26.1 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Somalia denies blocking ex-PM Roble’s diplomatic passport

0

MOGADISHU, Somalia – The Somali government has denied allegations that it obstructed former Prime Minister Mohamed Hussein Roble from obtaining diplomatic passport clearance for travel to South Africa amid growing political tensions.

Speaking to VOA Somali, Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi refuted claims that the Ministry of Foreign Affairs blocked Roble’s travel request. He asserted that the ministry had formally responded to Roble’s request on February 1 and played no role in preventing his diplomatic clearance.

“We have the letter we wrote to him and his delegation on February 1, and we do not know where his request was rejected. We only heard about it on social media,” Fiqi stated.

Social media reports suggested that the Somali government, specifically its embassy in Kenya, refused to process Roble’s request for diplomatic travel privileges.

The incident has fueled speculation about internal political maneuvering and a potential rift between the former prime minister and President Hassan Sheikh Mohamud’s administration.

Despite the controversy, Roble departed for South Africa on Thursday using his Swedish passport, which he holds as a naturalized citizen.

He traveled alongside a delegation of former Somali officials, including ex-Minister of Education Abdullahi Arab, former State Minister for Planning Gaani, and former Banadir regional secretary-general Xiireey, who reportedly used their European passports.

Somalia’s power struggles

Roble served as prime minister from 2020 to 2022 and was crucial in stabilizing Somalia during the contentious 2022 elections. His tenure was marred by intense power struggles with then-President Mohamed Abdullahi Farmaajo, particularly managing elections and security affairs.

One of the most significant confrontations occurred in late 2021 when Farmaajo attempted to suspend Roble over corruption-related land dispute allegations.

Roble, in turn, accused Farmaajo of trying to stage a coup and consolidate power. The standoff led to months of political uncertainty, with Somali security forces aligning themselves along factional lines in Mogadishu.

Roble was also instrumental in facilitating the eventual transition of power to the current administration. His role in pushing the election process was widely seen as a counterbalance to Farmaajo’s attempts to extend his presidency beyond his mandate.

The ongoing speculation about the diplomatic passport issue echoes past incidents where Somali politicians have used bureaucratic processes to sideline rivals. In 2017, former President Hassan Sheikh Mohamud’s administration faced criticism for allegedly delaying the issuance of travel documents to opposition figures.

Similarly, in 2011, political disputes between then-President Sharif Sheikh Ahmed and Speaker of Parliament Sharif Hassan Sheikh Aden resulted in administrative roadblocks for officials aligned with different factions.

Diplomatic passport regulations

Diplomatic passports in Somalia are typically granted to officials traveling abroad on state business, providing them with certain privileges and immunities.

Clearance involves a formal request to the Ministry of Foreign Affairs, which then liaises with embassies and host nations. Denial of such privileges can be perceived as a political slight, especially when high-profile figures are involved.

While Minister Fiqi denied any government interference, the absence of a direct statement from Roble himself has further fueled speculation.

His visit to South Africa comes at the invitation of the Somali diaspora community, where he is expected to engage in discussions on Somalia’s political landscape, including ongoing disputes over electoral reforms and constitutional changes.

The incident has ignited debate on social media, with opposition figures accusing the government of using bureaucratic measures to marginalize political rivals.

Supporters of President Mohamud, however, argue that Roble’s travel arrangements do not indicate political targeting, as he successfully traveled using his second passport.

Duullaan xooggan oo ku wajahan Ceelbaraf oo shalay la wareegtay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarisay ciidamo aad u badan si loo xoreeyo degmada Ceelbaraf, oo shalay la wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Dowladda ayaa ciidamadan geysay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo maalintii shalay ay ku dagaalameen ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab.

Ciidamadan, oo ka kala yimid deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe iyo degmooyinka Moqokori iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa iskugu jira kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab, kuwa Gorgor, iyo Ciidamada Ilaalada Qaranka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaar ka mid ah ciidamada uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Ciidamada iskaashanaya ayaa jihooyin dhowr ah ka weerari doona degmada Ceelbaraf, oo haatan ay ku sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qorshaha duullaanka ayaa sidoo kale ah in ciidamada iskaashanaya ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka saaraan deegaanada ay weli kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sudan oo u yeertay safiirkii u fadhiyey Kenya iyo xiisadda labada dal oo ka sii dareysa

0

Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Suudaan ee ay taageerayaan militariga ayaa Khamiistii dib ugu yeertay safiirkeeda Kenya, iyada oo ka mudaaharaadaysa martigelinta Nairobi ee shirarka ay qabanayaan xoogagga mucaaradka ah ee la dagaallamaya, kuwaas oo doonaya inay dhisaan maamul kale oo ka soo horjeeda dowladda Suudaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa sheegtay in safiirkeeda loo yeeray “si wadatashi loola yeesho,” iyada oo ku eedeysay Kenya inay martigelisay “shirarka maleeshiyada fallaagada ah iyo xulafadooda,” tallaabo ay ku tilmaantay mid cadaawad ku ah Suudaan, sida ay werisay wakaaladda wararka dowladda, SUNA.

Munaasabad heer sare ah oo toddobaadkan ka dhacday Nairobi, ciidamada sida militariga u tababaran ee gurmadka deg degga ah ee RSF, oo muddo ku dhow laba sano dagaal kula jiray militariga rasmiga ah, ayaa shaaciyay inay saxiixi doonaan axdi aas-aasi ah oo horseedi doona dhismaha “Xukuumadda Nabadda iyo Midnimada”.

Hadal hore oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan, ayaa lagu eedeeyay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, inuu qaaday “jaho hoose oo ceeb leh” isaga oo “gacan ka siinaya oo dhiirrigelinaya shirqool jabinaya madaxbannaanida Suudaan.”

Ilo ku dhow abaabulayaasha shirarka RSF ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in saxiixa axdiga, oo markii hore loo qorsheeyay Talaadadii, dib loo dhigay ilaa dhammaadka toddobaadka.

Dagaalka u dhexeeya militariga iyo RSF, oo billowday bishii April 2023, ayaa sababay dhimashada tobannaan kun oo qof, halka in ka badan 12 milyan ay ku qasbanaadeen inay guryahooda ka barakacaan.

