26.1 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Gaadiidkii ugu badnaa oo laga gubay Shabaab + Sawirro

0

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya khasaaraha kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan aagga deegaanka Ceel Cali Axmed, oo uu maalin ka hor ka dhacay weerar ay isku dayeen inay ku qabsadaan deegaankaasi. Weerarkaasi waxaase ka hortegay ciidamada Macawiisleyda.

Weerarka oo uu xigay dagaal fool ka fool ah ayaa lagu jabiyay maleeshiyaadka argagixisada, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed kasoo saartay dagaalkaasi.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale soo bandhigtay gaadiid dagaal oo ay wateen xubnaha weerarka soo qaaday, kuwaas oo laga gubay, kadibna ay ka carareen, sida ay muujinayaan sawirro ay baahiyeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Gaadiidka la gubay ayaa isugu jiro Cabdi-bileyaal iyo kuwa gaashaaman ee dagaalka, oo la sheegay inay wateen xubnaha soo qaaday duulaanka laga hortegay.

“Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa ku guuleystay inay gubaan, qaarna soo furtaan dhammaan gaadiidkii dagaalka ee ay wateen Khawaarijtii soo weerartay deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Marka laga tago gaadiidkan, waxaa sidoo kale jiro maydad badan oo ay ka carareen Al-Shabaabkii soo weeraray Ceel Cali Axmed, waxaana ku jiray horjoogayaal ay ka mid ahaayeen:

  • Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisow (Xasan Gurey) oo sidoo kale magaciisa afgarashada ahaa (Bagaax), kaas oo Khawaarijta u qaabilsanaa jabhadda gurmadka dhexe iyo Jaysh Aqsaa, kuwaas oo ka howlgala gobollada Galgaduud, Mudug, iyo Shabeellaha Dhexe. Wuxuu ku dhintay dagaalkii ka dhacay Ceel Cali Axmed.
  • Horjooge Daahir Buuxsade ayaa isna la dilay. Wuxuu ahaa Amiir Katiibo ama taliye urur, wuxuuna ku baxay gacanta Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.
  • Horjooge Anas ayaa sidoo kale la khaariyay, wuxuuna ahaa madaxii gaadiidka guud ee Al-Shabaab.
  • Khaalid Jiis ayaa isna lagu dilay dagaalladii ka dhacay Shabeellaha Dhexe, wuxuuna Shabaab u qaabilsanaa Amiir Katiibo ama waxa ay kooxda ugu yeerto taliye urur.
  • Horjooge Casaam, oo ahaa Amiir Sariiyo ama taliye horin, iyo horjoogayaal kale ayaa lagu laayay dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan deegaannadii lagu dagaalamay, oo ay ugu dambeysay Biyo-Cadde, ayaa haatan dib ula wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Daawo: Xamza “ma mudna xildhibaannada in dhafoorka looga hayo biskoolad”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho, ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, isaga oo sidoo kale soo hadal qaaday arrin xasaasi ah oo la xiriirta xildhibaannada deegaankaasi.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in handadaad lagu hayo xildhibaannada ka soo jeeda Jubbaland, isla markaana lagu qasbo inay fawdo ka sameeyaan magaalada Muqdisho, si ay markaas u fuliyaan dano gaar ah oo gurracan, sida uu hadalka u dhigay.

“Xildhibaannada ma ahan in la handado oo lagu dhaho haddii aadan wax qasin meeshan kuma soo noqonaysid. Ma aha wax sax ah in dadkii deegaanka la cabsiiyo oo la yiraahdo ‘Xamar ha isku marina, waa la idin wada xirxirayaa’,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale xusay inuu ogyahay xildhibaanno badan oo la cadaadinayo, bistooladna lagu hayo, taas oo uu ku tilmaamay arrin halis leh.

“Waa arrin jirta, waana mushkilad ay in badan qarsanayeen, balse anigu waan ogahay. Waxaan rajeynayaa in caga-jugleynta laga daayo xildhibaannada sharafta leh. Ma mudna in sidaas loola dhaqmo, mana mudna in dhafoorka bistoolad looga hayo,” ayuu raaciyay.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay xayiraadda saaran Jubbaland, wuxuuna tilmaamay in kaliya la raadinayo Axmed Madoobe, balse shacabka iyo madaxda kale aan wax dambi ah loo haynin, ayna si caadi ah uga soo degi karaan Muqdisho, marka ay u safrayaan dalka dibaddiisa.

“Qofka sidaa lihi haddii dambi gaar ah loo haysto, dee shacabka iyo kuwa nidaamka kula jiro mushkilad ma haysato, cid kale oo la haystana ma jirto. In la yiraahdo ‘sidaan ahay ila ahow’ waa madax-furasho lagu haysto dadka,” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo weli uu halkiisii taagan yahay khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland, kaas oo ka dhashay dib u doorashadii Axmed Madoobe. Xiisaddaasi ayaa markii dambe isku rogtay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah.

Somali lawmakers clash over Al-Shabab, elections

0

MOGADISHU, Somalia – A heated dispute erupted outside Somalia’s Parliament on Sunday as opposition and pro-government lawmakers clashed over the country’s security situation, nearly escalating into a physical confrontation in front of journalists.

The tensions were sparked by opposition MP Daahir Amiin Jeesow, who claimed that Al-Shabab controls nearly half of Somalia’s territory following recent military confrontations.

His remarks were immediately challenged by pro-government lawmakers, who accused him of spreading misinformation and undermining the morale of the Somali National Army (SNA).

Jeesow, a member of former President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed’s party, raised concerns about the extent of Al-Shabab’s influence, suggesting that the militant group had expanded its hold despite ongoing military offensives.

“As you have seen, half of the country is now under Al-Shabab’s control, and in some areas, they remain,” Jeesow declared.

His comments prompted a strong rebuttal from Bashiir Goobe, the Minister of Environment and Climate Change, who rejected Jeesow’s claims, stating they were damaging national security efforts.

“Somali men and women are shedding their blood in this fight. For my colleague to say that Al-Shabab controls the country is unacceptable and demoralizing,” Goobe said.

Similarly, Deputy Minister of Youth and Sports, MP Maxamuud Jeego, dismissed Jeesow’s assertions, arguing that the government is successfully countering Al-Shabab’s attacks.

“This country is at war. Al-Shabab launches attacks daily, but they are confronted and defeated. There is no territory they control or can hold,” Jeego stated.

The confrontation highlights the widening political divide between opposition and pro-government factions, particularly regarding security policies and Somalia’s upcoming elections.

One-person, one-vote elections

Meanwhile, inside Parliament, President Hassan Sheikh Mohamud officially opened the sixth session of the legislature, where he reaffirmed his administration’s commitment to implementing a one-person, one-vote electoral system—a plan that remains a subject of intense debate.

In his address to lawmakers, President Mohamud emphasized that Somalia has an opportunity to hold free and fair elections for the first time in 56 years, allowing citizens to elect their leaders directly.

“We want the Somali people to freely and fairly cast their votes and elect their leaders after 56 years,” he said.

The president also announced a significant financial investment in election infrastructure, revealing that his government had spent millions of dollars acquiring the necessary equipment for a nationwide election.

“I want to inform Parliament that the government has allocated funds and procured the equipment needed to implement the elections, and we are ready to seek international support where needed,” Mohamud stated.

