27 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Maxaanad ogeyn oo ka dhacay BAARLAMAANKA Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ah kuwo ka duwan shacabka caadiga marka ay timaado habka loo marayo in dacwad lagu soo oogo. Si loo ilaaliyo shaqadooda iyagoon cidna ka baqeyn ayaa loo sameeyay in aan la xiri karin.

Inta badan waxa ugu muhiimsan awoodda ay leeyihiin waa in ay si xor ah u hadlaan taas oo loo arko in ay tahay mid keeneysa wanaag. Waxyaabaha kale inta badan xildhibanada adduunka la sheego in ay ku muteysteen waxaa ka mid ah in madaxbannaanidooda aysan ku imaan faragelin bannaanka ah.

Xildhibaanada Soomaaliya waxay la mid yihiin kuwa adduunka, waxayna leeyihiin xasaanad ay ku shaqeeyaan si ay howlahooda welwel la’aan u gutaan.

Hadaba xasaanadda xildhibaanada intee ayey gaarsiisan tahay?

Baarlamaanada aduunka way kala duwan yihiin. Dal walba sharcigiisa iyo xeerarkiisa ayuu ku dhaqaa xildhibaanada.

Sida uu dhigayo dastuurka Soomaaliya xildhibaanku waa in aysan dhibaato ka soo gaarin fakarkiisa.

“Xildhibaanka Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisa”.

Sidoo kale dastuurka Soomaaliya waxa uu sheegayaa in aan xildhibaanka lagu qaadi karin dacwad ciqaabeed ama aan la xiri karin oo aan la baari karin hadaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ah in la soo saaro maxkamad.

Arrimahasi oo dhan waxay muujinayaan in xildhibaanka si weyn looga ilaaliyay in aan si fudud loo ciqaabi karin.

Dhacdadii shalay ee Baarlamaanka
Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu arkay xildhibaano taagan meel aan ka fogeyn guddoonka oo qaylinaya iyo buuq ka jira gudaha baarlamaanka.

Askar ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa sidoo kale iyagoo gacmaha is haysta celinayay in ay dhaafaan xildhibaanada. Askarta booliska ayaa xildhibaanada ka hortaagnaa in ay dhaafaan oo u gudbaan kuraasta guddoonka.

Waxaa kaloo lagu arkay muuqaallada baraha bulshada la soo dhigay askari ka tirsan booliska oo feer lagu dhuftay. Askariga ayaan gacan qaadin, siina watay howshiisa. Ugu dambeyn askariga waxaa soo gaaray dhawac keenay in la dhigo isbitaalka.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sarkaalkaas booliska ku booqday isbitaalka waxay ka hadleen aragtidooda sidii ay wax u dhaceen.

Senetor Cabduweli Ibraahim Aaden Garyare ayaa ku ammaanay sida askariga booliska isku xakameeyay, wuxuuna sheegay in ay tahay wax lagu farxo sida uu u dhaqmay sarkaalkaas.

“Arintan waxay keeneysaa in uu hormuud u noqdo askarta kale oo ay ku daydaan”.

Xildhibannada hadlay ayaa sheegay in aysan aheyn in la siyaasadeeyo oo si hoose loo xaliyo arrintan.

“Hadii dhaqanka Soomaalinimada ee sida hoose wax lagu xaliyo la maro, waxay keeneysaa in baarlamaanka sidan ahaado, dalkana uusan hagaagin”. ayey tiri xildhibaan Farxiyo Muumin oo ka mid aheyd xildhibaanada isbitaalka ku booqday askariga.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay wax laga xumaado askariga oo taagan oo aan waxba geysan in gacan loo qaado.

In xildhibaanada ay gacan qaadaan ma ahan wax ku cusub baarlamaanka Soomaaliya. Dhexdooda hore ayey u dagaallameen.

Xildhibaan Maxamad Cabdillahi Xasan Nuux ayaa sheegay in ay jiraan dhacdooyin tan la mid ah oo hore u dhacay balse aysan heerkaan gaarsiisneyn.

“Waxaa jiray qaar kale oo xildhibaanada baarlamaanka wax u geysteen oo ay dhaawaceen, laakiin ninkan isbitaalka ku jira, walaalkeen Axmed, waa kii ugu darnaa”

Xildhibaan Nuux wuxuu sheegay in aysan suuragal ahey in intaad qof gacantaada ku disho haddana aad tiraahdo ‘xasaanad ayaan leeyahay ama maxaa igama galay'”.

Baarlamaanka ayaa shalay xilliga uu buuqa dhacay ansixiyey guddiga dorashooyinka iyo xuduudaha, waxayna sidoo kale arrintan ku soo aadday ayadoo maxkamadda gobolka Banaadir ay soo saartay ruqsad lagu soo qabanayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Ilaa hadda ma jirto cid loo qabatay falkaas.

Isha: BBC

Maxkamadda gobolka oo Nuurto Cabdulle ku wareejisay guri xoog looga haystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyn fulisay xukun ay kasoo saartay guri muddo 9 sano ah xoog looga haystay Marwo Nuurto Cabdulle Sabriye oo deggan Muqdisho, kaas oo dacwaddiisu ay soo martay heer kala duwan.