Dalka Suudaan ayaa u kala qeybsamay laba dhinac, iyadoo militarigu gacanta ku hayaan waqooyiga iyo bariga, halka RSF ay maamusho inta badan galbeedka iyo qeybo badan oo ka tirsan koonfurta.

Sanadkan, militariga ayaa qaaday howlgallo ay dib ugula wareegeen qeybo badan oo ka mid ah magaaalada caasimadda ah ee Khartoum, iyo sidoo kale gobolka Al-Jazira, oo ku yaalla koonfurta caasimadda.

Dadaallada RSF ee ku aaddan dhismaha maamul kale oo ay ka hirgeliso dhulalka ay maamusho, ayaa imanaya xilli ay xoojineyso gacan-ku-haynteeda gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan, halkaas oo militariga ay gacanta ku hayaan oo kaliya magaaalada El-Fasher iyo hareeraheeda.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa Arbacadii ka digay in arrintani “keeni karto kala qeybsanaan hor leh oo dalka ku timaadda, taasoo sii xumeyn karta xasaradda”.

Khamiistii, Jaamacadda Carabta ayaa cambaareysay “tallaabo kasta oo wiiqi karta midnimada Suudaan ama horseedi karta kala qeybsanaan.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa Arbacadii difaacday martigelinta shirarka RSF, iyada oo sheegtay in ay “waafaqsan tahay doorka Kenya ee wada-hadallada nabadda,” maadaama ay isku dayeyso inay dhex-dhexaadiso labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda ay militarigu taageeraan ee Suudaan ayaa Khamiistii si kulul uga falcelisay, iyada oo ku eedeysay Madaxweynaha Kenya William Ruto inuu “ka shaqeynayo dano ganacsi iyo dano gaar ah oo la xiriira xulafada gobolka ee maleeshiyada”.

Eedeyntaasi waxay si dadban ugu jeedday Imaaraadka Carabta, oo si ballaaran loogu eedeeyay inuu hubaynayo RSF, inkasta oo ay marar badan beenisay eedahaasi.

Bishii hore, Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis dhaqaale, kaas oo xafiiska Ruto uu ku tilmaamay “tallaabo taariikhi ah” iyo “heshiiskii ugu horreeyay ee noociisa ah”.

DF oo ka hadashay safarka R/W Rooble xilli uu shalay ku dhoofay baasaboor dal kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka sheegaya in Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble, loo diiday warqaddii habraaca baasaboorka diblomaasiga ee uu ugu safri lahaa dalka Koonfur Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo la hadlay VOA, ayaa beeniyay in wasaaradda ay wax is-hortaag ah ku samaysay dalabka Ra’iisul Wasaarihii hore ee habraaca baasaboorka diblomaasiga ee Soomaaliya, si uu ugu safro dalka dibaddiisa, xilli uu shalay ku dhoofay baasaboorka dalka labaad ee dhalashada uu ka haysto ee Sweden.

Danjire Fiqi ayaa tilmaamay in Rooble uu yahay mas’uul ay ixtiraam weyn u hayaan, maadaama uu meel halis ah kasoo saaray dalka xilligii doorashadii 2022-kii ee dowladdii madaxweyne Farmaajo, sababna u ahaa doorashadii uu hoggaanka cusub ku yimid.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in warqaddii uu Rooble ku dalbanayay in la mariyo habraaca safarkiisa ay ka jawaabeen 1-dii bishaan Febraayo, isla markaana aysan jirin diidmo xaggooda ah oo Ra’iisul Wasaarihii hore ugu baxay baasaboor dal kale.

“Waxaan haynaa warqaddii aan u qornay isaga iyo wafdigiisa 1-dii bishaan Febraayo, mana ogin meel dalabkiisa lagu diiday, kaliya waxaan ka maqalnay iyadoo meelaha la wad-wado. Rooble xitaa meel uu ku yiri waxbaa la ii diiday ma jirto, markuu hadlo ayay dowladda si toos uga jawaabi doontaa,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Habraaca ay beenisay dowladda in loo diiday Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa qofka mas’uulka ah ee safraya siinaya xasaanad diblomaasiyadeed oo waddanka uu u socdo uu ku tegayo, iyadoo warbixintiisa lala wadaagayo safaaradda dalka uu u socdo iyo Soomaaliya, si loo soo dhaweeyo mas’uulka, safarkiisana ay uga warqabaan.

Si kastaba ha ahaatee, hadal-haynta in dowladda Soomaaliya ay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble, ka hor istaagtay habraaca baasaboorka diblomaasiga ee Soomaaliya si uu ugu safro dalka dibaddiisa, gaar ahaan Koonfur Afrika, ayaa si weyn u qabsatay baraha bulshada.

Xogta qorshe xasaasi ah oo uu wado Hanti-dhowrka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa wadda dhaqan-gelinta qorshaha guud ee baarista sanadlaha ah ee 2025, oo uu diyaariyay hanti-dhowrka guud ee qaranka.

Baarista ayaa la xiriira sannad maaliyadeedka dhammaaday ee 2024, kaas oo hagaya baarista la sameynayo sanadkan si loo hubiyo isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo hufnaanta hay’adaha dowladda, sida uu sheegay xafiiska.

Xafiiska Hanti-dhowrka waxa uu qorsheynayay inuu baaris hantidhowr ku sameeyo hay’adaha dowlada, safaaradaha JFS iyo mashaariicda, si loo xaqiijiyo in khayraadka dowladda loo isticmaalayay si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dhaqan galka ah.

Baaritaannada hanti-dhowr waxaa la fulinayaa, iyada oo la raacayo Sharciga Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee JFS (Sharci Lr. 14, 2023), iyo Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci Lr. 17, 2019).

Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa mas’uul ka ah xaqiijinta isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka, iyo xalinta caqabadaha u hoggaansanaanta sharciga ee hay’adaha dowladda, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’adaha iyo dowlad wanaagga.

Soomaaliya marka la joogo musuq-maasuqa ayaa ah mid si weyn u curyaamiyay kor u kaca dakhliga dowladda, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya sheegto inay la dagaamaleyso, islamarkaana ay kal hore masuuliyiin dowladeed u maxkamadeysay kiisas musuq.

Hoos ka daalaco xogta dulmarka baarista hanti-dhowr ee la qorsheeyay in la sameeyo sanadkan 2025.