Acknowledging concerns about the credibility of the electoral process, the president assured lawmakers that his government would not put the country at risk and called for trust in the institutions managing the elections.

“There is no reason to endanger the country. I want Somalis to trust each other and have confidence in the electoral process. If we are not re-elected tomorrow, we will return to our homes. There is no justification for jeopardizing the country,” he added.

Tensions heighten as elections near

Mohamud’s remarks come at a time of increasing political tensions over Somalia’s electoral process. Opposition groups, some federal member states, and segments of civil society have raised concerns about government control over the election framework, leading to disputes between Villa Somalia and regional leaders.

At the same time, Somalia remains embroiled in an ongoing battle against Al-Shabab, whose insurgency continues to pose a significant threat to national stability.

Despite military offensives, the group remains active in rural areas. It frequently carries out deadly attacks, including suicide bombings in Mogadishu and other urban centers. 

The combination of election-related disputes and security concerns raises questions about Somalia’s stability in the coming months.

Analysts warn that political infighting could distract from critical security efforts, making it harder for the government to maintain control and push forward with its ambitious electoral reforms.

Caqabad soo wajahday markabka Turkey ee shidaalka ka baaraya Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caqabad weyn ayaa soo wajahday markabka Turkiga ee Oruç Reis, kaas oo haatan shidaal baarista ka wada xeebaha Soomaaliya, sida uu shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka hor hadlayay baarlamaanka dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qashin badan oo lagu daadiyay badda ay caqabad ku noqdeen howlaha baarista shidaalka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in warbixinnada lala soo wadaagay ay muujiyaan halis weyn oo ka taagan arrintaasi.

“Qashinkii laga soo saarayay badda iyo sida loo soo saarayay ayay muuqaallo kasoo duubeen. Qashinkaasi ugu badan ma aha midda kiimikada iyo sunta aan ka qaylin jirnay, balse waxaa ugu badan qalabka lagu kalluumaysto oo badda dhexdeeda looga tegay, sida shabaagaha iyo qalab aan xiriirin waayay,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qashinku uu u badan yahay qalab kalluumaysi oo looga tegay badda, kuwaas oo uu tilmaamay in aan laga oggolayn caalamka. Balse, marka ay maraakiibta shisheeye ku jalaabteen, ayay isaga tageen qalabkaas.

“Sababtu waxay tahay, markabka marka uu kalluumaysto waa inuu kalluunka qaadaa oo dekado caalami ah geeyaa. Dekadaha caalamiga ah lama tebin karo qalabkaan uu meesha iska dhigay, waayo waa qalab mamnuuc ka ah in lagu kalluumaysto. Si aanan dambi loogu qabsan, wuxuu uga tegay baddeenna,” ayuu hadalkiisii sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri: “Arrintaas waa arrin aad iyo aad u xanuun badan. Ma aha oo kaliya in dadkaasi ay qaadanayaan khayraadkeenna, balse waxay sameynayaan arrin xanuun badan oo wax u dhimaysa deegaanka iyo baddeenna.”

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa tilmaamay in howshu weli socoto, isla markaana uu fulayo heshiiska shidaalka ee ay la galeen Turkiga, si horay loogu dhaqaajiyo.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineysa inay ka faa’iidaysato khayraadka uu Alle ku manaystay, waxayna heshiisyo maalgashi ah la soo gashay dowlado waaweyn.

Somalia pushes forward with one-person one-vote elections

0

Mogadishu, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has reaffirmed his administration’s commitment to implementing a one-person, one-vote electoral system, marking a major shift away from the country’s longstanding clan-based voting structure.

At the opening of the sixth session of Somalia’s Federal Parliament, Mohamud underscored the government’s readiness to fund and facilitate the transition despite ongoing political tensions and logistical challenges.

For over five decades, Somalia’s elections have operated under an indirect system where clan elders select representatives. President Mohamud emphasized the urgency of change, declaring that Somalis should have the right to freely and fairly elect their leaders.

“The government has secured the necessary funds and equipment to hold direct elections,” Mohamud told lawmakers. “We are prepared to seek international assistance to ensure this process succeeds.”

The shift to universal suffrage would represent a major milestone in Somalia’s political evolution, providing millions of citizens with a direct say in their government for the first time in decades.

Security concerns and political divisions

Despite the ambitious vision, significant hurdles remain. Security threats from militant groups like al-Shabaab, logistical obstacles, and deep-seated political divisions between the federal government and regional states continue to pose risks to a smooth transition.

Mohamud sought to ease fears about election-related instability, assuring the public that the government would not endanger national security.

“There is no reason to put the country at risk,” he said. “Somalis must have confidence in those managing the elections. If we lose at the ballot box, we will accept the results and return home. There is no justification for chaos.”

However, political disputes over the electoral framework persist. Some regional administrations and opposition figures remain skeptical, fearing the central government could manipulate the process to consolidate power.

Calls for constitutional reform

Beyond electoral preparations, Mohamud urged Parliament to finalize key constitutional amendments necessary for institutionalizing democratic governance.

“In this session, Parliament is expected to take decisive steps toward completing the country’s constitution,” he stated.

Finalizing the legal framework is crucial in ensuring a smooth transition to universal suffrage and avoiding potential legal disputes that could derail the process.

The President’s speech comes at a time of heightened tensions. In late 2024, the semi-autonomous state of Jubaland re-elected Ahmed Mohamed Islam Madobe as its regional President without federal oversight, deepening rifts between Mogadishu and regional governments.

The dispute escalated when the federal government and Jubaland issued arrest warrants for each other’s leaders, exacerbating Somalia’s fragile political landscape.

The federal government’s push for direct elections represents a bold attempt to reshape Somalia’s political future. However, the road to universal suffrage remains uncertain, with entrenched power struggles, security risks, and logistical obstacles ahead.

Xildhibaanada mucaaradka iyo muxaafidka oo ay ka tafatay – Maxay dhacay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada mucaaradka iyo kuwa muxaafidka ah ayaa maanta isku dhacay, iyaga oo ku dhowaaday inay is gacan qaadaan, xilli ay wariyeyaasha kula hadlayeen bannaanka hore ee xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Buuq iyo sawaxan ayaa goobta hareeyay kadib hadal ka soo yeeray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka tirsan xubnaha mucaaradka, kana mid ah xisbiga Sheekh Shariif.

Jeesow oo meesha ka hadlay ayaa ku dhowaaqay in kala bar dalka ay qabsadeen Al-Shabaab, kadib dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada dalka. Arrintaasi waxay dhalisay buuq, iyada oo ay ka hor yimaadeen xildhibaannada muxaafidka.

“Dalkii daraad kala bar oo bar ay Shabaab ayaa soo qabsadeen, sidaad arkeyseen, meelaha qaarna illaa iyo hadda way joogaan,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Intaas kadib waxaa hadalka ka daba qaatay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Bashiir Goobe, oo beeniyay hadalka Jeesow, wuxuuna tilmaamay inuu niyad-jebinayo ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira argagixisada.

“Wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed ayaa dhimanayo oo dhiiggooda uu socdaa, inuu marka xildhibaanka saaxiibkey ah uu yiraahdo dalkiibaa Shabaab haystaa laga akhrisan maayo, mana laga yeelaayo,” ayuu yiri Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada.