Gurigan ayaa waxaa degannaa sarkaal tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Jeneraal Maxamuud Maxamed Macallin (Koronto), kaas oo ay maxkamaddu sheegtay inuu hor imaan waayey, kadibna isaga oo maqane ah laga xukumay dhulka.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Dabbaan oo dhulkan wareejiyay ayaa sheegay in loo xukumay Nuurto Cabdulle Sabriye, isla-markaana ay xaqiijiyeen dukumintiyada ay keensatay, sidaas darteedna ay leedahay milkiyadda dhulkaasi.

“Maxkamadda gobolka Banaadir waxaa kasoo baxay xukun loogu xakumay Nuurto inay milkiyadda gurigaan leedahay, kadib markii la hubiyay dhammaan dukumintiyada ay u wadato dhulkan iyo habraacyadii uu soo maray,” ayuu yiri guddoomie Saalax Dabbaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale si rasmi ah u wareejiyay dhulkan, wuxuuna tilmaamay in maxkamadda ay tallaabo ka qaadi doonto ciddii u timaada Nuurto ee ku qabsata gurigeeda.

“Waxaan rabaa dhulka inaan ku wareejiyo wakiilka Nuurto Cabdulle Sabriye, waxaan rabaa inaan kuu sheego maanta wixii ka dmabeeyo dhulkan adigaa leh ciddii kuu timaada oo ku qash-qashaadda maxkamadda imow iyadaa tallaabo qabaneyso,” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale wuxuu intaas sii raaciyay “Maanta wixii ka dambeeyo waad ku tasarufi kartaa, waa gadan kartaa, waa kireysan kartaa, waa dhisan kartaa, adaana xor u ah.”

Ugu dambeyn wakiilka Marwo Nuurto Cabdulle Sabriye oo la wareegay dhulka ayaa u mahad-celiyay maxkamadda gobolka iyo booliska oo si wadajir ah tallaabadii ugu habooneyd u qaaday, isla-markaana usoo celiyay gurigooda oo muddo dheer xoog looga haystay.

Sawirro: Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka 46-aad ee golaha wasiirada EAC

0

Arusha (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa Soomaaliya ku matalay shirkii caadiga ahaa ee 46-aad ee golaha wasiirada dalalka xubnaha ka ah bulshada bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray arrimaha gobolka oo ay ka mid yihiin ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isu socodka xorta ah ee badeecadaha iyo dadka, nabadda iyo amniga.

Wada-hadalladan ayaa ah kuwo muhiim u ah xoojinta isdhex-galka iyo kobcinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah bulshada bariga Afrika ee EAC.

Shirka golaha wasiirada (EAC) ayaa waxa uu gogol xaar u yahay shir madaxeedka 24-aad ee caadiga ah ee madaxda waddamada bariga Afrika iyo munaasabad heer sare ah oo loogu dabaal dagayo sanad-guurada 25-aad ee EAC.

Ka qayb-galka firfircoon ee Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida ay uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka iyo hammigeeda ku aadan inay si rasmi ah ugu biirto EAC.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-geli doona shirka madaxda dowlad-goboleedyada, isagoo dib u xaqiijinaya in Soomaaliya ay la jaan-qaadi doonto hiigsiga bariga Afrika oo midaysan oo barwaaqo ah.

Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada bariga Afrika daba-yaqada sanadkii hore ee 2023, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, iyadoo haatan xubin firfircoon ka ah EAC.

Madaxweyne Cabbaas oo ku dhowaaqay qofka xilka ka beddeli doona

0

Ramallah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa magacaabay qofka sida ku-meel gaarka ah xilka ula wareegi doona haddii uu geeriyoodo ama uu xilka ka tago, isaga oo waxa ka qabanaya walaaca laga qabo in firaaq dhinac awoodda ah uu dhaco marka uu xilka ka tago.

Bayaan uu soo saaray gelinkii dambe ee Arbacadii ayuu Cabbaas ku sheegay in guddoomiyaha Golaha Qaranka Falastiin uu si ku meel gaar ah u hayn doono xilka, wax aan ka badan 90 maalmood, xilligaasi oo ay tahay in la qabto doorasho madaxweyne.

Guddoomiyaha hadda ee guddiga ugu sarreeyaa go’aan gaarista Falastiin waa Rawhi Fattouh, oo 75 jir ah, oo sidoo kale muddo kooban soo noqday hoggaamiye ku-meel gaar ah ka dib geeridii Yaasir Carafaat ee 2004.

Cabbaas, oo 89 jir ah, waxa uu ahaa madaxweynaha Falastiin tan iyo 2005, waxaana sannadihii u dambeeyay uu wajahayey dhibaatooyin caafimaad oo joogto ah, taasi oo keentay in la isla dhex maro cidda beddeli karta marka uu ugu dambayn dhinac istaago.

Cabaas ma lahan ku xigeen, waxaana ilo xog ogaal ah ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters horaantii bishan in Sacuudi Carabiya ay ku cadaadiyeen in uu mid magacaabo.

Ku dhawaaqidda uu Cabaas sameeyey Arbacadii ayaa meesha ka saaraysa hubanti la’aanta ku saabsan waxa dhici doona marka uu dhinto, laakiin Fattouh looma magacaabin ku-xigeenkiisa, taasi oo la macno ah inaan wali la aqoon cidda bedeli karta Cabbaas mustaqbalka fog.

Wasiirka beeraha ee Israa’iil, Avi Dichter, oo xubin ka ah golaha ammaanka gudaha, ayaa koox saxafiyiin shisheeye ah u sheegay toddobaadkan in ciidammada Israa’iil ay la wareegi doonaan Daanta Galbeed haddii qof ka tirsan kooxda Xamaas uu isku dayo inuu madaxweyne noqdo.

Cabbaas ayaa xilka loo doortay 2005 muddo afar sano ah, balse tan iyo xilligaas ma dhicin wax codbixin ah, waxaana hadda uu yahay mid dadku naceen, ayada oo ra’yi ururin la sameeyay bishii September ay muujisay in 89% Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ay doonayeen inuu xilka iska casilo.

Ciidan hor leh oo ka goostay Axmed Madoobe iyo xiisada oo ka sii dareysa

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo hor leh oo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta ku biiray ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo Axmed Madoobe uu difaac ka geliyey deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka maanta baneeyey garabka Axmed Madoobe ayaa sheegay inay gaarayaan ilaa 200 oo askari.

Sidoo kale waxay saraakiishaas ka warbixiyeen xaaladihii adkaa oo ay soo mareen, sanadihii ay ka tirsanaayeen ciidamada Jubbaland.

Waxay sheegeen mushaarkoodu uu ahaa $100 oo mararka qaar aysan heli jirin, sidoo kale waxay sheegeen in dalacsiin iyo waxyaabo badan oo ay mudnaayeen aysan ka helin maamulkii ay la shaqey jireen ee Jubbaland.

Horay waxaa dowladda federaalka ula saftay ciidamo badan oo Axmed Madoobe u diray Raaskambooni, si ay u weeraraan ciidamada xoogga, balse ma dagaalamin ee waxay isku dhiibeen ciidanka qaranka.

Ciidamo hor leh ayaa la sheegay in hadda ay qorsheynayaan inay ku biiraan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo baxsad ka ah maamulkii ay sanadaha badan la shaqeynayeen ee Axmed Madoobe.

Dowladda Federaalka ayaa ciidanka Jubbaland ka balan-qaaday in hadii ay ka soo tagaan Axmed Madoobe la siinayo mushaar, darajo iyo in la qarameynayo oo lagu darayo ciidanka xoogga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa toos u hor boodaya qorshaha dowladda federaalka ay ku soo afjareyso maamulka sanadaha badan jiray Axmed Madoobe, waxaana dhanka gobolka Gedo ka socda olole kale oo xooggan.

R/Wasaare Xamsa ayaa maanta u safray dalka Kenya, si xiriirka Axmed Madoobe iyo Kenya uu meesha uga saaro, waxaana Nairobi ka socda kulamo oo Xamsa la yeelanayo madaxda dalkaas.

DF oo askar baratay xirfado casri ah tababar ugu soo xirtay dal kale (Sawirro)

0

Belgrade (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia, ayaa tababar xirfadeed ugu soo xiray saraakiil Soomaaliyeed oo ka tirsan qeybta Baarista Dambiyada (CID).

Saraakiishan oo laga soo xulay dhammaan maamul-goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, ayaa muddo tababar sare ku qaadanayay kuliyadaha Booliska Serbia ee Goć.

Tababarka ayaa diiradda lagu saaray farsamooyinka casriga ah ee baarista dambiyada, falanqaynta caddeymaha, maaraynta dambiyada abaabulan, iyo adeegsiga teknolojiyadda sare ee baarista.

Wasiirka ayaa saraakiisha ku bogaadiyay dadaalkooda iyo guulaha ay ka soo hooyeen tababarka, isagoo uga mahadceliyay Serbia taageerada ay siisay Soomaaliya.

Wasiir Fartaag, ayaa uga mahadceliyey dowladda Serbia tababarka iyo taageerada kala duwan ee ay la garab taagan yihiin ciidanka Soomaaliyeed iyo hey’adaha dalka.

Dowladda Serbia ayuu sheegay Wasiirku inau gacan wayn ka geysato sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagaxisada ah ee khatarta ku ah amniga guud ee caalamka.

DF oo ka fikireysa qorshe xasaasi ah oo uu qeyb ka yahay Ilyaas Gaboose

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa la filayay inay aqoonsan doonaan Ilyaas Badal Gaboose oo dhawaab mucaaradka Jubbaland ay ku doorteen magaalada Kismaayo, laakiin ma dhicin.

Hoggaamiye xil-gaarsiin ah oo dowladda kala shaqeynaya qabashada doorasho qof iyo cod ah in loo aqoonsan doono Ilyaas Badal ayaa xooganeyd.

Haddaba, maxaa beddelay aragtidii dowladda?

Waxaa jira laba qodob oo si weyn loo qaateen u ah oo ay dowladda federaalka Soomaaliya uga gaabsatay inay ku deg-degto aqoonsiga Ilyaas Badal Gaboose.

1. Nooca doorashada

Nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u dagaalamaya in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, halka inta kasoo horjeedana ay hoosta ka xariiqayaan in aanay taasi macquul aheyn.

Doorashada Ilyaas Badal qabsaday iyo midda uu qabsaday Axmed Madoobe waa isku nooc. In aad diido doorasho dadban oo haddana aqoonsato Ilyaas Badal oo kusoo baxay doorasho dadban waa inaad beenisay doonistaadii.

Madaxda kooxda tallada haysa ee Soomaaliya waxaa la sheegay inuu si weyn qodobkaasi u celiyay oo ay isku raaci waayeen inay aqoonsadaan doorasho dadban.

Axmed Madoobe, isaga keliya laguma haysto doorasho dadban ee waxaa kale oo lagu haystaa in uusan dastuuriyan mar saddexaad tartami karin.

2. Magaalada uu joogo iyo dhaq-dhaqaaq Madoobe

Midda labaad ee dowladda federaalka uga gaabsatay arrinta aqoonsiga Ilyaas Badal iyada oo ka fikiri kartay qaabab badan oo ay ku jirtay magacaabis hoggaamiye xil-gaarsiin ah, iyada oo doorashada dhanba la laali karay, waa inuu weli joogo magaalada Kismaayo.

Dowladda federaalka ayaa la sheegay inay aaminsan tahay in haddii laba sano oo xil-gaarsiin ah ay u magacaaban Ilyaas inuu Axmed Madoobe weerar ku qaadi doono Ilyaas, uuna ugu yaraan xiri doono.

Maamulkii dowladda aqoonsatayna haddii xabsi la galiyana waa dharbaaxo culus oo ku dhici laheyd dowladda.

Labadaan qodob markii la isku geeyo dowladda federaalka ayaa dib u dhigtay sida laga yeelayo kiiska Ilyaas Badal Gaboose, waxayna taas beddelkeeda aadeen dagaal guud oo ka dhan ah Axmed Madoobe.

Sida aan xogta ku helnay dowladda weli kama tanaasulin qorshaha Ilyaas Badal. Waxayse isku raadineysa marxalad uu meel nabad ah joogo, saameynta dowladda ee Jubbooyinka oo xoogeysata, Axmed Madoobe oo intaan ka tabar yar iyo dowladda oo si buuxda wax u tari karta Ilyaas Badal.

Haddii aad isweydiineyso goorme ayaa taas la gaari karaa waxay ku xiran tahay sida ay dowladda u shaqeyso, una hagaajiso aragtideeda iyo xubnaha arrintaan kala shaqeynaya. Tii oo aan dhinaca kale la inkiri karin inuu Axmed Madoobe yahay nin aan si fudud siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan loo jabin karin.

JUBBALAND oo maanta ku dhowaaqay go’aanno culus oo ka dhan ah DF

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu joojiyay xiriirkii iyo wada-shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federaalka Soomaaliya.

Go’aan ka soo baxay golaha Wasiirada Jubbaland oo maanta ku shiray Kismaayo ayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay ku tumatay dastuurka dalka.

“Dowladda Jubbaland waxaa uu waajib dastuuri ah ka saaran yahay in ay difaacdo, ilaaliso midnimada iyo wada-jirka dadka Jubbaland oo ah lama taabtaan aan lagu xad-gudbi karin,” ayaa lagu yiri go’aannada kasoo baxay golaha wasiirada Jubbaland.

Jubbaland ayaa sheegtay in tallaabooyinka ay qaaday dowladda federaalka oo ay kamid yihiin wax ka beddelka dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka ay yihiin kuwo sharci darro ah oo khatar ku ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu golaha wasiirada Jubbaland ku tilmaamay go’aannada dowladda federaalka inay yihiin afgambi ka dhan ah nidaamka dastuuriga ah, taasi oo halis gelinaysa dowladnimada iyo wadajirka umadda.

Jubbaland ayaa wax kale oo ku dhawaaqday gogol wadatashi oo ay ugu baaqday dhammaan saamileyda siyaasadda dalka in ay kasoo qeyb galaan, sidii looga tashan lahaa aayaha dowlad-dhiska iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

“Dowladda Jubbaland waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeysaa inay ilaashadaan nabadooda, midnimadooda, talo iyo go’aanna ku yeeshaan badbaadinta dowladnimada nugul iyo geedo socofka dowlad dhiska.”

Maxay ONLF ka tiri khilaafka u dhexeeya DF iyo Jubbaland?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, kaas oo gaaray meeshii ugu xumeyd, iskuna beddalay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay ONLF ayaa waxaa lagu sheegay in ururka uu aad uga walaacsan yahay xaaladda kasoo korortay Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda labada dhinac ee keentay in ciidamo la geeyay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

ONLF ayaa shaaca ka qaaday in laga haboon yahay colaaddaan oo ay tilmaamtay inay kusii fidi karto deegaannada kale ee dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Qoraalka kasoo baxay Ururka ONLF ayaa sidoo kale baaq loogu diray labada dhinac oo laga dalbaday inay fursad siiyaan wada-hadallo toos ah, si loo dhameeyo xiisadda dhexdooda ah.

“Nabaddu waa waddada kaliya ee lagu xalin karo dhibaatada maanta ka dhex taagan Dowlaadda Federaalka iyo Jubbaland” ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn ONLF ayaa ka codsatay dalalka dariska iyo beesha caalamka inay soo farageliyaan xiisadda, si xal loogu helo khilaafka kasii daraya ee Muqdisho iyo Kismaayo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meeshii ugu xumeyd uu gaaray khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland oo geeray heer ay awood ciidamo isku adeegsadaan labada dhinac.

Dowladda Federaalka ayaa soo saartay waaran lagu soo xirayo Axmed Madoobe, halka Jubbaland ay uga jawaabtay waaran kale oo ay sheegtay in lagu soo qabanayo madaxweyne Xasan Maxamuud, waxaana mid kasta uu dhinaca kale ku21 eedeeyay inuu galay khiyaano qaran oo wayn.

SOOMAALIYA oo heshiis amni lasoo gashay dal kale + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi oo kor loogu qaadayo xiriirka labada dal, gaar ahaan ahaan dhinaca amniga, kadib booqasho uu dalkaasi ku tegay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Heshiiskan ayaa xoogga saaraya tababarada iyo tayeynta Ciidanka Amniga Soomaaliya, sida uu shaaciyay wasiir Fartaag oo isagu lasoo saxiixday dowladda Serbia.

Wasiirka oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskani uu wax weyn ka beddelayo iskaashiga labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tababarada iyo tayeynta ciidanka amniga Soomaaliya.

Sidoo lale wuxuu ka hadlay taariikhada xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo xusay inuu soo dhisnaa muddo dheer, isla markaana hadda sare loo sii qaadi doono.

“Xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia, waa mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan, tallaabada maanta aan ku saxiixnay heshiiskanina waxa ay sii xoojin doontaa taageerada iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ay wadaaggaan labada waddan” ayuu yiri Fartgaa.

Saxiixa heshiiska kadib wuxuu sidoo kale kulan la yeeshay  Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, oo isna tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay heshiiska ay gaareen labada dal, waxa uuna hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Si kastaba,  Serbia waxa ay door muhiim ah ka qaadata dadaallada dib-u-dhiska dowladnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan tababarka Ciidammada iyo horumarinta hey’adaha amniga Qaranka.

Xamza oo deg-deg ugu baxay Kenya xilli ay kasii dareyso xiisadda A/Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow safar deg-deg ah ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Safarka ra’iisul wasaare Xamza ayaa la xiriira arrinta xiisadda Jubbaland oo haatan mareysa meel xasaasi ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Safarkan ayaa imanaya xilli ay maxkamadda gobolka Banaadir u jartay Axmed Madoobe waaran soo qabasho, kadib markii golaha wasiirrada Soomaaliya ay garyaqaanka guud ee dowladda fareen inuu maxkamadda u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa loo haystaa faldambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada qaranka Soomaaliya, taas oo macno ahaan noqoneysa “khiyaano qaran” sida ay sheegtay maxkamadda gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah eedeymaha loo haysto Axmed Madoobe faldambiyeed lid ku ah xof lala wadaago dal shisheeye, ujeedo dagaal lid ku ah qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena uu ku kacay faldambiyeed lid ku ah nidaamka iyo dastuurka dalka, sida ay sheegtay maxkamadda.

Xukuumadda Xamza ayaa si adag uga hortimid dib u doorashada Ahmed Madoobe iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland, iyado sheegtay in labaduba ay baal-marsan yihiin shuruucda dalka.

Xiisadda ayaa kasii dareysa, iyadoo maamulka Axmed Madoobe uu soo saaray waaran soo qabasho iyo horkeenis maxkamadeed ah oo madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo ay uga jawaabeyso waarankii dowladda federaalka, wuxuuna khilaafka gaaray meeshii ugu sarreysay, kadib tallaabooyinka dheeriga oo ay ku jiraan isku adeegsiga ciidamo oo ay qaadeen labada dhinac.

Xiisadda DF iyo Jubbaland oo u gudubtay dalalka dariska  – Maxaa cusub?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeyso dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, wuxuuna khilaafka gaaray meeshii ugu sarreysay, kadib tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku jiraan isku adeegsiga ciidamo oo ay qaadeen labada dhinac.

Xiisadda ayaa u muuqata inay sii baaheyso, waxayna gaartay dalalka dariska, sida Kenya iyo Itoobiya oo labaduba saameyn ku leh arrimaha gudaha Soomaaliya,

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta wafdi ka socda dowladda Soomaaliya uu kusii jeedo magaalada Nairobi, kaas oo dowladda Kenya kala hadli doono xiisadda ka taagan Jubbaland.

Ujeedka wafdigan ayaa lagu soo warramayaa inuu la xiriiro sidii meesha looga saari lahaa taageero xukuumadda Nairobi siiso Axmed Madoobe oo mar kale dib loo doortay.

Kenya ayaa weli ka aamusan xaaladaha soo kordhay ee gudaha dalka, gaar ahaan dagaalka siyaasadeed ee Villa Soomaaliya iyo maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Horay xukuumadda Nairobi ayaa isku deyday inay dhex-dhexaadiso labada dhinac, laakiin waxba kama soo bixin, waxaana taasi beddalkeeda ay xiisadda isku rogtay gacan ka hadal.

Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa iyaduna dhankeeda soo faragelisay xiisadda, kadib markii ciidamadeeda dhaq-dhaqaaqyo ay ku taageerayaan Jubbaland ka bilaabeen gobolka Gedo.

Arrintan ayaa u muuqata mid ay Itoobiya uga faa’iideysaneyso xiisadda dowladda dhexe iyo Jubbaland, maadaama aynan xilligan isku wanaagsaneyn Muqdisho iyo Addis Ababa oo ay horay isugu qabteen heshiiska badda ee Abiy Axmed uu la galay maamulka Somaliland.

Si kastaba, horay dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ugu eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, ayna sidoo kale ciidamadeeda la wareegeen garoomada iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Guddoonka BF oo qaadayo tallaabo la xiriirta askarigii la dhaawacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo farageliyay kiiska askari shalay lagu dhaawacay gudaha xarunta Villa Hargeysa, kadib markii uu si xun u feeray mid kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Hab-dhawraha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo booqday dhaawaca askariga ayaa ka hadlay falkan, wuxuuna tilmaamay inuu fog yahay anshaxa baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay in xildhibaanka uu aragtidiisa ku cabiri karo hadal oo kaliya, balse aan oo loo ogoleyn gacan ka hadal.

Nuux ayaa sidoo kale tilmaaay in arrinta dhacday ay tahay fadeexo wayn, uuna aad uga xun yahay in lagu xadgudbo ilaalada baarlamaanka.

“Xildhibaanka aragtidiisa hadal wuu ku cabiri karaa,laakiin gacan qaad maya, falkaasi wuxuu ahaa mid ka fog anshaxa iyo la dhaqanka ilaalada golaha, xasaanadda xildhibaanka ma ahan in dhib geysan karo, taasi waa fadeexo,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddoonka baarlamaanka uu qaadi doono tallaabo adag oo la xiriirta kiiskan, si loola xisaabtamo xildhibaankii ka dambeeyay.

“Guddoonka baarlamaanka tillaabo ayuu qaadaya sharciga ayaana lagu laaban doona, si loola xisaabtamo cidda ka dambeysa dhibaatadan” ayuu yiri Hab-dhawraha baarlamaanka.

Dhankiisa, Senator Cabdiweli Ibraahim Garyare oo madasha ka hadlay ayaa soo jeediyay in la abaal-mariyo askariga dhibaatadu gaartay, maadaama uu si hufan u gutay shaqadiisa.

“Madaxda Qaranka waxaan u dirayaa fariin ah in la dalacsiiyo askariga dhaawaca ka soo gaaray Feertii Xildhibaanka” ayuu isna yiri Senatior Cabdiweli Ibraahim Garyare.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, kadib markii muuqaalka askariga lagu baahiyay baraha bulshada, waxayna dadka ka xumaadeen xad-gudubka loo gaystay, isaga oo aan wax jawaab ah ka bixin weerarka xildhibaanka oo ay kaamirada soo qabtay.

BOOLISKA Muqdisho oo soo xiray nin loo haysto kiis xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo loo haysto kiis xasaasi ah, isla markaana la yaab ku noqday dad badan.

Cabdiraxmaan oo 18 jir ah ayaa lagu xiray saldhigga degmada Xamarjajab, waxaana loo haystaa inuu ku kacay fal anshax xumo, sida uu shaaciyay Booliska Soomaaliya.

“Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar Jajab ayaa soo xiray eedeysane, Cabdi raxmaan Maxamed Cumar 18  jir ah kuna eedeysan  in uu ku kacay falal Anshax-Xumo oo lidi ku ah diinteena suuban iyo Dhaqanka Soomaaliyeed” ayuu lagu yiri warsaxaafadeedka.

Kiiska sida gaarka ah loogu haysto wiilkan dhalinyarada ah ayaa ah inuu soo xirtay dharka dumarka, isaga oo iska dhigayay gabar, laakiin ay soo qabteen ciidanka Booliska.

Sidoo kale taliska ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga oo ay soo sheegaan wax kasta oo liddi ku ah amniga, haddii ay la kulmaan.

“Muwaadin hadii aad la kulanto ama ay kusoo gaarto falal amaanka liddi ku ah la soo xiriir xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji [email protected]” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ragga xiranaya dharka dumarka ayaa soo badanayay maalmahan ee iska dhigaya gabar, waxaana u dambeeyay wiil lagu qabtay Nairobi oo muddo dheer iska dhigay qof haween ah iyo nin kale oo lagu qabtay isla Muqdisho, isaga oo xiray dharka dumar, waxayna arrimahaan la yaab ku noqdeen inta badan dadka Soomaaliyeed.

Xogta gawaari ay hal meel isugu keeneen Al-Shabaab oo la duqeeyay

0

Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn xoogan oo xalay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa si gaar ah uga dhacday agagaarka deegaanka Xawaadley, halkaas oo uu shalay ka dhacay weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen ciidamada dowladda, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeynta lala eegtay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana gaaray maleeshiyada khasaare culus.

Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in la burburiyay gawaari ay kooxda soo dhoobtay halkaasi, kadib markii ay ka war heleen diyaaradaha oo dhowr madfac ku dhuftay goobta.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xawaadley oo ay horay uga baxeen ciidamada ATMIS ayaa waxaa maalmahan culeys soo saaray kooxda Al-Shabaab oo weeraro ku haysay saldhigyada ciidamada dowladda.

Si kastaba, xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Turkiga oo qabtay rag looga shakisan yahay dil ka dhacay Imaaraadka

0

Istanbul (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in mas’uuliyiinta Turkiga ay gacan ka gaysteen soo qabashada tuhmanayaal lagu eedeeyay dilka Raabi Israa’iili ah oo ka dhacay Imaaraadka.

Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda, ayay wasaaraddu uga mahadcelisay mas’uuliyiinta Turkiga “la-shaqeynta ay ka sameysay soo qabashada dembiilayaasha”, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.

Mas’uuliyiinta Imaaraatka ayaa sheegay inay xireen saddex nin oo Uzbekistani ah oo looga shakisan yahay inay dileen Zvi Kogan, oo ahaa 28 jir Raabi ah, kaasi oo ku noolaa Imaaraadka sidoo kalena haystay dhalashada Moldova.

Saddexda tuhmane ayaa laga qabtay magaalada Istanbul, hawlgal qarsoodi ah oo ay dabayaaqadii todobaadkan fuliyeen sirdoonka iyo booliska Turkiga, iyaga oo raacaya codsiga dawladda Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay il-wareeydo dhinaca ammaanka oo Turkish ah.

Sirdoonka Turkiga ayaa ogaaday duulimaadka ay tuhmanayaasha ku yimaadeen Istanbul, waxaana booliska Turkiga ay qabteen markii ay ka tageen garoonka, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in Turkiga uu eedeysanayaasha u gacan galiyay Imaaraadka.

Lama shaacin xaaladda ku hareereysan dhimashada Kogan, mana cadda in madaxda Imaaraatka ay go’aamiyeen sabab dhiiri-gelisay ama halka ay ku sugnaayeen saddexda tuhmane markii la xirayay.

Saraakiisha Israel ayaa sheegay in Kogan loo beegsaday sababtoo ah inuu ahaa Yuhuudi waxayna, dilkiisa ku sifeeyeen weerar Yahuud nacayb ah. Hay’adaha Israa’iil ayaa gacan ka geysanaya baaritaanka.

Kogan waxa uu ku noolaa dalka Imaaraatka muddo dhowr sano ah, waxaana uu ku lug lahaa wacyigelinta bulshada Yuhuuda ee dalkaas.

Khamiistii ayaa la sheegay in la waayay, waxaana meydkiisa la helay Axaddii.

Saraakiisha Uzbekistan ayaa sheegay in xukuumadda Tashkent ay ka caawinaysay Imaaraatka iyo mas’uuliyiinta Israel baaritaanka.

Laba ka mid ah eedeysanayaasha la xiray ayaa da’dooda lagu sheegay 28-jir, halka midka saddexaadna uu yahay 33-jir.

Dacwad oogaha ICC oo dalbaday in lasoo xiro hogaamiyaha…

0

(Burma (Caasimada Online) – Madaxa dacwad oogaha Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa Arbacadi ka codsaday garsoorayaasha, in ay jaraan waraan lagu soo xiro hogaamiyaha taliska militariga Myanmar, kaas oo wajahaya danbiyo ka dhan ah Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohinga.

Sarreeye Guuto Min Aung Hlaing, oo xukunka awood ugala wareegay hogaamiyaha la doortay ee Aung San Suu Kyi sannadki 2021, ayaa lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo lagu dhibaateeyay qowmiyadda Rohingaha Barma.

Ku dhawaad hal milyan oo qof ayaa lagu qasbay in ay galan dalka ay dariska la ah Myanmar ee Bangaladesh si ay uga baxsadaan olole isir-sifeyn ahaa oo isugu jiray kufsi wadareed, dil iyo dab la qabadsiiyay guryaha.

Isagoo dib uga soo laabtay booqasho uu ku tagay xero qaxooti oo ku taal Bangladesh, ayuu dacwad oogaha ugu sareeya Maxkamadda ICC, Karim Khan uu sheegay, in uu dhawaan soo saari doono codsiyo kale oo uu maxkamadda uga dalbanayo waaranno lagu soo xirayo saraakiil kale oo ka tirsan millatariga Myanmar.

Isha: VOA

Jubbaland oo waaran soo qabasho ah u jartay Madaxweyne Xasan Sheekh

0

Kismaayo (Caasimada Online) –Maxkamadda Darajada koobaad ee Degmada Kismaayo ayaa soo saartay waaran soo qabasho iyo horkeenis Maxkamadeed ah oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ina Suuban Sabriye Axmed ay u jartay.

“Maxkamadda Darajada koowaad ee Degmada Kismaayo waxa ay aqbashay

Codsiga sare ku xusan ee ka soo baxay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland.”

“Sidaas Darteed, Waxaa la farayaa Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Jubaland ee wargadani sida tooska ah ugu socoto in aad soo gabatid, isla markaana horkeentid Maxkamadda Darajada koowaad ee Degmada Kismaayo Eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud Calasow ina Suuban Sabriye Axmed ku dhashay Jalalaqsi, taariikh 1955,” ayaa lagu yiri qoraalka Jubbaland.

Jubballand waxay sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu jebiyey qodobo dastuuri ah, isla markaana uu ku kacay faldambiyeed lid ku ah Wadajirka iyo Midnimada Ummada Soomaaliyeed.

“Wuxuu ku kacay (Khiyaamo Qaran) iyo falal u daneenaya Codowga umadda Soomaaliyeed (Khawaarijta) xilli dagaal lagula jiro,” ayaa lagu yiri eedeynta Jubbaland ay u jeedisay Madaxweynaha Qaranka.

Sidoo kale Jubbaland waxay Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeysay in uu ku kacay falal dambiyeedyo burburin, dil iyo hurin dagaal Sokeeye isugu jira.

“Waxaa loo heystaa abaabulidda kacdoon hubeysan oo lagu burburinayo nimaadka dastuuriga ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka uu caawa soo saaray maamulka Axmed Madoobe.

Waaranka ay Jubbaland u jartay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa jawaab u ah, waaran maanta maxkamadda gobolka Banaadir ay u jartay Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana Taliyaha Booliska la faray in Axmed Madoobe lasoo qabto oo sharciga la horkeeno.

Taliyaha Booliska oo war culus ka soo saaray askartii maanta lagu feeray kulanka BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo war ka soo saaray xildhibaanadii maanta baarlamaanka ku dhex feeray askarta ayaa si adag u cambaareeyay falkaas, isagoo ku tilmaamay “xadgudub ay qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS u geysteen askar ka tirsan ciidanka boliiska, xilli ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo.”

Qoraal ka soo baxay xafiiska Taliyaha Booliska Jeneraal Asad Cismaan Diyaano ayaa lagu yiri “Waa arrin aad loola yaabo in xubno sharci-dejiye ah oo metelaya shacabku ay ku kacaan fal noocan ah, oo dhaawacaya sharafta hay’adaha ammaanka iyo ilaalinta sharciga.”

Taliyaha ayaa askarta lagu xad-gudbay ku bogaadiyey dulqaadka ay muujiyeen iyo sida ay u guteen waajibkooda, iyagoo aan ka falcelin gacan qaadkii loo geystay.

“Taliska Booliska Soomaaliyeed wuxuu bogaadin iyo dhiirigelin u dirayaa askarta muujisay dulqaad, bisayl, iyo xirfad ay ku maareeyeen xaaladda, iyagoo ka fogaaday falcelin ka baxsan anshaxa shaqadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska booliska oo shaaciyey tallaabada la gudboon ayaa sheegay in falkaan loo gudbi doono guddiga anshaxa ee baarlamaanka iyo xeer ilaalinta qaranka, si sharciga loo marsiiyo xildhibaanadii ku kacay.

“Falkaan xadgudubka ah waxa si rasmi ah loogu gudbin doonaa Guddiga Anshaxa ee Baarlamaanka iyo Xeer Ilaalinta Qaranka si tallaabo sharci ah looga qaado cid kasta oo ku lug lahayd,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay xafiiska Taliye Asad Diyaano.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliiska oo Isbitaalka Madiina ku booqday dhaawacyada askartii lagu feeray kulanka baarlamaanka, kuwaas oo lala tacaalayo xaaladooda caafimaad, isagoo u rajeynaya bogsiin degdeg ah.

“Booliska Soomaaliyeed waa tiirka ugu muhiimsan ee sugaya nabadda iyo amniga, waana saaxiibka muwaadinka, mar walbana diyaar u ah inuu u adeego bulshada si hufan oo sharaf leh,” ayuu yiri Taliyaha Booliska.

DF oo Muqdisho ka furtay shir ay qeyb yihiin maamullada & caalamka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi uga furay shir heerkiisu sareeyo oo looga arrinsanayo qorshaha gaaritaanka heshiis bulsho.

Shirkaan oo sidoo kale diirada lagu saarayo sare u qaadidda dakhliga gudaha ee dowladda Soomaaliya oo hadda la qorsheynayo in la gaarsiiyo heer looga maarmi karo kaalmooyinka dibadda.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb-galay qasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada XFS, qaar kamid ah xubnaha maaliyadda dowlad-goboleedyada, masuuliyiin kale oo ka socda Bangiga Adduunka iyo saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha maaliyadda.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah xafiiska arrimaha bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay iyo xubno matalayay ururada bulshada rayidka iyo qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda oo furitaan khudbad ka jeediyay kulanka ayaa xaqiijiyay in dowlada federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda, sare uqaadidda dakhliga gudaha iyo dhameystirka wada-xaajidka deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay sida ay muhiim u tahay in dakhliga gudaha ay Dowladda kor u qaado, si loo gaaro horumar dhaqaale oo qeyb ka ah adeegga bulshada.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa doodo muhiim ah iyo su’aalo ku saabsan casriyeynta, sare u qaadidda, iyo horumarinta dakhliga iyo cashuuraha oo laga weydiinayay madaxdii ka soo qeyb gashay shirka.