada oo xoojinaysa dhexdhexaadnimada iyo wadahadallo loo dhan yahay. Haddii ay doonayso in ay sii ahaato hormuud nabadeed, waa in ay hubisaa in dadaalkeedu aanu sii hurin xiisadda balse uu horseedo xal waara oo ay dhinacyadu ku qanacsan yihiin.

Xogta mooshin culus oo ka dhex socda BF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya guuxa mooshinka culus ee ka dhex socda baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo lasoo wariyay in qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka ay ka wadaan ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, mooshinkan ayaa ujeedka uu yahay in lagu daah-furo kulamada ugu horreeya ee Kalfadhigga 6-aad ee baarlamaanka labadiisa gole oo furmi doono 22-ka bishaan oo ku beegan maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Xildhibaannada wada mooshinka oo u badan kuwa mucaaradka ee kasoo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo codka ah ayaa ku eedeynaya ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa fadhiidnimo iyo inuu gabay shaqadii loo igmaday ee golaha fulinta.

Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay mooshinkan oo guuxiisa haatan si weyn loo dareemayo, waxaana sidoo kale barbar socda qorshe kale oo ay Villa Soomaaliya ku burburineyso mooshinka, si ay uga hortagto xilka tuurista ra’iisul wasaare Xamza.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan mooshinkan, wuxuuna ku tilmaamay arrin fawdo ah oo la doonayo in la’isaga horkeeno madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

“Aniga waxaan leeyahay qof weliba shaqadeeeda ha aqoonsato, baarlamaan intay leeyihiin Xamza ayaanu rideynaa ma oga miyaa baarlamaankii ninbaa xaqiray oo guddoomiyihii baarlamaanka kasoo eryay Puntland u diiday inay tegto kaa mala xisaabtami karaan miyaa? ayuu yiri Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle.

Cosoble ayaa si weyn u ammaanay Xamza, wuxuuna tilmaamay in muddada uu joogo xafiiska uu qabtay shaqo wanaasgan sidoo kalena uu daacad u yahay madaxweynahiisa.

“Ra’iisul wasaare Xamza waxaan leeyahay muddada aad ra’iisul wasaaraha ahayd runtii waxaad muujisay karti, dowlad aqoon-nimo waxaad muujisay 100% madaxweynihii ad is dhaarsateen ee aad ka wada shaqeyneyseen horumarka dalka in aad sidii ahayd ula shaqeyneyso, jidkaaga ku soco” ayuu mar kale yiri siyaasiga Cali Cabdullahi Cosoble.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhammeystiran:-

Natiijada wada-hadalladii shalay Ankara ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Ankara (Caasimada Online) – Diblomaasiyiinta sare ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa Talaadadii yeeshay wejigii ugu horreeyay ee wadahadallo farsamo ah oo lagu raadinayo xalka khilaaf ka dhashay heshiis dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Turkiga ayaa dhex-dhexaadinaya dalalkan Geeska Afrika, iyadoo laga walaacsan yahay in xiisadda oo sii korortay ay horseedi karto isku dhac cusub oo ka dhaca gobolka horeyba xaaladiisa u kacsaneyd.

Xiisadda ayaa kacday kaddib markii Itoobiya, oo aan lahayn bad, ay sannadkii hore la saxiixatay Somaliland heshiis is-afgarad ah oo ay dhul xeebeed kaga kireysaneyso si ay saldhig ciidan badeed uga sameysato.

Sida lagu heshiiyey, Itoobiya ayaa noqonaysa dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada madax-bannaanida Somaliland. Soomaaliya, si kastaba ha ahaatee, waxay ku dooday in heshiiskan uu xadgudub ku yahay madax-bannaanideeda iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Bishii December, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmay Turkiga, halkaas oo ay ku heshiiyeen in la billaabo wadahadallo farsamo oo lagu raadinayo heshiis suurtagal ah, kaas oo dammaanad qaadaya madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana u ogolaanaya Itoobiya inay hesho marin badeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegtay in wafdiyada ay kala hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timothewos, iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ay yeesheen wejigii ugu horreeyay ee wadahadallo farsamo ah oo ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara.

“Labada dhinac waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay fulinta qodobada iyo ruuxda Bayaanka Ankara,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, oo xiganeysa heshiiskii la gaaray bishii December. “Wafdiyadu waxay billaabeen dadaallo lagu xaqiijinayo aragtidaas.”

Wareegga labaad ee wadahadallada ayaa lagu wadaa inuu dhaco bisha Maarso, sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda.

Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh maal-gashi ballaaran, oo ay ka mid tahay saldhigga ugu weyn ee ciidan ee uu dibadda ka dhistay.

Somaliland ayaa sheegtay in ka go’day Soomaaliya in ka badan 30 sano ka hor, hase yeeshee lama aqoonsanin xornimadeeda, mana ay aqoonsana Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Itoobiya, oo lagu qiyaaso inay leedahay dad ka badan 120 milyan, waa dalka ugu dadka badan caalamka ee aan lahayn bad.

Magacyada 4 nin oo Sweden ay ku ridday xukun adag kadib markii ay Soomaaliya…

0

Stockholm (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Sweden ayaa xukuntay afar nin oo lagu helay inay ka tirsanaayeen kooxda Daacish (ISIS), iyaga oo ku lug lahaa hawlo ay ka mid yihiin qorista xubno cusub, faafinta fikradaha kooxda, iyo tababarada hubka. Maxkamaddu waxay raggan ku xukuntay xabsiyo u dhexeeya saddex sano ilaa lix sano iyo bar.

