25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Trump oo weerar xun ku qaaday madaxweynaha Ukraine xilli uu la kulmayo Putin

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa si kulul u weeraray madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, isaga oo ku tilmaamay “kaligii taliye bilaa doorasho ah,” kaddib markii Zelenskyy uu ku eedeeyay Trump inuu ku nool yahay “goob marin-habaabineed” oo uu Ruushku saameeyay.

Trump ayaa toddobaadkii hore si lama filaan ah u shaaciyay in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, tallaabadaas oo loo arko bilowga dadaal uu wado maamulka cusub ee madaxweyne Trump si loo soo afjaro dagaalka Ukraine.

Hase yeeshee, tallaabadaasi ayaa u muuqata in aysan ku qancin madaxweyne Volodymyr Zelenskyy, kaas oo muujiyay cabsi ah in madaxweynaha Mareykanka uu isku dayayo in uu dagaalka ku soo afjaro shuruudo aad ugu wanaagsan Moscow marka loo eego Kyiv.

Qoraallo isdaba joog ah oo uu Trump soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu ku eedeeyay Zelenskyy in uu diiddan yahay in uu doorasho ka qabto Ukraine.

Bishii Abriil ee sannadkii 2024 ayaa loo qorsheeyay in ay dhacdo doorashada Ukraine, hase yeeshee waxaa dib u dhigay duullaankii uu Ruushka ku qaaday bishii Febraayo ee sannadkii 2022.

Trump ayaa ku sifeeyay Zelenskyy in uu yahay “majaajiliiste ilaa xad guuleystay.” Wuxuu kaloo sheegay in uu Mareykanka kala hadlay qarashgareynta $350 bilyan oo dollar si uu u galo dagaal uusan ku guuleysan karin, isla markaana ay mudneyd in uusanba billaaban dagaalkaasi.

Hadalladan ay is weydaarsadeen Trump iyo Zelenskyy ayaa imanaya maalin kaddib markii ay wasiirrada arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo Ruushka ku kulmeen magaalada Riyadh, halkaas oo ay uga dhawaaqeen guddiyo heer sare ah oo soo diyaarin doona hannaanka loo soo afjari karo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Hanti-dhowre Guutaale oo maanta qaaday tallaabo cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale ayaa qaaday tallaabo uu ku sheegay in looga hortagayo musuq-maasuqa ka dhaca hay’addaha dowladda, xilli dhawaan isaga looga yeeray maxkamadda gobolka Banaadir.

Wargelin kasoo baxday xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka ayaa waxaa lagu faray hay’addaha dowladda ee qabta dakhliga dowladeed nooc walba uu yahay in aysan lacag ku qaadi karin Akoon dowladeed oo kaliya.

“Si dowladdu u joogteyso bixinta adeegyada aas-aasiga u ah dadweynaha, waa in dakhli kasta oo ay dowladdu leedahay, sida; canshuur, ganaax, kiro, lacag adeeg iyo nooc walba oo dakhli ah, lagu qabto Akoon dowladeed si waafaqsan sharciga Maareynta Maaliyadda Guud, si sax ah oo dhammeystiran u gaaro khasnadda dhexe ee dowladda,” ayaa lagu yiri nuxurka wargelinta kasoo baxday Hanti-dhowrka Qaranka.

Hanti-dhowrka ayaa sidoo kale waxa uu faray shacabka inay hubiyaan warqadda lacag qabashada ee la siiyo marka adeeg ama dakhli dowladeed bixinayaan, si ay iskaga hubiyaan tirada lacagta laga qabtay inay ku cad tahay.

“Haddii aad aragto khalad, wax is-dabamarin, khiyaano ama xeeladeysi ku saabsan nidaamka qabashada dakhliga dowladda, fadlan nala soo wadaag,” ayaa lagu yiri wargelinta kasoo baxday xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.

Tan ayaa imaneysa xilli dhawaan maxkamadda gobolka Banaadir ay Hanti-dhowraha Qaranka ku eedeysay inuu ku kacay fal-dambiyeedyo ay kamid yihiin fulin la’aanta iyo is-hortaagga go’aan maxkamadeed, iyo inuu is-hortaag ku sameeyay bixinta kharashyada socodsiinta howlaha maxkamadaha iyo diiwan-gelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen.

Maxkamadda gobolka ayaa markaasi amartay in 16-kii bishaan uu Hanti-dhowre Guutaale horyimaado maxkamadda, taas oo aan dhicin kadib markii ay madaxda sare soo fara-gelisay khilaafka maxkamadda iyo hanti-dhowrka, oo uu sheegay hanti-dhowrka inuu ka bilowday in guddoomiyaha maxkamadda sare uu is-hortaagay baaris lagu sameeyo, kadib ku takrifal awoodeed, maamul xumo iyo hoggaansanaan la’aanta sharciga, oo hanti-dhowrka ku eedeeyay.

Somaliland oo ka laabatay go’aankii Haboon Nuura

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa goordhoweyd fasaxday bandhig-faneedkii Fanaannada Haboon Nuura, kadib markii guddoomiyaha gobolka Maroodijeex uu soo saaray amar uu ku mamnuucayo bandhig-faneedyada iyo caweyska habeenkii ee magaalada Hargeysa.

Go’aankan oo markii hore ka dhalatay fal-celin xooggan ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhacay si ku tala-gal aheyn, sidaas darteedna si gaar ah bandhig-faneedka Haboon Nuura loogu fasaxay inay ku qabsato magaalada Hargeysa.

“Haboon Nuura Showgeedii waa u fasax oo wuu dhacaya, laakiin yaanu ka dambeyn 12-ka habeennio,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Maroodijeex oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.