Sidoo kale, waxaa isna hadlay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Xildhibaan Maxamuud Jeego, oo si adag ugu jawaabay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

“Dalkan wuxuu ku jiraa dagaal, Shabaab maalin kasta ayuu meel weeraraa, waana laga hortegaa, mana jiro dhul Shabaab uu haysto ama haysan karo,” ayuu yiri Wasiir Jeego.

Arrintan ayaa billow u ah dagaal siyaasadeed oo la filayo inuu ka dhex qarxo xubnaha mucaaradka iyo muxaafidka, oo si weyn isugu hayo arrinta doorashada. Waxaa hadda bannaanka yaalla diidmada siyaasiyiinta mucaaradka ee qorshaha Villa Soomaaliya.

Kooxda Rooble oo shaacisay cidda ka dambeysay warqadii habraac ee loo diiday + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay dhacdadii qabsatay xilli ay u safrayeen dalka Koonfur Afrika, kadib markii loo diiday baasaboorka diblomaasiga ah si ay ugu dalbadaan visaha dalkaasi.

Xildhibaan Cabdullaahi Carab, oo kamid ah saaxiibada Ra’iisul Wasaare Rooble, kuna wehlinayay safarkan, ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka SMS wuxuu uga hadlay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna xaqiijiyay inay jirto in warqaddii loo diiday Rooble.

Carab ayaa shaaca ka qaaday in warqaddaas ay hakad gelisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kadibna Ra’iisul Wasaaruhu uu ku safray dhalashadii uu ka haystay Sweden.

“Warqad ayuu codsaday Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble, isaga iyo rag kale oo aan aniga kamid ahay, waxaana kusoo soconay Koonfur Afrika. Sida aad la socoto, marka uu qofka baasaboorka diblomaasiga ah rabo visaha dal shisheeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa qorta warqad, waxaana loo diraa safaaradda Soomaaliya ee Kenya, kadibna iyadaa warqad kale kusii lifaaqda, sidaas ayaana lagu helaa visaha,” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu raaciyay: “Marka ay tegtay warqadda safaaradda Soomaaliya ee Kenya, dib ayaa loogu soo celiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kadibna howshii waa dhaqaaqi waysay. Xiriiro badan oo lala sameeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda waa suuroobi waysay, sidaas ayuu Ra’iisul Wasaaruhu go’aan isaga qaatay. Dhalasho labaad oo uu Sweden ka haystay ayuu haystay, maadaama ballan jiratay, isaga ayuuna kusoo safray.”

Sidoo kale, wuxuu falkan si toos ah ugu eedeeyay madaxda dowladda dhexe iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isaga oo beeniyay warka kasoo yeeray Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo VOA-da u sheegay in Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble aan loo diidin baasaboorka.

“Tuhumada waa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo madaxda sare ee dowladda uun baa warqaddaas in la hakiyo ku heshiiyay, sida muuqato,” ayuu kusii daray.

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn ka hadlay ujeedka safarka ay ku tageen Koonfur Afrika, wuxuuna tilmaamay in casuumaad ay ka heleen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

“Johannesburg ayaan booqasho ku nimid shalay sababta aan u nimid waxa ay ahayd sidaad la socoto, 2022-kii doorashadii dhacday bilihii ka horeeyay dalka wuxuu galay khal-khal xoog badan. Ilaahay mahaddiisii, sababta Ra’iisul Wasaarihii hore darteed ayuu waddanka ku badbaaday maalmahaas. Wixii ka dambeeyay, jaaliyadda Koonfur Afrika ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxay lahaayeen, ‘Mar na soo booqo,’ sidaas ayuuna ku tegay,” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Xildhibaan Cabdullaahi Carab.

Hoos ka daawo wareysiga:-

XASAN SHEEKH oo go’aan culus oo la xiriira doorashada u gudbiyay baarlamaanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta furay kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka, ayaa mar kale ka hadlay qorshaha dowladdiisa ee doorashada qof iyo codka ah, taas oo weli dood ka taagan tahay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in 56 sano kadib ay doonayaan in dadka Soomaaliyeed si xor ah oo cadaalad ah u dhiibtaan codadkooda, soona doortaan hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Baarlamaanka la wadaagay go’aan culus oo la xiriira doorashada, wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay malaayiin dollar kusoo iibisay qalabka loogu talagalay qabashada doorashada qof iyo codka, dadaalkana ay sii wadi doonaan.

“Waxaan rabaa in BFS aan u sheego in dowladdu diyaarisay dhaqaale iyo qalabkii lagu hirgelin lahaa doorashada, waxaana diyaar u nahay inaan wixii cawinaad ah waydiisano caalamka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay walaaca laga muujinayo doorashooyinkan, wuxuuna tilmaamay in ay mas’uul ka yihiin ayna dalka gelin doonin halis, isaga oo dalbaday in lagu kalsoonaado dowladdiisa iyo dadka ka shaqeynaya arrimaha doorashooyinka dalka.

“Ma jirto sabab aan dalka khatar u gelino. Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed isku kalsoonaadaan, kuna sii kalsoonaadaan dadka ka shaqeynaya doorashada. Berri haddii nala dooran waayo, inaan iska baxno oo aan guryageenna ku laabano dhib naguma hayso, laakiin ma jirto sabab aan halis u galino dalka,” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta dastuurka, wuxuuna Baarlamaanka ugu baaqay in kalfadhigan ay dhammeystiraan cutubyada haray ee horyaalla Baarlamaanka.

“Kalfadhigan, haddii Alle yiraahdo, waxaa laga sugayaa Baarlamaanka inuu qaado tallaabo kale oo la xiriirta dhammeystirka dastuurka dalka,” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay doorashooyinka dalka, oo ay weli isku hayaan Villa Soomaaliya, qaar kamid ah maamul-goboleedyada dalka, iyo xubnaha mucaaradka.

Daawo: Ciidamada DANAB iyo kuwa MAREYKANKA oo sameeyey dhoolatus cajiib ah

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada birmadka ee Maraykanka iyo guutada gaarka ah ee Danab ee Soomaaliya ayaa ka qaybgalay Justified Accord 2025 (JA25), dhoolatus ciidan oo ay iska kaashanayaan dalal badan, laguna qabtay Kenya.

Dhoolatuskan ayaa diiradda saaraya tababarka la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta iskaashiga amniga gobolka.

Hawlgalka waxa hoggaaminaya Cutubka Hawlgalka Koonfurta Yurub ee Afrika ee Ciidanka Maraykanka (SETAF-AF), waxaana ka qaybgalay askar ka socota 15 dal, oo ay ku jiraan xulafada gobolka sida Ciidanka Difaaca Kenya iyo Ciidanka Difaaca Shacabka Tanzania.

Dhoolatusku, oo socday intii u dhaxaysay 10–21 Febraayo, ayaa diiradda saaraya ka falcelinta xaaladaha degdegga ah, xoojinta iskaashiga ciidamada kala duwan, iyo diyaarinta hawlgallada wadajirka ah si wax looga qabto khataraha amniga ee Bariga Afrika.

Guutada Danab ee Soomaaliya, oo ah cutub si gaar ah u tababaran oo Maraykanku gacan ka siiyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ayaa si dhow ula shaqaynaysa Guutada 173-aad ee Birmadka, oo ah ciidan si degdeg ah loogu diri karo dagaalka, laguna saldhigey Vicenza, Talyaaniga.

