26.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Farmaajo oo ka hadlay dagaallada dalka ka socda iyo falkii lagu laayey Ciidanka Qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa baaq ka soo saaray colaadaha ka jira dalka, isagoo farriin u diray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Farmaajo ayaa qoraalkaan ku sheegay inuu aad uga murugooday askartii ciidanka xoogga dalka ee aanada qabiil loogu dilay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo:

Dadka Soomaaliyeed ee ehelka iyo xigtada isu ah ee sida xaq darrada ah ugu dagaallamaya deegaanno badan oo ka mid ah dhulkeenna, waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan colaaddaha macno darrada ah ee aan lahayn guul, geeri mooyee.

Hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda heer Maamul waxaan xasuusinaynaa qiimaha ay leedahay in ay ku shaqeeyaan Soomaalinimo iyo midnimo, maadaama oo ay tusaale u yihiin shacabka, taas oo yaraynaysa dareenka qabyaaladda, eexda iyo colaadaha sokeeye.

Si gaar ah, waxaan uga muragaysannahay saraakiisha iyo ciidanka Soomaaliyeed ee difaacayey dalkooda ee aanada qabiil loogu laayey Hirshabeelle, arrinkaas oo khatar wayn ku ah jiritaanka Ciidamada Qalabka Sida oo aan lahayn hayb iyo qabiil ka hooseeya Soomaalinimo.

Culimada, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta deegaannada colaaduhu ay ka jiraan, si dadka walaalaha ah ay nabad ugu wada noolaadaan.

Alle waxaan ka baryayaa in uu dalka iyo dadkeenna ku mannaysto nabad iyo barwaaqo.

Wabillaahi Tawfiiq.

Laftagareen oo isbeddal sameeyay kadib talaabo uu qaaday maanta

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta sameeyay isbeddal maamul, kadib tallaabo culus oo uu qaaday.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa xilalkii looga qaaday guddoomiyeyaashii gobollada Baay iyo Shabeelaha Hoose, iyada oo la magacaabay kuwa cusub.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Baay ayaa waxaa loo magacaabay Cali Wardheere Dooyow, halka Shabeelaha Hoose, mar kale lagu soo celiyay Ibraahim Aadan Najax.

Najax ayaa markiisii afaraad noqonayo guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, sidoo kale gudoomiyaha cusub ee gobolka Baay ayaa isna xilkaas horay usoo qabtay.

Wareegtada ayaa lagu faray guddoomiyeyaasha cusub inay xilalkooda la wareegaan, kadibna ay dardargeliyaan mas’uuliyadda culus iyo waajibaadka loo igmaday.

Dhinaca kale, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Xafiiska Madaxtooyada ku qaabilay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Kaniif Abdulaahi Mohamed oo maanta gaaray Baydhabo.

Kulanka waxaa ku wehlinayay madaxweynaha  Wasiirka Amniga, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay iyo Taliyaha Ilaalada Gaarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyada oo lagu lafa guray Arimaha Ciidanka iyo horumarka laga gaaray amniga magaalada Baydhabo.

Guddoomiyihii Ceel Baraf iyo Odayaal oo diyaarad lagu keenay Muqdisho

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta askartii lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa usoo xir xirtay odayaal, guddoomiyihii Ceel Baraf iyo Haweeney kamid ah dadka degaanka.

Eedeysanayaasha ayaa iyaga oo gacmaha ka xiran diyaarad laga soo saaray deegaanka Ceel Baraf waxaana laga soo dajiyay garoonka magaalada Muqdisho.

Odayaasha lasoo xiray ayaa ah odayaashii metalayay eedeysanayaashii ka dambeeyay falkaas oo goobta ka baxsaday, balse weli la baadi goobayo.

Sidoo kale guddoomiyaha oo xilka laga qaaday saaka ayaa loo haystaa tuhun la xiriira dhacdadaasi, waxaana ku socoto baaris, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle oo shaqada ka fariisiyay.

“Qofka hadii laga shakiyo shaqada dowladda masii wadi karo, guddoomiyaha Ceel Baraf dilkii Askarta ayaa looga shakiyey, ilaa baaris amni uu ka maraayana shaqada waa laga joojiyey” ayuu yiri Wasiir Cabdi Daahir Guure (Karoore).

Wararka ayaa sheegaya in maxkamadda ciidamada ay geli doonto kiiskan oo dhaliyay xasaasiyad wayn, maadaama lagu laayay askar Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dagay Jabuuti + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka dagay dalka Jabuuti, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha uu martiqaad ka helay dhiigiisa dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna joogi doonaa muddo hal cisho ah.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadli doona xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, iyagoo diiradda saari doona iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka, sida lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale inta lagu gudajiro booqashadan halka maalin ah ayaa waxaa sidoo kale la iskula soo qaadi doonaa wadaxaajoodyo la xiriira danaha wadaagga ah ee labada Jamhuuriyadood ee walaalaha ah.