Guddoomiyaha ayaa go’aankiisi hore ku saleeyay in bandhig faneedyada iyo cawayska heesaha ay lidd ku yihiin diinteenna islaamka iyo dhaqanka suuban, sidaas awgeedna ay go’aansadeen in gebi ahaan la joojiyo, maadaama la galayo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Taliyeyaasha qaybaha iyo maamullada goobaha lagu caweeyo oo ay ku jiraan hoteellada ayaa sidoo kale la faray inay u hoggaansamaan amarkan cusub, marka laga reebo bandhiga Haboon Nuura, oo fanaannada si gaar ah loogu fasaxay.

Fanaanaddan ayaa dhowaan laga joojiyay bandhig ay ku qabsan lahayd magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kadib markii uu hareeyay muran xoogan oo ka dhashay hees ay horay wax uga qaaday oo ka dhan ahayd reer Muqdisho.

Erayada heesta muranka dhalisay waxaa ka mid ahaa: “Malihin cadow Xamar ka daran,” iyagoo qeyb kamid ah heestaas ku amaanay Itoobiya oo xiligaas dooneysay inay xoog ku qaadato badda Soomaaliya.

Dowladda oo sheegtay arrin yaab leh oo ay sameeyeen Shabaab-kii weeraray A/Yabaal

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay weerar culus oo qaraxyo ku bilowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Ceel Cali Axmed oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyada oo shaacisay arrin yaableh oo ay sameeyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, kadib markii lagu jabiyay dagaalka.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah maleeshiyada kooxda waxa ay ula beegsadeen deegaankan oo laga ilaaliyo degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka hortageen weerarka, ayna jabiyeen xubnihii soo qaaday.

“Ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha xaq u dirirka ah ee dadka deegaanka ayaa saakay cadowga Khawaarijta ah ku jebiyey dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.  Deegaanada Ceel Cali Axmed iyo Cali Fooldheere, ayuu ka dhacay howlgalka ugu culus, halkaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey Khawaarijta,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ay sameeyeen arrin yaableh oo ah inay meesha uga carareen maydadka xubnaha laga dilay oo isugu jiro horjoogayaal iyo iyo maleeshiyaad badan.

“Maydadka Khawaarijta ayaa daadsa deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan looga laayey,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda.

Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay ciidamadu wadaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda oo ka socda qaybo badan oo kamid ah gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Daawo: Axmed Madoobe oo ka cabanaya xaalad adag oo ay gelisay DF Soomaaliya

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo maanta shir jaraa’id qabtay, ayaa eedeyn kulul u jeediyay dowladda federaalka, isagoo ku dhaleeceeyay in ay cunaqabateyn saartay maamulkiisa. Wuxuu sidoo kale farriin u diray hay’adaha gargaarka bixiya.

“Dowladda dhexe shacabka uma shaqeyso ee waa ka shaqeysataa. Dalkani waa federaal, waxaana la rabaa in maamul kasta uu xuquuqdiisa si toos ah u helo. Haddii la yiraahdo wax kasta anagaa masuul ka ah oo anagaa maamuleyna, wadanka dhan ciriiri ayuu gelayaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in dowladda federaalka ay siyaasadaysay deeqihii iyo gargaarkii loogu talagalay Jubbaland, wuxuuna codsaday in maamulkiisa si gaar ah loola macaamilo, halkii dowladda federaalka loo marsiin lahaa.

“Ma aqoonsanin in dowlad Soomaaliyeed ay Muqdisho ka jirto. Inta dowlad la isla ogolyahay laga helayo, Jubbaland waxay dalbaneysaa in si toos ah loola macaamilo,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxda dowladda federaalka, isagoo ku dhaliilay in ay dalka u horseedayaan burbur, islamarkaana ay siyaasadeeyeen wax kasta oo muhiim u ahaa shacabka iyo qaranka.

“Xuquuq kasta oo aan lahayn waxaa leexsatay dowladda federaalka. Ilaa inta dowlad Soomaaliyeed laga helayo, ma doonayo in hay’adaha gargaarka iyo deeqaha nala soo marsiiyo dowladda federaalka, wax nagala dhexeeyana ma jiraan, umana aqoonsanin in dowlad Soomaaliyeed ay maanta Xamar ka shaqeyneyso,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn, isagoo farriin u diraya hay’adaha iyo ganacsatada, ayuu yiri: “Cid kasta oo maalgashi sameyneysa, Jubbaland waxay diyaar u tahay inay la heshiiso, ruqsadaha siiso, kalana shaqeyso wax kasta oo ay daneynayaan.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cunaqabateyn toos ah saartay Jubbaland kadib markii uu qarxay khilaaf xooggan oo labada dhinac soo kala dhex galay, kaasoo gaaray heer gacan ka hadal. Axmed Madoobe ayaa maanta qiray in cunaqabateyntaas ay saameyn ku yeelatay maamulkiisa.

Xog: Xamza oo baasaboor u diiday Rooble iyo Fahad oo si cajiib ah uga hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa loo diiday in la siiyo Baasaboorka Diblomaasiga ah ee Soomaaliya.

Xogta la helay waxay sheegeysaa in Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu diiday in Rooble la siiyo baasaboorkaas, inkastoo aan weli la caddeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa go’aankan.

Lama filayn in Xamza, oo xilka kala wareegay Rooble, uu tallaabadan qaado, maadaama uusan jirin khilaaf muuqda oo labada masuul ka dhex jiray. Arrintan ayaa la yaab ku noqotay dadka daneeya siyaasadda Soomaaliya.