Tababarku waxaa ujeeddadiisu tahay xoojinta hoggaaminta, isku-dubaridka hawlgallada, iyo horumarinta xirfadaha dagaalka si ay Danab ugu diyaar garoobaan hawlgallada halista sare leh.

Dhoolatuskan waxa uu siinayaa ciidamada Soomaaliya fursad muhiim ah oo ay ku horumariyaan awooddooda weerarada saxda ah iyo xeeladaha la dagaallanka kooxaha xagjirka ah.

“Waxaan halkan u imid inaan dalkayga u adeego oo aan dadkayga caawiyo,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Mubaarak Cabdi Maxamed, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga ee dadaallada amniga Soomaaliya.

Sidoo kale, Sarreeye Guuto Xuseen Daahir Maxamed ayaa ka hadlay baahida degdegga ah ee ay u qabaan tababarkan. “Al-Shabaab waa argagixiso. Ma oga walaaltinimo, mar kasta waxay beegsadaan shacab aan waxba galabsan. Argagixisadu waxay burburisay dalkeenna. Taasi waa sababta aan halkan u joogo—si aan cadowga dalkayga u jabiyo.”

JA25 waxa uu ka kooban yahay tababaro la xiriira xaaladaha dhabta ah, oo ay ka mid yihiin xeeladaha dagaalka magaalooyinka, hawlgallada iskaashiga ah, iyo ka falcelinta xaaladaha degdegga ah. Wajiga ugu dambeeya waxa uu ku soo gebogeboobay dhoolatus ballaaran oo lagu tijaabinayey sida ay ciidamada Afrika, Yurub, iyo Waqooyiga Ameerika uga falcelin karaan khataraha amniga ee adag.

Ciidanka Maraykanka ayaa sheegay in ka qaybgalka JA25 uu muujinayo sida ay uga go’an tahay xasilloonida gobolka iyo dadaallada la dagaallanka argagixisada ee Afrika. Ka qaybgalka Guutada 173-aad ee Birmadka ayaa xoojinaya taageerada milatari ee Maraykanku siiyo Soomaaliya, taasoo muujinaysa iskaashi muddo dheer soo jiray si loo dhiso amniga mustaqbalka ee dalka.

“Iskaashigayaga la-hawlgalayaasha Soomaaliya ee dhoolatuskan waxa uu ku salaysan yahay dhisidda kalsoonida, hagaajinta isku-dubaridka, iyo diyaarinta khataraha dhabta ah,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Maraykanka oo ka qaybgalaya JA25. “Wadashaqayntani waa mid muhiim ah si loo sugo nabadgelyada gobolka.”


XUKUNKA ninkii isku dayey inuu dilo Salman Rushdie

0

New York (Caasimada Online) – Maxkamad Maraykan ah ayaa Jimcihii dembi ku heshay nin Maraykan-Lubnaani ah oo isku dayay inuu dilo qoraaga caanka ah Salman Rushdie, kadib markii uu weeraray masraxa munaasabad suugaaneed oo uu dhowr jeer mindi la dhacay qoraaga buugga “The Satanic Verses.”

Hadi Matar, oo lagu helay dembiyo la xiriira isku day dil iyo weerar, waxa uu wajahayaa xukun gaaraya ilaa 25 sano oo xarig ah, waxaana lagu xukumi doonaa bisha April.

Qareennada Matar ayaa isku dayay in ay maxkamadda ka hor istaagaan markhaatiyaasha in ay Rushdie ku sifeeyaan dhibbane la silciyay, iyagoo tixraacaya fatwadii Iran ee 1989-kii, taasoo ku baaqaysay in la dilo, sababo la xiriira eedeymo ku saabsan gaf diimeed oo ku jiray buuggiisa “The Satanic Verses.”

Rushdie waxa uu maxkamadda uga warramay sidii uu Matar ugu weeraray “mindi, oo uu ku jeex-jeexay” intii uu ku sugnaa munaasabad ka dhacday xarun dhaqameed oo ku taalla miyiga gobolka New York.

“Wuxuu ahaa weerar mindi oo isha la iga dhuftay, xanuun daran ayaan dareemay, kadibna waxaan qayliyay xanuunka darteed,” ayuu yiri Rushdie, isagoo xusay in uu ku dhex jiifay “dhiig”

Wuxuu intaas ku daray in uu dareemay “inuu dhimanayo,” kahor inta aan helikobtar loola cararin isbitaal lagu dabiibay dhaawacyadiisa halista ah.

Garsooreyaasha ayaa dhegaystay doodaha xeer-ilaalinta iyo qareennada difaaca kahor inta aysan gaarin go’aankooda Jimcihii, iyagoo xukunka gaaray wax ka yar laba saacadood gudaheed.

Maxkamaddu waxay Matar ku heshay dembi ah in uu mindi lix inch ah ku dhuftay Rushdie ilaa toban jeer, taasoo markhaatiyaasha iyo maxkamadda la tusay.

Intii ay dacwadu socotay, Matar waxa uu dhowr jeer ku dhawaaqay hadallo taageero u ah Falastiiniyiinta.

– Xorriyadda xadalka vs. gaf diimeed –

Matar, oo ka soo jeeda gobolka New Jersey, ayaa horey u sheegay in uu kaliya akhriyey laba bog oo ka mid ah “The Satanic Verses,” balse uu aaminsanaa in qoraagu “weeraray Islaamka.”

Buugga Rushdie oo la daabacay 1988-kii waxa uu noqday xuddunta dood adag oo u dhaxeysay kuwa taageersan xorriyadda hadalka iyo kuwa aaminsan in wax xad-gudub ku ah diinta, gaar ahaan Islaamka, aan la oggolaan karin.

Buugga dartiis, dukaamada buugaagta iyo buugaag badan ayaa la gubay, tarjumaankiisii Japan waa la dilay, halka daabacihii Norway la toogtay dhowr jeer.

Rushdie waxa uu muddo 10 sano ah ku noolaa nolol qarsoodi ah London kaddib fatwadii 1989-kii, balse 20-kii sano ee u dambeeyay – ilaa weerarka – wuxuu si caadi ah ugu noolaa New York.

Sannadkii hore, waxa uu daabacay buug xusuus-qor ah oo la yiraahdo “Knife,” kaas oo uu ku faahfaahiyay weerarkii lagu qaaday iyo waaya-aragnimadiisii dhimashada u dhowaa.

Rushdie waxa uu maxkamadda uga warramay in dareemaha ishiisa midig ay go’een, taasoo keentay in dhakhaatiirtu “go’aansadaan in isha la xiro si ay qoyaan. Waa qalliin xanuun badan – mana kula talinayo qofna.”

Markii la weydiiyay heerka xanuunka uu dareemay xilliga weerarka, wuxuu ku jawaabay: “10 ka mid ah 10.”

Dhuuntiisa waa la jeexay, beerkiisa iyo xiidmaha yaryarna waa la dhaawacay, halka dareemayaashiisa gacanta ay dhaawac daran gaareen taasoo sababtay in mid ka mid ah gacmihiisa ay naafowdo.

“Erayadii ugu horreeyay ee aan iri markii aan hadli karay waxay ahaayeen: ‘Waan hadli karaa,’” ayuu yiri, iyadoo garsooreyaasha qaar ay si hoose u qosleen.