Safarka madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin uu maalmahan waday, waxaana socdaalkiisii ugu dambeeyay uu dhowaan ku tegay waddanka Eritrea.

Ujeedka ugu wayn ee safarkan ayaa daaran xaaladda ay wajaheyso Soomaaliya, sida arrinta Itoobiya iyo sidoo kale beddalka howlgalka ATMIS oo dhacayo sanadka cusub.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed oo gudaha ah iyo mid diblumaasiyadeed oo ka dhalatay heshiiskii badda ee Itoobiya la gashay Somaliland.

Daawo: Nin xaaskiisa ku gowracay Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kadib markii nin hubeysan uu gowracay xaaskiisa.

Ninka eedeysanaha ah ee loo haysto falka ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan, wuxuuna nafta dhaafiyay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Fowsiyo, taas oo ahayd hooyada 5 carruur ah.

Goobjooge la hadlay Telefishinka Universal ayaa ka warbixiyay dhacdadan, wuxuuna sheegay inay salka ku hayso hinaaso darteed, ama maseer uu qaaday ninka

“Xaafaddan waxaa ka dhacday arrin la yaab leh cid gurigan daganeyd odeygeedii baa wuxuu sameeyay islaantiisii buu nafta dhaafiyay, wuuna bireeyay” ayuu yiri goobjoogaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray eedeysanaha gacanta lagu dhigay, isaga oo weli ku sugan guriga uu dilka ka gaystay oo ku yaalla agagaarka xarunta Baambeyda.

“Gabadha maydkeeda waxaa loo qaaday C.I.D, isagiina ma cararin, meelna ma aadin wuxuu sameeyay markii arrinta la ogaaday buu yiri gabadhii maydkeedii qolkan ayuu ku jiraa” ayuu sii raaciyay.

Dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhashay muranada qoyska ayaa indhowaanahan kusoo badanayay magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo qaybo badan oo kamid ah dalka.

HirShabelle oo qaaday tallaabo la xiriirta askartii lagu laayay Ceel Baraf

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dhacdadii foosha xumeyed ee dhowaan ka dhacday deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii lagu dilay 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka, sababo la xiriira aano qabiil darteed.

Wasaaradda arrimaha gudaha HirShabelle oo wargeegto soo saartay ayaa shaqada ka fariisisay guddoomiyihii Ceel Baraf, Yuusuf Xasan Xuurshow oo loo haysto falkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha gudaha HirShabelle Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa sheegay in guddoomiyaha laga shakiyay, isla markaana ay ku socoto baaris la xiriirta dhacdadaasi.

“Qofka hadii laga shakiyo shaqada dowladda masii wadi karo, guddoomiyaha Ceel Baraf dilkii Askarta ayaa looga shakiyey, ilaa baaris amni uu ka maraayana shaqada waa laga joojiyey” ayuu yiri Wasiir Cabdi Daahir Guure (Karoore).

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in guddoomiyaha xabsiga la dhigay, kadib markii ay soo qabteen ciidamo ka tirsan kuwa HirShabelle oo baaris ku haya sida ay wax u dhaceen.

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.

ITOOBIYA oo war culus kasoo saartay go’aanka Somalia ee looga reebay…

0

New York (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay go’aanka Soomaaliya ee ciidanka looga reebay howlgalka cusub ee AUSSOM oo sanadka cusub ka bilaaban doonto gudaha dalka, kaas oo ay meel-mariyeen golaha ammaanka QM.

Wakiil u hadlay Itoobiya aya shaaca ka qaaday in garab istaagi doonaan Soomaaliya, isaga oo qirray in sanadihii lasoo dhaafay isbaddel weyn kusoo kordhay dhanka ammaanka, wuxuuna tilmaamay in doorkeeda ay ka qaadan doonno dhinac istaagga horumarkaas.

Itoobiya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamadeeda muddada dheer ee ay joogeen dalka ay naftooda u hureen nabadda Soomaaliya, welina ay sii wadi doonaan garab istaagooda.

“Itoobiya oo ay wehliyaan Dalalka safka hore waxa ay hormuud ka ahayd taageerrada amniga Soomaaliya, si loo dhiso hay’adaha dowladeed si ay u qaataan mas’uuliyadda, waxa aan bixinay naf hurnimadii ugu qaalisaneyd iyada oo aan taageerro ka heleyno Bulshada Caalamka” ayuu yiri wakiilka u hadlay dowladda Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in horumar wayn la gaaray sanadihii u dambeeyay, kadib guullo laga gaaray dagaalka Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay halis ku yihiin amniga gobolka,