Siyaasiyiinta ka falcelisay dhacdadan waxaa ka mid ah Taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, oo qoraal uu soo saaray ku sheegay in uusan filayn in Xamza uu sidan u dhaqmo.

“Mudane Xamza Cabdi Barre, wax walba inuu ku adeeco Madaxweynihiisa waan ka filayey, laakiin marnaba kama filaynin inuu masuulkii uu xafiiska kala wareegay xurmadarro kula kaco, oo u diido warqad uu qarankiisa xaq ugu lahaa. Maamuuska noocan ahna waa mid wada leh dhammaan madaxda qaranka soo martay,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad ayaa intaas ku daray: “Haddii sidaas foosha xun uu ula dhaqmay Ra’iisul Wasaarihii uu xilka kala wareegay, yey tahay cidda uu mudnaanta siinayo?”

Rooble ayaa door weyn ka ciyaaray in talada dalka ay qabtaan Xasan Sheekh Maxamuud, Xamza Cabdi Barre, iyo guud ahaan hoggaanka haatan talada haya, taasoo sii xoojisay layaabka laga muujiyey in sidaan loogu ilhaaneeyo.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu faafiyey eedeymo sheegaya in Rooble uu la kulmay “nabsigii” Farmaajo iyo Fahad, oo hore u aaminay, Ra’iisul Wasaarena ka dhigtay, balse markii dambe uu ballantii uga baxay, xilli ay isku dayayeen muddo kororsi iyo awood ciidan.

Inkasta oo Rooble safka siyaasadeed uga jiro dhanka xukuumadda hadda jirta, haddana waxaa la sheegaa inuu mar dambe ku biiray ama codsaday xubinnimada xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh. Sidoo kale, waxaa la rumeysan yahay inuu muddo dheer saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha, Xasan Sheekh, oo si weyn loogu yaqaanno saaxiibtinimo joogto ah.

Ilaa hadda, Rooble kama hadlin arrintan, sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Hay’adda Socdaalka, oo bixisa baasaboorrada, kama aysan jawaabin. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in dhinacyada ay khuseyso ay ka soo saaraan war rasmi ah, maadaama ay tahay arrin xasaasi ah in Ra’iisul Wasaare hore loo diido xuquuqdiisa dastuuriga ah.

Maxaa ka dhalan kara hadalkii yaabka lahaa ee Xasan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si yaab leh u weeraray mucaaridkiisa, oo maalmihii tegay huwiyay eedo kulul oo badi xaqiiqda dalka taalla xiriir la leh.

Kulan laba maalin socday oo ay Muqdisho ku yeesheen xubno mucaarid ah oo u badnaa xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn loogu weeraray nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulankaas waxaa marti-geliyay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Xubnaha goobta ka hadlay waxay soo hadal qaadeen hanti boobka dalka ka socda, rejo xumada shacabka Soomaaliyeed, sida aan loo aqbali karin doorasho hal koox ay wadato iyo walaaca laga qabo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, iyaga oo sheegay in dhamaan guul-darooyinkaas uu mas’uul ka yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Xubnaha Muqdisho ku shiray ee mucaaradka ah waxay ku goodiyeen in haddii ay kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ku adkeysato inay doorasho u gaar ah dalka ka qabtaan, inay iyaguna mid gaar ah qabsan doonaan, taas oo haddii ay dhacdo uga sii dari karta xaaladda dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waayahan lasoo warinayay inuu aad u dhibsanayo farriimaha ka imaanaya dhanka mucaaradka ayaa sugi waayey inuu madal siyaasadeed ugu jawaabo mucaaradkiisa, wuxuuna taas bedelkeeda Isniintii farriin kasoo dhex diray goob isbitaal ah oo laga furayay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in dadka dhahaaya “khatar ayaa soo socota iyo xaaladda dalka ma fiicna” inay yihiin dad xanuusan, ayna u baahan yihiin la-talin caafimaad iyo daaweyn.

Waxay aheyd nuuc jawaab ah oo aan laga fileynin madaxweyne Xasan Sheekh ama qof jooga booskiisa oo kale. Markii eedeyn siyaasadeed lagu jeediyo waa inaad si siyaasi ah isku difaacda, laakiin hadda jawaabta uu bixiyay madaxweynuhu waxay dhali kartaa in isna si shakhsi ah caafimaadkiisa loo weeraro, oo meeshii fashilka dowladdiisa siyaasad lagu xiri lahaa caafimaadkiisa lala xiriirayo.

Ma ahan dhaqan iyo aragti u fiican dalka inay madaxdu ka boodaan xeerka siyaasiga ah oo ay isa shaqsiyad gaaraan. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu haatan daah-furay in ereyadii maldahnaa laga saaro siyaasadda oo wixii la doono la is-dhihi karo. Hadda waxaa la eegaya sida ay mucaaradka uga jawaaban weerarkan siyaasad dhaafka ah.

Soomaaliya oo gaartay guul kale oo weyn – Maxay tahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale guul wayn kasoo hoyday Qaaradda Afrika, kadib shirweyne xasaasi ah oo maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, kaas oo xil muhiim ah loogu doortay Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa noqotay hoggaanka Madasha Iskaashiga Wasiirrada Maaliyadda Dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative), iyada oo xilkaas loo doortay wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige.

Xilkan oo ah mid muhiim ah ayaa labada soo socoto, kana bilaabaneyso bisha April ee soo socota ee sanadkan 2025, waxaa hayn doono wasiir Biixi oo hoggaamin doono Madasha Iskaashiga Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika ee (Horn of Africa Initiative).