Imaaraadka Carabta oo sii wada tallaabooyin xadgudub ku ah qaranimada Soomaaliya

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta iyo Somaliland ayaa xoojiyay iskaashiga dhanka milatariga iyo amniga, xilli Abu Dhabi ay ballaarinayso saameynteeda Geeska Afrika. Tallaabadani waxay sii adkeyn kartaa xiisadda ka dhex aloosan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Taliyaha ciidamada Somaliland, Sareeye Gaas Nimcaan Yuusuf Cismaan, ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmay Taliyaha Guud ee Ciidanka Imaaraadka, Sareeye Gaas Ciise Sayf Maxamed Al Mazruucii. Wada-hadalladooda ayaa diiradda saaray iskaashiga dhanka difaaca, casriyeynta milatariga, iyo taageerada amniga.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Somaliland, labada dhinac waxay ka wada hadleen taageerada Imaaraadka ee tababarka, teknoolojiyadda milatariga, iyo agabka saadka si loo xoojiyo awoodda difaaca Somaliland.

Kulankan ayaa kusoo beegmay xilli Taliye Nimcaan uu ka qeyb galay bandhig caalami ah oo dhanka difaaca ah oo ka socda Abu Dhabi, kaasoo socon doona illaa 23-ka Febraayo.

Iyada oo leh marin muhiim ah oo isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer xiiseynayay in uu ballaariyo joogitaankiisa milatari ee Berbera. Tani waxay u suuragelin kartaa in uu saameyn ballaaran ku yeesho Bariga Afrika, isla markaana uu ka hortago xulafada Soomaaliya sida Turkiga oo taageera Muqdisho.

Warbixinno kala duwan ayaa muujinaya in Imaaraadka uu doonayo in uu saldhig milatari ka sameysto gobolka, taasoo xoojin karta joogitaankiisa istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Dhinaca Somaliland, xoojinta xiriirka milatari ee Imaaraadka waa mid la xiriira ammaanka iyo dadaalkeeda ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah. Tan iyo markii ay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda 1991, Somaliland waxa ay raadinaysay iskaashi dibadeed si ay u xoojiso sheegashadeeda qaranimo.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa bishii lasoo dhaafay laba jeer safar rasmi ah ku tegay Imaaraadka, taasoo muujinaysa sii xoogeynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo amni ee Hargeysa iyo Abu Dhabi.

Intii uu halkaas joogay, wuxuu ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Dowladda, halkaasoo diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo maamulka dowliga ah ee gobolka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeeda heshiisyada milatari ee ay Somaliland la gasho dalal shisheeye, iyada oo ku doodeysa in heshiisyadaasi ay khatar ku yihiin midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Saameynta Imaaraadka ee Somaliland ayaa muran dhalisay tan iyo 2017, markaasoo shirkadda DP World ee laga leeyahay Dubai ay heshiis la gashay Somaliland si ay u horumariso dekedda Berbera.

Heshiiskan oo ay qeyb ka ahayd Itoobiya ayaa waxaa si adag uga hor yimid baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay mid sharci-darro ah, islamarkaana sheegay in dhammaan maalgelinta shisheeye ay tahay in lagala xaajoodo Muqdisho.

Xiisadda u dhaxaysa Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay 2018, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay $9.6 milyan oo laga helay diyaarad Imaaraadka laga leeyahay oo ka degtay Muqdisho, taasoo lagu eedeeyay in lagu maalgelinayo maleeshiyaad goboleed.

Jawaab celin ahaan, Imaaraadka wuxuu joojiyay barnaamijkiisii tababarka ciidanka Soomaaliya, isagoo beddelkiisa diiradda saaray iskaashi amni oo toos ah oo uu la yeeshay Somaliland iyo Puntland.

Xoojinta doorka Imaaraadka ee Somaliland ayaa kusoo beegmaysa xilli uu jiro heshiis muran badan dhaliyay oo Itoobiya ay la gashay Hargeysa, kaasoo dhigaaya in Itoobiya ay heli karto marin badeed ka Berbera. Heshiiskan ayaa dhaliyay qalalaase diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo sii murjisay xariirka gobolka.

Fiqi oo shaaciyey in Puntland diiday in DF ay ka caawiso dagaalka kooxda Daacish

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay caddeysay in laga hor istaagay inay si buuxda uga qayb noqoto dagaalka ka socda Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, uu ka hor istaagay dowladda ka qayb qaadashada dagaalka.

Waxa uu sheegay in arrintan ay u hayaan caddeymo, ayna hoggaanka Puntland albaabada ka soo xirteen kaalmada dowladda federaalka, xilli ay hore u jirtay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay labada dhinac.

“Saciid Deni ayaa diidan in aan dagaalka Puntland gacan ka geysano, caddeynna waan haynaa. Dowladda federaalka albaabadii ayaa laga soo xirtay, waana la iska eedeynayaa,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, isaga oo ku eedeeyay maamulka Garoowe in ay dowladda ka hor istaageen ka qayb qaadashada dagaalka.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa imanaya xilli dowladda federaalka lagu eedeynayay in aysan dagaalka socda ka qaadan doorkii looga baahnaa.

Inkasta oo labada dhinac ay hore uga dhexeysay xiisad siyaasadeed, haddana waxa ay ahayd in loo midoobo cadowga arxan-darrada ah ee kusoo duulay dalkeenna, waana waajib saaran qof walba in laga qayb qaato dagaalka lagula jiro argagixisada.

Madaxda Soomaalida ayaa inta badan lagu dhaliilaa in aysan kala soocin xifaaltanka siyaasadeed ee shaqsiga ah iyo danaha qaranka, oo ah lama taabtaan aan la gorgortami karin.

R/W XAMZA oo xil sare u magacaabay Abubakar Bashiir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, oo digreeto soo saaray, ayaa xalay xil sare u magacaabay Abuubakar Bashiir Maxamed.

Abuubakar Bashiir ayaa loo magacaabay La-taliyaha Sare ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Magacaabistan ayaa qayb ka ah qorshaha kor loogu qaadayo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka Carabta, maadaama ay qayb ka tahay ururo badan oo Carbeed, isla markaana ay xiriir diblomaasiyadeed fiican la leedahay dalal Carbeed oo siyaasadeed ahaan aad u kala fog.