“Wiilashada Itoobiya oo ay garab socdaan saaxiibadood Qaaradda waxa ay si dhab ah uga qayb qaateen xasilinta Soomaaliya, Sanadihii lasoo dhaafay waxa aan aragnay horumar dhiirragelin ka muuqato” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Waxa aan rajeyneynaa in lasii wado horumarkaas iyada oo si wadajir ah loo wada gaarayo loogana wada shaqeynayo, waxa aan aaminsanahay in si daacadnimo ku dheehan tahay in lagu gaari karo hadafka ah la dagaalanka Argagixisada, Itoobiya waxa ay diyaar u tahay doorkeeda uga aaddan howlalka xiga ATMIS”.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa u dhexeyso xurguf xooggan oo ka dhalatay heshisikii badda, inkastoo ay haatan ay labada dal usocdaan wada-hadallo hadanne sidaas oo ay tahay Soomaaliya ayaa ku adkeysatay go’aanka lagu reebay ciidanka Itoobiya.

Cumar Cabdirashiid: Waxaa la jiiray ‘khad cas’ taasi oo dhibaato u horseeday dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo laba jeer dalka ka soo noqdey ra’iisal wasaare, ayaa muddo dheer kaidb ka hadley arrimaha siyaasadda ee dalka kadib markii uu ka aamusnaa 6-dii bilood ee u danbeysey oo ay dalka ka dhaceen isbeddelo waaweyn.

Sharmaarke ayaa qoraal uu soo dhigay barta X, ku tilmaamey isbeddaladii waaweynaa ee dhacaayey sanadkan 2024, sida dastuurka oo la beddelo, dhisidda guddiyo u baahnaa wadatashi, dagaalo lagu qaado dowlad goboleedyada, doorashooyinkii dowlad goboleedyada oo la qaban waayo marka laga reebo Puntland, doorashooyin la boobo, qaar kamid ah madaxdii dowlad goboleedyada oo maxkamad u jarto waaran in la soo xiro, ciidamadii xooga dalka oo Kenya u talaabey kadib markii arrimo siyaasadeed lagu dagaalamay, in ay ahaayeen khadad cas oo la jiiray.

“Waxaa laga talaabsadey khadad badan oo lama taabtaan ah sanadkan 2024, kuwaas oo abuuray xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni oo dalka oo dhan ah. Marna kama adkaan karno fakhriga mana wajihi karno khataraha dibadda ka yimaada haddii aan la helin isku duubni gudaha. Allaah bulshadeena ha ku hanuuniyo xasiloonida & isku duubnida siyaasadeed 2025 & wixii ka dambeeya.”

Qoraalkan oo u muuqda mid uu dib ugu furaayo doodihisi siyaasadeed ayuu ku soo aadiyey dhamaadka sanadkan 2024.

Cumar Cabdirashiid ayaa si joogto ah uga hadli jirey isbeddalada siyaasadeed iyo khataraha dalku wajahayo, waxaana uu bixin jirey talooyin, waxaana hadda muuqata in uu mar kale dib ugu soo laabtey fagaarayaasha siyaasaddsa.

Xogta dagaal culus oo ka dhacay gobolka Mudug

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa dagaal xooggan oo goordhow ka qarxay galbeedka gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga socdo aagga deegaanka Jiicboor, iyada oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu kusii fidayo goobo horleh, isla-markaana ay jiraan khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu salka ku hayo is qab-qabisi ka dhashay dhul oo u dhexeeyo labada beeleed ku wada dagaalamaya halkaais.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka kamid ah, gaar ahaan aagga lagu dagaalamay.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay Mudug ka dhacayeen dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh, oo saameyn ku yeshay dadka deegaanka.

Muxuu SHARIIF ka yiri askartii lagu laayay CEEL BARAF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday deegaanka Ceel Baraf, kadib markii lagu laayay askar Soomaaliyeed oo loo beegsaday aano qabiil darteed.

Ugu horreyn Shariifka ayaa u tacsiyeeyay ehellada askartii lagu laayay halkaasi, wuxuuna tilmaamay falkaas inuu ahaa mid laga naxo oo arxan darro ah.

“Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa dhacdadii Shabeellada Dhexe ee lagu dilay askar Soomaaliyeed waana arrin laga naxo, Waa in la joojiyo falalka nuucaas ah” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu si guud uga hadlay dagaal beeleedyada wajiyada kala duwan leh ee ka socda dalka, isaga oo xusay inay keeneen fashil siyaasadeed oo dalka ka jira,

“Waxaan aad uga xumahay dagaaladda sokeeye ee ka socda qeybo badan oo dalka ka mid ah iyo dhiiga soomaaliyeed ee micno darrada loo daadinayo waxayna dhacdooyinkaasi muujinayaan fashil siyaasadeed iyo rajo beel bulsho.” ayu mar kale yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale ku baaqay in la jooiyo falalka gacan ka hadalka ee uu salka ku hayo qabaailka waxana uu soo jeediyay in laga shaqeeyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Si kastaba, falka lagu dilay dilay askartaas Soomaaliyeed ee ka dhcay Ceel Baraf ayaa dhaliyay hadal heyn xoogan, waxaana haatan socdo baaris ay waddo dowladda dhexe.