Go’aankan ayaa waxaa lagu gaaray shirweynaha 23-aad ee Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Addis Ababa, iyada oo lagu dhawaaqay in guddoomiyaha cusub ee Madasha uu noqonayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige, taas oo guul wayn u ah dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiirka ayaa xilkan kala wareegi doono dhiggiisa wasiirka maaliyadda dalka Itoobiya, Axmed Shide oo ahaa guddoonka madashan labadii sano ee la soo dhaafay.

Wasiir Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay guushiisa, wuxuuna u mahadceliyay xubnaha golaha, isaga oo kadib xaqiijiyay in uu si hufan oo cadaalad ah u maamuli doono madasha Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative).

Soomaaliya ayaa sanadihii u dameeyay wacdaro ka dhigeysay gobolka Geeska Afrika, iyada oo guullo waa wayn kasoo hoyday Qaaradda, sida inay xubin buuxa ka noqotay dalladda bulshada bariga Afrika (EAC) iyo in loo doortay ku xigeenka xoghayaha guud ee ururka IGAD, oo uu kusoo baxay madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare.

Somaliland oo go’aan lama filaan ah soo saartay xilli uu dhagsanaa bandhigii Haboon

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa maata go’aan culus oo lama filaan ah kasoo saartay bandhig faneedyada lagu qabto magaalada Hargeysa, xilli uu bandhig uu dhagsanaa fanaanada caanka ah Haboon Nuur, kaas oo la qorsheynayay inuu dhowaan dhaco.

Warqad kasoo baxsaday xafiiska guddoomiyaha gobolka Maroodi-Jeex Axmed Maxamed Cadaad ayaa gebi ahaa joojiyey bandhig-faneedyada iyo cawayska heesaha habeenkii ee caasimadda Hargeysa iyo guud ahaan degmooyinka hoos yimaada gobolka Maroodi-Jeex, taas oo ka dhigan in la baajiyay bandhigii la qaban qaabinayay ee Haboon Nuura.

Guddoomiyaha ayaa sababta ku sheegay in bandhig faneedyada iyo cawayska heesaha ay lidd ku yihiin diinteenna islaamka iyo dhaqanka suuban, sidaas awgeedna ay go’aansadeen in gebi ahaan la joojiyo, maadaama la galayo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Taliyeyaasha qaybaha iyo maamullada goobaha lagu caweeyo oo ay ku jiraan hoteellada ayaa la faray inay u hoggaansamaan amarkan cusub ee maanta soo baxay.

“Waxaa la farayaa labada taliye qaybeed iyo dhammaan hoteellada magaalada Hargeysa in laga bilaabo maanta oo bishu tahay 19/02/2025 in la joojiyay bandhig faneedyada, cawayska heesaha ee habeenkii, maadaama ay liddi ku tahay diinteenna islaamka iyo dhaqanka suuban, diinteenuna ina fartay anshax wanaag iyo dhowrsoonaan” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha maamulka gobolka Maroodi-Jeex.

Fanaanadda caanka ah ee Haboon Nuura ayaa dhowaan sidaan oo kale looga joojiyay bandhig ay ku qabsan lahayd magaalada Muqdisho, kadib markii uu hareeyay muran xoogan oo ka dhashay hees ay horay wax uga qaaday oo ka dhan ahayd reer Muqdisho.

Erayada heesta muranka dhalisay waxaa ka mid ahaa: “Malihin cadow Xamar ka daran,” iyagoo qeyb kamid ah heestaas ku amaanay Itoobiya oo xiligaas dooneysay inay xoog ku qaadato badda Soomaaliya.

Si kastaba, Haboon ayaa maalmo kooban kadib dib isaga laabatay Hargeysa oo si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana kadib loo qaban qaabiyay bandhig faneed, kaas oo ugu dambeyn maanta la baajiyay kadib amarka cusub ee haatan kasoo baxay Somaliland.

Puntland oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ajaaniibta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul goboledka Puntland ayaa mar kale maanta qaadday tallaabo culus oo ka dhan ah muhaajiriinta kusoo qul-qulaya deegaanadeeda, waxayna soo saartay go’aanno culus oo horleh.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Cabdi Faarax Saiciid (Juxa) ayaa qaabilay mas’uuliyiin ka socotay hay’adda UNHCR, isaga oo kala hadlay xal u helidda qul-qulka ajaaniibta imaanaya Puntland, maadaama ay haatan la daala dhacayan xaalad amni oo ka dhalatay dagaalka culus ee ay kula jiraan maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Labada dhinac ayaa isku afgartay illaa 6 qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo looga hortagayo qul-qulka muhaajiriinta u badan Itoobiyaanka ee soo gaara maamulkaasi.

Puntland ayaa gebi ahaan joojisay inay soo dhaweyso qaxooti cusub, xaaladda amni ee ay gashay awgeed, waxaana go’aankan ay la wadaagtay hay’adda UNHCR.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaaday barnaamijka xalka waara, si loo caawiyo dadka kasoo barakacay deegaannada ay haatan ka socdaan howlgallada culus.

Qodobada xasaasiga ah ee lasoo saaray ayaa waxaa kamid ah:-

  1. Xal u helidda qul qulka muhaajiriinta ka imaanaya Dalka Ethiopia.

2.Joojin in Puntland ay qabato qaxooti cusub xaaladda amni ee soo korartay awgeed.