Rushdie, oo 77 jir ah, oo haysta dhalashada Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaa badbaadiyay dad goobta joogay.

Shaqaale ka tirsan xarunta lagu qabtay xafladda, Jordan Steves, ayaa maxkamadda ka sheegay in uu isagu “garabkiisa midig la helay xooggiisa oo dhan,” si uu uga caawiyo kuwa kale qabashada eedeysanaha.

Markii la weydiiyay inuu tilmaamo qofkii weerarka geystay, wuxuu farta ku fiiqay Matar, oo fadhiyay maxkamadda dhexdeeda.

Ururka Xizbullah ee Lubnaan, oo ay taageerto Iran, ayaa taageeray fatwada lagu dilayo Rushdie, sida ay sheegtay FBI-da Maraykanka.

Matar waxa uu wajahaya dacwad kale oo la xiriirta dembiyo argagixiso, taasoo laga furay maxkamad federaal ah oo Maraykanka ah.

Dowladda Iran waxay beenisay in ay xiriir la leedahay weerarka, iyadoo sheegtay in Rushdie uu isagu mas’uul ka ahaa wixii dhacay.

DF oo shaacisay magacyada horjoogayaasha Al-Shabaab looga laayay SH/DHEXE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa lagu faahfaahiyay dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu soo bandhigay khasaaraha gaaray maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliska ayaa shaaciyay liiska iyo magacyada horjoogayaal sare oo kooxda looga dilay dagaalladii ugu dambeeyay ee ay la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Ilaa 5 horjooge oo muhiim u ahaa kooxda ayaa lagu dilay howlgalladan, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka oo lagu soo bandhigay magacyadooda iyo xilalkooda.

Horjoogayaasha la dilay waxaa kamid ah:

  1. Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisow (Xasan Gurey) oo sidoo kale magaciisa afgarashada uu ahaa (Bagaax), kaas oo Khawaarijta u qaabilsanaa jabhadda gurmadka dhexe iyo Jaysh Aqsaa, kuwaas oo ka howlgala gobollada Galgaduud, Mudug, iyo Shabeellaha Dhexe. Wuxuu ku dhintay dagaalkii ka dhacay Ceel Cali Axmed.
  2. Horjooge Daahir Buuxsade ayaa isna la dilay. Wuxuu ahaa Amiir Katiibo ama taliye urur, wuxuuna ku baxay gacanta Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.
  3. Horjooge Anas ayaa sidoo kale la khaariyay, wuxuuna ahaa madaxii gaadiidka guud ee Al-Shabaab.
  4. Khaalid Jiis ayaa isna lagu dilay dagaalladii ka dhacay Shabeellaha Dhexe, wuxuuna Shabaab u qaabilsanaa Amiir Katiibo ama waxa ay kooxda ugu yeerto taliye urur.
  5. Horjooge Casaam, oo ahaa Amiir Sariiyo ama taliye horin, iyo horjoogayaal kale ayaa lagu laayay dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan deegaannadii lagu dagaalamay, oo ay ugu dambeysay Biyo-Cadde, ayaa haatan dib ula wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Waqtiga kala baxa – Guuxa mooshinka iyo labada awood ee Xasan Sheekh taageersan

0

Maanta waxaa la filayaa in la furo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo markii hore loo qorsheeyay inuu furmo 6-dii bishan. Hase yeeshee, dib u dhac ayaa ku yimid, iyadoo aan la isugu imaan xilligii hore loo qorsheeyay.

Kalfadhigan lixaad waxaa hareeyay kala aragti duwanaan baahsan, taasoo sababtay in dib loo dhigo furitaankiisa. Furitaanka Baarlamaanka oo ah arrin dastuuri ah, ayaa dib u dhacay iyadoon sabab rasmi ah loo sheegin, mana jirin wax war ah oo kasoo baxay Guddoonka labada Aqal ilaa xildhibaanno kusii qulqulaya Muqdisho ay cadaadis xooggan saareen. Xildhibaannadaasi ayaa shirar ku yeeshay hoyga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Si ka duwan furitaannadii hore, furitaanka kalfadhigan oo la filayo in uu maanta qabsoomo, waxa uu sababay hadal hayn badan. Madaxda Dowladda Federaalka, siyaasiyiinta mucaaridka, Dowlad Goboleedyada, iyo saamilayda siyaasadda ayaa si weyn u danaynaya, waxaana jira sababo dhowr ah oo keenaya in si gaar ah loola socdo.

Guuxa mooshinka

Tan iyo markii la xiray kalfadhigii shanaad ee Baarlamaanka bishii Diseembar ee sanadkii hore, waxaa soo baxayay guux mooshin lagu ridayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda. Mooshinka ayaa ka soo bilowday magaalada Kismaayo, waxaana uu salka ku hayaa khilaafkii ka dhex qarxay Dowladda Federaalka iyo Jubaland kaddib doorashadii Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Qaabka uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre u wajahay doorashada Jubaland ayaa keenay in xildhibaannada ku haybta ah ay u janjeeraan dhinaca Axmed Madoobe, iyagoo diidmo ficil ah kaga jawaabay hoggaaminta Xamsa, taasoo keentay in mooshin laga keeno.

Tani waa markii ugu horreysay ee beesha uu ka dhashay Ra’iisul Wasaaraha ay iyagu hoggaanka u qabtaan mooshin lagu ridayo xilka. Waa dhacdo ugub ah oo taariikhda Soomaaliya lagu xusi doono.

Xildhibaanno kale oo ballamo siyaasadeed looga baxay, kuwa xilka waayay, kuwa aan saami ka helin dhulalka la xaraashayo ee Muqdisho, siyaasiyiin fursad raadis ah, iyo xil sugayaal idman ayaa ku biiray ololaha xil-ka-tuurista Wasiirka Koowaad. Mooshinku waa dhab, waxaana saxiixay in ka badan 90 xildhibaan, tiraduna waa sii kordheysaa. Taasi waa sababta ugu weyn ee kalfadhigan dib loogu dhigay.

Jihada doorashada dowlad goboleedyada

Dowlad Goboleedyadu mar hore ayay dhaafeen muddadii xil-hayntooda, sharciyadoodana loogama doodayo Baarlamaanka. Hase yeeshee, waxaa jira arrin gaar ah oo jihada doorashada Dowlad Goboleedyada qeexaysa—waa mowqifka Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo isku dhinac ah.

Labadan mas’uul waxa ay doonayaan in qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh uu hirgalo, mooshinkana aan la horgeyn Baarlamaanka, si looga dhabeeyo doorasho qof iyo cod ah. Si taas loo suurogeliyo, waa in meesha laga saaro xulufada Xasan Sheekh ee ku jira Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Islaamka Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirka Difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Laftagareen ayaa dulqaadkii muddo kordhinta uu ku fadhiyay gabaabsi ku dhow, waxaana suuragal ah in uu doorasho galo haddii ballamihiisa la fulin waayo. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ma doonayo in uu lumiyo saaxiibadiisa muhiimka ah ee xukuumadda, balse wuxuu ka baqayaa khilaaf cusub oo la dhax dhiga Madoobe iyo Laftagareen. Go’aanka uu qaato Madaxweyne Xasan waxa uu si cad u qeexi doonaa jihada ay qaadan doonto doorashada Dowlad Goboleedyada.