Bayaan ay soo saartay, Maxkamadda Degmada Nacka waxay sheegtay in falalka kala duwan ee raggan, oo dhammaantood ah muwaadiniin Swedish ah, ay caddeyn u ahaayeen in ay ka tirsanaayeen kooxda Islaamiga ah ee Daacish ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 2023 iyo 2024.

“Howlahooda waxa ka mid ahaa qorista xubno cusub oo kooxda ku biira, faafinta afkaartooda, tababarka hubka, iyo bixinta talooyin la xiriira ururka,” ayaa lagu yiri bayaanka maxkamadda.

Saddex ka mid ah raggan ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyay inay qorsheynayeen fal argagixiso oo ka dhici lahaa gudaha Sweden sanadihii 2023 iyo 2024 iyagoo magaca Daacish ku howlgalaya, balse maxkamaddu wey sii daysay eeddaas, sida lagu sheegay go’aanka maxkamadda.

“Maxkamaddu ma aysan arkin caddeyn ku filan oo muujinaysa qorshe cad oo lagu fulin lahaa weerar argagixiso,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ragga la xukumay ayaa kala ah;

  • Omar Yasser Ahmed Atia, 21 jir.
  • Daniel Elias Johansson, 25 jir.
  • Rasmus Erik Johansson, 23 jir.
  • Elyas Mohamed Hakamali, 63 jir.

Dacwad-oogeyaasha ayaa bishii December maxkamadda u gudbiyay dacwadda, iyaga oo sheegay in saddexda nin ay damacsanaayeen inay dilaan ama waxyeelleeyaan dad kale, balse ma shaacin bartilmaameed gaar ah.

Qareenka u doodayay Omar Yasser Ahmed Atia, oo 21 jir ah, laguna xukumay lix sano iyo bar, ayaa sheegay in macaamilkiisa rafcaan ka qaadan doono xukunka.

Qareenka Rasmus Erik Johansson, oo 23 jir ah, laguna xukumay shan sano iyo bar, ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo go’aanka maxkamadda.

Qareennada Elyas Mohamed Hakamali, oo 63 jir ah, laguna xukumay saddex sano, iyo Daniel Elias Johansson, oo 25 jir ah, laguna xukumay lix sano, ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyada faallo weydiinta.

HirShabelle oo shir deg-deg ah yeelatay – Maxaa lagu go’aamiyay?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Golaha wasiirada dowlad goboleedka HirShabelle ayaa xalay kulan deg-deg ah ku yeeshay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu guddoomiyay madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirrada lagu saaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo sidii looga ciribtiri lahaa guud ahaan deegaanada HirShabelle.

Ugu horreyn golaha ayaa warbixin guud ka dhageystay wasaaradda amniga oo faah-faahin dheeri ah ka bixisay xaaladda amni ee guud ahaan HirShabelle, waxana ay tilmaamtay in howlgalladii ugu dambeeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah.

Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay in dagaalka ay ku biireen ciidamada Daraawiishta HirShabelle, qeybna ay ka ahaayeen howgalka ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka.

Sidoo kale waxaa shirka inta uu socday lagu gorfeeyay isbeddelka cimilada iyo abaaraha ka jira deegaanada qaar ee HirShabelle ee saameynta ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha guddaha HirShabelle ayaa la wadaagtay golaha wasiirrada qaabka ay u dhacday doorrashada golaha Deegaanka ee degmada Mahadaay iyo sida ay haatan ugu howlan yihiin doorashada golaha deegaanka ee degmada Balcad.

Waxaa kale oo shirka lagu ansixiyey degmo-nimada Biyo-cadde oo ay soo gudbisay isla wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladdaha Hoose.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo soo xiray kulanka deg-degga ahaa ayaa shacabka ugu baaqay inay is-caawiyaan bisha barakeysan ee Ramadaan.

Xaalad adag oo ka taagan Ceelbuur kadib dagaalkii Al-Shabaab iyo shacabka

0

Ceelbuur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta degmada Ceelbuur ay ka taagan tahay xiisad culus oo u dhexeysa dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee weli gacanta ku haya degmadaas.

Xiisaddan ayaa daba socota weerar ay maalin ka hor dadka deegaanka ku qaadeen guri uu Ceelbuur ka deganaa horjoogaha waxa ay kooxdu ugu yeerto “Xisbada,” oo lagu magacaabo Yaxye Laba Madax.

Howlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday guriga horjoogahan, oo ku dheggan saldhigga degmada Ceelbuur, waxaana kooxda lagu gaarsiiyay khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Horjooge Yaxye Laba Madax ayaa la soo wariyay in dhaawac halis ah uu soo gaaray, kadib markii dadka deegaanka ay ku beegsadeen xilli uu ku sugnaa hoygiisa.