  1. Dib u eegista Puntland Declaration of Prima Facie oo awal hore loo soo saaray April 2016.
  2. Hubinta iyo dib u eegista xaaladda guud ee qaxootiga Puntland ku nool ee haysta diiwaangalinta Rasmiga ee Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.
  3. Sidii loo soo afjari lahaa barakacnimada dadka Soomaaliyeed ee mudda dheer ku noolaa xeryaha barakacayaasha gudaha Puntland.
  4. Dardargelin barnaamijka xalka waara ee dadka u baahan in xirfad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la taageero.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo xalay Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu amar Madaxweyne kusoo saaray in la joojiyey ajaaniibta sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannada maamulkaasi, waxaana la faray dhammaan Hay’adaha dowladda ee ay khuseyso in ay ka hawlgalaan.

Britain oo safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya

0

London (Caasimada Online) – Boqortooyada UK ayaa u magacowday Charles Nicholas King safiirkeeda cusub ee Soomaaliya, isaga oo beddelaya Michael Nithavrianakis MVO, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda.

Mr. King ayaa xilkan si rasmi ah ula wareegi doona bisha May 2025, isagoo leh khibrad qoto dheer oo dhanka diblomaasiyadda, xallinta khilaafaadka, iyo amniga gobolka.

Muddo ka badan labaatan sano oo uu ka shaqeynayey Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka & Horumarinta (FCDO), Mr. King wuxuu qabtay xilal muhiim ah oo ka mid ah kuwa ugu murugsan siyaasadda caalamiga ah.

Ugu dambeyn, wuxuu ahaa Madaxa Wadajirka ee Hawlgalka Israa’iil iyo Dhulka La Haysto ee Falastiin (2023-2024), halkaas oo uu ka shaqeeyay arrimaha amniga iyo siyaasadda gobolka ee xasaasiga ah.

Horey, wuxuu u ahaa Madaxa Waaxda Levant iyo Waqooyiga Afrika (2020-2023) iyo Wakiilka Gaarka ah ee UK u qaabilsan Suuriya, isagoo hogaaminayey dadaallada diblomaasiyadeed ee gobollada colaadaha ka jiraan. Intii uu shaqada ku jiray, wuxuu ka soo howlgalay Paris, Istanbul, Baghdad, iyo Dimishiq, taasoo muujinaysa fahamkiisa qotodheer ee arrimaha Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Wuxuu si fiican u yaqaannaa luuqadda Carabiga, tababarna ku qaatay Qaahira. Khibraddiisa la xiriirta diblomaasiyadda, xallinta khilaafaadka, iyo wada-xaajoodyada caalamiga ah ayaa ka dhigaysa hoggaamiye si fiican ugu diyaarsan doorkiisa cusub, sida ay sheegtay London.

Magacaabistiisa waxay ku soo beegmaysaa xilli Soomaaliya ay la tacaalayso caqabadaha dhanka amniga, dib-u-habaynta dhaqaalaha, iyo dowlad-wanaagga. UK waxay muddo dheer kaalin muhiim ah ka qaadanaysay horumarinta Soomaaliya, iyadoo xooga saaraysa:

  • La dagaallanka argagixisada iyo iskaashiga amniga, gaar ahaan la-dagaallanka Al-Shabaab.
  • Gargaarka bini’aadantinimo iyo horumarinta bulshada si kor loogu qaado adkeysiga Soomaaliya.
  • Horumarinta ganacsiga iyo maalgelinta, si loo dhiirrigeliyo kobaca dhaqaalaha.
  • Taageerada dowlad-wanaagga iyo dib-u-habaynta hay’adaha qaranka.

Khibradda Mr. King ee xallinta khilaafaadka iyo istiraatiijiyadda diblomaasiyadda ayaa door weyn ka ciyaari doonta xoojinta iskaashiga UK iyo Soomaaliya.

SACIID DENI oo soo saaray amar ka dhan ah ajaanibta

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay soo saaray amar lagu joojinayo ‘ajaanibta sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannada Puntland,’ isagoo faray dhammaan hay’adaha ay khuseyso in ay ka howlgalaan arrintan.

Madaxweyne Deni ayaa amarkan ku socodsiiyay wasaaradaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Duulista Hawada iyo Dekedaha, isagoo qoraalkiisa ku caddeeyay in amarkan la ogeysiiyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

“Dhammaan hay’adaha ay warqadani ku socoto waxaa lagu wargelinayaa in la joojiyay, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/2/2025, in ajaanibta aan haysan sharciga dal-ku-galka aysan soo geli karin gudaha deegaanada Puntland,” ayaa lagu yiri dikreetada uu soo saaray Siciid Deni.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in la soo saari doono xeer gaar ah oo lagu maamuli doono nidaamka dal-ku-galka ajaanibta soo galaya Puntland, taas oo muujinaysa in Puntland ay dejinayso qorshe ka madax-bannaan kan dowladda federaalka.

Amarka ka soo baxay Madaxweynaha Puntland wuxuu salka ku hayaa dagaalka ay kooxda Daacish ku qaaday Puntland, iyadoo maamulka Puntland uu ogaadey in dagaalyahannada ku sugan buuraha ay u badan yihiin ajaanib.

Sidoo kale, amarkan wuxuu imaanayaa iyadoo inta badan la ururiyay oo la tarxiilay ajaanibtii sida sharci-darrada ah ku soo gashay Puntland, kuwaas oo laga soo qabtay magaalooyin ay ugu horreeyaan Boosaaso.

Tan iyo markii Puntland ay dagaal ku qaaday Daacish, shacabka Boosaaso waxay ka nasteen cabsi-gelintii, beegsigii iyo baadkii ay ku hayeen kooxda Daacish, oo ah ajaanib ka soo haajiray dalalkoodii, iyagoo isu yeeray ‘jihaadiyiin.’