Haddii Axmed Madoobe uu go’aansado in uu qabto mooshinka, waxay taasi fure u noqon doontaa in Laftagareen iskiis doorasho u aado, taasoo keeni karta isbeddel siyaasadeed oo cusub.

Waqtiga kala baxa

Mooshinka ridista Xukuumadda waxa uu wajahayaa caqabad xagga waqtiga ah, maadaama jadwalka kalfadhiga si xadidan loo habeeyay. Laba toddobaad oo shaqo Baarlamaan ah kuma filna dhaqaajinta mooshinka. Waxaa si ula kac ah dib loogu riixay, marka sharciyadda la eego, balse waxaa weli taagan khatarta uu leeyahay.

Madaxtooyadu dadaal badan ayay ku bixisay kahortagga mooshinka, balse waxaa muuqata in dadaalkaas gaabis galay. Tusaale ahaan, cashadii uu xalay Madaxweyne Xasan Sheekh u qabtay xildhibaannada Beesha Hawiye waxa aqbalay oo kasoo xaadiray kaliya 12 xildhibaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ugu weyn ee la isha ku hayo waa Guddoonka Baarlamaanka. Waxaa la ogyahay in Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu awood u leeyahay in uu hal maalin gudaheed mooshin qabto, cod geliyo, natiijadana kasoo saaro, sida dhacday markii hore xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.

Siyaasadda Soomaaliya waxay ku socotaa xawaare sare, waxaana toddobaadkan hortegaya bisha Ramadaan la filayaa in Muqdisho ay marti geliso jawi cusub oo siyaasadeed.

Xigasho: Somalistream.com

Mareykanka oo duqeyn culus xalay ka fuliyay Puntland

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn culus oo uu xalay mar kale Mareykanka ka fuliyay aagga buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish.

Weerarka oo ahaa bartilmaameed ayaa waxaa lala beegsaday xubno ka tirsan Khawaarijta Daacish, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Puntland.

“Caawa abaare 09:00 habeenimo, saaxiibada Dowladda Puntland ee USA waxay duqeyn ka fuliyeen buuraleyda Calmiskaad, iyagoo bartilmaameedsaday xubno ka mid ah argagixisada Daacish,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Puntland.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeynta lagu garaacay talis weyn oo Daacish ku lahayd Gaatir-Oodan, oo dhacda Togga Jeceel ee buuraha Calmiskaad, halkaasi oo difaacyo adag uga jiraan maleeshiyaadka kooxda.

Puntland waxa kale oo ay sheegtay in ay dib ka faahfaahin doonto khasaaraha gaaray argagixisada, isla markaana ay weli wadaan uruurinta macluumaadka duqeyntaasi.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waaweyn ee ka qayb-qaadanaya dagaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish, si looga saaro dhulka buuraleyda ah ee Bari.

Waxaa sidoo kale dagaalkan ku jira Imaaraadka Carabta, oo isna duqeymo ku taageeraya ciidamada Puntland ee sii koraya buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Daacish.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhowaan albaabada u furay cid walba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Wararkii ugu dambeeyay ee furitaanka baarlamaanka iyo guuxa mooshinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu maanta daah-furo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama ay fasax ku maqnaayeen labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Khudbad xasaasi ah ayaa madaxweynuhu ka jeedin doona xarunta Baarlamaanka, isaga oo ka hadli doona arrimaha siyaasadda, amniga, doorashooyinka, dagaalka Al-Shabaab, iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee furitaanka Baarlamaanka ayaa haatan ka socota xarunta Villa Hargeysa, waxaana kusii qulqulaya xildhibaannada labada gole.

Habdhowraha Golaha Shacabka, Maxamed Xasan Nuux, oo ka hadlay furitaanka kulamadooda, ayaa sheegay in kalfadhigan uu ka duwanaan doono kuwii hore, isla markaana lagu dhammeystiri doono wax-ka-beddelka Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

“Waxaan fileynaa in kalfadhigan 6-aad uu noqdo mid ka duwan kuwii hore, waxaana lagu dhammeystirayaa qaybaha kale ee habraaca Dastuurka.” ayuu yiri Habdhowraha Golaha Shacabka.

Sidoo kale, wuxuu intaasi kusii daray inay jiraan xeerar kale oo muhiim ah oo kasoo gudbay xukuumadda, kuwaas oo ay go’aan ka gaari doonaan xubnaha Baarlamaanka.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay wararka sheegaya inuu socdo qorshaha mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha, oo la sheegay inay wadaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.

Habdhowraha ayaa xaqiijiyay in illaa hadda aanu golaha soo gaarin wax mooshin ah oo xilka-qaadis ah, wararkaasina ay yihiin kuwa ku kooban warbaahinta oo kaliya.

“Mooshin soo gaaray guddoonka ma jiro, laakiin waa wax ka socda warbaahinta. Xildhibaan walba mar kasta xaq ayuu u leeyahay inuu mooshin keeno, laakiin illaa iyo hadda wax aan ka warheyno ma jiro.” ayuu yiri Habdhowraha.

Furitaanka Baarlamaanka ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah, isla markaana ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay doorashooyinka dalka, oo ay weli isku hayaan Villa Soomaaliya, qaar kamid ah madaxda maamul-goboleedyada, iyo xubnaha mucaaradka.

Somali president in last-minute talks as no-confidence looms

0

Mogadishu, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has launched a series of high-level meetings with lawmakers to ease political tensions ahead of the opening of Parliament’s sixth session.

The talks come amid growing speculation over a no-confidence motion against his administration, which has gained traction recently.

For the past two days, President Mohamud has held back-to-back consultations with legislators from both houses of Parliament, urging cooperation and stability as the new session begins.

These meetings, held in small groups, have focused on three key issues: counterterrorism efforts, maintaining unity within Parliament, and defusing tensions surrounding the impending no-confidence motion.

During discussions with lawmakers from his Hawiye clan, the President emphasized their crucial role in maintaining legislative order. He reportedly told them, “A Parliament without your leadership cannot function; assume your responsibilities.”

He also urged them to work toward resolving grievances raised by legislators from other clans to ensure a smooth political process.

Mohamud also met with representatives from other clans, stressing the importance of a stable and functioning Parliament. He reassured them that the government remains open to dialogue and negotiations.

However, sources familiar with the discussions noted that the President appeared acutely aware of the mounting pressures against him, particularly regarding the no-confidence motion, which is expected to be formally introduced in the coming weeks.

Tensions and political uncertainty

The no-confidence motion has been in preparation for several weeks, with opposition lawmakers working behind the scenes to secure enough votes to challenge the President’s administration.

The motion has reportedly gained support from multiple factions, including members representing regional states with growing tensions with the central government.

Some reports suggest that lawmakers opposed to the government plan disruptive actions during the opening session, including attempts to delay or derail proceedings.

President Mohamud repeatedly urged lawmakers to ensure a peaceful and structured start to the session, warning that political instability could undermine national governance and economic recovery efforts.

Political analysts note that this no-confidence motion could present a serious challenge to the government, particularly given Somalia’s history of parliamentary disputes leading to leadership changes.

Power struggles in Somalia

Somalia has long grappled with tensions between the executive branch and Parliament, leading to repeated political crises.