Dhinaca kale, magacaabistan ayaa dhalisay hadal-hayn xooggan, waxaana si weyn uga falceliyay qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee isticmaasha baraha bulshada.

Inta badan dadku waxay muujinayaan in la-taliye uusan ahayn xil macno leh, balse ay ka dhigan tahay in qofkaas xafiiska Ra’iisul Wasaaraha looga qoray “biil.”

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa horay u magacaabay la-taliyeyaal aad u badan, kuwaas oo mushaar uun ka qaata xafiiskiisa, lana ogeyn waxa ay kusoo kordhiyaan dowladnimada Soomaaliya.

Mareykanka oo Laftagareen kala hadlay doorashada xilli ay u xiran yihiin musharaxiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah kula yeeshay Danjiraha Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard H. Riley.

Danjire Richard H. Riley iyo Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan amniga iyo doorashooyinka. Labada mas’uul ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in doorashooyinka dalka uga dhacaan nidaam la isku waafaqsan yahay.

Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale laga hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa mashaariicdii Dowladda Mareykanka ay ka wadday deegaannada Koonfur Galbeed iyo xaqiijinta amniga guud ee deegaannada maamulkaasi.

Lafta-gareen ayaa xoojiyay in la dardar-geliyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, si hore loogu qaado amniga deegaannada Koonfur Galbeed, sida lagu sheegay bayaan ay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya kasoo saartay kulankaas.

“Mowduucyada kale ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa muhiimadda ay leedahay in mudnaanta la siiyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada iyo horumarinta dimuqraadiyadda Soomaaliya, oo loo marayo doorashooyin xor iyo xalaal ah, kuwaas oo ku saleysan nidaam loo dhan yahay, lehna taageero iyo sharciyad ballaaran,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda, oo lasoo dhigay barteeda X (ex-Twitter).

Kulankan ayaa imanaya xilli uu Lafta-gareen markale isku diyaarinayo xilka uu haatan hayo, isla markaana uu xiray musharraxiin culus oo la tartamaya, kuwaas oo uu ka mid yahay hoggaamiyaha mucaaradka Koonfur Galbeed, Dr. Ibraahim Macallin Nuurow.

Dr. Ibraahim kaliya ma aha shaqsiga Lafta-gareen u xiray arrimo siyaasadeed, balse waxaa jira siyaasiyiin kale, dhallinyaro, abwaanno, iyo dad kale oo xabsiyada ka buuxa, kuwaas oo loo xiray aragtidooda siyaasadeed.

Sidoo kale, siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ka baqaya inay dib ugu laabtaan deegaannadooda, cabsi ay ka qabaan Lafta-gareen darteed. Kuwaas oo intooda badan ku sugan Muqdisho, iyagoo ka quustay inay dib ugu laabtaan Baydhabo.

Xiisadda Eritrea iyo Itoobiya oo ka sii dartay iyo Asmara oo soo saartay bayaan kulul

Asmara (Caasimada Online) – Eritrea ayaa Khamiistii ku eedeysay Itoobiya, oo ay muddo dheer cadaawad taariikhi ah ay kala dhaxeysay, inay waddo “olole culus oo aflagaaddo ah” oo ka dhan ah, xilli ay sii xoogeysatay xiisadda labada dal.

Labada dal, oo colaad adag ka dhaxeysay tan iyo markii Eritrea ay ka go’day Itoobiya sannadkii 1993, ayaa heshiis nabadeed kala saxiixday 2018. Si kastaba ha ahaatee, xiriirkooda ayaa mar kale sii xumaaday.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa farriin dheer oo uu ku daabacay barta X ku eedeeyay Itoobiya inay waddo “olole aad u daran oo aan la aqbali karin” oo ka dhan ah Eritrea, isla markaana ay hurineyso “isku dhac xun”.

Wuxuu si gaar ah u xusay dadaallada Itoobiya ee ay ku raadinayso marin badeed, iyada oo heshiis la gashay maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland sannadkii hore si ay deked uga hesho badda Cas.

Arrintan ayaa dhalisay khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasoo la xaliyay kaddib heshiis ay dhexdhexaadin ka gashay Turkey. Si kastaba ha ahaatee, waxa weli mugdi ku jira natiijada kama dambaysta ah ee heshiiskaas.

Gebremeskel wuxuu sheegay in qorshaha Itoobiya uu weli qayb ka yahay “xiisadaha gobolka, isagoo abuuraya jahawareer iyo qalalaase aan loo baahneyn”.

Mas’uuliyiinta Itoobiya kama aysan jawaabin codsiga faallo arrintan la xiriirta.

Madaxweynihii hore ee Itoobiya, Mulatu Teshome, ayaa maqaal uu Isniintii ku daabacay Al Jazeera ku eedeeyay madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, inuu yahay “nin dab hurinaya”.

Wuxuu Eritrea ku eedeeyay inay “dib u hurineyso colaaddii waqooyiga Itoobiya”.

Dhanka kale, hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Concern Eritrea oo fadhigeedu yahay UK ayaa Talaadadii warbixin ay ku faafisay internet-ka ku sheegtay in Eritrea ay amartay “dagaal gelin guud oo dalka ah”.

Warbixinta hay’adda ayaa lagu sheegay in dowladda Eritrea ay soo saartay amar muwaadiniinta ka yar 60 sano loogu yeerayo tababar ciidan iyo layli.

AFP ma aysan si madaxbannaan u xaqiijin karin warbixintaas, maadaama dowladda Eritrea si adag u xakunto helitaanka macluumaadka gudaha dalka.

Kadib heshiiskii nabadeed ee 2018, Eritrea waxay Itoobiya ku garab istaagtay dagaalkii ay kula jirtay xoogagga gooni u goosadka ah ee gobolka Tigray intii u dhaxeysay 2020 ilaa 2022.

Qaramada Midoobay iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid tahay Amnesty International, ayaa ciidamada Eritrea ku eedeeyay inay galeen dambiyo dagaal oo ka dhacay Tigray.

Eritrea ayaa eedeymahaas ku tilmaantay “xog marin-habaabin ah”.