Xuutiyiinta Yemen oo weerar culus ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Tel Aviv

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa Jimcihii shalay sheegay inay gantaal ku weerareen garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee Israa’iil, ka dib markii milatariga Israa’iil ay sheegeen in gantaal dhexda laga qabtay.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Xuutiyiinta ay sheegteen ayaa yimid ka dib markii Israa’iil ay Khamiistii duqeymo ka gaysatay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca iyo bartilmaameedyo kale oo ku yaalla goobaha ay mucaaradka ku sugan yihiin ee Yemen.

Bayaan ka soo baxay Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in sidoo kale diyaarado aan duuliye lahayn ay u direen magaalada Tel Aviv iyo markab ku sugan Badda Carabta.

Waxay sheegeen in “gardarrada Israa’iil ay sii kordhin doonto un go’aanka iyo adkeysiga shacabka Yaman ay ku sii wadayaan taageerada ay siinayaan shacabka Falastiin.”

Milateriga Israa’iil ayaa shalay subax sheegay in “hal gantaal oo laga soo tuuray Yemen la qabtay ka hor inta uusan u gudbin dhulka Israa’iil.”

Weli kama aysan hadlin weerarada kale ee ay sheegteen Xuutiyiinta.

Khamiistii, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa weeraray garoonka diyaaradaha ee Sanca halkaas oo madaxa hay’adda caafimaadka adduunka, Tedros Adhanom Ghebreyesus, uu sheegay inuu sugayey duulimaad.

Afar qof ayaa ku dhintay weerarka garoonka, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 20 qof oo safar ahaa iyo shaqaale, sida uu maanta sheegay sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta.

Madaxa WHO ayaa sheegay in mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda uu raaci lahaa uu ka mid yahay dadka dhaawacmay.

Duqeymaha ka dhanka ah waxa ay militariga Israa’iil ugu yeereen “bartilmaameedyo militari” waxaa ku dhintay guud ahaan lix qof, sida ay sheegtay warbaahinta Xuuthiyiinta, waxaana ay ku soo beegmeen maalin kaddib markii fallaagada ay sheegteen weeraro gantaallo iyo kuwa drone in ay ka fuliyeen Israa’iil.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca ayaa dib u howlgalay abaare 10:00 subaxnimo ee Jimcihii, sida uu shir jaraa’id ku sheegay ku-xigeenka wasiirka gaadiidka ee Xuutiyiinta Yahya al-Sayani.

Xog: Go’aanka DF ee askartii lagu dilay Sh/Dhexe iyo Sanbaloolshe iyo Col. Sahal oo tegay Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa wafdi ay hoggaaminayaan Taliyaha NISA Cabdullahi Sanbaloolshe iyo Ciidanka Dhulka Jeneraal Sahal Cabdullahi u dirtay magaalada Jowhar, si ay ula kulmaan Madaxweynaha HirShabeelle oo go’aan looga gaaro soo qabashada raggii shalay askarta ku laayey aagga deegaanka Ceelbaraf.

Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyaha xoogga oo sheegay in falkaan aan looga qanci karin wax aan aheyn in cadaaladda la hor keeno raggii geystay ayaa maanta Jowhar u diray wafdiga ay hoggaaminayaan Taliyaha NISA iyo Taliyaha ciidanka dhulka.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa saakay deegaanka uu falkaasi ka dhacay ee Ceelbaraf u diray ciidan uu hoggaaminayo Taliyaha Booliska Soomaaliya, qeybta deegaanada HirShabeelle Korneyl Xasan Dhicisow, isagoo amray in lasoo qabto dambiilayaasha.

Sidoo kale Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa diray ciidan kale oo ka qeyb qaata howlgalka soo qabashada raggii askarta ku laayey duleedka Ceelbaraf, waxaana go’aan lagu gaaray in cadaaladda la hor keeno dambiilayaasha.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in muddo 48 sacadood ah lagu soo qaban doono dambilayaashii ka dambeeyey dilka askartii ka tirsaneed Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loogu geystay aagga deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa maanta dadaal dheer kadib difaacooda dib loogu celiyey in ka badan 100 askari oo ka gadooday deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaas oo ka carooday falkii arxan darrada ahaa ee lagu laayey raggii ay iskala tirsanaayeen ciidanka xoogga dalka.

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.

QM oo ansixisay howlgalka cusub ee Soomaaliya oo laga reebay ciidamada Itoobiya

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa goordhaw fadhi gaar ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, waxayna ansixiyeen qaraar wax looga bedelayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo markii hore ahaa ATMIS, hadana laga dhigay AUSSOM.