Xaaladda degmada ayaa weli kacsan, waxaana shacabka Ceelbuur ay haatan wadaan abaabul ay isaga dulqaadayaan dhibaatada ay kala kulmaan kooxaha Khawaarijta.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale, oo ka hadlay xaaladdan soo korortay, ayaa shaaca ka qaaday in dadka kasoo jeeda degmada ay bilaabeen dagaal lagu xoreynayo deegaankooda, ayna ku bogaadinayaan dadaalka ay ugu jiraan la dagaallanka maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sidoo kale, Nuur Guutaale ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay ka gacan siiso dagaalka ay kula jiraan argagixisada, si looga xoreeyo degmada Ceelbuur.

“Shacabkii ayaa adkeysan waayay, go’aanna ku qaatay inay Al-Shabaab iska dulqaadaan. Waa in ay dowladda lasoo garab istaagtaa taageero nooc walba leh, waxaana jirta rajo wanaagsan in Al-Shabaab magaalada laga saari doono,” ayuu yiri guddoomiyaha Ceelbuur.

Si kastaba, howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii dambe hoos u dhac ku yimid ayaa haatan dib u dardar galay, iyadoo dagaal lagu qaaday jihooyin dhowr ah, kuwaas oo qaarkood guulo wax ku ool ah laga gaaray.

Trump oo toos albaabka uga xirtay Ukraine – Muxuu shalay ku dhowaaqay?

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii shaaciyey in ay suurtagal tahay inuu bishan la kulmo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isagoo sidoo kale iska dhaga-tiray walaaca Ukraine ee ah in laga reebay wada-hadallada Mareykanka iyo Ruushka ee ka dhacay Sacuudiga si loo soo afjaro dagaalka Ukraine.

“Laga yaabo,” ayuu Trump ku jawaabay markii la weydiiyay inuu weli filayo inuu bishan la kulmo Putin, xilli uu soo gabagabeynayay shir jaraa’id oo ka dhacay Mar-a-Lago, gurigiisa ku yaalla Palm Beach, Florida.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio, oo warbaahinta uga warbixiyay wada-hadalladii Mareykanka iyo Ruushka ee Riyadh, ayaa sheegay in labada dhinac aysan weli go’aamin taariikh rasmi ah oo loogu talagalay shir-madaxeed dhex mara Trump iyo Putin si ay uga wadahadlaan arrimaha Ukraine.

Trump ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wada-hadallada Mareykanka iyo Ruushka ee Riyadh, halkaas oo wafdi Mareykan ah uu la yeeshay Ruushka wadahadallo ku saabsan Ukraine.

Isagoo ka jawaabaya walaaca Kyiv ee ah in laga reebay wada-hadalladaas, Trump wuxuu sheegay in Ukraine ay fursad u haysatay inay heshiis la gasho Ruushka saddex sano ka hor si looga hortago duullaanka Moscow.

“Maanta waxaan maqlay, ‘oh, nala ma casuumin.’ Hagaag, saddex sano baad halkaas joogtay, waa inaad soo afjartay… xitaa waa inaanu dagaalku bilaaban. Waxaad heli kartay heshiis,” ayuu yiri Trump.

Putin ayaa billaabay dagaalka

Sean Savett, oo hore u ahaa afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad xilligii Madaxweyne Joe Biden, ayaa baraha bulshada ku qoray in Ruushka uu bilaabay dagaalka.

“Waxay u muuqataa in Trump uu si buuxda u qaatay dacaayadda Putin,” ayuu yiri. “Xusuusin qof walba u baahan yahay: Putin ayaa dagaalka bilaabay isaga oo aan wax sabab ah u haysan, ciidamadiisana waxay dambi dagaal ka geysteen Ukraine. Ruushka ayaa mas’uul ka ah sii socoshada dagaalkan.”

Trump ayaa si adag ugu dhaliilay Biden habka uu u maareeyay arrimaha Ukraine. Biden wuxuu dadaal badan geliyay hub siinta Ukraine si ay isaga difaacdo duullaanka Ruushka.

“Waxaan aaminsanahay in awood aan u leeyahay soo afjaridda dagaalkan,” ayuu Trump yiri.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Ukraine ay tahay inay doorasho qabato. “Arrintani wax shaqo ah kuma lahan Ruushka, waa arrin aniga iyo wadamo kale badan ay qabaan,” ayuu yiri.

Trump wuxuu intaa ku daray inuusan ka hor imaan doonin haddii dalalka Yurub ay rabaan inay ciidamo nabad-ilaalin ah u diraan Ukraine.

Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa wada-hadallo ka yeeshay suurtagalnimada dirista ciidamo nabad-ilaalin ah si ay u bixiyaan dammaanad amni haddii heshiis nabadeed la gaaro.

“Inay ciidamo halkaas joogaan wey fiican tahay, mana diidi doono arrintaas,” ayuu Trump yiri.

Zelenskiy oo ka baaqday Riyadh

Dhanka kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa dib u dhigay safarkiisii uu ku tegi lahaa Sacuudiga si uusan “sharciyad” ugu yeelin shirkii Talaadada ka dhacay Riyadh ee Mareykanka iyo Ruushka, sida ay ilo-wareedyo xog ogaal ah u sheegeen Reuters.

Isagoo Talaadadii ka hadlayay Turkiga, Zelenskiy wuxuu sheegay inuu dib u dhigay safarkiisii boqortooyada Sacuudiga, kaas oo horey loogu qorsheeyay Arbacada, ilaa 10-ka Maarso, isaga oo xusay inuusan rabin “isku aad aan la rabin.”