Khaatumo oo caalamka u dirtay farriin ka dhan ah aqoonsiga Somaliland

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye, ayaa qoraal toos ah u diray beesha caalamka, wuxuuna si adag uga horyimid aqoonsiga Somaliland, oo sanadihii dambe uu maamulka Hargeysa ku bixinayay dadaal badan.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa qoraalka ku sheegay in Somaliland u qalmin aqoonsi, maadaama uu sheegay in hal reer oo keliya uu maamulkaasi yahay, isla markaana uusan buuxin karin hal shuruud oo dal lagu noqon karo, sida uu hadalka u dhigay.

“Somaliland waa hal reer oo gooni-goosad ah oo Isaaq ah, kamana taliyaan SSC iyo Maakhir oo taabacsan DFS. Waxaan u soo jeedinayaa caalamka in uu ixtiraamo midnimada Soomaaliya, taasoo ah xasilloonida Geeska Afrika,” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in haddii Somaliland la aqoonsado, ay Soomaali oo dhan u midoobi doonto inay la dagaalanto Somaliland, sidaas darteedna ay xasilloonida Geeska Afrika ku jirto midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Firdhiye ayaa sidoo kale maamulka Somaliland ku eedeeyay taageerada kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish, inkasta oo uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo xaqiijinaya arrintan.

SSC-Khaatumo, oo haatan ah maamul KMG ah oo ka taliya deegaanadii xoog looga saaray Somaliland, oo ugu horrayso Laascaanood, ayaa si weyn ula dirirsan Somaliland, oo weli sheegata dhulkii laga saaray.

Qoraalkan uu hoggaanka SSC-Khaatumo u diray caalamka ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe soo baxayeen warar sheegaya in Mareykanka uu noqon karo dalkii u horreeyay ee aqoonsada Somaliland, inkasta oo si rasmi ah loo soo warin in arrintan qorshaha ugu jirto madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay Soomaalida uu Sacuudiga dilka ku xukumay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Boqortooyada Sucuudiga, kuwaas oo qaarkood ku xukuman dil iyo xabsiyo sannado badan ah.

Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadahadal kula jirto hay’adaha Sacuudiga ee uu khuseeyo kiiska maxaabiista Soomaaliyeed ee lagu kala xukumay dil iyo xabsiyo dheer, kuwaas oo ay dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto inay helaan cafis iyo cadaalad.

“Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaan u hayo Wasiir Xasan Macallin Maxamuud, waxay si dhow ula socotaa xaaladda sharci iyo midda bini’aadannimo ee maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Boqortooyada Sucuudiga, oo qaarkood ay ku xukuman yihiin xukunno dil ah iyo sannado badan oo xabsi ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.

Qoraalkaan ayaa intaas ku sii daray: “Wasaaradda Cadaaladda oo ka duulaysa doorkeeda matalaadda sharci ee muwaadiniintaas, waxay dadaal badan ku bixinaysaa sidii wax looga qaban lahaa xaaladdooda, iyadoo ay noo socdaan wada-hadallo ay la yeelaneyso hay’adaha dhiggeenna ah ee Boqortooyada Sucuudiga, si looga shaqeeyo in muwaadiniintaasi helaan taageero iyo matalaad sharci ah, isla markaana xukunnadooda ay ku dhamaystaan dalka Soomaaliya.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Sacuudiga ka dalban doonto in kiiska maxaabiistaas lagu maamulo Heshiiskii Riyaad ee Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ee u dhexeeya waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta, oo ay qeyb ka yihiin Sucuudiga iyo Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa sannadkii 2024 dil toogasho ah iyo xabsiyo dhaadheer ku kala xukuntay 45 maxbuus oo Soomaali ah, kuwaas oo loo haysto inay dalka Sacuudiga si qarsoodi ah ku soo geliyeen daroogo.

Mid ka mid ah 45-ka maxbuus ee Sacuudigu xukumay ayaa maalmo ka hor la dilay, arrintaas oo si weyn ula fajacday dowladda Soomaaliya iyo ehelkii ninka Soomaaliga ah ee la toogtay.

Muwaadiniinta kale ee xiran, oo qaarkood dil lagu xukumay, ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoog leh, taasoo keentay in dowladda federaalka ay warkaan soo saarto, waxaana bilowday dadaallo xoog leh oo lagu badbaadinayo Soomaalida kale ee dilka ku xukuman ee Sacuudiga ku xiran.

Somalia seeks clemency for nationals on death row in Saudi

0

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s Ministry of Justice and Constitutional Affairs has launched diplomatic efforts to secure clemency for Somali nationals sentenced to death or long prison terms in Saudi Arabia.

The move follows the recent execution of Somali national Mohamed Nur Hussein Gacal in the southern city of Najran. Gacal was convicted of smuggling hashish into the kingdom, with his sentence upheld by Saudi Arabia’s Supreme Court.

His family condemned the execution, alleging he was denied fair legal representation. According to his uncle, Hassan Hussein Yusuf, Gacal made a brief phone call before his execution, informing them of his imminent death.

Diplomatic push for clemency

“The Ministry of Justice and Constitutional Affairs of the Federal Republic of Somalia, led by Minister Hassan Macallin Mahmoud, is closely monitoring both the legal and humanitarian situation of Somali prisoners in Saudi Arabia,” the ministry stated.

It emphasized ongoing talks with Saudi authorities to secure proper legal representation and push for sentence commutations or prisoner transfers.

Somali officials are advocating for implementing the Riyadh Agreement on Judicial Cooperation, a treaty among Arab League states that could provide a legal framework for repatriating Somali convicts.

Ambassador Aweys Haji Yusuf, Somalia’s top diplomat in Saudi Arabia, confirmed that discussions are ongoing to halt executions and explore alternative sentences such as life imprisonment.

Saudi Arabia’s execution record

Saudi Arabia has one of the highest execution rates in the world, applying capital punishment for crimes such as drug trafficking, murder, and terrorism-related offenses.

In 2024 alone, Saudi authorities executed at least 53 individuals for drug-related crimes, a sharp increase from previous years. Rights organizations, including Amnesty International and Human Rights Watch, have documented concerns over due process and transparency in these cases.

Somali migrants are among those affected, with at least 50 Somali nationals reportedly on death row in Saudi Arabia. Many were convicted of drug trafficking under circumstances advocacy groups describe as unfair, with concerns over forced confessions, lack of legal representation, and trials conducted in a language they do not understand.

Saudi Arabia’s strict legal framework offers limited avenues for appeal, and executions are often carried out without prior notice to families or diplomatic missions. The UN has urged the kingdom to implement alternative sentencing measures and ensure greater transparency in judicial proceedings.