Ciidamada Itoobiya ayaa si buuxda looga reebay howlgalka cusub ee loo ansixiyey Soomaaliya, howlgalka ATMIS oo ciidamada Itoobiya ay qeyb ka yihiin ayaa ku eg 31-ka bishan December 2024, waxaana bilowga sanadka cusub Soomaaliya ka bilaabanaya howlgal aysan qeyb ka aheyn ciidamada Itoobiya.

Qaraarka uu maanta ansixiyey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa meesha ka saaraya warar baraha bulshada lagu faafiyey maalmihii lasoo dhaafay, kuwaas oo sheegayey in dowladda Soomaaliya ay cadaadis dheer kadib ogolaatay in ciidanka Itoobiya aan laga reebin howlgalka cusub.

Qaraar qabyo ah oo ay diyaarisay dowladda Ingiriiska ayaa lagu taageeray go’aanka Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika, kaas oo lagu badalayo howlgalka ATMIS, howlgal cusub ayaa loogu magac-daray ‘Howgalka Teegerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika’ (AUSSOM).

Qaraarkaan ayaa waxa uu sheegayaa in loo ogolaanayo in wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika ay daabulaan 12,626 askari oo labisan kuwaas oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah oo ka mid noqonaya howgalka AUSSOM.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya howgalka ATMIS ayaa dhameeyay qorshihii uu shaqada ugu wareejin lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM.

Ciidamada ka qaybta ah howlgalka cusub ayaa laga kala keenayaa wadamo badan oo Afrikaan ah, qorshaha howlgalka cusub ayaa la filayaa in uu soo dhamaado maalmo gudahood, iyadoo la shaacin doono nooca shaqada ay ka bilaabayaan Soomaaliya.

Dowladda Masar ayaa dhawaan shaacisay in ay qayb ka noqon doonto howlgalkaan cusub, iyadoo Soomaaliya ay horay u shaacisay in ay soo dhawayneyso codsiga Masar, sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa aqbashay codsiga Masar.

Itoobiya oo horay u codsatay in howlgalka cusub aan laga reebin, balse dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in aysan qeyb ka noqon, go’aankaan ayaa dhabar-jab aan horay loo arag ku noqday Itoobiyaanka, maadaama booskii laga saaray lagu soo bedelay Masar.

Markii laga reebo inay lumisay xubinimada urur weyn oo il dhaqaale u ahaa, Itoobiya ayaa halis weyn u aragta imaashaha Masar ee Geeska Afrika, dowladda Soomaaliya ayaa tallaabadaan ugu aargoosaneysa Itoobiya oo siyaasad qalafsan iyo damac walaan oo badda Soomaaliya uga jira lasoo shaac-baxday.

Daawo: Wasiir Jaamac “48 saac ayaa lagu soo qabanaa raggii laayey ciidanka xoogga”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in muddo 48 sacadood ah lagu soo qaban doono dambilayaashii ka dambeeyey dilka askartii ka tirsaneed Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loogu geystay aagga deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa u digay cid kasta oo isku dayda iinay gabaad siiso raggii laayey ciidanka, kuwaas oo sida uu sheegay lagu raadjoogo.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga ayaa falkaan iyo dagaal beeleedyada kaleba ku eedeeyey Al-Shabaab, isagoo ku tilmaamay mid ay uga danleeyihiin in ugu dambeyn waxaan oo kale ay dhacaan oo jidka loo galo ciidanka qaranka.

Wasiir Jaamac ayaa balan qaaday in 48 saac kadib uu shir jaraa’id qaban doono, isagoo akhbaar rasmi ah ka wada ciidankii la laayey iyo cidda loo qabtay.

Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo baxday gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan deegaanka Xawaadley, una socotay gobolka Hiiraan ayaa shalay galabta lagu laayey aagga deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Ilaa 7 askari iyo darawalkii waday gaari ay la socdeen ayaa la dilay, waxaana badbaaday hal askari oo goobta ka baxsaday, sida ay Caasimada Online u sheegeen goobjoogayaal ku sugan Ceelbaraf.

Askarta la laayey ayaa u fasax qaatay inay soo booqdaan reerahoodii oo degan gobolka Hiiraan, basle maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil ayaa jidka u galay, kuwaas oo hal goob ku dilay dhamaantood, markii laga reebo hal askari oo si naadir ah ku baxsaday.

Waxaa bilowday howlgallo lagu soo qabanayo raggii geystay dil wadareedkaas, madaxda qaranka iyo HirShabeelle ayaa si wadajir ah u amray hay’adaha ammaanka in lasoo qabto raggii jidka u galay ciidanka qaranka ee xasuuqay.