“(Ukraine) ma rabto in lagu daro wax kasta oo ka dhacay Riyadh si sharciyad loo siiyo,” ayuu yiri mid ka mid ah ilo-wareedyada.

Zelenskiy wuxuu Ankara ka sheegay inaan lagu casuumin shirkii Talaadada dhex maray wafdiyada Mareykanka iyo Ruushka, kuwaas oo ay hoggaaminayeen wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal.

Mareykanka iyo Ruushka waxay kulanka kaddib sheegeen inay isku raaceen inay sii wadaan dadaallada lagu joojinayo dagaalka Ukraine.

“Ma rabno in cid kale wax noo go’aamiso annaga oo aan meesha joogin… Ma jiro go’aan la gaari karo oo ku saabsan soo afjaridda dagaalka Ukraine anaga oo aan lagala tashan,” ayuu yiri Zelenskiy.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo xafiiska la wareegay 20-kii Janaayo, ayaa marar badan ballan qaaday inuu si degdeg ah u soo afjari doono dagaalka. Wuxuu ku adkaystay in si degdeg ah loo billaabo wada-hadallo nabadeed, hase yeeshee hadallada saraakiishiisa sare waxay dhaliyeen su’aalo ku saabsan waxa uu qorsheynayo.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa toddobaadkii hore NATO u sheegay in ay tahay riyo aan macquul ahayn in Ukraine ay xubin ka noqoto NATO iyadoo heshiis lala galayo Ruushka, wuxuuna ku tilmaamay riyada Ukraine ee ah in ay dib u hesho xuduudaheeda caalamiga ah “yool aan suurtagal ahayn.”

Hegseth wuxuu u muuqday inuu dib uga laabtay hadalladiisa maalinta xigtay, balse hadalladiisa ayaa walaac ka dhaliyay Ukraine, maadaama ay dareemeen in Mareykanka uu go’aanno ka gaari karo mustaqbalkooda iyaga oo aan lagala tashan.

Trump wuxuu toddobaadkii hore wacay Zelenskiy iyo Putin, taas oo walaac ku abuurtay xulafada Yurub ee Kyiv, iyaga oo ka baqaya in laga saaro geeddi-socodka nabadda.

Soomaaliya oo ku biiri rabta Ururka Ganacsiga Adduunka

0

Geneva (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii ay xubin rasmi ah uga noqon lahayd Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa magaalada Geneva u jooga ka miro-dhalinta arrintan, iyagoo halkaasi kula kulmay Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), Dr. Ngozi Okonjo-Iweala.

Kulankan ayaa daba socday wada-hadalladii bilowga ahaa ee Isniintii dhexmaray Soomaaliya iyo WTO, kuwaas oo lagu furay hannaanka ay Soomaaliya uga mid noqonayso ururkan caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay dowladda uga go’an tahay in hannaankan laga miro-dhaliyo, si Soomaaliya ay xubin rasmi ah uga noqoto WTO.

Dr. Ngozi Okonjo-Iweala ayaa dhankeeda ballan-qaaday in ururku siin doono Soomaaliya taageero farsamo, si ay ugu guuleysato hannaanka xubinnimada ururka.

Wada-hadalladan oo ay Soomaaliya muddo sugaysay ayaa muhiim u ah dadaallada dalka ee lagu horumarinayo iskaashiga ganacsi iyo kobcinta dhaqaalaha.

Ku biirista WTO waxay Soomaaliya u sahlaysaa helitaanka suuqyo ganacsi oo caalami ah, xoojinta maalgashiga shisheeye, iyo fududeynta ganacsiga caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa horay uga mid noqotay ururrada goboleed sida East African Community (EAC) iyo Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA), kuwaas oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka.

Sidoo kale sanadkan 2025, Soomaaliya waxay xubin rasmi ah ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo muujinaysa doorka firfircoon ee dowladda Soomaaliya ay ka ciyaarayso arrimaha caalamiga ah.

Xogta duqeyn Imaaraadka uu ka fuliyey Soomaaliya

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday aagga buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ay Puntland ku qaaday xubnaha Daacish.

Weerarka oo ahaa mid si aad ah loo soo qorsheeyay lagu beegsaday god wayn oo ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka kooxda, una u dhow deegaanka Sheebaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalkan dhanka cirka ah ay si wadajir ah isaga kaashadeen Puntland iyo Imaaraadka, jab culus-na lagu gaarsiiyay Daacish.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in duqeynta lagu lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda.

“Duqeyn waxaa maanta lagu dilay in ka badan 11 xubnood oo ka tirsan Argagixisada Daacish, kuwaasi oo isku urursanayay God u dhow Sheebaab – Calmiskaad. Waxaa duqeynta fuliyey saaxiibada Puntland ee Imaaraadka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa haatan kaalin wayn oo muuqata ka qaadaneysa dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxayna horay sidaan oo kale duqeymo uga fulisay aagga Calmiskaad.

Duqeyntii ugu dambeysay ayuu Imaaraadka Carabta dhowaan ka gaystay deegaanka lagu magacaabo Darar-madoobe, waxaana lagu dilay illaa 12 ka tirsanaa kooxda Daacish, iyada oo sidoo kale lagu gubay gaari xamuul ah oo ay adeegsaneysay kooxda.

Marka laga tego Imaaraadka, waxaa isagunna dagaalkan qayb ka ah Mareykanka oo duqeymo diyaaradeed ka fuliya Puntland, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Daacish.