In July 2020, then-Prime Minister Hassan Ali Khaire was ousted in a no-confidence vote after lawmakers criticized his government’s handling of the electoral process and security reforms.

Similarly, in December 2013, Prime Minister Abdi Farah Shirdon was removed from office following a parliamentary vote of no confidence after disagreements with then-President Hassan Sheikh Mohamud.

These incidents underscore the volatile nature of Somali politics, where shifting alliances and political maneuvering often determine the survival of government leaders.

The current no-confidence motion could follow a similar trajectory, mainly if opposition lawmakers mobilize sufficient support within Parliament. President Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre have been engaged in urgent crisis talks to counteract the no-confidence motion.

As part of their strategy, they have dismissed several key ministers from regional states, including Southwest, Jubaland, and Puntland, accusing them of failing to prevent lawmakers from their regions from backing the motion.

Additionally, there have been allegations that parliamentary leaders are deliberately stalling the session’s reopening to delay any formal introduction of the motion.

The sixth parliamentary session, initially scheduled to resume on February 6, has faced multiple postponements due to mounting political discord. Observers note that these delays have only fueled speculation that government officials are seeking to buy time to consolidate support.

The opposition, however, remains determined to push forward with the motion, arguing that the government has failed to deliver on key policy promises and has mishandled several national security challenges.

The unfolding political crisis comes at a time when Somalia is grappling with numerous security and economic challenges. The government is currently engaged in an ongoing counterterrorism campaign against Al-Shabaab, which continues to pose a significant threat to national stability.

Political instability in the capital could further complicate these efforts, weakening the government’s ability to implement security measures effectively.

Furthermore, Somalia’s upcoming electoral process remains a contentious issue, with opposition groups accusing the government of failing to implement necessary reforms.

A prolonged political standoff could delay key decisions regarding electoral preparations, potentially exacerbating tensions before the next national elections.

Xog: Xasan oo beel beel ula kulmay xildhibaanada, kalana hadlay 2 arrin oo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku jira kulamo is dabajoog ah oo xildhibaanada labada Aqal ee BFS uu la yeelanayo, isagoo xalay, maanta ilaa caawa beel beel u qaabilaya xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa berri furaya oo khudbad dastuuri ah ka jeedi doona furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna kulanka berri ka hor qeyb qeyb ula dardaarmay Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa saddex qodob kala hadlay xildhibaanada kadib markii uu beel beel ula kulmay.

Xildhibaannada beesha uu isagu matalo ayuu xalay Madaxweynuhu kala hadlay dagaalka argagixisada in lagala shaqeeyo, sidoo kalena ay dajiyan buuqa Baarlamaanka ee salka ku haya mooshinka.

Xasan Sheekh ayaa xildhibaanada Hawiye ku yiri, “Baarlamaan aaddan adigu hormuud u aheyn ma kici karo ee kaalintiina qaata.”

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale xildhibaannada beeshiisa ka codsaday in xildhibaanada beelaha kale ee tabashada qaba xalkooda ay kala shaqeeyaan.

Xildhibaannada beellaha kale wuxuu madaxweynuhu kala hadlay kacsanaanta Baarlamaanka, sida ay muhiim u tahay xasiloonida Golaha iyo inuu albaabkiisu furanyahay.

Xildhibaanada uu qaabilay Xasan Sheekh ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha laga dheehan karay sida uu u qirsanyahay culeyska Baarlamaanka ee xilligaan oo mooshin adag uu miiska u saaran yahay.

Xildhibaannada kulamadaan tagay ayaa sheegay in madaxweynuhu ku celceliyay muhiimada ay leedahay inuu Baarlamaanku si degan ku furmo berri, kadib markii ay maalmahaan soo bateen wararka sheegaya in xildhibaannada qaar ay qorsheynayan buuq iyo fowdo ka abuuraan kulanka koowaad ee kalfadhigaan furmaya oo Xasan Sheekh uu khudbad ka jeedi doono.

Kulamada uu madaxweynuhu la qaatay xildhibaannada labada Aqal ayaa la aaminsanyahay inay keeni karto in Baarlamaanku berri si degan ku furmo, balse tilaabadan wax badan kama badali doonto mooshinka ka yaalla xukuumadda.

Mooshinkaas oo si weyn loo soo abaabulay todobaadyadii lasoo dhaafay intii uu xiraan kulanka Baarlamaanka ayaa la qorsheeyey in Baarlamaanka la geeyo Ramadaanka kadib.

Dowladda oo war ka soo saartay howlgal Mareykanka uu ka fuliyey Buuloburde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay ku soo bandhigtay khasaarihii Al-Shabaab lagu gaarsiiyey duqeymo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ay fuliyeen ciidamada Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka.

Warka dowladda waxaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, ay fuliyeen howlgalo iyo duqeymo cirka ah oo ka dhan ah kooxda argagixisada Al-Shabaab shalay, 20-kii Febraayo 2025.

“Hawlgalkan iyo duqeymahaasi ayaa lala beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan agagaarka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, waxaana looga hortagay iskuday maleeshiyadu ku abaabulaysay weerar gaadmo ah,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in iyadoo garabsanaysa shacabkeeda ay sii xoojinayso dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee caadeystay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa  dowladda Mareykanka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah  waxaa ka go’an cirirbtirka argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Dowladda ayaa sheegtay in howlgallada socda ay qayb ka yihiin istaraatijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka argagixisada khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka.

Al-Shabaab ayaa shalay weerar balaaran ku qaaday gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana u suurtagashay inay galaan dhowr deegaan, iyadoo deegaanka Cali Axmed si weyn loogu laayey.

Dowladda ayaa shalay sheegtay in dagaaladii dhacay Al-Shabaab looga dilay in ka badan 130 dagaalame, iyadoo maanta lasoo bandhigay meydad tira beel ah oo daadsan daafaha deegaanka Cali Axmed, halkaas oo ciidamada deegaanka ay si adag uga dagaalameen.

Wareysi: Puntland oo si adag uga jawaabtay hadaladii Fiqi iyo Xasan Sheekh

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka hadlay war dhowaan ka soo yeeray dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegtay in Puntland ay diiday in ay dowladdu ka caawiso dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish ee ka dagaallameysa buuraha Gobolka Bari.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo shalay wareysi siiyay VOA, ayaa sheegay in Puntland aysan dowladda ka aqbalin caawinaadda dagaalka ay kula jirto Daacish.

“Ololaha hadda socdda ee ka dhanka ah Daacish dowladdu waxay dhahday Saciid Deni gacan aan kuu fidino, dhaawacyada aan soo qaadno oo saanadda aan ku siino, laakiin Siciid Deni wuu diidan yahay, dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay iney hesho meel ay kasoo gasho, xoog kuma soo gali kartee, waan aragna wasiiro ka tirsan maamulkaas oo markey meel yar qabsadaan dowldda ku eedeyo waxan meesha oolin, waxaan u baahanay in la helo rabitaanka maamulka halkaas ka jira” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Hadalkaas waxaa ka jawaabay Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo isna la hadlay VOA, wuxuuna sheegay in dowladda federaalka ay ka aqbalayaan kaalmo walba oo dhab ka ah, balse hadda ay hayaan hadal kaliya.