Hoos ka daawo hadalka wasiirka

Cirro oo deg deg ugu yeeray Biixi iyo madaxdii hore ee Somaliland – Maxaa soo kordhay?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo madaxweyne-ku-xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta kulan wada-tashi ah iskugu yeeray madaxweynayaashii iyo madaxweyne-ku-xigeenadii hore ee Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa madaxweynayaasha iyo madaxweyne-ku-xigeennada uu kulanka wada-tashiga ah la yeeshay maanta ayaa waxaa kamid ahaa:

1. Madaxweynihii 5-aad ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi

2. Madaxweynihii 3-aad ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin

3. Madaxweyne-ku-xigeenkii 3-aad Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin

4. Madaxweyne-ku-xigeenkii 2-aad Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax

Arrimaha muhiimka ah ee uu madaxweynuhu kala hadley madaxweynayaashii iyo ku-xigeenadii hore ayaa ahaa wada-tashi la xidhiidha xaaladaha hadda taagan ee mihiimadda iyo mudnaanta gaarka ah u leh Somaliland .

Guntii iyo gaba-gabadii, isku-xidhnaanta madaxda Somaliland ay xilli walba kaga arrinsadaan xaaladaha dalku waa towfiiqda iyo talo-waaga ay Somaliland kaga duwan tahay Soomaalida kale.

“Kulankooduna waxa uu ummadda Jamhuuriyadda Somaliland u yahay ISHAARO-SAN iyo YIDIDIILO ah dhinaca adkaynta Qarannimada iyo wadajirka ummadda Jamhuuriyada Somaliland,” ayaa lagu yiri Madaxtooyada Somaliland ay kasoo saartay kulankaan.

Dhinaca kale, waxaa isna kulanka qayb ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenkii 4-aad iyo 5-aad Cabdiraxman Saylici, laakiin kulanka ka maqnaa hooyadii oo Boorama ku geeriyootay awgeed, taasi oo ay madaxweynayaasha iyo madaxweyne-ku-xigeenadu ay si wada jir ah uga tacsiyadeeyeen geeridaa ku timid.

Sidoo kale, kulanka waxa isaguna qeyb ka ahaa gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Waxaa sidoo kale kulankan wada-tashiga ah qeyb ka ahaa balse xaalado caafimaad uga maqnaa madaxweyne-ku-xigeenkii 1-aad ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac, waxayna si wada-jir ah Alle uga baryeen inuu caafimaad taam ah siiyo.

MASAR markale ma aamini doonta Xasan Sheekh kadib tallaabadii u qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Masar iyo Eritrea waxay si buuxda ula safteen Soomaaliya kadib markii Itoobiya isku deyday inay qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya.

Labadaan dal waxaa dhinaca kale Itoobiya kala dhaxeeya khilaafyo ku qotoma danahooda gaarka ah. Saddexda dal ee Masar, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa dhawaan dhistay isbaheysi saddex geesood ah oo ka dhan ah Itoobiya. Waxayna Masar iyo Eritrea qeybsadeen sida loo taageerayo Soomaaliya.

Masaarida waxay qaateen taageerida dhinaca hubka, halka Eritrea ay qaadatay inay Soomaaliya u diyaariso ciidan xoog leh. Labadii waddan iyagoo shaqadoodii ku jira oo la xasuusto inay Masaarida laba markab oo hub ah geeyeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayuu dhinaca kale madaxweyne Xasan Sheekh heshiis lasoo galay dowladda Itoobiya bishaan, isagoo u fasaxay inay soo gaaran biyaha Soomaaliya.

Xubnaha Xasan Sheekh ku dhow-dhow iyo diblumaasiyiinta gobolka iskuma khilaafsna in uusan Xasan Sheekh wax wargelin ah siinin madaxda Masar iyo Eritrea, maadaama ay shirko ku ahaayeen la-dagaalanka Itoobiya.

Labada dowladood ayaa la sheegay inay lama filaan ku noqotay inuu Xasan Sheekh u quuri waayey inuu u sheego in heshiis noocaas ah uu galayo, si looga doodo waxa ka dhalan kara iyo haddii uu sii shaqeyn karo isbaheysigii saddex geesoodka ahaa.

Markii uu heshiiska dhacay kadib oo Xasan Sheekh uu ogaaday inay dowladihii saaxiibadiis ah ka xanaaqeen hab-dhaqankiisa ayaa la sheegay inuu telefoono ku raadiyay.

Hadda wafdi ayuu u direy Masar, isagana wuxuu aaday waddanka Eritrea. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu isku dayaya inuu dejiyo labada dal, laakiin waa adag tahay in la helo caqliyad aad ku wada haysan kartid Masar, Eritrea iyo Itoobiya oo ah saddex dowladood oo dano u gaar ah isku haya.

Masaaridu waxay dhamaadka bishaan usoo diri rabeen magaalada Muqdisho markab saddexaad oo hub ah oo kuwii hore ka weyn. Mana cadda inuu hadda qorshahaas dhaqan-geli doono.