Si kastaba, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan albaabada u furay cid weliba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socda dhulka buuraleda ah ee gobolka Bari.

Maleeshiyada Shabaab oo jab culus lagu gaarsiiyay Mudug

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo maanta ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka, kaas oo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab, wuxuuna si gaar ah uga dhacay aagga deegaanka Bacaadwayne ee gobolkaasi, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed kasoo saartay weerarkaasi.

Qoraalka dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada huwanta ay beegsadeen fariisimo ay dagaalyahannada Shabaab ku lahaayeen halkaasi, jab culusna la gaystay.

“Howlgal qorsheysan oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ay ka fuliyeen magaalada Bacaadwayne ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa lagu beegsaday fariisimo Khawaarijtu ku baadaysay dadka shacabka ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daray in howlgalka lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa oo ku dhuumaaleysanayay goobta la weeraray.

“Howlgalka ayaa lagu beegsaday horjoogayaal iyo malayshiyaad halkaa muddo si dhuumaalaysi ah ugu dhibaateenaysay dadka shacabka ah, kuwaasi oo ciidamadu ay cagta mariyeen fariisinkii Khawaarijta” ayaa lagu yiri mar kale lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi maanta ka dhacay Mudug ee ay guusha ka sheegatay dowladda dhexe.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah koonfura Mudug oo hoostaga Galmudug.

Gobollada dhexe ayaa  kamid ah gobollada ay weli ka socdaan howlgallada xoreynta ah, waxaana badanaa ku dagaalama ciidamada huwanta iyo Khawaarijta Al-Shabaab.

Ethiopia, Somalia wrap up talks in Turkey on sea access

0

ANKARA, Turkey – Ethiopian and Somali officials convened in Ankara on Tuesday for the first round of technical discussions to resolve tensions stemming from a controversial agreement between Ethiopia and the self-declared republic of Somaliland, Turkey’s Foreign Ministry announced.

Turkey has taken on a mediating role in the dispute, which has raised concerns about potential conflict in the already volatile Horn of Africa region. The talks follow a memorandum of understanding signed in 2023 between Ethiopia and Somaliland.

Ethiopia sought to lease land along Somaliland’s coastline for a marine force base in exchange for formally recognizing Somaliland’s independence. Somalia has strongly opposed the deal, calling it a violation of its sovereignty and territorial integrity.

Commitment to dialogue

The negotiations in Turkey were led by Ethiopian Foreign Minister Gedion Timothewos and Somalia’s State Minister for Foreign Affairs, Ali Mohamed Omar.

The Turkish Foreign Ministry stated that both delegations reaffirmed their commitment to the Ankara Declaration—a framework agreement reached in December 2023 between Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed and Somali President Hassan Sheikh Mohamud to de-escalate tensions through diplomatic means.

“Both delegations demonstrated their commitment to the letter and spirit of the Ankara Declaration,” Turkey’s Foreign Ministry said. “The delegations began the concrete work to transform this vision into reality.”

According to the ministry, the next round of discussions is scheduled for March.

Somaliland, a former British protectorate, declared independence from Somalia in 1991 following the collapse of Somalia’s central government.

Despite functioning as a de facto independent entity with its own government, army, and currency, Somaliland remains unrecognized by the United Nations and the African Union. Somalia continues to view the region as an integral part of its territory. It has rejected Ethiopia’s push for diplomatic recognition of Somaliland.

Ethiopia, the most populous landlocked country in the world, has long sought access to the sea. Since the Eritrean-Ethiopian War ended in 2000, Addis Ababa has relied on Djibouti’s ports for maritime trade, making the Somaliland deal a strategic priority for Prime Minister Abiy Ahmed’s administration.

Turkey’s role in the region

Turkey has deep economic and military ties with Somalia, including operating its largest overseas military base in Mogadishu.

Ankara has positioned itself as a key diplomatic player in the Horn of Africa, with Turkish President Recep Tayyip Erdoğan actively engaging in regional peace efforts. The current negotiations underscore Turkey’s ambition to bolster its influence in African affairs.

The Ethiopia-Somaliland agreement has also drawn opposition from the Arab League and the African Union, both of which have reaffirmed Somalia’s sovereignty.

Observers note that the outcome of the Ankara talks could set a precedent for future maritime and territorial disputes in the region.

As diplomatic efforts continue, the international community will be closely watching whether Ethiopia and Somalia can reach a resolution that balances Ethiopia’s economic interests with Somalia’s territorial integrity.

Swedish court sentences four men for IS-Somalia ties

0

STOCKHOLM, Sweden – A Swedish court on Monday sentenced four men to prison for their involvement in the Islamic State (IS) network, citing their participation in recruitment, weapons training, and propaganda activities. However, three of the men were acquitted of charges related to plotting an attack inside Sweden.

The Nacka District Court handed down sentences ranging from three to six-and-a-half years, stating that the convicted individuals actively supported IS operations in Somalia between 2023 and 2024.

The prosecution alleged that the men sought to spread IS ideology and prepare for militant activities.

The four Swedish nationals convicted were:

  • Omar Yasser Ahmed Atia, 21 – was sentenced to six-and-a-half years.
  • Daniel Elias Johansson, 25 – sentenced to six years.
  • Rasmus Erik Johansson, 23 – sentenced to five-and-a-half years.
  • Elyas Mohamed Hakamali, 63 – sentenced to three years.