Weerar kale oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Burcad-badeed la rumeysan yahay in ay Soomaali yihiin ayaa afduubtay doon kalluumeysi oo Yemeni ah meel u dhow Xeebaha Geeska Afrika, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Bayaanka ay soo saareen EUNAVFOR Atalanta, oo ah ciidanka badda ee Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday dhow – nooc ka mid ah doonyaha dhaqameed ee isticmaala badda Bariga Dhexe. Weerarku wuxuu ka dhacay meel u dhow deegaanka Eyl ee Soomaaliya, waxaana baaritaan ku socda wixii dhacay.

Weerarkan ayaa yimid toban maalmood kadib markii burcad-badeed kale ay weerareen doon kalluumeysi oo Yemeni ah, taasoo ugu dambeyn burcad-badeeddii ay ka carareen, halka shaqaalihii saarnaa la badbaadiyey iyagoo aan waxyeello gaarin.

Burcad-badeednimada Soomaaliya ayaa gaartay heerkii ugu sareeyay sanadkii 2011, markaas oo la diiwaan-geliyay 237 weerar. Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda la socodka burcad-badeedda Oceans Beyond Piracy, falalkan waxay xilligaas dhaqaale ahaan adduunka ugu kaceen $7 bilyan, halka madaxfurasho ahaan loo bixiyay ilaa $160 milyan.

Weeraradan ayaa hoos u dhacay kadib: Xoojinta howlgallada caalamiga ah ee ciidanka badda, dhismaha dowlad dhexe oo awood leh oo ka howlgasha Muqdisho, iyo dadaallo kale oo lagu xakameynayo burcad-badeednimada.

Si kastaba ha ahaatee, sanadihii u dambeeyay burcad-badeedda Soomaaliyeed ayaa dib u soo laba kacleysay, taasoo la xiriirta kala-dambeyn la’aanta ka dhalatay dagaalka Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo weerarro ka fulinaya Badda Cas sababo la xiriira dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza.

Sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee La Socodka Badaha (International Maritime Bureau), sanadkii 2024, waxaa la diiwaangeliyay toddobo weerar oo burcad-badeednimo ah oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya.

Xogta weerar qaraxyo ku bilowday oo Al-Shabaab ay ku qaaday Aadan Yabaal

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku bilowday oo saaka kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana xigay dagaal toos ah.

Weerarka ayaa si gaar ah maleeshiyada kooxda waxa ay ula beegsatay deegaanka Ceel Cali Axmed oo laga ilaaliyo degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda ee Shabeelaha Dhexe.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, waxaana weli xaaladda deegaanka ay tahay mid aad u kacsan oo laga dareemayo saameyta dagaalka.

Ujeedka Al-Shabaab ayaa ahaa inay xoogga saarto deegaanka Ceel Cali Axmed, kadibna ay gaarto degmada Aadan Yabaal oo horay looga xoreeyay kooxda, halkaas oo u ahayd sadhig muhiim ah oo ay ku sugnayd muddo ka badan 15 sano oo xiriir ah.

Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarka Khawaarijta, ayna iska difaaceen dagaalka ay saaka kusoo qaaday.

Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay ciidamadu wadaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda oo ka socda qaybo badan oo kamid ah gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Somalia: Former PM Roble denied diplomatic passport

0

Mogadishu, Somalia – Former Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble has been denied a diplomatic passport by the current administration, sources told Caasimada Online.

The decision, reportedly made by Prime Minister Hamza Abdi Barre, has not been officially explained, sparking speculation and political debate.

Diplomatic passports in Somalia are traditionally granted to high-ranking officials, including former prime ministers, to facilitate international travel and diplomatic engagements.

The refusal to issue such a document to Roble is considered an unusual move, particularly as there is no known public dispute between him and Barre.

Former National Intelligence and Security Agency (NISA) director Fahad Yasin criticized the decision, stating, “I expected Prime Minister Hamza Abdi Barre to comply with his president in all matters, but I never anticipated he would disrespect his predecessor by denying him a document that is rightfully his.”

Political observers have also expressed surprise, given Roble’s role in facilitating the transition of power that brought President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Barre to office.

Political repercussions and speculation

The decision has fueled speculation that Roble is facing political retribution for past actions. During his tenure, he clashed with former President Mohamed Abdullahi Mohamed, known as Farmaajo, particularly over election disputes and handling a high-profile investigation into the disappearance of a NISA agent.

These tensions led to Farmaajo’s attempt to suspend Roble’s powers in September 2021—a move that Roble denounced as unconstitutional.

The controversy has reignited discussions on social media, with some suggesting that Roble’s passport denial is linked to his shifting political alliances.

Reports indicate that, despite initially being aligned with the current administration, Roble later sought membership in the Union for Peace and Development (UPD), the ruling party led by President Mohamud.

As of now, neither Roble nor Prime Minister Barre has issued an official statement regarding the matter. The Somali Immigration and Citizenship Agency, responsible for issuing passports, has also remained silent.

Given the sensitivity of denying a former head of government a constitutional privilege, an official clarification is expected.

This development underscores ongoing political tensions within Somalia’s leadership and raises questions about the treatment of former officials in the country’s evolving political landscape.

Somalia: Madobe decries federal government’s restrictions

0

Kismayo, Somalia – Jubaland President Ahmed Mohamed Islam, commonly known as Ahmed Madobe, accused the Somali federal government of marginalizing his administration by withholding resources and politicizing development projects.

Madobe’s statements come amid escalating tensions between the federal government in Mogadishu and the semi-autonomous Jubaland region.

Speaking at the Jubaland Investment Conference, Madobe criticized President Hassan Sheikh Mohamud’s administration for allegedly centralizing control and neglecting the federal structure.