Sidoo kale waa markii labaad ee uu Xasan Sheekh ballan uga baxo Masar. Waxaa la xasuusta inuu hadda kahor heshiis baddeed la gali rabay Masaarida oo Cabdifataax Al-Siisi uu Xamar imaan lahaa, balse Xasan Sheekh ayaa ka laabtay qorshahaas, wuxuuna heshiiskaas la galay Turkiga.

Dhinaca Masaaridu waxay xilligaasi in heshiiskii looga baxay kasoo ogaadeen dhinaca Turkiga. Dad badan waxay hadda isweydiinayaan inay Masaaridu mar saddexaad aamini karto Xasan Sheekh.

Waxyaabaha lagu ballansanaa horraanta sanadka cusub waxaa kamid ah inay madaxda Masar, Soomaaliya iyo Eritrea isku arkaan magaalada Qaahira ee waddanka Masar.

Sida uu kulankaas u qabsoomi doono hadda su’aal badan ayaa ka taagan, maadaama ay Itoobiya si weyn u diidan tahay inuu isbaheysigaasi sii jiro.

Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu rabo inuu isbaheysigaasi qeyb kasii ahaado waa inuu dhinaca kale ku xisaabtama in uusan niyad wanaag iyo wada-shaqeyn ka heli doonin Itoobiya. Waa inuu labada dhinac mid u beera.

Masaaridu si guud cilaaqaadka kala dhaxeeya dowladda federaalka waa jirayaa, laakiin markaana shuruudo iyo taxadar ayaa ku jiri doona la-macaamilkooda Villa Somalia, maadaama uu batay guur-guurka Xasan Sheekh.

Wafdiga wasiir Fiqi ee tegay magaalada Qaahira marka laga tago howlaha yaryar ee kulamada lagu qurxinayo, haddana doodaha waaweyn ee gobolka taabanaya ee labada dal u dhaxeeya waa arrimo u baahan in dhinaca heer madaxweyne laga eego.

Muxuu yahay kulanka ka qabsoomay Qaahira ee lagu gorfeynayo heshiiskii Ankara?

0

Qaahira (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa qabatay kulan heer sare ah oo ay ka soo qeyb-galeen aqoonyahanno Soomaali ah, kaas oo khuseeyay heshiiskii Ankara ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulankaan xasaasiga ah waxaa isugu yimid mas’uuliyiin iyo khubaro caan ah, si ay u qiimeeyaan saameynta heshiiska Ankara ku leeyahay iskaashiga gobolka, iyadoo diiradda la saarayo dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo diblomaasiyadda.

Soo bandhigidda fikradaha kulankaasi oo uu daadihinayay agaasimaha xafiiska qurbajoogta Ibraahim Guure Maxamed ayaa lagu muujiyay sida hagar la’aanta ah ee ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo horumarinta hadafka istiraatiijiyadeed ee siyaasadda dibadda.

Kulankaasi oo inta badan lagu fallan-qeeyay isbarbar-dhigga nuxurka uu xambaarsan yahay baqii Ankara waxaa ka qeyb-galay wasiirka arrimaha dibadda, Danjire Axmed Macalin Fiqi, wasiir ku-xigeenka Isaaq Maxamuud Mursal, xoghayaha joogtada ah Xamza Aadan Xaadoow iyo ku-simaha safiirka Sudan Danjire Ammar Ahmed Babiker.

Heshiiska Ankara, oo garwadeen uu ka ahaa madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa muhiim loogu arkaa hagaajinta xiriirka labada dal, oo muddooyinkii dambe ay ka dhaxeysay xiisad xooggan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muujinaya isku soo dhawaansho wax weyn u tari kara xiriirka labada dhinac, iyadoo la rajeynayo in dhawaan iskaashi cusub oo dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ah uu dhex-maro.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muddo dheer isku khilaafay arrimo badan oo siyaasadeed iyo istiraatiiji ah, waxaana heshiiska Ankara iyo kulamada xigga la filayaa inay ka dhashaan horumar dhab ah oo dhex-mara labada dal.

Odayaal dhaqameedkii la sheegay inay afduubteen Liyuu Booliska oo soo hadlay

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Odayaal sheegtay inay yihiin odayaashii dhaqanka ee nabadeynta u joogay deegaanka Dacawalay ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa warbaahinta kasoo muuqday.

Odayaashan ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in la afduubtay, iyagoo sheegay inay si nabad ah ugu sugan yihiin magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale waxay carabka ku adkeeyeen in wararka ku saabsan afduubkooda ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, waxayna sheegeen inay halkaas kula kulmeen mas’uuliyiin heer deegaan ah iyo xubnaha Golaha Nabadda iyo Midnimada DDS.

Waxay sheegeen inay maanta bilaabi doonaan wada-hadallo muhiim ah oo ku saabsan xalinta xiisadda ka taagan deegaanka Dacawalay.

Hadalka odayaasha ayaa imanaya kadib markii xukuumadda Somaliland ay ciidamada Liyuu Booliska ku eedeysay inay afduubteen odayaashii halkaasi u tegay dhex-dhexaadinta iyo daminta colaadda.