“Soomaalidu waxay tiraahdaa meel hoo u baahan, hadal waxba kama taro, Puntland waxay isku dhigtay khatar caalami ah oo Geeska Afrika ku soo korortay, mana jirto wax kaalmo ah oo Dowladda Federaalka aan ka helnay,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Wasiir Dirir ayaa sidoo kale sheegay in dowladda federaalka ay ku soo aruurtay hadal oo kaliya, “waxay mar kasta soo qoraan waa nala ogeysiiyey in Daacish la duqey doono,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wuxuu sheegay Mareykanka iyo Imaaraadka ay Puntland ay ka taageeraan howlgalkaan, kuwaas oo meelaha qaar duqeymo ka geysta, dhaawacyadana la fududeeya in caafimaad loo helo.

“Waxaan ka xunahay Madaxweyne Xasan Sheekh hal mar ayuu ka hadlay dagaalka Puntland ay kula jirto cadowgaan caalamiga ah, halkii marna wuxuu yiri ‘Buuraha la sheegsheego’ ma aheyn in sidaas uu dhaho waa tiiq tiiqsi warkiisu,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka u hadlay Puntland.

Waxaa la qeydiiyey in Puntland ay qaadaneyso hadii dowladda federaalka ay kaalmo siiso, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin in kaalmadaas ay qaataan, waxna ugu taraan dadka reer Puntland ee dagaalka kula jira Khawaarijta Daacish.

“Wasiirka waxaa laga rabay in uu soo bandhigo waxyaabaha dowladda federaalka ay siineyso Puntland, mashaariic ay naga xayireen ayaa fasax uga baahan hadii ay wax noo ogolyihiin, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlaya waan maqleynay, laakiin wax ay sheegeen in Puntland ay tarayaan ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Dirir.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Jeel Ogaadeen: Xabsigii ay tacaddiyadii argagaxa lahaa ka dhaceen oo loo beddelayo…

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Waxaa socda qorshe Jeel Ogaadeen loogu beddelayo goob lagu xasuusto tacadiyadii iyo dhibaatooyinkii muddada dheer loogu gaysanayay bulshada, sida ay sheegtay dowlad deegaanka Soomaalida.

Qorshahan oo haatan waddo dowlad deegaanka Soomaalida ayaa Jeelkan oo ka dhaceen tacadiyo argagax lahaa ayaa waxaa loogu beddelaya “goob xasuus reeb”, taas oo soo jeedinteeda lahaayeen shacabka deegaanka oo qaarkood halkaasi loogu geystay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

“Jeel Ogaadeen waxaa la isku raacay in laga dhigo xusuus reeb (Memorial Centre) oo lagu xusuusto jeel aad u weynaa oo dad aad u tiro badan xuquul insaankooda lagu bahdilay, lagu rafaadiyay oo dad badan baa ku dhintay, caruur badan baa ku dhimatay,” ayey tiri Fowsiya Cabdikariin Cabdulqaadir oo ah guddoomiye ku-xigeenka baarista tacdiyada ka dhacay DDS, dib-u-heshiisinta iyo xaal-marinta dhibanayaasha.

Waxay intaas sii raacisay “Markaa waxaan rabnaa in dadkii ku dhintay lagu xusuusto oo loogu duceeyo, inta noolna ay ka helaan booga dhay oo loo qirto dhibkii ku dhacay.”

Fowsiya ayaa sheegtay in go’aankaas uu dowladda deegaanka ka yimid ka dib markii ay shacabka ka codsadeen, “Go’aanka dowladda deegaanka ayuu ka yimid shacabka ayaana codsaday waayo waa astaan aad dadka xanuun badan ugu leh.”

Isbeddelkii dowlad deegaanka ka dhacay 2018-kii oo banaanka usoo saaray tacaddiyadii ka dhici jiray Jeel Ogaadeen, ayaa noqday mid kamid ah xasuusaha argagax leh ee bulshada deegaanka ah la nooshahay.

Jeelkan ayaa wuxuu ku yaallaa magalada Jigjiga, wuxuuna ku fadhiyaa dhul weyn waxaana ku wareegsan darbi aad u dheer oo salig lagu wareejiyey.

Somalia denies blocking ex-PM Roble’s diplomatic passport

0

MOGADISHU, Somalia – The Somali government has denied allegations that it obstructed former Prime Minister Mohamed Hussein Roble from obtaining diplomatic passport clearance for travel to South Africa amid growing political tensions.

Speaking to VOA Somali, Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi refuted claims that the Ministry of Foreign Affairs blocked Roble’s travel request. He asserted that the ministry had formally responded to Roble’s request on February 1 and played no role in preventing his diplomatic clearance.

“We have the letter we wrote to him and his delegation on February 1, and we do not know where his request was rejected. We only heard about it on social media,” Fiqi stated.

Social media reports suggested that the Somali government, specifically its embassy in Kenya, refused to process Roble’s request for diplomatic travel privileges.

The incident has fueled speculation about internal political maneuvering and a potential rift between the former prime minister and President Hassan Sheikh Mohamud’s administration.

Despite the controversy, Roble departed for South Africa on Thursday using his Swedish passport, which he holds as a naturalized citizen.

He traveled alongside a delegation of former Somali officials, including ex-Minister of Education Abdullahi Arab, former State Minister for Planning Gaani, and former Banadir regional secretary-general Xiireey, who reportedly used their European passports.

Somalia’s power struggles

Roble served as prime minister from 2020 to 2022 and was crucial in stabilizing Somalia during the contentious 2022 elections. His tenure was marred by intense power struggles with then-President Mohamed Abdullahi Farmaajo, particularly managing elections and security affairs.

One of the most significant confrontations occurred in late 2021 when Farmaajo attempted to suspend Roble over corruption-related land dispute allegations.

Roble, in turn, accused Farmaajo of trying to stage a coup and consolidate power. The standoff led to months of political uncertainty, with Somali security forces aligning themselves along factional lines in Mogadishu.

Roble was also instrumental in facilitating the eventual transition of power to the current administration. His role in pushing the election process was widely seen as a counterbalance to Farmaajo’s attempts to extend his presidency beyond his mandate.

The ongoing speculation about the diplomatic passport issue echoes past incidents where Somali politicians have used bureaucratic processes to sideline rivals. In 2017, former President Hassan Sheikh Mohamud’s administration faced criticism for allegedly delaying the issuance of travel documents to opposition figures.

Similarly, in 2011, political disputes between then-President Sharif Sheikh Ahmed and Speaker of Parliament Sharif Hassan Sheikh Aden resulted in administrative roadblocks for officials aligned with different factions.

Diplomatic passport regulations

Diplomatic passports in Somalia are typically granted to officials traveling abroad on state business, providing them with certain privileges and immunities.

Clearance involves a formal request to the Ministry of Foreign Affairs, which then liaises with embassies and host nations. Denial of such privileges can be perceived as a political slight, especially when high-profile figures are involved.

While Minister Fiqi denied any government interference, the absence of a direct statement from Roble himself has further fueled speculation.

His visit to South Africa comes at the invitation of the Somali diaspora community, where he is expected to engage in discussions on Somalia’s political landscape, including ongoing disputes over electoral reforms and constitutional changes.

The incident has ignited debate on social media, with opposition figures accusing the government of using bureaucratic measures to marginalize political rivals.

Supporters of President Mohamud, however, argue that Roble’s travel arrangements do not indicate political targeting, as he successfully traveled using his second passport.