The court ruled that while the men had engaged in IS-related activities, there was insufficient evidence to prove that three of them were preparing a specific terrorist attack in Sweden.

“The district court did not consider that there was a sufficiently clear plan for an intended terrorist offense,” the ruling stated.

The Swedish Prosecution Authority, which accused the suspects of planning an IS-backed attack targeting civilians, expressed disappointment with the acquittals but said it respected the court’s decision.

Key figures and investigations

One of the convicted men, Elyas Mohamed Hakamali, a 63-year-old imam in Tyresö, was identified as a central figure in the case. Authorities alleged that he played a key role in radicalizing and recruiting young converts for IS activities in Somalia.

Hakamali, who had led a local Islamic cultural association and mosque for over two decades, was arrested in a pre-dawn raid on April 17, 2024.

His mosque, which had received nearly half a million kronor in state funding since 2016, is now under investigation for potential misuse of funds related to radicalization efforts.

The Swedish Security Service (Säpo) believes that Hakamali’s activities extended beyond recruitment, alleging that he provided ideological training to children and young people at the mosque.

Wiretaps and alleged attack plans

Prosecutors revealed that wiretapped conversations captured two of the convicted men, brothers aged 23 and 25, discussing plans to target government buildings, police offices, intelligence agencies, and synagogues in Sweden.

Authorities allege that the pair had received instructions from IS contacts in Somalia to “kill as many infidels as possible, with Jewish targets as the main focus.”

The investigation also found that the group had connections to an organized criminal gang in Tyresö, which provided them with a firearm and an electric stun gun.

Prosecutors claimed the suspects discussed recruiting minors under 18 who were “ready to die as martyrs” in attacks.

Defense lawyers for Atia and Johansson indicated that their clients would appeal the verdicts. At the same time, attorneys for the other two convicted men did not immediately comment.

Swedish authorities arrested three suspects during coordinated raids across Stockholm on March 7, 2024. Hakamali was taken into custody separately on April 17, 2024, following a second phase of investigations.

Säpo described the arrests as a preventative measure to “thwart a potential attack.” However, details on the suspected plot remain classified.

The case has raised concerns about radicalization networks operating within Sweden, with authorities vowing to intensify counterterrorism efforts to prevent further IS-linked activities in the country.

Xeeladda cusub ee Puntland ku jabisay Daacish + Video

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Puntland ayaa weli sii wada dagaalka adag ee ay kula jirto kooxda Daacish, waxaana ciidamdeeda ay kusii siqayaan godadka waa wayn ee ku hoos yaalla buuraha hoostooda ee gobolka Bari, halkaas oo uu ka socda howlgal xoreyn ah.

Ciidamada Puntland ayaa illaa iyo hadda dagaalkan ka gaaray guullo waa wayn, taas oo keentay in si weyn gudaha iyo dibadda laga taageero, maadaama ay tirtirayaan argagixisada.

Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Bari, Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay xog cusub iyo xeelad Puntland u horseeday guusha dagaalka ay haatan kula jirto Daacishta ku sugan aagga Calmiskaad.

Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay in marka laga tego dagaalka tooska ah ay hay’adaha ammaanka Puntland diiradda saareen arrimaha gudaha, si looga hortago dhagarta ay soo maleegaan xubnaha argagixisadaha ee kooxda Daacish, isaga oo tilmaamay in laga hortegay weeraro qaraxyo ah oo la doonayay in dhibaato lagu gaysto.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lasoo qabtay dad badan oo lacago usoo uruurin jiray Daacish, taasina ay keentay in la jabiyo kooxda, lana awood tiro.

“Waxan rabaaa inaan idinku bishaareeyo dagaalka buurta laga wado mid ka xooggan ayaan gudaha ka wadnaa, waxaan qabanay kuwa badan uu dakhliga u ururin jiray, waxaan qabanay kuwa badan oo gudaha qaraxyo dhigi jiray si ay dhagar u sameeyaa”, ayuu yiri Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir.

Dhinaca kale wuxuu taliyuhu ku baaqay in lasii xoojiyo howlgalkan, isaga oo sidoo kale shacabka ku amaanay wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada ammaanka.

“Halganbaa ku jirna, waxaa muhiim ah inaan kor usii qaadno oo lasii laba jibaaro saadka, guushana waxba nooga ma dhino” ayuu hadalkiia sii raaciyay.

Xog: Laftagareen oo xiray musharax caan ah, shuruudna ku xiray sii-dayntiisa

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha mucaaradka Koonfur Galbeed, Dr. Ibraahim Macalin Nuurow, ayaa lagu xiray magaalada Baydhaba, kadib markii uu dhaliil u jeediyay hoggaamiyaha maamulkaas, Cabdicasiis Laftagareen.

Dr. Ibraahim, oo ah musharrax isku diyaarinaya inuu la tartamo Laftagareen doorashada soo socota, ayaa la xiray amarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen. Wararka la helayo ayaa sheegaya in sii deyntiisa lagu xiray shuruudo uu dhigay Laftagareen.

Siyaasiyiin waaweyn oo reer Koonfur Galbeed ah ayaa u tegay Laftagareen, iyaga oo ka codsaday in musharraxa la sii daayo. Hase yeeshee, Laftagareen ayaa dalbaday in Dr. Ibraahim uu raalli-gelin ka bixiyo eedeymihii uu warbaahinta mariyey.