Migrants facing trial in Saudi Arabia often struggle with legal and linguistic barriers, going through proceedings without proper defense. Rights groups argue that many Somali detainees were coerced or unknowingly involved in drug smuggling operations.

Legal experts note that Saudi Arabia’s judiciary applies capital punishment in a manner that disproportionately affects foreign workers. Somali authorities continue to engage with Saudi counterparts to advocate for their nationals facing severe sentences.

How the UN Security Council benefits from Somalia’s membership

0

Somalia was elected to serve on the U.N. Security Council as a non-permanent member for the second time since independence in 1960 and assumed its seat on Jan. 1, 2025. Somalia joined Denmark, Greece, Pakistan and Panama in serving on what is considered the most powerful global political and diplomatic council entrusted with steering the world toward peace, stability and sustainable development for the next two years.

Although the new non-permanent members do not enjoy the powerful and heavily dramatized veto power that makes global headlines, the idea is that they will represent not only their regions but the rest of the world in all meetings to advance the key objectives of the U.N. Indeed, the question of equity and balance regarding this now ancient exclusive power of veto held by the permanent five members of the Security Council (U.S., China, the U.K., France and Russia) is highly debated and arguably needs reform given the modern global realities today. The strong argument that if the U.N. and its systems are to have any credibility going forward, they must promote and safeguard their lofty founding democratic principles by ensuring an equal voice for all nations needs to be addressed quickly and with the seriousness it deserves.

However, non-permanent members can and have played a key role in representing the voices of their nations, regions and the rest of the world in major U.N. debates. While they may be simply diplomatic inclusivity window dressing to present a mirage of political equality in the heavily polarized, unequal and divided world we live in today, the non-permanent seats in themselves are some progress from what they used to be when global decisions were only made by the supposed winners of World War II and much of the majority of the U.N. member states today were still colonized or part of the Soviet Union.

It was surprising to see some of the negative reactions in the media when Somalia won the U.N. Security Council seat because I was closely following the determined efforts of the Somali government in this endeavor from the beginning and expected it to be welcomed by all. The overwhelming message from misinformed critics was that the council is now a joke if Somalia can join.

This is a misguided and regressive view of international politics and diplomacy, anchored in ignorance and arrogance about what might be greater than right. This post-World War II winners-take-all governance mentality is not even discussed openly in international politics and relations courses at universities anymore, let alone used as a basis for criticizing a nation like Somalia, which has achieved so much in such a short space of time to escape a difficult past of conflict and state collapse.

What Somalia offers

The Security Council is mandated to advance global peace and security and has a long history of involvement with Somalia during the nearly three decades of civil strife and through the current state-building process. Only last year, the U.N. lifted the three-decade arms embargo on Somalia and the council authorized the African Union Stabilisation and Support Mission in Somalia (AUSSOM) to replace a larger operation from Jan. 1, 2025. Ironically, this is the day Somalia officially took its seat as a non-permanent member. Far from symbolic, this is a real opportunity for Somalia to be in the same room that has been deciding its future for nearly three decades while it shouted from the sidelines.

Somalia’s membership will provide a valuable opportunity for other members to hear and learn unique lessons in nation-building, fighting international terrorism, effective humanitarian actions, strengthening multilateralism, and what does not work in conflict-affected, post-conflict and fragile states in terms of peacebuilding and sustainable development. It will also amplify the voices of nations facing similar challenges, including those in the Group of Seven Plus and least-developed category status.

Somalia has a strong track record of delivering economic reforms and achieved debt relief through the Highly Indebted Poor Countries Initiative (HIPC) in December 2023. This is not just a story of numbers and simple implementation of prescribed reforms by the International Monetary Fund (IMF) but a lesson in what can be achieved even in the most challenging situations when there are strong partnerships, political will and public support for escaping unsustainable crippling debts that most of the developing world faces today and achieving financing for development.

At the U.N., there is a desperate need to find global solutions to everyday challenges, including the devastating impact of climate change, increasing conflicts and global debt, which hampers development spending and economic growth to spur job creation and attain sustainable development. Somalia has a unique interwoven story and experience to share in this space and will be able to contribute prominently to the international dialogue and solutions going forward as part of the Security Council.

Overall, Somalia is in the council because it won its seat like all the other members through a rigorous, transparent diplomatic and democratic process. This is the real explanation and the only explanation is if the rules of the U.N. are observed. In this regard, it is no different from all the other members who have held this position or are occupying it now. However, Somalia’s unique contribution to the council and international security and peace is its credible and authentic voice, which showcases its national lived experience and its current efforts to transform itself for the betterment of its citizens. This is needed more than ever in a conflict-ridden and polarized world threatened by external shocks, including climate change.

Liban Obsiye is the head of the Strategic Economic Unit of the Somali Ministry of Finance.

Daawo: Amiir oo shacabka Muqdisho ku yiri “Ima dooran, waxna idiin qaban maayo”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamed Amiir, ayaa maanta si cad shacabka Muqdisho ugu sheegay in guddoomiye la soo magacaabay aysan ka sugin in baahiyahooda uu ka shaqeeyo, isagoo bixiyey tusaale yaab leh.

Wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho aysan waxqabad u qabsan karin, maadaama aysan iyagu xilka u dhiiban, isla markaana aysan ka qaadi karin.

“Nadaafad darrada ka jirta Muqdisho iyo jidadka burbursan waxba igama weydiin kartaan hadda, laakiin haddii aad i soo dooran lahaydeen waa ila xisaabtami lahaydeen. Marka waxaan idiin sheegayaa, qofkii aan la dooran ee la soo magacaabay jeebkiisa ayuu u shaqeystaa,” ayuu yiri Guddoomiye Amiir.

Duqa Muqdisho ayaa hadalkan maanta ka sheegay fagaaraha Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo lagu qabtay kulan dadweyne oo lagu taageerayey qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Goobta uu hadalkan ka yiri Guddoomiye Amiir waxaa fadhiyey wasiirro, xildhibaanno, masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo shacab u soo bannaan baxay taageerada dowladda, una heelan in dalkooda horumar la gaarsiiyo.