He claimed that Mogadishu’s approach has led to economic hardships in Jubaland. Madobe emphasized the need for each federal member state to receive its rightful share of national resources, warning that centralized control could plunge the nation into crisis.

Suspension of federal relations

In November 2024, the Jubaland government suspended all relations and cooperation with the federal administration. This decision followed disputes over local elections in which Madobe was re-elected as regional president without federal involvement.

The federal government opposed these elections, leading to retaliatory actions, including mutual arrest warrants between Mogadishu and Kismayo. Jubaland’s suspension of ties underscores the deepening rift and highlights the challenges within Somalia’s federal system.

The strained relations have led to armed confrontations. In December 2024, clashes erupted between federal forces and Jubaland regional troops in Raskamboni.

Both sides accused each other of initiating the conflict, which raised concerns about internal rivalries diverting attention from the fight against the al-Shabaab insurgent group.

Call for direct international engagement

Madobe has called for international donors and aid organizations to engage directly with the Jubaland administration, bypassing the federal government.

He argued that such direct engagement would ensure that aid reaches the intended beneficiaries without political interference.

This appeal reflects Jubaland’s desire for greater autonomy and control over its affairs, especially in light of the ongoing disputes with Mogadishu.

The ongoing discord between the federal government and Jubaland poses significant challenges to Somalia’s stability and state-building efforts.

Eritrea ma waxay duulaan ku tahay Itoobiya? Xog xasaasi ah oo ka soo korortay gobolka

0

Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Eritrea ayaa si adag uga jawaabtay eedeyn dagaal oo uga timid dhanka Itoobiya, kadib markii Madaxweynihii hore ee Itoobiya Mulatu Teshome uu sheegay in Eritrea ay diyaarinayso dagaal cusub oo ay doonayso inay ku qaaddo Itoobiya.

“Waxaa la joogaa xilligii tallaabo la qaadi lahaa, si looga hortago dagaal kale oo ka dhaca Geeska Afrika, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki wuxuu ka shaqaynayaa sidii uu xiisad uga abuuri lahaa waqooyiga Itoobiya,” ayaa lagu yiri warbixin Al Jazeera ka soo xigatay Madaxweynihii hore ee Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta dalka Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa qoraal dheer kasoo saaray eedeynta ka soo yeertay Itoobiya, isagoo qoraalkiisa ciwaan uga dhigay, “Isha ay ka imaanayso dhibaatada gobolka waa Itoobiya ee ma aha meel kale.”

Madaxweynihii hore ee Itoobiya oo mar soo noqday diblomaasi sare ayaa eedeyntiisa u cuskaday in Madaxweyne Afwerki uu xiisadda dhex taalla TPLF iyo xukuumadda dhexe ee Itoobiy u isticmaalayo fursad uu ku soo farageliyo arrimaha gudaha ee dalka Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta dalka Eritrea Mr. Yemane oo eedeynta Itoobiya ka jawaabay ayaa yiri, “Waa eedeyn ka dhan ah Eritrea oo ku salaysan digniin been ah, eedeymahaas cad waxaa looga dan leeyahay in lagu qariyo oo loo qiil sameeyo ajendahooda ah inay dagaal abuuraan.”

Hadalka Wasiirka u hadlay Eritrea ayaa dib u xusuusinaya dadka dagaalkii qaraaraa ee dhex maray Itoobiya iyo Eritrea.

Xoogagga Eritrea iyo maleeshiyaad Amxaaro ah ayaa ku biiray ciidamada dawladda Itoobiya, bishii Maarso 2020-kii markii uu bilowday dagaalkii dhiiggu ku daatay ee dowladda federaalka Itoobiya ay ku qaaday ismaamulkii gobolka Tigray.

Wasiirka Warfaafinta ee dalka Eritrea wuxuu sheegay inay ka qayb qaateen dagaalkii gobolka Tigrey, isagoo yiri, “taasi waxay ahayd codsiga xukuumadda Itoobiya nooga yimid waana ka jawaabnay.”

Madaxweynihii hore ee Itoobiya ayaa eedeyntiisa ku sheegay in Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, uu ka shaqaynayo inuu qaribo nabadda gobolka oo ay ku jiraan dalalka deriska ah, isagoo hoosta ka xariiqay in Eritrea aysan raali ka aheyn oo weliba ka carootay heshiiskii Pretoria – Koonfur Afrika ay xukuumadda Abiy Axmed kula gashay raggii hoggaaminayey dagaalka xoggaga Tigray.

Wasiirka Warfaafinta dalka Eritrea Mr. Yemane oo eedeyntaas ka jawaabay ayaa sheegay in heshiiskii Pretoria ee dagaalka soo afjaray uu ahaa arrin Itoobiya gudaheeda ah oo aysan ayaga khusayn, isagoo yiri “Eritrea ma aysan rabin inay arrimahaas gudaha ee Itoobiya faragashato.”

DF oo raadineysa C/llaahi Wadaad – Ninka qaabilsan baadda shacabka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in ay ku raad-joogto Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa baadda Shacabka Gobolka Banaadir, kaas oo la saaray xannibaad dhan walba ah.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, waxa ay ku raad-joogtaa horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble (Cabdullaahi Wadaad), oo ahaa horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa baadda Gobolka Banaadir, kaas oo ku guuldarreystay uruurinta baadda, kaddib markii uu NISA kala kulmay culeys joogto ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda.