Dr. Ibraahim Macalin Nuurow ayaa Laftagareen ku eedeeyay in uu maamulka Koonfur Galbeed ku hoggaaminayo hab xun, isla markaana uu maamulkaas ka jiro maamul-xumo iyo amni darro. Waxa uu tilmaamay in horumar la’aanta jirta ay sabab u tahay hoggaan-xumo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si cad ugu sheegay ergadii u tegay inuusan sii deyn doonin Dr. Ibraahim illaa uu cafis weydiisto.

Musharraxa xiran ayaa ah ganacsade caan ah oo isbitaallo ka hirgeliyay Koonfur Galbeed, halkaas oo dad badan ay daawo ka helaan. Dadka deegaanka ayaa sheegay in isbitaalladiisa loogu dhimriyo macaamiisha aan awoodin qarashaadka daaweynta.

Dr. Ibraahim kaliya ma aha shaqsiga Laftagareen u xiray arrimo siyaasadeed, balse waxaa jira siyaasiyiin kale, gaar ahaan dhalinyaro aan caan ahayn, abwaanno iyo dad kale oo xabsiyada ka buuxa, kuwaas oo loo xiray aragtiyadooda siyaasadeed.

Sidoo kale, siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ka baqaya inay dib ugu laabtaan deegaanadooda, cabsi ay ka qabaan Laftagareen darteed. Kuwaas oo intooda badan ku sugan Muqdisho, iyagoo ka quustay inay dib ugu laabtaan Baydhaba.

Siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed ee aan Baydhaba tagi karin waxaa ka mid ah Wasiirka Awqaafta Dowladda Federaalka Mukhtaar Roobow, Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Senatar hore iyo agaasimihii hore ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud, iyo xubno kale oo saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Fahad oo ku taliyay arrin yaab leh kadib weerarkii Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo qoraal soo saaray ayaa ka fal-celiyay tallaabadii uu shalay qaaday madaxweyne Xasan oo weeraray xubnaha mucaaradka.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka isbitaal laga hirgeliyay degmada Hodan ayaa u jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ah, isaga oo si cad u beeniyay eedeymahooda sheegaya in dowladdiisu ay waddo jid uu dalka u horseedayo jahawareer, isagoo hadalladaas ku tilmaamay kuwo marin-habaabin ah oo waxyeello leh.

“Siyaasiyiinta sheegaya in musiibo soo dhowdahay, albaabbada cadaabta la furayo, waa dad aan caadi ahayn, oo maskaxiyan xanuunsan oo u baahan in la daaweeyo,” ayuu yiri, isagoo si toos ah ugu jawaabay dhaliilaha la xiriira in maamulkiisu noqday mid kelitalis ah oo xaddidaya xorriyadda siyaasadeed.

Intaas kadib waxaa soo hadlay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ku taliyay arrin yaableh, isaga oo soo jeediyay in isbitaalka cusub ee Hodan Hospital laga furo qayb u gooni ah dhimirka iyo cudurrada keena isku dhex yaaca, sida u hadalka u dhigay.

“Anigoo tixraacaya hadalka Madaxweynaha ee ahaa qofkii Madaxda wax ka sheega isbitaal hala geeyo oo nafsiyan haloo baaro, waxaan soo jeedinayaa in isbitaalka cusub ee Hodan Hospital laga furo qayb u gooni ah dhimirka iyo cudurrada keena isku dhex yaaca” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu Fahad soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qeybtaas waxaa lagu baarayaa xaalada caafimaad ee Madaxda Qaranka iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka, kadibna natiijada baaritaankaas loo fasaxo iney dadweynaha daalacdaan”.

Arrintan ayaa daba socota eedeyn uu dhowaan jeediyay siyaasiga mucaaradka ah Cabdullaahi Sheekh Xasan, kaasoo ku andacooday in xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud ay si hoose u abaabushay ciidan gaar ah oo gaaraya 10,000 oo askari si ay u bartilmaameedsato siyaasiyiinta ka soo horjeeda.

Si kastaba, Xiisadda siyaasadeed ayaa cirka isku shareertay iyadoo la isku diyaarinayo doorashada 2026, xilli xisbiyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ay qaadaceen howlaha diyaarinta doorashada ee ay waddo guddiga doorashooyinka.

Wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Ankara iyo xogtii u dambeysay

0

Ankara (Caasimada Online) – Magaalada Anakara ee caasimada dalka Turkiga waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday wada-hadallo farsamo oo xasaasi ah, isla markaana u dhexeeya mas’uul sar sare oo ka kala socda dalalka dariska ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wada-hadalladan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa dhaqan-gelinta heshiiskii Ankara ee ay horay u gaareen labada dhinac ee ku aadanaa xal u helista muranka badda.

Wararka ayaa sheegaya in wada-hadallada hadda socda si gaar ah looga arrinsanayo codsiga Itoobiya ee ku aaddan soo gelista badda Soomaaliya, iyada oo soo mareyso dowladda federaalka Soomaaliya, si ay u hesho marin biyood ganacsi oo sharci ah.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo qayb ka ah guddiga farsamo ee ay dirtay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in wada hadaladan lagu qaada dhigayo sidii loo fulin lahaa heshiisyadii laga gaaray wada xaajoodyadii hore ee ka dhacay Ankara.