Hadalka Guddoomiye Amiir uu maanta yiri, sida aan ka fiirsashada lahayn, ayaa qalbi-jab ku abuuray shacabkii u hammuum qabay dowladnimada ee maanta isugu yimid Tiyaatarka. Wuxuu hadalkaasi abuuray sawaxan markiiba goobta ka bilowday iyo hadal-hayn qabsatay baraha bulshada.

Guddoomiyaha gobolka ayaa markii uu hadalkaas yiri kadib ku af-gobaadsaday in danta shacabka Muqdisho ay ku jirto in madaxdooda ay soo doortaan, isaguna uu ka shaqeyn doono in guddoomiyaha kursiga kala wareegaya uu doorasho dadweyne ku imaan doono.

Guddoomiye Amiir ayaa maalintii uu xilka la wareegay goobtii uu kula wareegay ka sheegay in dadka reer Muqdisho uu si dhab ah ugu shaqeyn doono ee uusan ka shaqeysan doonin, balse hadalkaas maanta ayuu si cad u beeniyey, isagoo yiri hadal u dhigma: “Idiinma shaqeynayo, xilkana igama qaadi kartaan!”

Hoos ka daawo

Shariif oo si adag uga hadlay weeraradii maanta gilgilay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war ka soo saaray dagaalladii kooxda Al-Shabaab ay maanta ku soo qaaday deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo meelaha qaar ay kooxdu qabsatay deegaanada qaarna ay ka dhaceen dagaalo la isku riiqmay.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in duullaanka Al-Shabaab uu hoosta ka xariiqayo sida looga gaabiyey la dagaalanka kooxda, isagoo madaxda dowladda Federaalka u soo jeedinayey inay diirrada saaraan halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Al-Shabaab ayaa maanta weerarro toos ah ku qaaday deegaanada Al-Kowthar, Daarunicma, Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Ceelbaraf iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolkaas, waana weerarkii ugu balaaraa oo hal maalin ay waayahaan waadeen Al-Shabaab.

“Waxaan boggaadinayaa Geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka oo si nafhurnimo leh kaga hortagay duullaanka kooxda argagixisada Al-Shabaab ku soo qaaday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Shariifka ayaa tacsi u diray ciidamadii maanta ku shahiiday dagaalladii cuslaa ee dhacay, “Waxaan u tacsiyeynayaa qoysaska geesiyaasha ku shahiiday dagaalka xaqa ah, waxaana caafimaad deg deg ah u rajeynayaa kuwa dhaawacmay.”

Qoraalka Sheekh shariif ayaa intaas ku sii daray, “Duullaanka kooxda argagixisada ah wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida looga gaabiyey la dagaalanka kooxaha caadeysatay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne hore Sharriif Sheekh Axmed, ayaa ku booriyey hay’adaha ammaanka inay laba jibaaraan dagaalka lagula jiro kooxaha nabadiidka ah.

“Waxaana madaxda dowladda Federaalka ah u soo jeedinayaa inay diirrada saaraan halganka loogu jiro dib u xoreynta dalka islamarkaana meel iska dhigaan siyaasadda ku dhisan kala qaybinta bulshada iyo xasarad abuurka,” ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey Sheekh Shariif.

Dowladda Soomaaliya, oo maanta war kasoo saartay dagaaladii dhacay ayaa sheegtay in dhamaan degaanadii ay soo weerareen laga difaacay Al-Shabaab, isla markaana laga dilay in ka badan 130 horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira.

 

Rooble oo dhalasho kale maanta ku dhoofay iyo xogta habraaca safar ee loo diiday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal-heyn siyaasadeed oo xooggan ayaa ka dhalatay in dowladda Soomaaliya ay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble, ka hor istaagtay habraaca in baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya uu ugu safro dalka dibadiisa, gaar ahaan Koonfur Afrika.

Marka la isticmaalayo baasaboorka diblomaasiga, waxaa khasab ah in la maro wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, si warbixin loola wadaago safaaradaha dalalka uu qofka masuulka ahi u safrayo.

Rooble, oo ka ag-dhow madaxda xukunka joogta ee dowladda federaalka ayaan weli la cadeyn masuulka ay is hayaan, wararka qaar waxay sheegayaan in amarka loogu diiday habraaca fududeynta safarkiisa uu bixiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa, halka dadka qaar ay soo dusiyeen xog sheegeysa inay is hayaan Wasiir Fiqi oo maamula wasaaradda arrimaha dibadda, xigtana ay yihiin Rooble.

Habraaca loo diiday in la marsiiyo safarka ra’iisul wasaare hore Rooble iyo saaxiibadiisa siyaasadda, ayaa qofka masuulka ah ee safraya siinaya xasaanad diblomaasiyadeed oo wadanka uu u socdo uu ku tegayo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaare hore Rooble, waxaa safarka loo diiday in loo fududeeyo u raaci lahaa siyaasiyiin kale oo qaar mucaarad yahay, qaarna wasiirro xukuumaddaka tirsan yihiin.

Ilo wareedyo kala duwan oo Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble, ka ag-dhow ayaa Caasimada Online u sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ay diiday inay ka soo jawaabto warqadihii codsiga safarkaas, iyadoo aan loo cadeyn sababta.

Rooble, ayaa xaq u lahaa in loo ogolaado safarka hanaanka diblomaatiga loo yaqaan ee xasaanadda, iyadoo warbixintiisa lala wadaagayo safaaradaha Koonfur Afrika iyo Soomaaliya, si loo soo dhaweeyo masuulka, safarkiisana ay uga warqabaan.

Dowladda Soomaaliya, weli kama hadlin arrintaan, balse waxaan ogaanay in siyaasiyiinta safarkaan ku wehliyey Rooble, ay yihiin kuwo aad u mucaarada xukuumadda, waxaana ka mid ah wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdullahi Carab oo saaxiib la ah Rooble, kuna jira Golaha Shacabka, Cabdullahi Carab ayaa toos u dhaliila xukuumadda Xamsa.

Sidoo kale, xubnaha aan ogaanay in safarkaan ay ku jireen waxaa kamid ah Wasiiru dowlihii hore ee Wasaarada Qorsheynta Xildhibaan Gaani oo kol-hore ka tegay xukuumadda Xamsa, si weyna u dhaliila hoggaaminta Xasan iyo Xamsa.