“Ciidamada Liyuu Booliska waxay deegaanka Dacawalay ka afduubay madax dhaqameed kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo halkaas u tegey ka shaqaynta nabadda iyo daminta colaadda ka dhacday maalmihii u dambeeyey. Tani waa gef iyo xad-gudub cad,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasiirka amniga gudaha ee Somaliland.

Xaaladda guud ee Dacawalay oo ah deegaankii lagu dagaalamay Arbacadii ayaa haatan ah mid degan, iyadoo bilowdeen wada-hadallo rasmi ah oo xal loogu raadineyo xiisaddan, kuwaas oo u dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

Xogta horjooge sare oo kooxda Al-Shabaab ay qirtay in laga dilay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa qirtay dilka horjooge sare oo lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Kunyo-Barrow ee yobolka Shabellaha Hoose.

Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mire Jaamac oo sidoo kale loo yaqaanay Abuu Cabdiraxmaan ayaa ahaa wakiilka kooxda ee Gobollada oo ay hoos-yimaadaan waxa ay ugu yeeraan “Wilaayaadka Islaamiga”.

Ninkan ayaa kamid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee kooxda, sidoo kale wuxuu mar soo noqday hoggaamiyaha kooxdii jabhadda Caanoole ee Jubbooyinka lagu aas-aasay sanadkii 2007, balse markii dambe ku biirtay kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Mire Jaamac ayaa waxaa shalay lagu khaarajiyay howl-gal gaar ah oo si weyn loo qorsheeyay, kaas oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa in muddo ah ku raad-joogay horjoogahan oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa jira horjoogayaal kale oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo dowladda sheegtay in dhammaantood la haayo macluumaadkooda.

Si kastaba, Horjoogahan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu sareeyay ee kooxda ee howl-gal lagu dilo muddo labo sano, iyadoo sanadkii 2022 howl-gal duqeyn ah lagu dilay Cabdullaahi Yare oo madaxiisa mallaayiin dollar la dul-dhigay.

Waa sidee xaaladda madaxa WHO kadib madaafiic lagu weeraray meel uu ka dhawaa

0

Sanaa (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay, in duqeymo xagga cirka ah lagu garaacay gegida diyaaradaha ee ugu weyn Yemen Khamiistii, xilli uu doonayay inuu halkaas ka dhoofo.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qof lagu dilay tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, weerar ay Israa’iil ku qaadday garoonka caalamiga ah ee caasimadda Yemen ee Sancaa.

Wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku sugnaa garoonka Khamiistii iyagoo sugayay inay ka dhoofaan markii ay duqeyntu dhacday, waxaana ku dhaawacmay shaqaale ka tirsan Laanta Adeegga Hawada ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Stephanie Tremblay.

“Taawarka laga hago duulimaadyada hawada, qolka nasashada – oo wax ka yar mitir u jira meeshii aan joognay – iyo dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ayaa duqeymuhu waxyeeleeyeen,” madaxa WHO ayaa ku yiri fariin uu soo dhigey bartiisa X.

kooxdii Qaramada Midoobay waxay ka tageen garoonka waxayna ku sugan yihiin goo boo ku taala magaalada Sanca oo “ammaan ah waana ay caafimaad qabaan” shaqaalihii dhaawacmayna waxaa lagu daweynayaa isbitaal, ayuu yiri Tremblay.

Tremblay waxa uu sheegay in qiimaynta burburka gegida diyaaradaha la samayn doono subaxnimada Jimcaha si loo eego in Tedros iyo kooxda Qaramada Midoobay ay ka bixi karaan Yemen.

Tremblay waxa uu sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu cambaareeyey kororka weerarrada u dhexeeya Yemen iyo Israa’iil, wuxuuna sheegay in weerarradii Khamiistii lagu qaaday garoonka caalamiga ah ee Sanca, dekedaha Badda Cas ee Yemen iyo xarumaha korontada ay ahaayeen kuwo walaac leh”.

Ciidanka Israa’iil ayaa markii dambe u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press inaysan ka warqabin in madaxa WHO ama wafdigu QM ah ay joogaan Yemen.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen kaabayaasha ay adeegsadaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ku sugan garoonka caalamiga ah ee magaalada caasimadda ah ee Sanca, iyo sidoo kale saldhigyada korontada iyo dekedaha, iyaga oo ku eedeeyay in ay u adeegsan jireen in lagu soo raro hubka Iran iyo in ay ka soo galaan saraakiil sare oo Iiraaniyiin ah.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan oo ay ilaaliyaan rayidka iyo kaabayaasha rayidka, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, ayuu yiri Tremblay.

Guterres wuxuu ku baaqay in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka militariga iyadoo la muujinaayo “xakamaynta ugu badan,” ayuu yiri Tremblay.

VOA