“Waxaan qeyb ka ahay Wafdiga Soomaaliya ee u yimid Ankara si aan uga qeyb galno wejigii koowaad ee wada-hadallada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ujeeddadiisu tahay sahminta sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii Ankara” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay  raaciyay “Soomaaliya waxaa ka go’an in ay abuurto nabadda, xoojinta iskaashiga, iyo dhismaha xiriirka diblumaasiyadeed ee ku dhisan is-faham iyo ixtiraam”.

Kulamadan ayaa daba socda wada-hadalladii labada geesoodka ahaa ee ay dhowaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ku yeesheen magaalada caasimada ah ee Addis Ababab, kuwaas oo isku raacay in la sii amba qaado wada-hadalka ay Itoobiya ku dooneyso inay cagta soo saarto biyaha dalkeenna Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa haatan si weyn isugu soo dhawaaday, waxaana labada dal ay yeesheen wada-hadallo kala duwan oo foolka fool ah, kana kala dhacay magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho oo ay isku arkeen madaxda sare ee labada dowladood ee dariska ah.

Taliye ciidan oo si arxan darro ah loogu dilay Hargeysa – Yaa ka dambeeyey?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday gudaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, kaddib markii taliye ciidan si arxandarro ah loogu dilay magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in taliyihii saldhigga degmada Maxamed Mooge, oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, lagu dilay mindi ama toorrey, kaddib markii uu si gaadmo ah weerar ugu soo qaaday askari ka mid ahaa ilaaladiisa.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, askariga dilka geystay waxaa taliyihiisa kala dhaxeeyay khilaaf hoose, isaga oo kaddib si gaadmo ah toorrey ugu dhuftay. Taliyaha ayaa markii hore dhaawacmay, balse ugu dambeyn u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Ilaa iyo hadda faahfaahin rasmi ah lagama bixin waxa uu salka ku hayay khilaafka askariga iyo taliyihiisa ee sababay in la dilo marxuum Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, oo ka mid ahaa saraakiisha firfircoon ee ciidamada booliska Somaliland.

Taliska Booliska Somaliland oo war kasoo saaray dhacdadan ayaa ka tacsiyeeyay geerida taliyaha, wuxuuna sidoo kale sheegay in eedeysanaha gacanta lagu hayo, isla markaana si deg deg ah loo horgeyn doono cadaaladda.

“Alle naxarisitii janno haka waraabiyo marxuum Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, oo ahaa Taliyihii Saldhiga Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa, kaas oo maanta shaqadiisa ku guda jiray si argagax leh loo dilay , waxaana dilka gaystay Askari ka tirsan isla Saldhiga Maxamed Mooge , Eedaysanaha ayaa hadda ku jira gacanta Ciidanka, waxaana si degdeg ah loogu horgayn doonaa Maxkamadda Ciidamada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay baaris ku wadaan dhacdada, iyaga oo xusay in natiijada dib looga shaacin doono, si shacabka loola wadaago xogta dhabta ah.

Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay dilka taliyaha, waxaana dadka ay su’aalo ka keenayaan waxa keeni kara in askari dable ah uu si arxandarro ah u dilo taliyihiisa.

Somaliland waxaa mararka qaar ka dhaca dilal kala duwan, waxaana ugu dambeeyay dil shalay ka dhacay magaalada Burco. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ammaanka ee maamulkaasi ayaa inta badan ka daba taga dambiilayaasha, soona qabta.

Xogta howlgalkii lagu laayey Al-Shabaab oo maanta looga xoreeyey 8 deegaan

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgallo culus oo lagu beegsaday Al-Shabaab ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolkaasi.

Howgallada oo lagu xoreeyay deegaanno dhaca jiinka wabiga Shabelle ayaa lasoo wariyay in ciidamadu ay sidoo kale jab culus ku gaarsiiyeen kooxaha Khawaarijta.

Ciidamada huwanta ayaa gudaha u galay deegaanno ay kamid yihiin Kiliga Maxamed Diirshe, Raas Qaboobe, Jameeco, Shanloow, Dhagaxoow, Yaaqle, Farbarako, Damileey iyo kuwa kale oo ku yaala jiinka wabiga Shabeelle, horay ay ugu sugnaayeen Shabaab.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in inta uu socday howlgalka la dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ah, ayna ku jiraan horjoogayaal iyo maleeshiyaad, inkastoo aysan sheegin saraakiisha tirada rasmiga ah ee la khaarijiyay.

Sidoo kale waxaa nolosha lagu soo qabtay xubno kale oo usoo gacan galay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Howlgalada Khawaarijta looga sifeynayo deegaanada dhaca Jiinka wabiga Shabeelle ayey dardar galiyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka iyadoo Argagixisada jab culus lagu gaarsiiyay howlgalka, isla markaana laga dilay maleeshiyaad badan, gacantana lagu dhigay dhagarqabayaal kale” ayaa lagu yiri qoraal dowladda dhexe.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Mahadaay oo haatan ay ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka HirShabelle.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab, wejigii koowaad ee dagaalka, iyada oo lagu xoreeyay dhul ballaaran oo ay kamid tahay degmada Aadan Yabaal oo muddo dheer talis wayn u hayad maleeshiyaadka argagixisada ah.