Maxamed Xuseen Rooble, oo isticmaalay baasaboorka dalka labaad ee dhalashada uu ka heysto ee Sweden, ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho, isagoo u safray dalka Koonfur Afrika, maadaama uu casuumad ka helay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas.

SOMALILAND oo qaaday tallaabo ka dhan ah fanaaniin aflagaadeeyay XAMAR

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa mushaarkii ka jartay kooxda Dayax Band. Fananniinta kooxdan ayaa qaaday heestii ay Soomaalida sida weyn u dhibsadeen ee “Ma lihin cadow Xamar ka daran”.

Abwaan Daaha Gaas oo kooxdan maamula ayaa shaaciyay in mushaarkii laga jartay. Tallaabadan ayaa lala xiriirinaya in Fanaanniintan ay si dhow ula shaqeynayeen madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi, oo kalkiisi Madaxtooyadda Somaliland looga luuqeeyay heesta lagu weeraray reer Muqdisho.

Daaha Gaas oo soo saaray qoraal uga hadlayo arrintaan ayaa sheegay in uusan ku waayi karin xuquuqdiisa muwaadinimo inuu kasoo horjeeday xisbiga Waddani oo haatan tallada Somaliland haya, “In maanta fanaanniinta la kala reebo oo wasaarada war faafinta la yidhaahdo Dayax Band lama siinayo waa aargoosi iyo cadaawad fogaatay.”

Waxa uu intaas kusii daray “Ma baryootamayo tolaayeeyna odhan maayo. Madaxwayne qarankii aad lahayd waan u simanahay oo waa lay dhaariyay cadaaladii ma hayo anigu. Isku qoomamayn maayo inaan Muuse Biixi la socday, waan ku faraxsanahay. Ilaahay cidaan ahayna nin barya ma ahi, taasna meel ku qorta. Colaadina iguma jirin iyo cid nacayb, Cirro-na madaxweynahaygii buu noqday una malayn maayo ka ila dagaalamaya isaga inuu yahay laakiin way soo bixi.”

Go’aaankan looga jaray mushaarkii Fanaanniintan ayaa siyaabo kala duwan looga fal-celiyay, iyadoo dadka qaar ay ku tilmaameen mid loo baahna, halka kuwa kalena u arkaan taas bedelkeed.

Sidoo kalena waxa uu go’aankan kusoo aadaya, xilli ay maanta xukuumadda Somaliland ay gebi ahaanba magaalada Hargeysa ka joojisay bandhigyada iyo caweyska habeenkii.

Xasan Sheekh oo mar kale u tartamaya xilka madaxweyne iyo arrin u qorsheysan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo weli dood xooggan ay ka taagan yahay sida loo wajahayo doorashooyinka dalka ayaa haddane markii saddexaad waxaa xilka madaxweynaha u tartamayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo rabo inuu doorasho ku galo hanaankan ay ka taagan tahay doodda xooggan.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), kana mid xisbiga madaxweynaha ee UPD oo ka qayb-galay kulan ka dhacay degmada Wadajir, kaas oo looga hadlaayay doorashada dadweyne ayaa sheegay in madaxweyne Xasan uu mar kale tartamayo, uuna diyaar u yahay inuu sii hoggaamiyo dalka.

Yabooh ayaa sidoo kale xusay in madaxweynaha ay u qorsheysan tahay inuu banneeyo xilka, waa haddii looga guuleysto tartanka soo socda ee doorashada uu galayo 2026.

“Madaxweynaha hadda jooga meel cad ayaa lagu doortay, xilligiisa marka uu dhamaado waxa uu diyaar u yahay in uu mar kale tartamo, haddii uu soo bixi waayo xilka banneeyo,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka.

Sidoo kale, Yabooh ayaa farriin u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo uu ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashada, si ay ugu ciil baxaan codkooda, una soo doortaan hoggaamiyaha ay rabaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli dood xooggan ay ka taagan tahay hanaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxweyne Xasan iyo xubnaha mucaaradka oo diiday qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Hanaankan doorasho ayay siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka u arkaan mid looga dan leeyahay qorshe xukun-dheereysi, iyagoo ka digay qabashada doorasho aan loo dhammayn, taasoo dalka u horseedi karta xaalad halis ah, sida ay sheegeen.

Trump oo weerar xun ku qaaday madaxweynaha Ukraine xilli uu la kulmayo Putin

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa si kulul u weeraray madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, isaga oo ku tilmaamay “kaligii taliye bilaa doorasho ah,” kaddib markii Zelenskyy uu ku eedeeyay Trump inuu ku nool yahay “goob marin-habaabineed” oo uu Ruushku saameeyay.

Trump ayaa toddobaadkii hore si lama filaan ah u shaaciyay in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, tallaabadaas oo loo arko bilowga dadaal uu wado maamulka cusub ee madaxweyne Trump si loo soo afjaro dagaalka Ukraine.

Hase yeeshee, tallaabadaasi ayaa u muuqata in aysan ku qancin madaxweyne Volodymyr Zelenskyy, kaas oo muujiyay cabsi ah in madaxweynaha Mareykanka uu isku dayayo in uu dagaalka ku soo afjaro shuruudo aad ugu wanaagsan Moscow marka loo eego Kyiv.

Qoraallo isdaba joog ah oo uu Trump soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu ku eedeeyay Zelenskyy in uu diiddan yahay in uu doorasho ka qabto Ukraine.

Bishii Abriil ee sannadkii 2024 ayaa loo qorsheeyay in ay dhacdo doorashada Ukraine, hase yeeshee waxaa dib u dhigay duullaankii uu Ruushka ku qaaday bishii Febraayo ee sannadkii 2022.

Trump ayaa ku sifeeyay Zelenskyy in uu yahay “majaajiliiste ilaa xad guuleystay.” Wuxuu kaloo sheegay in uu Mareykanka kala hadlay qarashgareynta $350 bilyan oo dollar si uu u galo dagaal uusan ku guuleysan karin, isla markaana ay mudneyd in uusanba billaaban dagaalkaasi.

Hadalladan ay is weydaarsadeen Trump iyo Zelenskyy ayaa imanaya maalin kaddib markii ay wasiirrada arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo Ruushka ku kulmeen magaalada Riyadh, halkaas oo ay uga dhawaaqeen guddiyo heer sare ah oo soo diyaarin doona hannaanka loo soo afjari karo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.