NISA, ayaa shaacisay in si dhow ay ula socoto aalad walba oo uu xiriirradiisa u isticmaalo, waxa ay ka digtay la macaamilkiisa guud iyo ka ag-dhawaanshaha goobaha uu ku sugan yahay, maaddaama mar kasta ay beegsa karto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Muwaaddin haddii aad heyso xog ku saabsan horjoogahan la wadaag hay’adaha amniga oo la xiriir lambarka 199 ama WhatsApp 0770747474,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hay’adda NISA ayaa qofkii ay xogtiisu guuleysato ka balan qaaday inay heli doonto abaal marin maqaamkeedu sarreeyo.

Cabdullahi Wadaad oo ah ninkaan Wantedka ah ee dowladdu ku raad-joogto ayaa aad u dhibay shacabka Muqdisho, gaar ahaan ganacsatada, waxaana la sheegay in gobolka Shabeellaha Hoose uu ku dhuumaaleysto.

Hoos ka eeg sawiradiisa

 

Sawirro: DF Soomaaliya oo shixnad muhiim ah u direysa Hargeysa – Maxay tahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shixnad qalab caafimaad u direysa magaalada Hargeysa ee caasimadsa maamulka Somaliland.

Shixnadan ayaa isugu jirta gaadiidka gargaarka deg-degga ah, taas oo sidoo kale la geynayo isbitaallada Garoowe, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Cadaado, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa shalay qalabkan caafimaad iyo gaadiidka nooca gar gaarka deg-degga ah kala wareegey hay’adda caafimaadka aduunka.

“Qalabkan oo loogu tala-galay in lagu qalabeeyo Isbitaalada Demartino, Banaadir iyo Isbitaalda magaalooyinka Hargeysa Kismaayo Cadaado iyo Baydhabo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in wax weyn uu ku soo kordhin doono nidaamka caafimaadka Soomaaliya, isagoo xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu gaarsiin doono qalabkan isbitaaladii loo qorsheeyay, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo dhameystiran.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wasaaraddu ka shaqeyn doonto sidii bulshada Soomaaliyeed u heli laheyd adeeg caafimaad oo dhameystiran oo laga heli karo goob kasta.

Si kastaba, qalabkan caafimaad ayaa wuxuu qeyb weyn ka qaadan doonaa xoojinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.









Mowqifka Bin Zayed ee qorshaha lagu rarayo shacabka Gaza oo banaanka yimid

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Mohammed bin Zayed Al Nahyan, ayaa Arbacadii u sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio, oo booqasho ku tegay Abu Dhabi, in Imaaraadku si adag uga soo horjeedo barakicinta Falastiiniyiinta, sida ay werisay warbaahinta dowladda.

Sheekh Mohammed “wuxuu xaqiijiyay mowqifka adag ee Imaaraadka ee ka dhanka ah dadaal kasta oo lagu doonayo in dadka Falastiiniyiinta laga raro dhulkooda,” ayey tiri wakaaladda wararka ee WAM.

Rubio ayaa ka ambabaxay Abu Dhabi kadib booqasho gaaban oo uu ku tegay Imaaraadka, taasoo ahayd qeybtii ugu dambeysay ee safarkiisii ugu horreeyay ee Bariga Dhexe. Safarkiisa ayaa diiradda lagu saaray wada-hadallo ku saabsan qorshaha uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo ah in Gaza la geliyo gacanta Mareykanka isla markaana dadkeeda la raro.

Intii uu safarka ku jiray, Rubio wuxuu sidoo kale Talaadadii wadahadallo muhiim ah kula yeeshay magaalada Riyadh saraakiil Ruush ah, iyadoo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.

Madaxweynaha Imaaraadka “wuxuu carrabka ku adkeeyay in dib u dhiska Gaza uu la socdo hannaan horseedaya nabad waarta oo ku saleysan xalka laba dowladood,” sida ay WAM werisay.

Booqashada Rubio ee Imaaraadka ayaa ku soo beegantay kahor shir ka dhici doona Sacuudiga maalinta Jimcaha, kaasoo ay ka qeyb galayaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), Masar iyo Urdun, si ay uga arrinsadaan qorshaha Trump ee ku saabsan Gaza.

Maamulka Trump, oo gabi ahaanba diidan in Hamas door ku yeelato mustaqbalka dhulka Falastiiniyiinta, ayaa dalalka Carabta ka dalbaday inay keenaan qorshe beddel u ah qorshihiisa. Dalalka Carabta, si weyn ayay uga soo horjeedaan barakicinta Falastiiniyiinta ku sugan Gaza.

Trump ayaa soo jeediyay in Mareykanku la wareego maamulka Marinka Gaza, oo burbur xoogan soo gaaray kadib 15 bilood oo dagaal ay Israa’iil wadday ah, halka 2.4 milyan oo qof oo degan Gaza loo raro dalalka deriska ah sida Urdun iyo Masar.

Isniintii, intii uu ku sugnaa Sacuudiga, Rubio wuxuu la kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman, isagoo adkeeyay “muhimadda ay leedahay in la helo xal Gaza oo gacan ka geysan kara xasilloonida gobolka,” sida lagu sheegay bayaan rasmi ah.

Axaddii, intii uu ku sugnaa magaalada Qudus, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka wuxuu ballanqaaday taageero buuxda oo Mareykanku siiyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, isagoo Israa’iil siiyay oggolaansho buuxa oo ay ugu dhaqaaqi karto sidii ay doonto xaaladda Gaza, halkaas oo xabad-joojin jilicsan ay dhaqan-gashay 19-kii Janaayo.

Talaadadii, Rubio wuxuu hoggaaminayay wafdi Mareykan ah oo wadahadallo aan caadi ahayn kula yeeshay magaalada Riyadh wafdi Ruush ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov.