26.7 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

JUBBALAND oo qaaday tallaabo kale oo uga sii dareysa xiisadda taagan

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo haatan khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo sii hurineyso xiisadda taagan, sidoo kalena la xiriirta maamulka hawada.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Jubbaland ayaa soo saartay amarkan oo ku socda shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya deegaannada maamulkaasi, kadib wareegto kasoo baxday wasaaradda.

Qaraalka ayaa waxaa lagu faray dhamaan shirkadaha bixiya adeegga duulimaadyada in ay la shaqeeyaan maareeyeyaal ay soo magacowday wasaaradda, kuwaas oo loo igmaday  garoomada diyaaradaha ee deegaanada Jubbaland.

Shirkadaha ayaa sidoo kale looga digay inay la shaqeeyaan cid aan ahayn maareeyeyaasha lasoo magacaabay ee garoomada oo ay sheegtay in iyagu gudan doonaan waajibaadkooda.

Sidoo kale waxaa la faray guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka iyo laamaha amniga in iyaguna ay wada shaqeyn dhow la yeeshaan maareeyeyaasha wasaaradda u idmatay in ay maamulaan shaqada garoomada diyaaradaha maamulka Jubbaland.

Arrintan ayaa u muuqata mid ay Jubbaland ku xadideyso dhaq-dhaqaaqa garoomadeeda, si ay hortegto in dowladda federaalka ay adeegsato, maadaama ay haatan kala dhexeyso xiisad xoogan oo a dhalatay dib u doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe.

Tallaabadan ayaa sidoo kale loo arkaa mid culus oo ay Jubbaland isugu dayeyso inay iyadu maamulato hawadeeda iyo garoomadeeda, laakiin dalka oo dhan waxaa hadda hawada gacanta ku haysa dowlada federaalka oo horay ula wareegtay, kadib dadaallo ay sameysay.

Koonfur Galbeed oo heegan gelisay ciidamadeeda iyo sababta ka dambeysa

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo culus oo lagu xoojinayo ammaanka magaalada Baydhaba, si looga hortego weerarada ay mararka qaar Al-Shabaab la beegsadaan garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud, xeendaabka Madaxtooyada iyo saldhigyada ciidamada ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in haatan Koonfur Galbeed ay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda oo lagu arkayo gudaha iyo bannaanka magaalada, iyaga ka wada dhaq-dhaqaaq xoogan.

Ciidamadan ayaa si gaar ah uga hortagaya weerarada hoobiyeyaasha loo adeegsado ee ay Al-Shabaab ku qaadaan gudaha magaalada Baydhaba oo xarun KMG u ah Koonfur Galbeed.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in la xoojiyay ciidamadii ku sugnaa gudaha magaalada, waxaana lagu kordhiyay kuwa kale oo baro cusub ka sameystay Baydhaba iyo agagaarkeeda.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Koofur Galbeed Gaashaanle Sare, Isaaq Cali Isaaq (Maadey) oo ay wehliyaan taliyaha Booliiska iyo saraakiil kale ayaa tagay qaar kamid ah saldhigyada cusub ee ciidankaas, iyaga oo u kuurgalaya howlgallada lagu sugayo amniga magaaladaasi, waxayna ciidamada ku dhiirageliyeen inay ka feejignaadaan weerarada kooxda Al-Shabaab.

Ujeeda ugu wayn ayaa ah in ciidamada ay isha ku hayaan amniga magaaladaan oo mar dhow martigelin doonto doorashada maamulka, walow uu ka taagan yahay muran xoogan.

Baydhaba ayaa kamid ah magaalooyinka go’doonka ay geliyeen Al-Shabaab oo inta badan gacanta ku haya deegaannada u dhow magaaladaasi, taas oo dhibaato ku ah dhaq-dhaqaaq magaaladaasi, siiba ganacsiga iyo isku socodka guud ee dadka iyo gaadiidka.

WFP oo qaaday tallaabo ka dhan ah SSC-Khaatumo kadib fadeexo dhacday

0

Laascaanood (Caasimada Online) –  Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah maamulka KMG ah ee SSC-khaatumo, kadib fadeexo ka dhacday maamulkaasi, sida ay warisay hay’adda oo soo saartay warbixin xasaasi ah.

WFP ayaa shaaca ka qaaday in gebi ahaanba ay hakisay howlgalkii gargaarka ee ay ka wadday deegaannada SSC-Khaatumo, kadib markii la dhacay 95 Metric Tons oo raashin ah, falkaas oo si gaar ah ua dhacay  magaalada Buuhoodle.

Bayaan kasoo baxay hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankeeda hakinta gargaarka ay la wadaagtay maamullada deegaanka oo ay ku jirto dowlad goboleedka Puntland.

Sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday WFP waxa ay hay’addu quudin jirtay illaa 51,530 ruux oo ku nool degmooyinka Buuhoodle, Laascaanood iyo Taleex oo ka wada tirsan SSC-Khaatumo.

Dhinaca kale saraakiil u hadashay SSC ayaa dhankooda sheegay inay jirto dhacdadaas lagu boobay raashinka, laakiin waxa ay ku doodeen in gargaarkaasi deegaanka la geeyay iyaga oo aan la socon, kadibna ay sidaasi ku dhacday inuu raashinka u gacan galo dad kale.

Go’aanka hay’adda WFP ayaa saameyn doono qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan deegaannadaas oo markii hore caawinaad ka helayay hay’addan oo hoostagta QM.

Si kastaba, deegaannada SSC ayaa waxaa xiligan ka jirTa daruuf adag oo ay ugu horreyso dhibaatooyinkii ka dhashay dagaalladii ka dhacay maamulkaasi iyo kuwa kale oo ay sababeeyn dagaal beeleedyo weli xiisaddooda ay ka taagan tahay gobolada maamulkaasi.

PUNTLAND oo ciidamadii ugu badnaa geysay Boosaaso + Ujeedka

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in haatan dhaq-dhaqaaqyo culus oo ciidan laga dareemayo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, halkaas oo la’isugu geeyay ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa maamulkaasi.

Puntland ayaa ciidamo ka tirsan kuwa difaaca ee maamulkaasi oo wata gaadiidka gaashaaman ku daabusha deegaanka Kala-bayr oo hoostaga magaalada Boosaaso, iyaga oo halkaasi ka sameystay farriimo ciidan oo cusub.

Ciidamadan oo ka kala yimid gobollada kala duwan ee Puntland ayaa ujeedka la’isugu soo aruuriyay waxa ay tahay inay ka qayb-qaataan howlgallo ka bilaabanaya gobolka Bari oo Puntland ay dooneyso inay ku beegsato kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Qorshaha maamulka Saciid Deni ayaa ah in ciidamadan ay guluf ku qaadi doonaan kooxaha ku dhuumaalaysanaya buuraleyda Calmadaw iyo Calmiskaad ee bariga Puntland, halkaas oo ay ku sugan yihiin unugyo ka tirsan kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Saraakiil katirsan ciidanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay u diyaar u garoobeen howlgallada bilaabanaya, sidoo kalena ay la dajiyay qorshaha weerarada ay ku qaadi doonaan fariisimaha ay degan yihiin kooxaha nabad diidka ah ee ku sugan halkaasi.

Go’aankan lagu dagaal gelinayo ciidamada Puntland ayaa waxaa dhawaan qaatay madaxweyne Saciid Deni oo sheegay inay iska xoreyn doonaan argagixisada, waxaana ka caawin doono howlgalladaas, qaar kamid ah saaxiibada caalamiga ah ee ka gacan siiyay ammaanka.

Horay Puntland ayaa uga digtay shacabka inay fogaadaan meelaha ay joogaan xubnaha Al-Shabaab iyo Daacish, si aysan waxyeelo uga soo gaariin beegsiga kooxahaasi.

Si kastaba, ciidamada Puntland iyo kooxaha hubeysan ayaa marar badan ku dagaalamay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, oo ay ku yaallaan godad waa wayn oo ay ku dhuumaaleystaan argagixisada, halkaas oo hadda la qorsheynayo in laga tirtiro kooxahaasi.

Axmed Madoobe oo khudbad xasaasi ah jeediyey, waqti koobana u qabtay ciidanka DF

0

Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha waaranka loo jaray ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Jimcihii khudbad xasaasi ah ka jeediyey gudaha Masjidka Madaxtooyada Kismaayo, wuxuuna si adag uga hadlay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn sheegay in qorshaha Ciidamada lagu geeyey deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose uu nasiib darro yahay, isagoo waqti u qabtay ciidankaas.

Wuxuu sheegay Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay heystaan fursad yar oo ciidamadaas ay dib ugu celi karaan halkii laga keenay, isagoo u qabtay 15 maalmood oo kaliya.

Axmed Madoobe ayaa ku goodiyey in wixii ka dhasha joogitaanka ciidankaas ee dhulka Jubbaland uu masuuliyadooda qaadi dooni Madaxweyne Xasan Sheekh, oo sida uu sheegay ah ninka ay sida rasmiga ah isku hayaan.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Xasan Sheekh ay is hayaan, balse uu adeegsanayo Xamsa oo uu ku tilmaamay wiil yar oo burburinta Jubbaland loo adeegsanayo.

“Ani ma baqo, mana qaato Guuno iyo Laaluush aan ciidayda iyo dadkayga kugumeeyo, wiilasha reer Jubbaland ee Xassan Sheekh mustacmalka u ah, iyaga waxba nagama dhaxeeyaan, isma hayno, dagaalna kuma qaadayno ee waxaan is haynaa waa Xasan Sheekh oo dalka 1991-kii ku celinaya,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu ka hadlay joogitaanka Kismaayo ee Senator Ilyaas Gaboose oo sheegtay madaxweynaha Jubbaland, isagoo sheegay in soo afjaridda ninkaas aysan wax badan ku qaada doonin.

“10 daqiiqo igu qaadan mayso in aan Ilyaas Gaboose soo afjaro, oo lagu yiri MW-naad tahay, Madaxweyne-nimada Seerar waayay miyuu heli Ilyaas, waxaan diidanahay in aan dhiig daadiyo maanta, balse haddii aysan kawaantoobi waayaan waan qaadanaynaa go’aamo qaraar, tan cidna uga cabsan mayno, amnigeedana gorgortan kama galayno,”  ayuu Axmed Madoobe ka sheegay Masjid ku yaalla Kismaayo.

Dagaal beeleed lagu hoobtay oo ka dhacay xadka Hiiraan iyo Sh/dhexe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal shalay ka dhacay xuduuda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyay labada maleeshiyo beeleed oo daga halkaasi.

Dagaalka oo soo gaaaray illaa gelinkii dambe ee Jimcihii ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceeldheere oo ku yaalla xadka ka qaybiya labada gobol ee HirShabelle.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalkan ay ku dhinteen in ka badan ill 10 qof oo isugu jiray dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah.

Xaaladda deegaanka ayaa weli aad u kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka labada beelood oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo kasii wada halkaasi.

Sidoo kale maleeshiyaadka ayaa weli wada isku hub aruursi, waxayna helayaan gurmadyo gaaraya jiidda hore ee dagaalka, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Cabsida ugu badan ee taagan ayaa ah inay mar kale dagaalami karaan labada dhinac, maadaama xaalad kacsanaan ah laga dareemayo xadka labada gobol.

Dadaallo nabadeed oo la sameeyay, si loo qaboojiyo xiisaddan ayaa guul darreystay, waxaana dib u qarxay dagaalkan oo saka ku haya muranka dhul ku yaalla halkaasi.

Dhowaan xildhibaannada Baarlamaanka ee kasoo jeeda ee HirShabelle ayaa si kulul uga hadlay colaaddan, waxayna baaq nabadeed u direen labada beelood, balse lama qaadan talooyinkooda iyo baaqa ay jeediyeen, waxaana weli sii daadana dhiigga xadka goboladaas.

Deegaannada maamulka HirShabelle waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada oo saameyn xooggan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Mucaaradka Syria oo qabsaday inta badan Xaleb

0

Xaleb (Caasimada Online) – Kaddib weerar lama filaan ah oo ay xoogagga mucaaridka Suuriya Jimcihi shalay ku qaadeen magaalada ugu weyn Suuriya ee Xaleb marki ugu horreysay tan iyo sannadki 2016-ki, ayay wararku sheegayaan in ay fallaagadu qabsatay qeyo ka mid ah magaalada.

Sida ay sheegeen kooxaha kor kala socda colaadda Suuriya iyo dagaalyahannada qaar, kumannaan ka mid ah maleeshiyaadka mucaaridka oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa dagaal culus uu ku dhex maray Xalab, kaddib marki ay cagta soo mariyeen oo ay soo qabsadeen deegaannada u dhaw Xaleb, kuwaas oo ay gacanta ku heysay dowladda Bashar Al Asad.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Rueters, dowladda Suuriya ayaa xirtay garoonka diyaaradaha ee Xaleb iyo waddooyinka waaweyn ee magaalada gala.

Kooxda weerarka qaadday ee Taxriir Al Shama ee aad uga soo horjeeda maamulka Bishar Al Asad, ayaa sheegtay in ay qabsadeen ilaa bartamaha Xalab.

Waa marki ugu horreysay ku dhawaad muddo 10 sano ah oo uu dagaal ka dhacayo magaalada Xalab, tan iyo marki ay ciidamada Dowladda Suuriya oo garab ka helaya Ruushka iyo Iran ay kooxaha mucaaradka ka qabsadeen sannadki 2016-ki.

Dagaalkan ayaa lagu tilmaamay mid uga sii darayo xaaladda gobolka Bariga Dhexe oo tan iyo sannadki hore ay dagaallo culys oo aad loogu hoobtay ay ka dhacayeen.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyada, mucaaridka ayaa taageero ka helaya dowladda Turkiga, halka dowladda Suuriya ay taageero

Daawo: DF oo Muqdisho ka soo dejisay maanta ciidankii ka goostay Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan ciidamada Jubaland ee ku soo biiray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta laga soo dejiyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidankaan ku soo dhaweeyey Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana loo gelbiyey goobihii loo qorsheeyey in la dejiyo ciidankaan.

Ciidamada Jubbaland oo sanado badan dagaal adag kula jiray Khawaarijta, isla markaana sheegay inuu heystay dayac iyo daryeel la’aan ay kala kulmayeen eedeysane Axmed Madoobe ayaa hadda dowladda Soomaaliya ka helay garab dowladnimo.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ciidankaan lagu darayo xoogga dalka, si halgankooda ay halkiisii uga sii wadaan una gutaan waajibaadka qaran ee horyaalla.

Dowladda Soomaaliya ayaa balan qaaday in ciidankaan la diiwaan-gelinayo oo la siinayo lambarro, mushaar iyo dalacsiinta ay mudan yihiin.

Sidoo kale Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ciidankaan maalmo kadib iyagoo heysta xuquuqdooda dib loogu celinayo deegaanadii ay ka howlgeli jireen ee Jubbaland, si ay u sii gutaan waajibaadkooda Qaran.

Ciidankaan ayaa muhiim u ah inay la wareegaan saldhigyada ay baneynayaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo dalka isaga baxaya dabayaaqada sanadkaan, sida ay go’aamisay dowladda Soomaaliya.

Hoos ka daawo

 

Xasan Sheekh oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey Madasha Caruusha ee EAC + Sawirro

0

Arusha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzaaniya kaga qeybgalay Madasha Heerka Sare ee Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madashaan ayaa lagu xusayaa sannad-guurada 25-aad ee aas-aaska urur goboleedka EAC.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray heerarkii kala duwanaa ee EAC ay soo martay, guulaha la gaaray iyo himilooyinka mustaqbalka ee ururka.

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo madashaan khudbad ka jeediyey ayaa si gaar ah u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah ururka.

Xasan Sheekh ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in la wajaho caqabadaha guud, lana dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida, loogana faa’iideysto fursadaha iyo awoodaha baaxadda leh ee gobolku leeyahay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda kobcinta dhaqaale oo waara iyo in la abuuro mustaqbal ifaya oo dan u ah dhammaan shucuubta ku nool Bariga Afrika.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Jimcihii maanta gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu uga qeybgalo shir muhiim ah oo u dhexeeya Madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ugu muhiimsan ururkaan, waana dalkii ugu dambeeyey ee ku biiray, ururkaan ayaa saameyn gaar ah yeeshay markii ay ku biirtay Soomaaliya, waxaana soo codsaday dalal kale oo doonaya inay ku biiraan.

Maxaad ka ogtahay sababaha Afghanistan ugu gacan gashay Taliban ee ka muuqda Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ashraf Ghani wuxuu sanadkii 2020 ku soo baxay doorasho qof iyo cod ah oo la isku haysto. Wuxuu ka talinayey 34 ta gobol ee dalka Afgaanistaan ah, wuxuu haystay 300 kun oo ciidan Afgaan ah, 10 kun oo Nato ah, iyo 18 kun shirkado amni ka tirsan.

Sanad kadib 2021, Taalibaan ayaa xukunkii dalka kala wareegtay?

Diblomaasi sare oo Ingiriis ah, Afgaanistaan iyo Soomaaliya ka soo shaqeeyey oo ka soo qaybgalay shir looga hadlayey amniga Geeska Afrika ee horaantii sanadkan Muqdisho lagu qabtay oo ka hadlayey sababaha keenay in sidaa deg-dega ah Taalibaan dalka ula wareegto ayaa sheegay;

1- Loollan, ficiltan iyo khilaaf aan dhammaan oo geesawaynta siyaasadda (political elite) u dhexeeyey, iyo iyagoo xuub caaro ku dhexnoolaa, kana go’naa waaqaca dhabta ah iyo silica shacabku ku noolyahay.

2- Musuq-maasuq, eex iyo maamul xumo baahsan, qabyaalad dhib badan oo aan dhammaad lahayn.

3- Siyaasadda dallaalnimada (deal making) ku dhisan oo siyaasigu meel loogu soo hagaago jirin, mowqif iyo mabda’ lahayn, taasoo u sahashay Taalibaan in ay siyaasiyiin, saraakill ciidan iyo madax maamul sare iibsadaan.

4- Isku halayn xad dhaaf ah iyo ku tiirsanaan ciidamada shisheeye. Saamaynta taban ee dowladaha deriska ah iyo xudduudaha dalka ee ballaqan.

5- Fallaagada oo dhaqaale xoggan soo galo, xiriir caalami ah leh, kuna adag aragtidooda, iyo iyagoo maamul kale ka dhinac dhisatay dowladda, gaar ahaan arrimaha garsoorka.

Madaxda federaalka iyo guud ahaan geesaweynta siyaasada Soomaaliyeed casharo ma ka barayaan arrinka, mise iyagoo hanti urursi, ka dan la’aan dadweyne iyo ajnabi u kala dacwoosho ku jira ayey ka dul dhici doontaa.

W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

DF oo warbixin la xiriirta qorshaha doorasho qof iyo cod la wadaagtay…

0

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS Amb. Ilyaas oo Qaahira uga qayb-galay shirka 40-aad ee wasiirrada cadaaladda carabta ayaa muhiim ah ka qaatay xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit.

Ambassador Ilyaas ayaa xoghayaha guud uga warbixiyay horumarka Soomaaliya ay ku tilaabsaneyso gaar ahaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulanka.

Ilyaas ayaa si gaar ah xoghayaha guud uga warbixiyay qorshaha doorasho qof iyo cod, isagoo u sheegay in baarlamaanku uu meel mariyay shuruucdii lagama maarmaanka u aheyd qabashada doorashada dadweynaha iyo guddiga doorashooyinka.

Ilyaas ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Jaamacadda Carabtu ay la garabtaagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada adag.

Sidoo kale wuxuu danjiruhu ka codsaday xoghayaha guud in ururka jaamacadda Carabtu sii wado taageerada, Soomaaliyana gacana laga siiyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Wasiiru-dowlaha cadaaladda iyo arimaha dastuurka XFS ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta Jaamacadda Carabta, ayna ka faa’iideysto khubarada iyo kaadiriinta Carabta si loo horumariyo nidaamka bahda cadaaladda Soomaaliya.

Sidoo kalena buu yiri lagu guuleysto dhameystirka dastuurka qabyada ah si waafaqsan halbeegyada caalamiga ah, xilli uu baarlamaanka Soomaaliya meel-mariyay cutubyo uu muran badan ka taagan yahay.

Xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankiisa bogaadiyay kobaca iyo horumarka ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso, wuxuuna adkeeyay iney ka go’antahay joogteynta dadaallada ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ku gaarayaan hadafyadooda mustaqbalka.

Xasan Sheekh oo maanta ka degay Arusha + Ujeedka (Sawirro)

0

Arusha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa halkaasi uga qeyb-galaya shir muhiim ah oo u dhexeeya madaxda dalalka ku bahoobay bulshada bariga Afrika ee EAC.

Madaxweyne Xasan ayaa jeedin doona khudbad uu madaxda iyo martisharafta kale uga warbixinayo dadaallada dawlad-dhiska, kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliyeed ee ku wajahan la-falgalidda ganacsi, waxbarasho iyo horumarineed ee bahdooda bariga Afrika.

Shirkan taariikhiga ah ayaa waxa ay madaxdu dib ugu milicsan doonaan waxqabadkii ay madashu gaartay intii ay jirtay, sidoo kalena waxa ay falanqeyn doonaan caqabadaha iyo fursadaha isdhex-galka gobalka.

Madaxda ayaa inta uu shirka socda waxay si gaar ah u dul istaagi doonaan arrimaha dhanka horumarinta xaaladaha dhaqan-dhaqaale iyo xaqiijinta amni iyo xasillooni waarta.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Arusha kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dhigiisa ah ee dalalka bariga Afrika ee EAC.

Shirkan uu ka qeyb-galayo madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli ururka bulshada bariga Afrika u dabaal-degayo sanad-guuradii 25-aad ee kasoo waregtay aas-aaskiisa.

Maxkamadda Sare ee Somaliland oo xaqiijisay guusha Cirro – Kadib maxaa xiga?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa Arbacadii si sharciyan ah ugu dhawaaqday in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro uu yahay musharaxa ku guuleystay madaxweynaha Somaliland ee 5-ta sano ee soo socota.

Maxkamadda ayaa ansixisay natiijadii kasoo baxday doorashada madaxtooyada, taasi oo todobaad ka hor ay usoo gudbiyeen guddiga doorashooyinka ee Somaliland.

Ciro iyo ku-xigeenkiisa ayaa musharaxa Kulmiye uga guuleystay ku dhowaad 200 kun, taas oo muujisay sida shacabka reer Somaliland uga soo taagmeen xukunka Muuse Biixi oo intii uu tallada hayay ku kacay gabood-falo sharci.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday natiijadii kaso baxday tartankii doorashada xisbiyada, oo ay kusoo baxeen Waddani, Kaah iyo Kulmiye.

Madaxweyne Ciro ayaa si rasmi ah xilka ula wareegi doona bartamaha bisha December, iyadoo natiijada doorashada uu horey u aqbalay madaxweynaha xilka ka degaya ee Muuse Biixi Cabdi.

Doorashadii 13-kii November ee ka dhacday Somaliland ayaa noqotay mid furan oo dunida dhan laga amaanay, iyadoo uu ka dhashay isbedel weyn, islamarkaana meel hoose la geeyey xisbigii dalka xukumi jiray ee Kulmiye.

Si kastaba, hoggaanka cusub ee Somaliland ayaa waxaa horyaalla arrimo badan oo kamid tahay dib u eegista heshiisyadii ay gashay xukuumaddii hore iyo wax ka qabashada xaaladda nololeed ee deegaanka oo gaartay halkii u hooseysay kadib sicir bararka xarka goostay.

DF oo shaacisay in ciidankii ugu badnaa ee Jubbaland uu ku biiray howl-galka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka maamulka Jubbaland ay intooda badan si rasmi ah ugu biireen howl-galka ka socda Jubbooyinka.

“Ciidanka maamulka Jubbaland ayaa intooda badan si rasmi ah ugu biiray hawlgallada ciidamada qalabka sida ee lagula dagaalamayo kooxaha Khawaarijta ee ku sugan degaanada Jubbooyinka,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Qoraalka ayaa waxa kale oo lagu sheegay in shacabka iyo ciidanka Jubbaland ee deegaanka Kulbiyow ay soo dhaweeyeen howl-gallada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan deegaanada maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale, shacabka ayaa taageero u muujiyay dowladda federaalka Soomaaliya,iyagoo ku eedeeyey eedeysane Axmed Madoobe in uu dayacay xuquuqda ciidamada iyo baahiyaha shacabka, sida lagu yiri qoraalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in deegaanka Raaskambooni uu ka bilowday howlgal rasmi ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ujeedkiisu yahay in dhammaan deegaanada Jubbaland laga xoreeyo kooxda.

Dowladda dhexe oo haatan si weyn isku hayaan maamulka Jubbaland oo uu hoggaaminayo Axmed Madoobe ayaa ciidamo horleh geysay deegaano kamid ah maamulkaas, iyadoo kala fur-furid ku wada ciidanka taabacsan Madoobe, kuwaas oo qaarkood ay kasoo goosteen, kuna biireen kuwa ciidanka qaranka ee ku sugan halkaasi.

Dowladda federaalka ayaa ciidanka Jubbaland ka ballan-qaaday in hadii ay ka soo tagaan Axmed Madoobe la siinayo mushaar, darajo iyo in la qarameynayo oo lagu darayo ciidanka xoogga dalka.

Qorshahan ay dowladda federaalka kusoo afjareyso maamulka sanadaha badan jiray ee Axmed Madoobe ayaa waxaa toos u hor boodaya ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana haatan dhanka gobolka Gedo ka socda abaabul kale oo xooggan.

La-taliye sare oo ka tirsan xafiiska R/W XAMZA oo is-casilay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha sare arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xafiiska ra’iisul wasaraha Soomaaliya, Shamsa Cabdulqadir Daahir ayaa shaacisay inay iska casishay xilkii.

Shamsa oo warqadeeda is-casilaada ku socodsiisay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxay ku sheegtay in casilaadeeda ay timid kadib markii ay aragtay cadaalad darro baahsan, ku takri fal awoodeed iyo far-gelin joogto ah.

“Anigoo ah Marwo Shamsa Cabdulqadir Daahir, ahna la-taliyaha sare arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xafiiska ra’iisul wasaraha, waxaan halkaan ku caddaynayaa in aan si rasmi ah iskaga casilay xilkii aan ka hayay xafiiska, kadib markii aan arkay caddaalad darro baahsan, ku takri fal awoodeed iyo faro galin joogta ah, duudsiin xuquuq iyo caburin shaqo oo la xiriirta shaqadii la ii igmaday,” ayey Shamsa ku tiri warqadeeda is-casilaada.

Shamsa ayaa sidoo kale waxay sheegtay in deegaanka ay kasoo jeedo ee Jubbaland lagu hayo beegsi, islamarkaana lagu dulmiyay xuquuqdeedii shaqo ee dastuuriga aheyd.

“Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadkii aan wada shaqaynay ee sida niyad samida ah iila shaqeeyay inta aan xafiiska joogay,” ayey tiri Shamsa oo aheyd la-taliye sare oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.

Shamsa oo qeyb ka noqoneysa masuuliyiinta kasoo jeeda Jubbaland ee iska casilay xukuumadda federaalka, ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay u dulqaadan weyday beegsiga sida gaarka loogu haayo bulshada maamulka Jubbaland oo ay sheegtay in si sharci daro fara-galin ugu heyso xukuumadda.

Dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ayaa kala furtay kadib markii xukuumadda federaalka ay si adag uga hortimid dib u doorashada Axmed Madoobe, iyadoo waaran soo qabasha ahna u jartay Madoobe, kadib markii ay ku eedeysay fal-dambiyeedyo kamid yihiin khiyaano qaran.

Kadib waarankii maxkamadda, DF oo INTERPOL u gudbisay codsi ka dhan ah A/Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan waaran soo qabasho u jartay Axmed Madoobe, ayaa haatana codsi u dirtay hay’adda Interpol.

Codsiga dowladda federaalka ayaa ku saabsan soo saarista digniin caalami ah (Red Notice) oo ka dhan ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Dowladda federaalka ayaa horey Axmed Madoobe ugu eedeysay khiyaano qaran iyo la shaqeynta dowlado shisheeye, taas oo ay u dheertahay carqaladeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, sida ku qoran eedda dowladda u jeedisay Madoobe.

Red Notice-ka oo Interpol ay soo saarto waa codsi caalami ah oo ku saabsan qabashada qof loo haysto dacwad, balse ma ahan amar xabsi ah oo toos ah, xilli maxkamadda gobolka Banaadir ay u jartay Axmed Madoobe waaran soo qabasho, oo lagu horkeenayo maxkamadda.

Dalabka dowladda federaalka ee Interpol ayaa wuxuu qeyb ka yahay taageero caalami ah oo dowladda u raadineyso soo qabashada Axmed Madoobe ama si loo horgeeyo cadaalad, maadaama ay u jeedisay eedeymo culus oo kamid yihiin “khiyaano qaran”.

Codsigan ayaa sidoo kale u muuqda mid ay dowladda ku dooneysa in Axmed Madoobe lagu qabto dal kasta oo xubno ka ah Interpol, si ugu dambeynta loogu soo gacan geliyo.

Si kastaba, xiisadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa cirka isku shareertay kadib markii uu Axmed Madoobe mar saddexaad qabsaday doorasho uu kusoo baxay, waxaana laga cabsi qabaa inay dagaal toos ah isku rogto xiisaddu, maadaama deegaano ka tirsan maamulka ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan labada dhinac.

DF oo taageero muhiim ah ka heshay shir ka dhacay Qaahira + Sawirro

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar uga qeyb-gashay shirka 40-aad ee wasiirrada cadaaladda dalalka Carabta, kaas oo taageero cusub ka heshay dowladda Soomaaliya.

Shirna oo Soomaaliya uu ku metalayay wasiiru-dowlaha cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa waxaa looga hadlay ajandayaal ay kamid yihiin iskaashiga cadaaladda iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa, argagaxisada, ka ganacsiga dadka iyo burcadda Internet-ka.

Danjire Ilyaas ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka waxuu uga warbixiyay horumarka baaxadda leh ee ay ku tillaabsaneyso bahda cadaaladda Soomaaliya.

Waxa uu golaha wasiirrada ka codsaday in Soomaaliya lagu taageero dadaalka ay ugu jirto dib-u-habeynta socota ee qeybta cadaalladda dalka, taas oo haatan mareysa meel wanaagsan.

Golaha ayaa si wadajir ah u taageeray codsiga Soomaaliya waxaana la isku raacay in Soomaaliya lagu garab istaago dib-u-habeynta cadaaladda iyo garsoorka iyo fulinta istaraatiijiyadda bahda cadaaladda ee dhawaan ay bahda cadaaladdu sameysatay.

Tan ayaa saldhig iyo aas-aas u noqoneysa horumar ballaaran oo Soomaaliya ay ku tilaabsato, gaar ahaan dhanka cadaaladda iyo garsoorka.

Intii uu shirkani socday waxaa sidoo kale Soomaaliya ay markii ugu horreysay xubin ku yeelatay guddiga sare ee xarunta carabta ee sharciga iyo cilmi-baarista garsoorka.

Xaruntaan ayaa waxaa lagu aas-aasay go’aan kasoo baxay shirkii ugu horreeyay ee wasiirrada cadaaladda carabta ee sanadkii 1980.

Xaruntaan oo ka shaqeysa dejinta sharciyada iyo horumarinta garsoorka, ayaa xubinnimada ay Soomaaliya ka heshay golaha sare waxey qeyb weyn ka qaadaneysaa horumarinta bahda cadaaladda Soomaaliyeed.

Maxaanad ogeyn oo ka dhacay BAARLAMAANKA Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ah kuwo ka duwan shacabka caadiga marka ay timaado habka loo marayo in dacwad lagu soo oogo. Si loo ilaaliyo shaqadooda iyagoon cidna ka baqeyn ayaa loo sameeyay in aan la xiri karin.

Inta badan waxa ugu muhiimsan awoodda ay leeyihiin waa in ay si xor ah u hadlaan taas oo loo arko in ay tahay mid keeneysa wanaag. Waxyaabaha kale inta badan xildhibanada adduunka la sheego in ay ku muteysteen waxaa ka mid ah in madaxbannaanidooda aysan ku imaan faragelin bannaanka ah.

Xildhibaanada Soomaaliya waxay la mid yihiin kuwa adduunka, waxayna leeyihiin xasaanad ay ku shaqeeyaan si ay howlahooda welwel la’aan u gutaan.

Hadaba xasaanadda xildhibaanada intee ayey gaarsiisan tahay?

Baarlamaanada aduunka way kala duwan yihiin. Dal walba sharcigiisa iyo xeerarkiisa ayuu ku dhaqaa xildhibaanada.

Sida uu dhigayo dastuurka Soomaaliya xildhibaanku waa in aysan dhibaato ka soo gaarin fakarkiisa.

“Xildhibaanka Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisa”.

Sidoo kale dastuurka Soomaaliya waxa uu sheegayaa in aan xildhibaanka lagu qaadi karin dacwad ciqaabeed ama aan la xiri karin oo aan la baari karin hadaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ah in la soo saaro maxkamad.

Arrimahasi oo dhan waxay muujinayaan in xildhibaanka si weyn looga ilaaliyay in aan si fudud loo ciqaabi karin.

Dhacdadii shalay ee Baarlamaanka
Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu arkay xildhibaano taagan meel aan ka fogeyn guddoonka oo qaylinaya iyo buuq ka jira gudaha baarlamaanka.

Askar ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa sidoo kale iyagoo gacmaha is haysta celinayay in ay dhaafaan xildhibaanada. Askarta booliska ayaa xildhibaanada ka hortaagnaa in ay dhaafaan oo u gudbaan kuraasta guddoonka.

Waxaa kaloo lagu arkay muuqaallada baraha bulshada la soo dhigay askari ka tirsan booliska oo feer lagu dhuftay. Askariga ayaan gacan qaadin, siina watay howshiisa. Ugu dambeyn askariga waxaa soo gaaray dhawac keenay in la dhigo isbitaalka.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sarkaalkaas booliska ku booqday isbitaalka waxay ka hadleen aragtidooda sidii ay wax u dhaceen.

Senetor Cabduweli Ibraahim Aaden Garyare ayaa ku ammaanay sida askariga booliska isku xakameeyay, wuxuuna sheegay in ay tahay wax lagu farxo sida uu u dhaqmay sarkaalkaas.

“Arintan waxay keeneysaa in uu hormuud u noqdo askarta kale oo ay ku daydaan”.

Xildhibannada hadlay ayaa sheegay in aysan aheyn in la siyaasadeeyo oo si hoose loo xaliyo arrintan.

“Hadii dhaqanka Soomaalinimada ee sida hoose wax lagu xaliyo la maro, waxay keeneysaa in baarlamaanka sidan ahaado, dalkana uusan hagaagin”. ayey tiri xildhibaan Farxiyo Muumin oo ka mid aheyd xildhibaanada isbitaalka ku booqday askariga.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay wax laga xumaado askariga oo taagan oo aan waxba geysan in gacan loo qaado.

In xildhibaanada ay gacan qaadaan ma ahan wax ku cusub baarlamaanka Soomaaliya. Dhexdooda hore ayey u dagaallameen.

Xildhibaan Maxamad Cabdillahi Xasan Nuux ayaa sheegay in ay jiraan dhacdooyin tan la mid ah oo hore u dhacay balse aysan heerkaan gaarsiisneyn.

“Waxaa jiray qaar kale oo xildhibaanada baarlamaanka wax u geysteen oo ay dhaawaceen, laakiin ninkan isbitaalka ku jira, walaalkeen Axmed, waa kii ugu darnaa”

Xildhibaan Nuux wuxuu sheegay in aysan suuragal ahey in intaad qof gacantaada ku disho haddana aad tiraahdo ‘xasaanad ayaan leeyahay ama maxaa igama galay'”.

Baarlamaanka ayaa shalay xilliga uu buuqa dhacay ansixiyey guddiga dorashooyinka iyo xuduudaha, waxayna sidoo kale arrintan ku soo aadday ayadoo maxkamadda gobolka Banaadir ay soo saartay ruqsad lagu soo qabanayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Ilaa hadda ma jirto cid loo qabatay falkaas.

Isha: BBC

Maxkamadda gobolka oo Nuurto Cabdulle ku wareejisay guri xoog looga haystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyn fulisay xukun ay kasoo saartay guri muddo 9 sano ah xoog looga haystay Marwo Nuurto Cabdulle Sabriye oo deggan Muqdisho, kaas oo dacwaddiisu ay soo martay heer kala duwan.

Gurigan ayaa waxaa degannaa sarkaal tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Jeneraal Maxamuud Maxamed Macallin (Koronto), kaas oo ay maxkamaddu sheegtay inuu hor imaan waayey, kadibna isaga oo maqane ah laga xukumay dhulka.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Dabbaan oo dhulkan wareejiyay ayaa sheegay in loo xukumay Nuurto Cabdulle Sabriye, isla-markaana ay xaqiijiyeen dukumintiyada ay keensatay, sidaas darteedna ay leedahay milkiyadda dhulkaasi.

“Maxkamadda gobolka Banaadir waxaa kasoo baxay xukun loogu xakumay Nuurto inay milkiyadda gurigaan leedahay, kadib markii la hubiyay dhammaan dukumintiyada ay u wadato dhulkan iyo habraacyadii uu soo maray,” ayuu yiri guddoomie Saalax Dabbaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale si rasmi ah u wareejiyay dhulkan, wuxuuna tilmaamay in maxkamadda ay tallaabo ka qaadi doonto ciddii u timaada Nuurto ee ku qabsata gurigeeda.

“Waxaan rabaa dhulka inaan ku wareejiyo wakiilka Nuurto Cabdulle Sabriye, waxaan rabaa inaan kuu sheego maanta wixii ka dmabeeyo dhulkan adigaa leh ciddii kuu timaada oo ku qash-qashaadda maxkamadda imow iyadaa tallaabo qabaneyso,” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale wuxuu intaas sii raaciyay “Maanta wixii ka dambeeyo waad ku tasarufi kartaa, waa gadan kartaa, waa kireysan kartaa, waa dhisan kartaa, adaana xor u ah.”

Ugu dambeyn wakiilka Marwo Nuurto Cabdulle Sabriye oo la wareegay dhulka ayaa u mahad-celiyay maxkamadda gobolka iyo booliska oo si wadajir ah tallaabadii ugu habooneyd u qaaday, isla-markaana usoo celiyay gurigooda oo muddo dheer xoog looga haystay.

Sawirro: Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka 46-aad ee golaha wasiirada EAC

0

Arusha (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa Soomaaliya ku matalay shirkii caadiga ahaa ee 46-aad ee golaha wasiirada dalalka xubnaha ka ah bulshada bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray arrimaha gobolka oo ay ka mid yihiin ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isu socodka xorta ah ee badeecadaha iyo dadka, nabadda iyo amniga.

Wada-hadalladan ayaa ah kuwo muhiim u ah xoojinta isdhex-galka iyo kobcinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah bulshada bariga Afrika ee EAC.

Shirka golaha wasiirada (EAC) ayaa waxa uu gogol xaar u yahay shir madaxeedka 24-aad ee caadiga ah ee madaxda waddamada bariga Afrika iyo munaasabad heer sare ah oo loogu dabaal dagayo sanad-guurada 25-aad ee EAC.

Ka qayb-galka firfircoon ee Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida ay uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka iyo hammigeeda ku aadan inay si rasmi ah ugu biirto EAC.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-geli doona shirka madaxda dowlad-goboleedyada, isagoo dib u xaqiijinaya in Soomaaliya ay la jaan-qaadi doonto hiigsiga bariga Afrika oo midaysan oo barwaaqo ah.

Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada bariga Afrika daba-yaqada sanadkii hore ee 2023, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, iyadoo haatan xubin firfircoon ka ah EAC.